Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - At the Mo Ibrahim Foundation Governance Conversation in Nairobi, President William Ruto of Kenya expressed his deep frustration over the African Union's (AU) inability to support Somalia without relying on foreign aid. Ruto slammed the continental organization, questioning the management of the AU and its effectiveness in addressing Africa's challenges. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Axaddii sheegay in ciidamada sirdoonka Turkiga ay Suuriya ku dileen hoggaamiyihii Daacish Abuu Xuseen Al-Qurashi. “Hawlgal ay hay’adda Sirdoonku shalay ka fulisay Suuriya ayaa lagu dilay shakhsigan,” ayuu Erdogan ku yiri wareysi uu siiyay TV-ga TRT Turk. Erdogan ayaa sheegay in hay’adaha Sirdoonku ay muddo dheer ku daba jireen Qurashi. Ilo deegaanka ah iyo kuwa ammaanka Suuriya ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya. IS ayaa al-Qurashi u dooratay hoggaamiye bishii November 2022 kadib markii hoggaamiyihii hore ee IS lagu dilay hawlgal ka dhacay koonfurta Suuriya. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Turkiga oo dilay Hoggaamiyihii Daacish appeared first on Puntland Post.
  3. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ku kulmaan dalka Itoobiya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Madaxweynaha Jubaland ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmayo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed. Madaxweynaha Puntland ayaa isna horraanta Bishan May ku wajahan Addis Ababa, waxaana xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan in halkaas ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe. Inkastoo aan weli xog sugan laga helin ajandaha kulanka labada dhinac, haddana waxa lagu wadaa in kulankaas uu mar kale xoojiyo iskaashiga dhinaca siyaasadda ee Puntland iyo Jubaland. Xiriirka labada dhinac ayaa bilihii dhowaa u muuqday mid gaabiyey, ayada oo uu wiiqmay iskaashiga labada maamul, oo mar u muuqday kuwa aan ku kala harin go’aanada xasaasiga ah. Madaxweyne Saciid Deni ayaa dhowr bil kahor xiriirka u jaray dowladda federaalka, isga oo ka caraysan inaan la siin xilka ra’iisul wasaaraha shaqsiyan, sidoo kalena la dhaafiyey maamulka Puntland. Si kastaba, Axmed Madoobe ayaan go’aankaas kula biirin Puntland, wuxuuna wadashaqeyn dhow la leeyahay dowladda federaalka. Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayey isku beel yihiin Axmed Madoobe. Dhinaca kale, maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray warar sheegaya in Puntland ay gadaal ka riixeyso mooshin la sheegay inuu ka dhan yahay ra’iisul wasaare Xamza. Hase yeeshee mooshinkaas ayaa u muuqda mid hadal hayn un ku kooban oo aan dhab ahaan jirin. The post Xog: Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo ku kulmaya Addis-Ababa iyo qorshaha appeared first on Caasimada Online.
  4. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa Axaddii ku dhowaaqday howlgallo ka dhan ah tahriibka, ayada oo taleefishinka dowladda uu weriyey in booliska ay xireen 3,000 oo qof oo la masaafurin doono. Wasiirka Arrimaha Gudaha Nuux Xasan ayaa sheegay in dalkan ku yaalla Geeska Afrika “ay buuxiyeen” qulqulka dad ka imanaya dalalka deriska ah, ayada oo 220,000 ay “si sharci darro ah” u yimaadeen sanadkii 2022 oo kaliya. Jabuuti, oo dadkeeda lagu qiyaaso hal milyan, ayaa ku taalla marin tahriib oo ay maraan muhaajiriinta kasoo cararaya dagaallada iyo musiibooyinka isbeddelka cimilada ee raadinaya nolol wanaagsan. Nuux ayaa khudbad uu ka jeediyey taleefishinka ku sheegay in Jabuuti ay go’aansatay inay qaado tallaabo lagu ilaalinayo “badqabka iyo nabad-galyada shacabkeeda” iyo inay xakameyso qulqulka muhaajiriinta dalka imanaya. “Ciidamada waxaa lagu qasbay Axaddii… inay fuliyaan howlgal deg deg ag oo lagula dagaalamayo dambiyada iyo ka ganacsiga badeecadaha sharci darrada ee qeybo ka mid ah magaalada Jabuuti,” ayuu yiri. Taleefishinka dowladda ee RTD ayaa sheegay in qiyaastii 3,000 qof lagu xiray howlgalka, loona qaadayo xarumo masaafurin, si baabuur xamuuli ah dib loogu celiyo dalkooda. Lama shaacin dalka ama dalalka ay kasoo jeedaan dadkaas. “Howlgalalda waa ay kasii socon doonaan dhulka Jabuuti,” ayuu yiri Nuux. Waxa uu sheegay in muhaajiriinta sharci-darrada ah ee ka shaqeeya qeybaha aan rasmiga ahayn, la diiwaan-gelin doono, lana siin doono “sharci dhaq-dhaqaaq,” balse shuruudda ay tahay in shirkadaha ay u shaqeeyaan ay kusoo wargeliyaan dowladda. Kuwa aan shaqada haysan, “waxaan ku casuumeynaa inay deg deg si iskood ah dalkooda ugu laabtaan,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay inuu jiray waqti 30 maalmood ahaa oo loo qabtay muhaajiriinta sharci-darrada inay u hoggaansamaan. “Muhaajiriinta sharci-darrada ah, waa bam ku qarxi raba Jabuuti, aad ayey u badan yihiin,” waxaa sidaas yiri Bilan, oo ah 45 jir shaqo la’aan ah oo u dhashay Jabuuti oo la hadlay AFP, isaga oo diiday inuu sheego magaciisa oo buuxa. AFP, VOA The post Booliska Jabuuti oo fuliyey howlgal lagu xiray 3,000 qof appeared first on Caasimada Online.
