-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
SOMALILAND MA HOGAAN XUMEY SOOL KU WEYDEY MISE RAGAN BAA KHALAD KA GALEY. WAXAAN QABA HOGAANTA MAANTA WAX KA KHALDAMEEN. Madaxweyne Intan oo Siyaasi. Maxey Somaliland ku lumisey. Ma qabyaaladd mise hogaan xumaantadda. Shacabow bal isweydiya. Qoraalkana wadda akhriya. ■ Cali khaliif isagoo si walba u garnaqsaddey buu dhintey AHN. ■ Ataash adaa soo ciyaarsiyey oo yidhi urur furo. Wasiir intaad ka dhigtaad ku tidhi is casil. Markuu Baarlamanka isu sharaxeyna ku yidhi ii taanasul. Markuu ku maqley ee aad tidhi urur furo. Markuu kala hadley xaaladda sool ee ka quustey dalkii ka dhaqaaqey. ■ Xaglo toosiyo farimaad hoosta ka laheyd adna furo. Urur adaa Muj SSC ah. Dhamaan tageerayaashii kulmiye ku yidhi u camira. Markii uu fariimo ku soo direy ee rabey inuu xaaladda Sool kala taliyo aad albaabka ka xidhatey. Golaha baarlamanka dagaalka ka gashey Farartoon waa la ogaa. Hadana daacad kaamey aheyn. Waaka ka cadhoodey ee Somaliland leh. Waar maxaa xal ee Mohamoud Xashi leeyahey. Waar ninkii, ninkii ka yimi Xisaabta aan isu wadda geyne. Ma waxaad tirineysa inta siyaasi Sool clan aad Somaliland ka saartey. Hadaba shacabku ha is weydiiyo. Maxadweyne Cigaal imisa Siyaasi oo culus oo dhulbante ka soo jeeda ka tagey ama is fahmi waayeen. Waa laba labadiina wuu ka war hayay kana daba tagey qaarkood xajku geeyey. Daahir Rayaale wuu ku mintidey Sool in aan xabaddi ka dhacin isagoo ilaaladisii la laaayey. Waxuna ku guuleystey iney is fahmaan isaga iyo reer Sool. Gobolka sool maamulka Somaliland ka hirgaliyey. Ahmed Siilaanyo ilaa Taleex Buu socdey. SSC iyo Khatumo heshiiis la galley. Wuuna soo afjarey khilaafkii jirey. Hadaba Madaxweyne muusow. Adigu qarankii iyo Gobolkii Sool. Ma waxaad ku soo ururisey waa Siyaad Barre Supporter ha ina dhafaan. Ciidanka qarankuna Goojacadde ha joogo. Talo qaranimo iyo hogaamineed kumaad talin. Fashilka xukumadaaadana waxaad rabta inaad ku qariso qabyaaladd aan sal iyo raadtoona laheyn. Somaliland Nasiibkeeda u hiilin. Balse Hogaan Xumaa Heshey. Ninka intaas ka murmi kara ha soo baxo. Waxba ina khaliif tagidiisu waa shaqsi Waxase ka weyn nuxurka iyo saameynta dalka Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
-
Kismayo (HOL) - Security forces in Kismayo, Jubbaland, have apprehended a civilian accused of fatally stabbing his mother in the Farjanno district of Kismayo earlier today. Source: Hiiraan Online
-
An employee with the World Health Organization was among those killed in the weekend siege of a beachside hotel in Somalia's capital Mogadishu, the head of the UN health agency said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin ayaa maanta ku wareejiyay guddiga dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran. Waxaa lagu wareejiyay illaa shan heshiis ee goluhu gaareen oo ay Puntland ka maqneyd ayaa guddiga dib-u-eegista Dastuurka oo uu guddoomiye u yahay Xildhibaan Xuseen Iidow iyo xoghayaha guddiga Saciid Cabdi Xuseen. Heshiisyadan ayaa la qorsheynayaa in laga qeyb-geliyo wax-ka-bedelka Dastuurka, xilli uu buuq badan dhaliyay heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran oo wax ka beddal loogu sameeyay doorashooyinka iyo nidaamka dowliga ah. Sidoo kale waxay su’aal ka taagan tahay sida heshiisyadan waddar oggol loogu soo dabaali karo, iyada oo aysan maamulka Puntland qeyb ka aheyn, oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeyso madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa heshiiskii ugu dambeeyay ku gaaray inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya, islamarkaana loo guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Heshiisyada lagu wareejiyay guddiga ayaa kala ah; 1- Heshiiska Hannaanka Federaalaynta Garsoorka ee December, 2022. 2- Astaynta awoodaha hay’adaha dowladda ee December, 2022. 3- Heshiiska astaynta iyo wadaagga dakhliga ee Maarso 2023. 4- Heshiiska qaab dhismeedka amniga Qaranka ee Maarso 2023. 