-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) - Somali military court on Sunday handed down prison sentences to three government soldiers involved in the torture and dissemination of a video on the internet. The disturbing video depicted a former disabled soldier being beaten by one of the convicted individuals while the other two soldiers shared the CCTV footage with social media influencers. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay xukunno ay maanta maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka ku ridday laba askari oo faafiyay muuqaal si weyn u qabsaday baraha bulshada, kaas oo ku saabsanaa jirdil loo geystay wiil dhalinyaro ah. Muuqaalkaas ayaa laga dheehan karayay askar jirdil ka baxsan bini’aadanimada u gaysanaya askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay xarunta Taraafikada ee magaalada Muqdisho. Xukunka labada askari ee faafiyay muuqaalkaas ayaa qeyb ka ahaa xukunno ay maanta maxkamadda ciidamada ku riday askar lagu helay falka jirdilka ee ka dhacay xarunta Taraafikada ee magaalada Muqdisho. Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ayaa isna lagu helay in muuqaalka uu bixiyay, islamarkaana uu la wadaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif oo ah ninka kusii baahiyay baraha ay ku wada xiriirto bulshada ee Internet-ka. Labadan nin ayaa sidoo kale lagu xukumay min laba sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale feer celin. “Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maxkamadda. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Cumar Naaji: “Maxkamadu waxay dhiiri-galinaysaa tacadiyada ka dhaca xarumaha dowlada in aan lasoo bandhigin oo dhibkaas iyo kuwa ka daranba la qariyo Ilaahay ayaa noo maqan.” Shariif Axmed Nuur ayaa isna yiri “Labada askari waxa ay aheyd in la dalacsiiyo maaheyn in loo qaato fadeexeyn waana mudnaayeenba in bulshadu aragto waxa halkaas ka jira.” “Dalkeena wali garsoor iyo cadaalad kama jirto waa uun iska awood sheegasho, kii danbiga galay iyo kuwii inuu danbi galay shacabka iyo maxkamada tusay 3 sano iyo 2 sano lagu kala xukumay!!. Qof Soomaali ah sidee ugu dhiiran karaa danbi uu arkay inuu soo sheego?,” ayuu yiri Liibaan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xukunka maxkamadda. Warda Cabdiraxmaan Caseyr ayaa tiri: “Kuwa muuqaalada baahiyey abaal marin ayey mudnaayeen sidee ila tahay laakiin waa ka xumahay.” Aadan Bulaale ayaa isna yiri: “War dulmi badnidiinaa nimanka muuqaalka baahiyay daaya. Ilaahey ma taqaaniin miyaa.” “Muuqaal aad faafisay 2 sano oo xabsi ah ha kuu horseedo waa cashar nololeeed,” ayuu yiri Muumin Raage Axmed. Maxamed Cali Diiriye oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa yiri “Macnaheedu waxay tahay haddaanu muqaalkaasi dibadda usoo bixi lahayn muwaadinkaasi caddaalad ma heleen!.” Cabaas Sheekh Cismaan: “Cadaalad ma ahan xukunkaan fal dambiyeed badan aya ka jira xarumaha dowlada yaa la sheegin miyaa laga wadaa teeda kale Social Media-ha kiiska la keeno ayaa wax laga qabtaa, midaas ayaana ku riixday inay halkaas kuso gudbiyaan dhacdada.” Suldaan Samawade Suldaan ayaa isna yiri “Waxaa hubaa hadii lala wadaagi lahaa hay’adaha xeer ilaalinta in aan waxba laga soo qaadeen oo horay looga socon lahaa, maxaa ku jaban hadii bulshada lala wadaago mise in la qariyaa rabteen oo meesha lagu baabiiyo markii shacabkii ay kaceen ayaa xukunka rideen.” “Ninkii ninka naafada ahaa dilayay iyo nimankii bulshada tusay isku xukun miyaa laga dhigay allow hana badin cadaalada maxkamadahaas oo aan wax iska badalin,” ayuu yiri Cabdinaasir Maxamed Jimcaale. Cabdullaahi Saciid: “Ninka CCTV hadii uusan samayn lahayn arinkaan ma umalaynayo in uu cadaalad heli lahaa ninkaas curyanka ahaa ee la dulmiyey.” “Qofkii soo bandhigo tacadi iyo dhibaato ka jirto xafiis dowladdeed waa la xakumaa, halkii laga abaalmarin lahaa oo kuwa falkaas gurucan geystana laga ciqaabi la haay. Tani ma ahan kaliya xukun lagu riday labo shaqsi ee waa fariin ku socota shacabka oo leh ‘war afaaraheena ka baxa haddii kale waa la idin maxkamadeynaa,” ayuu yiri Yaasir Saciid. The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabo ay qaaday maxkamadda ciidamada appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu magacaabid iyo Isku-Bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Maxamed Cilmi Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. In aan Guddomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. In Xasan Daahir Xaddi Abraar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. In Bashiir Sheekh Cumar Good laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Safiirka Dalalka Maraykanka iyo Kanada u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
M/weyne Muuse Biixi oo xilal Cusub u magacaabay ………. 1. In Maxamed Cilmi Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. 2. In aan Guddomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. 3. In Xasan Daahir Xaddi Abraar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. 4. In Bashiir Sheekh Cumar Good laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Safiirka Dalalka Maraykanka iyo Kanada u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
-
