Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Islamabad (Caasimada Online) – In a significant legal respite for former Prime Minister Imran Khan, a court in Pakistan dismissed a sedition case against him on Monday. “The charges are without lawful authority and are of no legal effect,” ruled the Balochistan High Court. The judgment arrives on the heels of Khan’s ongoing legal battle related to his corruption charges, for which he was imprisoned earlier this month. “The case had weak legs, to begin with,” Khan’s attorney, Naeem Panjutha, rejoiced on the messaging platform formerly Twitter, exclaiming, “God be praised.” Nestled in the heart of Quetta, the capital of Pakistan’s southwestern Balochistan province, the sedition case originated in March. The allegations centered on one of Khan’s speeches, accused of being seditious. However, the court found that the prosecution failed to obtain the necessary consent from federal or provincial authorities to bring the sedition charges forward. “The absence of such required consents means the case had no legal grounding,” emphasized legal analyst Abdul Wahab. Legal troubles The dismissed sedition case is merely a drop in the bucket for Khan, who has been entangled in multiple legal challenges since his downfall. Removed from power following a parliamentary vote of no confidence in April 2022, Khan has been a magnet for litigation. Charges against him range from corruption and terrorism to incitement of attacks against state institutions and even abetment to murder. For the uninitiated, sedition charges in Pakistan are uncommon and often wielded as a political tool. “Sedition laws have been a contentious issue in Pakistan, frequently used for settling scores rather than addressing actual crimes,” explained Shahid Afridi, a professor of Political Science at Quaid-i-Azam University. After his unceremonious exit from office, Khan’s relationship with Pakistan’s influential military soured, fueling the country’s already volatile political landscape.’ Khan’s political power With Pakistan grappling with an economic downturn considered among its worst, Khan’s efforts to galvanize public support have fomented further instability. Today’s decision could be a precursor to another crucial ruling. Later in the day, Islamabad’s High Court is slated to pass judgment on an appeal to suspend Khan’s three-year prison term for corruption. Regardless of the outcome, Khan is ineligible to run for political office for the next five years. Legal woes aside, the stage is set for a general election. Initially anticipated in November, the national vote is expected to be postponed until early next year due to the ongoing crises. Once a cricket hero before transitioning into politics, Khan is barred from the electoral arena, making it a race worth watching for domestic and international stakeholders. The post Imran Khan triumphs as court nullifies sedition case appeared first on Caasimada Online.
  2. Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal qaraar oo baqranimadii maanta ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaaladaas. Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda, balse isku u abaabulan hab beeleed, kuwaas oo ku waday degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay isku qabteen muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi, kadibna uu sidaas ku qarxay iska hor imaadka. Wuxuu dagaalka xoogiisa ka dhacay dhanka xiga xeebta, sida laga arki arko muqaallo iyo sawirro laga soo qaaday goobta dagaalka, kuwaas oo lagu baahiyay baraha bulshada. