Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay in guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan loo doortay madaxweynaha maamulka cusub ee dhawaan uu ku dhawaaqay ee Hiiraan State, sida uu sheegay. Cali Jeyte oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa waxa uu sheegay in doorasho gacan taag ah oo ka dhacday magaalada Beledweyne loogu doortay madaxweyne, isaga oo sheegay in reer Hiiraan ay tashadeen, islamarkaana ay sameysteen maamul ka madax-bannaan HirShabelle. Waxa uu sheegay in reer Hiiraan ay go’aansadeen inay ka hoos baxaan maamulka HirShabeelle, sida uu hadalka u dhigay. “Dadkan waa dad bani’aadam ah waa dad Soomaaliyeed aragti ayay lee yihiin, aragtidooda ayay soo bandhigeen, marka waxay go’aansadeen inay dalladdaa ka hoos baxaan oo State kale sameystaan ayay go’aansadeen” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in isaga loo doortay madaxweyne, halka ku xigeenna loo doortay Axmed Cismaan Cabdalle (Inji) oo horay usoo noqday guddoomiye ku-xigeenkii amniga ee Hiiraan. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Cabdishakuur Cadaawe oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan ayaa waxa uu yiri “Dadka reer Hiiraan sumcadii iyo halgankii ay galeen iyo dowladnimada ayuu Cali Jeyte suurad xumeynaa in la isbadalo ama la is magacaabo waa sunada dowladnimada. Maxaa diidaya in gudoomiyaha cusub uu meesha shaqada ka sii wado?.” “Madaxweyne (Cali Jeyte Cismaan) waan ku taagaarsanahay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Bare La-heley. Cali Muumin Cumar ayaa isna waxa uu yiri “Anigaa kamid ah dadka ku abtirsada HirShabele gaar ahaan Shabeellaha Dhexe, waxaana soo dhaweynayaa go’aanka Cali Jeyte Cismaan uu qaatay kadib xilka xayuubintiisii, sababtaan ku taageerayo ayaana ah labadaa gobol waxay ahaayeen laba gobol oo wada jira waxayna lahaayeen laba guddoomiye gobol.” “Labadii guddoomiye kii shaqeeynayey xilka laga qaadayaa kii wax-mataraha ahaana waa joogayaa ma ahan wax la aqbali karo, Guudlawe ha dhaco.” Shibane Xuseen oo kamid ah dadka ka fal-celiyay sheegashada Cali Jeyte ee ah in loo doortay madaxweynaha Hiiraan State ayaa waxa uu yiri: “Adiga oo sharaf leh xilka wareeji.” Cawil Kaariye: “Dadka reer Hiiraan sumcadii iyo halgankii ay galeen iyo dowladnimadii ayuu Cali Jeyte suurad xumeeyey. Sharafkii iyo boqortooyadii reer Hiiran ayuu meel uga dhacay Mudane Jeyte.” “Kuwa Cali Jeyte xilka ka qaaday waa kuwa ka soo horjeeda dowladda, islamarkaasna naafaynaya dagaalka lagu jiro (kooxda Al-Shabaab),” ayuu yiri Cali Bashka Axmed. Xasan Hiraabe ayaa isna waxa uu yiri: “Sumcadaada ayaad ku ciyaaraysa guusha waxyar ayay kuso jirsatay laakiin waad ka faa’iideysan weyday, hadaad aqbali laheyd xilka qaadista Soomaaliya baal dahab ah ayaad ka geli laheyd laakiin hada waxaa wanaagagii ku bedelatay hogaamiye qabiil aan is-ceshan oo ceebta wanaag mooda.” “Waddo aad aqoon meeshay ku dhamaato ayaad ku joogta, dadkaagana ha lumin hana isku dirin, HirShabeelle-na waa jiree waa ka horeysay.” The post Sidee looga fal-celiyay sheegashada Cali Jeyte ee madaxweynaha Hiiraan State? appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaallada sokeeye iyo dhiiga ku daadanaya qaar kamid ah magaalooyinka dalka, xilli lagu jiro maalmihii xorriyadda iyo weliba bisha xurmada leh. Shariif ayaa ugu horreyn waxa uu umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda 26-ka Juun, 63 guuradii ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska gobollada Waqooyi ee dalka (Somaliland). Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu shaaciyay in dhiiga daadanaya iyo dagaallada sokeeye ee soo noq-noqday ay aas-aas u yihiin cadaalad darro baahsan oo ka jirta dalka. “Waxaa xanuun leh in maanta meelo badan dalka dhibaato ay ka jirto, dhiig Soomaaliyeed daadanaayo oo laga baaqsan karo lana arki waayay bisha xormada leh iyo dhiigga xormada leh labadaba ayna u daadanayaan si masuuliyad darro ah,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Waxa uu intaas kusii daray “Dagaallada Sokeeye iyo dhiigga daadanaya runtii waxaa aas-aas u ah cadaalad darro iyo dulmi dhexdeena ka jira, Ilaahay umaddaan Islaamka waxa uu ku amaanay inay tahay umadda ugu fiican umadaha laba sabab dartooda, waxay iska reebaan xumaanta oo waxay is faraan wanaaga.” Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda sare ee dalka in la joojiyo colaadda iyo dhiigga ku daadanaaya qaar ka mid ah magaalooyinka dalka. “Bishaan Carafo oo ah bil barakeysan oo Muslimiinta aad ugu weyn, waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba shacab iyo masuuliyiin in la joojiyo dhiigga daadanaayo.” Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in umadda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan, islamarkaana ay ka hor istaagan dulmiga, iyaga oo isfaraya wixii wanaagsan, si dalkaan uu hore ugu sii socdo. “Dal wanaagsan oo waasic ah ayaa Ilaahay inoogu deeqay, umad Muslimiin ah oo wanaagsan oo runtii u baahan in loo adeego ayaa Ilaahay noogu deeqay, marka waa in aan masuuliyadeeda qaadano.” The post Daawo: Shariif oo shaaciyay arrinta aas-aaska u ah dagaalada sokeeye ee dalka appeared first on Caasimada Online.
