Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliya ayaa waxay xaqiijiyeen in wakiillada shirkadda Starlink ee bixisa adeegga internetka ay la kulmeen Hay’adda Isgaadhsiinta Soomaaliya. SShirkaddan oo ah shirkad caalami ah, taasoo hormuud u ah addeegga internetka ee casriga ah ee Satellite-ka, waxay doonaysaa in ay noqdaan shirkad ka shaqeysa Soomaaliya. Saraakiisha Starlink waxay toddobaadkan la kulmeen hay’adda isgaadhsiinta Soomaaliya iyo wakiillo kale oo heer gobol ah. Starlink waa satellite ballaadhan waxaan leh shirkada sida gaarka ah loo leeyahay ee dayax gacmeedyada ee Elon Musk. Starlink waxay bixisaa internet leh xawaare aad uga sarreeya midka hadda la isticmaalo. Rajada hay’adda isgaadhsiinta ayaa ah in Starlink ay Soomaaliya siin karto adeeg internet oo xasilan. Hadda, Starlink waxay ka hawlgashaa waddamo badan oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan Ghana, Nigeria, Mozambique iyo Masar, iyada oo waddamo badan ay soo galayaan khadka mustaqbalka dhow. Source
  2. Ra’iisulwasaaraha hore ee Pakistan Imran Khan ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii lagu soo eedeeyay musuq iyo wax isdabamarin dhaqaale, sida laga soo xigtay Booliiska, waxaana jirta xiisad xooggan oo ka dhalatay xarigiisa. Imran ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah la horkeeno Maxkamad ku talla magaalada Islamabad, dhageysiga dacwadiisa ayaa waxaa la qorsheeyay in ay ka dhacdo halka uu xabsiga kaga xiran yahay Imran. Xirigga Imran ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayaan taageerayaashiisa, waxaana uu inta badan ka dhacayaa gobollada dalkaas iyo magaalooyin Islaamabad oo caasimadda ah, Laahor iyo Bishwaar. Ra’iisulwasaare Cimraan ayaa codka kalsoonida Baarlamaanka dalkaas lumiyay 30 cisho ka hor, markaas oo xilka laga eryay, waxaana muddaas, kadib uu wajahayay eedeymo ku aadan musuqmaasuq uu sameeyay ganacsadahan. Mas’uuliyiin ku dhow Ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in eedeymaha loo heysto ay tahay mid aan waxba ka jirin, waxaana ay warbaahinta u sheegeen in uu yahay wax ay ku tilmaameen Afduub. Khan, oo ah guddoomiyaha Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI), ayaa la xiray xilli uu ku sugnaa xarunta Islamabad HC ee dhageysiga dacwadda Al-Qadir Trust, Khan ayaa wajahayo eedeymo musuqmaasuq intii uu joogay xafiiska. Eedeymaha Khan loo heysto ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah xaaskiisa oo wadajir lagu eedeeyay inay heleen. ” balaayiin rupees ah oo ka yimid shirkad guryaha leh si loogu sharciyeeyo lacag la dhaqay oo Rs 50 bilyan ah. Cimran Khan oo 70 jir ah ayaa waxaa eediisa ay kusoo aadaysaa xilli bishii lasoo dhaafay uu wajahay Olole kaga imaanayay dhanka mucaaradka, taas oo ka dhan ah xukuumaddiisa oo lagu eedeeyay musumaasuq ay geysteen. Imran Khan ayaa 18 August 2018-kii yimid xafiiska looga arrimiyo Pakistan, ka hor inta aan xil ka qaadis lagu sameynin 10 April 2022, xilligaas kadib ayaa waxaa uu wajahayay eedeymo la xiriiri lunsasho lacag iyo ku kale. Marka laga tago eedeymaha lacag dhaqista waxaa kale oo jira Imran loo heyso lacago badan oo la lunsaday xilli dalka Pakistan uu la daalo dhacayay maareynta xanuunka COVID-19, markaas oo la lunsaday dhaqaalo badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Guddoomiyihii Waxbarashada Gobolka Sool u qaabilsanaa Somaliland mudane Daahir Maxamed Axmed ayaa sida la xaqiijinayo gaadiid dagaal kala goostay Taliska Muuse Biixi. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Daahir uu saaka oo Arbaco ah ka goostay Somaliland islamarkaana ku biiray maamulka SSC-Khaatumo. Mas’uulkan oo la dareen noqday dadkiisa ayaa gebi ahaanba isaga baxay Somaliland waxaana la sheegay uu iska casilay xilkii Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool. Mudane Daahir Maxamed Axmed ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah Warbaahinta ula hadlo oo uu shaaciyo in uu ka baxay Taliska Muuse Biixi ee ku soo duulay Gobollada SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Mas’uul ka tirsanaa Somaliland oo gaadiid dagaal ula goostay SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.
