-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Colaadda gobolka Amxaarada ayaa gobolkaas ka socday muddo bilo ah, wuxuuna sii xoogeystay todobaadkii hore. Dagaalka ayaa weli ka socda dhowr magaalo oo ku yaalla gobolkaas. Sanadihii u dambeeyay, jabhadda Oromada, OLA ayaa dagaal kula jiray ciidamada amaanka ee deegaanno ka tirsan gobolka Oromia, markii uu soo af-jarmay dagaalkii Tigray, dagaal kaas lamid ah ayaa ka qarxay gobolka Amxaarada. Dagaalka hadda socda oo sii xoogeystay maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaad ka dhisan gobolka Amxaarada oo la yidhaahdo Fano, dagaalkaas oo horseeday in dowladda ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah, furimaha dagaalkana ay u dirto ciidan. Wararka ka imaanaya gobolka Axmaarada ayaa sheegaya, in ciidamada dowladda Itoobiya ay maleeshiyaadka deegaanka ah ee FANO ka saareen labo magaalo oo waaweyn, waana markii ugu horreysay oo ay furimaha dagaalka gaadhaan tan iyo markii uu dagaalku qarxay todobaadkii hore. Maadaama dagaalku sii xoogeystay, dadka u dhuun daloola arrimaha Itoobiya ayaa sheegaya in xaaladdu sii xumaan karto. Source
-
Nin adaxweynaha Maraykanka dil ugu hanjabi jiray oo isaga……
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Intii uu socday howlgal ay sameeyeen FBI-da waddanka Mareykanka ayaa waxay toogasho ku dileen nin baraha bulshada ku faafin jiray hanjabaado rabshado wata, oo ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo saraakiil kale. Saraakiisha FBI-da ayaa la sheegay inay Craig Robertson isku dayayeen in ay fuliyaan amar qabasho oo ay waaran u haysteen, isaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaala gobolka Utah, saacado yar ka hor booqasho qorshaysnayd oo uu ku tagi lahaa madaxweyne Biden. Dacwad dambiyeedda ayaa lagu sheegay in Robertson uu barta Facebook-ga soo dhigay hanjabaad ka dhan ah Biden iyo dacwad oogaha gacanta ku haya eedeymaha ka dhanka ah madaxweynihii hore ee Mareykanka ee Donald Trump. FBI-da ayaa diiday inay bixiso faah-faahin dheeri ah ka bixiso dhacdada lagu toogtay Craig Robertson. Weerarku ayaa se la sheegay in uu dhacay abbaaro 06:15 waqtiga maxalliga ah ee magaalada Provo, oo qiyaastii 65 km koonfurta ka xigta magaalada Salt Lake. Dacwad dambiyeeddaas loo haystay ayaa lagu sheegay farriimaha uu Robertson ku baahiyay Facebook kuwaas oo ay ku jiraan sawirrada qoryo iyo hanjabaad ah inuu dilayo Mr Biden iyo Alvin Bragg, oo ah xeer ilaaliyaha degmada Manhattan ee hogaaminaya baaritaan ku saabsan lacag uu Mr Trump siiyay haweeneey la sheegay inuu la seexday si ay u qariso arrintaas. Marka laga soo tago Biden iyo Alvin Bragg, farriimaha kale ee hanjabaadda ayaa waxaa lala beegsaday xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Merrick Garland iyo xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James. Waxaan boodhka ka jafayaa qorigaygii M24-ka ahaa’ Robertson ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay: “Waxaan maqlaya Biden oo imanaya Utah. Sidaas darteed waxaan la soo baxaya direyskaygii hore, aniga oo sida oo kalana boodhka la sifeyn doona qorigaygii M24 ee meelaha fog wax ka toogta.” Dacwadda ayaa lagu sheegay in hajbaadda Robertson ay soo baxday bishii March ka dib markii uu qoraal gooddin ah oo ka dhan ah Mr Bragg uusoo dhigay barta Truth Social, oo ah shabakadda bulsheed ee uu leeyahay Donald Trump. Qoraalkaas Ka dib ayay shirkaddu waxay hanjabaadaas ku war galisay Xarunta FBI-da ee qaabbilsan Hawlgallada Khatarta ku ah Qaranka. Saraakiisha FBI-da ayaa markaas booqday tuhmanaha, waxayna u sheegeen in hanjabaada u soo dhigay ay tahay “riyo”, xilligaas oo isna ku dooday in ay ‘waaran’ raadsadaan oo gurigiisa u dhaafaan. Waxaana uu halkii ka sii waday Farriimaha hanjabaadda ahaa ilaa laga soo gadhayey Talaadadii, oo uu soo qoray: “laga yaabaa in Utah ay caan noqon doonto toddobaaskan, maadaama meeshan uu shuucigii Biden ahaa, nin ku toogan doono. Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa inuu safarkiisii ugu horreeyey ku tago Utah isagoo madaxweyne ah, halkaas oo uu booqan doona isbitaal ay leeyihiin ciidamada iyo xaflad deeq ururin ah oo ka dhici doonta Park City. Qaran News -
Dowladda Kenya ayaa bilowday wadahadal ay la gasho mucaaradka si ay isku daydo in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed oo keenay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhashay qiimaha maciishada oo aad u sarreeya, waxaana lagu baaqay in isbedel lagu sameeyo doorashada. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, ayaa soo abaabulay dibadbaxyadii ugu dambeeyay. Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan qof ay ku dhinteen iska horimaad dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaal. Laakiin kuwa dadka u dhaqdhaqaaqa ayaa sheegaya in tirada ay intaa aad uga badan tahay. Rabshadahaasi ayaa qeylo dhaan ka dhaliyay gudaha iyo dibadda, waxaana lagu baaqay in la dhexdhexaadiyo si meesha looga saaro xiisadda taagan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedk Muqdisho, kaas oo ay sameeyeen ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA). Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay nin waday baabuur nooca raaxada ah oo ay Al-Shabaab kasoo buuxiyeen walxaha qarxa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada oo ka war haya weerarkan ay ka hortageen, isla-markaana ay fashiliyeen qorshaha Al-Shabaab ee qaraxaasi. Dowladda waxa ay sheegtay in la kala furfuray qaraxyada, ujeedkana uu ahaa in lagu dhibaateeo dadka shacabka aha ee aan waxba galabsan. “Ciidamada NISA ayaa deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta oo watay gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa, NISA ayaa ku guuleysatay inay khaarajiso ninkaas oo dabagal ay ku heysay, iyadoo laga furtay gaarigii ay qaraxyada ku soo rareen oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogaga warbaahinta qaranka. Sidoo kale dowladda ayaa u mahadcelisay dadka deegaanka ee kala shaqeeyay fashilinta qaraxaan oo la sheegay in loo soo waday gudaha magaalada Muqdisho. Ciidamada ammaanka ayaa marar badan fashiliyay weeraro noocaan oo kale ah, kadib howlgallo ay ka sameeyeen dhabaha xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa haatan caasimada iyo nawaaxigeeda ka wada howlgallo culus oo lagu xaqijiinayo amniga, si looga hortago weerarada Al-Shabaab. The post Sawirro: Nin waday gaari lagu soo buuxiyay qaraxyo oo lagu dilay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Khasaaraha dabkii suuqa Jigjiga oo lagu qiyaasay $25 milyan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Duqa Caasimadda dawlad-deegaanka Soomaalida ee Jigjiga Eng. Siyaad Cabdi Axmed oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqii ganacsiga uu gaadhayo 1.5 bilyan oo birr oo u dhiganta 25 milyan oo doollar. Duqa Jogjiga ayaa sheegay in ganacsatadii suuqa loo diyaariyay goobo kumeel gaadh ah inta laga bilaabayo dhismaha rasmiga ah. Eng. Siyaad Cabdi Duqa sidoo kale ka hadlay dayacyirka iyo hagaajinta waddooyinka laamiyada ah ee magaalada oo uu sheegay in kuwo badan la dhamaystiray halka dhanka kalana uu sheegay in kuwo kalee socdana dhawaan lasoo gaba gabayn doono. Source -
