-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa caawa isku shaandheyn kooban ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo magacaabay Biixi Iimaan Cige, iyadoo xilkaas laga qaaday Cilmi Maxamuud Nuur. Sidoo kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, xilkaas waxaa hore u hayay Biixi Iimaan Cige. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ayaa loo magacaabay Saadad Maxamed Nuur Caliyow, halka xilkaas laga qaaday Ilyaas Cali Xasan. Wasiiru Dowle ayaa lagu soo kordhiyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaana xilkaas loo magacaabay Abuukar Jeylaani Sheekh. PUNTLAND POST The post Isku shaandheyn kooban oo lagu sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa caawa isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, isagoo sidoo kale soo magacaabay xubno cusub. Isku shaandheyntaan ayaa saameysay wasaaradaha maaliyadda, shaqada iyo arrimaha bulshada, arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta. Ugu horeyn Wasiirkii Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xilka laga qaaday, waxaana Maaliyadda Soomaaliya loo magacaabay Biixi Iimaan Cige oo ahaa wasiirkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo ah wasiir cusub ayaa loo magacaabay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, maadaama wasiirkii wasaaradaas loo wareejiyey wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale Abuukar Jeylaani Sheekh ayaa loo magacaabay wasiiru dowlihii wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta. Halka Saadaad Maxamed Nuur Caliyow loo magacaabay Wasiiru dowlihii wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ee xukuumadda Soomaaliya. Wareegtadaan ayaa wasiirrada cusub lagu faray inay si deg deg ah ula wareegaan masuuliyadda loo igmaday, kadib markii la dhaariyo. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in go’aankaan uu kala tashaday Madaxweynaha dalka, isla markaana uu arkay in baahi badan loo qabo in la dardar geliyo shaqada xukuumadda. Waa isku shaandheyntii ugu horeysay ee uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiska joogay muddo hal sano ah, waxayna saameysay afar ka mid ah 25-ka wasaaradood. Hoos ka daawo The post DEG DEG: R/W Xamse oo wasiiradiisa ku sameeyey isku shaandheyn (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Minneapolis (HOL) - Charges have been filed against three individuals, including two adults and one minor, following a series of disturbances related to the misuse of fireworks in Minneapolis and Lake Minnetonka during the July 4th celebrations, according to Police Chief Brian O'Hara. The accused include Maslax O. Dualeh, 21, and Zamir A. Yassin, 18, both of Minneapolis and a 17-year-old minor from Columbia Heights. Source: Hiiraan Online
-
Minneapolis (HOL) - Charges have been filed against three individuals, including two adults and one minor, following a series of disturbances related to the misuse of fireworks in Minneapolis and Lake Minnetonka during the July 4th celebrations, according to Police Chief Brian O'Hara. The accused include Maslax O. Dualeh, 21, and Zamir A. Yassin, 18, both of Minneapolis and a 17-year-old minor from Columbia Heights. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta yeesheen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa natiijo la’aan soo dhammaaday, kadib markii ay xildhibaanadu isku qabteen arrin la xiriirta ajendaha kulankooda. Doodda ayaa ka dhalatay markii AY qaar kamid ah xubnaha golaha ka horyimaadeen ajendihii maanta oo ahaa la xisaabtanka xukuumadda, waxaana kulanka ku sugnaa wasiirka amniga gudaha, Maxamed Sheekh DoodishE, balse waa uu baaqday. Xildhibaanada ka horyimid arrintan ayaa miiska soo saaray mooshin ay ku dalbanayaan in ajendaha lagu soo daro qodob kale oo ku aadan la xisaabtanka iyo habsami u socodka Golaha Shacabka, ayagoo dhaliil xoogan u jeediyay guddiga joogtada iyo guddoonka sare. Dood dheer oo sababtay in kulanka uu istaago kadib ayaa waxaa mar kale cod la geliyay in mooshinka ajendaha wax ka beddalka dib loo dhigo ama isla maanta laga doodo, waxayna xildhibaanada u codeeyeen in kulanka dambe laga dhigo dooddan, si la’isugu soo laabto. Haddaba sidee looga faceliyay buuQa hareeyay kulankii Golaha Shacabka? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ii isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan kuwa daawanayay doodda ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay buuqa hareeyay baarlamaanka. Cali Maxamed Cali oo kamid ah dadka ka falcelyay ayaa yiri “Xildhibaano aan rabitaanka shacabka ku imaaan marka meel la’isugu keeno waa iska sidaaan camal”. Cabduqaadir Barre ayaa sidoo kale isna yiri “Kuwaan xildhibaano maahan Wallaahi waa ciyaal weero”. Mukhtaar Maxamed Nuur ayaa isna aragtidiisa uga falceliyay “Kuwo rabo iyo kuwo aan rabin lee miyaa?… sharci ma jiro”. Hirsi Aid wuxuu dooddiisa kusoo koobay “Guddoonku waa dad jilicsan.” Malyuun Cismaan ayaa iyaduna tiri “Kuwaan wa ciyaal suuq oo shaar xildhibaan loo soo xiray weeye”. Waxaa sidoo kale ka hadlay Diiriye Cabdi oo yiri “Guddoomiye go’aan qaado oo kala dir baarlamaanka waxaan lama fiirsan karo waa ceeb adduunka ayaa nalaga daawanayaa”. Fardowsa Gurey ayaa dhankeeda ku jawaabtay “Feer iyo fara laab dad wax iskuugu sheegayo ayagoo madax ah shacabkii xaa moodaa marka”. The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay arrintii ka dhacday BF appeared first on Caasimada Online.
