-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay waraaqdii koomishanku maxkamadda saare ugudbiyeen, waxaanu sheegay in ay fasir weydiisteen balse go’aan noo sheega aanay odhan. Geesta kale waxa uu ka hadlay dabkii hala keeyay suuqa Kigjifa, waxaanu soo jeediyay in loo gurmado. Sidoo kale waxa uu sheegay in wada hadal laga sugayo Garaadada gobolka Sool. Source
-
Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo iskaashanaya ayaa la wareegay deegaanka Xagar ee gobolka Jubaada hoose, waxaana halkaas ciidanku ay ka bilaabeen howlgallo amniga lagu xaqiijinayo. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa shacabka deegaanka kula hadlay goob fagaaro ah, iyaga oo kala hadlay in laga wada shaqeeyo amniga deegaanka Xagar. Saraakiisha Ciidanka ayaa sidoo kale ayaa uga Mahad celiyeen sida diiran ee ay usoo dhaweeyay iyagoo shacabka ka dalbaday inay ciidanka kala shaqeeyaan amniga iyo dagaalka Al-shabaab. Ciidanka Huwanta ah ee xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbalanad ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose iyo qeybo ka tirsan Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kalluumeysatada magaalada Boosaaso ayaa isugu soo baxay mudaharaad, iyaga oo wata kalluunkii ay saaka soo dabteen. Waxa ay ka cabanayaan in suuqii kalluunka laga xirey, iyaga oo dowladda ku eedeeyey in ay damacsan tahay in ay ka rarto kuna wareejiso ganacsade gaar ah. Kawaankan kalluunka waxa la dhisey xilligii dowladdii Gaas, waxaase muddooyinkan isa soo tarayey in ganacsade gaar ah lagu wareejinayo. Suuqa kalluunka Boosaaso waa kan ugu weyn ee kalluun ee Puntland oo gobollada kala duwan u rara kalluun, taasi oo ka dhigan in maanta ay kalluun yaraan ka jireyso badi gobollada Puntland. PUNTLAND POST The post Kalluumeysatada Boosaaso oo saaka muddaharaad sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo u Mahadnaqay Kooxdii Dab-damiska Somaliland Jigjiga(Qaran news)-Wefti ballaadhan oo ka socda Xukuumadda JSL oo uu weheliyay Wasiirka madaxtooyada Dowlada Deegaanka Soomaalida ayaa booqasho iyo mahadcelin ugu tagay ciidanka Dab-damiska Somaliland ee gurmadka xoogan ka fuliyay dabkii ka kacay suuqa weyn ee Magaalada Jig-jiga . Waxaana weftigan kamid ah wasiirada wasaaraddaha Qorshaynta, warfaafinta, isgaadhsiinta iyo maayarka Caasimada Hargeysa. Cidanka dab-demiska Somaliland ayaa si naf hurnimo leh uga qayb qaatay daminta dabkii baabi’iyay suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ay dib u qabsadeen degmada Xagar ee Gobolkaas. Ciidamada Jubaland oo kaashanaya cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay la wareegay degmada Xagar kadib markii ay ka saareen dagaallamayaasha Al-shabaab. Waxaase wararku sheegayaan in maleeshiyaadka Al-shabaab oo dagaal rogaal-celis ah soo qaaday ay dib u qabsadeen Xagar islamarkaana ciidamada Jubaland iyo kuwii dowladda Federaalka isaga baxeen halkaas. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada Jubaland iyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin dib u qabsashada Al-shabaab ee degmada Xagar oo ku taalla goob istiraatiiji ah oo laga difaaco magaalada Bu’aale oo ay mudda ka badan 15 sano haystaan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo dib u qabsaday degmada Xagar ee Gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Belexaawo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhacdo argagax leh ay maanta ka dhacday duleedka degmada Belexaawo ee gobolkaasi. Dhacdadan ayaa timid, kadib markii haweeney ku hubeysneyd mindi ama toorey ay haweeney kale ku dishay deegaanka Oodan oo hoostaga magaaladaasi. Marxuumadda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nasro Cabduqaadir Maxamed, ayada oo haatan maydkeeda la geeyay isbitaalka Kaliil ee degmada Beledxaawo. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dilka ka hor uu laba haween oo daris ahaa uu dhex-maray muran, kadibna haweeneyda dilka geysatay ay toorey soo qaadatay, kadibna sidaaas ay ku dishay marxuum Nasro Cabduqaadir Maxamed. Haweeneyda eedeysanaha ah oo lagu magacaabo Calaso Muxumed ayaa sidoo kale goobta isaga baxsaday, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo haatan baadi goob ugu jira haweeneyda dilka geysatay, si gacanta loogu soo dhigo. Dhanka kale qaar kamid ah ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dhacdadan waxayna dalbadeen in cadaalada la horkeeno haweeneyda baxsatay. Si kastaba, falkan argagaxa leh ayaa walaac ku abuuray dadka deegaanka oo aad uga naxay, waxaa sidoo kale dhacdadaan aad looga hadlay Beledxaawo iyo nawaaxigeeda. The post Haweeney mindi ku hubeysan oo fal argagax leh ka geysatay GEDO appeared first on Caasimada Online.
