-
Content Count
211,833 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa dib loogu dhigay bannaanbax nabadeed oo loo ballansanaa in uu Jimcaha berri ah ka qabsoomo magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ay qaban-qaabinayeen dhalinyarada Gobolkaasi. “Kadib markii aan qiimaynay diyaargarawga ay ubaahan yihiin hay’addaha sugaya amniga banaanbaxa oo aan waqtigu ku filayn. Kadib markii aan dhagaysanay xubnaha golaha Wasiiradda oo noocadeeyay inay gobolka u yimaadeen ka jawaabida Tabashada Bulshada Gobolka. Sidaas darteed waxaa guddiga amniga gobolku go’aamiyay in banaabaxaas dib loo dhigo illaa amar dambe” ayaa lagu yiri go’aankaasi. Banaanbaxaas oo ay dhalinyaradu ku sheegeen mid ay ku muujinayaan cabashadooda ku aaddan baahiyaha ka jira Gobolka Mudug gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo ayaa sida lagu sheegay go’aanka dowladda waxaa loo baajiyay sababo amni. Roobabkii dhawaan ka da’ay Gaalkacyo ayaa sababay in ay xirmaan goobo waxbarasho, suuqyo, iyo xaafado badan oo ka mid ah magaalada, kuwaasi oo biyo fariisin noqday, islamarkaana aysan dowladdu waxba ka qaban, siday tilmaamayaan dhalinyarada Gobolka Mudug oo cabasho ka muujinaya xaaladda liidata ee ka jirta Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Puntland oo baajisay bannaanbax qorshaysnaa in uu berri ka dhaco magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad shir ku leh magaalada Muqdisho, iyaga oo kulammo wadatashi ah la qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha taagan. Maalintii labaad ee shirka, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kulan gaar ah la leh madaxda warbaahinta madaxa-bannaan ee ka howlgasha caasimadda. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in la is dhaafsado xogaha la xiriira doorashooyinka, amniga dalka, iyo doorka warbaahinta ee dhinaca wacyigelinta iyo tebinta wararka. Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in mucaaradku ay warbaahinta kala hadleen baahida loo qabo in si hufan oo dhexdhexaad ah loo tebiyo arrimaha siyaasadda, isla markaana la dhowro xorriyadda saxaafadda oo qeyb ka ah tiirarka dowlad-dimoqraadiyadeed. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa kulanka maanta ka sheegay inuu aad uga xun yahay sida warbaahinta madaxa-bannaan uu mararka qaar cadaadis uga imaanayo laanta fulinta ee dowladda. Wuxuu xusay in arrimaha noocaas ah aysan kor u qaadeyn hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. Shariif Sheekh Axmed wuxuu hoosta ka xarriiqay in warbaahinta xor ah ay tahay mid lagama maarmaan u ah bulsho furan oo ka hadli karta arrimaheeda siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo wax kasta oo taabanaya noloshooda. Waxa uu ku baaqay in la ixtiraamo kaalinta saxafiyiinta iyo doorkooda muhiimka ah. Dhankiisa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa sheegay in kulammada socda ay yihiin wadatashi la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka. “Bahda warbaahinta ayaan iska waraysanay xaalka dalka iyo sida xal loogu heli karo ismaandhaafka siyaasadeed,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.