-
Luuq (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Luuq ee gobolka Gedo lagu qabtay kulan lagu soo dhaweeyey qorshaha gobolka Gedo loogu celinayo gacanta Jubbaland, waxaana kulankaas ka soo muuqday siyaasiyiin sanadihii lasoo dhaafay si adag u diidanaa xukunka Axmed Madoobe. Cismaan Nuur Xaaji Macamuu oo Axmed Madoobe u magacaabay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee gobolka Gedo iyo Guddoomiyaha degmada Luuq Cali Kadiye ayaa ka mid ahaa xubnihii ka hadlay kulanka lagu qabtay Luuq. Siyaasiyiintaan ayaa bulshada degmadaas ku wargeliyey inay ku biireen Jubbaland, isla markaana ay la heshiiyeen Axmed Madoobe, waxayna bulshada ka codsadeen inay la qaataan go’aankaan. Guddoomiyaha degmada Luuq Cali Kadiye oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu mayalka adkaa ee gobolkaas ka hor taagnaa Axmed Madoobe ayaa sheegay inay garteen in sida ay ula dagaalameen Axmed Madoobe aysan aheyn sidii uu ku bixi lahaa. “Jubbaland sidaan wax u rabnay inay uga socon waayeen waan aragnay, idinkuna waad ogeydeen, maanta waxaan idinka rabnaa inaad noola taageertaan sidaa shalay noo garab taagneydeen bulshoy, waa ogtihiin ninkii ugu dagaalka badnaa aniguu ahaa, maanta Axmed Madoobe waa madaxweyneheenna, ila qaata walaalayaal,” ayuu yiri Cali Kediye. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Luuq Cali Kadiye ayaa sheegay in Axmed Madoobe ay doorasho uga saarayaan Jubbaland, balse aan lagu sii jiri karin go’doonkaan siyaasadeed, sida uu sheegay. “Axmed wuxuu nagu dhaafi karaa anagoo is garabsana, afar sano ayaan xoog gobolkaan uga heynay Axmed, laakiin waxaan ogaanay in doorasho kaliya uu ku tegi karo, hadda waxaan ogaansanay inaan raacno Axmed, markii doorashada la gaarana aan dirno isagoo qanacsan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha degmada Luuq. Cali Kediye oo sanado badan guddoomiye ka ah degmada Luuq ka mid ahaa xubnihii sida weyn u taageersanaa xukunkii Farmaajo iyo in gobolka Gedo laga jaro Jubbaland, taageerada uu kooxdii Farmaajo u haayey ninkaan waxay gaarsiiysay in markii uu taagnaa kiiskii Ikraan Tahliil uu soo jeediyey in carrabka laga jaro Hooyadeed oo aad uga caba jirtay warbaahinta. Siyaasiyiintii kale ee bulshada degmada Luuq la hadashay ayaa sheegay inay xalay dhalay ka noqdeen wixii khilaaf la soo maray, “Reer Kismaayo waa kala adkaa weynay waana isku agdhacnay ee inaan mar kale wax isku darsano nala qaata,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnihii goobtaas ka hadlay. Hoos ka daawo The post Daawo: Qorshe AXMED MADOOBE looga saarayo Jubaland oo lagu dhawaaqay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Cagjar oo Somaliland uga Mahad-celiyay Gurmadkoodii Dabka Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Md. Mustafe Muxummed Cumar ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad-naqay taageeradii walaalnimo ee ay u muujiyeen walaalahooda Deegaanka Soomaalida ee ganacsigoodii dabku baa’biiyay. Masuuliyiin iyo gurmad uu hoggaaminayo Maayirka Magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa xalay saqdii dhexe gaadhay suuqa gubtay ee magaalada oo ay ka qayb qaateen daminta halka maantana ay soo gaadheen magaalada Wasiirro ka socda JSL oo iu hoggaaminayey Wasiirka Warfaafinra, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mystafe Cagjar oo uu gaadhsiiyay murugada ay Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland la qaybsanayaan murugada dhibaatada dabkaasi dhaliyay oo baa’biiyay 932 meheradood oo ay lahaayeen dad Soomaali ahi. Qaran News
