-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Five held as weapons discovered in transport bus in Mandera
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Five people were on Tuesday arrested in connection with a firearm and several rounds of ammunition that were found in public transport bus. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay qaar kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, kuwaas oo ka qayb-galaya shir u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwii hore ee dalka. Xamza ayaa casho sharafeed ku maamusay labo kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore hore, kuwaas oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke oo labaduba deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland. Ra’iisul wasaaraha ayaa labada mas’uul kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa iyo guud ahaan qorshaha dowladda dhexe. Sidoo kale Xamza ayaa sidoo kale ra’iisul wasaarayaashii hore warbixin qoto-dheer ka siiyay shaqada xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Shabaab & halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah. Wuxuu sidoo kale usoo bandhigay qorshayaasha dowladda ee ku aadan hannaanka Soomaaliya looga qaadayo cunaqabateynta hubka iyo sidii ay dowladda federaalka dhammaadka sannadka 2024 amniga ugala wareegi lahayd ciidamada howlgalka ATMIS. Dhinaca kale ra’iisul wasaarayaashii hore, Cabdiweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay soo dhoweynta uu u sameeyay, sidoo kalena ku amaanay dadaalla ay haatan waddo xukuumaddiisa oo la magac baxday DanQaran. Labada ra’iisul wasaare ayaa qayb ka ah shirka u furmay madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo galay maalintii labaad oo xiriir ah. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dhameystirka dastuurka, dimuqoraadiyeynta, doorashooyinka, dib u xoreynta dalka iyo siyaasadda. Waxaa shirka furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali. Sidoo kale waxaa shalay lagu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan. The post Maxay ka wad-hadleen Xamza Cabdi iyo ra’iisul wasaarayaashii hore? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta quus ka muujiyey soo xaadirka xildhibaanada ee kulamada golaha, isagoo soo saaray hanjabaad ka dhan ah xubnaha caadeystay maqnaashaha badan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in 275-ta xildhibaan ee golaha kulan kasta oo ay yeeshaan 200 mudane aysan soo xaadirin, sida uu sheegay Sheekh Aadan Madoobe. Wuxuu sheegay in xubnahaasi aysan imaan wixii ka dambeeyey markii lasoo doortay madaxweynaha dalka, wuxuuna maanta sheegay Sheekh Aadan Madoobe in ka guddoon ahaan ay bilaabayaan isla xisaabtan dhab ah. “Maanta kooramkeenu waa 145, waa markii ay ugu tiro badnaayeen xubnaha yimaada kulamada, wixii ka dambeeyey markii lasoo doortay madaxweynaha,” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in weli aan la ganaaxin hal xildhibaan, sidii loo soo dhisay baarlamaankaan 11-aad, markii laga reebo hal maalin oo kulanka golaha laga yeeriyey magacyada xubno markaas ka maqnaa kulanka. Wuxuu sheegay in hadii sidaan gaabiska ah ay ku sii socdaan kulamada golaha ay noqonayaan guddoon aan waajibaadkiisa gudan Karin, sidaas darteena ay ku qasban yihiin inay la yimaadaan ciqaab sababi karta inay soo xaadiraan xubnaha ka maqnaada kulamada golaha. “Inagoo og duruufta xildhibaanada qaar, aadna u ixtiraameyna, xildhibaanada maqan waxaan farayaa inay kulamada golaha soo xaadiraan, waxaa nagu soo wajahan arrimo masiiri ah oo dastuurku ku jiro,”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kulankii maanta ka shaaciyey inay u yimaadeen xildhibaano ka carooday xubnaha caadeystay inay iska maqnaadaan oo kulamada aysan soo xaadirin, “Ceeb ayey nagu tahay taasi, waxaa la rabay in anagu aan bilowno isla xisaabtanka,” ayuu yiri. “Hadii shaqo aadan rabin oo aad isaga tagtay, maxaad shalay u soo doonatay kursiga? Xildhibaanka waxaa laga rabaa in dadkiisa uu ka difaaco waxa qaldan, xildhibaanada qaar fasax nagama qaadan,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Hoos ka daawo The post Daawo: Aadam Madoobe oo quus ka jooga xildhibaano appeared first on Caasimada Online.
