Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. "The Israeli attacks hit residential areas, killing women and children while they were sleeping safely in their homes," the Arab League said. Source: Hiiraan Online
  2. In the last three years of the Trusteeship period much time and effort was devoted to the preparation of the Constitution for the future of the independent Somali State. For this purpose a Technical Committee of experts was appointed in September 1957 (Administrator’s decree No 140 of September 6, 1957) The Technical Committee prepared a preliminary draft Constitution of 141articles, accompanied by 316-page commentary. (P. Contini, “The Somali Republic: An Experiment in Legal Integration 1969”, p, 3) A revised and shorter draft Constitution of 64 articles was prepared, with the assistance of an expert in Constitutional law, by the Minister for the Constitution Both drafts were examined in detail by a drafting Political Committee of fifty Somali members. The Committee approved a new draft Constitution of 100 articles and submitted it to the Constituent Assembly, comprising the ninety Deputies of the Legislative Assembly and twenty additional Somali members. Source: Hiiraan Online
  3. The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) urged media of member states to expand regional coverage to tell their own stories in the region and achieve common goals and objectives. Source: Hiiraan Online
  4. Morocco finished at the top of Group B with two back-to-back wins against Nigeria (1-0) and South Africa (2-0) and one loss to Zambia. Source: Hiiraan Online
  5. Stakeholders from the Horn of Africa have converged in Kenya’s Naivasha town, north west of the capital Nairobi, for a four-day learning and knowledge sharing conference on humanitarian development peace (HDP) coherence in food crisis contexts. Source: Hiiraan Online
  6. Upon assuming office as President of Somalia last year, Hassan Sheikh declared his desire to achieve peace within the country and with the international community. However, it quickly became apparent that his manner of managing government affairs would not lead to a peaceful Somalia. Specifically, he focused his administration on his party, neglecting the presidential candidates who had helped him secure victory. This situation was compounded by the conflict that arose between President Said Abdulahi Deni and President Hassan Sheikh Mohamud, with some accusing the latter of reneging on the deal made during the presidential election and others attributing it to constitutional differences. Source: Hiiraan Online
  7. Egypt’s Minister of Environment Yasmine Fouad has met with her Somali counterpart Khadija Al-Makhzoumi, the Minister of Environment and Climate Change of the Republic of Somalia, to discuss ways of future cooperation between the two countries and the signing of a joint executive programme, and cooperation to enhance capacity-building in the field of environment for the Somali side. Source: Hiiraan Online
  8. “ Anigaa qirsan in reer Awdal Somaliland hagratay , Reer Awdal Waan Garab galay, Nasiib Darro se Tolkay waxaan u taray iguma abaalmarin ee nin cusub oo Musharax ah ayay codkii siiyeen, may odhan Madaxweynuhu isaga jooga ee Codka siino oo karamadiisa ilaalino. Xukuumadan Muuse Biixi ee aan ka tirsanahayna Reer Awdal wax way ka dhiman yihiin, Reer Awdal se way ka qatan yihiin Horumarka Xukuumada Kulmiye ay samaysay 13 Sanno ee aan ka tirsanaa, Xukuumadii Riyaalena way qadisay oo waxba ma siinin.” Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici. Qaran News
  9. Waxa Somaliland ku soo badanaaya baryahani danbe dalxiisayaasha ka kala imanaaya daafaha caalamka kuwaasi oo hore u booqan jiray godadka taariikhiga ah ee Laas Geel iyo Dhagax guure, waxana hada aad u soo badanaaya dalxiisayaasha xiisaynaaya booqashada Buurta Daallo oo ah good muchiso ah sawradani how’s yaalaa waa dalxiiayaal Dushanbe uga baxay buurta Daalolo isla markaasina ay ka hooseryasn Daruurahu Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay dowladda federaalka Soomaaliya xoogga saartay amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyo dagaalka Shabaab waxaa soo isa-soo tarayay dhacdooyinka la xiriira sida ay bulshada qeybta ugu yihiin sugida amniga, ayna si dhiiran uga hortagayaan argagixisada iyo kuwa raba qalqal-galinta caasimada. Waxaa soo qaadaneyna saddex dhacdo oo lagu tilmaamay kuwa ugub ah oo ka dhacday saddex degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasi oo kala ah. Dhacdada koowaad: Haweenay ay Shabaab-ka gurigeeda isku dayeen inay ka weeraraan ciidamada amniga oo halkaas ka ag-dhowaa, oo ayada iyo qoyskeedii oo isku duuban ay u cuntami weysay arrintaas, taasi oo markii dambe sababtay in walaasheed ay ku dhimato diidmada ay kala hortageen Shabaab-ka. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qaar kamid ah caruurteeda iyo ninkeedii, si ay u badbaadiyaan ciidanka ay waxyeelada la damacsaneyd Shabaab. Waxay tani muujineysa sida shacabka Muqdisho ay uga go’an tahay in caasimada ay noqoto mid ka madhan falalka argagixisada ay usoo maleegayaan. Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Tan labaad ayaa iyaduna ah: Wiil dhallinyaro xoogsato ah oo hortiisa lagu diley askari Boolis ah. Wiilkan dhalinyarada ah ayaa la sheegay inuu raacdeystay laba xubnood oo Shabaab ah oo markaas dilka geysatay illaa markii dambe ay ku guuleysteen isaga iyo ciidamo boolis ah oo uu wacday inay qabtaan labadii Shabaab-ka aheyd iyo hubkoodii. Dhacdadan ayaa iyaduna ka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Midda saddexaad ee aan warbixinteena kusoo qaadaneyno ayaa iyaduna ah: Nin kale oo da’ dhexaad ah oo asaga iyo saaxiibkiis ay arkeen Shabaab jawaanno ku wata hub iyo bambooyin. Ninkan iyo saaxiibkiis ayaa waxay u bareereen in ay qabtaan Shabaabkii iyo hubkoodii!. Waxay dhacdadan ka dhacday degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Saddexda dhacdo inkasta oo ay meelo kale duwan ka dhaceen haddana waxay wadaagaan hal dareen oo ah shacab dhiiraday oo qeyb ka ah sugashada amnigooda, waana meesha mudada dheer lala rabay shacabka Muqdisho inuu gaaro. Si kastaba, Dowladda oo ayadu sii dhiiri-gelineysa geesinimada shacabka iyo inay qeyb ka noqdaan ka hortaga falalka amni darro ayaa abaalmarisay shaqsiyaadka ku xusan saddexdaan dhacdo ee aan soo sheegnay. The post Dhacdooyin ugub ah oo ka dhacay saddex degmo oo ku yaal Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  11. PRESS RELEASE Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC) Honored with Global Trade Review (GTR) Leaders in Trade Award for Islamic Finance in Trade The GTR Leaders in Trade Awards celebrate innovation, excellence, and growth in the trade, commodity, supply chain, and export finance markets, with a specific emphasis on Islamic finance Access Multimedia Content RIYADH, Kingdom of Saudi Arabia, May 10, 2023/ — The Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC) (www.ICIEC.IsDB.org), the insurance arm of the Islamic Development Bank (IsDB) Group, is proud to announce that it is the recipient of the prestigious Global Trade Review (GTR) Leaders in Trade Award for Islamic Finance in Trade. This esteemed accolade was presented to ICIEC during the GTR Saudi Arabia awards ceremony on May 9, 2023. The GTR Leaders in Trade Awards celebrate innovation, excellence, and growth in the trade, commodity, supply chain, and export finance markets, with a specific emphasis on Islamic finance. This award underscores ICIEC’s unwavering commitment to supporting and promoting trade within the Islamic world, fostering economic development, and driving sustainable growth. ICIEC CEO, Mr. Oussama Kaissi, expressed appreciation for the recognition, stating, “It is with immense pleasure that we receive the GTR Leaders in Trade Award for Islamic Finance in Trade. This award serves as recognition for ICIEC’s dedication to providing our member states with comprehensive, world-class Islamic insurance and risk management services. We remain committed to driving transformative change in the sector, and we thank GTR for acknowledging our efforts in championing Islamic finance in trade.” Since its establishment, ICIEC has been actively involved in its member states’ economic growth and development by offering Shariah-compliant insurance and reinsurance solutions, reducing trade and investment risks, and promoting the expansion of trade within the Organization of Islamic Cooperation countries. The GTR Leaders in Trade Award cements ICIEC’s position as a leader and pioneer in the Islamic finance industry. SOURCE Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC) Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta saxiixay heshiis muhiim ah oo saddex-geesood. Heshiiskan cusub ayaa waxaa u ka dhaxeeya dhinacyada: Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Hay’adda Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla Ingiriisiga (AFROSAI-E). Heshiiskan ayaa soconaya sannadaha 2023-2024 ayaa wuxuu u gogol xaaraya sii wadista taageerada farsamo iyo kobcinta awoodda iyo hufnaanta shaqada iyo shaqaalaha ee uu xafiisku horay uga heli jiray hay’adaha bah-wadaagta caalamiga. Sidoo kale waxaa heshiiskan gacan ka gaysanaya dadaallada lagu dardar-galinayo dhaqan-galinta qorshaha istaraatiijiyadda cusub ee sanadaha 2023 illaa 2025. Qorshahan ayaa waxa uu hagi doona hawl-qabadyada Xafiiska ee muddada shanta sanno ee soo socota, sida uu sheegay xafiiska Hantidhawrka guud ee qaranka. Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa maalmihii dambe ku sugna dalka Ghana, isaga oo shalay magaalada Accra uga qayb-galay furitaanka shirka Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Afrika (AFROSAI-E) oo sannadkan ka qabsoomay dalkaas. Shirkaas oo ay sannadkan martigalinayso Hay’adda Hantidhawrka Guud ee Ghana ayaa waxaa qayb ka ah Hantidhawrayaasha Guud ee 26 dal oo ku midoobay Ururka Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla luuqadda Ingiriisiga iyo hay’ado kale oo ka mid ah bah-wadaagta horumarinta caalamiga. The post Xogta heshiis saddex geesood ah oo uu saxiixay Hantidhawrka guud ee qaranka appeared first on Caasimada Online.