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ay waxyeelada soo gaartay ku jiro rayid. Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ku aadan dagaalka ka dhacay Marka. Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa lagu soo warramayaa in weli laga dareemayo magaalada, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan labada dhinac ee dagaalamay. Marka oo ah magaallo xeebeedka, sidoo kale xarun u ah gobolka Shabeelaha Hoose ayaa daganeyd sanadihii dambe, waxayna kamid ah degmooyinka laga saaray kooxda Shabaab. Si kastaba, ciidamada ayaa ku dagaalama inta badan Shabeelaha Hoose, waxaana u dambeeyay dagaalkii xooganaa ee dhowaan ka dhacay magaallo Baraawe ee gobolkaasi. The post Dagaal culus oo ka qarxay Marka iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  3. (Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!) AMISOM/ATMIS waxay ilaalinaysaa kuwa dalka boobaya ee kala qoqobay! Adiga yaa dadkaaga iyo dalkaaga kuu ilaalinaya?!… Dalka waxaa loo diyaariyay dhagar aad loo soo qorsheeyay oo si taxaddar ku jiro looga fekeray oo looga fiirsaday, looguna talo galay in lagu hantiyo taladiisa mustaqbalka fog. Markii la ogaaday inaan xoog iyo dagaal fool ka fool ah khasaaro mooyee aan waxba looga qaadeyn dadka Soomaaliyeed! Waxaa la sameeyay nidaam ay isku waafaqsanyihiin waxa Beesha Caalamka isugu yeera innagana magacaas laynoo baray xataa reer baadiyaheenna ay ku riyoodaan magacooda iyagoo u fahamsan inay yihiin gargaarayaal u kaalmeeya dadka Soomaaliyeed!… Waa laga yaabaa inaad marar badan aragto oday reer miyi ah oo dhibaato tirsanaya isagoo leh “Waxaan u sheegeynaa Beesha Caalamka!.. waxaan ka codsaneynaa Beesha Caalamka!” dalalka shisheeyuhu waxay magacaas u adeegsadeen nidaam dhagar ah oo ay wax kasta kaga sameysteen dalka wixii ay iyagu ku heshiin waayeen mooyee!… Qorshayaashaas waxaa ugu muhiimsanaa in dalka laga tirtiro isla markaasna laga fogeeyo siyaasaddiisa iyo taladiisa siyaasiga ama mas’uulka saykolojigiisa ama fikirkiisa, ama siyaasaddiisa laga garto ama laga dareemo Wadaniyad iyo inuu yaqaan ama garan karo Cadowga dalka! Waxaa loo qaadan karaa in arrintaas aad loogu guuleystay, guusha taas laga gaaray waxay fududeysay qaybihii kale ee qorshihii la rabay in dalka lagu qabsado, oo ay ka mid yihiin in dadka Soomaaliyeed muddo dheer lagu hayo kala qoqobnaantii ay colaaddu sababta u ahayd, oo xataa waxaa jira xogo mar hore soo baxay oo sheegayay in qeybo ka mid ah sir-doonka shisheeyaha ee dalka buux dhaafshay ay meelo badan ka abuureen jawi tuhun iyo kala shakin joogta ah dhex dhigay dadka, taasoo markaas looga dan lahaa in lagu dilo ama lagu tirtiro dareenka iyo nuxurka sokeeyenimo ee Soomaalinimmada ah ee isku haya dadka, isla markaasna ah tiirka midnimmadooda, waxaana lagu bedelay in xiriir kasta, wada hadal kasta, iyo wada tashi kasta oo dhex maraya Soomaalida ay xiriiriso waxa Beesha Caalamka loogu yeero, taasi waxay meesha ka saartay dhaqan waligiis soo jiray oo ahaa in Soomaalidu arrimaheeda aysan talo ku yeelan cid shisheeye ah, waxaana la oggoleysiiyay mas’uuliyiintii Soomaaliyeed shisheeyihii ay dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaanba ka qarsan jireen tallada! Heer la oggoleysiiyay in talada dalka ay la qeybsadaan dalalka deriska ah….Natiijada qorshahaas waxay si cad uga muuqataa sida gobol kasta uga go’doonsanyahay midka ku dheggan, iyadoo wali ay jirto in mid kasta tebayo waaxda ka maqan!