-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa maanta si isku mid ah caalamul Islaami looga dabaal degayaa munaasabadda Ciidul Fidriga oo maanlitii koowaad ay tahay maanta, waxaana bulshadu yihiin kuwa iskugu marxabaynaya. Dowladda Federalka Soomaaliya oo xalay shaacisay inta badan in laga arkay dalka gobollo kamid ah ayaa waxaan jirin khilaaf ka taagay sidii hore u dhici jirtay Soomaaliya ayaa maanta laga ciidayaa. Madaxda ugu sareysa dalka federalka iyo dowlad goboleedyahada ayaa bulshada caasimadda Muqdisho iyo kuwa maamullada kula tukaday salaadda ciida meelo kale duwan oo loo asteeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Toddobo qof oo Soomaali ah ayaa kasoo hormuuqday maxkamadda ku taal magaalada Eldoret ee dalka Kenya, iyada oo maxkamadda ay u ogolaatay dambi baarayaasha hoostaga qeybta Booliska ee ka hortagga argagixisada inay sii hayaan tuhmunayaasha Soomaalida muddo shan maalmood ah. Eedeysanayaashan ayaa iskugu jira 4 nin iyo 3 gabdhood, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Cabdulqaadir Cali Xuseen, Ceyruus Maxamuud, Axmed Kooshin, Liibaan Cabdi Sugule, Naciima Yuusuf Axmed, Fartum Sugule iyo Leylo Abshir. Go’aanka maxkamadda ayaa imanaya kadib markii taliska Booliska uu ka codsaday in loo ogolaado in eedeysanayaasha lagu sii hayo saldhigay dhexe ee Eldoret shanta maalmood ee soo socota. Tuhmanayaasha Soomaalida ayaa la sheegay in looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen fal dambiyeedyo kahor imaanaya sharciga la-dagaalanka argagixisada ee lambar 30 ee 2012, sida lagu soo xigtay taliska Booliska dalkaasi. “Eedeysanayaasha maadama aysan kasoo horjeedin codsiga sarkaalka baarista, maxkamaddan ayaa amartay in lagu hayo saldhiga Booliska Eldoret shan maalmood si ay Booliska awood ugu yeeshaan inay soo gaba-gabeeyaan baaritaankooda,” ayuu ku amray garsooraha. Toddobada Soomaalida ah ayaa la soo qabtay dhamaantood 15-kii bishaan, kadib markii su’aalo la waydiiyayna ay badankooda awoodi waayeen inay ku hadlaan afka KIswahili iyo Ingiriis midna. Kiiska Soomaalidan ayaa la qorsheynaya in dib loo dhageysto 24-ka bishaan April, waxayna dhacdadaan kusoo aadeysa xilli saraakiisha socdaalka Kenya ay ku sugan yihiin xuduudka Soomaaliya iyo Ethiopia ee Mooyaale, kadib markii ay soo bateen soo galooti sharci darro ah oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia. The post Magacyada Soomaali kasoo muuqday maxkamad ku taal Kenya – Maxaa loo haysta? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysato fursadii ay uga takhalusi laheyd kooxaha argagixisada. “Hal wax oo la heli karin oo beeso goyn oo la iibin karin ayaa haysana, waxaas waa maxay? qalbiga waaye, niyada waaye, fahamka iyo dadnimada waaye oo beeso laguma soo iibin karo. Beeso kasta oo meenta helno askari fiican oo suuqa yaalla ma soo iibsan karno, askariga fiican waa ka isaga is-tira,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa hadalkaas ku sheegay khudbad uu ujeedinayay ciidamo dhawaan ku biiri doona dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ku jira xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho. “Maalmo ayaa u dhiman, rag hadey yihiin (madaxda Shabaab) ha yimaadaan furinta. Nin madax ah oo Shabaab ah oo la yaqaan oo is-qarxiyay ma garaneysa, fuley ka weyn majiro oo dhuumaleysanaya.” Xasan ayaa sidoo kale waxa uu faray ciidamada cusub ee ku biiraya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u helaan kalsoonidda iyo hiillada shacabka Soomaaliyeed. “Ka daba taga raga oo nasiya oo la baneeya aagga-ga oo nasasho soo siiya. Dhalinyaro waxaa idin leeyahay ciid wanaagsan. Ciidan iyo ciido kale oo dalkii xor ah oo Shabaab ka xor oo qoysaskeena la ciidno ayaa noo soo socota, laakiin in aan ka shaqeyno ayay naga rabtaa waana ku jirnaa.” Ciidamadaan oo noqonaya dufcaddii labaad ee ka tirsan qeybta “Ilaalo Qaran” ee ku biiraya howl-galka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab ayaa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo argagixisada, si ay garab u siiyaan ciidamada hadda furimaha dagaalka ku baacsanaya kooxda. Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha The post Daawo: Madaxweyne Xasan “Waxaa haysanaa hal wax oo la heli karin lana iibin karin” appeared first on Caasimada Online.