  13. Allah unaxariisee waxaa degmada Kaxda ku geeriyooday Wariye Ismaaciil Shiikh Khaliifa, kaas oo kamid ahaa saxafiyiinta Soomaaliyeed muddo ku sugnaa dalka kana soo shaqeeyay, Safiga ayaa waxaa la sheegayaa in aysan jirin xanuun uu mudooyinkii dambe la jiifay, laakiin uu u geeriyooday xanuun kusoo booday, sida ay sheegayaan asxaabta iyo Ehelkaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Boorama (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici ayaa markii u horeysay si shaacsan u sheegay in Somaliland ay hagratay dadka reer Awdal. Cabdiraxmaan Saylici oo ka hadlayay munaasabad ka qabsoomtay Boorama ayaa waxa uu sheegay in uu tabashada la qabo dadka reer Boorama, “balse ay tahay in si nabada loo wada baadi doono wixii dhiman.” “Aniga ayaa qirsan in reer Awdal ay wax ka maqan yihiin oo ay Somaliland hagratay anaa qirsan. Xisbiga aan madaxweyne ku-xigeenka ka ahay ee Kulmiye waa xisbiga horumarka ugu badan dalka galiya lakiin howshaa reer Awdal way ka qatan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici. Sidoo kale waxa uu sheegay inay suurta-gal ahayn in la waxyeeleeyo magaalada Boorama, oo ku tilmaamay mid leh aqoon, soo dhawayn iyo nidaamka biyo galinta ee ugu fiican guud ahaan Somaliland. “Haddaa wax tabaneysaan ha duminina magaaladiina ee gar ayaa ka muuqata wada-hadal ayaa ka muuqda, wixii aan tabaneyno ee maqan aniga hoggaankii ah reer Awdal. Xukuumadda kamid ahay way hagratay. Waxa dhiman waa idinla qaba, waxaa qurux badana in Somaliland ay run isku sheegto.” Saylici ayaa waxa kale oo ka dhawaajiyay in magaalada colaadda ka taagan tahay ee Laascaanood ay heli jirtay in ka badan miisaaniyadii loogu talo-galay mid ka badan oo ay garan waayeen, “inta badan Boorama waxaa lagu haleeyay hay’addaha uun, maadama ay nabad tahay.” Qirashada Saylici ee tabashada siyaasaddeed ee muddo soo jirtay ee qabaan reer Awdal iyo gobollada Galbeed ayaa waxay imaneysa xilli ay maalmo kahor ay rabshado horleh ka dhaceen magaalada Boorama, taasi oo looga soo horjeeday dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal. Si kastaba, Waa markii u horeysay ee madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu si shaacsan uga garaabo tabashada saami-qeybsi ee Somaliland ka qabaan reer Awdal, uuna ku marqaati furo xukuumadda uu qeybta ka yahay, ayada oo durtaba soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in uu ka leeyahay ujeedooyin siyaasadeed iyo dejinta xiisadda ka taagan gobolka. The post M/weyne ku-xigeenka Somaliland oo weerar culus ku qaaday xukuumadda, “Somaliland wey hagratay…” appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweyne Biixi, ayaa maanta kulan la yeeshay guddida Doorashooyinka Somaliland. faahfaahin rasmiya lagama bixin natiijada kulanka balse wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi, xubnaha guddida u sheegay in uu diyaariyay lacagtii Doorashada loona baahan yahay in hawlaha doorashada ururrada ay dedejiyaan. Xubnaha guddida ayaa wararku sheegayaan in madaxweyne ay u sheegeen in marka hore loo baahan yahay isfaham dhexmara daneeyaasha Doorashada si ay iyaguna u soo saaraan jadwal doorasho oo rasmiya. Madaxweyne Biixi, waxa uu doonayaa in doorashada ururradu soo horrayso halka xisbiyadu mucaaradku doonayaan in la qabto doorashada madaxtooyada. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyay in uu dhawaan soo bandhigi doono eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay, kuwaasi oo ka maqan. Taliska ayaa sheegay in tallaabada ay qeyb ka tahay sidii cadaalad loogu qaado, sida ay qabaan shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaala. Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu maanta taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sareeye-Guuto Sulub Axmed Firin uu kormeer ku tegay xarunta hoggaanka xariirka dibadda iyo Interpol ee ciidanka booliska Soomaaliyeed. “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan soo bandhigidoona eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay si cadaalad loogu qaado sida ay qabaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka u yaala,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska Soomaaliyeed. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilligaan waxa uu xubin buuxda ka yahay Booliska caalamka ee Interpol, taas oo qeyb libaax ka qaadatay la-dagaalanka dambiyada xaduudaha ka gudba iyo kuwa caalamiga ah. Taliye Sulub ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay ayaa waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed. Si kastaba, dib u habeynta uu taliska cusub ku sameeyay xarumaha hoosyimaada iyo shaqadii uu hayay ayaa muddooyinkii dambe laga dareemay caasimadda, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. The post DF oo soo bandhigaysa shaqsiyaad dambiyo dalka ku galay oo ka maqan appeared first on Caasimada Online.
  17. New York (Caasimada Online) – George Santos oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa la xiray Arbacada maanta ah. George Santos ayaa waxaa lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, gacan-togaaleysi iyo xatooyo hanti dadweyne. Santos oo 34 jir ah ayaa waxa uu hore u diiday baaqyo ahaa inuu is-casilo maadaama uu ka been sheegay shaqadiisa. Sidoo kale waxaa hore loogu soo oogay inuu khiyaameeyay taageerayaasha siyaasadda, isaga oo qariyay asalka lacagta uu ku galay olohiisa doorashada iyo mid uu isticmaalay xilli uu ahaa shaqa la’aan. “Isku soo wada duub, eedeymaha dacwadda lagu soo oogay waxay Santos ku eedeeyeen inay ku tiirsan yahay daacad-darro soo noq-noqotay iyo khiyaanooyin” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Breon Peace, oo ah qareenka Mareykanka ee degmada Bariga New York. Waxyar kadib doorashadii Santos ee 2022 si uu u matalo degmada hodanka ah ee New York Long Island, ayaa waxaa baxeysay inuu ka abuuray ololihiisu uu ku soo baxay, uuna khiyaameeyay taageerayaasha siyaasadda. Jariidada New York Times iyo xarumaha kale ee warbaahinta ay xilligaasi waxay shaaca ka qaadeen inuu ka been sheegay ku dhawaad wax kasta oo ku saaabsan taariikhdiisa shaqsiyeed iyo tiisa xirfadeed. The post Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la xiray + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  18. Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay heshiis saddex-geesood oo ka dhexeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Hay’adda Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla Ingiriisiga (AFROSAI-E). Heshiiska oo soconaya sannadaha 2023-2024 ayaa u gogolxaaraya sii wadista taageerada farsamo iyo kobcinta awoodda iyo hufnaanta shaqada iyo shaqaalaha ee uu Xafiisku horay uga heli jiray hay’adaha bahwadaagta caalamiga. Heshiiskan ayaa sidoo kale gacan ka gaysanaya dadaallada lagu dardargalinayo dhaqangalinta Qorshaha Istaraatiijiyadda cusub ee 2023-2025 kaasi oo hagi doona hawlqabadyada Xafiiska ee muddada shanta sanno ee soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle. madaxweynaha oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa socod ku maray buunda nuurxawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo barakac baahsan uu ka socday iyadoo Wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Beledweyne. Madaxweynaha ayaa booqday deegaanka Ceeljaale oo ay kusoo barakaceen qeybo kamid dadkii deganaa Magaalada oo ay saameeyeen fatahaada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Magaalada Beledweyne ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd iyadoo Magaalada badankeed laga barakacay, dadka qaarna ay ku go’doonsan yihiin Xaafadaha. Maraxweynaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha samafalka inay si deg deg ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne oo ay saameeyeen musiibada fatahaada Wabiga Shabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle. Madaxweynaha oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa socod ku maray buundada nuurxawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha magaalada. Halkaasi oo barakac baahsan uu ka socday maalmihii dame, iyada oo wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu booqday deegaanka Ceeljaale oo ay kusoo barakaceen qeybo kamid ah dadkii deganaa magaalada oo ay saameeyeen fatahaadaha. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in magaalada Beledweyne ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd iyada oo magaalada badankeed laga barakacay, dadka qaarna ay ku go’doonsan yihiin Xaafadaha, Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka, shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne oo ay saameeyeen musiibada fatahaadaha Wabiga Shabeelle. Kormeerka madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa imanaya xilli uu barakac horleh ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex mara magaaladaasi Si kastaba, Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqd qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn. The post Sawirro: Muxuu Cali Guudlaawe ku soo arkay Beledweyne? appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay warbixin cusub oo la xiriirta kiiska Haweenay horey u sheegtay inay kufsadeen ciidamo ka tirsan Booliska, xilli ay xabsi ku jirtay, oo loo haystay fal dil ah. Haweenaydan ayaa waxay hore u sheegtay inay falka kufsiga ah ee kula kaceen ciidamada Booliska ay ku qaaday uur, ayna ku dhashay wiil, taasi oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay, kadib warbixintan uu kasoo saaray kiiskan. Afhayeenka Ciidamada Booliska oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in guddi loo saaray sheegashada haweenaydan oo lagu magacaabo Xaliimo Cabdullaahi Aadan ay soo baxday inay waxba kama jiraan tahay, kadib markii la ogaaday in wiilka ay sheegtay inay ku dhashay kufsiga lagula kacay ay kasoo kaxeysatay xarun barkacayaal oo ku taal Muqdisho. “Guddigu waxa uu si qoto dheer u baadhay cabashada eedeysane Xaliimo taasi oo socotay 93 cisho, waxay guddiga wareystay oo si qoto dheer u baareen illa 33 qof oo 31 kamid ahaayeen xubnaha ciidamada Booliska ee falkaasi lagu eedeyay iyo saraakiishii ku shaqada laheyd, iyo laba qof oo kale oo ahaa Xaliimo iyo Nabadoonkeedii,” ayuu yiri, Inkasta oo la caddeeyay inay Xaliimo uur leedahay, sida uu ka dhawaajiyay Afhayeenka haddana waxa uu sheegay in wiilka ay soo bandhigtay ee Saabir Yare aanay dhalin, lana ogaaday inay kasoo wadatay xeryaha Weydoow ee gobolka Banaadir. “Waxay jawaabta dheecaanadu noqotay ee laga Xaliimo iyo Saabir Yare, waxaa cadaatay in Xaliimo aysan aheyn hooyada dhashay Saabir Yare, kaas oo sida xafiiska xeer ilaalinta hortiisa ka sheegtay inay kasoo wadatay xeryaha barakacayaasha Weydoow ee gobolka Banaadir.” Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dheecaanada DNA-ga laga qaaday shantii eedeysane ee lagu tuhmayay kufsiga iyo wiilka ay sheegtay Xaliimo inay ku dhashay uurkii ay ku qaaday CID-da, iyada oo jawaabta dheecaanadaasi ay noqotay in xubnaha Booliska aysan jirin wax xiriir waalidnimo ah oo ka dhaxeeya wiilkaas. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay afhayeenka in wiilkii Saabir Yare la dilay, ayna ku lug yeelatay hooyada dhashay Xaliimo oo lagu magacaabo Safiyo Cabdi Cabdiraxmaan, taasi oo ah kiis kale oo xasaasi ah, waxaana hadda loo haystaa Xaliimo iyo Hooyadeed laba kiis oo dil ah iyo marin habaabinta cadaalada, sida uu sheegay. Si kastaba, Xaliimo ayaa bishii Janaayo waxay baraha bulshada ku baahisay inay kufsadeen ciidamadii gacanta ku hayey, taasi oo dhalisay hadal hayn badan oo keentay in loo saaro kiiskan guddi gaar ah si qoto dheer u baara, kaas oo ugu dambeyn natiijada kasoo baxday uu Booliska la wadaagay bulshada. The post Daawo: Kiiska Haweenay sheegtay ‘inay kufsadeen Booliska’ oo weji cusub yeeshay appeared first on Caasimada Online.