  5. More than 800 East Africans have successfully been evacuated from Sudan as the conflict rages on with multiple casualties reported and several others injured, spiralling into a humanitarian crisis. Source: Hiiraan Online
  6. A famous yacht once owned by Hollywood actors Richard Burton and Elizabeth Taylor was caught in a skirmish off the coast of Yemen, on Friday. Source: Hiiraan Online
  7. MOGADISHU, Somalia — Scores of Somalis fleeing violence in Sudan arrived in their Horn of Africa nation on Sunday, an official said. Source: Hiiraan Online
  8. Djibouti (Caasimada Online) – In an effort to protect the “well-being and safety of its population,” Djibouti’s government announced a crackdown on irregular migration on Sunday. Interior Minister Said Nouh Hassan addressed the nation via a televised speech, stating that the strategic Horn of Africa nation had become “saturated” by an influx of individuals from neighboring countries, with 220,000 arriving “illegally” in 2022 alone. “The security forces were forced this Sunday… to carry out an emergency operation to combat crime and the trafficking of illicit goods observed in a certain sector of Djibouti city,” Hassan said. State-run television RTD reported that approximately 3,000 people had been detained in the operation and taken to deportation centers. They will be transported in trucks back to their countries of origin. “These operations will continue throughout the territory,” Hassan added. Irregular migrants facing new rules Djibouti, which has a population of around one million, lies along a perilous migration route from Africa for individuals fleeing conflict, climate disasters, or seeking a better life. In response to the growing crisis, Hassan said that irregular migrants employed in the informal sector could register and be provided with “circulation documents,” provided their employers declared them to local authorities. For those without work, the Interior Minister encouraged them “to return immediately and voluntarily to their country of origin.” He set a 30-day deadline for irregular migrants to comply with the new rules. Concerns over illegal immigrants “Illegal immigrants are like a time bomb in Djibouti; there are so many of them,” an unemployed 45-year-old named Bilan told AFP, declining to provide his full name. Bilan’s statement reflects the growing concerns of Djibouti’s citizens over the rising number of migrants entering the country. With the government’s new crackdown and enforcement measures, it remains to be seen how the situation will unfold and its impact on Djibouti and the region at large. The post 3,000 arrested as Djibouti addresses migrant influx appeared first on Caasimada Online.
  9. Wararkii u dambeeyey Dagaalka Suudaan & Cabsi laga qabo Hal Arrin+Sawirro Ciidamada iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya Suudaan ayaa midba midka kale ku eedeeyay jebinta xabbad joojin cusub Axaddii maanta iyadoo iska horimaadkooda dhimashada badan sababay uu sii socday toddobaadkii saddexaad xilli laga digayo colaada Sudan inay isu bedesho dagaal sokeeye oo daba dheeraada. Boqolaal qof ayaa lagu dilay kumanaan kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii uu dagaal la xiriira loolan awoodeed uu ka dhex qarxay ciidamada Suudaan iyo xoogaga taageerada degdegga ah ee RSF 15-kii Abriil. Labada dhinacba waxay sheegeen in heshiis xabbad-joojin ah saqda dhexe ee habeenimo lagu kordhin doono 72 saacadood oo dheeraad ah, tallaabadaas oo RSF ay ku sheegtay “in ay jawaab u tahay baaqyada caalamiga ah, gobolka iyo kuwa maxalliga ah”. Ciidamada milateriga ayaa sheegay in ay rajeynayaan in waxa ay ugu yeereen “falaagada” ay u hogaansami doonaan heshiiska balse ay aaminsan yihiin inay damacsanaayeen in ay sii wadaan weerarada. Xaalada magaalada Khartoum oo ay ciidamadu kula dagaalamayeen kuwa RSF-ta ayaa saaka oo Axad ah ahayd mid degan, sida uu