-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
From animal reserves to a site of ancient civilization, lakes and beautiful marine life, the East African country has so much to offer tourists. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The Somali National Army carried out a planned operation on Tuesday morning in the Ali-Qabobe area, approximately 30 km south of the town of Harardhere in the Mudug region, resulting in the deaths of at least 60 al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay xalay si faah-faahsan uga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, oo aad u xoogeystay kadib markii uu xilka dib ula wareegay. Imaaraadka Carabta ayaa ahaa dalkii ugu horreeyey ee madaxweyne Xasan Sheekh uu booqdo maalmo un kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022, taasi oo muujisay ahmiyadda uu siinayo xiriirka labada dal. Hase yeeshee, dadka dhaliila siyaasaddiisa ayaa sheegay inuu siyaasadda arrimaha dibedda dalka hoos geeyey Abu Dhabi. Madaxweyne Xasan Sheekh, oo xalay Muqdisho ku qabtay kulan dadweyne, ayaa ka jawaabay su’aasha ku saabsan sababta uu xulufo uga dhigtay Imaaraadka Carabta. “Maanta aan joogno, waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego: Dowladda Imaaradka Carabta waa tiirarka ugu waaweyn ee ay ku taagan tahay la-dagaalanka argagxisada. Ciidanka la amaaanayo ee Muqdisho jooga iyadaa noo dhistay, noona qalabeysay, Gaadiidka iyo Hubka ay wataan Imaaraadka Carabta ayaa na siiyay, wax shuruud ah oo ku xireenna ma jirto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayey madal Dadweyne oo su’aalo lagu weydiiyay ayaa si weyn u difaacay xiriirka dowladiisa iyo Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya xilligan leedahay. Xasan Sheekh wuxuu ku eedeeyay dad uu ku tilmaamay caddow inay doonayaan inay isku diraan Soomaaliya iyo dalalka saaxiibada la ah ee taageera, taasina aysan ka ogolaaneyn. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa aad u xumaa muddadii uu madaxweyne dalka ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisa ay ka door biday Qatar oo ay is-hayaan, balse Xasan Sheekh ayaa isbaheysi weyn ka dhigtay Abu Dhabi markii dib loo doortay. The post Madaxweyne Xasan oo ka jawaabay sababta uu xulufo uga dhigtay IMAARAADKA appeared first on Caasimada Online.
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Warar dheeraaad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen agagaarka degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay weerar dhabagal ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay marayeen deegaanka Cali Qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga degmadaasi Guddoomiyaha degmada Xarardheere, Mudane Maxamed Yuusuf Kulmiye oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay khasaare culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shanaab. Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan lagu dilay 60 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi, sida uu hadalka u dhigay Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay hub fara badan oo loo waday Al-Shabaab ay kusoo furteen howlgalkaasi, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen laba gawaari oo ay wateen xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la laayey. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ragga la dilay ay ku howlanaayeen dhibaateynta dadka shacabka ah, isla-markaana ay hubka u wadeen kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan gobolka Mudug. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa duleedka degmada Xarardheere. Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhul ballaaran ku qabsadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ay ku jirtaa marxalad dagaal, ayada oo la filayo in wajiga labaad ee howlgalka uu ka billowdo maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. The post Ciidamada DF oo howlgal ku laayey 60 Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Four men who were on Sunday arrested with guns in Garissa county are not terrorists but police reservists working in nearby Wajir county, authorities have said Source: Hiiraan Online
-