-
Muslims end Ramadan, begin holiday amid war, reconciliation
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
BEIRUT (AP) — Large parts of the Muslim world marked the end of the fasting month of Ramadan at sundown Thursday and ushered in the holiday of Eid al-Fitr, but the festivities were overshadowed by raging battles for control of Sudan and a deadly stampede in Yemen. Source: Hiiraan Online -
Mogadishu (HOL) - The Somali Attorney General's Office brought five government officials before the Banadir Regional Court for charges of corruption, forgery, and abuse of government power on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
A Kenyan who was arrested in Tanzania while trying to cross over to the Democratic Republic of Congo (DRC) through Uganda will be charged at the Kahawa Law Courts on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray farriin cusub oo ku socota Shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ugu hambalyeynayo curashada bisha Shawaal iyo munaasabadda Ciidul-Fidriga. “Guud ahaan muslimiinta calaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciidul Fidriga,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Waxaa Alle inooga baryaya inuu inaga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo ugu hambalyeynayo bulshada Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu bulshada Soomaaliyeed ku booriyay sii joogteynta kaalmeynta iyo garab istaagga dadka danyarta ah. “Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan acmaasha wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmeynta iyo garab istaagga dadkeenna danyarta ah.” Ugu dambayn waxa uu Eebbe Weyne ka baryay inuu ciiddan ciiddeeda kale inagu gaarsiiyo caafimaad qab, amni iyo barwaaqo, “Farxad iyo nabad ku ciida dhammaantiin. Ciid Mubaarak.” Ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo howl-gallo ballaaran ka sameeynaya caasimadda inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga. The post FARMAAJO oo farriin u diray SHACABKA Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhawaan dalka dib loogu soo celin doono muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsiyada ku yaalla dalka Zambia. Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Zambia ayaa sheegtay in muwaadiniintan oo u badan dhalinyaro ay ku guuleystay inay kasoo deyso xabsiyada ay ku xirnaayeen, ayna dhawaan soo gaari doonaan dalka. “Inta aan ku guda jirnay bisha Ramadaan waxaa inoo suurta-gashey in iyagoo caafimaadkooda taam yahey aan didbugu celino wadankooda qaar ka mid ah dhalinyaro Somaaliyeed oo in mudo ahba ku xirnaa xabsiyada Jamhuuriyada Zambia,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ee Zambia. Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay safaaradda lagu yiri “Waxaana rajeyneynaa sidoo kale inta kale ee ku hartey xabsiyada aan iyagoo bed qaba ku celino wadankooda.” Zambia ayaa kamid ah dalalka ay ku xiran yihiin dhalinyaro badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo inta badan halkaasi usii mara si ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Afrika, iyaga oo baadi-goob ugu jira nolol ka badalan midda ay ku haysteen dalkooda. Tan iyo sabadkii 2016-kii xafiiska ergayga gaarka ah ee muhaajiriinta ayaa ka shaqeynayay soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada, iyada oo gacan ka helayso dowladda federaalka, wasaaradda arrimaha dibadda, IOM iyo muwaadiniinta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha. Dowladda federaalka ayaa horay ugu guuleysatay inay maxaabiis fara badan kasoo deyso qaar ka mid ah dalalka caalamka, taasi oo aad loogu bogaadiyey dowladda dhexe. Horraanta sanadkii hore ayaa waxay dowladda federaalka dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah oo gaarayo illaa 97 ruux, kuwaasi oo muddo sanado ah ku xirnaa dalka Liibiya. The post DF oo wada qorshe dib loogu soo celinayo muwaadiniin ku xirnaa… appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo hambalyo u diray Shacbiga Somaliland munaasibadda Ciidal Fidriga awgeed. 