Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa joojiyay taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray dalka Niger, iyadoo Mareykanka uu ku hanjabay in uu tallaabadaasi oo kale uu qaadi doono ka dib markii hogaamiyeyaasha militariga ay afgambiyeen madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay, Mohamed Bazoum. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger Mohamed Bazoum iyo in la soo celiyo nidaamka dimuqraadiga ah ee dalkaasi. Hogaamiyeyaasha afgambiga sameeyay ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in General Abdourahamane Tiani uu yahay madaxa dowladda. Dalka Niger oo ka mid ah wadamada ugu saboolsan caalamka, ayaa sanadkii hela ku dhawaad 2 bilyan oo doollar oo kaalma dhanka horumarinta ah sida uu sheegay Bangiga Aduunka. Niger waa saaxiibka muhiimka ah ee dhanka amniga ee wadamada reer galbeedka sida Faransiiska iyo Mareykanka, kuwaas oo isticmaalla saldhigyo Niger ku yaalla si ay u xakameeyaa kacdoonka Islaamiyiinta ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ee gobolka Saaxil. Maraykanku waxa uu Niger ku leeyahay laba saldhig oo millatari oo ay joogaan ilaa 1,100 (kun iyo boqol) askari, waxa kale oo uu dalkaasi ku bixiyaa boqolaal milyan oo doollar oo dhinaca ammaanka iyo horumarinta ah. Xulafada shisheeye ee Niger ayaa ilaa hadda diiday in ay aqqoonsadaan dowladda cusub ee milatariga ah ee uu hogaamiyo General Abdourahamane Tiani, oo hore u ahaa madaxa ilaalada madaxtooyada, kaasi oo saraakiishu ay Jimcihii ku dhawaaqeen in uu yahay madaxa Niger. Madaxweynaha la afganbiyay Bazoum ayaan warkiisa la maqal tan iyo Khamiistii markaasi oo uu ku xirnaa gudaha madaxtooyada, inkastoo Midowga Yurub, Faransiiska iyo kuwa kale ay sheegeen in ay weli u aqqoonsan yihiin inuu yahay madaxweynaha sharciga ah. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in afgambiga uusan saameyn ku yeelan gargaarkii ay geyn jirtay. The post Midowga Yurub oo tallaabo culus qaaday kadib afgambigii militari ee ka dhacay dalka… appeared first on Caasimada Online.
  2. Hargeysa- (Qaran news)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi inuu beesha Ciise Muuse ku guubaabinayo inay Berbera difaacdaan oo ay ka hortagaan jabhada buurta Gacan libaax galay. Boqor Buurmadow wuxuu beesha Gabiley Clan ugu baaqay inay ku soo dareeraan oo ay gacanta dalka ka qabtaan Muuse Biixi maadaama oo ay dhaqaalihii iyo awoodii gacanta ku hayaan. Waxaanu u mahadcelitay Cali Guray, Dhegaweyne, Xildhibaan Laab-saalax iyo Suldaan Xasan oo uu majeertay siday badhadhahooda uga dhiibtay hoggaaminta Muuse. Waxa kaloo uu ku dhaliilay beesha East Burco Clan inay labadii xil ee ay hayeen Komishanka iyo Guurtiddu ay khalad ku galeen. Sidoo kale Boqor Buur-madow wuxuu sheegay in xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI aanay waxba ka ogayn kooxda buuraha galay, waxaanu beesha West Burco Clan u soo jeediyay in aanay dagaal soo arkeen maanta lagu noqon karin 1994kii. Qaran News
  3. As part of its contributions to the development of African Literature, the Government of the Republic of Somaliland has pledged its support to the Pan African Writers Association (PAWA). This was the outcome of a recent courtesy visit by the Secretary General of PAWA, Dr. Wale Okediran to the Vice President of Somaliland, H E Abdourahman Abdillahi Ismail (Saylici) in his office at the Presidential Palace, Hargeisa, Somaliland. Dr Okediran, who was in Somaliland to attend the 16th edition of the Hargeisa Book Fair congratulated the country for its strong commitment to Education Independent ng Qaran News
  4. Guriceel (Caasimada Online) – Duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa galabta lagu soo bandhigay boqolaal askari oo ciidan Macawiisley ah, kuwaas oo u diyaarsan inay la dagaalamaan Al-Shabaab. Ciidankaas oo gaaraya 3,000 oo askari ayaa loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka wajiga labaad ee kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada dhexe. Dugsiga tababarrada ciidamada ee Harqaboobe oo ku yaalla duleedka degmada Guriceel ayaa lagu soo bandhigay ciidankaas oo aad u hubeysan. Guddoomiyaha degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin oo khudbad u jeediyey ciidankaas ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay qaadanayaan masuuliyadda ka saaran suurta gelinta sidii ciidankaan uu uga howl-geli lahaa deegaanada la qorsheeyey inay Shabaab ka xoreeyaan. Sidoo kale goobtii maanta lagu soo bandhigay ciidankaan waxaa ka soo muuqday saraakiil sare oo ka tirsan hey’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, kuwaas oo la aaminsan yahay inay soo abaabuleen ciidankaan ka socda dadka deegaanka. Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalyahanadaan galabta lagu soo bandhigay degmada Guriceel dhamaantood waxay ka soo jeedaan beesha Cayr ee Habargidir, waxaana la doonayaa inay qeyb ka noqdaan xoreynta Ceelbuur ee deegaanada kale ee gobolka Galgaduud. Ciidankaan cusub waxaa la sheegay in loo dhameystiray hubkooda, isla markaana dowladda Soomaaliya ay uga faa’iideysaneyso ka qeyb galka wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo dhawaan bilaabanaya. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa la sheegay in maalmaha soo socda ay u guurayaan Dhuusamareeb, halkaas oo dagaalka ay ka hoggaami doonaan. The post Sawirro: Beesha Cayr oo Guriceel ku soo bandhigtay 3,000 oo dagaalame + Qorshaha appeared first on Caasimada Online.
  5. The Hiiraan community in the UK gathered in a momentous conference in London to express their enthusiastic and resolute support for the creation of a new federal member state - Hiiraan State. Source: Hiiraan Online
  6. By: BBC Egypt’s president has urged Vladimir Putin to renew the deal allowing Ukraine to export grain at a summit the Russian president is hosting. Abdel Fattah al-Sisi said it was “essential” the deal be revived and called for an urgent solution to supply the poorest African countries. Russia quit the deal last week and has since bombed Ukraine’s Black Sea ports. Mr Putin says the West was not keeping its side of the bargain and has offered Russian grain to six African countries. He said Russia would deliver the grain for free. Egypt is a key buyer of grain via the Black Sea route and is particularly vulnerable to global food price shocks. In response Mr Putin insisted that rising food prices were a consequence of Western policy mistakes that predated the war with Ukraine. He also claimed the grain deal had not been getting grain to the poorest countries and said Russia was ready to provide its own grain to help avoid a “global food crisis”. Russia could provide Burkina Faso, Zimbabwe, Mali, Somalia, Central African Republic and Eritrea with 25-50,000 tonnes of free grain each in the next three to four months, he said. These six countries are all Russian allies apart from Somalia, which is suffering a severe humanitarian crisis. Since withdrawing from the deal, Russia has repeatedly bombarded Ukrainian ports and depots, destroying thousands of tonnes of grain. African leaders also used the second day of the summit to press Mr Putin to move ahead with a peace plan they are proposing to end the war resulting from Moscow’s full-scale invasion of its neighbour last year. The plan calls for Russia and Ukraine’s sovereignty to be recognised, urgent peace talks and continued unhindered grain exports. Congo Brazzaville President Denis Sassou Nguesso insisted it “mustn’t be underestimated”. Mr Putin said Moscow was looking at the plans, though Ukrainian President Volodymyr Zelensky has ruled out any plan that leaves Russia in control of territory it has seized. Russia’s invasion led to a blockade of the country’s Black Sea ports – trapping 20 million tonnes of grain which were meant for export. This caused world food prices to soar, and threatened to create shortages in Middle Eastern and African countries which imported significant amounts of food from Ukraine. The deal was struck in July 2022 between Russia and Ukraine – brokered by Turkey and the UN – allowing cargo ships to sail along a corridor in the Black Sea 310 nautical miles long and three nautical miles wide. Ukraine is one of world’s biggest suppliers of crops such as sunflower oil, barley, maize and wheat. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa siddeedii bishan July guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyay mooshin culus oo ku aadan la xisaabtanka iyo habsami u socodka howlaha baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada oo gaarayay illaa 30 Mudane ayaa saxiixay mooshinkaasi, una gudbiyay guddoonka sare, ayaga oo ka cabanayay jabinta xeer hoosaadka u yaalla baarlamaanka. Haddaba Xagee ku dambeeyay mooshinkii loo gudbiyay guddoonka Golaha Shacabka? Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen xildhibaanada ayaa sheegay in mooshinkaas ay si gaar ah uga wada-hadleen xubnaha keenay, isla-markaana ay arrinta si hoose u xaliyeen. Aadan Madoobe ayaa sidoo kale intaasi ku daray haddii ay jirto cid weli tabasho ka qabta arrintaas inay u imaan karto guddoonka, kadibna ay kala hadli doonaan. “Xildhibaanada mooshinka ii keenay waa wada-hadalnay, waana is afgaranay oo waan dhammeysanay, oo arrinta waa u fadhiisanay. Qof weli wax ka qaba haddii uu jiro wuu ii imaan karaa, waana ka wada-hadli karnaa” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Intaas kadib kadib qaar kamid ah xildhibaanada gudbiyay mooshinkaas ayaa ka daba hadlay guddoomiyaha, waxayna beeniyeen in si hoose loo xalliyay mooshinkooda. Xidlhibaanadaas waxaa kamid ah Xildhibaan Mukhtaar Saajid oo sheegay in guddoomiyaha laga rabo halka uu geeyay mooshinka ay u gudbiyeen ee isla xisaabta golaha gudihiisa. “Waxaan rabaa inaan caddeeyo weli inaan uga fadhino guddoonka mooshinkii aan u gudbinay ee ku saabsanaa, isla xisaabtanka baarlamaanka gudihiisa” ayuu yiri Saajid. Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray “Ma jirto meel aan gudoomiye Aadan Madoobe kaga wada-hadalnay mooshinkii aan usoo gudbinay”. The post Daawo: Xagee ku dambeeyay mooshinkii loo gudbiyay guddoonka golaha shacabka? appeared first on Caasimada Online.
  8. MIT scientists and colleagues have created a simple superconducting device that could transfer current through electronic devices much more efficiently than is possible today. As a result, the new diode, a kind of switch, could dramatically cut the amount of energy used in high-power computing systems, a major problem that is estimated to become much worse. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Todobaad kadib weli lama magacaabin guddi rasmi ah oo daba-gal ku sameeya weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo dhacay Isniintii lasoo dhaafay kaas oo lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku sugnaa xeradaasi. Xidlhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay arrintaan, isaga oo su’aal ka weydiiyay guddoonka sare ee baarlamaanka. Maareeye ayaa shaaca ka qaaday in dhacdadaan ay ka doodeen xildhibaanada, ayna isku raaceen in loo saaro guddi baarlamaani ah, balse illaa iyo hadda aan la dhisin. “Ficilkii argagixisada ahaa ee ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad, xildhibaano tobaneeyo ku dhow ayaa halkan ka hadlay, mooshina waa la keenay waxaa la’isku waafaqay in guddi baarlamaani ah loo saaro arrintaas oo la socdo sida sharciga qabo kormeera oo dabagal ku sameeyo baarista ficilkaas ka bacdi cid ka wada-hadashay lama arkin, guddigiina guddoonku ma soo saarin, marka arrintaas sidee wax u jiraan? ” ayuu yiri Maareeye. Intaasi kadib guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka jawaabay su’aashan, wuxuuna tilmaamay in guddoonku uu qaaday tallaabo wanaagsan, isla-markaana ay daba joogan sidii ay wax u dhaceen. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka ay kusoo celin doonaan natiijada, isaga oo sheegay in saraakiisha ay dadaalayaan, uuna socdo baaritaan rasmi ah. “Runtii tallaabooyin aad u wanaagsan waa la qaaday, annagana waa daba joognay, haddii weli guddi loo baahan yahay annaga ayaa dib isku sii arkeeno guddoonka haddii weli sidii baahida u taagan tahay waan sameyneynaa, haddii wax lagu qancay la qabtayne jawaab ayaa naga heleysiin” ayuu isna ku jawaabay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli uu socoto baarista weerarkii Al-Shabaab ee Kuliyadda Jaalle Siyaad oo la rumeysan yahay in kooxda lagala shaqeeyay qaraxaasi. Si kastaba, madaxda wasaaradda Gaashaandhigga oo maanta hortegay Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhacdadaas loo soo xiray 14 qof oo isugu jiro saraakiil iyo askar, kuwaas oo uu kamid yahay taliyihii maamulayay xerada la weeraray ee Kuliyadda Jaalle Siyaad. The post Maxay tahay sababta guddi loogu saari waayey weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad? appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT). Madaxaweynaha ayaa xubnaha guddiga ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee cuuryaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Al-Shabaab. Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada. Sidoo kale waxay kulankaan ka sheegeen in la daciifiyey awooddii argagixisadu ay u lahaayeen uruursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed oo si joogto ah ay dhaqaale uga qaadi jireen. Guddiga ayaa sheegay in tallaabada kooxda looga jaray dhaqaalaha ay aas-aas u tahay ciribtirka iyo dabargoynta argagixisada ka dagaalameysa Soomaaliya ku naaxday dhaqaalaha shacabka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah; 1 – Furinta dhaqaalaha, 2 – Tan fikirka 3 – Iyo dhanka milatariga, wuxuuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan. Dhanka kaale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS Xamse Cabdi Barre ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka. The post Sawirro: Maxaa ka soo baxay kulamadii Xasan Sheekh, hoggaanka NISA iyo guddiga…? appeared first on Caasimada Online.
