Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Carafa ayaa dul istaagay caqabadaha curyaamiyey nolasha bulshada Soomaaliyeed oo musuqu ugu horreeyo digniina waa diray. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay heleyaan dowladnimo dhammeystiran, isku filnaan iyo nolol wanaagsan oo sharaf iyo karaamo leh markii la cirib-tiro musuqmaasuqa, waxa uuna inuusan ogolaan doonin musuq. Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe la arkay shakhsiyaad loo heysto lunsasho xoolo dadweyne, waxaana xusid mudan in qaarkood ay baxsad yihiin, halka kuwa kale xabsiga la dhigay. Source: goobjoog.com
  2. Mogadishu (HOL) - The Force Commander of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), Lt. Gen. Sam Okiding, on Monday, visited Qoryole and Janaale Forward Operating Bases (FOBS) in the Lower Shabelle region to assess the combat readiness of ATMIS troops ahead of the final phase of a military offensive against the Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  3. ODM MP Caleb Amisi has today, June 27, expressed his deep concern over the escalating attacks by the terrorist group Al-Shabaab on Kenyan officers and innocent citizens. Source: Hiiraan Online
  4. The media has been hailed as a key partner in responding to humanitarian crises in Kenya and beyond. Source: Hiiraan Online
  5. The months of July, August and September will be dry and cool across the country, according to a new three-month forecast. Source: Hiiraan Online
  6. Climate, armed conflict, high food prices and post-COVID-19 economic fall-out have caused record food insecurity in the Horn of Africa, with an estimated 60 million people urgently in need of help, UN humanitarian agencies have warned. Source: Hiiraan Online
  7. Fleeing drought and conflict in Somalia, refugees have been pouring into the Dadaab refugee camps in neighboring Kenya. Humanitarian agencies say the influx of people has strained services in the already overcrowded camps and are warning of health risks. Juma Majanga reports from the Dadaab camps. Source: Hiiraan Online
  8. The ongoing campaign against al Shabaab terror group in parts of Somalia is thought to be a contributing factor to the surge in attacks in Kenya. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa hadal uu xalay jeediyay qayb kamid ah kaga hadlay musuq maasuqa lagu sameeyo hantida umadda. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in aysan dowladda uu hoggaamiyo marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida umadda ee ay mas’uul ka tahay dowladda. “Dowladda Soomaaliya ma ogolaanayso in waxa yarka ah ee gabadha shaaha jidka ku gadda canshuurta laga qaado in nin inta jeebka ku shubto la baxsado” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya. ” Xatooyada xoolaha dadweynaha waa xaaraan meel kasta ayay ku qoran tahay diinta Islaamka ee aayadaha Qur’aanka munasalka ah iyo axaadiista shariifka ah” ayuu sii raaciyay. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhinaca kale dadka Soonaaliyeed ka codsaday in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay si loo hirgeliyo adeegyada dowliga ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Shiikh oo si adag uga hadlay musuq maasuqa lagu sameeyo hantida umadda appeared first on Puntland Post.