…waan kaalin ay gabeen Dhallin-yarrada uu qalbigoodu caajisay sida qof gaboobay! Waxaa xusid mudan in shirkii Mbagaathi ee Soomaalida loogu qabtay dalka Kenya uu muhiim u ahaa dalalka shisheeyaha ahaa ee shirka daadihinayay oo ay ugu horeeyaan Itoobiya iyo Kenya in ka badan in Soomaalida la heshiisiiyo, waayo xubnaha erggada ee shirkaas fadhiyay oo ay ku dhammaayeen Qabqablayaal iyo siyaasiyiin heer kastaba ah, waxay dalalka shisheeyaha ah u adeegsadeen xarun lagu daraasadeeyo muddo labo sano ah shakhsiyadda siyaasiga Soomaaliyeed waxa ay tahay!…Muxuu ku fekeraa? Sidee u fekeraa? Maxaa muhiim u ah?! Ilaa heer intee la eg buu culeys ku hayaa xilka iyo adeegga uu dadka u hayo?!…Waxaana safiirrada iyo wakiillada ay dalalka shisheeyaha ah shirkaas u soo dirsadeen ka fara badnaa sir-doonka ciidammada iyo xeel-dheerayaasha la taliyeyaasha u ah dowladahooda. Waxaana shaki la’aan ah inay wax badan ka barteen, waana sababta ugu weyn ee fududeysay sida shisheeyuhu hadda ula dhaqmaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo iney kula dhiiradaan musuqmaasuq ama ay yiraahdaan dalkiina qeybo innaga siiya!.. Shirkaas intii uu socday waxyaabaha aad loo soo hadal qaaday oo aan ku jirin ajandayaasha shirka waxaa ka mid ahaa in laga hadlay in Soomaalidu tahay dad hal sinji ah, hal diin heysta, hal af ku hadla, sidaa daraadeed ay ku wanaagsanaan lahayd in sinjiyo iyo diimo kala duwan laga helo! Laakiin sidee lagu keenayaa?! Ergeda shisheeyaha ah ee shirkaas fadhisay, si bareer ah talo noocaas uma soo jeedin karin, hasa ahaatee waxay u soo mareen in dastuurka lagu daro qodobo suura gelinaya in diinta uu rabo qofka qaadan karo oo xor u yahay, in qofka isagoo Soomaali ah uu sinjiyad kale haysan karo, oo kulligood macno ahaan loo qeexayo inay yihiin qodobo ka mid ah xuquuqda aasaasiga ah ee qofka bini aadanka ah, laakiin danta laga leeyahay aysan taas ahayn! Hasa ahaatee, December 11, 2003, ergedii waxa Beesha Caalamka loogu yeero waxay shirka u soo jeediyeen in ergada shirka lagu daro xubno 7-11 lagu sheegay oo gaalo ah, kuwaasoo la sheegay in ay ka socdaan Ururka Bulshada Masiixiyiinta Soomaalida (Somali Christian Community) waxayna u ekeyd in lagu soo aadiyay xafllad labo munaasabadood oo laysku daray uu machadkii shirka marti geliyay ama ergeda shirka loogu qabtay ee Kenya College of Communication Technology uu ugu dabaal degay in shirka u buuxsantay muddo hal sano ah, iyo tii misiixiyiinta (Christmas) waxaana si adag uga hor yimid erggedii shirka fadhiday oo diidmo adag kala hor tegay. Diidmadaas waxaa ka dhashay inay erggadii shisheeyaha ahayd la timaado qorshe cusub, waxayna ku dagaalantay oo dadaal adag u gashay in la fududeeyo qawaaniinta qaadashada sinjiyadda Soomaaliya! Waxaa si cad oo aan la inkiri kareyn ergedii shisheeyaha ahayd ee daadihineysay shirka ay waxyaabo badan ku darsatay dhammaan qodobbadii lagu heshiiyay iyo diyaarintii dastuurka qabyada ahaa, waxaana hadal hayntu u badatay in loo baahanyahay in dalka Soomaaliyeed laga dhigo dhul ay deggenyihiin dadyow kala duwan… ujeeddad iyo waxa loo dan leeyahay waa wax iska muuqda! Waxaana jira in siyaabo badan la doonayo in dalka Soomaaliya laga dhigo mid ay ku noolyihiin dad kala duwan oo aan isku dhaqan ahayn, oo kala diin ah, oo haddii ay suuro gal noqoneyso dadka Soomaalida la gaarsiiyo heer looga tiro badanyahay dalkooda, waana qeyb ka mid ah qorshah ais dhex-galka dadka ee uu soo jeediyay kuna shaqeynayo Abiy Axmed…Feker!… Dhallin-yarro, hareerahaaga fiiri!… La Soco Beri The post Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 7aad appeared first on Puntland Post.
