Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann. Kulankaan ayaa waxay uga wada-hadleen labada mas’uul sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo wada-hadallada uu hormuudka ka yahay ergey Guuleed dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland ayaa ugu horeyntii waxa uu safiirka uga warbixiyay sida ay nooga go’an tahay dib u bilaabidda iyo dardar-galinta wada-hadallada Somaliland, isaga oo la wadaagay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo arrimaha Somaliland. Dhankeeda Tiina Intelmann ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in dowladda federaalka Soomaaliya uga caawiyaan dadaalada lagu xoojinayo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Tiina ayaa sidoo kale waxay u ballan-qaaday ergayga gaarka ah ee madaxweynaha inay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta wada-hadallada Somaliland, oo la filayo inay dib u billowdaan sanado badan oo hakad ku jireen kadib. Kulankaan uu ergay Guuleed uu la yeeshay safiirka Midowga Yurub Tiina Intelmann ayaa qeyb ka ah kulamo uu maalmihii u dambeeyay uu la yeelanayay wakiiladda beesha caalamka, kuwaasi oo ku qotomay dardar-gelinta arrimaha wada-hadallada loo xil-saaray. Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii bishaan u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada. Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland. The post Xogta kulan dhex-maray ergey Guuleed iyo safiirka Midowga Yurub appeared first on Caasimada Online.
  2. Mogadishu (HOL) - The second group of 123 Somali citizens evacuated from Sudan arrived in Mogadishu and Garowe on Sunday, as dozens of other compatriots stranded in Sudan pleaded for immediate evacuation. Source: Hiiraan Online
  3. Wax ka ogow saliidaha cuntada lagu karsado ee ugu caafimaadka badan Saliidda cunnada lagu kariyo ayaa ah mid si wayn dunida looga isticmaalo. Balse noocyada kala duwan ee saliidaha la isticmaalo ayaa waxaa laga hayaa macluumaad ku saabsan in ay qaarkood keenaan cayil iyo caafimaad darro. Marka goobaha bakhaarrada ee saliidaha cunnada laga iibsado aad tagto ayaa waxaa yaalla noocyada kala duwan ee saliidda sida saliid caddeyda, saliidda qumbaha, tan afakaadhada iyo saliidda lowska laga sameeyo. Haddaba saliidahani tee ayaa ugu fiican in la isticmaalo, mase jiraan kuwo ay tahay in aad iska dhaafto gabi ahaanba? Waxaa saliidaha qaar lagu gartaa dufan badan, iyo in dadka qaar ay cayil badan ka qaadaan. Saliidda Qumbaha Dufanta dhexdhexaadka ah ee ku jirta saliida Qumbada waxay si toos ah ugu dhacaan xidddada dhiigga waxaan loo isticmaalaa in qofka ay tamar siiso. Sanooyinkii u dambeeyay saliidda qumbaha oo ku dhowaad 90% aan dufan lahayn ayaa noqotay mid si wayn loo isticmaalo. Waxaa lagu ammaanay in ay tahay saliid aad u wanaagsan oo aan keeneyn cayil islamarkaana laga helo tamar. Balse mid ka mid ah cilmi-baarayaasha jaamacadda Harvard ayaa ku tilmaamay” sun saafi ah ”. Dufanku waxay ka ciyaaraan door muhiim ah, labadaba cunto karinta maalinlaha ah iyo qayb ka mid ah cunto caafimaad leh. Saliidda saytuunka Saliidda cuntada nooca loo yaqaanno saliid saytuunta waxaa hore loo ogaaday faa’idooyiinka badan ee ay caafimaadka u leedahay. Waxaa ka mid ah faa’iidooyiinka ay caafimaadka u leedahay in qofka ay ka difaacdo xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo in ay yareyso halista qofka in ay ku dhacdo xanuunka macaanka nooca 2. Waxaa la sheegay in Saliid saytuunka ay u adkeysato isbaddallada badan ee dhaca inta cunnada la karinayo. Saliidda rapeseed Saliiddani