-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay mar kale si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood. Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyay munaasabad ku saabsan 26-ka June oo Hargeysa lagu qabtay ayaa sheegay in Somaliland aysan weli wax weerar ah ku qaadin Laascaanood. ” Waxaa dagaal dhacayay maalin qudha Somaliland weerar may qaadin, xabadna kumay horayn, tu lagu soo rido oo ay iska daafacdo mooyaane ” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland. ” Shalay weerar madaafiic ah ayay soo qaadeen 2 dii ugu horeeyay ayay dileen. xaq ayuu u leeyahay ciidanku marka lasoo weeraro in uu jawaab culus bixiyo, ma jiro qof qaadanaya aan ku dile hayla hadlin ” ayuu sii raaciyay. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli dhawaan isaga iyo taliyihiisa ciidamadu ay ku hanjabeen duullaan ka dhan ah reer SSC islamarkaana labadii maalmood ee u danbaysay dagaallo iyo duqaymo ba’an ku qaadeen Laascaanood. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo mar kale xalay si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo xalay ka qayb-galay munaasabadda 26 June ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka, maadaama loo dabaal-dagayo xoriyadda Soomaaliya. Saalax ayaa shaaciyay in weli Soomaaliya ay la daala dhaceyso dhibaatooyin adag isla-markaana uu dalka ka jiro gumeysi lamid ah midkii hore, sida uu hadalka u dhigay. “Waayihii markaa jiray ee gumeysi la dirirka ee la’isaga kicinayay ee dowladnimada lagu hirgeliyay waayo lamid ah ayaa la jira hadda” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka. Sidoo kale waxa uu xusay in dalka uu leeyahay Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay cadow ku yihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in loo baahan yahay sidii la’isaga dul qaaday gumeystihii hore in Al-Shabaab la’isaga dul-qaado. “Cadow-beynu leenahay, dadkiina barakiciyay, leynaya, halis gelinaya. Raggii maalintaa u kacay say ugu kaceen oo dhexda u xidheen baa annaga nalaga rabaa” ayuu markale yiri. Waxa kale oo uu sii raaciyay “Marka gumeysi cad in la’iska kiciyo maahee ee kan dadkii gumaadaya ee Diinteenii sheeganaya ee midankeenana leh isna waa in la’iska kiciyo”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dalka ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan, kaas oo wajigiisa 1-aad guul weyn laga gaaray. Si kastaba, wajiga labaad oo haatan bilaabanaya ayaa qorshuhu yahay in lagu gaaro Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana kusoo biiri doono ciidan ka socda dalalka dariska. The post RW ku xigeenka dalka: Gumeystihii hore mid lamid ah ayaa hadda ka jira dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Munaasibadda 63 guurada, 26ka-June 1960-kii oo ahayd maalintii aynu xornimada ka qaadannay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska, waxa aan salaan, bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah hawada u marinayaa dhammaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin. Shacabka reer Somaliland, caawa oo kale waxa ay u tahay habeen taariikhdooda dawladnimo baal-dahab ah kaga xardhan, dhanka kale-na waxaa faan iyo taariikh fac weyn inoo ah in aynu nahay curadkii Soomaali oo dhan u horseeday madax-bannaanida & Gobonnimada. Ilaahay-na waxa aan innooga baryayaa in sannadkan iyo sannado kale oo badan innagu gaadhsiiyo, midnimo dhexdeenna ah, aqoonsi caalami ah, horumar-waara, doorashooyin xor iyo xalaal ah, Ilaahayna ku guuleeyo Shacabka Somaliland samirka iyo dhabar-adaygga ay u sameeyeen Qarankooda ay halganka dheer u soo galeen. Dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland guul iyo gallad Eebe korkiisa ha saaro. Walaalayaal, ku ciida farxad, nabad iyo hiigsi aan gudhayn, ballanteennuna waa midnimo, walaalnimo, iyo gobannimo. Source
-
