Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xisbiyada UCID & WADDANI oo ka Cudur-daartay Kulanka Madaxweynuhu ugu Yeedhay Hargeysa(Qaran news)- Labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID ayaa la sheegay inay ka cudurdaarteen kulankii madaxweyne Muuse ku martiqaaday maalinta Beri ee Arbacada ah, kaasi oo ku sheegay in lagaga hadli doono arrimaha doorashooyinka. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xisbiyada mucaaridka ah, hase ahaatee ilo looga qaateen ah ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridka ahi aanay tagi doonin oo ay ka cudur-daarteen. Waxa la sheegay in xisbiyadu ay u arkaan in madaxweynuhu shalay uu digreeto ku soo saaray wakhtigii komishanku hore ugu cayimeen doorashooyinka Ururrada iyo Madaxweynaha ee khilaafku ka taagnaa. Sidaas darteedna ay u arkaan in aanay wax natiijo ah oo midho-dhal ahi ka soo bixi doonin martiqaadka madaxweynuhu u fidiyay labadaas xisbi oo u arka inuu wado doorasho aan la isla oggolayn isla markaana lahayn sharcigeedii. Waxa dalka ka aloosan xiisad siyaasadeed iyo muran dabadheeraaday oo ku wajahan doorashooyinka, kaasi oo sababay in xataa jabhad ay kaga dhawaaqeen buurta Gacanlibaax dhallinyaro ka soo horjeeda kursi isku dhejinta madaxweynaha. Qaran News
  2. Hoggaanka labada xisbi mucaarad ee Somaliland Waddani iyo UCID ayaa go’aansaday in aanay ka qayb-galin shirka maalinta berri madaxweyne Biixi, ku martiqaaday ee arrimaha Doorashada lagaga hadlayo. Ilo- xogogaal ah ayaa xaqiijiyay in mucaaradku ka cudurdaartay kulanka madaxweynaha. Dhinaca kale war kale oo Gallaydh Media helay ayaa sheegaya in shirka sidoo kale lagu martiqaaday Ururrada cusub ee siyaasadda. Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte oo laga soo doortay Puntland ayaa soo saartay qoraal garnaqsi ah oo ay ku muujineyso culeyso madaxtooyada Puntland ka heysta xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku metela qabaa’ilka deegaanada maamulkaas. Senator Sareedo waxay qoraalkeeda ciwaan uga dhigtay “Mashaariicda arrimaha bulshada yaan la siyaasadayn.” Waxay sheegtay in xildhibaanka laga soo doorto Puntland markii uu yimaado Muqdisho aysan u sahleyno in uu wax u soo dhiciyo dadkiisa, iyadoo sheegtay inay caqabada koowaad kala kulmaan madaxda Puntland. “Xildhibaanka dawladda federalka soo aada markuu halkaan yimaado stateku waxay dhahaan adigaa is matala, marka sidee nalooga filanayaa inaan dad lamid noqono oo wax soo dhicinno oo u dagaalanno deegaankeenna iyo dadkiisa maba haysto garab iyo gaashaan tone?” ayey tiri Senator Sareedo. Waxay sheegtay in maamul goboleedyada kale ee dalka ay xildhibaanada ku matala dowladda federaalka mashaariicdooda u dhiciyaan, balse Puntland madaxwayne kasta oo yimaada uu yiraahdo “aniga mooyaane cid kale oo PL matasha ma jirto.” “Hadhow baa lagu oranayaa maxaad Puntland kusoo celisay oo maxaan soo celiyaa state aan matalo meesha maba joogee? Xamar waan iska joogaa uun, sida aan ognahayna Puntland meel qof aqoon leh uu shaqo ka waayo ma ahan,” ayey tiri Senator Sareedo. Sidoo kale Sareedo waxay intaas ku sii dartay in dadka reer Puntland ay ka xayiran tahay mashaariic badan, iyadoo sababta ku sheegtay in hoggaanka Puntland aysan fasixin wax aysan dan ugu jirin. “Maanta waxaa xaniban dhamaan madhaariicdii dadwaynaha PL anfacsan jireen, waxayna rabaan hogaanka PL in la soo daayo midii ayaga jeebkooda wax u taraysa, bal midda bulshada wax u taraysay fasaxa oo macalimiinta qaata, oo mashruucii biyaha sii daaya, oo kii caafimaadka sii daaya, markaas kaalaya kistiina qaata,” ayey qoraalkeeda ku tiri Sareedo Maxamed Xasan Jeyte oo ka mid ah Senatorada laga soo doortay Puntland. The post Senator Sareedo oo arrin culus ku eedeysay hoggaanka Puntland appeared first on Caasimada Online.
