-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka sheekeeyey dhibaato caafimaad oo ay la kulantay Hooyadiis, taas oo sababtay in ‘labada Lugood laga jaro.’ Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in hooyadiis markii hore ay hal Lug ay ka xanuunsatay, markii uu dhakhtar geeyey wuxuu sheegay in lagu war-geliyey in ‘lugtaasi ay goyn tahay’ markii la gooyey ayuu sheegay in lugtii kale ay xanuuntay. Wuxuu sheegay in wax cudur ah aan laga sheegin, balse loo sheegay in xididada dhiigga qaada ay xirmeen, lugtii kale ayuu diiday in la jaro, waxaana loo qaaday dalka Turkiga. Guddooomiye Madaale wuxuu sheegay in maalmo kadib dhakhaatiirtii Turkida ay u cadeeyeen in xal aan goyn aheyn aysan laheyn lugtii labaad ee Hooyadiis. “Intaas kadib waan iska quustay, waxaana go’aansaday in Hooyo lugteeda labaad aana uga jarin dalkaas qabowga ah, waxaana u soo qaaday dalka, Muqdisho ayaan lugtii labaad uga jarnay Hooyadey,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale. Duqa Muqdisho ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka dilaaga ah ee Cagaarshowga, munaasabadaas ayaa lagu qabtay Isbitaalka Madaxtooyada Qadanka. Munaasabaddaan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin kala duwan iyo howl-wadeennada isbitaalka ayaa lagu soo bandhigay khatarta uu leeyahay xanuunkan dilaaga ah iyo dhabbaha ugu wanaagsan ee looga hortegi karo, si ay uga foojignaadaan halistiisa shacabka Soomaaliyeed. Agaasimaha Isbitaalka Madaxtooyada JFS Dr. Xuseen Maxamuud ayaa ka warbixiyey qataraha cudurka oo dadka badankood sahalsada, madaama cagaarshowga dhaqaatirta u yaqanan dilaaga qarsoon (silent killer). Wasiir ku xigeenka caafimaadka oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa Maamulka isbitaalka ku bogaadiyey dadaallada ay ku bixinayaan xoojinta wacgelinta bulshada si ay uga taxadiraan badqabka caafimaadkooda. The post Daawo: Madaale oo ka hadlay xaalad ku qasabtay inuu labada lug ka jaro hooyadiis appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa, (Qaran news)-Afhayeenka jabhadda hubaysan ee ka soo hor jeeda xukuumadda Muuse Biixi kuwaasi oo galay Buuraha gacan libaax Axmed Cali Haybe ayaa sheegay in Muuse Biixi yaqaano afka qoriga isla markaana ay luuqada qoriga kula hadli doonaan. Axmed Cali Haybe wuxuu ku eedeeyay Muuse Biixi inuu albaabada u xidhay nidaamkii dimuqraadiyadda Somaliland. Waxa kaloo uu ku eedeeyay inuu cid walba ka diiday talooyinkii loo jeediyay, imikana sida kaliya ee la iskaga dhicin kartaa tahay cuddud millatari. Afhayeen Axmed Cali Haybe wuxuu sheegay inay jabhada ay sameeyeen ku soo dhaweynayaan cid kasta oo kala aragti ah inay ka xoreeyaan dalka kaligii taliye Muuse Biixi oo uu ku sifeeyay macangag. Jabhadani raga ugu sareeya ee hagayaa waxa ay ka soo jeedaan magaalada Hargeysa siiba bariga iyo koonfurta, deegaano ka aradan mashaariicda iyo wax qabadka xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah, marka aad bar bar dhigtid gobolka Maroodijeex. Waxa sii badanaaya dhalinyarada ka tagaysa bariga Hargeysa ee ku biiraaya jabhadaasi, sidoo kale waxa iyana jabhadaasi laga taageeray qaybo badan oo ka mid ah gobolada bariga. Isku soo wada duuboo waxa uu kacdoonkani salka ku hayaa doorashadii madxweynaha ee la qaban waayay ee laga soo horu mariyay doorashada ururada taasi dalka u hor seeday qayb sanaan iyo in ay maanta jabhad hubaysani ka dhex dilaacdo badhtamaha Somaliland Qaran News
-
MOGADISHU, July 28 (Xinhua) -- Somali health authorities and the World Health Organization (WHO) on Friday renewed their commitment to eliminating viral hepatitis in the country. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay hadalkii shalay ee madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin oo sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ka tirsan sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiin doono Qamadiga ama Sareenta. Wasiirka warfaafinta Soomaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay hadalkii Madaxweyne Putin ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa go’aankii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Putin ee ahaa in 25-50,000 tan oo hadhuudh ah lagu gaarsiinayo lacag la’aan 7 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto.” Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya wuxuu intaas ku sii daray “Waa go’aan bini’aadantinimo oo togan oo caawin doona kumanaan Soomaali ah oo ay soo food saartay cunto yari.” Hadalka Putin iyo jawaabta Wasiir Daa’uud ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta lasoo gabagabeeyey shir ay isugu yimaadeen Ruushka iyo dalalka Afrika oo isla gorfeeyey arrimo dhowr ah. