Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha guud ee qaranka, Axmed Ciise Guutaale, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa faah-faahin ka bixiyay baaris uu xafiiskiisa ku sameeyay qaar kamid ah safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dibadda. Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in baaristaan lagu sameeyay saddex safaaraddood oo ku kala yaalla Kenya, Turkiga iyo Jarmalka, wuxuuna sheegay in lacagaha ay qabteen aan loo maamulin si wanaagsan, isla-markaana aan lagu darin warbixinta maaliyadda ee dowladda. “Dakhli dhan 1.9 mliyan oo ay qabteen hay’adaha kala ah safaaradda JFS ee Kenya, safaaradda JFS ee Turkiga iyo safaaradda JFS ee Jarmalka ayaan loo maamulin si wanaagsan , looguna darin warbixinta maaliyadeed ee dowladda” ayuu yiri Guutaale. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan lagu muujiyay xisaab xirkii la sameeyay sanadkii hore ee 2022-kii. “Marka la eego khaladaadkaas hay’adaha ay baarista quseysay waxaa fikrad cilad leh ka bixiyay warbixinta baarista maaliyadeed ama xisaab xirka sanadka 2022 ee loo soo gudbiyay xafiiska hantidhowrka guud ee qaranka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guutaale. Hanti-dhowraha guud ee qaranka ayaa sidoo kale sharraxaad ka bixiyay khaladaadka ay sameeyeen saddexda safaaradood, isaga oo xusay in baarista ay ku ogaadeen in aysan dhaqan-gelin xeerarka maaliyadeed ee loogu talagalay uruurinta dakhliga soo gala. “Waxyaabaha khaladka ah ee kuu soo baxay baarista waxaa kamid ah xeerka iyo tariifada uruurinta dakhliga safaaradaha oo aysan hirgelin, waxaan baarista ku ogaanay in aysan jirin xeerar iyo tariifo gaar ah oo safaaraduhu ay dhaqan-geliyeen oo lagu aruuriyo dakhliga safaaradaha saddexda ah ee la baaray” ayuu mar kale yiri hantidhowraha guud ee qaranka. Xafiiska hantidhowraha ayaa guud ahaan cadadka lacageed ee ku maqan safaaradaha Somalia ee dalalka Kenya, Turki iyo Jarmalka ku sheegay illaa 3 miliyan oo dollar, taas oo uu tilmaamay in aan lagu shubin khasnadda dhexe ee dowlada, sida uu hadalka u dhigay. “Dakhliga ay uruuriyeen safaaradaha la baaray oo dhan saddex milyan oo dollar ayaan lagu soo shubin khasnadda dhexe ee dowladda, ayada oo sidoo kale dakhliga qaar lagu qabtay cadaan ama cash arrintaas oo meesha ka saareysa daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa. The post Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkey iyo Jarmarlka oo loo haysto $3 milyan appeared first on Caasimada Online.
  2. Wareegto Madaxweyne-07-08-2023. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tix-raacaya Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo la xidhiidha Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, waxa uu wareegto Madaxweyne ku cayimay Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 22/082023 Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka. Markaan Arkay; Qodobka 16aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanka Doorashooyinku awood u leeyahay inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro;. Markaan Arkay; Qodobka 6aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanku uu cayimayo taariikhaha la qabanayo Doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka, iyaga oo ku salaynaya bil ka hor muddo-xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiillada, waxaana si rasmi ah loogu cayimayaa Degreeto Madaxweyne;. Markaan Helay; Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, qoraalkaasi oo uu komishanku ku soo gudbiyay Go’aanka Sumaddiisu tahay Tix; KDG/XK/K-6/54/2023, kuna taariikhaysan 17/07/2023, kaasi oo Komishanku ku Go’aamiyay Qodobbadan; 1. In doorashada Xisbiyada Qaranka la qaban doono taariikhdu markay tahay 28 December 2023, si loo helo Saddex Xisbi Qaran oo ansaxsan, lana siiyo Shahaadada Xisbinimo ee tobanka (10) sanno ah, si waafaqsan Qodobka 5aad Farqaddiisa 3aad xarafka (j) ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011;. 