Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiiru dowlaha amniga xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo guddoomiyay Kulan looga hadlayay Amniga oo ay ka qeyb galeen Hay’adaha Amaanka dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta amniga iyo hirgelinta xeerka xakameynta Hubka Caasimada ee dhawaan ay soo saartay dowladdu, waxaana madasha ka hadalay mas’uuliyiin dhowr oo tilmamay muhiimadiisa. Kulanka ayaa warbixino looga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada isku dhafka ah ee Howlgalka Ciiltire sida, Boliiska, Nabadsugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa Ciidanka Amaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaabka ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa lasoo warinayaa inay hubkoodii ku wareejiyeen odayaasha dhaqanka ee degmadaasi, kahor duulaanka xooggan ee ciidamada dowladda ee ku wajahan Ceelbuur. Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in Shabaab-ka ku sugan Ceelbuur ay go’aankaasi qaateen kadib markii lagu go’aamiyay in hubkooda wareejiyaan kulan ay kooxda iyo odayaasha deegaanka ku yeesheen gudaha degmadaasi. Warbixinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Ceelbuur lagu amray inay shacabka ku dhex milmaan, halka horjoogayaasha sarena ay iskaga baxayaan deegaanka inta uusan soo gaarin duulaanka ciidamada huwanta ee iskaashanaya. Warbixintan ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in kooxda Al-Shabaab ay ugu dambeyntii go’aankaas qaateen kadib markii culays uga yimid ciidamada dowladda federaalka, kuwa Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ee ku wajahan Ceelbuur, si ay uga saaraan kooxda. Marka laga imaado warbixinta dowladda ay sii deysay, waxaa maalmihii u dambeeyay ay kooxdu isku aruursaneysay degmada Ceelbuur, halkaasi oo ay uga arrinsanayeen doodda ku saabsan in Ceelbuur ku dagaalamaan iyo inay ka baxaan, kaasi oo markii hore khilaaf ka dhex abuuray xubnaha kooxda. Hase yeeshe, waxaa hadda muuqata in ugu dambeyntii ay kooxdu go’aansatay inay ciidamada iskaashanaya ee duulaanka kusoo ah aysan kula dagaalamin gudaha degmada, xilli ay ciidanka dowladda dhowr jiho kaga soo socdaan Ceelbuur. Arrimaha niyad-jabiyay Al-Shabaab ee ku riixay go’aankan ayaa la sheegay inay kamid yihiin guuxa dadka deegaanka oo lasoo wariyay inay ka gaabsadeen in kooxda la fal-galaan waayahan dambe ama siiyaan ballan-qaad ah in dagaalka ay la gali doonaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa Ceelbuur ka talineysay tobankii sano ee udambeysay, waxayna mudadaas la kulan degmadan taariikhiga ah dib u dhac weyn. Xilligaan waa bartilmaameedka ugu weyn wejiga labaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso gobollada dhexe ee dalka. The post Shabaab-ka ku sugan CEELBUUR oo qaaday tallaabo kahor duulaanka ku wajahan appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa fulinta qorshe xasilin, kaasi oo la sheegay inay u raadineyso kharash gaaraya 300 Milyan oo doollar. Qorshahan oo wejigiisa hore uu billowday ayaa waxa uu ku qotoma in gargaar la gaarsiiyo deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kadibna loo sii gudbo dib u soo celinta adeegii dowladnimo ee sanadaha badan ka maqnaa dhulkaasi. Sida laga soo xigtay Majaladda Financial Times, bartilmaameedka mustaqbalka qorshahan ayaa ah in dib loo yagleelo adeegyada muhiimka ah sida; caafimaadka iyo waxbarashada deegaanada la xoreeyay. Lacagta ay dowladda u raadineyso mashruucan ayaa waxa uu qorshuhu yahay in barnaamijkan lagu bixiyo saddexda sano ee soo socota, sida laga soo xigtey warbixinta Financial Times oo lagu wareystay masuuliyiin kala duwan. Deeq-bixiyayaasha reer galbeedka ayaa waxaa lagu wadaa inay qeyb ahaan bixiyaan lacagtaan, inta kale waxaa la filayaa in Soomaaliya ay la timaado, deyn ahaan ama dhakhli gudaha ka yimaada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay tahay caqabada ugu weyn ee hortaagan in dowladda ay hesho dakhli ku filan, maadaama ay dhankeeda kooxdu qaado lacago baad ah oo sanado badan ku tamarineysay. “Dowladdu ma haysato dakhli ku filan. Sababtuna waa Al-Shabaab darteed, dalka ma wada gaari karto dowladdu. Marka la xoreeyo dalka waxaa jiri doona meel banaan oo dowladdu ay dakhli ku aruurin karto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha iyo dowladdiisa ayaa diiradda saaraya sidii loo heli lahaa deyn cafis kahor inta dalka uusan qaadan deyn cusub oo uu horey ugu sheegay inay gaari karto boqolaal bilyan, si ay Soomaaliya u gaarto isku filnaansho dhaqaale. Qorshaha ugu weyn ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay xilligaan ku howlan tahay ayaa ah sidii uu sanadkaan uga takhalusi lahaa kooxda Al-Shabaab. Hase ahaatee, khuburada amniga ayaa waxay qabaan inay adkaan doonto ka dhabeynta arrintaan muddadaasi kooban, iyada oo xusid mudan tahay in weli kooxdu ay helayso dhaqaalihii ay hore u qaadi jirtay, inkasta oo dowladda ay ku faantay inay wiiqday inta badan dakhliga ay kooxdu ka heli jirtay ganacsatada Muqdisho. The post DF oo wadda qorshe $300 milyan ah oo degaanada laga saaray Al-Shabaab la xiriira appeared first on Caasimada Online.