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis laba geesood ah oo dhinaca adeegyada hawada ah kaasi oo ujeedkiisu yahay in la kordhiyo tirada diyaaradaha ee isaga kala goosha labada dal. Heshiiska ayaa waxaa labada dal u kala saxiixay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista ee Soomaaliya Fardawsa Cismaan Cigaal iyo xoghayaha gaadiidka iyo howlaha guud ee Kenya Kipchumba Murkomen. Wasiirka Gaadiidka ee Soomaaliya Fardawsa Cismaan Cigaal ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda X waxa ay ku sheegtay in heshiiska ay la saxiixatay dhiggeeda Kenya uu u oggolaan doono shirkadaha diyaaradaha ee ka diiwaan gashan Soomaaliya in ay u duuli karaan Kenya, waxayna xustay in sidoo kale uu heshiisku xoojinayo iskaashiga iyo in labada dal ay isweydaarsadaan aqqoonta. Xoghayaha Gaadiidka iyo Howlaha Guud ee Kenya Kipchumba Murkomen ayaa qoraal uu soo saaray isna ku sheegay in shirkadaha diyaaradaha ee labada dal loo oggolaan doono in ay toddobaad kasta ku shaqeeyaan duulimaadyada rakaabka toddobo jeer oo xiriir ah loona cayimay khadadka ay isticmaalayaan. Heshiiska ayaa sidoo kale u oggolaanaya shirkadaha diyaaradaha xamuulka in ay u kala duulaan si aan xadidneyn. PUNTLAND POST The post Soomaliya iyo Kenya oo gaaray heshiis dhanka Duullimaadka ah appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa si wadajir ah u xarigga uga jaray laanta Bangiga Dhexe ee Dhuusamarreeb. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amaanay inuu ka shaqeeyo baahinta xarumaha Bankiga Dhexe ee dalka oo laga hergelinayo xarumaha maamul goboleedyada dalka. Dhanka kale Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay ka reer Galmudug ahaan ku faraxsanyihiin isla markaana muhiimad weyn ay u leedahay in Bangiga Dhexe xaruntiisii Dhuusamareeb dib loo hawlgaliyo oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howlgaliyo meel ka baxsan Caasimadda Dalka ee Muqdisho. Ugu dambentii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa dhankiisa xusay iney ka go’antahay sidii dib loogu howlgelin lahaa dhamaan laamaha Bankiga Dhexe ee dalka uu ku lahaa si loo baahiyo shaqooyinka Bankiga Dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Khaarajiga oo Qaabilay Danjireyaal Badan oo ka Socday Caalamka Hargeysa(Qaran news) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xafiiska ku qaabiley 7 ka mida safiirada Somaliland ujooga wadamada ay xidhiidhka saaxiibtinimo ka dhaxeeyo. Kulanka wasiirku la yeeshay safiirada waxa ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mudane Siciid Axmed Cabdikariin. Safiiraddan ayaa JSL u fadhiya wadamadda kala duwan ee dunida, kuwaas oo ku sugan dalalk, Ingiriiska , Maraykanka , Canada , Turkiga , Norway , Sweden , Taiwan , iyo Koonfurta Suudaan ,. Sidoo kale waxa kulanka ka qayb galay Ergeyga JSL u qaabilsan wada-hadaladda Somaliland iyo Somaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Ergayga JSL u qaabilsan Ururka ay ku midoobeen wadamadda Qaaradda Afrika ee AU iyo Urur-goboleedka IGAD Mudane Safiir Cabdilaahi Maxamed Ducaale. Ujeedadda kulankan ayaa ahayd mid lagu kala warqaadanayay warbixin la xidhiidha xaalada guud ee dalka. Gaba-gabadii wasiirka ayaa ka codsaday safiirada xoojinta xidhiidhka wada shaqeyd ee wasaaradda iyo wadamada ay joogaan. Qaran News