-
Xalay fiidkii waxaa si rasmi ah mar kale loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Sida lagu baahiyay faafinta rasmiga ah ee boga Madaxtooyadda Villa Somalia, Magacaabistan oo ah mid dad badan la yaab ku noqotay, waxay dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sababta dib loogu soo celiyay xilkan, waxa uu hore u qabtay, iyo waxa laga filan karo markale. Waa kuma Mungaab? Muungaab waa sarkaal ciidan iyo siyaasi Soomaaliyeed oo si weyn loogu bartay xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya. Waxaa si wayn loo bartay sanadkii 2014-kii oo Mudo xileedkiisii hore Madaxwayne Xasan Shiikh u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Caasimadda, xilkaas oo uu hayay ilaa 2015, kahor inta aan laga wareejin. Muungaab wuxuu caan ku ahaa doorkiisii muhiimka ahaa ee dhanka amniga iyo maamulka caasimadda Muqdisho, xilli ay jireen xaalado amni oo adag. Ka hor intii aan loo magacaabin xilkaas, Muungaab wuxuu ahaa Garsooraha ugu sareeya Maxkamadda Ciidamada, isagoo kaalin muuqata ku lahaa la dagaallanka dambiyada ciidamada dhexdiisa ah iyo kor u qaadidda hay’adaha sharciga. Waxqabadkiisii Hore Markii ugu horreysay ee uu noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Muungaab wuxuu qaaday olole adag oo ku saabsan: 1) Amniga magaalada, isagoo la shaqeynayay hay’adaha ammaanka si kor loogu qaado xasiloonida Muqdisho. 2) Dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan wadooyin cusub oo la dayactiray iyo kobcinta bilicda magaalada. 3) Nadaafada magaalada Muqdisho, iyadoo laga qaaday goobo badan oo qashinka ku batay gudaha caasimadda. 4) La dagaallanka dhismayaasha sharci darrada ah, wuxuuna qaaday olole lagu burburinayay dhismayaal aan sharci lahayn. Si kastaba ha ahaatee, waxqabadkiisa waxaa hareeyay cabashooyin ku saabsan maamul xumo, ka war-helid la’aan dhibaatooyinka hoose, iyo in ololeyaashiisa qaar aysan waqti dheer socon. Maxaa Laga Filan Karaa Mar Kale? Dib u soo celinta Muungaab waxay u muuqataa isku day ay dowladda hadda jirtaa ku dooneyso in la keeno nin leh waayo-aragnimo maamulka magaalada, isla markaana leh aqoon milatari iyo sharciyeed. Haddana, waxaa jira dhowr su’aalood: 1. Weli ma hayaa taageeradii shacabka? 2. Dhibaatooyinkii hore miyaa laga faa’iidaystay? 3. Waa maxay qorshihiisa cusub ee uu kusoo laabtay? Muungaab waxaa looga fadhiyaa inuu markan si ka duwan uga shaqeeyo Arimahan: 1) Isku xirka degmooyinka iyo hay’adaha dowladda hoose 2) La dagaallanka musuqmaasuqa gudaha maamulka gobolka. Maadaama gobolka lagu tuhmayo in canshuuraha uu soo xareeyo aan wax loogu qaban dadka caasimadda oo aan weli helin adeegyadii ay u baahnaayeen shacabka Muqdisho sida dhismayaasha wadooyinka iyo furida marinadii Biyaha oo kamid ah caqabadaha waawayn ee heeysta Gobolka. 3) Dib u dhiska iyo dayactirka wadooyinka Muqdisho iyo dib u furista marinadii Biyaha, oo maamuladii hore ay ka gaabiyeen wax ka qabashadooda. 4) Ka shaqeeynta hanaanka doorasho qof iyo cod ee Gobolka Banaadir gaar ahaan hanaanka doorasho ee golaha deegaanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo maamulkii isaga kahoreeyay uusan aad ugala shaqan Gudiga Doorashooyinka. 