  4. Militariga Sudan ayaa maanta beeniyey in ay ka war hayaan xabbad-joojin 24 saac ah, kadib markii madaxa ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo uu xaqiijiyey inuu ogolaaday xabbad-joojinta sida ay sheegta VOA-da. “Waxaan galnay marxalad xasaasi ah, waxaana dadaalkeenu uu diiradda saarayaa sidii loogu guuleysan lahaa hadafyada heerka howlgal,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga kadib maalmo ay dagaallo dhex-marayeen ayaga iyo ciidamada Dacmu Sariic. Jeneraal Xamdaan, oo sidoo kale loo yaqana Xamedti, ayaa goor hore sheegay inuu ogolaaday xabbad-joojin 24 saac ah si loo ogolaado marin nabdoon oo ay helaan shacabka loona daad-gureeyo dhaawaca. Xamedti ayaa intaas ku daray in ciidamada militariga ay ku guul-darreysteen inay ixtiraamaan xabbad-joojinta, ayna duqeeyaan goobo ay shacabka ku badan yihiin islamarkaana halis geliyeen nolosha rayidka. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka ka socda dalka Sudan appeared first on Puntland Post.
  5. Boqortooyada UK ayaa Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, Michael Nithavrianakis wuxuu beddeleyaa haweynadii Kate Foster, isaga oo xilka la wareegaya bisha Maay. Waa diblumaasi sare oo 12 sanno u shaqaynayey dalkiisa, balse waa markii u horraysay ee uu noqonayo Danjire, wuxuu hadda ahaa Qunsulka Guud iyo Agaasimaha Ganacsiga Safaaradda UK ee Milan ee Talyaaniga. Pakistan, Afgaanistaan,Sucuudi Careebiya, Gaana iyo Guriigga ayuu sidoo kale ka soo shaqeeyey. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga oo ay ka qeyb galeen hay’adaha kala duwan ee amaanka dalka iyo maamulka gobolka Banaadir. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amniga iyo hirgelinta xeerka xakameynta hubka caasimada ee dhawaan ay soo saartay dowladda, kaasi oo ay dowladda ku mamnuucday in hubka cul-culus lagu dhex wato gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Sidoo kale waxaa kulankaan warbixino looga dhageystay taliyeyaasha ciidamada isku dhafka ah ee howl-galka Ciiltire-sida, Boliiska, Nabad-sugidda gobolka Banaadir. Kulankan amni ee ka qeyb-galeen taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidanka ayaa waxa kale oo warbixin looga dhageystay Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa ciidanka amaanka. Ugu dambeyntiina waxaa la iskula qaatay kulankaan dardar-galinta sugida amniga Muqdisho, xilli ay si habsami leh caasimadda uga socoto diyaar-garowga munaasabada Ciidul Fidriga oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin. Kulankaan ayaa imanaya xilli ay caasimadda si rasmi ah looga dhaqan-gelinayo amarkii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxauud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka culus noocyadiisa kala duwan. Masuuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta kale ayaa dhawaan lagu wargeliyay inay hub culus ku dhex wadan karin caasimadda, halka ciidamada kala duwan ee magaalada ku dhex wata hubka la faray inay uga soo tagaan xeryahooda. Si kasta, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka bilaabay degmooyinka gobolka Banaadir. The post Sawirro: Taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidanka oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Khartuum (Caasimada Online) – Militariga Sudan ayaa maanta beeniyey inay ka war hayaan xabbad-joojin 24 saac ah, kadib markii madaxa ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo uu xaqiijiyey inuu ogolaaday xabbad-joojinta. “Waxaan galnay marxalad xasaasi ah, waxaana dadaalkeenu uu diiradda saarayaa sidii loogu guuleysan lahaa hadafyada heerka howlgal,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga kadib maalmo ay isku dhacyo dhex-marayeen ayaga iyo ciidamada Dacmu Sariic. Jeneraal Xamdaan oo sidoo kale loo yaqana Xamedti ayaa goor hore sheegay inuu ogolaaday xabbad-joojin 24 saac ah si loo ogolaado marin nabdoon oo ay helaan shacabka loona daad-gureeyo dhaawaca. Xamedti ayaa intaas ku daray in ciidamada militariga ay ku guul-darreysteen inay ixtiraamaan xabbad-joojinta, ayna duqeeyaan goobo ay shacabka ku badan yihiin islamarkaana halis geliyeen nolosha rayidka. “Waxaan wada-hadallo dheeraad ah ka sugeynaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, kuwaas oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo xadgudubyadan,” ayuu yiri. Goor sii horreysay oo maanta ah, wasiirada arrimaha dibedda dalalka G7 ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sudan inay si deg deg ah usoo afjaraan coladda, kuna laabtaan wada-hadallada kadib maalmo ay socdeen dagaallo ay ku dhinteen ku dhowaad 200, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,800. Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal oo xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaas oo kala madaxa ciidamada Sudan Cabdifataax al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xamdan Daglo oo hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic. “Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada inay deg deg u joojiyaan colaadaha shuruud la’aan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kulanka wasiirada arrmaha dibedda G7 oo ku shiraya dalka Japan. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu la hadlay labada Jeneraal, hoostana ka xariiqay baahida deg-degga ah ee loo qabo xabbad-joojin. “Nolosha rayid badan ayaa mar hore luntay,” ayuu Blinken soo tweet-gareeyey, isaga oo intaas ku daray inuu “adkeeyey muhiimadda in la xaqiijiyo badqabka shaqaalaha diblomaasiyadda iyo kuwa gargaarka.” Blinken ayaa sidoo kale xaqiijiyey in kolonyada diblomaasiyiinta Mareykanka la rasaaseeyey Isniintii, inkasta oo dadkii la socday aanay waxba gaarin, isaga oo ugu yeeray ficil aan laga fiirsan. REUTERS, AFP, VOA The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka SUDAN iyo war kasoo baxay Jeneral Xamdaan appeared first on Caasimada Online.
  8. Doha (Caasimada Online) – Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku guda jira hanaan ay dib ugu soo celinayaan xiriirka diblomaasi kuna furayaan safaaradaha, waxaa sidaas sheegay saraakiil xog ogaal ah. Arrintan ayaa imaneysa in ka badan laba sano kadib markii dhowr dal oo Carbeed ay soo geba-gebeeyeen qaadacaad iyo go’doomin ay ku hayeen Doha. “Xilligan, billaabidda xiriirka diblomaasi, oo ay ku jiri doonto dib u furista safaaradaha, waa ay ku guda jiraan labada dal,” waxaa sidaas sheegay sarkaal Imaaraati ah oo ka jawaabay su’aal ay waydiisay wakaaladda wararka Reuters. Sarkaal kale ayaa sheegay in safaaradaha dib loo furi doono, islamarkaana safiirada ay tegi doonaan xafiisyadooda ugu dambeyn bartamaha bisha June. Ilo-wareed saddexaad ayaa sheegay in xiriirka diblomaasi si buuxda dib loogu soo celin doono toddobaadyo gudahood. Dib usoo celinta xiriirka ayaa kusoo beegmaysa ayada oo uu jiro dadaal gobolleed ballaaraan oo dib u heshiisiin, kadib markii Iran iyo Sacuudi Carabiya ay bishii tagtay isku raaceen inay dib u billaabaan xiriirkooda kadib sanado cadaawad ah. Dhowr dal oo Carbeed, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya iyo Masar, ayaa sidoo kale u dhaqaaqay inay soo afjaraan in ka badan 10 sano oo go’doomin lagu hayey Syria kadib dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka billowday 2011. Dalka Yemen, Xuutiyiinta iyo Sacuudi Carabiya ayaa yeeshay wareeg wada-hadallo ah toddobaadkan, ayaga oo is-dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah, taasi oo loo arko tallaabo nabad dhisid oo muhiim u ah mid ka mid ah dagaallada maldahan ee u dhaxeeya Iran iyo Sacuudi Carabiya. Bartamihii 2017, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar, ayaa xiriirka u jaray Qatar ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto argagixisada, ayna u dhowdahay Iran, eedeymahaas oo Doha ay beenisay. Riyadh iyo Qaahira ayaa ahaa kuwii ugu horreeyey ee dib safiiro ugu magacaaba Doha 2021-kii kadib markii heshiis uu hoggaaminayey Sacuudiga lagu soo afjaray khilaafka, halka Bahrain ay toddobaadkii tegay ku dhowaaqday inay dib usoo celineyso xiriirka diblomaasi. Dhammaan dalalka, marka laga reebo Bahrain, ayaa sidoo kale dib usoo celiyey xiriirka ganacsi iyo kan safar ee Qatar, 2021-kii, halka Imaaraadka Carabta ay tusmeeyeen in soo celinta xiriirka diblomaasi uu waqti qaadan doono. Xiriirka Imaaraadka iyo Qatar ayaa soo hagaagay sanadkii tegay, islamarkaana hoggaamiyayaasha labada dal ayaa u kulmay si weji-ka-weji