-
The Kenyan government has begun talks with the opposition to try and resolve a political feud following a series of violent protests over the high cost of living and calls for electoral reforms. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gumaadka ay argagixisada u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed waa 15 sano jirsaday. Waxaase hareer socday muddadaasi fog baad iyo dhac ay kooxda u geysaneyso ganacsatada Soomaaliyeed. Taxanahan 15 jirka ah ayaase markii ugu horreysay la kulmay cadaadis iyo dagaal uusa baran. Jahwareer dhaqaale ayay wajahayaan argagixisada tan iyo markii inta badan ganacsatada u hoggaansatay amarkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in aan wax dhaqaale ah la siin karin kooxda. Inkasta oo ay weli jiraan ganacsato si dhuumaleysi ah lacago u siiya argagixisada, kuwaasi oo dowladda Soomaaliya iyo hay’addo caalami ah ku daba-jiraan, haddana kooxda waxay bilihii dambe billowday inay beegsato ganacsatada waaweyn ee illaa xad u hoggaansamay mowqidka dowladda dhexe ee Soomaaliya. Kooxda waxaa haysata laba xaaladood, mid waa dhaqaale xumo baahsan, midna waa marxalada wejiga labaad ee dagaalka. Sida ay illo muhiim ah noo xaqiijiyeen mid kamid ah shirkadaha waaweyn ee isgaarsiinta ee dalka ayay kooxda saartay cadaadis gaar ah waayihii dambe, sida; qarxinta xarumaheeda, in loo diido inay gobollo qaar ay xarumo iyo anteeno ka surtaan ama xitaa inay dayactirtaan xarumihii laga burburiyay. Deegaanada qaarna saacadihii ay doonaan ayay argagixisada amraan in qasab lagu damiyo xarumaha shirkadaas. Kooxda Al-Shabaab waxay gebi ahaanba horay u joojisay dhammaan wixii gaadiid shirkadda Hormuud ay laheyd ee ka howl-galayay deegaanada ay joogaan. Al-Shabaab toos uma shaacin dagaalka ay ku qaaday shirkadda Hormuud, balse waxaan ogaanay inay soo rogeen amar ay ku kala dhantaalayaan macaamiisha shirkadaas. Tallaabadan ay kooxda ku cadaadineyso shirkadaan waxay dadka qaar la xiriirinayaan arrimo ganacsi, balse illo amni oo noo waramay ayaa aaminsan in shirkadaan laga rabo lacago baad ah oo kooxdan ay ku gasho wejiga labaad ee dagaalka. Waxaa kale oo lagu haystaa in awaamiirtii dowladda u dhago nuglaadeen. Tallaabooyinkan waa dhaqanka iyo dabeecadaha laga fisho koox kasta oo hubeysan oo sii jabeysa. Haddaba, Maxaa maanta la gudboon ganacsatada Soomaaliyeed? Argagixisada ka dagaalnta Soomaaliya masii noolaan karaan dhaqaale la’aan, mana sii wadi karaan dagaalka. Ganacsatada waxaa hortaalla inay adkeysi muujiyaan inta uu socdo wejiga labaad ee dagaalka oo aanay u dabcin cadaadiska argagixisada iyo inay dowladda Soomaaliya garab buuxa siiyaan si loo soo afjaro hanjabaad, baadda iyo dilka joogtada ah ee ku socday 15-ka sano. Waxa kale oo jira warar sheegaya in argagixisada waayahan raadineyso inay lacago dayn ah ka hesho qaar kamid ah ganacsatada aan weli sida fiican u dabaqin amarka dowladda Soomaaliya. Waxaana laamaha amniga ee dowladda hortaalla inay arrintaas ku sameeyaan baaritaan deg deg ah, oo haddii ay jirtana tallaabo ka qaadan. Soomaaliya waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda oo isku dhinac ah iyo mashruuca ajnabi ee argagixisada oo dhinaca kale taagan. Waxaa shacabka Soomaalida badi u muuqata in la joogo samankii jiritaanka argagixisada taariikh loo beddeli lahaa. The post Shabaab oo qaaday tallaabo ganacsatada ka dhan ah xilli ay wajaheyso culeys badan appeared first on Caasimada Online.
