-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS ayaa soo abaabushay kulan ay qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ku taageereen dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab. Wasiirka wasaaradda diinta Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa culimadii ka hadashay kulanka ayaa sheegay in dhawaan laga adkaa doono Khawaarijta, “Waxaan rajeynayaa in mar dhow la kala bixi doono insha allah,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in culimada iyo wasaaradda diinta ay mar kasta garab taagan yihiin una duceynayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo ku jira halgan Khawaarij iska xoreyn ah. “Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha waxay dowladda Soomaaliya u jiheeyeen dariiqii xaqa ahaa, waxaan rajeyneynaa in mar dhow la kala baxo oo dowladda go’aankeeda uu guuleysa doono, lagana adkaa doono Khawaarijta,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow. Wuxuu intaas ku sii daray in diinta lagu sheegay in Khawaarij ay soo bixi doonto, balse laga adkaa doono, “Waa sidii Nabigeenu NNKH uu sheegay waa laga adkaanayaa Khawaarijta, hadana meelo badan waa looga adkaaday,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Mukhtaar Roobow wuxuu sheegay in doorkii culimada ee dagaalka Khawaarijta iyo jiheynta dadka ay diyaar u yihiin, “Culimadu furimaha waa joogaan, waxayna mar kasta diyaar la yihiin ducada iyo garab istaaga dowladda,” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Roobow. Qaar ka mid ah culimadii ka soo qeyb gashay kulankaas oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa jooxiyey hadalka wasiirka iyo baaqyada la xiriira xoojinta dagaalka Khawaarijta, culimada goobtaas ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad. Ugu dambeyntii Wasiir Roobow ayaa saxafiyiintii goobta ku sugneed ee ka soctay warbaahinta ka codsaday inay tebintooda ku dabaqaan wixii dan u ah halganka ay dowladda iyo shacabka isaga xoreynayaan Khawaarijta, iskana ilaaliyaan faafinta hadalada u adeegaya danaha Khawaarijta. Hoos ka daawo The post Daawo: Roobow oo ka hadlay dagaalka AL-SHABAAB, sheegayna arrin dhici doonta appeared first on Caasimada Online.
-
Nuur-dugle (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa saacadihii lasoo dhaafay deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidamada dib u xoreynta ee sugan deegaanka Nuur-Dugle ee gobolka Shabeellada Dhexe. Dhiira-gelinta ciidanka deegaanka ee Macawiisley, wuxuu Cali Guudlaawe bilaabay markii gobolka Shabeellada Dhexe ay soo buux-dhaafiyeen ciidamada xoogga dalka oo ka soo gadooday furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud. Madaxweynaha ayaa fagaare kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee fadhigoodu yahay deegaanka Nuurdugle, wuxuuna ku bogaadiyay sida nafhurnimada leh oo ay isaga dulqaadeen cadowga khawaarijta ah. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay inay u taagan yihiin xoojinta iyo dhiirigalinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee u babac dhigaya dhagarta argagixisada. Sidoo kale Madaxweynaha HirShabeelle wuxuu xusay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ay wajihi doonaan ciribtirka khawaarijta ku dhuumaaleysanaya deegaanada u dhaxeeya Hirshabeelle iyo Galmudug maalmaha soo socda. Furimihii ama deegaanadii la xoreeyey ee gobolka Galgaduud ayey ka soo baxeen ciidmada qaranka, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta kaliftay dayacaan. Dhamaan madaxdii dalka ayaa isugu timid furimaha ay soo buux-dhaafiyeen ciidmada xoogga dalka oo la sheegay inay ka gadoodsan yihiin dayacaad ay wajahayaan. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo ka mid ah masuuliyiin ku sugan degmada Aadan-Yabaal ayaa sheegay in arrimo farsamo ay ciidanku uga soo baxeen furimihii ay ka dagaalamayeen. “Sidaa ogtihiin ciidamadu waxay ka soo baxeen aagaggii, farsamo ayey uga soo baxeen, dadka reer Aadan-yabaal waxaa laga rabaa inay is abaabulaan oo Macawiisley ay banaanka ka difaacdo magaalada,” ayuu Aadan-yabaal ka sheegay Taliyaha xoogga. Markii ay ciidamadu gadood bilaabeen deegaanada HirShabeelle waxaa ka bilowday dhiiragelinta iyo abaabulka ciidamada deegaanka ee Macawiisley, si ay isaga difaacaan Al-Shabaab, hadii lagu guuleysa waayo xalinta tabashada ciidanka xoogga dalka ee gadoodsan. The post Sawirro: Celi Guudlaawe oo adeegsaday xeelad kale markii ay gadoodeen ciidanka DF appeared first on Caasimada Online.