  3. Munaasibadda 63 guurada, 26ka-June 1960-kii oo ahayd maalintii aynu xornimada ka qaadannay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska, waxa aan salaan, bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah hawada u marinayaa dhammaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin. Shacabka reer Somaliland, caawa oo kale waxa ay u tahay habeen taariikhdooda dawladnimo baal-dahab ah kaga xardhan, dhanka kale-na waxaa faan iyo taariikh fac weyn inoo ah in aynu nahay curadkii Soomaali oo dhan u horseeday madax-bannaanida & Gobonnimada. Ilaahay-na waxa aan innooga baryayaa in sannadkan iyo sannado kale oo badan innagu gaadhsiiyo, midnimo dhexdeenna ah, aqoonsi caalami ah, horumar-waara, doorashooyin xor iyo xalaal ah, Ilaahayna ku guuleeyo Shacabka Somaliland samirka iyo dhabar-adaygga ay u sameeyeen Qarankooda ay halganka dheer u soo galeen. Dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland guul iyo gallad Eebe korkiisa ha saaro. Walaalayaal, ku ciida farxad, nabad iyo hiigsi aan gudhayn, ballanteennuna waa midnimo, walaalnimo, iyo gobannimo. Qaran News
  4. Nairobi (Caasimada Online) – A sudden surge in fatal incidents has swept across various Kenyan counties, raising grave concerns about national security. The terrorist group Al-Shabab, with roots in Somalia, has heightened its aggressive operations across East Africa, with Kenya as its current primary target. A striking tally of over 20 fatalities has been reported just within the current month, instigating widespread alarm. The bloodbath in Kenya began in the early hours of June when Al-Shabab launched a series of ruthless attacks in Mandera County. From the beginning of June until the present, data analyzed by the Nation reveals that these attacks have claimed 27 Kenyan lives, mainly comprising police officers, with many others gravely wounded. Government intelligence reports indicate that numerous Al-Shabab fighters are operational within four Wajir sub-counties. The nightmare in Salama and Juhudi In the latest atrocity committed by this terror group, five men were beheaded in the villages of Salama and Juhudi in the Mkunumbi division of Lamu West on a chilling Saturday night. According to Pamela Akoth Ogutu, who witnessed the horrifying event, more than 30 gunmen armed with firearms, pangas, and knives, stormed the villages. Dressed in military regalia, they identified themselves as “Original Al-Shabab.” Upon entering the households, they demanded that the occupants lie on the floor. Among the victims was Barack Hussein, 19, a Form Three student of Bakanja Secondary School, home for his half-term break. He and other victims were forcibly dragged from their homes, tied up, and gruesomely beheaded. Ogutu recounts, “They also told us to deliver a message to President William Ruto that they were unhappy with the reopening of the Kenya-Somalia border.” Rising tensions in East Africa The horrific killings in the villages of Salama and Juhudi haven’t isolated incidents. In January last year, these villages witnessed a similar onslaught, where six individuals were killed, and suspected Al-Shabab militants torched more than ten houses. Garissa County also experienced a grim echo of terror this month when eight security officers were killed during patrol. Survivors of the recent raids accuse security agencies of delayed responses to these nightmarish events. Joseph Mwangi, an elder from the affected area, lamented, “They only came this morning to collect the bodies. It’s unfortunate. Only the National Police Reservists in our villages responded quickly. They’re the ones who fought and prevented more deaths here.” These attacks have sparked an outcry from the public, urging the government to ensure their safety. Pastor Peter Muthengi of the Salama Redeemed Gospel Church called for an investigation, expressing the palpable tension suffusing the region after the brutal night raids. Kenyan government response In response to the mounting pressure, the State launched a substantial operation in various areas to hunt down the terrorists. Defence Cabinet Secretary Adan Duale announced the modernization of police and KDF artillery to end Al-Shabab attacks in the region. He declared, “Al-Shabab … we are coming for you. We will use the Navy, Air Force, and special forces to hunt you in Kenya and Somalia.” Furthermore, he warned that sympathizers of Al-Shabab within the region would not be spared. While the Kenyan government pledges to crack down on this menace, residents continue to live in fear as they anticipate the next potential terror attack. The post Resurgence of Terror: Al-Shabab’s murderous month in Kenya appeared first on Caasimada Online.
  5. PRESS RELEASE UNFPA experts, specialists and partners met to discuss priorities, and examine challenges and opportunities to reduce unmet need for family Planning in the Arab Region. 13.6 million In the region have unmet needs for family planning Cairo, 26 June 2023 – On Wednesday 21 June, UNFPA Arab States Regional Office concluded a regional consultation on family planning aimed to support efforts to accelerate the achievement of zero unmet need for family planning in the Arab region. Held in Amman, Jordan, the event gathered UNFPA experts, specialists and partners from 15 countries to discuss priorities, and examine challenges and opportunities to reduce unmet need for family Planning in the Arab Region. Of the 91 million women of reproductive age (15-49 years) in the Arab region, 13.6 million have unmet needs for family planning as they want to avoid or delay pregnancy but are not using a contraceptive method. Ending the unmet need for family planning by 2030 is one of UNFPA’s three transformative results. During the three-day consultancy, the participants discussed and reviewed the UNFPA Strategy for Family Planning (2022–2030) and UNFPA Acceleration Plan for Ending the Unmet Need for Family Planning (2022–2025) to support the roll-out of the new strategy and the development of country-specific roadmaps to accelerate achieving unmet need for family planning and identify areas for South-to-South collaboration in the Arab region. The Arab region faces a unique range of challenges in accelerating efforts to meet voluntary family planning needs. Stigma faced in accessing or using family planning and social barriers, together with low or inequitable access to health and social services, weak commodity management systems, health workforce and