-
The UN World Food Program (WFP) said that some 76.7 million people were food insecure in Eastern Africa as of early July, a decrease compared to the lean season in 2022. Source: Hiiraan Online
-
The World Health Organization (WHO) is ramping up efforts to save lives and prevent cholera transmission in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Four Somali women have appeared before a military court in Mogadishu, facing charges related to terrorism. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil xog ogaal ah, colaada la dhex qaraxday Qowmiyadda Amxaaradda ee dalka Itoobiya iyo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa saameysay ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha Soomaaliya lagu xiray ku dhawaad 150 askari oo ka soo jeeda Qowmiyadda Amxaarada ee dalka Itoobiya. Sida ay noo sheegeen ilo wareedyada aan xogtaan ka helnay saraakiil sare oo Taliye Guuto oo Amxaari ah uu ku jiro ayaa ka mid ah ciidanka xabsiga la dhigay, markii la ogaaday inay ku milmeen colaada ka taagan gudaha dalkaas. Magaalooyinka Baydhaba, Diinsoor iyo Buurhakaba ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay ciidamada la xirxiray, kuwaas oo loo qaaday gudaha dalka Itoobiya. Ciidamada Qowmiyahada kale ee Itoobiya ka soo jeeda ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa la sheegay inay ogaadeen in askarta ka soo jeeda Qowmiyadda Amxaarada ee ku sugan Soomaaliya ay maleegayaan qorshe culus oo ka dhan ah Abiy Axmed, maadaama uu la dagaalamayo Qowmiyadda ay ka dhasheen. Diyaarado ayaa ciidankaas oo maxaabiis ah looga qaaday magaalada Baydhaba, waxaana loo qaaday gudaha dalka Itoobiya, si xukuumadda Abiy ay ugu ciqaabto qorshaha ay damacsanaayeen. Saraakiisha noo warantay waxay sheegeen inay jiraan askar badan oo Amxaaro ah oo ku gadoodsan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ciidanka kale ee Itoobiya ay ku howlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa. Dalka Itoobiya ayaa la daalaa dhacaya dagaallada soo noqnoqday ee u dhaxeeya qowmiyadaha iyo dowladda dhexe, sidoo kale qowmiyadaha ayaa ayagu isku laaya gobollada qaar. Sidaan oo kale ciidankii ka soo jeeday Qowmiyadda Tigreega oo horay uu ula dagaalamay Abiy Axmed ayaa uga gadooday duulaanka lagu qaaday qowmiyadooda, waxaana la xusuustaa in colaadaasi ay saameysay ciidanka Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya, iyadoo la xulay oo dalkooda dib loogu ciliyey, xabsigana la dhigay askar badan oo Tigrey aheyd. The post Abiy oo beegsi ku billaabay ciidanka Amxaarada ee jooga Soomaaliya – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Khuburada ka faallooda dagaalka ee Soomaalida ah ayaa siyaabo kala duwan u fasiraya in madaxweynahu uu dego magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, si loo muujiyo in dowladda dhexe ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wejiga labaad ee dagaalka Al-Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa qorshuhu yahay in lagu qaado dhulka fog ee gobolka Galgaduud iyo deegaannada ku teedsan badweynta Hindiya ee gobolka Galgaduud. Gaashaanle Sare Cilmi Faarax Webi, oo kamid ahaa saraakiishii militariga ee dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre ayaa qaba in halkii uu madaxweynuhu u dhowaan lahaa jiidaha hore ee dagaalka ay ka wanaagsaneyd inuu ku sugnaado barta laga hago dagaalka ee ku yaalla Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee magaalada Muqdisho. “Madaxweynahu waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka, wuu tegi karaa jiidda hore ama meel ku dhow, laakiin muddo kuma sugnaan karo ka badan 24 saac,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Cilmi Faarax oo la hadlay VOA. “Madaxweyne Xasan Sheekh waa nin aan asal ahaan ka imaan ciidan oo rayid ah, amni ahaanna waa laga habboon yahay in uu u dhowaado meel halis ah, shaqadaasi waxaa iska leh taliyaasha ciidamada qalabka sida. Xeerka xilliyada dagaalka waxaa loo ogolyahay in uu ku