  10. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii looga qaadi lahaa Cunaqateynta hubka saaran soomaaliya oo ay Qaramada Midoobay saartay Sanadkii 1992-kii xiligaas oo ay dhacday Dowladdii Kacaanka. Wasiir Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Cali ( Cali Balcad) oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka, isla markaana halkaasi kawada kulamo kala duwan uu la qadanayo xubno kamid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana kala hadlayo sidii Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa. Wasiir Dowlaha ayaa sheegay in cunaqateynta hubka saaran Soomaaliya, uu yahay midkii ugu dheera ee wadan la saaro, taasi ayuu sheegay in ay dadaal ku bixinayaan sidii waddanka looga qaadi lahaa Cunaqateynta hubka, waxa uuna carabta ku adkeeyay in soomaaliya ay hadda dhiseyso Ciidamadeeda, isla markaana Dalka uu ku jiro Xaalad dagaal. “Haddii la rabo in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto, haddii la rabo in Soomaaliya ay yeelato Ciidan badali kara, Ciidamada wadamada aan saxiibada nahay ee noo soo gurmaday ee nala jooga in muddo 16-sanno ee ATMIS ( EX AMISOM ), waxey Soomaaliya u baahan tahay in ay hesho fursad ay ku soo biibsan karto hub noocyadiisa kala duwan hubka ee ay rabto si ay Ciidamada qeybahooda kala duwan ay ugu qalabeyso marka muhiimad weyn ayey inoo tahay in Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta hubka ee saara, inta sanadkan uusan dhammaan ayaan qorsheyneynaa si sanadka dambe aan u dhisno Ciidamo ilaalin kara amniga iyo Qaranimadiisa Soomaaliya “ Ayuu yiri Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Cali. Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer kordhisay Cunaqabateynta hubka saaran Soomaaliya, iyada oo sheegeysa in wali la gaarin Xiligii Soomaaliya laga qaadi lahaa Cunaqabateynta hubka ee saaran, taasi oo ay ku soo rogtay Sanadkii 1992-dii oo hadda laga joogo muddo 32-sanno ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo dadaal ku bixinaysa in cunaqabateynta Hubka laga qaado appeared first on Puntland Post.
  11. Ciidanka xasilinta ee Booliska sida Mikitariga u tababaran ayaa maanta ciidanka hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS kala wareegay fariisimahoodii degaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho. Taliyaha ururka 3-aad, guutada 22-aad Maxamed Soomaali ayaa si buuxda amniga degaankaas iyo degaanada kale ee ku dhaw la wareegay. Todobaadkii hore ciidanka Militariga Soomaaliyeed ayaa ATMIS kala wareegay saldhigga Miirtaqo oo Hirshabeelle ku yaal, waxaana xilwareejinta masuuliyada amniga oo u dhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa waafaqsan qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 (22) iyo 2670 (22) kaa soo faraya hawlgalka ATMIS inay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023. Hawlgalka ATMIS oo taageero ka helaya xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) ayaa maalin ka hor ku wareejiyey ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) xaruntii ugu horeysay ee Horudhac aheyd ee saldhiga ciidanka Xaaji Cali ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. Saldhigan ayaa hoos imanayey Hawlgalka #ATMIS gaar ahaan Ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF). PUNTLAND POST The post Ciidamada Xasilinta Soomaaliya oo Saldhigyo cusub kala wareegay Hawlgalka ATMIS appeared first on Puntland Post.
  12. UNITED NATIONS, (Xinhua) -- The Security Council on Tuesday adopted a resolution to extend the authorization for the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) for six months, till Dec. 31, 2023. Source: Hiiraan Online