  4. Fanaankii Xasan Ismaaciil oo ku Geeriyooday Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Alle ha u naxariistee fanaankii Xasan Ismaaciil Uurcade ( Tuse) ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Xasan Ismaaciil oo ku dhashay deegaanka Xagal ee duleedka Magaalada Hargeysa 1951,waxa uu fanka ku soo biraay sanadkii 1968. Alle ha u naxariisto Fanaan Xasan Ismaaciil Uurcadde oo loo yaqaanay Tuse Aw Toosiye, wuxuu ahaa Fanaan wayn. Waxaana si gaar ah loogu Xasuustaa Riwaayadii If iyo Aakhiro Alle u Naxariisto Xasan Ismaaciil Uurcadde wuxuu sidoo kale ahaa Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland. Samir iyo Iimaan alle haka siiyo dhamaan Ehelkiisii,Qaraabadii,Bahda fanka iyo Qaranka JSL ee uu ka baxay. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Onilne u xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah kooxda Al-Shabaab ayaa xayiraad ku soo rogtay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom. Khilaafkaan ayaa ka soo bilowday amar ka fuli waayey dhanka maamulka shirkadda Hormuud oo kooxda Al-Shabaab ay ka soo saartay nidaamka ay mushaarka ku qaataan ciidamada dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab waxay hindiseen in la joojiyo lacagta mushaarka ah ee taleefanadooda loogu diro ciidamada qaranka Soomaaliya, balse maamulka shirkadda Hormuud ayaa diiday inay fuliyaan amarkaas. Intaas kadib Al-Shabaab waxay xayiraad ku soo rogeen ilaa 35 xarumood oo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay qaar kamid ah gobollada dalka. Sidoo kale xogta aan ka heleyno gobollada qaar waxay sheegeysaa in Al-Shabaab ay ku mareen dadweynaha ku nool deegaanada ay maamulaan ee isticmaala adeega shirkada Hormuud inay u guuraan shirkadaha kale ee isgaarsiinta. Kooxda Al-Shabaab waxay gebi ahaanba horay u joojisay dhammaan wixii gaadiid shirkadda Hormuud ay laheyd ee ka howlgalayay deegaanada ay joogaan. Al-Shabaab toos uma shaacin dagaalka ay ku qaaday shirkadda Hormuud , balse waxaan ogaanay inay soo rogeen amar ay ku kala dhantaalayaan macaamiisha shirkadaas. Gaadiidka Hormuud hadda isagama gudbo goobaha ay kooxdaasi dalka ka joogto, waxaana socda qorshe ay Al-Shabaab dadka ugu weecinayaan isticmaalka shirkadaha kale ee bixiya adeega isgaarsiinta. The post Xog: Al-Shabab oo xayiraad kusoo rogay Hormuud – Maxaa la isku hayaa? appeared first on Caasimada Online.
  6. Cali Guray oo Ciyi Waa ka Baryay ku Tilmaamay Martiqaadka Madaxweyne Muuse ugu Yeedhay Xisbiyada Hargeysa(Qaran)- Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in martiqaadka madaxweynuhu ugu yeedhay Xisbiyadu ay tahay Ciyi waa ka baryay. Waxa kaloo uu sheegay in aanay ciddina aqbalayn inuu yidhaahdo doorasho aan la isla oggolayn ayaan dalka ka qabanayaa. Sidaasna wuxuu Cali Guray ku sheegay qoraal uu ku daabacay Facebookgiisa, wuxuuna u dhignaa sidan:- “Tani Waa Ciyi Waa Ka Beryay. Anigu Waxaan Ka Leeyahay: HADDII CADKA QAAR CAMUUDDA KU DHACO; CAADADA REER SHEEKH LAMABA CUNO. WAAR HORTA MUUSE IYO RAG HA IS ARKO. DOORASHO AAN LA ISLA OGOLAYN DAAYA HA KA QABTO HALKA UU KA QABAN KARO EH Mucaaridka wax kale uma furnna. Doorasho aynaan isla ogolayn oo keligaa aad wad wadatay kaalaya ii xalaaleeya waanu ka diidnay. Ka qabo adigu hadaba halka aad ka qabanayso. Doorashadan isaga ayaa keligii gacmihiisa keligii ku sid-sitay oo hadba dhan ula kacayay. Ilaa intee ayuu sid sidanayaa? Ilaa natiijadeeda saw maaha? Oo dee Yaa aqbali kara?” Qaran News
  7. Xukuumadda Shiinaha ayaa baahisay warbixin muuqaal ah oo ka turjumaysa diyaar garowga ciidamada Shiinaha ee sida ay awoodda ugu leeyihiin inay weeraraan Jasiiradda Taiwan oo Shiinuhu ku doodayo inay tahay degaan ka mid ah dhulweynaha Shiinaha. Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – War deg deg ah oo soo gaaray Caasimada Online ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo kala duwan ayaa noo xaqiijiyey in qaraxaasi uu ka dhacay waddada 21-ka Oktoobar ee degmada Waaberi. Sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxaas waxaa lala beegsaday gaari Prado ah oo wadada marayay. Ilaa hadda lama ogaan cidda wadatay gaarigaas ee la bartilmaameedsaday, balse dadka nala hadlay waxay xaqiijiyeen in qaraxu uu haleelay gaariga. Wadada uu qaraxaani ka dhacay ee 21-ka Oktoobar waxay ka mid tahay goobaha ugu badan ee Al-Shabaab ay dhigaan qaraxyada loo adeegsado miinada soo boodada ah. Kooxda Al-Shabaab oo awoodi waysay inay Muqdisho soo geliso qaraxyadii ay ku soo rari jireen gaadiidka ayaa weli adeegsata qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda. Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay inay yareeyaan beegsigii joogtada ahaa ee Al-Shabaab ay u geysa jireen shacabka iyo masuuliyiinta dowladda. Hase yeeshee weli waxaa dhaca falal liddi ku ah amniga caasimadda, inkastoo ay sidii hore ka yartay amni darradu, dowladda ayaa ciidan gaar ah u xil saartay sugidda amniga Muqdisho. Ciidankaas oo lagu magacaabo boolis-militaar ayaa ku guuleystay inta badan xaqiijinta amniga Muqdisho, balse wel;I waxaa dhacaya falal amniga liddi ku ah. The post Faahfaahinta Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  9. Shirweynaha 5-aad ee ICT-ga Qaranka oo ka Furmay magaalada Hargeysa Hargeysa(Qaran news)- Shirweyanaha 5-aad ee ICT-ga Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada Hargaysa, shirweynaha ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, kaasi oo loog talogalay in lagu faaqido wax yaabaha ku soo kordhay iyo waxa iska beddelay Tiknoolajiyada casriga ah ee xawliga ku socota iyo sidii looga faa,iidaysan lahaa. Shirweynaha 5-aad ee ICT-ga Somaliland ayaa waxa ka qayb qaadanaya shirkadaha Isgaadhsiinta dalka iyo sidoo kale shirkadaha bixiya adeegyada tiknoolajiyada kuwaasi oo ku soo bandhigayay madasha shirka. Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiwali Suufi Jibriil ayaa sheegay in sanadkiiba hal mar ay qabtaan shirkani, kaasi oo la isugu keeno dhammaan daneeyayaasha Tiknoolajiyadda sida laamaha dawlada, shirkadaha Isgaadhsiinta, shirkadaha ganacsiga, ardayda iyo aqoonyahanka bartay Tiknoolajiyadda, si loo soo bandhigo daraasado iyo cilmi baadhisyo laga sameeyay qaabka looga faa,iidaysan karo Tiknoolajiyadda casriga ah. Halku-dhiga sanadkan shirweynaha ICT-ga Somaliland ayaa ah isbadelka Tiknoolajiyeed iyo helida kaabayaal waara, kaasi oo lagu lafo-gurayo sidii loo heli lahaa ama loo horumarin lahaa kaabayaasha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda casriga ah. Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Cabdiwali Suufi Jibriil o faahfaahin ka bixinaya Shirweynaha 5-aad ee ICT-ga Somalilad. Waxaanu yidhi. “Ujeeddada shirku waxa weeye in sanadkii hal mar la isku yimaado, la eego kolba isbeddelka Tiknoolajiga sida looga faa,iidaysan karo iyada oo la soo bandhigayo daraasado iyo cilmi baadhisyo la sameeyay, sidoo kalena la soo bandhigi doono qodobyo gaar ah oo leh mudnaanta, shirkaduhuna ay fursad u helaan inay soo bandhigaan adeegyada cusub ee ay bulshada u hayaan. Sannadkan hal-kudhigu waxa weeye isbadelka Tiknoolajiyadeed iyo helida kaabayaal waara, waxa lagu lafa gurayaa sidii lagu heli lahaa ama loo horumarin lahaa kaabayaasha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda casriga ah, iyada oo aynu ognahay in adeegsiga Tiknoolajiyadu uu aad u horumaray haday noqoto qalabka oo uu ugu horeeyoTilifoonku iyo haday noqoto nidaamka iyo hannaaka gudaha ee uu ku shaqeeyo Tiknoolajiyadda casriga ah iyo haddii ay noqotaba adeegyada laga helo Tinoolajiga’’ Sanadkan ayaa ah sanadkii shannaad ee ay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ay si xidhiidh ah u qabto Shirweynaha ICT-ga Somalilad, kaasi oo marka uu dhammaado laga soo saaro qodobo noqda maxsuulka shirweynaha si loo helo in la gaadho kaabayaal Tiknoolajiyadeeda oo waara. Qaran News