20/04/2023- 29/09/1444-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ummada Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaana shacbiga Somaliland, farxada maalinta Ciidal Fidriga awgeed, oo ku beegan Jimcaha beri ah oo ay bisha Shuwaal ee taariikhda Hijriyadu kow tahay. (01/10/1444) Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga u rajeeyay farxad, caafimaad, bash-bash iyo barwaaqo in ay ku ciidaan, Ilaahayna nabadda iyo badhaadhaha u siyaadiyo, acmaashii wanaagsanayd ee bisha Ramadaana innaga aqbalo. Guddoomiyuhu waxa uu bulshada ku booriyay in ay khayrka isku kaashadaan, wanaaga xoojiyaan, isku naxariistaan, is-kaalmeeyaan, isna cafiyaan. Waxaanu Ilaahay uga baryayaa in ciidan, ciideeda ku gaadhsiiyo cimri dherer, caafimaad-qab iyo cibaado suuban. Wa bilaahi tawfiiq. Qaran News
-
Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta Berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal ee ciidul Fidriga, kadib markii aragtida bisha la xaqiijiyay, iyadoo dowladaha caalamul islaami sidoo kale looga dhawaaqay in bari ay tahay Ciid. Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ku suganaa ayaa sheegay in kadib baadigoob dheer Dhalashada Bisha Soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidaas darteedna ay tahay maalinn ciid ah.. Magaalooyinka laga arkay waxaa kanid ah Jowhar ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, Cadaado Gobalka Galgaduud, Ceelwaaq oo gobolka Gedo iyo deegaano kale oo kamid ah Soomaaliya, bishaan Ramadaan ayaa ku idlaatay 29 cisho oo lasoo Soomay bisha Ramadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kulan isugu yeertay wakiiladda caalamiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii ay sii korortay walaaca muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xaaladda dalka Sudan. Kulankan oo yeeristiisa ay laheyd wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan xoghayaha joogtada ee wasaaradda Xamse Aadan Xaadoow, ayaa waxaa soo xaadiray qaar kamid ah wakiiladda hay’addaha caalamiga ah. Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay samata-bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku go’doonsan dalka Sudan, oo ay ku dagaalamayaan ciidamada milatariga iyo kuwa RSF ee loo yaqaano birmadka deg-degga ah. Sidoo kale waxaa kulankaan goobjoog ka ahayd Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergeyga cusub ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha carruurta iyo xuquuqda soo-galootiga. Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa madashaasi waxa uu ku faah-faahiyay tallaabooyinka ay wasaaradda u qaadday ka war-qabka iyo suurta-galnimada daad-guraynta ardayda iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudan. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaaladda ay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan samata-bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dagaalka maalintii lixaad ka socda magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan. Dagaalkan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay dadka aan u dhalan waddankaas ee u badan ardayda, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin dadka Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta. Kumanaan arday Soomaali ah oo dalka Sudan u joogay wax barasho ayaa lasoo warinaya