  13. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii la bedelay ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa maanta magaalada Beledweyne ka dhagax-dhigay madaxtooyo cusub oo maamulkiisa Hiiraan State uu yeelanayo. Cali Jeyte ayaa wacad ku maray in reer Hiiraan ay dhisa doonaan madaxtooyadaas oo ‘igu sawir’ aysan ka noqon doonin, wuxuu sheegay in hadda ay ka baxayaan tabasho ay qabeen tan iyo xornimadii dalkaan. Guddoomiye Cali Jeyte wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay nin dan-gaar ah ka leh reer Hiiraan, isagoo qaatay dhowr tusaale oo eedeyntiisa uu u soo daliishaday. “Tani waxay u baahan tahay fasiraad dheeri ah, Sheekh Shariif wuxuu gobolka Hiiraan u kala saaray labo gobol, Hiiraan iyo Shabeellada Sare ayuu u kala qeybiyey, waan heynaa dikreetadaas, ayadaana ku dhaqmi doonaa” ayuu yiri Cali Jeyte. Wuxuu sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif intii uu talada dalka hayey uu labo gobol ka dhigay Hiiraan, iyadoo gobolka cusub xilligaas caasimad looga dhigay Buuloburde, sida uu hadalka u dhigay. Hase yeeshee wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka kala wareegay Sheekh Shariif uu diiday dikreetadaas, “Xilkii uu Shariif kala wareegay waa sharci, laakiin dikreetadii uu soo saaray intii uu xilka haayey sharci maaha, Xasanow is qabadsii,” ayuu yiri Cali Jeyte. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan ku eedeeyey in degmooyin ay ku jirto Kaxda oo Muqdisho ka tirsan, isla markaana sharciyeysay dowladii Sheekh Shariif uu ogolaaday, balse reer Hiiraan uu u diiday xaqoodii. “Magaalada Muqdisho 16 degmo ayey aheyd, hadana waa 17 degmo, waxaana ka dhigay Sheekh Shariif, hadda waa sharci dikreetadaas, mida Hiiraan-na sharci maaha, arrintaas inuu miisaan saaro ayaan ka rabnaa Madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu yiri Cali Jeyte. Ugu dambeytii Guddoomiye Jeyte wuxuu sheegay in reer Hiiraan siyaasiyan wax loogu diidan yahay, laakiin aan sharci wax loogu diidaneyn, “Markii nalaku xisaabtami jirnay waan ka baxnay, hadda inaan xisaabtanaan diyaar u nahay,” ayuu Cali Jeyte ka yiri goob uu ka dhigax dhigay madaxtooyo uu yeelanayo maamulkiisa Hiiraan State. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Jeyte oo dhagax-dhigay madaxtooyo, si adagna u eedeeyey Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo caawa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda ciidda Carafo ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna qeybtaan uga hadlay musuq maasuqa. Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed u cadeeyey sida ay uga go’antahay inuu suuliyo musuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha, isagoo ku goodiyey in qof kasta la baari doono. “Dowladda Soomaaliya ma ogolaa doonto in dhaqaalaha yar ee gabadha ama wiilka maskiinka ah laga soo qaaday guryo looga dhisto Turkiga iyo Nairobi, balan ilaahey waxaan ku qaaday marna inaan la ogolaaneyn taas,” ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka xil doonka ah ee dooranaya in loo magacaabo goobaha dhaqaalaha uu ka soo galo ku tilmaamay kuwo u badan tuugo. Wuxuu wacad ku maray in xatooyo dambe aan la isaga hari doonin, isagoo farriin u diray odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta ka naba-dooniya dadka lagu soo qabto kiisaska xatooyada ah. “War ka joog ha garabsiin, hana la soo safan nin tuug ah, tuug umad xaday hala safan, subax dhan gurigaaga ha uga soo lebisan sidaa u difaaci laheed nin tuug ah oo aad dhahdo maxaa loo xiraa?” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in la ceebey doono oo la karaama tiri doono qofkii lagu qabto ama lagu helo xatooyo xoolo dadweyne “Ninkii Alle ka cabsa waaya sharaf malahan, wax uu mudan yahay ma jirto nin sameeyo xatooyo, xaaraam ayuu ku dhacay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan. Wuxuu sheegay in diinteenna suuban wax ay diiday aysan dowladiisu ogolaa doonin, “Maanta tuugnimada heer aan ku faano ayaan gaarnay, meel lacag lagu qaado ninka raadinaa waa tuug, nin umadda u shaqey raba maaha, hadaa dadkaan u shaqeyneyso iskuulka tag ee ilmaha wax bar,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri khudbadiisa qeybtii uu uga hadlay musuqa. Hoos ka daawo The post Daawo Xasan Sheekh: Waxaan ilaahey hortiisa ka ballan-qaadayaa inaan ceebeeyo… appeared first on Caasimada Online.
