-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhalinyaro is urursatay ayaa caawa fiidkii dhagaxaan ku weeraray askar la soo dhigay isgoyska Warancadde ee bariga Hargaysa goobtaasi oo aan aad uga dheerayn xarunta Taraafikada. Ciudanka isgoyskaasi la dhigay ayaa iyaguna rasaas xoogan kaga jawaabay weerarkaasi shiidka ahaa ee ay dhalinyardu la beegsatay ciidanka goobtaasi loo soo dhigay amni ahaan. Rasaasta ay ciidanku ridayeen oo xooganayd ayaa badiba xaafadaasi iyo nawaaxigeedaba laga maqlaayay waxana ay argagax galisay dadkii waayeelka ahaa iyo caruurtii ku sugnaa guryaha. Ma jiraan wax khasaare ah oo goobtaasi ka dhacay ama ku dhaawacmay rasaasitii ay ciidanku ridayeen aakhirkiina ciidanku waxa ay ku guulaysteen in ay kala dareeriyaan dhalinyaradaasi gadoodsanayd Maanta galinkii danbe ayay ciidanka Boolisku kala dareeriyeen dhalinayro xoogan oo taayiro iyo dhagaxaan dhigay wadada kuwaasi oo doonaayay in ay dab qabadsiiyaan taayirada goob aan ka fogay Bandare Hotel oo dhaca dhinaca bari ee Hargeysa xaafdaha kale ee Hargeysa ayaa iyagu degan oo aanay jirin wax rabshad ah oo ka dhacay Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Hodan ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo maanta nin ganacsade ahaa ku dilay magaalada Muqdisho. Ciidanka Booliska ayaa la sheegay inay ninkaasi ka daba taggeen, wax yar uun ka dib markii uu toogasho ku dilay ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Isaaq Aadan Cali (Garow). Wararka ayaa sheegaya in ganacsaduhu uu la dhashay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax), kaas oo la weeraray wax yar uun ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid uu Salaaddii Jimcaha ku soo tukaday. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in rasaas ay furayn Ciidanka Booliska uu ku dhaawacmay ninka gacanta lagu hayo. Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dembiilaha la horgayn doono sharciga, si loo waafajiyo caddaaladda. Dhanka kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ganacsadaha. Is bedel dhanka amniga ayaa tan iyo bishii April laga dareemayay Caasimadda Muqdisho, inkastoo maleeshiyada Al Shabaab ay isku dayayaan falal ay ku qalqalgelinayaan ammaanka magaalada. The post Shabaab Muqdisho ku dilay ganacsade caan ah, oo isla markiiba la qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Kaahin, Dabagale iyo Cirro Jabhadda buurta Gacan-libaax ayaa maanta dilay 9 askari oo ka tirsan booliska Somaliland, halka ay dhaawaceeen 17 kale, kaddib dagaal maanta ka dhacay deegaanka Go’da yar ee gobolka Saaxil, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha booliska maamulkaas Gen. Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale). Taliye Dabagale ayaa sheegay in ciidankaas weerar jidgooyo ah lagu laalay, wuxuuna xusay in aanay qabin amar ah in ay dagaallamaan, balse wixii hadda ka dambeeya ay haystaan amarka ah in ay jabhaddaas la dagaalamaan. “9 askri ayey dileen, 17 kalena waa dhaawaceen, caawa laga bilaabo waan ka dagaallamaynaa awal ma haysan amar” ayuu yiri taliye Dabagale. Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa ku eedeeyey musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro inuu isagu jabhadda buurta saaray, Kaahin oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay arrintaas caddaynteeda xukuumadda Somaliland hayso. Isla caawa waxyar uun ka hor hadalka wasiir Kaahin, waxaa isna warbaahinta ka hadlay musharax Cirro oo Xukuumadda Muuse Biixi ugu baaqay in ay nabadda fursad siiyo ayna ka soo qaaddo ciidanka ay jabhadda dul-geysay, halka jabhaddana uu uga baaqay in ay qoriga dhigaan. PUNTLAND POST The post Somaliland: Jabhadda buurta Gacan-libaax oo dilay 9 askari, 17 kalena dhaawacay appeared first on Puntland Post.
