-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhusamareeb (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud, alongside Galmudug State President Ahmed Abdi Kariye Qorqor, presided over a Council of Ministers meeting at both the Federal and Galmudug State levels in Dhusamareeb town on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Local militias who have been fighting against government troops in Ethiopia’s turbulent Amhara region have retreated from some of the major cities. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wadaad ka tirsan culimada Wahaabiyada ayaa la sheegay inuu xoog kula wareegay Masjid u dhawaa gurigiisa, kadib markii uu dhibsaday Digri ay si joogto ah Masjidkaas uga qaadi jireen culimada Suufiyada ee dariiqada Ahlu-Sunna. Dadka ku nool xafadda Shaamow ee degmada Xamar-jajab ayaa dacwo ka ah wadaadkaas oo sida ay sheegeen qurbaha ka yimid, kadibna soo agdegay Masjidka. “Adinka iyo Aqinka inta u dhaxeysa waxaan akhri jirnay saliga Nabiga CSW, halkaan waxaa lagu akhri jiray cilmi ay ka aflaxeen carruur badan oo kortay iyo kuwo soo koraya, waxaas oo dhan waa xaaraan ayuu na yiri ninka la wareegay Masjidka,” ayuu yiri mid ka mid ah Jameecada Masjidkaas. Waxay sheegeen in wadaadka xoogga kula wareegay Masjidka uu ka tirsan yahay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya oo Mukhtaar Roobow uu maamulo. Culimada hadashay waxay sheegeen in wadaadka oo wata ciidan boolis ah uu soo galay Masjidka, xili ay qaadayeen saliga Nabiga NNKH, isla markaana uu kala ceyriyey jameecadii, furayaashii Masjidkana uu ka qaatay. Sidoo kale culimada soo gudbisay cabashadaan waxay sheegeen in ninkaas uu warqad ka watay wasaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee Mukhtaar Roobow uu maamulo. Muddo laba bilood ah oo lasoo dhaafay waxay sheegeen in ninkaas ka xirtay Masjidkoodii ay ka dacwoonayeen, maadaama uu ka tirsan yahay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta, balse ay waayeen cid ka qabata. “70 ilaa 80 sano ayey culimada Ahlu-sunna gacanta ku heysay masjidkaan, ninkaan oo warqad ka wata wasaaradda diinta Soomaaliya ayaa maalinkii dambe xoog kula wareegay Masjidkii, cid aan uga dacwoono waa weynay oo laba bilood ayaan ka daba wareegeynay masuuliyiinta wasaaradda,” ayuu yiri mid ka mid ah culimadii hadashay. Culimadaan waxay sidoo kale sheegeen in masjidkaan ay dhawaan ku sameeyeen dhisme balaaran oo kharash badan ay geliyeen, hadda waxaa hakad galay salaadihii lagu tuka jiray, kitaabadii lagu akhri jiray iyo madarasooyinkii carruurta lagu bari jiray diinta, sida ay ku cabanayaan culimada hadashay. The post Muqdisho: Wadaad Wahaabi ah oo si yaab leh wadaado Suufi ah uga saaray Masjid appeared first on Caasimada Online.
-
WASHINGTON — At least eight people have been killed and six others injured in two separate explosions in Somalia, residents say. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa ku dhawaaqay dagaal nooc cusub oo ka dhan ah koox uu sheegay inay ka daran tahay Al-Shabaab. Kooxdan ayuu sheegay inay yihiin kuwa baraha bulshada ka buun-buuniya jabka mararka qaar soo gaara ciidamada iyo weerarada ay fuliyaan kooxaha argagixisada, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “maafiya ma naxayaal ah.” “Waxaa jira kooxo aan Khawaarijta aheyn oo xoriyad dalalkooda ku haysta oo Soomaali ah oo jecel askari marka la dilo in meydkiisa soo dhigaan sida Al-Shabaab-ka usoo dhigaan oo kale, oo marka baabuur ciidanka laga qabsado jecel inay buun-buuniyaan baaburkaasi,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wasiirka ayaa sheegay in dadkaasi ay dowladda ka qaadeyso tallaabo, ayna la galeyso dagaal lamid ah kan kooxda Al-Shabaab, “Kooxahaas waxay u baahan yihiin dagaal gacan saar ah, diyaar sow looma ahan.” “Dagaalkaas aniga laftigeygu qeyb ayaa ka ahay, waa dagaal culus waa kooxo manaxayaal ah oo jecel in qaraxa buun-buuniyaan, oo jecel inay dhibaatada jecel. Waa kooxo jecel in aysan nabad helin dadka Muqdisho, Baydhabo iyo Bu’aale.” Kooxdan ayuu sidoo kale sheegay in aysan rabin in laga adkaado aragagixisada Al-Shabaab, xilli dhawaan uu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh u tegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. “Waa kuwa jecel in Khawaarijta noo joogto. Arrinta Shabaab oo laga guuleysta u arka Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrin hela, uma arkaan dhibaatada Khawaarijta ee la qabanayo ee waxay ka fiiranayaan siyaasadda ay uga aragti duwan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Waxa uu intaasi kusii daray “Waxay rabaan in ciidankeena guul-dareystaan oo Khawaarijta guuleystaan, kooxahaas ka aamus ma mudna oo meelaha lagu arka iyaga oo wax qoraya, iyaguna dagaalka qeyb ayay ka yihiin.