  15. Doha (Caasimada Online) – A recent study has painted a grim picture for migrant workers in the Gulf states, uncovering their exposure to potentially lethal temperatures. The research, entitled ‘Killer Heat,’ was released on Tuesday by the Vital Signs Partnership, a conglomerate of organizations investigating migrant worker fatalities. The report underlined an alarming situation in Bahrain, Kuwait, Oman, Qatar, Saudi Arabia, and the UAE. In these countries, migrant laborers face severe risks of heat-related injuries and ailments. The Gulf region experiences between 100 to 150 days of extreme heat annually, with daily temperatures exceeding 40ºC. Nicholas McGeehan, co-director of FairSquare, one of the NGOs part of the global partnership, painted an alarming picture of the situation. “The climate change projections for the Gulf in this report are as horrifying as the personal accounts of the workers exposed to 2023 temperatures in countries like the UAE,” he said. Climate change is expected to exacerbate the situation, with the report citing research that predicts significant increases in these extreme temperatures. If global temperatures rise by 1.5%, the UAE will witness a 51% surge in days exceeding 40ºC by 2050. The scenario is more terrifying if global temperatures jump by 3%, resulting in a 98% spike. Human toll of the heat The World Health Organisation has warned that such temperatures could trigger “a cascade of illnesses,” including heat cramps, heat exhaustion, heat stroke, and hypothermia. Heartrending stories of affected workers like Ganesh, a Nepalese lifeguard working in the UAE, give a human face to these statistics. Upon returning to Nepal, Ganesh, diagnosed with kidney failure, recalled the unbearable conditions. “The ground was so hot I couldn’t touch it barefoot. It would burn my skin. You can’t imagine how hot it was,” he said. He believes the harsh working conditions and poor living standards contributed to his declining health. The chronic Kidney disease epidemic The report identifies growing global concerns over chronic kidney disease. This fatal loss of kidney function appears more prevalent among those performing physically demanding tasks in high-temperature environments. A nephrologist in Dhaka, Bangladesh, revealed that he has seen several patients returning from Gulf countries with kidney problems, which he ascribes to heat exposure and dehydration. The issue has hit home in Nepal, as noted by Rishi Kumar Kafle, chief nephrologist at Nepal’s National Kidney Centre. “Nepali workers go to the Gulf to earn money but return with kidney disease,” he said, lamenting, “Why are these wealthy Gulf nations not doing anything for these workers?” Despite laws in Gulf countries that prohibit work during specific hours in the summer, these measures are deemed insufficient by the report. The researchers recommend adopting a risk-based rather than a calendar-based approach, mandating breaks in shaded areas, and ensuring access to water and chilled food storage. The report also pushes for free healthcare for low-income migrant workers, regardless of immigration status, and funding healthcare costs for those returning home with chronic kidney disease. The spotlight on Gulf countries As the UAE gears up to host Cop28, the UN climate change conference, later this year, it is facing increasing criticism over its climate and human rights record. The issue of migrant worker welfare has taken center stage, as McGeehan pointed out. “The UAE and other Gulf states should be prepared to address the appalling impact of their systematic failure to provide basic protection to the people whose labor sustains their extremely wealthy societies,” he emphasized. The report represents the collaborative effort of numerous NGOs, including the Center for Migrant Advocacy in the Philippines, the Law and Policy Forum for Social Justice in Nepal, Justice Project Pakistan, the Refugee and Migratory Movements Research Unit in Bangladesh, and FairSquare in the UK. The collective voice of these organizations aims to shed light on a systemic failure to protect vulnerable migrant workers in the Gulf region. The post Gulf States ‘pushing migrant workers into lethal heatwaves’ appeared first on Caasimada Online.
