Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Murrashax Cirro oo ku soo Laabtay Hargeysa markii uu talooyin ka soo dhegaystay Taageereyaashiisa gobollada Bari Hargeysa(Qaran news) Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaanb Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa soo dhammaystay socdaal wada tashiya oo uu ugu baxay taageereyaasha xisbiga ee magaalooyinka Ceerigaabo, Caybaba,Burco iyo Berbera oo intaba uu kulamo albaabadu u xidhnaayeen la yeeshay. Waxaanu siduu hore u sheegay uu taladooda ka soo dhegaystay taageereyaasha iyo madaxda xisbiga WADDANI ee saddexdaas magaalo. Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Case ayaa xafiiskiisa ku qaabilay musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, oo socdaal saaka ku soo maray Berbera. Ka hor inta aanu ku soo laabsn Hargeysa galabta. Murrashax Cirro waxa lagu wadaa inuu maalmaha fooda innagu soo haya ka hadlo mowqifka xisbigiisa iyo xaaladda dalkaba. Qaran News
  2. Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in maanta mar kale ay kooxda hubeysan ee ku sugan Buurta Gacan-Libaax ee gobolka Saaxil ay afduub ka geysatay gudaha magaalada Daba-gorayaale ee gobolka Daad-madheedh. Maleeshiyaad ka tirsan kooxdan oo dhowaan kortay buurtaas ayaa laba gaari ka kaxeystay magaalada Daba-gorayaale, kuwaas oo ay laheyd Hay’ada Miino-baarista ee Hello Trust. Sidoo kale kooxdan ayaa qoryaha ka qaatay afar askari oo ku sugneyd xerada ay weerareen, sida uu shaaciyay taliska booliska ee gobolkaasi. Yaasiin Maxamuud Cabdi oo ah Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Daad-madheedh ayaa VOA u sheegay in kooxda uu ujeedkooda ahaa inay dhacaan khasnadda dowladda ee taalla halkaasi, kadibna ay wax ka wayeen, ayna u dhaceen xarunta kale oo ku xigta. “Ujeedooda waxa ay aheyd khasnadda dowladda inay dhacaan markii ay halkaas wax ka waayeen waxay tageen xarunta ku xigta, saddex askari oo xalay waardiye ahaa ayey qoryihii ka qaateen” ayuu yiri Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Daad-madheedh. Taliyaha ayaa xaqiijiyay in raggan hubeysan ay horay u afduubteen laba gaari oo ay xoog ku kaxeysteen, sida uu hadalka u dhigay. “Laba baabuur ayay sidoo kale kaxeeyeen oo kala ah baabuur weyn iyo baabuur yar,” ayuu sii raaciyay. Dhanka kale wuxuu intaasi ku daray inay rasaas fureen dableyda hubeysan, isla-markaana ay dhaawaceen hal askari, isaguna ay waxyeelo soo gaartay gaarigiisa. “Rasaas ayay fureen annaga 1 askari ayay naga dhaawaceen anniga gaariga waxaa ku yaalla dhowr xabadood intaas ayaa dhacday” ayuu mar kale yiri taliye Yaasiin Maxamuud. Waa markii labaad oo ay kooxdan afduub ka geysaneyso Somaliland, ayada oo horay u xirtaay 8 qof oo ay 2 kamid ah ay ahaayeen saraakiil, walow mar dambe laga soo daayay. The post Jabhadda ku sugan Buurta Gacan-Libaax oo afduub ka geysatay Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  3. Jabhadda Gacan-libaax oo ka Hadlay Baabuur ay soo Furteen Hargeysa(Qaran) Afhayeenka jabhadda la magac baxday dulmi diid ee buurta Gacan-libaax, Axmed Cali Haybe ayaa sheegay in ciidankiisu deegaanka Dabo-gorayaale ay ka soo fuliyeen hawlgal ay baabuur ku soo furteen. Waxa kaloo uu sheegay in ciidanka Xukuumadda ay isku haleeleen, isla markaana dhinacooda uu askari dhaawac fududi ka soo gaadhay, wuxuuna ka gaabsaday khasaaraha dhinaca kale. Afhayeen Axmed Cali Haybe wuxuu ugu baaqay Haya’adaha samofalka inay ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen maadaama oo sida uu sheegay meesha ay ka baxday dimuqraadiyaddii Somaliland. Xukuumadda Somaliland kama ay hadal dhacdadan oo baraha bulshada aad u haysatay saacadihii la soo dhaafay. Qaran News