waxay ka kooban tahay kala bar dufanka buuxa ee saliidda saytuunka, waxay qani ku tahay nafaqada loo yaqaanno oleic acid, waxayna leedahay saami wanaagsan oo ah omega-6 ilaa omega-3 fatty acids Saliiddan ayaa sidoo kale leh heerka ugu sarreeya ee polyphenol ee saliidda abuurka, inkastoo ay xusid mudan tahay in tayada saliidda ay saameeyaan dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin goosashada, kaydinta iyo habka soo saarista. Waddamada qaarkood, ereyga rapeseed oil waxaa loo adeegsadaa nooca saliidda loo isticmaalo warshadaha. Saliidda lowska Sidoo kale waxaa saliiddan loo yaqaan saliidda lawska, ay leedahay dhadhan khafiif ah. Waxaa ku badan maaddada oleic acid, islmarkana habka wanaagsan ee loo sifeeyay ayaa ah mid laga helo fitamiin E. Saliidda afakaadhada Saliidda afakaadhada, laga soo billaabo miraha geedka ayaa waxaa badanaa la barbar dhigaa saliidda saytuunka. Waxay si gaar ah hodan ugu tahay maaddada oleic acid. Waxaa jira daraasado badan oo muujinaya faa’iidooyinkeeda caafimaad, oo ay ka mid tahay caafimaadka wadnaha. Waxaa sidoo kale jirta waxyaabo badan oo ay saliidda afakaadhada dheer tahay saliidaha kale ee la sifeeyay. Gabagabadii isticmaal saliid adiga kugu habboon ama leh islamarkana u wanaagsan cunnada markaas la karinayso. Hubi inaad ku kaydiso saliidda meel qabow oo qalallan, oo aan qorraxdu toos ugu dhacayn islamarkana ku keydi oo ku shub dhalo badalkii aad ku keydin lahayd caag, waana in aad isticmaashaa saliid aad u yar. Subagga Subaggu waxaa la sheegaa inuu yahay dufan wanaagsan. Daraasado lagu sameeyay waxaa lagu sheegay inuu ku wanaagsan yahay in cuntada lagu karsado, iyo in wax shiilidda xitaa loo adeegsna karo. Si kastaba, wax dubidda ayuu ku sii wanaagsan yahay maaddaama uu leeyahay, dhadhan gaar ah. Balse dadka ay dhibayaan maaddooyinka caanaha laga helo ayaa lagula talinayaa inay ka taxadaraan. Saliid macsarada Saliid macsarada inta badan waxaa aad looga isticmaalaa Soomaaliya iyo dalalka Aasiya, iyadoo loo adeegsado wax karinta. Waxaa laga soo saaraa miraha sisinta oo la miiro. Macsarada waxay qani ku tahay maaddooyin u fiican jirka waxaan aka buuxa fitamiinno. Qaran News
  4. Ethiopia’s military budget rose biggest last year as the country battled the Tigray People’s Liberation Front (TPLF), indicating an added cost of the two-year war with the rebels it has since signed a peace deal with. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay Soomaalidii ugu badneyd ee laga soo daad-gureeyay dalka Sudan, oo uu ka qarxay dagaal galay toddobaadkii saddexaad. Muwaadiniinta maanta dalka dib loogu soo celiyay ayaa tiradooda gaareysa 123 muwaadin, kuwaasi oo ku xanibnaa dalka Sudan, una badan Arday halkaasi wax ka baraneysay, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. Muwaadiniintan ayaa 78 kamid ah waxaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho oo la keenay, halka 45 laga dajiyay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland. Dowladda ayaa waxay muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia kasoo qaaday magaalada Addis Ababa, waxaana garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Waxbarashada. Halka Garoowe ay 45 muwaadin ee kale ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland. Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan, waxayna horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Sudan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas. The post DF oo Soomaalidii ugu badneyd ee SUDAN kasoo dejisay laba magaalo appeared first on Caasimada Online.
