Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in danjiraha dalkiisa u fadhiya Niger, aanu dalkaas ka bixi doonin. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo milateriga xukunka dalkaas la wareegay ay amar ku siiyeen danjiraha inuu dalkaas ka baxo. Macron oo ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen danjirayaasha Faransiiska ee dalalka caalamka, ayaa sheegay Isniintii in Danjire Sylvain uu ku sii sugnaan doono dalkaas, inkasta oo cadaadis badan la saaray. Madaxweynaha ayaa ku gacan saydhay walaaca laga muujinayo, halista ka dhalan karta, haddii la qaadan waayo amarka madaxda milateriga ee Niger, balse Macron ayaa ku adkaysanaya in “siyaasadda uu ku dhaqmayo inay tahay tan saxda ah”. Wasaaradda arrimaha debedda ee Niger ayaa Jimcihii ku amartay danjiraha Faransiiska u fadhiya dalkaas, inuu ku baxo muddo 48 saacadod ah. Tallaabadaas oo ay wasaaraddu qaaday, ka dib markii uu danjiruhu diiday inuu la kulmo madaxda cusub ee inqilaabka kula wareegtay awoodda Niger. Madaxweynihii hore ee Niger Bazoum iyo qoyskiisa ayaa xabsi guri ku jira, tan iyo bishii July ee sannadkan. Niger ayaa ahayd dal uu hore u gumaysan jiray Faransiisku, waxaana dalkaas ka jooga Faransiiska, ciidamo gaadhaya illaa 1,500 oo askari, kuwaas oo ka caawiya ciidamada dalkaas, hawlaha la dagaalanka kooxaha hubaysan. Source
  2. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa maanta socdaal ku maray degnaanno ka tirsan Gobolka Sool. Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa ugu horrayn lagu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaas oo uu uga sii gudbay degaannada Yagoori iyo Guumays. Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale booqday jiidda hore ee Salinta Guumeys oo ay ku sugan yihiin ciidamada halganka SSC. Madaxweyne Karaash ayaa jiidda hore kula kulmay Saraakiisha sare ee ciidamada SSC, isagoo ku bogaadiyey difaaca nafhurnimada leh ee ay dhulkooda iyo dadkooda ku difaaceen waxaana uu ku boorriyay in ay sii xoojiyaan difaac degaankooda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo booqday Salinta Guumays ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  3. (Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!) Dad iyo dal la sahansaday baynu nahay! Waxaa jiray guddi loogu magac daray Guddiga Xaqiiqo Raadinta, waxayna dadka Soomaaliyeed ka fahamsanaayeen inuu yahay guddi ujeeddadiisu tahay inuu aruuriyo fal-danbiyeedyada ka dhashay dagaalladii kooxaha dhax marayay iyo sida xal looga gaari karo colaadihii waqtigaas jiray, iyo sidii shir nabadeed kooxaha Soomaalida ah loogu qaban lahaa, waa dhab in shaqooyinka uu guddigaas u imaan jiray Soomaaliya, waxaase ka muhiimsanaa guddiga inuu ururin jiray xogo ciidan iyo hadba awoodda taala guud ahaan Soomaaliya. Guddiga Xaqiiqo Raadinta, wuxuu ka koobnaa khubaro ku takhususay arrimo kala duwan oo warbixino ka soo ururiyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxayna soo jeedin jireen talooyin iyo fikrado la xiriira siyaabaha loo wajahayo barnaamijada ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay rabto siyaasad ahaan in laga dhaqan geliyo Soomaaliya. Guddigaas wuxuu la kulmi jiray waxaa ugu muhiimsanaa Bulshada Rayadka oo inta badan iyaga loo isticmaalayay in lagu ogaado xaqiiqooyinka xogaha ay guddigaas raadinayaan isla markaasna gacan ka