-
Buulo-burde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasasaaraha ka dhashay qarax miino oo gelinkii dambe ee Axaddii shalay dad shacab ahaa lagula eegtay deegaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buulo-burde oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu haleelay mooto ay la socdeen dadkaasi, waxaana goobta ku dhintay dad isku qoys ah oo sidoo kale ahaa beeraley. Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadaan ku dhintay ugu yaraan illaa 8 qof, oo shan kamid ah ay ahaayeen dad isku qoys ah. Sidoo kale saddex kale ayaa la sheegay inay ahaayeen Aabe iyo laba wiil oo uu dhalay, kuwaas oo iyana goobta ku geeriyooday, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Duqa degmada Buulo-burde Saadaam Cabdi Iidow oo ka hadlay dhacdadaan ayaa ka warbixiyay, wuxuuna sheegay in dhammaan sideeda qof ay wada geeriyoodeen. “Dadkaan Family ayay ahaayeen beerahooda ka imaaday mooto saddex lugooley ah ayay wateen qaraxa ayaana haleelay intoodiina waa geeriyoodeen” ayuu yiri Saadaam Cabdi. Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka dhintay oo isku qoys ahaa ay ahaayeen todobo rag ah iyo hal dumar ah, wuxuuna ku eedeeyay qaraxan inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab. “Sideed ruux ayay ahaayeen hal dumar ah ayaa ku jiray inta kale rag waayey waa wada geeriyoodeen, waana calaamado lagu yaqaano Khawaarijta marka laga taag roonaado” ayuu mar kale yiri duqa degmada magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Si kastaba, weerarkan qaraxa loo adeegsaday ee dadka shacabka ah lala beegsaday ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Shabaab. The post Dad isku qoys ah oo qarax lagu beegsaday gobolka HIIRAAN + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
CAIRO: Egypt will host a summit of Sudan’s neighbors on July 13 to discuss ways to end a 12-week conflict between rival Sudanese military factions that has triggered a major humanitarian crisis, the Egyptian presidency said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
At least eight people including six children were killed on Sunday when the modified auto-rickshaw they were travelling in struck a landmine, said local officials. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland oo ka Qaybgashay Tababar Taiwan u Qabatay Beeralayda Afrika Taipei(Qaran)- Khuburo ka mid ah Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa dalka Taiwan kaga qayb-galay Tababbar la xidhiidha aqoonta Beeraha, kaasi oo Taiwan ugu talo-gashay dadka Qaaradda Afrika. Tababbarkan, waxa ka qayb-galay 25 Qof oo ka kala socda Dalalka Somaliland, Nigeria, Koonfur Afrika iyo Eswatini, kuwaasi oo matalayey laamaha Dawladaha ay ka kala yimaaddeen. Tababbarkan oo lagu qabtay Jaamacadda ugu weyn dalka Taiwan ee ‘National Pingtung University of Science and Technology’, ayaa waxa Wasaaradda Beeraha ku matalayey xubnaha kala ah Axmed Saleebaan Cabdi & Axmed Nuur Aadan. Waxa kale oo jira Xubno Tababbarkaa uga qayb-galay Mac-hadka Cilmi-baadhista Beeraha ee Somaliland. Xubnahan waxa halkaa ku soo dhaweeyay Safiirka Somaliland u jooga Caasimadda Taiwan ee Taipei Maxamed Xaaji. Safiirka ayaa Furitaankii Tababbarka kala qayb-galay Khuburrada ka socotay Wasaaradda Beeraha iyo Mac-hadka Cilmi-baadhista Beeraha. Tababbarkan oo muhiim u ah Hawl-wadeennada Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa waxa fududaysay Safaaradda Taiwan ee Hargeysa, taasi oo xidhiidh wada-shaqayneed la leh Wasaaradda Beeraha. Waxa xusid mudan, in hawl-wadeennadu ku safreen Baasaaboorka Somaliland. Qaran News
-
