Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Munaasibadda 63 guurada, 26ka-June 1960-kii oo ahayd maalintii aynu xornimada ka qaadannay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska, waxa aan salaan, bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah hawada u marinayaa dhammaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin. Shacabka reer Somaliland, caawa oo kale waxa ay u tahay habeen taariikhdooda dawladnimo baal-dahab ah kaga xardhan, dhanka kale-na waxaa faan iyo taariikh fac weyn inoo ah in aynu nahay curadkii Soomaali oo dhan u horseeday madax-bannaanida & Gobonnimada. Ilaahay-na waxa aan innooga baryayaa in sannadkan iyo sannado kale oo badan innagu gaadhsiiyo, midnimo dhexdeenna ah, aqoonsi caalami ah, horumar-waara, doorashooyin xor iyo xalaal ah, Ilaahayna ku guuleeyo Shacabka Somaliland samirka iyo dhabar-adaygga ay u sameeyeen Qarankooda ay halganka dheer u soo galeen. Dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland guul iyo gallad Eebe korkiisa ha saaro. Walaalayaal, ku ciida farxad, nabad iyo hiigsi aan gudhayn, ballanteennuna waa midnimo, walaalnimo, iyo gobannimo.” Musharrax Madaxwayne Dr.Cabdiraxmaan Cirro Qaran News
  2. Moscow (Caasimada Online) – In an unprecedented event, Russian President Vladimir Putin faced a significant challenge to his authority as a mutiny led by Yevgeny Prigozhin, better known as Wagner fighters, unfolded on the country’s political stage. This unexpected insurrection has raised serious questions about the stability of Putin’s regime and his capacity to manage internal and external pressures effectively. United States Secretary of State Antony Blinken characterized the uprising as an “internal matter” for Putin. Speaking on ABC’s “This Week” program, Blinken stated, “We’ve seen more cracks emerge in the Russian facade. It’s too soon to tell exactly where they go and when they get there. But certainly, we have all sorts of new questions that Putin is going to have to address in the weeks and months ahead.” The Secretary of State noted that these events might affect Moscow’s military capabilities in Ukraine, where Russia is currently embroiled in a conflict. Blinken emphasized that the U.S. focuses “resolutely and relentlessly on Ukraine,” aiming to ensure that the nation has the resources to “defend itself and take back territory that Russia seized.” ‘Russia’s eroding military capabilities’ Prigozhin, a former ally of Putin and an ex-convict has led some of the most brutal battles in Russia’s 16-month-long war in Ukraine. Retired U.S. Air Force General Philip Breedlove, former head of U.S. European Command, posited that the recent turmoil points to a degradation of Russian capabilities. Breedlove noted in an interview, “One of the outcomes, I believe, of the last 36 hours, maybe 48 hours, is that the institutions that we have long seen as being very secure in Russia are slowly unraveling.” He added, “The whole institution of the military now, the appearance of what the Russian military is, is much diminished.” Members of the U.S. Congress expressed the view that the recent chaos in Russia might indirectly benefit its neighbors, including Poland and the Baltic states. Representative Don Bacon, a former U.S. Air Force general and House Armed Services Committee member, stated that a diminished Putin could serve as a boon for Russia’s neighbors such as Finland, Estonia, Latvia, Lithuania, and Poland. Ukraine’s decisive counteroffensive Meanwhile, the turmoil within Russia does not lessen the urgency for the U.S. to continue supporting Ukraine in its counteroffensive against Russian forces. Senator Ben Cardin, a Democrat and member of the Senate Foreign Relations Committee, underscored this point by stating, “This is a critical time for Ukraine. This counteroffensive is going to be defining as to where we’re going to be in the next year or two.” As more details about the mutiny and the resultant deal mediated by Belarusian President Alexander Lukashenko come to light, it’s clear that the ramifications of this episode will not disappear overnight. As Secretary Blinken noted, “It may be that Putin didn’t want to debase himself to the level of negotiating directly with Prigozhin.” This incident serves as a glaring indicator of the current pressure faced by Putin’s regime, and it’s a situation that will demand the world’s attention for weeks, if not months, to come. The post Cracks in Kremlin: US eyes weakened Putin amid chaos appeared first on Caasimada Online.