  4. Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ayaa shaacisay xilli ay qaadayso Imtixaanka Fasalka 12-aad ee dugsiga sare, kaas oo sanad waliba ay wasaaraddu ka qaado ardayda ka qalin badalaneysa dugsiga sare. Wasaaradda ayaa ku dhawaaqday in imtixaanka ay Ardayda Soomaaliyeed u fariisan doonaan 27 bisha May oo ku beegan maalin Sabti ah, waxaa sidoo kale la filayaa in wasaaradda ay soo saarto Jadwalka iyo Ardayda galeysa. Imtixaankaan oo ah mid midaysan ayaa waxaa laga qaadaa arday ku sugan gobolka Banaadir, maamullada kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, marka laga reebo ardayda deegaannada Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. After 18 years and three multinational peace missions, Somalia is getting ready to take full control of its own security. The 1-year-old African Union Transitional Mission in Somalia (ATMIS) is preparing to withdraw 2,000 troops from the embattled Horn of Africa nation by June 30, 2023, the first of three drawdowns in its transition plan. Source: Hiiraan Online
  6. The Kenya High Court has ordered a fresh valuation of charter carrier Bluebird Aviation (Kenya) (BBZ, Nairobi Wilson) amid a buy-out dispute between shareholders, reports Standard Media in Nairobi. Source: Hiiraan Online
  7. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka maadaafiic xoogan laga maqlay furimaha dagaalka xoogan ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi Weerarkan ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada Somaliland madaafiic ku garaaceen deegaanka Maraga oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka SSC oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, waxaana kadib jawaab ka bixiyay ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal kooban oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee dhashay madaafiicdadaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in cabsi xoogan ay ka taagan tahay halkaasi, isla-markaana ay suurtagal tahay inuu dib usii qarxo dagaalka ka socda Laascaanood. Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo. Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa ayada oo madaxda Somaliland iyo kuwa SSC ay hawada isku marinayaan hanjabaadyo la xiriira arrinta Laascaanood. Si kastaba, waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool dhowr bil ka socday dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan. The post Madaafiic lagu garaacay mar kale Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ayaa Talaadadii xaqiijiyey dib ugu soo laabashadiisa xeendaabka Carabta kadib markii dalka awoodda badan ee Sacuudi Carabiya oo muddo diidanaa uu sheegay inuu dib ula billaabayo xiriir diblomaasi. Soo-celinta xiriirka diblomaasi, oo markii dambe ay xaqiijisay Dimishiq, ayaa yimid in ka badan 10 sano kadib markii Riyadh ay wakiiladeeda la baxday intii uu socday dagaalka sokeeye ee Syria, iyo laba maalin kadib markii ururka Jaamacadda Carabta uu soo geba-gebeeyey sideed sano hakad ay ku jirtay xubinnimada Syria. Assad ayaa siyaasad ahaan ka go’doonsanaa gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka Syria, balse dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo dhowr ah ayaa socday toddobaadyadii tegay. Go’aankan ayaa yimid toddobaadyo kadib markii ay xiriirka diblomaasi soo celiyeen Iran oo xulufo la ah Syria iyo Sacuudi Carabiya. PUNTLAND POST The post Sacuudi Carabiya iyo Syria oo dib u soo celiyay xiriirkooda appeared first on Puntland Post.