“Goormaan himiladaydiyo Gaadhayaa hankaygoo Dalkaygow ku helayaa Adigoo hore u maray.” Munaasibadda 26June awgeed waxaan ugu hambalyaynayaa dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland sannad guurada 63aad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyadoodii ka qaateen gumaystihi reer Yurub. Dareenka ku aaddan habeenkaa oo ninba si u muujiyay, dhan iyo dacalna ka istaagay waxa aan ku cabbiray maansadan: Goormaan himiladaydiyo, Gaadhayaa hankaygoo, Dalkaygow ku helayaa, Adigoo hore u maray. Goormaan hammigan iyo Ladhku iga hadhaayoo, Dadkaygow ku helayaa Adigoo harraad baxay. Goormaan hiilka dunidiyo, Ictiraafka helaynnaa Hagrashada ka baxaynnaa. Goormaan horseed iyo Noqonayaa hormuudkii, Dunidu haybinaysoo, Hagayaa islaamkoon Haybaddiisa soo celin. Goormaan hirarka noloshiyo Gaadhayaa hilaaddoon, Hogashiyo barwaaqada, Hayaanka aan ku furayaa. Goormaan hanfadihiyo Hawo-raaca garanoo, Kala saari hororkiyo, Halyayga ii nasteexa ah. Goormaan hayb la kala guro, Hurgumada qabiilkiyo, Quudhsiga ka hadhayaa. Goormaan hubqaadkiyo Hiddahayga wacan iyo Huga dhaqanku leeyahay Garanayaa qofkaan ahay. Goormaan heli waxbarashiyo Cilmiga haybaddiisiyo, Edab lagu hagaagoo, Dhaqankayga hodonka ah, Da’yarta aan ka haqabtiri. Goormaan hilaabtiyo Hilayga aan ka jarayaa Macdan haabta jiiftoo, Harooyin shidaaliyo, Hogagga dahabku yuururo Dheemantaayn ku helayaa. Goormaan hooyooyinkeenniyo, Hableheennu dhigayaan, Hengefta dhiillo-sidihiyo, Hoogga tahriibku leeyahay. Goormaan haweenkiyo, Arkayaa bartbaartoo, Hurdadii ka toosoo, Odaygu heegan yahayoo, Geesiyaal horkacayiyo, Cuimadiyo haldoorkuna, Hirka muuqa dheer iyo Dunida haybsanaysoo, Hiyi qudha wadaagtoo Diintuna seeska hoosiyo Halbeegga nolosha ii tahay. Mustaqbalka oo aan hilaadshiyo Hindisiyo barbilow iyo Xasanow hogo tusaaliyo Midhkani waa iga hawraar Hadba kii talada joogee Haaneeda maandeeq hilin iyo Tusaaliyo hogseeg laga ilaashiyo Horseedehana waw toosh Anigana hibo ilaah iyo Deeq uu hodonku bixiyo Abaal aan hadhayn iyo Hadyad weeye ii taal. Hambalyo ayaan mar kale leeyahay dadkayga iyo shacabkayga qiimaha badan. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Source
-
Somalia launched a Quick Response Code Standard as part of a bid to join the global market in providing secure payment services via banking and e-commerce apps. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay munaasabadda 26 June oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa si lama filaan ah uga hadlay dagaalka weli ka socda aagga Laascaanood. Biixi ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada ka taagan Laascaanood laga soo abaabulay dibadda, isla-markaana halkaas laga geystay dil iyo dhaawac aan loo baahneyn. “Maanta dhibaatada dibadda laga soo agaasimay ayaa ku dhacday reer Laascaanood, qax aan loo baahneyn ayaa la geliyay, dil aan loo baahneyn baa dhacay, dhaawacbaa dhacay, weli la’isku weydiin muxuu noogu dhacay?” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Biixi. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidankiisa aysan marnaba weerarin Laascaanood, balse markastaa lasoo weeraray, iyaguna ay is difaacayeen. “Somaliland horay umay dilin, haddana kumay duulin waxaa dagaal dhacaayay maalin qura Somaliland weerar ma qaadin xabadna kumay horeyn, tu lagu soo riday oo daafacday mooyaanee, shalay iyo maantaa u dambeeyay madaafiic ayey nagu soo rideen” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Laascaanood ay ka dagaalamayaa ciidanka gaarka ah ee Puntland iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. “Nimanka halkaa jooga ma’aha reer Laascaanood waa ciidankii Puntland, weliba kuwii ay tababareen dowladaha shisheeye ee magaca gaarka ah la baxay ee daganaa Boosaaso, waxa kale oo joogo oo nina aan ka qarsooneyn unugyo kamid ah Al-Shabaab iyo Argagixisada oo gudaha u galay Laascaanood” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay diyaar u tahay wada-hadal, isla-markaana ay ku baaqeyso nabad iyo xabad joojin. “Waxaa ku baaqeynaa, nabad, wadadahadal xabad joojin wax taa dhaama garan meyno” ayuu khdubaddiisa kusoo gabageeyay madaxweynaha Somaliland. The post Muuse Biixi oo war lama filaan ah kasoo saaray dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Iska horimaadyo, rasaas iyo duqeymo xagga cirka ah ayaa ka dhacay caasimadda Suudaan Axaddii shalay, iyadoo dagaal u dhexeeya kooxaha millatari ee iska soo horjeeda oo ay ku barakaceen 2.5 milyan oo qof, isla markaana sababay dhibaato bini’aadanimo uu galay todobaadkii 11-aad. Goob joogayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay kordheen rabshadaha maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Nyala oo ah magaalada ugu weyn galbeedka gobolka Darfur. Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii qeylo dhaan kasoo saartay beegsiga qowmiyadeed iyo dilka dadka ka soo jeeda beesha Masalit ee ku nool El Geneina ee Galbeedka Darfur. Caasimadda Khartoum iyo El Geneina ayaa waxaa si xun u saameeyay dagaalkii 15-kii April dhex maray ciidamada Sudan iyo xoogaga RSF ee, inkastoo todobaadkii hore ay xiisado iyo iska horimaadyo ka dhaceen qaybo kale oo ka tirsan Darfur iyo koonfurta Kordofan. Dagaallada ayaa sii xoogeystay tan iyo markii heshiisyo xabbad-joojin ah oo xiriir ah oo lagu heshiiyey wadahadallo ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Sacuudiga oo ka dhacay Jeddah ay fashilmeen. PUNTLAND POST The post Dagaallo iyo duqaymo weli ka socda dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Dabaaldegga 26-ka June waa astaan qaran, waa maalinta ay xuriyadda qaateen gobollada waqooyi ee dalkeenna isla markaana ay dowlad noqdeen. British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, laakin arintaan waxaa lasoo afjaray maanta oo kale 26- June, 1960-kii. Ka hor xuriyadda gobolada waqooyi ee 26-ka June 1960-kii, waxaa jiray dhacdooyin iyo tilaabooyin ku tusniya wadinayd iyo isjaceyl dhexmaray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyi iyo koofur. 6 April 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya. Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen. Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee kan Koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. Kulanka ka dhacay Muqdisho waxaa uu ahaa mid miro dhalay, waxaana la kala tagay iyaddoo labada dhinac ay ka muuqato farxad. Dad badan ayaa qaba in kulankaas uu ahaa mid caadifad iyo walaaltinnimo ay hareysay waayo lagama hadlin sida ay labada urur ee SNL oo waqooyi ahaa iyo SYL oo ka jiray koofurta ay wax u qeybsanayaan. Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo waftiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin. 25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha. Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan. Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney, 1-dii Luulyo labo midowday. Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin. June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kana Siib Kanna Saar”. Halgaama Soomaaliyeed ayaa Gabaygaas caanka noqday codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur. Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen, leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya. 4 Maalmood 26-kii June, waxaa xuriayddii qaatay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka baxay dalka Talyaaniga uu maamulayey muddo toban sano ah. Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii. Heestan ayaa ka mid ahaa heesihii loo qaaday xuriyadda June 26keeda“Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, majo iyo madaxeen banana…waa Mahad Alle Madaxeen Banaan, waa Mahad Alle Madaxeen Banaan ” Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, dhanka waqooyiga Soomaaliya waftigii ka yimid waxaa hogaaminayey Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilal kala duwan ka qabtay dalka Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963 Ra’iisul wasaarihii dowladdii C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii. Aden Cabdulle Cusmaan oo ka soo jeeda gobollada koofurta ayaa dalka madax ka noqday xuriyadda kadib, waxaa ra’isul wasaare u magacaabay Cabdirashid Sharma arke oo isna koofurta ah. July 11, 1961, Waxaa uu Aden Cadde mar kale doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke, waxaa jirta arin xusid mudan Labadii xukuumad ee Cabdirashid Cali Sharma’arke uu dhisay, reer Waqooyi ama British Somaliland waxaa la siiyay Afar Wasiir halka Koofurta ay heleen 10 Wasiir, Waxaa intaa sii dheeraa Madaxweynaha iyo Ra’aisul Wasaaraha oo dhamaan ka soo jeeday Koofura Soomaaliya ee uu maamuli jiray gumeystaha Talyaaniga taasi oo keentay in Wasiiro badan is casilaan markii dambe uu ku jiro Wasiirka Waxbarashada Maxamed Xaaji Ibrahim Igal iyo Sheekh Cali Ismacil wasiirka gaashaadhiga. Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo xuriyadda ka hor waqooyiga dalka ka ahaa Xogheyaha guud ahaa xisbiga SNL iyo Ra’isul wasaarihii ugu horeeyay ee Somaliland ayaa Soomaaliya ka noqday dhowr wasiir iyo ra’isul wasaare laakin waxaa xiray Maxamed Siyaad Barre kadib inqilaabkii October 1969kii isagoo xabsiga ku jiray ilaa 1981dii, marka laga reebo hal sano oo India uu safiir ka ahaa. Bishii May 1988, Waxaa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dilal ka geysteen magaalada Hargeisa, taas oo keentay in dad badan ku dhintaan, ilaa iyo hadda waxaa taagan dhibaatadii maalintaas, Muqdisho kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. Hargeisa wixii 1981dii ka dambeeyay qalbiga ayey ka goosatay Muqdisho, waxaa ay bilaabeen halgan ka dhan ah dowladda Soomaaliya tiiyoo keentay markii dambe in May 18, 1991dii ay ku dhawaaqday gooni isu taag iyo Madaxbanaani. Maxamed Xaaji Ibrajim Cigaal oo wareysi bixiyay 1991-kii kadib, kana hadlay gooni isu taaggii Somaliland, waxaa uu sheegay in Midnimada labada gobol ay ku timid caadifad iyo qorshe la’aan. Aqoonyahanno badan uu ka mid yahay Maxamed Faarax oo ah qoraa ku nool magaalada Hargeisa, wax bandanna ka qoray Taariikhda Madaxdii Somaliland sida Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo goonni isu taagga Somaliland waxaa uu qabaa in Somaliland ay maalintaas dowlad noqotay isla markaana midowga iyo ka go’idda go’aanleeda labadaba ay tahay mid u taallo shacabka iyo hogaanka Somaliland. Hadda waxaa socdo wada hadal labada gobol ah, sheekada waxaa ay taagan tahay halkii 1960kii ay joogtay, weli waa ka sii adag tahay, Soomaalida, beesha caalamka iyo cid walba oo daneysa arrimaha Soomaaliya waxaa ay isha ku wada hayaan waxa ka soo bixi doona wada hadalka Somaaliya iyo Somaliland iyo halka ay natiijada noqon doonto. Ugu dambeyntii, waxaa xaqiiq ah in 26-ka June ay Maalin go’aankeeda lagu wada farxay laakin miraheed ay koox guratay?! Haddii midnimo la rabo waa in ay dhacdaa tanaasul ka yimaada koofurta, lana siiyo gobolkaas xuquuqdooda oo dhameystiran. W/D: C/casiis Gurbiye Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo. Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul. “Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Gobollada Waqooyi, waxa uuna sheegay in ay ka dhiman yihiin waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale, Munaasabadda waxaa kalmado ku aaddan qiimaha midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed ka jeediyey, Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, culimmo iyo waxgarad Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka June appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay khudbad ka jeediyey munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka. Madaxweyne Xasan ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo. Waxa