-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Somali government has expelled two European Union employees accused of illegally taking photos of prisoners at a detention center. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi Governor Johnson Sakaja, on Wednesday, May 17, hosted a delegation of mayors from Somalia on a tour to benchmark development and leadership in Kenya’s capital. Source: Hiiraan Online
-
Member countries of the regional African bloc, Inter-Governmental Authority for Development (Igad), have been urged by the body’s secretariat to harmonise diaspora transaction fees to increase inflows. Source: Hiiraan Online
-
ANKARA, Turkey (AP) — Russia agreed to a two-month extension of a deal that has allowed Ukraine to ship grain through the Black Sea to parts of the world struggling with hunger, Turkish President Recep Tayyip Erdogan announced Wednesday, a boost to global food security after the war drove up prices. Source: Hiiraan Online
-
A high-level delegation consisting of members including a senior African Union (AU) envoy, military officials of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), and a Chinese envoy visited Baidoa in the South West State of Somalia, where they discussed political reconciliation, humanitarian efforts, security and the ongoing fight against al-Shabaab, the AU mission said Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo lagu helay inay horay dilal uga geysteen deegaanada maamulkaasi. Labada nin ayaa xukun dil ah waxaa horay ugu ridday maxkamadda gobolka Baay, ayada oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyay toogashada oo ka dhacday fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Aadan Cali Cabdi iyo Maxamed Geedow Nuurow, kuwaas oo maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan. Aadan Cali Cabdi ayaa lagu helay dilka Marxuum Macalin Daahir Cabdullaahi Mukhtaar oo ahaa agaasimaha Radio Koonfur Galbeed. Maxamed Geedow Nuurow ayaa isaguna lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Jamaal Cabdikariin Maadey oo ugu dambeyn lagu helay, sida ay shaacisay maxkamadda gobolka Baay. Fagaaraha lagu toogtay labada nin ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaas, si ay goobjoog uga noqdaan toogashada. Sidoo kale waxaa fulinta xukunka dilka ah soo dhaweeyay ehellada marxuumiinta ay horay u dileen ragga saaka la toogtay, waxayna u mahadceliyeen maamulka Koonfur Galbeed. Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale tiirka u geysay rag dilal ka gaystay magaalada Baydhabo iyo kuwa kale oo lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, tirada toogashada ee sanadkan 2023 ayaa noqoneyso 6 qof, oo ay ugu dambeeyeen labada nin ee saaka lagu fuliyay qasaasta, laguna dilay magaalada Baydhabo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: The post Sawirro: Koonfur Galbeed oo DIL ku fulisay Aadan Cali iyo Maxamed Geedow appeared first on Caasimada Online.
-
Helena (Caasimada Online) – Montana ayaa Arbcadii noqday gobolkii ugu horreeyey ee Mareykanka ah oo mamnuuca TikTok, ayada oo sharcigan uu dhaqan-geliyo sanadka xiga, xilli ay xoogeysatay doodda la xiriirta saameynta iyo amniga app-kan caanka ah. Mamnuucista, oo uu saxiixay barasaab Greg Gianforte, ayaa tijaabo sharciyeed u noqon doonta haddii app-kan laga leeyahay Shiinaha laga mamnuuci karo dalka oo dhan, taasi oo sharci-dejiyayaasha Washington ay ku baaqayaan. “TikTok kama howlgali karo dhulka sharciyeed ee Montana,” ayaa ku qoran nuqul ka mid ah sharciga oo lasoo dhigay website-ka gobolka Montana. Mamnuucista ayaa ka dhigaysa in sharciga la jebiyey mar kasta “oo qof uu furo TikTok, ama uu helo oo awood uu ku geli karo TikTok, ama la siiyo awoodda uu kusoo degsan karo TikTok.” Jebin kasta oo lagu sameeyo sharciga waxaa ka dhalanaya ganaax $10,000 maalin kasta oo xadgudubkaas uu dhaco. Sida ku qoran sharciga, Apple iyo Google waa inay app-ka TikTok ka saaraan halka lagala soo dego, haddii kale waxay ay wajihi karaan ganaax maalinle ah. Tallaabadan