  9. Nadia Mohamed was elected to the St. Louis Park City Council in 2019, becoming the council’s first Muslim, Somali, and youngest council member. Source: Hiiraan Online
  10. St. Paul Public Schools is going all-in to court a community known for sending its kids elsewhere with the opening this fall of a new East African Magnet Elementary School in the Frogtown neighborhood. Source: Hiiraan Online
  11. London (HOL) - Former Liverpool youngster Abdi Sharif concluded his debut season with Wigan Athletic by becoming the first Somali player to feature in the English Football Championship. Sharif's path to this landmark achievement started when he and his family moved from Somalia and settled in Toxteth. At just six years old, he joined Liverpool's academy and climbed the ranks, even playing for Steven Gerrard's under-18s squad. Source: Hiiraan Online
  12. President William Ruto has moved to heavily arm the Kenya Revenue Authority (KRA) ahead of what is shaping up to be a year where employees and firms will be taxed the most, with little room to appeal despite the soft stance promises on taxation he made when looking for votes last year. Source: Hiiraan Online
  13. The World Press Freedom was marked on May 3 with calls for an end to gagging of the media. In the region, Somali practitioners repeated an old song: “calling for an end to impunity”. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guux xooggan oo ka dhashay heshiiska amni ee kal hore kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa ka billowday Baarlamaanka, ayada oo xildhibaanada qaar kamid ah ay dalbadeen in sida ugu dhaqsaha badan loo horkeeno heshiiskaasi. Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo loo yaqaano (Kulane Jiis) ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dhaawac weyn u geysaneyso dowladnimada tallaabada ay dowladda si iskeed ah ugu hirgelisay heshiiskaasi, ayada oo lasoo marin baarlamaanka. “Laanta fulinta ee dowladdu waa inay keentaa Baarlamaanka heshiiska amni ee ay la gaartay UAE, si dib u eegis loogu sameeyo, looga doodo, lagana turxaan bixiyo qaladaadka ku jire ee dhaawaca u geysanaya madaxbanaanida dalka,” ayuu yiri Xildhibaan Kulane Jiis. Waxa uu sheegay in heshiiska dowladda federaalka iyo Imaaraadka uu hirgalay, ayada oo ogolaansho laga helin baarlamaanka, “taas oo keeni doonta dib dhac, dhaawac ku yimaada hanaanka dowladnimo iyo madax-banaanida.” sida uu sheegay. “Waa in la siiyaa Baarlamaanka doorkiisa oo aan la lumin isku-dheelitirka hay’adaha dawladda iyadoo la eegayo danta dalka,” ayuu yiri Xildhibaan Kulane Jiis. Xildhibaanka ayaa wuxuu ugu baaqay xubnaha kale ee Baarlamaanka inay u istaagaan ilaalinta madax-banaanida dalka, “waa in aan gudannaa mas’uuliyadeenna koormeer ee Hey’adaha kale dowladda.” Hoggaanka baarlamaanku ayuu ugu baaqay in uusan ogolaan in baarlamaanka noqdo mid aan la xisaabtamin dowladda, islamarkaana ay ku qasbaan laanta fulinta in heshiisyada ay dowladdaha shisheeye la gasho ay keento baarlamaanka. “Waa in aanu u oggolaan hoggaanka BF in baarlamaanku noqdo mid aan ilko lahayn, oo ay xaqiijiyaan in laanta fulinta ay ku qasbaan sida nadaamku yahay ay keento baarlamaanka heshiisyada ay diwladaha shisheeye la galaan.” Si kastaba, Heshiiska amni ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa waxaa markii u horeysay ka dhashay guux, ayada oo markii dambe uu qaboobay, haddana waxaa hadda muuqata in markale uu istaadhmay guux xooggan oo la xiriira heshiiskan. The post Guux xooggan oo la xiriira heshiiska amni ee DF iyo Imaaraadka oo ka billowday BF appeared first on Caasimada Online.
  15. There has been renewed interest in exploration plays in Somalia, one of the final frontiers for global oil and gas development, with energy security back on the political agenda in the East African country following years of conflict and instability. Source: Hiiraan Online
  16. A case filed by the state against three men who were arrested on their way to join the Islamic State (IS) in Puntland, Somalia has lifted the lid on the growing influence of the terror group in Africa. Source: Hiiraan Online