  10. Ciidanka Debdamiska oo ka Hadlay Dab Ka Kacay Fooq ku yaalla Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Dab-demiska ayaa xalay saqdii dhexe soo bad-baadiyey 14 Qof ka dib markii uu dab qabsaday fooqii ay degenaayeen. Xalay abaaro 2:30 habeenimo ayaa waxa uu dab weyni ka kacay fooq ku yaala Magaaladda Hargeysa gaar ahaan suuqa Heegada kasoo horjeedka (Kaalinta Xasan Gallan). Fooqan dabku ka kacay ayaa ka koobnaa qaybo kala duwan iyadoo loo isticmaalayey Hurdo iyo Ganacsiga qaybihiisa kala duwan. Dabkaas ayaa ahaa mid ku fidayey Saddex dabaq oo ka mid ah dhismahaas, waxaana si laxaad leh u xakameeyey Ciidanka naftood hureyaasha ah ee Dab-demiska una diiday in dabkaasi uu ku fido Fooqyo badan oo ka ag dhawaa waxaanay ciidanku Bartiisi ku Damiyeen dabkaas iyagoo badbaadiyey Hantidii taalay. Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sarreeyo guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa waxa uu usoo jeediyay dadweynaha in ay ka waantoobaan dhismeyaasha kala duwan iyo fooqyada laga hor dhisayo Jiingadaha iyo Buulasha kuwaasi oo Sababi kara in uu Dab ka kaco. Qaran News
  11. Somalis are very creative people and many are displaying their talent across various media and cultural platforms and sectors. One of the most popular forms of self-expression and communication is photography. This is not surprising because with the rising use of smart mobile phones and advanced digital cameras, taking photos for leisure or as a professional, is much easier. The high usage of social media like Twitter, Facebook, TikTok and Instagram to share personal stories, information and business venture in Somalia is also contributing to the boom in the revival of photography for pleasure and as an art from. This is good news because photography is among the best forms of visual narrative which is accessible, fun, and inspires new ideas and stimulates conversations. And these are desperately needed in Somalia right now. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka falceliyay magacyada qaar ee loo bixiyay guutooyinka cusub ee ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo loogu magac daray qaar kamid ah saaxabadii Nabi Muxamed NNKH, sida Cumar Binu Khadaab, Cali Bin Abii Daalib iyo Khaalid Binu Waliid Macallimuu ayaa arrintan su’aal ka keenay, isaga oo yiri “Sow ma noqon karo Islaam Soomaali ah?”. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday waxa xilligan kusoo beegay in magacyadadan la adeegsado, isaga oo tiilmaamay inay yihiin kuwii ay jecleysteen xubnaha Al-Shabaab. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in arrintan ay tahay su’aal taagan oo muujineyso in la’is dhiibay, sida uu hadalka u dhigay. “Sow ma noqon karo Islaam Soomaali ah? Maxaa keenaya in guutooyinkii CXDS xilligan aan ugu magac darno magacyadii ay jecleysteen amiirada Shabaab. Guutada 28aad ee Abu-Cubeyda waan maqlaayay . Ma is dhiibinay?” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray. Dhawaan ayaa waxa la shaaciyay magacyo cusub oo loo bixiyay guutooyin ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo horey aan loogu bixin jirin, waxayna arrintan timid xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Guutooyinka qaarkood waxaa hadda la geeyay furimaha hore dagaalka, si ay ula diriiraan Al-Shabaab oo laga xoreynayo Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Magacyadan kuwo kamid ah, waxa horey xeryahooda tababarka iyo unugyadooda dagaalama ula baxay ururrada islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Soomaaliya. Dowladda Soomaaliyeed ayaa dhankeeda qabta in magacyada wanaagsan si kasta oo ay Al-Shabaab ula baxeen inay sax tahay in loo bixiyo ciidamada Xoogga dalka. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Janaraal Cabdillaahi Cali Caanood ayaa sheegay in magacyadan cusub horey aan ciidanka loogu bixin jirin, balse uu aad u soo dhaweynayo in hadda lagu baraarugo magacyadan oo uu yiri wadamo badan oo islaam ah ciidankooda iyo kuliyaddaha ciidamada, way u bixiyaan, isagoo tusaale u soo qaatay Sucuudiga iyo Iiraan. “Aad baan ugu faraxsanahay, in hadda guutooyinka qaar loo bixiyo Cumar Binu Khadaab iyo Cali Bin Abii Daalib, dad islaam ah weeye, innagu markii hore waxan ula bixi jirnay dadkeenii halyeeyada ahaa iskuulada, jaamacadaha iyo kuliyaddaha ciidamada” ayuu yiri. The post Macallimuu oo dood ka keenay magacyada guutooyinka cusub ee ciidanka Xoogga appeared first on Caasimada Online.