ah. “Siyaadadda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta waxay diiradda saareysa dhisidda isu soo dhowaansho, iskaashi dhaqaale iyo qaboojinta xiisadda gobolka,” waxaa sidaas yiri sarkaal Imaaraati ah oo codsaday inaan la magacaabin. Sarkaal kale oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in bishii tagtay saraakiisha Qatar iyo Imaaraadka ay isku raaceen inay dib usoo celiyaan xiriirka diblomaasi, islamarkaana Abu Dhabi ay ku wargelisay Doha qofka uu noqon doono safiirkeeda. Qatar weli sidaas oo kale ma sameyn. Wasaaradda arrimaha dibedda Qatar, oo ay la xiriirtay Reuters, waa ay diiday inay arrintan ka hadasho. The post Isbeddel cusub oo ku yimid xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Qatar – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  9. Mogadishu (HOL) - Somali Health Ministry and the British Embassy signed a memorandum of understanding (MoU) on Monday for a health project to enhance maternal and child health services. Source: Hiiraan Online
  10. Wasaaradda Qorshaynta Puntland ayaa ruqsadii Shaqada kala laabatay Hay’adda Sadar Development And Resilience Institute. Wasaaradda ayaa Hay’addaas ku eedaysay in ay ku xad gudubtay xeerka ururada Samafalka aan dowliga ahayn balse faahfaahin intaa dhaafsiisan ma bixin. Sidoo kale Wasaaradda Qorshaynta Puntland ayaa NGO-yada iyo Hay’adaha ka howla gala gudaha Puntland uga Digtay in ay baal maraan xeerka ururada samafalka aan dowliga ahayn. PUNTLAND POST The post Puntland oo ruqsadii shaqo kala laabatay hay’ad maxalli ah appeared first on Puntland Post.
  11. Dowladda Ingiriiska ayaa Michael Nithavrianakis u magacowday Safiirkeeda cusub ee Soomaaliya. Waxaa lagu beddelay oo uu xafiiska kala wareegayaa Ms Kate Foster oo ahayd safiirkii boqortooyada UK u fadhiyay Soomaaliya. Mr Nithavrianakis waxa shaqada xafiiska qabsan doonaa inta lagu jiro bisha May 2023. Safiirka cusub ayaa shaqooyin kala duwan oo diblumaasiyadeed kasoo qabtay dalal kala duwan oo ay kamid yihiin Pakistan, Ghana, Sacuudiga Carabiya, Talyaaniga, Giriiga iyo kuwa kale. Shaqadii ugu dambeysay ee uu hayay waxay ahayd xafiiska shaqaalaha ee Qunsulka Guud & Agaasimaha Ganacsiga & Maalgashiga ee magaalada Milan ee dalka Italy. Source
  12. Washington (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ku sugan magaalada Washington ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadanimo ee dalka, kadib wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in weli Soomaaliya ay ku jiraan xaalado adag oo ka dhashay fatahaado iyo abaaro xoogan oo soo laa kaabtay. “Suura gal maahan in 30 sano aan ku jirno fatahaad iyo abaar dhexdeeda, adduunkane uu nagu sheegto in uu nagu baxshay balaayiin dollar.” ayuu wareysigaan ku yiri ergeygu. Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay halka ay ku baxaan dhaqaalaha tirada badan ee ay magaca Soomaaliya kusoo qaataan hay’adaha samafalka ee ka howlgala gudaha waddanka. “12-kii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya $8 Bilyan ayaa ku baxday oo mucaawino ah, weli abaarta way taagan tahay, sanadkii hore $1.4 Bilyan ayaa dalbatay, haddane $2.8 Bilyan ayaa dalbanaysaa, dhibaatada way sii kordheysaa ee dhaqaalaha xaguu aadaa?” ayuu sii raaciyay. Warsame ayaa xusay in haatan dowladda federaalka iyo beesha caalamka ay ku wada heshiiyeen inay sameeyaan isla xisaabtan dhab ah, si meesha looga saaro la socosho la’aanta hay’adaha samafalka. “Soomaaliya lama xisaabtanto Hay’adaha ka shaqeeya Samafalka iyo gargaarka, mudnaanta ay u baahan tahay miiska looma saaro.” ayuu markale yiri CC Warsame. Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Dowladda Soomaaliya waxaa ka saari kara gacan hoorsiga iyo in ay ku tiirsanaanto ajnabi waa isla xisaabtan la’aan, sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan, dadkii la xisaabtami lahaa shaqooyinka la xiriira in la xijiyo”. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaaladdii ugu darneyd ee dhanka bani’aadanimada, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira dalka, kadib markii ay baaqdeen shan xilli roobaad oo la filayay. The post DF iyo beesha caalamka oo ku heshiiyay hal qodob xilli su’aal laga keenay $8 bilyan… appeared first on Caasimada Online.