  11. The service sector in East Africa has shored up the region’s economies, a trend that has been consistent since last year, led by Kenyan banks and pension funds and the Mauritius insurance industry. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka hor geeyey heshiis ku saabsan aas-aasidda ciidan ay ku mideysan yihiin wadamada Bariga Afrika. Wasiirka ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay inay ku biirto qorshaha lagu aas-aasayo ciidan heegan ah oo dalalka Bariga Afrika ay wada leeyihiin. “Waxaa jira isbedello waaweyn oo ku yimid hanaanka difaaca iyo amniga ee caalamka, dalkeenu wuxuu baahi u qabaa inuu xoojiyo iskaashiyada wadamada gobolka oo ka saacidi doona difaaca danaha qaranka,” ayuu yiri wasiir Jaamac oo is dul taagay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay heshiiskaas. Sidoo kale wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyey sida ay sharciyan Soomaaliya uga mid noqon karto heshiiskaan, isagoo carrabka ku adkeeyey in xukuumadda Soomaaliya ay awood u leedahay inay gasho heshiisyo noocaan ah. “Iskaashiga amni ee ka dhalanaya heshiiskaan hadii aad ansixisaan, waxaan ka faa’iidi doonaa:” 1 – Waxaa dowladaha qeybta ka ah ku waajibeysa inay fududeeyaan kaalmo difaac, hadii aan uga baahano. 2 – Wuxuu heshiiskaan abuurayaa fursad si wadajir ah loogu burburinayo argagixisada. 3 – Waxaan ka faa’iidi doonaa suuqa dhaqaale ee u gaarka ah wadamada ciidamada heeganka ah eeBariga Afrika. 4 – Heshiiskaan wuxuu dhameystirayaa iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya ay la yeelaneyso dalalka Bariga Afrika, taas oo aan la gaari karin iyadoo aan xal loo helin khataraha amni ee weli jira. “Hadii baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo heshiiskaan, waxaan awood u yeela doonaa inaan dalbano waxka bedel ama dib u habeyn lagu sameeyo,” ayuu yiri. Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay awood u leedahay inay ka baxdo heshiiskaan, hadii ay u aragto inuusan la jaan qaadi karin danaheeda. “Ujeedada heshiiskaan waxay ku kooban tahay ilaalinta danaha amni ee dalalka gobolkaan Bariga Afrika, sida ku cad qodobkiisa 3-aad,” ayuu yiri Wasiir Jaamac. Hoos ka daawo The post Maxaa dan ah oo Soomaaliya ugu jira dhismaha ciidanka cusub ee heeganka’ B/A? appeared first on Caasimada Online.