-
Hague (Caasimada Online) – 31-kii Maarso 2005 Golaha Ammaanka ayey ICC kaga hadashay iyadoo tixraaceysa Danbiyada dagaal sida Darfur, Sudan ayna haboon tahay in Somalia in la eego taas oo muujineysa in gobolka ay soo wajahday arrin khatarteeda wadata. 2012 ICC waxey soo saartey Warqad in la soo xiro Dominic Ongwen kaas oo ka geystey danbiyo dagaal oo ay ku jirto meel ka mid ah Soomaaliya. Dominic Ongwen wuxuu ahaa sarkaal Ugandaka soo jeeda waxay ICC xukuntey February 4, 2021 waxaana lagu xukumey 25 sano oo xarig ah. Mar Saddexaad iyo Mar afaraad oo kala ah 2016 iyo 2017 ayey ICC ugudbisey Golaha Ammaanka warbixin in Soomaaliya la baaro taas oo ay ICC u aragtey in ay ka dhaceen danbiyo dagaal oo u baahan in la baaro. Su’aasha waxey tahey yey ku xiran tahey in ICC ay Soomaaliya ka mid noqoto Ma dowladaa mise Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa go’aanka leh? Ku biirista ICC waxey ku xiran tahey Baarlamaanka Soomaaliya, laga bilaabo 2002, Dal haddii uu ka mid noqonayo ama ka baxayo Waa in Baarlamaanka ansixiyaa ama Baarlamaanka uu go’aamiyaa in uu ka baxey. Dowladda ma laha go’aan ku biirista ICC, Laakiin dowladda waxey u sheegi kartaa in ICC iyo Beesha Caalamka in ay Soomaaliya ka mid noqoto ay muhiim tahey, laakiin, Baarlamaanka diidan yahey, oo Xildhibaanada ayna hor istaagneyn oo eeda is fogeyneyso Dowladda madaxana loo saarayo in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yihiin kuwa Jecel in qas iyo dagaal ay Soomaaliya ku jirto. Waxaa suurtogal ah in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u muuqan doonaan kuwa taageera danbiyada ka dhasha dagaaladal, caqabadna ku ah aaddamaha, Waana tan dowladdu ay isaga fogeysey in dhibaatadu tahey Baarlamaanka, iyada oo aan Dowladda weli u soo gudbin Baarlamaanka. The post Maxkamada ICC oo codsi u soo dirtey SOOMAALIYA appeared first on Caasimada Online.
-
Baardheere (Caasimada Online) – 3-sano kadib markii ugu horeysay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Oogle ayaa gaaray gobolka Gedo oo maalmihii lasoo dhaafay u soo gacan galay Jubbaland. Wafdi uu hoggaaminayo wasiir Oogle ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, isagoo isla maanta dhagax-dhigay dib u dhis ay Jubbaland ku sameyneyso isbitaalka guud ee degamadaas. Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka reer Baardheere iyo guud ahaan bulshada reer Gedo ka balan-qaaday in wasiirrada ugu muhiimsan maamulka uu keeni doono gobolka, si looga hirgeliyo mashaariic hormarineed. 3-dii sano ee lasoo dhaafay Gedo cagtooda ma dhigin wasiirrada, xildhibaanada ama xubnaha kale ee Jubbaland ku metela gobolka Gedo. Hase yeeshee dadaal dheer kadib hadda wax badan ayaa iska bedelay nidaamkii maamul ee ka jiray gobolkaas. Siyaasiyiintii awooda ku maamuleysay Gedo sanadihii lasoo dhaafay ayaa qaar si hoose loogu qanciyey maamulka Axmed Madoobe, halka xubnaha qaar awood loo adeegsaday. Maalmo ka hor waxaa hawada gobolka Gedo laga celiyey diyaarad dooneysay inay Garbahaarey ka dejiso masuuliyiinta maamulka cusub ee Jubbaland ay u magacowday gobolkaas. Balse inta badan xubnihii uu soo magacaabay Axmed Madoobe ayaa safarro dhulka ah maalmihii lasoo dhaafay ku galay degmooyinka gobolkaas, kuwaas oo taageero ka helay inta badan bulshada reer Gedo, markii ay u bandhigeen qorshaha ay ku hoggaami doonaan dadka. Hadda waxaa bilaabatay in siyaasiyiinta kale sida wasiirrada ka soo jeeda gobolkaas eek a tirsan Jubbaland ay tagaan degmooyinkii sanadaha badan laga hor taagnaa ee gobolka Gedo, kadib dadaal dheer oo maamulka Axmed Madoobe uu sameeyey, kaas oo dowladda federaalka ay ku garab siisay. Hoos ka daawo The post Daawo: Jubbaland oo wasiir muhiim ah u dirtay gobolka Gedo iyo qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Switzerland oo daahfurtay Mashruuc ay ka Fulinayso Somaliland Hargeysa(Qaran)-Dalka Switzerland ayaa shaaciyay inay daahfurtay wejiga labaad ee mashruuc ay ka fulinayaan Jamhuuriyadda Somaliland. Kulan lagu qabtay caasimada Hargeysa, isla markaan aay ka qeybgaleen Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Md. Siciid