  3. Lamu (Caasimada Online) – In the latest terror attack in eastern Kenya, Al-Shabab jihadists claimed the lives of five civilians, some of whom were tragically beheaded, reported a local witness and police source on Sunday. The assault was launched on Saturday around 7:30 pm (1630 GMT) in the small villages of Juhudi and Salama in Lamu county, bordering Somalia. “The victims had their throats slit, and others were gruesomely beheaded,” the source provided chilling details. A resident, Hassan Abdul, painted a horrifying picture of the incident, revealing that “men were yanked out of their homes, while women were forcefully confined inside.” The men were subsequently tied up and slaughtered in senseless violence. The victims Among the victims was a secondary school student, Abdul further disclosed. All the slain individuals met the same grisly fate – their throats were cut, and some beheaded, adding to the horror of the situation. Following the violent carnage, the militants reportedly pilfered food supplies. They departed, firing their weapons into the air, stated another resident, Ismail Hussein. Post the incident, security measures have been enhanced in the affected area, assured Lamu County Commissioner Louis Rono. “We have intensified security after the attack,” Rono said. Long-standing insurgency The Al-Shabab group, headquartered in Kenya’s eastern neighbor, Somalia, has led a bloody jihadist insurgency against the unstable Mogadishu government for over a decade and a half. In 2011, Kenya deployed troops into Somalia to combat the Al-Qaeda-affiliated militants, significantly contributing to an African Union military operation against the group. However, Kenya has borne the brunt of several revenge attacks, including a devastating siege at Nairobi’s Westgate mall in 2013, resulting in 67 casualties, and a 2015 assault on Garissa University, killing 148 people. Despite a substantial offensive by pro-government forces and the African Union force, ATMIS, launched last August, Al-Shabab has sustained its deadly attacks within Somalia. A region under siege Lamu region, home to the famed Lamu Island beach destination, has been a frequent target of such attacks, typically conducted with roadside bombs. Saturday’s gruesome killings unfolded near Mpeketoni, a town approximately 450 kilometers from Nairobi and 120 kilometers from the Somali border. Previously, an attack, credited to Al-Shabab, in January 2022 resulted in six fatalities and multiple houses burned down in the same area. A series of armed attacks 2014 led to almost 100 casualties in Mpeketoni and the surrounding Lamu County villages. In a suspected Al-Shabab assault last June, an improvised explosive device claimed the lives of eight Kenyan police officers in the neighboring Garissa county. Recently, Kenya and Somalia agreed to gradually reopen three land border points, initially closed in 2011 to thwart Al-Shabab’s violent activities. The post Bloody massacre in Kenya: Al-Shabab strikes again appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay ilaa afar masuul oo loo soo xiray falal la xariira Musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne. Afarta masuul ee maanta maxkamadda la hor geeyey ayaa ka howl-gelayey xafiisyo ku yaalla garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho, waxayna kala yihiin: 1 – Agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada XFS. 2 – Agaasimaha waaxda ajaanibta ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. 3 – Masuulkii xafiiska Fiiso bixinta ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. 4 – Maamulihii Bangiga Dhexe ee laanta garoonka Aadan Cadde. Qoraal ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu yiri “Eedeysanayaashaan oo maanta la hor-geeyey maxkamadda gobolka Banaadir waxay u dirtay xabsi ku heyn ku meel gaar ah, si looga gungaaro kiiska lagu eedeynayo, kadibna maxkamadda loogu soo gudbiyo eeda loo heysto.” Dowladda Soomaaliya ayaa wada olole xoog leh oo ay kula dagaalameyso musuq maasuqa, waxaana xabsiga la dhigay masuuliyiin badan oo ka tirsan hey’daha dowladda, balse u badan agaasimeyaal. Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in maxkamadda gobolka Banaadir ay ka soo hor muuqdaan xubno badan oo loo heysto musuq maasuq. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ayaa go’aan ku gaartay inay dalka ka ciribtirto musuqa, sida marar badan ay warbaahinta ka sheegeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalka. The post Xogta afar masuul oo ka tirsan DF oo maanta maxkamad lasoo taagay appeared first on Caasimada Online.