geysanayay siyaasadaha wax looga fulinayo. Waxaa kaloo ay la kulmi jireen saraakiisha ciidammada iyo waliba haddii ay suuro gal tahay kuwa shaqada ciidanka ka tegay, siyaasiyiinta, ururada haweenka, iyo culumo ay xusheen. Waxay kaloo dhex qaadi jireen suuqyada iyagoo wareysanaya dad-weynaha isla markaasna daraasad ku sameyniya dabeecada iyo xaalladaha ka muuqda. Dhallin-yaradu waa inay dadkooda iyo dalkooda difaacaan ammaankooda ka shaqeeyaan, waa inay gartaan cilladaha jira iyo dhibaatooyinka ay dadku wajahayaan, waa inay ka fekeraan, oo talo ka yeeshaan sida dalkooda loogu soo xad gudbay!…Orommada iyo Itoobiyaanka kale ee dalka soo galay waxaa la oran karaa dad-weynuhu siday u qaateen ma aha, arrimaha dadka xudduudda ka soo gudbaya waa kuwo ay ka dambeyso fikrad siyaasadeed iyo barnaamij ay dowlad leedahay markaas ma aha in lagu cabiro walaalnimo iyo arrimo ku salaysan xiriirka bushada ee qowmiyadaha dhex mari kara. Xiriirkaas haddii uu jiray maanta ma aha mid ka mid ah sababaha ay Orammada u timid dalka. Mujtamaca Orommada intii ay burburtay dowladdii Soomaaliya waxay aad u wadeen hanqal taag iyo damac ka soo galay dhulka Soomaaliyeed, iyagoo markii u horeysay ka bilaabay deegaannada Soomaalida Itoobiya la hoos geeyay, waxayna arrintaas sii xoogeysatay markii uu Abiy Axmed noqday ra’iisal wasaaraha dalkaas, waxaa markaas lama huraan ah in dhallin-yarradu aysan yareysan ama fududeysan joogitaanka iyo soo gelidda Orommada ee dalka. AMISOM/ATMIS uma joogaan inay ilaaliyaan dad iyo dal Soomaaliyeed, waxayse u joogaan inay ilaaliyaan kuwa iyaga mushaarka siiya, iyo waxa ay wataan waana shaki la’aan in Orommada ay ka mid atahay kuwa ay ilaaliyaan, waana qeyb ka mid ah waxyaabaha ay Itoobiyaanka/Orammadu ay isku haleynayaan ilaalintooda iyo inay sugayaan ammaankooda marka laga soo tago xafiisyada aan horay uga soo sheekeynay ee uga furan maamul goboleeddada dalka. Waxaa iyadana arrin xiiso badan ah in dhallin-yaradu ay la socdaan AMISOM ama ATMIS inay ilaalo u yihiin cid kasta oo shisheeye ah oo Soomaaliya jooga sifo kastaba ha ku joogaanee! Iyadoo middaas madaxa lagu hayo ayaa waxaa loo baahnyahay in dhallin-yaradu ku baraarugto, kana shaqeyso in mas’uuliyiinta deegaannada ay ku noolyihiin iyo maamullada ka jira ay ku cadaadiyaan in kuwa joogana dalkoodii lagu celiyo kuwa soo socdana la hor joogsado… haddii maamulka uu cadaadis iyo culeys siyaasadeed soo wajahana ay xiriir la sameeyaan xafiiska iyagoo u sii maraya xafiis sharci yaqaan ah (Notary). Dhallin-yarradu, waa inay macneysaa sheegashada joogtada ee qowmiyadda Orommada ee dhulka Soomaaliyeed, waa inay macneyn karaan hadallada cadowgooda ujeeddada ay leeyihiin. Waxaa iska cad in madaxda iyo siyaasigii dalka aysan ka soo bixin kaalintooda, sidaa daraadeedna ay waajib tahay in la helo xilkasnimo ilaalisa amniga dadka iyo dalka! Waa in la fahmaa dalkii waa la soo dhex degay, waxa soo degay ma aha saaxiib, mana aha nin ay dhibaato soo erisay, mana aha nin adiga aad marti gelisay, marka ay sidaas tahay muxuu ku joogaa?! Wali maamullada iyo dad-weynaha ma iska wareysteen sharciyadda joogitaanka dadkaan Itoobiyaanka ah, haddiise ay sharci ku joogaan ilaa iyo goorta ay joogayaan ma la garanayaa?! Soomaalidu waa dad ku fiican soo dhoweynta, waxayna aad u rumeysanyihiin Orommada inay yihiin dad walaal ah! Si kastaba ha ahaatee arrintaas sharci kama dhigeyso joogitaankooda iyo inay xudduudda soo jabsadaan waana khalad aad u weyn oo hoosaasin iyo khayaano ku ah dadka iyo dalka!