uu sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul. “Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Gobollada Waqooyi, waxa uuna sheegay in ay ka dhiman yihiin waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Waxa uu soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale, Munaasabadda waxaa kalmado ku aaddan qiimaha midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed ka jeediyey, Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, culimmo iyo waxgarad Soomaaliyeed. The post Madaxweyne Xasan oo arrin xasaasi ah uga hadlay khudbaddii 26-ka June appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ogaatay halkii laga soo tuuri jiray hoobiyeyaal sanadihii lasoo dhaafay oo dhan lagu garaaci jiray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Markii ay ciidamada ammaanku ku guuleysteen inay ka hortagaan qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ee Al-Shabaab ka fuli jireen Muqdisho, waxaa ku adkaatay inay hakiyaan weerarrada hoobiyaha loo adeegsado. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan hoobiyaha ku garaacda xerada Xalane oo safaaradaha caalamka ay degan yihiin oo ku taalla aagga garoonka diyaaradaha, madaxtooyada Soomaaliya iyo xaafadaha ka agdhow. Ugu dambeyntii shalay ayuu fashilmay saldhigoodii hoobiyaha ay Muqdisho ku garaaci jireen, kadib markii ay dhowr gantaal ku soo tuureen xarunta Xalane, ciidamada ammaanka oo cabir ka qaatay halkii laga soo riday hoobiyihii shalay ayaa gudaha u galay gurigii saldhigga u ahaa kooxda. Gurigaas oo ku yaalla deegaanka Garasbaaley oo koonfur ka xiga Muqdisho ayaa loogu tegay raadka kooxda weerarrada hoobiyaha u qaabilsan Al-Shabaab iyo dhowr gantaal oo weli aan qarxin, balse waxaa lagu guul-dareystay in lasoo qabto kooxdii. Afhayeenka booliska Soomaaliya oo shir jaraa’id ku dhex qabtay gurigaas ayaa warbaahinta u soo bandhigay qalabkii ay Al-Shabaab weerarka ku fuli jireen, isagoo sheegay inay ku raad joogaan ragii joogay gurigaas oo ka baxsaday goobta inta aysan soo gaarin ciidamada ammaanka. Hoobiyeyaasha oo laga maqlay degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa isla markiiba ka howl-galay laamaha amaanka oo gaaray aaggii la rumeysnaa in laga soo tuuray, taasi waxay ciidanka u suurta-gelisay inay gurigaan helaan. Sidoo kale ciidanka ayaa gacanta kusoo dhigay mobile-dii laga qarxinayay oo wata fiilooyinkooda, sida uu sheegay Afhayeenku waxaa gurigii la wareegtay dowladda, kaas oo gacanta dowladda ku jiri doona ilaa laga soo qabto raggii weerarrada ka soo dhex abaabuli jiray, sida uu Sadiiq Doodishe shirkiisa jaraa’id ku sheegay. Weerarkii shalay ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni darro ee mararka qaar ka dhaca magaalada caasimada ee Muqdisho, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda caasimada Muqdisho. The post Sawirro: Halka laga soo rido hoobiyaha lagu weeraro XALANE oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Somali refugees are heading to the Dadaab refugee camps in Kenya to register for IDs, in hopes of securing relocation to the U.S. and other Western countries. The rush follows the creation of a program that allows Americans to sponsor refugees arriving through the U.S. Refugee Admissions Program. Juma Majanga reports from the Dadaab camps. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia—Makka Madeey Ibrahim used to have a comfortable life with her husband and seven children on a farm in Somalia’s Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Muuse Biixi, “Ciidamada Amnigeena suga naftooday inoo huraan caruurtooday u agoomeeyan dumarkooda Carmal ka noqda. Yaa ku qasbay dadka qaar ka mid ah inay u dhintaan , inta kalena ku daawato oo ku qosasho, sidaas miyaynu meel ku gaadhi karnaa? Ictiraaf miyaynu ku heli karnaa?. Hadii Inanka Yar ee suuqa jooga haduu qof waar joog yidhahdo oo gacanta qabto hooyadii oo ordaysa ayaa dagaalamaysa oo odhanaysa maxaad u qabaneysa? Waar Somaliland sidaa meel ku gaadhi mayno waa in Nabadda meel uga soo wada jeedsana.”………Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. “Culimada waajiba ka saaran inay aqoonsiga dadkooda u raadiyan, Culimada uma sinaan karaan dadkooda iyo dadka cadowga ah ee xaqooda duudsinaya.” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa ku dhawaaqay in uu furan yahay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne, xilli guddoomiyihii hore ee Cali Jeyte uu amray in diyaaradaha rakaabka aysan kasoo degi karin. Guddoomiye Surufoow ayaa sheegay in xiisadda ka taagan Beledweyne ay salka ku hayso sharciga oo aan lagu dhaqmeyn, “Haddii sharciga lagu toosnanayo oo meesha wax uu dhigo la dhigayo ma timaadeen.” “Reer Hiiraan waxaa u sheegaya haddii aad aragto qof qeylinayo labo ayay mid tahay; Wax uusan laheyn ayuu raadinaya ama waxa ka maqan uusan aqoon. Marka waxaa leeyahay dadka walaalahay ah aan nidaamka ilaalino,” ayuu yiri guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan. Waxa uu intaas sii raaciyay “Qofkii tegay si wanaagsan ha u tago, qofkii yimidna shacabkoow si wanaagsan u soo dhaweeya.” Guddoomiyaha ayaa weerar ku qaaday Xildhibaannada heer federaal ee garab istaaga u muujiyay qorshaha Cali Jeyte oo ka horyimid xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha HiShabeelle Cali Guudlaawe. Waxa uu ku dhaliilay masuuliyiintaas inay gabeen wixii loo igmaday ee dadka reer HirShabeelle u doorteen, “Waxa socda eaa wax shirko lagu yahay.” “Oohinta Orgiga waa ka weyn tahay, waxaa jira Xildhibaano walaaladeen ah oo shaqadii aan u dirsanay ee shalay maamulka HirShabeelle in iyagu maraaan sababteeda ugu gudbay dowladda dhexe, haddana dhibaatada halkaan ka jira 80% iyaga masuuliyadooda iska leh.” Guddoomiyaha magacaaban ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga horyimid maamulka cusub ee Cali Jeyte uu ku dhawaaqay dhismihiisa ee Hiiraan State, isaga oo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka cusub iyo laamaha amniga. Ugu dambeyntiina waxa uu meesha ka saaray xayiraada uu Cali Jeyte Cismaan kusoo rogay diyaaradaha rakaabka ee imaan jiray garoonka Beledweyne, islamarkaana uu furan yahay garoonka, sida uu sheegay. “Garoonka waa furan yahay, shirka jaraa’id marka ka baxno waa cadeynayna inuu furan yahay. Shirkaddii ka qeyb qaata garoonka oo aan xidhneyn inuu u dhaqmo sidii uu xidhan yahay ayagana fiiro gaar ah ayaa u yeelaneyna.” Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa ceeb nagu ah in wax dhexdeena ah Hooyo ama Aabe xanuusan u diyaarad waayo ama uga soo dego meel 120KM u jirta, taasna ceeb waaye.” Hadalkaan ayaa imanaya, xilli ay kasii dareyso xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne, kadib tallaabo uu qaaday guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolkaasi Cali Jeyte Cismaan. Cali Jeyte ayaa soo saaray amar dhigaya in muddo afar maalin ah oo ka bilaabaneysay 24 bishan illaa 28 bishaan ay joojiyeen diyaaradihii rakaabka ee kasoo dagayey garoonka Beledweyne, ayada oo muddadaas la fasaxay diyaaradaha ATMIS, kuwa samafalka ee QM iyo kuwa sida Qaadka. Si kastaba, HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, lamana oga sida ay wax noqon doonaan. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Sufuroow oo ku dhawaaqay tallaabo ka dhan ah go’aankii CALI JEYTE appeared first on Caasimada Online.
-