  5. Hadaan Beri Talo Xumaan Lagu Salidin Kama i Maadeen. Togdheer baa Calaacalay markuu tebey Ragiisii…..Belo ku degtay Mixnadland waar meesha maxaa cadaalad dari taala. Sidaa warbaahintu soo tebinayso waxa dekeda Berbera ka dhoofaaya Xoolo kor u dhaafay 2 Million oo neef waana war wanaagsan oo lagu farxo. dhinac kale hadii aa aan kuu Iftiimiyo ma ogtay War-moogow in Xoolahaa cadadkaa leh 75% ama 1 Million iyo 300 oo Kun laga keenay sayladaha Gobolka Todheer, siiba Saylada Xoolaha ee Magaalada Burco. Saaxiib War-moogow ama Ina-Burcow hadaba waxaad Is-weydiisaa Gobolka Togdheer maxaa Cashuur ahaan uu ka helaa xoolaha faraha badan ee Sayladihiisa laga keenay. Inta aan ka war hayo Togdheer waxa uu ka qaada neefkiiba wax la yidhaahdo DAABAQAD taas oo u dhiganta waxa ka yar nus Dollar, halka Berberi ay neefkiiba ka qaado 10 dollar iyo wax ka badan. DHEGA….(OOD LAGAMA GOOYAAN MAXAA EHELU-NAAR JOOGA) Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. Copenhage. Qaran News
  6. Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in shan qof lagu dilay weerar ka dhacay gobolka magaalo-xeebeedka Lamu oo ku dhow xadka Soomaaliya, kana tirsan gobolka Xeebta, Waxay sheegeen in afar ka mid ah dadka la laayay la xiray kadibna qoorta laga jaray. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan oo shalay dhacay. Waxay sidoo kale dab qabadsiiyeen guryo la sheegay in ay ku noolaayeen dad aan heysan diinta Islaamka. Waxay sheegatay in tani ay jawaab u tahay go’aankii Kenya ay sannadkii 2011-kii ku sheegtay inay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxdaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay gurigii laga soo riday hoobiye lagu garaacay aagga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay guriga ay dowladdu la wareegtay ayaa soo bandhigay tiro hoobiyaal ah oo halkaas loogu tegay. Afhayeenka ayaa cadeeyey inay baxsadeen raggii gurigaas ka soo dhex riday hoobisha, isagoo sheegay lagu raad joogo oo cadaaladda la hor keeno doono, markii ay soo qabtaan ciidamada ammaanka. Guriga ay dowladdu la wareegtay ee shacabka Muqdisho laga soo weerari jiray ayaa ku yaalla degaanka Garasbaaley, gaar ahaan waaxda labaad ee Foorilow, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska Soomnaaliya. “Waxaa guriga hadda ku sugan ciidanka amaanka, waxaana socda baaritaan arrintaan la xariira, sidoo kale waxaan caganta ku dhignay baalootooyin hoobiye ah oo aan weli qarxin,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku sii daray, “Guriga waxaa la wareegtay dowladda oo gacanta ayaa lagu sii heynayaa ilaa inta laga soo qabanayo raggii weerarkaan fuliyey.” Weerarkii maanta ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni darro ee mararka qaar ka dhaca caasimada, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda caasimadda Muqdisho. Howlgalkii lagu soo helay guriga laga soo tuuri jiray hoobiyeyaasha waxaa fuliyey ciidamo ka kala tirsan Booliska, Nabad-sugida iyo Ciidanka Polizia Militare ee xoogga dalka Soomaaliyeed, sida uu sheegay afhayeenka booliska. The post Dowladda oo la wareegtay gurigii ay Al-Shabaab ka soo weerari jireen Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo ka duulaya cabasho ay si hoose ula soo wadaageen shaqaale ajaanib ah oo ka cabanayey ganacsade Soomaali ah ayaa maanta tallaabo qaaday. Waxaa lasoo xiray ganacsadahaas oo dalka keenay, kadibna u diiday xuquuqdii ay ugu shaqeeyeen lix nin ajaanib ah, sidoo kale ganacsadahaasi waxaa loo heystaa in shaqaalaha ka soo dacwooday ee Pakistan u dhashay uu ku xareystay meel gaar ah. Xafiiska ayaa hoggaanka barista dambiyada ee ciidanka booliska Soomaaliyeed faray in baaris lagu sameeyo cabashada dadkaas ajaanibta ah eek a soo dacwooday ganacsadaha Soomaaliga ah. Taliska booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo xeray milkiilaha shirkad ka shaqeysa dhismaha oo dalkaan keenay shaqaalahaan ajaanibta ah, si ay ugu shaqeeyaan, balse la sheegay inuu u diiday xuquuqdoodii. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa soo qabashadii ninkaas kadib wuxuu bilaabay baaritaanka kiiskaan, asagoo maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay eedeysanaha. Xeer ilaaliye ku xigeen dalka Yaxye Maxamuud Saciid ayaa sheegay in xafiiska uu baaris ku wado falka loo geystay shaqaalahaan ajaanibta ah, markii baaritaankaan soo dhamaadana loo gudbin doono maxkamadda gobolka Banaadir, si loo maxkamadeeyo. Xafiiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa digniin u diray ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka keena shaqaalaha ajaanibta ah, waxaana la faray in ay ka taxadaraan ilaalinta xaquuqda ay leeyihiin, inta ay u shaqeynayaan. Sidoo kale xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta ballanqaaday in qofkii ku xad-gudba ilaalinta shuruucda aadanaha iyo tan dalkba tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo soo xirtay ganacsade u awood sheegtay shaqaale ajaanib ah appeared first on Caasimada Online.
  9. Xeer-ilaaliyaha qaranka Suleymaan Maxamed Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay afar eedeysane oo loo haysto kiis musuqmaasuq oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta, eedeysanayaasha maxkamadda la soo taagay ayaa kala ah; agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, agaasimaha waaxda ajaanibta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, mas’uulkii xafiiska fiiso bixinta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda iyo maamulihii bangiga dhexe ee laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa eedeysanayaasha u dirtay xasbi ku hayn ku meelgaar ah, si looga gungaaro kiiska lagu eedeynayo, kaddibna maxkmadda loo soo gudbiyo eeda loo haysto. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Agaasimeyaal la soo taagay Maxkamad appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hoobiyeyaal maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Illaa laba hoobiye ayaa la sheegay inay ku soo dhaceen xerada Xalane, halka mid saddexaad uu ku dhacay nawaaxiga halka diyaaradaha ay kasoo degaan ee garoonka Aadan Cadde. Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, waxaana isla markiiba ka howl-galay laamaha amaanka oo gaaray aaggii la rumeysnaa in laga soo tuuray. Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in howl-galkaas ay ciidanka amaanka sameeyeen gacanta ku soo dhigeen dhowr xabo (baalooto) oo hoobiye ah. Sidoo kale ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay mobile-dii laga qarxinayay oo wata fiilooyinkooda iyo gurigii laga soo ridayay, sida uu shaaciyay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed. “Ciidanka amaanka gaar ahaan kuwa howlgalka Ciiltire oo uu ugu horreeyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ciidanka hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaran iyo Ciidanka Polizia Militare ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ayaa waday howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka caasimada iyo nawaaxigeeda ayaa ka howlgalay aagii la rumeysnaa in laga soo tuuray hoobiyeyaasha,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliska ayaa shaaciyay in dowlada federaalka ay la wareegtay gurigii laga soo riday ilaa inta la helayo xubnihii Shabaab-ka ahaa ee shacabka dhibaataynayay. “Waxaa (guriga) hadda ku sugay ciidanka amaanka. Waxaana socoto baaris arrinta la xariirta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska. Weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni darro ee mararka qaar ka dhaca caasimada, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda caasimada. The post Faah-faahinta hoobiyeyaal lagu weeraray xerada Xalane appeared first on Caasimada Online.
