Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa ugu hambalyeeyaysay Madaxweynaha iyo Guud ahaan Dowladda Puntland Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomay Puntland, waxayna ku tilmaamtay jihada Saxda ee la rabo Soomaaliya in ay aado Mustaqbalka. Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo Sidii loo xoojin laha gargaarka bani’aadanimo ee dadkii barakacay, dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey go’aankii Golaha Amnigu kasoo saaray xaaladda Laascaanood. Waxaa Madaxweynaha Kulanka ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Qorsheynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne. PUNTLAND POST The post Madaxtooyada Puntland oo ka warbixisay Socdaalkii Garoowe ee Ergeyga Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ka hadlay weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen agagaarka xeebta Liido. War qoraal oo ah oo uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu ku sheegay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay beegsadaan shacabka u Dalxiis tegay halkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xoogaga Al-Shabaab ay duulaan ku yihiin farxadda iyo quruxda noloshada, sida uu hadalka u dhigay. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la gar-naqsaday Al-Shabaab ayaa yiri “War haddii aad xukun doonaysaan maxaad dadkii aad xukumi lahaydeen u xasuuqdeen?”. Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyay ciidamada ammaanka ee soo afjaray weerarkaas, isaga oo sidoo kale tacsi u diray dhammaan ehallada ay dadkooda ku dhinteen weerarka lagu qaaday hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla agagaarka xeebta ee degmada Cabdcasiis. Halkan hoose ka aqriso:- Waxay u dileen maxaad ugu soo baxdeen jawiga deggan ee quruxda badan oo ay hirka badda iyo hawada neecawda leh is haleelayaan? Waxay duullaan ku yihiin farxadda iyo quruxda nolosha, nabadda, iyo xasilloonida. Sida keli ah ee ay jiritaankooda ku muujin karaan waa in ay weeraro argagaxisnimo, dil iyo xasuuq geystaan, haddii kale waa la iloobayaa, dadkuna amarkooda u hoggaansami mayaan. Waa duul ka qalbi adag, ka arxan iyo naxariis daran, ka bahalsan maafiyada caalamiga ah iyo kooxaha ku hawllan danbiyada abaabulan. Waxa keli ah ee la mid ah waa odayadii Carbeed ee xiligii jaahiliga hablaha ay dhalaan nolosha ku aasi jiray ee maalinta qiyaamaha iyaga iyo hablihii la is hor keenayo ka dibna inantii la nolol aasay la su’aalayo danbi caynkee ah ayaad galabsatay oo laguu dilay? Dabcan inanta jawaab laga sugi mayo ee waxaa la doonayaa oo muuqaalkaa xanuunka iyo murugta badan loo keenayaa in la soo bandhigo naxariis la’aanta, qalbi adayga, caqli darrida iyo bahalnimada odayadii gabdhahooda nolosha ku aasay. Waxaa taa la mid ah Argagexisada Shabaab oo ay hubaal tahay in la horkeenayo dadkii ay xalay ku laayeen Hoteelka Pearl Beach iyagoo neecawda iyo jawiga deggan si nabdoon ugu cawaynaya iyo kumanaankii kale oo ay hoteellada, iskuullada, maqaayadaha, suuqyada iyo jidadka ku dileen ama ku gawraceen. War haddii aad xukun doonaysaan maxaad dadkii aad xukumi lahaydeen u xasuuqdeen? haddii aad gaalo la diririyseen dadkani waa muslimiin ehelkiina ah, haddii aad dawlad la dagaalayseen dadkani waa rayad aan cidna wax u gaysan. Waxaa boggaadin mudan ciidamada amniga. Allaha u naxariiso intii xalay weerarkaas argagexiso ku nafwaayey, marka laga reebo kuwii weerarka soo qaaday. The post CC Shakuur oo shaaciyey ujeed ay AL-SHABAAB ka lahaayeen weerarkii Liido appeared first on Caasimada Online.