2. In doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxawynaha la qaban doono bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida ku xusan Qodobka 83aad Farqaddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna beegan 13 November 2024, iyada oo la raacayo go’aanka muddo kordhinta Golaha Guurtida ee tix-raaciisu yahay GG/JSL/G-03/10/2022, kuna taariikhaysan 01/10/2022; Waxan Go’aamiyey 1. In Doorashada Xisbiyada Qaranku ka qabsoonto dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu markay tahay 28 December 2023. 2. In Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto taariikhdu markay tahay 13 November 2024. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  3. Fighting has continued to intensify and spread in Ethiopia’s restive Amhara region between local militias and the military. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweynaha Dowlada gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Safar ku gaaray Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa. Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Degmada Buur-Hakaba. Madaxweyne Laftagareen Inta isaga wafdigiisa ay joogaan ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee Bulshadda. Goobjooog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallin oo maanta hortegay Golaha Shacabka ayaa ka hadlay sababihii keenay inuu ka baaqdo kulankii ay Sabtidii yeesheen xildhibaanada, taas oo dhalisay dood xoogan. Wasiirka oo kasoo daahay kulankaas ayaa keentay in xildhibaanadu ka caroodaan maqnaashihiisa, xilli loo ballansanaa inuu akhriyo hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaallada iyo Dastuurka. Xildhibaanada ayaa ku dooday in wasiirka uu yareystay baarlamaanka, waxayna qaarkood soo jeediyeen in xilka laga qaado, balse taas beddalkeed waxaa tallaabo qaaday guddoomiyaha Golaha Shacabka oo isla maalinkii kulanka ka saaray wasiir Xasan Macallin. Wasiirka oo maanta mar kale kasoo hor muuqday baarlamaanka ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu tilmaamay xilli uu yimid golaha looga yeeray si deg-deg ah shirka golaha amniga qaranka oo uu guddoomiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Aniga oo ka duulayo ixtiraamnka aan u hayo golaha ayaa Sabtigii dhaweyd ayaan soo xaadiray xilli hore, ayada oo weli kooramkii golaha uusan buuxsamin ayaa waxaa si deg-deg ah la’iiga yeeray shirka golaha anmniga qaranka oo looga arrinsanahay dhameystirka qorshaha waddanka looga xoreynayo Khawaarijta” ayuu yiri wasiir Xasan Macallin, Sidoo kale wuxuu ku daray “Ujeedkeyga wuxuu ahaa inaan si de-deg ah ugu soo laabto kulanka kahor inta uusan kooramka guntamin, balse shirkii amniga ayaa ila dheeraaday”. Ugu dambeyn wasirka ayaa raalli-gelin siiyay guud ahaan xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoo uga cudur daartay sida ay wax u dhaceen, gaar ahaan baaqashadiisii kulankii hore. “S i aan kala har laheyn ayaan ugu cudur daaranayaa, kana raalli-gelinayaa Golaha Shacabka dib u dhaca aan qorshaha igu jirin” ayuu mar kale yiri wasiirku. Maalmihii u dambeeyay baarlamaanka Soomaaliya ayaa waday la xisaabtan guud oo ku aadan hay’adaha dowladda oo ay ugu horreeyaan golaha wasiirada iyo laamaha amniga. The post Daawo: Wasiir Xasan Macallin oo raall-gelin ka bixiyay arrintii uu sameeyay appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo ka mid ah Golaha Shacabka, gaar ahaan guddiga gaadiidka ee baarlamaanka ayaa kashifay heshiiska lala galay shirkadda dhistay hotel Decale oo ku dhex yaalla garoonka, isaga oo soo bandhigay khaladaad ka jira. Xildhibaanka oo su’aal weydiinayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskan uu soconayo 25 sano, laguna qiyaamay dowladda, isaga oo su’aal ka keenay sababta ilaa iyo hada uu KMG u yahay. “Decale Hotel wuxuu ka mid hoteellada waa weyn ee dalka, wuxuu yaallaa garoonka dhexdiisa si xoogleh ayuu u shaqeeyaa, waa ka horreeyay wasiiradda heshiiskiisu , laakiin hadda ayada mas’uul ah xaq ayay u leedahay inay ku noqoto, maxaa illaa hadda uu heshiiskiisa KMG u yahay?” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Axmed Beerey. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay qaadato saami u dhigma 12%, halka inta kale ay leedahay Shirkadda FAVORI, taas oo uu cadaalad darro ku tilmaamay. “Heshiiskii hore waxaa ku qoran dowladda Soomaaliyeed inay 12% leedahay sidoo kale 88% uu leeyahay Company-ga hotelka, sax ma’ah” ayuu mar kale yiri. Beerey ayaa dalbaday in heshiiskan dib loogu laabto, isla-markaana lagu soo celiyo baarlamaanka Soomaaliya, si loo saxo dowladduuna ay u hesho maslaxadeeda. “Hadda waa in dib loo keeno heshiiskaas baarlamaanka, si ay meesha ugu cadaato in dowladda Soomaaliyeed wixii ay maslaxadeeda ku jirto ay ka hesho meeshaas” ayuu yiri. Dhankeeda wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Marweo Fardowso Cismaan Cigaal oo ka hadashay arrintan ayaa qirtay inuu jiro heshiiskan, isla-markaana ay dowladdu leedahay 12%, balse waxay ay sheegtay in heshiiska uu ka horreeyay, ayna gashay dowladdii hore. “Qodobka ah 12% dowladdii hore ayaa kula heshiisay oo naga horreysay annaga sababaha ay ugu heshiisay iyo waxa koos gareeyay ma naqaano, laakiin heshiiska ayay ku cadahay” ayay iyaduna tiri wasiir Fadowso Cismaan Cigaal oo qirtay in mar kale lagu laaban karo heshiiskaas. The post Daawo: Xildhibaan kashifay heshiiska hotel DECALE – Maxaa ka khaldan? appeared first on Caasimada Online.
  7. Xarumaha Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Burco ayaa lagu qoray Magaca weriye Bushaaro Baande iyo qoraalo kale oo laggu dalbanayo in xorriyadeedii dib loogu soo celiyo. 20 bishan ayaa magaalada Burco lagu qabanaya shirka golaha dhexe ee KULMIYE, kaas oo madaxwayne Biixi guddoomiyenimada xisiga ku wareejinayo wasiir Maxamed Kaahin. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay safarka uu madaxweynaha kuu joogo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu Dhuusamareeb u tegay inuu guto waajibaadka shaqo ee saaran, gaar ahaan jiheynta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. “Safarka madaxweynaha ku joogo halkan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb waa safar shaqo, waa safar uu madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed ugu fulinayo waajibaadka qaran ee ay u igmadeen” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta. Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Marka madaxweynaha si guud shaqo gudashadiisa ayuu ku jiraa, si gaar ahna wuxuu halkan u joogaa inuu dardar-geliyo oo dadka reer Galmudug iyo ciidanka qaranka Soomaaliyeed uu ku garab istaago sidii loo soo gabagabeyn lahaa meelaha yar yar ee ay Khawaarijta ka joogta gobollkan”. Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in madaxweynuhu uu magaalada Dhuusamareeb joogo illaa inta uu ka dhameysanayo howlaha uu yimid, isla-markaana uu booqan doono deegaano kale oo kamid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug. “Madaxweynaha meelo kala duwan ayaa tegi doonaa waqti cayiman ma jiro inta uu howlihiisa qabsado waqti uu ku guto ayuu joogi doonaan, gobolka meelo kale oo kamid ah ayuu booqan doonaa, sidoo kale dalka meelo kamid ah ayuu tegi doonaa” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in madaxweynaha uu si caadi ah ugu sii shaqeynayo caasimada Galmudug, halkaasna uu ka qabsan doono howl maalmeedkiisa kale. “Madaxweynaha howlihiisa maalmeedka caadiga waa wataa shaqadiisa caadiga waa wataa, laakiin waqtigiisa ugu badan wuxuu gelinayaa xoereynta dalka” ayuu sii raaciyay. The post Muddo intee la’eg ayuu madaxweyne Xasan Sheekh joogayaa Dhuusamareeb? appeared first on Caasimada Online.