  4. Members of Somalia’s National Consultative Council have agreed to continue with a major military offensive against the al-Qaeda-affiliated al-Shabab militant group which began in August last year. Source: Hiiraan Online
  5. The U.S. military in Africa (AFRICOM) reported a “collective self-defense” airstrike against al-Shabab militants — killing 13 fighters in Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Libya's foreign minister has been suspended from office after it emerged that she met her Israeli counterpart in Rome last week. Source: Hiiraan Online
  7. Dhusamareb (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud concluded the two-day National Consultative Council meeting in Dhusamareb on Sunday, attended by Federal and four regional state leaders. Source: Hiiraan Online
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey) oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa ka hadlay howlgallada ka socda bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Ugu horeyn xildhibaanka oo horay usoo noqday taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda ayaa beeniyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga soo baxeen magaalada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, kadib markii wararkaasi lagu baahiyay baraha bulshada. Yaasiin Farey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi, wuxuuna sheegay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Ceel-dheer, ayna gacanta ku hayaan ciidamada huwanta. “Aniga waxaan ku suganahay dhinaca degmada Ceel-dheer waxaas waa maqlaayay waxna kama jiraan, aniga kula hadlaayo ayaa ku sugan Ceel-dheer waxaan rabaa inaan u sheego guud ahaan dadka Soomaaliyeed in aysan jirin wararka la sheegaayo ee ah in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay kasoo baxeen furimaha dhanka aan aniga hadda ku suganahay, marka warkaan waan maqlay, laakiin waxba kama jiraan” ayuu yiri Yaasiin. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada jooga Ceel-dheer ay u filan yihiin amniga iyo difaaca magaaladaasi oo dhowaan laga saaray kooxda Al-Shabaab. “Magaalada ciidan Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa jooga, ciidan waxaa jooga deegaanka ah oo ku fican difaaca degmada anigu marka gudaha magaalada ayaan daganahay wax dhib ah ama culeys oo aan dareemaayo haba yaraatee ma jiro” ayuu hadalksa sii raaciyay. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday weerarkii xooganaa ee ay maalin kahor Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswaye, isaga oo qiray inuu jiro khasaare soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, balse uu tilmaamay in dagaal sidiisu dhaliyo khasaare. Xildhibaan Yaasiin Farey oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi kusii daray in weerarkaas uusan saameyn doonaan gulufka dagaal ee haatan ka socda bariga gobolka Galgaduud. “Dagaal haddii uu dhaco natiijadiisa waa dhimasho iyo dhaawac marka meeshaas dagaal ka dhacay mana noqon doono dagaalkaas mid howlgallada socda ama hanka ay leeyihiin guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada qaranka dib u dhiga” ayuu yiri Farey. Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa haatan ka socda dagaal xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa Dhuusamareeb u tegay madaxweyne Xasan Sheekh. The post Maxaa ka jira in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen Ceel-dheer? appeared first on Caasimada Online.
