-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Burco (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu kormeer ku tegay Isbitaalka guud ee Burco iyo Isbitaalka ciidamada Somaliland, isaga oo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad. Muuse Biixi ayaa waxa uu mid mid u dul istaagay una gacan qaaday askarta ciidamada Somaliland ee ku soo dhaawacmay dagaaladii kala dambeeyey ee ka dhacay magaalada Laascaanood, wuxuuna ugu duceeyay in u Illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood. Madaxweynaha Somaliland ayaa ka dhawaajiyay in xukuumaddiisa ay u hurayso wax walba oo la xiriira daryeelkooda caafimaad, hal-yeyadii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka naxariistii janno Alle ka waraabiiyo, islamarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland. Waxa u mahad-naqay dhamaan hawl-wadeenada bahda caafimaadka iyo dhakhaatiirtii u adeegaysay ciidamada dhaawaca ah, isaga oo ku dhiirigeliyey inay halkaa dedaalkooda ka sii wadaan kuna amaanan yihiin shaqada Qaranka. “Wuxuu ku bogaadiyay sida fiican ee bahda caafimaadka oo ay hoggaaminayso wasaaradda horumarinta caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyaga oo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Isbitaalada Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu u duceeyey in Alle caafimaad sareecana siiyo dhammaan bukaanada guud ee xanuunada kala duwan u jiifa cusbitaalka guud ee Burco. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, iyada oo la sheegay inuu qorsheynayo in halkaasi uga sii gudbo gobolka Sool, gaar ahaan saldhiga Goojacadde ee ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood iyo taliska ciidamada Somaliland ee Oog, xilli uu gobolkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Xogaha aan helayno ayaa intaas kusii daraya in madaxweynaha Somaliland inta uu ku sugan yahay Burco uu ka shaqeynayo xal u helida shaqaaqo beeleed ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Togdheer. Si kastaba, Socdaalka madaxweyne Biixi ee ku wajahan magaalada Oog ee gobolka Sool oo ku dhow saldhiga Goojacadde, ayaa kusoo beegmaya xilli ay Somaliland maalinta berri ah xuseyso gooni isu-taageeda ee maalinta 18-ka May. The post Sawirro: Muuse Biixi ‘oo indhaha soo saaray’ askarta ku dhaawacantay dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax xooggan oo maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Dhawaaqa jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay inta badan caasimadda ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ahaa mid gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa, kuna qarxay aagga Muqdisho Mall ee degmada Xamarweyne. Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxa lagu sheegay in qaraxaan uu ka dhashay khasaare kooban, kaasi oo ku eg gubashada gaariga lagu soo xiray qaraxa. Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in gaariga qarxay uu lahaa qof muwaadin ah, kaasi oo loogu xiray gaarigiisa oo noociisu yahay Surf. “Maanta 17/May/2023, abaare 01:00 Duhurnimo, ayaa qarax qof muwaadin ah loogu xiray gaarigiisa oo nuuciisu yahay Surf, kaas oo ka dhacay Degmada Xamar-weyne agaagaarka Muqdisho Mall,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya. Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska “Muwaadinkii (lahaa gaariga) wuu nabad qabaa, ma jiraan wax qasaare ah oo kale marka laga reebo gubashada gaarigii dab ka dhashay qarxay.” Mana jirto illaa haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan, oo Booliska uu sheeay in gaariga qof muwaadin ah lagu xiray, inkasta oo inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay qaraxyada ka fuliso kooxda Al-Shabaab, oo guluf culus uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka. Maalmo kahor unbey aheyd markii qarax khasaare gaystay uu ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga ee booliska Milateriga ee dhowaan lagu wareejiyay amniga caasimadda. Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay amniga Muqdisho, ayna bulshada caasimada ka nasteen qaraxyada iyo falalka amni darro, kadib howl-galo isdaba joog ah ay ciidamada kala duwan ee ammaanka ay ka sameynayeen caasimadda. The post Booliska oo war kasoo saaray khasaaraha qaraxii Xamarweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahan Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka cusub Boqortooyada Dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis. Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha Ingiriiska Mudane Mike Nithavrianakis oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, ayaa sidoo kale kullanka waxaa looga hadlay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka BJFS, Guddoomiyaha ayaa xusay in dowladda Ingiriiska ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka, iyadoo wadanka ay ka fuliyeen mashaariic horumarineed, taas oo dowladda Ingriiska ay ku taageereyso Soomalaiya si markale ay dib cagaheeda ugu istaagto, waxaana ay u taageertaa dhinacyo kale duwan. Kulanka ayaa waxay sidoo kale uga wadahadleen arrimaha ilaalinta xasiloonida dalka, iyo xoojinta ladagaalanka Al-shabaab, xilli dowladda federalka ay ku dhawaaqday in dhowaan dalka laga bilaabayo wajiga labaad dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo laga fulinayo Galbeedka Hiiraan, Galmudug iyo KG. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo dhigiisa dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka wadahadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka Khawaarijta kadib kulan ay ku yeesheen Kenya. “Waxaan ka wada hadalnay doorka hogaamineed ee CXDS ee Howlgaladda socda iyo in ay naga caawin doonaan tababaradda heerka sare ee CXDS” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale dhigiisa Kenya uga mahad naqay kaalinta Kenya ku leedahay la-dagaalanka Al-shabaab maadama ay kamid yihiin howlgalka Midowga Afrika iyo dalalka safka hore, kuwaas oo qeyb ka noqonaaya Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taasi oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood. Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo dowladda federaalka Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo inay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka Geeska Afrika. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay gaaray magaalada Dooxa ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxay madaxda iyo diblumaasiyiinta kale ee ku wehlinaya safarkaan madaxweynaha ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha Soomaaliya. Dhinaca kale, Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in socdaalka madaxweynaha ee Qatar ay qeyb ka tahay qorshaha ay dowladda taageero dhaqaale ugu raadinayso dagaal culus ee kula jirto kooxda Al-Shabaab. Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii hore. Qatar ayaa kamid ah dowladdaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale. Sidoo kale waxay xukuumadda Dooxa taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen. Si kastaba, Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, kaasi oo ku saleysan dardar-gelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaallanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee fagaareyaasha Caalamka. The post Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la qaatay amiirka dalka Qatar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
United States convoy was attacked in Nigeria on Tuesday killing four people, including two personnel from the US consulate and two police officers, and kidnapping three others, according to local police and US officials. Source: Hiiraan Online
-
Since @musebiihi took power, imprisoning journalists has become the norm #Somaliland . We demand that the government immediately release Busharo, one of Somaliland's best journalists. One of the pillars of #democracy is freedom of expression. pic.twitter.com/gBkJmjjpFl — Khadar Hussein Abdi (@khadarlooge) May 16, 2023 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo goor sii horeysay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Dhawaaqa jugta qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay inta badan caasimadda ee magaalada Muqdisho, ayada oo cirka isku shareertay uuro qaraxa kadib. Qaraxa oo jugtiisa cusleyd ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa ahaa gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo looga tegay qeybta Parking-ka ee Muqdisho Mall ee degmada Xamarweyne, sida ay ogaatay Caasimada Online. Qolyaha dab-damiska ayaa markii dambe ku guuleystay daminta gaariga qarxay, taasi oo yareysay khasaaraha, maadaama ay goobtaasi yaalleen gawaari kale, ayna ka agdhawayeen dad badan. Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ahaa mid qof muwaadin ah uu lahaa oo loogu xiray, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin cidda iska leh gaariga waxyaabaha qarxa lagu soo xiray ee ku qarxay halkaasi. Mana jirto illaa haatan cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan, ayada oo inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay qaraxyada noocaan oo kale ah ka fuliso kooxda Al-Shabaab, oo guluf culus uga socdo qeybo kamid ah gobollada dalka. Sidoo kale majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo la xiriira qaraxaan iyo khasaaraha ka dhashay, oo inta badan looga bartay warinta xogta u dambeysa ee dhacdooyinkan oo kale. Maalmo kahor unbey aheyd markii qarax khasaare gaystay uu ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga ee booliska Milateriga ee dhowaan lagu wareejiyay amniga Caasimadda. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay Waxda Saddexaad ee degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, wuxuuna qabsaday gaari ay la socden ciidamada, iyada oo la sheegay inay afar askar ku geeriyoodeen qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo kale. Qaraxaas ayaa waxa ka dhashay khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara ciidamada Booliska Milateriga ee Xasilinta caasimadda ee Amniga magaalada Muqdisho gacanta ku haya. Ciidamada oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa waxaa mushaharkooda bixiya dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana bishii askari kasta uu qaataa $300. Ciidamada ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada. Si kastaba, arrimahaan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay amniga Muqdisho, ayna bulshada caasimada ka nasteen qaraxyada iyo falalka amni darro, kadib howl-galo isdaba joog ah ay ciidamada kala duwan ee ammaanka ay ka sameynayeen caasimadda. The post Faah-faahinta qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Qarax xooggan oo dhawaqiisa inta badan laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa goordhow ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhaxay meel u dhow xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana warar kale duwan ay kasoo baxayaan sida uu u dhacay qaraxa. Jugta qaraxa oo aad looga maqlay casimadda ayaa ahaa mid lagu xiray gaari, walow ilaa hadda aan la ogeyn cid wax ku noqotay iyo mas’uulka iska lahaa Gaariga. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa aad ugu yaraa falalka amniga lidka ku ah tan iyo markii ciidka Police Milatare lagu wareejiyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xeer-ilaalinta Puntland ayaa waaran soo xidhis ah u jartay, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya, Khadar Faroole, Wasiir hore Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax. Wasaarad Laydhkii laga jaray Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta, Tijnoolajiyadda, Dhaqanka & Dalxiiska Puntland ayaa laga goostay korontadii ka dib markii ay iska bixin weydey kiradii laydhka oo ay leedahay shirkad gaar ah. Qaran News
-
Xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa waaran soo qabasho u jartay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee ku sugan Garoowe. Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Maxamed Yuusuf Taaran oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in waaran soo qabasho loo jaray siyaasiyiintan oo ku eedaysan khalkhal gelin amni. Xeer Ilaaliye Taaran ayaa sidoo kale shaaciyay in magacyada siyaasiyiinta ku eedaysan khalkhal gelinta oo ay kamid yihiin Xasan Shire Abgaal, Maxamuud Shiddo iyo Khadar Cabdiraxmaan Faroole. Hoos ka daawo muuqaalka Xeer Ilaaliyaha PUNTLAND POST The post Puntland oo waaran soo qabasho u jartay siyaasiyiin mucaarad ah appeared first on Puntland Post.