… Adeegihii dhaxlay gurigii reerkii uu u shaqayniyay! Sida Itoobiyaanka ugu soo qulqulayo dalka iyo habcsanaanta ka muuqata dad-weynaha siiba dhallin-yaradii sow uma eka sheeko caruureeddii Adeegihii Dhaxlay Gurigii Reerkii uu u Shaqeniyay! Nin reer u ahaa adeege markii dambana reerkii gurigoodii ku qabsaday oo isagu dhaxlay, waa sheeko mar kasta aan madaxayga ka bixin, waa sheeko sawir ahaan u eg sida hadda Itoobiyaanka xudduudaha ka soo talaabaya ugu noolyihiin gobollo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Wuxuu ahaa nin miskiin ah, oo maryo duluf ah oo aad u duugoobay qaba, maalin kastana tuugsada, marar badanna guriga reerka cunto looga sadaqaystay oo isagoo gaajaysan cunto la siiyay, mar kasta oo cunto la siiyana wuxuu muujiyay dhaqan wanaagsan iyo asluub reerkii cuntada siiyay ay aad u jeclaysteen, wuxuu dhaqay alaabtii uu wax ku cunay, wuxuu ku daray isagoo aan loo dirin inuu dhulkii xaaqo oo nadiifiyo, markuu dhowr maalmood oo kala duwan oo cunto la siiyay uu sidaas u dhaqmay ayaa odaygii reerka oo malaha aad isha ugu hayay dhaqanka ninkan miskiinka ah maalinkii dambe ninkii miskiinka ahaa u soo bandhigay inuu u shaqeeyo oo yiri “Nin wanaagsan baad iigu muuqataa, nin aad aan u jecleystay dhaqankiisa baad tahay, ka waran haddaad inoo shaqayso oo aad guriga adeege ka noqoto?” Miskiinkii oo qarsan kari waayay faraxadda si fiicanna u dhoolo cadeyniya ayaa yiri “Waa fursad nin shaqo u baahan iyo nin in loo shaqeeya u baahan, aad baan ugu farxi lahaa inaan kuu shaqeeyo, waan idin bartay, oo reer wanaagsan oo deeqsi ah, baad tihiin.” La Soco Beri The post Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 8aad appeared first on Puntland Post.
  4. Laascaanood (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Madaxweyne ku-xigeenka oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Puntland ayaa markii hore gaaray deegaanka Gambadhe, halkaasi oo uu uga sii gudbay magaalada Laascaanood. Mudane Karaash iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada si diiran ugu soo dhaweeyey dadka deegaanka ee ku dhaqan magaalada Laacaanood iyo hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo. Madaxweyne ku-xigeenku ayaa la filayaa inuu u kuur-galo xaaladda nooleed ee shacabka ku dhaqan gobolka Sool oo dhawaan laga saaray ciidamada Somaliland iyo maxaabiista lagu soo qabtay dagaalkii Jimcihii lagu jabiyay ciidamada Somaliland. Sidoo kale waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona hoggaanka maamulka SCC-Khaatumo, odayaasha dhaqanka magaalada iyo qaar ka mid ah bulshada magaalada Laascaanood. Socdaalka Karaash ayaa imanaya kaddib markii Somaliland laga saaray magaalada, ka gadaal markii Laascaanood ay ka dhaceen dagaalo socday in ka badan toddoba bilood, kaasi oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland. Si kastaba, Somaliland ayaa markii u horreysay qiratay jabkii Jimcihii kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde, markaas oo ciidanka ku dagaalamaya magaca SSC ay qabsadeen Maraaga, Goojacadde iyo goobo kale oo muddo siddeed bilood ah fadhiyeen ciidanka Somaliland. Muuse Biixi oo ay garab taagnayeen hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku goodiyay in ciidankiisa deg deg uga soo kaban doonaan jabkii gaaray, islamarkaana ay gaari doonaan hadafkoodii dagaalka, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qabashada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Xukuumadda Somaliland ayaa horay waxay u sheegi jireen inay wax reebanayaan oo ay u tudhayaan dadka reer Laascaanood iyo weliba in aanay iyagu weerar aheyn, laakiin hadda wuxu hoggaankeeda ku dhawaaqay aargoosi, kadib jabkii kasoo gaaray dagaalkii Jimcihii. The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo gaaray magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku saxiixday mashruuc horumarineed oo lagu taageerayo dowladda federaalka. Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka ayaa heshiiskan u saxiixay dowladda federaalka Soomaaliya, halka Mareykanka uu usaxiixay ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Heshiiskan ayaa ku kacaya $92.6 Milyan, kaasi oo qeyb ka ah taageerada Mareykanka ee Soomaaliya, si gaar ah waxay wax badan ka tari doontaan adeegyada aas-aasiga ah ee deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Beene-Beene oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda saxiixa ayaa sheegay in mashruucan uu yahay wejigiisa labaad, ayada oo sanadkii hore 78 Milyan loogu deeqay Soomaaliya. “Waa fursad aad iyo aad u fiican, waa fursadii labaad ee wax ka saxiixno, sanadkii hore 78 Milyan ayaa lagu caawiyay dowladda Soomaaliya, ayada oo u isticmaalaysay barnaamijyadii lagu taageerayay dadkeena Soomaaliyeed waxaana aad iyo aad looga caawiyay arrimaha abaaraha iyo taakuleynta u baahnayeen,” ayuu yiri Wasiir Beene-Beene. Waxa uu intaas kusii daray “Arrintaas waxay qiimo weyn ugu fadhisaa dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, dowladda Mareykanka oo ku-simaha safiirka halkaan nala fadhiyo aad ugu mahad-celinaynaa, qaasatan USAID howlaha ay Soomaaliya ka wadana waa u mahadcelineynaa oo markasta waxay kor usii qaadeysa wada-shaqeynta Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka.” Lacagtaan ayaa qorshuhu yahay in dhulka laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga iyo qorshaha xasillinta ee deegaanadaasi, si ay horay uga sii socdaan ciidamada huwanta ee la-dagaalamaya Al-Shabaab. Heshiiskaan deeqda ah ayaa waxa uu ka turjumayaa iskaashiga qotada dheer ee Mareykanka iyo Soomaaliya, kaasi oo ku salaysan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqaalaha, kobcinta dowladnimada iyo awood-siinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka. Tan iyo markii uu billowday dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah waxay dowladda federaalka ay barbar waday qorshaha xasilinta iyo isku-duwida arrimaha gargaarka. Qorshahaan ayaa dowladda ku waday dardar horleh, si deegaanadaasi loo gaarsiiyo adeegyada muhiimka iyo gargaar bini’aadannimo kadib sanado badan oo ay ku jireen gacanta kooxda Al-Shabaab. Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano badan tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka kooxda. Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay. Si kastaba, Waxaa dhawaan si rasmi ah u bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda. The post DF Somalia iyo Mareykanka oo maanta kala saxiixday heshiis ku kacaya $92 Milyan appeared first on Caasimada Online.