sheegay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters, kadib isku dhacyo culus oo fiidnimadii Sabtida laga maqlay meel u dhow bartamaha magaalada. Ciidanka ayaa sheegay in Axadii ay burburiyeen kolonyo ay la socdeen ciidanka RSF-ta oo ku sii jeeday magaalada Khartoum. RSF waxay sheegtay in ciidanku ay u adeegsadeen madaafiic iyo diyaarado dagaal si ay u weeraraan fariisimaha ay ku leeyihiin deegaano badan oo ka tirsan Khartoum. Dagaalka Khartoum ayaa ilaa hadda la arkayay ciidamada RSF-ta oo isku dayaya iney isku balaariyaan magaalada oo dhan iyadoo ciidamadu milaterigu ay si weyn u beegsanayaan iyagoo adeegsanaya duqeymaha dayuuradaha aan duuliyaha lahayn iyo kuwa dagaalka. Colaadda ayaa keentay in tobanaan kun oo qof ay ku cararaan xudduudaha Suudaan, waxaana laga digay in dalkaas uu lugaha la galo dagaal sokeeye oo khalkhal gelinaya xasilloonida gobolka. Rajada wada xaajoodka labada dhinac ee Sudan ayaa u muuqatay mid mugdi ah. “Ma jiraan wax wada xaajood ah oo toos ah, ” ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, Volker Perthes oo la hadlay warfidiyeennada ku sugan magaalada Port Sudan, isagoo intaas ku daray in dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ay la shaqeynayaan labada dhinac. Perthes, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters inuu rajaynayo in kulan toos ah uu dhexmaro wakiilada dhinacyada sida ugu dhaqsaha badan kaasoo looga dan leeyahay in lagu “gaaro xabbad joojin habaysan oo leh hab kormeer ah. Hogaamiyaha ciidamada General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in uusan marnaba la fariisan doonin madaxa RSF General Mohamed Hamdan Dagalo, oo sidoo kale loo yaqaano Hemedti, kaasoo isna dhankiisa sheegay inuu wadahadalka ogolaan doono kaliya marka ay ciidamada milaterigu joojiyaan dagaalka. Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan oo dowladdiisu ay qeyb ka qaadatay dhexdhexaadinta xabad joojinta ayaa Riyad kula kulmay ergayga Burhaan Daffalla Al-Xaj Cali, wuxuuna ugu baaqay in la dejiyo xaalada, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga. Waxaa sii kordhinaya cadaadiska diblomaasiyadeed, madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka Carabta Sheikh Mansour bin Zayed oo telefoon kula xiriiray Burhaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee WAM. Iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in kaliya 16% xarumaha caafimaadka ee Khartoum ay u shaqeeyaan si caadi ah, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa gaarsiisay 8 tan oo gargaar caafimaad ah. “Shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee Suudaan waxay sameynayaan wax aan macquul ahayn, iyagoo daryeelaya kuwa dhaawaca ah xili aysan jirin biyo iyo koronto iyo waliba sahayda caafimaadka aasaasiga ah oo gabaabsi ah,” ayuu yiri Patrick Youssef, agaasimaha gobolka ICRC ee Afrika. Laakin intii la oggolaaday in sahaydu ay aaddo Khartoum, isbitaallada, kolonyada iyo ambalaasta ayaa lagu weeraray ayuu yiri. Ugu yaraan shan ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa lagu dilay dagaalka. Saddex meelood meel 46 milyan oo qof oo reer Sudan ah ayaa u baahnaa gargaar bini’aadanimo ka hor inta uusan dagaalku bilaaban. Khilaafkan ayaa waxa uu meesha ka saaray isbedel siyaasadeed oo caalamku taageeray, kaas oo lagu doonayay in lagu soo dhiso dawlad dimuqraadi ah oo ka dhacda Suudaan, halkaasoo madaxweynihii hore ee ismaamulka Cumar Xasan Al-Bashiir la afgambiyay 2019 ka dib soddon sano oo uu xukunka hayay. Ugu yaraan 528 qof ayaa ku dhintay 4,599 waa ay dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka sudan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tiro la mid ah ay ku dhinteen balse ay rumeysan tahay in khasaaraha dhabta ah uu intaas ka badan yahay. Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com Muqdisho Somalia Qaran News