-
Saaka ayaa Bushaaro Baanday la horkeenay maxkamadda oo u jartay todoba maalmood oo rumaan ah. Waxa lagu eedaynayaa warbixinada ay tebisay gaar ahaan kuwa khuseeya dagaalka Laascaanood. Garyaqaan Dafac. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Dhawaaqa jugta qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay qeybo kamid ah caasimadda ee magaalada Muqdisho, ayada oo cirka isku shareertay uuro. Qaraxa oo jugtiisa cusleyd ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Xamarweyne, mana cadda weli nooca uu ahaa iyo khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale lama xaqiijin weli cidda lala beegsaday qaraxaas oo sida aan xog hordhac ku helnay uu ka dhacay aagga City Mall ee degmada Xamarweyne. Qaraxan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe uu soo hagaagayo amniga Muqdisho, kadib howl-galo isdaba joog ah ay ciidamada kala duwan ee amaanka ay ka sameynayeen caasimadda. Wixii ka soo kordha iyo faah-faahinta qaraxaan kala soco Caasimada Online. The post DEG DEG: Qarax xooggan oo goordhow ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Dhaqdhaqaaqa Gadiidka ayaa la joojin doonaa 12:00 AM Amaanka Caasimadda ayaana kor loo Qaaday ..Sida uu Sheegay wasiirka Difaaca Somaliland… Guddida Qaban qaabada 18-May oo uu Horkacayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Abdiqani Maxamuud Caateeye Fariid oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Guddida Qabanqaabada munaasibada 18-May Ayaa bulshada ugu baaqay inay si wayn isugu diyaariyaan Xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-May Sidookale Wasiirku waxa uu u Mahadnaqay Dhamaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland. Guddidu waxa ay Bulshada ku wargalisay in la joojindoono dhamaan dhaq-dhaqaaqyada gaadiidka Saacadu markay gaadho 12ka habeenimo. Ugu danbayn Guddidu waxay bulshada reer Somaliland u rajaysay Bashbash iyo barwaaqo waarta inay kuxusaan Maalinta Qaranimada somaliland ee 18-May. Qaran News
-
Ilaahay ha u naxariisto Marxuum Taliye Khadar Xabeeb oo maanta lagu aasay borama kadib markii 10 cisho ka hor gacan ka gardarani ku dishay Lawga. Ilaahay qoyska qarabada iyo qarankaba samir iyo iimaan hakiisiiyo. Inta waxa dheer in xukuumadu toos u qaadato dardaarankii ehelku qabriga dushiisa ka jeediyeen oo aanay sahalsan iskuna dayin Meeraysi ee ay fuliso go,aanka laba qaysba taageeren kii wax laga dilay iyo kii wax dilayba. Laba waa in hada si dagdaga xoriyadooda loogu celiyo dhamaan dadkii loo qabqabtay banaanbixii ka dhashay arintaa iyadna meeraysi uma baahna mana jirto cid ujeedo gaara arintaa ka lahayd balse meeraysigii Xukuumada ayaa keenay waana waajib dad banaan baxay marka uu joogsado in lasii daayo. Qodobka u dambeya Xukuumadu waa inay si dagdag ah iskaga xilsaartaa inay daryeel iyo dawaba u sameeyaan Dhaawacyada duqaydii iyo dhalintii maalintii dhawayd ku dhaawacan tay sigaara waxan ugu soo jeedinaya madaxda xukuumada ee gobalka kasoo jeeda inay xilgaara iska saraan dhaman qodobadan. Kadibna nabad niyad saman lagu wada xuso 18 may. W/Q Xildhibaan Maxamed Abiib Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Mudane Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay dhacdadii habeen hore ka dhacday magaaladaas, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Taaran ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas ay gaysteen afar nin oo kala ah Khadar Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), Xasan Shire Cabdi (Abgaal), Maxamuud Warsame Faarax (Shido) iyo Maxamed Jaamac Faarax oo kamid ah siyaasiyiinta maamulkaasi. Xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyay afarta nin inay hoggaaminayeen ciidamadii weerarka ku qaaday Booliska oo xilligaas waday sanaadiiqda doorashada. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay soo gaartay dacwad ay usoo gudbiyeen Booliska oo dalbaday in la siiyo waaran lagu soo qabanayo raggaas, taas oo uu tilmaamay inay u ogolaatay maxkamadda, isaga oo amar ku bixiyay in lasoo xiro dhammaan ragaasi. “Xeer ilaalinta Puntland waxa ay soo saartay amar soo qabasho oo ah afarta eedeysane ee kala ah 1-Khadar Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, 2-Xasan Shire Cabdi Abgaal 3-Maxamuud Warsame Faarax Shido 3-Maxamed Jaamac Faarax,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu. Khadar Faroole iyo Xasan Shire Abgaal ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku sugan yihiin Garoowe oo ay ku haystaan ciidamo hubeysan, taas oo dagaal sababi karta. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, wuxuuna amarkan uga sii darayaa xiisadda dagaal ee haatan ka taagan caasimada mamulka Puntland ee Garoowe. Dagaalkii habeen hore ka dhacay Garoowe ayaa sababay dhimashada 2 askari iyo dhaawac kale oo intaasi ka badan, waxaana ragga la eedeynayo ay iska fogeeyeen weerarkaasi. “Anigu waxaan ahay ergayga madaxweynaha ee beeyac mushtarka iyo dhaqaalaha xafiiska aan ergayga u ahay waa xafiis shaqadiisu tahay xasilooni iyo nabad, marka ma garanayo meel aan isaga nimaano xasilooni darro,” ayuu horay u yiri Khadar Faroole oo haatan lataliyaha gaarka ah eemadaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha. Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, kaddib markii mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Deni. The post Puntland oo amartay in la soo xiro la-taliyaha Xasan iyo mas’uuliyiin kale appeared first on Caasimada Online.
