Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali President Hassan Sheikh Mohamud is hosting former political leaders starting Wednesday for a three-day consultative meeting aimed at discussing political and security challenges facing the country. Source: Hiiraan Online
  2. Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ansixiyay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo loo magacaabay Mudane, Axmed Saciid Maxamed, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha. Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee magacaabista xubnaha Golaha Maamulka Hay’adda Korontada oo laf-dhabar u noqon doonta kor-joogtaynta farsamo iyo dhaqan-galinta Sharciga Korontada, ubnaha oo ka kooban sagaal xubnood ayaa lagu soo xushay khibraddooda. Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada. Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa Sidoo kale, goluhu ka dhageystay warbixinno muhiim ah oo ku saabsan Amniga, Waxbarashada iyo Hirgalinta Nidaamka Aqoonsiga dadweynaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Shirka Wadatashiga Madaxda Qaranka, Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho, shirkaan ayaa waxaa furay maalinimadii shalay madaxweynaha Jamhuuriyadda. Shirka ayaa sidoo kae waxaana maanta kulanka ku biiray Guddoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka 11-aad Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoominaya shirka oo qorshuhu yahay in ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah oo dhinacyadu ay kaga heshiiyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Puntland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulkaasi, wuxuuna dacwad culus u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Guuleed Saalax Barre oo ah Guddoomiyihii hore ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, kana mid ah mucaaradka ayaa shaaciyay inay dacwaddan ay gudbiyeen illaa 30 siyaasi kasoo jeeda Puntland, isla-markaana ujeedka uu yahay wax laga qabto gabood fallo u sheegay inuu ku kacay hoggaanka Puntland, gaar ahaan xukuumadda Saciid Deni. “Saaka waxaan gudbinay gal-dacwadeed aan u gudbinay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, dacwadaaa waxaa gudbiyay illaa in ku dhow 30 siyaasi oo reer Puntland, Dacwaddaas waxay ka dhan tahay gabaddoo falladii aanu u rakeynay hoggaanka hadda xukunka haayo uu ku kacayay taas oo kasoo horjeeda dastuurka” ayuu yiri Guuleed Saalax. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kalsooni ku qabanaa maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, isla-markaana ay qabatay dacawadda ay maanta u gudbiyeen. “Waxaan aaminsanahay hay’ad umad u dhexeysa, waxaana lasoo kalayay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo ku xigeenkiisa, waxayna naga ballaan qaadeyn inay dacwaddaas geli doonaan” ayuu sii raaciyay. Waxaa sidoo kale kiiskan faahfaahin ka bixiyay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo kamid ah musharixiinta u hanqal taagaya hoggaanka Puntland, wuxuuna tilmaamay in dacwadooda ay tahay mid ka dhan ah xukuumadda iyo baarlamaanka oo uu ku eedeeyay inay jabiyeen dastuurka lagu heshiiyay. “Shirkaan jaraa’id waxaan u qabaneynaa inaan la socod siino warbaahinta iyo Ummadda Soomaaliyeed inaanu maxkamadda dastuuriga ah aan u gudbinay dacwad ka dhan ah Jabinta Dastuurka ee Xukuumadda & Baarlamaankuba ay ku kaceen” ayuu yiru Cawad. Cawad ayaa intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in laga hortago colaad iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhacday Puntland, Soomaaliya. “Ujeedada waxaa weeyey oo mas’uuliyiintan ay isugu yimaadeen in laga hortago colaad, xasiloomni la’aan iyo burbur” ayuu mar kale yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda. Tallaabadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad cakiran ay ka taagan tahay magaalada Garoowe, taas oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh Puntland, waxayna arrinta kasii dartay markii ay ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, Cabdiweli Maxamed (Gaas) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ay ka horyimaadeen damaca Deni. The post Mucaaradka PUNTLAND oo qaaday tallaabo culus kadib markii uu gudbiyay… appeared first on Caasimada Online.
