Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dagaal la isu adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka ayaa ka dhex qarxay saaka ciidamada Somaliland iyo kuwa maleeshiyaadka ku dagaalamaya Laascaanood sida ay sheegayaan wararka imanaya magaalada Laascaanood. Lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalka bilaabmay subixii hore, aya la isu adeegsaday madaafiic, iyada oo aanay weli ka hadal labada dhinac. Dagaalka ayaa weli soconaya , waana kii cuslaa muddo bilood ah , sida ay wararka sheegeen maaha dagaal ay si toos labada ciidan isaga hor yimaadeen , laakiin waxa ay is dhaafsanayaan hubka culus . Source
  2. Dhuusamareeb (HOL) - The Ahlu Sunna Wal Jamaa (ASWJ) movement in Guriel town, Galmudug state, has vowed to support the second phase of the federal government's anti-al-Shabab operation. Source: Hiiraan Online
  3. Moscow (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, Yevgeny Prigozhin oo hoggaaminaya kacdoon ka dhan ah madaxda Moscow, ayaa sheegay in dagaal-yahanadiisa ay qabsadeen xarunta ciidamada ee magaalada Rostov-on-Don. Waxa uu sheegay “inaysan xitaa hal xabbad halkaas ka dhicin,” isaga oo yiri in dadka deegaanka ay taageerayaan. Dagaal-yahanada Wagner ayaa xalay Ruushka uga soo gudbay dhinaca dalka Ukraine, waxayna qabsadeen xarunta ciidamada ee magaalada koonfureed, oo saldhig muhiim u aheyd ciidamada Moscow ee ka dagaalamaya Ukraine. “Muxuu waddaanka inoo taageerayaa? Sababtoo ah waxaan u dhaqaaqnay caddaaladda,” ayuu Prigozhin ku yiri codkii ugu dambeeyey ee uu soo dhigay barta Telegram. “Waxaan gacanta ku dhignay Rostov. Ayada oo aysan hal xabbad dhicin ayaa qabsanay xaruntii ciidamada.” Waxa uu sheegay in ciidankiisa calooshad u shaqeystayaasha “aysan taaban hal askari.” “Ma dilin xitaa hal qof, inkasta oo duqeyn na lagu sameeyey oo hubka culus iyo diyaarado qumaatiga u kaca na lagu soo weeraray,” ayuu yiri. Prigozhin ayaa sheegay in dagaal-yahanadiisa ay miinooyin ka saareen bannaanka dhismaha ay qabsadeen Wagner ee ku yaalla Rostov. Goor sii horreysay hoggaamiyaha Wagner ayaa u jawaabay madaxweyne Vladimir Putin, oo Prigozhin ugu yeeray daba-dhilif isaga oo khudbad u jeediyey shacabka Ruushka. “Marka ay noqoto khiyaanada qaran ee dhulka hooyo: madaxweynaha aad ayuu khadan yahay. Waxaan nahay waddiniyiinta dhulkeena hooyo,” ayuu yiri Madaxweyne Putin oo wajahaya loolankii ugu adkaa ee la geliyo xukunkiisa 23 sano jirka ah, ayaa wacad ku maray inuu burburin doono kacdoonka Wagner, oo uu la meel dhigay dagaalkii sokeeye ee qarni kahor ka dhaay Ruushka. Putin ayaa sheegay in jiritaanka Ruushka uu hadda halis ku jirp. “Waxaan u dagaalamaynaa nolosha iyo ammaanka dadkeena, madax-bannaanideena iyo xoriyaddeena, iyo in Ruushka uu sii jiro, qaran leh kun sano oo taariikh ah,” ayuu yiri. “Dhammaan kuwa sida ula kaca ah u qaaday waddada khiyaanada, ee diyaariyey jabhad hubeysan, kuwa qaaday waddada baqo maalidda iyo marinada argagixisada, waxay wajihi doonaan ciqaab aan laga baxsan doonin, waxaan u jawaabi doonnaa sharciga iyo dadkeenaba,” ayuu yiri Putin. Prigozhin, oo u jawaabay Putin, ayaa sheegay in isaga iyo ciidankiisa aysan wax qorshe ah ka lahayn inay is-dhiibaan. Ciidamada Wagner ayaa weli kusii socda Moscow, halkaasi oo hoggaamiyaha kooxdan uu wacad ku maray inuu qabsan doono. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Inshaa Allah. The post Wagner oo qabsatay xarumo muhiim ah iyo wararkii ugu dambeeyey xiisadda Ruushka appeared first on Caasimada Online.