inay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, tan iyo markii uu Sabtidii billowday dagaalka qaraar ee ka socda magaalada Khartuum iyo qeybo kamid ah dalkaasi. Qaar kamid ah ardaydaasi oo ay warbaahinta dowladda xiriir la sameysay ayaa u sheegay in muddo saddex maalmood ah aysan helin wax biyo iyo koronto ah, ayna awoodin illaa hadda inay kasoo baxan halka ay kaga gabanayaan rasaasta. Wararka ayaa intaas kusii daraya inay jiraan gabdho Soomaali ah oo weli ku xaniban xaafaddo ku yaalla Ummdurmaan oo ah qeybo kamid ah caasimadda sadeex geesoodka ah ee Khartuum, kuwaasi oo aan illa hadda helin fursad ay kusoo baxaan. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay fartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Khartuum iyo guud ahaan dalkaasi inay taxadar iyo feejignaan dheeraad ah muujiyaan, iyada oo ku adkeysay inay xiriir joogto la sameeyaan wasaaradda iyo safaaradda, hadii ay caawinaad uga baahdaan. Sidoo kale waxay soo jeedisay wasaaraddu inay iska diiwaan-galiyaan mareegta (website-ka) wasaaradda, si loo caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan. Dhinacyada ku dagaalamaya Sudan ayaa loogu baaqay inay si deg deg ah usoo afjaraan colaadda, kuna laabtaan wada-hadallada kadib maalmo ay socdeen dagaallo ay ku dhinteen in ka badan 200, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,800. Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal oo xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaasi oo kala madaxa ciidamada Sudan Cabdifataax al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xamdan Daglo oo ah hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic. The post DF oo isugu yeertay wakiilada caalamiga ee ku sugan Muqdisho + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa munaasabada ciidul fadriga waxa hambalyo u diray dhamaan shicibka Somaliland gobol kasta iyo degmo kasta oo ay dalka iyo caalamkaba kaga suganyihiin. Isaga oo Ilaahay uga baryay in uu bishii ramadaan ee aan soo soonay uu Ilahay inaga aqbalo dhamaanteena uu ciidkaas ciidkiisa inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo Qaran News
-
Dowladda Soomaaliya oo go’aan kasoo saartay maalinta ciidda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa shaacisay go’aanka rasmiga ah ee bilashada bisha Shawaal, iyada oo ku dhawaaqday in maalinta berri oo ah Jimce ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga. “Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta Berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda. Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ku sugan xarunta warbaahinta qaranka ayaa sheegay in kadib baadi-goob dheer dhalashada bisha soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Magaalooyinka laga arkay ee wasiirku sheegay waxaa kamid ah Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Cadaado ee gobalka Galgaduud, Ceel-Waaq oo Jubada Hoose iyo deegaano kale oo kamid ah Soomaaliya. Dhawaaqan cusub ee kasoo baxay wasaaradda ayaa imanaya, iyada oo goor sii horeysay ay Boqortooyada Sacuudiga ku dhawaaqday in maalinta berri oo ah Jimce ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal iyo Ciidul-Fadriga. “Bisha Shawaal 1444 ayaa maanta laga arkay Tumair iyo Sudayr ka dibna berri oo Jimco ah, 21-ka April 2023 waa maalinta Ciidul Fidriga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Xaramka. Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda Ciidul-Fidriga. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay bulshada Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, “Walaalkaaga aad wax ka tabaneyso cafi, ka adiga wax ka tabanaya ha ku cafiyo.” Sidoo kale waxa uu ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed isgarab istaagan, hoosna u fiiriyan walaalahooda ka liita, si ay u qeybsadaan farxada munaasabadda Ciidul-Fidriga. “Dadka Soomaaliyeed ee soo barakacay ee magaaladan ay duruufta keentay, berri waa maalintii farxada halaga farxiyo, si dhamaan farxad loogu wada ciido.” Ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo la filayo inay howl-gallo ballaaran sameeyaan inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga. The post Dowladda Soomaaliya oo go’aan kasoo saartay maalinta ciidda appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray farriin cusub oo ku socota shacabka, taasi oo ku saabsan munaasabadda Ciidul-Fidriga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidul-Fidriga guud ahaan umadda Muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. “Waxaan hambalyada Ciid Al-Fidriga 1444 ee sanadka Hijriga u dirayaa guud Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan Allaha awoodda badan leh waydiisanaynaa in uu inaga aqbalo soomkii, salaadihii, qur’aankii, sadaqadii, ducadii iyo dhammaan kheyrkii aan samaynay bisha barakeysan ee Ramadan, ciidan teeda xigtana inagu gaarsiiyo nabad, bashbash iyo barwaaqo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa ciidamadeena kala duwan ee geesiyaasha ah ee — bacdallaahi — suurtagaliyay in magaalooyin badan oo dalka ka mid ah, 15 sano ka dib, si nabad ah oo xorriyad leh loogu afuro.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in gulufka dagaal ee socda uu shacabka caasimada u horseeday inay bisha barakeysan ee Ramadaan ay ku dhameysteen jawi nabdoon, oo ka maran carqaladeyntii amni ee kooxaha argagixisada. “Waxaa xusid mudan, in shacabka Caasimadda Muqdisho waajibka soonka guteen iyaga oo aan ka cabsanaynin cadowga Khawaarijta, Ciyaalweero iyo Calaqleey midkoodna,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Waxa uu markale hambalyo, ammaan iyo ducaba u diray ra’iisul wasaaraha hay’adaheena amniga, booliiska, Nabad-sugidda, Asluubta iyo Milatariga ee hadh iyo habeenba u taagnaa sidii magaalada Muqdisho oo nabad ah loogu soomi lahaa. Ugu dambayntiina wuxuu u mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed ee sida wanaagsan ula shaqeeyay hay’adaha amniga ee ayaga u shaqaynaya, kuna garab istaagay sidii ay amniga u sugi lahaayeen. The post Ra’iisul wasaare Xamza oo soo saaray farriin ku socota shacabka appeared first on Caasimada Online.
-
MA RUNBAA SAYID MOXAMED IYO DARAAWIISH AYAA XOREEYAY SOMALILAND IYO SOMALIA? Ma run baa Sayid Maxamed iyo Daraawiishi ayaa xoreeyay Somaliland iyo Somalia Sayidka iyo Daraawiish waxay jabeen 1920 waxaanu Sayidku, AHUN, ku dhintay Iimey December 1920. Jabkii Daraawiishta iyo xornimada Somaliland waxaa u dhaxeeyay 40 sannadood (1960-1920 = 40) mudadaas oo gumaysigu si weyn u qabsaday Somalida. Jabkii Daraawiishta waxaa ku dhammaaday oo ku xidhmay bogii taariikhda Halganka Daraawiishta. Kacdoonadii Xornimadoonka Afrika ee kacay dagaalkii Labaad ee Adduunka waxaa ka dhashay Ururadii Xornimadoonka Somalida oo kala ahaa S.Y.L oo Somalia laga aasaasay 1943 iyo SNS oo Somaliland laga aasaasay 1945 kaas oo 1951 isku bedelay S.N.L. kadib shirweyne lagu qabtay magaalada Burco. Dhinaca Somalia waxaa xornimadoonka SYL hoggaamiye ka ahaa AHUN Mudane Cabdullahi Ciise Mohamuud halka dhinaca Somaliland uu xornimadoonka SNL hoggaamiye ka ahaa AHUN Mudane Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal. Sidaas daraadeed, Sayidka iyo Daraawiish wax kaalin ah ama saamayn ah kuma lahayn halgamadii xornimadoonka ee Somalia iyo Somaliland. Daraawiishtu waxay dagaal ku qaaday gumeysiga Ingiriiska oo markaas dalka ku cusbaa waxaanu dagaalka Daraawiishtu ku ekaa Somaliland