  5. Mogadishu (HOL) - Somalia's Chief of State, Hussein Sheikh Mohamud, has refuted claims that the government plans to extend President Hassan Sheikh Mohamed's term, emphasizing the government's support for unifying federal and regional elections. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qanka, Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlaayay warfidiyeenka ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda federaalka iyo Puntand, isaga oo shaaciyay inuu hadda u socdo wadahadal hoose. Ugu horreyn agaasimaha ayaa ka warbixiyay sida uu ku billowday khilaafkan oo ugu dambeyn sababay inay kala tegaan labada dhinac, maadaama ay Puntland ku gacan seertay shirarkii ugu dambeeyey ee u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamullada. “Lixdii kulan ee lasoo dhaafay oo qayb kamid ah ay Puntland ka maqneyd mar walbaa si joogta ah ayuu Puntland u casuumaayay madaxweynuhu, ra’yigeedana la dhageysanaayay, welina fursadeedii waa uu taallaa oo meel looga socdo oo gaar ah ma jirto” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay Puntland ula mid tahay maamullada kale, isla-markaana aysan ka tegi karin labada dhinac. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay haatan isku baahan tahay, isla-markaana loo baahan yahay in la eego danta guud, la’iskuna tanaasulo. “Puntland maqnaashaheeda sida dadkan loola tashanaayo ayaa diyaar loola yahay in loola tashado Soomaaliyana way isu baahan tahay, Puntland-na Soomaaliya ayay u baahan tahay, Soomaaliyana hadda ma awoodo in dowlad goboleed ay gooni uga istaagto marka mabda’ guud waayay oo hoos imaanayo Soomaali Heshiis ah” ayuu mar kale yiri Xuseen. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaciyay xog ku aadan in wadahadal hoose uu haatan u socdo dowladda federaalka iyo maamulka Puntland, kaas oo looga hadlayo xiisadda dhex taalla, si xal waara looga gaaro. Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale guul ka rajeeyay wadahadallada haatan socdo, si ay Puntland ugu soo laabato saaxadda, xalna loogu helo tabashadeeda. “Wadahadalka waa furan yahay si hoose ayay hadda u socdaan waxaan rajeynaa Insha Allaah inay miradhasho oo la’isku yimaado oo tabashada laga wada-hadlo” ayuu raaciyay. Puntland oo horay usoo eedeysay Villa Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aanno culus oo ka dhan ah dowladda dhexe, taas oo keentay inuu go’o xiriirkii Muqdisho iyo Garoowe. The post Faah-faahin: Wadahadal hoose oo u socdo Villa Somalia iyo PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
  7. Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka Puntland ayaa saaka oo Khamiis ah maxkamadda dastuuriga ah u gudbiyay dacwad looga horjeedo furista dastuurka. Dacwadda waxa kale oo ku qoran eedaymo ka dhan ah xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni oo la xiriira dastuur-jebin iyo ku tagri-fal awoodeed. Maxkamadda ayaa si rasmi ah siyaasiyiinta mucaaradka ah uga qabatay dacwadda islamarkaana ballan-qaaday in ay galayso sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Guuleed Saalax Barre oo kamid ah siyaasiyiinta gudbiyay dacwadda. Guuleed Saalax ayaa sheegay in ay kulan gaar ah la yeesheen guddoomiyaha maxkamadda dastuuriga ee Puntland Xasan Yuusuf Nuur uuna u ballan-qaaday in maxkamaddu ay dacwadda galayso kadib markii ay hubiso in loo maray hannaan sax ah. Guuleed ayaa sidoo kale tilmaama in ay kalsooni ku qabaan hoggaanka maxkamadda dastuuriga ah in ay dacwadda u geli doonaan sida ay ballan-qaadeen “Kalsooni ayaan ku qabnaa hoggaanka maxkamaddu sida ay noo sheegeen in ay dacwadda geli doonaan” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Maxkamadda dastuuriga Puntland oo si rasmi ah u qabatay dacwad ka dhan ah furista dastuurka appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maalintii labaad ka socdo shir wadatashi ah oo u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo uu furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shirka sidoo kale waxaa ka qayb-galaya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali. Sidoo kale waxaa shalay dib loogu kordhiyay xubno horleh oo ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore. Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa sidoo kale shirka maanta ku biiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo haatan ku sugan hoteelka Decale oo ah halka shirka lagu qabanayo. Wararkii ugu dmabeeyay ayaa sheegaya in shirka maanta uu ka duwan yahay kii shalay, isla-markaana uu yahay mid xasaasi ah oo lagu gorfeyn doono arrimo masiiri ah. Arrimaha maanta laga wada doodi doono waxaa kamid ah muddo xileedka madaxweynaha iyo madax goboleedyadaa amniga, dastuurka iyo doorashooyinka oo ah kuwa muhiim ah. Waxaa sidoo kale ay madaxda isla eegi doonaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo la filayo in dhowaan uu ka bilowdo gobollada dalka oo dhan. Gabagabada shirka ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga soo saaro warsaxaafadeed ay madaxdu ku shaacinayaan go’aannada ay ka gaarayaan xaaladda dalka. Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhowaan gaareen Golaha Wadatashiga. The post Mas’uuliyiin horleh oo ku biiray shirka Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  9. Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa sheegaya in ay diyaariyeen dacwad ka dhan ah furista dastuurka Puntland. Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee diiddan furista dastuurka ayaa saaka ku sugan xarunta maxkamadda dastuuriga ah ee magaalada Garoowe. Xiriir aan la samaynay waxay noo sheegeen in ay maxkamadda dastuuriga ah u gudbinayaan dacwad ka dhan ah furista dastuurka oo ay ku muransan yihiin xukuumadda iyo mucaaradka. Dacwadda waxa kale oo ku qoran sida ay xaqiijiyeen eedaymo ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Deni oo u ololaynaysa arrinta wax ka beddelka dastuurka. Siyaasiyiinta saaka ku sugan xarunta maxkamadda dastuuriga ayaa sidoo kale sheegaya in ay weli la’ yihiin cid ka qabata dacwadda si ay ugu gudbiyaan maxkamadda dastuuriga ah. PUNTLAND POST The post Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Puntland oo diyaariyay dacwad ka dhan ah furista dastuurka appeared first on Puntland Post.
  10. Dawladda Ruushka ayaa digniin adag u dirtay Gaashaanbuurta NATO, oo ay ku eedeeyeen in ay wadaan qorsheyaal la mid ah kuwii dagaalkii Qaboobaa ee adduunka. Ruushku wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu jawaab ka bixiyo waxkasta oo halis ku ah amnigiisa, tallaabo kasta oo daruuri ahna uu qaadi doono. Source
  11. Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa diidday inay ka qeybgasho hadal-jeedinta madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog oo lagu wado inuu Arbacada soo socota khudbad ka jeediyo fadhiga wadajirka ah ee Congress-ka Mareykanka. “Bishii lasoo dhaafay, waxaan kasoo horjeestay martiqaad loo fidiyay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi si uu uga hadlo fadhiga wadajir ah, sababtuna waxay aheyd halka dowladdii ka taagan tahay xaquuqda aadanaha. Bishanna kama qaybgeli doono khudbad la mid ah oo uu jeedinayo madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.” ayay Ilhaan kusoo qortay barteeda Twitter-ka. “Ma jirto si aan uga qaybgalo khudbad uu fadhiga wadajirka ah u jeedinayo madaxweyne waddankiisu i mamnuucay oo Rashida Tlaib u diiday inay soo aragto ayeydeed.” ayay raacisay. Waxay ku eedeysay dowlada Israa’iil ‘inay si cad wacad ugu martay inay burburin doonto rajada dowladnimo’ ee Falastiin. Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa bishii Abril u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel. Laakiin bishii June ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka. Guddigan ayaa mas’uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda. Source
  12. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka wadahadlay xiisadda Suudaan, xidhiidhka labada dal iyo biyo xidheenka weyn ee Itoobiya ay ka sameyneyso webiga Nile, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar. Sisi ayaa Axmed kusoo dhaweeyay qasriga madaxtooyada ee Qaahira, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar. Masar ayaa maanta oo Khamiis ah martigelinaysa shir madaxeedka dalalka deriska la ah Suudaan, kaasoo lagaga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa colaadda 12-ka toddobaad ee u dhexeysay dhinacyada iska soo horjeeda ee milateriga Suudaan, taasoo sababtay masiibo bini’aadanimo oo weyn oo gobolka ka taagan. Masar iyo Itoobiya oo ah labada dal ee ugu weyn ee deriska la ah dalka Suudaan ayaa sannadihii ugu dambeeyay isku khilaafsanaa dhismaha biyo xireenka weyn ee Korontada laga dhisayo webiga Blue Nile oo ku dhow xadka Suudaan. Source