  6. Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Safiirka Midowga YURUB Mrs Tiina Intelmann oo ay ka wadahadalleyn sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo Wadahadallada Dowladda FS & Somaliland. Ergayga ayaa Safiiradda uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Somaliland, waxaana uu qiray sida ay kaga go’an tahay dowladda Federalka Arrintaan. Mrs Tiina Intelmann ayaa Dhankeedamuujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya miiska wadahadalka la isugu keenayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Odaygan da’da ah oo u dhashay dalka Pakistan oo dhawaan lagu arkay magaalada Madiina ee barakaysan isaga oo cumraysanaya isla markaasna cagacad kuna lebbisan dhar fudud ayaa hadda waxa Xaj iyo Cumro ugu deeqdey Sucuudiga iyo Pakistan. Oday Cabdul Qaadir oo so jiitey indhaha dadka muslimiinta ah ilaa lagu tilmaamay ‘In uu yimi casrigii Saxaabada’ ayaa sheegey in cumarada u dhawaan gutey uu uruurinayey muddo 15 sanno ah isaga oo adhiga u raaci jirey dadka tuulo ku taal miyiga caasimadda Islamabad. Qaran News
  8. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa gebi ahaanba ka horyimid in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland. Cabdiraxmaan Faroole oo sidoo kale ah Guddoomiyaha urur Siyaasadeedka Horseed ayaa si adag uga digay in la furo Dastuurka Puntland. Sen. Faroole ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu doonayo in uu wax ka beddel ku sameeyo Qodoba kamid ah Dastuurka Puntland islamarkaana dano siyaasadeed ka raadinayo Arrintaas. ” Waxaan rumaysnahay dastuur la faro-fareeyo waqtiga hadda ah iyada oo dowladda waqtigeedii bilo ka hareen in hadhow ay keeni karto dhimaato aan laga bixi karin. Dowladda Saciid Cabdullaahi Deni madaxda ka yahay haka waantowdo oo haka joogsato” ayuu yiri Sen. Faroole. Halkaan ka daawo Hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo si adag uga digay in la furo Dastuurka Puntland appeared first on Puntland Post.
  9. Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa sheegtay in ay baadhitaan ku wado xildhibaan Qaasim Saleebaan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland. Xildhibaanka oo shallay eedeeyay wasiir kaahin ayay maanta wasaaradu ku eedaysay in ay hayaan xoggo sheegaya in uu qayb ka ahaa colaada Laascaanood ka taagan. Qaran News
  10. Somali’s head coach Nur Mohamed Amin has rued mistakes that led to their defeat in their opening game at the TotalEnergies U17 Africa Cup of Nations (AFCON), going down 2-0 to hosts Algeria at the Nelson Mandela Stadium in Algiers on Saturday night. Source: Hiiraan Online
  11. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyeen gobolkaasi. Howlgalladan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamada huwanta ay ku beesgadeen deegaan ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ceel Cali Godle oo dhanka waqooyi ka xiga deegaanka caanka ah ee Ceel Cali ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiil u hadashay ciidanka Danab ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen saldhigyo ay kooxda ku lahayd halkaasi, kuwaas oo kasoo abaabuli jirtay weeraro qorsheysan. Sidoo kale waxa ay saraakiisha Danab intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan howlgallada, isla-markaana ujeedka uu yahay inay Shabaab ka xoreeyaan halkaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab iyo kuwa Macawiisleyda. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle. Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah gobollada lagu jabiyay Al-Shabaab, isla-markaana inta badan laga saaray deegaanada gobolkaasi oo ay ku lahaayeen saldhigyo waa weyn. Bariga Hiiraan ayaa sidoo kale kamid ah meelaha laga xoreeyay kooxda, halkaas oo ay isku fidiyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda. Soomaaliya ayaa ku jirto marxalad dagaal, waxaana la filayaa in haatan in wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka billowdo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. The post Ciidamada DANAB oo burburiyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  12. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 123 Muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Arday, 78 ka mid ah dadkaas waxaa la keenay Muqdisho halka 45 laga dajiyay Magaalada Garoowe. Muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis ababa ee Caasimada dalka Ethiopia. Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Waxbarashada ayaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay 78 ruux halka Garoowe ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso Muwaadiniin ka soo bara baxay dagaalada ka socda dalka Sudan waxaana ay horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Sudan. PUNTLAND POST The post 123 muwaadiniin Soomaali ah oo ku xannibnaa wadanka Suudaan oo maanta dalka lagu soo celiyay appeared first on Puntland Post.