Sulub iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaarada iyo marti sharaf kale ayaa qoraal safaarada Switzerland ka soo saartay lagu sheegay. “Safaarada Switzerland waxaa sharaf u ah in uu qayb ka noqdo daah-furka wajiga 2aad ee mashruuca adkeysiga ee gobolka Awdal ee Somaliland. Qoraalka Safaarada ayaa la raaciyey inay wada shaqeyn dhow la wadaagaan xukuumada Somaliland, “La shaqaynta dawladda Somaliland iyo hay’adda cuntada adduunka (FAO) waa wax ka qabashada caqabadaha quudka iyo calafka ee silsiladda qiimaha xoolaha. Bogaadin dhammaan daneeyayaasha sida ay uga go’an tahay.” Qaran News
-
Ruushka oo duqeymo ku Dardaray Ukraine Russia(Qaran)-Ruushka ayaa duqeymo culus u geystay caasimadda Ukraine ee Kiyeef iyo dhawr magaallo oo kale, weeraradda ayaa ku soo beegmaya iyada oo kulankii gaashaanbuurta NATO soo dhammaaday oo uu ka qaybgalay madaxweynaha Yukreyn. Ugu yaraan 15 weerar oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ee Shahiid ayaa ku habsaday caasimadda Kiyeef, iyada oo laga maqlayey qarxyo iyo digniinta ay bixinayaan Raadaalka sheegaya in gantaallo soo socdaan. Ciidanka cirka ee Yukreyn ayaa sheegay inay tiro ka mid ah diyaaradaha ay dhulka soo dhigeen. Dadka deegaanka caasimadda Kiyeef ayaa sheegay inay la kulmeen argagixii ay inta badan la kulmi jireen ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Duqaymahan ayaa u muuqda inay jawaab u yihiin shirka gaashaanbuurta NATO oo loogu tashanayey. Qaran News
-
NATO iyo Shiinaha oo isku Bu’aya Shiinaha(Qaran news)-Dawladda Shiinaha ayaa si weyn u cambaaraysay qoddob ka mid ah qoddobadii ka soo baxay war-murtiyeedkii gaashaanbuurta NATO, kaasi oo digniin u dirayey Shiinaha. Dawladda Shiinaha ayaa sheegay inay ku dagaalami doonto difaacidda xuquuqdeeda. Shirkii ay dalalka ku bahoobay gaashaanbuur NATO ku yeeshee dalka Litweeniya ayaa waxa ku jiray in Shiinuhu uu caqabad ku yahay is-bahaysiga gaar ahaan dhinaca danahooda, amnigooda iyo qiimahooda. Qoddobkaasi ayaa dawladda Shiinuhu sida fiinta uga qaylisay. Xafiiska dawladda Shiinaha u qaabilsan dalalka Yurub ayaa war qoraal ah jawaab kaga bixiyey qoddobkaasi Shiinaha lagu eedaynayey, waxaanu xafiisku sheegay in aanay marnba ogolaanayn in gaashaanbuurta NATO isku soo ballaadhiso qaaradda Aasiya. Shil Khasaare Ballaadhan Dhaliyay oo ka Dhacay Maraykanka USA(Qaran)-Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay 14 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen Bas iyo saddex cagacagaf gobolka Ilaniyo ee dalka Maraykanka xilli hore oo saaka ah. Booliska ayaa sheegay in basku uu ku socday xawaare sare taasi oo keentay inuu burbur xooggani soo gaadho. Booliska gobolka ayaa sheegay inay socoto baadhis lagu ogaanayo wixii dhabta ahaa ee dhacay. Afar qof oo dhaawac halis ah qabay ayaa lagu qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah, halka inta kale ee dhaawacantay lagu daweynayo cisbitaallada deegaanka. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in dhammaan dadka ku dhintay shilkaasi iyo kuwa dhaawacmay ayaa saarnaa baska. Muuqaallo ay baahisay warbaahinta Maraykanka ayaa muujinaaya burburka baaxada leh ee soo gaadhay baska. Ruushka oo duqeymo ku Dardaray Ukraine Russia(Qaran)-Ruushka ayaa duqeymo culus u geystay caasimadda Ukraine ee Kiyeef iyo dhawr magaallo oo kale, weeraradda ayaa ku soo beegmaya iyada oo kulankii gaashaanbuurta NATO soo dhammaaday oo uu ka qaybgalay madaxweynaha Yukreyn. Ugu yaraan 15 weerar oo ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ee Shahiid ayaa ku habsaday caasimadda Kiyeef, iyada oo laga maqlayey qarxyo iyo digniinta ay bixinayaan Raadaalka sheegaya in gantaallo soo socdaan. Ciidanka cirka ee Yukreyn ayaa sheegay inay tiro ka mid ah diyaaradaha ay dhulka soo dhigeen. Dadka deegaanka caasimadda Kiyeef ayaa sheegay inay la kulmeen argagixii ay inta badan la kulmi jireen ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan. Duqaymahan ayaa u muuqda inay jawaab u yihiin shirka gaashaanbuurta NATO oo loogu tashanayey. Qaran News
-