ayaa waxaa hubanti ah in sharci ahaan laga horiman doono. Hoggaamiyayaasha gobolka “waxay caburiyeen xoriyadda hadalka ee boqolaal kun oo reer Montana ah oo app-kan u adeegsada inay isku muujiyaan, ku helaan akhbaar, islamarkaana ku ganacsadaan, sababo la xiriir guux ka dhan ah Shiineeska,” waxaa sidaas yiri agaasimaha qeybta siyaasadda Montana ee xarunta xuquuqda madaniga ah ee ACLU. Mamnuucistan ayaa dhaqan-geleysa 2024, balse waa la baabi’in doonaa haddii TikTok ay la wareegto shirkad ka diiwaan gashan Mareykanka, oo aanay dowladda Mareykanka u arkin cadow dibadeed. TikTok ayaa sheegtay in dastuur ahaanta mamnuucistan ay go’aan ka gaari doonaan maxkamadaha. Mamnuucistan ayaa ah dagaalkii ugu dambeeyey ee loolan xooggan oo u dhaxeeya TikTok iyo qaar ka mid ah dowladaha Reer Galbeed, ayada oo horey app-ka looga mamnuucay aaladaha dowladaha Mareykanka, Canada iyo qaar ka mid ah Yurub. App-ka TikTok, oo ay leedahay shirkadda Shiineeska ah ee ByteDance, ayaa siyaasiyiinta Mareykanka waxay ku eedeeyeen inuu ku shaqeeyo amarka dowladda Shiinaha, islamarkaana uu aalad basaas u yahay Beijing, taasi oo shirkadda ay si xooggan u beenisay. AFP, VOA The post Gobolkii ugu horreeyey ee MAREYKANKA ka tirsan oo mamnuucay TikTok appeared first on Caasimada Online.
-
OPINION PIECE Africa’s Renewable Energy Outlook: We Must Be Pragmatic About Our Current Realities (By NJ Ayuk) Green solutions alone are, at present, insufficient to provide energy for the people of Africa JOHANNESBURG, South Africa, May 17, 2023/ — By NJ Ayuk, Executive Chairman, African Energy Chamber (https://EnergyChamber.org/) Renewable energy holds great promise for Africa. As more and more operators invest in the continent’s clean energy and energy transition objective, we will undoubtedly see continued growth. At the African Energy Chamber, we are excited about the possibilities. And yet our excitement is tempered by a bit of reality: Africa’s current renewables capacity and geographic reach are limited. At present, very little contributes to Africa’s energy needs. We must be realistic about the capabilities – and limitations – of green energy sources instead of pressuring the continent to give up fossil fuels prematurely. As the chamber’s “The State of African Energy Q1 2023 Outlook Report” (https://apo-opa.info/40VrCJf) indicates, close to 80% of the 2023 capacity on the continent is driven by wind and solar. But even among these “strongholds,” only about 7% of the wind capacity and 9% of solar capacity is currently operational. We expect Africa’s 2023 capacity to reach 21.5 GW — or 1% of the global capacity. And while all signs point to its increase to 30 GW over the next two years, even this growth is miniscule, representing a scant 2% of total global capacity. Current global renewables capacity (which includes solar, wind, and hydrogen electrolyzer capabilities) stands at 1,500 GW. In sharp contrast, Africa’s 2023 announced capacity is only a fraction: 134 GW for wind, 120 GW for solar, and 112 GW for hydrogen. Perhaps a bigger concern is that these figures are mainly represented in just a handful of countries. Djibouti, Egypt, Mauritania, Morocco, Namibia, Nigeria, and South Africa produce the vast majority of the current renewables capacity, to varying degrees. This means that most of the continent lags much further behind — or adds absolutely nothing to — the continent’s total green capacity. These statistics provide clear evidence that renewables remain distant promises. Green solutions alone are, at present, insufficient to provide energy for the people of Africa. CWP, Bechtel Lead Development That’s not to say that we aren’t witnessing some exciting developments. Renewable energy developer CWP Global of Serbia and American global engineering, construction, and project management giant Bechtel are partnering to bring about real results. They are working on some exciting renewables projects across a number of countries that represent close to 25% of