-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kumeel-gaar ah u degay Madaxtooyada maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb. Magaaladan ayaa gashay jawi ka duwan midkii hore. Hadal-haynta dagaalka ayaa meesha ka saaray dhamaan sheekooyinkii kale ee deegaanka. Saddex shaqo ayaa isdhinac socota tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh tegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. 1. Qabaa’ilka iyo Madaxweynaha Dhamaan beelaha ay dhulkooda argagixisada haysato ama waxyar ka joogto ayuu shalay illaa habeen hore qaabilay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Kulamada madaxweynaha iyo qabaa’ilkaas wuxuu ku koobna dowladda waa diyaar ee idinka dhankiina maxaa diyaar ah. Qabiiladdu waxay la wadaageen madaxweynaha hub iyo ciidan waxa xilligaan diyaar u ah ama inta ay hadda awoodan inay kusoo daraan ciidanka u diyaarsan. Waxay muujiyeen qabiiladdu sida ay diyaar ugu yihiin inay madaxweynaha ku garabsiiyaan dagaalka si loo dhameystiro shaqadii dagaal ee ka socotay Galmudug. 2. Abaabul cusub Durba waxaa magaalada Dhuusamareeb laga diray siyaasiyiin iyo dhaqan. Waxaa loo diray magaalooyin ay kamid yihiin Cadaado, Gaalkacyo iyo Xarardheere. Waxaa loo xilsaaray diyaarin ciidan, baraarujinta dadweynaha iyo inay gaadhsiiyaan gunta qorshaha cusub ee dagaalka. Dadka uu madaxweynaha u diray howshaan, waxaa loo arkaa kuwo munaasab ku ah abaabulka iyo kicinta. Sidoo kalena ay daacad ka tahay in la jabiyo argagixisada. 3. Maamulka Galmudug Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxaa soo martay fursad naadir ah. Waa madaxweynihii qaranka oo diyaar u ah in argagixisada kala sifeeyo deegaankooda. Waxaa la sheegayaa in maamulka Galmudug uu ku baraarugsan yahay fursadaan, durbana ay dhankooda bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo iyo is abaabul gaar ah, si ay door fiican uga qaatan dagaalka. Kulamada u dhaxeeya madaxweynaha iyo qabiiladda, abaabulka iyo xubnaha loo diray deegaanada kale ee Galmudug iyo maamulka Axmed Qoor-Qoor oo u istaagay inay door dhab ah ka qaatan dagaalka ayaa ahaa howlihii 48 saac ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Muddo asbuuc ah ayaa la aaminsan yahay inay qaadan karto in dhamaan dhinacyaddu diyaar u noqdaan gulufkan sida weyn loo sugayo. The post Saddex arrin oo ka socda Dhuusamareeb tan iyo markii uu tagay madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Jabhada Gacan-libaax ayaa saaka weerartay tuulada daba-gorayaale oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh iyaga oo halkaas ka kaxaystay laba gaadhi iyo agab kale Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay saaka ku war heleen uun Jabhadan oo weerartay goob ay deganayeen haya’da Miino-baadhista Ee (Hello trust) oo lahaa labadan gaadhi ee la kaxaystay, Lama sheegin wax khasaare oo kale oo ka dhashay arintaaasi. Tuulada daba-gorayaale waxa ay ku taal xuduudka u dhaxeeya Somaliland Iyo DDS. Source
-
Maxkamadda dastuuriga ah ee dowladda Puntland ayaa saaka u fadhida dhegaysiga dacwaddii ay soo gudbiyeen xubno hore looga saaray Baarlamanka Puntland. Warbaahinta ayaa sida wararku sheegayaan gebi ahaanba laga saaray fadhiga maxkamadda waxaana loo diiday in ay tebiyaan gar-maqalka socda. Maxkamadda dastuuriga ah ayaa maalin ka hor garyaqaanka guud ee dowladda u gudbisay in uu ka soo jawaabo dacwaddan oo ka dhan ah dowladda. Xubnaha soo gudbiyay dacwadda ayaa ka cabanaya in sifo sharci-darro ah looga saaray Baarlamanka islamarkaana loo adeegsaday awood dowladeed. PUNTLAND POST The post Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland oo saaka u fadhida dacwad ka dhan ah dowladda appeared first on Puntland Post.