  4. Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta kulan dheer la qaatay wefdi uu hoggaaminayey Safiirka Ingiriiska Ambassador Mike. Hoggaanka Xisbiga iyo Wefdiga Ingiriiska ayaa sida xoguhu tibaaxayeen waxa ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka cakiran ee Somaliland, xaaladaha nabadgelyo darro ee soo kordhay iyo xalka Laasacaanood. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka ayaa wajahaya kooram la’aan mararka qaar saameysa shaqada guud ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kulankii maanta oo uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee hindishe sharciyeedka hanti dhowrka guud ee qaranka ayaa ku dhowaaday inuu baaqdo, kadib markii la waayay kooram buuxa, taas oo keentay in saacado kale lagu daro, si ay xarunta usoo gaaraan xildhibaanada maqan oo qaarkood aad u soo daahay, kadibna sidaas ayuu ku furmay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka hadlay arrintan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xildhibaanada qaarkood ay gabaan waajibkooda. Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaanada qaar iyaga oo jooga Muqdisho aysan soo xaadirin kulamada baarlamaanka, balse ay tallaabo ka qaadayaan. “275 xubnood inaan ka weyno 140 waa nasiib daro, iyaga oo qaarkood magaalada joogaan, dadka fasaxa rasmiga ah ku maqan 50 kama badno” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay isla aadayaan xeer hoosaadka, si tallaabo looga qaado xildhibaanada iska maqan ee aan inta badan soo xaadirin kulamada baarlamaanka. “Haddii aan xeer hoosaadka loo hoggaansamin qof kasta rabitaankii iyo qiyaarkii ayada oo magaalada la joogo fasax la’aan la’iska maqnaado, taas macnaheeda wuxuu noqonayaa inaan la qadarineynin waajibaadka aan u dhaarana ee Ummadda Soomaaliyeed aan wakiilka uga aheyn” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Intaasi kadib guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa faray in golaha laga baafiyo magacyada xildhibaanada ka maqan shaqadooda. “Waxaan magacyadooda yeerineynaa xildhibaanada iska maqan shaqo la’aan iyo fasax la’aan isaga maqan si ay ogaadaan dadka ay metalaan” ayuu sii raaciyay. Halkan hoose ka aqriso magacyada xildhibaanada maqan oo uu golaha u akhriyay habdhowraha baarlamaanka Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux. 1-Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud 2-Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamuud 3- Xildhibaan Diini Cismaan Yuusuf 4-Xildhibaan Asli Cabdirisaaq Maxamed 5-Xildhibaan Faarax Yuusuf Cumar 6-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Ducaale 7-Xildhibaan Xuseen Xasan Maxamed 8-Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud 9-Xildhibaan Sahra Jaamac Cali 10- Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir 11-Xildhibaan Cumar Yuusuf 12-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 13-Xildhibaan Maxamed Cabdalle Axmed 14-Xildhibaan Aweys Saciid Cabdalla 15-Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Cali Cabdalla 16-Xildhibaan Maxamed Aadan Maxamed 17- Xildhibaan Farxiyo Maxamed Cabdi 18-Xildhibaan Madoobe Axmed Aadan 19-Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud 20-Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xasan 21-Xildhibaan Maxamed Cismaan Cumar, 22-Xildhibaan Isxaaq Maxamed Maxamuud, 23-Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan 24-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Jiley 25-Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali 26-Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed 27-Xildhibaan Saadaad Maxamed Nuur Caliyow 28-Maxamed Cabduqaadir Maxamed 29-Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) 29-Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib 30-Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed 31-Xildhibaan Yacquub Ismaaciil Yuusuf 32-Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale 33-XildhibaanIsxaaq Maxamuud Mursal 34-Xildhibaan Fardowso Cismaan Cigaal 35-Xildhibaan Ismcaaciil Cabdiraxaam Sheekh Bashiir 36-Xildhibaan Cali Maxamed Aadan 37-Xildhibaan Nuuradiin Cabdullaahi Coljoog 38-Khadra Maxamed Dukaale 39-Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi 40-Xildhibaan Maxamed Nuur Abuubakar 41-Xildhibaan Cumar Shariif Maxamed 42-Xildhibaan Cabdiwahaab Cabdi Cumar 43-Xildhibaan Cabdi Cabdi Ibraahim. The post Daawo: Aadan Madoobe oo shaaciyey magacyada xildhibaano carqalad ku ah… appeared first on Caasimada Online.