  11. Five people were killed on Sunday when armed assailants attacked two villages in Lamu county in southeast Kenya, police said. Source: Hiiraan Online
  12. Baraawe (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta hortegay guddiga xaqiiqo raadinta BF ee shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Baraawe. Kulankaan oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada BF ee Villa Hargeysa ayaa waxa uu guddiga gaarka ah ee guddoomiyaha Golaha Shacabka u saaray shaqaaqadaasi warbixin uga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga iyo masuuliyiinta kale. Xubnaha Guddiga ayaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubnaha kale ee la socday su’aalo ka weydiiyay wixii Baraawe ka dhacay iyo kadib markii ay tageen waxyaabihii kusoo arkeen. Waxa uu wasiirka guddiga uga warbixiyay hadda sida ay tahay xaaladda magaalada Baraawe ee caasimadda maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, oo iska hor-imaad hubeysan ku dhexmaray ciidamada milatariga iyo kuwa Daraawiishta ee maamulkaas. Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo kadib markii uu kulanka soo dhamaaday la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weli ay socoto baarista shaqaaqadii dhawaan ka dhacay Baraawe, islamarkaana ay sharciga la tiigsan doonaan ciddii masuuliyadeeda ku cadaato wixii ka dhacay halkaasi. “Wasiirka iyo xubnihii la socday waxay warbixin naga siiyeen wixii ay kusoo arkeen meesha (Baraawe). Baarista waa socota cid kasta oo lug ku yeelata ay maxkamadaha horgeyn doonaan,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga xaqiiqo raadinta shaqaaqadii Baraawe ee BF. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidankii la kala qaaday, islamarkaana labada sarkaal ee hoggaamineysay ciidamadaas loo soo qaaday Muqdisho. “Waa Ilaahay mahadii mar haddii garoonkii diyaaradaha la furay, ciidamadii la kala qaaday oo masuuliyiintii labada sarkaal lasoo qaaday, wixii dambena baaritaanka lasoo dhameystiri doono.” Wasiirka Gaashaandhigga iyo saraakiisha kale ee kulankaan warbixinta looga dhageystay ayaa dhawaan gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal sababay khasaare culus. Dhammaan masuuliyiintaasi ayaa markii ay tageen Baraawe waxay kulamo la qaateen ciidamadii ku dagaalamay magaaladaas iyo saraakiishooda, kuwaas oo ka kala tirsan dowladda federaalka iyo K/Galbeed. Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa haatan wada baarista dagaalkii Baraawe oo ay ku dhinteen 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, kadib markii lagu guuleystay in la kala qaado labada ciidan. The post Wararkii ugu dambeeyay baarista shaqaaqadii Baraawe iyo cidda masuuliyada leh oo… appeared first on Caasimada Online.
  13. -Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cali Doodishe oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), Kulanka ayaa sidoo kale goobjoog waxaa ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Mudane. Yuusuf Cali, Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Col. Macalin Mahadi iyo Saraakisha Howlgalka Ciiltire, ayaa kulan oo looga arinsanayo Sugida Amniga iyo Xasiloonidda Caasimada iyo Nawaaxigeeda ku yeeshay xarunta Wasaradda Amniga Gudaga JFS. Inta uu kulanka socday ayaa la xog wareystay Saraakiisha hoggaamiinaysa howlgalka Ciiltire sidii loo adkeyn lahaa amaanka guud ee Caasimada gaar ahaan inta lagu guda jiro maalmaha Ciida iyo Munasabadda Asbuuca Xuriyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin amniga, xasilinta, iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Antonio Guterres ayaa intii kulanka socday dowladda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaalka ka dhanka kooxda Al Shabaab, kuwaas oo laga xoreeyay deegaano horle oo sanado badan ku jiray gacantooda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kaga qeybgaley shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ka jeediyay Khudbad uu uu kaga hadlay xaalada dalka, amniga iyo qaadista cuna-qabateynta hubka saaran Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ka codsaday ergada in ay gacan ku siiyaan baaqa ah “in gebi ahaanba laga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.” “Marka aad sidaas sameysaan waxaad awood noo siinaysaan in aan xaqiijinno madax-bannaanideena, si wax ku ool ah loola dagaallamo argagixisada, oo ummaddeenna aan u dhisno mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh mar uu ka hadlaayay tallabada loo qaaday in lagu maareeyo hubka iyo rasaasta dalka. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay adkeeyey in cuna-qabateynta hubka ay noqotay caqabad halkii ay ka ahaan lahayd mid waxtar leh. “Aan si cad u sheego – Soomaaliya 2023 ma aha Soomaaliya 1992. Helitaanka awoodaha lagama maarmaanka ah waxay noqotay hawl adag, taasoo caqabad ku ah awooddayada dhanka dagaalka argagixisada Al-Shabaab iyo xaqiijinta nabad iyo xasillooni waarta” Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi koowaad ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, ayada oo wejiga labaad ee dagaalkan ay qeyb ka noqon doonaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, si loo xoojiyo howl-gallada ka socda dalka. The post Xasan Sheekh oo shaaciyey arrin caqabad ku noqotay dagaalka kooxda Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  15. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta shir guddoomiyay shir sugida Amniga iyo Xasiloonidda dadweynaha gaar ahaan Maalmaha Ciida iyo Asbuuca Xuriyadda. Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo leh mas’uuliyada koowaad ee sugida amniga iyo Xasiloonida dadweynaha ayaa wada dadaalo lagu xaqiijinayo. Kulanka ayaa sidoo kale looga arrinsaday sida bulshaddu uga qeyb qaadan karaan xasiloonida caasimadda ee munaasabadaha isa saaran ee xorriyadda iyo Ciidda Adxa. “Dadweynaha ku dhaqan Caamismada iyo Nawaaxigeeda, cidii aragta wax amniga lid ku ah fadlan la xariir numberka gaaban ee Gurmad 991” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka. Source: goobjoog.com
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada New York kula kulmay xoghayaha Qaramada Midoobay Mudane António Guterres. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin nabadda , amniga, xasilinta, iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka Al Shabaab, kuwaas oo laga xoreeyay deegaanno badan oo dalka ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kaga qeybgaley shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ka jeediyay Khudbad uu uu kaga hadlay xaalada dalka, amniga iyo qaadista cunaqabateynta hubka saaran Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Maalintii labaad ayaa dagaal ka socdaa magaalada Laascaanood, kaas oo dabajooga duulaankii shalay shalay iyadoo madaafiicda kala duwan laysu adeegsanayo, dhinaca waqooyigana ayuu u badan yahay dagaalka. Magaalada ayaa ah mid koranto la’aan ah iyadoo ay waxyeelo soo gaarsiiyeen madaafiicda waayirada dabka magaalada soo gaarsiiya. Ma jiro qasaare nafeed oo weli la ogyahay, marka laga reebo hubka xulus ee dhacaya. Ciidanka Milariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka ayaa isku food saaray aaga Goojacade iyo meelo kale, iyadoo madaafiic aan loo meeldayin ay ku dhaceen qeybo badan oo magaalada Laascaanood ka tirsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Badhasaab Tiimbaro ma aqbali doona magacaabistii uu shalay Siilanyo ka diiday ee uu maanta madaxweyne Biixi mar kale u magacaabey . Madaxweyne Biixi ayaa maanta Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro u magacaabey inuu noqdo gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Maroodi-Jeex . Tiinbaro ayaa xilkan Badhasaabka Hargeysa hore uga diiday mar uu madaxweyne Siilanyo u magacaabey 2017-kii iskana casilay . Maxaad filaysaa Tiinbaro mar kale xilkan ma iska casili doonaa ? Qaran News
  19. XARAMKA 11,650 xujey Soomaaliyeed ayaa sannadkan tegey dhulka barayksan. Hayeeshee waxa ay soo werinayaan adeeg xumo baahsan sida; in aysan heysan meel ay seexdan, gaadiid ay adeegsataan iyo cid hagta, tan dambe waxaa la sheegay ina y ka dhalatay dhimashada mid ka mid ah xujeyda Soomaalida iyo dhaawac labo kale ,sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Qaran News