sugnaado jiidda hore keliya taliska hoggaaminta howl-galka iyo khuburada sare ee milliteriga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Marka laga yimaado aragtidaas waxaa jira dad kale oo u arka in joogitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb ay ka dhigan tahay mid dhiirri-gelin u ah ciidamada iyo guud ahaan dadka doonaya in Al-Shabaab laga saaro deegaannada hadda la qorsheynayo in la weeraro. Gaashaanle Sare Cilmi Faarax waxa uu sidoo kale ku doodayaa in Ceelbuur oo la qabto ay ku jirto xasilloonida deegaanno badan oo hadda ku jira gacanta dowladda dhexe ee Soomaaliya. “Ceelbuur iyo deegaannada ku xeeran in laga saaro Al-Shabaab waxay muhimad weyn u leedahay Qaranka Soomaaliyeed, sababtu waxay tahay in kooxdu ay abuuri karto dhibaato weyn oo amni, sida wixii ka dhacay Galcad oo lagu laayay askar badan iyo saraakiil muhiim u ahaa dagaalka.” “Waxay sidoo kale ay halkaas ku diyaari karaan qaraxyo is-miidaamin ah oo ay ku qaadaan dhulka xorta ah ee gacantooda ka baxay, ama waxay dib usoo abaabuli karaan dagaal kale” ayuu markale yiri Gaashaanle Sare Cilmi Faarax. The post Su’aalo ka dhashay go’aanka Xasan uu Dhuusamareeb… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdulqaadir Soomow ayaa ka sheekeeyey waxa ay isku maan-dhaafeen Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Sheekh Mukhtaar Roobow oo ay isku khilaafeen howlihii xajka ee sanadkaan. “Wax is dabamarin ayey sameeyeen masuuliyiintii ay dowladdu u xilsaartay inay u shaqeeyaan xujeyda sanadkaan, kama aamuseyno hadaan culimada nahay waxa dhacaya, sanadkaan waa soo rafaaday xujeydii Soomaaliyeed, waana waxa aan ka digeynay hadaan nahay culimada Ahlu-sunna,” ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir. Sheekh Soomow ayaa wasaaradda diinta ku eedeeyey musuq xoog leh oo sanadkaan ka dhacay adeegii ay wasaaraddu u sameysay xujeyda Soomaaliyeed. “Waxaan xaqiijinayaa oo aan ogaaday in masuuliyiinta wasaaradda ay hal milyan boqol iyo konton kun oo dollar ay akoon gaar ah ku shubteen, bangiga dhexe waxaa lagu shubay sagaal boqol iyo labaatan kun, hadana isla ragii musuqaas sameeyey waxaa loo fasaxay inay isticmaalaan sagaalkii boqol,” ayuu yiri Sheekh Soomow. Shiiqa oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay inuu la yaaban yahay waxa uu yahay musuqa ay la dagaalameyso dowladda Soomaaliya, sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay sababta uu xafiiska Hantidhowrka Qaranka uga gaabsaday arrimahaan la isku heysto ee adeegii xujeyda. “Marka hore waan ku bogaadinaa dowladda in musuqa lala dagaalamo, waa tallaabo aan rabnay oo mudo dheer aan sugeynay, laakiin waxaan rabnaa in seeftu wada qabato wasiirka iyo shacabka, Hantidhowraha lacag uusan fasixin Bandhiga lagama saaro, waxaana aragnaa in weli wasaaraddu aysan adeegii xajka wax xisaab celin ah ka sameyn,” ayuu yiri Sheekh Soomow. Shiiqaan ayaa sheegay in xujeyda iyo shirkadaha laga qaaday lacago badan oo dheeraad ah, isla markaana aan loo sameyn adeegii laga balan qaaday, isagoo sheegay in mar hore uu ogaaday in sidaas ay damacsan yihiin masuuliyiinta wasaaradda xujeydana uu uga digay. “Hadda waxaan maqlayaa in nimankii musuqa intaas la eg sameeyey la abaal-marinayo oo xaflad ay u dhigeyso xukuumadda, “Xog waxaan ku helnay in xafiiska R/Wasaaraha uu abaal-marin siinayo Wasiirka Diinta, ma mudna waxay aheyd in maxkamadda looga yeero oo xeer ilaalintu ay howsheeda ka qabsato,” ayuu yiri Soomow. Wuxuu hadda dowladda ka dalbaday in wasaaradda diinta dib loo xisaabiyo, maadaama ay qeylo dhaan ka soo yeertay, dowladuna ay dagaal kula jirto musuqa, “Aaway baarlamaankii ay aheyd inuu la xisaabtamo xukuumadda? waxaan hadda ka dalbaneynaa baarlamaanka inay u yeeraan wasiirka diinta oo kula xisaabtamaan arrinta Xajka,” ayuu yiri Sheekh C/Qaadir Soomow. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheekh Soomow oo dalbaday in la maxkamadeeyo Roobow – Maxay isku hayaan? appeared first on Caasimada Online.