  9. Musharaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Irro ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay shalay soo saareen gudida beesha bariga Burco. Waxa uu Cirro sheegay in ay xisbi ahaan iyo mushaarax ahaanba ay soo dhawaynayaan go’aamadii ay shalay ku dhawaaqeen gudida beelaha East Burco Clan waxana uu uu sheegay in guulddarada dhacday ay xukuumaddu ka masuul tahay. Waxa uu sheegay in aan la jarin xadhiga isku xidhaaya ummadda reer Somaliland isla markaasina ay ka wada shaqaynayaan wada jirka iyo isku xidhka ummadda Waxana uu soo jeediyay in ay cid kasta oo ay khusaysaa ay qaadato go’aankani waxana uu si qoto dheer uga hadlay midnimaada iyo wada jirka reer Somaliland. Warka shalay ee gudigu soo saareen ayaa u dhignaa sidani hoos ku qoran Hargeysa(Qaran)-Guddida Beesha East Burco Clan ayaa go’aamiyay in Somaliland laga qabto Doorasho isku sidkan oo ah madaxtooyo iyo Ururro wada socda 13ka Bisha November 2024. Waxa kaloo ay go’aamiyeen in shan maalmood gudahood lagu kala diro jabhada hubaysan ee Gacan-libaax, isla markaana madaxweynuhuna cafiyo. Qoddobada kale ee ay soo saareen waxa ka mid ah; in saddexda Xisbi ee imika jiraa ay galaan doorashada madaxtooyada. Sidoo kale Guddida East Burco Clan waxay go’aamiyaan in beelaha West Burco Clan bixiyaan ciidankii lagu laayay Go’da yar oo laga xukumay 120 Halaad. Si gaar ah waxa konton halaad oo dheeraad ah laga xukumay sarkaalkii Maydkiisa madaxa lagaga joogsaday. Waxa ay magtaas u qabteen in lagu bixiyo muddo 3 Bilood gudahood ah. Guddida ergadu waxa kaloo ay go’aamiyeen in hantidii iyo basbuurtii jabhada Gacan-libaax qabsadeen lagu soo wareejiyo gacanta dawladda Somaliland Qaran News
  10. Shacabkii ka bara-kacay colaaddii Laascaanood ayaa Todobaadkan bilaabay in ay dib ugu laabtaan magaaladoodii. Wararka ayaa sheegaya in qoysaskii ka bara-kacay dagaalka ay hadda dib ugu laabanayaan Laascaanood kadib markii ciidamada Somaliland laga saaray Gooja-cadde. Madaxweynaha SSC-khaatumo oo habeen ka hor shir jaraa’id ku qabtay Laascaanood ayaa shacabka ugu baaqay in aysan magaalada ku laaban inta laga nadiifinayo haraaga madaafiicdii lagu duqeeyay ee aan weli qarxin. Madaxweyne Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in haraadiga madaafiicda yaalla Laascaanood ee aan weli qarxin ay khatar amni ku yihiin dadka soo laabanaya islamarkaana laga feejignaado arrintaas. PUNTLAND POST The post Shacabkii oo dib ugu laabanaya Laascaanood xilli aan weli laga nadiifin haraaga madaafiicda aan qarxin appeared first on Puntland Post.
  11. Kismayo (HOL) - The U.S. military command in Africa has said it conducted an airstrike in southern Somalia that killed 13 al-Shabab militants. Source: Hiiraan Online
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeediyay xirtaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaranak ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka adag ee lagu jiro kooxda Shabaab. Axmed Madoobe ayaa marka hore boggaadiyay doorka madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan hoggaaminta dagaalka Al-Shabaab ee uu haatan u joogo Galmudug. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dheeraaday ka hadalka dagaalka Al-Shabaab, isaga oo saadaaliyay waxa dhici kara, haddii laga adkaan waayo kooxdaa. Waxa uu tilmaamay in haatan hubka la wato ay u diiwaangashan yihiin dowladda, haddii uu dhab noqon waayana dagaalka uu meesha ka baxayo hubkaasi, kadibna ay fursad weyn heli doonto kooxda, isaga oo ku baaqay in loo midoobay sifeynta xoogaga Al-Shabaab. “Haddii dagaalka Al-Shabaab sida uu yahay dhab u noqon waayo qoriga sumadda leh sidaa uma sii heysan doontaan qoriga dowladda ayaa leh wey qaadan doontaa qabiilna qori ma lahan marka ogaada dowladnimada ayaa fiican” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska dul qaadaan Al-Shabaab, si aysan ugu sii jirin gumeysi kale, sida uu hadalka u dhigay. “Inta waligaa lagu gumeysan lahaa waxaan qabaa in dadku inay dagaalamaan, aan ka dhabeyno oo aan garano ciidankaas dagaalka ku jiraahi waxa ay u baahan yihiin waa shacabka sideedaba shacab ayaa dagaalama” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale xusay in Al-Shabaab ay hadda sii dhammaanayaan, sidaas daraadeedna uu ku talinayo in qof kasta uu ka qayb qaato dagaalka haatan socda. “Waxay u baahan yihiin