  13. Dhawaqa rasaasta ayaa weli laga maqlayaa magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan, inkastoo ay sii kordhayaan cadaadiska lagu hayo kooxaha kasoo horjeeda, taasoo ah inay dagaalka joojiyaan. Hala Y Alkarib oo u ololaysa cadaaladda iyo dimuquraadiyadda ee Khartoum, ayaa u sheegtay barnaamijka Newsday ee BBC-da in ay wali maqlayso dhawaqa madaafiicda aadka u culus ee hareeraheeda ka dhacaysa. “Ma jirto meel la aado, sababtoo ah waxaa ka khatarsan in la baxo, mana jiraan waddooyin ammaan ah,” ayay tiri, iyadoo raacisay in xaaladda Khartoum ay “aad u sii xumaanayso”. Ciidamada Suudaan iyo koox dabley ah oo lagu magacaabo (RSF), ayaa lagu soo waramayaa inay weli ku jiraan dagaal xooggan, oo ay ku doonayaan inay ku maamulaan xarumaha militariga ee caasimadda. TV-ga Al-Carabiya, ayaa soo sheegay dhawaqa “qaraxyo iyo rasaas culus” oo ka dhacaya agagaarka taliska guud Talaadadii. Dagaal ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartoum, iyo meelo kale oo ka tirsan Omdurman iyo Khartoum dhankeeda Bahri. Labada dhinac ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan taliska ciidanka xoogga dalka, iyo sidoo kale garoonka diyaaradaha ee weyn. Waxaa jiray baaqyo dhowr ah oo caalami ah oo ku aaddan joojinta dagaalka – kaasoo hadda galay maalintiisii ​​afraad oo sababay dhimashada ku dhawaad​​ 200 oo qof Source
  14. War qoraal ah oo ka soo baxay aqalka madaxtooyada Ruushka, ayaa lagu shaaciyay in Vladimir Putin uu safar ku tagay goobihii uu dalka Ukraine, kaasoo uu dagaal kula jiro. Sawirrada socdaalka Mr. Putin, ayaa la baahiyey, balse lama oga xilliga uu halkaasi safarka ku tagay. Sida lagu sheegay baahinta Aqalka Kremlin-ka, Mr. Putin, ayaa waxa uu safarka ku tagay qaybo ka mid ah gobolka Kherson. Gobolka Kherson ayaa weli kamid ah goobaha ugu muhiimsan ee lagu dagaalamayo dalka Ukraine. Waxaa la sheegay in Mr. Putin uu ka qeyb galay kulan uu la qaatay taliyeyaasha ciidamada, uuna ka dhageystay warbixintooda. Waxa kale oo la sheegay inuu ku hakaday xarunta ciidamada qaranka ee bariga Luhansk. Source
  15. Khartuum (Caasimada Online) – Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa RSF ayaa maalintii afaraad ka soconaya gudaha magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan. Dagaalkan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay dadka aan u dhalan waddankaas ee u badan ardayda, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin dadka Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta. Kumanaan arday Soomaali ah oo dalka Sudan u joogay wax barasho ayaa lasoo warinaya inay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, tan iyo markii uu Sabtidii billowday dagaalka qaraar ee ka socda magaalada Khartuum iyo qeybo kamid ah dalkaasi. Qaar kamid ah ardaydaasi oo ay warbaahinta dowladad xiriir la sameysay ayaa u sheegay in muddo saddex maalmood ah aysan helin wax biyo iyo koronto ah, ayna awoodin illaa hadda inay kasoo baxan halka ay kaga gabanayaan rasaasta. “Ilaa iyo saaka waxaan ku howlnahay in aan kasoo saarno arday hablo u badan oo ku go’doonsanaa xaafado ka mid ah Khartuum oo ay dagaallo xooggan ka socdaan, illaa haddana waxaa jira arday weli ku go’doonsan xaafadaha qaar oo aan awoodi weynay in aan u tagno,” ayuu yiri mid kamid ah ardeydii is xilqaamay ee u istaagay caawinta kuwa kale ee go’doonsan. Wararka ayaa intaas kusii daraya inay jiraan gabdho Soomaali ah oo weli ku xaniban xaafaddo ku yaalla Ummdurmaan oo ah qeybo kamid ah caasimadda sadeex geesoodka ah ee Khartuum, kuwaasi oo aan illa hadda helin fursad ay kusoo baxaan. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay fartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Khartuum iyo guud ahaan dalkaasi inay taxadar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan. Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sudan ku sugan ku adkeysay inay xiriir joogto la sameeyaan wasaaradda iyo safaaradda, hadii ay caawinaad uga baahdaan. Sidoo kale waxay soo jeedisay wasaaraddu inay iska diiwaan-galiyaan mareegta (website-ka) wasaaradda, si loo caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan. Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan ayaa loogu baaqay inay si deg deg ah usoo afjaraan coladda, kuna laabtaan wada-hadallada kadib maalmo ay socdeen dagaallo ay ku dhinteen ku dhowaad 200, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,800. Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal oo xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaasi oo kala madaxa ciidamada Sudan Cabdifataax al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xamdan Daglo oo ah hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic. The post Soomaalida ku sugan Sudan oo wajahaysa xaalad adag appeared first on Caasimada Online.
  16. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka wada halkaasi ay gaareen deegaano horleh oo ka tirsan gobolkaas, kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada huwanta kula wareegeen deegaanada kala ah Xarartiir, Garasyaani, Baarey, Baladul Amiin iyo kuwo kale oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka. Deegaanadaan ayaa dhammaantood ku yaalla hareeraha jiinka wabiga Shabelle, waxaana horay ugu sugnaa xoogaga Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka hadlay howlgalladan ayaa shaaca ka qaaday inay si nabdoon kula wareegeen deegaanadaasi, waxayna tilmaameen in Al-Shabaab ay isaga carareen markii ay ka war heleen inay kusoo socdaan ciidamada huwanta. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen inay cagta mariyeen saldhigyo iyo godad waa weyn oo ay difaayo uga jireen xoogaga Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanada cusub ee la qabtay. Waxa kale oo ay saraakiishu xuseen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, inta Al-Shabaab laga saarayo dhulka u dhexeeyo magaalada Beledweyne iyo deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Howlgalladan ayaa galay todobaadkii labaad oo xiriir ah, waxaana hoggaaminayo guddoomiye Cali Jayte Cismaan oo kaashanaya saraakiishw guutada 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. Guud ahaan dalka waxaa ka socdo diyaar garowga jawiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, iyada deegaanada qaarna uu si hordhac ah uga billowday, kaasi oo looga xoreynayo goobaha ay kooxda ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey inta badan Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan ee HirShabelle. The post Ciidanka DF oo degaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  17. MINNEAPOLIS — With the stroke of a pen, the more than 20 mosques throughout Minneapolis are now allowed to publicly broadcast the Adhan, the Islamic call to prayer, five times per day throughout the year. Source: Hiiraan Online