5) Kobcinta dhaqaalaha magaalada iyada oo loo marayo canshuur ururin caddaalad ah. 6) Ka shaqeynta nabadda iyo la tacaalidda dhibaatooyinka bulshada sida tuugada iyo ciyaal weerada. Magacaabistiisu, Ma Fursad Cusub mise tijaabo kale? Magacaabista Mungaab waxay u dhaxaysaa fursad iyo khatar. Fursad ay dowladdu ku muujin karto isbeddel la taaban karo oo ku wajahan adeegyada dadweynaha iyo horumarka magaalada. Halka ay sidoo kale noqon karto ku celis siyaasadeed oo aan wax weyn ka beddelin dhibaatooyinka hore. Shacabka Muqdisho waxay sugayaan hoggaan leh hufnaan, dulqaad, iyo qorshe fog oo horumarineed, mana ahan kaliya in magacyo la beddelo balse waa in natiijooyin muuqda la keeno. Sida ay qabaan dadka falanqeeya Arrimaha Siyaasadda. Mungaab-na hadda wuxuu haystaa fursad yar maadaama mudo xileedka Dowladda Madaxwayne Xasan Shiikh ay ka hartay 11 bilood iyo waxa laga rabo maamulkiisa oo aan yareeyn. Si kastaba, wakhtigu wuxuu muujin doonaa in magacaabistiisu ay ahayd tallaabo sax ah ama qalad siyaasadeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka dalka. Kulanka waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Qodobka ugu horreeya ee kulanka lagu lafa guray wuxuu ahaa amniga guud ee dalka. Golaha ayaa warbixin dhameystiran ka dhageystay hay’adaha amniga oo ka warbixiyay guulaha laga gaaray howl-gallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada. Waxaa la xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen in ay fuliyaan hawl-gallo wax ku ool ah oo wax ka beddelay xaaladda amniga. Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howl-gala gudaha dalka. Golaha ayaa ka dooday caqabadaha jira iyo sida ugu habboon ee xal loogu heli karo, si loo sugo badqabka shacabka iyo shaqaalaha la xiriira howlaha duulista hawada. Doodda Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku saabsanayd fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda. Waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in nidaamkaas loo fuliyo si hufan, si kor loogu qaado hannaanka shaqo ee dowladda iyo dhiirrigelinta shaqaalaha. Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey dallacsiinta Axmed Jaamac Cumar oo la siiyay darajada Safiir. Go’aankan ayaa lagu saleeyey aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay howlaha diblumaasiyadda iyo adeegga dowladda. Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntiina lagu muujiyay sida ay Xukuumaddu ugu heelan tahay sugidda amniga, hagaajinta adeegyada dowladeed, iyo horumarinta siyaasadaha lagu tayeynayo shaqaalaha. Waxaana la isla qaatay in laga wada shaqeeyo hirgelinta qorshayaashaas si dalka loogu horseedo horumar iyo xasillooni waarta.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadr, ahna duqa Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo uu xalay soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalada Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka gobolka Banaadir. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Muungaab ayaa xilkan horay usoo qabtay waxaana xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014, isaga oo intii uu hayay ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga Muqdisho. Waxaa kale oo uu horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo xilligaas caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka. Haddaba, sidee looga fal-celiyay magacaabista Jeneral Xasan Muungaab? Cumar Naaji Aadan: “Hambalyo Muungaab waa nin gobolka Banaadir wax badan ka fahamsan Abuu khaliifa ayaad ku wareeriseen shacabkii gobolka”. Zakariye Cabdifitaax: “Eebe sw ha ku asturo xilka culus ee loo magacaabay, kana dhigo kii dadkiisa la dareen ah insha allah” Nuur Xasan: ayaa isna fal-celintiisa ku yiri “Shirka mucaradka ay qabsadeen ayaa lagu daminayaa”. Qaali Curre: “Soo dhawoow waxaan rajaynayaa in aad magaalada isbeddel ku samayso wasaqda iyo burburka waddooyinka”. Sayid-Cali Jimcaale: “Dowlad warkeedu suuqa sii yaallo oo la sii ogyahay tan ka hor ma arag”.