“Goormaan himiladaydiyo Gaadhayaa hankaygoo Dalkaygow ku helayaa Adigoo hore u maray.” Munaasibadda 26June awgeed waxaan ugu hambalyaynayaa dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland sannad guurada 63aad ee ka soo wareegtay markii ay xorriyadoodii ka qaateen gumaystihi reer Yurub. Dareenka ku aaddan habeenkaa oo ninba si u muujiyay, dhan iyo dacalna ka istaagay waxa aan ku cabbiray maansadan: Goormaan himiladaydiyo, Gaadhayaa hankaygoo, Dalkaygow ku helayaa, Adigoo hore u maray. Goormaan hammigan iyo Ladhku iga hadhaayoo, Dadkaygow ku helayaa Adigoo harraad baxay. Goormaan hiilka dunidiyo, Ictiraafka helaynnaa Hagrashada ka baxaynnaa. Goormaan horseed iyo Noqonayaa hormuudkii, Dunidu haybinaysoo, Hagayaa islaamkoon Haybaddiisa soo celin. Goormaan hirarka noloshiyo Gaadhayaa hilaaddoon, Hogashiyo barwaaqada, Hayaanka aan ku furayaa. Goormaan hanfadihiyo Hawo-raaca garanoo, Kala saari hororkiyo, Halyayga ii nasteexa ah. Goormaan hayb la kala guro, Hurgumada qabiilkiyo, Quudhsiga ka hadhayaa. Goormaan hubqaadkiyo Hiddahayga wacan iyo Huga dhaqanku leeyahay Garanayaa qofkaan ahay. Goormaan heli waxbarashiyo Cilmiga haybaddiisiyo, Edab lagu hagaagoo, Dhaqankayga hodonka ah, Da’yarta aan ka haqabtiri. Goormaan hilaabtiyo Hilayga aan ka jarayaa Macdan haabta jiiftoo, Harooyin shidaaliyo, Hogagga dahabku yuururo Dheemantaayn ku helayaa. Goormaan hooyooyinkeenniyo, Hableheennu dhigayaan, Hengefta dhiillo-sidihiyo, Hoogga tahriibku leeyahay. Goormaan haweenkiyo, Arkayaa bartbaartoo, Hurdadii ka toosoo, Odaygu heegan yahayoo, Geesiyaal horkacayiyo, Cuimadiyo haldoorkuna, Hirka muuqa dheer iyo Dunida haybsanaysoo, Hiyi qudha wadaagtoo Diintuna seeska hoosiyo Halbeegga nolosha ii tahay. Mustaqbalka oo aan hilaadshiyo Hindisiyo barbilow iyo Xasanow hogo tusaaliyo Midhkani waa iga hawraar Hadba kii talada joogee Haaneeda maandeeq hilin iyo Tusaaliyo hogseeg laga ilaashiyo Horseedehana waw toosh Anigana hibo ilaah iyo Deeq uu hodonku bixiyo Abaal aan hadhayn iyo Hadyad weeye ii taal. Hambalyo ayaan mar kale leeyahay dadkayga iyo shacabkayga qiimaha badan.” Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Hersi Cali Xaaji Xassan. “Goormaan himiladaydiyo,Gaadhayaa hankaygoo’Dalkaygow ku helayaa,Adigoo hore u maray.” Qaran News
-
Lamu (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan qof oo shacab ah ku dilay dalka Kenya, oo qaarkood ay gowraceen sida ay sheegeen booliska Axaddii. Weerarka ayaa Sabtidii ka dhacay xaafadaha Juhudi iyo Salama ee gobolka Lamu ee ku dhow xuduudda, sida ay sheegeen goobjoogeyaal iyo booliska. “Shan qof ayaa la dilay. Dhibanayaasha qaarkood waa la gowracay,” ayey yiraahdeen dadka deegaanka. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Hassan Abdalla ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay “Haweenka guryahooda ayaa lagu xiray, raggana waxaa la amray inay soo baxaan, halkaasi oo gacmaha laga xiray kadibna la gowracay.” Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa arday dhigta dugsiga sare, sida uu sheegay Hassan, oo intaas ku daray in “dhammaan dadka la dilay cunaha laga jaray, qaarkoodna la gowracay.” Ismaaciil Xasan oo isna dadka deegaanka ka mid ah ayaa sheegay in mintidiinta ay xadeen sahay cunto kahor inta aysan bixin ayaga oo rasaas kor u ridaya. “Waxaan xoojinay amniga aagaas kadib weerarka,” waxaa sidaas yiri barasaabka Lamu Louis Rono. Kooxda Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay ku dishay 6 qof oo Kenyan ah, kuna gubtay 10 baabuur. Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarka uu jawaab u yahay xasuuqa ay ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii dhowaa aad u xoojisay weerarada ay ka fuliso gobollada Kenya ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya. Bishan gudaheed, sideed sarkaal oo boolis Kenyan ah ayaa dhintay markii gaarigooda uu haleelay qarax ay dhulka ku aaseen Al-Shabaab, meel u dhow magaalada Gaarisa. Kenya iyo Soomaaliya ayaa bishii tagtay isku raacay inay si aayar dib ugu furaan saddex bar oo ka mid xuduudda dhulka ee ay wadaagaan oo la xiray 2011 si wax looga qabto rabshadaha Al-Shabaab. The post Al-Shabaab oo shan qof ku gowracay gudaha Kenya kadibna shaacisay sababta appeared first on Caasimada Online.