-
Ceelbuur (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in horjoogayaashii kooxda Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ku wajahan yahay guluf ka dhan ah Al-Shabaab. Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee u dhashay Ceelbuur ayaa isaga baxay degmada habeenadii Axada iyo Isniinta ee todobaadkan, Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda. Sababta ayaa lagu sheegay in ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan howlgallada ka socda gobolka, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale warisay in kooxda Al-Shabaab ay ku fashilintay in odayaasha deegaanka ay garab ka hesho, si loogu garab istaago dagaalka iyo difaaca Ceelbuur oo ka mid ah degmooyinka waa weyn ee ay muddada ku sugneyd kooxdu. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in odayaashu ay xittaa diideen inay beel ahaan ula wareegaan hubka Al-Shabaab, taasina ay keentay inay isaga huleelaan halkaasi. Ma shaacin dowladdu halka ay aadeen horjoogayaaashaasi, balse waxa ay tilmaamtay in dhalinyaro kasoo jeedo koonfurta Soomaaliya looga tegay gudaha degmada. Tallaabadan ayaa muujineysa in ay meesha ka baxday rajadii Al-Shabaab ee ku aadaneyd inay dagaal ku difaacdaan Ceelbuur, sida ay warisay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa agagaarka degmadaas oo ay kusii jeedaan ciidamada huwanta Soomaaliya. Sidaan oo kale ayaa horay saraakiisha iyo xubnaha Al-Shabaab ay usoo banneeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada dhexe, ka hor inta aysan gaarin ciidamada. Si kastaba, waxaana haatan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo la’isku yiraahdo Galmudug, haatan ka socdo gulufkii ugu dambeeyay oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo degmooyin badan looga qabsaday, waxaana ugu dambeeyay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. The post Horjoogayaashii Shabaab oo isaga baxay Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa hubaal ah in Soomaali badan jecelyihiin dalka Turkiga gaar ahaan madaxweynaha hadda ee Racep Tayyip Erdogan, waxaana laga yaabaa in aysan kuu iftiimsanayn sababta rasmiga ahi. Turkida iyo Soomaalida waxaa ka dhexeeya xiriir taariikh fog leh, waana xiriirkii boqortooyadii Cusmaaniyiintu la lahayd Baariga Afrika, halkaas oo Soomaalidii ku dhaqnayd Geeska Afrika ay wakiil uga ahaayeen Cusmaaniyiinta qaybo badan oo ka tirsan Bariga Afrika. Gurmadkii Turkigu u sameeyay Soomaaliya 2011 kii markii ay abaartu ku dhufatay ayaa loo arkayey mid taariikhi ah Soomaaliyana kusoo duway indhaha caalamka maadaam uu booqday madaxweynihii turkiga Racep Tyyib Erdogan, waxaana loo arkayey mid uu Erdogan ku muujinayo xiriirka fog ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeyay maadaama uu ugasoo hor maray Jaamamacadda Carabta oo soomaaliya xubin ka tahay. Waxaa Erdogan loo arkaa nin doonaya in uu soo celiyo sameyntii ay Boqortooyadii Cusmaaniyiintu ku lahayd caalamka. Wuxuu turkigu aad u daneynayaa siiba Erdogan iyo xisbigiisu in ay saameyn balaaranb ku yeeshaan Afrika. Si taasi u hir gashana dhanka Soomaaliya wuxuu sameeyay talaabooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin in uu Soomaaliya ka furtay safaaraddiisa ugu weyn Afrika iyo sidoo kale saldhigga milatari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa (TURKSOM). Waxaase intaas dheer sida uu sheegay Cabdibaasid Moxamed Cabdurraxmaan oo ah aqoonyaha ahna siyaasi falanqeeya siyaasadda Bariga Afrika iyo Carabta in Turkigu oo dhaqaala joogta ah siiyo Soomaaliya isaga oo misaaniyadda dawladda ku kaba “qiyaastii shan milyan oo doolar bishii,”. Turkigu wuxuu Soomaaliya u tababaraa ciidamo, arday ayaa jaamacadiihisa bilaash ku dhigata inkastoo ay jiraan kuwa kale oo qiime jaban wax kaga barta dalkaas, isbitaallo iyo dugsiyo waxbarashgo ayuu ka hir gelyay Soomaaliya si guudna waxaa loo arkaa Turkigu inuu yahay “isku xiraha caalamka iyo soomaaliya” isaga oo diyaaraddiisu noqotay shirkaddii diyaaradeed ee caalami ah taas oo soomaaliya dib uga bilowday duulimaadyo. Saas darteed waxaa loo arkaa in xiriirkaas oo dhan uu Erdogan sabab u yahay haddii uu meesha ka baxana ay Soomaalidu