Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - A Somali military court has sentenced Yusuf Duqow Hussein Dhicisow to 15 years in prison for his membership in the extremist group al-Shabab Monday. Source: Hiiraan Online
  2. Lul Abdi Noor, 28, and her two-year-old son in Galkayo, central Somalia, have been recovering their health thanks to a nutritional feeding programme for malnourished mothers and children. Source: Hiiraan Online
  3. Peace committee members and elders from Garissa on Monday warned politicians from the federal state of Somalia and Juba land to desist from holding meetings and campaigning in hotels in Kenya. Source: Hiiraan Online
  4. Six former ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) forward operating bases (FOBs) are now manned and managed by Somali Security Forces (SSF) with plans well in hand for a second 3 000 troop withdrawal in September. Source: Hiiraan Online
  5. The second annual diaspora conference kicked off in Mogadishu, the capital of Somalia, on Monday with the government seeking to tap investment opportunities from its citizens abroad. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha uu kasoo jeedo Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegtay in dano siyaasadeed laga leeyahay dacwadda musuq-maasuq ee lagu soo oogay agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda dalka. Koofi ayaa ka mid ah illaa 18 mas’uul oo xeer-ilaaliyaha qaranka Suleymaan Maxamed uu dacwad ka dhan ah u gudbiyey Maxkamadda gobolk Banaadir, ayada oo loo haysto eedo ay ka mid yihiin musuq-maasuq iyo xatooyo dadweyne. Beesha uu kasoo jeedo Koofi, oo kulan ku qabatay magaalada Guriceel, ayaa sheegtay in qorshahan uu yahay mid ay ka dambeeyaan dad ay isku hayaan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, oo ay sheegeen in Koofi uu doonayo inuu isku sharxo. Beesha Maxamuud Aybakar ee Ceyr ayaa sheegtay in dadka ay is-hayaan Koofi ay kasoo wada jeedaan beesha Ceyr, balse ma aysan magacaabin shaqsiyaadka ay is-hayaan. “Waxaa nasiib darro ah in dadka Koofi ku dulminaya shaarka dowladeed ay yihiin dad aan nahay dhaqan wadaag, dhiig wadaag iyo dhalyo wadaag, oo cid qabataa aysan jirin ilaa hadda ama u caqli calisaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay shirka. “Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan leenahay, maanta waxay maraysaa meeshii aad ka tiri ‘Farxaanow dhiiqaa laguha laguu geliyoohaayaa’, annaguna waxana leenahay, madaxweyne, dadku waxbay gartaan ee yaan dhiiqo lugaha laguu gelin.” Odayaasha ka hadlay shirka ayaa ugu baaqay beesha Ayaanle Ceyr inay is ceshtaan oo ay is-qabtaan, islamarkaana ilaaliyaan walaalnimada. Baaqa loo diray beesha Ayaanle Ceyr ayaa laga fahmin karaa in qofka aysan odayaasha magacaabin balse ay is-hayaan Koofi loola jeedo agaasimaha hay’adda NISA Mahad Salaad, oo kasoo jeeda beesha Ayaanle, islamarkaana la rumeysan yahay in loo wado xilka madaxweynaha maamulka Galmudug. Warka kasoo baxay beesha Koofi ayaa imanaya ayada oo shalay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay si rasmi ah ugu yeertay 7 masuul oo Koofi uu ka mid yahay. Koofi ayaa dalka ka maqan. Baafin rasmi ah oo kasoo baxday maxkamadda gobolka ayaa waxaa kasoo dhex muuqday agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Saabey, agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo agaasimihii dhawaan is-casilay ee hay’adda socdaalka Cabdul, iyo xubno kale. The post Daawo: Beesha uu kasoo jeedo Koofi oo war culus soo saartay, baaq u dirtay beel kale appeared first on Caasimada Online.
  7. Gaarisa (Caasimada Online) – Wararka helayo gobolka Waqooyi Bari ee kenya ayaa sheegaya in mar kale Al-Shabaab ayaa maanta weerar culus ka fuliyeen gobolkaasi. Weerarkan oo ku billowday qarax xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo ragga weerarka oo ku dagaalamay duleedka magaalada Gaarisa, gaar ahaan inta u dhexeysa deegaanada Calin Jugur iyo Weel maree oo hoostaga degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in weerar jidgal ah lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Kenya, kadib la’isku fara saaray halkaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo Waqooyi Bari. Dhanka kale qoraal kooban oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarka, waxayna kooxdu sheegtay inay gubtay laba gaari oo ay lahaayeen ciidanka Kenya, kuwaas oo kala ah Cabdi Bille iyo Booyad ay biyo ku wateen ciidanka la qarxiyay. Saraakiisha ammaanka Kenya weli kama hadlin dagaalka ka dhacay gudaha dalkaasi, gaar ahaan agagaarka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari oo xuduud laleh Soomaaliya. Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya isku dayada hubeysan ee ay Al-Shabaab ka wado gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ay ku beegsaneyso ciidanka Kenya iyo safareyda. Si kastaba, weeraradan ayaa kordhay todobaadyadii u dambeeyay, waxaana dhowr qarax iyo weeraro toos ah ay ka dhaceen deegaano u dhow xadka ay wadaagaan labada dal. Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isla-markaana la dagaalama kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday qarax ka fulisay KENYA appeared first on Caasimada Online.