2 Saudi sisters committed suicide together 2 Saudi sisters, Asra Abdullah Alsehli (24) and Amaal Abdullah Alsehi (23), committed suicide together in their apartment in Australia. Moving to Australia Asra and Amal moved to Australia in 2017 with savings of $5,000, and in 2022, they applied for asylum. In their applications, Asra claimed to have been an atheist, while Amaal said she was a lesbian. As atheism and LGBT are against Islamic law and punished in Saudi Arabia, the girls feared going back. Asra Abdullah Alsehli, 24, (left) and Amaal Abdullah Alsehli, 23 (right) were found dead inside their Canterbury unit in the city’s south-west on June 7, 2022. They were continuously receiving money from their family until February 2022. The sisters received a last payment of more than $4,400 from the family in Saudi Arabia on February 3, 2022. The girls also drove a black BMW coupe, usually costing $38,000. Why did they commit suicide? According to Australian police, the two sisters remained inside their apartment from late February. It was because they had not been receiving money. They had an unpaid rent of $5,000. The police visited them several times to remind them they would be kicked out of the apartment if they failed to pay rent. Ultimately, it seems they committed suicide in April 2022, but no one knew about their death. When the police arrived in June 2022 for the eviction of their flat, they found both dead in their apartment. They were in their separate rooms, lying dead on their beds. How did they die? They might have taken sufficient pills for them to die, as no traces of chemicals are found inside the unit. Moreover, the pill taken cannot be detected after two months of taking as its traces from the body disappear. The dead bodies of both sisters had been sent to Saudi Arabia, and police will investigate the reasons for their death. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay kasii dartay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne, kadib tallaabo uu qaaday guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolkaasi, Mudane Cali Jayte Cismaan. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in la xiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, kadib warqad kasoo baxday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan. Cali Jayte ayaa amray in muddo 4 maalin ah oo ka bilaabaneysa 24 bishan oo maanta ku beegan ilaa 28 bisha ay joojiyeem diyaaradihii rakaabka ee kasoo dagayey garoonkaaasi. Dhanka kale, waxaa la fasaxay oo kaliya muddada afarta maalin ah diyaaradaha ATMIS, kuwa samafalka ee QM iyo kuwa sida Qaadka. Amarkan ayaa saameyn ku yeeshay shacab fara badan oo maanta u kala safri lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne, kuwaas oo ka baaqday safarkooda, maadaama la joojiyay dhamaan diyaaradaha. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo Sabtidiid shalay ay HirShabelle shaacisay inay ATMIS kala hadashay xoojinta amniga garoomada ku yaalla deegaanada maamulkaasi, si aysan u saameyn isku dhacyada iyo khilaafka haatan jira. “Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shir ay yeesheen Golaha Wasiirads HirShabelle Gudoomiyiihii xilka laga qaaday ee Cali Jayte Cismaan ayaa horay ugu dhowaaqay in diyaarad sidda mas’uul ka tirsan HirShabelle aysan ka dagi karin garoonka magaaladaasi, isaga oo wacad ku maray in uu soo ridayo, haddi ay isku deydo inay soo degto. HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdahan ay uga sii darayaan dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi. The post Xiisadda Beledweyn oo kasii dirtay iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamulka HirShabelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo ka qayb-galay shir xasaasi ah oo Golaha Wasiirada HirShabelle ku yeesheen magaalada Jowhar ayaa sheegay inuu kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidanka ATMIS. Wasiirka ayaa golaha la wadaagay inuu howlgalka ATMIS kala hadlay amniga garoomada ku yaalla deegaanada HirShabelle, maadaama ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu kala hadlay adkeynta amniga garoomada, si looga hortago qalqal amni oo ka dhaca, madaama mararka qaar uu yimaado isku dhac. Waxaa kale oo uu wasiirku shirka kusoo bandhigay warbixin ku aadan howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. “Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka. Intaas kadib Golaha Wasiirada HirShabelle ayaa taageeray qodobkaas, waxa ayna soo jeediyeen n la dardargeliyo wada shaqeynta iyo dhaqan-gelinta xoojinta nabadgalyada garoomada diyaaradaha ee ku yaalla deegaanada maamulkaasi. Arrintan ayaa daba socota tallaabadii uu qaaday guddoomihii hore ee gobolka Hiiraan, Miudane Cali Jayte oo ku dhawaaqay in diyaarad sidda mas’uul ka tirsan HirShabelle aysan ka dagi karin garoonka magaaladaasi, isaga oo wacad ku maray in uu soo ridayo. HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay xilka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdahan ay uga sii darayaan dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi. The post HirShabelle oo ATMIS kala hadashay hal arrin, kadib tallaabadii Jayte appeared first on Caasimada Online.