  17. Somalia’s National Communications Authority (NCA) and Starlink have held talks where the satellite-based internet network created by SpaceX expressed its interest in becoming a licensed operator in Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. Sudan’s three-week war was this week already topping levels in contributing to the region’s unwanted record of churning out forced migrants, joining Somalia, South Sudan Eritrea and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  19. Somali humanitarian workers and United Nations officials said women and girls in displaced camps are facing gender-based violence and rape amid the recurring droughts in the country. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa guddoonsiiyay abaalmarin lacageed oo gaareysa toban kun oo dollar ($10,000) Hooyo Soomaaliyeed oo sameysay ficil geesinimo leh oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Hooyo Farxiyo ayaa waxay abaalmarintan ku muteysatay kadib markii ay diiday xubno Shabaab ah inay gurigeeda ka dhigtaan marin ay usii dhex-maraan bar-kontarool oo ku yaalla degmada Kaxda, islamarkaana ay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah qoyskeeda diidmada ay kala hortagtay Shabaab-ka. “Waad ku mahadsan yihiin Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha illaa Xildhibaanada oo waalidkeyga iyo walaaladay ah, wixii isoo gaadhay ayaa maanta la iga maydhay, waa u mahad-celinayaa.” ayay tiri. Waxay intaas kusii dartay “Waxaa si gaar ah ugu mahad-celinaya guddoomiyaha Kaxda oo qofka anaga oo dhaawaceena guriga iska dhex yaalla nasoo qaaday oo gaari noo keenay, ee isbitaalka na geeyay.” Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa abaalmarintan oo aheyd mid dhiiri-gelin ah ku guddoonsiiyay hooyada qoska gurigooda u diiday Shabaab-ka munaasabad mka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu amray in loo dayac-tiro gurigii ay ku noolayeen oo burbur uu kasoo gaaray diidmadii ay kala hortimid xubnaha Shabaab-ka ee xilligaasi rabay inay bambaano ku weeraraan ciidamada ku sugan isgoys ciidamadu ku sugan yihiin oo ka fogeyn gurigaasi. “Waxaa sidaas oo kale uu ra’iisul wasaaraha amray in la daaweeyo dadka dhaawacyada ah oo masuuliyada daawadooda ay xukuumadda ay qaadatay, aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay Maamo Farxiyo,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Xamza oo $10,000 guddoon siiyay HOOYO sameysay arrin geesinimo leh appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Beene-beene ayaa shaaciyay in dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza ay ka go’an tahay in laga gudbo gargaarka oo loo guuro dhanka horumarinta. “Markasta laguma jiri karo gargaar, oo waxaa lagu xalin karaa xaalada deg deg ah oo markaas jirta. Marka waxaa dowladda ka go’an in aan u guurno dhanka horumarinta, oo aan ka shaqeyno wixii nolosha dadka iyo horumarka ka shaqeynaya,” ayuu yiri Wasiir Beene-Beene. Wasiirka oo hadalkaan ka sheegay Madasha Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ka qabsoomtay Muqdisho, ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dowladda ay qorsheynayso inay si toos ah u fuliso mashaariicda, si isla-xisaabtanka la xiriira arrintaan uu hirgalo. “Ma dhahayno hal mar ha laga soo wada guuro laakiin waxaa rabnaa inta aan ku jirno sanadkaan, in qeyb kamid ah boqolkiiba ay fuliso dowladda, oo hadhoo loo soo guuro 100%,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Sidoo kale waxa uu sheegay in la gaaray xilligii si tartiib ah loogu soo guuri lahaa nidaamka dowliga ah, si looga guuro gargaarka oo loogu guuro dhanka horumarinta, “Dalkaan si meel fog u gaadho waxaa naga go’an in loo guuro dhanka horumarinta, oo kor loo qaado isticmaalka nidaamka dowliga ah.” Madashan Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ay soo qaban-qaabisay wasaraadda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa ah hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha. Si kastaba. Madashan oo ay hor-kacayso dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah bulshada caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah. The post DF SOMALIA oo shaacisay inay ka guureyso gargaarka caalamiga, una guureyso… appeared first on Caasimada Online.