Somalia has begun evacuating its citizens from Sudan, with more than 100 returning home on a flight from Khartoum Sunday night, and more flights promised in the coming days. The situation is being watched with special interest by a network of Somalis who were educated in Sudan in the years after the Somali government and schooling system collapsed. As Mohamed Sheikh Nor reports, these Somalis are still grateful to Sudan for the education they received and are hoping the fighting ends soon. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – Awil Hassan Mohamed and his family of six have been facing food shortages since a storm that hit the coastal village of Idan, in central Somalia’s Mudug region on 14 March, destroyed his fishing equipment. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb-galaysa shir caalami ah, iyada oo halkaasi gaareen wafdi heer sare oo ka socda dowladda. Wasiiru-dowlaha wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadan Ibraahim Aw Xirsi iyo wafdi khubaro ah oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wasiiru-dowlaha iyo wafdigiisa ayaa ka qayb-geli doona shirar caalami ah oo khuseeya kiimikooyinka iyo sunta kala duwan ee saamaynta ku yeelata caafimaadka aadamiga iyo deegaanka, sida ay shaacisay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada. Shirarka ay Wasiirka iyo weftigiisu ka qayb-geli doonaan ayaa waxaa ugu horreeya shirweynaha saxiixayaasha 11-aad ee Axdiga Rotterdam (RC COP 11) oo maanta Salaaso ah ka furmi doona magaalada Geneva. Axdiga Rotterdan (Rotterdam Convention) oo ku qotoma Hannaanka Afeef iyo Oggolaansho ee maareeya ka ganacsiga caalamiga ah ee kiimikooyinka halista leh iyo sunta cayayaanka ayaa ah mid kordhiya hufnaanta mas’uuliyad wadareedka ku gedaaman oggolaanshaha dalalka wax loo iib-geeyo. Sidoo kale waxa uu qeyb ka yahay shuruucda caalamiga ah ee xakamaysa waddanada iyagu kiimikadaa soo saara iyo shrkadaha ka ganacsada. Axdigan ayaa Soomaaliya iyo dalalka la shalalka ah siiya awood sharci oo ay go’aan uga gaari karaan kiimikooyinka ay rabaan in loo waarido iyo kuwa ay diiddan yihiin oo aysan inta badan si bed qabta u maarayn karin. The post DF Somalia oo shir caalami ah uga qeyb-galeysa GENEVA appeared first on Caasimada Online.
-
Tehran (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa maalinta Arbacada ah u safri doona caasimadda dalka Syria ee Dimishiq. Booqashada Raisi ee Dimishiq ayaa qaadan doonta muddo laba maalmood ah, ayna tahay tallaabo aad u muhiima oo qayb ka ah iskaashiga sii kordhaya ee gobolku uu la yeelanayo xukuumada Syria, sida ay baahisay warbaahinta dawladda Iran. Danjiraha Iran u jooga Syria Xuseen Akbari ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA in safarka uu madaxweyne Dr. Raisi uu ku tegeyo Dimishiq maalinta Arbacada ee soo socota inuu yahay mid muhiim ah oo la xidhiidha isbedelada ka socda gobolkaas. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee IRNA, madaxweynaha Iran ayaa hoggaamin doona wefti ballaadhan oo ay qayb ka yihiin ganacsato iyo siyaasiyiin kala duwan. Tehran oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Bashaar al-Asad, ayaa taageero joogto ah u fidinaysay Syria 12-kii sano ee ugu dambeeyey ee ay colaaduhu ka socdeen. Hase yeeshee hore uma dhicin in madaxweyne ka socda Iran inuu dalkaas booqdo tan iyo sannadkii 2011, oo ahayd xilligii uu dagaalku ka bilawday Syria. Booqashada madaxweynaha Iran uu ku tegeyo Syria ayaa ku soo aadday toddobaadyo kadib markii uu heshiiska taariikhiga ah dhexmaray dalalka Iran iyo Sucuudiga, oo si weyn isugu haya siyaasadda gobolka, taasi oo horseeday inay iridaha u furto in dalalka Carabtu ay dib ula macaamilaan xukuumadda go’doonsanayd ee Syria. Danjiraha Iran u fadhiya Syria ayaa sheegay in safarkani aanu muhiim u ahayn oo keliya Syria iyo Iran, balse uu yahay mid wax wanaagsan ku soo kordhinaya dalalka kale eek u yaalla gobolka. Xukuumadda Syria, illaa haatan faah-faahin kama bixinin safarkan qorshaysan. Madaxweynihii ugu dambeeyey ee ka socda dalka Iran ee booqasho ku taga dalka Syria wuxuu ahaa Maxamuud Axmed Najaat, kaasoo dalkaas booqday sannadkii 2010. Sidoo kale madaxweyne Assad ayaa isagu booqday Tehran bishii May ee sannadkii hore, kaasi oo ahaa safarkii labaad ee uu dalkaas ku tago, tan iyo intii uu dagaalku ka bilawday Syria. Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sannadkii hore bogaadiyey xidhiidhka uu dalkiisu la leeyahay Syria, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah labada dal, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhkaas weliba sida ugu macquulsan. Iran ayaa kalmo militari iyo mid dhaqaale u fidinaysay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Assad, tan iyo markii uu dagaalku bilawday, iyada oo ciidamo u dirtay Syria kadib codsi ay sheegeen inay ka heleen xukuumadda dalkaas, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay yihiin la taliyayaal. Marka laga soo tago Ruushka, Iran ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee uu isku halleeyo Assad, kaasi oo la tacaalaya dagaalo sokeeye oo dalkaas ka socda, kaas oo ay ku naf waayeen illaa 500,000 oo qof, halka ay ku barakaceen kala badh shacabka dalkaasi. The post Ebrahim Raisi oo booqasho taariikhi ah ku tegeya Syria appeared first on Caasimada Online.