financing gaps are some of the barriers preventing women of reproductive age (15-49) from accessing the methods that they desire. The contraceptive prevalence rate is less than 60 percent in two-thirds of the Arab countries. Young people constitute around 30 percent of the population in the region and face serious challenges in accessing sexual and reproductive health accurate and age-appropriate family planning information and services. Many countries are also facing complex and prolonged humanitarian crises, which cause disruptions and put additional pressure on the functionality of health systems. This situation requires a greater push from the UN, government counterparts, and civil society to ensure that women’s needs for family planning in the region are met. This dedicated workshop facilitated exchanges between UNFPA HQ, regional, and country offices to share evidence and good practices on family planning and identification of priorities to accelerate progress toward meeting unmet need for family planning across the Arab States. For UNFPA, this regional workshop was the first of its kind to support regional level adaptation and operationalization of the UNFPA FP Strategy (2022-2030) and its Acceleration plan for 2022-2025. At the end of the workshop, all the participating countries (Syria, Egypt, Jordan, Lebanon, Somalia, Algeria, Yemen, Libya, Iraq, Palestine, Sudan, Tunisia including UNFPA Office representing GCC (Oman) drafted country-specific roadmaps entailing the key priority actions for the country offices to take in reducing the unmet need for FP. The group will reconvene virtually on a monthly basis to follow up on the progress made against country specific roadmaps. Qaran News
  6. ABIDJAN, Ivory Coast, June 26, 2023/ — The Board of Directors of the African Development Bank Group (www.AfDB.org) has approved an equity investment of €18 million in the Africa Guarantee Fund (AGF) and another €1.2 million to support youth and women entrepreneurs engaged in agricultural value chains in Kenya. The funding, approved on June 6, 2023, was provided by the European Union (EU) under its partnership with the African Development Bank Group. Mrs. Nnenna Nwabufo, the Bank Group’s Director General for East Africa, noted the approval as “another milestone in the implementation of the partnership with the EU, which also signals the importance given to the role of women and youth in the agricultural sector in Kenya.” The demand for Micro, Small, and Medium Enterprises (MSME) financing remains unmet in Kenya and has been aggravated by the disruptions of the Covid-19 pandemic. The International Finance Corporation (IFC) estimates an SME finance gap of US$19.38 billion, representing 30 percent of the country’s GDP. The World Bank’s Covid-19 Business Pulse Survey (BPS) shows that many potentially viable firms are still struggling. The agriculture sector employs the largest share of the population, especially in rural areas, and accounts for 60 percent of Kenya’s export. According to data by the Kenya Youth Agribusiness Strategy 2017-2022, 64 percent of the unemployed Kenyans are youth (18 to 35 years old), with the majority moving away from agriculture to fast-growing non-agricultural sectors in urban areas. Women face many constraints hampering their access to finance and the growth of their businesses. These include a lack of business management skills, legal, social, and policy barriers, poor access to networks and information, and inadequate financing options catering for their specific needs. Banks often perceive women-led businesses as risky due to the low quality or number of assets for collateral and the generally smaller business sizes. Therefore, supporting women entrepreneurs and catalyzing private investment in this segment are crucial measures to foster inclusive economic growth in Kenya. According to the 2017 Economic Survey by the Kenya National Bureau of Statistics, commercial bank lending to the sector in 2016 stood at a mere three percent, as the risk level of this customer segment is deemed high. Qaran News
  7. WAR-SAXAAFADEED Badqabka online-ka: Masuuliyad Wadareed ay Sharaf u Tahay TikTok inay Muhiimadda siiso Ka wada shaqaynta xaqiijinta in bulshada Soomaaliya ay helaan Badqab Loo Dhan Yahay #WadajiraaBadqaba June 26, 2023/ — Ayadoo dhawaan ay qabatay taxaneyaasha aqoon kororsiyada, TikTok (www.TikTok.com) ayaa aqoonsan in Badqabku uu muhiimadda koowaad u yahay bulshada ku dhaqan Soomaaliya waxaana aaminsanahay in wada shaqeyntu ay aasaas u tahay ilaalinta Badqabka aapp-ka. TikTok ayaa soo qabanqaabisey mashaariic badan ee lagu xaqiijinaayo badqabka online-ka , oo ay ka midtahay cusbooneysiin balaaran oo lagu sameynaayo Tilmaamaheeda Bulshada. Kuwaani waa xeerarka iyo heerarka ka qayb noqoshada bulshada isticmaasha TikTok, kuwaasoo qabanaaya qof kasta iyo wax kasta oo aalada ku jira. Ayadoo lagu saleynaayo falcelinta ka timid isticmaaleyaasha iyo wada tashi aan la samaynay in ka badan 100 ururrada khibrada leh ee daafaha caalamka. Cusbooneysiintaan ayaa hormarisay dedaalka aaladu gelinayso hufnaanta ayadoo siinaysa qof kasta xog ku saabsan xeerarka badqabka iyo sida TikTok u dhaqan gelinayso. “Waxaa sharaf noo ah inaan dhaqan gelinay cusbooneysiinta Tilmaamaha Bulshada, anagoo siinayna bulshadeena hufnaan dheeri ah oo ku aadan xeerarkeena iyo sida aan u fulino. Waxaa loo baahanyahay in dadka dhan ka wada shaqeeyaan si loo difaaco amaankooda online-ka , marka waxaan uga mahad celinaynaa qof kasta oo kamid ah isticmaaleyaasha TikTok iyo dhammaan khubarrada ee doorka ka qaatay siina wada inay naga caawiyaan hormarinta xeerarkeena iyo ka hortaga khataraha imaan kara.”, ayuu yiri Kevin Morgan, Madaxa Kalsoonida iyo Badbaado, EMEA. Si loo xaqiijiyo hufnaan joogto ah, TikTok ayaa faafisay warbixinnada saddexdii biloodba mar lasoo saaro ee Dhaqan Gelinta Tilmaamaha bulshada oo laga heli karo Xarunta Hufnaanta, taasoo faahfaahinaysa talaabooyinka la qaaday si looga hortago waxyaabaha lagu faafiyo TikTok oo xadgudubka ah. Rubuca 4aad ee 2022 (Warbixinta lasii Daayay Maarso 31, 2023), TikTok ayaa barteeda ka saartay 85.68 milyan oo muuqaal u dhiganta 0.6% dhammaan muuqaallada lasoo geliye aalada. Isla waqtigaas, TikTok ayaa hawada ka saartay in ka badan 280,000 muuqaallo oo jebiyay xeerarka adeegga ee Soomaaliya, halka 98.7% kamid ah muuqaallada xeerarka jebiyay la aqoonsaday lana tiray kahor intaan lasoo sheegin. Shaqada badqabka keligeen ma xaqiijin