Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dagaalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Al-shabaab iyo arrimaha bani’aadamminimada ee ka jira deegaannada lala wareegay. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka Al-shabaab iyo guud ahaan in dalka looga saaro muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka. Danjire Dixon ayaa dhankiisa,ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka al-shabaab iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid iyo Wasiirka Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa kulan la qaatay wefti ka socdey Baarlamaanka Ingiriiska oo ay hogaaminayso MP Alicia Kaearns oo ah Gudoomiyaha Guddida Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Ingiriiska. Waxaa kale oo ka mid Mp Rushanara Ali iyo Xubno kale. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa warbixin ka siiyey weftiga Xalaada guud ee nabadgelyada Somaliland. Dhinaca kale weftiga iyo Wasiiradda ayaa ka wada hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska. Kulankan waxaa Wasiirada ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Mustafe Cumar Yare iyo Masuulin kale oo ka mid ah Wasaaradda. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka ciyaaraha fudud ee adduunka ayaa war kasoo saaray xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyay guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Khadiija Aadan Daahir, kadib fadeexaddii Somalia kasoo gaartay tartankii orodka China, kaas oo ay ka qayb-gashay Nasra Abuukar oo gashay kaalinta u dambeysa. Xiriirka ciyaaradaha fudud ee adduunka ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan IAAF ayaa shaaca ka qaaday inuu aqbalay xilka qaadista lagu sameeyay Khadiija Aadan Daahir. Bogga IAAF oo lagu keydiyo dhamaan magacyada guddoomiyeyaasha dalalka kala duwan ee ku jira xiriirka ayaa waxaa hadda laa saaray magaca Khaddijo, ayada oo lagu beddalay guddoomiye ku xigeenka xirriika, Faarax Cali Macallin, kaas oo xilkan sii heyn doono. Arrintan ayaa ka dhigan in xiriirka ciyaaradaha fudud ee adduunka uu go’aan ka gaaray xilka qaadista guddoomiye Khadiija Aadan oo iyadu horay ugahortimid tallaabada laga qaaday, taas oo ku timid, kadib soo jeedib ka timid wasiirka dhlinyarada iyo ciyaaradaha. Wasiir Maxamed Barre ayaa warqada uu shaqada uga joojiyay Khadiija Aadan Daahir ku sheegay inuu iyada iyo madaxda kale ee xiriirkaas ee qeybta Jaamacadaha Soomaaliyeed uu maxkamad ku soo taagi doono kiiskaan, isaga oo ku eedeeyey sumcad dil qaran. Dhankeeda Khadiija Aadan Daahir oo markaas soo jawaabtay ayaa ku dooday in aysan u joojin doonin dhaleecaynta loo soo jeediyay, iyada oo aaminsan in aanay samayn wax qalad ku ah shaqadeeda, balse waxaa hadda soo baxay go’aanka rasmiga ah ee xiriirka IAAF. Si kastaba, arrintan ayaa daba socota fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo dhawaan ka dhacay Shiinaha, kaas oo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan. Nasra oo metelaysay Soomaaliya ayaa loo diiwaan galiyay inay noqotay orod-yahanaddii ugu hooseysay abid tartan heer caalami ah, iyada oo oroday kaliya 21.81 ilbiriqsi, maadaama aysan laheyn soyaal hore oo oradka ah, waana sababta bulshada Soomaaliyeed si weyn uga careysiisay. The post Xiriirka ciyaaradaha fudud ee adduunka oo go’aan ka gaaray arrinta Khadiija Aadan appeared first on Caasimada Online.