  13. Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay mowfiqkeeda ku aaddan colaadda ka aloonsan magaalada Laascanood ee gobolka Sool, kadib markii mid ka mid ah hoggaanka dhaqanka deegaankaas uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay garabsiineyso ‘duqeynta Somaliland’. Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay kulan xalay lagu qabtay magaalada Nayroobi ayaa eedeynta jeediyay, isaga oo si gaar ah u eedeeyay madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre. Ciidamada Somaliland iyo kuwa beesha Laascaanood ayaa halkaas ku dagaallamaya muddo ku dhow siddeed bil. Dadka deegaanka ayaa doonaya in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan dhammaan deegaankooda iyo inay qeyb ka noqdaan dowladda Soomaaliya, halka Somaliland ay ku adkeysaneyso inay iyadu mas’uul ka tahay dhammaadka ‘xuduudaha Ingiriisku’ ka tagay ee Somaliland la isku yiraahdo Somaliland billowgii dagaalka waxay sheegtay in Laascaanood ay kula dagaallamayaan qaar ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyo ciidamada dowladda Puntland, iyo xitaa kuwa dowladda federaalka ah. Se, dagaalka waxa uu markii hore ku bilowday dibadbaxyo ay dhigayeen dad careysan, kuwaas oo ka dhashay dilal magaalada loogu geystay waxgarad iyo siyaasiyiin uu ugu dambeeyay Cabdifitaax Cabdulaahi Hadraawi oo ahaa in dhalinyaro ah. Waxaa Cabdifitaax la dilay bishii December ee sanadkii hore. Maamul goboleedka Puntland iyo dowladda federaalka ahba horey ayay u beeniyeen eedeynta Somaliland. Laakiin madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo mardambe hadlay ayaa sheegay in aysan dowladda Puntland gacanta ka laaban doonin colaadda ka taagan Laascaanood. Hadalkaas ayaa dabo-socday eedeymo hore oo tilmaamayay in qeybo ka mid ah ciidamada Puntland, iyo kuwa beelaha deegaanka maamulkaas ay qeyb ka yihiin Puntland. Hoggaanka dhaqanka ee Sool waxay iyagu ku celceliyeen inay doonayaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan dhulkooda, iyaga oo ku eedeeyay ciidamada Somaliland weerarro iyo duqeymo ‘arxandarro ah’ oo ay ka geysteen magaalada Laascaanood. Laakiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo hadlay horraantii toddobaadkan ayaa ka bari-yeelay dowladda federaalka iyo shacabka deegaanka colaadda ka taagan Laascaanood, isaga oo eedda markan ku koobay dowladda Puntland. Waxaa marar badan fashilmay xabbad-joojin ay labada dhinac ba ku dhawaaqeen, iyada oo dhinac ba kan kale eedeeyay. Waxaa sidoo kale jiray dedaallo dhexdhexaadin ah oo ay iskuday dowladda Itoobiya, sida uu BBC u xaqiijiyay safiirka shaqada ka tagay ee Mareykanka danjire Larry Andre. Mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya ayaa labada dhinac ba la kulmay, laakiin ma jirin wax faahfaahin ah oo dheeraad ah oo kasoo baxay dedaalkaas. Dowladda federaalka ayaa iyada horey odeyaal dhaqan ugu dirtay Laascaanood iyo Hargeysa si ay xal ugu raadiyaan colaada labada dhinac. Odeyaashaas ayaa la rumeysan yahay inay la kulmeen labada dhinac, laakiin ilaa iyo hadda ma jirto wax kasoo baxay howshii loo diray. Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo ay BBCdu la hadashay kadib eedeynta Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku celiyay mowfiqka dowladda ee dagaalka Laascaanood. Waxa uu sheegay in dowladda federaalku ku howlan tahay dedaal xal loogu raadinayo dagaalka siddeed bil ka taagan halkaas, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Waxa uu Wasiir Daa’uud Aweys intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeyso Somaliland inay joojiso duqeymaha iyo weerarrada ay ka geysato Laascaanood, isaga oo labada dhinac ugu baaqay wada hadal. Waxa uu intaas ku daray in aysan jirin wax-iska-bededlay mowfiqka dowladda ee ay horey u sheegeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey ula kulmay qaar ka mid ah madaxda dhaqanka Sool oo Muqdisho tagay. Qaran News