  13. Baardheere (Caasimada Online) – Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xubnaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale dib ugu laabtay gobolka Gedo, halkaas oo uu haatan ka bilaabay dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoogleh. Fartaag oo siyaasad ahaan si weyn uga soo horjeedo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab uga dhawaaqay degmada Baardheere. Senatorka ayaa marka hore booqday xero lagu tababarayo ciidamo deegaanka ah oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo ka bilaabanaya gobolkaasi. “Waa soo noqday waxaa usoo noqday waxaa weeyaan inaan idin ogaado waxaad qabtaan waxaad cuneysaan, waxaad cabeysaan iyo tababarkiina” ayuu yiri Senator Fartaag. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamadan ay ka qayb qaadan doonaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inuu ka billowdo deegaanada maamulka Jubbaland. “Waxa la’idin diyaariyay waxaa weeyaan ka qayb qaadasha wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Khawaarij maanta waa dhammaatay ayaan u maleynaa”. ayuu raaciyay. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo qayb ka ahaa qorshaha lagu aas aasay ciidankan ayaa ujeedkooda ku sheegay inay ka dhabeynayaan amarkii madaxweynaha Xasan ee ahaa la dagaalanka Shabaab, isla-markaana ay xoreynayaan gobolka Gedo. Jubbaland ayaa horay uga hortimid dhaq-dhaqaaqyada ay Senator Fartaag iyo wasiir Janan ka wadaan Gedo, gaar ahaan in ciidamo Macawiisley ah lagu dhiso gobolkaasi. Arrimahaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay mar kale soo rogaal celisay xiisadda Gedo, kadib markii ay gobolkaasi dib ugu laabteen Senator Fartaaq iyo Janan oo haatan abuul siyaasadeed iyo mid ciidan ka wada halkaasi. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta gobolka Gedo oo sii jiitameysay, kahor iyo kadib-ba doorashadii soo dhammaatay ee 2022. The post Daawo: Fartaag oo dhaq-dhaqaaq ciidan ka bilaabay GEDO appeared first on Caasimada Online.
  14. Ciyaartoyda Xulka Qaranka ee 17-jirada ah ee Soomalaiya ayaa kulanka furitaanka Koobka qaramada Qaaradda Afrika la ciyaaray dhiggooda xulka qaranka Algeria oo sanadkaan martigalinaya. Kulanka ayaa waxaa 10:00 pm ee habeenimo laga baastay Garoonka Nelson Mandela Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Aljaris, halkaas oo labada xul ay kusoo bandhigeen ciyaar wanaag. Xulka qaranka ayaa ku guuldareystay inuu guul ku furto kulankiisa furitaanka, waxaana looga adkaaday 2 0 oo ay guushu ku raacday xulka martigelinaya ee Algeriga. Ciyaartoyda ayaa ciyaariay la’aan Cabdixafiid Maxamed oo ku haray baaritaanka tijaabada MRI Scan, waxaana xulka kusoo guuleysteen Bariga iyo Bartamaha Afrika. Xulka qaranka Soomaaliya ayaa asbuuca gudihiisa la ciyaaridoona xulka qaranka Congo, waxaana u xigi doona Sinigal oo ay kuwada jiraan Group A. Ciyaartooyda xulka qaranka ayaa ku jira Groupka ugu adag ee dhimashada marka aad aragto xulalka ku jira sida: Martigeliyeyaasha Aljeria, Sinigal iyo Congo, oo kuwa ugu adag. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam Madoobe oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa kulamo kale duwan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federalka Itoobiya iyo dowlad deegaanka Soomaalida, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Madaxweyne Madoobe oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abey Ahmed, waxaana ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah, iyadoo safarkiisa Itoobiya uu kusoo aadayo xilli ciidamo ka tirsan federalka dalka Itoobiya ay soo gaareen Jubbaland si ay howlgallada qeyb kaga noqdaan. Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar ayaa Caawa Magaalada Addis Ababa casho Sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada ku jooga dalka Itoobiya. Kulanka Casho Sharafta kadib masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan, waxaana lagu wadaa in dhowaan Jubbaland laga bilaabo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii dib uga soo muuqday ololihii doorashada ee galbeedka Turkiga. Waxa uu soo gaadhay magaalada dekedda leh ee Izmir iyadoo dadweyne aad u fara badan oo saacado ku sugayay cadceed kulul ay soo dhaweeyeen. Wuxuu ahaa isu soo bax xooggan oo ka dhacay goob mucaaradku ku xooggan yihiin. Ma jirin wax calaamad ah oo muujinayay xanuunkii sababay inuusan sameyn ololihiisa siyaasadeed ee muhiimka muddo 3 maalmood ah toddobaadkii tagay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay howlihiisa doorashada ee loo qorsheeyay toddobaadkii hore. Salaasadii, Erdogan ayaa waxaa la jaray wareysi toos ahaa oo uu taleefishin siinayay ka hor inta uusan soo laaban oo uu raaligelin ka bixin, iyada oo sababta lagu sheegay in caloosha ay xanuunaysay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Erdogan oo 69 jir ah ku yiri “(Arbacadii) waxaan ku nasan doonaa guriga anigoo raacaya talada dhaqaatiirteena”. Erdogan ayaa sidoo kale yiri “Illahay idamkii waxaan sii wadeynaa barnaamijkeena laga bilaabo berri, waxaan sii wadi doonaa inaan ka shaqeyno sidii ummadeena aan jecelnahay u gaarsiin lahayn himilooyinka qarniga Turkiga”. Madaxweynaha ayaa ku dhawaad 40-daqiiqo ku hadlayay cod dheer, isagoo ku jeesjeesay mucaaradka sidoo kalana kor u qaaday aragtida “argagixisada”, wuxuuna sheegay in isaga kaliya uu hiigsiga Turkiga gaarsiin karo. Waxay ahayd bandhig muhiim ah oo niyadda u dejin doona taageerayaashiisa lagana yaabo inay ka werweraan kuwa isaga wax u dhimaya. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo hoggaanka dalka Turkiga soo hayey in ka badan 20 sano wuxuu haatan la kulmayaa loollanki doorashada oo abid ugu adkaa. Lix xisbi oo mucaarad ah ayaa u midoobay doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamanka oo 14-ka May dhaceyso, iyaga oo madaxtinimada u soo xusahay Kemal Kilicdaroglu. Kemal Kilicdaroglu, oo ah 74 jir hoggaamiya xisbiga mucaaradka Turkiga ugu weyne ee CHP siyaasaddiisuna tahay bidixda-dhexe wuxuu horay ugu guul darreystay doorashooyin uu madaxtinimo iisu soo taagay. Balse doorashada sanadkan dhaceyso uu musharraxa ka yahay wuxuu uga duwan yahay waa musharraxa keli ah oo ay isku raaceen lix xisbi oo mucaarad ah. Kamal Kilicdaroglu hoggaanka xulafada mucaaradka ee ay isbahaysteen wuxuu kula heeshiiyey hoggaamiyeyaasha xisbiyadaasi iney iyaguna wadaagaan xilka madaxweyne ku xigeenka. “Markii aan maqlay warka ku saabsan caafimaadkiisa, waxaan Alle ka baryay in uu xanuunka igu wareejiyo,” ayay tiri Gurbet Dostum, oo ah Hooyo 42 jir ah oo haysata laba carruur ah. “Diyaar ayaan u ahay inaan isaga u xanuunsado, wax walba wuu na siinayay.” Laakiin qaar badan oo halkan jooga ayaa dhaliishan oo ka soo horjeeda, sabababo la xiriira ah sicir-bararka baahsan ee Turkiga ka jira kaas oo lagu qiyaasay boqolkiiba 50. Khubaradu waxay eedaynayeen siyaasadda-dhaqaale ee aan “caadi ahayn” ee Madaxweynaha. Hase yeeshee Gurbet Dostum waxay sheegtay in kuwa cabanayey ay yihiin kuwa ” hunguri weyn oo aan mahadda aqoon “. “Wuxuu bedelay dalka,” ayay tiri Guldana, oo ah 57 jir oo iligga dheeman ah xirnayd. Erdogan ka hor Turkigu wuxuu ahaa tuulo. Gabadh yar oo shaqo la’aan ah oo lagu magacaabo Ayse ayaa sheegtay in ay u codayn doonto Erdogan jacaylka ay u qabto dalkeeda. Sare ayuu dalkeena u sii qaadi doonaa, awood xoogganna waanu yeelan doonaa, ayay tiri. Codbixiyeyaasha Turkiga sanada badan waxay ahaayeen kuwa dhinac ka raran, balse Erdogan oo 69 jir ah wuxuu haatan wajahayaa cadaadis xooggan oo aan horay loo arag, sida ra’yi uruurinta la sameeyey ay muujinayaan musharraxa Erdogan xlilka kula tartamaya ay rajadiisu wanaagsan tahay. Xisbiga AK ee madaxweyne Erdogan wuxuu siyaasadda Turkiga uu ka soo muuqday bishii November 2002, halka hoggaanka dalka Turkigana uu qabtay wixi ka dambeeyey 2003-dii. Erdogan oo muddo Raysal wasaare soo ahaa wuxuu xilka madaxweynaha uu qabtay 2014-kii, halka 2016-dina uu ka badbaaday afgambi dhicisoobay. Source