Saliid Laga Baadhayo Afganistaan Afganistan(Qaran)-Dawladda Afghanistana ee ay hoggaamiyaan Daalibaan ayaa bilawday inay saliid ka baadho ceelal ku yaalla waqooyiga dalkaasi sida ay sheegtay warbaahinta ay dawladdu maamusha Wakaalada wararka ee dalka Afhganistan Bakhtar News oo soo xiganaysa Sii hayaha xilka wasiirka macdanta iyo shidaalka ee afghanistana SHeekh Shahaabudiin Delawar ayaa sheegtay in mudnaanta la siin doono shaqaalyasiinta muwaadiniinta xirfdlayaasha ah iyo dib udhiska dhaqaalaha dalka. Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasibad loo qabtay xadhig ka jarka ceelsha cusub ee laga qodi doono shidaalka. Kadib markii ay awoodda dalkaasi ku soo noqdeen Daalibaan sannadkii 2021, waxa ay heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo saliid ka soo saari doonta gobolka dhanka waqooyi ee Sar-e Pul. Bishii koobaad ee sannakan, dawladd kumeel gaadka ah ee Daalibaan waxa ay sidoo kale heshiis 25 sano ah la saxeexatay shirkada shiinays ah si ay saliid uga soo saarto wabiga AMU Sidoo kalena ay horumariso guud ahaan hawlaha shidaal qodista ee dalkaasi. Afghanistana ayaa lagu qiyaasaa inay ku fadhiso khayraad dihin oo ka badan 1 tirillion oo doolar kaasoo soo jiitay maalgashadayaasha shisheeye sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Bakhtar News Agency ee dalkaasi Qaran News
-
Tuunisiyaan Tahriiba oo la Waayay Tuuniisiya(Qaran)-Ugu yaraan 10 qof oo Tuuniisiyiin ah oo muhaajiriin ah ayaa la la’yahay halka hal qofna la xaqiijiyay inuu dhintay kadib markii doonni ay ku safrayeen ay ku degtay badda cad iyaga oo doonayay inay u gudbaan dhanka Talyaaniga sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Tuuniisiya. Dhacdadan ugu danbaysay ayaa ka dhigaysa dadka ku dhintay ama lagu la’yahay xeebaha dalkaasi Tuunisiya in ka badan 600 qof sannadkan gudihiisa, taasoo ka badan tiradii la diiwaan galiyay sannadihii hore sida lagu sheegay tirakoobyo ay diyaarisay wakaaladda wararka ee Reuters. Ciidamada Ilaalada xeebaha ee dalka Tuunisiya ayaa doontan kasoo samatabixiyay 11 qof kuwaasoo hadda lagu dawayaynayo cusbitaallada magaalooyinka Zaris Iyo Fawzi sida ay xaqiijiyeen masuuliinta caafimaadka ee dalkaasi. Tuuniisiya ayaa cadaadis kala kulmaysa dalalka reer Yurub sidii ay u joojin lahayd tirada dadka ee xad dhaafka ah ee ka soo kicitamaya xeebeheeda, balse madaxweynaha dalkaasi Qays Saciid ayaa ku adkaysay inaanu dalkiisu noqonayn mid xuduudaha Ilaaliya Saliid Laga Baadhayo Afganistaan Afganistan(Qaran)-Dawladda Afghanistana ee ay hoggaamiyaan Daalibaan ayaa bilawday inay saliid ka baadho ceelal ku yaalla waqooyiga dalkaasi sida ay sheegtay warbaahinta ay dawladdu maamusha Wakaalada wararka ee dalka Afhganistan Bakhtar News oo soo xiganaysa Sii hayaha xilka wasiirka macdanta iyo shidaalka ee afghanistana SHeekh Shahaabudiin Delawar ayaa sheegtay in mudnaanta la siin doono shaqaalyasiinta muwaadiniinta xirfdlayaasha ah iyo dib udhiska dhaqaalaha dalka. Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasibad loo qabtay xadhig ka jarka ceelsha cusub ee laga qodi doono shidaalka. Kadib markii ay awoodda dalkaasi ku soo noqdeen Daalibaan sannadkii 2021, waxa ay heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo saliid ka soo saari doonta gobolka dhanka waqooyi ee Sar-e Pul. Bishii koobaad ee sannakan, dawladd kumeel gaadka ah ee Daalibaan waxa ay sidoo kale heshiis 25 sano ah la saxeexatay shirkada shiinays ah si ay saliid uga soo saarto wabiga AMU Sidoo kalena ay horumariso guud ahaan hawlaha shidaal qodista ee dalkaasi. Afghanistana ayaa lagu qiyaasaa inay ku fadhiso khayraad dihin oo ka badan 1 tirillion oo doolar kaasoo soo jiitay maalgashadayaasha shisheeye sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Bakhtar News Agency ee dalkaasi Qaran News
-