  13. Midowga Yurub ayaa hakiyay dhammaan wadashaqeyntii dhanka ammaanka ee ay la lahaayeen Niger ka dib markii ciidamada dalkaasi ay xukunka kula wareegeen afgambi. Tallaabadaan ayaa soo baxday xilli Maeykanka uu taageero u fidiyay madaxweynihii la afgembiyay ee Mohamed Bazoum,kaas oo loo arkay xulufo muhiim u ah reer galbeedka oo dagaal kula jira kooxaha argagixisada ah. Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in iskaashiga amniga iyo kaalmada miisaaniyadda ee lasiin jiray Niger la hakiyay. Midowga Afrika waxa uu ugu baaqay ciidamada Niger in ay ku laabtaan xarumahooda ama saldhigyada ciidan waxaana la siiyay muddo 15 oo ay ku soo celiyaan maamulkii ay afgambiyeen. Shalay madaxa qaybta ilaalada madaxtooyada Gen Abdourahmane Tchiani ayaa ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger. Waxa uu intaa ku daray in amni darro, dhaqaale xumo iyo musuq-maasuq ay u horseedeen inuu talada dalka la wareego. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo Xiriirka u jaray dalka Niger oo inqilaab Millatari ka dhacay appeared first on Puntland Post.
  14. Mogadishu (HOL) - At least 14 army officers, including the commander of the Jalle Siyad military academy, have been arrested in connection with Monday's al-Shabaab suicide bombing at the academy in Mogadishu, which killed at least 30 soldiers and left more than 70 others injured. Source: Hiiraan Online
  15. Badhasaabka Saaxil oo beeniyay in la Weeraray Berbera-Qaran news)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Case ayaa beeniyay in saaka lagu rasaaseeyay tuulada isku-dar oo u dhexaysa degmooyinka Go’da weyn iyo Sheekh, waxaanu tilmaamay in aanay wax dhibaato ahi ka dhicin deegaankaas. Badhasaabku wuxuu intaas ku daray in uu muddo joogay degmada Go’da weyn oo uu kula kulmay waxgaradka deegaanka oo uu kala hadlay in dadweynuhu aanay wax cabsi ah qaadin oo ay hawlahooda iska qabsadaan. Badhasaabka Saaxil wuxuu intaas ku daray in markii uu gaadhay tuulada isku-dar uu uga sii gudbay Sheekh isla markaana ay gabi ahaanba been abuur tahay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in jabhadii gashay buurta Gacan-libaax weerartay weftigii badhasaabku hoggaaminayey, Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa maanta kulankii golaha shacabka ku hor-weeraray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), isagoo sheegay in wax masuuliyad ah ama damqasho ah aysan ka heyno waxa ku dhacaya ciidamada qaranka. Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa baarlamaanka u soo jeediyey inay ka fiirsadaan in wasiirkaan uu sii heyn karo xilka, “Ninkaan markii uu nasoo hor isgaatay kama uusan tacsiyeyn, askartii lagu laayey kuliyadda Jaalle Siyaad, ma muujin wax jixin-jix ah, guddiga ku shaqada leh waxaan ka rabnaa in ninkaan ay na hor keenaan,” ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirka loo dhiibay wasaaradda gaashaandhigga uusan u qalmin wasaaradaas, isla markaana uusan ka damqan ciidanka maalin kasta ku dhamaanaya dhagarta Al-Shabaab. “In wasaaradaas nin iska cayaaraya loo dhiibo fool-xumo waxay ku tahay ciidamada qaranka, wasaaradda difaaca iyo dowladnimadeena, waxaan xildhibaanada u soo jeedinayaa inay ka fiirsadaan xilka uu hayo ninkaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid. Wuxuu sheegay in marar badan oo ka arkay warbaahinta wasiirka gaashaandhigga oo aan muujineyn masuuliyad, iskana cayaaraya, sida uu hadalkiisa u dhigay Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo maanta golaha ku hor weeraray wasiirka difaaca XFS. “Waxaan fiirsaday isagoo jooga Mesagawaa iyo Masaajidcali-gaduud oo qaraxyo iyo weerarro loogu geystay ciidanka, sidoo kale wasiir waxaan ku fiirsaday adigoo la socda madaxweyne Qoor Qoor oo Tiktok ka duubaya, isna uu ku leeyahay iga daa Tiktok muuqaalkeyga ha dhigine,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq. Wuxuu intaas ku sii daray in wasaaradda uu hoggaamiyo wasiirkaan ay tahay xasaasi, dalkana ay lafdhabar u tahay, “In wasaaradii Difaaca nin iska ciyaaraya loo dhiibo waa fool-xumo weyn,” ayuu yiri Cabdirisaaq Ciid. Ugu dambeyntii xildhibaankaan oo si caro leh u sheegay in wasiirkaan dhaqankiisa uu dhibsanayo ayaa baarlamaanka ka dalbaday in laga fiirsado masuuliyadda uu hayo wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaan si yaab leh fadhigii baarlamanka ugu weeraray wasiir Jaamac appeared first on Caasimada Online.