  4. 46 sanno noloshayda ayaan Makkah Al Mukarramaha ku sugnaa. Waxaan si kalsooni leh idiinku sheegi karaa, cid kasta oo is tidhaahda ka macaash martida Ilaahay ee xajka iyo cimrada Makkah u yimaada, in ciribtoodu meel xun ku dambayso, cudurro xun sida dhiig kar, sonkor, iyo kansar. Ma jiro dalka Sucuudiga ogaantayda hal qof oo maal qabeen la sheego oo xujey lacag ka sameeyey. Xaaji neefkii iyo dalaggii yaraa afrika iyo aasiya gurteeda soo gaday si uu xajka u guto, lacagtiisu wexey u goyseyna adeeg aan la siin, ee la is yiraahdo ka macaash, lacagtiisu waa sun. Qaylo ayaa ka yeereysa xujeyda Soomaalida ee Makkah iyo Madiina gaadhey. Ma joogo anigu mana xaqiijin karo, laakiin waa in baaritaan lagu sameeyo ka madax bannaan, wasaaradda iyo shirkadaha adeegga. Lacagta xaajiga laga qaado waa la yaqaan wexey goyso, iyo meeshey dejin karto. Waxa qoray: Sh.Maxamed Idris Qaran News
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo war cusub soo saaray ayaa ka hadlay doorashada madaxtooyada, taas oo uu weli ka taagan yahay muran u dhexeeya xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka ah. Wasiirka ayaa sii xoojiyay hubanti la’aanta ka jirta xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha oo mucaaradka ay doonayaan in aysan dhaafin sideeda January. Dirir ayaa si cad u sheegay in doorashada madaxtooyada ay qaban doonaan, xilligii ay iyagu u gartaan inay ku dhacdo, taas oo uga sii dareysa xiisadda haatan taagan. Sababta ayaa waxa uu ku sheegay in aysan doonin in dib loogu laabto doorasho hannaan qabiil ah, balse go’aankooda uu yahay in nidaamkaas laga guuro, lana aado xisbiyada. “8 january, 24 sano ayaa qabiil wax lagusoo dooranayay. War qabiilka waa laga gudbay. Qofkii qabiil doonaya baadiyaha ha gudbo,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhinacyada haatan kasoo horjeeda xukuumadda Puntland ay yihiin kuwa diidan horumarinta doorashooyinka, isaga oo ku eedeeyay inay rabaan in dib loogu laabto doorashadoo hore ee nidaaka qabiilka, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale, arrintan ayaa muujineyso damaca madaxweyne Deni ee ku aadan inuu sameysto muddo kororsi horleh, ugana shaqeeyo doorasho uu ku soo laaban karo, balse waxa uu la kulmayaa cadaadis xoogan iyo jawaabo adag oo uga imaanaya mucaaradka. Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xiisad kacsan ay ka taagan tahay Garowoe oo todobaadkii hore ay ku dagaalameen labada. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana weli dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayaa Garoowe, inkastoo dadaallo xoogan ay wadaan Isimada Puntland. The post Puntland oo ku dhowaaqday arrin sii hurineysa xiisadda Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  6. Vladimir Putin is facing the greatest threat to his authority in two decades after the head of the Wagner paramilitary group launched an apparent insurrection, claimed control of military facilities in two Russian cities, and warned that his troops would head for Moscow. Source: Hiiraan Online
  7. Beledxaawo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo lala beegsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari ay la socdeen dadka shacab ah, xilli uu marayay deegaankaa Uunsi oo 17 KM dhinaca waqooyi kaga beegan Beledxaawo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale oo kamid ahaa rakaabkii la socday baabuurka la qarxiyay. Sidoo kale dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa la geeyay gudaha degmada Beledxaawo oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyay waddada uu qaraxu ka dhacay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada oo ku aadan dhacdadaasi, taas oo xanuun ku reebtay dadka deegaanka. Qaraxan ayaa qayb ka noqnayo falal amman darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gobolka, waxaana weerarkii ugu dambeeyay oo qarax ahaa uu ka dhacay Ceelwaaq. Si kastaba, Gedo ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado siyaasadeed oo ka dhashay magacaabista maamulka cusub ee uu gobolkaas u magacaabay madaxweyne Jubbaland. Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe kordhisay weerarada ay ka fuliso Gedo, Jubbooyinka iyo xittaa deegaanada ku yaalla xadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. The post Baabuur ay la socdeen shacab oo qarax lagula eegtay GEDO appeared first on Caasimada Online.