  17. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horraysay ka warbixisay tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee isaga bara-baxay colaadda Suudaan. Safiir ku xigeenka Soomaaliya ee waddanka Suudaan Danjire Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 1,500 oo qof ay isaga carareen dalka Suudaan. Danjire Axmed Cabdi Xasan ayaa ayaa sheegay in muwaadiniintaas Soomaaliyeed isugu jiraan Arday iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu noolaa Suudaan. Safiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in safaaraddaha Soomaaliya ee dalalka Sudaan iyo Ethiopia iska kaashadeen gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee ka cararay colaadda ka taagan dalkaas Suudaan. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in 1500 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah isaga carareen colaadda Suudaan appeared first on Puntland Post.
  18. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay in uu yahay nacas wayn kadib markii uu siyaasigu xukuumada Somaliland ku dhaliilay sida ay uga jawaabtay kacdoonka Laascaanood. Faysal Cali Waraabe ayaa si deg deg ah uga jawaabay qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku baahiyay bartiisa Facebook, oo xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay gabaadfalo ka gaysatay magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in anay sax ahayn in reer Laascaanood lagu qasbo midnimada Somaliland. Kadib qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka tilmaamay in madaxweyne Farmaajo uu ku saxsana in uu isku dayo in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur isaga oo ku sifeeyay nacas wayn. Source
  19. Garowe (HOL) - At least three suspects have been arrested in connection with the gang rape and murder of 16-year-old Nimo Abdiwali Osman in the northeastern Puntland region of Somalia. Source: Hiiraan Online
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo qoraal soo saaray ayaa u jawaabay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shalay si weyn Somaliland ugu dhaliilay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Somaliland ku eedeeyay inay gabood-fal ka gaysatay magaalada Laascaanood, waxaana uu tilmaamay in shacabka aan lagu qasbi karin wax aysan rabin, sida uu hadalka u dhigay. “Somaliland waxaa ku dhacay gaboodfal magac dawladeed loogu geestay, ka dibna gooni isku taag ayey xal u arkeen. Sidoo kale ayaa reer Laascaano gaboodfal u geystay maamulka Somaliland, waxayna doonayaan midnimo Soomaaliyeed. Haddii aan midnimo Soomaaliya lagu qasbi karin Somaliland, sidee Laascaano midnimo Somaliland loogu qasbayaa?” ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Laancaano kuma eka ee beelihii kale way cabanayaan, muddo xileedka Biixina waa dhamaaday, isfaham la’aan ayaa isaga iyo mucaaradka ka dhex taagan, ismadii xalka keeni jirayna maleh”. Dhankiisa Faysal Cali Waraabe oo u jawaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay inuu yahay nacas weyn, sida uu ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa. Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ku saxnaa markii uu isku dayay inuu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horay loogu weeraray gurigiisa. “Farmaajo wuu saxsanaa markii uu isku dayay in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waa nacas wayn” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ah nin aad u naqdiya siyaasiyiinta kasoo jeedo koonfurta ayaa marar badan weeraro afka ah ku qaaday dowladda federaalka iyo reer Muqdisho. Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysaa xaalado adag oo isbiirsaday sida daagaalka ka socda magaalada Laascaanood iyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay doorashooyinka oo ay weli isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda maamulkaasi. The post WARAABE: Farmaajo wuu saxsanaa markii uu isku dayay inuu dilo CC Shakuur appeared first on Caasimada Online.