Today, I convey to you with a heavy heart, burdened by the tragic tale of my beloved Somalia. As I reminisce about the year 1991 when I fled from the clutches of a devastating civil war, I am filled with a profound sense of disappointment and despair Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa caawa soo bandhigay meydadka dhalinyaro Shabaab ah oo lagu laayey howlgal ka dhacay degaanka Welmarow ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalkaas waxaa lagu dilay dhalinyaro dhawaan soo dhameysatay tababar lagu baray is-qarxinta, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlgalka. Al-Shabaab-ka la laayey ayaa lasoo bandhigay sawirro laga qaaday markii ay ka baxeen maalmo ka hor dugsi tababar oo kooxdu ay ku leedahay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe. Ciidanka fuliyey howlgalkaan ayaa soo bandhigay meydadka 17 xubnood oo Shabaab ah, kuwaas oo dhawaan soo dhameystay tababar culus oo is-miidaamin u badan, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka dowladda. Sidoo kale intii uu socday howlgalkaas waxay ciidanku burburiyeen saldhig ay Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Welmarow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu dilay 17-ka xubnood ee Shabaab-ka ah. Deegaanka Caanoole oo dhaca duleedka degmada Bu’aale ayaa la sheegay in dhalinyarada ay qaldaan Al-Shabaab lagu baro howlgallada khatarta ah ee is-qarxintu ugu horeyso. Kooxdaan caawa la laayey oo tababar ku soo dhameysatay dugsigaas halista ah ayey Al-Shabaab maalmo ka hor soo bandhigeen, iyagoo sameynaya dhoolatus. Ciidamada fuliyey howlgalkaas ayaa caawa soo bandhigay sawiradii hore ee laga qaaday markii ay dhameysteen tababarka iyo kuwa caawa laga qaaday meydadkooda kooxdaan la laayey. Sidoo kale ciidanku waxay soo bandhigeen qaraxyo ay diyaariyeen kooxdaan oo ciidanka iyo shacabka reer Jubbaland ay doonayeen inay ku halaagaan. Sidoo kale xogta ay saraakiishu ka bixisay howlgalkaas waxay sheegeysaa in xubnaha laga dilay Al-Shabaab ay ku jiraan ajaanib, ka barbar dagaalameysay kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Danab oo laysay dagaalyahano ay Shabaab tababar halis ah ku siiyeen Bu’aale appeared first on Caasimada Online.
-
Fairfax (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Fairfax ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Injineer Xassan Maxamuud Maxamed oo ku magac dheeraa Injineer Xasanow, kana mid ahaa injineerradii ugu caansanaa ee Soomaaliya. Injineerka ayaa geeriyoday 12-ka Luulyo. Injineer Xasanow oo ku geeriyooday da’da 79 jir, ayaa ahaa siyaasi, ganacsade, bare jaamacadeed iyo sidoo kale sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Halkan ka akhriso taariikh kooban oo aan kaga hadleyno taariikh nololeedkii Inj. Xasanow Maxamuud Maxamed: Allaha u naxaristee, Injeer Xassanow ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu waxbarashada qur’aanka kariimka, dugsiga hoose illaa dugsiga sare ku dhammeystay. Marxuumka ayaa ka dibna ku biiray Ciidammada Booliska Soomaaliyeed 1964-kii, wuxuuna sannadkii 1965-kii ku guuleystay tartan Leyli Sarkaal oo loogu diray Kulliyada Modena ee dalka Talyaniga. Inj. Xasanow ayaa kaddibna waxa uu galay Kulliyada Injineriyadda ee Jaamacadda Torino ee isla dalka Talyaaniga. Waxa uu ahaa arday aad u fahmo badan, waqtina geliyay waxbarashadiisa, waxaana uu sidaas ku muteystay inuu ku qalan jebiyo darajo sare. Waxa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo noqday sarkaal Injineer ah, waxaana uu madax ka noqday hoggaanka dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxa uu Ciidanka Booliska ka gaaray darajada Gaashanle Sare, islamarkaana waxa uu noqday bare aad loo jecel yahay oo ka tirsan Kulliyada Injineeriyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa aqqoonyahay Cilmiga Injineeriyada oo ka dhex muuqda bahda Injineerrada dhismaha ee Soomaaliya. Injineer Xassanow ayaa Allaha u naxariistee waxa uu ahaa qof aad waxbarashada u jeclaa isaga shahaadada adeegsiga teknolojiyadda ee farsamada dhismaha ka qaatay Jaamcad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Waxa uu dalka Soomaaliya ka abuuray shirkadda dhismaha oo dhismayaal badan sida xarunta Ciidanka Asluubta iyo mashaaric hay’adaha caalamiga ah ay maalgelinayeen ka hirgelisay Muqdisho iyo gobollada dalka. 