-
Daawo:Muqaalka Maydka hal nin ayaa la hayaa “Faatix Abdi Sareeye”, halka laba kalena la raadinaayo raq iyo ruux, kadib markii Sadex Nin oo Watay Gaadhi Land-cruiser ah uu qaaday Dooxa Huluuq ee u Dhaxeeya Hargeysa iyo Arabsiyo oo soo rogmaday. Warar aanu helay hadda lixdii iyo Badhkii subaxnimo waxay tibaxayaan in la helay meydka ninkii labaad ee ku dhintay Daadkaas oo magaciisa la yidhaahdo Jimcaale Cali Raage Qaran News
-
Bakhmut (Caasimada Online) – In ka badan 20,000 oo askari oo Russian ah ayaa ku dhintay, 80,000 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen shan bilood oo dagaal uu ka socday bariga Ukraine, gaar ahaan Bakhmut, waxaa sidaas Isniintii sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad. “Waxaan qiyaasaynaa in Ruushka uu la kulmay khasaare ka badan 100,000, oo ay ku jiraan in ka abdan 20,000 oo la dilay,” ayuu weriyayaasha u sheegay afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby. “Isku daygii Russia ee weerarka Donbass, gaar ahaan Bakhmut, waa uu fashilmay… Russia waa ay ku guuldarreysatay inay qabsato dhul la taaban karo oo muhiim ah,” ayuu yiri. Kirby oo soo xiganaya warbixin sirdoon oo Mareykan ah, ayaa sheegay in kala bar kuwa la dilay ay ahaayeen askar ay soo qortay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner, oo inta badan ciidanka kasoo qorata xabsiyada Ruushka. Khasaraaha dagaalka — oo inta badan ka dhacay Bakhmut, halkaasi oo ciidamada Ukraine laga saaray magaalada waxyar mooyee — ayaa ah tan iyo billowgii December, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka. “Isku dayga dadaalkan, gaar ahaan Bakhmut, wuxuu ku fariistay qiime culus. Russia waxay hurtay inta badan hubkeeda iyo ciidankeeda,” ayuu yiri Kirby. Kirby ayaa sheegay inuusan bixineyn qiyaasta khasaaraha Ukraine, sababtoo ah buu yiri “waa dhibanayaasha, Ruushkana waa kuwa gardarrada wada.” Aqalka Cad banaanka ma keenayo “akhbaar xaaladda kusii adkeyn karta” xulufo Reer Galbeed oo ciidankooda ay tababaraan ama hubeeyaan isbaheysiga dalalka Mareykanka uu hoggaamiyo, ayuu yiri Kirby. VOA + AFP The post Ruushka oo KHASAARE 100,000 oo askari ah kala kulmay dagaalka Ukraine appeared first on Caasimada Online.