-
Murashax u taagnaa xilka madaxtinimada dalka Ecuador, caanna ku ahaa la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa xalay lagu dilay shirqool, xilli uu kasii baxayay goob uu ka olololeynayay oo ku taalla waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Quito. Goob-joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay, in nin hubeysan uu saddex xabbadood ku dhuftay Fernando Villavicencio oo ka tirsanaa Golaha Shacabka, ahaanaa musharrax madaxweyne oo matalayay xisbiga Build Ecuador Movement. Madaxweyne Guillermo Lasso ayaa xaqiijiyay dilka Fernando isla markaana sheegay in uu u maleynayo in ay ka danbeeyaan danbiilayaal abaabulan. Wuxuu intaasi raaciyay in shir-qoolka lagu khaarijiyay Villavicencio loo ciqaabi doono dadki ka danbeeyay. Dhanka kale, war kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Ecuador ayaa lagu sheegay, in ninka looga shakisanyahay inuu dilay murashaxa madaxweyne uu ku dhintay rasaas ay is-weydaarteen isaga iyo ciidamada amniga oo doonayay in ay qabtaan. Fernando Villavicencio ayaa ahaa mid ka mid ah siddeed murashax oo u taagan doorashada madaxtinimada dalka Ecuador oo ka mid ah dalalka ku yaalla Koofurta America, doorashadaas oo dhici doonta 20-ka bishan August ee sannadkaan 2023-ka. PUNTLAND POST The post Musharrax Madaxweyne oo xalay shirqool lagu dilay dalka Ecuador appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug, isagoo kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Alshabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka iyo taageridda dowladda. Sidoo kalena ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna. Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada. Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug waxay sheegeen in muhiimad gaar ah ay siinayaan nabadda ay u baahan tahay bulshada Galmudug oo hadda dowladda dhexe ay diyaar ula tahay inay ku garab siiso. Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howlgallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore. Dagaalka dalka Soomaaliya looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab waxay dowladdu qorsheysay inuu yeesho wajiyo kala duwan, hadda waxaa socda wajigii koowaad oo soo bilowday markii dib loo soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana Faise Two loo gudbayaa markii la xoreeyo gobollada dhexe goobaha ay Al-Shabaab ka joogaan. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa u diyaarsan duulaanka kooxda looga xoreynayo dhulka ay heystaan, sidoo kale waxaa jira ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo ka garab dagaalami doona ciidamada qaranka. Ugu yaraan 10 kun oo askari ayaa u diyaarsan dagaalka maalmaha soo socda la qorsheynayo in al-Shabaab looga xoreeyo magaalooyin ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladdu. The post Xasan Sheekh iyo odayaasha dhaqanka Galmudug oo hal go’aan ku dhawaaqay (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid. Madaxweynaha ayaa odeyaasha dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaannada ay argagixisada AS kaga harsan yihiin Galmudug, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha ku saleysan kala qeybinta dadka deegaanka iyo isku dirkooda ee ay maleegayaan argagixisadu, si ay u sii cimri-dheeraystaan, una hor istaagaan nolasha iyo horumarka Bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka Galmudug ay tahay argagixisada Alshabaab, haddii la dhammeystiro xoreynta deegaannadana ay fududaanayso in la hirgeliyo mashaariicda horumarinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah. Kulankan oo qeyb ka ah kulammada abaabulka dadweynaha ee dagaalka ka dhan ah Khawaarijta oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ka wado Galmudug ayaa odeyaashu dhaqanku waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro halkan xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta Soomaaliya horumarsan oo nabad ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Murrashaxa WADDANI oo ka Warramay Qodobbo ay ka Wadahadleen Danjiraha