-
Cali Guray oo ku Sheegay in Khilaafkii Doorashooyinka loo soo Gabogabeeyay difaaca dalka Hargeysa,(Qaran news)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa sheegay in marwalba mudnaanta koowaad la siiyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. “Marka hore Somaliland ayaa kow ah,” ayuu yidhi Cali Guray. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) wuxuu intaas ku daray in xaalada dalka ka juna yidhi “Marxalada dalku marayo ayaa khasbaysa in la soo afjaro khilaafkii Doorashooyinka” Cal Guray wuxuu sheegay in marka khilaafku dhammaado ay waajib tahay in loo midoobo difaaca Qaranka. Qaran News
-
Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horeysay hadlay tan iyo markii ay ciidamada xoogga dalka soo baneeyeen furimaha dagaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow oo ku sugan degmada Aadan-Yabaal. Taliyaha oo inta badan hadal jeedintiisa ku dalbanayey in la hor mariyo degmada uu ka soo jeedo ee Aadan-Yabaal ayaa si kooban uga hadlay sababta ay ciidamadu uga soo baxeen furimaha dagaalka. “Sidaa ogtihiin ciidamadu waxay ka soo baxeen aagaggii, farsamo ayey uga soo baxeen, dadka reer Aadan-yabaal waxaa laga rabaa inay is abaabulaan oo Macawiisley ay banaanka ka difaacdo magaalada,” ayuu yiri Taliyaha xoogga. Sidoo kale dadka reer Aadan-yabaal ku baqdin geliyey in magaaladoodu ay demi doonto hadii Al-Shabaab ay dib ugu soo laabtaan, “Magaaladaan indhaha ayey isku sii qabsa doontaa hadii maanta lasoo galo,” ayuu yiri. Taliyaha oo ku faanay inuu ka soo jeedo degmada Aadan-yabaal ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in xukuumadiisu ay muhiimad gaar ah siiso hormarinta degmadaan. “Degmada Aadan Yabaal ragga ka dagaalamay waa ragga ugu waxtarka badan dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah R/Wasaare, marka waxaan kaa codsaneynaa inaad gadaal u soo fiiriso reer Aadan-Yabaal,” ayuu yiri Taliyaha xoogga dalka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta safar ku tegay degmada Aadan-Yabaal ayaa halkaas kula hadlay saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoo u sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan ku soo daatay ee dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab. Inkastoo ay dowladdu weli qarineyso sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamadu ay ka soo baxaan deegaano waqti hore laga xoreeyey Al-Shabaab, hadana waxay dadka qaar aad u dhowrayeen hadalka ka soo yeeri doona Taliyaha xoogga, balse markii uu maanta hadlay wuxuu ka badi waayey in Ra’iisul Wasaaraha uu ka codsado in degmada Aadan-Yabaal uu ka qeyb qaato hormarinteeda. Waxaa taagan qadiyad adag oo Taliyaha looga baahnaa inuu bulshada u iftiimiyo, ciidan badan ayaa lagu dilay dagaalka, halka ciidanka intii hartay ay soo baneeyeen furimaha dagaalka, si toos ah iyo si dadban intaba Taliyuhu muhiimad uma siin arrimahaan taagan. Hoos ka daawo hadal-jeedintii Taliyaha The post Daawo: Taliyaha xoogga oo shaaciyey sababtii ay ciidamadu uga soo baxeen furimaha appeared first on Caasimada Online.