-
HARTI SUBCLAN CHALLENGING AFRICA’S UNCHANGEABLE COLONIAL BORDERS Puntland Administration of Federal Somalia has been trying since 1998 to seize Eastern Sool Region of Somaliland Republic on the basis of tribal lineage claim to change the unchangeable colonial borders between Somaliland and Somalia in order to undermine Somaliland Republic sovereignty by dividing its territory. Majeerteenia’s local troops and armed militia engaged in wars and skirmishes with Somaliland Armed Forces many times and suffered unrecoverable losses of men and material, particularly in the current conflict in Las Anod city of Somaliland, and still pursues their blind whims to keep fighting against Somaliland hoping for Eastern Sool occupation. Puntland has two objectives in the conflict for Eastern Sool which are: (I) To make Las-Anod city a buffer zone to stop Somaliland’s assault on Garowe city to punish Puntland’s continuous aggression against Somaliland territory. (II) And to have land expansion for Majeerteenia into Sool clan’s land as Majeerteenia tried to seize Bo’ame several times before but each time repelled by Somaliland Armed Forces. But to cover up that malicious intentions, Puntland claims that it wants to unite Harti people which is impossible in Africa. WHY IT IS IMPOSSIBLE TO CHANGE AFRICAN COLONIAL BORDERS The African Conference in 1964 of Reaffirming Colonial Borders issued declaration to recognize and protect African colonial borders as they are in order to prevent tribal secession wars seeking postcolonial reunifications that would plunge the whole continent of Africa into endless violence, anarchy and chaotic tribal wars bringing down African states and turning the continent into Stone Age situation. If African colonial borders are denied or rejected and clans and tribes try to seek postcolonial reunifications based on their ethnicity or tribal lineage, the consequences in the continent of Africa would be dire and devastating as that would immediately lead to the eruption of endless, violent wars between countries defending their territorial integrity defined by colonial borders and clans or tribes seeking reunifications with their own ethnicity or tribal lineage. African colonial borders, like Arab World, Asia and South American colonial borders, were unfortunately drawn all by European colonial powers and are based on land, not on ethnicity or clan lineage. Colonial borders define the territorial integrity, people, independence and recognition of each African country. Existence, peace and stability of Africa as well as Asia, Arab World and South America depend on respecting, recognizing and implementing colonial borders. Tribal armed factions driven by tribal emotions or tribalism, as it is happening now in Las Anod and Garowe, tried before to change African colonial borders by force to unite their clan or tribe after independence like Katanga of Congo did in 1963 and Biafara of Nigeria did in 1967 but all ended in failure because no country accepts to divide its territory as colonial borders are recognized and internationally legitimate. Trying to change African colonial borders is like opening can of worms that would return Africa to Stone Age as subsequent results would lead to endless clan wars seeking postcolonial reunifications with gun point as no Africa state wants to lose part of its country and population. It is easy to oppose African colonial borders but it is difficult to change it or replace it. There is no single African country that made its own borders. Colonial borders of Africa as well as of Asia, Arab World and South America make nations exist and live safely and peacefully from destructive clan and territorial endless wars. FEW EXAMPLES OF CLAN DISTRIBUTION IN AFRICA In Africa, subclans of the same clan inhabit different African countries due to colonial demarcations without considering clan lineage or ethnicity. To mention few, Afar Clan inhabits Ethiopia, Eritrea, and Djabouti. Tuareg Clan inhabits Senegal, Nigeria, Mali and Niger. Fulani Clan inhabitis Mali, Nigeria, Chad and Cameroon. Lunda Clan inhabits Congo, Zambia and Angola. Yoruba Clan inhabits Nigeria, Benin and Togo, Somali Clan inhabits Djabouti, Somalia, Somaliland, Ethiopia and Kenya etc. It is rare to see an African country whose population is based on single ethnicity. No country or region in Africa has the right to claim the land of a subclan inhabiting another African country for reasons of tribal lineage or ethnicity. If the politicians and traditional leaders of Fulani Clan decide to unite their clan in Mali, Nigeria, Chad and Cameroon after the independence of these countries, the governments of those countries would simultaneously attack and crush Fulani people in all the four countries to retain