Ingiriiska Hargeysa( Qarannews)- Murrashaxa Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in Safiirka Ingiriiska ka wada hadleen cakirnaanta siyaasadeed ee ka jirta Somaliland. Murrashaxu wuxuu sheegay inay weftiga Ingiriiska uga warbixiyeen xaaladd Somaliland. Sidaasna waxa uu caddeeyay war qiraal ah oo uu caawa Murrashax Cirro ki faafiyay Facebook; kaasi oo u qornaa sidan:- “Waxa aan galabta magaalada Hargeysa kulan kula qaadannay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska Danjire Mike Nithavrianakis iyo wefdi uu hoggaaminayey oo ka tirsan Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland. Danjiraha iyo weftigiisa, waxa aan si qoto dheer uga wada hadalnay xaaladaha guud ee dalka, gaar ahaanna cakirnaanta iyo hubanti la’aanta siyaasadeed, xaaladaha nabadgelyo, iyo xaalka guud ee Gobolka Sool.” Ma jiro wax war ah oo safiirku ka soo saaray kulankaas iyo ujeeddada sicdaalkiisa xiligan ee Somaliland oo uu ka jiro khilaaf ka dhashay kala hormarta doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooyada oo garabka xukuumadda taabacsan ee komishanka doorashooyinku soo saareen inay kala qabsoomayso December 2023 oo ay u qorsheeyeen doorashada Ururrada, halka doorashada madaxtooyadanana ay u cayimeen bisha November 2024. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawda Soomaaliya Fardowso Cismaan Cigaal ayaa maanta heshiis duulimaad la saxiixatay dhigeeda dalka Kenya Kipchumba Mukomen. Heshiiska cusub ee maanta ay kala saxiixdeen wasiiradaan kala metelayey Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhigaya in diyaaradaha ka diiwaan gashan gudaha Soomaaliya ay duulimaadyo ku tegi karaan dalka Kenya. Sidoo kale heshiiskaan xoojinaya wada shaqaynta duulimaad ee Soomaaliya iyo Kenya, hey’adaha labada dowladood u qaabilsan duulimaadyada hawada ayaa lagu heshiiyey inay aqoon is weydaarsi sameeyaan. “Waxaan maanta saxiixnay heshiis duulimaad hawada ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, faa’iidada Soomaalida ugu jirta waa in dalkaan Kenya loo fasaxayo diyaaradaha Taargada Soomaaliya wata,” ayey tiri Wasiir Fardowso. Sidoo kale wasiir Fardowso waxay xustay in faa’iido badan ay ugu jirto heshiiskaan ganacsatada Soomaaliyeed ee iska leh diyaaradaha Soomaaliya ka diiwaan gashan oo hadda loo ogolaaday inay Kenya imaadaan. Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Ambassador Maxamed Axmednuur (Tarsan), Agasimaha Guud Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macalin iyo masuuliyiin ayaa wasiir Fardowso ku wehliyey kulankii ay ku saxiixday heshiiskaas. Sidoo kale guddiyada diyaaradaha labada dal ayaa shirka lagu saxiixay heshiiskaan ku wehliyey wasiirrada gaadiid iyo duulista hawada ee labada dowladood. “Wax kasta oo xuquuq ah oo duulimaadka Kenya ay yeeshaan ayey yeeka doonaan shacabka Soomaaliyeed, heshiiskaan ma ahan qarsoodi, Muqdisho iyo Nairobi ayey u kala gooshi doonaan diyaaradaha labada dalka, hadda ayuu heshiiskaan horay ka dhaqan gelayaa,” ayey tiri wasiir Fardowso oo heshiiskaan ku saxiixday magaalada Nairobi. Hoos ka daawo The post Daawo: Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis cusub + Faa’iidada appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Duulista, Marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta heshiis la xiriira Hawada iyo Duulista kula saxiixatay magaalada Nairobi, dhiggeeda dalka Kenya Kipchumba Murkomen. Heshiiskan ayaa bud dhig u noqonaya in diyaaradaha wata astaanta Soomaaliya oo dowlada Soomaaliya ay siisay ruqsada shaqada in ay ka howl gali karaan dalka Kenya. Arintan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay wado Wasaaradda Duulista taas oo ku aadan in dhamaan diyaaradaha ka diiwaan gashan Soomaaliya ay duulimaadyo caalami ah ka sameyn karaan Kenya. Heshiiskan wuxuu sidoo kale xoojinayaa wada shaqaynta duulimaadka labada dal, heshiisyo hore dhinacyada ay hore u galeen iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socdka labada dowladood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