-
Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada. Waxaa lagu xukumay Seddax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin. Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin. Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka. Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa u sheegay warbaahinta xukunkan, isaga oo sheegay inaan la aqbali karin in ciidanku hubka ay ku cabsi galiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maalintii labaad ayaa dagaal ka socdaa magaalada Laascaanood. Dagaalka ayaa maanta ka duwan kii shalay iyadoo madaafiicda kala duwan laysu adeegsanayo, dhinaca waqooyiga uu u badan yahay. Magaalada ayaa laydh la’aan ah iyadoo ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen madaafiicda waayirada dabka magaalada soo gaadhsiiya. Ma jiro khasaare nafeed oo weli la ogyahay. Source
-
Labada maalqabeen ee iska leh baraha bulshada ee ugu saameynta weyn dunida, Mark Zuckerberg iyo Elon Musk ayaa isku balansaday inay feedhtamaan. Labada nin ee ugu taajirsan tiknoolijiyadda dunida ayaa ku balamay goob qafilan oo ciyaarta feedhka iyo legdanku ka dhaco. Musk ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu “diyaar u yahay dagaal kadhaco goobta qafilan” isaga iyo Mr Zuckerberg. Zuckerberg, oo ah madaxa shirkadda leh Facebook iyo Instagram ee Meta, ayaa dabadeed soo dhigay sawir uu Mr Musk soo dhigay bartiisa twitter-ka wuxuuna ku soo dul qoray “isoodir goobta aad joogto”. Musk 52 sano jir noqonaya dhammaadka bishan ayaa markaas ugu jawaabay qoraalka Mr Zuckerberg in uu joogo “Vegas Octagon.” Waxa uu goor dambe faafiyay muuqaal loo fahmay in uu ku muujinayo in farrintiisu kaftan tahay. “Weligey ma sameeyn jimicsi aan ahayn in aan carruurteyda kor u qaadqaado oo aan kor u tuurtuuro,” ayuu yidhi. Laakiin Zuckerberg oo 39 jir ah waxa uu muddo dheer baranayay feedhka iyo laaga, isaga oo dhawaan ku guuleystay tartan sare. balse haatan war kasoo kordhay mulkiilaha Twitter ayaa sheegay in uu haatanba diyaar garoobayo. Elon Musk ayaa sheegay sabtida inuu bilaabi doono tababarka hadii uu qaabeeyo dagaalka isku dhafka ah ee fanka kadib markii uu ka xanaajiyay ninka maalqabeenka ah ee Mark Zuckerberg. Milkiilaha Twitter-ka Musk ayaa Talaadadii soo dhigay bartiisa twitter-ka inuu u diyaar garoobay ciyaar ka dhacda Las Vegas taas oo kala dhaxaysa Zuckerberg, oo ah maamulaha shirkadda Meta (META.O), kaasoo ku tababartay jiu-jitsu. “Weli ma bilaabin tababarka. Markaa haddii ay tani dhacdo, waan sameyn doonaa,” Musk ayaa ku yidhi hadal uu ku soo qoray Twitter-ka. Ciyaarta “waxaa laga yaabaa inay dhab ahaantii dhacdo” ayuu yidhi Musk isagoo ka qaybgalaya xaflad dhalasho oo Yurub ah, isagoo intaas ku daray inay suurtagal tahay inay si xun u dhacdo haddii Zuckerberg uu si dhab ah u qaato ciyaarta. Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta mar kale dagaal culus uu ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo dadka deegaanka. Dagaalka oo galay maalintii labaad oo xiriir ah, soona billowday shalay ayaa lagu soo warramayaa inuu ku sii fiday deegaano horleh oo ku yaalla waqooyiga magaaladaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay barbar socoto duqeyn xoogan, taas oo sii adkeyneysa xaaladda adag ee ka jirta halkaasi. Sidoo kale xaaladda magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay cakiran tahay, isla-markaana ay koronto la’aan tahay, taas oo ay waxyeelo gaarsiiyeen madaafiicda. Duqeynata ayaa sidoo kale saameysay goobo kale sida dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Telesom, meelo kale oo isbitaalka guud ka mid ah, meel kayd u ah shirkad gaaska iibisa iyo guryo aad u badan. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, balse labada dhinac ayaa weli is weydaarsanaya hub culus iyo sidoo kale hoobiyeyaal. Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda magaalada Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta. Dagaalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray. The post Dagaal culus oo maalintii labaad ka socda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal aad u xooggan ayaa saaka oo Axad ah ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC-Khaatumo ayaa ka socda jihooyin kala duwan oo kamid ah duleedka Laascaanood. Deryanka noocyada kala duwan ee hubka oo ay ku jiraan qoryaha waaweyn ayaa laga maqlayaa furimaha dagaalka sida ay soo sheegayaan dadka degaanka. Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale duqaymo ku garaacaya gudaha Laascaanood inkastoo aan weli xog sugan lag helin khasaaraha ka dhashay. Labada dhinac oo muddooyinkii u danbeeyay ku jiray diyaar-garow dagaal waxaana Somaliland isku dayaysaa in ay dib u qabsato Laascaanood halka SSC doonayaan in ay ciidamada Somaliland ka qabsadaan Gooja-cadde. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo dib uga qarxay duleedka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa magacaabay mas’uuliyiin cusub, isaga oo shaqada ka eryay kuwo kale, Isbedelkaan ayuu Deni ku sameeyay agaasimeyaasha dhowr wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda uu hoggaamiyo. Waxaa uu agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Maaliyadda, Maareynta Musiibooyinka, Xanaanada Xoolaha, arrimaha gudaha, qorsheynta, deegaanka, beeraha iyo wasaaradda Kalluumeysiga, isaga oo xilka ka qaaday goddoomiyaha gobolka Nugaal. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxaa uu magacaabay taliyaha ciidanka Danab ee Kumaandooska, iyadoo loo magacaabay Gaashaanlle Dhexe Qaasim Jaamac Shire, ciidankaan ayaa hormuud u ahaa gadoodkii lagu diidanaa damiciisa muddo kordhiska ah iyo furista Dastuurka. Badi Sharkhsiyaadka loo magacaabay xilalka ayaa kasoo jeeda gobolka Nugaal, waxaana loo arkaa in arrintaan uu Deni isaga yareynayo xaaladda Siyaasadeed iyo amni ee kaga furan caasimadda, taas uu ka dhacay dagaal sababay geerida 30 ruux iyo dhaawaca tiro kale oo shacab iyo ciidan ah. Madaxweyne Deni ayaa shakhsiyaadka uu sidoo kale xilalka ka xayuubiyay waxaa la tuhunsan yahay in ay xiriir dhow la leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwaas oo saameyn badan ku lahaa magacaabistoodii hore kuwa hadda shaqada laga wada eryay ee agaasimeyaasha iyo xubnaha kale leh. Magacaabista xubnahaan ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli muddo xileedka madaxweyne Deni uu gabagabo uu yahay, isaga oo waqtiigiisa u egyahay 8 January 2024, marna madhicin in waqtigaas ay dib uga dhacdo, waxaana ay aheyd cufi soo taagnaa tan iyo aasaaskii Puntland sanadkii 1998-kii. Magaabistaan iyo shaqo ka eryidda uu sameeyay ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli madaxweyne la doonayay in lasoo horfariisiyo xoogagga mucaaradka ah, waxaana arrintaan garwadeen ka ahaa Isimada dhaqanka Puntland, kuwaas oo u istaagay xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland. Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland waxaa dhowaan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidanka maamulkaas, kaas oo ka bilowday go’aankii golaha wakiillada ee furista dastuurka iyo wax ka badelkiisa oo ay mucaaradku ay ka biyo diideen 30 ruux ayaa dhimatay iyo dhaawaca tiro kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hoggaamiyaha Wagner ayaa sheegay inuu xoog ku qabsaday “dhammaan xarumaha militeriga” ee magaalada Rostov-on-Don ee koonfurta Ruushka. Sheegashada Yevgeny Prigozhin waxay ka cadheysiisay madaxweyne Putin oo ku tilmaamay “dhabar ka toogasho” wuxuuna ballanqaaday inuu ciqaabayo