  6. Kenya on Monday marked the 25th anniversary of the bombing of the U.S. Embassy in Nairobi, the capital of Kenya, and demanded compensation by the U.S. government. Source: Hiiraan Online
  7. Hargeisa (HOL) - Somaliland President Muse Bihi Abdi convened a meeting with the leaders of various political organizations to accelerate the groundwork for the impending elections and reinforce public security in the self-ruled region of northern Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa ku warramaya in ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Hargeysa, kadib tallaabo ay maanta qaadeen labada xisbi ee mucaaradka, Waddani iyo UCID. Hoggaanka labada xisbi ayaa ka baaqday shir gaar ah oo uu ugu yeeray madaxweyne Muuse Biixi, kaas oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo muranka ka taagan. Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID oo ka hadlay arrintan ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta ay ku diideen dalabka madaxweynaha. Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday inay tashadeen labadooda xisbi, kadibna ay go’aansadeen in aysan ka qayb-gelin kulanka uu ugu yeeray Muuse Biixi Cabdi. Wuxuu ku eedeeyay inuu dib u dhigay Somaliland, isla-markaana uu galiyay xaalad adag oo hubanti la’aan ah, sida uu hadalka u dhigay. “Wax Muuse uu anaga maanta noogu yeedhaa ma jirto oo hadhay, ilaa iyo maalintii uu yimid xukunka, wixii ay Somaliland kusoo caano maashay, ee sharci ahayd, tanaasul iyo wadatashi wuu laabay” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID. Sidoo kale wuxuu sharci darro ku tilmaamay go’aankii guddiga doorashooyinka ee ay ku go’aamiyeen in lasoo hormariyo doorashada ururada, kadib la qaban mida madaxtooyada.. “Wuxuu daraato usoo sameeyay digreeto doorasho oo aan sharcina ahayn, sharcigeediina aanu samaysnayn” ayuu markale Faysal isaga oo ka hadlayay digreeto uu madaxweynuhu 7 August ku meelmariyay iyo jadwalkii doorashooyinka ee guddiga doorashadu soo saaray. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Somaliland ay ka taagan yihiin xaalado dagaal oo ay kamid tahay Laascaanood iyo dhalinyarada kortay buurta Gacan Libaax. The post Xiisadda Somaliland oo kasii dartay kadib tallaabo ay qaadeen mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  9. Hargeysa,(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in martiqaadkii uu u fidiyay madaxweyne Muuse ay ahayd ku tiiq-tiiqsi. Guddoomiyaha xisbiga UCID Wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa “Muuse wuu tashadee, Annaguna waanu tashanaynaa yaan hadhow la odhan Calaa gweel laayey,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, wuxuuna intaas ku daray “Kulankaas uu Muuse noogu yeedhay waxaan u arkaa tiiq-tiiqsi.” Guddoomiyaha UCID wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu digreeto ku soo saaray doorasho aan sharci ahayn, waxaanu yidhi “Muusow Biixi wuxuu digreeto ku soo saaray Doorasho aan sharci ahayn islamarkaana sharci aan loo haynin.” “Maalintii aanu samaynay bannaan-baxa, wuxuu Muuse damacsanaa arrinta Laascaanood ka dhacday inay Hargaysa ka dhacdo.” Eng. Faysal wuxuu sheegay inay deegaanka Dabogirayaale ay ka dhacday wixii ay ka digi jireen,wuxuuna yidhi “Dhacdada saaka ee daba-goriyaal waa bilawga wixii aan ka digayay.” “Doorasho ururro inay dalka ka dhacdaa waa xaaraaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe. Qaran News