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah waxay dowladda federaalka uga bari yeesha inay wax lug ah ku leedahay colaadda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Somaliland ayaa sheegtay in maamulka Puntland uu si gaar ah mas’uul uga yahay colaada Laascaanood, lakiin aanay dowlada Soomaaliya wax lug ah ku lahayn. Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ciidamo soo dhoobay deegaanka Tukaraq, islamarkaana uu hagayo dagaalka. “Xalay ayay soo dageenka Tukaraq, dagaalkaas isaga ayaa hagaaya,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin oo warbaahinta la hadlay. Waxa uu sheegay in Somaliland, shacabka Laascaanood iyo dowlada Soomaaliya midkoodna aanu mas’uul ka ahayn colaada, lakiin uu maamulka Puntland hurinayo. “Inaga iyo shacabka reer Laascaanood-ba arrintaa beri ayaynu ka nahay, cida arrinta wadaana waa maamulka Puntland, maaha maamulka Xamar, maaha maamulka Soomaaliya, waa maamulka uu Dani madaxda ka yahay ee Puntland,” ayuu yidhi Wasiir Kaahin. Waxa kale oo uu sheegay in kooxo argagixiso ahi ay colaada gacan wayn ka gaysanayaan, isaga oo sheegay in qaar kood lasoo qabtay, garaadada iyo siyaasiyiinta deegaanka Laascaanood, ayaa marar dhowra beeniyay sheegashada Somaliland ee argagixisada. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marar badan ku baaqay in la joojiyo colaadda Laascaanood, islamarkaana wada-hadal lagu xaliyo arrimaha la isku hayo. Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale marar badan, sida ay Caasimada Online xog ku heshay, iska caabiyey dadaal ay odayaasha deegaanka iyo Puntland ku doonayeen in dowladda hub ugu dirto maleeshiyada deegaanka, wuxuuna ogolaaday kaliya gargaar bani’aadannimo oo dhowr jeer halkaas la geeyey. The post SOMALILAND oo DF ka bari yeeshay dagaalka Laascaano appeared first on Caasimada Online.
  9. Moscow (Caasimada Online) – Kremlin-ka ayaa maanta sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu Kremlin-ka kula kulmay madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin, 29-kii June, maalmo kadib markii kooxda calooshood u shaqeysatada ah ay isku dayday inay afgambiso hoggaanka militari ee Ruushka. “Madaxweynuhu wuxuu bixiyay qiimeyntiisa ku aadan dhacdooyinka 24-kii June,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, isaga oo tixraacaya kacdoonkii fashilmay, waxa uuna intaas ku daray in Putin uu sidoo kale “dhageystay aragtida ay bixiyeen taliyayaasha (Wagner).” In ka badan laba toddobaad kadib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay, waxa weli jira hubanti la’aan weyn oo ku xeeran masiirka kooxda Wagner iyo heshiiskii soo afjaray kacdoonkii ka dhanka ahaa madaxda sare ee militariga Ruushka. Sida qorshuhu ahaa, madaxa calooshood u shaqeystada ah iyo qaar ka mid ah dagaalyahannadiisa ayaa la filayey in loo masaafuriyo Belarus. Ciidamada Wanger ee weli doonaya inay usii dagaalamaan Ruushka, ayaa dhanka kale qandaraas la saxiixan lahaa ciidamada caadiga ah ee Ruushka. Intii uu socday kulanka qaatay saddexda saac iyo barka ee uu Kremlin-ka kula yeeshay taliyayaasha Wagner, Putin “wuxuu u yaboohay xulashooyin kale oo shaqo, oo ay ku jiraan kaalimo dagaal.” Dadka wax indha indheeya ayaa gadoodka u arka caqabaddii ugu weyneyd ee soo wajahda Putin tan iyo markii uu xukunka qabtay. Taliyeyaasha Wagner “waxay adkeeyeen inay taageereyaal xooggan u yihiin… madaxa dawladda”, ayuu yiri Peskov. “Waxay sidoo kale sheegeen inay diyaar u yihiin inay usii dagaalamaan dhulka hooyo.” Khamiistii, hoggaamiyaha Belarus, Alexander Lukashenko — oo dhexdhexaadiyey heshiiska lala galay Wagner — ayaa sheegay in Prigozhin iyo ciidankiisaba midna aanu joogin dalkiisa. AFP, VOA The post Putin ‘oo la kulmay’ madaxa Wagner – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