-
Maxaas (Caasimada Online)- Abaabul dagaal oo xoog leh, kuna wajahan degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa ka socda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Saacadihii lasoo dhaafay ciidamo deegaanka ah oo aad u abaabulan ayaa lagu soo bandhigay degmada Maxaas, kuwaas oo u diyaarsan inay Al-Shabaab ka xoreeyaan Wabxo. Sidoo kale, kulamo looga arrinsanayo howlgallada ka bilaabanaya furimaha aagagga Wabxo iyo Galcad ayaa ka socda degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe. Taliyihii hore ee ciidanka Danab, Gaashaanle Cabdimaalik oo hadda hoggaaminaya guuto ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay inuu hoggaaminayo howlgalka lagu xoreynayo Wabxo. Dagaalka la doonayo in Al-Shabaab looga xoreeyo Galmudug ayaa leh dhowr furimood, waxaana kooxda la doonayaa in laga weerarro dhowr jiho oo kala ah, Maxaas, Galcad, Ceeldheer, Xarardheere iyo Dhuusamareeb. Howlgallada ayaa shalay ka bilowday Galgaduud, iyadoo duqeyntii ugu horeysay laga fuliyey degmada Galhareeri. Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay aad loogu duqeeyey Galhareeri, halkaas oo lahu beegsaday seddax xarumood oo waaweyn, dagaalyahano badan ayaa la sheegay in kooxda looga laayey duqeyntaas. Sidoo kale Dhuusamareeb waxaa ka socda abaabulkii ugu xooganaa oo Maxaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasime Mahad Salaad ay horkacayaan, waxaana lagu wadaa in ciidamada dowladda ay dhawaan weerar toos ah ku qaadaan degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur oo xudun u ah kooxda. The post Xog: Abaabul dagaal oo ka bilowday Maxaas iyo halka lagu wajahan yahay appeared first on Caasimada Online.
-
Mudaharaad ka dhacay Ceerigaabo Ceerigaabo(Qaran news)- Mudaharaad ayaa ka bilaabmay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Mudahaardkan oo ka dhacay badhtamaha magaalada Ceerigaabo, waxaanay soo rideen boodhadhka xisbiga KULMIYE ee ku yaallay shaaricyada magaaladaasi. Ilaa imika la soo aheegin wax khasaare ah oo mudaharaadkaas ka dhashay, waxase la sheegay in magaaladu kacsan tahay. Mudaharaadyadan ayaa laga soo horjeedaa dagaalka maanta ka dhacay Go’da yar oo isna sababay khasaare ballaadhan oo labada geesoodba ah. Waxana iska hor imaadkaasi u dhexeeyay ciidammada dawladda iyo jabhada gashay Buurta Gacan-libaax. Qaran News
-
Kenya and Somalia on Wednesday signed a bilateral air services agreement that will see their airlines increase the frequency of travel in both countries. Source: Hiiraan Online
-
Meydadka 23 qof oo muslimiinta Rohingya ah oo ka baxsanayay gobolka Rakhine ee dalka Myanmar ayaa la soo saaray, kaddib markii ay la degtay dooni yar oo ay la socdeen. 30 kale ayaa wali la la’yahay, halka 8 qofna lagu soo waramayo in ay ka badbaadeen shilkaasi,waxaana dadka rakaabka ah ee la socday doontaasi ay ahaayeen dhowr iyo konton qof. Dadkaasi muslimiinta ah ee ka soo jeeda Mayanmaar ayaa la sheegay in ay ku socdeen Maleesiya.iyagoo ka ka baxsanaya cadaadiska Myanmar iyo xeryaha qaxootiga ee Bangladesh. Sannad kasta kumannaan Rohingya ah ayaa isku daya safar halis ah oo loo marayo dhanka badda ,iyadoo ujeedku yahay in ay gaaraan Malaysia ama Indonesia. Muslimiinta Rohinga waa qowmiyad laga tiro badan yahay ,waxana qaar badan oo ka mid ah dadkaasi u qaxeen Dalka Bangladesh sanadkii 2017-kii si ay uga baxsadaan olole xasuuq ah oo ay geysteen militariga Burma. Muslimiinta ku haray Myanmar ayaa sidoo kale isku dayayay in ay baxsadaan halkaasi laga soo bilaabo afgambigii militariga ee 2021-kii illaa hadda. Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda oo Sheegtay inay Baadhitaano Ku Sameynayso Dhacdadii afduubka Gaawaadhida Halo Trust Ah Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda ayaa shaaca ka qaaday inay Baadhitaano Ku Sameynayso Dhacdadii afduuvbka Gaawaadhida Halo Trust Ah War saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibeddu soo saartay Khamiistii ayaa lagu sheegay in maalintii Arbacada ee 9-kii August, ay laba baabuur oo hay’adda Halo Trust lahayd iyo mid ka mid ah darawaladii ay dabley aan la garaneyn ay afduubteen, xilli ay u socdaalayeen gobolka Daadmadheedh, nasiib wanaag ma jirin cid kale oo falkaa masuul ka ahayd, waxaana maalin ka dib la sii daayey darawalkii. Ciidamada ammaanka oo ay weheliyaan ciidanka booliska deegaanka ayaa wada baadhitaan la xidhiidha dhacdadaa, waxaana xukuumadda ka go’an in ay cadaaladda horkeento dadkii ka dambeeyay falkaas. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u xaqiijinaysa dhammaan muwaadiniinta iyo hay’adaha ajaanibka ah in arrinkaasi ahayd dhacdo ugub ah, oo ka dhacday waddo ammaan ah oo ay maalin kasta kumanaan qof isticmaalaan. Qaran News
-
Boorame(Qaran news)- Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa socdaal ku jooga Boorame. Weftiga Nurrashax Cirro waxa ay maanta kulamo albaabadu u xidhan yihiin oo wada tashi ah la yeeshay masuuliyiinta iyo taageereyaasha WADDANI. Waxa ilo wareedtadaasi sheegeen in kulamada weftiga Cabdiraxmaan Cirro ay socon doonaan ilaa caawa isla markana uu talada madaxda xisbiga ka dhegaysan doono. Wadahadalkan ayaa diirada lagu saarayaa khilaafka arrimaha doorashooyinka ee ka taagan dalka. Waxaanu qayb ka yahay kulamadii uu hore taageerayaashiisa magaalooyinka Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Caynaba ula soo yeeshay. Qaran News
-
Dagaalkii maanta ka bilaabmay deegaanka Go’oda yar ayaa istaagay deegaankaasina waxa ku soo laabatay xasiloonidii. Inkasta oo khasaare jiro wax war ahi kama soo bixin xaga xukuumadda iyo jabhada ka soo hor jeeda ee buurta Gacanlibaax Qaran News
-
Mudaharaad maanta ka Dhacay Burco iyo Boodhkii KULMIYE oo Dhulka la soo Dhigay Hargeysa(Qaran news)-mudaharaad lagaga soo horjeeday Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ayaa ka dhacay magaalada Burco. Mudaharaadeyaasha ayaa ka soo horjeeda iska hor imaadka maanta ka dhacay deegaanka Go’da weyn ee gobolka Saaxil, halkaasi oo ay isku haleeleen jabhadda gashay buurta Gacanlibaax iyo ciidammada RRU-da. Dadweynaha mudaharaadyada ks dhigay Burco ayaa dhulka soo dhigay boodh weyn oo ku yaalay agagaarka siiriiga Burco kaasi oo ay ku qornaayeen shirweynaha golaha dhexe ee xisbul-xaakimka KULMIYE ku qabsanayo 20ka Bishan Magaalada Burco. Ciidanka booliska ayaa dhallinyaradaas gadoodsanayd kala kaxeeyay markii ay rasaas ku fureen. Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay mudaharaadkaasi. Qaran News
-
Dhalinyaro ayaa isugu soo baxday bariga Hargeysa gaar ahaan aaga baar Waraabe waxana ay xagaasi dhigeen taayiro iyo dhagaxaan, xoogaa kadibna ciidamadda booliska ayaa dhalinyaradaasi kala dareerisay goobtaasina waxa la wareegay ciidanka booliska oo goobtaasi ku sugan Dhanka kalena waxa magaalda Buro mudaharaadkaasi oo baaxad lahaa waxa uu socday in mudo ah Qaran News
-
Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo Cadaado uga qeyb galay xaflad sanad guuro ah oo golaha deegaanka degmadaas ay dhigteen ayaa ka hadlay carruurtii dhawaan lagu laayey deegaanka Kaxandhaale ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Saadaq Joon ayaa sheegay in dhibaato xoog leh ay ka dhalatay carruurtii lagu laayey ay laayeen maleeshiyaad ka tirsan beeshiisa. “Ilmihii lagu laayey meeshaan waa dhinteen, laakiin ilmihiina ayaa u ciqaaban maanta, dadka miyaga jira ilmahooda hadda waa la ilaaliyaan, si aan looga aarsan dhibaatadii aad geysateen,” ayuu yiri Saadaq Joon oo la hadlaayey dadka reer Cadaado. Wuxuu intaas ku sii daray in carruurta beesha Saleebaan ee ku nool miyiga hadda lagu waardiyeeyo qoryo, isla markaana laga saaray dugsiyadii ay dhiga jireen, iyadoo cabsi laga qabo in laga aar guto. “Carruurtii waa disheen, laakiin ciqaab adduun ayaa idinka idin heysata, raggii dilay magacyadooda waa lasoo qoray ee la wadaaga hey’adaha amniga si loo soo qabto idinkuna aad uga nasataan carruurtaan aad qoryaha ku waardiyeyneysaan,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay in Galmudug iyo DF ay soo qaba doonaan raggii dhibkaas geystay, “Hadaa qarsatii ragaas cadaaladu waa kala dheeraa kartaa, laakiin hadaa hey’adaha amniga ku garabsiisaan waa ka baxaysaan dhibkaan.” Danta dadka reer Cadaado wuxuu sheegay in aysan ku jirin in sidaan lahu sii jiro, “U daneeya carruurtiina qoryahaan aad ku waardiyeysaan idinku intaa iska dili la heydeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saadaq Joon. Galmudug ayaa ciidan u dirtay raggii dilay carruurta si loosoo qabto, hadda waxaa socda baadi goobka kooxdii dishay carruurtaas oo gaareysay shan carruur ah oo dugsiley ah. The post Saadaq Joon oo shaaciyey ciqaab ka dhalatay carruurtii lagu laayey Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaalo culus ayaa laga soo sheegayaa Go’odda yar kuwaasi oo in saacado ah socday sidoo kale dagaal cusub ayaa isna laga soo sheegayaa aaga Go’odda weyn oo isagu sida la xaqiijinaayo hada bilaabmay. Ma cadda ilaa hada sida uu dagaalkaasi ku bilaabmay waxana warar goobta laga helayaa sheegayaan in dagaaladaasi ku bilaabmeen markii ciidamada dawladu ay isku dayeen in ay u guuraan aag ku dhow buurta Gacanlibaax oo saldhig u ah jabhada dhawaan halkaasi isku urursatay. Khadka telefoonada ee aagaasi ayaa is jaraaya marka aad garaacdid mar marka qaarkoodna mashquul ayay sheegayaan. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xaga xukuumadda iyo sidoo kale jabhada Gacanlibaax. Wixii war ah ee soo kardha halkani kala soco Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa markale ka hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo sababta ka dambeysa in tobankii sano u dambeeyay laga adkaano waayo kooxda. Madaxweynaha ayaa shaaciyay in aysan jirin sida hadda oo kale siyaasad cad oo Soomaalida iskaga kicinayaan Shabaab, balse lagu shaqeyn jiray laba aragti oo ajnabi soo waariday, kuwaasi oo xoogga saari jiray “sidii awooda kooxda uga tallaabin dalalka deriska iyo adduunka intiisa kale.” Sababta ugu weyn ee dagaalka Shabaab loo dhaqaajin waayay ayuu madaxweynaha ku sheegay, “Haddii siyaasad cad la iman weynay waa naloola imid, Shabaab waxay leeyihiin ajande caalami ah, sidaas daraadeed waxay saaxiibadeen caalamiga ah gaareen laba siyaasadood oo mid isku ah.” Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaab sanadihii lasoo dhaafay lagula dhaqmayay siyaasadda ah in marka ay soo dhaqaaqan dib loo riixo, oo halkooda lagu hayo iyo in hoos loo dhigo awoodda Al-Shabaab, iyada oo la dilayo madaxdooda, lana cuna-qabateynayo, taasi oo wax weyn ka goyn dagaalkooda. “Labadaas siyaasadood ayaa shaqeyn jiray, siyaasadahaas khasaare ma aheyn laakiin Shabaab niman dhib badan waaye, argagixisada oo dhan meel kasta oo ay joogto haddii meel xoogga laga saaro siday uga meeraystaan oo meel kale u aadan ayay yaqaanan, haddii madax la dilay madaxdii hore kuwa kasii xagjirsan ayay soo saareen. Marka siyaasadahaas waxay sababeen in Shababa baabi’iin waayan.” Sidoo kale waxa uu sheegay in daraasad ay sameeyeen kooxdiisa intii ay banaanka joogeen usoo baxday in Shabaab militari keliya ku filneyn dagaalkooda, sidaas darteedna ay laba furin oo kale ku fureen, oo ah dagaalka fikriga ah iyo midka dhaqaale, oo si weyn loogu wiiqay dhaqaalihii ay ka heli jireen ganacsatada. “Waxaa noo soo baxday in Shabaab dagaal milatari bas ku filneyn ayaa noo soo baxday oo loo baahan yahay furimo kale oo milatari aheyn in lagu furo, waxaa soo dejinay siyaasad saddex tiir ku saleysan oo ah tii milatariga aheyn in lasii wado oo lasii xoojiyo, in dagaal fikri lala galo iyo tiirka saddexaad oo ah dagaalka dhaqaale.” Waxa uu intaas kusii daray “Umad sideedaba haddii ay go’aan gaarto waxkasta ayay sameyn karto oo wax walba oo ka maqan waa heli kartaa, Shabaab in aan iska xoreyno anaga ayay nagu xiran tahay waa cadeyna haddana waa u taaganahay waan iska xoreynaynaa.” Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dardar xooggan ku wada dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo dhawaan madaxweynaha u degay Dhuusamareeb, si kooxda looga xoreeyo deegaanada ay weli kaga harsan yihiin maamulka Galmudug. The post Sababta sanadihii hore looga adkaan waayay Shabaab iyo isbeddelka maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada abaabulka duullaanka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. Duullaankaan oo dowladdu ay horumuudka ka tahay ayaa qorshuhu yahay in lagu xoreeyo deegaannada ay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab weli kaga sugan yihiin maamulka Galmudug. Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada Galmudug iyo dhallinyaro. Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa kulamada joogtada ah ee wasiirku la yeelanayo qeybaha bulshada ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya xoreynta oo ay kamid tahay in dhammaan bulshadu ay wadajir uga qeyb qaadato howl-galka, si dadka deegaanku ay u gaaraan horumarka ay u baahan yihiin. Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug, isagoo kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka looga xoreynayo Al-Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha cirib-tirka Khawaarijta, isaga oo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyi-gelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga ciidama qalabka sida. Xasan ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay Shabaab, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka iyo taageridda dowladda. Sidoo kalena ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta ciidanka qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna. Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa dhankooda ballan-qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira-dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada. Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug waxay sheegeen in muhiimad gaar ah ay siinayaan nabadda ay u baahan tahay bulshada Galmudug oo hadda dowladda dhexe ay diyaar ula tahay inay ku garab siiso. Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore. Si kastaba, Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa shalay billowday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo, kaasi oo kooxda looga saarayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulkaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay kulamada Dhuusamareeb iyo abaabulka ka socda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalim Fiqi ayaa si weyn loogu weeraray dagaal uu sheegay in uu la galayo kuwa baraha bulshada ku buun-buuniya jabka soo gaara ciidamada iyo weerarada ay fuliyaan kooxaha argagixisada. Wasiirka ayaa sheegay in kooxdaasi ay ka daran tahay argagixisada Al-Shabaab, isagoo ku tilmaamay “maafiya ma naxayaal ah” uuna la galayso dagaal lamid ah kan Shabaab, “Kooxahaas waxay u baahan yihiin dagaal gacan saar ah, diyaar sow looma ahan.” Kooxdan ayuu sidoo kale sheegay in aysan rabin in laga adkaado aragagixisada Al-Shabaab, xilli dhawaan uu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh u tegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Hadalka Wasiirka ayaa si kala duwan looga fal-celiyay, ayada oo dadka qaarkii ay ku weerareen in kooxahan ay hadda sameynayaan wixii hore usoo sameeyay, inkasta oo hadda uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Yasiin Xiimaye: “Waxad sameyn jirtay berrine marka xilka wayso aad hubtid in aad sameyneysid lee ma ahoo!.” Xabeeb Xirsi Warsame oo kamid dadka weeraray Wasir Fiqi ayaa waxa uu yiri “Waa wixii aad qori jirtay adkayso.” “Wasiir arintaas. Waa mid sax ah,” ayuu yiri Liibaan Cali. Saciid Axmed ayaa sidoo kale yiri “Ar aduunkan bal dhageysta Fiqi ayaa maanta dad qeylo ku caaynaya waa adduun harka labadiisa gelin.” “Sowtaa sameyn jirtay lee ma ahanoo Jaalle Wasiir,” ayuu yiri Axmed Maxamed. Cabdirisaaq Daahir: “Dhibka jiro askariga Soomaaliga waa kan ugu liito siyaasadda Soomaalida dhimashadiisa waxba looma arko.” Jabarti Maxamed ayaa isna waxa uu yiri “Waa saad ahaan jirtay waa dhaqanka Soomaalida.” “Sowdigii shalay adiguba intaas sameeyn jiray ilowsha dhawidaa,” ayuu yiri Cabduqaadir Dhoorre. Abuukar Maxamed Madoobe: “Warkaas dambi lagaaga qori maayo waana asiibtay, laakiin insha Allah waa laga guulaysanaa Shabaabka ayey ka xun yihiin na gumeeyay, waxay rabaan gunnimadaas in aan ku jirno laakiin yeeli mayno Wasiir Fiqi.” Cabdulqaadir Maxamed Siraad ayaa sidoo kale isna yiri “Howshii aad horay u haysay ayay ayagana hayaan marka saaxiib adkayso soo saxan-saxan ku gud ma’aha.” “5 sano oo Farmaajo joogay baad dacaayad waday gacantana laguma saarin adigana waxaad rabtaa inaan dhaliilahaaga la sheegin,” ayuu yiri Ayuub Sulaymaan. Sayid Cumar Xasan ayaa isna waxa uu yiri “Wasiir Axmed Macalim Fiqi kabiirka siyaasada Soomaaliya guuleyso masuul.” The post Fiqi oo lagu weeraray arrin uu uga dhowaaqay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay xilliga uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa sheegay in wejiga labaad ee dagaalka uu bilaaban doono marka uu soo idlaado gulufka uu xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, taasi oo macnaheedu yahay in howl-gallada uu hagayo ay dhameystir u yihiin wejigii koowaad ee dagaalka. “Halkan waxaa u nimid in guud ahaan wejiga koowaad ee dagaalka aan soo geba-gebayno, labada degmo ee Galmudug Khawaarijta uga hartay in aan iyaguna dagaal ku qaadno, kadibna waxaa billaaban doono wejiga labaad,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gulufkan ku wajahan Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada ku xeeran inuu yahay mid lagu dhameystirayo