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta waddamada Afrika ka ballan-qaaday in Moscow ay siin doonto Qamadi iib ah ama bilaash ah, si gaar ah waddamada ugu baahida badan, si looga hortago hubanti la’aanta cuntada caalamka. Walwalkaan la xiriira cuno yarida waxaa sababtay diidmada Ruushka ee dhoofinta Qamadiga ay soo saarto Ukraine ee mara Badda Madow, maadaama Ruushku uu dagaal ku qaaday Ukraine. Putin oo ka hadlayay furitaanka shir-madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo laba maalmood ka socda magaalada St. Petersburg ayaa yiri “Waxaan horay u sheegay in waddankeenu uu bedeli karo Qamadiga Ukraine, labadaba ganacsi ahaan iyo deeqaha dalalka Afrika ee u baahan.” Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Waddankeenu wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo dawladaha iyo gobollada u baahan, gaar ahaan, gargaarka bini’aadantinimo.” “Waxaan raadineynaa in aan si firfircoon uga qayb qaadano dhismaha nidaamka qaybinta kheyraadka. Waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah si aan uga hortagno dhibaato cunto oo caalami ah.” Laakiin, Aqalka Cad ayaa diiday sheegashada Putin ee ah inuu doonayo inuu xalliyo dhibaatada cunnada ee saamaysay waddamada ugu saboolsan adduunka. Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Putin looga fadhiyo inuu madaxda Afrikaanka u sheego inuu sabab u yahay caqabadaha nololeed ee xilligaan wajahayaan. “Waxaan rajeynayaa inuu u sheego, ‘Aniga ayaa sabab u ah sababta qiimaha cunnada uu u kacsan yahay. Aniga ayaa sabab u ah inaad dhibaatooyin badan kala kulmi doontaan gaajada, iyo helidda cunto iyo hadhuudh wadamadiina,” ayuu yiri John Kirby. The post DF oo war ka soo saartay go’aan la xiriira Afrika oo Ruushku ku dhawaaqay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee ka faa’iiday shirka Afrika iyo Raashiya ee ka furmay magaalada Dekedda leh ee St. Petersburg ee waddanka Raashiya. Marka laga tago waxyaabaha guud ee qaaradda quseeya, Soomaaliya waxay Raashiya u tagtay laba arrimood, mid waxay aheyd deyn-cafinta, midna cuna-qabateynta hubka. Durba Raashiya iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis Soomaaliya looga cafinayo adduun lacageed oo dhan 684 Milyan oo Ruushka ku lahaa Soomaaliya, taasi oo ay qaadatay dowladdii kacaanka. Wafdiga Soomaaliya ee jooga Raashiya waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac. Heshiiska Soomaaliya looga cafiyay deyntan waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay wasiirka cusub ee maaliyadda Biixi Iimaan Cige halka uu dhanka Raashiya u saxiixay wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Timur Igorevich Maksimov. Guul weyn ayay Soomaaliya u tahay in laga cafiyo 684 Milyan oo dollar. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu saxiixan ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo rejo ka muujiyay in mashruuca deyn cafinta uu dhamaan doono daba-yaqaada sanadkan. Tan iyo bishii July 2020, markii la riday xukuumaddii Xasan Cali Kheyre howsha deyn-cafinta wax badan laguma biirin, laakiin tallaabada Raashiya ee habeen hore Soomaaliya uga cafisay deyntan, ayaa ah middii ugu weyneyd ee geediga deyn-cafinta loo qaado saddexdii sano ee lasoo dhaafay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa deyn-cafinta ku daray afartiisa shaqo ee ugu muhiimsan muddo xileedkiisa labaad. Lacag ku dhow shan bilyan oo dollar oo deyn ah ayaa lagu leeyahay Soomaaliya. Ruushka waxay kamid ahaayeen afarta dal ee Soomaaliya ku lahaa deynta ugu badan, sida Mareykanka, France iyo Italy. Sidoo kale waxaa Soomaaliya lacag ku leh IMF, World Bank, Paris Club iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Shirka Afrika iyo Raashiya ayaa ka socda dalkaas, waana markii labaad ee uu qabsoomo afar sano gudahood. Shirkii hore ee 2019 ayaa laga faa’iiday heshiisyo ku kacay in ka badan 11 bilyan oo dollar. Shirkan ayaa la filayaa inay madaxda Afrika kusoo bandhigaan sare u kaca nololeed ee uu dhaliyay dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine iyo sida loo kordhin karo waxyaabaha dalalka Afrika u dhoofiyaan waddanka Ruushka. Maadaama uu Ruushka kamid yahay shanta waddan ee leh diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka, Soomaaliya ayaa sidoo kale ololaheeda shirkaan ku dari doonta in Ruushka uu taageero sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka, si ay ugu sahlanaanto inay ka adkaadan argagixisada. The post Hal shaqo weyn oo ku hartay Ruushka kadib heshiiskii taariikhiga ahaa ee Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Jeddah (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa Khamiistii Jeddah kula kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad. Safarkan ayaa qeyb ka ah isku day ay saraakiisha Mareykanka ku raadinayaan habab lagu gaari karo heshiis dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, kaasi oo ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasi. Saraakiisha Mareykanka ayaa muddo bilo ah raadinayey wax noqon kara heshiis taariikhi ah oo dhex-mara