  10. Wararka ka soo baxaaya dayblaydii saaka weerarka ku qaaday Dabagorayaale oo dhacda hawdka gobolka Daadmadheedh isla markaasina dhinaca galbeed xad kala leh gobolka Maroodijeex ayaa ay wararku xaqiijinayaan in ay ka danbeeyeen Jabhada gashay Buurta Gacanlibaax. Waxana wararku xaqiijinayaan in labada baabuur ee ay halkaasi ka soo afduubeen ay lahayd hay’ada miina baadhista ee Hallo trust, sidoo kale waxa ay 4 qori ka soo qaadeen saldhiga Booliska ee Dabogroyaale. Markii ay ay intaasi gaysteen waxa ay u sii mareen magaalada Oodweyne xagaasi oo ay shiidaal ka sii qaateen, xiligaasi ay shiidaalka qaadanayeen ay rasaas fureen waxana goobtaasi ku dhaawacmay laba qof oo uu ka mid yahay Maayarka Oodweyne in kasta oo dhaawaciisu uu fududyahy xaga sidoo kale dhaawaca askari goobta ka dhawaa uu soo gaadhay dhaawac fududi. Xoogaa markii ay sii maqnaayeen kooxda falalkaasi gaysatay ayaa waxa magaalada Oodweyne soo gaadhay ciidanka RRU. Qaran News
  11. At least six people were killed and 12 others were injured when a roadside explosion hit a minibus in southern Somalia on Wednesday morning, the local governor says. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ku jirto dowladda Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda geli doona marxalad cusub. Diyaar garow ciidan oo xoog leh ayaa ka jira gobollada dhexe, gaar ahaan magaalooyinka ku dhow caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Gulufkan cusub ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay in Al-Shabaab looga qabsado magaalooyin iyo deegaanno badan oo ay muddo dheer gacanta ku hayeen oo ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, si loo xaqiijiyo in si buuxda dowladda uga taliso dhulka ballaaran ee ku yaalla dacallada bari iyo Koonfur ka xiga Webiga Shabeelle. Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali “Doodishe” ayaa madal uu ka hadlayay ka sheegay in gulufkaan cusub “dowladdu u diyaarisay 15 kun oo askari”. Waxaa intaasi dheer maleeshiyaad qabaa’il oo ciidamadaasi ka taageeraya dagaalka, kuwaas oo lagu soo bandhigayay maalmihii lasoo dhaafay degmooyin ku yaalla gobolka Galgaduud. Maxay Dowladdu muhiim ugu aragtaa dagaalka Ceelbuur? Tan iyo wixii ka dembeeyay markii uu madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu u safray magaalada Dhuusamareeb Sabtidii, maqalka magaca Ceelbuur waxa uu noqday mid si weyn u qabsaday dhagaha shacabka ku nool caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka. Warbaahinta maxalliga ah waxay si toos ah u werinayeen “in gulufka ugu weyn ee dagaalka la qorsheynayo uu ku wajahanyahay magalada Ceelbuur” oo tan iyo 2017 ay maamulayeen Al-Shabaab. Ceelbuur waa degmo qaddiimo ah, taariikh fogna u leh sooyaalka ganacsiga dalka, sida la weriyay waxay dhisan tahay qarniyaal badan. Dadka ka faallooda amniga Soomaaliya ayaa qaba in dowladdu “ka daahday qabsashada Ceelbuur iyo deegannada ku dhow”. Dagaallamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan degmadaas ayaa awood u leh in ay dagaal ku qaadaan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, maadaama Ceelbuur ay hadda u muuqato mid istiraatiiji ah, marka loo eego joqoraafi ahaan halka ay ku taallo. Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga ee Eagle Ranges Services Cabdisalaan Yuusuf Guuleed ayaa Laanta Af-Soomaaliga ee VOA uga warramay muhiimadda dhulka ay hadda dowladdu dooneyso in ay kala wareegto Al-Shabaab. “Dowladda Soomaaliya waxay ahayd in bishii Jannaayo ama Feberaayo soo afjarto dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan dhulka ku teedsan Bariga Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgadud, muhiimad weyn ayuu leyahay seddex xagalka u dhexeeya, Dhusamareeb, Xarar-dheere, iyo Galcad, oo ay Ceelbuur, ku jirto. Sababtoo ah, waxaan ka aamisanahay in ay ku jiraan Ilaa lix kun oo dagaalamayaasha Al-Shabaab ah,” ayuu yiri Cabdisalaan. Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta in haddii Al-Shabaab laga qabsado Ceelbuur iyo dhulka ku hareereysan uu hoos u dhici karo khataraha dhanka amniga la xiriira ee ka jira Gobollada Dhexe iyo HirShabeelle, waxaa sidaasi VOA-da la wadaagay wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala. “Ceelbuur iyo dhulka ku hareereysan waa weli halka ay ku harsan yihiin Khawaarijta waxaan u aragnaa in ay caqabad ku yihiin amniga iyo xasilloonida dadka gobolkaan ku nool, sidoo kalana ay yihiin inta ka hartay gabagabada wejiga koowaad ee dagaalka, sidaas ayey hadda muhiim u yihiin deegannadaas,” ayuu yiri Al-Cadaala. Xaddidaadda xogta dagaalka iyo askarta Falanqeeyeyaasha amniga Soomaaliya ayaa qaba in dowladda dhexe iyo taliska ciidamada labadaba laga rabo in ay la yimaadaan qorshe weyn oo muhiim ah, kaas oo ku saabsan sidii loo xaddidi lahaa xogta dagaalka iyo askarta ka qeyb-galeysa intaba, taas oo haddii aysan dhicin wax badan horseedi karta, oo ay ku jirto inay yimaadaan fashil iyo dib u dhac badan. “Inkasta oo marxalad adag lagu jiro, waxa wanaagsan in dowladdu aad u xakameyso xiriirka iyo xogaha ciidamada furimaha ku jira, waxaan aaminsanahay in mar kasta ay jiri karaan kuwa is-qarinaya oo ku dhex dhuumanaya howlgallada socda oo xogta u dusinaya Al-Shabaab,” waxaa sidaasi yiri Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga Eagle Ranges Services Cabdisalaan Guuleed. Haddii Al-Shabaab laga saaro dhulka ku-xeeran degmada Ceelbuur iyo degmooyinka kale ee hoos yimaada Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, waxay khuburadu aaminsanyihiin in looga awood batay bartamaha Soomaaliya, laakiin waxay su’aali ka taagantahay suurta-glnimada in dowladdu waqti kooban dagaalkaasi kusoo afmeeri karto. W/Q: Abdiziz Ahmed Barrow, VOA The post Sababta Ceelbuur muhiim ugu tahay DF iyo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  13. Boqortooyada Midowday (UK) ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Turkiga si kor loogu qaado iskaashiga la xiriira wax ka qabashada socdaalka aan sharciga ahayn ee ay sameeyaan dadka tahriibayaasha ah. London ayaa ku dhawaaqday qorshahaan ,taasoo qayb ka ah isku day lagu dhimayo socdaalka aan sharciga ahayn,waxaana heshiiska ku jira dhismaha xarun cusub oo laga hirgalinaayo Turkiga,si labada dal ay u carqaladeeyaan shabakadaha dambiilayaasha ee abaabula safarrada sharci darrada ah. Labada dal waxay ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay inay iska kaashadaan wax ka qabashada dhibaatada iyo xoojinta iskaashiga ay la leeyihiin dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan dadka tahriibka ah iyo dalalka kale ee ay sii maraan. Dowladda UK ayaa si gaar ah cadaadis loogu saarayaa in dadka aan sharciga haysanin ay ka gudbaan kanaalka Ingiriiska. PUNTLAND POST The post Ingiriiska oo heshiis la galay Turkiga si wax looga qabto Tahriibta appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Ururadda Siyaasadda Ee U Tartamaya Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka. Madaxwenaha oo la Kulmay Ururrada Siyaasada markii Xisbiyada Mucaaridku Qaadaceen Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan ujeeddadiisu ahayd dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka la yeeshay ururada siyaasadda ee waddanka. Kadib markii labada xisbi mucaarid qaadaceen. Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu diyaar garoobi lahaa doorashada tartanka ururradda siyaasadda ee ay kusoo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee Tobanka sanno ee soo socda, waxa kale oo laga wada hadlay sidii ay xasilooni ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinku. Waxana gabi ahaanba baaqday kulan uu madaxweynahu uu isugu yeedhay xisbiyada qaranka ee hada jira, kadib markii ay kulankaasi qaadaceen xisbiyada Waddani iyo Ucid Qaran News
  15. Wararka ka imanaaya deegaanka Dabogroyaale ee xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya isla markaana dhacda dhanka bari hawd ee u dhaxaysa gobolka Maroodijeex iyo gobolka Daadmadheedh ayaa sheegaaya in dablay hubaysani ay xagaasi ka afduubeen laba baabuur oo mid lagu sheegay in uu ahaa Amblaas. Wararkale ayaa iyana sheegaaya in dablaydàasi ay dhowr qori ay ka qaadeen askar meel kangaroos ah ilaalinaysay, mana jiraan ilaa hada wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay xaga xukuumadda iyo kooxda weerarkani gaystay. Aaga ay jabhadani wax ka gaystay waa aag nabdoonaa oo aan laga filaynin in shufto noocani ka dilaacdo waana deegaan ay aad ugu badanyihiin dadka xoolo dhaqatada ah siiba feel ayaa ah kuwaasi oo aad u hubaysan waana deegaan kulaalaaya gobolada Maroodi jeex,Daadmadheedh iyo Togdheer Qaran News
  16. Ugu yaraan lix qof ayaa dhimatay, 12 kalena way dhaawacmeen kadib markii baabuur ay la socdeen uu qarax qabsaday, gobolka Shabeellada Hoose. Weerarkan oo dhacay subaxnimadii maanta oo Arbaco ah waxa xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre. Baabuurka uu qaraxu qabsaday ayaa marayey inta u dhaxaysa magaalooyinka Marka iyo Qoryooley. Dadka saarnaa baabuurka ayaa la sheegayaa inay dhammaantood rayid ahaayeen. Weli lama soo werin cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan sidoo kalena dowladdu kama hadlin. PUNTLAND POSY The post Qarax ay ku dhinteen dad rayid ah oo ka dhacay Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan ujeeddadiisu ahayd dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo amniga guud ee dalka la yeeshay ururada siyaasadda ee waddanka. Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu diyaar garoobi lahaa doorashada tartanka ururradda siyaasadda ee ay kusoo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee Tobanka sanno ee soo socda, waxa kale oo laga wada hadlay sidii ay xasilooni ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinku. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiis xasaasi ah oo ka dhashay dacwado ka dhan ah nin sixiroole ah oo sameeyay arrimo yaableh oo ku aadan kufsi, turufo iyo duubis muuqaalo anshax xumo ah. Ninkan oo lagu magacaabo Abuukar Maxamed Xasan Shooble, isla-markaana ah 52 sano jir ayaa waxaa horay gacanta kusoo dhigay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isaga oo gacanta kula jira ficil fool xun iyo sidoo kale gogol dhaaf. Baaris dheer oo ay sameysay xeer ilaalinta qaranka kadib ayaa waxaa lagu ogaaday in ay jiraan haween dhibane u ah ninkan, kuwaas oo uu kula kacay falal la xiriira kufsi iyo duubis muuqaallo anshax xumo ah, isagoo adeegsanaya teleefoonada casriga ah, waxaana dhibanayaasha uu ku