1991-kii, ayaa Injineer Xassanow waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo guryeynta ee dowladdii KMG ahayd. Injineeer Xassanow ayaa ahaa hoggaamiye bulsho, aftahan ah, bashaash ah, daryeela dadka dhibaateysan, aqqoon sare leh oo aad looga yaqaan Soomaaliya, Mareykanka, Talyaniga oo muddo ku noolaa, islamarkaana waxa uu ku lahaa saaxiibo fara badan daafaha addunka. Injineer Xassanow ayaa Allaha u naxariistee waxa uu ifka kaga tagay 21 qof oo isugu jira caruurtiisa iyo ubadka ay sii dhaleen. Waxa aan Allah subxaanahu wa tacaalaa uga baryaynaa in uu marxuum Inj. Xassanow u naxariisto, u danbi dhaafo, kana waraabiyo Jannadiisa firdowsa ah. Caruurtiisa, ehelkiisa, iyo saxiibadiisana waxaan Allah kaga baryeynaa in uu siiyo sabar iyo iiman aan la soo koobi karin. Aamiin, Aamiin, Aamiin. The post Injineer Xasanow Maxamuud oo ku geeriyooday Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey madal uu xilka kula wareegayey wasiirka cusub ee shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay in nidaamka 4.5 ee dadka Soomaaliyeed ay ku qeybsadaan saamiga siyaasadda uu yahay mushkilad u baahan in laga gudbo. Wuxuu sheegay in nidaamkaas uusan dastuuri aheyn, isla markaana uu niyad-jab ku abuuray muwaadiniin badan oo go’aansaday in dalkaan ay isaga tahriibaan. “4.5 ma ahan dastuuri waa arrin mushkilad ku ah dadka iyo dhalinyarada, waxayna dhalinyarada ku qasbeysaa in ay rajo waayaan oo dalkooda ka dhoofaan, waxaan ka shaqey doonaa in xisaabtaas meesha laga saaro oo aqoon lagu bedelo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay ka shaqeynayaa hanaan dadka Soomaaliyeed ay ugu sinaan karaan shaqada dowladda oo sahlaya in imtixaan loo galo, taas oo sababi karta in labo qof oo walaalo ah ay hal mar agaasimeyaal ama wasiirro ka noqon karaan laba wasaaradood. “Waxaan rabnaa in dadka shaqada loogu qeybiyo maxaa taqaan oo meesha laga saaro yaa tahay, hadii shaqada imtixaan loo galo oo aqoon lagu yimaado, 25 wasaaradood ayaan leenahay, 25 wasiir oo walaalo ah, hadii ay imtixaanka ku baasaan waxaan rabnaa inay 25-ka wasaaradood hoggaamiyaan,” ayuu yiri Xamza. Wuxuu sheegay in cadaaladu ay taas ku jirto, hadii ay suurta gashana ay Soomaalidu ka bixi doonto nidaamka cunsuriga ah ee dalka kala jarjaray. Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayuu sheegay Xamza inay u xil-saaran tahay inay ka dalka ka saarto nidaamkaan 4.5 “Waxaa naga go’an in masuuliyadiisa aan ku ilaalino wasiirka si uu ugu dhiirado gudashada shaqada culus ee aan u dirnay,” ayuu yiri Xamza. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay tijaabiyeen in dadka Soomaaliyeed loo qeybin karo shaqo aysan ku heyn 4.5, isagoo sheegay in 3,000 oo macalimiin ah ay dowladu ku qaadatay aqoontooda, hal qofna aysan ka daba-hadlin nidaamkii lagu shaqaaleysiiyey iyo heybtooda. “Dadku hadii ay cadaalad arkaan waa aqbalayaan, marar badan ayaa laga fekeray in nidaamkaan laga gudbo, laakiin waxaa mar kasta cuuryaamisa cabsi, hadaan la dhiirana sidaan kama bixi doono,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Barre. Hoos ka daawo The post Daawo: XAMZA oo qaaday tallaabo ka dhan ah 4.5 appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle oo ay wehliyaan Lataliya-sare iyo Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka soctay Hay’adda caalamiga ah ee Concern Worldwide xafiiskeeda Soomaaliya. Kulankaan ayaa wuxuu daarnaa isbarasho labada dhinac ah iyo iyadoo la isla fahmay in la adkeeyo xiriirkii iyo iskaashigii hore uga dhaxayn jiray Hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Concern Worldwide, waxay sidoo kale labada dhinac isla fahmeen sida ay lagama-maarmaanka u tahay in meel looga soo wada jeesto sidii bulshada tabaaleeysan looga samata bixinlahaa dhibaatooyinka noloshooda ragaadiyay. Waxyaabaha kale ee shirka looga wada hadlay waxaa iyadana kamid ahaa sidii loo xaqiijin lahaa joogteeynta xiriirka labada dhinac iyo in la iska kaashado dhinacyada ay ka midka yihiin bixinta digniinaha hore si ay u suurta gasho in goor hore jawaab laga bixiyo musiibada dhacda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL Maxamed Cismaan Siciid ayaa maanta ku soo dhaweeyey Madaarka caalamiga ah ee Cigaal wefti ka socday dalka Camaroon ee ku yaalla Afrikada Galbeed. Waxaa Weftigan hoggaaminayay Hon. Joseph M. WIRBA oo ah Xubin kamid ah baarlamaanka dalka Camaron ayaa waxaa wehelinaayay David Njibamum iyo Dr.