  8. S/Guuto Ibraahim Shiikh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka CXD, waxa uu ku dhashay Muqdisho Sanadka Markuu ahaa 1960-kii. Waxbarasadiisa Hoose iyo Dhexe waxa uu ku qaatay Dugsiga hoose iyo dhexe ee Xamar Jadiid- ee Magaalada Muqdisho 1977-kii. Sanadkii 1977-kii waxa uu ku biiray Ciidanka CXDS. Sanadkii 1981-kii waxa qaatay Shaadada Dugsiga Saree ee Schoolka Wadajir Sare ee Muqdisho. Isla Sanadkii 1981, waxa uu ku biiray leyliska Saraakiisha ee ku xarooday Akaadeemiyadda CXDS ee Muqdisho, waxa uuna qaatay xidigtii ugu horeysa 1984-kii Sanadkii 1984-kiiwaxaa uu ka qalin jabiyey Akadeemiyadda Saariiksha, waxa uuna qaatay L/x/Le. Sanadkii 1986 waxaa uu Tababar dhanka Hoggaaminta ( Junior Staff College ) ku qaatay Akadeemiyadda CXDS, waxaa uuna u dalcay derajada Captain. Sanadkii 1988 waxaa uu qaatay Tababar heer sare ( Advance Course ), waxaa uuna u dalcay derajada Gaanshaanle. Sanadkii 1990-kii waxa uu u dalcay derajada G/Dhexe. Isla sanadkii 1990-kii waxa uu ka baxay Machadka Luqadaha ee CXDS. SHAQADA Bur-burkii ka hor waxa uu ka soo shaqeeyay Hoggaamada, iyo Qeybaha kala duwan ee CXD isaga oo gaaray ilaa Taliye Hoggaan. Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Ciyaartooyda ciyaaraha fudud ee kooxdii Wagad. 1991- waxa uu la soo shaqeeyay Dowladdii KMG ahayd. 2003-waxaa uu la soo shaqeeyay DKMg (TNG), waxa uuna u dalcay G/Sare. 2003 ilaa 2008 waxa uu ahaa ganacsade. Isla 2008-waxuu noqday Gudoomiyihii G/benaadir ahna duqa Muqdish iyo Guddigii dhisidda Golohii deeganka Gobolka Benaadir. 2012- 2015 waxa uu ahaa madaxii habmaamuuska Madaxweynaha dalka. 2015-2017, waxa uu dalacay derajada S/guuto waxa uuna noqday Taliyihii Guutada Madaxtooyada. 2023- waxaa loo Magcaabay Taliyaha CXDS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Dagaal la isu adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka ayaa ka dhex qarxay saaka ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo sida ay sheegayaan wararka imanaya magaalada Laascaanood. Lama oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalka bilaabmay subixii hore, aya la isu adeegsaday madaafiic, iyada oo aanay weli ka hadal labada dhinac. Dagaalka ayaa weli soconaya , waana kii cuslaa muddo bilood ah , sida ay wararka sheegeen maaha dagaal ay si toos labada ciidan isaga hor yimaadeen , laakiin waxa ay is dhaafsanayaan hubka culus . Qaran News
  10. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ka dhan ah maamulka HirShabelle uu ka billowday duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Abaabulkan ayaa waxaa horkacayo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo horay u taageeray guddoomiyihii xilka laga qaaday Cali Jayte Cismaan. Ciidamo hubeysan oo sidoo kale wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay duleedka magaalada, halkaas oo ay warbaahinta kula hadleen xildhibaanada horkacaya. Sidoo kale ciidamada oo ku qaylinayay erayo ka dhan ah HirShabelle ayaa dhoolatus ballaaran kusoo bandhigay halkaasi oo sidoo kale khudbado loogu jeediyay. Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir oo wariyeyaasha la hadlay ayaa shaaciyay in laga dhegeysan waayay tabashada reer Hiiraan, hadana ay diyaar yihiin in xaqooda raadsadaan, “Dadkeena waa mudaharaadeen, korna waa u hadleen balse waa la dhageysan waayay tan hadda taagan way ka gudubtay sabarkii shalay waxa la rabo wiilka 20 jirka ah ee gobolka Hiiraan kasoo jeedo in uusan talo lahaanin” ayuu yiri xildhibaankan oo kasoo jeedo Hiiraan. Sidoo kale wuxuu eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, isaga oo sheegay in uusan waxba u qaban dadkiisa iyo guud ahaan reer HirShabelle. “Cali Guudlaaawe haddii horumar iyo nolol dad uu horseedaayo asaga reerka uu ka dhashay ayuu u horseedi lahaay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhankiisa xildhibaan Maxamed Buraale oo qayb ka ah dhaq-dhaqaaqan ayaa sheegay in HirShabelle aysan waxba u qaban isla-markaana ay ka tirsanayaan dhibaato xoogan. “HirShabelle nolol nooma ogola waad ogtihiin magaalooyinkiinii waa baaba’waxa walba ayuu hor istaagay” ayuu isna yiri Xildhibaan Buraale. Waxaa kale oo ku eedeeyay in madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka baxay ballantii uu horay uga qaaday reer Hiiraan, markii lagu soo dhoweeyay magaalada Beledweyne. “Ninkaas madaxweynaha ah runtii meeshaan ayaa la keenay ballanaa lala galay maanta ballantii kama soo bixin haddana waxaan aragnaa in dadkeena ay falaadaayaan” ayuu yiri. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay sii xoogeysaneyso xiisaddii ka dhalatay xilka qaadistii Cali Jayte, taas oo keentay khilaaf horleh oo haatan ka taagan HirShabelle. The post Daawo: Abaabul ka dhan ah HirShabelle oo ka socda Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  11. Garowe (HOL) - Puntland's Minister of Information, Mohamud Aydid Dirir, reiterated on Friday that the state's presidential election would take place at a time determined by them, despite the recent surge of election-related violence in the state capital, Garowe, which resulted in the deaths of over 20 people. Source: Hiiraan Online
  12. Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa saaka xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage. Wasiirka ayaa sidoo kale xilalka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali, wasiirka ayaa ku bogaadiyay taliskii hore howsha ay kasoo qabteen ciidanka xoogga dalka muddadii ay talada hayeen labadooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa dhowaan magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka,iyadoo dhinaca kale uu dardar xoog leh ku socdo qorshaha dib u xoraynta dalka ee lagu bilaabayo Wejigiisa labaad dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa muddadii ay xilka hayeen waxaa ay qeyb ka ahaayeen dadaal dheer oo Al-shabaab looga saaray deegaanno badan iyo magaalooyin ay ku sugaayeen in ka badan 15 sano sida Xarardheere, Aadan Yabaal iyo Masjid Cali Guduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta si rasmi ah xilalkii ugu kala wareegay taliyeyaashii hore ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa cusub ee todobaadkii hore lasoo magacaabay. Wasiirka Gaashandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo goojoog ahaa munaasabadda ayaa xilalka u kala wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage. Sidoo kale taliyihii hore ee ciidanka dhulka, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa isna xilka ku wareejiyey taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali. Labada taliye ee xilka wareejiyay Odowaa iyo Biixi oo hadallo ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inay la shaqeeyaan taliyeyaasha lasoo magacaabay, si horey loogu socdo. Dhankooda taliyeyaasha cusub Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Jeneraal Axmed Aadan Cali ayaa ballan qaaday inay shaqada halkeeda kasii wadi doonaan, waxayna sidoo kale ammaan iyo boggaadin u jeediyeen labada taliye ee maanta xilalka ku wareejiyay. Isbeddalka ayaa imaanaya ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda. Si kastaba, waxaa iska soo beegmay