  13. Fal dad badan ay ka argagaxeen ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaan miyi ah oo ku yaalla xadka ay wadaagaan gobolka Galguud ee Soomaaliya iyo dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Falkan ayaa waxa lagu dilay shan carruur ah, kuwo kalana lagu dhaawacay, sida ay dadka deegaanka sheegeen. Xilliga uu falku dhacayay ayaa wararku sheegayaan in carruurtu ay jiifeen dugsi qur’aan ay dhiganayeen. Dadka deegaanka ayaa dhacdadaan ku eedeyay meleeshiyaad ka soo jeeda deegaanno ka tirsan Galmudug oo xadka ka soo tallaabay. Maxamed Daahir Muuse, oo kamid ah waalidiinta carruurta la laayay ayaa BBC ayaa sheegay in dhacdadani ay ahayd mid aad u foolxun oo ay dadka la yaabeen. “Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa ka dhacay shil aad iyo aad u foolxun oo xaquuqul insaan iyo bina’aadanimadaba ka baxsan, waxaa shilkaasi lagu dilay 5 caruur ah oo yaryar ah oo ah arday dugsi quraan ah dhiganayay” ayuu yiri Mr Maxamed. Maxamed Daahir Muuse ayaa xusay in dhacdadan ay ka dhacday labo tuulo oo ku taalla dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. “Waxay ka dhacday labo qabale oo lagu kala magacaabo Furunta-foore iyo Qorof dhexdooda dowlad deegaanka degmada Gallaadi ee gobolka Doollo, halkaa dadka ku dhintay-na waa ilaa 5 ilmood,” ayuu intaa ku daray. Caruurta la laayay ayay da’dooda u dhaxeysay ilaa 7-14 jir. “Shanta ilmood midka u wayn waa 14 jir, 12 jir, 13 jir ilaa 7 jir iyo 8 jir-na ay ku jiraan,” ayuu yiri. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ilaa iyo imika la la’yahay dhowr ilmood oo loo maleynayo in ay afduubteen kooxdii falka geystay, halka kuwa kale ay dhaawac yihiin. “Qaar ka mid ah caruurta waa la la’yahay oo waa la afduubtay ilaa asacadan gacan laguma hayo, qaar badana waa dhaawac oo waxa lagu hayaa deegaanka Dhabad oo la soo gaarsiiyay,” ayuu yiri Maxamed Daahir Muuse, oo ka mid ah waalidiinta carruurta la laayay. Maxamed ayaa BBC u sheegay in dadka falka geystay ay rumeysan yihin in ay ka soo tallaabeen xadka Soomaaliya ayna ka danbeeyaan dad doonaya in ay qab’aailka iska horkeenaan. “Waxaa falkan geysanaya dadyow ka yimid deegaanada aanu dariska nahay dhinacaan Galmudug, waa falal sida aanu tuhunsanahay, dadka deegaanakana ay sheegayaan, ay ku lug leeyihiin argagixiso oo la doonayo qabaa’ilka in la isku dhufto maadaama guluf colaadeed uu Galmudug ka socdo,” ayuu intaa ku daray. Maxamed Daahir Muuse, ayaa farta ku fiiqay in falalkan ay yihiin kuwo ku cusub deegaankan, islamarkaana aysan horey u dhici jirin in carruur al laayo. “Dadkan muddo dheer ayay colaad ka dhaxeysay, falalkanna ma aha kuwii hore u dhici jiray, haddana ma jirin aano qabiil, dadkan waa birima’geydo. Ilmihii yaryaraa ee dugsigoodii quraanka ayagoo jiifa oo meel walba loogu imaan jiray oo la dulmari jiray ayaan la dili jirin” ayuu yiri Mr Maxamed. Muxuu dhaqanka Soomaalidu ka qabaa dilka maatada, xilliyada dagaalka? Haddaba dadka Soomaalidu dhaqamada ay leeyihiin waxaa ka mid ah in dadka biri-maygadada ah aan lagu xadgdbin haddii ay dhacadana waxaa jira xeerar la mariyo iyo tillaabooyin laga qaado cidda xagdubkaas sameysa. Ugaas Bashiir Mukhtaar waa mid ka mid oday dhaqameedyada Soomaalida waana ugaaska mid ah ka mid ah beelaha Soomaalida ee dalka kenya waxaa uu BBC u sharaxay waxa dhaqanka Soomaalida uu ka qabo dilka carruur yaryar. Ugaaska ayaa xusay in ay mamnuuc ahayd in dadka maatada ah sida caruurta la laayo xilliyada ay jiraan colaadaha iyo dirirta qabaa’ilada. “Soomaalida caado uma aha in caruur la dilo ama la afduubto ama la dhibaateeyo, xadgudubkaas soomaalida wax dhaqan ahaan u yaalla ma aha, sharciga islaamkana waa lagu sheegay dhaqanna uma aha, dhibka markuu jiro caruurta ka mid ma aha dadka uu ka dhacayo, xitaa dumarka kuma jiraan,” ayuu Ugaas Bashiir. Ugaas Bashiir Mukhtaar ayaa farta ku fiiqay in dhaqanka Soomaalida marka laba beel uu dagaal dhexmaro ay labada dhinacba ilaalin jireen xquuqda dadka nugul sida caruurta, dumarka. “Dhaqanka waxaa uu ahaan jiray xilliga uu dhibka jiro amaba labo qolo uu dgaal u dhaxeeyo caruurta ama haweenka, hadba ninka ay gacantooda galaan inay badbaadiyaan waaye, laakiin waa mamnuuc dhaqanna kuma jiro caruurta iyo haweenka dadka daciifka ah in lagu xadgudbo, dhaqan Soomaali ma aha” ayuu yiri Ugaas Bashiir . Ugaas Bashiir Mukhtaar oo aan wax ka waydiinay wixii laga yeeli jiray dhaqanka Soomaalida cidda ku xadgudubta caruurta. Wuxuu sheegay in dagaalka ka dib xaajo loo fariisan jiray oo go’aan laga gaari jiray. “Waa tallaabo loo fariisanayo oo caruurtaas lagu xadgudbay wixii dadkaas lagu ciqaabi lahaa in looga tashto, waana waxyaabo iska fara badan dhaqan iyo xeer ahaan ayaa loo noqonayaa”. Dhanka kale marka la eego xeerarka caalamiga ah ee dagaalka waxaa mamnuuc ah in la dhibaateeyo caruurta iyo dadka kale ee rayidka ah. Bbcsomali Qaran News