-
Shir gaar ah ayaa hadda u socda Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Shirka oo ka socda Guriga Madaxweyne ku xigeenka ayaa looga hadlayaa xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Puntland oo la xiriirta furista Dastuurka iyo hubanti la’aata doorashada 2024. Shirka ayaa imaanaya kadib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday kulan gaar ah oo habeen ka hor dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash. Axmed Karaash ayaa si weyn u diiddan Tallaabada Siciid Deni ku raadinayo in 18-ka bishan la guda-galo furista Dastuurka islamarkaana 30-ka bisha lagu dhawaaqo mudda kororsi laba sano ah. PUNTLAND POST The post Shir gaar ah oo Garoowe uga socda Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland oo ka Hadashay weerar maanta ciidamada lagu soo qaaday Hargeysa(Qaran)-Wasaarada Gaashaandhiga oo ka hadashay weerar maanta maleeshiyaadka huwantu soo qaadeen Ciidammada Somaliland waxay kala kulmeen weerar iskudubarid ah kooxo ka tirsan maleeshiyaadka Laascaanood, maamulka Puntland iyo koox argagxiso ah oo ka hawlgala Laascaanood waa sida uu warkaasi u dhignaaye. War saxaafadeed galabta ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga JSL ayaa lagu sheegay in weerarada lala beegsaday dhulal kala duwan oo dalka ah. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa ku bogaadisay Ciidammada Qaranka sida fiican ee ay uga jawaabeen, si fiicana u difaaceen dhulkooda. Qoraalka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in ciidamada Qaranku weerar jawaabcelin ah qaadeen. Kama laabanayno inaan dhulkayaga ka difaacno isbahaysigan qaska iyo burburinta wada.” Qaran News
-
Gantaalo uu Ruushku Sabtida maanta ah ku garaacay magaalada Lyman ee bariga Ukraine ayaa waxaa ku dhintay siddeed qof, iyadoo 13 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine. Wasaaradda ayaa sheegtay in guri deegaan ah, dabaq ku dhegganaa oo madbacad ah, iyo saddex baabuur ay ku gubteen weerarka. Pavlo Kyrylenko, oo ah gudoomiyaha gobolka Donetsk ee ay magaalada Lyman ku taallo ayaa sheegay in abaaro tobankii subaxnimo ee ciidanka Ruushku dhowr gantaal ku dhufteen magaalada. Lyman, oo ah xarun weyn oo tareenada ah ayay ciidanka Ruushku horey u qabsadeen laakin bishii October ayay gacan ku heynteeda dib ula wareegeen ciidamada Ukraine. Sarkaal ka tirsan adeegga gurmadka deg dega ah oo ku sugan magaalada uu Ruushku maamulo Oleshky ee koonfurta Ukraine oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa sheegay in laba qof oo rayid ah ay ku dhinteen dab habeenkii xalay ka kacay magaaladaasi. Ciidamada Ukraine ayaa bishii hore bilaabay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayaan in ay dib ugu qabsadaan dhulka uu Ruushka gacanta ku hayo ee bariga iyo koonfurta dalkaasi. PUNTLAND POST The post Ruushka oo gantaalo culus ku garaacay magaalo ka tirsan Ukraine appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo maanta jiida hore ee dagaalka kula hadlay warbaahinta ayaa hanjabaad culus u diray kooxda Al-Shabaab oo weli dagaallo culus ka wada gobolkaas iyo guud ahaan dalka. Ugu horreyn Cali Jayte ayaa ka warbixiyay dagaal culus oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Beero Yabaal oo hoostaga degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, isaga oo shaaca ka qaaday inay uga adkaadeen Shabaab, sidoo kalena ay ku gaarsiiyeen jab culus. “Muddo ayaan ku dagaalameynay meel halkan ah waan ka itaal roonaanay waxaan