-
Aadan-Yabaal (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta safar ku tegay degmada Aadan-Yabaal ayaa halkaas kula hadlay saraakiil iyo geesiyaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoo u sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan ku soo daatay ee dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab. “Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda, waxaad u dhimanaysaan, u- gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan,” ayuu maanta yiri R/Wasaare Xamse. Ra’iisul Wasaaraha oo fagaare ku yaalla Aadan-Yabaal kula hadlay ciidamo aad u badan oo soo baneeyey furimaha dagaalka ayaa u balan qaaday in dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay siinayaan wax kasta oo ay tabanayaan. Wuxuu ka codsaday inay ku laabtaan deegaanadii ay ka soo baxeen, waxaana la sheegay in ciidamada iyo saraakiisha hoggaamineysa ay aqbaleen codsigii maanta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dal uusan horumar iyo isku-filnaansho gaari karin haddii uusan lahayn halyeeyo naftood hurayaal ah oo isku dhiga cadowga, isla markaana u sabra duruufo walba oo soo food saara. Sidoo kale Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu sii socon doono inta ay ku harsan yihiin argagixisadu taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay garab iyo gaashaan u noqdaan difaacayaasha qaranka ee dhiigooda u huraya xoreynta dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha bulsho ee ka jira degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow ka dhageystay odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa reer Aadan-yabaal u sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay in adeegyada aas-aasiga ah la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka iyo deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: Xamza oo hal arrin ku adkeeyey ciidamadii soo baneeyey furimaha dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Shir Jara’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa nasiib daro ku tilmaamay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab. Cabdikariin Guuleed oo ah ergayga Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland ayaa sidoo kale farriin u diray ciidamada qaranka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta. “Waxaan aad uga xumahay in dadka qaar ay siyaasadeeyeen halganka adag ee dowladdu ay ku jirto, damiirka iyo dadnimadu ma aqbali karo sida ay dadka qaar u dhaqmayaan,” ayuu yiri Guuleed. Sidoo kale wuxuu sheegay in masuuliyadda dagaalka Khawarijta aan loo gaar yeeli karin ama looga hari karin dowladda kaliya, isla markaana loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato. “In dadka qaar ay masaalix siyaasadeed ka dhex raadiyaan dagaalka Khawaarijta waa wax aad looga haboon yahay, arrinta dagaalka waa mid salka ku heysa jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, dadkaas waxaan leeyahay Allaha soo hanuuniyo waa fadeexade,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed. Cabdirakiin oo tusaale u soo qaatay weerarkii Cowsweyne ayaa sheegay in la siyaasadeeyey, isla markaana ay dhici karaan weerarro kaas lamid ah, balse loo baahan yahay in laga feejignaado faafinta farrimaha u adeegaya cadowga. “Waxaa muuqata in ciidanka lagu niyad jebinaayo hadallada siyaasiyiinta qaar, kala saara masaalixdiina siyaasadeed iyo jiritaankeena, ciidankeena qaranka waxaan leeyahay Hambalyo, waa laga guuleysanayaa cadowga mar aan fogeyn insha allah. Cabdikariin ayaa Madaxweynaha, ciidanka iyo shacabka uga mahad celiyey sida ay dhexda ugu xirteen soo afjarida Khawaarijta ragaadisay hormarkii iyo nolosha dadka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo The post Daawo: Guuleed oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, fariina u diray dad uu sheegay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay safarka uu maanta ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ku gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo uu tegayo markiisii labaad. Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa safarkan ku wehlinayay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano kamid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan. Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo u tegay in la xoojiyo abaabulka ka socda maaulka HirShabelle. Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo halkaasi booqan doona saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, isaga oo ku dhiiragelin doono halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka. Sidoo kale wuxuu kormeeri doona guud ahaan degmada oo ay ka jiraan xaalado nololeed. Xamza ayaa maalmo ka hor kasoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, wuxuuna safarkiisu kusoo aadaya xilli muddo ku dhow bil madaxweynaha uu joogo caasimada dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaasi oo uu utegay dhaqaajinta dagaalka kooxda Al-Shabaab dhanka ah. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay safarka ra’iisul wasaaraha? Cabaas Biyoow Cali Raage: Aadan Yabaal in la booqdo kaliya macna sameyn meyso eee shaqaa la iska rabba. Sharmaake Cabdi Macalim ayaa waxa uu yiri “Wixii dhacay hadaan rag xilkooda ku wayn waxa socdaa huu haa dheh iyo shimbirayahow hees.” “Qarashkaan socodka lagu bixinaayo maa ciidanka howlihiisa lagu bixiyo, waa tan ciidanka dhibaato dhaqaalo furimaha uga soo baxaayaane,” ayuu yiri Cusmaan Cabdi. Maxamed Maxamuud: “Dowladdii oo dhan Galmudug ayay aadey aaway Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.” “Ra’iisul wasaare Xamze waa mahadsan yahay lkn shaqo badan ayaa dhiman,” ayuu yiri Ciise Jarane. Cabdiraxmaan: “Haduu tuutaha xiran laha waan aqbali laheen laakiin daacad lagama ahan dagaalka.” “Igu sawir waxba matarto oo saacado ah ee wax la taaban Karo Hala timaado xukuumada,” ayuu yiri Cilmi Suldaan. The post Fal-celin ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday R/W Xamza appeared first on Caasimada Online.
