Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. DR.Gaboose oo Naqdiyay Dhallinyarada Beeshiisa ah ee Jabhada ku dhawaaqay Gar-adag(Qaran news)- Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in aan gacan ka hadal iyo buura la fuulo lagu gaadhin kursiga balse xal iyo qoraalka ALLE lagu gaadho. Waxaanu cambaarey dhalinyarada beeshiisa ee jabhada ku dhawaaqay. Waxa uu Sulaadiinta, siyaasiyiinta iyo waxgaradka ugu baaqay in fadhiga laga kaco oo la damiyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan. Dr. Gaboose waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta ka hadlay daahfurka jaamacada Gar-adag. Waxaanu yidhi.“Bini’aadamku in uu is khilaafo oo wax kala towdo waa abuuristiisa ka mida, balse waxa nasiibdarro ah in gacan ka hadal xal lagu raadiyo, gacan ka hadal waxa laga helaa waa burbur. Bulshadu maanta waxa ay la daala dhacaysa nolol adag, dhaqaale xumi, dhib oo dhan ayay la daala dhacaysa, ninkii ka naxaya maanta maalintii uu tabashadiisa gacan ka hadal ku raadinlahaa. Kuwa gaadiidka hay’addaha afduubaya, kuwa mudaharaadada ku baaqaya, ee is leh Muuse Biixi ayaad waxyeelaysan, waxaan idiin sheegaya in aydaan waxba yeelayn. Waxaan soojeedinaya miyirku ha soo noqdo, sulaadiinta maanta hortayda soo fadhida waxaan leeyahay ceeb ayay idinku tahay in aad hortayda soo fadhidaan, oo xafladan ka soo qaybgashaan, siyaasiyiinta waxaan leeyahay waar masiibada dalka ka socota hala bakhtiyo cadawgeena ayaa ku farxaye. Qofkasta oo wax tabanaya xaq ayuu leeyahay balse bulshadu maanta maqaadi karto dhibaato, bulshada JSL, waxaan ugu baaqaya ilaashada nabadgelyaddiina oo kooxo cadhaysan hakala raacina, yaan xumaato dhexdiina laga sameyn. Aniguba hanbaan leeyahay, intaas oo jeerbaan waayay kursiga, kursiga laguma helo fariidnimo, kursiga laguma helo darrajo, kursiga laguma helo reer, ILLAAHEY ayaa bixiyaa, ciddii ALLE ugartana si fiican ayay u helaan” Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta oo ah Khamiis 10-08-2023 ku eeg muddadii loo qabtay inay maxkamadda gobolka Banaadir ku hor yimaadaan 9 ma’suul oo baxsad ah oo loo haysto musuq-maasuq, kuwaas oo ay kamid yihiin agaasimihii hore ee waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Saabey iyo agaasimayaahii hore ee hay’adda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi). Maxkamadda gobolka oo horay baafin usoo saartay ayaa ka dalbatay mas’uuliyiintan inay maxkamadda ku horyimaadaan muddo ku siman 30 cisho ah oo maanta ku beegan. “Waxay fareysaa maxkamadda masuuliyiintaan inay dhowraan wakhtiga ay u qabatay, haddii ay maxkmadda ku hor imaan waayaan muddadaas ay maxkmadda qaadi doonto habraaca ku xusan Qod. 128/E Xeer lambar.84 oo ah in ay qaadi doonto dacwadooda iyaga oo maqane ah” ayaa lagu yiri baafinta hore ee ay soo soo saartay maxkamadda gobolka. Eedeysanayaasha oo markii hore ka cararay dalka ayaan weli soo noqon, ayada oo dacwad culus ay ka taallo maxkamadda gobolka Banaadir oo maalmahan wadday dhageysiga kiisas la xiriira musuq-maasuq oo loo haysto rag ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in raggan dacwadooda la dhageysto iyaga oo maqanayaal ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Masuuliyiintan ayaa waxay dacwad ciqaab ah oo ay dhinac ka yihiin uga furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay inay galeen musuq-maasuq iyo dayacaad masuuliyadeed, been abuur dukuminti iyo ku takrifal hanti dadweyne. Xeer ilaalinta ayaa la filayaa in sii waddo dacwaddeeda, isla-markaana ay furto kiiska loo heysto Saabey, Cabdul, Koofi iyo ragga kale ee ka baxsaday dalka, si loo galo kiiskooda. Si kastaba, Dowladda federaalka ayaa haatan wadda dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo qabtay mas’uuliyiintii ugu badneyd oo wajahaya xabsi iyo maxkamadeyn intaba. The post Waqtigii loo qabtay Saabey, Cabdul iyo Koonfi oo maanta ku eg + Tallaabada xigta appeared first on Caasimada Online.