  4. Mogadishu (HOL) - Somali National Army (SNA), supported by international partners, conducted an anti-al Shabab operation in the Mukayle area in the Bulaburte district of the Hiiraan region on Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
  5. Buulo-Burde (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus iyo duqeyn maanta ka dhacday gobolka Hiiraan oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab. Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan, isla-markaana ay qaadeen ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Mukayle oo hoostaga magaalada Buulo-Burde oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkani lagu bartimaameedsaday Garaash ku yaal deegaanka oo kooxdu ay ku diyaarineysay qaraxyo. Warka dowladda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in halkaas lagu burburyay illaa afar baabuur oo qaraxyo lagu xiray. Sidoo kale dowladda ayaa shaaca ka qaaday in meesha lagu laayay xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin inta ay la’egtahay tiradooda. “Ciidanka Qaranka ayaa halkaas ku burburiyey afar gaari oo Khawaarijtu ku rakibeen qaraxyo si ay ugu waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed. Goobtaas waxaa ku halaagsamay maleeshiyaad fara badan oo ah kuwa sida gaarka ah ugu tababaran sameynta qaraxyada” ayaa lagu yiri warka kooban ee ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in dowladdu ay dib ka bixin doonto faah-faahinta natiijada rasmiga ah, maadaama uu weli socda howlgalka ka dhacay agga Hiiraan. Xaaladda ayaa weli ah mdi kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya. Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada xoreynta, waana halka uu ka billowday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka oo dhan. The post Ciidamada DF oo burburiyay gaadiid ay qaraxyo ku diyaariyeen Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  6. Jijiga (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil wadareed xalay carruur loogu geystay deegaanka Qorof oo hoostaga degmada Gallaadi oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Falkan argagaxa leh oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa 5 carruur ah, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu salka ku hayo aano qabiil, ayada oo carruurta hal goob lagu wada dilay, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Xilliga la dilayay carruurta ayaa waxa ay ka yimaadeen aroos, waxaana la sheegay inay seexdeen meel u dhow dugsigooda Qur’aanka, kadib halkaas loogu yimid, laguna dilay. “Waa fakadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilka, lamana yaqaano waxa ay ku laayeen carruurta” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka. Dhmmaan shanta carrruur ee goobta lagu dilay ayaan qaan-gaarin, waxaana la sheegay in midka ugu weyn uu jiray 13 sanno, halka kan ugu yarna uu ahaa 6 sanno jir. Carruurta ayaa sidoo kale laba kamid ah waxay ahaayeen agoon, kuwaas oo horay aabahood, sidaan oo kale loogu dilay aano Qabiil darteed. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca is-maamulka Soomaalida Soomaalida oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan. Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka deegaanka, maadaama si lama filaan xalay loo laayay illaa 5 carruur ah oo aan waxba galabsan. The post Shan carruur ah oo si arxan darro ah loogu dilay DDS appeared first on Caasimada Online.
  7. Deegaanka Dhabad oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay shan caruur ah, kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen kuwa dhiganayay dugsi Qur’aan, arrintaan ayaa la sheegay in ay la xiriirto dilal ku saleysan aan Qabiil oo ka dhacay Galgaduud. Wararka qaar aya sheeaya in Caruurta oo ka soo tagtay goob uu ka dhacay aroos ay seexdeen Agagaarka Dugsi Qur’aan oo ay Dhiganayeen, Waxaana Goobtaas ugu Yimid Maleeshiyaadka Falkaan Gaystay oo Halkaas ku Dilay, caruurtaan da’yarta ah. Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan falkaan ka dhacay deegaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud, deegaankaan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaallo la xiriira aan qabiil oo dhex martay beelo wada dega Dhabad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ayaa waxaa ay howlgal gaar ah ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Mukeyle oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, howlgalkaan ayaa u badnaa duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhcay deegaanka. Hawlgalkaan ayaa saarkiil u hadashay dowladdu waxaa ay sheegeen in lagu beegsaday Garaash wayn oo sida la sheegay ay la haayeen Al-shabaab, iyaga oo intaas ku daray in la burburiyay saanad ciidan iyo walxo qarxa oo goobtaa lagu diyaariyay sida laga soo xigtay saraakiisha dowladda. Ciidamada Mareykanka ayaa inta badan waxaa ay ciidamada xoogga dalka ay a taageeraan duqeymaha dhanka cirka amarka ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in gobolka Hiiraan dhinaca Galbeed ay wali ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ethiopia seeks to use Berbera Port under a “dubious” agreement Hargeisa (PP News Desk) — In a surprising turn of events, the Federal Government of Somalia has granted Ethiopia permission to use the Berbera Port. Last week, Mr Alemu Sime, Minister of Transport and Logistics of the Federal Democratic Republic of Ethiopia, paid a visit to the Berbera Port and reportedly signed an agreement with the administration of Somaliland. The