5- Heshiiska hannaan doorashooyinka Qaranka ee Maarso 2023. Si kastaba, Tallaabadan ay maanta dowladdu qaaday ayaa ka dhigan in loo qaaday sidii heshiisyadaasi oo uu qeyb ka yahay midkii u dambeeyay ee doorashooyinka loogu beddeli lahaa luuqad Dastuuri ah. The post DF oo qaaday tallaabadii u horreysay kadib heshiiskii golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka 2-aad ee aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay warbixinta guddiga loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga seddaxaad. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa dood ka yeeshay soo-jeedinta guddi hoosaadka loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga 3-aad, iyagoona isku raacay markii ay wax ka bedel ku sameeyaan ajandeynta kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka BJFS, kaas oo ah dhageysiga warbixinnada wasiiradda, la xisaabtanka Xukuumadda iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah. Dhanka kale guddiga ayaa si adag uga horyimid hanaanka uu soo maray Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka, kaas oo Guddiga Kor-joogteynta iyo La-socodka Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ku wareejiyay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen. Guddiga ayaa isla gartay in Guddoomiyaha guddiga uu dib ugu celiyo nuqulada warbixinta uu maanta la wareegay islamarkaana la soo marsiiyo habraaca gudbinta heshiisyada iyo hindise sharciyeedyada si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaaladda Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka madaxtooyada, is casilaadii guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo arrinta Laascaanood. Feysal ayaa si adag u dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi, isagoo quus ka muujiyey qabsoomidda doorashooyinka Somaliland, wuxuuna ka dalbaday madaxweyne Biixi inuu dadka ku hago doorasho lagu kala badbaado. Wuxuu sheegay in mustaqbalka Somaliland uu god dheer ku sii dhacayo, isagoo tusaale u soo qaatay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood oo awood ciidan looga saaray militeriga Somaliland. Sidoo kale Guddoomiye Feysal Cali wuxuu ka hadlay is casilaada guddoomiyihii baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif, isagoo sheegay in mar hore uu mudnaa in tallaabo laga qaado. Hoggaanada Xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare ee Somaliland ayuu sidoo kale ku eedeeyey inay siyaasadda ku milmeen oo dowladnimada aysan u shaqeyn, balse ay meesha u joogaan raali gelinta Muuse Biixi, sida uu hadalka u dhigay. “Cabdirisaaq Khaliif maalintii uu yiri ciidanka qaranka Somaliland ayaa xasuuq ka geystay Laascaanood ee mar kale uu yiri waxaan raacsanahay go’aankii ka soo baxay odayaasha Laascaanood, ayuu mudnaa in talaabo adag laga qaado, balse nasiib darro xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare ragga jooga waxay isku arkaan inay Muuse u shaqeeyaan,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe. Guddoomiye Waraabe wuxuu Puntland iyo dowladda federaalka ku eedeeyey inay dab ka shidayaan gobolka Sool oo kicin bulsho ay ka wadaan magaalada Laascaanood oo shacabkii ku noolaa ay dagaal adag kula jiraan ciidamada Somaliland. Sidoo kale dadka reer Laascaanood ayuu ku tilmaamay kuwo aan dantooda garaneyn, isagoo sheegay in hadda ay quud dareynayaan inay hoos tagaan dowladda federaalka, inta Somaliland iska diidan oo Puntland ku gacan seyraan. Hoos ka daawo https://fb.watch/l5RyOb_LDG/?startTimeMs=113000&mibextid=YCRy0i The post Daawo: Feysal Cali Warabe oo si yaab leh uga hadlay is-casilaadii guddoomiyaha iyo arrinta SSC appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan xubnood oo ka mid ahaa kooxda ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Tayeegloow ee gobolka Bakool, kuwaasi oo ku eedeysan basaasnimo. Shanta ruux ee kooxda ay toogatay ayaa waxay sheegtay inay ubasaasayeen sirdoonnada dowladaha Mareykanka iyo Ethiopia. Raggaan oo da’doodu u dhaxeyso 21 illaa 49 sano ayaa waxay kooxda ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Tayeegloow, waxaana halkaasi ku sugna boqolaal qof oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada. Kooxda ayaa sheegtay in shantan nin dhammaantood lagu helay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay sirdoonnada Mareykanka iyo Ethiopia. “Qaadiga maxkamadda islaamiga wilaayada Bakool ayaa goob fagaare ah ka akhriyay xukunka eedaysanayaasha,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyay baraha taabacsan ee Internet-ka. Sidoo kale waxay kooxdu sheegtay in mid kamid ah shanta ruux ee toogashada lagu fuliyay uu hagi jiray duqeymo ay fulisay Ethiopia. Kooxda ayaa shaacisay magacyada shanta xubnood ee la toogtay, kuwaasi oo kala ah; 1. Aweys Xaaji Xasan Liibaan oo 41 sano jir, wuxuu la shaqeynayay sirdoonada CIA-da Mareykanka iyo midka maamulka Koonfur Galbeed. Ninkan ayaa qeyb ka ahaa shabakad ay magaceeda ku sheegtay Boorow Tukow. 2. Cabdi Wahaab Cumar Mubaarag looyaqaano (Lafoole) oo 21 sano jir, wuxuu la shaqeynayay Mareykanka. Lafoole ayaa sida ay sheegtay kooxda waxa uu qeyb ka ahaa “shabakadii jawaasiista ee Dr Ayuub.” 3. Sakariye Yuusuf Xuseen oo da’diisu tahay 30 sano jir, wuxuu la shaqeynayay Sirdoonka Ethiopia. Ninkan ayay kooxdu sheegtay in laga soo diray magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed. 4. Ibraahim Xassan Maxamed oo ku magac dheer (Jaabir) oo 49 sano jir ah, wuxuu la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka. Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa shabakadii jawaasiista ee Dr Ayuub, sida ay sheegtay kooxda Al-Shabaab. 5. Maxamed Abuukar Cusmaan oo 34 sano jir ah, waxa uu la shaqeynayay sirdoonnada Mareykanka iyo kan Ethiopia. Maxamed ayaa waxay kooxdu sheegtay inuu hagi jiray wax ay ku sheegtay “duqeymihii cadowtooyo ee Itoobiyaanku ku garaaci jireen degmooyinka gobolka Banaadir.” Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan deegaanada ay gacanta ku hayso waxay ka fulisa toogashooyin lamid ah midda shalay, oo ah dad ay ku eedeeyaan inay basaasiin u yihiin oo la shaqeeyaan sirdoonada DF Soomaaliya, Mareykanka, Ethiopia iyo Kenya. The post Al-Shabaab oo toogtay 5 nin oo arrimo xasaasi ah ay u heysteen + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay in uu iska casilay jagadaasi. Laascaanood ayuu ku qabtay Shirjaraa’id oo uu waxyaabo badan kaga hadlay. “Waxaan iska casilay Xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa” Cabdirisaaq Khaliif Gudoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland . “Somaliland Waxaan u hayey laba gaadhi oo midi yaallo Hargeisa , midina Laascaanood , Kii Hargeisa yaala waxaa la geynayaa beri xarunta Baarlamaanka , Kan Laascaanood ma waxaa lagu wareejinayaa Maamulka SSC-Khaatumo ” Ex guddoomiye Khaliif. Waa kuma Hoggaamiyaha iscasilay ee Khaliif. Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1967-dii, waxabarashada hoose waxa uu ku qaatay isla magaaladaas. Halka uu waxbarashadiisii sare uu ku qaatay koonfurta Soomaaliya Waxaa se uu sheegay in aanu ku shaqayn wixii bartay isaga oo u baydhay dhanka ganacsiga gaarka ah, maamulka iyo siyaasadda. Labaatankii sano ee u dhaxeeyey 1991 illaa 2010 hawlahaas ayuu ku mashquulsanaa. Xukuumadii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo ayuu ka noqday sannadkii 2010-kii wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska. mar kale 2013 bishii 7aad uu noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland. Sannadkii 2015-kiina waxa uu ka mid tiro wasiirro ah oo iska casilay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo markii danbena ku biiray xisbigii mucaaradka ahaa ee Waddani. Sannadkii 2016 – kiina waxa uu noqday xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani. Halka 2018 bishii 3aad uu noqday Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Waddani. 2021-kii ayuu ayuu isu sharxay xubin Baarlamaan isagoo ka soo baxay gobolka Sool. Golaha Wakiillada Somaliland ayaa u doortay guddoomiye iyagoo mucaaradku ku bahoobay. Maanta ayuu iska casilay guddoomiyenimadii, xubinimadii iyo weliba xubinimadii xisbiga Waddani. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina. Xaruntan oo ah mid aad muhiim u ah ayaa waxaa loogu tala-galay in lagula tacaalo muwaadiniinta ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca. Xaruntan oo loo dhisaayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa hal milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar. Lacagtan ayaa la sheegay inay ka imaanayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyada oo ka koobnaan doonta xaruntan 47 sariirood oo lagu qaabilo dadka qaba xaaladaha deg-degga ah, halka ay horey u yaaleen Isbitaal Madiina 3 sariirood. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xaruntani marka la dhameystiro ay dabooli doonto baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed. Mudane Xamsa ayaa xusay in xukuumadda Dan-Qaran oo ka duuleysa baahida bulshada ee dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ahaa. Ugu dambeyntiina waxa ra’iisul wasaaruhu soo kormeerey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Madiina, wuxuuna warbixinno ka dhageystay maamulka Isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyey howlaha baxaadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed. The post Sawirro: Xamza oo dhagax dhigay xarun aad muhiim u ah appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa uskacasilay xilkii uu ka hayay Somaliland, kadib muddooyin uu ku sugnaa goddoomiyaha golaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa muddooyinkii dambe waxaa isasoo tarayay khilaaf xoogga oo u dhaxeeyay isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ka dhashay sida xukuumaddu u wajahday Laascaano. Dagaalka magaalada oo muddo socday ayaa khilaaf badan ka dhex abuuray Somaliland, madaxweyne Biixi ayaa amar ku bixiyay in magaalada laga geysto duqeymo, taas oo keentay mas’uuliyiin badan ka baxaan safkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa goordhaweyd iska casilay Afhayeenka Golaha Wakiillada Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigi Waddani ee uu ka tirsanaa. Cabdirisaaq Khaliif oo ku sugan xarunta dawladda hoose ee Laascaanood oo ah goobta uu kaga dhawaaqey iscasilaaddiisa ayaa yiri “Waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigi Waddani ee aan ka tirsanaa”. Mudane Cabdirisaaq Khaliif ayaa hore si adag uga horyimid duullaanka Muuse Biixi ku soo qaaday SSC-Khaatumo gaar ahaanna shacabka Laascaanood islamarkaana waxa uu la dareen noqday dadkiisa. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland oo iscasilay appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi. Cabdirisaaq oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dawladda hoose ee Laascaanood ayaa kaga dhawaaqay is-casilaaddiisa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. “Waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa,” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif Gudoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland. Sidoo kale waxa uu iska casilay xisbiga mucaaradka ee Waddani oo ka tirsanaa, taasi oo ka dhigan inuu gebi ahaanba ka baxay siyaasadda Somaliland, sida ay hore u sameeyeen siyaasiyiin ku deegaan ah. Cabdirisaaq Khaliif oo si weyn u kala fogaadeen Somaliland kadib dagaalka dhowrka bilood ka socda Laascaanood ayaa tallaabadan qaaday kadib xukuumadda Somaliland ay ka gudbisay dacwd ay ku dalbaneyso in la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada. Somaliland ayaa Cabdirisaaq Khaliif ku eedeeysay inuu jabiyey dastuurka Somaliland, waxayna muddooyinkii dambe ku howlneyd sidii ay xilka uu maanta iska casilay uga qaadi laheyd. Mudane Khaliif ayaa hore si adag uga horyimid duullaanka Muuse Biixi ku soo qaaday SSC-Khaatumo, gaar ahaanna shacabka Laascaanood, isaga oo ugu dambeyntiina la dareen noqday dadka deegaankiisa, oo dagaal kula jira Somaliland. The post DEG DEG: Cabdirisaaq Khaliif oo iska casilay xilkii guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalkaas. Meertada 14-aad ee IGAD oo sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay ku soo bandhigi doonaan doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD. Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudaan, mideynta dadaallada heer gobol ee ciribrirka argagixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Deg Deg: Cabdirisaaq Khaliif ayaa hada iska casilay Xilkii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland. Waxaan iska casilay Xilkii gudoomiyaha Baarlamaanka SL , Xubinimadii golaha iyo Xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa” Goor dhow halkan halkan kala soco warkaas oo faahfaahsan” Qaran News
-
Somali army kills 19 al-Shabab militants in southern region
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - The Somali National Army, backed by international partners, killed 19 al-Shabab militants and injured several others during a joint operation in the Lower Shabelle region of southern Somalia, the government confirmed on Saturday. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta amar cusub kusoo rogtay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee ka shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Go’aankan cusub ee ka soo baxay maamulka gobolka ayaa waxa lagu faray dhammaan gaadiid in aysan qaadi larin skar hubeysan nuuc kasta uu yahay iyo hay’ad kasta oo uu ka tirsan yahay. Gaadiidka uu sida tooska ugu socdo amarkaan kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxaa kamid; Mooto Bajaajta, gawaarida iyo Mootooyinka laba lugaaleyda ah ee bulshada caasimadda ay adeegsato. Maamulka gobolka ayaa waxa uu sheegay in ciddii ka dhego adeegta amarkaas lala tiigsan doono sharciga, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah. Sidoo kale waxa uu maamulka gobolka markale ku wargaliyay gaadiidka ay wataan masuuliyiinta in ay u hoggaansamaan awaamirta lagu sugayo ammaanka, islamarkaana ay ogolaadaan in baraha ciidamadu joogaan lagu hubiyo si ammaanka loo xaqiijiyo. Dowladda ayaa hore usoo rogtay in hubka culus lagu dhex wadan karan magaalada Muqdisho, ayada oo hore u sheegtay in masuulkii diida gaarigiisa la baaro uu yahay Shabaab kalkaal. Ciidamada kala duwan ee magaalada caasimadda ee Muqdisho ku dhex wata hubka ayaa sidoo kale la faray inay uga soo tagaan xeryahooda. Si kasta, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sidii hore kasoo hagaagaya, kadib markii inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka wada degmooyinka gobolka Banaadir. The post Maamulka gobolka oo amar culus kusoo rogay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU, June 11 (Xinhua) -- The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) and the United Nations have condemned the hotel terrorist attack that occurred in the capital, Mogadishu on Friday in which nine people were killed and ten others wounded. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu baaris ku hayo baarista kiis xasaasi ah oo la xiriira qaar kamid ah shirkadaha la siiyay bixinta adeegga Xajka ee sanadkaan. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in qaar kamid ah shirkadahaasi ay dadka ka qaadeen lacago ka badan tii ay hore u jaangoysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu baaris ku wadaa shirkado kamid ah kuwa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ay siisay adeega Xajka oo lacago ka badan tii ay Wasaaraddu u jaangoysay Xajka ka qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed.” Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in maxkamad ay horgeyn doonto shirkadahaasi iyo shaqsiyaadka iska leh, kadib marka ay soo dhamaato baarista uu ku hayo, ee salka ku haysa ku xad-gudubka qiimaha xujeyda laga qaadayo ee hore u jaangoysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Xafiiska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed inay kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan shirkado ku kacay arrintaan oo kale, “Muwaadinka la weydiisto lacag ka badan kuwa Wasaaraddu jaangoysay haku soo wargaliyo xafiiska.” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horraanta bishii hore ee May shaacisay in meesha laga saaray musuq-maasuqii adeegga Xajka, islamarkaana qiimihii hore hoos loo dhigay. Dowladda ayaa sidoo kale xilligaas ku dhawaaqday in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kadib markii meesha laga saaray musuq-maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha. Si kastaba, Qiimaha sanadkaan ay dadka Soomaaliya ugu xajinayaan ayaa dhan $4,484, waxaana hoos loo dhigay lacagihii awal xujeyda laga qaadi jiray oo kor u dhaafayay shan kun oo doollar. The post Dolwadda oo baaris ku haysa shirkado dhowr ah + Arrinta ay ku kaceen ee loo haysto appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI — An employee with the World Health Organization was among those killed in the weekend siege of a beachside hotel in Somalia's capital Mogadishu, the head of the UN health agency said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-gal culus ayaa hadda ka socda tuulada Buula Maxamed Cabdalla goostagta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Howl-galkan oo ay sida wadajir ah u samaynayaan Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Waxaa howl-galkaan illaa inta hadda la xaqiijiyay lagu dilay 19 ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay ku warameyso wakaaladda SONNA. Sidoo kale waxa lagu soo waramaya in howl-galkaan wadajirka ah lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay ku howl-gelaysay kooxda Al-Shabaab. Howl-galkan ayaa imanaya, ayada oo muddooyinkii dambe gaabis uu ku yimid gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana la filayaa in dhawaan uu billowdo wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee durba ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya. Si kastaba, Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Nabadsugidda ayaa howl-gallo culus ka wada Muqdisho iyo gobollada u dhow, kuwaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. The post Howl-gal culus oo ka socda gobolka SH/HOOSE iyo Shabaab badan oo lagu dilay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa Berrito oo Isniin ah ku wajahan dalka Jabuuti isagoo ka qey galaya Shirka Caadiga ee Meertada 14-aad ee Golaha Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Gobaleedka IGAD. Madaxweynaha dalka Kenya, william Ruto ayaa noqday Hoggaamiyihii u horeeyey ee dalka Djibouti u tegay inuu kaga qeyb galo Shir Madaxeedka IGAD berrito u furmi doono. Ruto ayaa la sheegay inuu xalay gaaray Djibouti, waxaana u qorsheysan inuu maanta Kulan Khaas ah la yrrsho dhigiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxda waxay ka wada arrinsan doonaan Xaalladaha Khatarta ee dhinacyada Ammaanka, Nabadda iyo Horumarinta ee Mandiqada. Kulanka Madaxda dalalka IGAD waxaa kaloo kala qeyb geli soona Wakiilo ka kala socda Midowga Afrika, QM iyo Midowga Europe. Qoraal ka soo baxay Xoghaynta IGAD ayaa lagu sheegay inuu Kulankaasi Fursad siinayo dalalka xubnaha ka ah Ururka IGAD inay Dib-u-eegis ku sameeyaan dadaaladii horey loo gaaray iyo inay ka wada xaajoodaan Istaraatiijiyada Cusub ee xaqiijinta Horumarka Waara ee Gobalka. Madaxda dalalka IGAD waxay kaloo shirkooda Djibouti uga furmay berrito uga xaajoon doonaan Xoojinta Iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Urur-Gobaleedkaasi, Sare-u-qaadida Is-dhexgalka Bulshada, Xoojinta Nabadda, Deganaanshaha, Kordhinta Dhaqaalaha, Barwaaqaynta iyo Horumarinta Bulshada. Madaxda waxay kaloo isla eegi doonaan Colaada dalka Sudan iyo sidii loo taageeri lahaa dadaalka Diplomaasiyadeed iyo Hawlaha Samafalka ee wax looga qabanayo Colaada lagu riiqmay ee dalkaasi. Horey, Madaxweynayaal ka tirsan IGAD ayaa loo xil saaray Dhexdhexaadinta dhinacyada isku dilayo dalka Sudan, balse weli uma aysan suurto-gelin inay Ambaqaadaan Hawlihii Dhexdhexaadinta ahayd sababo la xiriira Xawliga uu Dagaalku u socdo. Qaran News