  22. Dhawr maalmood baan Itoobiya joogaa hadda, waxaanan la kulmay cilad dhinaca internet ka ah. Qofkii aan haysan geed la dhaho VPN, social media ha iyo meelo kale ma geli karo. Nin baa caawa ciladdii ii fasiray oo xal keenay. Mid kale ayaa i gu yidhi khudbaddii Muuse ma dhegaysatay, anigu na waxa aan ku idhi – cilad internet baa jirtay oo nasiib wanaag ma dhegaysan. Waxa la ii sheegay in aanu ku hadlin wixii lixda sanno la ga maqli jiray wax ka duwan, maxaa yeelay waa isagii uun. Waxa uu ku soo daray baa la yidhi laba qodob – doorashadii aan qabanee mucaaridoow lacagta badhkiina keena! Dad badan baa taas u qaatay in ay ka tahay garasho darro, ma se aha. Waxa ay la tahay sabab kale oo doorasho la’aan keeni karta, sabab kasta oo doorasho la’aan amma doorasho habsan sababi kartaa na waa mid isaga la wacan, xataa hadii ay doqoniimo u muuqato. Geesta kale, waxa aan wado cidda diidani, maxkamadda ha u dacwooto ayuu yidhi. Is ka ma odhan sidaas dabcan ee waxa uu ogyahay Aadan Xaaji-Cali oo maxkamadda u jooga, in uu isagu u yeedhiyo waxa uu samaynaayo amma aanu samaynayn. Taas Muuse dhab buu u ogyahay, dad kale na waa ogyihiin, mana jiro doqon ninkaas ninka jeebkiisa ku jira garsoor u doonanayaa. Markaa maxaa xal ah? Xalku waxa weeye sida uu Muuse rabo, taas oo ah kursigan anigaa fadhiyaaya, amma waan ka la dirayaa. Xaqiiqada uu Muuse ku shaqaynayaa taas weeye, cadaynteedu na waa buuxdaa Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  23. Islamabad (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa la xiray, sida ay booliisku sheegeen, wax yar kadib markii uu kasoo muuqaday maxkamadda, halkaas oo ay ka billaabaneysay dhageysiga mid ka mid ah kiisas dhowr ah oo lagu soo eedeeyay. Muuqaal laga soo duubay gudaha maxkamadda sare ee Pakistan ayaa muujinayay tobannaan ka tirsan ciidamada ammaanka oo sitay qalabka rabshadaha looga hortago oo Khan ku riday gaari. Xisbiga Khan ayaa ku baaqay dibad-baxyo looga soo horjeedo xariggiisa. “Dadka Pakistan, waa markii aad badbaadin lahaydeen dalkiinna, ma heli doontaan fursad kale,” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo daabacay twitterka xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI). Qareen xisbiga PTI Ali Bukhari ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in jirdil lagu sameeyay Khan. Xariga Khan ayaa kusoo beegmaya xilli dadka caadiga ah ee Pakistan ay la daalaa dhacayaan xaalad dhaqaale xumo tii ugu xumayd ee soo marta tobannaan sano, iyadoo sicir-barar heerkiisu sarreeyo. Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan Rana Sanaullah ayaa u sheegay warfidiyeenka in Khan ay xireen Xafiiska la xisaabtanka Qaranka (NAB) kadib markii ka baaqday inuu horyimaado xaafiiska “inkasta oo ay jireen ogeysiisyo loo diray”. AFP, Reuters. The post Imran Khan oo la xiray iyo xiisad xoogan oo taagan appeared first on Caasimada Online.
  24. Qaar Kamida magacyada xaafadaha magaalada burco Xaafada: ilaahow waad na aragtaa Xaafada: urayso Xaafada: Baar-Siigo Xaafada: Samir iyo iimaan Xaafada: kaama Samro Xaafada: qooshleeyda Xaafada: xaar-wada Xaafada: Qadahaar Xaafada: sii bakhti Xaafada: cuqubo Xaafada: sii quraaco oo hasoo qado tegin Xaafada: qunyar dega Xaafada: oodhfanada Xaafada: fadhi macaan Xaafada: hodan qaylo Xaafada: qasabka Xaafada: cakaara Xaafada: sakatu-yuhuud Xaafada: laba qow Xaafada: caqaayada Xaafada: Saxaraha Xaafada: Xabaalaha giinbaarta ( xaafadaa Waxaa magaca Loogu bixiyay waa halkii lagu gubay lacagtii Somalia ee gaynbaarta la odhan jiray Burco waa magaalo taariikhiya waxaana ka dhasha dadka eray bixinta caanka ku ah aftahankana ah. Qaran News
  25. Riyadh (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa gaaray dalka Sacuudiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhigiiisa dalka Sacuudiga. Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa booqashadiisan uu ku tegay dalka Sacuudiga ay qaadan doonto saddex maalmood ayaa waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda waddankaas, si gaar ahna dhiggiisa Xeer Ilaaliyaha Sacuudiga Saud Almejib. Kulamada uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu la qaadanayo masuuliyiintaas ayaa ku qotomo iskaashiga iyo horumarinta xeer ilaalinta labada xafiis, wadaagga aqoonta iyo waaya-aragnimada labada dhinac. Sidoo kale waxa uu Xeer ilaaliyaha guud uu booqan doonaa mudada uu joogo dalkaasi Sacuudiga, Xarunta dhexe ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud, Xarunta Ictidaal oo ah xarun lagula dagaalamo fikriga xagjirka ah iyo hay’adda hufnaanta iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa. Xarumaha uu booqan doono Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale waxaa kamid ah hay’adda Forseniga dalka, maxkamaddaha kala duwan ee dalkaasi iyo Jaamacada Naayif ee caluumta amniga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safarka Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Sacuudiga. The post Sawirro: Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo gaaray Sacuudi Carabiya + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.