maanta nimankaan Khawaarijta ah kacdoon shacab oo la is wada daba galo” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo uu haatan meel wanaagsan marayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay dowladda Soomaaliya ka gaartay guul aad u weyn, marka la eego maamullada HirShabelle iyo Galmudug oo kooxda laga saaray dhul balaaran. The post Axmed Madoobe oo saadaaliyay waxa dhici kara haddii laga adkaan waayo Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga dhex-dhexaadinya ee ay hoggaaminayeen odayaasha dhaqanka ee u istaagay xal u raadinta Somaliland ayaa soo saaray go’aanno culus iyo talooyin guud oo ku aadan doorashooyinka kusoo foodka leh maamulkaasi. Eregada dhex-dhexaadinta ayaa go’aamiyay in la isku sidko doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada, oo ay haatan isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda Biixi. Go’aankan ayaa waxaa durbo soo dhaweeyay xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan Cabdiraxaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa. Cirro oo ah musharraxa xisbiga Waddani ayaa shaaca ka qaaday inay aqbaleen go’aannada ay soo saareen ergada ee lagu jiheynayo doorashooyinka Somaliland “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca xisbiga Waddani dhamaantii waxaan halkan ka caddaynayaa in aanu aqbalay go’aannadii ay xalay soo saareen ergada dhexdhexaadinta waday ee beelwaynta Habar-jeclo” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale wuxuu weerarka afka ah ku qaaday madaxweynaha, isaga oo tilmaamay in uusan xoog ku heysan karin xukunka, ayna ka sugayaan in doorashada uu dhexda dhigo. Waxaa kale oo uu farriin u diray xubnaha Golaha Guurtida iyo kuwa Wakiilada, isaga oo ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan doorashada Somaliland. “Xisbi ahaan waxaanu ku adkaynaynaa Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada, in la dhamaystiro dhamaan qabyooyinka sharci, dalka nina xoog kuma haysan karo, nin kalena qori caaradii ku iman karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay musharrax Cabdiraxmaan Cirro. Dhankiisa guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray go’aannada kasoo baxay guddiga dhex-dhexaadinta ee u istaagay khilaafka siyaasadeed ee Somaliland “Hadaanunahay xisbiga cadaalada iyo daryeelka, waxaanu doonaynaa in aanu idin ogaysiino in aanu soo dhawaynay go’aankii guddida, anaga kiniin qadhaaq ayuu nagu ahaa, lakiin waxa la yidhi hadii shaadhkaaga lagugu qabsado waa laga gar baxaa” ayuu yiri. Si kastaba, waxaa haatan laga dhowrayaa jawaabta xukuumadda madaxweyne Biixi iyo xisbigiisa Kulmiye ee ku aadan go’aannadaas laga soo saaray doorashada Somaliland. The post Go’aanno laga soo saaray doorashada Somaliland iyo mucaaradka oo ka falceliyay appeared first on Caasimada Online.
  14. ISIS militants have almost doubled the territory they control in Mali in less than a year amid stalled peace efforts, United Nations experts have said. Source: Hiiraan Online
  15. A 32-year-old man pleaded not guilty after he was charged with attempted rape on Sunday morning. Source: Hiiraan Online
  16. PARIS: French authorities are to ban the wearing in school of abaya dresses worn by some Muslim women, the education minister said on Sunday, arguing the garment violated France’s strict secular laws in education. Source: Hiiraan Online
  17. Partners urge sides to end mobilization of fighters, refrain from divisive statements as fighting continues between Somaliland, local clans in Laascaanood Source: Hiiraan Online