  14. Sacuudi Carabiya ayaa 2 bilyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Pakistan, dowladdu ayaa sidaas sheegtay salaasadii, waxaana tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe lagu caawinayo dhaqaalaha Pakistan. Source
  15. New research highlights that watermelon improves overall diet quality and heart health by increasing nutrient intake, including fiber, vitamins, and minerals, and reducing added sugars and saturated fatty acids. Another study suggests that watermelon juice supplementation can protect vascular function, potentially supporting cardio-metabolic health. Two new studies explore the relationship between watermelon consumption and improved dietary habits in both children and adults, as well as the impact of watermelon juice on cardio-metabolic health. Watermelon is indisputably a flavorful and nutrient-packed fruit. Now, new research further illuminates its vital role in boosting dietary quality and supporting heart health. A recent study published in Nutrients suggests that watermelon can enhance nutrient absorption and the general quality of diet in both children and adults. This research, based on the analysis of data from the National Health and Nutrition Examination Survey (NHANES), discovered that the overall quality of the diet was significantly better in individuals who consumed watermelon compared to those who did not. According to the study, children and adult watermelon consumers had higher intakes of dietary fiber, magnesium, potassium, vitamin C, and vitamin A as well as lycopene and other carotenoids, while they had lower intakes of added sugars and total saturated fatty acids. Research analyst and author on the study, Kristen Fulgoni, will present the research findings at Nutrition 2023, the American Society for Nutrition annual meeting, held July 22-25, 2023 in Boston. In addition to the NHANES study, another new study also published in Nutrients builds on previous work in this area of research to show that watermelon juice supplementation protects vascular function during hyperglycemia. Conducted at Louisiana State University, this randomized, double-blind, placebo-controlled crossover trial to test the effects of 2 weeks of daily watermelon juice supplementation, specifically looked at the potential beneficial modulating effects of L-citrulline and L-arginine – two compounds found in watermelon – on nitric oxide bioavailability and heart rate variability. Both studies were funded by the National Watermelon Promotion Board. “We acknowledge that while the sample size was small (18 healthy young men and women) and more research is needed, this study adds to the current body of evidence supporting regular intake of watermelon for cardio-metabolic health. In addition to L-citrulline and L-arginine, watermelon is a rich source of antioxidants, vitamin C, and lycopene – all of which can help reduce oxidative stress and play a role in heart disease prevention,” said Dr. Jack Losso, Ph.D., professor at Louisiana State University’s School of Nutrition and Food Sciences. The Dietary Guidelines for Americans (DGA) recommend 1.5 to 2.5 cups of fruit daily and currently, U.S. adults and children fall short of this goal – getting only about half the recommended fruit serving each day. Watermelon is a nutrient-rich fruit and an excellent source of Vitamin C (25% DV), a source of Vitamin B6 (8% DV), and a delicious way to stay hydrated (92% water), with only 80 calories per 2-cup serving. Thoughts of juicy watermelon at your upcoming BBQ or outdoor get-together likely conjure up memories of enjoying the perfectly ripe fruit in summer’s past. The reality is that watermelon can be enjoyed any time thanks to the diversity of climates that enable watermelon production year-round. Whether you’re waiting for the first signs of summer to enjoy watermelon – or not – let this new nutrition research nudge you to include watermelon as part of your balanced diet Qaran News