waayi doonto taageerada ay Turkiga ka hesho. Balse haddii uu meesha ka baxo Erdogan “Xiriirkaas oo dhan in uu meesha ka baxayo ayaa la rumeysan yahay, waxyaabaha lagu eedeeyo ee lagu dhaliilo ee mucaaridku ku dhaliili jireenba taasay ahayd, oo miisaaniyado iyo lacaga uu ku bixiyey dalal kale,” ayuu yiri Cabdibaasid. “Xiriirkaas oo dhan waxaa la filaya in la qaboojin doono amaba uu istaago doono.” Ayuu sii raaciyey Cabdibaasid Maxamed Cabdurraxmaan oo BBC-da u warramayey isaga oo ka hadlayey suurta galnimada ah in Erdogan looga guuleeysto doorashada dalkaasi ka socota. Arrimahan iyo kuwa kale awgood ayey Soomaalidu dal iyo dibadba waxay taageero u muujiyaan Racep Tayyib Erdogan iyada oo magaalada “Muqdisho si dhow loola socday doorashada” dalkaas, halkaas oo “dhalin yaradu dabbaa degayeen mar waliba oo codadka Erdogan ay kor maraan” ayuu yiri Cabdibaasid. Qaran News
-
Somaliland celebrates 32nd anniversary of regaining its sovereignty Somaliland is celebrating its 32nd anniversary this week. This anniversary dates back to the 18th May 1991 when Somaliland regained its independence. Somaliland first secured independence on 26th June 1960 from Britain, but unfortunately made the historic error of relinquishing that independence five days later when it went into a merger with Somalia on 1st July1960 to form Somali Republic. 18th May has rectified that error. 18th May is a day for the people of Somaliland to remember the hard struggle they went through which finally led to the re-birth of Somaliland nation and the establishment of State institutions. It is a day to remember all the people who lost their lives so that the next generations can live in dignity and freedom. The freedom and the security we enjoy today came at high price and the sacrifice offered by Somaliland heroes. This day, its purpose is not only a day to remember the heroes, but we are also praying for them. It is also a day for the people of Somaliland to reflect on the challenges and opportunities they face. On this day, the people of Somaliland organise various events across the country and in the diaspora. The nation’s capital, Hargeisa, will be lit up. Somaliland president Muse Bihi Abdi appointed a national committee to coordinate this anniversary, which includes the Minister on Internal Affairs, the Minister of Foreign Affairs, the Minister of Information, Mayor & Governor of Hargeisa and other members. According to some Somaliland Government officials, the celebration of this 18th May will be celebrated more than the previous years. Speaking to the media, the Minister of Internal Affairs stated:“We should all celebrate this anniversary together as a nation and also share the significance of this day. To make the event great and peaceful working with the security forces is important. At the place where the national committee was launching the 32nd anniversary celebration, the Minister of Foreign Affairs also sent this special message to the Somaliland Diaspora “The commemoration of this 32nd anniversary will be stronger than the previous ones. It is an anniversary that we strengthen our unity and togetherness. The theme or motto of this year’s celebration is Unity, Peace and Triumph. We look forward to celebrate in a happy atmosphere, but as a society we must be vigilant during the celebration time and we must all work with the security agencies”. This year, as the Mayor of Hargeisa mentioned many places in the city of Hargeisa have been prepared to celebrate the 32nd anniversary. This means the commemoration of this year will be more extensive than was the case in the previous years. This day is not only a celebration, but it is an opportunity to make people aware the value of peace and stability. It is really unfortunate that this 18th of May coincided with the on-going conflict in Sool. It is an event that aims to convey messages of peace to find a solution to the conflict that has claimed the lives of some Somaliland people on both sides. In this brief article, I do not intend to present all of its historical past or how it has reached its current position as a nation. You may want to refer, for this, to my article on the 30th anniversary: https://www.horndiplomat.com/wp-content/uploads/2022/05/Somaliland-30th-anniversary-2021-pdf-new.pdf Some of the key achievements Although Somaliland has been seeking recognition for thirty-two years, it is clear that it has not achieved this, but it is on course. When you look at it from another side, there are many things that Somaliland has achieved. Amongst these are the maintenance of peace, security and stability, the peaceful transfer of power from one president to the next dating back to 1993 when HE late Abdirahman Ahmed Ali transferred power following