  10. Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo muddooyinkan ku sugnaa Garoowe ayaa lagu wadaa in ay u safraan dhinaca magaalada Muqdisho. Labada mas’uul ayaa Puntland u yimid xal u raadinta xiisadda siyaasadeed ee u dhexaysa xukuumadda madaxweyne Deni iyo mucaaradka, taas oo sababtay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe. Intii ay joogeen Puntland, waxay shirar kala duwan la yeesheen madaxda dowladda, siyaasiyiinta mucaaradka, isimada dhaqanka qaarkood iyo qaybaha kala duwan ee buldhada. Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ayaa la filayaa in ay ka hor safarkooda Muqdisho war ka soo saaraan wixii uga qabsoomay dadaalladii ay wadeen ee xal u raadinta dagaalkii ka dhacay Garoowe. PUNTLAND POST The post Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas oo lagu wado in ay war ka soo saaraan xiisadda Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gor Gor ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayeen deegaano hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud. Ciidanka ayaa howlgalka ka fuliyey degaanada Baraag Sheekh Caamir, Ceel-dhigtaar, Ceel-ciid iyo deegaano kale, Taliyaha ururka 9-aad ee Gor Gor Dhamme Cabdiwali Axmed Xuseen oo howlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta la hadlay. Taliye Cabdiwali ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa baacsiga haraadiga kooxda Al-Shabaab iyo burburinta goobaha ay ku dhuumaaleystaan. Taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku nool deegaanadaas oo lasoo wadaaga xogta Al-Shabaab-ka dhuumaaleysiga ah. Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan waxay u kuur-galeen xaaladda nololeed ee bulshada deegaanadaas. Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo joogto ah ka fuliya deegaanada ay sida dhuumaaleysiga ah ku yimaadaan Al-Shabaab, waxayna howlgalkaas kadib inta badan ciidanku dib ugu laabtaan fariisimahooda. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda qorsheyneysa inay laba jibaarto howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana maalmihii lasoo dhaafay furimaha loo diray ciidankii ugu badnaa. Howlgalkaan laga fuliyey aagga Galcad wuxuu ku soo aadayaa xilli shalay howlgal kale oo ciidanku ay ka fuliyeen koonfurta gobolka Mudug ay ku dileen laba xubnood oo Shabaab ah. Sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay sarkaal sare oo hoggaaminayey kooxda Shabaab-ka ah oo lagu beegsaday degaanka Baraag-Ciise ee koonfurta gobolka Mudug, xubnaha Shabaab-ka ah ayaa xoolo ka uruursanayey dadka reer miyiga ah ee deegaankaas ku nool. The post Sawirro: Ciidamada DF oo galay deegaano hor leh oo Al-Shabaab ay ka carareen appeared first on Caasimada Online.
  12. Dublin (Caasimada Online) – Soomaalida ku dhaqan waddanka Jamhuuriyadda Ireland ayaa soo dhaweysay adeegga dowladda Soomaaliya ay soo gaarsiisay ee baasaboorada iyo waraaqaha aqoonsiga. Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ireland Xaaji Axmed Gadaf ayaa Dowladda Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda Soomaaliya ee Belgium uga mahad celiyay sida wanaagsan ee adeega baasaboorka ay usoo gaarsiiyeen Soomaalida ku dhaqan Ireland oo baahi aad u daran u qabay inay helaan baasaboor Soomaaliga, waraaqda dhalashada iyo dhammaan dokumentiyada Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa sheegay in marar badan ay qeylo dhaan u direen dowladda Soomaaliya, maadaama dadka ku dhaqan Ireland ay aad ugu baahnaayeen helidda waraaqaha aqoonsiga, wuxuuna u mahad celiyay wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaaradda Soomaaliya ee waddanka Belgium. “Waxaan aad ugu mahad celineynaa safiir Yoonis Yaasiin Xaashi (Oogacadde) sida Soomaalinimada leh, walaaltinimada leh ee dadkii ku dhibaateysnaa Ireland uu usoo gaarsiiyay adeegga baasaboorka iyo waraaqaha aqoonsiga,” ayuu yiri Xaaji Axmed Gadaf oo sheegay In muddadii uu joogay Yoonis uu wax badan u qabtay dad baahi u qabay helidda aqoonsiga Soomaaliga Sidoo kale, Sheekh Cabdirisaaq Daahir oo ah Imaamka Masaajidka weyn ee Dublin Mosque ayaa u mahad celiyay safiir Yoonis wuxuuna sheegay in adeegan ay dad badan ka faa’iideysan doonaan. Arrintaan ayaa kusoo aaday iyadoo dhawaan waddanka Ireland ay soo gaareen safiirka Soomaaliya u fadhiyo Belgium Yoonis Yaasiin Xaashi (Oogacadde) iyo qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradda, islamarkaana ay balan qaadeen in haatan wixii ka dambeeya Soomaalida Ireland baasaboorka loogu sameyn doono magaalada Dublin. The post Adeegga baasaboorka oo la gaarsiiyey Soomaalida ku nool dalka Ireland + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  13. Xayiraado Laga Qaadayo Dalka Maali Maali(Qaran)-Ururka dhaqaalaha iyo lacagta ee galbeedka Afrika (UEMOA) ayaa go’aansaday in uu qaado xayiraadii uu saaray dalka Mali. Dalka Mali hadda waxay dib ugu biiri doontaa hay’adaha dunida iyo hay’ada UEMOA, ururka lacagta ayaa ku sheegay dhamaadka shir madaxeedka caadiga ah ee lagu qabtay Guinea-Bissau. Militariga Mali ee hadda talada haya ayaa afgambi ku qabsaday bishii Sideedaad, 18, 2020 iyo kii labaad ee May 2021, taasoo kicisay cunaqabatayn ka dhan ah dalka oo ay ku soo rogeen hay’ado goboleedyo kala duwan.Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika wax tafaasiil dheeri ah kama bixin ka qaadista xayiraadda Mali ee war-murtiyeedka. Shir madaxeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay doorashada madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu oo loo doortay guddoomiyaha ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika ee ECOWAS.Wuxuu bedelayaa dhigiisa Guinea-Bissau Umaro Sissoco Emb Qaran News
  14. Maxay ka Wada Hadleen Putin iyo Hoggaamiyihii Calooshood u Shaqeysteyaasha Ruushku Russia(Qaran)-Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa kulan kula qaatay Aqalka Kremlin-ka ee looga taliyo dalkaasi Madaxa Kooxda Calooshooda u shaqaystayaasha ah Yevgeny Prigozhin, maalmo kadib markii ay kooxdaasi isku dayday inay afganbiso hoggaanka militari ee Ruushka. Sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka aqalka Kremlin-ka intii kulankaasi socday wuxuu madaxweyne Putin uu bixiyey qiimeyn ku aadan dhacdooyinkii ay Kooxdaasi ku talaabsadeen 24-kii June, Isagoo intaas ku daray inuu geesta kale Putin warbixin ka dhagaystay Madaxa kooxda Wagner iyo taliyeyaashiisa kale oo tilmaan ka bixiyey sidii ay wax u dhaceen. Sida qorshuhu ahaa, madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah iyo qaar ka mid ah dagaalyahannadiisa ayaa la filayey in loo masaafuriyo Dalka Belarus. Ciidamada Wanger ayaa qorshaynaya inay u sii dagaalamaan dalka Ruushka, iyadoo aan weli la saxeexan wax heshiis ah Taliska Ciidanka Milateriga ee Ruushka. Khubarada aqoonta u leh Siyaasada gobolkaasi ayaa u arka gadoodkii ay sameeyeen Wagnerku inay tahay caqabadii ugu weynayd ee soo wajahda Madaxweyne Vladimir Putin mudadii uu xukunka dalkaasi hayay. Khamiistii la soo dhaafay ayaa, hoggaamiyaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko waxa uu dhex-dhexaadiyey heshiiska lala galay Kooxdaasi Calooshooda u shaqaystayaasha ah. Madaxweynaha Nigeria oò loo doortay Madaxtinimada ECOWAS Nigeria(Qaran)- Madaxweynaha dalka Nigeria Bola Tinubu ayaa loo doortay guddoomiyaha ururka ECOWAS. Waxaa loo doortay xilkan Kalfadhiga 63-aad ee Caadiga ah ee Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladaha ECOWAS ee ka dhacay magaalada Bissau ee caasimada dalka Guinea-Bissau. War saxaafadeed ka soo baxay Dele Alake, oo ah lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha ee arrimaha shaqada, isgaadhsiinta iyo istaraatiijiyadda oo loo gudbiyay wakaalada Anadolu ayaa lagu sheegay in Tinubu uu ka digay in khatarta nabada ee gobolka ay gaadhay heer argagax leh. Tinubu ayaa ku baaqay in tallaabo wadajir ah laga qaado dalalka xubnaha ka ah ururka, isagoo ballan qaaday in marka uu hoggaanka hayo, la waafajin doono qaab-dhismeedka si loo xaqiijiyo riyada ECOWAS. Madaxweynaha ayaa xusay in ECOWAS ay diyaarisay qaab-dhismeedka amniga kaasoo daboolaya dhinacyo badan. Waxa kale oo jira Qorshe-Goboleedka Hawlgalka La-dagaalanka Argagaxisada 2020-2024 iyo sidoo kale hawlgelinta Ciidanka heeganka ah ee ECOWAS ee La-dagaalanka Argagaxisada. Xayiraado Laga Qaadayo Dalka Maali Maali(Qaran)-Ururka dhaqaalaha iyo lacagta ee galbeedka Afrika (UEMOA) ayaa go’aansaday in uu qaado xayiraadii uu saaray dalka Mali. Dalka Mali hadda waxay dib ugu biiri doontaa hay’adaha dunida iyo hay’ada UEMOA, ururka lacagta ayaa ku sheegay dhamaadka shir madaxeedka caadiga ah ee lagu qabtay Guinea-Bissau. Militariga Mali ee hadda talada haya ayaa afgambi ku qabsaday bishii Sideedaad, 18, 2020 iyo kii labaad ee May 2021, taasoo kicisay cunaqabatayn ka dhan ah dalka oo ay ku soo rogeen hay’ado goboleedyo kala duwan.Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika wax tafaasiil dheeri ah kama bixin ka qaadista xayiraadda Mali ee war-murtiyeedka. Shir madaxeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay doorashada madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu oo loo doortay guddoomiyaha ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika ee ECOWAS.Wuxuu bedelayaa dhigiisa Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embalo. Qaran News