  10. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo Digniin culus u diray madaxweyne Deni+Sababta Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, ahna sanator katirsan Aqalka sare ayaa uga digay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu furo dastuurka maamulkiisa. Cabdiraxmaan Faroole oo hoggaamiye ka ah urur siyaasadeedka mucaaradka ee Horseed, ayaa sheegay in ay caaqib xumo ka dhalan karta furitaanka dastuurka Puntland, isagoo sheegay in Puntland ku sugan tahay marxalado siyaasadeeed oo xasaasiya. Faroole wuxuu sheegay in aanay xilligan jirin daruufo aan laga fursan karin oo qasbaya in dastuurka la furo. Madaxweynihii hore Puntland wuxuu Deni ku eedeeyay inuu danaha sii joogitaanka kursiga madaxweynaha awgeed u doonayo inuu dastuurka u furo, si uu wax uga beddelo qodobo damaciisa ka hor imaanaya. Hadalka Faroole ayaa kusoo aaday, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweyne Deni uu dhawaan isugu yeeray ururada siyaasadda, isagoo kala hadlay in dastuurka la furo, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan. Halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed.Deni ayaa lagu eedeeyay inuu ka damacsan yahay qorshahan, in shanta urur siyaasadeed ay go’aamiyaan nuuca doorasho ee 2024, ama in muddo kororsi ay u sameeyaan maamulkiisa, arrintaas oo siyaasiyiinta mucaaradka aad uga soo horjeedaan. Qaran News
  11. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Axaddii sheegay in ciidamada sirdoonka Turkiga ay Suuriya ku dileen hoggaamiyihii Daacish Abuu Xuseen Al-Qurashi. “Hawlgal ay hay’adda Sirdoonku shalay ka fulisay Suuriya ayaa lagu dilay shakhsigan,” ayuu Erdogan ku yiri wareysi uu siiyay TV-ga TRT Turk. Erdogan ayaa sheegay in hay’adaha Sirdoonku ay muddo dheer ku daba jireen Qurashi. Waxa kaloo uu yiri “Tani waa markii ugu horreysay oo aan halkan ka sheego, qofkan waxaa lagu soo geba-gabeeyay hawlgal ay MIT fulisay.” Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Ilo deegaanka ah iyo kuwa ammaanka Suuriya ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya, halkaasoo ay maamulaan kooxaha uu Turkigu taageero, waxayna ka mid tahay meelaha ugu badan ee uu saameeyay dhulgariirkii 6-dii February ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya. Daacish ayaa al-Qurashi u dooratay hoggaamiye bishii November 2022 kadib markii hoggaamiyihii hore ee Daacish lagu dilay hawlgal ka dhacay koonfurta Suuriya. Daacish ayaa la wareegtay dhul ballaaran oo Ciraaq iyo Suuriya ah sanadkii 2014-kii, waxaana madaxii xilligaas Abu Bakar al-Baghdadi uu kaga dhawaaqay khilaafaad Islaami ah dhulalka ay ku nool yihiin malaayiin. Balse Daacish ayaa lumiyay awooddii ay ku haysay dhulkaas, kadib hawlgallo ay sameeyeen ciidamada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq, iyo sidoo kale ciidamada Suuriya oo ay taageerayaan Iran, Ruushka iyo ciidamo kala duwan. The post Madaxweyne ERDOGAN oo ku dhowaaqay WAR culus appeared first on Caasimada Online.
  12. Gudoomiyaha ururka Barwaaqo Dr. Mohamed Cabdi Gaboose ayaa ay wararku sheegayaan in xidhiidh hoose oo in mudo ah socday oo u dhaxeeyay isaga iyo musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, uu ku soo dhamaaday is afgarad. Wararku waxa ay sheegayaan in uu Dr Gaboose qaatay in uu dhiso oo is garab taago musharaxnimada Cirro doorashada fooda inagu soo haysa ee madaxweynaha. Waxana la filayaa in dhawaan ay arintani labada garab ay warbaahinta la hadli doonaan una bayaamin doonaan in la isku raacay sidii Cirro loo taageeri lahaa, hore ayaa gudoomiyaha ururka Kaah uu heshiis kila gaadhay musharax Cirro in lagaadhay xiligii la dhisi lahaa musharaxa xisbiga Waddani Dr Cirro. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Bahda Waxbarashada ee gobolka Banaadir ayaa si adag uga horyimid taxane cusub oo lagu magacaabo ARDAY, kaasi oo telefishanka Bile uu baahintiisa bilaabay saddex maalmood kahor. Taxanahan oo lagu duubay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa waxay bahda waxbarashada ee gobolka Banaadir ay ku sababeeyen diidmadooda in film-kan uu gudbinayo anshax xumo ka dhan ah magaca uu wato ee “ARDAY”. War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo saareen bahda waxbarashada ee gobolka Banaadir ayaa waxay ku sheegeen inay go’aankan ku mideysan yihiin “bahda waxbarashada, culuma’udiinka, odayaasha dhaqanka, ururada bulshada, ganacsatada iyo waalidiinta.” Waxay sheegeen in film-kan cusub uu duullaan ku yahay waxbarashada dalka, Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee bulshada Soomaaliyeed, “Waxaa soo jeedinayna in bulshada Soomaaliyeed ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si looga hortago khatarta ka dhalan karta anshax xumada film-kaan.” War-saxaafadeedkan ayaa waxaa lagu cambaareeyay in taxanahan si ula kac ah loogu soo aadiyay waqtiga imtixaanaadka, iyaga oo ugu baaqay shirkada duubtay film-kan inay raali-gelin ka bixiso, islamarkaana ay joojiyaan baahintiisa. “Waqtiga imtixaanaadka ayaa si kas ah ugu soo aadiyeen, si ay ardeyda uga mashquulaan waxbarashada. Arrintan waxay keeni karta inay sare u kacdo tirada ardeyda ee ku dhaca imtixaanka iskuuladda.” “Film-ka Arday waa duulaan lagu soo qaaday Waxbarashada dalka iyo Diinta Islaamka hadii aysan dowladu joojin waxaan si kumeel-gaar ah u joojin doona waxbarashada,“ ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri war-saxaafadeedkan. Marka laga imaado eedeynta iyo diidmada ay taxanahaan kala horyimaadeen bahda waxbarashada, maamulka telefishanka Bile iyo howl-wadeenada kale ee ka shaqeeyay soo saarista film-kan ayaa sheegay in taxanaha cusub uu gudbinayo waaqica ka jira gudaha Soomaaliya. Waxay ku doodeen in taxanahaan lagu magacaabo ARDAY uu banaanka keenayo dhibaatooyinka ka dhex dhaca marxalada Ardeydnimo ee Soomaaliyeed, islamarkaana uu qeyb ka yahay wacyi-gelinta iyo soo bandhigista waaqica dalka ka jira qaab sheeko-faneed. Si kastaba, Taxanahan oo Khamiistii si rasmi ah loo bilaabay baahintiisa, ayaa waxaa illaa hadda wax war ah kasoo saarin Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, oo ayadu sida muuqata noqon doonta marjaca u dambeeya ee doodda uu film-kan ka dhex dhaliyay bahda waxbarashada iyo shirkada soo saartay. Hoos ka daawo The post Daawo: Bahda Waxbarashada oo si adag uga hor-timid taxane ka bilowday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan loogu duceynayey Allaha u naxariistee Weriye Maxamed Ciise Koonaa oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe, dhamaadkii bishii October ee sanadkii hore. Kulankaan ayaa lacag ka badan 12,000 oo dollar lagu gaarsiiyey qoyska Weriye Maxamed Ciise Koonaa oo aad looga jeclaa shaqada saxaafadda Soomaaliya. Bahda warbaahinta, gaar ahaan weriyaal is xilqaamay ayaa uruurinta lacagtaan soo bilaabay markii uu geeriyooday Weriye Koonaa, waxaana maanta u suurta gashay inay qoyskiisa ku wareejiyaan in ka badan 12,000 oo dollar. Munaasabad ay ka soo qeyb-galeen bahda warbaahinta Muqdisho, masuuliyiin iyo qoyska AUN Weriye Koonaa oo lagu qabtay beerta Nabadda ayaa lagu wareejiyey lacagtaan. Waxaa halkaas lagu akhriyey Qur’aan, waxaana loo duceeyey marxuumka, iyo wiil saqiir ah oo ifka uu kaga tegay, Mahanad Maxamed Ciise Koonaa ayaa ka nool reerka aabihiis oo siyaabo kala duwan loo dilay, intii uu dalka qalalaasuhu ka jiray. Agaasimayaal ka socday bahda warbaahinta dalka oo kulankaas ka hadlay ayaa bogaadiyey sida ay isu-garab istaagaan weriyaasha Soomaaliyeed, markii ay midkood xaaladi soo wajahdo ama uu geeriyoodo. “Hadii sidaan oo kale qeyb kasta oo isku xirfad ah ay isugu gurmato, Soomaalidu mar hore ayey guuleysan laheyd, waxaana ku talinayaa in saxafiyiinta Soomaaliyeed lagu Dando,” ayuu yiri Ex Weriye, Xildhibaan Nuuradiin Colujoog oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qeyb gashay kulankaan ducada ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Qoyskii uu ka geeriyooday Weriye Koonaa oo la siiyey lacag dhan $12,000 appeared first on Caasimada Online.