  14. TORONTO, Canada, August 8, 2023/ – Qaran news)- Afrika Insights Inc., an Ontario-based risk advisory and publishing company, joined The Canada-Africa Business Chamber (https://www.CanadaAfrica.ca) last month, ahead of the annual Canada-Africa trade and investment forum, Africa Accelerating (https://apo-opa.info/3Yt3v56). The firm’s primary objective is to provide Canadian companies and individuals with the information and knowledge to make beneficial investments in Africa. During Africa Accelerating 2023, the Chamber’s premier event each year, CEO Felix Ofulue will address the 3-day gathering during the session on Knowledge Generation: The Role of the Chamber’s Institutional and Research Members across Africa. “For many businesspeople and investors in developed countries such as Canada, Africa was for long an uncharted territory,’’ says Felix Ofulue, who is proud of his experience working for The Coca-Cola Company across Africa for almost two decades. ‘’Many money and asset managers avoided the continent for reasons including political instability, lack of amenities and utilities needed to run a business, frequent policy changes and the absence of the kind of predictability that minimizes risk.” “Yet for those who dared, Africa consistently yielded among the highest rates of return on investment globally for the past two decades when compared with other emerging and frontier markets, adds Ofulue. ‘’Whether in long-term foreign direct investment or in portfolio flows, Africa has hugely benefited those who understood it’s terrain and navigated it’s risks with knowledge.” Afrika Insights argues it is in prime position to provide timely and up-to-date business and political risk analyses to guide investors to profitable investment decisions across Africa: ‘’In a globalized world in which people are increasingly interconnected and can engage in real-time, instantaneous communication from any point in the globe, business opportunities are also transcending old barriers and boundaries. New risks are also emerging. Afrika Insights is led by outstanding professionals with the right skills and experience to deliver actionable advisories in a rapidly changing global environment.’’ Felix Ofulue, Afrika Insights Inc.’s Chief Executive Officer, says his experience at The Coca-Cola Company across Africa for almost 20 years included ‘stints in the east, south and west of the continent.’’ He now manages a team of researchers and analysts located across the continent to deliver information in easily digestible formats to our clients and readers. Included on the team is Dulue Mbachu, a writer and journalist with more than two decades of experience. ‘’Dulue worked for the Reuters and Associated Press news agencies as a journalist covering Africa before he joined Bloomberg News in 2008 as an energy correspondent and went on to become the pioneer Nigeria bureau chief in 2010,’’ says Ofulue. ‘’He worked in other capacities as speed editor and government editor during his 13 years at the company. We are proud to have him serve in overseeing our research and publications at Afrika Insights.’’ Felix Ofulue says he looks forward to the active role he and his colleagues will play, following Afrika Insights’ accession into The Canada-Africa Chamber of Business: ‘’Jointly, and in collaboration with other partners and professionals, we will put our best efforts to support the work of The Canada-Africa Business Chamber toward boosting business relations between Canada and African markets.’’ Distributed by APO Group on behalf of The Canada-Africa Chamber of Business. SOURCE The Canada-Africa Chamber of Business Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay afar haween ah oo ah xaasaska Al-Shabaab, isla-markaana loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan inay wadeen gaari siday walxaha laga far sameeyo qaraxyada. Afarta haween ayaa waxaa lagu kala magacaabaa 1-Caasho Muxudiin Maxamuud, 2-Khadra Maxamed Ciise, 3-Naciimo Faarax Sheekh Doon, 4-Sahra Xuseen Ciise. Haweenkan ayaa la qabtay 21-kii April ee sanadkan 2023-ka, xilli ay kasoo laabteen deegaanka Kunyo-barrow oo ay ugu tageen raggooda oo ka tirsan Al-Shabaab, waxay xilligaas kusoo dhaceen bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay joogeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka. Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen haweenkan ayaa laga helay agabka laga sameeyo qaraxyada, sida moobeelo, diinamooyinka dabka dhaliyo, biro iyo fiilooyin. Sidoo kale waxaa haweenka lala qabtay darawalkii gaariga ku waday iyo ninkii iska lahaa baabuurkaas oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Caasho Muxudiin oo ka hor hadashay maxkamadda ayaa qiratay inay Kunyo-barrow ugu tegtay ninkeeda oo Al-Shabaab ah, isla-markaana la qabtay soo laabashadeeda. “Inaan Kunyo-barrow tegay ninka i qabo oo joogo ayaan ugu tegay kana soo laabtay, aniga Al-Shabaab ma’ihi isaga ayaa ah, kuna guursan Al-Shabaab ahaan, isaga oo i qaba ayuu noqday” ayay tiri Caasho Muxudiin Maxamed oo kasoo muuqatay maxkamadda ciidanka. Sahra Xuseen Ciise oo ku jirta afarta haween ee kasoo muuqday maxkamadda ayaa iyadu tiri “Marna wuu imaadaa marna uu baxaa ninkeyga, mana aqaano meel uu ka shaqeeyo” Baaraha kiiskan ee maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa isna goobta ku soo bandhigay agabka kala duwan ee lagu qabtay gaariga siday walxaha qarxa. “Gaariga Layla Calaawiga ah qalabka saarnaa wuxuu ahaa 69 moobeel oo niiclayaal ah, siddeed xirmo isteeg oo koola maastaro ah, 7 kashawiito, 5 bokis oo kaloofis ah oo marka waxyaabahaas la sameyn lahaa gacmaha la gashan lahaa ah, mid kamid diinamooyinka dabka dhaliya, biro iyo fiilooyin yar yar” ayuu yiri baaraha kiiska. Dhanka kale darawalka gaariga oo lagu magacaabo Yuusuf Cali Nuune ayaa ku dooday in qalabkan uu usoo dhiibay nin dulaal ah, isla-markaana uusan ogeyn inuu qarax ahaa. “Waxaa alaabta kasoo qaaday Kunyo-barrow dulaal ayaana isoo saaray, 5 dollar lacag ah ayaana ku waday” ayuu ku dooday darawalka gaariga. Intaas kadib xeer ilaalinta ayaa ka dabatay maxkamadda ciidamada in afarta haween loo ciqaabo marin habaabinta ay sameeyeen iyo qarinta qaraxa loo soo dhiibay, halka darawalkana ay dalbatay in laga qaado tallaabo ku aadan u adeegidda kooxda Al-Shabaab. Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga, wuxuuna shaaca ka qaaday in maxkamadu ay dib kasoo sheegi doonto go’aanka ka dhanka ah eedeysanayaasha. The post Haween lagu qabtay gaari siday qaraxyo oo la geeyay maxkamadda ciidamada appeared first on Caasimada Online.
  16. Wasiirro la Kulmay Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka UK Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid iyo Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa kulan la qaatay wefti ka socdey Baarlamaanka Ingiriiska ay hogaaminayso MP Alicia Kaearns oo ah Gudoomiyaha Guddida Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Ingiriiska. Waxaa kale oo ka mid Mp Rushanara Ali iyo Xubno kale. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL ayaa warbixin ka siiyey weftiga Xalaada guud ee nabadgelyada Somaliland oo ah mid ku taagan tiirar adag, iyadoo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland ay macno wayn ugu fadhido nabadda geeska Afrika. Dhinaca kale weftiga iyo Wasiiradda ayaa ka wada hadlay xidhiidhka Dawladda Somaliland iyo Dawladda Ingiriiska, xidhiidh kaasoo ah mid soo jireen ah, Doorashooyinka, Dumuqraadiyada, Isbedelka Cimilada iyo xoojinta xidhiidhka labada dalka ayaa laga wada hadlay. Kulankan waxaa Wasiirada ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Mustafe Cumar Yare iyo Masuulin kale oo ka mid ah Wasaaradda. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Qaran News
  17. Mogadishu (HOL) - 342 recruits of the Somali National Army from the Danab Advanced Infantry Brigade completed an intensive basic military training program in Somalia on Thursday. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - 342 recruits of the Somali National Army from the Danab Advanced Infantry Brigade completed an intensive basic military training program in Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. First and foremost, I extend my heartfelt congratulations to the newly elected Central Council leader/Speaker of the Parliament of the SSC-Khaatumo Administration, Sheikh Yasin Jama. Additionally, I commend Abdulkhadir Ahmed Aw-Ali for being elected as the Executive Council/President of SSC-Khaatumo Administration and Dr. Mohamed Shiine as his Deputy/Vice President. Over the last six months, these men have shown remarkable leadership qualities tirelessly advocating for and defending the sovereignty and rights of the people of SSC-Khaatumo. The election of Yasin Jama, Abdulkhadir Aw-Ali, and Dr. Shiine marks a significant moment in the journey towards progress, governance, and political autonomy for the SSC people. As the newly elected SSC-Khaatumo leadership embarks on this new chapter, it is vital to consider the incorporation of certain critical policies into their new administration’s priorities and initiatives. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Somaliland oo Kulan ku martiqaaday Saddexda Xisbi Qaran Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa saddexda xisbi qaran ku martiqaaday kulan lagu falan-qeynayo arrimaha doorashooyinka. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu maanta xisbiyada u kala diray Xoghayaha Madaxweynaha Mubaarog Ismaaciil Taani, kaasi oo loo kala diray Hoggaanka saddexda xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KUlMIYE, kaasi oo qabsoomi doona Arbacada Toddobaadkan. Warqadaasina waxay u qornayd sidan:- Qaran News
  21. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo safar u baxay ayaa diyaarad u qaatay degmo weyn oo magaalada Baydhaba u jirta wax yar qiyaastii illaa 65 kiilo mitir. Lafta Gareen ayaa ka dagay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay go’doomiyeen dagaalayanada kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan Koonfur Galbeed. Ujeedka uu u tegay halkaas ayaa ah ka qayb-galka xafladda caleema saarka guddoomiyaha cusub ee golaha deegaanka ee degmadaas oo doorasho kusoo baxay. Madaxweynaha ayaa runta sheegay marka uu tegay magaalaa Buurhakaba, wuxuuna shaaciyay in magaaladaan oo muhiim ah ay muddo dheer uga maqnaayeen daruufo amni dartood, gaar ahaan go’doominta ay kooxda Al-Shabaab geliysay degmada Buurhakaba. Waxa uu tilmaamay inay ka xishoonayeen muddadaas inay diyaarad usoo raacaan degmadan oo uu tilmaamay in 64 KM oo kaliya ay u jirto magaalada Baydhaba. “Waxyaalaha ugu badan ee maqnaashahayaga Buurhakaba keenaayay inaan imaan weyno daruuf jirtay oo waad ogtihiin Buur iyo Baydhaba waxay isu jiraan 64 KM, waxaana ka xishooneynay inaan diyaarad usoo raacno” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Cabdicasiis Lagfta Gareen oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ku rajo weyn yihiin in dhowaan la qaado howlhgal culus oo la’isugu furayo deegaanada Koonfur Galbeed. “Annaga oo baabuur saaran oo jidkaan dheer soo mareyno inaan Buur tegno, joogno, kasii tegno, hadana ku soo noqono waayay waxaan ilaah ka rajeyneyno” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu faray maamulka cusub in qorshiisa koobaad uu ka dhigo furista waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Baydhaba iyo Buurhakaba ee gobolka Baay. “Maamulkaan loo doortay degmada Buurhakaba waajibaadka ugu horreeyo oo saaran isaga iyo shacabkiisa oo gacmaha is haysta in Baydhabo iyo Buurhakaha dhexdooda mar dambe uusan sii go’naanin oo la’isu socdo” ayuu kula dardaarmay maamulka cusub ee degmada. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab la filayo in xoogiisa uu ka dhaco gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed. The post Laftagareen oo diyaarad ku tegay Buurhakaba kadibna runta sheegay appeared first on Caasimada Online.
  22. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2023/08/Video.mp4 Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay sii-hayaha safiirka, ahna safiir ku xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Shane Dixon. Labada mas’uul ayaa waxa ay isla soo qaadeen laba qodob oo kala ah xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada waddan iyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Ugu horreyn ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa Mareykanka uga mahad-celiyay taageerada dhinacyada kala duwan leh oo uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Shabaab iyo arrimaha bani’aadamminimada. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dalka oo dhan. “Way ka go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha kadib kulanka uu la yeeshay sii-hayaha safiirka Mareykanka. Dhinaca kale Danjire Shane Dixon oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa isaguna ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo qorshayaasha kale ee la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda iyo shacabkeeda. Mareynkanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna fuliyaa duqeymo, isaga oo sidoo kale tababar iyo qalab siiyay ciidanka Danab. Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aaday, xilli ay dowladda Soomaaliya dardar-gelineyso wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo loo diyaariyay in ka badan 10 kun oo askari. The post Xamza oo laba qodob kala hadlay Mareykanka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.