-
Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Kulanka waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxda Shabaab oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay guulo la taaban karo ka gaareen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiirrigeliyey dadaallada ciidamada qalabka sida iyo shacabka deegaanka ay ku muujinayaan iskaashi joogto ah oo lagu xasillinayo goobaha laga saaray kooxda argagixisada ah ee Shabaab. Waxa uu sidoo kale xusay in Xukuumaddu ka go’an tahay in la dardargeliyo hawlgallada lagu sugo amniga iyo nabadda guud ee dalka. Intii uu socday kulanka, waxaa la soo bandhigay warbixin muhiim ah oo la xiriirta badqabka diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka iyo caqabadaha hortaagan, si xal waara loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Golaha ayaa isla meel dhigay in la adkeeyo fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda si kor loogu qaado hufnaanta shaqo iyo maamul wanaagga hay’adaha dowladda. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay dallacsiinta Mudane Axmed Jaamac Cumar oo loo dalacsiiyey darajada Safiir, iyadoo la tixgelinayo aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay arrimaha diblomaasiyadda iyo matalaadda dalkeena. Source: goobjoog.com
-
Jigjiga – Maxkamad ku taalla magaalada Jigjiga ayaa maanta xukuntay Cabdi Baaruud oo ka mid ah dadkii si weyn looga yaqaanay deegaanka, kadib markii lagu eedeeyay inuu dhaliil ka qoray maamulka Mustafe Cagjar, gaar ahaan baraha bulshada. Cabdi Baaruud ayaa lagu xukumay sanad iyo bar xabsi ah, waxaana xukunkaasi dhacay iyadoo aan maxkamaddu si buuxda u dhegeysan garnaqsiga iyo difaaca uu Cabdi isku dayay inuu bixiyo. Baaruud ayaa sheegay inuusan dhiibin wax aragti ah oo si gaar ah u weeraraysa maamulka, balse waxa uu caddeeyay in si guud uu uga hadlay xaaladda deegaanka. Arrintan ayaa imaneysa iyadoo Madaxweyne Mustafe Cagjar dhowaan ku dhawaaqay in “cid kasta oo dhaliisha maamulka faafisa ama baraha bulshada wax kaga qorta, ay wajihi doonto tallaabo sharci ah oo ay ka mid tahay in lagu eedeeyo khiyaano qaran.” Falcelinno xooggan ayaa ka yimid bulshada deegaanka oo qaarkood si dadban u muujiyay walaaca ay ka qabaan caburinta xorriyadda hadalka. Sida la sheegay, arrintan ayaa si weyn loogu hadal hayaa gudaha Jigjiga, iyadoo dad badan ay rumeysan yihiin in xukunka Cabdi Baaruud uu yahay digniin loo dirayo dadka kale ee hadalka ka dhiibta maamulka. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi bixiyay ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladdu macdan ka qodayso buuraha silsiladda Golis ee Calmiskaad iyo Calmadow oo dhaca Bari iyo Sanaag. Wasiir Maxamuud Caydiid oo su’aal laga weydiiyay wararka ku saabsan macdan qodista ee dhawaanahan ka socday baraha bulshada ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been-abuur iyo borobagaandho ay faafinayaan kooxo dano gaar ah leh oo diiddan in argagixisada laga saaro buuraha Calmadow iyo Calmiskaad. “Ma jirto macdan baaris ama macdan qodis dowladda Puntland ka samaynayso buuraha Calmiskaad iyo Calmadow waa been abuur iyo borobagaandho ay faafinayaan kooxo dano gaar ah leh oo diiddan in argagixisada laga saaro buurahaas. Waxay ka xun yihiin in Puntland keligeed ka adkaatay argagixisadii buuraha ku jirtay.” “Kuwa dowladnimada Puntland diiddan ayaa mar kasta ku soo gabbada in macdantii buuraha ku jirtay dowladda Puntland u socoto, si ay marin-habaabin ugu sameeyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Markii hawlgalka Calmiskaad bilaabanayay xitaa beentaasi bay akhrinayeen” ayuu yiri wasiir Caydiid. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo si rasmi ah u beenisay in ay macdan ka qodayso buuraha silsiladda Golis appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi,(Qaran news)-Waftigii uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa saaka lagu marti qaaday State House-ka looga taliyo dalka Kiiniya. Madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisu waxa ay kulan fool ka fool ah la.leeyihiin madaxweynaha dalmaasi iyo xubnaha ugu sar sareeya ee xukumadiisa. Warka oo faah faahsan la soco goordhow marka uu kulanku soo dhamaado Qaran News