kuwa “khiyaamay” Ruushka. Prigozhin wuxuu sheegay in u jeedkiisu aheyn “afgambi militri balse ay aheyd mid cadaaladeed” taas oo timid kaddib dagaal dheer oo ay la galeen madaxda militiriga oo sii xoogeystay. Kooxda Wanger waa calooshood u shaqeystayaal ka dhinac dagaallamayaya militeriga Ruushka ee Ukraine. Waxaa lagu qiyaasay in kumannaan Wanger ah ay halkaas joogaan. Qeyb weyn ayey ka qaateen dagaalka dheer ee hantida badan ku baxday ee ciidamada Ukraine lagaga qabsaday magaalada Bakhmut. Kooxda waxay isku tilmaamaan “shirkad militeri oo gaar loo leeyahay”, balse dowladda Ruushka ayaa dhawaan qaadday tallaabooyin loo arkay inay ku xakameyneyso. 23-kii Juun ayuu Prigozhin sheegay in qiilka u yeelayo Ruushka dagaalka Ukraine aanu sal laheyn ee uu yahay mid uu wasiirka difaaca Sergei Shoigu sumcaddiisa kor ugu qaadayo. Magaca sida rasmiga kooxda loogu yaqaan waa PMC. Markii ugu horreysay waxaa la ogaaday 2014-kii markaas oo ay caawinayeen goonni u goostada Ruushka taageersan ee bariga Ukraine. Markaas waxay ahaayeen koox qarsoodi ah oo inta badan ka howlgala Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaana loo haystay inay gaarayaan 5,000 oo dagaalyahan, intooda badan ay ahaayeen ciidamadii hore ee Ruushka. Ilaa markaa kaddib si weyn ayey u xoogeysteen. “Askarta Wanger ee hadda jooga Ukraine waa 50,000, muhiim ayeyna u yihiin dagaalka Ukraine. Wasaaradda Difaaca UK ayaa sheegtay bishii Janaayo in kooxda ay qorteen dad badan 2022-kii sababtoo ah Ruushka ayey dhibaato ka haysatay ciidamadooda joogtada ah. Ku dhawaad 80% ciidamada Wanger ee Ukraine xabsiyada ayaa laga soo saaray sidaasina waxaa sheegay horraantii sanadkan golaha ammaanka u qaabilsan Mareykanka. Inkastoo calooshood u shaqeystayaasha aysan sharci ka aheyn Ruushka haddana kooxda Wanger waxaa loo diwaangeliyay 2022-kii shirkad ahaan, waxayna xarun cusub ka furteen St Petersburg. “Si cad ayey magaalooyinka Ruushka askar uga qoranayaan, waxayna warbaahinta Ruushka ugu yeeraan urur wadani ah”, ayuu yidhi Dr. Samuel Ramani oo ka tirsan machadka RUSI. Sidee lagu dhisay kooxda Wanger? Baadhis ay BBC-da ku sameysay kooxda Wanger ayaa muujisay inuu ku lug leeyahay Dmitri Utkin oo hore uga tirsanaa militeriga Ruushka. Waa askari hore uga soo qeybgalay dagaalkii Chechnya. Waxaana la aaminsan yahay inuu ahaa abaanduulihii ugu horeeyay kooxda la magacaabo. Hoggaamiyaha kooxda hadda Prigozhin waa ganacade lagu naaneeso “cunto kariyaha Putin” sababtoo ah Kremlin-ka ayuu u qaabilsanaa cuntada. “Howlgalkii ugu horeeyay Wanger waxay Ruushka ka caawiyeen inay qabsadaan Crimea 2014kii”, ayey tiri Tracey German oo jaamacadda Kings College London ka tirsan. Maxaa sababay inay isku dhacaan Wagner iyo taliyayaasha militeriga Ruushka? Prigozhin ayaa dhawaan wasiirka difaaca Shoigu iyo taliyaha ciidanka Ukraine ka dagaallamaya Valery Gerasimov ku eedeeyay karti la’aan iyo inay sahayda kooxda Wagner hoos u dhigeen. Wasaaradda difaaca ee Ruushka waxay hadda sheegtay “qaabka mutadawacnimada” ee Ukraine lagu tagayo waa in iyaga heshiis lagula galaa ilaa dhammaadka Juun. Balse Prigozhin ayaa soo saaray qoraal uu ku diidayo isagoo ku dhawaaqay in ciidamadiisu qaadacayaan heshiiska. Halkee kale ayey ka howlgalaan kooxda Wagner?. Ilaa 2015kii waxay kooxda joogeen Suuriya iyagoo ka dhinac dagaallamayay ciidamada dowladda. Sidoo kale kooxda waxay ciidamo ka joogeen Libiya kuwaas oo taageerayay ciidamada Janaraal Khalifa Hafter. Jamhuuriyadda Afrikada dhece (CAR) ayaa ku casuuntay kooxda inay ilaaliyaan gododka macdanta laga qodo, waxaana la aaminsan yahay inay ilaaliyaan gododka macdanta ee Sudan. Dowladda Mali ayaa kooxda Wanger u adeegsaneysa inay kula dagaallanto xagjiriinta. Prigozhin waxaa la rumeysan yahay inuu lacag