a conference in the city of Borama to the elected HR late Mohamed Haji Ibrahim Egal. During the two-year period presidential term of Abdirahman Ahmed Ali the country was in a difficult situation and this president will be remembered for the opportunity he gave to organise the Borama conference in-order to strengthen the statehood of Somaliland. He will also be remembered for laying the foundation for the creation of Somaliland Institutions such as the first Somaliland cabinet etc. During his presidency, HE Late Ibrahim Haji Egal restored peace and stability in to the country. He succeeded in disarming the fighters of the struggle who were later unified as a national army. Disarmament was a big achievement for Somaliland which led to move towards other social development. Strengthened Somaliland institutions are one of the things to remember during his time. What also needs to be mentioned is that Egal was the president who introduced a new Somaliland currency in 1994 (Somaliland shilling). The main legacy achieved by President Egal was the draft of the Somaliland constitution, which was the key to the development of Somaliland’s democracy. The third president of Somaliland HE Dahir Riyale Kaahin made a significant contribution to the process and progress of Somaliland democracy. He succeeded in organizing local election, parliamentary election and two presidential elections with ‘one man one vote’ systems. According to the report the brenthurstfoundation, “Somaliland’s commitments to improving democratic norms and standards and its regular change of leaders at the polls have made it a regional democratic superpower. Its progress should shame much richer African countries where incumbents are rolling back democratic progress, since this threatens their power and financial privilege”. When Freedom House compared Somaliland with other countries in the region, you can understand that Somaliland has achieved a lot in terms of democracy despite the absence of international recognition. Somaliland scored 42%, while the following countries scored: Ethiopia (22), Djibouti (24) and Somalia (7), Uganda (34), Rwanda (21), Burundi (14), Egypt (18), Sudan (17), South Sudan (2) and Eritrea (2). According to Freedom House, Kenya is the only country in the region has reached the level of 48%, which shows that Kenya is partly free. HE Ahmed Mohamed Mohamoud (Silanyo), the fourth president of Somaliland, was the first president who dared to promote Somaliland forces by giving them the ranks they deserved. I really believe that this issue was a big contribution to the army and Somaliland as a nation as well. The introduction of Somaliland’s ranking system has increased its discipline and other benefits like salaries etc. President Silanyo managed to increase Somaliland’s budget from just £47 million to over three hundred and fifty million dollars. The government’s achievements also include holding a local election in 2012 and 2017 presidential election. Launching and starting road construction projects, such as the one between Burao and Erigavo, was also President Silanyo’s legacy. One of the main achievements of Silanyo’s government was its agreement with DP world, which is a major investor in the country. HE Muse Abdi Bihi, the incumbent president successes in holding combined elections 31st May 2021 which was the election contested by candidates from Parliament and local districts. It was fair and free as reported by the international observers who attended. In this election where most of the seats were won by the two opposition parties Waddani and Ucid, the results were accepted by the ruling party (Kulmiye). The creation of the Somaliland youth service is one of the major achievements would also go down as President Bihi’s legacy. Thousands of young people have gained access to gain experience and work through this service. Furthermore, the completion of construction of Berbera port (DP world), Corridor, Hargeisa Bypass and Erigavo road are among other major projects that the Muse Bihi managed to complete. The president’s trip to the United resulted in the creation of relations based on partnership, which is expected to lead great outcomes in the interest of both countries. The diplomatic relationship between Somaliland and Taiwan is one of the achievements of this government. Both countries hope that the relationship will be beneficial for the citizens of both countries. Resilience in Somaliland and the celebration of 32 Anniversary Somaliland has reached its 32nd anniversary this year as the people of Somaliland have shown their resilience to overcome difficult situations. Despite the fact that Somaliland has not received any recognition from the rest of the world, the people of