-
Shalay waxaa shir uga furmay Hotelka Jazeera Magaaladda Muqdisho xubno badan oo ka tirsan Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xubnahan oo isugu jira Madax xilal kala duwan Kasoo qabatay dalka oo ay ku jiraan Ra’iisul wasaarayaal hore, Madaxwayne hore Shariif Shiikh Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka oo dhaliilsan Siyaasadda Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka qayb galaya kulankan oo la filayo inuu socdo mudo sedax maalmood ah. Shirkan oo looga hadlayo Arimaha xasaasiga ee ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac, sida wax ka bedelka Dastuurka, nuuca doorashada iyo Maqnaashaha labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ayaa durbo soo muujiyay kala shaki horleh iyo in qaar kamid ah xubnaha mucaardka ee shirka ku sugan ay jiraan dhanka Dowladda. Ra’iisul wasaare hore, Maxamed Xuseen Rooble oo warbaahinta kula hadlay hoolka shirarka ee Hotel Jaziira ayaa sheegay inaysan jirin Mucaarad iyo Muxaafad taas oo shaki badan dhalisay. “Meeshaan Mucaarad iyo Maxaafid maahan waa shir looga hadlayo maslaxada umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri, Ra’iisul Wasaare Rooble. Rooble ayaa intaas raaciyay in Madaxwayne Hassan Sheikh uu yahay saaxiibkiis oo uusan jirin Mucaarad. Hadalada Ra’iisul wasaare Rooble ayaa u muuqda kuwa banaanka keenay kala shakiga wayn ee mucaaradka iyo sida aysan u jirin mucaarad midaysan marka loo fiiriyo dowladii tan ka horeeyday ee Madaxwayne Farmaajo. Puntland iyo Jubaland oo aan u muuqan kuwa xoojinaya mucaaradka ku shiraya Muqdisho. Kala hadalka mucaaradka iyo maqnaashaha xubnaha qaar ee Mucaaradka sida Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muujinaysa bilaawga guuldaro horleh oo haysata Mucaaradka. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Wednesday welcomed African football legends Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, and Jay-Jay Okocha at the Presidential Palace in Mogadishu, marking a powerful moment in Somalia’s efforts to rebuild its global image through sports. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamad federaali ah oo ku taal Mareykanka ayaa xukuntay in madaxweyne Trump uu ka takarifalay awoodiisa isagoo ku canshuuraha soo rogay caalamka. Tallaabadaas oo dhabar jab weyn ku ah qeyb muhiim ah oo ka mid ah siyaasadiisa dhaqaale ee dalkaas. Maxkamadda Caalamiga ah ee Ganacsiga ayaa sheegtay in Dastuurka Maraykanku uu Congress-ka siinayo awoodo gaar ah oo uu ku maamulo ganacsiga dalalka kale. Maxkamaddu waxay ku raacday koox ganacsato ah iyo isbahaysiga mas’uuliyiinta gobolka oo laba dacwadood oo kala duwan ka gudbiyay. Maxkamaddu waxay xukuntay sharciga “ma ogola” madaxweynaha inuu isticmaalo sharciga awoodaha degdegga ah si uu u soo saaro canshuuro dheeri ah. Maxkamadda Caalamiga ah ee Ganacsiga ayaa xukuntay in sharciga degdegga ah ee Aqalka Cad uusan siinin madaxweynaha awood hal dhinac ah inuu ku soo rogo canshuuro ku dhawaad dal kasta. Go’aankan ayaa dhabar jab weyn ku ah mid ka mid ah siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah ee Trump. Maamulka Trump ayaa daqiiqado gudahood kaga