new agreement contrasts with a previous one in which Ethiopia had acquired shares of the port under DP World’s concession. Alemu Semi visited Berbera last week “While Ethiopia initially seemed committed to backing the endeavour through a 19% direct stake in DP World Berbera — which substantiated Berbera’s vision to become an alternative to the Djibouti port, which handles about 95% of Ethiopia’s external trade — the Ethiopian government has not followed up on this intention” reported FDI Intelligence. The Ethiopian mainstream media did not report on Alemu’s visit to Somaliland administration, a region that unilaterally seceded from Somalia in 1991. Despite the Federal Government of Somalia’s silence, the secret agreement violates the Somalia’s sovereignty and strengthens Ethiopia’s search for a seaport, caused by Eritrea’s secession in 1993, which left Ethiopia landlocked. While it remains uncertain how much Berbera will reduce Ethiopia’s reliance on Djibouti Port, a journalist based in Hargeysa expressed concerns about the secretive nature of the agreement, suggesting that Ethiopia’s long-term goal is to secure a seaport, even if it requires force. “Emperor Menelek claimed a right to Berbera, then a British Protectorate, citing his control over Somali clans — Gabiley Clan and Gedobursi in Abyssinia said the journalist. Somaliland President Muse Bihi Abdi kept his cabinet in the dark about the new Berbera Agreement Ethiopia has peacekeeping troops in Somalia under ATMIS, and exploits the Chapter 7 article that limits the sovereignty of Somalia, a country whose national infrastructures are vulnerable by dubious takeover by foreign companies. Last year, Capital, a weekly business newspaper, reported that, according to Dr. Saad Ali Shire, the Minister of Finance of the Somaliland Administration “Ethiopia losses its opportunity to the ownership of 19 percent of Berbera Port as the government failed to fulfill certain conditions. Ethiopian officials however said that there is no binding agreement to enforce this.” © Puntland Post, 2023 The post Somalia Government Gives Ethiopia the Green Light to Use Berbera Port appeared first on Puntland Post.
  10. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Al-shabaab iyo arrimaha bani’aadamminimada. Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Xukuumaddiisa ciribtirka kooxda Al-shabaab iyo guud ahaan dalka laga sifeeyo muddo gaaban kooxdaas. Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Al-shabaab iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay siihayaha safiirka Mareykanka appeared first on Puntland Post.
  11. Jigjiga (HOL) - The police in the Somali regional state in Ethiopia announced on Tuesday that sixteen people have been arrested in connection with the killing of a young auto-rickshaw driver on the outskirts of Degehabur town in the Somali regional state. Source: Hiiraan Online
  12. Ciidanka Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa saaka howlgal qorsheysan ka fuliyay xarun Al-shabaab ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan degmada Buulo-burde ee gobalka Hiiraan. Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu beegsaday garaash wayn oo Al-shabaab u ahaa goob ay ku diyaariyaan qaraxyada, waxaana hawlgalkaas lagu burburiyay afar gaari oo ku rakiban yihiin qaraxyo. Sidoo kale dowladdu waxay sheegtay in goobtaas lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo si gaar ah ugu tababaran sameynta qaraxyada. PUNTLAND POST The post Howlgal lagu burburiyay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin oo ka dhacay Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  13. Ethiopia is facing another crisis. Just eight months after the end of a bloody war between the government and the restive Tigray region, Prime Minister Abiy Ahmed’s forces are battling a rebel group in the northern Amhara area. It’s a setback for Abiy, who’s been working to repair his reputation after the two-year war against Tigray in which some researchers estimate 300,000 civilians died. Government troops were severely criticized for their conduct during that conflict. Abiy at a rally in April 2018. Photographer: Zacharias Abubeker/AFP/ Getty Images The latest flare up has led to the declaration of a state of emergency in the country’s second-most populous region, with flights halted and the internet shut off. There’s been fierce fighting between federal soldiers and the Fano militia. Tensions have been rising since an April announcement that regional militias would be integrated into the army or police, starting with those in Amhara. That decision added fuel to simmering discontent. Many in Amhara feel they were sidelined in the peace agreement with Tigrayan leaders despite the key role their militiamen played in the war against the separatists. For Abiy, bringing the dispute to a quick conclusion is essential. The insecurity in Africa’s second-most populous nation is another sign of just how far the stock of both Abiy and Ethiopia has fallen. In 2019, he won a Nobel Peace Prize for ending a decades-old conflict with Eritrea. Ethiopia, then one of Africa’s fastest growing economies, was seen as the next big investment destination on the continent. Now it appears to be a fragile federation of more than 90 ethnic groups whom Abiy is struggling to keep under one roof. Source: Bloomberg The post Ethiopia: Abiy’s new crisis appeared first on Puntland Post.