-
. Xilli la xusayo maalinta loos asteeyey wacyi gelinta cudurka macaanka. Maalintaas oo la wacyi geliyaa bukannka qaba iyo guud ahaan ba bulshada oo loo tilmaamaa siyaabaha ugu haboon ee qofka uu ku dhacaa ula noolaan karo cudurkaas iyo qaabanka bulshada inteeda kale uga gaashaaman karto. Tirada dadka qaba macaanka guud ahaan dunida waxa lagu qiyaasaa 422 milyan oo qof waxase xaqiiqo ah in xataa caruurta uu ku dhaco cudurkani. Dr Sakariye Maxamuud Maxamed ayaa sharraxaya cuntooyinka looga baahan yahay qofka uu ku dhacay sokorowga iyo sida ay uga gaashaaman karaa halista cudsurka. “Raashiinka ugu muhiimsan ee uu isticmaali karo qofka qaba macaanka waxaa ka mid ah, sida qamadiga, digirta, salbukada, saliid macsarada, saliid seytuunka”. Dr Sakariye oo tobankii sano ee la soo dhaafay daweynayay buukaannada la daalaa dhacayay cudurka macaanka ayaa ka sheekeynaya cuntooyinka u fiican iyo kuwa u daran qofka qaba cudurka sokorowga iyo waxyaabo aad khatar u ah oo ayaysan dadka ogeyn. “Waxyaabaha kale ee qofka lagu taliyo waxaa ka mid ah in uu isticmaalo hilibka cad, biyaha cad, iskana ilaaliyo waxyaabaha ka imaaday xoolaha”. . Haddaba maxay yihiin cuntooyinka aanan loo ogoleyn in qofka qabo sokorowga in uu isticmaalo. “Cuntooyinka mar walbo qofka la kala taliyo in uusan isticmaalin, waxaa ka mid ah cuntooyinka gasacadeysan, khudaarta qofka mar walbo lagula taliyo in uusan isticmaalin waxaa ka mid ah sida mooska, canbaha, babaayga, Isbaandheeska, qaraha, timirta, malabka iyo biyaha gasacadeysan ay warshadaha soo saaraan,” ayuu yiri Dr Sakariye Maxamuud Maxamed. Sida loo xannaaneeyo carruurta qaba cudurka macaanka Waa maxay xanuunka macaanka sidee ayaadna uga hortagi kartaa? Cunto xumada oo la ogaaday in ay tahay dillaaga ugu weyn Malabka iyo timirta ayuu sheegay in dadka qabo cudurka sokorta ay dhayalsadaan, balse ay yihiin cuntooyin halis ah oo loo baahan yahay in qofka qaba xanuunkaas uusan isticmaalin. “Waxa ugu badan ee aan ku aragno bukaanada waxaa ka mid ah timirta iyo malabka ay ka aaminsan yihiin in uu yahay waxyaabo dabiici ah oo qofka aanan waxbo u dhimeynin. Malabka iyo timirta waxay ka khatar badan yihiin raashiinka caadiga ah”. Cuntooyinka isticmaal haddii aad qabto cudurka sokowrga Qamadiga Digirta Salbuko Saliid macsarada Saliid Seytuunka Hilibka cad Biyaha caadiga Iska ilaali cuntooyinka haddii aad qabto cudurka macaanka Cuntooyinka gasacadeysan Mooska Canbaha Babaayga Isbaandheeska Qaraha Timirta Malabka Biyaha gasacadeysan ay warshadaha soo saaraan Qaran News
-
Dhowr gabdhood oo ka qeybgala tartanka quruxda gabdhaha Asia, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Indonesia ayaa gudbiyay dacwad ku aadan kiisas la xiriira xad gudub lagula kacay gabdhahaan inta ay ku jiraan isdiyaarinta lagu galayo tartanka iyo qeybaha barista , waxaana jira xadgudub Galmo oo lagula kacay. Booliiska aya sheegay in ay soo gaareen dhowr kiis oo ka dhacay dalka oo lagula kacay gabdho ku jiray in ay u tartamaan quruxda, waxaana la sheegay in arrintaan ay ku kacaan ku qabanqaabiya tartanka sida laga soo xigtay Qareen u dooday. Tartanka quruxda ayaa aad looga yaqaanaa Koonfurta Bari ee Asia gaar ahaanna Indonesia, Phillipine iyo Thailand, dadka ku guuleysta tartankan ayaa caan noqda, iyagoo saameyn weyn ku yeesha baraha ay ku kulanto bulshada ee kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorshaynaya in uu wax ka bedel ku sameeyo xukuumaddiisa, xilli uu gabaabsi yahay muddo xileedkiisu. Madaxweyne Saciie Deni ayaa sida lagu wado waxa uu xilalka ka qaadi doona masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa, halka uu kuwa kalena uu magacaabi doono, sida ay ogaatay Caasimada Online. Illo wareedyo ka tirsan madaxtooyada maamulka Puntland ayaa laga soo xiganaya in madaxweyne Deni uu dhawaan diyaarinayo magacaabista mas’uuliyiintaas cusub. Arrintaan uu qorsheynayo madaxweynaha Puntland ayaa imaneysa xilli lagu wado inuu u ambabaxo safar dalka dibaddiisa ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo xilkas ah. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu safarkiisa dibaddeed ku aado magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula qaadan doono masuuliyiinta u sareysa dalkaasi. Saciid Deni oo wajahaya culeys siyaasadeed gudaha oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in uusan u socon muddo kororsi, islamarkaana uu qabanayo doorasho, taasi oo shaki xooggan ka muujiyeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee sida weyn isku hayaan. “Doorashada waxaan ku qaban xilligeeda oo ah 8-ka Janaayo 2024, waxaan haysanaa 5 bilood oo aan wax ku qaban karno,” ayuu yiri madaxweyne Deni oo sheegay in uusan ku jirin damac muddo kororsi. “Golaha xukuumadda iyo anigaba waxaan dadka Puntland u sheegaynaa in aan rajeyneyno ama diyaar u tahay in doorashada xiligeedi ku qabato, niyad kororsi ah naguma jiro, waan ognahay dhibta uu lee yahay, madaxweynuhu ma hadlo ayaa la yiri maanta ayaan idinla hadley, waxaan rabaa in 8 Janaayo la galo doorasho xisbiyo.” The post XOG: Saciid DENI oo u baxaya safar dibadeed xilli uu qorsheynayo inuu… appeared first on Caasimada Online.