wejigii koowaad ee dagaalka. Hadalkaan wuxuu meesha ka saaraya in hadda la billaabayo wejiga labaad. Wejiga labaad ee dagaalka ayuu sheegay in markaas laga bilaabi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, si looga sifeeyo kooxda Al-Shabaab, “Intii hore waa khibrad badanahay oo ka xoog badanahay hadda, yididiiladda aan qabno mustaqbalka aad iyo aad ayay u fiican tahay.” Sidaas awgeed, gulufka loo fadhiyo Dhuusamareeb waa dhameystirka wejigii koowaad. Wuxuuna sheegay madaxweynaha in dhowr jiho laga weerari doono deegaanada ay kooxda ku harsan tahay. “Shabaab waa niman dhib badan, argagixisada oo dhan meel kasta oo ay joogto haddii meel xoogga laga saaro siday uga meeraystaan oo meel kale u aadan ayay yaqaanan, haddii madax la dilay madaxdii hore kuwa kasii xagjirsan ayay soo saareen. Markaa waxaa go’aansanay in siyaasad Soomaaliyeed oo Shabaab lagula dirirayo la rabo.” Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Sababta ugu weyn ee dagaalka Al-Shabaab loo dhaqaajin waayay waxay aheyd siyaasad dowlad Soomaaliyeed ay leedahay oo lagula dagaalamayo Shabaab oo aad u qeexan oo cad ma aanay jirin.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: XASAN oo shaaciyay xilliga uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Dad u dhashay muslimiinta Rohingya oo ku le’day shil doonni
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Meydadka 23 qof oo muslimiinta Rohingya ah oo ka baxsanayay gobolka Rakhine ee dalka Myanmar ayaa la soo saaray, kaddib markii ay la degtay dooni yar oo ay la socdeen. 30 kale ayaa wali la la’yahay, halka 8 qofna lagu soo waramayo in ay ka badbaadeen shilkaasi,waxaana dadka rakaabka ah ee la socday doontaasi ay ahaayeen dhowr iyo konton qof. Dadkaasi muslimiinta ah ee ka soo jeeda Mayanmaar ayaa la sheegay in ay ku socdeen Maleesiya.iyagoo ka ka baxsanaya cadaadiska Myanmar iyo xeryaha qaxootiga ee Bangladesh. Sannad kasta kumannaan Rohingya ah ayaa isku daya safar halis ah oo loo marayo dhanka badda ,iyadoo ujeedku yahay in ay gaaraan Malaysia ama Indonesia. Muslimiinta Rohinga waa qowmiyad laga tiro badan yahay ,waxana qaar badan oo ka mid ah dadkaasi u qaxeen Dalka Bangladesh sanadkii 2017-kii si ay uga baxsadaan olole xasuuq ah oo ay geysteen militariga Burma. Muslimiinta ku haray Myanmar ayaa sidoo kale isku dayayay in ay baxsadaan halkaasi laga soo bilaabo afgambigii militariga ee 2021-kii illaa hadda. PUNTLAND POST The post Dad u dhashay muslimiinta Rohingya oo ku le’day shil doonni appeared first on Puntland Post. -
Taliska Qeybta Guud Booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka Saldhigga Booliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay shaqsi la sheegay inuu dil u geystay nin ka tirsana ganacsaatada magaalada Muqdisho oo lagu dilay degmada Hodan. Ninkaan ay gacanta waxaa ku soo dhigeen laamaha amniga,iyagoo sheegay in la horgeyn doono caddaaladda si wax looga waydiiyo falka dilka ah ee lagu soo qabtay. Laamaha ammaanka degmada Hodan iyo shacabka oo is kaashanaya ayaa sabab u noqoday soo qabashada ninkaan falka dilka loo haysto Abaaro 13:30pm ee maanta. Muddooyinkii u danbeyay waxaa howlgallo lagu xaqiijinayo Ammaanka magaalada Muqdisho ka wadday ciidanka nabad galayada iyagoo baaritaanno ka sameynayay degmooyinka gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jalalaqsi (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Waxaa kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarkaasi oo uu fuliyay naftii halige Al-Shabaab