Riyadh iyo Tel Aviv, hase yeeshee Sacuudiga ayaa iska caabinayey. Madaxweyne Joe biden ayaa taleefishinka CNN u sheegay horaantii July, in Israel ay iyo Sacuudi Carabiya ay aad uga fog yihiin heshiis xiriir, oo ay qeyb ka noqon doonaan axdi difaac iyo barnaamij Nukliyeer rayid ah oo Riyadh ay ka dooneyso Washington. Sullivan, oo uu safarka ku wehliyo isku xiraha Aqalka Cad ee arrimaha Bariga Dhexe, Brett McGurk, ayaa la kulmay bin Salman iyo saraakiil sare oo Sacuudiyaan ah, waxayna kala hadleen “hindiseyaasha lagu horumarinayo aragti midaysan oo nabad, amni, barwaaqo, iyo xasillooni ah oo ka hirgasha gobolka Bariga Dhexe ah iyo adduunka oo dhan,” ayuu yiri Aqalka Cad. War-saxaafadeedka Aqalka Cad ma xusin Israel, hase yeeshee sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in suurtagalnimada heshiis xiriir oo lala galo Israel uu qeyb ka ahaa ajendayaasha. Waxay sidoo kale ka wada-hadleen dadaallada lagu xoojinayo miraha xabad-joojinta dagaalka Yemen. Biden ayaa xiriiro adag la lahaa bin Salman iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Waxa diiday dhimista wax-soo-saarka saliidda ee Sucuudiga, waxa uuna isku dayay in uu Netanyahu ku qanciyo in uu ka gaabiyo dardargelinta dib-u-habaynta garsoorka ee Israel. Saraakiisha Mareykanka ayaa u arka heshiis dhexmara Israel iyo Sacuudiga mid suurtagal ah kadib markii maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu heshiisyo kan la mid ah dhex dhigay Israel, Marocco, Sudan, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta. Reuters, VOA The post Mareykanka oo tallaabo culus u qaaday xiriir dhexmara Sacuudi Carabiya iyo Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Somali army kills ten al-Shabab militants in Galmudug State
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - The Somali National Army, backed by international partners, conducted an operation on the border between the Middle Shabelle and Galgaduud regions, killing at least ten al-Shabab militants and injuries to several others, the government confirmed on Friday. Source: Hiiraan Online -
Swedish PM ‘extremely worried’ as more apply to burn Qur’an
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Swedish prime minister, Ulf Kristersson, has said that he is “extremely worried” about the consequences if more demonstrations go ahead in which the Qur’an is desecrated, amid growing Muslim anger at a series of attacks on Islam’s holy book. Attacks on the Qur’an in Sweden and Denmark have offended many Muslim countries, including Turkey, whose backing Sweden needs to join Nato – a goal of Stockholm’s after Russia’s invasion of Ukraine. Kristersson told the Swedish news agency TT that further requests had been filed with police for permission to hold protests where desecration of the Qur’an was again planned. “If they are granted, we are going to face some days where there is a clear risk of something serious happening,” he said. “I am extremely worried about what it could lead to.” Ulf Kristersson said it was up to the police to grant permission for the protests. Photograph: Emmanuel Dunand/AFP/Getty Images Sweden’s embassy in Baghdad was stormed and set on fire on 20 July by protesters angered by a planned Qur’an burning. Kristersson said the decision whether to grant permission for the demonstrations was up to the police. On Wednesday, Kristersson and other Swedish officials said the country had been the target of a disinformation campaign in which “Russia-backed actors” had attempted to damage the country’s image by implying it supported the burnings. The minister for civil defence, Carl-Oskar Bohlin, said: “Russia-backed actors are amplifying incorrect statements such as that the Swedish state is behind the desecration of holy scriptures.” Sweden’s security service, Sapo, has kept its assessment of the threat level at 3 on a scale of 5, signifying an “elevated threat” during the crisis, but its head said there had been a strong reaction to recent events. “Sweden has gone from being seen as a tolerant country to being seen as an anti-Islamic land,” Charlotte von Essen told reporters on Thursday. Denmark and Sweden have said they deplore the burning of the Qur’an but cannot prevent it under rules protecting free speech. Sweden has accused other countries – such as Russia – of manipulating the crisis to damage its interests and its effort to join Nato. “In some countries there is a perception that the Swedish state is behind, or condones, this. We don’t,” the Swedish foreign minister, Tobias Billström, said on Thursday. “These are acts committed by individuals, but they do it within the framework of freedom of speech laws,” he said. Billström said he had been in touch with the foreign ministers of Iran, Iraq, Algeria and Lebanon, among others, as well as the UN secretary-general about the