rabaa ciidamadaas meel kasta oo ay ka dagaalamayeen inaan u mahadceliyo” ayuu yiri Jayte. Sidoo kale wuxuu ku hanjabay inuu sii wadi doono dagaalka uu kooxdan kala jiro, illaa inta laga saaro guud ahaan dhulka Soomaaliya. “Waxaan wacad ku marayaa haddii Alle idmo inta tabarteydu la’egtahay, Shabaab inta uu Soomaaliya joogo inaan kabaha ka daba ilado” ayuu mar kale yiri Cali Jayte Cismaan. Dhanka kale, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa farriin culus u diray dowladda dhexe, wuxuuna ka dalbaday inay qaadato mas’uuliyeeda ku aadan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab. “Dowladda Soomaaloya waxaa saaran mas’uuliyad ah inay dalka cadowga ka saarto, ilaaliso shacabka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyihi hore ee gobolka Hiiraan. Cali Jayte ayaa haatan ah gooni u goosad, isaga oo ku dhawaaqay maamulka ‘Hiiraan State’ kadib markii xilkii ka qaaday madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen. Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xiisaddan, maadaama aysan jirin illaa iyo hadda wax wadahadal ah oo u billowday labada dhinac, si xal looga gaaro arrinta taagan. The post Cali Jayte oo hanjabaad culus diray: Waxaan wacad ku marayaa inta… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa xog rasmi ah ka bixiyay, waxa ay salka ku hayso doodda ee ka taagan baarlamaanka, taas oo ay maanta ka dhalatay xiisad xoogan. Xildhibaanka ayaa marka hore si weyn u taageeray baaqashada kulankii maanta, isaga oo sheegay in goluhu uu ka hortegay qorshe laga soo abaabulay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tani ay cashir u tahay kooxda soo abuubashay oo uu ku eedeeyay inay damacsaneyd in baarlamaanka ay wax u yeeriso, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa maanta Baarlamaanka ay cod-dheer ku diideen in wiil meel iska fadhiya uu inoo yeeriyo shaqadeena iyo sida aan u qabsaneyno. Waana rajeynaya inay kooxda soo abaabushay sharci-daradaasi ay maanta naga qaateen Cashar fiican oo ay ku kala barteen waxan nahay iyo waxa ay naga filayeen” ayuu yiri xildhibaan Cumar Cali Cabdi. Xildhibaanka ayaa sidoo kale farriin u diray dhammaan xubnaha baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in laga rabo inay wada ilaaliyaan sharciga iyo xeer-hoosaadka u yaallo. “Haddii aan nahay Baarlamaanka JFS waxaa waajib nagu ah in aan ilaalino sharciga dalka iyo xeer-hoosaadka inoo qoran, kaasi oo ina faraya dhammaan wixii waajib ah iyo habka aan u gudano shaqadeena” ayuu mar kale ku yiri qoraal uu soo saaray Cumar Cali Cabdi. Waxaa kale oo uu ku baaqay in hay’adaha dowladda loo daayo mid kasto shaqadeeda, si loo ilaaliyo Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taallo. “Hay’addaha dowlada midkasta shaqadeeda in lagu tixgeliyo, oo looga danbeeyo ayaa la rabaa, ee hay’ad mid kale uma qori karto shaqadeeda” ayuu qoraalka kusoo gabahabeeyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo kulankii maanta ee Golaha Shacabka uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday, kadib markii ay xildhibaanadu isku qabteen ajendaha kulanka. Si kastaba, dood dheer oo sababtay in kulanka uu istaago kadib ayaa waxaa cod la geliyay in mooshinka ajendaha wax ka beddalka dib loo dhigo ama isla maanta laga doodo, waxayna xildhibaanada u codeeyeen in kulanka dambe laga dhigo, si la’isugu soo laabto. The post “Baarlamanka maanta cashar ayuu u dhigay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” waxaa yiri… appeared first on Caasimada Online.