-
63 sano ayaa laga joogaa 26 June 1960 oo ku beegan maalintii ay Xornimada ka qaateen Ingiriska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, sidoo kalena aheyd markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed. munaasabadaasi waxaa iyadana xigtay kowdii Luulyo oo goboladii Koonfureed heeryadii gumeysigii Talyaaniga ka xoroobay iyo isku biiridii walaalahoodii Waqooyi, halkaasina ku abuurantay Jamhuuriyadii Soomaalia. Waayahaasi adkaa ee lasoo maray 63 sano kahor, Guushii Israacii iyo Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur 1960-kii waxay niyad jab ku noqotay xiligaasi Gumeystihii Ingriiska oo markaasi dareemay wada jirka Soomaali ay dooneyso iney ku wada noolaadaan, waxaase Ingiriiska kasii darnaa Boqorkii Itoobiya ee Xeyle Sallaare oo markii uu maqlay Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur, beesha caalamka u muujiyay sida uu ugu xun yahay israaca labada Gobol. Boqor Xeyle Sallaase kuma ekaan inuu ka xumaado kaliye israaca Muqdisho iyo Hargeysa wuxuu Midowgii Sofiyeeti iyo Mareykanka weydiistay taageero Milateri si uu uga gaashaanto halista ugu imaan karto Israaca Muqdisho iyo Hargeysa, wuxuuna ka dalbaday Xeyla Sallaase Mareykanka, Ingiriiska iyo Ruushka iney caqabad ku noqdaan israaca Labada Gobol. Halgankaasi dheer ee loo soo maray iyo marxaladaha ay maleegeen Dowladdaha deriska iyo kuwa caalamka waxaa maanta horseedaya hadimadii Xeyla Sallaase oo kale mashruuca Federaalisimka ee lagu soo dhex tuuray Soomaalida, kuwa sida qaldana u adeegsanaaya oo ka biyo diidsan Soomaali mideysan awoodeedii leh, Laabtana ka jecel Gooni isu maamulka sida Somaliland. Burburkii dawladnimadii Soomaaliya kadib, waxaa dalku uu soo maray marxalado kala duwan, burbur, hoggaamiye kooxeedyo, kooxo diineed iyo dowladdo jilicsan oo lugaha ay qabsadeen siyaasiyiin iyo maamul goboleedyo qabyaaladeysan ee magac ahaan badalay qabqablayaashii dagaalka iyo faragelinta shisheeyaha iyo dalalka deriska. Goboladii Waqooyi oo iyagana tashaday waxay ku dhawaaqeen inay yihiin dowlad madax bannaan oo 30 sano ay ku dhibtoonayaan aqoonsi aan ilaa weli u cadeyn inay helayaan. Soomaaliya oo isla garatay in ay qaadato nidaamka Federalism-ka lagu soo dhex tuuray ee halbeeggana loogu dhigay maamul siyaasadeedka dalka ayaa wuxuu noqday mixno fidno ah ee la eeday. Asalkiisu wuxuu nooga yimid Shirkii Embagathi ee Meles Zenawi ku andacoonaayay inuu Soomaali halkaasi uga soo dhisay maamul federaal ah oo Ethiopia laga soo min guuriyay. Soomaalida oo aan wax faham ah ugu bilaabnayn “Waa maxay Federalism, iyo what is Federal System” ayaa lagu yiri qaata isku maamula. Puntland oo ku andacoota inay tahay hooyadii Federaalka ayaa caqabada koowaad ee awood sheegashada iyo sida qaldan u fasiraneysay 14-kii sano lasoo dhaafay marna ku goodineysay inay tashan doonto. Soomaaliyada maanta, waa kasoo kabaneysaa sidii hore, waxaa muuqato yadadiilo iyo horumar dhan walbo leh, waxaase aan la qaadan karin dastuurada qaldan ee maamulada habka qabiligi ku dhisan, arrimaha Federalismka iyo kala qeyb qeybsanaanta dowladda dhexe iyo maamulada qabiliga qaar ee Federalismka u arka xalkooda. Ugu danbeyntii, 63 sano Soomaaliya oo xor ah, waxaa muuqata rajo aan horay u muuqan, inkastoo caqabada xiligaan jirta aanu dhihi karno amni darada ka imaaneysa kooxaha xagjirka dhiiga shacabka caadeystay inay daadiyaan iyo nidaamka musuqa ku dhisan ee weli dalka ka jira, balse dowladda bilowday inay la dirirto, waxaase muwaadinka Soomaaliyeed isweydiinayaa yaa la diriri doona madaxda sare ee musuqa ku macaashay? Hambalyo 26- June iyo maalmaha Xorriyadda Cali Muxiyaddiin Cali Caasimada Online The post 26-ka June: 63 sano kahor: Xeyle Sallaase iyo israacii Hargeysa iyo Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