  15. Image Credit: wikimedia.org In a landmark judgment, the Supreme Court of Somaliland, also known as the Constitutional Court, has categorically rejected the request for a legal interpretation submitted by the Election Commission. This move comes in response to the mounting political tension that has gripped Somaliland since the submission of the controversial request. According to an official statement released by the court, it has unequivocally turned down the application dated 4th July 2023. This application was aimed at seeking legal interpretation pertaining to certain unspecified issues from the country’s highest court. Judicial Limitations and Political Repercussions In its statement, the Constitutional Court stressed that it does not hold the authority to dictate election schedules. Instead, this power is vested solely in the National Elections Commission. As such, the court expressly refused to intervene in this matter, underscoring the limitations of its judicial powers. Referring to Article 16 of the General Elections Act, the court directed the National Electoral Commission to take the responsibility of determining the timing of the elections. The court emphasized that this task falls squarely within the Electoral Commission’s jurisdiction, thus effectively distancing itself from the ongoing political discourse. The Election Commission’s original decision to seek a legal interpretation from the Supreme Court concerning the presidential and union elections has triggered widespread dissatisfaction among opposition parties. Their discontent stems from the commission’s avoidance of issuing a definitive ruling on the matter. This latest development has only added fuel to the ongoing political unrest, and it remains to be seen how this situation will unfold in the coming days. BNN Qaran News
  16. Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa si rasmi ah u ogolaaday in dowladda Sweden ku biirto isbaheysiga NATO. Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltensberg ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ogoladay in Sweden ku biirto xubinimada NATO. Xoghayaha NATO ayaa hadalkan sheegay kadib kulan uu la qaatay madaxweyne Erdogan iyo ra’iisal wasaaraha Sweden, ka hor kulanka isbaheysiga NATO uu ku yeelanayo Lithuania. “Tani waa maalin taariikhi ah, sababtoo ah waxaa helnay ballan-qaadka Turkiga ee ah, inuu ka shaqeeyo ansixinta xubinimada Sweden ee NATO” ayuu yiri Stoltenberg. Go’aankan lama filaanka ah ee uu ku dhawaaqay xoghayaha NATO ayaa jidka u xaaraya in Sweden ay noqoto dalka 32aad ee ku biira isbaheysiga NATO. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo u ogolaaday Sweden in ay ku biirto Isbaheysiga NATO appeared first on Puntland Post.
  17. Ankara (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltensberg ayaa sheegay Isniintii in madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ogoladay inuu “sida ugu dhakhsaha badan” ugu gudbiyo golaha baarlamaanka ee dalkiisa xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqayn doono, in golaha baarlamaanku meelmariyo codsigaas. Xoghayaha NATO ayaa hadalkan sheegay, ka dib kulan uu la qaatay madaxweyne Erdogan iyo ra’iisal wasaaraha Sweden, ka hor kulanka isbahaysiga NATO uu ku yeelanayo Lithuania. Dalka Turkiga ayaa tan iyo sannadkii hore hortaagnaa xubinimada Sweden ee NATO. “Tani waa maalin taariikhi ah, sababtoo ah waxaa helnay ballan-qaadka Turkiga ee ah, inuu ka shaqeeyo ansixinta xubinimada Sweden ee NATO, isaga oo sheegay inuu ka shaqaynayo sidii golaha baarlamaanku u ansixin lahaa arrintan” ayuu yidhi Stoltenberg. Go’aankan lama filaanka ah ee uu ku dhawaaqay xoghayaha NATO ayaa jidka u xaadhaya in Sweden ay noqoto dalka 32aad ee ku biira isbahaysiga NATO. VOA + AP The post Turkiga oo Sweden u ogolaaday inay ku biirto NATO appeared first on Caasimada Online.
