Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa ka warbixiyay howlgal ay ciidanku ka fuliyeen deegaan hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay sheegeen in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab. Howlgalkaa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Janaay-Cabdalle iyo deegaannada kale ee ku hareereysan, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno Al-shabaab ah, oo damacsanaa in ay weerar kusoo qaadaan saldhigyada ciidanka Danab. Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab Carab Dheeg Axmed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay 7 xubnood oo Al-shabaab, sidoo kalena ay jiraan tiro dhaawacyo ah sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay in xubnaha la dilay ay ka furteen saanad ciidan oo ay wateen, waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka socda deegaannada maamulka Jubbaland iyaga oo kaashanaya Daraawiishta dowlad goboleedka. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal kale ka fuliyay Tuulada Kuuba-Kabir oo u dhow deegaanka Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ciidanku ay ku gaareen howlgalkooda, sida uu hadalka u dhigay sarkaalka u hadlay ciidanka Kumaandooska. Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ay ku doonayso in Jubbaland dhowaan looga fuliyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo dowladdu sheegtay in dhowaan la qaadayo, Xilli Al-shabaab ay gacanta ku hayaan caasimadda Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo Dhuusamareeb ku sugan ayaa ka qayb-galay kulan looga hadlayay dardar-gelinta howlgallada xoreynta ee haatan ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug. Fiqi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan Al-Shabaab, isaga oo sheegay in ay u afduuban yihiin shacabka deegaanada ay joogaan iyo sidoo kale xubnaha u dagaalama. Wasiirka aytaa carabka ku goday in dadkaas aysan xor aheyn, isla-markaana si qasab ah loogu hayo deegaanadaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale xubnaha u dagaalama wuxuu tilmaamay inay u badan yihiin carruur laga soo afduubay gobollo fog-fog, isla-markaana la geeyo deegaan iyo meel aysan garaneyn. “Dadka way afduuban yihiin horta, Shabaabka dagaalamayana way afduuban yihiin moobeelka ehelkiisa kulama hadli karo ma yaqaan meesha uu joogo waa canug yar oo laga soo afduubay gobollo-fog fog” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya. Wuxuu sii raaciyay “Nimankan marka waa niman afduuban oo dad ay u afduuban yihiin, 4 illaa 5 qof ayaana go’aanka iska leh,”. Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Shabaab laga adkaaday, muhiimadana ay tahay in laga tashado mustaqbalka deegaanada la xoreeyay. “Nimankaas hadda waqtigooda waa dhammaad aniga waxa ay ila tahay inaan ka hadalno maxaan sameyneynaa, haddii dhulkii la xoreeyo?” ayuu mar kale yiri Wasiirku. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli howlgallo xoreyn ah ay ka socdaan dalka, waxaana haatan xoogooda laga dareemayaa deegaanada HirShabelle iyo Galmudug. The post DF oo sheegtay inay afduuban yihiin shacabka ku sugan deegaanada Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  3. Dab xooggan oo 72-kii saac ee lasoo dhaafay ka socday Keymaha caanka ah Maui ee gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka ayaa geystay khasaare xooggan, waxaana soo baxaya khasaare nafeed ee ka dhashay Dabka, sida laga soo xigtay Booliiska iyo waaxda gurmadka iyo samatabixinta. Tirada dhimashada dadka ayaa gaartay 89 qof Sabtidii, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda, xilli ay jiraan dhaawacyo culusul oo xaalad adag ku jira sida laga soo xigtay dowladda. Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday, dabka ayaa ka kacay kadib kulka cimilada oo aad u kordhay maalmihii dambe Mareykanka, xilligaan oo lagu jiro waqtiga xagaaga oo kul badan uu jiro. Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabi’iyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaaraya 2,200, iyadoo dhul beereed gaaraya 850 hiktar uu gubtay dabka ka kacay, gobolka ayaa ka mid ah gobollada wax soo saara. Gudoomiyaha Gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka Josh Green oo shir jaraa’id qabtay Sabtidii ayaa ka digay in tirada dhimashadu sii kordhi doonto, iyadoo maydad hor leh la helayo, waxaana wali socda gurmadka iyo samatabixinta ay wadaan waaxda gurmadka iyo samatabixinta. Eeyaha loo tababaray urinta maydadka ayaa kaliya baaris ka sameeyay boqolkiiba sedex dhulka baaba’ay sida uu sheegay madaxa booliska ee magaalada Maui John Pelletier, dabkaan ayaa kacay xilli cabsi xooggan ay jiro oo ku aadan isbedelka cimilada ee dunida ka jirta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Dhusamareb (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with Catriona Laing, the United Nations Special Representative of the Secretary-General for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), in Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug State, on Sunday. Source: Hiiraan Online
  5. Ciidamo ka tirsan Puntland oo gadoodsan ayaa xalay qabsaday kastamka degmada Xarfo ee Gobolka Mudug. Ciidamada oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa gebi ahaanba la wareegay kastamka Xarfo halkaas oo ay weli gacanta ku hayaan. Ciidanka gadoodsan ayaa xannibay dhaq dhaqaaqa isu socodka gaadiidka ee laamiga dheer sida laga soo xigtay dadka degaanka. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada gadoodsan ayaa dalbanaya in la siiyo mushaar iyo xuquuq kaga maqan dowladda si ay u banneeyaan kastamka. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidamo gadoodsan oo xalay qabsaday kastamka degmada Xarfo appeared first on Puntland Post.