  9. Thanks to her hard work and careful management of cash aid they received in a displacement camp in Baidoa, southern Somalia, Hawo Mohamed Hussein has saved up to move her family to a new home in the city. Source: Hiiraan Online
  10. Sida ku cad Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangellinta Codbixiyayaasha qodobkiisa 6aad, Madaxwaynaha waxa waajib ku ah inuu mudo shan iyo toban maalmood gudohood ah ku soo saaro digreetada cayimidda doorashada kadib marka uu helo dhawaaqa Gudida Doorashooyinka. Mudadaasi hada way ka dhacday Madaxwaynaha, haddii aanu sidii wax ka bedellkii Xeer Lr. 14, la odhan xafiisku ku haystay. Xeerku se waxa uu waajib ka dhigayaa in la shaaciyo. Waxyaabahaas gadaal laga soo saarayaa waxa keenay muranka maanta taagan ee dalku hallista ugu jiro. Horta Xeer Lr. 14 ee “uu soo celiyay” Madaxwaynuh xaggee ayuu ku danbeeyey? Xaalku sidaas marka uu yahay, dalku waxa uu galay hubaatin la’aan sharci oo kale oo ay keentay digreetadaas aan la soo saarin. Sabab? Sharci ahaan waydiimo ayaa jira dhawr ah: 1. Madaxwaynaha qodoka 6aad ma waajib ayuu saarayaa aanu ka noqon karin mise waxa uu siinayaa kala xulasho uu ku diidi karo soo jeedinta Gudida Doorashad? Haddii ay ta hore tahay, xeer jebintaasi waa inay keento talaabo sharci oo laga qaado madaxwaynaha. Qodobku sidan ayuu u qoran yahay: “Komishanka Doorashooyinku waa in ay cayimaan waqtiga doorashada 120 (Boqol iyo Labaatan Maalmood) ka hor waqtiga doorashadu dhacayso, Madaxweynuhu waa in uu 15 maalmood gudahood ku soo saaraa degreetada cayimaadda muddada doorashadda, kadib marka uu helo cayimaadda Komishanka (qodobka 6(2).” “Waa in,” sharciga dhexdiisa waa waajib. 2. Digreetada uu soo saari waayay Madaxwaynuhu ma waxa ay la mid tahay in cayimaddii Gudida Doorashadu ay dhacday (expire) oo loo baahan yahay inay mid kale soo saaraan? 3. Madaxwaynuhu haddii uu rabo inuu qabto doorashooyinka, muxuu uga joogsaday inuu raaco hanaanka ku cad qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka? 4. Farsamo ahaan dib u dhaca ay keenayso dib u dhigista digreetada madaxwaynuhu miyay keeni kartaa dib u dhaca ku yimaadda jidwalka doorashooyinka? Dib u dhacaas miyaanu masuuliyadeeda lahayn Madaxwaynuhu? W/Q Garyaqaan Guleed Dafac Source
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka lagaga xoreynayo khawaarijta Alshabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna. Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fardowso Cismaan Cigaal ayaa hortegtay xubnaha guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka, kuwaas oo wax ka weydiiyay howlaha shaqo ee wasaarada. Guddiga ayaa su’aalaha muhiimka ah ee uu weydiiyay wasiir Fardowso waxaa kamid ah inay shaqaaleysiisay dad ay qaraabo dhow yihiin, sida lagu shaaciyay baraha bulshada. Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Waceys oo kamid ah guddiga gaadiidka ee baarlamaanka ayaa sheegay inay jiraan illaa sideed qof oo ay qaraabo yihiin wasiiraddu oo laga shaqaaleysiiyay wasiiradda gaadiid iyo duulista hawada Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadkaasi aysan soo xaadirin shaqada, isla-markaana ay ku kala sugan yihiin gudaha dalka iyo dibaddiisa, sida uu ku dooday. “Maalmahan waxaa ku jira warbaahinta iyo social media-ha inaa qortay dad tiradooda ay dhan tahay sideed qof oo aan badankood shaqooyinka soo xaadirin, kuna kala sugan Puntland, Mareykanka, Kenya iyo Uganda, Maxaa ka jira ?” ayuu weydiiyay xildhibaanku. Fardowsa oo ka jawaabtay su’aashan ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu leeyahay nidaam la maro iyo hay’ado ka shaqeeya, sida guddiga shaqaalaha iyo wasaaradda shaqada. “Xildhibaanow dalkan wuxuu leeyahay nidaam shaqaale oo la maro, mas’uuliyadaasna cidbaa dowladda u heysa, guddiga shaqaalaha rayidka ayaa jira, wasaaradda shaqada ayaa jirta, marka nidaamka shaqaalaha loo maraayo iyo haddii sharci la jabiyo iyaga ayay la taalaa, taas waa mid” ayay tiri wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay beenisay inay jiraan siddeed qof oo ay ka shaqaaleysiisay wasaaradda, waxayna ka dalbadatay xildhibaanka inuu dabagal ku sameeyo arrintaasi, soona hubiyo. “Waxaa tahay xildhibaan xog walba oo u baahato oo sharci ayaad heli kartaa oo aan aheyn wax Facebook lagu qoro, dadka la leeyahay wasiir Fardowso ayaa shaqaaleysiisatay oo siddeeda qof ah magacyadooda oo saddexan ayaa meesha ku qoran waxaan jeclaan lahaa intaad qaado wasaaradda maaliyadda iyo hay’adda shaqaalaha u qaabilsan waddanka inaa tegto oo aad kasoo eegto, haddii ay ku jiraan dadkaas magacyadooda oo shaqaale dowladeed ay yihiin anaa qaadayo mas’uuliyadda” ayay ku jawaabtay wasiir Fardowso. Waxaa kale oo ay sii raacisay “Marka waxaan jeclahay inaad naga hubisaan oo ay noqoto wax sax ah oo soo dhex-maray systemkeena dowliga ah” The post Daawo: Wasiir Fardowso oo loo haysto inay shaqaaleysiisay dad ay qaraabo yihiin appeared first on Caasimada Online.