-
Maxamed Coloow Maxamed oo magaciisu afgarashadu yahay Mascuud ayaa goordhow isku soo dhiibay guutada Khaalid binu waliid ee Ciidanka xoogga dalka, waxaa uu muddo ka tirsanaa Jamhadaha gobollada, isaga oo iska dhiibay Galgaduud. Isasoo dhiibataankiisa ayaa kusoo aadaysa xilli Galmudug uu ka bilowday howlgalka ka dhanka Al-shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan, ciidanka xoogga dalka, Daraawiishata Galmudug iyo ciidamo deegaanka ah, isaga oo ka dhacaya Bariga gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa xalay ka qayb galay Kulan dadweyne oo shacabka magaalada Dhuusamareeb ay ku weydiiyeen su’aalo ku saabsan dagaalka Al-shabaab , kaas oo ka bilowday deegaannada Galmudug. Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Galmudug ay isla garteen in la sameeyo howlgal ka baaxad weyn kii hore, hadafkooduna uu yahay in Al-shabaab Gamudug looga saaro, gaar ahaan degmooyinka Gal-hareeri, Ceel- buur, Bacaad weyn, Shabeelloow, Caad iyo Camaara. Maxaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale xusay in hadafkooda koobaad, labaad iyo Saddexaadba uu yahay amniga, nabad gelyao la’aanna uusan jirin wax horumar ah, isagoo dul istaagay in dagaalka Al-shabaab ay hormuud u yihiin dhul baaxad leh oo ay ka mid tahay Caasimaddana ay ka xoreeyeen argagixisada iyagoo kaashanaya dadka deegaanka. Dhanka kale Ciid ayaa sheegay in ay socdaan dedaallo ay beeluhu ku garab istaagayaan Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug, iyagoo soo bandhigaya malleeshiyaad deegaanka oo djowaan lasoo bandhigay si ay u garab istaagaan ciidanka xoogga si la xoreeyayna ay ka hirgelyeen laamahii amniga iyo adeegyadii bulshada, si ay dib ugu soo laabato noloshii caadiga ahayd ee bulshada. Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay inAl-shabaab ay isaga baxeen deegaanno badan markii ay maqleen howlgalka xooggan ee iyaga kusoo wajahan, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Qaranka , isagoo intaa raaciyay inuusan wax badan ku qaadan doonin soo afjaridda dagaalamayaasha Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdirxmaan Dhabancad ayaa ku eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya in deeqaha caalamiga ah iyo mashaariicda ay isbaaro u dhigatey oo aysan dalka gaarsiin, taas oo caqabad ku ah hanaanka dowlad dhiska dalka ee muddo soo socdey. Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay tahay in ay ka shaqeeyaan dalka oo dhan hormarkiisa, laakiin taas beddelkeeda muddooyinkan danbe ay caqabad ku noqdeen hormarinta dalka, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu ku eedeeyey in dowladda ay hub siyaasadeed ka dhigteen mashaarcda caalamku siiyo Soomaaliya, gaar ahaanna ay Puntland ka hor istaageen dhamaan mashaarciidii horarineed ee dadku ka faa’ideysan lahaa. Wasiir Dhabancad ayaa sheegay meeshii la rabey in Dowladda Federaalka ah ay noqoto hannaan wax fududeynaya oo keliya, oo ay u fududeyso hawlaha dowaldaha xubnaha ka ah oo dalkaan amnigiisa iyo adeegiisaba gacanta ku haya 90%, ay shaqo ka dhigteen in ay mashaariicda isbaaro u dhigtaan, sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Maaliyadda ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ku doodey in Puntland ay shuruuc adag u dejisey maamulidda mashaarciideeda hormarineed iyo deeqaha si loo hubiyo dadka loo adeegayo in ay si toos ah uga faa’iideystaan mashaariicdaas. Ugu danbeyn Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Dhabancad ayaa xusey in dhanka shuruucda Bankiga Puntland ay horumar weyn ka sameysey, sidaas darteed, lacagaha mashaariicda hormarineed ay tahay in Baanka Puntland ay toos ugu soo dhacdo. “Lacagaha markii hore Muqdisho la soo marin jirey waxay keeneen dhibaato weyn oo ah marka dalabaadka la sameeyo ama la rabo in la fuliyo mashaarciida in aan la helin lacgataas, ama waxaa la siinaayaa dad aan la aqoon iyo shirkado aan Puntland ba ka jirin taas oo dadku aysan toos uga faa’ideysan,” ayuu yiri Dhabancad. Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar kamid ah golihiisa wasiiradu ay dhawaan booqasho ku tagaan magaalada Nairobi, si ay kulamo ula qaataan deeq bixiyaasha caalamiga ah ee Soomaaliya. Cabashada Puntland ayaa imaneysa xilli Puntland ay dooratay inay khilaafka u jarto dowladda federaalka. The post Dhabancad: DF isbaaro ayey u dhigatey mashaariicdii horumarineed ee Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida lagu wado qorshaynaya in uu sameeyo magacaabista mas’uuliyiin kala duwan. Ilo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu dhawaan diyaarinayo magacaabista mas’uuliyiin cusub. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale la filayaa in uu safar ugu baxo dalka dibaddiisa gaar ahaanna magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. Warar qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Deni uu khamiista todobaadkan ku wajahan yahay safarkiisa dalka dibaddiisa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan safar dalka dibaddiisa ah appeared first on Puntland Post.
-
The county and national governments are not doing much to protect wildlife in Garissa, a conservationist has said. Source: Hiiraan Online
-
Qoryooley (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo geystay khasaare xoogleh ayaa haleelay gaari BL ah oo ay la socdeen dad shacab ah, kaas oo ka yimid dhanka Marka,kuna sii jeeday degmada Qoryooley. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay duleedka deegaanka Shalanbood, gaar ahaan agagaarka tuulada Abiikarow ee Shabeelaha Hoose. Gabi ahaan gaariga ayaa basbeelay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday rakaabkii saarnaa, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka Shalanbood Nuur Cismaan Raege. “Gaariga waa baaba’ay dadka wixii nolol iyo dhimasho aan ku aragnay waan soo qaadkay isbitaalkaa keenay” ayuu yiri guddoomiye Nuur Cismaan Raage. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof oo isugu jiro carruur iyo dad da’ah. “Afar qof oo dhimasho ah ayaan arkay, dhaawaca aan arkayna wuxuu gaarayaa illaa 5 qof oo ilmo yaryar iyo dad waa weyn leh” ayuu sii raaciyay Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ka agdhow ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS oo isku fidiyay aagga magaalada Shalanbood. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah ka fulisa waddooyinka gobolka Shabeelaha Hoose, ayada oo uu mararka qaar uu khasaare kasoo gaaro dadka rayidka ah. The post Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu qarxiyay SH/HOOSE + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Source: Hiiraan Online
-
Somalia has launched a blood bank in Mogadishu, a first for the country in 30 years in what donors said could help the country’s emergency responses. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxamed Coloow Maxamed oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada Khaalid Bin-Waliid. Ninkan oo magaciisu afgarashadu yahay Mascuud ayaa waxa uu muddo ka tiraanaa kooxda Al-Shabaab oo xilligaan wajaheysa wejigii ugu adkaa ee gulufka ka dhanka ah, kaasi oo looga xoreynayo deegaanada weli ku harsan gacantooda. Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, ninkaan ayaa kamid ahaa Shabaabka ku dhuumaalaysanaya deegaanadda miyiga ah ee gobolka Galgaduud. Guutada Khaalid Bin-Waliid la yiraahdo ee uu isku soo dhiibay Mascuud ayaa horraanta bishii hore ka baxay magaalada Muqdisho, iyaga oo aaday furimaha dagaalka, halkaasi oo ay door muhiim ah ka qaadanayaan sidii dalkaan looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab Ciidamadan ayaa ku hubeysanaa hub iyo gaadiid cusub, waxaana laga dareemayay inay qabaan tababar ka duwan ciidamada kale, kaasi oo ay kusoo qaateen dalka Masar, oo ay taageereyso dowladda Imaaraadka Carabta. Si kastaba, deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo dhawaan si rasmi ah uga bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, waxaana ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay horay kooxda ug qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay, xilli uu dalka ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda, kaasi oo deegaano badan looga qabsaday. The post Maxamed Coloow Maxamed oo usoo gacan galay ciidamada dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Markii dowladda Itoobiya iyo xoogaggii TPLF ee gobolka Tigray ay ku heshiiyeen bishii Nofembar ee sannadkii hore inay soo afjaraan khilaafkooda, diblamaasiyiinta ayaa heshiiskaas nabadda ku tilmaamay waa cusub oo u beryay waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika. Qaar badan oo ka mid ah dadka gobolka Axmaarada, oo ay dariska yihiin Tigray, isla markaana taageera siiyay ciidamada federaalka xilligii dagaalka Tigray, ayaa heshiiskan u arka mid dhabar ka toogasho ah, oo ku guuldaraystay inuu wax ka qabto welwelka Axmaarada ayaa ku dhawaaqay dagaal kale. Sagaal bilood kadib, saadaashaasi waxay u egtahay inay rumoobayso. Dagaal aad u ba’an ayaa toddobaadkii hore ka dhacay gudaha Axmaarada, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyada Fano ee deegaanka iyo ciidamada federaalka, waxayna taasi keentay in dowladu ay soo rogtay xaalad degdeg ah, isla markaana ay ciidamo kusoo daad gurayso jiidaha hore ee dagaalka. Fano waa maleeshiyo aan rasmi ahayn oo aan lahayn haykal talis oo si guud loo yaqaan. “Fano oo taageero ka helaysa beeralayda iyo shacabka Axmaarada waxa ay isku dayi doonaan inay ka adkaadaan ciidamada ammaanka federaalka iyo isbahaysigooda, ugu danbayna waxa ay xilka ka xayuubinayaan Abiy” sidaa waxa yiri Tewodrose Tirfe oo ah gudoomiyaha ururka Amxaarada ee Maraykanka oo u ololeeya danaha Fano. Temesgen Tiruneh, oo ah madaxa sirdoonka Itoobiya, masuulna ka ah dhaqangelinta xaaladda degdegga ah, ayaa sheegay in hadafka Fano uu yahay “inay xoog ku afgembiyaan dowlad deegaanka Amxaaradaa, kadibna ay usoo jeestaan nidaamka federaalka.” Dagaalkii labada sano socday ee Tigray wuxuu geystay burbur, waxaana ku dhintay tobannaan kun oo qof. Waxaa ka qeybgalay ciidamo ka socday dalka ay deriska yihiin ee Eritrea, waxayna ku khasabtay tobannaan kun inay u qaxaan bariga Suudaan. Dagaalkaas, ciidamada federaalku waxay ku wajaheen dagaal-yahanno aad u adag oo daacad u ah xisbiga talada haya ee Tigray, kuwaas oo mar qura boqollaal kiilo mitir usoo jirsaday dhanka caasimadda Addis Ababa. In kasta oo Fano aysan ahayn mid si fiican u qalabaysan ama aanu u habaysanayn, haddana waxa ay si weyn u halis gelin kartaa dawladda, haddii halgankeedu uu helo taageero ballaaran, sida ay sheegeen falanqeeyeshaashu. Axmaarada ayaa ah gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya, waxaana ku nool in ka badan saddex laab dadka Tigrayga, waxaana qaybo ka mid ah Amxaarada ay magaalada Addis Ababa u jirtaa 50 km oo keliya. “Xukuumadda Abiy uma badna inay ka badbaado kacdoonka joogtada ah ee ka socda gobolka Axmaarada, gaar ahaan marka la eego dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee sii kordhaya ee dalka,” ayuu yiri Addisu Lashitew, oo ka tirsan Machadka Brookings. The post Xaaladda Itoobiya oo kasii dareysa iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Cadale (Caasimada Online) – Waxaa magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ka socda dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelaneyso magaaladaas oo hoostagta dowlad goboleedka HirShabelle, kuna wacan dalxiiska, maadaama ay leedahay xeeb dheer. Dhismaha garoonka ayaa hadda maraya heer gabagabo ah, kaas oo muhiim u ah shacabka ku dhaqan magaaladaas iyo deegaanada kale ee ku xeran. Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo maalmahan howlo dib u heshiisin u joogay gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kormeeray dhismaha garoonka cusub ee Cadale. Mas’uuliyiinta kale ee kormeeyka qaybta ka ahaa waxaa kamid ah wasiiro, xildhibaano, gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo saraakiil ciidan. Ujeedka booqashadan ayaa ahaa mid loogu kuurgalayay dhismaha garoonkan oo fududeyn doono isku socodka deegaanada ku teedsan dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Shirkadda gacanta ku haysa dhismaha garoonkan diyaaradeed oo ka warbixisay marxaladaha uu soo maray garoonka ayaa sheegtay inuu hadda gabagaba yahay. Dhankiisa madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay kormeerka ayaa tilmaamay in garoonkan diyaaradeed uu muhiimad gaar ah ugu fadhiyo bulshada ku nool deegaanadaan, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida, si loo gaaro horumar bulsho. Sidoo kale garoonka laga dhisayo degmada Cadale iyo mashaariicda kale ee haatan ka socota gobolka ayaa ah guul weyn oo usoo hoyatay dadka deegaanka. Horay waxaa magaalada looga dhagax dhigay dhismaha xarunta wasaarada kalluumeysiga HirShabelle iyo mashruuc weyn oo loogu talagalay in kalluumaysiga lagu horumariyo. The post Wararkii ugu dambeeyay ee dhismaha garoonka diyaaradaha Cadale + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Ceelbuur ayaa sheegaya in xaalad baqdin ah ay ka taagan tahay magaaladaasi, tani oo ka dhalatay arrimo isbiirsaday. Dadka reer Ceelbuur oo markii horeba ka walaacsanaa in waxyeelo ka soo gaarto gulufka ballaaran ee ciidamada ku soo yihiin magaaladaasi ayaa waxaa ugu darsamay maleeshiyada Al-Shabaab, oo waxgaradka deegaanka ka dalbaday inay keenaan dhallinyaro xoog leh oo magaalada ka difaaca waxa ay ku sheegeen cadowga. Wararka ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo Isniintii la kulmay waxgaradka deegaanka ay khasab kaga dhigeen inay keenaan dhallinyaro difaacda magaalada, iyagoo tusaalayay in Ciidamada Dowladda Federaalkaba ay la socdaan maleeshiyaad deegaanka ah oo doonaya in ay la dagaalamaan dagaal-yahanadooda. Waxgaradka deegaanka ayaa la sheegay inay horjoogeyaasha Al-Shabaab u sheegeen inaanay suurtagal ahayn in dhallinyaro aan tababar lahayn loo adeegsado dagaalka. Hase yeeshee horjoogeyaasha Shabaabka ayaa la sheegay in ay waxgaradkaasi ku baqdin geliyeen, haddii aanay kala shaqayn difaaca magaalada ay u arki doonaan kuwo la safan colka ku soo fool leh magaalada. Arrinta kale ee baqdinta ku kordhisay dadka reer Ceelbuur ayaa ah guuxa diyaaradaha dagaalka ee tan iyo shalay laga maqlayay magaaladaasi iyo deegaanada hoostagga. Ciidamada iyo xoogaga deegaanka ee lagu diyaariyay magaalada Dhuusamareeb iyo hareeraheeda ayaa la sheegaya in maalmaha ina soo aaddan ay ku wajahan yihiin magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri. Ciidan kale oo deegaanka ah oo loogu talagalay in ay ka qayb qaataan hawlgalka lagu qabanayo Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa la sheegay in Isniintii ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho, isla-markaana ay ku sii jeedaan jiidda bari ee Gobolka Galgaduud. Tani ayay Shabaabka uga dhigan tahay laba kala daran mid dooro, waa midee inay dagaalamaan oo dagaalka ay ku la’daan iyo midda kale oo ah in ay isaga baxaan magaaladaasi, oo sidaasi ay Ceelbuur ku waayaan. Shabaabka ayaa Ceelbuur ku leh saldhigooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe, ka dib markii horaantii sanadkan ay gacantoodu ka baxday Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ayaa 16-kii bishii January la wareegay magaaladaasi. Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in si weyn loogu diyaargaroobay hawlgalka militari ee kooxaha argagixisada looga saarayo Ceelbuur. Bulshada Gobolada Dhexe iyo Soomaalida inteeda kale ayaa si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyadan ka soo cusboonaaday bartamaha dalka. The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Ceelbuur oo uu duulaan ku wajahan yahay appeared first on Caasimada Online.
-