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Dowladda oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah ‘koox ka daran’ Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinkii lixaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, halkaas oo uu ka wado abaabulka howl-gal lagu soo afjarayo argagixisada ku sugan qeybo kamid ah gobollada dhexe. Ceelbuur waa bartilmaameedka ugu weyn ee dagaalka, halkaas oo ah magaalada ugu weyn ee hadda ku jirta gacanta argagixisada. Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur iyo nawaaxigeeda ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay billowday in madaxdooda ka saaran deegaanadaas. Sidoo kale xaasaska iyo caruurta madaxda argagixisada ayaa si tartiib ah uga guuraya deegaanka. Qaar kamid ah madaxdii maleeshiyaadka deegaanadaasi joogtay ayaa lasoo wariyay in iyagoo qaxa ah gaareen Jubbooyinka. Waxa kale oo wararka deegaanadaasi ka imaanaya ay sheegayaan in kooxda weli ku heshiin la’dahay inay ku dagaalamaan deegaanka iyo inay iska baneeyaan. Dhowr magaalo oo laga qabsaday dhowr billood kahor ayay dagaal la’aan ka baxeen, maadaama ay xoogan yihiin wararka la xiriira in duqeymo loo adeegsan doono deegaanadaasi waxay u badan tahay in aysan dagaalami karin, ayay leeyihiin khubarada amniga. In la qabto degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ma adkaan doonto, mana ahan qodobka hadda sida weyn looga arrinsanaayo laakiin arrinta u baahan in si fiican loo darso oo qorshe fiican loo dhigo waa qaabka loo hayn doono deegaanka. Waa mid kamid ah waxyaabaha uu madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlayo beelaha deegaankaas. Horay mar ayaa argagixisada looga saaray Ceelbuur xilli xukunkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh laakiin waxaa lagu guul-dareystay in waqti badan la’haayo degmada, dadkana loo abuuro fursad ku qasbeysa inay kusoo laabtaan guryahooda oo ay argagixisada iska celiyaan. Markale su’aasha aadka la isku weydiinayo waa qabashada kadib ma la hayn karaa magaalada iyo deegaanada ku teedsan. Inta aadan Haa iyo Maya midna oran horta isweydii yey u taalla in deegaanka la hayo. Shaqadan waa mid u taalla maamulka Galmudug iyo beelaha deegaanadaasi degan. Haddii dowladda federaalka ah iyo ciidankeeda ku guuleystaan inay Ceelbuur iyo deegaanada ku dhowdhow ka saaran argagixisada, waxay masuuliyadda u wareegaysa maamulka Galmudug iyo beelaha halkaa degan. Sidaas awgeed qabaa’ilka halkaa ka soo jeeda waxaa laga raba inay hadda usii diyaar-garoobaan oo ay dejiyaan qorshihii ay dhulkooda ku haysan lahaayeen markii laga dulqaado argagixisada. Taas oo u baahan mowqif, diyaar-garow xoog leh iyo iskaashi bulsho. The post Wararkii ugu dambeeyay ee qabashada magaalada Ceelbuur iyo Al-Shabaab oo… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay faah-faahin ka bixisay dabley hubaysan oo weerar ku qaaday gaadiid ay lahayd hay’adda samafalka ee Halo Trust. Falkan oo ka dhacay gobolka Daad-madheedh ayey kooxdan oo isku urursday Buurta Gacan-Libaax ku kaxaysteen laba baabuur oo ay hay’addu lahayd, iyo weliba mid ka mida darawaladii gaadiidkaas. Kukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay jirin cid ka baxsan dablaydaas oo ku lug lahayd weerarka, iyada oo Arbacadii la sii daayey darawalkii u shaqaynayey shirkadda Halo Trust oo dhaawac ah. “Gaadiidka la kaxaystay illaa haatan gacanta laguma soo dhigin, waxaana hawshan gacanta ku haya ciidamada ammaanka ee Somaliland oo ay wehelinayaan ciidamada booliska ee deegaanka [uu weerarku ka dhacay]. Dawladda Somaliland waxaa ka go’an in ay cadaaladda horkeento dadkii ka dambeeyey falkaas” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Somaliland. Wasaaradda arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa sheegtay inay “u xaqiijinayso dhammaan muwaadiniinta iyo hay’adaha ajnebiga ah, in arrintani ay ahayd dhacdo gooni ah” Yaasiin Maxamuud Cabdi oo ah Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Daad-madheedh ayaa horey u sheegay in kooxda uu ujeedkooda ahaa inay dhacaan khasnadda dowladda ee taalla halkaasi, kadibna ay wax ka wayeen, ayna u dhaceen xarunta kale oo ku xigta. Waa markii labaad oo ay kooxdan afduub ka geysaneyso Somaliland, ayada oo horay u xirtaay 8 qof oo ay 2 kamid ah ay ahaayeen saraakiil, walow mar dambe laga soo daayay. The post SOMALILAND oo war kasoo saartay afduubkii ay gaysatay kooxda buurta Gacan-libaax appeared first on Caasimada Online.