-Eng. Augustine Mofor oo ah laba xubnood oo ka tirsan maalgashadeyaasha Ganacsiyada iyo wershadaha ku leh dalal afrikada ka mid ah ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa Marwo Saamiya Muuse safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Finland. Weftigan ayaa dhawrka maalmood ee fooda innagu soo haya joogi doona dalka ayaa waxaa ayaa u kuur gali doonaan horumarka Somaliland ka socda iyo fursadaha Maalgashi ee dalka yaala. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka qeyb ka ahaa shirkii wadatashi ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay jawiga uu ku billowday shirka iyo waxa laga filan karo. Mudane Rooble oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ugu horeyntii waxa uu sheegay in shirka uu jawi fiican ku billowday, balse kuleylkiisa la sugayo maalinta berri ah, taasi oo ka dhigan in qodobada ugu adag ee la isku hayo ay madaxdu ka dooddi doonaan maalinta berri ah. “Shirkii maanta wuxuu ahaa shir la sugayay muddo, waxaana looga hadlay amniga, doorashooyinka iyo la-dagaalanka Khawaarijta. Jawi fiican ayuu ku billowday illaa hadda jawi fiican ayuu ku socda, kuleylkiisa berri ayaa sugeyna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble. Waxa uu intaas kusii daray “Shacabka Soomaaliyeed waxaa u sheegaya in loo mideysna ahdaaftii shirka uu ku billowday dhamaan waa laga mideysna, niyadiina kheyr u sheega, meel wanaagsan ayaa loo socda.” Rooble ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shirka uu ku jiro marxaladii billowga, islamarkaana ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta warbixin ku aadan dagaalka Al-Shabaab laga dhageystay madaxweyne Xasan Sheekh, ayna isku raaceen in loo soo wada jeesto howl-galka argagixisada. “Dhamaan waa loo riyaaqay, waxaa la go’aansaday in dhamaan intii shirka kasoo qeyb-gashay ee madaxdii hore iyo siyaasiyiinta aheyd loo soo wada jeesto howl-galkaas oo aan qeyb libaax leh ka wada qaadano.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in war-murtiyeed mideysan ay dhinacyadu kasoo saari doonana shirka marka lasoo gaba-gabeeyo, kadib markii dood adag laga yeesho go’aanadii shirkii Golaha Wadatashiga Qaran kasoo baxay ee doorashooyinka la xiriiray. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa daah-furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cosoble Cali. Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore. Si kastaba, Inta uu socdo shirka ayaa waxa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dhameystirka dastuurka, dimuqoraadiyeynta, doorashooyinka, dib u xoreynta dalka iyo guud ahaan siyaasadda. The post Daawo: R/W ROOBLE oo xog ka bixiyey shirkii maanta, shaaciyeyna in kuleylka shirka… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xidhibaan Mukhtaar Axmed Saajid oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka wadatashiga ee maanta magaalada Muqdisho uga furmay madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka. Villa Somalia ayaa sheegtay in ujeedka madaxweyne Xasan ee shirkan uu yahay inuu madaxdii hore ee dalka la tashi kala sameeyo oo taladooda ka dhiibtaan arrimaha masiiriga ah ee dalka ka socda, gaar ahaan arrimaha dib u xoreynta dalka, dhameystirka dib u eegista dalka dastuurka iyo guud ahaan siyaasadda dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka soo socda ee dalku leeyahay. Xildhibaan Saajid ayaa fal-celintiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo wada-hadalka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saamileyda Siyaasadda, isaga oo