  3. Saudi Arabia has granted citizenship to 50,000 expats “Saudi Arabia has granted citizenship to more than 50,000 foreigners,” said Abdul Aziz Al-Khayal, deputy president of the Saudi Human Rights Commission. Saudi Citizenship to 50,000 people During his speech at UN High Commissioner’s Program, he made clear that Saudi Arabia has granted citizenship to more than 50,000 people along with their families. How to get Saudi Nationality? These people were displaced from their country and moved to the Kingdom during the social, economic, or political turmoil in their country. During the turmoil, the family planned to move to the Kingdom and get settled there. Saudi Iqama for 800,000 people He further highlighted that Iqama was issued to nearly 800,000 people who were living in the Kingdom without having proper documents and this will help them to move freely, and get proper education, healthcare, and work. Such people are also exempted from all the fees and fines. In the end, Al Khayal thanked the United Nations High Commissioner for Refugees for playing a significant role in protecting the refugees and also appreciated their efforts for showing keenness in promoting and protecting human rights. Qaran News
  4. Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Laing ayaa maanta oo Sabti ah booqasho ku tagtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa marwo Catriona Laing ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee UNSOM ayaa looga warbixiyay qodobada ay ka wada-hadleen labada dhinac. ” Doorashooyinkii tooska ahaa ee dhowaan ka dhacay Puntland, baahiyaha bini’aadantinimo, dadaallada nabadda iyo dowlad-dhisidda, iyo taageerada Qaramada Midoobay” ayay labada dhinac ka wada-hadleen sida ku xusan qoraalka UNSOM. ” Tani waa horumar weyn oo ay Puntland u qaaday dhinaca dimuqraadiyadda” ayay tiri Catriona Laing oo ka hadlaysay doorashooyinkii qof iyo cod ee dhawaan ka dhacay Puntland. PUNTLAND POST The post Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo la kulantay Madaxda Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo ka dhacday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa lagu gowracay xaafadda Barwaaqo oo ka tirsan gudaha degmadaas. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cabdicasiis Axmed Maxamuud ayaa kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana meydkiisa, isaga oo la bireeyay lagu arkay isla xaafaddaasi. Qaar kamid ah ehellada oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa sheegay in Cabdicasiis uu ahaa wiil dhalinyaro ah, sidoo kalena uu ahaa xerow raacda Kutubada Cilmiga Diiniga ah. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in marxuumka la waayey labadii maalmood ee lasoo dhaafay, isla-markaana gelinkii dambe Jimcihii isag oo mayd ah laga helay meelo geedo ah oo ka tirsan isla xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Mid kamid ah ehellada oo la hadlay Telefishinka Somalia Cable ayaa shaaca ka qaaday in aysan garaneyn sababta loo dilay wiilkooda iyo sidoo kale cidda ka dambeysa intaba. “Ninkan hadda wax kale oo aan korkiisa ku aragnay malaha, laakiin mindi ayaa dhuunta ku tiilay ma la yaqaano waxa dilay iyo cid aan xitta shaki ka qabno ma jirto” ayuu yiri mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Telefishinka Somalia Cable. Ehellada ayaa sidoo kale farriin u diray dowladda Soomaaliya, waxayna dalbadeen in baaris lagu sameeyo dhacdadaasn, si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeya dilkaasi. “Waxaan dalbaneynaa in si cadaalad ah naloogu baaro wixii dhibkaas marxuumka u geystay,” ayay tiri hooyo kamid ah ehellada marxuumka la gowracay. Sidoo kale Macallin Axmed Sheekh oo ah Shiikha kitaabada cilmiga u aqrin jiray marxuumka ayaa ka sheekeeyay shaqsiyadda marxuum Cabdicasiis Axmed Maxamuud. “Ugu yaraan 5 sanno ayuu ila joogay oo aan wax u aqrinaayay nin wuxuu ahaa cilmiga heer fiican ka gaaray koley isagoo xaafadiisa iska jooga oo aan nabad-gelyo ku ognahay ayaa waxaan aragnay isaga oo meel yaalla oo la gowracay” ayuu yiri Macallin Axmed Sheekh. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa maanta lagu aasay, qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho, ayada oo dadweyne kala duwan oo ka xumaa dilkiisa ay ka qaybgaleen aaska. The post Daawo: Wiil dhalinyaro ah oo lagu gowracay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si faahfaahsan uga hadashay weerarkii ay xalay ku qaaday dhismaha hotel Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac intaba. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay si buuxda la wareegtay dhismaha, isla-markaana ay 10 saacadoo ay ka dagaalameysay hotelka, sidoo kalena ay fashilay illaa 7 weerar oo ay soo qaadeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. Warka soo baxay Al-Shabaab waxaa kale oo ay ku sheegtay in hoteelka ay ku caweynayeen saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda, sababtaasina ay ku beegsatay hotel Pearl Beach. Kooxda ayaa sidoo kale sheegatay inay weerarkan ku dishay ugu yaraan illaa 29 qof oo ay sheegtay inay isug jiraan saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Sheegashadan yaabka leh ee Al-Shabaab ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday xeebta Liido, kadib howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga. Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda shaacisay in weerarkan lagu dilay 9 qof, oo 3 kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka amniga, halka lixda kalena ay ahaayeen rayid. Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu caddeeyay qoraalka uu soo saaray Booliska Soomaaliyeed. “Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda. The post Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay weerarkii hotel Pearl Beach appeared first on Caasimada Online.
  7. ” Dhacdadii ugu murugta badanayd xalay ee ka dhacday hotel liido ee muqdisho oo alshabaab weerar iyo qarax ku gashay. “Walaashey oo shalay ka timid dalka dibeddiisa ayaa kamid ahayd dadku ku dhintay qaraxii xalay. Weli isma aanan arag oo saakay ayaan ballansanayn.! Qaran News
  8. Ciidanka Booliiska Soomalaiyeed ayaa war kasoo saaray khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday dhismaha maqaayadda Pearl Beach ee ee degmada Cabdicasiis, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaas ay ku geeriyeedeen 6 ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale, dadka dhintay ayaa waxaa ku jira 3 ka tirsanaa ciidamada ammaanka. Howlgalka samatabixinta ayaa inta uu socday waxaa lasoo badbaadiyay 84 Muwaadin, waxaana howlgalkaan lasoo afjaray waabarigii hore ee saakay sida ay warbaahinta u sheegeen ciidamada ammaanka ee ku howlanaa. Weerarka lagu qaaday maqaayadda dhismaha maqaayadda Pearl Beach ee ee degmada Cabdicasiis ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe caasimadda dalka ay aheyd mid xasiloon oo aan Qaraxyo laga maqli jirin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2023, oo ay sanadka u fariisteen 22,626 Arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka, wuxuu xusay in Shaqooyinka dowliga ah iyo Adeega Bulsho uu si wanaagsan u socdo. “Waxaan idiin rajeynayaa in Alle idinku guuleeyo Imtixaanka, dadaal ayaa la idiinka baahanyahay, muhiimad gaar ah ayeenu siinay Arrimaha Bulshada Hada waxaa inoo soo dhammaaday Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka 30 degmo, inta dhimana waa rajeyn inay qabsoomto” Madaxweyne Deni ayaa ugu danbeyn gacantiisa ugu qeybiyey Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo Wiilasha iyo Gabdhaha imtixaanka u fariistay u rajeeyay in alle u fududeeyo. PUNTLAND POST The post Garoowe: Madaxweyne Deni oo si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. President Tayyip Erdogan on Friday appointed Hafize Gaye Erkan, a finance executive in the United States, to head Turkey's central bank, which is widely expected to reverse course and tighten policy after years of rate cuts and a simmering cost-of-living crisis. Source: Hiiraan Online