  14. Mogadishu (HOL) - Minister of Security Mohamed Sheikh Ali Doodishe, along with the Governor of Banadir Region and the Mayor of Mogadishu, Yusuf Hussein Jima’ale, presided over a meeting on accelerating the security measures in the capital and the ongoing operations against al-Shabab and drugs. Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cali Doodishe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan ku saabsan dardargelinta amniga Caasimadda, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo Maandooriyaha la qaatay Saraakiisha Laamaha kala gedisan ee Amniga iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliska Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Police Millitary iyo dhamaan saraakiisha kale. Shirkaan ayaa la isla qaatay in la dardargeliyo Awaamiirtii horey ugu soo baxay Madaxda Dowladda oo ay ugu horeyso Xakameynta Hubka iyadoona qofkii ku xadgudubta lala tiigsan doonno Maxkamadaha ku shaqada leh, Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee (Garan-waaga), Maandooriyaha, Wacyigelinta Bulshada iyo in la xoojiyo Wada-shaqeynta ka dhaxeysa Bulshada iyo Laamaha Amaanka, kaas oo muddooyinkii dambe ka socday. Ugu daneyn shirkaan ayaa lagu amaanay Doorka Hogaamineed ee Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab si dagaalkaasi loogu guul gaarana ay muhiim tahay in Bulshada Caasimadda ee doorkooda ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab, waxaana bulshada caasimadda loogu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa war cusub kasoo saaray gulufka ka dhanka ah Shabaab. Doodishe ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay diyaar garow xoogan ku jirtay 7-dii bilood ee lasoo dhaafay, si loo wajaho wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. “Todobadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa lagu jiray diyaar garow in badan dadka waxa ay si weydiinaayeen dowladda halkee ku maqan tahay?, dagaalladii dib u xoreynta miyay istaageen? dagaallada dib u xoreynta ma istaagin waxaa lagu jiray diyaar garow” ayuu yiri. Wasiirka amniga gudaha ayaa sheegay in haatan la diyaariyay, isla-markaana la qalabeeyay illaa 15 kun oo askari oo ka qayb-galay dagaalka culus ee ka dhanka ah Al-Shabaab. “Waxaa la diyaariyay oo la tababaray oo la qalabeeyay, qaybo kamid ahna ay tababar ku jiraan illaa ciidan gaarayo 15 kun, ciidankaas oo sida aad la socotaan tan iyo bishii Ramadaan illaa maanta isbeddalka weyn ee laga dareemay amnigan caasimada uu qayb ka yahay” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri wasiirka amniga gudaha Soomaaliya. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in ciidamadan ay hadda aadeen furimaha dagaalka, si ay usoo afjaraan kooxda Al-Shabaab. “Ciidanka badankiisa hadda waxa ay aadeen furimaha dagaalka, marka in ciidanka la diyaariyo la qalabeeyo, raashinkiisii la diyaariyo abaabul la galo waa howl adag” ayuu yiri. Haalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan u socdo abaabulkii ugu dambeeyay gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ka socdda koo furta iyo bartamaha dalka. Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidamada ayaa haatan gudaha magaalada Dhuusamareeb oo uuu jooga arrimo la xiriira hagidda wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ee deegaanada dowlad goboleedka Galmudug. The post Daawo: DF Somalia oo 15 kun oo askari u diyaarisay dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  17. The Directorate of Citizenship and Immigration Control – DCIC has confiscated over 10,000 Ugandan national identity cards from foreigners. Source: Hiiraan Online
  18. A woman who survived the bombing of the US embassy in Kenya's capital, Nairobi, exactly 25 years ago today, has said that her children have been stigmatised as a result of the injuries she sustained. Source: Hiiraan Online