𝗧𝗮𝗮𝗿𝗶𝗶𝗸𝗵𝗱𝗶𝗶 𝗙𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗻𝗸𝗶𝗶 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 𝗨𝘂𝗿𝗰𝗮𝗱𝗲 (𝗧𝘂𝘀𝗲) 𝗢𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 𝗞𝘂 𝗚𝗲𝗲𝗿𝗶𝘆𝗼𝗼𝗱𝗮𝘆. W/Q: Jamaal Macalin 𝗔𝗹𝗹𝗲 ha u raxmadee 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 𝗠𝗼𝗼𝗴𝗲 𝗨𝘂𝗿𝗰𝗮𝗱𝗲 (𝗧𝘂𝘀𝗲) sannadkii 𝟭𝟵𝟱𝟮 ayuu ku dhashay degaanka 𝗫𝗮𝗴𝗮𝗹 oo tiran gobolka 𝗠𝗮𝗿𝗼𝗼𝗱-𝗝𝗲𝗲𝘅. Wuxuu 𝘅𝗶𝗱𝗶𝗴 ka ahaa ruwaayadii la odhan jiay 𝗜𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗸𝗵𝗿𝗼, halka ay xidigad ka ahayd fannaanada caanka ah ee 𝗦𝗮𝗵𝗿𝗮 𝗦𝗶𝘆𝗮𝗮𝗱. Ruwaayadaas waxa curinteeda lahaa AHN abwaan Cali Diiriye (𝗖𝗮𝗹𝗶-𝗴𝗮𝗮𝗯). Ruwaayadaas oo soo baxday sannadlii 𝟭𝟵𝟳𝟲-kii waxa markii ugu horaysay lagu dhigay magaalada 𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼. Isla ruwaayadaas waxa sagaashamaadkii lagu dhigay magaalada 𝗝𝗮𝗯𝘂𝘂𝘁𝗶. Xiligaa ruwaayada lagu dhigay 𝗝𝗮𝗯𝘂𝘂𝘁𝗶 waxa 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 la dhigtay AHN fannaanadii caanka ahayd ee 𝗦𝗮𝗵𝗿𝗮 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰. AHN 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta kooxda 𝗛𝗼𝗿𝘀𝗲𝗲𝗱 oo ka mida ahaa kooxihii fanka ee jiray ka hor bur-burkii dawladii kacaanka ahayd, waxaana ruwaayadihii uu kooxdaas la dhigay ka mida haa; 𝟭. 𝗜𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗮𝗸𝗵𝗶𝗿𝗼 𝟮. 𝗥𝘂𝗴-𝗷𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹 𝟯. 𝗪𝗮𝗸𝗵𝘁𝗶 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝗮𝗹𝗶 𝗝𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹 𝟰. 𝗪𝗮𝗱 𝗝𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝗿 𝗹𝗮’𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗵𝗮𝗯𝗹𝗮𝗵𝗮 iyo kuwo kale. AHN 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 dhammaan ruwaayadaas wuxuu ka ahaa Xidig ama jilaaga kowaad. Dhannaka heesaha 𝘄𝗮𝗱𝗮𝗻𝗶𝗴𝗮 ah ee uu qaaday AHN 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 wax aka mida heesta la yidhaa 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗮𝗯𝗮𝗮𝗹, taas oo laxankana isla 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 lahaa. Heestaas oo 𝗰𝗼𝗱𝗸𝗮 iyo 𝗹𝗮𝘅𝗮𝗻𝗸𝗮𝗯𝗮 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 lahaa waxa 𝗰𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝘆 ama sameeyay AHN abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi (𝗝𝗮𝗯𝗶𝘆𝗲), waxaanay soo baxday sannadkii 𝟭𝟵𝟲𝟵-kii. Heestaas oo ka mida kuwa dadka qaarkii ku barteen AHN 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 waxa ka mida ahaa ereyada ku jiray; 𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗮𝗯𝗮𝗮𝗹 𝗦𝗵𝗶𝗻𝗻𝗶 𝗮𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗨𝘂𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗺𝗶𝗱𝗵𝗲𝗲 𝗔𝗺𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆𝗱𝗶𝗻 𝗻𝗼𝗾𝗼𝗻. 𝗔𝗹𝗹𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗶𝗴𝗶𝗶 𝗟𝗮𝗴𝘂 𝗶𝗶𝘀𝗵𝗮𝘆𝗲𝗲 𝗔𝗱𝗵𝗮𝘅 𝗹𝗮𝗴𝗮𝗴𝗮 𝗷𝗮𝗯𝗮𝘆 𝗔𝗺𝗮 𝘂𝗯𝗮𝗱 𝘀𝗮𝗻𝗼𝗼 𝗜𝗳𝗸𝗮 𝗮𝗮𝘆𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗜𝗻𝘁𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰 𝗸𝗮 𝘁𝗮𝗴𝗮. 𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗮𝗯𝗮𝗮𝗹 𝗜𝗳𝗸𝗮 𝗶𝗻𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝗰𝘂𝗻𝗼 𝗞𝗶𝗶 𝗹𝗼𝗼 𝗶𝗱𝗺𝗲𝗲 𝗔𝗺𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆𝗱𝗶𝗻 𝗻𝗼𝗾𝗼𝗻; 𝗔𝗵𝗮𝗯𝘁𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶𝗴𝗮 𝗔𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮𝗱𝗮𝗯𝗮 𝗤𝗮𝗮𝗿 𝗮𝗮𝗻 𝗼𝗴𝗮𝘆𝗻 𝗔𝗺𝗮 𝘂𝗯𝗮𝗱 𝘀𝗮𝗻𝗼𝗼 𝗜𝗳𝗸𝗮 𝗮𝗮𝘆𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗜𝗻𝘁𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰 𝗸𝗮 𝘁𝗮𝗴𝗮. 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 𝗨𝘂𝗿𝗰𝗮𝗱𝗲 AHN wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaashii kooxda fannaaniinta ciidanka booliska 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 ee 𝗚𝗼𝗼𝗱𝗶𝗿, taas oo ka mida kooxaha weli ah koox dhisan. 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻 AHN wuxuu caan ku ahaa magaca 𝗧𝘂𝘀𝗲 𝗔𝘄 𝗧𝗼𝗼𝘀𝗶𝘆𝗲, oo ahaa magicii uu ku jilaayay ama uu ku matalaayay ruwaayadii 𝗜𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗮𝗸𝗵𝗶𝗿𝗼. 𝗔𝗹𝗹𝗲 ha u raxmadee Xasan Ismaaciil Mooge Uurcade (𝗧𝘂𝘀𝗲) caawa 𝟬𝟴/𝟬𝟴/𝟮𝟬𝟮𝟯 ayuu ku geeriyooday magaalada 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮. Qaran News