  6. Minneapolis (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ehellada Marxuum Axmed Cabdullaahi Maxamed Bile oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Somaliland, isla-markaana kamid noiqday askartii ku geeriyootay dagaalkii Jimcihii ka dhacay buurta Gancan-Libaax ayaa si carro leh uga hadlay qaabka loola dhaqmay maydka sarkaalkaas oo la sheegay in la jiiday. Ehellada oo ku sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in si ka baxsan bani’aadanimada loola dhaqmay marxuumka, isla-markaana maydkiisa lug laga saaray madaxa, taas oo ay ku tilmaamay xad-gudub weyn. Mid kamid ah ehellada oo kasoo jeeda Beesha Gabooye ayaa shaaca ka qaaday in meesha lagu dilay sagaal askari, bale kaliya marxuum Axmed lagu sameeyay arintaasi, isla-markaana ay si adag u cambaareynayaan falkaasi. “Waxaa isugu nimid inaan aad iyo aad u cambaareyno falkii foosha xumaa ee lagula kacay sarkaalkaa maydkiisii, waxaan si adag u cambaareyneynaa dadkii falkaas geystay, waxaan sidoo kale cambaareyneynaa cid kasta oo falkaas raali ka ah” ayuu yiri mid kamid ah ehellada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in falka lagu beegsaday wiilkooda kaliya uu muujinayo halka uu gaarsiisan yahay naceybka loo qabo beesha uu kasoo jeedo, sida uu hadalka u dhigay. “Sagaal qof oo mayd ah ayaa meeshaa yaallay sida la sheegay waxa maydkiisa lala soo dhex baxay oo lasoo jiitay oo cagta madaxa laga saaray waxaa weeye naceyb iyo takoor intiisa la’eg oo loo qabo beesha uu kasoo jeedo” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay. Dhankiisa Afhayeenka Beesha Gabooye ee North America oo madasha ka hadlay ayaa arrintaan ku tilmaamay mucjiso, wuxuuna sheegay inay u baahan yihiin in laga jawaabo. “Ninka waxa uu ahaa nin dowlad ka tirsan oo sarkaal ah ha ahaadee Jamhuuriyad ayuu u dhimanayay cidda uu doono hala gagaalamee arrinkaas meel fog ayuu naga gaaray dal iyo dibad, waaana arrin mucjiso ah” ayuu yiri afhayeenka Beeshs Gabooye ee North America. Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in Axmed Cabdullaahi uu u shaqeynayay dowladda, balse abaalkiisa uu noqday in maydkiisa afka laga laado. “Nnin askari ayuu ahaa dagaalka ay galeen iyo geerida midna ma diidin laakiin reer Waqooyiga waxaan isku ogeyn in qofka nool ay afka laadaan ee iskumaan ogeyn inay maydkana afka ka laadi doonaan” ayuu hadalkiisa kusii daray afhayeenku. Ugu dmabeyn waxay ehelladu farriin u direen madaxda Somaliland, Culimada iyo guud ahaan Soomaalida oo ay ugu baaqeen inay ka dhiidhiyaan falkaas foosha xun. The post Daawo: Carro xoogan oo ka dhalatay sarkaal maydkiisa lagu jiiday buurta Gacan-Libaax appeared first on Caasimada Online.
  7. Dagaal ayaa mar kale saaka ka socda jihooyin kamid ah furimaha dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ay madaafiic culus is weydaarsadeen ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland sida ay sheegayaan goob-joogayaal. Dhawaqa hubka culus ayaa saaka laga maqlayaa jiidaha bari iyo galbeed ee Laascaanood inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin khasaaraha labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xooggiisa uu hadda ka socdo jiidda bari ee Laascaanood halkaas oo aad labada ciidan isugu dhaw yihiin. PUNTLAND POST The post Dagaal mar kale saaka ka bilowday jiidda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  8. Mogadishu (HOL) - The Somali National Army, supported by international partners on Sunday, killed 18 al Shabab militants in a military operation in Baladul-Amin and Baladul-Karim villages in Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  9. A court in Nairobi has allowed the Anti-Terrorism Police Unit (ATPU) to hold a banker in an investigation into alleged terrorism links. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing. Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey argagixisada iyo sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa gaboodfallada argagixisada iyo xaaladaha binu aaddannimo ee adag. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah argagixisada AS, isagoo sheegay in ololaha lagu ciribtirayo argagixisada uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo degaanada ay wali ku harsanyihiin. Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay cirib-tirka argagixisada, waxa ayna tilmaamtay in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay argagixisadu. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Xasilinta degaannadii laga xoreeyay Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  11. The Somali National Army on Saturday killed 23 al-Shabab terrorists in the southern part of the country. Source: Hiiraan Online