-
Sida ay qortay warbaahinta Norway, haweeneey Soomaaliyeed oo 36 jir ah magaceedana aan la xusin ayaa booliska socdaalka ee waddankaasi waxay u tarxiileen Soomaaliya kadib markii lagu helay dambiyo la xariira argagixisanimo. Sanadkii 2019 kii ayaa maxkamad la soo taagay haweeneydaa, waxaana lagu xukumay saddex sanoo oo xabsi ah, taas oo ciqaab u ahayd ku biiritaankeedii ururka ISIS. Inkasta oo ay ayadu iska diiday dhamaan eedeymihii loo jeediyay. Inta uu kiiskeedu ka socday maxkamadda ayaa waxaa la soo bandhigay afarriimo ay dad kale kala hadlaysay ‘weeraro’ ay ka gaystan gudaha Norway. Wada hadalkaan ayay haweeneydu ku tiri dagal yahan ajanabi ah: “Waa inaad igu xirto qof I caawiya, qof kasta ayaa og in ay wanagsan tahay in la xasuuqo gaalada halkaan joogta intii aan banana u aadi lahayn kuwa kale”. Masuuliyiinta Norway ayaa sheegay in ay mar hore ogaayeen in haweeneydaan ay Qatar ku tahay amniga dalkooda, ayna aad isugu dayeen in ay ka masaafuriyaan dalkooda. Balse waxay diiday in ay marnaba si iskeed ah uga tagto waddanka. Xabsiga ayaa laga sii daayay bishii Maarso ee sanadkii 2021 kii iyada oo xilligaas kadib ay dawladda hoose ee Oslo guri dajisay. Warbaahinta qaranka ee Norway ayaa horaan u qortay in haweeneydaan ay xiriir la sameeysay jihadi lagu magacaabo Arfan Bhatti. Wadahadal ay booliska Norway aamineen inuu dhexmaray Bhatti iyo koox kale ayaa la sheegay in lagu wargaliyay ninkaan in walaal’ ka timid Soomaaliya ay qaad doonto weerar argagixiso iyada oo ku filin doonta bamka la isku miineeyo. Hadalo ay kamid ahaayeen: “Waxay ila tahay inay suunka qaraxa qaadi karto” iyo “Hubka fudu ayay ku tababaran kartaa” “Arrintaan ayay goor hore igala hadahsay” ayaa waxaa qoray qofka ay boolisku aaminsan yihiin inuu yahay Bhatti. Sida ay qortay warbaahinta Norway haweeneyda ayaa waxay iska dhiibtay dalka Norway sanadkii 2013 kii, iyada oo u sheegtay dawladda in hadii ay Soomaaliya sii joogi lahayd dhagax lagu dili lahaa, maadaama ay guurstay nin iyada oo nin kale qabo. Xilligaas ayaa la siiyay ogolaanshaha kumeel gaarka ah ee deganaashaha Norway, iyada oo qaxooti ah. Markii ay ka soo baxday xabsiga oo haayd sanadkii 2021 kii, waaxda socdaalka ee Norway ayaa go’aan satay inaysan qasab ku celin Karin maadaama ay wali u baahneyd in la ilaaliyo. Waxaa laga baqay in hadii la celiyo loo loogu halis laga yaabo inay noqoto dil, ciqaab iyo ciqaabo kale oo bani’aadanimada waxyeeleynaya” sida ay sheegeen masuuliyiinta Norway. Boolsika Norway ayaa sheegay in sii deynteedii kadib ay dib xiriir ula sameysay Arfan Bhatti, qatarna ay ku tahay amniga boqortooyada Norway. Kadib amar xiritaab ah oo ka soo baxay maxkamadda degmada Oslo, ayaa boolisku sheegeen in faahfaahin qaldan ay shaqsiyadeeda ka bixisay haweeneydaan. Ugu dambeyn ayaa loo masaafuriyay Soomaaliya Qaran News
-
Kulan Lagaga Tashanayey Xeerka Ciidanka Dab-demiska oo lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Kulanka Wadatashiga xeerka Ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland oo maanta ka Qabsoomay xarunta Golaha Wakiilada JSL. Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay Guddida Arrimaha Guddaha ee golaha wakiilada somaliland. Kulanka taliyaha iyo guddida ayaa ujeedkiisu ahaa wadatashiga iyo lafo-gurka Xeerka Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo meel fiican maraya. Kulan Guddida iyo taliyaha ayaa waxa ku wehelinahey Amran Axmed Baashe, oo ah Hogaan Maamulka iyo Maaliyadda ee ciidanka iyo sidoo kale Hogaanka Hawlaha Ciidanka Dabdemiska Cabdicasiis Axmed Cilmi. Kulankan wada tashiga xeerka ciidanka ayaa waxa iyaguna qayb ka ahaa, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Yaasiin Xiir Faratoon Garyaqaanka Guud ee qaran Cabdisamed Cumar Maal, Gudoomiyaha Nadfor Faysal Cali Sheekh, xubno ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha, wakaalada Biyaha Xubno ka socday Arrimaha bulshadda, Garyaqaano, Dawladda hoose hargeysa iyo Garyaqaanada Golaha wakiiladda Somaliland. Ugu dambayn kulankaasi ayaa kusoo dhamaaday is af-garad, sidoo kalena layskugu soo noqon doono kulamo kale. Qaran News
-