  6. Dowladda Soomaaliya ayaa Dowladda Mareykanka la saxiixatay Heshiis Horumarineed oo gaaraya $92.6 Milyan kana turjumaya iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliya. Wasiirada Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka ayaa dowladda Soomaaliya u saxiixay Heshiiskaan halka dowladda Mareykanka uu u saxiixay Sii hayaha xilka safiirka dowladda waddankaas. Heshiiskaan deeqda ah wuxuu ka turjumayaa iskaashiga qotada dheer ee Mareykanka iyo Soomaaliva kaas oo ku salaysan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqaalaha, kobcinta dowladnimada, awood-siinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhallinyarada. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday Heshiis ku kacaya $92.6 Milyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Banaanbaxyo xooggan ayaa maanta ka billowday qaar kamid ah magaalooyinka Somaliland, kuwaasi oo lagu taageerayo ciidamada Somaliland, kadib jabkii dhawaan kasoo gaaray dagaalka Laascaanood. Banaanbaxyadan oo la sheegay inay dhiiri-gelin u yihiin ciidamada Somaliland, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha hore ee dagaalka, ayaa qeyb ka ah qorshe xukuumadda Muuse Biixi ay dhiig cusub ugu shubeyso ciidanka ka dagaalamaya Laascaanood, oo qaarkood maxaabiis ahaan ugu gacan galay SSC. Magaalada Hargeysa ayaa ah midda sida weyn la iskugu soo baxay, ayada oo shacabka caasimada ay iskugu yimaadeen fagaaraha kheyriyada, halkaasi oo laga jeediyay hadallo dhiirigelin iyo garab istaag loogu muujinayo ciidamada Somaliland. “Ciidamada Somaliland dhamaantood waxaa leenahay meelkasta oo ay joogaan, waxaad tihiin geesiyaasha aan ku dhaadano, kuwa aan ku seexano ee guulaha noo soo hooya, guuleysta waan idin garab taaganahay taageera dhan walba,” ayay tiri mid kamid ah shacabka Hargeysa ee bannaanbaxyada ka dhigaya caasimada. Mid kale ayaa sidoo kale yiri “Maanta waxaa isoo kicisay ciidankayga qaranka garab istaagiisa shucuurteyda oo maanta la maleyn kareyn, in aan muruq iyo maal intaba la garab istaago, ciidankayga qaranka waxaa leeyahay wada Faysal Bootaan oo miidhan ayaa nahay.” Banaanbaxyadan ayaa imanaya ka gadaal markii hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu qirtay jabkii Jimcihii kasoo gaaray dagaalkii Goojacadde, markaas oo ciidanka ku dagaalamaya magaca SSC ay qabsadeen Maraaga, Goojacadde iyo goobo kale oo muddo siddeed bilood ah fadhiyeen ciidanka Somaliland. Muuse Biixi oo markaas ay garab taagnayeen hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dheeraaday baaq uu u dirayo reer Somaliland, kaasi oo ah midnimo. Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in ciidankiisa deg deg uga soo kaban doonaan jabkii gaaray, islamarkaana ay gaari doonaan hadafkoodii dagaalka, oo la fahamsan yahay inuu ula jeedo qabashada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Xukuumadda Somaliland ayaa horay waxay u sheegi jireen inay wax reebanayaan oo ay u tudhayaan dadka reer Laascaanood iyo weliba in aanay iyagu weerar aheyn, laakiin hadda wuxu hoggaankeeda ku dhawaaqay aargoosi, kadib jabkii kasoo gaaray dagaalkii Jimcihii. The post Sawirro: Banaanbaxyo xooggan oo ka billowday Somaliland + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  8. Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil nin oday ahaa loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dilkan oo ka dhacay xaafada Fayuuma ee degmada Afgooye, ayaa waxay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ay dileen Cabaas Osman Abshirow oo kamid ahaa dadka ku nool degmadaasi. Cabaas Abshirow ayaa waxa la sheegay inuu ahaa nin ku shaqeysan jiray gawaarida nooca raaxada ah ee loo yaqaano Taxi, ilaa iyo haddana lama oga sababta loo dilay ninkaan odayga ah iyo cidda ka dambeeysay dilkiisa. Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta dilka uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa laamaha amniga degmada Afgooye ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay. Ciidamada ayaa halkaas ka sameeyay howl-gallo baaritaano ah, wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dableydii ka dambeeyay dilka ninka odayga ah, inkasta oo ay sheegeen inay wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan sidii lagu soo qaban lahaa dambiilayaasha, oo ayagu markiiba iskaga baxsaday goobta. Si kastaba, Degmada Afgooye ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geysto dad shacab ah iyo dad u shaqeeya maamulka, waxaana inta badan baxsada oo la soo qaban ragga fuliya dilalkaasi qorsheysan. The post Faah-faahin ku saabsan dil ka dhacay degmada Afgooye appeared first on Caasimada Online.