  16. Waxaanu halkan Hambalyadda ciidal udxiyadda u diraynaa dhamaan macmiisha shirkadda Dahabshiil Group, maamulka, wakiilada, hawl wadeenada shirkada meel.kasra oo ay joogaan iyo dhamaan imadda muslimiinta ah waxa aanu u rajaynaynaa dhamaan in ciidan ciidkeeda aan ku gaadhno caafimaad qab iyo cimri dherer iyo cibaado suuban iyo in Ilahay ( SWT) Dhibaatada iyo colaadaha ka dul qaado dhamaan umaddaha muslimiinta ah . Waxa aanu Alle ka baryaynaa in uu dhamaanteen inaga aqbalo acmaashii saalixa ahayd ee aynu soo gudanay maalmihii barakaysnaa ee Dil’hija. Abdirashid Duale CEO Dahabshiil Group Qaran News
  17. Garbahaareey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee dhawaan uu madaxweyne Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaareey ee gobolkaasi. Guddoomiye Shimbir oo dhowr jeer uu maamulkii hore ee gobolka ka hor istaagay inuu tego halkaas, ayaa ugu dambeyn maanta gaaray Garbahaareey, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay. “In badan ayaa idin salaamaya soo dhaweyntiina aan hore loo sii sheegin haddana uu hoolka idin deeqi waayay aad ayaa idinkaga mahadcelinayaa, maamulka degmada oo guddoomiye Xasan ugu horreeyo waa u mahadcelinayaa,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo. Waxa uu intaas sii raaciyay “Dadka dad hore usii diyaar garoobay ma ahan, inbadan ayaa wada-hadli doonaa oo sida uu guddoomiye Macalimow iyo guddoomiye Xasan ay sheegeen wax badan oo dadka anfaca ayaa qaban doonaa.” Guddoomiye ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa cusub uu qabanayo shirweyne loo dhan yahay oo dib-u-heshiisiin iyo wada-tashi ah, “Cid walba oo reer Garbahaareey ah waxaan rabnaa inay imaato, oo xor ayay u tahay in ay imaato halkaan.” Waxa uu ballan-qaaday in aysan mardambe dhici doonin shaqsi siyaasi ah laga celiyo gobolka Gedo, sida uu maamulkii hore uu dhowr jeer ku sameeyay guddoomiyahan. “Waad ogtihiin aniga waa la icel-celiyay, laakiin hadda kadib cidna lama celin doono oo qoladii i celinaysay xitaa waa fasaxan yihiin waa imaan karaan, cid dambe oo Helicopter hasoo raacdo ama dhul ha soo marte meel aan airport aheyn ka imaan doonta majirto gadaashay.” Guddoomiye Shimbir ayaa sidoo kale halkaasi ka wada kulamo uu la leeyahay siyaasiyiinta, odayaasha iyo saraakiisha deegaanka, kuwaasi oo uu kala hadlayo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen maamulkiisa cusub. Mudane Shimbir ayaa hore dhowr jeer ugu fashilmay inuu tego magaalada Garbahaareey, kadib markii ay is-hortaag ku sameyeen xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolkaasi iyo dad deegaanka ah. Si kastaba, illaa hadda si rasmi ah looma oga waxa lagu qanciyay dadka reer Garbahaareey oo horey saluug uga muujiyay siyaasada Axmed Madoobe, mana jirro wax war ah oo kasoo baxay maamulkii hore ugu magacawna gobolka ee diiday socdaalka maamulka cusub. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Guddoomiyaha cusub ee Gedo oo gaaray Garbahaarey, kuna dhawaaqay… appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Labo sano ayaa laga jooga markii la waayay Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sarkaalad ka tirsan hay’adda Sirodoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA. Xilligaas waxaa hay’adda madax ka ahaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Gabadhaan ayaa qoyskeeda sheegeen in gurigii ay deganeyd looga soo qaaday gaari ay hay’adda NISA laheyd, xilli Muqdisho u dabaal-degaysay habeenkii xoriyadda ee 26-kii June. Tan iyo xilligaas Ikraan lama hayo. Taliskii hore ee NISA oo muddo laga sugayay in arrinta gabadhan xogteeda cadeeyaan ayaa bishii September 2021 waxay sheegeen in Ikraan ay afduubteen kooxda Al-Shabaab kadibna ay dileen. Laakiin waxaa hadalkaas ganafka ku dhuftay ra’iisul wasaarihii xilligaas Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo sheegay in hadalkaas uusan raad laheyn Ikraan aysan jirin dhanka Al-Shabaab. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay in Ikraan Tahliil xagooda ku maqan tahay, waxayna sheegeen inay la fajaceen eedeynta NISA. Qoyska Ikraan Tahliil ayaa eedeyn kusoo oogay Taliyihii hore ee NISA Fahada Yaasiin oo hadda wax xil ah hayn, Cabdullaahi Aadan Kulane oo hadda Xildhibaan ah, Yaasiin Farey oo hadda Xildhibaan ah iyo Sarkaal la yiraahdo Wadna-qabad. Goobihii ay dacwada geeyeen ayuu qoyska dhaliileen, kuwaas oo ay sheegeen inay qaar kiiska siyaasadeeyen, qaarna aanay furin. Weli looma gar-qaadin qoyska Ikraan Tahliil iyo saraakiisha u eedeysan maqnaashaha gabadhaas. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyihiisa Nabad-sugidda Mahad Maxamed Salaad waxay hore u sheegeen in aay ka hari doonin cadaalad u helida Ikraan Tahliil Faarax. Maanta iyaga ayaa xukunka haysta, laba sano ayaa laga jooga markii gabadhaan la waayay. Dadka waxay isweydiinayaan goorma ayaa loo gar-qaadi doona qoyska Ikraan Tahliil iyo ragga u eedeysan kiiskan. Intii lagu jiray cadaalad u raadinta kiiskaan, waxaa la dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo aheyd qofkii ugu miisaanka cusla ee ku daba jiray kiiska Ikraan Tahliil. Dilka Xildhibaan Aamina kadib ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku xiray labada kiis, isaga oo sheegay in dadka Ikraan Tahliil ku maqneyd ay sidoo kale dilka Aamina ku lug leeyihiin, taas oo baarayaasha siinaysa dariiq ay wax ka bilaabaan. Fahad Yaasiin ayaa markii uu Muqdisho ka dhoofay kadib wareysi uu bixiyay wuxuu kiiiska Ikraan ku eedeeyay Rooble, Al-Cadaala iyo Mahad Salaad. Laakiin dadka waxay eedaas ku fasireen inuu Fahad ka cadheysnaa kursigii Xildhibaannimo ee sida tooska ahaa looga hor istaagay. Si walba, kiiskaan weli warkiisa ma cada, dadweynaha waxay u badan yihiin kuwa dalbanaya in baaristiisa iyo cadaalad u helistiisa la bilaabo. Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo la yiraahdo Qaali Guhaad ayaa markale waxay xalay ku celisay magacyada Fahad Yaasiin, Kulane, Yaasiin Farey iyo Wadna-qabad oo ugu eedeysan kiiskaan, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo taliye Mahad Salaad weydiisatay in cabashadeeda wax laga qabto. “Aniga caawa murug ayay ii tahay, ayada oo loo dabaal-dagayaalo maalintii aan xorownay, laakiin murugtaas ayaa i heysato waa damaashaadi jiray meel kasta oo dunida uga noolahay laakiin labadaan sanno waa iiga bedalan tahay xanuun, gabadhiina sidii ayay iiga naqan tahay” ayay tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhdaad. “Gabadheeda waa la’ahay waa la dhibaateeyay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Fahad Yaasiin Taliska u joogay, Cabdullaahi Kulane, Yaasiin Farey, Wadnaqabad iyo darawalkii Kulane intaas oo u shirtay gabdheeda ayay ku maqan tahay. Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud aniga dulmane ayaan ahay qof nool ayaa iga maqan oo iga hor muuqato geeri iyo nolol waa inaan mid ku helo.” Waxay hadalkeeda sii raacisay “Waxaan kaloo baaq u dirayaa taliyaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka dalka Mahad Maxamed Salaad waxaad fadhisaa hay’addii ugu weyneyd waddanka cadaalad ayay idinka baahan tahay Ikraan.” The post Goorma ayaa loo garqaadi doonaa qoyska Ikraan Tahliil iyo xubnaha u eedeysan? appeared first on Caasimada Online.