“Anigu ma aan Baxsan Haddii aan Meel Tagayo Waxaan Tagi lahaa Gacan-libaax” Xil. Axmed-khaliif Hargeysa(Qaran news) Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax oo ka tirsan Golaha Wakiillada oo dhawaan sheegay in suxifiyad Bushaaro Baandey ay u xidhan tahay Maxamed Muuse Biixi ayaa dalka dib ugu soo noqday dalka. Kadib markii uu soo dhaammaystay socdaal shakhsi ah oo uu ku tagay Addis-ababa. Xildhibaanka oo maanta uu madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Xildhibaan Siciid Cudhay oo ahaa qofkii la fadhiyay markii Maxamed Muuse Biixi u sheegay inay Bushaaro Baande isaga u xidhan tahay, wuxuuna ku adkaystay in haddii hadalkiisii sharciga hortiisa wax laga weydiiyo uu caddayn doono arrintaas. Wuxuu sheegay isagu in aanu baxsan ee uu safar u baxay isla markaana uu ku kalsoon yahay runnimada warkii ka soo yeedhay ee ku wajahnaa Wiilka uu dhalay madaxweynuhu. “Anigu ma aan baxsan haddiise meel aan tagayo waxaan tagi lahaa Gacanlibaax” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-khalif. Gesta kalena Xildhibaan Siciid Cudhay ayaa sheegay in xildhibaanadu ay dhaarteen isla markaana aanay jirin sabab ay been u sheegaan. Waxaanu tilmaamay haddii markhaati la weydiiyo inuu furi doono wixii Maxamed Muuse u wada sheegay isaga iyo Xildhibaan Axmed Khaliif taasi oo ah in inankaasi uu sheegtay inay isaga u xufhan tahay sufiyadaas saddexda bilood ku xidhan Hargeysa. Qaran News
-
Ceelbuur (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Arbacadii shalay xubno ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray agagaarka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaasi oo saacado badan qaatay. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel Meegaag oo hoostaga magaaladaasi, waxaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ku sugan deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha dagaalamay ay kala hoggaaminayeen laba sarkaal oo lagu kala magacaabo Abuu Cubeyda iyo Xasan Cabdullaahi Cabdulle, kuwaasi oo uu soo kala dhex-galay khilaaf culus oo sababay inay isku fara saaraan duleedka Ceelbuur. Labadaan nin oo ah horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa kasoo kala jeeda deegaana Ceel Garas iyo Galhareere ee gobolka Galgaduud, sida aan xogta ku helnay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray inay isku qabteen arrimo la xiriira difaacidda magaalada Ceelbuur oo ay haatan kusii dhawaanayaan ciidamada huwanta ah. Mid kamid ah labada nin ee dagaalamay ayaa soo jeediyay in magaalada aan laga bixin ee lala dagaalamo ciidamada dowladda, halka kan kalena uu diiday arrintaasi, isaga oo sheegay inay halis uga imaan karto gulufka culus ee hataan ku wajahan gudaha magaaladaasi. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in maleeshiyaadka ay kala wataan labada horjooge ay ku kala sugan yihiin cirifyada deegaanka Ceel Meegaag, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska horjeedo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan dagaalkaasi, mana cadda inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray labada garab ee wada dagaalamay. Ma’ahan markii ugu horreysay ee ay wada dagaalamaan xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo horay sidaan oo kale ay ugu dagaalameen qeybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka. The post Xog ku saabsan dagaal culus oo Al-Shabaab ku dhex-maray Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray laanta Bankiga Dhexe ee Dhuusamarreeb. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qoor-Qoor ayaa sidoo kale waxaa munaasabadda xarig-jarkan ku wehlinayay Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi. Mudane Xasan ayaa ugu horreyntii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amaanay inuu ka shaqeeyo baahinta xarumaha Bankiga Dhexe ee dalka oo laga hirgelinayo xarumaha maamul-goboleedyada dalka. “Bankiga Dhexe xarumo badan kuma lahaan jirin dalka intiisa kale, hadda duruuftii waa isbeddeshay dalkii nidaamka federaalka ka dhaqan-galay oo in adeegii Muqdisho lasoo dhaweeyo waxaa na faraya siyaasada cusub iyo nidaamka federaalka ah.” Sidoo kale waxa hoggaanka Galmudug uga mahad-celiyey kaalintooda ay ku lahaayeen in maanta la furo xarunta Bankiga Dhexe ee magaalada Dhuusamareeb, taasi oo Galmudug ka dhigaysa maamulkii ugu horreeyay ee xarunta Bankiga Dhexe laga furo. Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay ka reer Galmudug ahaan ku faraxsan yihiin, islamarkaana muhiimad weyn ay u leedahay in Bankiga Dhexe xaruntiisii Dhuusamareeb dib loo hawl-galiyo. “Iyada oo dagaal lagu jiro, in haddana dib u dhiskii iyo horumarkii socdo sharaf kale ayay noo tahay, oo gacan ku xoreynayno, gacana lagu dhisayo dalkii,” ayuu yiri madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor. Ugu dambentii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka ayaa dhankiisa xusay iney ka go’an tahay sidii dib loogu howl-gelin lahaa dhamaan laamaha Bankiga Dhexe ee dalka uu ku lahaa, si loo baahiyo shaqooyinka Bankiga Dhexe. Si kastaba, Xaruntaan maanta laga furay magaalada Dhuusamareeb ayaa noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howl-galiyo meel ka baxsan casimadda dalka ee magaalada Muqdisho. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: GALMUDUG oo noqotay maamulkii u horreeyay ee dib looga howl-geliyo xaruntii… appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland Government Authorities Investigating Incident Involving Halo Trust Vehicles Thursday August 10, 2023, Hargeisa Somaliland – On Wednesday August 9th , two vehicles owned by Halco Trust traveling between Hargeisa and Berbera were abducted by unknown assailants, along with one of its drivers, fortunately no other individuals were involved, and the driver was released today unharmed. The vehicles are still not accounted for, and the Republic of Somaliland Government security forces, along with the local police are investigating the incident. The government is committed to bringing those responsible to justice. The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Republic of Somaliland wants to assure all citizens and foreign agencies that this was an isolated incident, and the Hargeisa-Berbera road is a safe route that is used by thousands of people on a daily basis. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid heshiis ay shalay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ay la saxiixatay dhiggeeda dalka Kenya. Guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in heshiiskaas sida uu yahay aysan uga run sheegin wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya. “Heshiiska marka la galayo waa in runta laga sheego, waan ka xumahay wasiirad ka tirsan xukuumadda Dan-Qaran in aan dhaho maanta run ma sheegin, laakiin waa lagama maarman maadaama masuuliyad na saaran tahay in aan sheegno waxa sax aheyn cidda sheegtay in aan dhahno ciddaas wax saxan ma sheegin,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed. Heshiiskaan cusub ee shalay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhigaya in diyaaradaha ka diiwaan-gashan gudaha Soomaaliya ay duulimaadyo ku tegi karaan dalka Kenya, sida ay sheegtay wasaaradda. Guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa beeniyay in heshiiskaas ay qeyb ka ahaayeen, taasi oo ay sheegtay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada inay qeyb ka ahaayeen heshiiskaasi. “Waxaa cadeynaynaa si buuxda in ururka diyaaradaha qeyb kama aheyn saxiixa heshiiskaas, wey dhici kartaa shaqsiyaad Airline-ka kamid ah inay qeyb ka yihiin laakiin macnaheedu ma ahan haddii shaqsi ka qeyb-galay uu ururka ka qeyb-galay,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed. Guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed oo si weyn u naqdiyay heshiiskaas ayaa sidoo kale waxay madaxda sare ee dalka iyo baarlamaanka ka codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo heshiiska shalay lagu saxiixay Nairobi. “Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Golaha Wasiirada iyo dhamaan guddiga gaadiidka ee baarlamaanka ku metela waa in ay dib u eegis la geeyo heshiiskan iyo heshiiskii kale ee ka horeeyay.” Waxa uu intaas kusii daray “Heshiis ayaa jiray heshiiskan ka horreeyay oo wasiirada ay soo saxiixday, ururka diyaaradaha waxa uu weydiistay inuu heshiiskaas arko weyna suurta-gali weysay, midka ay hadda saxiixaysana waa weydiinay weyna noo ogolaan weysay.” Si kastaba, Heshiiskan ay sida adag uga horyimaadeen guddiga ayay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada sheegtay inuu xoojinayo wada-shaqaynta duulimaad ee labada dal, faa’iidada Soomaalida ugu jirta ay tahay in Kenya loo fasaxo diyaaradaha taargada Soomaaliya wata. Hoos ka daawo muuqaalka The post Heshiiskii Somalia iyo Kenya ee duulimaadka oo si adag looga horyimid + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta guddoomiyay shirkii Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in dagaalka Al-Shabaab ay u dajiyeen siyaasad cusub. Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab looga adkaan karin milateri ahaan oo keliya, sidaas darteed ay dagaalkooda ku wajahayaan siyaasad seddex tiir ku dhisan. “Waxaa noo soo baxday in Shabaab dagaal milatari bas ku filneyn ayaa noo soo baxday oo loo baahan yahay furimo kale oo milatari aheyn in lagu furo, waxaa soo dejinay siyaasad saddex tiir ku saleysan oo ah tii milatariga aheyn in lasii wado oo lasii xoojiyo, in dagaal fikri lala galo iyo tiirka saddexaad oo ah dagaalka dhaqaale.” Xasan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dadka ku marin habaabisay Diinta, ayna ka dowlad ahaan qaadeen sidii bulshada loo tusi lahaa in kooxdaan diin shaqo ku laheyn. “Diinta ayay naga soo galeen macnaheedu ma ahan inay Diin wadaan ee laakiin siyaasad ahaan ayay u arkeen dadka meesha ay ka nugul yihiin oo laga kicin karo oo laga damin karo meeshaas waaye ee ka gala, Diinta sidaas ayay ugu soo ganbadeen ee niman Diin wada ma aheyn.” Waxa uu intaas kusii daray “Umad sideedaba haddii ay go’aan gaarto waxkasta ayay sameyn karto oo wax walba oo ka maqan waa heli kartaa, anaga go’aan in aan gaarno waaye oo Shabaab iska xoreyno.” Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka Al-Shabaab, oo uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay dalka ka xoreyso. “Shabaab in aan iska xoreyno anaga ayay nagu xiran tahay waa cadeyn haddana waa u taaganahaya waan iska xoreynaynaa. Dalkeena nama gabin, Alle-na nama gabin, anagu yaanu isgabin.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Xasan oo shaaciyay siyaasad cusub oo ay u dajiyeen dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Cirro iyo Dhegoweyne oo Kulan ku Yeeshay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)- Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhegoweyne) ayaa maanta gurigiisa ku booqday murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ay ka wada hadleen khilaafaadka siyaasiga ah ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka ee ka taagan dalka. Waxa la sheegay inay kulankaasi isku xog waraysteen, haseyeeshee ma jiro wax tafaasiil ah oo laga bixiyay kulankan. Mujaahid Ibraahim Dhegoweyne ayaa dhawaan Xukuumadda ugu baaqay inay wadahadal lagu furdaamiyo khilaafaadka jira, waxa kaloo uu Xukuumadda ku booriyay inay degdeg uga hawlgasho oo ay waxgarad u dirto dhallinyarada jabhada ku dhawaaqay ee Buurta Gacanlibaax. Qaran News
-
Cirro oo ka Hadlay Kulan Labaad oo ay la yeesheen Wefti ka socday EU-da Hargeysa(Qaran news)-Murrashaxa Madaxweynaha ee xibiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in xisbigoodu maanta ay kulan labaad la yeesheen safiirka midowga yurub oo booqasho ku joogta Hargeysa. Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ju baahiyay Facebookgiisa, waxaanu xusay inay ja wada hadleen iskaashiga Somaliland iyo dalalka EU-da oo ay isla soo qaadeen iskaashiga labada dhinac. Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Waxa aan maanta kulan kale kula qaaadannay Magaalada Hargeysa wefti ay hoggaaminayso Safiirka Dawladaha Yurub [EU] Danjire Tiina Intelmann. Safiiradda waxa aan ka wada hadalnay xidhiidhka qotoda dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Saaxiibada Dawladaha Yurub ka dhexeeya, haddii ay tahay dhanka taageerada horumarka, kaabayaasha dhaqaalaha, hannaanka dimuqraadiyadda, Doorashooyinka iyo sidii uu xidhiidhkaasi u noqon lahaa mid sii waara. Dhanka kale, waxa aan si nuxur leh u dul-istaagnay xaaladaha siyaasadeed, nabadgelyo, dhaqan-dhaqaale ee waddanka ka taagan iyo sidii looga gaadhi lahaa isfaham iyo heshiisyo ay qeyb ka yihiin dhammaan daneeyayaasha iyo saaxiibada Beesha Caalamka oo idil.” Qaran News