sameeyay sixir, sida baarista xeer ilaalintu lagu sheegay. Xiis oo kasoo socotay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maxkamadda u shararxaday dhibaatooyinka kala duwan oo uu ninka u geystay dhibayaasha ”Waxay sheegtay falka ku dhacay, waxa lagu sameeyay iyo sida ay u dhaceen intaba maxkamaddu waa ay u xaqiijisay, mudane guddoomiye waxaa macquul ahayn oo caqli gal ahayn xaas la qabo carruur leh, guri sowj ka soo tooseysa in ay u bareerto mac sameyso haddana muuqaal in laga duubo ay ogolaato, markii la wareysanayay waxay sheegtay in markii ugu horeysay lagu shubay biyo, ka dib biyahaas marka lagu shubayna ogaalkeeda uu meeshaas ku tegay,”. ayay tiri. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dadka uu rabo inuu dhibaateeyo uu ka tixraaci jiray gawaarida dadweynaha, halka kuwa kalena uu teleefoonadooda ka helay baraha Bulshada ama Facebooka,, isaga oo dabagalayay muuqaalada la sheego in lagu caawinayo dadka masaakiinta ah. Wuxuu kadib dadka uu kala dego baabuurta uuu ku sameeyay waxa loogu yeero “Sixirka”, sida lagu soo bandhigay caddeymo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir. Eedeysanaha oo ka hor hadkay maxkamadda ayaa dhankiisa qirtay dambiga lagu soo eedeeyay, wuxuuna ka hadlay qaar kamid ah falalkii uu sameeyay. ”Mudane xeer ilaaliye aniga iyo ayada baabuurka mana iskula hadlin mana isku gacan qaadin, sida doraad ay sheegeysay ma jirto, marka aan baabuurka ka degtay ee aan dhulka degnay ayuu hadalka bilowday, sida Ilaahey ila ogyahay,” ayuu yiri eedeysanuhu. Dhanka kale Qareenka difaaca eedeysanaha ayaa wuxuu keenay dood ka duwan midda ay xeer ilaalintu soo bandhigeen, wuxuuna yiri ” Mudane guddoomiye, garsooreyaal ma jirto wax tusinaya eedeysanuhu inuu geystay sheegasho lagu sheegayo inuu dacadi sameeyay wax ka baxsan,” Xeer ilaalinta, ayaa waxay gaba-gabadii Maxkamadda ka codsatay in eedeysanaha lagu ciqaabo falalka foosha xun uu u geystay dhibanayaashan oo qaarkood joogay maxkamadda, inkastoo la qariyay magacyadooda iyo wajiyadooda, sababo la xiriira anshaxa. Maxkamadeynta ninkan ayaa muddo soo socotay, waxayna makaxmadddu ka yeelatay ilaa saddex fadhi oo kala duwan, ayada oo la horgeeyay dhibanayaasha, marqaatiyaal ay ka mid yihiin ehelada dhibanayaasha, qaar ka mid ah kuwii dhibka loo geystay, iyadoo xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu ku soo bandhigay dacwadda cadeyn ku filan inta ay howsha dacwadda socotay. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir GarsooreSaalax Cali Mxamuud ayaa gaba-gabada dacwaddan oo qaadatay waqti dheer ayaa soo saaray xukun, saddex qodob oo ka mid ah waxaa lagu helay inuu geystay eedeysanaha dambiyadii lagu soo eedeeyay, waxaana eedeysanaha lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah. ”Xukun maxkamadda, maxkamadda gobolka Banasdir qeybteeda ciqaabta waxay eedeysane Abuukar Maxamed Xasan Shooble ku heshay qodobka 398, faqraddiisa labaad, waxayna ku xukuntay 7-sano oo xarig ah, maxakamaddu waxay eedeysanaha sare ku xusan qodobka 403, faqraddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxaanna lagu xukumay labo sanno oo xarig ah, sidoo kale, maxkamaddu ku heshay eedeysanaha qosobka 496, farqaddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay hal sanno oo xarig ah, wadarta guud ee edeysanaha kagu xukumay waa 10-sanno oo xarig ah,”. The post Maxkamadda gobolka oo xukun adag ku ridday Sixiroole sameeyay arrimo yaableh appeared first on Caasimada Online.