  13. At least two people have died and more than 30 are believed to be missing after two ships carrying migrants sank off the Italian island of Lampedusa. Source: Hiiraan Online
  14. Arsenal has started the English Premier League how the team hopes to end it – by getting the better of Manchester City. Source: Hiiraan Online
  15. Dhusamareeb (HOL) - Galmudug's traditional elders have pledged their unwavering support for the federal government's mission to liberate the country from terrorism after a meeting with President Hassan Sheikh Mohamud in Dhusamareeb, the administrative capital of Galmudug State, on Sunday night. Source: Hiiraan Online
  16. Mulkiilayaasha X (Twitter) iyo Meta ayaa tan iyo bishii June hawada isu marinayay hadallo uu midba midka kale ku weerarrayay. “Dagaalka Zuck v Musk waxa toos looga daawan doonaa X. (Twitter) Lacagaha ka soo xarooda waxa lagu sadaqaysan doonaa halyeeyda,” ayuu ku yidhi Musk qoraal uu soo dhigay bartiisa X aroornimadii hore ee saaka, isagoon faahfaahin intaa ka badan bixin. Aroornimadii hore ee Axada waxa uu sheegay Musk inuu qaadayay miisaan culus si uu isugu diyaariyo dagaalka uu la galayo Mar Zuckerberg. Qof ku waydiiyay Musk bartiisa X waxa uu dagaalka ula jeedo, waxa uu yidhi “waa hab dagaal oo ilbax ah. Ragu dagaalka waa jecel yahay”. Source
  17. Nicolás Petro, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Colombia, ayaa u xaqiijiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta in lacag sharci darro ah ay gashay ololaha aabbihii. Nicolás Petro, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro, ayaa aqbalay Khamiistii eedeymaha tayeynta sharci darrada ah, wuxuuna bixiyay macluumaad ku saabsan maalgelinta aan joogtada ahayn ee lagu eedeeyay ololihii madaxtinimada ee aabihiis, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay. “Mr. (Nicolás) Petro Burgos waxa uu bixiyay macluumaad arrintaasi la xiriira oo ilaa hadda xafiiska Xeer-ilaalintu aysan ka warqabin,” ayuu yidhi dacwad-oogaha gacanta ku haya kiiska, Mario Burgos. Waxaa ka mid ah, maalgelinta ololihii hore ee madaxtinimo ee madaxweynaha hadda talada haya iyo lacagtii ololaha lagu galay, oo sida muuqata ka gudbi lahayd xadka ugu yar ee sharciga. Warbaahinta maxalliga ah ayaa diiwaangelisay tan iyo bishii Maarso, markii lasoo bandhigay cabasho la xiriirta qaar ka mid ah kharashaadka iyo hantida Petro Burgos, kuwaas oo sida uu sheegay xafiiska xeer ilaalinta aad qaali u ahaa in lagu maalgeliyo mushaharka ku xigeenka waaxda. “Wiilkeygu wuu arki doonaa, waxa kaliya ee aan ku talin karo waa runta, ha u jilbo dhul dhiganin dambiilaha,” ayuu yidhi madaxweynaha. Maalgelinta ololaha madaxweyne Gustavo Petro, oo ku guuleystay doorashadii 2022, ayaa dad kala duwan oo ku dhow madaxweynaha ay su’aalo iska weydiiyeen. Golaha doorashooyinka qaranka ayaa hore u furay baadhitaanka ololaha Petrista ee dakhliga iyo kharashaadka oo sida muuqata aan loo sheegin hay’adaha rasmiga ah. Source
  18. Tension remained high for the better part of Sunday at Kunaso area as police in Garissa launched investigations following an incident where a 45-year-old man was shot dead by unknown gunmen. Source: Hiiraan Online
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug. Madaxweynaha ayaa odayaasha kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka lagaga xoreynayo khawaarijta Al-Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha ciribtirka khawaarijta, isagoo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyagelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga Ciidama Qalabka Sida. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna. Dhankooda, odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ballan qaaday inay madaxweynaha ku garab istaagayaan sidii looga mira dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen muhiimadda ay bulshada Galmudug u leedahay nabadda iyo wadajirka dhexdooda ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee dawlad goboleedka Galmudug, halkaasi oo la filayo inuu muddo ku sugnaado. Ujeedka socdaalkiisa ayaa ahaa in dhamaystirka wajiga koobaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka billowdo Galmudug, iyada oo hawlgallo ay ka bilaaban doonaan deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Magaalada Ceelbuur ayaa kamid meelaha sida wayn loogu taamayo in lagala wareego Al-Shabaab. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo dalab culus hor-dhigay odayaasha GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii gaaray magaalada Dhuusamareeb ee dawlad goboleedka Galmudug. Ujeedka socdaalkiisa ayaa ahaa in dhamaystirka wajiga koobaad ee dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab uu ka bilowdo Galmudug, iyada oo hawlgallo ay ka bilaaban doonaan deegaannada ay gacanta ku hayaan al-Shabaab. Magaalada Ceelbuur ayaa kamid meelaha sida wayn loogu taamayo in lagala wareego al-Shabaab. Amniga madaxweynaha Ka hor inta uusan soo gaarin magalaada Dhuusamareeb madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa waxaa soo gaaray magaalada ku dhawaad 400 oo askari oo ka tirsan guutada koofiyo-casta ee ilaalisa madaxda dalka iyo madaxtooyada qaranka. Ciidankaan oo kaashanaya kuwa Galmudug ayaa la wareegay amniga madaxtooyada Galmdug oo ah halka sida rasmiga ah uu u dagay madaxweynuhu. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sida ilo lagu kalsoonaan karo noo sheegeen faarujiyay dhismaha madaxtooyada, si ay xafiis iyo deegaan shaqo ugu noqoto madaxweyne Xassan Sheekh inta uu joogo magaalada. Dhanka kale amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa qayb laxaad leh ka ciyaaraya ciidamada nabad sugidda qaranka, oo intooda badan ka yimid magaalada Muqdisho. Ku dhawaad 20 gawaarida ciidamada ee tiknikada, oo ay saaran yihiin ciidamada nabad sugidda ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb. Waxay si toos ah uga soo ambabaxeen magaalada Mqudisho. Taliyaha sirdoonka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo isna qaybka ah wafdiga madaxweynaha ayaa saldhig ka dhigtay xaruntii hore ee ay degganayaan hugaamiyaashii Ahlu Sunna. Dhanka kale ciidmada Galmudug ayaa iyaguna qayb ka ah amniga caasimadda Galmudug, iyaga oo kaalmeynaya ciidamadaan sugaya amniga magaalada. Magaalada Dhuusamareeb ayaa laga dareemayaa isabaddal dhinac amniga ah iyo ciidamo ku cusub magaalada oo meelo badan gacanta ku haya. Shaqada madaxweynaha ee bisha soo socta Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in madaxweynuhu uu usoo guuray caasimadda maamulkaas ee Dhuusamareeb uuna halkaas ka shaqeyn doono. “Ujeeddadiisu waa xoreynta waddanka inuu u gacan bannaanaado oo kulamadii siyaasadeed iyo howlihii kale ee qaranku uu u hayay awoodda uu ku saaro howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in madaxweynuhu uu muddo ku sugnaan doono halkaas, uuna yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee caasimaddii dalka uga soo guura howlgal ka dhan ah al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb joogi doona muddo bil iyo bar ah, sida uu Cali Daahir sheegayna, howlgalka ayuu maamulka Galmudug rajeynayaa in lagu soo afjari doono muddo kooban. Ciidamada qaranka Soomaaliya ayaa awoodda ugu badan ku yeelaya la dagaallanka al-Shabaab ee gobolka Mudug sida uu sheegay Cali, balse waxaa sidoo kale wehliya kuwa macawisleyda oo garab siinaya. “Wax ka daba 10,000 oo askari ayay dowladdu u diyaarisay in wajiga labaad ee la dagaallanka al-Shabaab ay ka qeyb qaataan oo guluf xooggan lagu qaado al-Shabaab oo hadda ay awooddoodu wiiqanto,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu dagaalkan dhab ka yahay isla markaana uu doonayo in inta ka dhiman sanadka lagu soo afjaro kooxda. Howlgalkan waxaa sidoo kale qeyb ka ah duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashanayaan hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA iyo saaxiibbada Soomaaliya. The post Sidee loo sugayaa amniga madaxweyne Xasan inta uu ku sugan yahay Galmudug? appeared first on Caasimada Online.