  18. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdullahi Sufurow ayaa ka hadlay qorshaha inta hartay ee gobolkaas looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay inuu jiro aag ay mar kasta ka soo gudubto kooxdaas. Guddoomiye Sufurow oo saxaafadda kula hadlay Beledweyne ayaa sheegay in mar kasta ay Al-Shabaab ka soo gudbaan inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Buuloburde, isagoo wacad ku maray in taas uu wax ka qaban doono. “Gaabis ayaa ka jira inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Buuloburde, mar kasta waxay ka soo gudbaan wabiga markii la aadana dib ayey u laabtaan, caqabadaas siima jiri doonto,” ayuu yiri Sufurow. Guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta ay mar kasta wabiga uga soo gudbaan ay tahay in dadka la dagaalamaya kooxda ay yihiin reer miyi xoolo dhaqato ama beeraley ah, kuwaas oo mar kasta aan ku jiri Karin difaac. “Waxaan balan qaadayaa in mar dambe aysan ka soo gudbin wabiga, waan aqaan halka ay ku dhuuntaan, waan uga daba geleynaa, si kale looga nabad gelimaayo Khawaarijta,” ayuu yiri guddoomiyahaan lagu bedelay Cali Jeyte oo dagaalkaan hoggaami jiray. Sidoo kale Cabdullahi Sufurow wuxuu sheegay in howlgalka bilaabanaya ee wajiga labaad uu noqon doono mid bariga iyo koonfurta Hiiraan ka wada bilowda hal mar, sida ay qorsheeyeen. “Inta wabiga laga gudbiyo oo nagu soo kaabtaan mar dambe ma dhici doonto inay carruurta iyo haweenka miino nooga laayaan, “Khawaarijtu haku talagasho in qiyaanadii ay nagu hayeen ay soo dhamaatay,” ayuu yiri. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay kooxda Al-Shabaab miino ku dileen hooyo iyo seddax carruur ah oo ay dhashay iyo Aabe iyo seddax carruur ah oo uu dhalay. Dadkaan ayaa la qarxiyey xilli ay la socdeen mooto nooca beeraha ka shaqeeya ah, kadib markii ay la kacday miino ay dhulka ku aastay kooxda Al-Shabaab, waxayna miinooyinkaan welwel badan ku abuureen shacabka. Hoos ka daawo The post Daawo: Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo shaaciyey qorshihiisa dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  19. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyey kulan ballaaran oo looga hadlayey u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka Iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee bariga Afrika (EAC), kadib markii dhowaan la aqbalay codsiga Soomaaliya inay ka mid noqoto ururkaasi. Kulanka oo ay ka soo gaybgaleen mas’uuliyiin kala socotay laamaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu soo bandhigay heerka u diyaargarowga dowladda Soomaaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale. Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee urur gobolleedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano ganacsi, dhaqaale iyo isu socod kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo kordhinaya dhaqaalaha dalkeena. Waxaa uu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay u sahleyso ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada suuq weyn ay kaga faa’iideeystaan inay u iibgeeyaan badeecadahooda iyadoo aan la canshuurin. Shirka ayaa waxaa warbixinno ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray codsiga dowladda Soomaaliya, qaabka loo wajahayo wada xaajoodka iyo waxa ay ka qabsan karto Soomaaliya soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madaxweynaha Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo La taliyaha horumarinta Ganacsiga ee Ra’iisul wasaaraha Cabdiqani Jaamac. Ra’iisul easaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn bogaadiyey shaqada ay qabteen Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee kala shaqeeyay hawsha lagu guuleystay ee ku-biirista Soomaaliya ee urur goboleedka bariga Afrika (EAC). Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Dahabshiil Group is calling on the business community in the Horn of Africa region and the international community to come together and help small businesspeople who lost their properties in the fire at Jigjiga New Taiwan open air Market on the weekend. Source: Hiiraan Online
  21. Hobyo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inuu usoo gacan galay Xaashi Garaad Cali kadib howl-gal ka dhacay deegaan hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo howl-galkaan si wada-jir ah uga fuliyay deegaanka Baraag Ciise oo hoostaga Hobyo, ayaa waxaa lagu dilay laba ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab. Deegaanka Baraag Ciise ayay ciidamadu ku weerareen goob ay si dhuumaalaysi ah isugu dayayeen inay dadka lacago uga qaadaan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Xaashi Garaad Cali oo ahaa Horjeege si wayn looga yaqaanay deegaanka. Xaashi Garaad ayaa la sheegay inuu ku caan-baxay baadda iyo dhaca xoolaha dadka reer miyiga ah, uuna shaqadaas u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab. Howl-galkan ayaa imanaya, iyada oo ay shalay howl-gal culus iyo duqeymo iyo ka dhaceen duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbasa Hoose. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkaas ayaa shaaca ka qaaday inay ku beegsatay deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla agagaarka magaaladaas, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh. Howl-gallada oo dhacay saddex jeer ayay dowladdu sheegtay in mid kamid ah ay ciidanka xoogga dalka, ciidanka dowlad-goboleedka Jubbaland oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah habeen hore ilaa shalay subaxdii uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Afmadow. Si kastaba, dowladda ayaa maalmihii dambe dardar-gelinaysay howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli bishii hore uu hakad ku yimid, waxaana dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Daawo: DF oo soo bandhigtay madixii Zakawaadka Al-Shaabaab ee G/Mudug oo dhaawac ah appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku diiday in la bilaabo su’aalo weydiinta xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah. Warqad kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu jadwaleeyay hanaanka shaqo ee golaha ee saddexda billood ee soo aadan, taas oo xukuumadda ay rabtay in wasiirradeeda asbuuc walba labo loogu yeero. Wasiirka Amniga ee dowladda federaalka ayaa Sabtidii tegay Golaha Shacabka si su’aalo loo weydiiyo, laakiin waxaa loogu jawaabay anagu kuma yeeran. Jadwalka la xisaabtanka xukuumadda waxaa soo sameeyay xafiiska ra’iisul wasaaraha, laakiin buuq iyo diidmo ayuu la kulmay. Jadwalkaas waxay Xildhibaannada ku sheegeen mid lagu gafay micnaha Golaha Shacabka, buuq kuma dhamaan diidmada ee cod ayaa looga adkaaday intii rabtay in wasiirka su’aalo la weydiiyo. Dhowr farriimood oo aan la sahashan karin oo ku wajahan ra’iisul wasaare Xamza ayuu xambarsanaa go’aankii diidmada ahaa ee shalay ka yimid Golaha Shacabka. Farriinta koowaad: Waa in Golaha Shacabka uu ka fog yahay dhanka ra’iisul wasaaraha. Golaha Shacabka waa midka ansixiya ra’iisul wasaaraha, sidoo kalena awoodda u leh inuu shaqada ka eryo. Ra’iisul Wasaaraha waxa uu maanta fahmay in uusan koox difaaci karta ku haysan golaha dhexdiisa, waana farriin walaac ah oo uga baahan inuu deg deg uga howl-galo. Adiga oo ra’iisul wasaare ah in aad Golaha Shacabka kala fog tihiin ma ahan arrin fudud. Midda labaad waa in laga sugaayo isku shaandheyn: Dhowr jeer waxaa la sheegay inuu ra’iisul wasaaraha damacsan yahay inuu beddelo qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiiradda ee loo jeedo inay shaqada wadi la’yihiin. Waxaa jirra Xildhibaano banaanka taagan oo sugaya isbeddelkaas, qaarkood ayaa shalay laga arkayay kaamirada, waxaana lagu fasiray buuqooda isbeddelkii aaway?. Midda saddexaad waa inay Golaha Shacabka wax walba ka suurtoobaan: Markii laga cabir qaato dhaqankii shalay, wax walba oo xukuumadda cimrigeeda soo gaabin kara ayaa laga filan karaa Golaha Shacabka. Guddoonka waxaa ka muuqatay in aanay waxba gacanta ugu jirin, oo aanay xitaa xukuumadda isku haleyn inay difaacan. Barqo cad in xukuumadda sharciyadeeda shaki la galin karo ayuu sii carabaabaya dhaqankii shalay ee Golaha Shacabka. Haddaba, Maxaa la gudboon ra’iisul wasaare Xamza? Ra’iisul Wasaaraha intaan ka badan kama dhuuman karo waaqica. Sidii lagu yaqaanay ra’iisul wasaarayaashii hore, Xamza waa in gacanta ku dhigaa faylka Baarlamaanka, Xildhibaanada toos ula macaamiil, xukuumaddiisa saaxiibo u sameeya oo uu dhinaca kale xal u raadiya caajiska ka muuqda xukuumadda, inta uusan Baarlamaanka toos usoo beegsan kursigiisa. The post Saddex cashir oo laga bartay tallaabadii uu qaaday BF iyo Xamza oo halis wajahaya appeared first on Caasimada Online.
  23. Buluburde (Caasimada Online) – In an appalling incident of violence blamed on the notorious jihadist group Al-Shabab, a local authority disclosed on Monday that eight civilians tragically lost their lives in central Somalia. The attack, characterized by an explosion at the roadside, killed an extended family in a community shaken by terror. This horrific incident unfolded on a Sunday evening in the vicinity of a small hamlet just outside Buloburde, approximately 220 kilometers, or 136 miles, north of Mogadishu, the capital of Somalia. Sadam Abdi Idow, the mayor of Buloburde, addressed the media, saying, “A woman was among the eight innocents slaughtered by this callous act. The victims, tragically, were all members of the same extended family.” Al-Shabab behind the attack In his dialogue with the reporters, Mayor Idow voiced his accusation, pinning the act on the Al-Shabab terror group. “Having been vanquished in ongoing military offensives in the area, it’s believed these Al-Shabab militants planted the explosive,” he stated. “The disregard shown by these terrorists towards innocent civilians is beyond reproach.” Eyewitness accounts attest to the