  15. Mr Ali Haji Adam, the Federal Somalia Minister for Health. Mogadishu (PP News Desk) — Remarks by the Health Minister of the Federal Republic of Somalia Mr Ali Haji Adam Abuubakar at a conference in India created a controversy over his suitability to remain a minister. “Somalis spend more than 100 million dollars on medical care in India” said the Health Minister who described this trend as an aspect of the historic relations between India and the Federal Republic of Somalia. “Mr. Minister, countries do not facilitate and promote outbound health tourism and instead strengthen their domestic healthcare infrastructure and systems to reduce the outbound. Visa challenges are of MFA ambit. We must strive to reduce the ‘100m’ and spent domestically” tweeted Mohamed Dubo, the Director of Sominvest. The Somalia Health Minister briefing the Indian press in New Delhi. Mursal Khalif, a Somali Federal MP, suggested priorities for the Health Ministry without drawing attention to the Health Minister’s gaffe: “Priorities for @MoH_Somalia must include: 1) increasing access to primary care 2) improving training & education of healthcare professionals 3) developing more medical centers providing secondary & tertiary care 4) addressing mental health needs of the youth, victims of violence & vulnerable populations 5) making measurable quality of care a requirement for all healthcare facilities” tweeted Khalif. India is one of the favourite destinations for Somalis seeking medical care. Somalia lacks public medical facilities and properly regulated private healthcare provision. © Puntland Post, 2023 The post Somalia Health Minister Remarks on “Medical Tourism” Sparks Twitter Backlash appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhawaad 1,500 oo muwaadin laga soo saaray dalka Sudan kadib markii ay sii xumaatay xiisadda dagaal ee halkaasi ka taagan. Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas. Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliy ee Sudan Axmed Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inuu weli socdo dadaallada lagu soo daabulayo muwaadiniinta, ayna samata-bixintooda si weyn iskaga kaashanayaan safaaradaha dalalka deriska ah. “Waxaa lagu guuleystay dowladdaha deriska ah inay xiriiro la sameyso oo ogolaadan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee waddanka Sudan kasoo cararaya u ogolaadan inay waddankooda u furaan. Dadka u badan waxay u socdaan dhanka Ethiopia,” ayuu yiri. Safiir ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo xilligaan ku sugan dhanka Xadka, si uu muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu fududeeyo wixii dukumenti ah ee ka caawinaya ka bixitaanka Sudan, ayaa waxa uu markale ku celiyay in dowladda diyaar u tahay in dadka weli ku go’doonsan gudaha Sudan inay ka saarto. “Shaqada meel fiican ayay mareysa oo dadkii intii bixi karta ay baxeen, inta gobollada qaar ku go’doonson ee raba inay baxaan waxaa diyaar u nahay in aan ka saacidno wixii dukumenti ah, kana saarno Sudan.” “Sudan tan iyo 2019-kii waxaa hoos u dhaceysay ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u tageysay Sudan. Marka waxaa mooda in ardayda iyo tirada dadka Soomaaliyeed ee dalka Sudan ay soo yaraanayeen, marka qiyaasta waa ku dhawaad laba kun oo arday ah wax ka baranayeen Sudan. Jaaliyad muddo dheer iskaga nooleyd oo ka shaqeysata ay ku nooleyd waddanka.” Xabbad-joojinta iyo dadaallada kala duwan ee wada-hadal lagu abaaburayo ayaa niyad wanaag u sameysay dadka ku dhibaateysan dalka Sudan, si ay u qiimeeyaan isbaddalka ka dhici kara haddii aanay dagaal dib u billaaban. Ajaanibtii ugu badneyd ayaa laga daad-gureeyay Sudan, gaar ahaan magaalada Khartuum, dadka isaga tagaya dalkaas ee laga soo saarayo ayaa waxaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo ay weli ay jiraan qaar ku go’doonsan meelo kala duwan. Si kastaba, Sudan ayaa hadda dhan weliba ka xayiran, waxaana weli is-horfadhiya dhinacyadii dagaalamay, inkasta oo meelaha qaar laga soo warinayo isku dhacyo ciidan oo aan badneen. The post DF oo shaacisay tirada Soomaalida laga soo badbaadiyey dagaalka ka socda SUDAN appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa si deg deg ugu yeeray Milkiilayaasha goobihii maqaayadaha ee la xiray ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Go’aankan cusub ee maamulka gobolka ugu yeeray ganacsatadan ayuu ku sheegay in si dib-u-eegis loogu sameeyo shatiyada ay horey u qaateen, ganacsiga ay hada ka shaqeeyaan iyo mas’uuliyadda goobahaasi, sida uu shaaciyay Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere. Afhayeenka oo warbaahinta la wadaagay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi sida ugu dhaqsaha badan loogu wargelinayo milkiilayaasha iska leh goobaha la xiray ee ku yaal degmooyinka; Cabdicasiis, Hodan, Wadajir iyo Waaberi. Milkiilayaashan ayaa waxaa si gaar ah u qaabili doono maalinta berri ah oo hay’addaha dowladda ay fasax yihiin guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale. “Waxaa la ogeysiinaya milkiilayaasha inay hore usoo qaatan oo ay la yimaadan Shatiga ay hore uga qaateen dowladda Hoose ee Xamar iyo caddeynta muujineysa inuu yahay milkiilaha ama wakiilka saxda ah,” ayuu yiri. “Milkiile walba oo u dhan dukumentiyadiisa inuu Aqalka Hoose Xamar uu yimaado saacada marka ay tahay 11-ka barqanimo. Berri oo ah 1-da May oo ku beegan maalinta shaqaalaha, islamarkaana fasax laga yahay shaqooyinka, waxa uu Guddoomiye Madaale u asteeyay inuu xafiiskiisa ku qaabilo milkiilayaashii goobihii la xiray si dib u eegis loogu sameeyo.” Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore shatigii kala laabatay dhamaan maqaayadaha iyo hoteellada ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Hoteellada iyo maqaayadaha lagala laabtay shatigii ganacsi ee ku shaqeynayeen ayaa waxa uu maamulka gobolka xilligaasi sheegay in laga diiwaan-galiyay falal isugu jira anshax xumo, dilal iyo dhac dadweyne. “Maamulka gobolka Banaadir waxa uu xiray goobo ganacsi oo lagu isticmaalayay maandooriye oo ay ka socdeen wax ka baxsan anshaxa iyo dhaqankeena suuban, iyada oo goobahaasi la xiray lagala noqday shatiyadii ganacsi ee hore u haysteen,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere. Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaya xilli ay caasimada ka socdaan howl-galo lagula dagaalamayo maandooriyaha, islamarkaana uu maamulka gobolka amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaalaha lidiga ku ah anshaxa. The post Maamulka gobolka ‘oo si deg deg ah ugu yeeray’ qaar kamid ah ganacsatada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweyne Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtidii maanta dib uga soo muuqday ololihii doorashada ee galbeedka Turkiga, kadib maalmihii lasoo dhaafay oo la sheegay inuu wajahay xaalad caafimaad. Waxa uu soo gaaray magaalada dekedda leh ee Izmir iyadoo dadweyne aad u fara badan oo saacado ku sugayay cadceed kulul ay soo dhaweeyeen. Wuxuu ahaa isu soo bax xooggan oo ka dhacay goob mucaaradka u janjeera. Ma jirin wax calaamad ah oo muujinayay xanuunkii sababay inuusan sameyn ololihiisa siyaasadeed ee muhiimka muddo 3 maalmood ah toddobaadkii tagay, markaas oo qoraal uu baahiyay ku cadeeyay xaaladda uu ku jiray. “Waxaan Alle ka baryay in uu xanuunka igu wareejiyo, Diyaar ayaan u ahay inaan isaga u xanuunsado, wax walba wuu na siinayay.” ayay tiri Gurbet Dostum, oo ah Hooyo 42 sano jir ah oo haysata laba carruur ah oo hadashay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay howlihiisa doorashada ee loo qorsheeyay toddobaadkii hore, waxaana maalmihii Arbacada iyo Khamiista lagu wargaliyay dadka in la joojiyay. Xisbiga AK ee madaxweyne Erdogan wuxuu siyaasadda Turkiga uu ka soo muuqday bishii November 2002, halka hoggaanka dalka Turkigana uu qabtay wixi ka dambeeyey 2003-dii, isaga oo noqday Ra’iislwasaare Madaxweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay tallaabo cusub oo uu qaaday mid kamid ah horjoogayaasha ku dhow hoggaamiyaha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab Axmed Diiriye oo kooxdu u taqaano Abuu Cubeyda. Horjoogahan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Afgooye ayaa waxa uu carruurtiisa kala baxay deegaanada ay weli ku hartay kooxda, kadib markii qaar kamid ah horjoogayaasha sar-sare ee Al-Shabaab ay dagaalka kasoo saareen carruur ay dhaleen oo hore qeyb uga ahaa kooxda. Horjooge Xasan Afgooye ayaa waxa uu kasoo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Tallaabada uu qaaday Xasan Afgooye ayaa imaneysa xilli ay hore warbaahinta dowladda u baahisay in horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Al-Shabaab ay diideen in carruurtooda ay ka qeyb qaataan dagaalka ay ku jirto kooxda, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah. Warbixintaasi oo baahisay warbaahinta dowladda, ayada oo soo xiganeysa xog ay ka heshay Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay in horjoogayaasha ay carruurtooda ku noolaayeen gudaha dalka ay ka horyimaadeen in carruurtooda qeyb ka noqdaan dagaalka socda. Sidoo kale waxaa warbixinta warbaahinta dowladda lagu sheegay intii uu socday dagaalka in horjoogayaasha kala ah; Abuu Muslim, Fu’aad Shangolo iyo Xuseen Cali Fiidoow ay dagaalka ka saareen xubno ay dhaleen oo ku noola deegaanada ay gacanta ku hayaan. “Fu’aad Shangolo ayaa markii uu wiil dhalay uu kasoo saaray dagaal culus, waxa uu faray inuu si deg deg ah uu wiilkiisa uga soo baxo dhamaan deegaanada ay Khawaarijta joogaan, ayada oo ujeedkiisu ahaa in mardambe uu dagaal ku dhicin wiilkiisa,” ayaa lagu yiri warbixintaasi ay sii deysay warbaahinta dowladda. Warbaahinta dowladda ayaa muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha kooxda ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan. The post DF oo shaacisay tallaabo uu qaaday mid kamid ah madaxda u dhow Axmed Diiriye appeared first on Caasimada Online.