  3. Bahir Dar (Caasimada Online) – Gobolka Amxaara ee qalalaasaha uu ka taagan yahay ee dalka Itoobiya ayaa intiisa badan “degan” Khamiista maanta ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka, kadib markii ciidamada dowladda ay ku dhowaaqeen inay dib u riixeen maleeshiyada kooxda Fano kadib dagaal qaraar oo maalmo socday. Dowladda ayaa Arbacadii ku dhowaaqday inay Bandow kusoo rogtay lix magaalo oo waa weyn oo rabshadaha ay saameeyeen, kuwaas oo ku yaalla gobolkan waqooyi, oo ay ku jiraan caasimadda Bahir Dar iyo magaalada Lalibela. Agaasinka guud ee xaaladda deg-degga ah ayaa tallaabadan ku dhawaaqay kadib markii uu shaaciyey in ciidamada qalabka sida ay magaalooyinka “ka xoreeyeen” dagaal-yahannada deegaanka. “Maanta aad ayay u degan tahay magaalada, qofna ma dhaq-dhaqaaqayo,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka Bahir Dar oo magaciisa ku soo koobay Tesfahun. “ENDF (Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya) ayaa halkan dhex mushaaxaya… waxaa jira baaritaanno guri-guri ah oo ay ciidamadu ku baadi-goobayaan dad laga shakisan yahay,” ayuu u sheegay AFP, isagoo intaas ku daray in aan rasaas la maqal. Dadka ku nool Lalibela iyo magaalada labaad ee ugu weyn gobolka ee Gonder ayaa xogo taas la mid ah siiyey wakaalada wararka ee AFP, iyagoo sheegay in maleeshiyaadka loo yaqaan Fano ay dib u gurteen. Sida uu dhigayo bandowgan oo socon doona ilaa 23-ka Agoosto, waxaa la mamnuucay dhaq-dhaqaaqa dhammaan gaadiidka, marka laga reebo gaadiidka gurmadka iyo kuwa ammaanka, wixii ka dambeeya 7:00 fiidnimo. Waxaa sidoo kale la mamnuucay shirarka iyo isu soo baxyada dadweynaha. Duulimaadyadii gobolka ayaa sidoo kale dib u billowday Khamiista ka dib markii shirkadda Ethiopian Airlines ay ku dhawaaqday inay soo gaba-gabaysay hakinta kooban ee ay ku joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Bahir Dar iyo Gondar. Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay rabshadahan, laakiin dhakhaatiirta isbitaallada ee laba ka mid ah magaalooyinka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa Arbacadii u sheegay AFP in tiro badan oo rayid ah la dilay ama la dhaawacay. Tesfahun waxa uu sheegay in kaniisadaha Bahir Dar fiidnimadii Arbacada tacsi loogu sameeyay dad rayid ah oo lagu dilay isku dhacyada. Dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa toddobaadkii tegay waxay lix bil xaalad deg deg ah uga dhowaaqday gobolka Amxaara kadib markii dagaalka uu qarxay, sagaal bil un kadib markii uu dhammaaday dagaalkii labada sano ka socday gobolka deriska ah ee Tigray. Ciidamada gobolka Amxaara iyo malayshiyada deegaanka ayaa taageerayey ciidamada federaalka labadii sano ee dagaalka ay kula jireen fallaagada Tigrayga, illaa heshiis nabadeed la saxiixay November 22, taasi oo ka caraysiisay qoomiyadda Amxaarada. Hase yeeshee xiriirkooda ayaa xumaaday kadib markii mas’uuliyiinta dowladda ay billaabeen inay wiiqaan kooxaha sida militariga u tababaran ee gobollada. Qaar ka mid ah dadka u dhaqaaqa ayaa sheegay in tani ay Amxaarada u baylaheyso weerarro kaga yimaada gobollada deriska ah. Mudaaharaadyo rabshado wata ayaa ka dillaacay guud ahaan gobolka Axmaara bishii April kadib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu amray in la kala diro ciidamada ammaanka ee 11-ka gobol ee Itoobiya, laguna daro booliska ama militariga qaranka. Dibad-baxayaasha ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay isku dayayso inay wiiqdo ammaanka Amxaarada. Xukuumadu way beenisay arrintaas, waxayna sheegtay in tallaabadaas loo baahnaa in la qaado si loo xaqiijiyo midnimada qaranka. AFP, VOA The post Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Itoobiya iyo dhowr magaalo oo laga saaray… appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada heer Federaal iyo kuwa dowlad-goboleedka Galmudug. Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda amni, qorshaha waqtiga dhow ee xoreeynta deegaannada ku jira gacanta Khawaarijta iyo dardar galinta abaabulka xooggan ee ka socda Galmudug, kaas oo ay dadka deegaanku kaga qayb qaadanayaan halganka dib u xoreynta dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhan ah khawaarijta ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo Al-shabaab, taas oo leh saddex dhinac oo ku wajahan dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya iyo la wareegidda ciidamada Qaranka ee mas’uuliyadda amniga dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyneyso tayeynta iyo tababarka ciidadamada xoogga dalka oo guulo muuqda laga soo hooyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah akhriska 3-aad ee Wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka DPL. Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda oo gacanta ku hayay labada xeer, waxayna Golaha ka soo horjeediyeen warbixinta wax-ka-bedelka xeerarka. Intaa kadibna, Goluhu ayaa guda galay qodob-qodob uga doodista & ansixinta labada xeer oo muhiim u ah dalka. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka DPL. Xeerarkaan ayaa muhiimad weyn u leh nidaamka Doorashooyinka goleyaasha deegaanka dalka, maamulka Gobollada iyo degmooyinka. Dhinaca kalena, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Tartan furan ee iibka dhulka Dawladda Hoose ee Degmadda Garoowe kaas oo cabirkiisu yahay 90×30, kadib soo jeedintii Madaxweynaha Dawladda Puntland. Dhulkaas ayaa loo iibinayaa si loogu dhiso dhismaha cusub ee Dawladda Hoose Degmadda Garoowe. PUNTLAND POST The post Golaha Wakiillada Puntland oo ansixiyay Iibinta Xaruntii Dowladda Hoose ee Garoowe appeared first on Puntland Post.
  6. The Kenyan government and the opposition have formed technical teams to steer talks aimed at resolving the long-running stand-off that has led to deadly protests in recent months. Source: Hiiraan Online
  7. At least six people were killed in an explosion targeting a passenger bus travelling in a region outside Somalia’s capital, the state news agency has said. Source: Hiiraan Online
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa kulamo ka wada magaaladaas oo caasimad u ah maamulka Galmudug. Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa wada guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada heer Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Inta uu socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha amniga iyo qorshaha waqtiga dhow ee xoreeynta deegaannada weli ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday dardar galinta abaabulka hadda ka socda Galmudug, kaas oo ay dadka deegaanku kaga qayb qaadanayaan halganka dib u xoreynta dalka. Madaxweynaha Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa dul istaagay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dowladdu ay dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo Al-Shabaab taas oo leh saddex dhinac oo ku wajahan dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaaban doonaan dhammeystirka wajiga koowaad ee ladagaallanka kooxda Al-Shabaab Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya iyo la wareegidda ciidamada Qaranka ee mas’uuliyadda amniga dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyneyso tayeynta iyo tababarka ciidadamada xoogga dalka oo guulo muuqda laga soo hooyay. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dalka ay ka socdaan abaabullo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo uu madaxweynuhu tegay magaalada Dhuusamareeb Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Muxuu ahaa ujeedka shirka ay wada guddoomiyeen Xasan Sheekh iyo Qoor Qoor? appeared first on Caasimada Online.