  19. Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa maleeshiyaadka nabad-diidka ah, ayaa haatan ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Waxa lagusoo warramayaa inuu dagaalku ka culus yahay dagaalladii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaalada Laascaanood. Lama oga sababta uu dagaalkan ku billaamay, hase ahaatee warar aanu helnay waxay sheegayaan inuu dagaalku ku bilowday madaafiic labada dhinac ay isweydaarsadeen. Dagaalku wuxuu haatan ka socdaa aagga bari ee ay maalmihii ugu dambeeyay dagaalladu ay ka dhacayeen. Rasaasta la isku adeegsanayo ayaa si toos ah usoo gaadhaysa magaalada Laascaanood gudaheeda. Dhan kale Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa sheegtay in fadhiisimaha Ciidanka Qaranka lasoo weeraray. “Saaka subaxdii isbabaysi nacasnimo ah oo ka kooban maleeshiyaadka Laascaanood, Puntland iyo koox argagixiso ah oo caan ah, ayaa weerar waxashnimo ah kusoo qaaday ciidamada Somaliland ee Sool ku sugan” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxday wasaarada gaashaandhiga. Wasaarada gaashaandhigu waxay sheegtay in ay cambaaraynayso weerarka, isla markaana ay u aragto talaabo gardaro ah, oo khatar ku ah amniga iyo daganaanshaha Somaliland. Waxay intaa ku dartay in kadib markii weerarka lagu soo qaaday anay ciidamada Somaliland haysan dookh aan ahayn in ay isdifaacaan, isla markaana ay burburiyaan awooda ciidamada soo weeraray, ayna si guul leh uga jawaabeen. “Sida aanu ka helnay ilo sirdoon, ujeedada huwanta weerarka soo qaadaysa waxa weeyaan in ay Laascaanood ka dhigtaan xarun ay kasoo qaadaan weeraro argagixiso, hadii qorshahan qaldan la ogolaado in uu socdo, kaliya khatar ma galinayo badqabka muwaadiniintayada, sidookale wuxay dhaawacaysa nabadii aanu dadaalka galinay” lagu yidhi warsaxaafadeeda. Waxay xustay in xukuumada Somaliland ay isku dayi doonto talaabo kasta oo lagaga hortagayo waxa ay ugu yeedhay qorshe la rabo in nabada lagu dhaawaco, si loo ilaaliyo daganaanshaha iyo madaxbannaanida Somaliland. Ugu danbayn, beesha caalamka, ururada gobolka iyo waddamada jaarka ayay Somaliland ka codsatay in ay gacan kasiiyaan la dagaalanka waxa ay ugu geedhay gardaro nacasnimo ah Wixii warar ah oo kusoo kordha kula socda wararkeenna soo socda. Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta si rasmi ah ciidanka howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS kala wareegay difaacyadii ay ka deganaayeen magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliyaha Guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Kornayl Saneey Cabdulle ayaa ciidanka ATMIS kala wareegay difaacyadaasi, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Difaacyada ay ciidanka ATMIS ku wareejisay ciidanka xoogga ayaa ah kuwii ay ka deganayeen magaalooyinka Miirtaqwo, Xaaji Cali iyo Cadale oo ka wada tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ee ku sugan gudaha dalka, laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka bishaan June ee 2023-ka. “Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa abuurnay ciidamo taageero ka helaya saaxiibadda caalamiga ah, kuwaas oo la wareegi doona mas’uuliyadda amniga 2000 oo kamid ah ciidamada ATMIS ah, kuwaas oo waajibaadkooda wareejin doona dhammaadka Juun 2023.” Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii dowladda federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah ciidamada howl-galka ATMIS ugala wareegtay xerada Maslax oo ku taalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay muddo sanado ah daganaayeen ciidamada Burundi. Tallaabooyinkan ayaa waxay qayb ka yihiin qorshayaasha ay dowladda federaalka kula wareegayso amniga guud ee dalka, xili wasaaradda Gaashaandhigga ay shaaca ka qaaday inay ku filan yihiin ciidamada Soomaaliyeed. Tayada ciidamada dowladda federaalka ayaa kusoo baxday howl-galada millateri ee ka billowday gobollada dalka, taasi oo muujisay in ciidamada Soomaalida ay isku filan yihiin haddii laga taageero waxyaabaha muhiimka ah. Si kastaba, ATMIS ayaa qorshuhu yahay inay dalka isaga baxdo marka la gaaro bisha December ee sanadka soo socda ee 2024-ka, xilligaas oo ay faarujin doonaan guud ahaan Soomaaliya, si ay amniga ugu wareejiyaan ciidamada Xoogga dalka oo haatan u diyaar garoobayo mas’uuliyadda waddanka oo dhan. The post Sawirro: ATMIS oo ciidanka DF ku wareejisay xeryihii ugu badnaa ee gobolka Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  21. Las Anod (HOL) - Heavy fighting has broken out between the Somaliland army and the SSC erupted on Monday in the disputed city of Las Anod, located in the Sool region. Source: Hiiraan Online