  18. Dagaal u dhaxeeya ciidamada Milatariga Sudan iyo xoogagga gurmadka degdeg ah ee Dacmu Sariic ayaa gilgilay dalkaasi, iyadoo lagu soo waramayo inay dagaalka ku dhinteen in ka badan 185 qof oo rayid ah ilaa iyo hadda inta la ogyahay, waxaana jira in sidoo kale la dhaawac uu soo gaaray in ka badan 1,800 oo qof, sida QM ay sheegtay. Safiirka u fadhiya Midowga Yurub ee Sudan Aadan Ohara ayaa waxaa lasoo waramayaa in xoogagga Milatariga kasoo horjeeda ay weerareen hoyga uu ka degan yahay magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaas, waxaana la sheegayaa inuu jiro dhaawac soo gaaray saafiirka, diblomaasiga oo u dhashay Ireland,sida dalkaas laga xigtay. Qalalaasaha gaaray gacan ka hadalka dalka Sudan ayaa bilowday kadib markii hoggaamiyaha Milatariga lagu soo eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu qabto doorasho lagu soo dhiso dowlad shacab, taas oo xukubka dalka lagu wareejiyo, kaas oo xilligaan gacanta ugu jira ciidamada Milatariga ee hoggaaminayo Cabdil Fataax Al-Burhaan. Cabdil Fataax Al-Burhaan wuxuu noqday madaxweynaha golihii ku meelgaarka ahaa ee militariga ay sameeyeen ka dib markii Al-Bashiir xilka laga tuuray sanadkii 2019, xilligaan oo xabsiga la dhigay, wuxuu shaqadaas kala wareegay wasiirkii difaaca Janaraal Cawad Ibn Cawf, kaas oo xilka ka degay ka dib hal-maalin oo uu hayay xilka. Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya, Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021, dalka lagu xukumayay talis Milatari. Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan. Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya laba sano gudohooda. Beesha caalamka ayaa muddo wadday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah, haseyeeshee taas suurto gal ma noqonin, waxaa yimid gacan ka hadal labada janan taageerayaashooda dhexmaray, khasaaha dad rayidka ah soo gaaray ayaa sii koryadhaya mar weliba. Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo shir degdeg ah isugu yimid ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan xaaladda ka soo cusboonaatay dalka Sudan, waxaana dhinacyada ishaya ay ugu baaqeen in laga baaqsado sii hurinta dagaalka taas oo burbur u horseedi karta burshada reer Sudan iyaga oo dalbaday in liiska wada hadalka la isugu yimaado. Dagaalka Sudan ayaa qarxay kadib markii hoggaamiyeyaasha sare ee golaha KMG ah ay isku khilaafeen sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho shacab, taas oo keentay in ciidamo ay kala wataan hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan iyo hoggaamiye ku-xigeenka Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo ay wada dagaalamaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dowladda Ingiriiska ayaa soo magacowday danjire cusub oo u qaabilsan Soomaaliya, kaas oo beddelaya safiirkii hore Ms. Kate Foster Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah u magacowday Mr. Michael Nithavrianakis in uu noqdo safiirka cusub ee u qaabilsan Soomaaliya. Mr. Nithavrianakis oo ah dibloomaasi rugcaddaa ah ayaa hore uga soo shaqeeyay dalal ay kamid yihiin; Pakistan, Ghana, Sacuudiga Carabiya, Talyaaniga iyo Giriiga. PUNTLAND POST The post Dowladda Ingiriiska oo safiir cusub u soo magacaabatay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan degmada Ceelbuur ayaa hubkoodii ku wareejiyay odayaasha dhaqanka degmadaas, sida ay tebisay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA. Warbixinta ayaa lagu sheegay in wareejinta hubka lagu go’aamiyay kulan ay Al-shabaab iyo odayaasha degaanka ay ku yeesheen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud. Al-shabaab ayaa sidoo kale dagaallamayaashooda ku sugan Ceelbuur waxay ku amreen in ay shacabka ku milmaan halka horjoogayaasha sarena isaga baxayaan degaanka sida ay tibaaxday SONNA. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Al-shabaab ay go’aankaas qaateen kadib markii culays uga yimid ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku wajahan Ceelbuur si ay uga saaraan maleeshiyaadkaas. PUNTLAND POST The post Al-shabaabka ku sugan Ceelbuur oo sida la sheegay Hubkoodii ku wareejiyay odayaasha dhaqanka degmadaas appeared first on Puntland Post.