-
The recent decision by Somalia to join the East African Community (EAC) has emerged as a key development in the region. It can be noted that the implications of this significant integration process resonate deeply within the country and its population, and that the relation between Somalia and other EAC aligned states is vital as Somalia enters into a new era of regional collaboration and strives to forge a brighter future for Somali People. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiir ku xigeenka dalka Denmark Amb Gertrud Birk, oo uu wehelinayay madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland Mathias Kjaer. Kulanka ayaa ujeedadiisu daarnayd is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal, gaar ahaan dhinaca garsoorka iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Wa bilaahi tawfiiq. Source
-
DrGaboose oo Aqbalay Go’aankii Ergada iyo Ururradii oo mud mid u Tanaasulaya Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka BARWAAQO, Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa shaaciyay in ururkiisu aqbalay go’aamadii isa saarka doorashooyinka madaxweynaha iyo ururrada ee ay soo saareen ergadii bariga Burco toddobaadkan. Waxa uu Dr. Gaboose sidaas ku sheegay warsaxaafadeed uu ku sheegay inuu u aqbalay go’aankaas xaaladda adag ee dalku ku jiro. Sidoo kale ururrada kale ayaa iyaguna ka fiursanaya inay go’aankaas u qaataan danta guud e dalka dartood. Warsaxaafadeedka Gaboose wuxuu u qornaa sidan:- Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta gaaray deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Safarkaan ayaa waxaa madaxweyne Axmed Qoor-Qoor ku wehlinaya wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo saraakiil kale. Ujeedka socdaalkan ay Qoor-Qoor iyo Jaamac ku tageen furinta ayaa ah u kuur-gelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirra-gelinta ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah iyo shacabka deegaanka, kuwaasi oo u awood sheegtay kooxaha argagaxisada. Safarka madaxdaan ayaa imaneysa xilli dhawaan weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cowsweyne lagu laayey askar badan, ayada oo saraakiisha amniga ay sheegeen in tani ay ku timid talo-xumada wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Inkasta oo kooxda ay wajaheyso culeys xooggan, haddana waxaa muuqata in weli ay awood u leedahay inay fuliso weeraro, kuwaasi oo waxyeelo kala duwan kasoo gaarto ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira. Si kastaba, ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday howl-gallada kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb, waxaan toddobaadkii u dambeeyay gacanta dowladda soo galay deegaano iyo degmooyin muhiim oo kamid tahay Ceelbuur. Ceelbuur oo muhiim u aheyd Shabaab ayaa dhawaan laga xoreeyay kooxda oo ayadu sanado badan gacanta ku haysay, waxayna kamid tahay qabashadeeda qorsha lagu soo idleynayo wejiga koowaad ee dagaalka. Isku soo wada duubo, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab ayaa loo qorsheeyey waqti kooban, si Koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore, sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka. The post Sawirro: Qoor-Qoor iyo Wasiir Jaamac oo gaaray furinta iyo qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Amb. Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay arrinta maamulka cusub ee degaanadda SSC, uguna baaqay Somaaliland nabad iyo xasilooni, dhanka kalena ka codsaday dowladda federalka Somaaliya in Goojacadde noqoto kulliyadda sare ee dagaalka ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya. Wasiirkii hore arrimaha dibadda ee Dowladda federalka soomaaliya, Amb Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay dagaaladii ugu danbeeyey ee Degaanka SSC Soomaalya ayaa ku baaqay Nabad, farriinna u diray dadka walaalaha ah Somaliland iyo SSC iyo in loo wada istaago Nabadda iyo xasiiloonida degaamadda guud, si gaarna ahna ula hadlay Maamulka Somaaliland is xaaladda la deiyo, loona baahan yahay in aan horumarka la gaaray loo badelin burbur iyo degaanadaas oo dib loogu celiyo waqtiyadii xasilooni darrada ee siddeemaddkii. Wasiir Cawad wuxuu qiray in degaanadaas ay ka muuqatay soo kabasho iyo horumar baaxad leh oo isi soo tarayey labaatankii sano ee ugu danbeeyey aanna sinaba caqli gal u ahayn in horumarka laga doorbido burbur dhinacyo badan ah, wuxuuna ugu baaqay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu joojiyo colaadaha uu weli ku howlan yahay in ay gayigaas Soomaaliyeed ka sii socdaan, wasiir Cawad wuxuu tibaaxay in dadka dagaankaasi yihiin dad wax badan wadaaga oo aan sina u kala maarmi karin ee lo baahan yahay in dadka degaanka la isi soo dhaweeyo, ganacsigii, nabadii iyo isu socodkii bulshada dib loo soo celiyo. Dhanka kale wuxuu bogaadiyey qaabkii ay maamulka cusub ee SSC ula dhaqmeen dadkii walaalahood ahaa ee lagu qabtay dagaalkii ugu danbeeyey ee 25/08/2023 iyo in dhankooda ay ku baaqeen in aysan marna doonayn colaad sii socota, ciidankoodana ay ku ekeeyeen degaannadooda oo aysan u gudbin deeganooda dadka kale ee walaalahood ah, taasina wuxuu sheegay in ay muujinayso hufnaan caddaaladeed iyo tusaale wanaagsan, iyo in laga hortago xadgudubyada iyo damaaci caadifaysan. Wasiir cawad wuxuu talo ahaan soo jeediyey in ay dowladda federalku qaadato doorkeeda xoojinta midnimada soomaaliya, Goojacaddena loo asteeyo xarunta dhexe ee taliska 2aad ee ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ku sababeeyay in ay ku taal meel istaratiiji ah oo laga ilaalin karo danaha guud ee Soomaaliya iyo kuwa dalalka deriska ahba. Ugu danbayn wasiir Cawad waxa uu ummaadda Soomaaliyeed, dowladda federalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ahba ugu baaqay in loo gurmado dib u dejinna loo sameeyo dadkii horay dagaaladu uga bara kaciyeen degaanadoodii , gaar ahaan magaaladda laascaanood. PUNTLAND POST The post Cawad oo ka hadlay xaaladda SSC appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto madaxweyne uu ku aqbalayo soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee arrimaha doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa aqbalay soo jeedinta odayaasha dhaqanka, taasi oo ka dhigan in Muuse Biixi uu ka tanaasulay qorshaha uu ku soo horeysiinayay doorashada ururada, si uu xisbiyada mucaaradka meesha uga saaro. “Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka,” ayuu Muuse Biixi ku yiri wareegto uu maanta soo saaray. Sidoo kale waxa uu ka codsaday Golaha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada in soo jeedinta odayaasha dhaqanka ee uu aqbalay ay waafajiyaan xeerarka doorashooyinka ee dalka, si doorashooyinka u hir-galaan. Guddiga dhex-dhexaadinta ee ay hoggaaminayeen odayaasha dhaqanka ee u istaagay xal u raadinta Somaliland ayaa dhawaan go’aamiyay in la isku sidko doorashooyinka ururrada iyo madaxtooyada, oo ay isku hayeen xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda Biixi. Go’aankan ayaa sidoo kale waxaa soo dhaweeyay xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan hoggaamiyeyaasha Waddani iyo Ucid, Cabdiraxaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe. Cirro oo ah musharraxa xisbiga Waddani ayaa sheegay inay aqbaleen go’aannada ay soo saareen ergada ee lagu jiheynayo doorashooyinka Somaliland, kaasi oo ugu dambeyntiina uu maanta aqbalay madaxweyne Muuse Biixi. “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca xisbiga Waddani dhamaantii waxaan halkan ka caddaynayaa in aanu aqbalay go’aannadii ay xalay soo saareen ergada dhexdhexaadinta waday ee beelwaynta