current crisis. He said he would shortly be speaking to the secretary-general of the multinational Organisation of Islamic Cooperation “We will discuss these issues and it’s important to stress that this is a long-term issue – there are no quick fixes,” he said. The Swedish government is facing a difficult balancing act in defending far-reaching freedom of speech laws, while at the same time avoiding potential insult to Muslims. Its position is not made easier by the anti-immigration Sweden Democrats party, whose support keeps the right-of-centre coalition in power, though it is not formally part of the government. Members of the Sweden Democrats, the biggest party on the right, have repeatedly warned about the “Islamisation” of Swedish society and called for immigrants to adopt “Swedish” values. Source The Guardian Qaran News -
The Real Mo Farah: a retrospective documentary Sir Mo Farah’s story reaches far beyond Olympic gold medals and traverses years of mental struggle, resilience, and heart. Myles Campbell-DrummondbyMyles Campbell-Drummond 19-07-2023 17:07 Mo Farah winning the 2017 marathon, with arms wide and a very happy face. image by Erik van Leeuwen. GNU Free Documentation License In his final London Marathon on 23 April 2023, Sir Mo Farah secured ninth place. With September’s Great North Run bringing the curtain down on a glittering athletics career, what brought Farah to this moment holds many unforeseen layers. Momentous as his ten gold medals (four Olympic and six World Championship golds) sound, these are only part of his story. Inside the gold medal The Real Mo Farah first aired for BBC One on 13 July 2022, with many life bridges that were broken for Farah rebuilt into new entities. The portrayal of Farah’s real story was told by Atomized Studios and Red Bull Studios, and directed and produced by Leo Burley and Hannah K Richards respectively. Hussein Abdi Kahin was born in Somaliland and, at a young age, saw his father murdered. He ran in a state of shock, void of direction. He was then trafficked to the UK illegally and given the name of another child, Mohammed Farah. His new mother ripped up the contact number of his blood relative provided to the young Abdi Kahin in front of his eyes, signifying a new existence. He knew nothing about the person whose life he had been given, just that he felt he had taken someone else’s place on Earth. A ‘reveal’ as monumental as this was kept away from the mainstream media’s eyes by Farah for years. It was with good reason that this reveal avoided persistent media questioning, and the likely mass hysteria resulting from public and social media; he had lived in mental turmoil and prison-like living conditions where he had to care for younger children when his new mother abandoned them. Citizenship under threat Farah’s PE teacher Alan Watkinson was one of the first to learn of his true upbringing. He then played an integral role in Mo obtaining British Citizenship, needed to compete in Europe. Anxiety was ever-present with Farah as he had held his true upbringing inside for years, but Watkinson more than eased his burdens. The UK Home Secretary Suella Braverman’s new legislation regarding British Citizenship meant Farah was at risk of being sent back to Somaliland, but the Home Office decided against it: “it is assumed children are not complicit when their citizenship is gained by deception.” What made Farah different from others was that he could run, in real-life and symbolically, and he gained enjoyment from long-distance running and used it to destress from his living situation Life more than a year on His mainstream fanbase only knew the incredible long-distance runner, not the incredible long-distance runner who spent the majority of his life hopelessly wondering about his birth family’s whereabouts. Revealing his personal and turbulent journey meant a lot to Farah, who had always craved normality. According to his wife Tania, he saw the documentary as therapy. Atomized and Red Bull served up a reminder of the blurred lines of everyday life that we take for granted and provided a grounding send-off for an Olympic great. Farah is now a family man and has entered a chapter in life in which he cares for his three children. When Farah learned that the ‘original’ Mo Farah was alive and living in Somaliland, two Mohammed Farahs experienced a heart-warming FaceTime conversation near the documentary’s end. Also rediscovered for Farah was the mother who took him in prior to the unburdening of his struggles to his PE teacher following years of lost contact. Her son was one of Farah’s school friends and also Somali, making the transition smoother. Finally, upon realising that his birth mother was alive and also residing in Somaliland, Farah instantly booked a flight home to not just see his family but meet them for the first time. Finally he saw Somaliland in a new light – a place of love and heritage. Although the documentary’s ending sees Farah still having questions, it provides building blocks for him to venture away from documentary crews and onto a more personal journey, and for his fanbase to truly learn the uncomfortable yet heart-warming upbringing of a world champion. centralbylines Qaran News