-
Galhareeri (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal culus ka sameeyay gudaha degmada Galhareeri oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalkeenna Soomaaliya. Howlgalkan oo ay dowladdu tilmaamtay inuu guuleystay ayaa waxaa lagu beegsaday saddex xarrumood oo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab. Saddex xarum ayaa kala aha garaash lagu diyaarinayay baabuur qaraxyo ah, goob kale oo u aheyd bakhaar hub iyo goob uu yiilay qalab caafimaad. Qooraal kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in goobtaasi lagu burburiyay illaa todobo gaari oo goobta tiilay, sidoo kalena la gubay keydka hubka ee u yaallay halkaasi. “Midka mid ah waa Garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay Waxyaabaha Qarxa waxaana halkaas lagu burburiyay todobo Gaari oo yaalay Goobtaas. Goobta labaad waxa ay ahayd Bakhaar hub oo ay Khawaarijtu lahayd waana la gubay.” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa qoraalka uu intaasi ku daray “Goobta saddexaad waxaa u yaalay qalab caafimaad oo ay Khawaarijtu si gaar ah u isticmaalaysay.” Galhareeri ayaa kamid ah magaalooyinka ay muddada dheer ka talineysay kooxda Al-Shabaab, waxayna u aheyd xarun weyn oo ay ku lahaayeen saldhigyo gaar ah. Si kastaba, howlgalka ka dhacay Galhareeri ayaa qayb ka noqonaya gulufka haatan ka socda gobollada dhexe, kaas oo uu hagayo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud. The post Ciidamada DF oo maanta howl-gal guuleystay ka fuliyay Galhareeri appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (HOL) - A suicide bomber killed five people in a restaurant in Jalalaqsi district, some 160 kilometres north of Mogadishu, on Thursday afternoon. Source: Hiiraan Online
-
PRESS RELEASE Canada-Africa Chamber President congratulates Ethiopian Airlines’ Samson Arega It’s an honor to be awarded the Honorary Doctorate Degree from TIUA School of Business in Florida, which recognizes individuals in Entrepreneurship & Business Administration Access Multimedia Content TORONTO, Canada, August 10, 2023/ — Ethiopian Airlines’ Regional Director for the USA, Samson Arega, has been warmly congratulated by the President of The Canada-Africa Chamber of Business (https://www.CanadaAfrica.ca) – following the awarding of an Honorary Doctorate Degree from Trinity International University of Ambassadors-Florida, as reported in the African Times USA (https://apo-opa.info/3OP6AJc). “During his tenure in Canada heading Ethiopian Airlines, Mr. Arega’s leadership was tremendous, deepening ties between Canada and African markets through aviation,’’ says Chamber President Garreth Bloor – making reference to Samson Arega’s keynote address (https://apo-opa.info/3QynxsU) to the Chamber’s three-day conference, prior to his move to US operations. Bloor says the Chamber is pleased to increase its US presence, including, with an upcoming forum (https://apo-opa.info/3YvC3Dz) in Washington, DC next year and looks forward to welcoming Ethiopian Airlines. “Home to numerous accredited Ambassadors and High Commissioners to Canada, the US capital is also home to major global institutions and joint US-Canada partnerships with African countries.’’ “Supporters like Ethiopian Airlines, under the leadership of Samson Arega, ensure we can keep doing what we do as an organization: accelerating trade and investment through world-class networking and information-sharing events’’. Samson Arega says he is “humbled by multiple recognitions recently’’ and thanked The Canada-Africa Chamber of Business for its exceptional work. “It’s an honor to be awarded the Honorary Doctorate Degree from TIUA School of Business in Florida, which recognizes individuals in Entrepreneurship & Business Administration,’’ he told followers on Twitter, adding that for ‘’the US Presidential lifetime achievement award, the investiture took place recently at the Georgia State Capitol House of Representatives, where I was also admitted as an honorary citizen of the State of Georgia by the Secretary of State of Georgia. The award was presented at a grand event by the Georgia House Representative Dewey McClain of the 100th District. My heartfelt appreciation and thanks go to Chancellor Mohair, President of the University, and representative Dewey McClain of the 100th District, he added in a recent public message.’’ Distributed by APO Group on behalf of The Canada-Africa Chamber of Business. SOURCE The Canada-Africa Chamber of Business Qaran News