-
“Sannadkan waxaynu galaynaa hawl ay Ganacsatadu neceb tahay, Odayaashuna ka wer-weraan Culimaduna ka gama’gamalayso waa Doorashadii” Madaxweyne Muuse Biixi Hargeysa(Qaran)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in sannadkan uu dalku gelayo doorasho, hase ahaatee waxa uu ka war-wareegay inuu afka ku dhufto nooca doorashada soo horaynaysa ee uu doonayo. Madaxweynuhu wuxuu sidaas ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay xaflad lagu qabtay Hargeysa oo lagu dhagax dhigayay dib u dhiskii Suuqii gubtay ee Waaheen. “Sannadkan waxaynu galaynaa hawl ay Ganacsatadu neceb tahay, Odayaashuna ka wer-weraan Culimaduna ka gama’gamalayso waa doorashadii. Odayaasha iyo Culimada waa dadka la dhegaystee waxa laga rabaa inay doorashadu innoogu dhacdo nabad iyo inay innoogu qabsoonto asluub iyo dhaqan wanaagsan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland. Madaxweyne Muuse oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Haddii ay xumaan inoo keento doorashadu dee waa Masiibo ee aynu ka dayno Cay, isnecid, been abuur, dhaqan xumo iyo dhallinyaradii oo ku baaba’da hadday noocaas noqoto aynu iskugu tagno oo aynu qabanno.” Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay iyadoo khilaaf ka taagan yahay Komishanka doorashooyinka oo ka codsaday Maxkamadda sare inay soo sheegto labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururrada ta soo horaynaysa. arrintaasi oo xisbiyada mucaaridka ahina ay ku tilmaameen sharci darro aan loo baahnayn. Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo sii wada kulamada la xisaabtanka Wasaaradaha, ayaa maanta su’aalo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa u qorsheysan wax ka weydiiyey Wasaaradda Korontada iyo Biyaha. Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa si faah-faahsan Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee wasaaradda uga hirgalay ballanqaadkii Xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira halbeegyada Horutabinta leh adeegyada aas-aasiga ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyey masuuliyiinta wasaardda in mashruucdyada tamarta iyo biyaha ee ay maalgaliyaan hay’adaha caalamiga ah ay noqdaan kuwo ay si toos ah uga faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad gaar ah siinayso in bulshadu ay helaan biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta wasaaradda in dhammaan deegaannada la xoreeyey Khawaariijta la gaarsinayo adeegyada aas-aasiga ah ee dowladda, waxa uuna faray Wasaaradda in mudnaan gaar ah la siiyo ceelashii biyaha, maadama ay khawaarijtu ka burburiyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dab damiska ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu hor kacaayay maayarka Hargeysa mudane Cabdikariin Ahmed Mooge ayaa xalay gurmad balaadhan ugu baxay magaalada Jigjiga ee caasimadda ismaamulka Somalida ee Itoobiya. Ciidanka dab damiska caasimada Somaliland oo ku gaashaaman qalabka dabsamiska oo ay ka mid ahaayeen booyadaha u gaarka ah ciidamada dab damiska ayaa xalay ka talaabay xadka labada dal u dhaxeeya waxana ay si laxaadleh uga qayb qaateen damintii dabkii ka kacay suuqa bacadlaha ee Jigjiga Dab kana la midka ahaa ee sanad iyo xoogaa ka hor ka kacay magaalada Hargeysa ayaa ciidamada dab damiska ee Jigjigi ay u soo gurmadeen xiligaasi, taasi oo ka turjumaysay xidhiidhka soo jireenka ahaa ee u dhaxeeya labada dal Qaran News
-
Madaxweyne Biixi oo dhagax-dhigay Suuqa Waaheen. Hargeysa(Qaran)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dib-u-dhiska suuqa casriga ah ee Waaheen, gaar ahaan intii ay dawladdu lahayd oo laga binayn doono dhisme casri ah oo wax weyn ka tari doona bilicda caasimadda iyo badqabka hantida la dhigo doonaba. Munaasibad kooban oo badhtamaha suuqa lagu qabtay, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen xubno katirsan xukuumadda, mudaneyaal katirsan golaha degaanka Hargeysa, xubnaha guddida dib-u-dhiska Suuqa Waaheen iyo Engeer-radooda, hoggaanka guddida qandaraasyada qaranka, madax ka socotay shirkadda dhismaha ku guulaysatay, ganacsato iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku hayey sida ay bulshada iyo xukuumaddu isku-duubni ugu gaadheen in maanta la dhagax dhigo suuq weyn oo muddo laga baaraandegayey. Ugu horrayn, maayar-ku-xigeenka, ahna ku simaha maayarka, Mudane Khadar Axmed Cumar oo munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa guul weyn ku tilmaamay in la dhagax-dhigo suuqa cusub ee Waaheen oo noqon doona mid casri ah, dadka iyo dawladdana dakhli badani kasoo geli doono. Qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee dalka oo ay kamid yihiin, Cabdirashiid Maxamed