horror of the incident, recounting that seven victims succumbed to injuries while another died. Abdulkarim Hassan, a resident of Buloburde, shared his profound grief. “This calamity left us stunned. Three of the victims were from one family, and the rest were from another, but kinship ties bound all,” he lamented. Al-Shabab: A resilient threat Al-Shabab, which pledges allegiance to Al-Qaeda, has been waging a bloody insurgency since 2007 to overthrow the foreign-backed government based in Mogadishu. Driven out from Mogadishu in 2011, Al-Shabab continues to pose a significant threat. The group remains deadly despite a major offensive last August that saw a combined force of pro-government troops, African Union soldiers, and US air strikes. The incident near Buloburde came in the aftermath of a prolonged armed clash in the region, as reported by military sources. “Following their defeat in the armed standoff, these terrorists vented their spite on the unsuspecting civilians by planting a landmine on the main thoroughfare frequented by locals,” Ahmed Ali, a senior Somali military official, conveyed over a phone call. The post Somalia in mourning: Family lost to Al-Shabab bombing appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Sabtidii waxaa shaqada laga eryay Wasiirkii Maaliyadda ee dowladda federaalka ah, Dr Cilmi Maxamuud Nuur. Xil ka qaadistiisa waxaa miisaan gaar ah u yeelay inuu xubin muhiim ah ka ahaa xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee la yiraahdo UPD. Waxa uu ahaa qofka ugu muhiimsan uguna muddada fog ee reer Waqooyi ah ee Xasan Sheekh Maxamuud wax la dhistay. Qaabka loo bixiyay ama xilka looga qaaday waxaa ku dhex jirta farriin gaar ah. Wasiirku waxa uu shaqada ka joojiyay agaasimaha dakhliyadda iyo xisaabiyaha guud, mushaarkii ayay dadka qaar kasoo daahay bishan, khilaafyo kalana waa jireen, laakiin dhamaan arrimahan waxay ahaayeen kuwa si hoose loo xalin karayay oo aan u baahneyn in fal-celintooda la gaarsiiyo heer wasiirka shaqada laga eryo. Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya waxay leeyihiin sida loo maareeyay xaaladda Dr. Cilmi iyo qaabka loola dhaqmay shaqsi ahaan intuba waxay farriin taban u tahay dhamaan xubnaha xisbiga UPD, ee isku dayaya inay dadka ku harowsadaan inay madaxweyne Xasan Sheekh wax la leeyihiin ama ay xukunka dadka uga dhow yihiin. Farriintan waxaa la yiraahda haddii aadan u shaqeyn sida aan rabo waxaa u baxeysa si aad rabin. Tallaabada laga qaaday Dr. Cilmi mid ka qaraar badan inay ku dhici karto xubnaha kale ee UPD ee xilligaan dowladda ku jira ayay tani calaamad u tahay ayay leeyihiin fallanqeeyayaashu. Waa digniin aan la maldihin oo isla kooxda gudaheeda ku socota. In uu Dr. Cilmi gardarnaa iyo in laga gardarnaa waxaa ka muhiimsan in madaxweyne Xasan Sheekh u kala saaran tahay shaqada iyo kooxnimada. In shaqada iyo kooxnimada la kala qaado waxay dadka qaar u arkaan caafimaad dowladeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad fursad u helay inuu dalka xukumo, wuxuu u muuqda inuu beddelay dabeecad kamid ah dabeecadihii lagu yaqaanay gal xukunkiisi hore, taas oo aheyd in gar iyo gardaraba uu garab siiyo saaxiibadiis oo uu xukunka ku hayo. Waxaa la xasuusta in xukuumad dhan uu Baarlamaankii 9-aad usoo diiday xubno madaxweynaha saaxiib la ahaa, madaxweynuhuna uu ku adkeysanayay inay xukuumadda kusii jiraan, laakiin markii dambe lagu qasbay in laga reebo liiska. Hadda waxaa daawaneyna Xasan Sheekh cusub oo haddii ay kooxdiisa wax qaldaan ama u shaqeeyaan si ka duwan sida uu rabo deg deg uga saari kara nidaamka. Tallaabadii laga qaadar wasiirkii Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur waxay farriin taban oo cabsi ah u tahay dhamaan xubnaha xisbiga UPD ee xilalka haya oo laga yaabo inay isku dayaan ku tagri-fal awoodeed ama qaadashada go’aano shaqsi ah oo aan lala ogeyn, waxayna dadka si fudud u fahamsiisay qeyb kamid ah farqiga Xasan Sheekh tallinayay 2012 illaa 2017 iyo Xasan Sheekh xukunka haya maanta. The post Xasan oo beddelay dhaqan siyaasadeedkiisi, farriin culusna u diray xubnaha xisbigiisa ee… appeared first on Caasimada Online.
  25. Caalamul Islaami waxaa wali ka socda dibadbaxyada looga soo horjeedo falkii Kitaabka Qur’aanka lagu gubay gudaha Sweden, waxaana duunidu siweyn ay u cambareysay arrintaan, iyaga oo wadamada qaar laga diiday badeecada Sweden laga keeno. Wasaaradda arrimaha dibadda Sweden ayaa raaligelin ka bixisay arrintaas, waxaana wadamada Islamka ah gaar ahaan Turkiga, Muratania, Afganistan, Ciraaq iyo Yemen ka dhacay dibadbaxyo waaweyn oo lagu diidan yahay falkii lagu gubay Musxafka. Arrintaan uu ku kacay wiil u dhashay dalka Ciraaq kuna nool dalkaas ayaa saameyn badan ka dhalisay caalamka Islaamka, waxaana maalmihii lasoo dhaafay dunida ka kala dhacayay dibadbaxyo lagu diiday falka lagu gubay kitaabka Qur’aanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com