  12. Cristiano Ronaldo guided 10-man Al-Nassr to their first ever Arab Club Champions Cup title after scoring twice in a 2-1 extra-time win over fellow Saudi side Al-Hilal on Saturday. Source: Hiiraan Online
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in hawlgalka ballaaran ee xilligan ka bilaabanaya deegaanada Galmudug uu yahay mid lagu dhameystirayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab. Al-Cadaala ayaa ku waramaya in qorshuhu yahay in ciidamada ay xoreeyaan deegaanada ay maleeshiyadaasi kaga harsan yihiin Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo weliba sidii looga sifeyn deegaano dhaca xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, oo sida uu sheegay ay meelo ka mida ku dhuumaaleysanayaan. “Hawlgalkani waa in Khawaarijta looga saaro qaybo ka mida Gobolka Mudug, qaybo kale oo ka mid ah Gobolka Galgaduud, xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe la wadaagaan Gobolka Galgaduud, meelahaas Khawaarij yar oo ku dhuumaneysa oo ku jirta sidii looga dhameystiri lahaa, oo dadka Soomaaliyeed ay halkaa ku dhibaateynayaan looga dulqaadi lahaa ayuu ku wajahan yahay,” ayuu yiri Al-Cadaala. Waxa uu tilmaamay in tan iyo intii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu soo laabtay xafiiska lagu guuleystay in dhul ballaaran laga saaro maleeshiyadaasi. “Dhul aad u tiro badan ayaa laga saaray Khawaarijta oo Magaalada Muqdisho wax yar uun u jiray, haddana dhul 500km illaa 600km gaarayaa laga saaray, oo hadda dadka ay xorriyad ku nool yihiin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar. Al-Cadaala ayaa sheegay in sababta ahmiyadda sidaa u weyn loo siinayo la dagaalanka Shabaab ay tahay, iyadoo Madaxda Qaranku ay qabaan wax kasta oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo qaban lahaa, aanan loo qaban karin inta Shabaabku ay ku sugan yihiin qayb ka mida dalka. “Madaxweynaha wuxuu aaminsan yahay oo Raysal Wasaaruhu aaminsan yahay oo dowladda maanta jirta ay aaminsan tahay wax kasta oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo qaban lahaa, lama qaban karo inta ay Khawaarij waddanka meel ka mid ah joogto. Sababtoo ah waxay u taagan yihiin cagsiga dhammaan himilooyinka dadka Soomaaliyeed, hadday siyaasad, dhaqaale, adeeg bulsho iyo hadday horumarin nolosha dadka noqoto, midna lagama shaqayn karo,” ayuu yiri Al-Cadaala. Al-Cadaala ayaa intaasi ku daray “Sidaas ayay dowladdu ahmiyadda koowaad uga dhigatay wax kasta oo ay heli karto oo maskax, muruq iyo maal ah ay isugu gayso in nimankaa dalka laga saaro.” Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa lagu wadaa in ay u qalab qaataan, sidii ay maleeshiyadaasi uga saari lahaayeen deegaanada Galmudug. Hawlgalkan ayaa lagu macneeyay kiisii ugu ballaarnaa ee lagu wajaho Shabaabka, muddadii ay dalka ka dagaalamayeen. Qorshaha dowladda haatan jirto ay kula dagaalameyso Shabaabka ayaad mooddaa inuu ka duwan yahay qorsheyaashii hore ee dowladihii kala dambeeyay ee dalka kula dagaalamayeen maleeshiyada, marka aad eegto dhowrka kun ee dadka deegaanka ah ee la abaabulay, isla-markaana ka qayb qaadanaya hawlgalka la doonayo in dalka lagaga ciribtiro kooxaha argagixisada iyo in Madaxweynihii Jamhuuriyadda uu si ku-meel-gaar ah ugu shaqeynayo Magaalada Dhuusamareeb, si uu u dhiirigeliyo ciidamada iyo dadka deegaanka ee is garabsanaya. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada barnaamij ay ciidamada muddo dheer ugu sii joogayaan dhulka laga xoreeyo Al-Shabaab, waana barnaamijka ay tahay inaanay ciidamada oo dhami ku hakan magaalooyinka iyo deegaanada la qabto, balse ay qaybtood ku faafaan oo isku fidiyaan dhulka fogfog ee miyiga, si looga hortaggo inaanay Shabaabku dib iska soo abaabulin, weerarana aanay uga gaysan goobihii laga saaray. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb kulamo gaar gaar ah kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa ku adkeeyay xoojinta wadajirka lagu wajahayo maleeshiyada Al Shabaab iyo xoreynta deegaanada Galmudug. Madaxweynaha ayaa odayaasha reer Galmudug kula dardaarmay inay ka feejignaadaan dhagarta Shabaabka, ee ay colaadda uga dhex abuurayaan beelaha deegaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballanqaaday in dowladdiisa ay deegaanada Galmudug ka hirgelin doonto mashaariic horumarineed, haddii caqabadda keliya ee fulinta mashaariicdaasi hortaagan waa Shabaab’e laga saaro dhulka Galmudug. The post DF oo ku dhowaaqday dhameystirka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, sidoo kale ah siyaasi ah ka faallooda arrimaha siyaasadda ee gobolka iyo caalamka ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee Somaliland. Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdiskuur ayaa soo hadal qaaday dagaalkii Jimcihii ka dhacay aagga buurta Gacan-Libaax ee u dhexeeysay ciidamada Somaliland iyo jabhad hubeysan oo ku sugan halkaasi wuxuuna sheegay inuu xasuunka iyo murugada la qaybsanayo shacabka. Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale shaaciyay xalka u baahan tahay Somaliland, wuxuuna tilmaamay in dhibaatada taagan looga baaqsan karo madaxweyne Muuse Biixi oo tanaasula, kadibna la fariista xubnaha mucaaradka, si loo aado doorasho loo dhan yahay. Waxaase taa looga baaqsan karaa madaxweyne Biixi oo ka tanaasula damaca xukun kororsi, lana xaajoodo siyaasiyiinta ay is hayaan, si la iskula meel dhigo xukun kala guur iyo doorasho nabdoon” ayuu yiri warbixin dheer oo uu qoran Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Halkan hoose ka aqriso:- Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa maamulka, shacabka iyo gaar ahaan ehellada ay dadkoodu ku dhinteen iska hor imaadka ka dhacay Somaliland. Damac, qab iyo quursi is huwan waxaa inta badan siyaasiga duufsada, kana indha saaba talada toosan. Waxaa hubanti ah haddii geesawaynta siyaasadda (Political Elite النخبة السياسية) heshiin waayaan, jirina awood kale oo gacmaha qaban karta; sida ciidan ama bulsho rayad oo xoog leh, natiijadu waxay noqotaa in bulshadu u laabato xaaladdii dabiiciga ahayd ee dawladnimada ka horaysay ee qof iyo qabiilkii ahayd. Waxaase taa looga baaqsan karaa madaxweyne Biixi oo ka tanaasula damaca xukun kororsi, lana xaajoodo siyaasiyiinta ay is hayaan, si la iskula meel dhigo xukun kala guur iyo doorasho nabdoon. Maanta oo kale awoodda tawaaduca (power of humility) ayaa wax tar leh, waxayna taagan tahay halkii uu Abwaan Hadraawi (AUN) ka lahaa “Hadalkana ku daa iri Nin dab liqay Rashiidow Dhuxul buu ka daacaa Ma darmaanta booddee Didday baan u jeedaa? Ma daliilka muuqdiyo Dhamac hoos ka darartoo Is dallaallimaysiyo Danbas baan aqaannaa? Halka Deyr wakhtigu dhigo Dib baa looga sheekayn Kaddaraa u magac bixin!” The post CC SHAKUUR oo tilmaam ka bixiyay xalka SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim oo ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu laayey Shabaab badan. Howlgalka oo loo adeegsaday duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ayaa la qaaday markii la helay xog ku saabsan in maleeshiyaad Shabaab ah oo si dhuumaalaysi ah isugu aruursanaya beero ku yaalla deegaanadaas. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in howlgalkaas lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida baahisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka. “Goobaha laga sameeyay howlgallada waxaa hadda ku sugan ciidanka Qaranka, kuwaasi oo ku daba jooga firxadkii Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda. Sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la duqeeyey saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Buula-Fulaay oo hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay. Si rasmi ah oo madax-bannaan looma oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, laakiin maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Al-Shabaab uu khasaare culus ka soo gaaray duqeyntaas. Wasiirka amiga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir ayaa Idaacadda VOA u sheegay in duqeymahaas lagu burburiyay xarumihii kaydka u ahaa Al-Shabaab ee deegaanka Buula-fulaay. Wasiirka ayaa sheegay in la burburiyey xarumo badan oo kooxda ay ugu keydsanaayeen hub, agab caafimaad iyo gaadiid dagaal, wuxuuna sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyey kooxda. Sidoo kale waxaa la weydiiyey wasiirka amniga K/Galbeed in khasaare uu ka soo gaaray dad rayid ah iyo in kale, wuxuuna sheegay in aad looga diirsaday duqeyntaas, isla markaana aysan jirin waxyeelo ka soo gaartay shacabka. Degaanka Buulafulaay ayaa hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, wuxuuna ka mid yahay deegaanada ay aad u joogto kooxda Al-Shabaab. Wasiirka amniga K/Galbeed wuxuu sheegay in deegaanka kooxda lagu duqeeyey ee Buulafulaay uu ahaa bar ay dhaqaalaha uga qaadaan dadka oo ganacsatada deegaanada maamulkaas ay uga yeeri jireen. Ugu dambeyntii wasiir Xasan Cabdulqaadir ayaa sheegay in duqeyntaas ay hor dhac u tahay bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka oo sida uu sheegay ay u diyaar-garoobeen dadka iyo maamulka Koonfur Galbeed. The post DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab looga dilay duqeyntii beeraha Shabeellaha Hoose appeared first on Caasimada Online.