  21. London (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa haatan safiir cusub usoo magacowday arrimaha Soomaaliya, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi. Safiirka cusub ayaa waxaa lagu magacaabaa Michael Nithavrianakis, kaas oo la filayo inuu dhowaan soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu waraaqadihiisa aqoonsiga ugu wareejiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ugna howlgalo gudaha Soomaaliya. Michael Nithavrianakis ayaa beddalaya, Ms Kate Foster oo xilkan heysay sanadihii lasoo dhaafay, waxaana si weyn loogu xasuustaa doorkeedii ku aadanaa doorashooyinkii soo dhammaaday ee dalka ka dhacay 2022-kii. Danjiraha cusub ayaa xilkan si rasmi ah ula wareegi doono inta lagu jiro bisha May ee sanadka 2023-ka, si uu guto waajibaadka loo xil-saaray. Sidoo kale safiirka cusub ayaa shaqooyin kala duwan oo diblumaasiyadeed kasoo qabtay dhowr waddan, sida Pakistan, Ghana, Sacuudiga Carabiya, Talyaaniga, Giriiga iyo waddamo kale. Waxaa la filayaa in safiirka cusub oo ah qabiir diblumaasiyadeed uu halkeeda kasii wada wada shaqeynta Soomaaliya iyo Uk, uuna sii xoojiyo xiriirka labada dal Danjire Michael Nithavrianakis ayaa haatan ka tirsanaa xafiiska shaqaalaha ee Qunsulka Guud iyo Agaasimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga ee magaalada Milan ee dalka Talyaaniga. Ingiriiska ayaa kamid ah waddamada reer Yurub ee xiriirka wanaagsan laleh dowladda federaalka, wuxuuna sidoo kale tababar iyo dhaqaale siiyaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee haatan dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab. Shalay ayaa ugu dambeysay labada dowladood ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis cusub oo is-afgarad ah. Mashruucan Better Lives oo ay fulin doonto UNICEF ayaa waxa uu socon doona muddo saddex sano ah, waxaana laga fulin doonaa sida qorshuhu yahay maamul-goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Banaadir. The post UK oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka ayaa xalay kormeer shaqo ku tegay degmooyinka xiga qeybta Bari, gaar ahaan saldhigyada booliska Yaaqshiid iyo Kaaraan. Mas’uuliyiinta gobolka ayaa waxaa kormeerkan oo saacado badan qaatay ku wehlinayay saraakiisha laamaha amniga, gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaasha qeybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugidda. Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida in uu labadaan degmo ka dhaqan-galay amarkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xariiray inaan hubka culus lagu wadan karin gudaha Caasimadda, islamarkaana ciidii fulin weyso sharciga la horgeyn doono. Guddoomiye Madaale iyo Taliye Firin ayaa intii uu socday kormeerka faray saraakiisha amniga iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka in ay si wadajir ah u wada shaqeeyan isla-markaana la xoojiyo howlagalada haatan sida joogtada ah uga socda xaafadaha iyo wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta kadib marka uu soo dhammaaday kormeerkooda ayaa shaaca ka qaaday inuu soo hagagaagay amniga degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo kamid ahaa degmooyinka ugu liitay amniga caasimada. “Sidaan ognahay degmooyinka aan caawa nimid waxaa ka jiray culeys amni, laakiin hadda beryihii u dambeeyay aad iyo aad ayuu u fiicnaa” ayuu marka hore yiri guddoomiye Yabooh. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in degmooyinkan uu ka fulay amarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha ee ku aadanaa in hubka culus aan lagu dhex qaadan karin magaalada caasimada ah ee Muqdisho. “Sidaas darteed go’aanka hub ka dhigista ayaa aad loo adkeeyay, laguna dardaarmay in lasii xoojiyo howlgalladaasi” ayuu sii raaciyay. Isbeddalkan ayaa yimid, kadib markii inta badan amniga Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howlgallo ka bilaabay degmooyinka gobolka Banaadir. Si kastaba, ammaanka Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay oo ay ciidamada ammaanka maalin kahor ku guuleysteen inay fashiliyaan mooto Bajaaj sidday qaraxyo, taas oo ay ku dhinteen sadex nin oo la socotay, kadib markii ay kula qaraxday waaxda General Daa’uud ee degmada Xamarjaja ee gobolka Banaadir. The post Amarkii madaxweyne Xasan Sheekh ma ka dhaqan-galay Kaaraan iyo Yaaqshiid + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  23. About $200 million could have been paid out in compensation to families of African Union (AU) peacekeepers killed or injured in Somalia since 2007, in what has been billed as the world's deadliest peacekeeping mission. Source: Hiiraan Online
  24. Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa kormeeray degmooyinka qaar ee caasimadda, kuwaas oo dhaca bariga magaalada Muqdisho, si ay ugu kuur galaan amniga degmoyinkaas. Guddoomiyaha oo ay wehliyeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha qeybta Guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad Sugida ayaa caawa kormeeray Degmooyinka xiga qeybta Bari gaar ahaan saldhigyada Yaaqshiid iyo Kaaraan. Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida fulinta amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomalaiya Mudane Xasan Sheikh Maxamud kaas oo la xariiray inaan hubka culus lagu wadan karin gudaha Caasimadda, islamarkaana ciidii fulin weyso sharciga la horgeyn doono. Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Sulub Ahmed Firin ayaa faray saraakiisha Amniga iyo maamulada Degmooyinka in si wadajir ah u wada shaqeeyan islamarkaana la xoojiyo howlagalada sida joogtada ah uga socda xaafadaha iyo wadooyinka Caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com