ka sameynayo howlgallada Wagner. Mareykanku waxay sheegeen in joogistiisa ay hanti badan soo gelineyso shirkadihiisa. Dambiyo ceynkee ah ayaa kooxda Wagner lagu eedeynayaa inay galeen? Bishii Janaayo, taliye hore ayaa dalka Norway magangalyo ka dalbaday kaddib markii uu ka soo baxay kooxda. Wuxuu sheegtay inuu goobjoog u ahaa dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine. Saddex xubnood oo kooxda ka tirsan ayey Ukraine ku eedeysay inay jirdil iyo dilid ugu geysteen rayid meel u dhow Kyiv bishii Aoril 2022-kii. Sirdoonka Jarmalka waxay sheegeen in sidoo kale lagu eedeynayo calooshood u shaqeystayaasha Wanger ee Jooga Jamhuuriyadda Afrika Dhexe inay galeen kufsi iyo dhac rayid loo geystay. Sanadkii2020-kii waxay Mareykanka ku eedeeyeen kooxda inay miinada dhulka iyo qaraxyo kale ka geysgteen meel u dhow caasimadda Libiya ee Tiroli. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xoojisay ammaanka Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxayna ka billowday howlgallo culus. Ujeedka ayaa ah u diyaar garowga maalmaha xoriyadda iyo munaasabadda Ciidul Adxaa oo haatan nagu soo foodleh. Caawa ayaa la filayaa in la qabto munaasabadda 26-ka June oo loogu dabaal-dagayo marka ay xornimada qaateen gobollada waqooyi oo hadda la yooqaano Somaliland. Ciidamada ammaanka oo ka duulaya munaasabadadaasi isku soo aaday ayaa howlgallo ka bilaabay gobolka Banaadir, kuwaas oo ay saraakiishu sheegeen in lagu sugayo amniga. Wararka ayaa sheegaya in xalay ciidamada Booliska ay gaareen degmooyinka Dayniile iyo Heliwaa, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaano dad lagu soo qab-qabtay. Sarkaal u hadlay Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday ujeedka howlgalkooda, isaga oo tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan caasimada. “Maalmaha xoriyadda iyo ciida ayaa kusoo foodleh dhammaan dadka Soomaaliyeed, waxaana adkeyneynaa amniga Muqdisho” ayuu yiri saraak ka tirsan ciidanka Booliska. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socday howlgallo guud oo lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagu dagaalamayo burcadda iyo maan dooriyaha. The post Daawo: Amniga magaalada Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay + UJEEDKA appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (HOL) - The Ministry of Defence of Somaliland issued a press release on Saturday fervently condemning recent attacks on its National Army in the Sool region. Somaliland implicated the allied Puntland Administration of Somalia, terrorists, and anti-peace groups as the culprits behind the assault. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka ayaa maanta xukuno ku ridday saddex askari oo lagu helay kiis xasaasi ah oo si weyn u qabsaday baraha bulshada, kaas oo ku saabsanaa jirdil loo geystay wiil dhalinyaro ah. Mid kamid ah askartan oo lagu magacaabo, Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay xarunta Taraafikada ee magaalada Muqdisho. Ninkan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah iyo feer Celin, sida ay shaaca ka qaaday maxkamadda ciidamada. Sidoo kale waxa ay maxkamadda xukuntay laba askari oo kalo oo lagu helay inay faafiyeen muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo maxkamadda kasoo muuqday. Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ayaa isna lagu helay in muuqaalka uu bixiyay, isla-markaana uu la wadaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif oo ah ninka kusii baahiyay baraha ay ku wada xiriirto bulshada ee Internet-ka. Labadan nin ayaa sidoo kale lagu xukumay min laba sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale feer celin. “Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay maxkamadda. Maxkamadda ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay in raggan ay heystaan fursad kale oo ay racfaan ku qaadan karaan, haddii aysan ku qanacsaneyn xukunka maanta lagu ridday. The post Maxkamadda ciidamada oo xukuntay saddex askari oo lagu helay kiis xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka arrimaha Gudaha ee XFS ahna Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda mudane Ahmed Cali Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay isku dubaridka munaasabadaha isa-saaran ee nagu soo fool leh barri ay ugu horeyso. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), xubnaha guddiga muunaasabadda 26-Juun,1-Luuliyo iyo Ciidul Adxa ay ka warbixiyeen sida loogu diyaar garoobay. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa maalmaha todobaadka Xoriyadda iyo Ciidul Adxa oo isku soo aaday waxaana sidoo kale bulshada laga dareemayaa qaabka ay usoo dhoweynayaan, iyadoo caasimadda ay ka socdaan olole Nadaafadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo qaaday tallaabo culus ayaa sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis deg deg ah, kadib wareegtooyin uu soo saaray. Deni ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal, isaga oo dhammaan xilalkii ka qaaday guddoonkii hore ee gobolkaasi oo ay haatan ka jirto xiisad siyaasadeed oo xoogan. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal ayaa waxaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Abshir Faarax, halka ku xigeenkiisa 1-aad uu yahay Mukhtaar Faarax Jeer, waxaana ku xigeenka labaad ah Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir). Wareegtada ayaa lagu sheegay in sababta isbeddalkan loo sameeyay ay tahay baahi loo qabo dardargelinta maamulka gobolka Nugaal, si horay loogu wado howlaha maamulka. Sidoo kale waxaa lagu sheegay in xubnaha cusub ee la magacaabay lagu xushay aqoon iyo waayo aragnimo shaqo oo ay leeyihiin. “Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal, Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey:- Waxaa Cabdiraxamaan Abshir Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Waxaa Mukhtaar Faarax Jeer loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal Waxaa Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay” ayaa lagu yiri wareegtada. Waxaa sidoo kale G]guddoomiyaha cusub ee gobolka Gardafuu isna waxaa loo magacaabay Cumar Cismaan Saciid, sida lagu sheegay wareegto kale oo ay soo saartay madaxtooyada. Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa isbeddal ballaaran ku sameeyay taliyeyaasha qeybaha booliska ee gobollada Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag. Gaashaanle Sare Maxamed Cali Axmed loo magacaabay Taliyaha guud ee Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal. Waxaa isna G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Taliyihii hore Qaybta Boliiska Gobolka Nugaal isna loo beddalay Taliyaha Qabta Boliiska Gobolka Karkaar. Waxaa sidoo kale Gaashaanle Sare Aadan Axmed Cali loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Sanaag, halka Gaashaanle Sare Fu’aad Maxamud Xuseen loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Gardafuu. Dhammaan tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Puntland haatan ay wajaheyso xaalad cakiran oo ka dhalatay muranka doorashada oo shaki ay ka qabaan mucaaradka. The post DENI oo tallaabo CULUS qaaday kadibna sameeyay.. appeared first on Caasimada Online.
-
Yevgeny Prigozhin, the head of the Wagner paramilitary group, has agreed to leave Russia for Belarus, the Kremlin said Saturday, in a deal apparently brokered by Belarusian President Alexander Lukashenko that ends an armed insurrection, which marked the gravest threat to Russian President Vladimir Putin’s authority in decades. Source: Hiiraan Online