xilka qaadista lagu sameeyay taliska ciidanka Xoogga dalka iyo xilka qaadistii guddoomiyihii hre gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, oo isna hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka. Soomaaliya waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo la doonayo in dalka oo dhan looga xoreeyo, kaas oo wajigiisa labaad la filayo inay kusoo biiraan waddamada dariska ah. The post Odowaa iyo Biixi oo xilalka wareejiyay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ruushka ayaa rasaas ku furay galinkii dambe ee Sabtida maanta ah kolonyo calooshood u shaqeystayaal ah oo ku sii siqayay Moscow markii ay xalay qabsadeen magaalo ku taal koonfurta. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wacad ku maray in uu burburin doono gadoodka hubaysan ee kooxda Wagner oo uu la barbar dhigay dagaalkii sokeeye ee Ruushka ka dhacay qarni ka hor. Dagaallameyaasha taabacsan Wagner oo uu madax u yahay Yevgeny Prigozhin ayaa gacanta ku dhigay magaalada Rostov-on-Don, oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo qof oo ku dhow xudduudda Ukraine, waxayna si degdeg ah ugu sii siqayeen dhinaca waqooyi iyagoo ka imanaya dhinaca galbeedka Ruushka. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa si caadi ah howlihiisa shaqqo uga wada Kremlin, sida uu Sabtida maanta ah sheegay afhayeenkiisa, iyadoo ay kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner wacad ku martay in ay ka takhallusi doonto hoggaanka militariga ee Ruushka. “Madaxweynuhu waxa uu ku shaqeynayaa Kremlin-ka” ayuu afhayeenkiisa Dmitry Peskov, u sheegay wakaaladda wararka ay dowladdu maamusho ee RIA Novosti ka dib markii kooxda Wagner ay qabsatay talisyada militariga ee koonfurta Ruushka. Ukraine ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in qalalaasaha ciidan ee ka jira Ruushka oo fursad u yahay Kyiv toddobaadyo ka dib markii ay ku dhawaaqday dagaal rogaal celis ah oo ay isaga difaaceyso ciidamada Ruushka. “Maxay tani nooga dhigan tahay? Waa noo fursad” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga Ganna Malyar. Waa caqabaddii ugu adkeyd ee uu la kulmo madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu billowday weerarka Ukraine sannadkii hore. Maamulka Ruushka ee ku sugan magaalada Rostov ee u dhow Ukraine ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay guryahooda ku nagaadaan saaka oo Sabti ah, iyadoo madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner uu sheegay in ciidamadiisu ay galeen gobolka xadka koonfurta. Xigasho: VOA Somali The post Dagaal ka dhex qarxay Millatariga Ruushka iyo ciidamo taabacsan Kooxda Wagner appeared first on Puntland Post.
  15. Dhaq dhaqaaqyada ciidan ee jiidda Laascaanood ayaa sii kordhaya saacadihii u danbeeyay sida ay soo werinayaan dadka degaanka Ciidamada Somaliland ayaa saaka duqayn aan loo meel dayin ku garaacaya xaafadaha kala duwan ee Laascaanood kuwaas oo waxyeello gaarsiiyay magaalada. Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale jiidda hore ee Laascaanood laga maqlayo hubka culus oo ay is weydaarsanayaan ciidamada Somaliland iyo xoogagga SSC-Khaatumo. Colaadda labada dhinac ayaa socota mudda ku dhow lix bilood waxaana ciidamada Somaliland hadda Gobolka Sool kaga sugan yihiin saldhiga Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood. Dadaallo nabadeed iyo baaqyo kala duwan ayaa laga soo saaray colaadda Laascaanood welina wax natiijo ah lagama gaarin joojinta dagaalka. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Laaacaanood appeared first on Puntland Post.