  21. One morning in 2011, Fatima Ismail Mohamed was seated in her 8th grade classroom in the Somali capital of Mogadishu waiting for the lesson to begin, when suddenly her friend seated next to her dropped to the ground, writhing in pain. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) - As conflicts in Sudan and Ukraine disrupt food supply chains, Somalia is looking to capitalize on the growing food demands in Egypt, particularly in the livestock sector. With Egypt's food security status becoming a matter of concern, the country is actively seeking alternative sources of grains, wheat, and livestock. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta iyo xalay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir. Howlgalka koowaad oo ka dhacay degmada Wadajir ayaa waxaa lagu soo qabtay maan-dooroye fara badan oo xashiish ah iyo nin ganacsanayay, kaas oo lagu xiray saldhigga degmadaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafqsan, maadaama la mamnuucay maan-dooriyaha. “29/04/2023 Abaara 11:00 pm, Ciidanka Boliiska Qeyta Galbeed iyo ciidanka Boliis Militare oo howlgal wadajir ah waday, ayaa soo qabtay,maandooriye tira badan oo xashiish ah iyo Eedeysane lagu magacaabo C/qaadir C/llaahi Axmed waxaana gacanta ku haya saldhiga booliiska Wadajir, waxaana la horgeynd oonaa Cadaalada” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale ciidamada Booliska gobolka Banaadir oo kaashanayaa kuwa Boolis Militare ayaa howlgal kan lamid ah sameeyay degmada Dharkenley, waxaana lagu soo qabtay maan-dooriye iyo nin kale oo eedeysane ah oo la sheegay inuu ka ganacsanayay, kaas oo uu isna taliska boolisku sheegay in la horgeyn doono maxkamadd, si looga qaado tallaabo adag. “29/04/2023 Abaara 22:30 pm, Ciidanka Boliiska Qeyta Galbeed gaar ahaan saldhiga ciidanka booliiska dharkeynley oo howlgal waday, ayaa soo qabtay,maandooriye tira badan sida xashiish iyo calaq. Eedeysanaha waxaa gacanta ku haya saldhiga booliiska Dharkeynley, waxaana la horgeyn doonaa cadaaladda” ayuu mar kale yiri Booliska. Ugu dambeyn wuxuu talisku farriin guud u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan la dagaalanka maan-dooriyaha oo haatan si dardar leh uga socdo gudaha caasimada, gaar ahaan degmooyinka gobolka Banaadir. “Muwaadin hadii aad aragto arimo lid ku ah Amniga caasimada waxaa naga soo waci kartaan numberka gaaban ee 991” aya lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka. Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagula dagaalamayo maanka-dooriyaha, ciyaal weerada iyo burcadda. The post Maandooriyihii ugu badnaa oo lagu qabtay Wadajir iyo DHARKENLEY + Sawirro appeared first on Caasimada Online.