the current announced capacity in Africa. For one, the USD40 billion AMAN green hydrogen project in Mauritania is the largest green hydrogen project on the continent. Once operational, it will have a 15 GW electrolyzer capacity powered by 30GW of combined solar and wind. In addition to boosting Mauritania’s GDP by up to 60% by 2035, AMAN promises other important benefits for the country, from universal electrification to job creation to cleaner development through hydrogen-powered vehicles. Another CWP Global project is Morocco’s AMUN project. The first phase near the city of Tan Tan, due to be completed in 2029, is expected to produce 3 GW of wind and 3 GW of solar power, which will then be used to produce green hydrogen for local ammonia synthesis. CWP Global also signed an agreement with the government of the Republic of Djibouti to develop a 10-GW renewable energy and green hydrogen hub. Like the goals in Mauritania, the project will go a long way in helping Djibouti foster cleaner and more secure energy supplies, create green jobs and businesses, and generate exports to fast-emerging markets for low-carbon fuels and industrial products. Promises, Promises All of this is very promising. And we should all be thinking about the transition to green energy. However, more than 95% of the partners’ announced capacity of 88.5 GW is still in concept phase, and a mere 4% has received approval for development. This simply underscores the need for African countries to forge ahead with the vast oil and gas resources at their disposal. The green transition must be made strategically and soundly, carefully considering the needs of the African people. Keep in mind that hundreds of millions of Africans have insufficient access to electricity in the current configuration, with hydrocarbons still in the mix. Take away what little availability they have to fossil fuels, and they will — quite literally — be left in the dark. Solar and wind farms capture renewable energy (from the sun or the wind) and convert it into electricity. This electricity must then be transmitted to where it will be used or stored. Unfortunately, as our report highlights, much of the continent lacks sufficient transmission infrastructure to economically accommodate utility-scale solar and wind installations. Building up the required transmission and storage infrastructure will require serious capital. And as pointed out by Cecily Davis, a partner with Fieldfisher and co-head of the European law firm’s Africa Group, many African hydrocarbon-dependent economies face a conundrum regarding investments in green energy projects: “If they scale back fossil fuels, they lose the tax revenue to pay for other infrastructure; if they maintain oil and gas production, that makes it harder for renewable energy to compete,” she said. The African Energy Chamber’s “The State of African Energy: Q1 2023 Report” (https://apo-opa.info/40VrCJf) is available on the chamber website (https://EnergyChamber.org/) Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo dhambaal hambalyo ah u diray shacbi weynaha Somaliland munaasibada maalinta 32 guurada Qaranimada ee 18 May awgeed. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga qiimaha badan ee Somaliland, munaasibada 32 guurada ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada xorriyada iyo jiritaanka Somaliland, taasi oo lagala soo laabtay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaalida, oo ku beegan maalinta bari ah. Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga xariirta ah ee u soo dhabar adaygay duruufaha kala duwan ee ay muddada dheer ku sugayeen, helitaanka aqoonsi caalami ah iyo ciidamada kala duwan ee hadh iyo habeenba heegganka ugu jira sugida ammaanka, u rajaynayaa guul iyo badhaadhe, waxaanu ku bogaadinayaa sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay Qarankooda u barbar taagan yihiin, waxaanu u rajeeyay nabad, wadajir, caafimaad, barwaaqo iyo ictiraaf caalami ah oo horseeda horumar iyo badhaadhe. Allaa mahad leh. Ibraahim Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay shaacisay inay dalka ka cayrisay laba nin oo u kala dhashay Jarmalka iyo Poland, kuwaasi oo lagu kala magacabo Jocek Jozef Ochman iyo Ralf Bernhard Gehlig. Dowladda si rasmi ah xilligaasi uma shaacin sababta laba nin ee ajaanibta ah looga ceyriyey dalka, hase yeeshee baaritaan ay samaysay VOA ayaa waxay sheegtay inay ku ogaatay in labadan sarkaal ay u shaqeeyaan xafiiska Midowga Yurub ee dhismaha kartida hay’adaha dowladda loona yaqaan EUCAP Somalia. Labada nin ayaa la sheegay in ceyrintoodu ay la xiriirto kiiska kalluumaysato dhan 36 oo ku xiran xarunta ciidamada booliiska ilaalada xeebaha Soomaaliya. Maxaabiista iyo laba doonyood oo ay la socdeen ayaa lasoo qabtay bishii April, iyaga oo ku sugnaa xeebaha maamul-goboleedka Galmudug, waxaana loo haystaa inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in tallaabada ceyrinta ay qaaday kadib codsi uga yimid xeer ilaaliyaha guud ee waddanka Suleymaan Maxamed Maxamuud. VOA Soomaali oo heshay codsiga uu xeer ilaaliyuhu u gudbiyey Wasaaradda Arirmaha Dibedda ee Soomaaliya, ayaa waxaa looga codsanayey in labadan nin waddanka laga saaro. Codsiga xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyey labada nin inay si qarsoodi aha sawirro uga qaadeen maxaabiis ku xiran goob ciidan. Xeer Ilaaliyaha ayaa codsigiisa ku sheegay in raggaas ay leeyihiin xasaanad oo aan lagu dhaqaajin karin dacwad ciqaabeed, sidaas darteedna loo baahan yahay inay dalka ka caryriso. VOA ayaa sheegtay inay la xiriirtay xeer ilaaliyaha iyo xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya, hase yeeshe labadduba kama aysan soo jawaabin codsigaasi. Maalmo kahor unbey aheyd markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho. Shirkadaasi oo lagu magacaabo Aumotaivte Managementa Service, ayaa waxa uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha inuu baaris ku sameeyay shirkaddan iyo maareeyaheeda xafiiska Soomaaliya, kadib markii ay soo gaartay warbixin denbi oo la xiriirta shirkadda. Si kastaba, Xafiiska ayaa hore waxa uu digniin ugu diray dhamaan shirkaddaha ajaaniibta ah ee dalka ka howl-galaya, gaar ahaan kuwa aan u hogaansamin xeerarka iyo shuruucda dalka. The post Xog cusub oo ku saabsan laba qof ajaanib ah oo dowladda ka ceyrisay dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ayaa caawa aad looga xusay xuska 18ka may oo ah maalin qiime weyn ugu fadhida shicibka reer Somaliland. Xuska 18ka may ayaa caawa laga xusayaa dhamaan gobolda Somaliland oo dhan oo ay ku jiraan Sool Sanaag marka laga reebo magaalooyin dhowr ah oo ku yaala bariga Sool oyo sidoo kale bariga Sanaag. La soco warbixino ku saabsan xiska 18 May Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta hal tan oo kalluun ah ku wareejisay wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa. Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa tallaabadan u qaaday si loo sii dhiiri-geliyo ciidankeenna, islamarkaana ka gedisan go’aankii Golaha Wasiiradda ee ahaa in wasaaradaha ay laba neef oo geel ah ugu deeqdo ciidamada, si loogu dhiiri-geliyo howsha adag ee u hayaan bulshada. “Waa fulineyna go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiiradda in la keeno laba geel laakiin anaga maanta waa bedelnay ka wasaarad ahaan, waxaana ku bedelnay Kalluun ama Mallaay, oo maanta ugu deeqnay ciidamada dalka oo dadaal aad u wanaagsan u haya dalka,” ayey tiri Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi. Waxa kale oo ay intaas sii raacisay “Bey’adiina waa u fiican tahay in la bedelo, tan kalena ay tahay aniga oo kasoo jeeda gobolka Banaadir ama Muqdisho, anaga Geela ma dhaqano waxaa dhaqana kalluunka, marka sidaas awgeed waxaa go’aansanay ka wasaarad ahaan in aan ciidamada barno kalluunka muhiimada uu leeyahay.” Wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa uga mahad-celiyey deeqda wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay soo gaarsiisay taliska qaybta guud Booliska gobolka Banaadir. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa waxay ugu tala-gashay taageeradaan in ay ku dhiiri-geliso bulshada Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan kheyraadka dalka, si gaar ahna muhiimad loo siiyo kalluunka oo dalkeennu hodan ku yahay. Si kastaba, Wasaaradaha dowladda federaalka ayaa toddobaadyadii dambe waxay taliska Booliska Soomaaliyeed ku wareejinayeen neefaf Geel ah oo lagu dhiiri-gelinayo ciidanka, iyada oo laga duulayo go’aankii xukuumadda ee ahaa inay wasaaraduhu taageeraan ciidamada qaranka ee har iyo habeen u taagan difaaca dalka. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo qaaday tallaabo cajiib ah oo ka gedisan go’aankii DF appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada Amniga, La-dagaallanka Argagixisada, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada iyo Bini’aadannimada. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad lagu sagootinayay Danjiraha sii baxaya ee Mareykanka Larry J. Andre oo ay dhammaatay hawshiisi diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyneyaasha Dowlad Gobolleedyada Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Mudanayaal ka tirsan goleyaasha Dowladda. Mudane Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay muddo dheer Soomaaliya ka taageeraysay dowlad dhiska, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay Danjire Andre oo uu sheegay in uu yimid Soomaaliya, xilli adag oo ay dalka ka jireen caqabado amni, siyaasadeed iyo xaalado bini’aadanimo. Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Danjiruhu uu door weyn ka ciyaaray sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Mareykanka. Dhankiisa, Danjire Andre ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta iyo soo dhaweyntii loogu sameeyay Soomaaliya intii uu ka hawlgalayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani. Madaxweynaha Dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Mudane Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taas oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood. Dhankiisa, Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Al shabaab, isagoo dowladda Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo in ay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha Gobolka Geeska Afrika. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, kaas oo ku saleysan dardargelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaallanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee fagaareyaasha Caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Farriinta Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Munaasibadda 18 May 2023 Mudanayaal iyo Marwooyin, Munaasabadda 18 ka May awgeed, waxa aan halkan hambayo iyo bogaadin uga dirayaa dhamaan shaqaale weynaha dawladda iyo eheladoodaba, waxaanan u rajaynayaa in ay ku ciidaan badhaadhe iyo nabad qab. Shaqaalaha dawladdu waa halbawlaha dawladnimada waana mashiinka dhaqaajiya guud ahaan hannaanka dawladnimo ee dal leeyahay. Muddadii ay Somaliland jirtay waxa ay shaqaalaha dawladdu soo mareen marxalado kala duwan oo qaarkood ay aad u adkaayeen, waxaanay u dhabar adaygeen wax kasta oo ka hor yimid iyo duruuf kasta oo soo wajahday ilaa ay soo gaadheen heerka ay maanta taagan yihiin oo runtii ah wax lagu faano marka loo eego heerka dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo guud ahaan Geeska Afrika. Aniga oo og duruufaha jira, isla markaana ku kalsoon in halka aynu maanta taagannahay hore looga sii socon doono, haddana waxa aan maanta qirayaa in shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay yihiin kuwo leh aqoontii iyo xirfaddii looga baahnaa isla markaana adeegga bulshada ay gaadhsiinayaan u sannadba sannadka dambe ka sii wanaagsanaanayo. Dhinacayaga, waxa aanu mar walba ku dadaalaynaa in aanu qaadno tallaabo kasta oo kor loogu qaadayo aqoonta, xirfadda iyo heerka nololeed ee shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa aanu diyaarinnay xeerar, siyaasado iyo hagayaal loogu talalay