-
Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, fiidnimadii xalay waxaa ka dhacday arrin si weyn baraha bulshada u qabsatay oo ku saabsan nin la aqal galayay xaaskiisii seddexaad, oo tii koowaad ay weerar ku qaaday ninkeeda iyo xaaskiisa cusub xilli loo galbinayay gurigoooda cusub islamarkaana gaarsiiyay dhaawacyo ay u adeegsatay toorrey. Wararka ayaa sheegaya in falku uu dhacay markii la gaaray guriga oo gaarigii lagu gelbinayay lammaanaha ay ka degayeen. Wiilka dhaawac ah ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Muuse, halka gabadhana lagu magacaabo Iqra Axmed. Qof ka mid ah ehelada Cabdullaahi Muuse oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa BBC-da u sheegay in haweeneyda weerarka gaysatay ay ninka u u dhashay sideed carruur ah. “Arrintaan waxaa sababay Maseyr,” ayuu yiri qofka oo magaciisa aan qarinay. Lammaanahaan ayaa markii ay dhaawacmeen loola cararay cusbitaalka Shifaa, ee Guriceel halkaa oo xaaladooda hadda lagula tacaalayo. Gabadha falka dhaawac ah gaysatay ayaa mid laba toorey ku dhuftay wiilka iyo gabadha, iyadoo ninkeeda uga dhufatay caloosha iyo feeraha halka gabadha lala guursadayna ay uga mudday xabadka sida uu sheegay Dr. Kaahiye Cismaan Cumar oo ah agaasimaha cusbitaalka lagu baxnaaninayo qoyskan ku soo dhaawacmay xafladii aqal galkooda. Dr Kaahiye ayaa intaa ku daray in dhaawac gabadha uu culusyahay maadama toorreydu ay gudaha hoose u gashay jirka. “Gabdha laba toorrey ayaa ku taalla labaduba xabadka ayay uga yaalliin, midna waa fududahay oo waa maqaarka kore, midna gudaha ayay aadday marka midda gudaha ayaa halis ah,” ayuu yiri Dr Kaahiye. Inkastoo xaaladda lamaanahaan ay hadda ka deggentahay sidii hore, haddana gabadha ayaa la sheegayaa in dhiig uu ku hooray gudaha hoose ee jirkeeda taas oo xaaladeeda cusleysay. “Hadda waan la tacaaleynaa waxay u baahanyihiin in indho indheyn lagu smaeeyo xaaladooda,” ayuuyiri Dr kaahiye. Arrintaan ayaa magaalada ku noqotay naxdin, waxana laga arkayay sawirro la soo dhigay baraha bulshada dad ku xoonsan halka ay wax ka dhaceen. Sidoo kale dadka isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay falkaan oo qaarkood ku tilmaamen wax laga xumaado. The post Xog ku saabsan haweeney xalay Guriceel ku weerartay seygeeda oo aroos ahaa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa howl-gal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay saaka ka fuliyeen sohdinta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in howl-galkaasi ay ciidanka qaranka iska kaashadeen saaxiibaada caalamka, kaasi oo khasaare xoog leh loogu geystay kooxda Al-Shabaab. Howl-galkan ayaa lagu burburiyay ku dhowaad toban gaari oo ay ku jireen labo BG, gaari UD iyo afar Cabdibille oo ay saarnaayeen dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale saldhig ay ku sugnaayeen dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ah ayaa howl-gal burburin ah lagu sameeyay, waxaana halkaasi kooxda ku gaaray jab kale oo xooggan, sida lagu shaaciyay bayaanka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Dowladda ma shaacin tirada rasmiga ah ee kooxda Al-Shabaab looga dilay howl-galkan, inkasta oo ay sheegtay in weli lagu waddo arruurin iyo xaqiijin, kadibna ay lasoo wadaagi doonaan warbaahinta iyo bulshada. Laba maalin kahor ayay aheyd markii gobolka Bay duqeymo culus loogu geystay kooxda Al-Shabaab, kaasi ok la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 50 maleeshiyaad iyo saraakiil isugu jira. Duqeymahaasi ayaa waxay si gaar ah uga dhaceen deegaan lagu magacaabo Ceel-dhuun Adeegow oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhaba iyo Waajid ee gobolka Bay. Deegaankaasi ayaa wuxuu u dhow yahay Goofgaduud-Buurey oo maalin kahor weerarka ay dib ula wareegeen ciidanka xoogga dalka, kadib markii ay Shabaab dagaal ku qabsadeen 23-kii bishaan. Howl-galladan ayaa imanaya, ayada oo kal hore uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda qaadin wax howl-gal ah oo muuqda oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah. Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii dowladdiisu ay dalka kaga cirib-tiri laheyd mintidiinta Al-Shabaab, waxayna dhawaan kooxda wajihi doonta wejigii ugu adkaa ee dagaalka ka dhanka ah oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska. The post Ciidamada dowladda oo burburiyay gaadiid dagaal iyo saldhigii Al-Shabaab ee… appeared first on Caasimada Online.