  18. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaranka oo soo gabagabeeyey shir laba maalmood uga socday Dhuusamareeb ayaa bayaankooda ku soo daray qodobo ay kaga hadleen colaada ka taagan gobolka Sool ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo. War-murtiyeedkii golaha qeybta ku saabsan colaada Sool waxaa lagu bilaabay “Goluhu wuxuu adkaynayaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.” Sidoo kale golaha ayaa walaac ka muujiyey colaada sii dheeraaneysa, xilli maalin ka hor ciidamada Somaliland dagaal looga qabsaday saldhiggii ugu weynaa ee Goojacadde. “Goluhu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay colaadda ka taagan Sool, wuxuuna ugu baqayaa labada dhinac in ay isxakameeyaan, kana fogaadaan talaabooyin sii dheereyn kara colaadda,” ayaa lagu yiri bayaanka. Sidoo kale golaha wadatashiga qaranka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo badqabka maxaabiista lagu kala qabsaday dagaalka. “Goluhu wuxuu ugu baaqayaa labada dhinacba inay ilaaliyaan xuquuqda maxaabiista,” ayaa lagu yiri bayaanka. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa sidoo kale ku baaqay in la fududeeyo gargaarka bini’aadanimo ee dadka ku barakacay colaada. “Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in si degdeg ah loogu gurmado dadka ku barakacay dagaallada Sool,” ayaa lagu yiri nuqulka bayaankii shirka Dhuusamareeb ee looga hadlay colaada u dhaxeysa Somaliland iyo Khaatumo. The post Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka hadlay mowqifkooda DAGAALKII Goojacadde appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan haatan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo ku taageeray dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud. Ducaale ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu jiro xaalad dagaal oo ay ka wada qayb-qaadanayaan dowladda federaalka iyo shacabka, si meesha looga saaro Al-Shabaab. “Dalku dagaal ayuu ku jiraa, dowladu dagaal ayey ku jirtaa, dadkuna dagaal ayey ku jiraan. Caddowga lala dagaalamayo waa Khawaarijta dhibaatadeeda nagu qaan gaartay oo hortaagan nolosha dadkeena, jiritaankeena iyo dowladnimadeeda” ayuu yiri Ducaale. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in taageero weyn loo muujiyo ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka, si loogu muujiyo hiil, hoo iyo ducaba. “Maanta waxaa noo muuqata dowlad iyo shacab dagaalka ku wada jira. Haddii faltan dhaco waa sunaha dagaalka in Geesiyaal badan lagu waayo, qaar dhawacmaan, hantina ku burburto. xilliga dagaalku socdo inta aan furinta ku jirin waxaa laga rabaa hiil, hoo iyo duco” ayuu mar kale qoraalkiisa sii raaciyay xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale). Dhanka kale, xildhibaanka oo u jawaabay siyaasiyiinta duraya dowladda, kadib weerarkii Cowswayne ayaa digay in siyaasad laga dhex raadiyo guul darrada soo gaartay ciidamada Xoogga dalka, ayada oo laga raadinayo dhibco siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaasi kusii daray in muhiimadda koowaad ay tahay in garab istaag loo muujiyo ciidamada huwanta ee u dagaalamay xoreynta dalka. “Xaaladdaan oo kale dhibco siyaasadeed lagama raadiyo, tashwiish laguma furo difaacayaasha dadka iyo dalka. Waxaa kaliya noo furan inaan u istaagno sidii aan ciidamadeena Geesiyaasha Qaran ah u taageeri lahayn, u dhiirigelin lahayn, una dareensiin lahayn inay leeyihiin mas’uuliyiin iyo Dadweyne istaahila naf-hurnimadooda” ayuu sii yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada falcelin xoogan ay ka dhalatay weerarkii ay maalin kahor kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne, kaas oo khasaate lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada huwanta, laguna dhaliilay dowladda dhexe. The post DUCAALE oo taageero u muujiyay Xasan Sheekh, una jawaabay…. appeared first on Caasimada Online.