  9. Security analysts in Somalia and beyond concur that the ongoing President Hassan Sheikh Mohamud (HSM) -led anti-terror offensive offers reasons for optimism because the current campaign is markedly different from previous ones. The US-based Combating Terrorism Center (CTC) notes that for the first time, a stronger Somali National Army (SNA) backed by local partners is taking the lead whereas in the past, military operations tended to be foreign-led . While US and Turkish drone strikes are curtailing al-Shabaab’s command and control and freedom of maneuver, it is primarily the Somali army on the ground that has inflicted the heaviest losses on Al-Shabab as the gallant forces have demonstrably shown the capability of killing and routing the insurgents in their hundreds and thousands in major counter-terrorism operations across the central regions. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) - Somalia's National Intelligence and Security Agency intercepted an explosives-rigged vehicle in Elasha Biyaha, located about 15 km south of Mogadishu, on Wednesday following a security operation. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shir todobaadlaha ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin amniga iyo dagaalka Shabaab. Ugu horreyn xubnaha golaha wasiirada ayaa shirkooda ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed oo la horgeeyay, kadib dood ay ka yeesheen Waxaa Hindise Sharciyeedkan soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, ee ay hoggaamiso Khadiija Diiriye wuxuuna ilaalinayaa xuquuqda caruurta. Sidoo kale wuxuu meeshana ka saarayaa wax walba oo ku xad-gudbaya xuquuqdooda, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda soo gudbisay ee Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka. Intaas kadib golaha ayaa shirkooda uga hadlay xaaladaha amni ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga dalka iyo wajiga labaad ee howlgalllada socda ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo ka hadlay goobta. Xubnaha golaha wasiirada ayaa sidoo kale bogaadiyey billowga wajiga labaad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo goobaha ay Shabaab kaga sugan yihiin deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo meelaha kale ee ay ku harsan yihiin. Ugu dambeyn golaha ayaa waxaa la horkeeyay warbixinno kale oo la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka & Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ku sugan caasimada Galmudug. The post Sawirro: Golaha Wasiirada DF oo ansixiyay sharcigii ay hor-gaysay KHADIIJA DIIRIYE appeared first on Caasimada Online.
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Dhexe ee cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka oo lagu dhisayo iskaa-wax-u qabso. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha xarunta maanta la dhigax-dhigay uu ka tarjumayo dadaalka Wasaaraddu ay ugu jirto u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana xilliyada dhow la qorshaynayo in Wasaaradaha oo dhan ay yeeshaan xarumo waaweyn oo casri ah oo dalka iyo dadka loogu adeego. Xaruntan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee ay yeelato wasaaradda, maadaama ay haatan la deggan tahay dhismaha wasaaradda warfaafinta. Waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen in ay wasaaraddu yeelato xarun dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed. Hindise Sharciyeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ah mid ilaalinaya xuquuqda caruurta Soomaaliyeed, meeshana ka saaraya wax walba oo ku xadgudbaya xuquuqdooda. Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Golaha ayaa bogaadiyey billowga wajiga labaad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab ee deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle. Golaha ayaa sidoo kale la horkeenay warbixinno la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka & Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9-aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga. Baabuurka la qarxiyay oo ahaa Cabdi Bile ayaa ku socdaalayay waddada Daarusalaam, waxaana qaraxa uu ku qabsaday halka loo yaqaano suuqa jaayga, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Gabi ahaan gaariga ayaa burburay, waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray ciidamadii saarnaa Cabdi Bilaha. Inta la xaqiijiyay ugu yaraan illaa 5 askari ayaa goobta ku dhintay, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada saarnaa baabuurka qaraxa lagula beegsaday halkaasi. Waxaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dad kale oo shacab ah oo ka agdhowaa goobta, ayada oo dhimashada rayidka ay iyadun tahay illaa saddex qof. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo ku baxay dhacdadaasi, balse wax war ah kama soo saarin qaraxaasi. Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay weerarkan gaadmada ah ee lagu laayay ciidamada, kana dhacay waddada dheere ee aadan deegaanka Daarusalaam Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo weerarada sii kordhaya ee ay haatan kooxda Al-Shabaab ka geysaneyso Muqdisho, xilli ay dhankooda howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda. Si kastaba, weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la filayo in wajigiisa labaad uu ka billowdo gobollada dalka. The post Qarax lagu ldilay askar badan oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  15. Somalia has made significant progress in increasing breastfeeding levels in the past ten years. However, the UN's children's fund warns that cultural myths and the use of alternatives such as infant formula pose a challenge to efforts to popularize breastfeeding. Source: Hiiraan Online
  16. Cabdi Cabdillaahi oo ahaa xubin ka tirsan Al-shabaab ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Gobolka Galgaduud, gaar ahaa Magaalada Baxdo, isaga oo la oo dhoweeyay, xilli uu ka shaqeynayay arrimaha caafimaadka. Waxaa uu ku sheegay wareysi lala yeeshay inuu ahaa Dhagar u qaabilsanaa dhanka Caafimaadka gaar ahaan daawaynta dhaawacyada soo gaara madaxda sare ee sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu ka tirsanaa muddo lix sano ah Al-shabaab. Bariga gobolka Galgaduud oo dowladdu ay ku qaaday guluf colaadeed ayaa maalmahaan waxaa kusoo badanayay xubnaha ka tirsan kooxda ee isku dhiibayay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaannada Galmudug oo laga bilaabayo howlgal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii shalay duleedka Dhuusamareeb lagu soo bandhigay xoogag ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, kuwaas oo ka qayb-qaadanaya dagaalka Al-Shabaab. Ciidamadan ayaa dhoolatus ka sameeyay deegaanka Mareergur oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ah goobta la’isugu keenay ciidankan oo ah dadka deegaanka.. Wararka ayaa sheegaya in xoogagan la’isaga keenay deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb illaa Xarardheere, si ay ugu biiraan gulufka ka socda Galmudug. Sidoo kale waxaa ciidamadan booqasho ugu tegay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka, xildhibaano, senataro iyo saraakiila ka tirsan ciidamada Xoohha dalka. Mas’uuliyiinta ayaa ciidankaan kula dardaarmay inay ka qeyb-qaataan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaanada Galmudug. Dhankooda hoggaamiyeyaasha ciidankan is abaabulay ayaa balan-qaaday inay doorkooda ka qaada doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dhexe ee dalka. Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa si firfircoon uga socda diyaargarowga loogu jiro gulufka ay tahay in jiridda loogu siibo Shabaabka hubeysan. Dadka reer Galmudug ayaa muujiyay inay ka go’an tahay in ay wiiqaan kooxaha argagixisada, ka dib sanado badan oo ay duljoogeen. Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud u ah dagaalka ayaa Dhuusamareeb u jooga hagida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. The post Sawirro: Ciidamo horleh oo lagu soo bandhigay duleedka Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa si wadajir ah u xarigga uga jaray laanta Bangiga Dhexe ee Dhuusamarreeb. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amaanay inuu ka shaqeeyo baahinta xarumaha Bankiga Dhexe ee dalka oo laga hergelinayo xarumaha maamul goboleedyada dalka. Dhanka kale Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay ka reer Galmudug ahaan ku faraxsanyihiin isla markaana muhiimad weyn ay u leedahay in Bangiga Dhexe xaruntiisii Dhuusamareeb dib loo hawlgaliyo oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howlgaliyo meel ka baxsan Caasimadda Dalka ee Muqdisho. Ugu dambentii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa dhankiisa xusay iney ka go’antahay sidii dib loogu howlgelin lahaa dhamaan laamaha Bankiga Dhexe ee dalka uu ku lahaa si loo baahiyo shaqooyinka Bankiga Dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Nairobi (HOL) - Kenya and Somalia have signed a bilateral air services agreement to open the airspace of both countries for direct flights, following months of negotiations between the authorities of the two nations. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo gunaanadayey hawlaha xajka ee sannadkii tagay ayaa jawaab rasmi ah ka bixiyay eedaha musuq ee loo jeediyay, kadib markii la sheegay inay akoonkiisa ay ku dhacday lacag dhan illaa $5 milyan oo dollar, taas oo si aad ah loogu baahiyay baraha bulshada. Roobow ayaa beeniyay in lacagtaas ay ku dhacday jeebkiisa, wuxuuna tilmaamay in uusan jirinba akoon uu shaqsiyan u leeyahay, sida uu ku dooday. “Waxaad maqasheen wax badan war wasiirkii akoonkiisa shan Miliyan ayaaba ka laa laada, horta wasiirka akoon ma leeyahay marka hore, hadana ma ku jirtaa intaas?. ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka uu leeyahay hay’ado kala duwan, isla-markaana uu wasiir ama shaqsi uusan wuxuu rabo ka sameysan karin hantida dadweynaha. “Midda kale lacagta intaas la’eg dowladda xisaabiya guud ma leh, sow hantidhowre ma leh, sow wasiir maaliyadeed mal eh oo haddii uu nin walbaa oo wasiir noqdo shan xabbo oo meesha gashan karo oo ra’iisul wasaaraha muxuu qabanayaa?” ayuu hadalkiis sii raaciyay. Wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in sannadkan ay dadaal badan geliyeen howlaha Xajka, isla-markaana ay soo hartay lacag dhan illaa 9 Milyan oo dollar, taas oo uu tilmaamay inay ku dhici jirtay jeebka dad kale, taasina ay tahay waxa qaylada keenay. “Xajka sida hadda la sheegay lacagta soo hartay oo 9 Milyan ku dhow dad bey jeebkooda ku dhici jirtay marka waxa qayinaayo waa sagaalka Milyan” ayuu mar kale yiri Roobow. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka ka xariiqay inuu diyaar u yahay isla xisaabtan iyo xittaa in baaris lagu sameeyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya. “Mudane ra’iisul wasaare haddii ay jirto lacag qaloocan ama wasaaradda ay qabto ama wasiirka uu qabo waxaan codsanayaa hay’adaha ku shuqulka leh beri subixii inaanu ila dhaafin ay soo af meeraan la ogaado maxaa ka jira meesha? ayuu kusii daray wasiirku. The post Daawo: Muxuu Wasiir Roobow ka yiri $5-ta Milyan an ee loo haysto? appeared first on Caasimada Online.
  21. Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sida ay shaacisay waxay fashilisay gaari qaraxyo siday. War kooban oo ka soo baxay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka ee NISA ayaa lagu sheegay in gaarigaas qaraxyada siday gacanta lagu dhigay. Hay’adda NISA ayaa sheegtay in gaariga qaraxyada siday lagu qabtay degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho sida ku xusan qoraalka hay’adda. Qoraalka oo lagu daabacay bogga NISA ku leedahay barta bulshada ee ‘X’ ayaa sidoo kale tilmaamay in toogasho lagu dilay darawelkii gaariga kadib markii uu isku dayay in uu baxsado. “Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ku sugan deegaanka Ceelasha-Biyaha ayaa gacanta ku dhigay gaari siday walxaha qarxa” ayay tiri NISA. “Waxaana la dilay darawalkii waday kadib markii uu isku dayay inuu baxsado” ayay intaas ku dartay hay’adda sirdoonka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo shaacisay in ay fashilisay gaari qaraxyo siday appeared first on Puntland Post.
  22. Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed. Hindise Sharciyeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ah mid ilaalinaya xuquuqda caruurta Soomaaliyeed, meeshana ka saaraya wax walba oo ku xadgudbaya xuquuqdooda. Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgalka kooxaha Argagixixsada ahlagu ciribtirayo ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Golaha ayaa bogaadiyey billowga wajiga labaad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan AS deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo meelaha kale ee ay ku harsan yihiin. Sidoo kale, Golaha ayaa la horkeenay warbixinno la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka & Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta appeared first on Puntland Post.
  23. An Ethiopian delegation led by the transport and logistics minister Dr. Alemu Sime has arrived in Hargeisa, Somaliland to look at more options for Ethiopia. The delegation has discussed with the Somaliland government about making Berbera port an additional option for Ethiopian revenue and expenditure trade. During the discussion, a discussion has been discussed on ways Ethiopia can use Berbera port to meet its growing needs of expenditure, Berbera corridor A delegation from the Ethiopian Government, led by the Minister of Transport of Ethiopia met with the officials of Berbera Port Dr. Alemu Sime, who said Ethiopia is one of the countries showing rapid economic growth in Africa, has said that it needs an alternative to the port of Djibouti that it uses for revenue and expenditure. The delegation has also visited the Berbera Port and had a briefing with the Somaliland government on the Berbera Port and Berbera Corridor to mutually benefit from the utilization of a transit route to and from the Port of Berbera. Horn diplomat Qaran News