-
Shirweynaha 15aad ee Cilmi Baadhista Isbeddelka Cimilada oo lagu qabtay Hargeysa Hargaysa (Qaran news)- Waxa dhawaan magaalada Hargaysa lagu qabtay shirweynaha 15aad ee Cilmi Baadhista saamaynta ka dhalatay isbeddelka cimiladda. Shirkaasi oo socday muddo todobaad waxaa soo qaban qaabisay jaamacadda Admas, faraceedda magaaladda Hargaysa. Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay khubarro, iyo cilmi baadheyaal ka akla socday wadamadda Geeska Afrika, agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Maxamed C/laahi Ducaale. Sidoo kale waxaa shirkaasi ka qayb qaatay intii uu socday madaxda iyo maamulka jaamacadda Admas, iyo aqoon yahano kale. Intii uu shirkaasi socday ayaa laga soo jeediyay dood cilmiyeedyo taabanaya mawduucyo kala duwan, oo ku saabsanaa saamaynta isbedelka cimiladda ka dhashay. Taasoo ay ku soo badhigeen khubarro, iyo cilmi baadheyaal kala duwani mudadii uu shirku socday, kuwaasoo ka kala yimid dalalka gobolkan Geeska Afrika. Waxaana shirkaasi lagaga doodaya ama uu ku saabsanaa laba mawduuc oo muhiim ah, kuwaasoo kala ahaa saamaynta uu isbedelka cimiladu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika, iyo Tayadda waxbarashadda sare. Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland oo furitaankii shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa ku bogaadiyay jaamacadda Admas, dood cilmiyeedka noocan ah ee ay qabatay. Waxaanu sheegay agaasimaha guud in shirkaasi uu muhiim gaar u leeyahay ka wasaarad ahaan, gaar ahaana qodobka khuseeya arrinta saamaynta isbedelka cimiladda. Waxaanu yidhi “Sirkaasi oo lagaga hadlayay laba mawduuc oo muhiim ah, kuwaasoo kala ahaa, Ka koowaad saamaynta uu isbedelka cimiladu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika, iyo Tayadda waxbarashadda sare. Ka wasaarad ahaan haddii aanu nahay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland, iyadoo uu wasiirku nagu hogaaminayo, shirkan waanu ka qayb galnay, waanan ka qayb qaadanay doodihii, dareenkayaga na waanu ku soo bandhignay”. “Mudadii uu shirku socday, waxaan aad iyo aad ugu bogaadinayaa jaamacadda Admas, in ay qabatay dood cilmiyeedkani. Waxaana laga soo jeediyay dood cilmiyeedyo taabanaya mawduucyo kala duwan, oo saamaynta isbedelka cimiladda ka hadlayay. Iyadoo na khubarro, iyo cilmi baadheyaal kala duwani ay ku soo bandhigeen, oo ka socday dalalka gobolkan Geeska Afrika. Mudadii uu shirku socday waxaan aad iyo aad ugu bogaadinayaa jaamacadda Admas, oo soo qaban qaabisay. Waxa kaloo aan boogaadinayaa sida hufan ee ay ka qayb galeyaashu doodaha shirkan uga qayb qaadanayeen”. Geesta kale Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa tilmaamay in shirarka noocan ahi ay nuhiimad gaar ah u leeyihiin xukuumadda, si gaar ahna wasaaradda Deegaanka. Waxaanu sheegay in haddii la helo xog sugan inay inta badan fudaydisaa in go’aan sax ah la gaadho. Sidaas darteedna ay mar labaad jaamacadda Admas ku hanbalyaynayaan qabashada shirkani. Isagoo arrimahaa ka hadlayay na waxa uu yidhi “Shirarka noocan ahi waxay nuhiimad gaar ah u leeyihiin, haddii aanu nahay haayadaha dawladda ee dejiya siyaasadaha qaranka, waxaanu mar kasta dhiiri gelinaynaa in aanu helno cilmi baadhisyo, ama xog ku qotonta wax la hubo. Haddii la helo xog sugan, waxay inta badan fudaydisaa in go’aan sax ah la gaadho. Anagoo taa ka duulayna waxaanu mar labaad, iyo mar saddexaad ba u mahad naqaynaa, oo ku boogaadinaynaa jaamacadda Admas, shaqadan wanaagsan ee ay qabatay”. Waxaanu intaas raaciyay “Wixii macluumaad ah, ama xog ah ee ka soo baxay shirkani, waanu soo dhawaynaynaa. Waxaanan rejaynaynaa, kuna dhiiri gelinaynaa in jaamacadaha kale na sida Admas, oo kale in ay dooddo cilmi baadhiseed oo noocan oo kale ah ay qabtaan” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL. Qaran News