karno. Wada shaqeynta aaladaha online-ka ah iyo laamaha sharciga ee dawladaha ayaa muhiim u ah xaqiijinta badqabka isticmaaleyaasha. Asagoo adkaynaaya muhiimada wada shaqeyntu u leedahay xaqiijinta in bulshadu hesho Badqab Loo dhan yahay, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ) ee Somaaliya , Md.Mustafa Y. Sheik ayaa sheegay: “Laamaha sharciga ee qaranka iyo Hay’addaIsgaarsiinta Qaranka ( HIQ) ee Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka ciyaara xaqiijinta in aaladaha sida TikTok ay amaan ku helaan dhammaan isticmaaleyaasha. Waxaan muhiimad siinaynaa wada shaqeynta u dhexaysa TikTok iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee xaqiijinta in isticmaaleyaasha aaladu ay aqoonsadaan ayna adeegsadaan farsamooyinka si ay uga caawiso kahortaga waxyaabaha khatarta badan, gaar ahaanna waxyaabaha dhiiri gelinaaya argagixisada iyo fallaka sharci darrada ah. Waxaan aqoonsan nahay aana uga mahad celinaynaa TikTok bilaabista barnaamijyada wacyigelinta isticmaaleyaasha ku nool Soomaaliya ayadoo adeegsanaysa hal-kudhiggeeda #WadajiraaBadqaba, cusbooneysiinta qaybaha badqabka iyo cusbooneysiinta Tilmaamaha Bulshada. Marki aan si wadajir ah u wada shaqeyno waxaan abuuri karnaa, dadkana bari karnaa talaabooyinka badqabka ee ku habboon dhammaan da’aha kaladuwan, iyo in aan ka difaacno isticmaaleyaasha khatarta islamarkana ilaalinayna waxyaabaha wacyi gelinta iyo hal abuurka leh kuwaasoo ixtiraamaya dhaqanka, mabaadii’da, iyo caadooyinka bulshadeena.” TikTok waxaa keliya isticmaali kara dadka jira 13 sano iyo ka wayn, aalada ayaana suuragelisay sugida badqabka bulshada da’yarta ayadoo si joogto ah u casriyeysa qaybaha sida: – Wadaagga Qoyska oo u sahlaaya waalidiinta ama masuuliyiinta inay ciwaankooda Tiktok ku xiraan ciwaannada dhalintooda ayna maamulaan qaybaha kaladuwan ee badqabka iyo habeynada asturnaanta(safety & privacy settings) – ayna ku jiraan inay doortaan in ciwaanku noqdo mid dadwayne ama mid gaar ah, cida faallo ka bixin karta muuqaaladooda, iyo mudada ay ku qaadanayaan TikTok maalin kasta. – TikTok waxay ka xanibaysaa bulshada da’yarta inay galaan qaybaha qaar. Tusaale, ciwaannada dhalinta da’aha 16 iyo ka yar ma adeegsan karaan Farriimaha Tooska ah, halka ciwaannada bulshada da’aha ka yar 18 sano aysan geli karin LIVE. – Si loo caawiyo bulshada da’yarta oo ka yar 18 sano inay yeeshaan dabeecadaha online-ka oo wanaagsan, Tiktok ayaa dhawaan dejisay waqtiga isticmaalka shaashada aalada oo ah 60 daqiiqo keliya maalintii. Arimaha badqabka bulshada guud ayaa sidoo kale muhiim ah, TikTok na waxay abuurtay adeegyo kaladuwan oo ka caawinaaya bulshada maamulida khibradooda aapp-ka ayagoo adeegsanaaya qaybaha soo socda: Habeynada Asturnaanta(privacy settings): Ayadoo la adeegsanaayo qaybahaan, isticmaaleyaasha ayaa awooda inay go’aansadaan cidda raaci karta iyo cidda ay ku macaamilayaan ciwaankooda; halka ciwaannada ay leeyihiin 13-15 jirada asturnaanta asal noqoto. Kala hufida faalooyinka: TikTok waxay abuurtay sifooyin noocyo badan ee faalooyinka, oo u sahlaaya isticmaaleyaasha inay doortaan faalooyinka ay doonayaan inay ku arkaan muuqaaladooda, waxay ku xirayaan erayo gaar ah oo ay doonayaan in laga saaro faalooyinkooda, iyo inay soo sheegaan, tiraan ama xanibaan ilaa 100 faalooyin iyo ciwaanno halmar. Qaybta warbixinta isticmaalaha: Qaybtaan waxay u sahlaysaa isticmaaleyaasha inay si qarsoodi ah u soo dacweeyaan waxyaabaha anshax darada ah ama fal ay ku arkaan aalada, si TikTok ay u baarto ayna u tirto haddii u jebinayo Xeerarkeena Bulshada. Talaabadaan waxay sii adkaynaysaa muhiimadda wada shaqaynta iyo ka saarida aalada waxyaabaha kasoo horjeeda Xeerarka Bulshada. TikTok waxay ku dhaqantaa masuuliyada ka saaran hormarinta adeeg badqab leh ee aaladeeda iyo hubinta khibrad kalsooni leh isticmaaleyaasheeda oo dhan. Maadaama ay tahay aalad madadaalo oo sii balaaranaysa, TikTok ayaa balan qaadeysa inay si heegan ah uga shaqeyso kor u qaadista khibrada aaladaha casriga ah ee bulshada. Si aad u heshid xog dheeri ah oo ku sabsan tilmaamaha amaanka ee TikTok oo ay sameeyeen hal-abuurada TikTok ee Soomaalida ah, booqo hal-kudhigga #WadajiraaBadqaba ee gudaha aapp-ka iyo XaruntaBadqabka ee TikTok (https://apo-opa.info/3XmsTZH). Waxaa qaybiyay Kooxda APO iyadoo ka wakiil ah TikTok. SOURCE TikTok Qaran News
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta saxiixay sharci canshuurta ku kordhinaya badeecado kala duwan, sida ay sheegtay madaxtooyada. Ruto ayaa u muuqda mid iska dhego tiray dhalleeceyn ku saasabn inuu xaaladda kusii adkeynayo shacabka wajahaya dhibaatooyinka dhaqaale, maadaama uu canshuur dheeri ah ku waajibinayo shacabka. Sharcigan cusub ee canshuuraha ayaa waxaa toddobaadkii tegay saxiixay baarlamanka, wuxuuna laba laabayaa canshuurta shidaalka, oo uu ka dhigayaa 16 boqolkiiba. “Madaxweyne Ruto wuxuu ansixiyey sharciga maaliyadda. Wuxuu ku saxiixay madaxtooyada,” ayey madaxtooyada ku tiri farriin ay u dirtay suxufiyiinta, oo ay wehlisay sawirka madaxweynaha oo saxiixaya. Ruto oo xafiiska la wareegay bishii September kadib doorasho si xooggan loogu loolamay ayaa isku dayaya inuu buuxiyo qasnadaha dowladda ee maran, islamarkaana dib u hagaajiyo dhaqaalaha waddanka oo daymo badan lagu leeyahay, kuwaas oo uu ka dhaxlay madaxweynihii ka horreeyey Uhuru Kenyatta. Kenya ayaa waxaa hadda lagu leeyahay dayn gaaraysa $70 bilyan, taasi oo u dhiganta 67 boqolkiiba wax soo saarka guud ee dalka (GDP). Sharciga cusub oo la filayo inuu soo kordhiyo in ka badan $2.1 bilyan oo dakhli cusub ah ayaa canshuurta ku kordhin doona badeecado iyo adeegyo ay ka mid yihiin cuntada iyo adeegga lacagta la isugu diro mobile-ka. Dadka bishii uu soo galo dakhli dhan 500,000 shilling ($3,600) ayaa bixin doona 32.5 boqolkiiba oo ah canshuurta dakhliga, halka kuwa sameeya 800,000 shilling ($5,700) ay bixin doonaan 35 boqolkiiba, halka markii hore ay bixin jireen 30 boqolkiiba. Sidoo kale waxaa la saddex jibaaray canshuurta ganacsiyada yaryar oo laga dhigay saddex boqolkiiba. Canshuur cusub oo ah shan boqolkiiba ayaa la saaray dadka dakhliga ka sameeya muuqaallada baraha bulshada sida Facebook iyo YouTube. Mucaaradka Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa ku hanjabay dibad-baxyo cusub oo ka dhan ah canshuurta cusub, ayaga oo sheegay inay culeyska ku kordhin doonto shacabka markii horeba dakhliga ciriiriga ku ahaa. AFP + VOA The post RUTO oo saxiixay sharci ay ka biyo diideen mucaaradka iyo arrin laga cabsi qabo appeared first on Caasimada Online.
