-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xiisad colaadeed ayaa saaka oo Sabti ah laga sheegaya degmada Oog oo ay ku sugan yihiin firxadka ciidamadii Somaliland ee ku jabay dagaalkii Laascaanood. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiya-beeleed ururis ah lagu biiriyay firxadkii ciidamada Somaliland ee ku sugan Oog islamarkaana ay halkaas ka wadaan dhaq dhaqaaq iyo abaabul dagaal. Saraakiisha ciidamada Somaliland ee dhaq dhaqaaqa ciidan ka wada Oog ayaa doonaya in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan dhinaca Salinta Guumays oo ay joogaan ciidamada SSC-Khaatumo. Dhaq dhaqaaqa saaka laga dareemayo Oog ayaa imaanaya kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu dhawaan ku hanjabay in ay ka aar-gudan doonaan ciidamada SSC ee ku jebiyay dagaalkii Gooja-cadde. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaqaaq iyo abaabul dagaal ka wada degmada Oog appeared first on Puntland Post.
-
New-born baby gorillas in Rwanda have been named - one by Hollywood star Idris Elba and his wife - in a much-vaunted annual event to promote conservation and tourism. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay qoraal uu shalay soo saaray madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo uu si adag uga hadlay weerarkii Cowswayne oo ay ku baxeen saraakiil iyo askar badan, oo la sheegay in ay ku timid talo-xumada masuuliyiinta qaar. Shariif ayaa waxa uu sheegay in aan laga sii aamusnaan karin qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa, ayna tahay in masuuliyadeeda qaataan dadka ay quseeyso. “Masuuliyadiisa waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu soo saaray. Sidoo kale waxa uu yiri “Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka.” Shariif ayaa dalbaday in aan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, islamarkaana la siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen. Haddaba sidee looga fal-celiyay hadalka Shariif? Saalax Haashim Axmed: “Alleyle mudane Madaxweyne waad haleeshay dayaca jiro dhinaca ciidanka ah. Inkastoo aad ka yara gaabiseen, hadana waa arin soodhawayn mudan ka hadalkeeda.” Cabdishakuur Axmed ayuu yiri “Danta Soomaaliya waxaa ugu muhiimsan in hebel fashilmo. Very sad!.” “Madaxweyne wiilasha dhintay wax laga aamusi karo maahan dayacii loo geestay,” ayuu yiri Yuusuf Maxamed Xasan. Axmed Xasan: “Madaxweyne waad asiibtay. Intaa ayaa talo ugu filan.” Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waxaan waa boor isku qaris.” “Booskii lagaaga baahnaa kama soo bixin Sheekh Shariif, meeshi aan kaa maleysaneenay iyo meeshaad soo istaagtay kala dheer,” ayuu yiri Maxamed Daahir. Mahad Wabar: “Mahadsanid mudane madaxweyne waa garab taaganahay ciidanka qaranka Soomaaliyed.: Cabdiqaadir Maxamed ayaa isna waxa uu yiri “Madaxwayne wax magaaratadaan ha u joojin isu qaba inay dadka ugu caqli badan yihin.” “Adeer waxaa tahay mucaarad aan wax mabda laheyn,” ayuu yiri Yaxye Cabdullaahi Xasan. Cabdullaahi Cawil: “Yaa kaso dhex hadlaayo walaalow iscadey oo muuqaal soo duub.” “Madaxweyne waad asiibtay. Intaa ayaa talo ugu filan,” ayuu yiri Axmed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka madaxweynihii hore ee dalka. Axmed Xasan: “Madaxweyne waad asiibtay. Intaa ayaa talo ugu filan.” The post Sidee looga fal-celiyay qoraalkii Sheekh Shariif? appeared first on Caasimada Online.