  22. Las Anod (HOL) - Heavy fighting has broken out between the Somaliland army and the SSC erupted on Monday in the disputed city of Las Anod, located in the Sool region. Source: Hiiraan Online
  23. Beledweyne (HOL) - Former governor of Hiiraan, Ali Jeyte Osman, who was previously dismissed from his position, has reportedly been elected as the interim President of the Hiiraan State administration. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Ibraahim Cabdi oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, una qaabilsanaa qeybta ay ugu yeeraan jabhadaha ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta 60-aad. Ninkan ayaa waxa uu ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo kooxda Al-Shabaab ah, kuwaasi oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobollada Baay iyo Gedo, oo ka kala tirsan dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Cali ayaa sidoo kale wuxuu ciidanka dowladda u sheegay in dhibaatooyin badan uu la kulmay sanadihii uu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Waxa uu sheegay inuu u dulqaadan waayay sida arxan darrada ah ee shacabka ay ula dhaqmaan kooxda uu kasoo goostay ee Al-Shabaab. Cali Ibraahim Cabdi ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay saaxiibadiis kale ee weli ku harsan kooxda Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, xilli dalka uu ka socdo guluf ka dhanka ah kooxda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo ka faa’iideysanaya cafis ay dowladda u fidisay xubnaha kooxda. Xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab ee usoo gala dowladda ayaa inta badan waxay sheegaan in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin. Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku xooggan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Cali Ibraahim Cabdi oo isku soo dhiibay dowladda kadib markii ‘uu adkeysan waayay’… appeared first on Caasimada Online.
  25. Hay’adda amniga Ruushka ee FSB ayaa maanta ku dhawaaqday inay laashay dacwad ka dhan aheyd dagaal-yahanada kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ee ku eedeysan inay sameysay gadood hubeysan oo ay xukunka uga tuureyso hoggaanka militari ee dalka. Kiis dambiyeedka loo furay kacdoonkii hubeysnaa ee shirkadda militariga gaarka ah ee Wagner waa la xiray,” ayey FSB ku tiri bayaan ay baahiyeen wakaaladaha wararka Ruushka. FSB ayaa go’aankeeda ku sharaxday bayaanka, ayada oo sheegtay in ka qeyb-galayaasha kacdoonka hubeysan “ay joojiyeen ficilladooda tooska ahaa ee looga dan lahaa inay dambi galaan.” “Iyadoo la tixgelinayo arrintan iyo duruufaha kale ee la xiriira baaritaanka, hay’adda baaristu waxay soo saartay go’aan lagu soo afjarayo kiiska dambiga,” ayaa lagu yiri qoraalka. FSB ayaa dhammaadkii toddobaadka ku eedeysay aas-aasaha Wagner Yevgeny Prigozhin inuu isku dayey inuu billaabo “dagaal sokeeye,” waxayna ugu baaqday dagaal-yahannada kooxda inay soo xiraan. Dhinaca kale, diyaarad lala xiriirinayo Yevgeny Prigozhin ayaa maanta tagtay dalka Belarus kadib markii ay ka baxday Ruushka, ayada oo la rumeysan inay u qaaday dibad-joognimo, saddex maalmood kadib gadoodkii ka dhanka ahaa militariga Ruushka. Website-ka dabagalka duulimaadyada ee Flightradar24 ayaa muujiyey diyaaradda Embraer Legacy 600, oo wadata tirooyinka aqoonsi ee diyaarad lala xiriiriyo Prigozhin, sida ku cad dokumentiyada xayiraadaha Mareykanka uu saaray Prigozhin, oo ka degeysa caasimadda Minsk. Waxay markii hore website-ka kasoo muuqatay ayada oo dul mareysa magaalada Rostov ee koonfurta Ruushka, halkaasi oo ciidamada Wagner ay qabsadeen Sabtidii. PUNTLAND POST The post Ruushka oo fuliyay Qodoba kamid ah Heshiiskii Kooxda Wagner appeared first on Puntland Post.