  9. Garowe (HOL) - The Puntland regional state Parliament on Monday declared changes to the process of electing the state's President and Vice-President by amending Article 56 of the constitution. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed ayaa nasiib darro ku tilmaamay arrin uu kusoo aaday xuskaan. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in meelo badan oo dalka ah ay ku daadanayaan dhiig, iyada oo lagu jiro maalmaha xorriyada. “Waxaan runtii aad uga xumahay in dalkeenna weli ay ka taagan tahay colaad, yacni argigixisada ka sakow, in xitaa gobolada qaarkood weli dhibaato ka taagan tahay oo dhiig shacabka Soomaaliyeed arrimo siyaasadeed iyo arrimo qabyaaladeed loo daadinayo,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Arrintaas aad iyo aad ayaa uga xumahay, arrintaas waxaa loo baahan yahay in u guntano oo arrintaas dalka ka istaagto.” Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka taagan qeybo badan oo dalka ah, si loo joojiyo colaadda uu dhiiggu ku daadanayo. “Waxaa isleeyahay haddii la helo oo masuuliyiintii dalkana ka howl-galaan arrintaas sidii looga gudbi lahaa (colaaddahaasi). Marka shacabka Soomaaliyeed waxba iska bedelaya,” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka dhawaajiyay in loo baahan yahay caddaalad garsoor, caddaalad siyaasadeed iyo caddaalad maamul, taasi oo lagama maarman u ah si ooga gudbo dhibaatooyinka dalka ka aloosan. “Shacabka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa in aan la idinku beer-laxowsan dagaal dambi rida oo walaalihiina dila oo guul ayaa ku gaadheyna oo aan riixno reer hebel in aad ka ogolaanin siyaasi kasta oo dan gaar ah leh,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo baaq u direy Shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntiina waxa uu bogaadiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda looga xoreeyay deegaano horleh, isaga oo ugu baaqay dhinacyada qeybta ka ah gulufka socda inay dardar-geliyaan oo sii wadaan, si guud ahaan dalka looga xoreeyo argagixisada. “Dhamaan masuuliyiinta abaabushay, ciidamada qalabka sida, shacab weynaha Soomaaliyeed kacdoonka sameeyay oo ku dhiiraday inay naftooda u huraan oo argagixisada iska xoreeyaan, waxaa leenahay waxyar ayaa noo dhiman aan dhameystirno.” Hoos ka daawo The post Daawo: Aadan Madoobe oo sheegay arrin nasiib darro ah oo xuska 26 June kusoo aaday appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta saxiixay sharci canshuurta ku kordhinaya badeecado kala duwan ee dalkaas. Madaxweyne Ruto ayaa iska dhego tiray dhalleeceyn ku saabsan in uu xaaladda ku sii adkeynayo shacabka Kenya ee wajahaya dhibaatooyinka dhaqaale. Sharcigan cusub ee canshuuraha ayaa waxaa toddobaadkii tegay saxiixay baarlamanka, wuxuuna laba laabayaa canshuurta shidaalka, oo uu ka dhigayaa 16 boqolkiiba. “Madaxweyne Ruto wuxuu ansixiyey sharciga maaliyadda. Wuxuu ku saxiixay madaxtooyada,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay dowladda Kenya. Ruto oo xafiiska la wareegay bishii September kadib doorasho si xooggan loogu loolamay ayaa isku dayaya inuu buuxiyo qasnadaha dowladda ee maran, islamarkaana dib u hagaajiyo dhaqaalaha waddanka. Dowladda Kenya ayaa daymo badan lagu leeyahay, kuwaas oo uu madaxeeynaha cusub ka dhaxlay madaxweynihii ka horreeyey Uhuru Kenyatta. Kenya ayaa waxaa hadda lagu leeyahay dayn gaaraysa $70 bilyan, taasi oo u dhiganta 67 boqolkiiba wax soo saarka guud ee dalka (GDP). Sharciga cusub — oo la filayo inuu soo kordhiyo in ka badan $2.1 bilyan oo dakhli cusub ah — ayaa canshuurta ku kordhin doona badeecado iyo adeegyo ay ka mid yihiin cuntada iyo adeegga lacagta la isugu diro mobile-ka. Dadka bishii uu soo galo dakhli dhan 500,000 shilling ($3,600) ayaa bixin doona 32.5 boqolkiiba oo ah canshuurta dakhliga. Sidoo kale kuwa sameeya 800,000 shilling ($5,700) ay bixin doonaan 35 boqolkiiba, halka markii hore ay bixin jireen 30 boqolkiiba. Waxaa sidoo kale la saddex jibaaray canshuurta ganacsiyada yaryar oo laga dhigay saddex boqolkiiba. Canshuur cusub oo ah shan boqolkiiba ayaa la saaray dadka dakhliga ka sameeya muuqaallada baraha bulshada sida Facebook iyo YouTube. Mucaaradka Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa ku hanjabay dibad-baxyo cusub oo ka dhan ah canshuurta cusub. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Kenya oo saxiixay Sharci Canshuurta ku kordhinaya Shacabka appeared first on Puntland Post.
  12. NAIROBI, Kenya (AP) — Five people have been killed in a Kenyan border village, fueling concerns that such attacks are increasing after a decline. Source: Hiiraan Online
  13. Lafagurka Buugga Boojin: Dookha Gabadhaada Tixgeli Lafagurka: Muxyadiin Ciid Libaax-barkade Email: muciid@gmail.com Qoraaga: Sakariye Cismaan Daabicidda: Hiil Press Bogagga: 302 Sanadka: 2022 Buugga Boojin, waa buug gacanteyda soo galay 14-05-2023-da, markaas oo ahayd bandhiggisii London, oo aan qayb ka ahaa, ahaana ruuxii daadihinayay. Uma aanan helin kansho aan xilligaas akhriskiisa ku bilaabo, waayo waxaa gacanteyda ku jiray afar kale, waxaanse u soo jeestay bishan anoo dhammeeyay. Buug walboo aan akhriyo, waxaan jeclahay in aan isku dayo in aan ka qoro dhawr qodob oo aan ku soo koobayo nuxurka buuggaas. Tan oo runtii qoraagana dhiirigalin u ah, akhristayaasha uusan buuggaan weli soo gaarinna fikir ka siinaysa uu hadduu xiiseeyana, ku raadsado, haddii kalena uu mar walba wax uun ka haysto buuggaan. Aan ku billaabo magaca buugga Boojin, oo markii iigu horreysay ee aan maqlo ayaan isweydiiyay Soomaali ahaan waxa uu noqonayo. Abwaan Maxamed Cabdi Nuur, ayaa igu wargashay in uu u yaqaan “Gabdhaha xooga lagula aqalgalo” asagoo daba dhigay “qoraagu ma reer Baydhabaa?” oo uu ula jeeday in ereygaas boojin uu degaankaas u saarayay, sidii bayna noqotay, waa micnehee. Qof walba oo arkana magaca buugga ayuu su’aal galinayay, kaas oo ah erey Soomaaliyeed, laakiin sida muuqatay u badan in laga tagay, waloow ficilkii uu tilmaamayay weli uusan salguurin oo lagu dhaqmo ama dhacayo weli, halka ereygii ku qumanaa in loogu yeerana uu sii lumayo. Tan waxa ay tilmaan naga siinaysaa sida marka la yiraahdo afku khatar buu ku jiraa ay dhab u tahay. Qoraaguna waa ku