  16. Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ugu dambeyntii la kala qaaday ciidamadii ku dagaalamay gudaha magaaladaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen mas’uuliyiin ka socday dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray magaallo xeebeedkaaasi. Xubnaha ku sugan Baraawe waxaa kamid ah wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada iyo wasiirka wasaaradda cadaaladda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo xal raadin u tagay magaaladaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi. Maxkamadda Ciidamada ayaa haatan billowday baaris ku aadan dagaalkii Baraawe oo ay ku dhinteen 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan, waxaana sidoo kale maxkamadda iyo mas’uuliyiinta kaleba ay ku guuleysteen in la kala qaado labada ciidan. Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay wasiirka cadaaladda Koonfur Galbeed oo shaaca ka qaaday inay ku kalsoonyihiin maxkamadda, balse waxa uu dalbaday in wixii ka dhacay Baraawe la waafajiyo sharciga, si tallaabo adag looga qaadi ciidamadii ka dambeeyay. “Aniga oo ku hadlaayo afka madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaan kalsooni ku qabnaa aana rabnaa, isla-markaana aan sugeynaa cadaaladda in la waafajiyo wixii halkan ka dhacay” ayuu yiri wasiirka wasaaradda cadaaladda ee maamulka Koonfur Galbeed. Dhankiisa guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo goobta ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in la buun buuniyay wixii ka dhacay Baraawe, wuxuuna tilmaamay in isku dhaca uu ahaa labada ciidan, balse la siyaasadeeyay, ayada oo dano kale oo waa weyn laga leeyahay. “Waxa meeshaan ka dhacay dadka bannaanka ka qaylinaya waxa ay sheegayaan maba aha waa laba ciidan oo isku dhacay waayay macnaha labadaas ciidan xaajadooda xeer ilaaliyeyaasha ayaa ku mashquulsan” ayuu yiri Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute). Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaris guud, isla-markaana marka ay soo dhamaato ay qaadi doonaan tallaabo adag oo sharci ah. ‘Marka ay baarista dhammaato waxaan ballan qaadeynaa inaan tallaab qaadi doono oo ciddii reer Baraawe xabadda ku ridday iyo ciddii sababta u aheyd inaan qof kasto dambigiisa dusha ka saarno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda. Waxaa kale oo uu yiri “Qofka dambi galo isagaa galay ee ma gelin kooxda iyo reerka uu ka soo jeedo, marka saraakiisha iyagaa ka rabnaa in askarigii dhib geysta ay keenaan”. The post Daawo: Maxaa ka soo kordhay xiisada Baraawe? appeared first on Caasimada Online.