Guddoomiye Xirsi “Muuse kolba wax ha Keeno ama Maxkamad ha geeyo ka hadhi mayno” London- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo socdaal ku maraya Ingiriiska ayaa taageerayaasha iyo qurbajooga ugu baaqay inay samir yeeshaan. Sidaasna waxa uu ku sheegay Guddoomiye Xirsi istiikar ay ku xardhan yihiin weedho farriin ah oo uu soo saaray. “Muuse Kolba wax ha keeno ama Maxkamad ha geeyo ka hadhi mayno, isbeddel baynu dhalinaynaa waana berrito ee samirkeeda yeesha,isku duubnaada qurbajoogow annagaa kaalintiina idiin og inta caadifadda ahna ka reeba oo kalsooni nagu qaba,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan. Hadalkiisu wuxuu ku soo beegmay xilli komishanka doorashooyinku ay hawshii cayimaada doorashootinka isku dhaafiyeen maxkamadda sare, si ay u muddayso doorashada Ururrada siyaasadda iyo Madaxtooyada ta la horaysiinayo, tallaabadaasi oo labada xisbi mucaarid sharci darro ku tilmaameen, maxkamadana uga digeen in aanay dhex gelin wax aan shaqadeedii ahayn. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe wajaheysay culeys dhanka dhaqaalaha ah kadib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ay dagaal xooggan la gashay, ayaa haddana waxay dhawaan kooxda billowday qorshe cusub oo lacag ku aruursaneyso. Kooxda ayaa waxay saldhig ay ku aruursato lacagaha baadda ah ka sameysatay deegaan aan aad uga fogeyn Muqdisho, halkaasi oo ay maalmihii dambe ugu yeertay maamullada dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo qaar kamid ah maamullada Jaamacadaha, sida ay ogaatay Caasimada Online. Deegaankan ayaa lagu magacaaba Galka Saalimow oo u dhaxeeya Ceelasha iyo deegaanka Jaziira ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, waana goobta ay toddobaadyadii dambe ugu yeertay dadka ay lacagaha baadda ah ka rabaan. Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in maamulayaasha iskuullada gobolka Banaadir ee kooxda ugu yeertay ay iskuul kasta maamulihiisa weydiisatay lacag $300 ah, taasi oo kooxda kusoo rogtay in bil walba bixiyaan. Lacagtaan ay kooxda kusoo rogtay maamullada iskuullada gobolka Banaadir ayaa la faray inay bil walba 30-keeda bixiyaan, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay canshuur ama waxay ugu yeeraan Zakawaad, ay ka rabaan iskuullada gobolka ee dugsiyada hoose/dhexe iyo sarre. Qorshaha lacag aruursiga ee ay billowday kooxda ayaa sida xogta ku helayno ku koobneyn gobolka Banaadir, waxaana jira maamulo kale oo sidan oo kale ka bilaabeen aruursiga lacagaha baadda ah. Magaalooyin ay kamid yihiin Baydhabo, Jowhar, Kismaayo, Beledweyne iyo magaalooyin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug ayay xogta sheegaysa in kooxda ay ka billowday inay bahda waxbarashada ka qaado lacagaha ay ku sheegtay Zakawaadka. Majiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan qorshaha cusub ee kooxda ku aruursaneyso lacagaha. Tan iyo markii uu billowday dagaalka dhowrka weji leh ee kooxda Al-Shabaa, waa markii ugu xooggana ee kooxda ay lacag ka aruurineyso bahda waxbarashada, gaar ahaan hay’adaha sida gaarka loo leeyahay ee iskuullada. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u xirtay akoono iyo lambaro ay kooxda u isticmaali jirtay lacagaha baada ah ee ka qaado umadda Soomaaliyeed, waxaana weli muuqata in kooxda ay la imaneyso xeelado cusub oo lacag ku aruursaneyso, xilli ay socdaan dadaalo lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda. Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo qaadin wax howl-gal ah oo muuqda, inkasta oo ay dowladda sheegtay inuu dhawaan billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka. The post Al-Shabab oo arrin cusub ka billowday duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo hadda kamid ah mas’uuliyiin dhowr ah oo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, isla-markaana ay dowladdu sheegtay inuu ka baxsaday cadaaladda ayaa warbixin soo saaray, taas oo uu ku weeraray hoggaanka Villa Soomaaliya. Koofi ayaa shaaciyay 10 qodob oo uu sheegay inay damacsan tahay in maalmaha soo socda ay sameyso dowladda madaxweyne Xasan isaga oo u jeedeiyay eedeymo culus. Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan la karkariinayo qorshe wax looga beddalayo Dastuurka, sidoo kalena muddada loogu kordhinayo hay’adaha dowladda. “Ujeedada ayaa ah in kooxda Villa Somalia ay sanado dheeri ah u hesho dhibaateynta, kala dirridda, boobka, iyo dhaqamada xun ee muddadii sanadka aheyd ee la soo dhaafey ay ku hayeen ummadda Soomaaliyeed” ayuu warbixintiisa ku yiri Maxamed Aadan Koofi. Halkan hoose ka aqriso:- Adigoo Rag Ka Diidey Ha Raadin Maanta! Maalmahaan waxaa socday isku dayo, la doonayo in dastuurka wax looga baddalo, si sharci darro ahna loo kordhiyo mudda xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee DFS. Ujeedada ayaa ah in kooxda Villa Somalia ay sanado dheeri ah u hesho dhibaateynta, kala dirridda, boobka, iyo dhaqamada xun ee muddadii sanadka aheyd ee la soo dhaafey ay ku hayeen ummadda Soomaaliyeed. Xogaha hoose ee aan heleyno, ayaa sheegaya in ay jiraan qorsheyaal ay ku riyoonayaan in ay ku xaqiijin karaan ujeedadooda gurracan, waxaana ka mid ah: 1) Xadgudub iyo caga jugleyn loo geysan doono xildhibaanada diida qorshaha; 2) Laaluush iyo xilal lagu bixiyo fulinta ujeedada; 3) Xilalka oo lagu bixin doona hadba heerka nacamleynta shaqsiga; 4) Been abuur laga sameeyo siyaasiyiinta diidan aragtida kooxda; 5) Dilal qorsheysan oo la la beegsan doono dadka diidan qorshaha; 6) Hub ka dhigis lagu sameeyn doono siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka aragtida duwan Kooxda; 7) Dukumentiyada muhiimka ah oo ay ku jiraan kuwa safarka oo laga xayiri doono qofkasta oo ka soo horjeesta qorshaha kooxda; 9) Xisaabaadka (accounts) siyaasiyiinta oo loo dhici doono si been abuuro looga sameeyo; 10) Muqaalo xun oo laga sameeyo dadka ka aragtida duwan kooxda, si loo ceebeeyo (Jeeniskaaga ku seexo, shukaansigana yareey). Dariiqa ay kooxdaani ku socoto ayaa ah mid ku xirmey rafashadii iyo dagaaladii hore loogu diiday kororsi, ayna weli yaalaan burburka iyo haraadiga gacan ka-hadaladii ka dhashey diidmada. Muddo sanad ah oo ay Kooxdaani joogtey xilka, waxaa kala tagey dadkii iyo dalkii, waxaa naga aamin baxay dunidii, waxaa xoogeysey oo hub iyo hanti loo gacan galiyey Khawaarijta, waxaa la bahdiley dadkii difaaca iyo dowlad dhiska lagu yaqaanney, waxaa la boobey wixii ka harey boobkii ay 2012 – 2017 ay kooxdu geysatey, khibraddii iyo aqoontii ayaa qaaqle lagu badaley, ganacsatadii ayaa la canaadey lana dhacey, dhaqaalihii dalka ayaa burburey, ciidamadii ayaa laga dhigey calooshooda u shaqeysteyaal lagu adeeganayo. Koox sanadkeeda koobaadba, dooneysa kororsi, ha ka sugin wax qabad iyo hore u socod midna. Waxa harey waa waqti lumis iyo burbur oo kali ah. Dadka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin, in ay diidaan qorsheyaasha gurracan ee meesha ka saaraya dowladnimada iyo jiritaankaba. Ballanteenu waa in aan dariiq kasta u marnaa, sidii loo joojin lahaa qorsheyaasha kooxda Dacasleyda ah. Dr. Mohamed Aden Kofi Guddoomiyaha KMG ah ee Urur Siyaasadeedka Raad. The post KOOFI oo soo bandhigay 10 qodob ‘oo ay damacsan tahay’ Villa Somalia (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