Habar-jeclo,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Si kastaba, Go’aanka madaxweynaha Somaliland ee soo-jeedinta odayaasha dhaqanka ayaa sida aan ogaanay ku timid culeys ay xukuumadiisa wajaheyso, kaasi oo ay qeyb ka tahay jabhadda buurta Gacan-Libaax, oo ay dhashay xiisadda ka dhalatay muranka doorashooyinka. The post Madaxweyne Biixi oo ku dhawaaqay ‘inuu aqbalay’ arrin uu diidana kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Taiwan oo Somaliland ku Martiqaaday Shir Caalamiya oo ay qabanayso Hargeysa(Qaran news)-Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ayaa sii sagootiyay mid ka mida khubarada wasaaradaas, oo shir muhiim ah kaga qayb gali doona dalka Taiwan. Shirkan oo lagu qaban doono dalka Taiwan wax aka qayb-gali doona 25 wadan, oo ay Somaliland ku jirto, waxaanay wasaaradda horuymarinta beeruhu sheegtay inuu shirkaas Somaliland ku matali doono Khadar Mawliid, oo ka mida aqoonyahanka wasaaraddaas. Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Prof. Aadan Cabdilaahi Sheekh ayaa sheegay in shirkaas oo socon doona 15 maa-mood uu ku saabsan yahay kor u qaadidda habka wax-soo-saarka Beeraha ee casriga ah. Prof. Aadan Cabdilaahi agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland wuxuu tilmaamay in shirkaasi yahay mid Somaliland u leh muhiimad, maadaama oo ay Somaliland ka mid tahay wadamada uu koraayo waxsoo-saarkooda dhanka beeruhu. Shirkjani maaha kii u horeeyay ee heerkaas leh ee ay Somaliland ka qayb-gasho, dhawaan ayay hawl-wadeeno ka tirsan wasaaradda beeruhu ka soo laabteen shirar iyo aqoon-iswaydaariyo ay kaga soo qayb galeen dalka Taiwan, oo ay Somaliland leeyihiin xidhiidh wanaagsan. Qaran News
-
Guddoomiyaha Maxkamada sare oo la Kulmay Diblomaasi ka Socday Denmark Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku xigeenka dalka Denmark oo uu wehelinayay madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiir ku xigeenka dalka Denmark Amb Gertrud Birk, oo uu wehelinayay madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland Mathias Kjaer. Kulanka ayaa ujeedadiisu daarnayd is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal, gaar ahaan dhinaca garsoorka iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nuur Cabdullaahi Maalinguur oo loo yaqaano Nuur-deeq oo ahaa madaxii kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug ayaa shalay isku dhiibay ciidanka dowladda federaalka ah ee ku sugan deegaanka Wisil ee gobolka Mudug. Ninkaan ayaa la sheegaa inuu xubin muhiim ah u ahaa kooxda, kal hore waxa uu ka badbaaday guri uu Gaalkacyo ka deganaa ku qaadeen Mareykanka, PSF iyo Danab. Waxa uu fure u ahaa joogista kooxda ee guud ahaan gobolka Mudug. Halka uu iska dhiibay ee Wisil waxaa ku sugnaa xubno siyaasiyiin ah oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah Axmed Macalim Fiqi. Ninkaan ayaa ka faa’iideystay xeerka cafis ee uu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Imaatinka ninkaan ayaa ka dhigan inay xitaa amiirada kooxda garwaaqsadeen culeyska dagaal haysta, ayna go’aansadeen inay umadooda dib ugu soo noqdaan. Nuur-deeq Maalinguur argagixisada kahor waxa uu ahaa nin si weyn looga dhex yaqaano bulshada gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo. Dhawaan waxaa idinla wadaagnay inay jiraan xubno badan oo argagixiso ah oo raba inay soo baxsadaan oo ay halkaasi ku joojiyaan gumaadkii shacabka, balse ay la’yihiin qaab ay kusoo baxsadaan, qaarkoodna ay kooxda ilaalo ka hayso. Madaxii argagixisada ee gobolka Mudug ee shalay isa-soo dhiibay, wuxuu sida muuqata helay xiriirka siyaasiyiinta beeshiisa, si loo waafajiyo hanaanka isa soo dhiibida ee dowladda dhex, kuwa kale ee soo socdana isla dariiqaas ayaa u furan. Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo faafiyay qoraal uu kaga hadlaayo isa-soo dhiibida madaxii Al-Shabaab ee gobolka Mudug, ayaa sheegay in ninkaan sidoo kale kooxda uga masuul ahaa hoggaaminta dagaalada ay ka fuliso gobolka Mudug, wicitaanka ganacsatada, dhaqanka iyo bulshada, isaga oo dadka ku amri jiray inay yimaadan magaalada Xarardheere. Fiqi waxa uu intaa ku daray in isa-soo dhiibida madaxii Al-Shabaab ee gobolka Mudug inay cadeynayso in kooxda si weyn niyad ahaan hoos ugu dhacday, lana siibay maanta qodaxdii gobolka Mudug. Hadda howsha askari waa ka tagtay waxaa isa-soo dhiibaya madaxdii heer gobol ee kooxda, tani waa farriin furan oo xog ugu filan qof walba oo raadinaya inuu ogaado halka ay mareyso xaaladda kooxaha argagixisada ee Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka wado guluf lagu dhameystirayo wejiga koowaad ee dagaalka argagixisada, xilli asbuucan ay ciidanka dowladda gacanta ku dhigeen degmada Ceelbuur. Isa-soo dhiibida madaxii kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug, xubno kale oo iyaguna dhawaan iska dhiibay deegaanka Wabxo iyo kuwo ay kooxda dishay iyaga oo ka baxsanaya oo raba inay is dhiibaan, ayaa dhamaan si fudud u qeexaya sida uu ballanqaadkii cafiska u gaaray gudaha kooxaha argagixisada. The post Madaxda Al-Shabaab oo uu saameeyay culeyska dagaalka socda appeared first on Caasimada Online.
-
Somali president defiant as forces lose ground to al-Shabab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhusomareb (Caasimada Online) – A mere 24 hours after Somali government forces ceded territory to al-Shabab militants, Somali President Hassan Sheikh Mohamud delivered a resolute address on Tuesday. The president emphatically stated that the ongoing military operations would not cease until “final victory” is secured over the extremist group. “The fight will continue if one battlefield is lost or someone spreads misinformation. We will achieve the final victory that we seek,” Mohamud proclaimed. His statements serve as a riposte to skeptics and critics alike, coming in the wake of a damaging al-Shabab attack on government soldiers in the village of Cowsweyne this past Saturday. Questioning casualties and “historic victory” Contradicting al-Shabab’s self-described “historic victory,” Mohamud refuted the group’s assertion that they had killed 178 soldiers in the Cowsweyne assault. “The correct information about Cowsweyne has to be this conclusion—that the number of soldiers al-Shabab claimed to have killed is false,” he clarified. According to Mohamud, al-Shabab suffered greater casualties—losing 190 fighters, whose remains were then buried in mass graves. While such casualty figures have not been independently verified, the president insisted that al-Shabab is “weaker and smaller in number” than before. Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed weighed in on the recent events, calling for an investigation into the management of military operations at the Cowsweyne frontline. Responding to this, President Mohamud pledged to rectify any “mistakes” and ensure accountability within the military. “It’s time to reward heroes among the soldiers and to hold those abusing their responsibilities, committed treason, or undermining the army accountable,” Mohamud stated. Strategic surrender and the future of the conflict In another twist to the unfolding drama, the Somali government announced the surrender of a mid-level al-Shabab official, identified as Nur Abdullahi Maalinguur—also known as Nur Deeq. The Minister of Interior, Federal Affairs and Reconciliation, Ahmed Moallim Fiqi, highlighted Deeq’s role as a commander in the Mudug region and his involvement in heavy battles there. “This surrender means that al-Shabab morale is low, and a thorn has been removed from Mudug,” Fiqi posted on his Facebook page. Al-Shabab has been attempting to establish an Islamic state in Somalia since 2006, often demanding extortions and other contributions from businesses and community members to sustain their operations, as per Somali intelligence agencies. President Mohamud’s defiant remarks and a key surrender may shift the dynamics in the years-long conflict against al-Shabab. However, the path to “final victory” remains fraught with uncertainties. The post Somali president defiant as forces lose ground to al-Shabab appeared first on Caasimada Online. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa sheegay inay jiraan kooxo Al-Shabaab uga daran. Kooxahaan ayuu sheegay in ay la shaqeeyaan Al-Shabaab, ayna isku dayayaan inay fashiliyaan howl-gallada dagaal ee socda, maadaama ay aaminsan yihiin in aysan noolaan karin Shabaab la’aantood, sida uu hadalka u dhigay. “Dadka Soomaaliyeed waxaa la wadaageynaa inay illaa billowgii howlgalka ay jireen kooxo abaabulan oo magacyo kala duwan wata oo Khawaarijta la shaqeeya oo kamid ah lakabyada Khawaarijta ku dul nooshahay si dadka Soomaaliyeed u haystaan oo u dhibaateeyaan,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala. Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxahan ay qeyb ka yihiin siyaasiin, ganacsato iyo kuwa magacyo kala duwan ku dhex jooga bulshada, ay ka shaqeynayaan inay suurad xumeeyaan howl-galka Al-Shabaab ka dhanka ah, iyaga oo colaad ka dhex ridaya qabaa’ilka Soomaaliyeed dhexdooda, sida uu sheegay. “Wey ku fashilmeen oo Ilaahay ku fashiliyay inay hor istaagan howlgalka. Bilihii dhexe waxay aad iskugu dayeen kooxahaasi inay kala qeybiyaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ee Khawaarijta la dagaalamayay, waxaan ognahay in qabaa’ilka qaarkood lacago u direen, in ay siyaasad ahaan u dhex galaan oo dhahaan idinka kuma jirtaan dagaalka ee ka hara, taasina waa ku fashilmeen oo dadka Soomaaliyeed iyaga oo mideysan ayay dagaalka Khawaarijta galeen.” Al-Cadaala ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay kooxahaasi ay wadaan isku-deygoodii u dambeeyay, kaasi oo ah inay baranbogaado iyo been abuur la dhex-galaan ciidanka qaranka ee dagaalka ku jira. “Waxaa dadka Soomaaliyeed u sheegaynaa in isku-deygoodii u dambeeyay ee doonayeen in Khawaarijta ku badbaadiyaan oo shacabka Soomaaliyeed uga jeediyaan guulaha aan la qarin karin ee laga gaaray furimaha Khawaarijta, in isagana uu fashilmay oo uu meel mar uu noqon waayay isku-deygooda.” Waxa uu intaas kusii daray “Dadkaas idinku dhex jira ee siyaasiyiinta, qoraayaasha, ganacsatada iyo magacyada kala duwan idin sheeganaya ee la yiraahdo Dhabar Khawaarij waa darbiyo ama lakab kamid ah kuwa ay isticmaasho Khawaarijta, waana nuuc aaminsan inay noolaan karaan inta Khawaarijta jirto, dadka Soomaaliyeed waxaa rabnaa in aan fahansiino oo uga digno in aysan rumeysan, beentooda yeysan idin saameyn.” Ugu dambeyntiina wuxuu digniin u diray kooxahaasi uu sheegay inay la shaqeeyaan Al-Shabaab, “Farriimaha Khawaarijta waa dembi Soomaaliya, nuuc kasta iyo cidkasta oo Khawaarijta adeegeeda haysa waxay kamid tahay Khawaarijta, sidooda kala loola dagaalamaya waana lagu daba jiraa.” Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Wasiir Al-Cadaala oo weerar ku qaaday ‘kooxo uga daran’ Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka . Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka Mudaneyaal, Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka. Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Mogadishu (HOL) - A delegation led by Prime Minister Hamsa Abdi Barre visited the command center of the Somali National Army in the Adan Yabal district of the Middle Shabelle region on Wednesday, just days after the Somali army retreated from four major towns and villages in central Somalia. Source: Hiiraan Online