mahadsanyahay nooleynta ereyga uu magacan buuggiisa u xushay. Ma ahan xulashada kaliya in uu qoraagu ereygan u adeegsaday, balse sheekada buuggaan ayaa ku qotonta boojin. Waxaa intaa dheer dhaqanno badan oo raad xun ku reeba gabdhaha Soomaaliyeed in aad buuggaan ugu tageysid, kuwaas oo aan ahayn kuwii ay ka filayeen dadka ayba ka filan kareen xumaanta, balse noqda kuwo uga yimaada kuwii dad ugu xigay, lagana yaabe in ayba noqdaan labadii dhashay, ayagoo dhaafsanaya adduun, ama mararka qaarkood u hoggaansama xeerar iyo dhaqan la leeyahay reerahay u dhaxeeyaan, kuwaas oo ay ka dhigaan dabar aan la dhaafi karin, ayada oo aan la eegeyn aayaha gabadha yar ee mustaqbal qurux badan ka rajeynaysay adduunkaan. Sheekadan Boojin, waxay ku xilliyeysantahay in ay dhacday 2000, goobtuna ahayd magaalada Muqdisho. Waad qiyaasi kartaa qofkii Muqdisho ku noolaa waqtigaas, oo ay ahayd meel u kala xir-xiran qab-qablayaal qaarba aag meegaartay. Dhallinta waqtigaas ku kortay ee waxbarasho iyo rajo ay u muuqatay, ayna u dheerayd mustaqbal iyo hammi ay hiigsada is lahaayeen, kaas oo aad is oran lahayd umaba muuqan, wallow in badan oo xilligaas joogay ay bartilmaameed u ahayd ay is lahaayeen maalin uun baad ka jibiggaari doontaan ayaa sheekadan kaaga dhex muuqan doonta. Akhrinta Boojin, waxaad ka helaysaa in ay ku tusto sawirka dhabta ah ee dhallinta Soomaaliyeed ee ku sugnaa marxalladda noocaas ah. Waxaad ku arkeysaa kuwii ay gacanta ku dhigeen dagaal-oogayashu ee u hoggaansamay arragtidoodii iyo kuwo aysan weli ku duxin, diidmadooda fikradahaas qalloocan iyo qabyaaladduna ay ahayd kuwo ay la soo banbaxayeen, daadafeynayeenna kuwa dhiggooda ah ee ay ka dhex guuxayeen qabqablayaashu. Waxaad aad ugu qashuuceysaa barbaartaas nadiifka ah, adoo arkaya kuwa mustaqbalka danbe ee sheekada guuleysanaya in ay ayaga yihiin. Muna, oo ah gabadha sheekadan salka u ah iyo qoyskeeda ayaa aad kuu soo jiidanaya. Qoys reer magaal ah, dabeecad ahaan furfuran, waloow saameynta kaliya ee waqtigu ku yeeshay uu ahaa in wiil ka noqday dhallinta suuqa gashay “Xaseey”, taas oo marmarka qaarkiisna ku tuseysa asaga macal xilliyada qaar in reerku u baahanayo, waayo kuwa kale ee dhiggiisa ah ee bahaloobay ciddii aan qof u haysan cagtaa la marinayay. Waxaad aad uga helaysaa sida qoraagu uga turjumayo sheekada dhallinyarada, adoo ka dhadhansanaya marxalladda ay xilligaas ku sugnaayeen taas oo uu dareemi karo qofkii soo maray. Waxaadse marna aad maleysanayn sida uu qoraagu ugu laray humaag aad u sarreeya, bixinayana midabbo kala duwan. Sheekada Boojin waxa uu qoraagu kula dagaalamayaa dhowr arrigtiyood ama tacaddiyood oo gabdhaha laga galay, boojinna waxa ayba noqon kartaa mid ka mid ah. Waxaad ka arkeysaa gudniinka fircooniga ah, oo dhinac haddaad ka fiirisid ah il dadka xirfaddaas yaqaan ka macaashaan, ayada oo aan la eegeyn dhibta ay la imaanayso, dhinacna ay caado iyo dhaqan lugta la galeyso. Mid kale ayaa ah bixinta iyo doonista gabadhaha oo lagu dhaqaaqo ayada oo aan lagala tashan gabadhaha iyo dookhooda, tanoo ay ka dhalato dhib aad u weyn. Dhacdooyin dhowr ah oo naxdin leh ayaa ugu tageysaa buugga, ayna ka mid tahay gabdhaha jirkooda ka ganacsada qaar ka mid ah in ay ku riixeen markii ay ka carareen odey ama nin aysan rabin oo lagu qasbay, ka dibna markii garab iyo miciin ay waayeen ay gacanta u galeen kuwo ka faa’ideystay. Waxay sheekadan i xasuusisay sheeko dhab aheyd oo markii danbana Radiyoow Muqdisho uu ka sii daayay Axmed Faarax Cali “Idaaja”, lana oran jiray Qansax Dheere, kana dhacday Mudug, kuna saabsanayd in labo odey ay ku heshiiyeen in labo gabdhood oo ay dhaleen is dhaafsadaan, gabdhihii markii midi odeygii la siiyay la aqalgashay, ayaa tii kale diidday una baxsatay magaalo, ayadoo markii danbe ka ciid gashay magaalada Muqdisho, kuna danbeysay in warbaxinteedii oo dhammeystiran uu sheeko ka diyaariyay Qoraa Idaajaa, taas oo keentay in wax badan la iska weydiiyo xilligaas. Ruwaayaddii If Iyo Aakhiro ayaa iyaduna sheeko ku dhow taas ku salaysnayd oo ah in gabadha shilmaan la dhaafsanayay. Qoraaga Boojin oo runtii dhallinyaro ah ayaa sheekadiisa iyo meelaha ay ka duuleyso aad u kala sareeyaan, anoo mar aan la kaftamayay u sheegey in dhacdooyin badan oo ku xusan iyo da’diisa markaad isku fiirisid aad u kala weyn yihiin, tanoo aad ka dhaxli kartid tayada qoraaga. Buuggan ayaa waxa aad marmar ku waalaneysaa qosol, halka marka xigana ay murugo kugu dhalineyso aad la ilmeysid. Waxaan si gaar ah uga helay jilniinka Ugaaska iyo Muraayad, oo labaduba kaa qoslinayaan. Qaylada Muraayad ee darisku ku yaqaanaan iyo marka Aabbaheed qabqablaha Jananka ah ee uu u shaqeyn jiray gabadhiisa siiyay. Jananka oo 70sano ka saramaray ayaa marka Muraayad loo aqalgeeyo uuna dharka iska dhigo oo ay aragto axadka ku liqdaaran iyo sida uu u egyahay matag madax uga billowday, asagoo laftigiisuna matag soo rogayo, badna ay noqoneyso uu ku kufo, ayaduna uga cararto. Waxaase mucjiso ah Hooyo u dagaalameysa in ayada oo Odeygeedu kala tashan uu wiilkeedii curudka ahaa gabar u doonay, tanoo ay u aragtay sharaf ka dhac, gurigiina uga tagtay markii asbuuc maqnayd oo la soo guri ceshay, loona sheegey in gabadhii la iska daayay, ay markii gurigeeda ku soo laabatay ka warheshay in gabadhii ay doonayeen diidday wiilkooda, ay seken isku badashay dagaalna ku qaaday reerkii gabadha. Hadde waa gabadhii ay tiri ama ha la i furo ama yaysan reerka soo galin. Halkaas waxaad ka arkeysaa in aadmigu diidmadiisu ku xiran tahay kaliya xintan. Isku soo wada duub, buuggan ayaa runtii bixinaya arragti ka sarreysa inta aan xusay. Waxa uu cashar ay wax ku qaataan u yahay qoysas badan oo aan dookha carruurtooda tixgalin. Waxa uu reebayaa caadooyin xun bulshadeenana saameyn ku leh. Waxa uu iftiiminayaa dad badan oo waqtigu ka hiiliyay meelaha iyo marxaladaha ay ku sugan yihiin in aysan ahayn kuwo ayagu doorteen, ee ay jirto mahalako heshay oo halkaas dhigtay, haddii ay helaan gacan u gargaartana ay ka bixi lahaayeen, waxaana caddeyn u ah Nimco oo ah gabar sheekadan qayb ka ah. Boojin iyo qoraageeda ayaan leeyahay hambalyo, wuxuuna ii xisaabsan yahay sheekooyinka Soomaaliga ku qoran kuwa ugu sarreeya ee aan akhriyay waayahan. Mar labaad ayaan hambalyo leeyahay Qoraa Sakariye Cismaan, waxaan kaa sugnaa sheekooyin kale oo qiimo leh. Source: goobjoog.com