-
Booliska Somaliland oo ka Digay Mudaharaadyo laga wado Magaalooyinka dalka qaarkood Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Booliska JSL, ayaa ka digey mudaharaad ay sheegeen in laga dhigayo qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, ciidanka Booliska ayaa sheegay in aan dalka laga qaban karin mudaharaad aan ogolaashiyo loo haysan. Hogaanka Howlaha Ciidanka Booliiska Sarreeye guuto Ibraahin Cabdi Xaaji Maxamuud, ayaa bulshada ugu baaqay inay ciidanka kala shaqeeyaan sugida nabadgelyada iyo sidii loo adkayn lahaa, waxaanu xusay in arrimo badan oo khalkhal galinaya nabada dalku ay hadda muuqato, waxaanu sheegay in ay ka mid yihiin jabhadda Gacan Libaax oo uu cadeeyay inay Hay’addo weerareen, gaadiidna qafaasheen. Ciidanka Booliska ayaa si adag uga digay xaalad kasta oo lagu wiiqayo nabadgelyadda dalka, waxaanay sheegeen in aanay sinaba u ogolaanayn fal kasta oo nabada wax yeelaynaya. Waxaanu yidhi.“Afhayeenka garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI, bannaanbaxa uu ku dhawaaqay ee ku wargeliyay taageerayaasha xisbiga inay isugu soo baxaan maalinta Jimcaha, waxaa aanu u aragnaa mid sharciga baalmarsan. Wax ogolaanshiyo ah oo ay ka haystaana majiro laamaha ammaanka, bannaanbaxaasi waxa aanu u aragna mid sharci darro ah, nabadgelyada iyo xasiloonidana khalkhal gelinaya. Waxaan bulshaweynta gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Sanaag ee la kicinayo waa in laga joogsado, sababto ah dowladdina may ogolaan ciidanka booliskuna may ogolaan.” Sidoo kale waxa uu sheegay in jabhadda gashay buurta Gacan Libaax inay hay’addo weerareen, gaadiidna qafaasheen, sidoo kalena booliskana la weeraray ragna lalaayay. Waxaanu yidhi.“Toddobaadyadii u danbeeyay waxa jiray xaalado nabadgelyada lagu khalkhalgelinayay, ciidanka booliska waala weeraray, ragba la laayay, xafiisya la weeraray, hay’adda la weeraray, baabuurba la dhacay, raga waxaa ku kacay ayaa waddanka jooga, oo wareegaya buuraha. Marka falalkan bulshada loogu baaqayo isu-soo-baxyadan iyo kulanadan, kuwana ay iskaashadaan waxa aanu u aragnaa, inay khatari soo baxayso, booliskuna waxa uu taa kaga jawaabaya in uu ka hortago, dhammaan bulshada JSL, waxa aanu ka codsanayna inay booliska ku gacan siiyaan ka hortagida wixii amniga waxyeelaynaya, dhallinyaradaasna la ogaado sida loo kicinayo dhammaana aynu kawada hortagno, amnigeena iyo nabadgelyaddeenana aynu ka wada shaqayno” Qaran News
-
Guddida sare ee Waxbarashada oo Yeeshay Shirkoodii 16aad Hargeysa(Qaran news)-Guddida Sare ee Waxbarashada Qaranka ayaa yeeshay kulankoodii 16aad, kulanka guddiga oo uu shir-gudoominayey Gudoomiyaha Guddida Prof. Saleebaan Axmed Guleed ayaa waxa ka soo qayb galay badiba xubnaha guddida, waxaana lagu lafo-guray ajandayaal dhowra. Sidoo kale waxa Kulanka Guddida ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane, Axmed Maxamed Diiriye iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Cabdirisaaq Jama Nuur, Waxaana mudadii uu socday xubnaha guddida warbixin guud la wadaagay Gudoomiyaha Guddida Prof. Saleeban, isagoo ka waramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii guddida la aas-aasay kadib, isagoo xusay in loo baahan yahay sidii layskaga wada-kaashan lahaa horumarinta waxbarashada dalka dawlad iyo bulshoba. Sidoo kale, intii kulanku socday xubnaha guddidu waxay lafo-gureen sidii xooga loo saari lahaa fidinta, tayada iyo karti dhisida barayaasha iyo dugsiyada. Ugu danbayn waxa xubnaha guddidu oo ay weheliyaan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud laysla qaatan sidii looga wada shaqayn lahaa; Daryeelka, tayaynta iyo kor u-qaadida aqoonta maamulayaasha iyo macalimiinta dugsiyada iyo tayaynta manhajka dugsiyada hoose dhexe iyo sare. Qaran News