  16. Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay guriga Islaanka ee magaalada Garoowe. Wararka ayaa sheegaya in kulanka Islaanka iyo madaxweynaha oo saacado qaatay looga hadlay xal u raadinta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland. Xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ku muransan arrima la xiriira furista dastuurka iyo hubanti la’aanta ka taagan qabsoomidda doorashada 2024. Khilaafka labada dhinac ayaa sababay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe kadib markii Baarlamanka Puntland u codeeyay furista dastuurka oo ay diidan yihiin mucaaradka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kulan gaar ah ka yeeshay xiisadda Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay labo kamid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray oo kala ah Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Mudane Xamsa ayaa Ra’iisul Wasaarayaasha hore warbixin qoto-dheer kasiiyay shaqada Xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah ku dhow, hannaanka dalkeenna looga qadaayo cuna-qabateynta hubka iyo sidii Dowladda Soomaaliya dhammaadka sannadka 2024 ula wareegi lahayd amniga dalkeenna. Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka mid ah Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, oo shir wadatashi ah uu uga furmay magaalada Muqdisho iyaga iyo madaxda dowladda Federaalka, kaas oo lagu gorfaynayo xaaladda dalka, amniga, ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka iyo dimuqoraadiyeynta dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Iran ayaa shalay u yeertay safiirka Ruushka ee dalkeeda fadhiya, ka dib markii ay xukuumadda Moscow ay bilawgii toddobaadkan bayaan wada-jir ah la soo saartay qaar ka mid ah dalalka Carabta, bayaankaas ayay ku jireen qodobo taabanaya jaziiradaha muranku ka taagan yahay ee ku yaalla gacanka Persia. Tallaabadan ayaa ka mid ah, khilaafka dhif iyo naadirka ah ee dhexmara Iran iyo Ruushka, iyada oo xidhiidhka labada dal uu sii xoogaysanayey, tan iyo wixii ka dambeeyey dagaalkii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine. Iran ayaa siisay dalka Ruushka, diyaaradaha ay samayso ee aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo Moscow ay u adeegsatay duqaymaha ay ka geysato dalka Ukraine. Sidoo kale labada dal ayaa si weyn u taageera xukuumadda Bashar al-Asad. Wakaaladda wararka ee dalka Iran ayaa sheegtay in loo yeedhay danjiraha Ruushka si wax looga weydiiyo bayaankii wada jirka ahaa ee la soo saaray Isniintii, ka dib kulankii dhexmaray Ruushka iyo dalalka Khaliijka ee ay ka midka yihiin Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Kuwait, Qatar, Baxrain iyo Cumaan. Bayaanka, waxay wasiiradu ku caddeeyeen inay taageersan yihiin dedaallada lagu doonayo in xal nabadeed laga gaadho, xaaladda ka taagan jaziiradaha saddexda ah ee kala ah, Greater Tunb, Lesser Tunb iyo Abu Musa, iyada oo loo marayo wada-xaajood laba dhinac ah ama in kiiska la geeyo maxkamadda caddaaladda ee dunida, ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay shirka, sida ay faafisay wakaaladda wararka ee Sucuudigu. PUNTLAND POST The post Xiisad cusub oo ka dhex curatay Iran iyo Ruushka appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Environment and Climate Change, Khadijo Mohamed Almakhsoumi, took the floor in the Upper House of the Parliament on Wednesday to present the Environmental Protection and Management Bill. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo kamid ah Golaha Shacabka, laguna soo doortay Ceelwaaq ayaa si kulul uga hadlay xiisadda gobolka Gedo. Carab oo maanta warbaahinta kula hadlay bannaanka hore ee xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay in reer Gedo ay weli wajahayaan dhibaato ku bilaabatay dowladdii hore. “Gobolka Gedo, horta dhibka waxa uu ku billowday dowladdii hore aniga hadda xildhibaan ayaan ahay saddex mar ayaan tegay oo ah 2017, 2018 iyo 2019 deegaanka ayaana soo booqday wixii ka dambeeyay waad ogtihiin wixii ka dhacay waa nalool diiday annagoo meeshaas nagala soo doortay inaan tegno” ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Carab. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday isbeddalka haatan ka dhacay gobolka Gedo, wuxuuna tilmaamay inuu taageerayo maamulka cusub ee uu Axmed Madoobe u magacaabay Gedo. Xildhibaanka ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka, Cabdullaahi Shimbir ugu baaqay inuu marka hore sameeyo dib u heshiisiin, isla-markaana uu isku keeno dhammaan reer Gedo. “Hadda isbeddal fiican ayaa socda waxaan rajeyneynaa guddoomiyaha uu madaxweynaha Jubbaland soo magacaabay inuu dadka deegaanka gogol u fidiyo dib u heshiisin ka shaqeeyo oo howshii ay hagaagsanaato” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay. Waxaa kale oo ku ku daray “Dadweynaha gobolka Gedo waxaan leenanay maamulkaa taageera, isagana waxaan ku boorineynaa inuu dadka isugu yeero,”. Ugu dambeyn waxaa wax laga weydiiyay doorashadii isaga iyo xildhibaanadii kale ee lagu soo doortay agagaarka degmada Ceelwaaq, taas oo xiisad kale ka dhalisay gobolka Gedo. “Aniga Ceel Qaalow la’iguma soo dooranee Ceelwaaq ayaa la’iga soo doortay, inaan tagana waa la’ii diiday” ayuu markale yiri Cabdullaahi Carab oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada. The post Daawo: Xildhibaan Cabdullahi Carab oo si kulul uga hadlay xiisadda GEDO appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre met with two former Prime Ministers, Dr. Abdiwali Mohamed Ali Gas and Omar Abdirashid Ali Sharmarke, at his residence in Mogadishu on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  22. The United Nations Human Rights Council (UNHRC) has approved a resolution on religious hatred and bigotry in the wake of a Quran-burning stunt in Sweden that led to protests across the Muslim world. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay kulan Twitter Space ah oo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed uu qabtay, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha shirka Muqdisho uga socda siyaasiyiinta Soomaalida. Agaasime Xuseen, wuxuu sheegay in shirkaan uu iclaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo mid mid u casuumay siyaasiyiinta isugu timid, si looga tashado halka loo jiheynayo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Sida uu sheegay Agaasime Xuseen, qodobada miiska saaran waxaa ka mid ah arrimaha muddo kororsiga dowlad goboleedyada iyo wax ka bedelka muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda, iyadoo la furayo qodobo ka mid ah dastuurka dalka. Waxyaabaha uu qorsheynayo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay qalinka ku duugeen madaxda dowlad goboleedyada waxaa ka mid ah, in xukunka dalka laga dhigo nidaam madaxtooyo, iyadoo meesha laga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha oo lagu bedelayo Madaxweyne ku xigeen. Arrinkaan, si weyn ayey u diidan yihiin inta badan siyaasiyiinta uu shirkaan ku casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, balse Agaasimaha Madaxtooyada ayaa xalay bixiyey xog cusub oo sababi karta in qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ay siyaasiyiintu aqbalaan. Dooda ugu adag ee siyaasiyiinta ka imaaneysay waxay aheyd, in dowladda uu hoggaaminayo Xasan Sheekh ay meel mariso qorshahaas, balse ku dhaqankiisa la bilaabo muddo xileedka dowladda tan xigta. Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay kulankii ‘SNTV Twitter Space’ ku shaaciyey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in afar sano markii uu joogo xafiiska uu qabto doorasho qof iyo cod ah. Agaasime Xuseen Sheekh, wuxuu cadeeyey in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku jirin damac muddo kororsi, isla markaana nidaamkaan loo jeexayo dowladda bedeli doonta tan hadda ka arrimisa dalka. Madaxweynaha dalka oo maalintii labaad shir kula jira siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee intooda badan horay dalka uga soo qabtay xilal muhiim ah ayaa ka dhaadhicinaya sida ay dowladiisu dooneyso inay u meel mariso qorshahaan wax looga bedelayo dastuurka dalka. Hadii qorshaha madaxweynaha aysan ku jirin in isagu uu muddo xileedka kororsado, waxay u badan tahay in saamileyda siyaasadeed ay ka aqbali doonaan inuu ku dhaqaaqo wax ka bedelka muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxtooyada, si fursadaas ay uga faa’iideystaan dowladaha dambe ee dalka hoggaamin doona. The post Villa Somalia oo shaacisay mowqifka muddo kororsi ee madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  24. SAN DIEGO (Border Report) — About 17,000 migrants are waiting in Northern Baja California for an opportunity to cross the border, according to Mexico’s National Institute of Migration. Source: Hiiraan Online