ah, kaasi oo ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Dadka weerarkan ku dhaawacmay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah guddoomiyaha degmada Jalalaqsi oo isagu ahaa bartilmaameedka weerarkaasi. Tirada dhimashada ee weerarkaasi ayaa gaartay 8 ruux, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) oo la hadlay idaacada VOA. Is-miidaamiyaha Shabaab-ka ayuu sheegay in gaari lagu soo qaaday oo loo keenay meesha uu joogay, islamarkaana uu gacanta ku dhigay sarkaalkii fududeeyaya weerarkaasi lagu khaarajin rabay ee uu ka badbaaday guddoomiye Nuur Dheere. “Gaari ayaa lagu keenay, dhagarta cadowga si walba ayay kugu soo galayaan. Nin qarsoona ayaa jiray oo ninkaas ayaa iisoo qaaday oo keenay. Marka qaraxa dhacayay wuxuu iga maqna afar daqiiqo, oo Shabaab ayuu la hadlayay,” ayuu yiri. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ninkaan ay markii hore ka shakisaneyn, uuna aad ugu dhowaa, balse uu xiriir toos ah la lahaa kooxda Al-Shabaab, haddana ay gacanta ku hayaan. “Aad waxaa u fiicnaan laheyd inta uu gacanteena soo galin hadda intaan oo xaqiiqo ah hayn lahaa maanta ragga la duugaya lala duugi lahaa. Weligay cadow xabsi ma geyn in maanta xabsi u diro waxaa keenaya gacanta uu soo galay waaye.” Waxa uu intaas kusii daray “Dhaawacayga waa dhaawac iska yar. Awal birarkaan hore ayay igu jiri jireen oo qaraxyada hora u aqiinay oo dhowr jeer aan ka badbaaday, ajashana waqti ayay leedahay.” Guddoomiye Nuur Dheere ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ay sii wadayaan, islamarkaana ay gacantooda ugu aargudayaan raggii kaga shahiiday weerarkii shalay. The post Khasaaraha weerarkii Jalalaqsi oo kordhay iyo xogtii u dambeysay appeared first on Caasimada Online.
-
Galhareeri (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa la xaqiijiyay inay ku guuleysteen in la duqeeyo saddex xarumood oo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd Galhareeri. Goobaha la duqeeyay ayaa iskugu jira goob garaash ah oo lagu diyaarinayay baabuur qaraxyo ah, goob ay kooxda ku keydsan jirtay hubka iyo goob ay dhigan jireen agabka caafimaadka ah, sida ay sheegtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Weerarkan wuxuu hordhac u yahay in Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada ku teedsan inay shaqo xoog leh ka bilaaban doonto dhawaan. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in goobtaasi lagu burburiyay illaa todobo gaari oo goobta tiilay, sidoo kalena la gubay keydka hubka ee koox u yaallay halkaasi. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay jeediyay hadalkiisi koowaad, tan iyo markii uu Sabtidii tegay Dhuusamareeb. Madaxweynaha waxa uu sheegay in gulufkan ku wajahan Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada ku xeeran inuu yahay mid lagu dhameystirayo wejigii koowaad ee dagaalka. Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweynaha in dhowr jiho laga weerari doono deegaanada ay weli kooxda Al-Shabaab ku harsan tahay. Galhareeri ayaa kamid ah magaalooyinka ay muddada dheer ka talineysay kooxda Al-Shabaab, waxayna u aheyd xarun weyn oo ay ku lahaayeen saldhigyo gaar ah. Si kastaba, howl-galka ka dhacay Galhareeri ayaa qeyb ka noqonaya gulufka haatan ka socda gobollada dhexe, kaasi oo uu hagayo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, oo xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug. The post Al-Shabaab oo lumisay saddex xarun oo muhiim ah kadib duqeyntii Galhareeri appeared first on Caasimada Online.