  9. Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta safar ugu baxay Gobolka Sool. Madaxweyne ku xigeenka oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa saaka oo Talaado ah u amba-baxay magaalada Laascaanood iyo guud ahaan degaannada Gobolka Sool. Mudane Axmed Karaash ayaa lagu soo dhaweeyay degaanka Gambadhe halkaas oo uu uga sii gudbay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenku u kuur-galayo xaaladda nooleed ee shacabka ku dhaqan Gobolka Sool oo dhawaan laga saaray Ciidamada Somaliland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo lagu soo dhaweeyay degaanka Gambadhe ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  10. Las Anod (HOL) - The SSC-Khatumo administration has announced the cessation of conflict in Sool, Sanaag, and Cayn, collectively known as SCC-Khatumo, following eight months of fighting between Somaliland and SCC forces in the town of Las Anod in the Sool region. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Iskaashiga Islaamka (ISF) ayaa kaalmo dhaqaale oo cusub ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo shalay lasoo gaarsiiyay hay’adda maaraynta musiiboyinka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Soomaaliyeed Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Soomalia u fadhiya ururka iskaashiga Islaamka H.E. Ambassador, Mohamed Bamba M.Boba. Ujeedka kulanka ayaa wuxuu ahaa in uu guddoonsiiyo aafiirka hay’adda SODMA kaalmo lacageed oo dhan $50,000 oo doollar, taasi oo qeyb ka ah ballan-qaad horleh ISF u sameeysay dowladda federaalka Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay SODMA ayaa lagu sheegay in Islamic Solidaarity Fund (ISF) ay hore u ballan-qaadeen kaalmadan lacageed booqashadoodii ay ku imaadeen xarunta hay’adda maaraynta musiibooyinka bishii Febraayo 2023, si abaaraha wax looga qabto. Guddoomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahad-celiyay ISF iyo OIC, garab istaagga ay u muujiyaan umadda Soomaaliyeed markasta iyo marxalad waliba oo ay marayaan. Safiir Bamba ayaa dhankiisa ballan-qaaday in uu si dhaw ula shaqeyn doono hay’adda SODMA oo wadda howlo aad u baaxad wayn, si Soomaaliya ay uga baxdo dhibaatada bani’aadannimo ee haysata. Dhawaan ayay aheyd markii ay SODMA kaalmo dhaqaale oo dhan 150,000 dollar ka heshay Shiinaha, taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu daad-gureynayo gargaarka la gaarsiinayo deeganada kooxda Al-Shabaab laga xoreeyey, kuwa laga xoreyn doono iyo dadka ay saameeyen abaaraha. Howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano badan tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka kooxda. Tan iyo markaas xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysay sidii deegaanadaasi loo gaarsiin lahaa mucaawino iyo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee dadkaasi helin tobankii sano ee u dambeeyay. The post ISF oo kaalmo lacageed soo gaarsiisay DF, una sameeysay ballan-qaad horleh appeared first on Caasimada Online.
  12. Four migrants and refugees have died and 18 rescued after the boat they were travelling on capsized off the Greek island of Lesbos, according to Greek authorities. Source: Hiiraan Online
  13. International partners have strongly condemned the escalation of conflict between the Somali army and local fighters in Somaliland's Las Anod town in northern Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. The Greater Horn of Africa is likely to get heavy rains from October-December 2023, said the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Climate Prediction and Applications Centre (ICPAC) in its forecast. Source: Hiiraan Online
  15. Defence CS Aden Duale has accused some residents of Lamu of collaborating with al Shabaab in their attacks. Source: Hiiraan Online
  16. The African Union and United Nations officials have called on Somalia to ensure that the hard-won security gains thus far are not jeopardized as the AU forces continue with the drawdown in the country. Source: Hiiraan Online
  17. An attack over the weekend by al Shabaab militants against Somali army troops waging an offensive against them left dozens of soldiers wounded and an unknown number killed, soldiers involved and hospital officials said. Source: Hiiraan Online