their territorial integrity and national unity. Recognizing and protecting African colonial borders would prevent such frightening massacre of Fulani people. That is the importance of keeping African colonial borders. SOMALILAND TERRITORIAL BORDERS ARE UNCHANGEABLE As colonial borders of Africa are unchangeable and all borders are based on land, so are Somaliland Republic borders. As each African country inherited its colonial borders from its colonizing power, Somaliland inherited its colonial borders from Somaliland British Protectorate, Somaliland territory and people cannot be divided, its colonial borders cannot be altered or changed and tribal borders cannot be drawn in Somaliland to divide its territorial integrity and national unity for the purpose of undermining Somaliland Sovereignty. Somaliland achieved independence before Somalia gaining international recognition on June 26, 1960. Trying to make tribal borders for Harti people by Puntland and some Sool clan grads will be an affront to African unchangeable Colonial Borders and will definitely be doomed to keep the continent safe and peaceful for all. Ibrahim Hassan Gagale ibrahimgagale@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
The 4.5 power-sharing system permits President Hassan Sheikh Mohamud to appoint his daughter a foreign Affairs Adviser. Mogadishu (PP News Desk) — The appointment of President Hassan Mohamud’s daughter Johan Hassan Sheikh as a Foreign Affairs Special Adviser surfaced several weeks before the incumbent President celebrates his first anniversary re-election. Dated 4 March 2023, the appointment features in the Official Bulletin posted on the website of the Auditor General. Supporters of President Mohamed have dismissed the appointment decree shared on social media networks as “a fake news”. The Somalia Official Bulletin features the appointment of Jihan, the President’s daughter, as a Foreign Affairs Adviser. Under the 4.5 power-sharing system any clan can field a candidate for a federal government position. The controversial appointment exposed the rotten nature of a power-sharing system against conflit of interest and meritocracy. The Federal Government of Somalia has appointed special advisers and special envoys in a move seen by many as a waste of limited resources. “In less than a year the Federal Government of Somalia has nun out of steam. No wonder the Kenyan President William Ruto described Somalia as a country without a government” said a Somali MP in Mogadishu. © Puntland Post, 2023 The post Somalia President Appoints His Daughter “Foreign Affairs Special Adviser” appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan su’aalo lagu weydiiyay ku qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo uu uga hadlay qodobo dhowr ah oo la xiriiray waxa u qabsoomay dowladdiisa sannadkii lasoo dhaafay. Madaxweynaha ayaa su’aalo dhowr ah laga wediiyay arrimo ay ka mid ahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, deyn cafiska, dhammeystirka dastuurka, doorashada 2026, ciidamada safka hore iyo maqaamka iyo amniga caasimadda, kuwaaas oo ka mid ah ballan qaadyadii uu sameeyay xilligii uu ku jira ololahiisii dib u soo noqoshada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacay taageerada ciidan ee uu ka dalbaday dalalka deriska ah ee safka hore, kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya, iyo Jabuuti, kuwaas oo uu sheegay inay qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Waxa uu sheegay in talada iyo go’aannada hawlgalkaas ay leeyihiin taliska ciidanka xoogga dalka iyo dowlada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in wadashaqaynta dalalka safka hore ay ku koobnaan doonto 90 maalmood. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Taageerada Ciidan ee uu ka dalbaday dalalka deriska ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay kulan su’aalo lagu weydiinayay isaga iyo mas’uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa shaaciyay arrin uga qorsheysan dhagxaanta jidadka Muqdisho qaarkood lagu jaray. Guddoomiye Madaale oo ka garaabay dhibaatada ay waddooyinka xiran kala kulmaan shacabka reer Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay qorsheynayaan in la furo waddooyinka xiran oo la qaado dhagaxyada ku go’an, isaga oo tusaale usoo qaatay kalkiisi hore ee 2016-ka. “Annaga 2016-kii marka tallada joognay, qaasatan anigu aan ahaa Duqa Magaalada xilligaas jid dhagax yaallo ma jiri jirin, Cabdi-bilayaasha ayay ciidanka marmar ku xiri jireen oo inta ka degno oo dhirbaaxno ayaa ka qaadi jirnay. Dhagax jid yaallo wax jiri-jiray ma ahan,” ayuu yiri. “Dhawaan go’aan ayaa laga qaadan doono oo waa socota howshiisa qaadista dhagxaanta haddii Ilaahay yiraahdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Madaale. Sidoo kale