  16. Wasiir kale oo ka tirsan xukuumadda Finland, gaar ahaan xisbiga midigta fog ee Finns Party ayaa la kulmay fadeexad cusub oo la xidhiidha cunsurinimo, ka dib markii farriimo uu u diray saaxiibtiisii hore uu daabacay wargeyska ka soo baxa dalkaas ee lagu magacaabo Helsingin Sanomat. Wille Rydman, oo farriimaha qoray markii uu ahaa xildhibaan ka tirsan xisbiga isbahaysiga qaranka, ayaa horaantii bishii hore loo magacaabay wasiirka dhaqaalaha. Rydman waxa uu beddelay Vilhelm Junnila, kaas oo shaqada ka tagay ka dib markii uu hadalkiisii cunsurinimada ahaa iyo xidhiidhka uu la lahaa kooxaha neo-Nazigu ay soo shaac baxeen. Farriimaha cusub ee la daabacay waxaa ka mid ahaa in Rydman uu ku eedeynayo Soomaalidu in ay ugu faafayso dalkaas sida cawska oo kale ama geed xun oo ka baxaya meelo aan munaasib ahayn; waxaana sida oo kale uu sii baahiyey oo la sii wadaagay ereyada hees sida muuqata uu tiriyey xildhibaan kale oo ka tirsan xisbiga Finns taas oo ka hadlaysa qof muslim ah oo dalkiisa ka tagay oo gabadh kufsaday. Rydman wuxuu u soo jeediyay saaxiibtiisii hore in heestaas ay u qalanto, isla mar ahaantaana si fiican loogu heesi karo xilliyada ay socdaan xafladaha ardaydu. Wasiir Rydman waxa uu ka cawday indho-shareerka ay haweenka Muslimiinta qaarkood xidhaan; wuxuuna dadka ka soo jeeda Bariga Dhexe ku tilmaamay “Daayeer” iyo weliba kii ‘saxaraha’ Tifaftiraha guud ee wargeyska Helsingin Sanomat ayaa qiil uga dhigay sababta daabacaadda fariimahaas gaarka ah ee la moodo in Rydman uu u diray saaxiibtiisii hore, lagama maarmaan ahaayeen, isla mar ahaantaana arrintani ay khusayso shacabka ayna guud ahaan dalka oo dhan muhiim tahay in wax laga ogaado aragtiyaha gaarka ee wasiirku qabo. Sidee looga falceliyey hadalkaas? Hogaamiyayaasha siyaasadda Finland ayaa muddooyinkan danbelooga bartay, ku dhawaad toddobaad kasta, inay ku dhacaan fadeexado cusub, kuwaas oo badanaa la xidhiidha Xisbiga Finnishka – oo ka mid ah afarta xisbi ee ka kooban tahay dawladda wadaagga ah ee garabka midig. Raiisel wasaare Petteri Orpo ayaa horraantii bishan sheegay in inkasta oo fariimaha ay ahaayeen kuwo sir ah, hadana luuqadda la adeegsanayey ay ahayd mid aan habboonayn. “Ma aqbali karo habkan oo kale in aan u hadallo,” Orpo ayaa yidhi. Hoggaamiyaha xisbiga Finns Riikka Purra, oo hore ay u gilgishay fadeexad cunsuriyad ah bishii Luulyo, ayaa sheegtay in fariimahaasi ay ahaayeen kuwo aan habboonayn; halka Rydman laftiisana uu tilmaamay in tallaabo sharci la tiigsan doono wargeyskaa baahiyey codkaas iyo farriimahaas sirta ah. Eva Biaudet, oo hore u soo noqotay wasiir, garyaqaan, iyo musharax madaxweyne oo xisbiga SPP – oo ka mid ah asxaabta yar yar ee dowladda – ayaa ku booRrisay xisbigeeda in ay ka baxaan dowladda. Hoggaamiyaha xisbiga, Anna-Maja Henriksson, ayaa sheegtay toddobaadkii hore inay weli rajaynayso in Rydman uu raalli-gelin buuxda ka bixiyo hadalladiisii. bbcsomali Qaran News
  17. Here are the 10 most developed African nations of 2023 Country HDI Score Global Rank Life Expectancy Years of Schooling Expected Years of Schooling GNI per Capita Mauritius 0.804 65 73.6 years 9.3 years 15.2 years $22,025 Seychelles 0.782 74 71.3 years 9.9 years 13.9 years $25,831 Algeria 0.748 91 76.4 years 7.3 years 14.6 years $10,800 Egypt 0.696 115 70.2 years 7.3 years 13.8 years $11,732 Tunisia 0.735 96 73.8 years 8.4 years 15.4 years $10,258 Libya 0.695 116 71.9 years 7.7 years 12.9 years $15,336 South Africa 0.699 113 62.3 years 9.5 years 13.6 years $12,948 Gabon 0.710 109 65.8 years 6.3 years 13.0 years $13,367 Botswana 0.717 106 61.1 years 8.9 years 12.3 years $16,198 Morocco 0.676 130 74.0 years 5.5 years 14.2 years $7,303 Nigeria 0.532 162 52.7 years 6.0 years Qaran News
  18. Over the past few decades, China, India, Brazil, South Africa and others have experienced rapid economic growth and have emerged as major players on the world stage. This rise of the rest has posed challenges for the West on their foreign policy. There are several reasons why the West has encountered difficulties in dealing with many developing nations to name few. Shifting global power dynamics, Differing political systems and ideologies, Historical legacies and colonialism, Economic interests and resource competition & Geopolitical competition. One striking and unforeseen development that has emerged is the opposition of several West African nations, including Mali, Niger, Burkina Faso, and Guinea Bissau, which have experienced coups and overthrown their leaders. This uprising stems from their dissatisfaction with the West’s exploitation of their plentiful resources while their populations persistently endure poverty below the poverty line. This turn of events has dealt a significant blow to the West’s interests in the region. The potential inclusion of Ethiopia and Kenya in the BRICS (Brazil, Russia, India, China, and South Africa) alliance has sparked discussions about the strategic options available to countries like Somalia. As these East African nations contemplate joining BRICS, they face a crucial decision regarding where their best interests lie: aligning with BRICS or pursuing tough negotiations to maintain ties with the West. The BRICS alliance represents a distinct shift in global power dynamics, with its member countries collectively accounting for a significant portion of the world’s population, economic output, and military capabilities. Joining BRICS could offer Ethiopia and Kenya various potential benefits, including enhanced trade partnerships, infrastructure development, technological cooperation, and access to alternative sources of financing. Additionally, BRICS provides a platform for these