Khasaare nafeed ayaa ka dhashay qarax miino oo ka dhacay degaanka Jicibow oo qiyaastii 25km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan Qaraxan oo dhacay gelinkii danbe ee shalay waxaa sida la xaqiijiyay ku naf waayay 7 ruux oo laba qoys ahaa, dadka dhintay lix kamida waa rag, halka qofka kale ay tahay dumar. Waqtiga uu qaraxu dhacayay, dadkaan ayaa dib ugu soo laabtay guryahoodii ka dib muddo dheer oo ay ka shaqaynayeen beerahooda. Degaanka Jicibow oo uu qaraxu ka dhacay ayaa kamid ah degaanadii laga xoreeyay Alshabab, waxaana halkaas ka howlgala ciidamada Dowladda iyo kuwa dib u xoraynta Hiiraan. PUNTLAND POST The post Dad rayid ah oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday nin lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab, sidoo kalena weerar loo adeegsaday qarax ka fuliyey magaalada caasimada ee Muqdisho. Nikan oo lagu magacaabo Yuusuf Duqow Xuseen Dhicisow ayaa waxa ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah. Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay xukunka ninkan, kadib markii ay Maxkamaddu soo gabagabeysay dhageysiga kiiskan oo muddo soo socday. Maxkamadda ayaa sheegtay in Yuusuf Duqow Xuseen uu Al-Shabaab kaga biiray Buur-Eylo oo hoostagta degmada Buur-Hakaba, uuna mushaar ahaan u qaadan jiray biishiiba $70. Kadib waxa ay Maxkamaddu sheegtay inuu usoo wareegay magaalada Muqdisho, si uu uga fuliyo dilal qorsheysan iyo qaraxyo. “Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga filayo Muqdisho dilal iyo qaraxyo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkna uu ka dambeeyay qarax bamgacmeed ah oo lagu weeraray waaxda labaad ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir. “14 May sanadkaan ayaa Yuusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray waaxda labaad ee degmada Hodan” ayay mar kale sii raacisay Maxkamaddu. Sidaan oo kale ayaa dhowr jeer oo hore Maxkamadda Ciidamadu xukuno adag ugu ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya. The post Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday nin qarax ka geystay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Muqdisho ka sagootiyay ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo la sheegay inay kusii jeedeen goobaha dagaalka ee ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab isku hor fadhiyaan. Ciidamadan oo wasiirku Khudbad dheer oo dhiirigelin diini ah u jeediyay ayey warbaahinta dowladdu baahisay inay lagu magacaabay: Guutada 24-aad ee Khaalid Bin Waliid ee ciidanka xoogga dalka, ayna ku biirayaan furimaha dagaalka ee ka dhanka ah Khawaarijta. Saxaabiga Khaalid bin Waliid (Allah ha ka raali noqdee), oo ka mid ahaa geesiyadii saxaabada ee diinta usoo dagaalamay, ayaa la rumeysan yahay inuu yahay Jeneraalkii ugu wanaagsan ee militari ee dunida soo maara, ayada oo abid aan looga guuleysan dagaal uu galay. Xogta la helay ayaa sheegeysa in ciidamadan loogu magac daray Khaalid bin Waliid ay yihiin kuwo oo dhowaan uun tababar dibadda ah kasoo laabtay, kana yimid dalka Masar, iyadoo ka mida 3,000 askari oo dalka Masar lagu soo tababaray, oo ay taageereyso dowladda Imaaraadka Carabta. Ciidamadan ayaa ku hubeysanaa hub iyo gaadiid cusub, waxaana laga dareemayay inay qabaan tababar ka duwan ciidamada kale, iyadoo muddooyinkan aysan dowladd Masar ciidamo tiradaas ah u soo tababarin Soomaaliya. “Guutada Khaalid Bin Waliid ee ciidanka xoogga oo u ruqaansatay soo afjaridda haraadigii kooxaha Khawaarijta. Insha Allaah kol dhow iyo guulo isdaba-joog ah iyo ciidankeena oo guushu xaliifkooda ay noqoto,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay howlgalka ciidankan. Wasiirka ayaa ciidamadan kula dardaarmay wacdi diini ah, isagoo ku booriyey dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah khawaarijta Alshabaab iyo inaysan dagaalka kasoo jeesan ilaa ay ka xoreeyaan dalka. The post Daawo: Maxaad ka taqaan guutada Khaalid Bin Waliid ee ciidamada xoogga dalka? appeared first on Caasimada Online.