  18. Ceeldheer (Caasimada Online) – Saraakiisha amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay dib uga gurteen magaalooyin iyo degaanno ka mid ah kuwii ay qabsadeen toddobaadyadii lasoo dhaafay. Laba ka mid ah saraakiisha dawladda oo diiday in magacooda la sheego maadaama aysan oggolaansho u haysan inay ka hadlaan hawlgallo xasaasi ah ayaa sheegay in ciidanku ay Isniintii dib uga soo gurteen Ceeldheer, Masagaway, Wabxo, Budbud iyo Galcad. Mid ka mid taliyayaasha ciidamada dawladda Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ah taliyaha guutada 26-aad ayaa waraysi uu shalay galab siiyey VOA ku sheegay inay jirto “waxyaabo yar yar oo istiraatijiyad darteed dib looga gurtay oo si tartiib ah gadaal looga baxay” sida uu hadalka u dhigay inkastoo aanu sheegin goobahaas. Sidoo kale, sarkaal kale oo ka mid ah saraakiisha dawlada ayaa sheegay in goobaha dib looga gurtay aan dawladda dagaal looga qabsan, sidii markii horeba aanay dawladdu dagaal ugu qabsan goobahaas. Ka sokow goobaha dib looga gurtay, ciidamada dawladda ayaa weli ku sugan magaalada Ceelbuur oo ay qabsadeen Jimcihii. Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in ciidamada dawladdu ay isku filan yihiin inay is difaacaan, waxaana uu dadka degaanka ugu baaqay inay mas’uuliyad isa saaraan, oo ay sharafkooda iyo magacooda difaacaan, dagaalka socdana aan la siyaasadayn. Arrintan ayaa imaneysa xilli weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cowsweyne lagu laayey askar badan, ayada oo saraakiisha amniga ay sheegeen in tani ay ku timid talo-xumada wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). The post Xog: Ciidanka DF oo dib uga baxay Ceeldheer, Masagaway, Galcad, Wabxo iyo Budbud appeared first on Caasimada Online.
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Dhuusamareeb kaga qayb galay shirka golaha wadatashiga qaran ayaa dhaliilay islamarkaana gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu uga socdo Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Galmudug. Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka dawladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay degmada Wabxo ay halkaa ka baxeen, xilli weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cowsweyne lagu laayey askar badan. Lama oga sababata keentay in ciidanaka ay deegaankaas ka baxaan. Sawladda Soomaaliyana weli kama aysan hadlin. Wabxo ayaa leh istaraatijiyad muhiim ah, waana waddada loo sii maro degmada Ceelbuur oo Jimcihii ay ciidanka dawladdu kala wareegeen Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska dul qaadaan Al-Shabaab, si aysan ugu sii jirin gumeysi kale, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo badan ku sugan Dhuusamareeb, isagoo halkaa u tagay dhameystirka wajigii koowaad ee dagaalka Al-Shabaab iyo dardar galinta wajiga labaad. Sidoo kale Jubaland ayaa ka mid ah deegaannada ay dowladdu Soomaaliya iyo maamulkaasiba qorsheynayaan in wajiga labaad ee dagaalka looga saaro Shabaab aagagga ay ka haystaan. The post Axmed Madoobe oo dhaliilay sida uu ku socdo dagaalka ay DF kula jirto Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  20. MOGADISHU (HOL) — The African Union, Somalia, and the United Nations representatives are actively discussing the next phase of ATMIS troop withdrawal set for September. The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) plans to reduce its forces by 3,000 in the following month, building on their prior successful reassignment of 2,000 soldiers and the handover of six military bases to the Somali government in June. Source: Hiiraan Online
  21. Ceeldheer (Caasimada Online) – Xilildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay wararka sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay isaga soo baxeen Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud. Waxa uu sheegay in ciidamadu ay si buuxdo gacanta ugu hayaan degmadaasi, isla-markaana aanay waxba ka jirin inay soo banneeyeen degmada. Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo hadda ku sugan degmadaasi ayaa yiri “Aniga waxaan ku suganahay dhinaca Degmada Ceeldheer, waxaas waan maqlayay, laakiin waxba kama jiraan, aniga kula hadlayo ayaa ku sugan Degmada Ceeldheer.” Waxa kaloo uu yiri “Waxaan rabaa inaan u sheego guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Galmudug iyo Bariga Gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka inaysan jirin wararka sheegaya, ee ah in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo baxeen furimaha dhanka aniga aan ku suganahay.” Yaasiin Farey oo horey u soo noqday Kusimaha Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa iftiimiyay inaanu wax dhib ama culeys ah midna ka jirin degmadaasi. “Aniga ayaa ku sugan gudaha magaalada, waxaana jooga Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada deegaanka, oo ku filan difaaca degmada, aniguna magaalada gudaheeda ayaan deganahay, wax dhib ah ama culeys ah aan dareemayo haba yaraatee ma jirto,” ayuu yiri Xildhibaanka oo VOA la hadlay. Waxa uu sheegay in ay iska war qabaan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, isla-markaana aanay suurtagal ahayn in masuuliyiinta ay qorsheynayaan in ciidamada ay dib uga soo baxaan xeryaha ay ku leeyihiin degmadaasi. “Ma jiraan, ma jiraan oo wax dhici karta maba ahanba, degmadan waad la socotaa waxaa la qabtay bishii January ee sanadkan. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka aad baan uga war haynaa iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, wax hadda annaga aan ognahay oo in laga baxo ah Degmada Ceeldheer ma jiraan,” ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Farey. Xildhibaanka oo wax laga weydiiyay xaaladaha degmooyinka deriska la ah degmadaasi, sida Ceelbuur oo kale ayaa wuxuu sheegay in isagu uu ka warami karo oo keliya Ceeldheer iyo deegaanada ku teedsan. “Aniga inta aan ka war hayo waa degmadan hadda aan ku suganahay iyo deegaanada ku xeeran, dadkeedana way abaabulan yihiin, Ciidanka Xoogga Dalkana waa u diyaarsan yihiin, ciidamada deegaankana ayaga ayaa hadda gacanta ku hayo amniga iyo difaaca Degmada Ceeldheer,” ayuu yiri Yaasiin Farey oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa furimaha dagaalka. Saraakiisha Ciidamada iyo siyaasiyiinta deegaanka ayaa muddooyinkanba Degmada Ceeldheer ku diyaarinayay ciidamo loogu talagalay in ay qabtaan deegaanka Shaway, oo hoostagga Degmada Galhareeri, isla-markaana ay gacan ka gaystaan hawlgalka la doonayo in ciidamadu ay Shabaabka kaga saaraan Galhareeri, oo ah degmada qura ee ay xilligan Shabaabku kaga harsan yihiin Gobolada Dhexe. The post Xildhibaan Yaasiin Farey oo beeniyay warar laga faafiyey ciidamada jooga Ceeldheer appeared first on Caasimada Online.
  22. Wasaaradda Shaqo Gelinta oo Qabatay Kulan Lagaga Hadlayay Daryeelka Bulshada Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta furay kulan lagaga hadlayay daryeelka Arrimaha bulshada kaasoo ay kaso qayb galeen agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha dalka. Waxaana kaso qayb galay badiba agaasimayaasha guud ee waaaradaha dalka, kulankaas oo diirada lagu saarayey hir gelinta nidaamka daryeelka bulshada. Taas oo madaxwaynaha qaranka JSL, uu kusoo saaray wareegto madaxwayne oo dhaqan galka dhammaanba maamulka iyo maaraynta nidaamka daryeelka bulshada. Waxaana kulanka lagu falanqeeyey habsami u socodka arrimaha la xidhiidha nidaamka daryeelka bulshada. Kulanka ayaa kusoo dhamaaday sidii loo dardargelinlaha hawlaha shaqo ee daryeelka bulshada. Qaran News
  23. Ciidanka dowladda soomaaliya ee dhawaan la wareegay degmooyinka Wabxo, Ceeldheer, Galcad ilaa Cowsweyne ayaa lasoo warinayaa in ay dib uga soo baxeen degaanadaasi. Lama oga sababata keentay in ciidanaka ay deegaankaas ka baxaan, dowladda soomaaliyana weli kama aysan hadlin. Wabxo ayaa leh istaraatijiyad muhiim ah, waana waddada loo sii maro degmada Ceel buur oo jimcihii ay ciidamada dowladdu la wareegeen. Xogta ayaa intaas ku daraysa iney isa soo tarayaan wali tirada ciidamada Gor-gor ee soo baneenaya furimaha dagaalka, iyagoo si gaar ah u sheegaya iney tabanayaan isla xisaabtan la’aanta saraakiisha. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayay dhuusamareeb ayaa tilmaamay in dagaalka ka socda deegaanada Galmudug uu yahay mid gaabis ku bilaawday, islamarkaana xusay in howlgalka sida uu u socdo iyo sida looga hadlaayo aysan ahayn wax isku dhigma. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dib uga baxay degaano ka tirsan Galgaduud appeared first on Puntland Post.