-
Dalka Kenya oo doonaysa inay qaadkeeda u iibgeyso Israa’iil
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Beeraleyda qaadka ama Miraa ee kenya ayaa suuq cusub oo qaadka ay geeyaan ka helay bariga dhexe ka dib markii ay waayeen mid ka mid ah labadii suuq ee ugu weynaa baayac cmushtarkooda. Ganacsatada qaadka ayaa bilaayiin Shilin ka heli jiray UK iyo Soomaaliya oo ahaa labadii suuq ee ugu weynaa. UK ayaa dalkeeda ka joojisay qaadka iyadoo ku dartay 2014-kii in uu ka mid yahay maandooriyayaasha, halka Soomaaliyana ay xayiraad saartay inkastoo hadda la qaaday. Beeraleyda, ganacsatada iyo hoggaamiyayaasha Meru ayaa hadda si weyn u raadinaya suuqyo hor leh ka dib markii ay sheegeen in ay casharo ka barteen markii ay joojisay Soomaaliya oo ay si weyn ugu tiirsanaayeen. Ururka beeraleyda iyo ganacsatada iyo guddoomiyahooda Kimathi Munjuri ayaa la filayaa in ay Tel-Aviv ku soo bandhigaan ganacsigooda bishan September. Mr. Munjuri wuxuu sheegay in ay ka qeybgalayaan bandhigga Agro Mashow ee Israel kaas oo ay geynayaan dalagyo kala duwan. Ku simaha agaasimaha guud ee hay’adda beeraha Kenya Willis Audi ayaa sheegay in Israel ay tahay meel muhiim ah oo wax soo saarka beeraha Kenya loo dhoofin karo. Kenya ayaa muddo dheer u dhoofin jirtay Israel qaxwaha, shaaha iyo ubaxa. Markii dib loo furay qaadka tagi jiray Soomaaliya waxaa la filayay in uu kor ku kaco balse beeraleyda qaadka iyo ganacsatada waxay sheegeen in ay sidaan noqon. qaadka ugu badan ee laga cuno Israel waxaa uu uga yimaadaa Ethiopia, waana suuq weli la geyn karo noocyada kale ee qaadka. Yaa isticmaala qaadka laga cuno Israel khat XIGASHADA SAWIRKA,AFP Inkastoo dalal badan oo reer galbeed ah uu sharci darro ka yahay qaadka hadana ma jiraan wax xannibaad ah oo ku saabsan iibinta ama qeybinta gudaha Israel. Ganacsato badan ayaa u arka in ay tahay fursad ay khaatkooda ku geyn karaan suuq cusub oo weli la geyn qaadka Kenya. Maadama qaadka laga ogol yahay Israel ayaa waxaa dhacday in dad badan oo haysta dhalashada Isreal lagu xiro meelaha aan laga ogoleyn sida dalalka reer galbeedka. Qaadka Isreal la geeyo waxaa cuna inta badan Yahuudda ka timid Yemen waxayna ugu dhawaaqaan “Gat”, inta badan waxay cunaan xiliyada ay nasanayaan. Qaadka waa laga ogol yahay Isreal hadii aad caleemahiisa cuneyso balse waa sharci darro hadii aad badasho oo walxaha ku jiro ka soo saarto. Sanadkii 2012-kii ayey Isreal ku dhawaaqday in uu sharci darro yahay cabitaan laga sameeyay qaadka, waxayna ku tilmaameen in uu yahay maandooriyaha ugu khatarsan. bbcsomali Qaran News -
Maxaas (Caasimada Online) – Ciidamo oo isugu jira kuwa Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa ku qulqulaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Ciidamada oo ay horkacayaan mas’uuliyiin kala duwan oo deegaanka ah ayaa ku qulqulaya degmadaasi, iyadoo laga jawaabayo baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee ahaa in dadka reer Hiiraan ay kaalin mug leh ka qaataan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo uu hoggaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ay gelinkii dambe ee Khamiistii gaareen degmadaasi. Ciidamo kale oo uu wato Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa iyana la soo sheegaya in xalay ku hoydeen degmadaasi. Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in xubno kale oo ku dhow dhow Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan iyo ciidamo ay horkacayaan ay qayb ka yihiin masuuliyiinta gaaraya degmadaasi. Magaalada Beledweyne ayaa xudun u ah abaabulka ciidamada faraha badan ee gaaraya Degmada Maxaas, halkaas oo la filayo in uu gaaro Madaxweynaha Dowladda Federaalka. Dhanka kale masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug oo ka ambabaxay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa la sheegaya in sidoo kale ay gaareen degmadaasi. Maxaas ayaa mar kale lagu diyaarinaya ciidan xoog leh, oo la doonayo in ay dhanka waqooyi ka weeraraan Magaalada Ceelbuur iyo deegaanada hoostagga, ka dib markii uu guuldareystay qorshihii hore ee lagu xaqiijinayay amniga deegaanada iyo tuulooyinka ku teedsan magaaladaasi. Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka oo 25-kii bishii August la wareegay gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur ayaa maalmo ka dib soo banneeyay magaaladaasi, ka gadaal markii ciidamadii jihooyinka bari iyo koonfureed kaga sii siqaayay magaaladaasi aanay xaqiijinta amniga dhulkii la doonayay in ay qabtaan. Kala shaki ciidanka dhexdiisa ah oo markii horeba jiray ayaa si rasmi ah u soo ifbaxay, ka dib weerarkii xooganaa ay Shabaabku Sabtidii ku galeen deegaanka Cowsweyne ee gobolkaasi Galgaduud. Ciidamada ayaa wixii weerarkaasi ka dambeeyay dib uga soo gurtay degmooyin iyo deegaano dhaca Galmudug, oo kol sii horreysay laga saaray Al Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku hanjabay in la joogo, xilligii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka la siiyay ee ku takri-falay. Saraakiisha Ciidamada Militariga ayaa hadda wada qaabeynta iyo qorsheynta istiraatiijiyaddii ay ciidamada ku qaban lahaayeen dhulka maqan ee Gobolada Dhexe. The post Wararkii ugu dambeeyey ee ciidamada Maxaas ku qul-qulaya iyo qorshahooda appeared first on Caasimada Online.