Dahabshiil, Cabdikariin Maxamed Iid, Maxamed Jees Aadan iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa xukuumadda ku bogaadiyey kaalinta mugga leh ee ay ka qaadatay sidii dhismaha suuqan dib loogu bilaabi lahaa, waxana ay tilmaameen inay tallaabadaasi muujinayso marka bulshadu isku tashato in la helo Natiijo wanaagsan oo horumar lagu gaadhi karo. Guddoomiyaha rugta ganacsiga, xubinna ka ah guddida dib-u-dhiska suuqa Waaheen, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim oo halkaas hadlay, ayaa tilmaamay inay jid dheer oo adag usoo mareen in maanta goobtan lasoo gaadho, isaga oo ganacsada, xukuumadda shacabka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay dhaqaale ururintii suuqa si weyn ugu mahadnaqay. Taliyaha ciidanka Dab-damiska qaranka, Sarreeye guuto, Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey tallaabada lagu dhagax-dhigayo suuqa Waaheen, waxana uu intaas ku daray inuu suuqani noqon doono mid laga suuliyey caqabaddii dhinaca jid xumada ahayd ee sababtay in la baqtiin kari waayo dabkii suuqa baabi’iyey. Mudane DerricK Shiba oo ku hadlayey magaca shirkadda INYATSI ee ku guulaysatay dhismaha suuqa Waaheen oo si kooban munaasibadda uga hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey nooca dhismaha ay hirgelin doonaan, waxana uu caddeeyey inay dhisi doonaan dhisme tayo leh waqtigana ay ilaalin lahaayeen. Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka, Mudane Maxamed Cabdilaahi Guuleed oo khudbad ka jeediyey madasha, ayaa sheegay inay guddi ahaan iska xil saareen sidii loo heli lahaa shirkad awood u leh inay hirgeliso nooca suuq ee Waaheen laga dhisayo islamarkaana ay usoo xuleen shirkad ay kalsooni ku qabaan. Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Ahna guddoomiyaha guddida dib-u-dhiska suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa dhankiisa ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay guddi ahaan usoo mareen sidii maanta loo dhagax dhigi lahaa suuqa, waxana uu madaxweynaha qaranka ugaga mahadnaqay taageerada uu u muujiyey muddadii ay shaqada soo wadeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dhagax-dhigga ka hor khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa halkaas ka jeediyey, ayaa guul ku tilmaamay in qaranku isku duubni kaga soo kabanayo masiibadii Waaheen ku habsatay, sidii uu hore u sheegayna suuqu dib u dhismi doono. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guddida guud ee suuqa Waaheen iyo guddiyada kasii farcama, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dhaqaalaha suuqan casriga ah lagu dhisayo inteeda badani ka timi shacabka iyo dawladda reer Somaliland, waxana uu yidhi,“Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa raggii kasoo shaqeeyey, gaar ahaan Engineer-rada oo iyagu ahaa wadnihii waxan ka shaqaysiinayey, guddidii baan iyagana aad ugu mahadnaqayaa.” Madaxweynaha qaranka, ayaa intaas kaddib si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha suuqa Waaheen, soona kormeeray qaybaha kala duwan ee suuqaasi ka kooban yahay oo ka socdaan dhismeyaal ay leeyihiin muwaaddiniin reer Somaliland ahi. Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa madasha ka sheegay inay shacab iyo xukuumadba la dareen yihiin shacabka dawlad-deegaanka iyo dawladdoodaba masiibada dabkii ka kacay magaalada Jigjiga, waxana uu isla saakaba Khadka Telefoonka kula hadlay madaxweynaha ismaamulka Dawlad-deegaanka, Mudane Mustage Muxumed Cumar, isaga oo u caddeeyey inay ka xukuumad ahaan masiibada dabka Jigjiga wax kasta oo karaankooda ah kaga qayb-qaadan doonaan oo aanay jirin wax ay ka hagranayaan, waxana uu u diray guddi ka kooban wasiirrada wasaarada Warfaafinta, Qorshaynta iyo Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda. Qaran News
-
Madaxa hay’adda sirdoonka Kenya ee NIS, Nuuradiin Xaaji, ayaa khamiistii la soo dhaafay socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya isaga oo kulan la qaatay madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale dhigiisa Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad. Kulankaas waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid ahaayeen iskaashiga xog isdhaafsiga labada sirdoon ee ku aadan ururka al-Shabaab iyo khataraha kale ee amni. Ninka ay xogtiisa wadaageen sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya Sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, muwaadin u dhashay waddanka Kenya, oo udub dhexaad u ahaa saanad iyo qalab helista ururuka al-Shabaab ayay gacanta ku dhigeen sirdoonka Kenya. Ninkaan ayaa sirdoonka Soomaaliya xogtiisa u gudbiyeen sirdoonka Kenya kadib markii tekadda magaalada Muqdisho lagu qabtay