  20. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 123 Muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey, ku xanibmay dagaalka ka socda dalka Suudaan, iyadoo 78 ka mid ah dadkaas waxaa la keenay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho halka 45 muudin oo kalena laga dajiyay Magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, halkaas oo soo dhoweyn loogu sameeyay. Muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis ababa, Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, Wasiirada arrimaha dibadda,wasiirka Waxbarashada,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay 78 ruux halka Garoowe ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso Muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan waxaana ay horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Sudan, waxaana xusid mudan in muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed aysan wali soo gaarin xadka dalka Itoobiya, halka kuwa kale ay ku xayiran yihiin xuduuda Itoobiya, iyaga oo suga in dalka dib loogu soo celiyo markale. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ku boggaadiyey shaqada ay qabteen guddiga soo celinta muwaadiniinta ku xayirmay dagaalka Suudaan, ayaa sheegay in Xukuumaddu dadaal xoogan galinayso sidii muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed ee ku xayiran Suudaan ay si nabad ah dalka ugu soo celin doonto, waxaana sidoo kale soo dhoweynta qeyb ka ahaa wasiirrada arrimaha dibadda iyo Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare. Dagaalka ka dhacaya dalka Sudan oo galay asbuucii 4-aad ayaa waxaa uu saameynta ugu badan uu ku yeeshay muwaadiniinta dalkaas iyo kuwa ajaanibta ah ee waxbarashada u joogay dalkaas, waxaa Sudan wax ka baran jiray kumaanaan arday ah oo ka kala yimid wadamo ku yaalla qaaradda Afrika iyo Jaziiratal Carab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Somalia has received another round of endorsement from neighbours to pursue Al-Shabaab after leaders met in Kampala, where President Yoweri Museveni hosted Somalia’s Hassan Sheikh Mohamud and leaders from countries contributing troops to the African Transition Mission in Somalia (Atmis), including Kenyan President William Ruto. Source: Hiiraan Online
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa digniin culus kasoo saaray qorshe uu sheegay inuu wado madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Senator Faroole ayaa waxa uu Saciid Deni uga digay inuu furo dastuurka maamulkiisa, taasi oo uu sheegay inay cawaaqib xumo ka dhalan karto furitaanka dastuurka maamulkaasi, xilli ay Puntland ku sugan tahay marxalado siyaasadeed oo xasaasi ah. “Waxaan rumeysanahay Dastuurka la fara fareeyo iyadda oo dowladda waqtigeeda ay ka hareen bilo inay keeni karto dhibaato aan hadhow laga bixi karin. Waxyaabo kale oo badan ayaa la isku haystay; doorashada nooceeda sax ma tahay, iyadda oo aan la dhameyn iyo wixii horey uga dhacay saddexdii degmo, marka haddii wax kale lagu sii daro harti caloosha laga raray bay noqoneysa,” ayuu yiri. Faroole oo hoggaamiye ka ah urur siyaasadeedka mucaaradka ah ee Horseed ayaa waxa uu sheegay in xilligaan aysan jirin daruufo aan laga fursan karin oo qasbaya in dastuurka la furo, isaga oo ka horyimid in dano shaqsi ah loo furo dastuurka Puntland, islamarkaana wax ka bedel lagu sameeyo qoddobada qaar. “”Dowladda uu madax ka yahay Saciid Cabdullaahi Deni haka waantowdo. Wixii dhibaato ah ee ka yimaadda hadhow iyadda ayaa masuul ka noqoneysa, waxaa leeyahay dadka dalka u dhashay ee wixii la doono la iska marsado wax dib ka xumaan doono horey yaan loo taaban.” Faroole ayaa waxa uu ku eedeeyay Saciid Cabdullaahi Deni inuu tallaabadan u qaadayo “danaha sii joogitaanka kursiga madaxweynaha awgeed,” taasi oo uu sheegay inay dhibaato horleh u horseedi doonto maamulka Puntland, haddii aan laga joogsan. Hadalkaan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayay wararka sheegay damaca madaxweyne Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib kulan xasaasi ah oo uu la yeeshay ururada siyaasadda. Saciid Deni ayaa dhawaan waxa uu isugu yeeray ururada siyaasadda, isaga oo kala hadlay furitaanka dastuurka maamulka Puntland, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan, halka dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed. Si kastaba, Madaxweyne Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan. The post Senator Faroole oo digniin culus kasoo saaray qorshe uu wado Saciid DENI appeared first on Caasimada Online.