  17. In ka badan 40 qof ayaa la la’yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Musiibadan ayaa Khamiistii dhacday, waxaana ugu yaraan hal wiil oo dhawaan dhashay uu ka mid yahay dadka la la’yahay, sida uu sheegay wakiilka UNHCR ee Talyaaniga Chiara Cardoletti. Markabkan oo ka soo ambabaxay magaalada Sfax ee dalka Tunisia ayaa waxaa la socday 46 muhaajiriin ah oo u kala dhashay dalalka Cameroon, Burkina Faso iyo Ivory Coast, sida uu qaxiijiyay Flavio Di Giacomo, oo ah afhayeenka hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM. Doonta ayaa ku rogmatay dabeylo xooggan iyo mowjado aad u sarreeya, ayuu yidhi. “Qaar ka mid ah kuwa badbaaday ayaa loo qaaday Lampedusa kuwa kalena waxaa lagu soo celiyay Tunisia”. “Dadka la la’yahay waxaa ku jiray toddobo dumar ah iyo qof aan qaan-gaarin, dadka badbaaday ayaa dhamaantood ah rag qaangaar ah,” ayuu raaciyay. Source
  18. Qarax ah nuuca dhulka lagu aaso ee Miinada loo yaqaano ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad shacab ah deegaanka Bariirre ee hoostaga degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan sida wax u dhaceen. Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo shacab ah ayaa geeriyootay in ka badan 15 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kale duwan, kuwaas oo qaarkood yahay mid culus, iyadoo ku ay qarxeen sedex miino oo wadada lagu dhinac aasay, Qaraxa hore ayaa haleelay laba ruux oo watay Mooto Fekon ah. Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale khasaare uu kasoo gaaray dad doonayey in ay gurmadaan labada ruux uu qaraxa qabsaday, waxaana taas ay dhalisay in ay qarxaan labada miino oo kale, kuwaasoo sababay geerida sedex ruux iyo dhaawac dadka kale, arrintaan ayaa bulshada argagax ku beertay. Gobolka Shabeellaaha hoose waxaa inta badan ka dhaco dagaallo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo midowga Afrika iyo Al-shabaab, waxaana sidoo kale ku lamaanan qaraxyada lagu aaso wadooyinka oo dhimaato ku haya shacabka ah, dhowaan Qarax ay caruur ku ciyaartay ayaa dilay 27 ruux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa wacad ku maray inay ka takhalusi doono hoggaanka militariga Ruushka, oo uu ku eedeeyay inay weerar ku qaadeen ciidankiisa, halka dacwad oogaha guud ee Ruushku uu sheegay inay isaga ku socdo baadhitaan ku saabsan ” fallaagonimo hubeysan”. “Waan sii soconaa, waxaana tagi doonaa meesha ugu dambeysa,” ayuu ku yidhi cod farriin ah oo uu soo duubay Yevgeny Prigozhin, oo 62 jir ah. “Waan burburin doonnaa wax walba oo inaga horyimaada,” ayuu ku dara. Waa caqabaddii ugu dhiirranayd ee uu la kulmay madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu billowday weerarka Ukraine sannadkii hore. Waxa uu markii dambe sheegay in ciidamadiisa ay soo rideen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Ruushka. “Diyaarad Helicopter ah ayaa hadda rasaas ku furtay goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah. Waxaa toogtay cutubyo ka tirsan PMC Wagner,” ayuu yidhi. Maamulka Ruushka ee ku sugan magaalada Rostov ee u dhow Ukraine ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay guryahooda ku nagaadaan saaka oo Sabti ah, iyadoo madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner uu sheegay in ciidamadiisu ay galeen gobolka xadka koonfurta. Source
  20. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka socdo duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu xoogiisa ka socdo bariga magaalada Laascaanood oo ay maalmihii u dambeeyay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu ka dhashay weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood. Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi. Sidoo kale khasaareisugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, sida aaanu kasoo xiganay qaar kamid ah dadka deegaanka. Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta. Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray. The post Dagaal culus oo ka socda duleedka LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