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay qodobada wax ka bedelka lagu sameynayo ee Dastuurka maamulkaasi. Qorshaha wax ka bedelka iyo meel-marinta Baarlamaanka ee ah in la furo Dastuurka ayaa dhawaan waxaa ka dhashay isku dhac hubeysan oo ka dhacay magaalada Garoowe, gaar ahana agagaarka xarunta Aqalka Wakiilada. Fariin lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee Baarlamaanka Puntland ee Facebook ayaa waxaa lagu shaaciyay in wax laga bedalayo qodobka 46-aad ee dastuurka Puntland, qodobka 56-aad, qodobka 64-aad, qodobka 7-aad iyo qodobada 112-113. “Muwaadin Golaha Wakiilada Dawladda Puntland isaga oo ka duulaya qodobka 139-aad faqradiisa 3-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, waxa uu dadweynaha dal iyo dibadba ku wargelinayaa in wax ka bedel lagu sameynayo Dastuurka Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri farriintaan uu baahiyay Baarlamaanka Puntland. Qodobka 46-aad oo kamid ah qodobada Dastuurka ee wax ka bedelka lagu sameynayo ayaa waxa uu ku saabsan yahay xisbiyada siyaasadda, wuxuuna Baarlamaanka shaaciyay in wax ka bedelka lagu sameynayo qodobkaas la waafajin doono qodobada kale ee doorashooyinka. Golaha Wakiilada Puntland ayaa sidoo kale waxa uu ku tilmaamay wax ka bedelka lagu sameynayo qodobka xisbiyada siyaasadda “si fursad loo siiyo ka qeyb-galka siyaasadda ee muwaadiniinta.” Tallaabadaan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland, iyada oo dhawaan Isimada gobolka Nugaal ay dalbadeen in la hakiyo tallaabooyinka wax ka bedelka Dastuurka Puntland illaa inta ay ka dageyso xiisadda siyaasadeed ee dhawaan isku rogtay gacan ka hadalka. Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa gadaal ka riixaya qorshaha wax ka bedelka loogu sameynayo Dastuurka, oo sida la fahamsan yahay gacan-saar la leh madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Dhawaan ayay aheyd markii Golaha uu ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka Puntland, kadib markii ay ogol ugu codeeyeen 34 mudane oo kamid ah 35 mudane oo soo xaadiray kulankaasi. Si kastababa, Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo hubanti la’aan ah, maadaama gacan ka hadal uu ka dhashay furista Dastuurka maamulkaasi, kaasi oo ay meel adag iska taageen siyaasiyiinta mucaaradka. Hoos ka dhageyso farriinta Golaha Wakiilada Puntland The post Qodobada laga beddelayo dastuurka Puntland oo la shaaciyey iyo xiisadda oo… appeared first on Caasimada Online.
  15. 7 reasons we gain more weight in Saudi Arabia Gaining weight is an extremely common occurrence that every man realizes once he has shifted to Saudi Arabia. Normally, they realize it when the clothes they brought along don’t fit. Here are the reasons we gain more weight in Saudi Arabia than in any other country in the world. Public Transport The cities are not designed for walking, and there is no mass public transport so there is no point in walking anywhere, anytime. High Temperature The temperatures also contribute to making it unbearable to walk outside, for at least 10 months of the year. Excessive Fastfood No working man has the time to indulge in fine or healthy dining. The main choice of food is fast food, which we end up eating multiple times a day. That certainly does not help us on the weighing scale. Even when we find the time to go out with our male colleagues, we tend to show our manhood with our portion sizes, which again adds to our waistline. Limited Entertainment Opportunities Working in a country with so many races and cultures can often prove to be extremely stressful, as most men would agree, and we beat the stress by eating. This is also because there are very limited entertainment options, we only find entertainment in shopping and our favorite thing to do, which is to EAT. Hard work We work hard and we deserve to treat ourselves, or at least we think we need treats. This means we can indulge ourselves in a piece of cake, or maybe three whole cakes. Since we are alone, no one can stop us (sinister laughs). Distance from the family At the end of the day, we are alone, at home, thinking of our families. We need comfort food, and since we have nobody to impress with us over here, we can consume any amount of food we may deem necessary. No Competition Lastly, when most men around me are usually larger than or as large as me, I don’t feel motivated to improve my weight. There is no one to compete you:-) Qaran News
  16. Heerkulka ama Xaraarada Kulaylka MINA oo hoos u daadegay Maanta Qaran News
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo war cusub soo saaray ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Isimada Dhaqanka ee ka soo jeeda maamulkaasi. Juxa ayaa shaaca ka qaaday in Isimadu ay indhaha ka laabteen xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Garoowe. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay ka gaabiyeen doorkii looga baahnaa ee ahaa inay qabtaan cidda gar-daran ee diidan doorashooyinka maamulkaasi. Wasiirka ayaa xusay in ka maamul ahaan ay dadaaleen, si aysan rabshado u dhicin, balse taasi ganafka lagu dhuftay, markii ay tallaabooyin kale qaadeen xubnaha mucaaradka. “Geed dheer iyo mid gaaban ba waan u kordhay in aysan dhibaato dhicin. Ma aysan suurto galin inay isimadu dadka kala dhex galaan, oo qabtaan cidda qaldan” ayuu yiri Juxa. Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay aad uga xun yihiin aamusnaanta Ismida, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday, dhiigna uu ku daaday magaalada Garoowe. “Taas waa arrin aan kaa xunnahay in kaalintii loo baahnaa oo isimadu xilligii qabashada lahayd oo digniinta lahayd aysan ugu baraarugin,” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in hoggaanka Punland u diyaar u yahay inay la fariisto cid kasta oo tabashada ka qabta hannaanka loo wado doorashooyinka maamulkaasi. Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo furista dastuurka oo ay isku qabteen xukuumadda Deni iyo xubnaha mucaaradka ah. The post JUXA oo weerar culus ku qaaday Isimada Puntland appeared first on Caasimada Online.