konteenar qalab ciidan siday bishii May ee sanadkaan, kaas oo sida naloo xaqiijiyay uu masuul ka ahaa ninkaan u dhashay Kenya. Sirdoonka ayaa xilligaas sheegay in ay baaritaan gooni ah oo ay sameeyeen ku heleen xogta qalabka ku jiray konteenarka. Ninkaan oo aan magaciisa naloo xaqiijin ayaa la sheegay in lagu qabtay magaalada Mombasa ee waddanka Kenya. Sida lagu heshiiyay waxaa lagu maxkamadayn doonaa gudaha Kenya. Dhanka kale sirdoonka Soomaaliya ayaa baaritaan ku wada shaqsiyaad kale oo loo maleynayo in ay ku lugleeyihiin alaabaha dibadda looga soo dhoofiyo ururka al-Shabaab Maxaa kale oo laga wada hadlay? Iskaashi dhanka amniga ah, gaar ahaan dagaalka cusub ee lagula jiro al-Shabaab ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha ay wadahadalka ka yeesheen labad masuul. Is dhaafsiga xogta iyo sidoo kale ka warhaynta dadka isaga talaabaya xuduudaha labada waddan ee isku furan ayay sidoo kale diiradda saareen. Ciidamada Kenya ee aan qaybta ka ahayn hawlgalka midowga Afrika ayaa horay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ugu heshiiyeen in ay qayb ka noqdaan wajiga labaad ee hawlgalka deegano badan looga xorayn doono al-Shabaab. Nuuradiin XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE Waa kuma Nuuradiin Xaaji Nuuradiin wuxuu 3 July 1973 ku dhashay magaalada Malindi ee ka tirsan gobolka Xeebta, Kenya. Waxaa uu iskuulka hoose dhexe ka soo dhigtay meelo kala duwan maaddaama uu aabbihii shaqaale dowladeed ahaa oo marba meel loo baddalayay , sida Garissa, Nakuru, Nyanharuru, Nyeri, Eldoret iyo Mombasa oo Kenya ka wada tirsan. Wuxuu Nuuradiin shahaadada sare ka heystaa siyaasadda ammaanka qaranka, oo uu ka soo bartay Jaamacad ku taalla dalka Australia. Hooyadiis waxay ahayd macallimad. Waxaa uu aad u ammaanay waaliddiintiisa oo uu sheegay in heerka uu gaaray ay gacan wayn ka geysteen. Waxaa uu shaqadiisa ku billaabay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu qareen ka noqdo. Waxaa uu sidoo kale xubin ka ahaa laanta sirdoonka qaranka oo uu u qaabilsanaa dhanka sharciga. Waxaa uu sidoo kale mar ahaa agaasime ku xigeenka laanta la dagaallanka dambiyada abaabulan, waxaa uuna xilligaas shaqadiisa ka mid ahaa in uu talo siiyo agaasimaha sirdoonka qaranka Kenya, gaar ahaan dhanka sharciga la dagaallanka dambiyada abaabulan. Waxaa uu hadda haya xilka xafiiska dacwad oogaha guud ee Kenya. Nuuradiin, kahor inta aan xilkan loo magacaabin wuxuu ahaa dacwad oogaha guud ee Kenya, isagoo intii uu xilkan hayay dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq. Wuxuu sidoo kale Nuuradiin soo noqday agaasime ku xigeenka waaxda ka hortagga dembiyada abaabulan, isagoo isla waaxdan NIS ka shaqeynayay markaas. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Doodishe ayaa maanta agaasime ku-meel gaar ah u magacaabay hay’adda fadeexadda musuq-maasuq uu hareeyey ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Agaasimaha ku-meel gaarka ah ee hay’adda ayaa loo magacaabay Axmed Siciid Maxamed. Axmed ayaa sidoo kale kasoo jeeda beesha Ceyr, si la mid ah labadii agaasime ee ugu dambeeyey ee ka horreeyey. Tallaabadan ayaa timid kadib markii agaasimihii hore ee hay’adda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu sheegay inuu xilkaas iska casilay, isaga oo dalka ka maqan kadib markii ay kusoo baxday fadeexad musuq-maasuq. Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Qaranka ay kusoo oogtay dacwad musuq-maasuq, lunsasho hanti iyo xatooyo xoolo dadweyne, inkasta oo eedahaas uu beeniyey markii uu soo saaray warqadda uu isku casilay. Xubnaha 18-ka ah ee kiiska musuq-maasuq lagu soo oogay ayaa waxaa sidoo kale ku jira Maxamed Aadan Koofi, oo isna horey usoo noqday agaasimaha hay’adda ee ka horreeyey Cabdul, kaasi oo isna sidoo kale iska fogeeyey eedaha loo jeediyey kuna macneeyey kuwo dano kale laga leeyahay. Hay’adda socdaalka ayaa xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahay in lacagta ugu badan ee dowladda federaalka, laga lunsaday ay ku maqan tahay shaqaalaha sare ee hay’addaas. The post Agaasime cusub oo hay’adda socdaalka loo magacaabay + Beesha uu kasoo jeedo appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) – Heavy fighting erupted between Somali government forces, supported by local clan militia, and al Shabab militants in the Bardhere area, 22 km south of Beledweyne in the Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo si gaar ah ula hadlay warbaahinta ayaa ka falceliyay buuq ka dhashay kulankoodii maanta oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday. Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in uu ku faraxsan yahay in baarlamaanka uu laba u kala qaybsamo, isla-markaana laga wada doodo arrinta xasaasiga ah ee taagan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in la’isku qabtay ajendaha kulanka, isaga oo sheegay inuu muhiim u arko in xildhibaanadu ay dareenkooda iyo aragtidooda muujiyaan. “Fadeexo ma’aha sharaf ayay innoo tahay baarlamaanka inuu qaybsamo oo uu afkaar isku haysto oo qalana wax diidan tahay, qolana wax ogoshahay” ayuu yiri Sanbalooshe. Waxaa kale oo uu xildhibaanku hadalkiisa sii raaciyay “Waa dabiici baarlamaanka adduunka ayaa bidix iyo midig kala ah, waxay muujineysaa maanta baarlamaanka in inuu go’aansaday in boorka uu iska jafo muddo dheer waa qamiirsanaa, wuuna iska aamusnaa”. Dhanka kale, xildhibaanka ayaa ka horyimid arrinta dooda dhalisay oo aheyd in uu guddiga joogatada u yeeray wasiirka amniga gudaha, ayadoo aan jirin wax latashi ah oo lagala sameeyay xubnaha baarlamaanka, isaga oo arrintaas ku dhaliilyay guddiga iyo guddoonka. “Sabab uu guddiga joogtada ah inta uu arrinkaas usoo karkariyo uu meesha keeno ma jirto” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Buuqa ayaa sii xoogeystay markii ay 30 xildhibaan oo ka tirsan Golaha ay keeneen mooshin kale oo ay ku dalbanayeen in ajendaha maanta lagu soo daro qodob kale oo ku aadan la xisaabtanka & habsami u socodka howlaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Si kastaba, dood dheer oo sababtay in kulanka uu istaago kadib ayaa waxaa cod la geliyay in mooshinka ajendaha wax ka beddalka dib loo dhigo ama isla maanta laga doodo, waxayna xildhibaanada u codeeyeen in kulanka dambe laga dhigo, si la’isugu soo laabto. The post Daawo: Sanbalooshe oo si lama filaan ah uga falceliyay doodda baarlamaanka appeared first on Caasimada Online.
-
The Dutch government collapsed on Friday after failing to reach a deal on restricting immigration, which will trigger new elections in the fall. The crisis was triggered by a push by Prime Minister Mark Rutte’s conservative VVD party to limit the flow of asylum seekers to the Netherlands, which two of his four-party government coalition refused to support. “It’s no secret that the coalition partners have differing opinions about immigration policy. Today we unfortunately have to conclude that those differences have become insurmountable. Therefore I will tender the resignation of the entire cabinet to the king,” Rutte said in a televised news conference. Tensions came to a head this week, when Rutte demanded support for a proposal to limit entrance of children of war refugees who are already in the Netherlands and to make families wait at least two years before they can be united. This latest proposal went too far for the small Christian Union and liberal D66, causing a stalemate. Rutte’s coalition will stay on as a caretaker government until a new administration is formed after new elections, a process which in the fractured Dutch political landscape usually takes months. News agency ANP, citing the national elections committee, said elections would not be held before mid-November. A caretaker government cannot decide on new policies, but Rutte said it would not affect the country’s support for Ukraine. The Netherlands already has a one of Europe’s toughest immigration policies but under the pressure of right-wing parties, Rutte had for months been trying to seek ways to further reduce the inflow of asylum seekers. Asylum applications in the Netherlands jumped by a third last year to over 46,000, and the government has projected they could increase to more than 70,000 this year – topping the previous high of 2015. This will again put a strain on the country’s asylum facilities, where for months last year hundreds of refugees at a time were forced to sleep in the rough with little or no access to drinking water, sanitary facilities or health care. Rutte last year said he felt “ashamed” of the problems, after humanitarian group Medecins sans Frontieres sent in a team to the Netherlands for the first time ever, to assist with migrants’ medical needs at the centre for processing asylum requests. He promised to improve conditions at the facilities, mainly by reducing the number of refugees that reach the Netherlands. But he failed to win the backing of coalition partners who felt his policies went too far. Rutte, 56, is the longest-serving government leader in Dutch history and the most senior in the EU after Hungary’s Viktor Orban. He is expected to lead his VVD party again at the next elections. Rutte’s current coalition, which came to power in January 2022, was his fourth consecutive administration since he became prime minister in October 2010. Source aol Qaran News