-
Brussels (Caasimada Online) – In response to allegations of a clandestine operation aimed at tarnishing reputations, Belgium summoned the United Arab Emirates (UAE) ambassador in Brussels for a full inquiry. This move followed accusations of the Gulf nation’s involvement in a disinformation campaign to falsely associate at least 1,000 European individuals and entities with the Muslim Brotherhood, as unveiled by a report last Friday. From 2017 to 2020, a Swiss private intelligence firm, Alp Services, generated profiles of individuals from 18 European countries and 400 organizations. The operation, allegedly commissioned by Emirati intelligence, was exposed via 78,000 confidential documents obtained by the French digital newspaper, Mediapart and later shared with the European Investigative Collaborations (EIC). The documents contained a detailed infographic to fabricate links between hundreds of individuals and extremist activities. Belgium’s stake: A federal minister among the targeted Of the targeted entities, 80 organizations and 160 individuals were Belgian, including Zakia Khattabi, Belgium’s federal minister for environment and sustainability. Rejecting these baseless claims, Khattabi told French publisher Le Soir, “I hope the research did not cost much because everything is false.” She categorically denied any association, near or far, with the Muslim Brotherhood. Her party, Ecolo, also falsely implicated, vehemently denounced the UAE’s alleged participation in the disinformation campaign. The party described the UAE’s actions as “scandalous” and “emblematic of the antidemocratic practices of this regime.” Counterclaims and Reactions Meanwhile, political scientist Fouad Gandoul, another Belgian named in the scheme, likened the experience to a “James Bond film.” He, too, refuted any connection with the Muslim Brotherhood. As per Le Soir, Gandoul was implicated due to his past association with a now-defunct organization advocating progressive Muslim voices. The UAE allegedly remunerated Alp Services with sums ranging between 20,000 and 50,000 euros per target, amounting to at least 5.7m euros. Besides crafting defamatory media campaigns, Alp reportedly tampered with Wikipedia pages and aimed to prompt banks into closing specific accounts. More than 200 individuals and 120 organizations in France were also subjects of Alp’s smear campaign. Prominent among them was former leftist presidential candidate Benoit Hamon, who confessed to continuous and baseless attacks on his social network posts since his candidacy. Response from UAE and Alp services When approached by EIC, UAE officials did not provide a comment. Alp Services insisted that their actions were based on “stolen data.” They raised doubts about potential falsifications in their received documents. The UAE has previously been reported to finance smear campaigns by Alp, as stated by the New Yorker in March. Precisely, a campaign was allegedly orchestrated against UK-based charity Islamic Relief Worldwide (IRW), falsely linking the organization and its officials to the Muslim Brotherhood and violent extremists. This move followed the UAE’s 2014 decision to place IRW, among other leading Muslim organizations, on its list of outlawed “terror” groups – a charge categorically denied by the IRW. The post UAE espionage rattles Belgium: Ambassador summoned appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In an intense encounter in Somalia, the U.S. military reportedly performed three new airstrikes, killing ten al-Shabab militants. As part of a “collective self-defense” measure, these airstrikes were implemented to support the Somali National Army, who were in active combat with al-Shabab forces. U.S. Africa Command, more commonly known as AFRICOM, stated that the strikes were executed at the behest of the Federal Government of Somalia. The conflict zone is identified as a remote area near the town of Afmadow in the Lower Juba region, approximately 105 kilometers (65 miles) north of Kismayo. US-Somalia collaboration In collaboration with the Somali National Army, AFRICOM’s initial evaluation indicates that these airstrikes eliminated ten al-Shabab terrorists. The report further clarifies