shaaciyay inay ka sheekeysan karaan xaaladda dalka, balse waxa uu tilmaamay in go’aanka uu u yaallo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Golaha Shacabka uu heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ka eegi doono dhanka sharciga iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed. “Arrintaas Saamileyda Siyaasadda iyo Madaxweynaha waa ay ka sheekeysan karaan, aragtidoodana way ka dhiibanayaan, laakiin si guud waxay ugu taallaa Golaha Shacabka, wuuna kala saari doonaa Maxaa dastuur ah oo dastuurka geli kara?, Maxaa xilligan Ummadda u cuntama” ayuu yiri xidhibaan Mukhtaar Axmed Saajid oo ka tirsan baarlamaanka. Saajid oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray madaxda Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in eegaan danta Ummada Soomaaliya, si looga baxo dhibaatada taagan “Waxaa laga rabaa shacabka ay wakiilka ka yihiin inay Ilaahey uga baqaan oo wixii dan u ah oo ay arkaan ay aqbalaan wixii aan dan u aheyn oo shaqaaqo abuuraayana inay ka daayaan” ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo si gaar ah ugu warramay Somali Cable TV. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu maanta furmay shirka wadatashiga madaxda dowladda iyo kuwii hore, waxaana daah-furay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo sidoo kale ka qayb-galayaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali. Waxaa sidoo kale maanta lagu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore. Si kastaba, shirkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya. The post “Saamileyda siyaasadda way sheekeysan karaan, laakiin arrinta waxay u taallaa…” appeared first on Caasimada Online.
-
Dhaam Biyood Laga Dhagax-dhigay Deegaanka Qudhac-gaab Hargeysa(Qaran)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) ayaa deegaanka Qudhac-gaab oo ka tirsan gobolka Togdheer, ka dhagax dhigay Dhaam biyood, ay xukuumadu ka fulinayso deegaankaasi. Wasiirka biyaha ayaa sheegay in biyuhu ay yihiin tiirka ugu muhiinsan addeegyada asaasiga u ah nolosha aadanaha, isla markaana ahmiyada koobaad la siinayo horumarinta adeegyada biyaha dalka. Geesta kale waxa uu tilmaamay in ay ka go’an tahay ka wasaarad biyo ahaan, sidii guud ahaanba bulshadda reer Somaliland loo gaadhsiin lahaa biyo nadiif ah oo ku filan. Dhagax dhiga Dhaam-biyoodkan waxaa wasiirka ku wehelinayay xubno ka mida xildhibaanada golaha wakiillada, maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale. Bulshada ku nool degaanka Qudhac-gaab ee Dhaam-biyoodkan laga dhagax-dhigey ayaa wasaaradda horumarinta biyaha uga mahadceliyay, waxaanay sheegeen in ay baahi weyn u qabeen, isla markaana uu wax weyn ka tari doono biyo yaraantii ka jirtay degaankaasi iyo degaanada kale eek u dhaw dhaw. Wasaaradda biyaha JSL ayaa dadaal ugu jirta sidii bulshada loogaadhsiinlaha biyo ku filan. Qaran News
-
Komishanka oo kulamo wada tashiya la yeeshay 3-da xisbi iyo Madaxda Ururrada Hargeysa(Qaran)-Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta la kulmay madaxda saddexda xisbi Qaran iyo ururrada Siyaasada. Guddida doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa maanta xaruntooda ku qaabilay, isla markaana mid mid ula kulmay masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI. Sidoo kale guddida doorashooyinku waxa ay kulan la yeesheen masuuliyiinta ururada siyaasada Somaliland, iyaga u talo badsanaya doorashooyinka dalka ku soo fool’leh. Ku-simaha guddoomiyaha xisbiga UCID Cali Xaamuud Jibriil, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan mowqifkoodii iyo wixii talo ah ay ugudbiyeen guddida doorashooyinka Qaranka JSL, waxaanu in wixii sharciga waafaqsan ay Koomishanka ku taageerayaan. Maalintii shalay ayay ahayd markii guddida doorashooyinka Somaliland ay warbaahinta u sheegeen in ay ay xaq u leeyihiin in ay la tashi la sameeyaan cidda y rabaan, isla markaana kahor inta aanay ku dhawaaqin wakhtiga doorashada, ay la tashan doonaan xisbiyada, ururada siyaasada iyo ururada bulshada. Qaran News
-
Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa howlgal ka ka fuliyey xududa ay wadaagaan gobollada Shabeelooyinka, gaar ahaan tuulooyinka Sabyo, Buula-madiina iyo Beerta Shire-jiis oo dhaca xadka labada Shabeelle ay wadaagaan Saraakiisha ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay xubno lagu tuhmay inay gacan-saar laleeyihiin Al-shabaab, waxaa sidoo kale howlka lagu bur buriyay fariisimo sida ay la haayeen Al-shabab sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha howlgalka fulisay. Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa maalmihii tagay howlgallo isdajoog ah oo amniga lagu xaqiijinaayo ka waday qeybo kamid ah gobollada Shabeellooyinka, waxaana dhowr jeer ay sheegeen in la qatay dad lagu tuhunsan yahay la shaqeynta Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo maanta xilka wareejiyay ayaa soo saaray war laama filaan ah, kaas oo la xiriira xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyay, kadib markii ay saameysay tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaare Xamza oo sameeyay magacaabis & isku shaandheyn. Dr. Cilmi ayaa qoraal dheer oo uu soo saaray ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasare Xamza Cabdi Barre, isaga oo uga mahadceliyay fursadda ay siiyeen. Arrintan ayaa lama filaan ku noqotay dad badan, maadaama inta badan siyaasiyiinta looga bartay marka ay xilka waayaan inay mucaaradaan dowladda, kana soo horjeestaan madaxdooda, “Waxa aan u mahadcelinayaa dhammaan intii aan ka wada shaqeynay horumarinta Maaliyadda oo ay ugu horeeyaan madaxweynaha Dalka. Mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaare mudane Hamza Abdi Barre oo fursadaan wayn ii siiyay in aan shacabka Soomaaliyeed ugu adeego laga soo bilaabo 09 August 2022 ilaa iyo 12 July 2023” ayuu yiri. Wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa sidoo kale aad u boggaadiyay shaqaalaha wasaaradda, isaga oo sheegay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen muddada uu joogay xafiiska. “Waxaan kaloo u mahadcelinaynaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaeyaasha, iyo shaqaalaha oo dhan. Sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed oo gacan wayn ka gaystay dadaalada isbeddelka dib-u-habaynta Maaliyadda ee socda. Isku-tashi iyo wadashaqayn ayaan horumar ku gaari karnaa.” ayuu mar kale yiri wasiir Cilmi Maxamuud Nuur. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Intii aan xafiiska joogay wax badan ayaa noo qabsoomay oo aanu gaarnay haddii ay tahay horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda. Masha allah wali waxa aanu si wanaagsan u haynaa wadadii Deyn Cafiska taasi oo guulo badan oo wax ku ool ah laga gaaray, ayna dhawdahay dhamaystirkeeda.” Ugu dambeyn wuxuu guul u rajeeyay wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Biixi Iimaan Cige, isaga oo ballan-qaaday inuu kala shaqeyn doono horumarinta maaliyadda. “Waxa aan u rajeynaynaa Wasiirka cusub ee Maaliyadda guul iyo in Allaah SWT u fududeeyo masuuliyada culus. Dadaalka loogu jiro horumarka dalka waxa aan ka sii wadi doonaa dhankayga intii awooodeyda ah” ayuu mar kale warkan qoraalka ku yiri Dr. Cilmi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo beesha uu kasoo jeedo wasiirka ay ka hortimid xilka qaadistii lagu sameeyay, taas oo sheegtay inay ku weysay kursigii ay ku laheyd dowladda. The post Wasiirkii maaliyadda ee xilka laga qaaday oo si lama filaan ah u hadlay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Wasiiradda cusub ee Wasaaradaha Maaliyadda iyo wasiirkii lagu badalay, kadib iskushaandheyn dhowaan lagu sameeyay xukuumadda. Mudane Biixi Iimaan Cige xilka Wasaaradda Maaliyadda kala wareegay Wasiirkii hore Dr Cilmi Maxamuud Nuur, halka Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, isna xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biixi IImaan Cige. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadaha xilalka loogu kala wareejinayay Wasiiradda cusub ayaa kula dardaarmay in ay si hufan ay uga soo dhallaalaan waajibaadka culus ee loo dhiibay, iyadoo la waafajinayo qorsheyaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