  17. “Somaliland halka ay maanta joogto waxa gaadhsiiyay Muuse iyo Saleebaan Gaal” CalI Guray Hargeysa- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa sheegay inay Somaliland talladooda meel xun ku dhigeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal). Cali Guray oo maanta u warramay Telefishanka Saab, waxa uu eedo kulul u jeediyay Muuse iyo Saleebaan waxaanu yidhi “Labada nin ee Somaliland halka ay maanta joogto gaadhsiiyay waa Muuse iyo Saleebaan Gaal oo aan qabo Somaliland inay talladooda ku jabayso. ninka qudha ee inoo hadhay waa Cabdiraxmaan Cirro oo labadooda kana garasho badan, kana daacadsan oo ka damiir wanaagsan.” “Waxaan leeyahay dhammaan isbeddel doonka Somaliland salaada ha ku xidhaan Cabdiraxmaan Cirro, hana sugaan mowqifkiisa, waxaan leeyahay taageereyaasha mucaaridka salaad bilaa iimaan ah lama tukadee suga,”ayuu yidhi Cali Guray. Cali Guray wuxuu sheegay haddii aan dalka loo gurman halka ay marayso inay u muuqato inay Somaliland dhammaad ku dhowdahay. “20 bilood ka dib lama hayo doorasho madaxtooyo iyo doorasho la isla ogol yahay, waxa dhexda la inanga soo tuuray doorasho Ururro la yidhaahdo oo aan xeer lahayn, Maxamuud Xaashigii ogolaadayna wax uu ogolaaday ma jirto, Faysal Cali Waraabe oo diidayna wax uu diiday ma jirto,”ayuu yidhi Cali Guray. waxa kaloo uu ka dayriyay dagaal labaad oo sokeeye haddii aan loo gurman dalka, waxaanu tilmaamay in gobolka Sool lix bilood uu ka socdo dagaal khasaare balaadhan iyo riiq reebay. “Xisbiyada mucaaridka gari Alle ayay taqaanaaye waa laga gardaran yahay, Garxajisna oo mucaaridka taageerana waa laga gardaran yahay, markaa haddii laga gardaran yahay waxa dhibaatadu noqotay in aanay jirin cid Muuse qabanaysaa,”ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf. Qaran News
  18. Buurta Gacanlibaax waxa ay leedahay goobo badan kala gadisan sida jeex jeexyo,good durduro,banaano ay xitaa fadhiisan karaan diyaaradaha yar yari qalcado dhaadheer oo wixii ka dhacaa aan dib loo arkayin kuwaasi oo ay sii dheer yihiin dhufaysyo aan cidii gasha laga saari karin, sidoo kale waxa ku yaala beers wixii ka soo go’a dadka ku nooli ay quutaan iyo ta ugu mihiimsa oo dhul ay ku dhaqayiniin ugaadh kala jaad ah iyo xoolo faro badan iyada oo ay xagaasi ku nool yihiin dad reer guyraa ah oo haysta xoolo tiro badan Qaran News
  19. Waxa jira warar sheegaaya in dagaal ka dhex qarxay ciidamadda jabhada ah ee fadhigoodu yahay buurta Gacanlibaax iyo ciidamada xukuumadda ee daganaa agagaarkaasi. Waxa ay wararka rasmiga ah ee goobtaasi naga soo gaadhay ay sheegayaan in aan wax dagaal ahi aanu deegaanadaasi ka dhicin, waxa ay sidoo kalewararku sheegayaan in waftigii uu hogaaminaayay Badhisaabka gobolka Saaxil oo xalay u hoyday deegaanka Go’oda uu saaka u boqoolay xaga iyo deegaanka Sheekh, halkaasi oo ay wararku sheegayaan ay dhexda iska heleen ciidamo ka tirsan Jabhada hubaysan xagaasi oo sida la xaqiijiyay ay rasaas aan cidna wax ku noqon ay is wayaarsadeen ciidankii ilaalada u ahaa waftiga badhisaabka, xabadaasi oo qadar yar socotay waxa ku gurmaday odayda deegaanka oo xasladii caadi ku celiyay. Waxana ay waftigii badhisaabku ay u gudbeen deegaanka Sheekh iyaga oo bed qaba waxana ay la hadleen dadweynaha deegaankaasi iyaga oo u sheegay qiimaxa ay nabadu leedahay dadkana u sheegay in ay xukuumadda kala shaqeeyaan amniga Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay billowday isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, kuwaas oo loo adeegsado xog uruurinta, kadib howlgal ay ka fulisay gudaha waddanka Kenya. Arrintaan ayaa lagu ogaaday weerar ay kooxda ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Siraari