  19. Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalim qeybna uu ka yahay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta Gaaray Magaalo madaxda Dowladd Goboledka Galmudug ee Dhuusamareb. Wasiirada Gargaarka,Cadaalada ee Dowladd goboleedka Galmudug,Odayaal dhaqan iyo Masuuliyiin kale ayaa Wasiirka Cadaalada iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ku soodhaweeyey Garoonka diyaradaha Ugaas nuur . Ueedka socdalka Masuuliyiintaan si gaar ah Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta ayaa daaran u kuur galida xaalada bini’aadanimo ee halkaas ka jirta,ka qeybgalka shir deg-deg ah oo looga hadlaayo xaaladaha bini’aadanimada,iyo ka hortaga Aafooyinka,iyo u diyaar garowga sidii gargaar deg-deg loo gaarsiin la haa deeganada dhawaan khawaarijta laga saari doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Howl-wadaag Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sameeyay ballan-qaad cusub oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo falalka lidig ku ah amniga. Guddoomiye Bashiir ayaa sheegay in uu abaalmarin siin doono qofkii soo dusiya macluumaad halis ku ah amniga degmada sida; Al-Shabaab, shaqsiyaadka ka ganacsada maandooriyaha iyo kooxaha ciyaal-weerada. Guddoomiyaha oo qeyb ka ahaa howl-gal ay xalay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho si wadajir ah uga sameeyeen ciidamada booliska iyo nabad-sugida Soomaaliya xaafado ka tirsan, ayaa sidoo kale sheegay in caasimada dalka iyo bulshada Soomaaliyeed leeyihiin saddex cadow oo isbiirsaday. “Saddex cadow ayaan leenahay oo Soomaaliya horumar ka gaari la’ dahay waxaana ay kala yihiin: Garan-waaga oo ah Al-Shabaab, daraagiska iyo ciyaal-weerada, cid soo adeegsatay ma naqaano,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho. Waxa uu intaas kusii daray “Si looga hortago aniga oo ah guddoomiyaha degmada ayaa ballan-qaadaya oo iigu imaanee xarunta degmada iyada oo aan la ogaan inaad tahay qofka maclumaadka nala soo wadaagay.” Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay shacabka Soomaaliyeed uga dalbaday inay sii joogteeyan kala shaqeyntooda amniga, si la iskugu helayn karo amniga caasimada, oo muddooyinkii dambe soo reysanayay. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa dhawaan meel fagaare ah ka sheegay in amniga Muqdisho uu reystay kadib markii toos loo abaaray halkii ay aheyd in laga raadiyo, sida uu hadalka u dhigay. “Sugida amniga caasimadda ee ku guda jirno meesha ay naga jirto ayaa fahanay, waxaa garwaaqsanay in amniga aan raadineyno ay naga jirto in shacabkeena adeegsano,” ayuu yiri Jeneraal Sulub Axmed Firin. Sababta horseedka u ah in amniga Muqdisho uu isbeddel ku yimaado ayuu ku sheegay inay tahay wada-shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga, “Iskaashiga iyo isxog-weydaarsiga bulshada iyo laamaha amniga ayaa iska leh sababteeda guushaasi.” Hoos ka daawo muuqaalka  The post Daawo: Maamulka gobolka oo abaalmarin u ballan-qaaday shacabka Xamar haddii ay… appeared first on Caasimada Online.
  21. Murashaxa iyo gudoomiyaha gobolka ayaa iska xogwaraystay xaalada guud ee dalka. Badhasaabka gobolka Saaxil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay waftigii murashax madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro oo hawlo shaqo u jooga magaalada berbera. Murashaxa iyo gudoomiyaha gobolka ayaa iska xogwaraystay xaalada guud ee dalka. Source
  22. Talks between the governing Kenya Kwanza and the opposition Azimio la Umoja coalitions to end political tensions over the rising cost of living and electoral reforms are due to resume. Source: Hiiraan Online