oo qudha, guulna lagama gaadhin. Somalia Daraawiishtu kama dagaallamin. Dadka qaar ayaa gumaysi-la-dirirka aan soo hoyn guul xornimo ka fadila xornimo-doonka soo hooyay guusha madaxbanaanida Somaliland iyo Somalia iyaga oo ka leh dano gaar ama qabiil loo sameeyo guul iyo lib aanu soo hoyn. Siyaad Barre ayaa Muqdisho ka taagay Taallada Sayidka 1972. Waxaa taalladaas burburiyay kacdoonkii shacabkii ee lagu riday xukunkii Siyaad Barre 1991. Waxaa dib u dhisay Mohamed Abdullahi Farmaajo 2018. Lama garanayo waxa Taallada Sayidka looga dhisay Muqdisho maadaama Sayidku aanu wax shuqul ku lahayn xornimada Somalia laakiinse shacabka Muqdisho loo tusay inuu isagu u keenay Somalia xornimadii 1960. Taalladaas Sayidka ee laga dhisay Muqdisho waxaa dad badan aaminsanyihiin in ujeedadu ahayd in lagu tirtiro taariikhda halgankii xornimadoonka SYL ee Somalia iyo hormoodkii sababta u ahaa xornimada Somalia Mudane Cabdullahi Ciise Moxamuud, libintii xornimada uu lahaana loo siiyo Sayid Moxamed. Taariikhdu waa sooyaalka nololeed ee ummad waana ka mamnuuc in laga beensheego oo dugsiyada ubadka loogu dhigo taariikh khaldan si ay ugu koraan taariikh been ah oo lagu majarahaabinayo. Waa xaaraan in qabyaaladda loo adeegsado taariikhda ummad waayo waxay tirtiraysaa taariikhda dhabta ah ee sooyaalka ee ummadkasta laga rabo inay barto ubadkeeda iyo in abaal ma guuraan ah loo hayo dadkii usoo halgamay ummadda ee gaadhsiiyay xornimada ay maanta ku naaloonayso. Taalladaas Sayidka ee Muqdisho laga dhisay waxaan qabaa inuu xaq u leeyahay hormoodkii xoriyadda Somalia Mudane Cabdillahi Ciise. Haddii Sayid Mohamed taallo looga dhiso Taleex oo xarunta Sayidku ahayd waa wax macquul ah sababta oo ah waxay u ahayd xarun dagaalkii Daraawiishta. Qofka halyeyga ah meesha uu ka dagaallamo ama halgamo ayuu xaq u leeyahay in laga xuso ama taallo looga dhiso oo la xushmeeyo. Tariikhda xornimada Somalia waxaa waajib ah in laga saxo wixii qalad galay si taariikhda dhabta ah loogu badbaadiyo ummadda iyo jiilasha soo socda. #Ibrahim Hassan Gagale ibrahimgagale@gmail.com Qaran News
-
Finland's Ministry for Foreign Affairs plans to recover 50,000 euros from the Finn Church Aid NGO after being unable to verify the funds were used correctly, the ministry announced on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
RIYADH: The crescent moon has been sighted in Saudi Arabia, meaning that Thursday will be the last day of the holy month, with Eid Al-Fitr celebrations to begin on Friday, April 21, 2023, the Crescent Sighting Committee announced. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday in maalinta berri oo ah Jimce ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal iyo Ciidul-Fadriga. Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Khamiista maanta lagu ogaaday in ay dhalatay bisha Shawaal. “Bisha Shawaal 1444 ayaa maanta laga arkay Tumair iyo Sudayr ka dibna berri oo Jimco ah, 21-ka April 2023 waa maalinta Ciidul Fidriga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Xaramka. Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda diinta iyo awqaafta oo iyadu inta badan raacda Sacuudiga ayaa sidoo kale la filayaa inay bulshada Soomaaliyeed ugu bushaareyso bilashada bisha Shawaal iyo Ciidul-Fidriga. Dhamaan bahda Caasimada Online waxay munaasabadda Ciidul-Fidriga ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan. Ciidan ayaa kusoo aaday, ayada oo dalka uu ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo dhigtay Muqdisho, kuwaas oo la filayo inay howl-gallo ballaaran sameeyaan inta lagu jiro munaasabadda Ciidul-Fidriga. The post Sacuudiga oo shaaciyay maalinta ay tahay ciida appeared first on Caasimada Online.