in kor loogu qaado shaqaalaha iyo shaqada dawladda labadaba. Waxa aanu si gaar ah markii ugu horraysay u diyaarinnay Xeerka iyo Siyaasadda Hawl-gabka shaqaalaha dawladda, kaas oo ka caawin doona dadka gaadhay da’dii hawlgabku in ay guryahooda ku qaataan lacagtooda hawl-gabka, halkaasna ay fursadi uga soo baxdo dhallinyarada wax baratay ee dalka. Waxa aanu sidoo kale diyaarinnay Siyaasadda Mushahar Bixinta iyo Qaabaynta Darajooyinka Shaqaalaha Dawladda oo dawladda ka caawin doonta in shaqaaluhu ay helaan darajada iyo qaddarka mushahar ee ku habboon iyada oo la raacayo hagayaal loo dejiyay in hawshaas lagu maamulo. Intaas oo dhan iyo hawlo kale oo badan oo aanu wadnaaba waxa ay qayb ka yihiin kor u qaaddida tayada shaqo iyo ta shaqaalaha dawladda. Waxa aanu mar walba ku dadaalaynaa in aanu dadaalladaas sii wadno, siina kordhino annaga oo ku xisaabtamayna duruufaha lagu jiro, isla markaana geed dheer iyo geed gaabanba u fuulayna in qofka shaqaalaha dawladda ahi uu si caddaalad ah ku helo wixii uu xaq u leeyahay, lagana ilaaliyo wixii xad gudub ku ah. Waxa aan halkan ka qirayaa in maanta qaranku uu haysto shaqaale dawladeed oo uu ku faano haddii ay noqoto tayada iyo haddii ay noqoto aqoonta iyo xirfadda intaba, annaga oo ka shaqaynayna in weliba hore looga sii socdo halka la taagan yahay. Waxa aan mar kale hambalyo u dirayaa Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, eheladooda iyo qaraabadooda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan. Khaalid Jaamac Qodax Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ________________________________________ Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa uga digay shaqaalaha dowladda inay shaqada ku lumin karaan haddii ay saacadiisa shaqadu ka yaraadan 48 saac. Hanti-dhawrka Qaranka oo soo saaray ogeysiis ku saabsan isla-xisaabtanka dhanka ilaalinta shaqada iyo waqtiga ee shaqaalaha rayidka dowladda, ayaa waxa uu ku sheegay in shaqaalaha dowladda ay waajib ku tahay dhameystirka 48 saac oo shaqo ah toddobaadkii. “Haddii ay saacadaha shaqadu ka yaraadaan 48 saac, shaqaaluhu waxa uu ku luminayaa shaqadiisa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka. Sidoo kale waxaa lagu sheegay in sharciga shaqaalaha rayidku wuxuu difaacayaa oo keliya shaqaalaha sida joogtada ah u yimaada goobta shaqada iyo kuwa ku maqan fasaxyada rasmiga ah ee sharcigaas ku cad. “Shaqaalaha Rayidka ee dowladda waa shaqaale leh xuquuq iyo waajib gaar ah sida ku cad Sharciga Rayidka Dowladda (Sharci Lr.11 ee 05/12/2006) iyo siyaasadaha, hageyaasha iyo xeerarka anshaxa ee guud ahaan dowladdu leedahay ee dhaqan-galka ah, qofka shaqaalaha ah waxaa saaran waajibaad ay tahay in uu guto, waxaana jira arrimo ka reeban oo uusan sameyn karin.” Xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in shaqaale walba oo ka tirsan hay’adaha dowladda oo ka maqan goobta shaqada uu luminayo shaqaalenimada haddii uusan/aysan oggolaansho ka heysan hay’adahaas si waafaqsan sharciga. Digniintan uu soo saaray Hanti-dhawrka Qaranka ayaa imaneysa xilli ay xukuumadda federaalka ay dardar-gelinayso isla xisaabtanka shaqaalaha, si meesha looga saaro dadka cudur-daar la’aanta aan xaadirka ku ahayn shaqada. The post Hanti-dhowrka oo shaaciyay arrin ay shaqaalaha dowladda ku lumin karaan shaqadooda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa uu faray agaasimeyaasha iyo maareyeyaasha guud ee dowladda federaalka inay ka miro-dhaliyaan qaraarkii dhawaan kasoo baxay xukuumadda. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirka agaasimeyaasha iyo maareeyeyaasha guud ayaa waxa uu intaas ku daray in xukuumaddiisa ay mudnaan gaar ah siineyso isla-xisaabtanka, xilli ay qaaday tallaabooyin la xiriira la-dagaalkan musuq-maasuqa. Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan waxay soo saartay qaraar si cad u qeexayey ciribtirka musuqa, kaasi oo la yiraahdo “qaraarka adkaynta hufnaanta maamulka iyo maareynta maaliyadda dalka.” Qaraarkan oo ka kooban illaa 8 qodob, ayaa waxa uu saldhiggiisu yahay maaraynta maaliyadda guud ee dalka, maaraynta dakhliga dalka, iibka iyo qandaraaska qaranka, maareynta hantida guud ee qaranka iyo maamulka iyo maaraynta shaqaalaha. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale maalmo kahor magacaabay guddiga soo-celinta, qiimeynta iyo ka talo-bixinta nidaaminta hantida qaranka ayaa durba wajahaysa mucaaradad xooggan. Guddigan oo heer wasiir ah ayaa ka kooban siddeed xubnood, sidoo kale waxaa ku jira guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxayna magacaabistooda daba socota qaraar ay Khamiistii ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya. Waxaa loo xil-saaray tirakoobka hantida hay’adaha dowladda, soo celinta hantida qaranka ee sida sharci darrada ah loo haysto, qiimeynta xaaladaha ay ku sugan yihiin hantida qaran ee la tirakoobay iyo kasoo tala-bixinta nidaaminta hantida qaranka ee lasoo celiyay iyo sida ugu haboon ee loo adeegsanayo ugu adeegidda bulshada. Waxay guddigan warbixin dhameystiran oo geeddi socodka soo celinta hantida qaranka u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha, sida lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Xamza Cabdi Barre. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda. The post R/W Xamza oo amar culus dul dhigay agaasimeyaasha iyo maareeyeyaasha guud appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibbada Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay Madaxweyne Deni in uu caddeeyo halka Puntland siyaasad ahaan u socoto 8 January 2024, ka hor 25 May. Axmed Cawad oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Puntland qalaalase siyaasadeed wajihi karto haddii Madaxweyne Deni uusan caddeynin in doorashada qof iyo cod ay ku eg tahay dowladaha hoose oo kaliya. “Goleyaasha deegaanka walow ay wax badan oo qalad ahi ku jiraan wax weyn ma ahan in ay qabsoonto 25 May, balse mugdi iyo madmadow badan ayaa ku gadaaman doorashada 8 January 2024, waxaana looga hortagi karaa qalalaase diyaasadeed oo Puntland oo dhan ku baaha madaxweynaha oo shacabkiisa la hadla oo dammaanad iyo kalsooni siiya” ayuu yiri Amb. Cawad. Dhanka kale wuxuu dhaliilay in xalka xabbad lagu raadiyo oo Puntland loo horseedo colaad dhiig ku daato, isagoo sheegay in madaxweyne Deni uu mas’uul ka yahay dhibaatadii ka dhacday Garowe, maadaama buu yiri uusan dhegaysan talada dadka. PUNTLAND POST The post Cawad: Madaxweyne Deni waa in uu caddeeyo halka Puntland u socoto 8 January 2024 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay dhaqan-gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada. Shuruucda iyo habraacyada muhiimka ah ee hagaya hay’adda duulista rayidka ah oo ay meel-mariyeen goleyaasha dowladda ayaa suurta-galisay in hay’addu ay noqoto mid la jaanqaadaysa hay’adaha dhiggooda ah ee adduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii bogaadiyey horumarka ay sameysay hay’adda duulista rayidka ah ayaa waxa uu sheegay in hay’addani ay ahmiyad gaar ah u leedahay qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha. Waxaa uu ka dhawaajiyay inay xukuumaddisa Dan-Qaran ay ka shaqeynayso horumarinta garoomada dalka, taasi oo qeyb ka ah dadaallada ay dowladda u qaadeyso dhanka kaabayaasha dhaqaalaha. Mudane Xamza ayaa sidoo kale xusay horumarrada kala duwan ee uu dalkeennu sameynayo ay laf-dhabar u tahay hay’adda duulista rayidka ah oo isku xirta dunida iyo Soomaaliya, islamarkaana tan iyo burburkii maanta ay gaadhay heer ay la sinnaato hay’adaha dhiggeeda ah ee caalamka. “Waa guul weyn oo usoo hooyatay umadda Soomaaliyeed,” ayuu ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay heerka ay maanta soo gaartay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed. Si kastaba, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxay sanadihii dambe sameynaysay horumaro kala duwan, ayada horraantii sanadkaan ay hawada Soomaaliya heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka. The post DF oo dhaqan-gelisay shuruucda hay’adda duulista rayidka appeared first on Caasimada Online.