ee gobolka Waqooyi Bari, kadib markii ay ciidamadu soo rideen diyaarad aan duuliye laheyn oo lahaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Diyaaradda ayaa la sheegay inay kooxda u adeegsaneysay uruurinta xogta ka hor weerarka ka dhacay deegaankaasi, sida laga soo xigtay saraakiisha laamaha ammaanka. Sidoo kale ciidamadu waxa ay toogasho ku dileen qof looga shakiyay inuu is qarxin rabay, kaas oo ku dhawaaday saldhigga ciidamada Kenya ee la weeraray. Dhacdadan ayaa muujineyso inay Al-Shabaab casriyeyeen howlgalkooda, isla-markaana ay bilaabeen isticmaala diyaaradaha yaryar ee Drones-ka, taas oo ah halis kale. Qubarada dhanka amniga ayaa dhankooda rumeysan inay suurtagal tahay in Shabaab ay diyaaradahan ku xirto walxaha qarxa ama hub kale, si ay ugu adeegsato weeraradeeda. Arrintan ayaa sidoo kale waxa ay kor u qaadeysaa wel-welka laga qabo in dagaalyahanada Al-Shabaab ballaariyaan howlgalladooda, taas oo halis ku ah Soomaaliya iyo dariskeeda. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, ayada oo beegsata xarumaha ciidamada iyo basaska mara gobolka Waqooyi Bari. Si kastaba, arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisa labaad, waxaana la filayaa inay ku soo biiraan ciidan horleh oo ka socda wadamada dariska, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya. The post Kenya oo soo riday diyaarad ay laheyd AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli ku howlan baaritaanka weerarkii is-miidaaminta ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay gudaha Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaas oo lagu beegsaday ciidamo ka tirsanaa kuwa Xoogga dalka. Weerarkan oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, isla-markaana ay sheegatay Al-Shabaab ayaa dhaliyay tuhun xoogan, ayada oo su’aallo adag laga keenay. Haddabe xaggee ayuu marayaa baaritaanka socda? Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Cabdifitaax Qaasim oo maanta hortegay Golaha Shacabka ayaa ka hadlay weerarkaasi, isaga oo shaaciyay xog ku saabsan baarista socota. Qaasim ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan askartii lagu dilay weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. “Xaaladihii dhacay waan ka tacsiyeyneynaa shuhadadii ku dhimatay, dhaawacana ilaahey ha u bogsiiyo” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan ay socoto baaris xoogleh, ayna wadaan laamaha amniga, sida talisyada Nabad-Sugidda, Booliska iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed. “Dowladda waa dowlad hay’addo kala duwan leh iyaga ayayna mareysaa oo baaraya Nabad-Sugidda ay kamid tahay, Booliska uu kamid yahay, taliska ciidanka Xoogga dalkana uu kamid yahay” ayuu sii raaciyay. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lasoo xiray illaa 14 xubnood oo isugu jiro saraakiil iyo askar, kuwaas oo uu kamid yahay taliyihii mas’uulka ka ahaa xerada la weeraray ee Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. “Qaar badan oo 14 ah ayaa loo soo xiray oo saraakiil iyo askar ay kamid yihiin oo uu ugu sarreeyo taliyihii goobta mas’uulka ka ahaa, baaristaas gacanta ayaa lagu haayaa, sabab loo qariyana ma jirto ” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay wasiir Cabdifitaax Qaasim. Weerarkii Kulliyada Jaalle Siyaad ayaa geystay khasaare lixaad leh, waxaana ku dhintay ku dhowaad 30 askari, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka mid ahaa ciidamada guutada 14-ka October ee Xoogga dalka, kuwaas oo fadhigoodu yahay magaalada Marka. The post Daawo: Saraakiil iyo askar horleh oo loo xiray weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad appeared first on Caasimada Online.