countries to exert greater influence on the global stage and potentially reshape the existing world order. Somalia, like many other nations, must carefully weigh its options when deciding whether to align with BRICS or maintain ties with the West. The West, traditionally dominated by the United States and Europe, offers established political, economic, and military alliances that have provided significant support to Somalia in various sectors. Cooperation with the West has often been characterized by development aid, security assistance, and diplomatic ties that align with Western values such as democracy, human rights, and good governance. However, joining BRICS could potentially provide alternative opportunities for Somalia. BRICS nations have shown a growing interest in Africa, investing heavily in infrastructure projects, trade agreements, and development initiatives. This could present Somalia with new avenues for economic growth, increased regional integration, and expanded diplomatic ties. Moreover, BRICS nations’ approach to international relations often emphasizes non-interference, which may resonate with Somalia’s desire for sovereignty and self-determination. Rather than viewing the choice between BRICS and the West as mutually exclusive, Ethiopia, Kenya, and Somalia could seek to strike a delicate balance between the two. These nations can pursue a multi-faceted foreign policy that allows them to maintain strong ties with the West while exploring the opportunities presented by BRICS. This approach would enable them to diversify their partnerships, leverage the strengths of both alliances, and pursue their national interests more effectively. Ethiopia and Kenya’s active consideration of joining BRICS raises important questions for Somalia and other nations in the region. The decision to align with BRICS or maintain ties with the West is a complex one, requiring careful deliberation and consideration of the potential benefits and risks associated with each option. Striking a balance between the two alliances can offer the best of both worlds, allowing countries to leverage the advantages offered by BRICS while maintaining the valuable partnerships and support provided by the West. Ultimately, the choice should be guided by the pursuit of national interests, economic development, and regional stability. Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com @osmando Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Ethiopia and Kenya’s BRICS consideration: Balancing interests between BRICS and the West appeared first on Caasimada Online.
  19. Riyadh (Caasimada Online) – Saudi Arabia has appointed its first ambassador to the Palestinians in a gesture that underscores the shifting sands in Middle East diplomacy. This move comes as the Gulf nation weighs the possibility of formalizing ties with Israel, a significant realignment in a region known for its complex geopolitical dynamics. The Palestinian news agency, Wafa, reported on a ceremony held in Jordan where Majdi al-Khalidi, the diplomatic adviser to Palestinian President Mahmoud Abbas, received the credentials of Ambassador Nayef Al-Sudairi. Al-Sudairi has been designated as a non-resident envoy. Al-Khalidi highlighted the significance of this development, stating it was “an important step that will contribute to further strengthening the strong brotherly relations that bind the two countries and the two brotherly peoples.” Renowned Palestinian analyst, Talal Okal, sees this diplomatic appointment as an incremental move towards an official Saudi representation in the Israeli-occupied West Bank. He elaborated, “It’s a clear message from Saudi Arabia about its commitment to the rights of the Palestinians in a fully sovereign state.” Rising Palestinian concerns The Palestinian Foreign Minister, Riyad al-Maliki, expressed last week that the Western-backed Palestinian Authority seeks to liaise with Saudi Arabia. Their main concern centers around the potential implications of Riyadh normalizing its relations with Israel. This apprehension stems from worries that such a realignment may diminish support for the Palestinian cause among Arab nations and consequently jeopardize the vision of an independent Palestinian state. The larger geopolitical context Saudi Arabia’s contemplation of closer ties with Israel isn’t happening in isolation. The kingdom has tacitly accepted the Abraham Accords, which saw neighboring Gulf nations Bahrain and the United Arab Emirates normalize their relations with Israel. On potential concessions to the Palestinians in the event of a Saudi-Israeli accord, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu mentioned in a recent NBC interview, “The Palestinians should have all the power to govern themselves and none of the powers to threaten us.” Yet, voices within his right-leaning coalition firmly oppose any such concessions. Moreover, while the US is keen on brokering a potentially historic deal between Saudi Arabia and Israel, officials from all three nations have reiterated that reaching such an agreement would be challenging. Several thorny issues remain, including increased violence in the West Bank and Saudi Arabia’s interest in developing civilian nuclear power. In summary, appointing a Saudi ambassador to the Palestinians might be an initial step. However, the road to diplomatic reshuffling in the Middle East remains fraught with complexities and challenges. The world watches closely as each move could redefine regional alliances and power dynamics for years. The post Riyadh sends first ambassador to Palestinians as ties pivot appeared first on Caasimada Online.