  20. Madaxweyne Biixi ayaa maanta Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro u magacaabey inuu noqdo gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Maroodi-Jeex . Tiinbaro ayaa xilkan Badhasaabka Hargeysa hore uga diiday mar uu madaxweyne Siilanyo u magacaabey 2017-kii iskana casilay . Dadka baraha bulshada wax ku qora ayaa suaalo iska waydiinaya mar kale xilkan ma iska casili doonaa mise wuu aqbali doonaa? Source
  21. Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa maanta shir guddoomiyay shirka amniga gobolka Hiiraan. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku-xigeennada gobolka, xoghayaha guud ee gobolka, Duqa magaalada Beledweyne iyo saraakisha laamaha amniga gobolka Hiiraan sida Booliska, Nabad-sugida, iyo militariga. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda gobolka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka deegaanada iyo degmooyinka gobalka Hiiraan, oo ka taagan tahay xiisad siyaasadeed. Guddoomiyaha magacaaban ayaa kulankaan warbixino uga dhageystay xubnaha maamulka gobolka Hiiraan, heer gobal iyo heer degmo iyo saraakiisha laamaha amniga, isaga oo carabka ku xoojiyey in ahmiyada la saaro amniga iyo xasiloonida gobolka. Sufuroow ayaa sidoo kale waxa uu balan-qaaday in maamulka gobolka Hiiraan uu la imaan doono siyaadad hufan oo la iskula shaqeeyo, si loo kabo hanaanka dowliga daah-furnanata iyo isla-xisaabtan-ka midaas oo qeyb ka ah siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha magacaaban ayaa waxa uu faray laamaha amniga gobolka Hiiraan in ay kala shaqeeyan sugida amniga iyo sidii looga hortagi lahaa kooxda Al-Shabaab iyo wax walba oo qalqal-gelin kara hanaanka dowliga ah, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntiina waxa uu ammaanay shaqada adag oo madaxda maamulka u hayaan bulshada, isaga oo ku booriyay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa qoysaska ka barakacay howl-galka Al-Shabaab ka dhanka ah ee Hiiraan ka socda. Kulankan ayaa imanaya, xilli ay kasii dareyso xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne, kadib tallaabo uu qaaday guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolkaasi Cali Jayte Cismaan. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in la xiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, kadib warqad kasoo baxday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan. Cali Jayte ayaa amray in muddo 4 maalin ah oo ka bilaabaneysa 24 bishan oo maanta ku beegan ilaa 28 bisha ay joojiyeem diyaaradihii rakaabka ee kasoo dagayey garoonkaaasi, ayada oo muddadaas la fasaxay diyaaradaha ATMIS, kuwa samafalka ee QM iyo kuwa sida Qaadka. Si kastaba, HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, lamana oga sida ay wax noqon doonaan. The post Sawirro: Gudoomiyaha cusub ee Hiiraan oo guddoomiyey shirka amniga gobolka appeared first on Caasimada Online.
  22. Iska horimaadyo, rasaas iyo duqeymo xagga cirka ah ayaa ka dhacay caasimadda Suudaan Axaddii shalay, iyadoo dagaal u dhexeeya kooxaha millatari ee iska soo horjeeda oo ay ku barakaceen 2.5 milyan oo qof, isla markaana sababay dhibaato bini’aadanimo uu galay todobaadkii 11-aad. Goob joogayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay kordheen rabshadaha maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Nyala oo ah magaalada ugu weyn galbeedka gobolka Darfur. Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii qeylo dhaan kasoo saartay beegsiga qowmiyadeed iyo dilka dadka ka soo jeeda beesha Masalit ee ku nool El Geneina ee Galbeedka Darfur. Caasimadda Khartoum iyo El Geneina ayaa waxaa si xun u saameeyay dagaalkii 15-kii April dhex maray ciidamada Sudan iyo xoogaga RSF ee, inkastoo todobaadkii hore ay xiisado iyo iska horimaadyo ka dhaceen qaybo kale oo ka tirsan Darfur iyo koonfurta Kordofan. Dagaallada ayaa sii xoogeystay tan iyo markii heshiisyo xabbad-joojin ah oo xiriir ah oo lagu heshiiyey wadahadallo ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Sacuudiga oo ka dhacay Jeddah ay fashilmeen. Wadahadallada ayaa la hakiyay toddobaadkii hore. Source
  23. At least five men were beheaded and many houses torched in an al Shabaab attack in Salama and Juhudi villages in Mkunumbi Division, Lamu County. Source: Hiiraan Online