that no civilians were affected in the process. “Specific details about the units involved and assets used will not be released to ensure operations security,” the AFRICOM statement read. However, it was affirmed that a comprehensive evaluation of the operation’s outcome would be conducted, and further details would be disseminated as appropriate. This latest development amplifies the count of U.S. airstrikes in Somalia to 13 for the current year. The Somali government had previously reported three operations carried out by their forces, with support from “international partners” in the vicinity of Afmadow. As per the Ministry of Information, these operations successfully annihilated more than 40 militants. Liberation of Xagar Simultaneously, recent reports revealed the successful entry of Somali government troops, backed by the Jubaland regional security forces, into Xagar – a town in the Lower Juba region previously under the control of al-Shabab. Xagar, situated 80 kilometers (50 miles) from Buale, the capital of Jubaland state, has been under the iron grip of al-Shabab for over 15 years. Buale is the regional capital of Middle Juba, the only region entirely controlled by al-Shabab. Whether the troops intend to set up a regular base in Xagar or plan on progressing toward Buale remains to be determined. The post U.S. airstrikes turn tide against Al-Shabab in Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirodoonka waddanka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji ayaa Jimcihii booqasho ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, bil kadib un markii Baarlamaanka Kenya uu ansixiyay magacaabistiisa. Magacaabista Nuuradiin ayaa xoojisay doorka Soomaalida ku leedahay xukunka madaxweyne William Ruto. Taliye Nuuradiin ayaa kulan saacado qaatay waxa uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad. Sidoo kale madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la soo wariyay inuu arkay. Kulanka Muqdisho ee labada taliye ayaa kusoo aaday waqti muhiim u ah Soomaaliya oo lagu guda jiro diyaar-garowgii u dambeeyay ee wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo maalmahan diirada saarayay hagaajinta xiriirka dibadda ee hay’adda NISA ayaa kulan gaar ah xarunta hay’adda kula qaatay dhiggiisa Kenya. Haddaba, waxaa eegayna saddex arrimood oo horyaalla labada Sirodoon ee labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah; 1. Wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab Kenya waxay kamid tahay dalalka safka hore ee ku yaboohay inay ciidan uga qeyb qaadanayaan wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Horey ciidanka Kenya waxay uga mid ahaayeen howl-galka ATMIS, laakiin ciidanka ka qeyb qaadanaya wejiga labaad ee dagaalka waa kuwa ka baxsan ATMIS sharci ahaan iyo shaqo ahaanba. Boqolaal dagaal-yahaano ah oo Kenya u dhashay ayaa ku jira kooxda Al-Shabaab, waxaana jira walaac ku saabsan inay u firxadaan dhanka Kenya. Ajnabiga kale ee u dagaalama kooxda ayaa sidoo kale beegsan kara dhanka dalalka deriska ah. Wada-shaqeyn gaar ah iyo habka loo wajahi karo arrintaas ayaa hortaalla labada Sirdoon ee labada dal. 2. Dib u furida xuduudda Dhawaan labada dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen in dib loo furo xadka labada dal, kaas oo u xirnaa sababo amni. Weli ma dhaqan-galin arrintaas, sababaha ay u dhaqan-gelin waxaa kamid ahaa in aanay NISA iyo NIS ay isla meel dhigin qorshaha cusub. Mahad Salaad iyo Nuuradiin Yuusuf Xaaji ayaa waxaa looga fadhiya doorkooda si loo dhaqan-geliyo dib u furida xadka. 3. Sahalka socdaalka Marka laga hadlayo Kenya, hay’adda Sirodoonka iyo Nabad-sugida iyada ayaa gacanta ku haysa faylka Soomaaliya, gaar ahaan dhanka socdaalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Kenya William Ruto waxay hore ugu heshiiyeen in la fududeeyo socdaalka. Dhanka Kenya weli wax badan iskama beddelin. Maadaama Nuuradiin oo Soomaali ah uu madax ka noqday hay’adda Sirdoonka Kenya, waxaa muuqata fursad lagu soo afjari karo caqabadaha socdaalka, waana qodob kale oo muhiim ah oo labada taliye looga fadhiyo inay jiheeyaan. The post Kadib booqashadii Nuradiin: 3 arrin oo weyn oo horyaalla sirdoonada Somalia iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.