waxa uu sheegay in marka ay u suurta-gasho inay isku furaan waddooyinka magaalada Muqdisho ay u qorsheyn doonaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba waddooyin gaar ah oo ay maraan, kuwaasi oo hadda dhibaato weyn ku qaba adeegsiga jidadkaasi. “Magaalada Muqdisho waddooyinka caadiga ah ayaa dhib lagu qaba, markay inoo suurta-gasho isku furida waddooyinka magaalada oo laami laga dhigo ayaa u qorsheyn doona meelo ay maraan.” Maamulka gobolka Banaadir oo muddooyinkii dambe u muuqda mid shaqadiisa dardar xoogan ku wada, ayaa waxa uu xilligaan qeyb ka yahay qorshaha lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho iyo howl-gallada ka socda caasimadda. Si kastaba, Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska iyo ciidamada cusub Boolis Militari ayaa isku fidiyay Muqdisho, taasi oo keentay inay nafis weyn dareemaan shacabka ku dhaqan caasimada oo horay u wajahayay xaalado amni darro. The post MADAALE oo shaaciyay arrin uga qorsheysan dhagxaanta jidadka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Dr Cali Xaaji Aadam ayaa maanta ka qeyb-galay shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda dalka Sudan. Shirkan oo ku qabsoomay habka fogaan aragga ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Golaha wasiirada caafimaadka ee dalalka Carabta, waxayna dhinacyada uga wada-hadleen arrimaha kasoo cusboonaaday xaaladda Sudan, oo uu ka socdo dagaal galay toddoabaadkii saddexaad. Wasiirka Caafimaadka Sudan Dr Haytham Cawad ayaa ka warbixiyey xaaladda qeybta caafimaadka ee dalka Sudan iyo dhibaatooyinka ka soo gaaray dagaalada ka qarxay wadankaasi. Warbixintan ayaa waxa uu wasiirku ku codsaday in lala soo gaaro gurmad caafimaad oo deg deg ah, sida dawooyin iyo agab caafimaad, maadaama Isbitaallo badan ay soo gaareen burbur baaxad leh. Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aaden ayaa uga tacsiyeeyey shacabka Sudan dhibaatada ka soo gaartay shaqaaqooyinka ka socda caasimadda iyo gobollada kale ee wadanka Suudaan. Sidoo kale waxa uuna Alle uga baryey inuu ugu deeqo nabad waarta dalka Sudan, sida lagu sheegay qoraal ay wasaaradda kasoo saartay kulankaan deg deg ah ee yeesheen golaha wasiirada caafimaadka ee dalalka Carabta Golaha ayaa u muujiyey garab istaag walaalnimo walaalahood Sudan, waxayna go’aamiyeen in goobaha colaaduhu saameeyeen la gaarsiiyo gurmad deg deg ah oo dhanka caafimaadka ah, kaasi oo iskugu jira dawooyin iyo agab caafimaad. The post Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda ka taagan… appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa markii u horeysay si weyn ugu dhaliilay Midowga Afrika inuu awoodi waayo la tacaalidda arrimaha Afrika kadib muddo ka badan lixdan sano oo uu jiray. Ruto ayaa ka xumaaday in Midowga Afrika uu ka qeylo-dhaamiyo lacag ku dhow 90 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo loogu tala-galay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. “Waxaan si dhab ah ugu baahannahay su’aalo weydiinta maamulka Midowga Afrika. Maanta xitaa ma taageeri karno Soomaaliya. Waxaan sugeynaa in Midowga Yurub na siiyo $85 Milyan. Waa waalli! Ma waxaad ii sheegaysaa 54 dal, 60 sano kadib xornimadooda, ma maamuli karaan $85 Milyan oo lagu taageero Soomaaliya?,” ayuu yiri Ruto. Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu tilmaamay in dalalka Afrika ee saboolka ah sida Soomaaliya, inay sugaan taageerada dhinacyada kale sida Midowga Yurub, halka ay aheyd in Midowga Afrikaanka ah uu gacan ka geysto. “Hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya waxay ku tiirsan yihiin maalgelin shisheeye. Dowladda Muqdisho waxay ku tiirsan tahay deeqaha iyo deymaha ay ka helaan dalalka horumaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay William Ruto. Ruto ayaa waxa uu ku baaqay isbedel wax ku ool ah oo qaab dhismeedka Midowga Afrika ah, si ay si madax-banaan ula tacaalaan caqabadaha qaarada, loogana maarmo in dalalka horumaray la gacan hoorsado. Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Midowga Afrika uu daba-yaaqadii bishii March uu dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo loogu tala-galay ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Danjire Bankul Adewe oo ah Guddoomiyaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa xilligaasi sheegay in ciidamada howl-galka Midowga Afrika aysan si wanaagsan u shaqeyn karin oo aysan caawin doonin Soomaalida, haddii aan dhaqaalahaasi loo helin. Madaxda gobolka ayaa dhawaan ku kulmay Kampala, halkaasi oo ay ku adkeeyeen baahida loo qabo in guddiga Midowga Afrika uu ka fiirsado ka faa’iideysiga sanduuqa nabadda ee Midowga, si uu u taageero kor u qaadida awoodda amniga ee Soomaaliya. The post Ruto oo weerar ku qaaday madaxda Afrikaanka kadib hab dhaqan ay caadeysteen appeared first on Caasimada Online.