  20. MUqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Balse, iskaashi difaac-wadareedka Itoobbiya iyo Kenya gacan uga gaysan lahaayeen dagaalka argaggixisada ayaan u muuqan mid tabaabushihiisii fari ka qodnayn. Dib u dhaca oo hadal hayn abuuray ayaa loo aanaynayaa culays Itoobbiya iyo Kenya ka haysta gudaha. Arrinku waxuu shaki macquul ah gelinayaa in difaac-wadareedka safka hore sidiisaba lahaa qorshe muddo gaaban miro wax ku ool ah lagu gaari karo. Daciifnimadiisa waxaa ka mid ah inaan si rasmi ah axdi wadajir ah loo gelin, taas oo muujinaysa dabeecada cakiran iyo caqabadaha hortaagan gobolka. Soomaaliya oo iskeed isku tashatay ayaa taniyo August 2022, weerarro rogaal celis ah ku muquuninaysay argagixisada gobollada Hirshabeelle iyo Galmudug si ka wanaagsan hawlgalladii Midowga Afrika. Guusha ayaa soo dedejisay in Muqdisho lagu riixay February 2023, heshiis malaha diiradda saaraya wax aan dan u ahayn Soomaaliya [maareeynta khatarta Al-Shabaab]. Inkastoo, Mareykanku uu gacan ka gaystay tababarka cutubyada Danab iyo dagaalkaba, haddana waxaa muuqata in uusan beddelin siyaasaddiisii “xakamaynta” dalka. Dareenka guud ayaa ah in hindisaha difaac-wadareedka safka hore looga gol lahaaba in Kenya loogu damaanad qaado inaan lagu eegin argaggixisada loo riixayo soohdimaha. Dabcan, dadaalku waxuu ku soo beegmay waqti xasaasi ah, waxaase la isla dhexmarayo in reer Galbeedku u adeegsaday fursadda inuu ku go’doomiyo Eritrea oo ka madax adeegtay ajandahooda Geeska Afrika. Waxaa la yaab leh in Soomaaliya iyo Kenya oo isku waafiqi la’ sidii loo hirgelin lahaa xukunkii Maxkamadda ICJ wada galaan heshiis difaac. Inkastoo dhalanteed uu u muuqdo difaac-wadareedka safka hore, haddana Kenya ayaa sheegtay inay kala bixi doonto Soomaaliya ciidamadda, si ay ugula dagaallamaan argaggixisada gudaha dalkooda. Kenya waxaa weli ka jooga Soomaaliya ciidan kor u dhaafay 4 kun oo iskugu jira kuwo ka tirsan ATMIS iyo kuwo si sharcidarro ku soo galay 2011kii. Dib u gurashada degdegta ah waxaa keenay khatar ku soo fool leh oo aan horay loo arag. Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa rumaysan in difaac wadareed saamaxaya mar kale oo ciidamo shisheeye soo galaan dalku uusan xal waara u noqon karin dhibaatada loo maaro la’yahay ee asalkeedu ka dhashay duullaankii Itoobbiya (2006) iyo Kenya (2011). “Taasi waa sidii argaggixisadu rabtay waxayna kicin kartaa xagjirnimo hor leh oo halis gelisana xasilloonida yar ee la haysto,” ayuu yiri sarkaal xog-oggaal ah. Haddaba, su’aasha taagan ma ah, Soomaaliya keligeed ma ka bixi kartaa dagaalka, ee waa sidee guulo muhiim ah loo gaari karaa muddo macquul ah? Dadku diyaar uma aha in si degdeg ah loola hadlo argaggixisada, walow uu u muuqato in xabad keligeed aysan xal ahayn, xulufada Soomaaliyana [Mareykanka, Qadar, iwm.] sugi la’dahay in la raadiyo xeelad aan militeri ahayn. Istratiijiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa ah in la sii wiiqo argaggixisada [dhaqaale iyo ciidanba] si miiska wadaxajoodka loogu gaaro wax la taaban karo mustaqbalkana cid kale iskugu dayin in qori u adeegsato wax nabad lagu heli karo. The post Duulaan wadareedka safka hore – waa dhalanteed aan suurtagal ahayn (Faallo) appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in sarreynta caddaanka aysan meel ku laheyn dalkaasi,ka dib weerar ku saleysan cunsuriyad oo lala beegsaday dad madow ah oo ka dhacay Florida. “Waa inaan si cad oo xoog leh u sheegnaa in sarreynta cadaanka aysan meel ku lahayn Ameerika,” Madaxweyne Joe Biden ayaa ku yiri hadal uu soo saaray Axaddii. Hadalada madaxweynaha ee lagu dhaleeceynayo toogashada 3 ruux oo madow ah ayaa yimid,xilli loo dabbaaldegayey munaasabadda sannad-guuradii 60-aad ee xuska Martin Luther King oo ka tagay halkudheg caan noqday oo ahaa “Waxaan leeyahay riyo”. Boqolaal qof ayaa isugu tagay Kaniisadda,si ay baroor-diiq ugu sameeyaan saddex qof oo Madow ah oo uu xaafadda Jacksonville ku dilay 21 caddaan ah oo lagu magacaabo Ryan Palmer . Sadexda ruux ee la dilay ayaa kala ahaa Angela Michelle Carr, oo 52 jir aheyd, AJ Laguerre oo 19 jir ah iyo Jerrald Gallion oo 29 jir ah. PUNTLAND POST The post Joe Biden “Sarraynta Caddaanku boos kuma leh Maraykanka” appeared first on Puntland Post.