-
African Development Bank Group (AfDB) PRESS RELEASE Cabo Verde: €14 million loan from African Development Bank will strengthen role as regional tech hub It will offer more than 50 tech startups from across Africa integration grants of at least €5,000 each Access Multimedia Content ABIDJAN, Ivory Coast,(Qaran news)- The African Development Bank (http://www.AfDB.org) and the government of Cabo Verde have signed a €14 million loan agreement to enhance the Cabo Verde Technology Park by making it more climate resilient and supportive of enterprise development. The agreement was signed on 19 July in Praia, Cabo Verde. The African Development Bank earlier had provided a loan of €31.59 million to finance the first phase of the state of the art technology park, which is already transforming the country into an innovative regional information and communication hub. The park, which functions as a special economic zone with tax and import duty incentives, will draw ICT professionals from across Africa. It has two campuses: one in the capital, Praia and the second on the island of São Vicente. As part of phase two, the hub will be equipped to run on renewable energy and, as part of a public private partnership, furnished with two data centers. The Cabo Verde ICT hub will launch a €1 million seed fund to invest in approximately 20 innovative Cabo Verde startups. It will offer more than 50 tech startups from across Africa integration grants of at least €5,000 each. There are also plans to collaborate with international universities and corporations to extend soft skills training to 300 African youth over the next three years as well as help prepare them to secure jobs that will be created as part of the Fourth industrial revolution (https://apo-opa.info/3Y7DkR7). Cabo Verde’s Deputy Prime Minister and Finance Minister, Olavo Avelino Garcia Correia, signed the loan agreement. He expressed his enthusiasm for the project’s transformative potential. He said, “Our ambition is to transform Cabo Verde into a digital nation, with a circulating economy and the technology parks in Praia being part of this significant government strategy.” During the ceremony, Uyoyo Edosio, the African Development Bank’s project lead, stressed the project’s synergies. She said that Cabo Verde’s unique advantage in terms of tourism will now be enhanced as tourism will meet technology. Commenting on the loan signing, Dr. Abdu Mukhtar, the African Development Bank’s Director for Industrial & Trade Development, said: “The next generation of African talents need not seek opportunities abroad; Cabo Verde possesses the necessary infrastructure and a supportive political system to cultivate their dreams and ambitions within their homeland.” Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Contact: Olufemi Terry Communication and External Relations Department African Development Bank Email: o.terry@afdb.org About the African Development Bank Group: The African Development Bank Group (AfDB) is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank (AfDB), the African Development Fund (ADF) and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 34 African countries with an external office in Japan, the AfDB contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. For more information: www.AfDB.org SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa maanta bayaan rasmi ah ka soo saaray wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland. Bayaanka ayaa lagu cambaareeyay islamarkaana go’aan sharciga baal-marsan ku tilmaamay wax ka beddelkii xildhibaannada Baarlamanka Puntland ku sameeyeen qodobka kamid ah dastuurka. Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale sheegay in ay horay dacwad rasmi ah uga gudbiyeen hannaanka loo maray wax ka beddelka dastuurka Puntland. Baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ayay sidoo kale ku eedeeyeen in ay isku milmeen kuna dhaqaaqeen tallaabo ka baxsan dastuurka iyo shuruucdii lagu doortay. Madasha ayaa dhinaca kale ku baaqday in shir lagu samata-bixinayo dowladnimada Puntland ay isugu yimaadaan dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah. “Waxaan ku baaqaynaa shir lagu samata bixinayo dowladnimadda Puntland inay isugu yimaadaan dhamaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka Madasha. PUNTLAND POST The post Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland oo ka horyimid wax ka beddelkii lagu sameeyay Dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo kulan warbaahineed ku qabtay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa si yaab leh uga jawaabay su’aallo ay wariyeyaasha ka weydiiyeen waxa ka jira in xukuumadda Deni ay waddo qorshe muddo kororsi. Wasiirka ayaa su’aasha la weydiiyay u dhigneyd sidan; “Muddo xileedka idin hadhay waa shan billood, aragtida idinka duwan ee mucaaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada qabaan in muddo kororsi ku hoos duugan tahay tallaabadii uu qaaday baarlamaanka. ” Jawaabta uu wasiirka ka bixiyay oo u muuqatay mid uu isku dhaafinayo inuu si toos ah uga jawaabo su’aashaas ayaa waxa uu weerar ku qaaday wariyihii su’aashaas weydiiyay, isaga oo yiri; “Sharci aqoon la’aan ayaa ka muuqata adeer, in aad korto ayaa u baahan tahay. Doorasho ayaa lagu tartamay oo xisbiyo ayaa soo baxay, tallada ayay wax ku yeelanayaan ee badow ayaa tahay. Guddiga doorashooyinka ee Puntland ayay galayaan, haggida doorashada guddiga ayaa iska leh dowlad iyo baarlamaan shaqo kuma laha,” ayuu yiri. Wasiirka ayaa sidoo kale la weydiiyay su’aal u dhigneyd sidan; “Muddo xileed ayay xukuumadda leedahay bal inoo iftiimi mudada ay qaadan karto in la is waafajiyo nidaamka cusub?.” Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku jawaabay; “Marka Guddiga doorashooyinka Puntland la magacaabo weydii oo waxa ku tiraahda intee in le’eg ayaa doorasho ku qaban kareysaan?. Sii hayso su’aashaas yeyna ka fakan.” “Waa isbeddelay nidaamka, oo waxaa loo guuray qof iyo cod, adeer sharciga baro oo la soco nidaamka dowliga.” Ugu dambeyntiina waxaa markale la weydiiyay wasiirka “Wasiirka Warfaafinta adiga oo ah sow ma dhinna un in dadka tiraahdo Deni waa boqor caleemo saaray, maadaama aad diidan tahay doorasho in la galo.” Waxa uu ku jawaabay wasiirka sidan; “Boqornimada miyaa ku haysata? Madaxweyne wuu yahay oo waa boqor dhalasho ahaan, madaxweynaha Puntland ayaa loo doortay isaga masuul ka ah jiheynta siyaasadda, jiho cusub ayuu furay. Marka hadal suuqiga naga daaya muddo kororsi iyo waxa ka sheekeynaysaan.” Hoos ka daawo muuqaalka Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: iPhone: Halkan Click sii Android: Halkan Click sii The post Daawo: Puntland oo si yaab leh uga hadashay damaca muddo kororsiga, “Deni waa boqor” appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee maleeshiyada Daacish ee Soomaaliya. Cabdiweli Maxamed Yuusuf ayaa lagu eedeeyay inuu kaalin muhiim ah ka qaaday gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibta ah, saadka iyo saanad kale oo ay Daacish u soo wakiilatay. “Maanta Xafiiska Ilaalinta Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf, oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee ururka Daacish ee fadhigeedu yahay Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda Maaliyadda Mareykanka. Qeybtii hore ee sannadii 2022 iyo 2021, Daacishta Soomaaliya ayaa qaadday lacag lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doollar, taas oo ah lacago baad ah oo ka aruursatay ganacsiga iyo gacansatada gudaha, soo dejinta, daaqsinka iyo beeraha, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda Mareykanka. Tallaabadan ayaa Mareykanku ku tilmaamay inay muujineyso ‘taageerada Maraykanku u hayo saaxiibadiisa dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga maalgelinta argagixisada iyo xoojinta amniga qaranka iyo gobolka.” PUNTLAND POST The post Maraykanka oo cunaqabateyn ku soo roogay Madaxa Xafiiska Maaliyadda ee Daacish appeared first on Puntland Post.
-
The Kenyan government has confirmed a cyber-attack on a key government online platform. Source: Hiiraan Online
-
Deputy Prime Minister and Minister of State for Defence Affairs H E Dr. Khalid bin Mohamed Al Attiyah met on Wednesday with Minister of Defence of the Federal Republic of Somalia H E Abdul Qadir Mohammed Nur, who is currently visiting the country. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee maleeshiyada Daacish ee Soomaaliya. Cabdiweli Maxamed Yuusuf ayaa lagu eedeeyay inuu kaalin muhiim ah ka qaaday gaadhsiinta dagaalyahannada ajaanibta ah, saadka iyo saanad kale oo ay Daacish u soo wakiilatay. “Maanta (Khamiis) Xafiiska Ilaalinta Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf, oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee ururka Daacish ee fadhigeedu yahay Soomaaliya” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay waaxda Maaliyadda Mareykanka. Qeybtii hore ee sannadii 2022 iyo 2021, Daacishta Soomaaliya ayaa qaadday lacag lagu qiyaasay 4.5 milyan oo doollar, taas oo ah lacago baad ah oo ka aruursatay ganacsiga iyo gacansatada gudaha, soo dejinta, daaqsinka iyo beeraha, sida ay sheegtay waaxda Maaliyadda Mareykanka. Tallaabadan ayaa Mareykanku ku tilmaamay inay muujineyso ‘taageerada Maraykanku u hayo saaxiibadiisa dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga maalgelinta argagixisada iyo xoojinta amniga qaranka iyo gobolka.” Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Jabhad cusub oo kasoo horjeeda xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka dilaacday gudaha Somaliland. Sida ay muujinayaan muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, jabhaddan oo aad u hubaysan aya isku aruursaday buurta Gacan-Libaax ee deegaanka Go’dawayn oo u dhaxeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Maleeshiyaadkan hubeysan ayaa la sheegay inay deegaan ahaan kasoo jeedaan beel deggan aagga ay ku taallo buurta Gacan-Libaax, ayada oo todobaadyadii la soo dhaafay ay halkaas ku aruursanayeen ciidamo si ay u ballaariyaan cududooda ciidan. Jabhaddan oo ciidanka ay haysato tiradooda si rasmi ah weli loo xaqiijin ayaa la baxday magaca “Dulmi-diid”, iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Inkasta oo ay jabhaddu faah-faahin ka bixin waxay ula jeedo magaca ay la baxday ee “Dulmi-diidka”, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay ka gadoodsan yihiin arrimaha siyaasadda ee la isku hayo gudaha Somaliland oo ay ugu horreyso doorashooyinka, xilli ay dhawaan guddiga doorashooyinka ay soo saareen jadwal doorasho. Jabhaddan ayaa la sheegay in ay si iskooda ah wax uruursadeen, sidoo kalena ay taageero dhaqaale ay ka heleen qaar kamid ah qurbajoogta ay isku deegaanka yihiin, kuwaasi oo dibedda ka wadda olole dhaqaale loogu aruurinayo jabhadda farriisinta ka dhigatay buurta Gacan-Libaax. Sameysanka jabhaddan ayaa durba lagu eeedeyay xukuumadda Somaliland, ayada oo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu sheegay in sabab u tahay maamul xumada madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo keentay gadoodka dadkaan, sida uu ku sheegay qoraal uu soo saaray. Si kastaba, Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaaladdo is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka kusoo foodka leh maamulka, kaasi oo uga sii darey go’aankii dhawaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee uu ku sheegay in doorashada xisbiyada ay kasoo horeynayso midda madaxtooyadda. The post Maxay tahay jabhadda ka dilaacday Somaliland ee isku urursaneysa Gacan-Libaax? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa markii u horreysay shaacisay in ay soo iibsatay karfan, kadib cadaadis xooggan oo uga yimid kooxda Al-Shabaab. General Zakiya oo ka qeyb-gashay barnaamijka awoodda 5-aad ee ka baxa Dalsan Tv ayaa sheegtay in karfanta u soo iibsatay si aan marnaba dhimasnadeed ugu cabsi-gelin kooxda uu dagaalka kala dhaxeeyo ee Shabaab “Waxa aan soo iibsaday karfan, si aan dhimashada la iigu cabsi-gelin, taasi waxa ay ahayd khatartii u weynayd ee aan la kulmay,” ayey tiri General Zakiya Xuseen Axmed, Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay sheegtay in tiraba dhowr jeer ay ka bad-baaday isku-day dil, islamarkaana ay hanjabaadaha argagixisada mar ku kalifeen inay ka baxdo dalka, oo ay ku laabato magaalada London ee dalka Ingiriiska. “Labo jeer ayaan ka bad-baaday isku day dil anigoo Kornel ah, waxaana hay’adaha amniga ay isoo jeediyeen in aan 48 saacadood gudahood ah dalka kaga baxo, waxaana ku qasbanaaday inaan Ingiriiska ku laabto toddoba sano kadib, intaas kadib waxaan soo iibsaday Karfanta.” General Zakiya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay si gaar ah bartilmaameed uga dhigteen tan iyo 2019-kii, xilligaasi oo ay warbaahinta aad uga soo muuqan jirtay, iyada oo ka warbixin jirtay howl-gallada ciidanka. “Waa la isoo wacay sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa xiriirka la leenahay, khatar xooggan ayaa ku sugan tahay ayey idhaheen ee dalka ka bax, waxaa u tagay markaas Eng Yariisow AUN iyo Ducaale oo ahaa wasiirka amniga. Waxay dhaheen astaan qaran ee hadda naga dhimatid dhibaato waaye ee dalka ma ka dhooftid, kadib waxaa ku qasbanaaday in aan banaanka u baxo.” Waxay intaasi kusii dartay “Karfanteyda ayaa soo iibsaday, saddex siyaabood ayaa usoo iibsaday, kow in dhimashadeyda la igu cabsi galin, laba in aan soo xasuusto adduunyada waxay tahay iyo midda saddexaad oo ah in aan si kasto awood u leedahay in aad maradaas yar ayaa aduunka uga baxe.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Maxaa Jeneral Zakiya Xuseen ku kalifay inay soo iibsato karfanteeda? appeared first on Caasimada Online.
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ballan-qaad cusub u sameeyay dalalka Afrika ee qeybta ka tahay Soomaaliya, xilli uu dalkaasi ka furmay shir u dhaxeeya Ruushka iyo Afrika. Madaxweyne Putin ayaa u sheegay hoggaamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta waddamada Afrika in Moscow ay siin doonto qamadi iib ah ama bilaash ah waddamada ugu baahida badan, si looga hortago hubanti la’aanta cuntada caalamiga ah ee ay sababtay diidmada Ruushka ee dhoofinta qamadiga Ukraine ee mara Badda Madow. Putin oo ka hadlayay furitaanka shir-madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo laba maalmood ka socda magaalada St. Petersburg ayaa yiri “Waxaan horay u sheegay in waddankeenu uu bedeli karo qamadiga Ukraine, labadaba ganacsi ahaan iyo deeqaha dalalka Afrika ee u baahan.” Waxa uu hadalkiisa kusii daray “Waddankeenu wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo dawladaha iyo gobollada u baahan, gaar ahaan, gargaarka bini’aadantinimo.” “Waxaan raadineynaa in aan si firfircoon uga qayb qaadano dhismaha nidaamka qaybinta kheyraadka. Waxaan sameyneynaa intii karaankeena ah si aan uga hortagno dhibaato cunto oo caalami ah.” Laakiin, Aqalka Cad ayaa diiday sheegashada Putin ee ah inuu doonayo inuu xalliyo dhibaatada cunnada ee saamaysay waddamada ugu saboolsan adduunka. Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Putin looga fadhiyo inuu madaxda Afrikaanka u sheego inuu sabab u yahay caqabadaha nololeed ee xilligaan wajahayaan. “Waxaan rajeynayaa inuu u sheego, ‘Aniga ayaa sabab u ah sababta qiimaha cunnada uu u kacsan yahay. Aniga ayaa sabab u ah inaad dhibaatooyin badan kala kulmi doontaan gaajada, iyo helidda cunto iyo hadhuudh wadamadiina.’” The post PUTIN oo ballan-qaad muhiim ah u sameeyay dalal ay ku jirto Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