  11. Shirkadda Meta ayaa soo bandhigtay qorshayaal ay ku dooneyso bar bulsho oo la tartanta Twitterka. Bartaas bulsho ayaa u oggolaaneysa macaamiishu inay raacaan akoonnada ay horey ula socdeen ee Instagram iyo habka sawirada lagu wadaago ee Meta. Waxayna u suurtogalin kartaa macaamiisha inay u ogolaato inay kuwa ku xiran kasoo saaraan aaladaha wax baahiya sida Mastodon. Afhayeen u hadlay Meta ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Shabakadaasi bulsho ay dhismo kusocoto. “Waxaan sahaminaynaa shabakad bulsho oo baahsan si loo wadaago wararka cusub,” ayay yiraahdeen. Source
  12. ISTANBUL (Reuters) - Turkish security forces seized $1 billion of counterfeit money in Istanbul and arrested six people involved in the operation, including one Ghanian and three Swedish nationals, the governor's office said on Friday. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed oo kasoo badbaaday weerarkii xalay lagu qaaday dhismaha hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ayaa ka sheekeysay qaabka ay wax ku dhaceen iyo sida ay ku badbaadeen ayada iyo carruurteeda. Hooyadan ayaa sheegtay i dhnowaan ay dalka kusoo laabatay, isla-markaana ay kusoo barbaartay dalalka Carabta, waxayna sheegtay inay ku sugneyd hoteelka oo ay ku dalxiisayeen ayada iyo carruurteeda, xilliga uu dhacayay weerarka ay ku qaadeen Shabaab. Waxa ay tilmaamtay in marka ay rasaastu bilaabatay ay gudaha ugu carareen hoteelka, isla-markaana ay meel luuqa ku jireen muddo dheer, kadibna ay mar dambe kasii boodeen darbiga, ayaga oo caawimaad ka helaya ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. “Meel aan Dalxiis aan u imaanay inaan annaga oo naxsan oo wal waleyno aan ka tegno waan ka xumahay, laakiin way dhacday calaa kulli xaal, haddana waxaan ku faraxsanahay inaan annaga oo caafimaad qabno ka tegnay,” ayay tiri hooyadan oo la hadashay Dalsan. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay la kulanto weerar noocaan oo kale ah, isla-markaana ay maqasho xabad iyo qarax. “Waa markii iigu horreysay ee aan waddankeyga imaado Carabta ayaa la’iigu soo dhalay, kuna soo baraabaray, markii iigi horreysay aniga iyo carruurteyda oo wadanka imaanay oo qarax aan arkeyno, wallaahi waligey meel xabad laga tuuraayo ma maqlin,” ayay raacisay. Sidoo kale waxay kusii dartay “Xalay naxtin weyn ayay nagu aheyd aniga iyo ilmaheyga waayo dhinac ayay ka ooynaayeen anne waan la ooynaayay xalay aad ayey u xumeyd”. Weerarkan waxaa ku dhintay ugu yaraan 9 qof, oo saddex kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka ammaanka, halka sagaalka kalena ay ahaayeen dad rayid ah. Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. “Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda. Si kastaba, Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla. The post Daawo: “Waligey xabad iyo qarax ma maqlin xalay kahor” Sidaas waxaa tiri Hooyo… appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) - Security forces in Somalia have ended more than a seven-hour battle to regain control of a beachside hotel seized by al Shabab militants in the capital, Mogadishu, on Friday midnight, state media reported Saturday. Source: Hiiraan Online
  15. Maamulka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay deegaanka Muraale oo u dhaxeeya magaalooyinka Qoryooleey iyo Janaale ee gobolkaas, kaas oo sababay khasaare kale duwan oo soo gaaray caruur iyo dhallinyaro. Qaraxaan oo ka dhashay haraadiga Gantaal aan qarxin, kaas oo ilmaha ay ku ciyaareen, waxaana uu sababay geerida 27 caruur iyo dhallinyaro ah iyo dhaawaca 53 kale, kuwaas oo isugu jiray caruurta deegaanka iyo kuwa dugsileey ahaa sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Janaale. Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur Alcadaala oo ah guddoomiyaha degmada Janaale oo ka warbixinayay ayaa sheegay in ay shacabka ay kaga digayaan in ay ka fogaadaan haraadiga madaafiicda aan qarxin, waxaana sidoo kale uu intaas ku daray ay jiraan dhaawacyo halis ah oo tirada geerida sii kordhin kara. Sikastaba ha ahaatee qaraxa ka dhacay deegaanka Muraale ee u dhaxeeya magaalooyinka Qoryooleey iyo Janaale ayaa ku soo aadaya iyadoo deegaannadaas ay ka dhacaan duqeymo lala beegsado Al-shabaab, waxaana inta badan ka jira in Gantaalaha qaarkood aysan noqon kuwa Qarxa dibna waxyeello u gaysta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Ciidamada Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbayn soo af-jaray hawlgalkii ka socda hotelka Pearl Beach ee magaalada Muqdisho. Saraakiisha Amniga ayaa laga soo xigtay in ay toogteen dhammaan dagaallamayaashii weerarka ku qaaday hotella kuwaas oo ka tirsanaa Al-shabaab. Ciidanka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay dad badan oo shacab ah ka soo badbaadiyaan hotelka intii hawlgalku socday. Wararka ayaa sheegaya weerarka ay ku geeriyoodeen dad aan weli tiro sugan laga helin oo ay ku jiraan dableydii weerarka fulisay, askar iyo rayidba. Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dusha saartay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay in ay hotelka ku dileen ilaa 29 qof oo ay ku jiraan askar iyo saraakiil. PUNTLAND POST The post Hawlgalkii hotel Pearl Beach oo la soo af-jaray appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla agagaarka xeebta dalxiisa ee Liido, degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in hoteelka la weeraray ay ku sugnaayeen shacab fara badan, isla-markaana ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay baabi’iyaan dadkaasi. “Hoteelka ay Naftood halige-yaashu weerareen ayaa ahaa goob ay dadka shacabka ah ku shaah cabaan, taas oo muujinaysa sida Khawaarijtu ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta u la dagaalamayaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska. Sidoo kale Booliska ayaa shaaciyay in weerarkan lagu dilay 9 qof, oo saddex kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka ammaanka, halka sagaalka kalena ay ahaayeen rayid. Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu caddeeyay qoraalka uu soo saaray Booliska Soomaaliyeed. “Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda. Taliska ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada howlgalka sameeyay ay soo bad-baadiyeen illaa 84 qof oo shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa dhismaha la weeraray. “Alle mahadii, Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay goobtaas si nabadgelyo ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur yar yar, dumar iyo dad waayeel ah”. Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda. The post BOOLISKA oo shaaciyay khasaaraha weerarkii xalay lagu qaaday xeebta LIIDO appeared first on Caasimada Online.
  18. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu guuleystay soo afjaridda weerarkii lagu qaaday magaayadda Pearl Beach ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir oo ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab. Sidoo kale dowladdu waxa ay sheegtay in la soo badbaadiyay shacab badan oo ku go’doomay gudaha maqaayadda intii uu socday howlgalka samatabixinta oo ciidanku ay ka wadeen goobta la weeraray. Dhinaca kale qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xusay in la toogtay ilaa iyo lix dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo gudaha u galay dhismaha maqaayadda oo ka dhex dagaalamayay in muddo ah. Sikasta ha ahaatee weerarka lagu qaaday maqaayadaaan oo ku taalla goob si weyn loo ilaaliyo ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa iyadoo muddooyinkii dambe ammaanka caasimadda Muqdisho uu ahaa mid xasiloon Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Hargeisa (HOL) – The Attorney General of Somaliland, Abdirahman Jamac Hayan, prosecuted the case against the Speaker of Somaliland's House of Representatives, Abdirisaq Khalif Ahmed, who has been accused of undermining the existence of the self-proclaimed republic of Somaliland. Source: Hiiraan Online