  19. With the District 4 Bloomington City Council seat open after incumbent Patrick Martin decided against seeking reelection, Mr. Isaak Rooble, a businessman and past recipient of the “Community Leadership Award” at the 6th annual African Awards, is running to represent the northeastern part of the city that includes the area that Mall of America sits on. Source: Hiiraan Online
  20. NAIROBI, KENYA — Kenyan victims of the 1998 U.S. Embassy bombing in Nairobi on Monday renewed calls for compensation from Washington as the East African nation marked 25 years since its deadliest terror attack. Source: Hiiraan Online
  21. (FOX 9) - Federal prosecutors on Monday said they no longer object to ending the supervised release of a former Minnesota terror suspect. Source: Hiiraan Online
  22. Market prices in Somalia increased after Russia suspended its participation in the Black Sea grain deal. Source: Hiiraan Online
  23. DHuusamareeb (Caasimada Online) – Dhaqdhaqaaqa ballaaran ee ka socda Gobollada Dhexe ayaa la sheegaya in uu culeys weyn ku keenay maleeshiyada Al-Shabaab ee ka hawlgala goboladaasi, isla-markaana uu u muuqdo mid meesha ka saaray gurmadkii ay ka heli jireen dhanka Gobollada Koonfureed. Wararka laga helayo dhulka Shabaabka ka maamulaan Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa sheegaya inaanu dhaq-dhaqaaq aan badnayn ka jiro goobaha ay Shabaabku kaga harsan yihiin deegaanada Galmudug. Wararka ayaa intaasi ku daraya inaanu jirin wax gurmad ah oo illaa iyo hadda Al-Shabaab uga yimid dhinaca Gobolada Koonfureed, taas oo loo aaneynayo ciidamada oo isku ballaarinaya xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo iyagoo ka baqdin qaba weerarada dhanka cirka. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horaan cududdooda isugu geeyay deegaanada hoostagga Magaalada Ceelbuur, si ay halkaasi uga difaacdaan gacan ku haynteeda. Shabaabka ayaa la sheegay inay dhufeysyo waaweyn ka sameysteen deegaanada Wabxo iyo Cowsweyne, oo lagu tilmaamay difaacooda hore ee ay ka difaacayaan magaaladaasi. Ciidan xoog leh oo lagu diyaariyay deegaanada Galmudug ayuu yoolku yahay in ay ku dhaqaaqaan Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug, si halkaasi uga saaraan mintidiinta. Goobaha ay ciidamadu ku adkaato in ay ka gudbayaan ayaa la filayaa in ay dhanka cirka ka taageeraan diyaaradaha saaxiibada caalamiga, oo door muuqdo ku yeelan doono wejiga labaad ee hawlgalkan. Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar sii horreysay sheegay in maalmaha soo socda uu bilaaban doono hawlgal wadajir ah, oo Shabaabka lagaga saarayo deegaanada ay baaqiga kaga yihiin Galmudug. Cali Daahir Ciid, Madaxweyne kux-igeenka Galmudug ayaa sheegay in illaa toban kun (10,000) oo askari loo diyaariyay hawlgalka lagu xoreynayo dhulka Galmudug. Villa Somalia ayaa culeyska saareysa in wareegga hore ee hawlgalka ay ciidamadu qabtaan deegaanada Galmudug, marka xigtana ay u qalab qaataan daanta galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle (Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe). Barnaamijka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah inaanu waqti badan kaga bixin gulufka lagu dhameystirayo haraadiga Shabaab ee Gobollada Dhexe. Wejigii hore ee hawlgalka ayaa lagu kala dhantaalay awooddii Shabaabka Gobolada Dhexe, xilligaasi oo ay lumiyeen inta badan dhulkii ay ka maamulayeen Hirshabelle iyo Galmudug. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ayay tahay in uu dardargeliyo hawlgalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu hawlgalku socdo kormeeri doona jiidda hore iyo goobaha laga la wareego Shabaabka. Wejiga labaad ee hawlgalka ayaa noqon doona culeyskii ugu weynaa ee ay wajahaan Shabaabku, ka dib muddo lix iyo toban sano ah oo ay dalka ka dagaalamayeen. Shabaabka ayaa sheegta in ay yihiin Urur Islaami oo jihaadi ah, balse Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa naqdiya sheegashadoodaasi, marka aad eegto sida xaqdarada ah ee ay u banneysteen dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah. The post Gurmadkii Al-Shabaab oo u muuqdo mid la kala jaray appeared first on Caasimada Online.