Somaliland have managed to create a functioning government system which has gone through different stages, each of which had its own challenges. In the last year and the beginning of this year the people of Somaliland faced with multiple crises. The country went through major economic and social challenges including droughts, the burning of the Waaheen Market which is still under construction. Although the Covid Pandemic is not the same as before in Somaliland, it has had an impact on the lives of the Somaliland people. While most of the people have financial adversity, the people are still resilient and trying to help each other as a single society. Somaliland’s people being resilient have led us to a step forward towards tangible achievements whilst we are still waiting for the international community to recognize us as a country. The conflict in Sool region and the celebration of 18th May: It is unfortunate that Somaliland’s 32nd anniversary this year coincides with the ongoing conflict and war in Lasanod. First of all, I am sharing my personal feelings that my heart goes out to all those have died in Lasanod since the war started. My deepest condolence goes to the victims and their families. Human lives are precious, and I hope that peace is given a chance. The war in Lasanod and its area is not a fight between the people of Sool region and Somaliland forces. It is certain that the Lasanod conflict has put us in a situation where we are under attack. It is a war planned by external forces and goes beyond the people of Sool. I believe the main agenda behind this conflict is to destroy the existence and the progress that Somaliland has been building step by step for the last 32 years. It is also a war where its aim is to damage Somaliland’s reputation and the legacy of our future generation. The region where Somaliland is located is unstable, especially neighbouring countries in the horn of Africa. Somaliland Government is not accepting to give a chance those whose commitment and intention is to weaken or destroy Somaliland. President Muse Bihi’s annual address “Somaliland forces are defending the territorial integrity of Somaliland, which is non-negotiable.” The traditional leaders (Garaadada) of Sool need to understand and realise that Sool and other eastern regions are part of Somaliland. What is really sad, and a negative phenomenon is that traditional leaders from the Sool region have so far refused to negotiate to end the war and the hostility. On the other hand, it is important to mention that the president and the Somaliland Government has called several times for unconditional talks between the two sides. We all have to be aware of the fact that it is not in anyone’s interest for the conflict and war continue. We all want a peaceful Sool where people live with dignity and a good life, and we all need to work together to get there. With this anniversary, it is worth mentioning that MP. Amina Elmi has joined the Somaliland Parliament as a member this year. It is a huge victory for Somaliland in general and the Somaliland women in particular who have no voice in the Somaliland Parliament. The current members of the Parliament were elected in 2021 on the basis of one man one vote. Conclusion Somaliland as a nation is still going through difficult times. One of the tough issues is the Lasanod conflict, a war to weaken Somaliland’s existence with external involvement. The majority of young people in Somaliland are currently unemployed and do not have enough opportunities to change their lives. There is also the fact that the cost of living in Somaliland is a burden for many of the poor people who are vulnerable to the world’s rising prices. The conflict between the Government and the opposition is one of the issues that Somaliland needs to resolve in the near future. However, despite these challenges, Somaliland has a bright future ahead. All stakeholders in Somaliland need to work together to strengthen the unity of the people. The difficult circumstances that Somaliland is currently facing can only be overcome through unity and togetherness. Finally, to all the people of Somaliland, I wish you a happy anniversary. Let’s keep our peace and stability together. It is vital for us to maintain the law and order as Somaliland is located in a region where the security and stability is weak. I hope for the Sool region to become a stable area and live in peace with the rest of Somaliland. Reference: Gerard Prunier (21 January 2021), The country that does not exist: A histoey of Somaliland Somaliland: Africa’s longest de facto: Independent State: May 2021 Boobe Yusuf Duale (11 Juun 2020) 60 sano ka dib xoriyadda: Sooyaalkii Xisbigii SNL ee 1960- kii http://www.somalilandlaw.com/state_of_somaliland_1960.htm: last accessed 16 May 2023 https://www.thebrenthurstfoundation.org/news/somaliland -the-power-of-democracy/ Abdirahman Abdillahi Jibril (18 May 2021) Somaliland-30th-anniversary-2021-pdf-new.pdf (horndiplomat.com) https://freedomhouse.org/country/somaliland/freedom-world/2022 Abdirahman Abdillahi Jibril: Opinion: A call to my fellow Somalilanders in the Diaspora (hornobserver.com). Abdirahman Abdillahi Jibril (Awliyo) Jabdi35@yahoo.com Qaran News