  21. Hogaamiyaha maleeshiyada xoogstada ah ee dalka Ruushka ee lagu magacaabo Wagner ayaa wacad ku maray in uu afgebin doono hoggaanka milatariga Ruushka ee uu hoggaamiyo Vladimir Putin, saacado uun ka dib markii Kremlin-ku ku eedeeyaya “jabhadeyn hubeysan. Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in dagaalameyaashiisa Wagner ay kasoo gudbeen xadka Ukraine iyaga oo ku wajahan magaalada Rostov-on-Don ee Ruushka, waxaa uu sheegay in ciidamadiisu ay riiqi doonaan cid waliba oo isku dayda in ay ka hor istaagto hadafkooda. Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in ciidamadiisu ay soo rideen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin militariga Ruushka taasi oo “rasaas ku furtay kolonyo shacab ah”. Ma uusan sheegin goobta, sheegashadana lama xaqiijin karo isla markiiba. Yevgeny Prigozhin iyo Vladimir Putin, ayaa Putin ayaa saacadihii ugu dambeysay waxaa ay warbaahintu qortay inuu jiro khilaaf xooggan oo soo kale dhex galay labada dhinac, waxaana sidoo kale meel sare gaaray cabsida laga qabo inuu dhici karo Afgambi lagu sameeyo Putin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, ahna Senator haatan ka tiran Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo markii ugu horreysay si faahfaasan uga hadlay xiisadda magaalada Garoowe ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha Golaha Wakiilada. Faroole ayaa marka hore eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Deni, wuxuuma sheegay inuu horay u qaaday tallaabooyin ka dhan ah Puntland, kuna xadgudbay sharciga. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan u wado qar iska tuurnimo, si mar kale loogu doorto hoggaanka sare ee Puntland. “Madaxweynaha isaga oo sanadkii hore ogolaansho ka heysan Golaha Wakiilada, isna casilin ayuu isa sharaxay, una tartamay madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna u dhaartay inuu 5 sano joogayo oo uu xukunka heynayo” ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Damac kale ayaa ku dhashay madaxweynaha wuxuuna isku dayay inuu xoogo system-ka oo dhan oo magaca dimuquraadiyadda fure ka dhigto oo si isugu sameytay lagu doorto. Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday dastuurka Puntland, isaga oo tilmaamay in aan xiligan la furi karin, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay tirakoob iyo afti dadweyne. “Dastuurka sidiisa lama furi karo dastuurkan waa xeer qaran dadbaa ku heshiiyay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senetor Faroole. Ugu dambeyn wuxuu dhibaatada dhacday ku eedeeyay inay dhaliyeen xildhibaanada Puntland, wuxuuna sababt ku sheegay inay keeneen arrinta dagaalka sababtay. “Eedeynta guddoonka Golaha Wakiilada waa sax, maxaa yeelay gacan togaaleyn iyo sharci jebin ayay sameeyeen wayna soo kala hormariyeen, ayada oo laga rabay miisaaniyadda sanadkii hore ayay keeneen waxaan, marka waxay marag ka tahay inay isku milmeen, in labadaas ciidan ay isku dhacaan iyaga ayaa keenay” ayuu mar kale yiri Senataro Faroole. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalda Garoowe oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan labada dhinac. The post FAROOLE oo weerar culus ku qaaday Saciid Deni iyo golaha wakiilada Puntland appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa wacad ku maray in uu ka takhalusi doono hoggaanka militariga Ruushka kadib markii khilaaf soo kala dhex galay. Madaxa kooxdaas oo lagu magacaabo Yevgeny Prigozhin ayaa hoggaanka militariga Ruushka ku eedeeyay in ay weerar ku qaadeen ciidankiisa taasna ay ka jawaabi doonaan. ” Waan sii soconaa, waxaana tagi doonaa meesha ugu dambeysa. Waan burburin doonnaa wax walba oo inaga horyimaada ” ayuu yiri Yevgeny Prigozhin. Waa caqabaddii ugu dhiirranayd ee uu la kulmay madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu billowday weerarka Ukraine sannadkii hore. Waxa uu markii dambe sheegay in ciidamadiisa ay soo rideen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Ruushka. “Diyaarad Helicopter ah ayaa hadda rasaas ku furtay goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah. Waxaa toogtay cutubyo ka tirsan PMC Wagner,” ayuu sii raaciyay. Maamulka Ruushka ee ku sugan magaalada Rostov ee u dhow Ukraine ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay guryahooda ku nagaadaan saaka oo Sabti ah waxaana heegan la geliyay ciidamada kala duwan ee Ruushka. PUNTLAND POST The post Ruushka oo xaalad dagaal galay kadib hanjabaaddii kooxda Wagner appeared first on Puntland Post.
  24. Barawe (HOL) - A delegation led by Abdiqadir Mohamed Nur, Somalia's Minister of Defense, visited Barawe on Friday to address the escalating tensions. Barawe is the administrative capital of the South West regional state, a region specifically emphasized by Nur as the focus of the country's second phase of liberation. Source: Hiiraan Online