  18. President William Ruto has indicated Kenya Defence Force troops in Somalia may stay there longer beyond the drawdown timetable. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo bayaan cusub soo saaray ayaa guud ahaann dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka June oo maanta ku beegan. Farmaajo ayaa sheegay in 26 June ay tahay maalin qaran oo ku weyn xasuusta dadka Soomaaliyeed, isla-markaana ay muhiim u tahay gobanimada iyo midnimada dalka. “Caawa oo kale, 26-ka Juun, waxa ay xasuus wayn u tahay muhiimadda ay leedahay gobanimada, midnimada, wadaniyadda iyo sanad guurada ka soo wareegtay dharaartii xornimada Gobollada Woqooyi” ayuu warsaxaafadeedkiisa yiri madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Caawa waxay fursad u tahay malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobanimada iyo xornimada in ay u duceeyaan halgameyaashii ragga iyo dumarkaba lahaa ee inoo horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka, iyaga oo ka fogaaday qabyaaladda iyo eexda.” Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale baaq u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inauy ka shaqeeyaan horumarka dalka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu xalka maanta ku jiro in la xoojiyp midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, “63 sano kaddib waxaa muuqata in dawada kaliya ee aynu ku dabiibi karno dhaawacyada curyaamiyey horumarka dalkeenna ay ku jirto in aan jidkaas dib u qaadno, xoojinno midnimada iyo wadajirka bulshad.” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Farmaajo. Wuxuu qoraalkiisa kusoo xiray “Aniga oo rajaynaya in aynu weyneyno Toddobaadkan Xorriyadda ee caawa inoo bilowday, si aynu kor ugu qaadno wacyiga waddaniyadeed. Soomaaliya ayaa ku jirta todobaadka xoriyadda, ayada oo xalay si weyn dalka looga dabaal-degay 26 June oo ah markii ay xoroobeen gobollada waqooyi ee dalka. Sidoo kale waxaa haatan loo diyaargaroobayaa munaasanada kowda Luulyo oo iyana maalin kale oo qiimo badan, isla-markaana ay xoreebeen gobollada koonfuree ee dalka. The post Farmaajo oo bayaan kasoo saaray xaaladda DALKA appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud commended the stability and progress achieved in the self-proclaimed Somaliland republic. However, he emphasized that there is still much more to be gained through unity and effective governance in Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo munaasibadda sannad-guurada 63-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada Waqooyi ee Somaliland xornimada ka qaadatay dalka Ingiriiska, ayaa waxaa kasoo qeyb gashay mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan madaxda ugu sareysa Somaliland. Munaasibaddan waxa madaxweynaha kala qaybgalay shirguddoonka labada gole Baarlamaan, guddoomiyaha maxkamadda sare, madaxweyne-ku-xigeenka, xeer ilaaliyaha guud, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, diblomaasiyiin ka socda dalalka caalamka, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badan. Ugu horrayn, fannaaniinta kala duwan ee qaranka, ayaa madasha ku daah-furay suugaan iyo majaajillo ay ku hogo-tusaalaynayaan qiimaha ay xorriyaddu leedahay iyo sida ay muhiim u tahay in la wada ilaashado. Madaxda waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta, Mudane Maxamed Xasan Cali (Weji) oo halkaas ka hadlay, ayaa si kooban uga hadlay jawiga habeenkii xorriyadda la qaatay iyo sidii qaldanayd ee loo maamulay xorriyaddaas la qaatay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland lumisay fursad weyn oo ay sannado badan heliddeeda u tabcaysay. Madaxweynuhu waxa uu ka digay in nabadda iyo xasiloonida la mijo xaabiyo, dhinacna laga doono ictiraaf iyo dawladnimo,“Isku heli mayno inaynu qaran noqonno iyo inaynu nabadda la dagaallano, iskuna heli mayno inaynu ictiraaf helno iyo inaynu kala dambaynta diidno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah uga hadlay shaqaaqada ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland iyo shacabkeedaba ay ka go’an tahay xoojinta nabad ka dhalata Laascaanood, waxana uu yidhi,“waa inaynu nabadda meel uga soo wada jeesanaa, anigu horaan u sheegay qarankuna waa isku raacsan yahay oo ma jiro qof reer Somaliland ah oo aan nabad ugu baaqaynin Laascaanood, waxana aan rumaysanahay dadka shicibka ah reer Laascaanood maanta iyagaa nabadda inoogu jecel, waayo dhibaato dibadda lagaga soo waariday baa ku dhacday.” Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynaha qaranka oo ay hareera joogaan taliyeyaasha ciidamada kala duwan, madaxweyne ku xigeenka, shir-gudoonka iyo maxkamada sare calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo la saaray markii ay saacadda Geeska Afrika ahayd 12:00 Habeennimo, si loogu dabbaaldeggo 63-guurada kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa shaaca ka qaaday in doorasho gacan taag ah oo ka dhacday magaalada Beledweyne loogu doortay madaxweyne. Cali Jeyte ayaa sheegay in reer Hiiraan ay tashadeen, isla-markaana ay sameysteen maamul ka madax bannaan HirShabelle, kaas oo la magac baxay “Hiiraan State” waxa uu tilmaamay inay go’aansadeen inay ka hoos baxaan HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay. “Dadkan waa dad bani’aadam ah waa dad Soomaaliyeed aragti ayay lee yihiin, aragtidooda ayay soo bandhigeen, marka waxay go’aansadeen inay dalladdaa ka hoos baxaan oo State kale sameystaan ayay go’aansadeen” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in isaga loo doortay madaxweyne, halka ku xigeenna loo doortay Axmed Inji oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii amniga ee Hiiraan. “Madaxweyne iyo ku xigeen waxaa loo doortay aniga iyo nin la yieraahdo Axmed Cismaan Cabdalle (Inji)” ayuu mar kale wareysiga ku yiri guddoomiye Cali Jeyte Cismaan. Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte oo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale ka hadlay khilaafka kala dhexeeya madaxda HirShabelle, wuxuuna sheegay in uusan marnaba diyaar u aheyn inuu ka hoos shaqeeyo Cali Guudlaawe iyo Dabageed. ‘Aniga hal mid ayaan kuu caddeynayaa diyaar uma ihi inaan dad ka hoos shaqeeyo, haddii ay wax kasta dhacaan nimankan iyaga ah ewelbaa dhib ku qabay” ayuu sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada weli xiisada kacsanaan ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne, waxaana ku wada sugan guddoomiyaha lasoo magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow iyo Cali Jeyte oo ciidamo ku heysta magaaladaasi. Guddoomiyaha cusub oo hadlay ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda ka taagan gudaha magaalada Beledweyne ay salka ku hayso sharciga oo aan lagu dhaqmeyn, “Haddii sharciga lagu toosnanayo oo meesha wax uu dhigo la dhigayo ma timaadeen.” Si kastaba, lama sida ay wax noqon doonaan, basle dhaq-dhaqaaqyadan ayaa saameyn ku yeeshay howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday gobolka Hiiraan. The post CALI JEYTE oo sheegtay in madaxweyne loo doortay appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo. Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul. “Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Gobollada Waqooyi, waxa uuna sheegay in ay ka dhiman yihiin waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale, Munaasabadda waxaa kalmado ku aaddan qiimaha midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed ka jeediyey, Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, culimmo iyo waxgarad Soomaaliy Goobjoog News Source: goobjoog.com