  20. Riyadh (Caasimada Online) – According to new findings, Turkey and China are increasingly perceived as prominent allies in the Middle East. The 15th edition of the Arab Youth Survey revealed that 82% of Arab youth aged 18-24 view Turkey as either “a strong ally or somewhat of an ally.” China closely follows at 80%. These findings underscore a shifting geopolitical landscape wherein a multipolar world starts to assert itself. Historically, the United States was a significant player in the region and was ranked seventh, trailing behind Germany, France, and India. 72% of Arab youth identified the U.S. as a powerful ally. Faisal al-Yafai, an analyst for the Arab Youth Survey, commented, “The U.S., the U.K., and France are trending downwards, in terms of how they are being perceived in the region, whereas Turkey and China are increasingly trending upwards.” Yafai added that this change indicates the rising influence of “a new, global multipolarity.” Internal Alliances: Qatar Stands Out Regarding internal Arab alliances, Qatar stands out, with 90% of Arab youth seeing it as a significant ally. This ranking possibly reflects the positive impact of Qatar hosting the Fifa World Cup 2022, which the report’s authors claim bolstered the country’s reputation and amplified Arab pride. Egypt, the UAE, and Saudi Arabia also ranked high, with 89%, 88%, and 86%, respectively. While the U.S. still wields considerable power in the Middle East— a third of the respondents saw it as the most influential— the same research indicates a disconnect. Nearly two-thirds of those surveyed hoped for decreased U.S. involvement in Middle Eastern affairs. This sentiment strengthens despite the US-brokered Abraham Accords of 2020. A striking 87% perceive Israel as an adversary, although the nuances of this relationship are multifaceted. Some research points to more favorable views of Israel, particularly among Emirati and Egyptian youth. Yet, data from the Washington Institute offers a mixed picture, suggesting a decline in support for the Abraham Accords. Economic concerns and migration ambitions Economic challenges are at the forefront of young Arabs’ concerns. Over two-thirds believe their national economies are headed in the wrong direction. James Dorsey, an analyst for the report, stated that while trust in government policies remained high in the Gulf Cooperation Council (GCC) countries, it saw a decline elsewhere in the Arab world. He emphasized the need for governments to address these concerns to avoid potential political disruptions. Youth in North Africa and the Levant are particularly disenchanted, with over half considering leaving their countries for improved prospects. Primary reasons include job scarcity, economic downturns, and conflict. Even in affluent Gulf nations, many youths contemplate relocating, primarily eyeing countries like Canada, the U.S., the UK, Germany, and France. Asda’a BCW, a UAE-based global communications agency, conducted the Arab Youth Survey. The research encompassed 3,600 face-to-face interviews across 53 cities. Notably, Asda’a Bcw also functions as a public relations entity, aiming to shape and promote regional governmental and business narratives. In summation, the shifting perceptions of young Arabs reveal a dynamic geopolitical play, emphasizing new allies, internal alliances, and a generation’s economic aspirations and frustrations. The post Arab youth survey: U.S. fades, Turkey and China ascend appeared first on Caasimada Online.
  21. Ceeldheer (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ku qasabtay dadka ku nool deegaanka Cowswayne oo hoos taga degmada Ceeldheer iyo tuulooyin kale oo u dhow deegaankaas inay berri oo Axad ah isku soo baxaan, si looga dhigo dad taageersan oo ku aragti ah. Sida ay dadka deegaanadaasi u sheegeen Caasimada Online qoysaska qaar waxay Al-Shabaab si xoog ah uga qaateen dhowr neef oo Geel ah, kuwaas oo qalay maleeshiyaadka u dagaalama kooxda oo hadda abaabul xoog leh ka wada bariga gobolka Galgaduud. Sida ay noo xaqiijiyeen dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanada hoostaga Ceeldheer kooxda ayaa balan qaaday in berri ay odayaasha iyo qof kasta oo dagaalami kara ay qoryo u qeybinayaan, si ay ciidamada dowladda uga difaacdaan dhulkooda, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale xogta aan helnay waxay sheegeysaa in deegaanka Cowswayne ay maanta ku dileen gabar, halka gabar kalena ay ku dhaawaceen, kadib markii ay rasaas ku fureen dad isku dayey inay diidaan oo ka banaan-baxaan amarka lagu hubeynayo dadka ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab. Sida ay dadka reer Cawsweyne u xaqiijiyeen Caasimada Online, labada gabdhood ee mid la dilay midna la dhaawacay waxay ahaayeen walaalo, waxaana dhalay nin lagu magacaabo Af-madoobe Xasan Caddoow oo caan ka ah deegaanadaas. Odayaal horay ula shaqey jiray Al-Shabaab oo u qaabilsanaa arruurinta xoolaha badda ah, ayaa qeyb ka ah abaabulka ay Al-Shabaab ka wadaan aagga deegaanka Cawsweyne, odayaashaas ayaa la qorsheynayaa inay berri la hadlaan dadka shacabka ah, iyagoo u sheegaya inay dagaalamaan oo iska difaacaan duulaanka dowladda. Caasimada Online waxay heshay magacyada qaar ka mid ah odayaasha Al-Shabaab ku garabsiinaya abaabulka dagaal ee deegaanada u dhow Cawsweyne ay ka wadaan, waxaana ka mid ah Axmed Cali Gedef, Subkane, Xaaji Roog, Cali Maqane iyo kuwa kale oo badan oo horay uga tirsanaa kooxda. Kooxda Al-Shabaab ayaa abaabuleysa dadka ku nool deegaanada ay ka joogaan gobolka Galgaduud, waxayna maalmihii lasoo dhaafay soo bandhigeen dad hubeysan oo degaanka ah, kuwaas oo ay sheegeen inay dagaal kala hortegi doonaan ciidamada dowladda, waxaa la xusuustaa in dad ay horay ugu soo bandhigeen deegaano laga xoreeyey ay sheegeen in lagu qasbay oo lagu sawiray hubka. The post Al-Shabaab oo dilay gabdho walaalo ah oo diiday qorshe culus oo berri ay damacsan yihiin appeared first on Caasimada Online.