  21. Gud/kuxigeenka Guddida Qandaraasyada oo soo gabigabeeyay Kulan Hawleed ay la Yeesheen Baanka Adduunka Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiye Kuxigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi ahna kusimaha Gudoomiyaha Gudidda Qandaraasyada ayaa Maanta soo gabagabeeyay kulan hawleed u dhaxeeyay Guddida Qandaraasyada iyo Masuuliyiin ka socday Baanka Aduunka (World Bank) Kulankaas oo socday Saddex Maalmood. Kulankan oo ujeedadiisu ahayd qiimaynta Nidaamka Qandaraas ee Dalka ayaa Waxa Kasoo qayb galay masuuliyiin Wasaaradda Maaliyada, Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka, Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada, Xafiiska Xisaabadka Guud, Garyaqaanka Guud iyo Wasaarado iyo Hay’addo Dawladeed oo kale iyo Khuburo Ku takhasusay qaybaha Iibka Casriga ah. Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gudidda Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdilaahi Guuled oo habka Fogaan Araga kaga qayb galay ( Virtual Zoom) Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan, Xubno Ka mida Guddida Qandaraasyada iyo Agaasime Waaxeedada Xafiiska Gudidda Qandaraasyada. Qaran News
  22. Maayarka Sallaxley oo Shahaado Sharaf Gudoon Siiyay Sarkaal ka Tirsan GTZ Hargeysa(Qaran news)-Maayarka Degmada Sallaxley Axmed Buraale ayaa shahaado sharaf ku maamuusay Mss. Carola von Morstein, oo ah madaxa mashruuca RDRM ee Hay’adda GIZ. Hay’adaas oo kala shaqaysa maamulka Degmada Sallaxley dhinacyada wax soosaarka iyo qaybo badan oo ka mid ah horumarka Degmadaaas. Sidoo kale waxa ay kormeertay Ms Carola dhismeyaal lagu samayn doono Saabuunta, iyo goob Caanaha lagu qaboojiyo oo Degmadaasi ay ka hir galiyeen. Maayar-ka Degmada Sallaxley Axmed Buraale iyo isu duwaha Wasaaradda horumarinta beeraha JSL ee Degmada ayaa uga mahad celiyey Hay’adda GIZ doorka ay ka qaadato horumarinta Degmadaas. Qaran News
  23. Dr. Xasan Yuusuf Nuur Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa mudsaysay dhageysiga dacwad dastuur ah oo gudbiyeen 8 xubnood oo baarlmaaanka laga saaray bishii December ee sanadkii 2020. Warqad ka soo baxday guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr. Xasan Yuusuf Nuur ayaa lagu xusay in kiiskan la dhageysan doono mar ay taariikhdu ku beegan tahay 9/8/ 2023. Shan xubnood oo ka mid ah xubnaha laga saaray baarlamaanla Puntland ayaa 8 bishii May dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Puntland, iyagoo sheegay in ay sharci darro ahayd qaabkii looga qaaday xasaanadda. Maxkamadda Sare ee Puntland waxaa horyaalla dacwado dastuuri ah oo la filanayo in ay go’aan ka gaarto, waxaana ka mid ah dacwado ay dhinacyo kala duwan ka gudbiyeen furista dastuurka. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Sare ee Puntland oo muddaysay dhageysiga dacwad dastuuri ah appeared first on Puntland Post.