jawaabay go’aanka maxkamadda iyagoo racfaan ka qaatay. Ma ahan in garsoorayaasha aan la dooran ay go’aan ka gaaraan sida saxda ah ee wax looga qabanayo xaaladda degdegga ah ee qaranka,” ku xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Kush Desai ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. Madaxweyne Trump wuxuu ballan qaaday inuu Ameerika ka hor marin doono, maamulkana waxaa ka go’an inuu adeegsado awood kasta oo awood fulineed si wax looga qabto dhibaatadan oo loo soo celiyo Weynaanta Mareykanka,” ayuu raaciyay. Xeer ilaaliyaha guud ee New York Letitia James oo ay marar badan isku dhaceen Trump ayaa soo dhaweysay go’aanka. Tarif waa canshuur laga qaado badeecadaha laga keeno wadamada kale. Caadi ahaan, waxay yihiin boqolleyda qiimaha alaabta. Suuqyada caalamka ayaa si cad u jecel xukunka maxkamada New York. Dhanka kale Elon Musk ayaa sheegay inuu ka tagayo maamulka Trump ka dib markii uu gacan ka geystay olole balaaran oo lagu dhimayay baaxadda tirada shaqaalaha dowladda Mareykanka islamarkana kumanaan shaqaale oo federaal ah shaqada laga ceyriyay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X ayuu maalqabeenka adduunka ugu mahad celiyay Trump fursadda uu ku caawinayo socodsiinta waxqabadka waaxda dowladda ee loo yaqaan Doge. Doorkiisu waxa uu ahaa mid ku meel gaar ah ka bixistiisa shaqada ma aha mid lama filaan ah, balse waxay ku soo beegantay maalin kadib markii Musk uu dhaleeceeyay gundhigga sharci dejinta ee ajandaha Trump. Source bbcsomali Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa xalay ku booqday cisbitaalka AAR Kiambu Hospital qoyska Marxuum General Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo shalay galab ku geeriyooday Nairobi. Qoyska uu Madaxweyne Deni la kulmay waxaa ka mid ahaa, General Maslax Maxamed Siyaad Barre, xaaskii marxuum Moorgan marwo Canab Maxamed Siyaad iyo wiilka marxuumku dhalay Samatar Maxamed Saciid Moorgan, siday sheegtay Madaxtooyada Puntland oo qoraal soo saartay. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ku booqday cisbitaalka AAR Kiambu Hospital Nairobi qoyska Marxuum General Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweynaha waxaa booqashada ku wehelinayay Wakiilka Puntland ee Kenya Maxamed Axmed Fagalade.” “Madaxweynaha ayaa Qoyska uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timi Allah ha u naxariistee General Moorgan, oo waddankiisa muddo dheer usoo shaqeeyey, isagoo Alle uga baryay in uu u naxariisto, jannadii Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed-ba samir iyo iimaan ka siiyo” ayay Madaxtooyada Puntland ku tiri qoraal ay soo saartay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo tacsi ugu tegey Qoyska marxuum Maxamed Siciid Moorgan appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaannada Xal iyo Walinsoor ee buuraha Calmiskaad ayaa halkaasi ku dilay xubno ka tirsan firxadka argagixisada Daacish waxaana ay gubeen raashin iyo agab kale oo godad ugu keydsanaa argagixisada. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal qorshaysan oo ciidamadu ka fuliyeen degaannada Xal iyo Walinsoor ee buuraha Calmiskaad ay ku dileen xubno ka tirsan firxadka mileeshiyaadka Daacish. “Ciidanka difaaca Puntland oo ku jira hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa maalmhaan howlgalo ka wada deegaanada xal iyo walinsoor oo ay ku dileen xubno ka mid ah firxadka kooxda argagixisada ah ee daacish waxayna ka gubeen raashin iyo agab kale oo ay godadka ku qarsanayeen” ayaa lagu yiri qoraalkaasi. PUNTLAND POST The post Calmiskaad: Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ku dilay xubno ka tirsan firxadka Daacish appeared first on Puntland Post.