-
Booliska Nigeria ayaa sheegay in dabley hubaysan ay weerar kusoo qadeen kolonyo gaadiid ah oo Maraykanku leeyahay gudaha Nigeria, halkaas oo lagu dilay afar qof oo laba ka mid ah ay yihiin saraakiisha Maraykanka ee qunsuladdiisa Nigeria. Saddex kale ayaa lagu afduubtay weerarka ka hor inta aan gaadiidkii ay wateen dab la qabadsiin. weerarka ayaa ka dhacay koonfurta bari ee gobolka Anambra. Hawlgal lagusoo deynayo dadka la afduubtay ayaa socda. Wax muwadiniin Maraykan caadi ah lama socon kolonyada xog dheeraad ahna lagama hayo oo ku aaddan joogitaanka kolonyada ee gobolka. Booliska gobolka ee Nigeria ayaa qoomamo ka muujiyey in kolonyadu ay gobolka soo gashay “iyaga oo booliska iyo lamaha amaanku aysan ka war hayn”. Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadiisa hawl gallada ka wada Nigeria ay la shaqaynayaan laamaha amaanka eedalkaasi si loo baaro dhacdada. Source
-
Qeybaha kala duwan ee Ciidanka ammaanka gobolka Banaadir ayaa howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ayaa waxay ku soo qabteen rag ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya . Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay Ciidanku ku baarayeen goobo lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya, iyagoo gacanka ku soo dhigay jirigaamo ay ku jiraan qamriga macmalka ah ee calaqa, xashiish iyo shan qof oo ka ganacsanayay. Taliyaha qeybta Waliyow Cadde ee Booliska gobolka Banaadir, G/le, Daa’uud Axmed Carraale ayaa boqolaal dhallinyaro ah oo howlgalka lagu soo qabtay faray sheegay in da’yartu la shaqayso laamaha ammaanka oo ay sheegaan waxa dhibka ku haya bulshada. Taliye Daa’uud ayaa dhallinyarada ugu baaqay in soo sheegaan Garan-waaga ku dhuumaaleysanaya xaafadaha oo ay soo gudbiyaan wixii ay ka shakiyaan, iyagoo kaashanaya ciidamada Qaranka, wuxuuna tilmaamay in dhibaatada dhacda iyo wanaaggaba ay si toos ah u taabanayaan da’yarta Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Kharoum ee dalka Sudan ayaa waxaa ka jirta xaalad deganaan ah, kadib markii labada dhinac lagu cadaadiyay hirgelinta Xabadjoojintii ay ku gaareen magaalada Jeddah oo ay ku sugan yihiin wakiillo ka kala socda ciidanka Milatariga uu hoggaamiyo Cabdifitax Al-Burhaani iyo xoogagga gurmadka Deg deg ah ee RSF. Dagaallo siyaabo kale duwan u dhacay labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegayaa in ay khasaare kala duwan ka dhasheen oo soo gaaray dadka Rayid ah, waxaana wali soo badanaya dadka isaga barakacaya Khartoum iyo magaalooyinka kale, waxaana jira dhac loo geystay safaarado dowlado shisheeye ay la haayeen. Xoogagga kasoo horjeeda ciidanka Milatariga ee uu hoggaamiyo General Xamdaan Daqalo ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ay geysteen gabood fallo dhanka Jinsiga ah oo lagula kacay dumar reer Sudan ah, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, waxaana hey’adaha soo gudbiyay ayaa sheegay in la kufsaday kuwa aan gaarin Qaangaarka. Warbixino badan oo ku saabsan kufsiga oo ay gaysteen Ciidamada Gargaarka Deg degga ah (RSF) ayaa waxaa ay kasoo baxayaan guud ahaan Suudaan iyadoo dhaqdhaqaaqayaasha iyo xirfadlayaasha caafimaadka ay baraha bulshada si ay uga digaan kuwa kale oo ay u bixiyaan shabakad taageero oo muhiim ah kuwa ka badbaaday. Faahfaahinta sheekooyinka tacadiga la xiriira ayaa lagu wadaagay khadka iyadoo ururada iyo shakhsiyaadka ay la halgamayaan arrimaha isku xirka internetka si ay u sawiraan sawir naxdin leh oo ku saabsan weerarada aan kala sooc lahayn ee sii kordhaya ee haweenka iyadoo dagaalku uu galayo todobaadkiisii shanaad gudaha dalka Sudan. Warbixinnada lasoo gudbiyay way adkeyd in si madaxbanaan loo xaqiijiyo, laakiin waxay soo jeediyeen in lagu sameeyo baaritaanno dheeraad ah, xilli ay jiraan dumar la kulmay tacadiyadaas oo qeyb ka ah kuwa ka ololaha ka wada qadka Internet-ka, Khaqaatiirka ayaa muujinaya walaac ay ka qabaan sii socoshada dagaalka dalka Sudan. Dagaalka Sudan oo galay Asbuucii Shanaad ayaa waxaa sidoo kale socoda wadahadallo ay wakiillo ka kala socda dhinacyada ay ku leyihiin Sucuudiga, waxaana gadaal ka riixaya Mareykanka iyo Boqortooyada Sucuudiga, iyadoo dhinacyada lagu cadaadinayo in ay gaaran heshiis si loo badbaadiyo dadka iyo dalka Sudan ee burburka ku socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