  22. Buurhakaba (Caasimada Online) –Saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay gobolka Baay, gaar ahaan deegaanka Buula-Fulaay oo hoostaga degmada Buurhakaba ayaa la sheegay in maanta duqeyn lagu bartilmaameedsaday. Si rasmi ah oo madax-bannaan looma oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, laakiin maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Al-Shabaab uu khasaare culus ka soo gaaray duqeyntaas. Wasiirka amiga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir ayaa Idaacadda VOA u sheegay in duqeymahaas lagu burburiyay xarumihii kaydka u ahaa Al-Shabaab ee deegaanka Buula-fulaay. Wasiirka ayaa sheegay in la burburiyey xarumo badan oo kooxda ay ugu keydsanaayeen hub, agab caafimaad iyo gaadiid dagaal, wuxuuna sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyey kooxda. Sidoo kale waxaa la weydiiyey wasiirka amniga K/Galbeed in khasaare uu ka soo gaaray dad rayid ah iyo in kale, wuxuuna sheegay in aad looga diirsaday duqeyntaas, isla markaana aysan jirin waxyeelo ka soo gaartay shacabka. Degaanka Buulafulaay ayaa hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, wuxuuna ka mid yahay deegaanada ay aad u joogto kooxda Al-Shabaab. Wasiirka amniga K/Galbeed wuxuu sheegay in deegaanka kooxda lagu duqeeyey ee Buulafulaay uu ahaa bar ay dhaqaalaha uga qaadaan dadka oo ganacsatada deegaanada maamulkaas ay uga yeeri jireen. Ugu dambeyntii wasiir Xasan Cabdulqaadir ayaa sheegay in duqeyntaas ay hor dhac u tahay bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka oo sida uu sheegay ay u diyaar-garoobeen dadka iyo maamulka Koonfur Galbeed. The post K/Galbeed oo faahfaahin ka bixisay duqeyn Al-Shabaab loogu geystay Buulafulaay appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing. Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey Al-shabaab iyo sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa deegaannada lagala wareegay Al-shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in ololaha dalka looga saarayo uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga saaro Galmudug. Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay dagaalka Al-shabaab, waxa ayna tilmaamtay, waxaana ay sheegtay in kaalintooda ay qaadan donaan. Ergayga ayaa xustay sidoo kale in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xireen Al-shabaab sida ay hadalka u dhigtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Cadaado (Caasimada Online) – Beesha Saleebaan ee Habargidir ayaa maanta degmada Cadaado ku soo bandhigtay ciidan xoog leh oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab. Sidoo kale beesha ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal, noocyada kala duwan ee hubka iyo ciidamo badan, wuxuuna bandhigaasi ka dhacay gudaha magaalada Cadaado. Inta badan siyaasiyiinta iyo dhaqanka beesha Saleebaan ayaa ku sugnaa goobtii maanta lagu soo bandhigay caadimadaan u diyaarsan ka qeyb galka dagaalka Al-Shabaab. Xildhibaanada, saraakiisha, maamulka Cadaado iyo dhaqanka beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa soo abaabulay ciidamada maanta lagu soo bandhigay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Masuuliyiinta iyo madax-dhaqameedka beesha oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigay ciidanka ayaa sheegay inay kaalintooda ka qaada doonaa dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab. Sidaan oo kale beesha Cayr ee Habargidir ayaa Guriceel iyo Dhuusamareeb ugu soo bandhigtay ciidamo aad u diyaarsan oo ka qeyb gelaya dagaalka Khawaarijta. Abaabulka ciidamadaan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya oo kooxda Al-Shabaab ay ka joogto meelo kooban oo Ceelbuur iyo Galhareer ay ugu waaweyn yihiin. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka loo diyaar-garoobayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ciidanka ku amro inay galaan dagaal lagu xoreynayo dalka. Dowladda waxaa hadda u qorsheysan in Galmudug ay ka bilowdo xoreynta dalka oo dhan, waxaana Dhuusamareeb la isugu keenay dhamaan ciidamada qaranka, halka dadka deegaanku ay diyaariyeen kumanaan ciidan ah oo ka qeyb gelaya dagaalka. The post Sawirro: Saleebaan oo Cadaado ku soo bandhigay awood ciidan iyo qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.