-
Go’aamo Xab Joojin ah Oo La Dhex Dhigay Beello Ku Dagaalamay Degmadda Ceel-Afweyn Ee Gobolka Sanaag Xukuumadda Somaliland Oo Go’aamo ka soo Saartay Shaqaadda Ceel-Afweyn Cceel-Afweyn (Qaran news):-Wefti ka socday xukuumadda Somaliland oo hawlo nabadayn ah u joogay degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag oo ay dhawaan laba beelood shaqaaqo ku dhex martay ayaa go’aamo Xabad joojin ah kala dhex dhigay labadaa beelood. Waxaana weftigan hogaaminayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Giirre, iyadoo na ay ka mid ahaayeen wasiirka Diinta, iyo Awqaafta Somaliland, badhasaabka gobolka Sanaag, xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda, iyo iyo maamulka degmadda Ceel-Afweyn. Xubnahan masuuliyiinta ah ayaa awaamiir ay soo saareen dul dhigay labadda dhinac ee ay shaqaaqadu u dhaxayso, kuwaasoo todobaadyadan danbe ay dad ku kala dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen dagaal beeleedkaasi. Go’aamadani ayaa gobol xaadh u noqonaya in la guddo gallo sidii heshiis nabadeed loo dhex dhigi lahaa beelahani, iyadoo na la filayo in ay maalmaha soo socda degmadda Ceel-Afweyn gaadhaan ergooyin kala duwan oo isugu jira madax dhaqameed, iyo ergo ka socota golaha Guurtidda Somaliland si ay uga qayb qaataan xalinta colaadda beelahaasi u dhexaysa. Wasiirka wasaaradda Diinta, iyo Awqaafta Somaliland Al-baani, oo halkaa ka akhriyay go’aamadda ay soo saareen ayaa sheegay in amaanka goobaha lagu dagaalamay ay la wareegeen ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo uu wasiir Al-baani, tilmaamay in la faray waxgaradka iyo waayeelka labadda dhinac in ay ciidamadda qaranka ku gacan siiyaan sugida amaanka, isla markaana ay mamnuuc tahay in la abaabulo, ama la ururiyo ciidan beeloodyo. Waxaanu xusay in cidii arrimahaa ku kacda ay ciidanku amar buuxa ku haystaan inay waajibkoodda ka gutaan. Waxaanu yidhi “Xabad joojintaasi aanu maanta, halkan ku xidhnay, waxgaradka labadda beelood ee dirrirtu dhex martay waxaanu faraynaa in ay ku dhawaaqaan in ay qaateem go’aamadani. Waxa kaloo aanu ku wargelinaynaa labadda dhinac, in amaanka goobaha lagu dagaalamay ay la wareegeen ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanan faraynaa labadda dhinac in ay ciidamadda qaranka ku gacan siiyaan sugida amaanka. Waaa mamnuuc ah, oo reeban in la abaabulo, ama la ururiyo ciidan beeloodyo. Ciddii arrimahaa ku kacda na ciidanku wuxuu amar buuxa ku haystaa inuu waajibkoodda ka guto. Ciddii Qori la soo baxda, ee doonaya in ay nabad-geliyadda khal-khal geliyaan, waxay ciidamadda qaranku amar ku haystaan in ay ka qaadaan, isla markaana ay qofka tallaabadda ku haboon ka qaadaan. Dhallinyarada na waxaan leeyahay ka waantooba, Maskaxda mar walba ku jirta ee ah in ay ku kacaan waxyaabo nabadda wiiqaya. Waxaanu soo dhawaynaynaa dhamaanba ergooyinka kala duwan ee ku soo qul-qulayaan deegaankani, oo u imanaya in ay nabadda ka qayb qaataan”. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Siciid Giirre, ayaa isna sheegay in ay soo dhawaynayaan go’aamadan ay xukuumadu soo saartay ee nabadda lagaga dhex dhalinayo labadan beelood. Waxaanu ugu baaqay waxgaradka, iyo odayaasha labadda beelood in ay si buuxda u qaataan go’aamadan Xabad joojinta ah ee ay weftigani xukuumadda ka socdaa soo saareen. Waxaanu yidhi “Waxaanu soo dhawaynaynaa, oo aanu taageersan nahay go’aamadan ay xukuumadu soo saartay, ee nabadda lagu dhex dhigayo labadan beelood. Waxaan u soo jeedinayaa labadda dhinac, in ay qaataan Xabad joojinta, oo ay bad-baadiyaan dadkooda isku dhimanaya. Dhibaato inta dhacday baa ugu filan, in caqligu shaqeeyo, oo Aarsiga la joojiyo. Waxa kaloo aan soo dhawaynayaa cid kastoo ka mid ah ergooyinka arrinta nabadaynta beelahan u soo socda, oo ay ka mid yihiin guddiyadda beelaha, iyo golaha Guurtidda Somaliland”. “Iyadoo aan og nahay xaaladda uu maanta wadankeedu ku jiro, in Ceel-Afweyn, lagu dagaalamo, waa Gun-nimo, iyo garasho xumo, waana wax aanu aad uga xun nahay. Waxaan u mahad naqayaa cid kastoo gacan naga siisay hawshani, oo ay ugu horeeyaan ciidamadda qalabka sida, madaxweynaha qaranka oo Habeen, iyo maalin ba nagala soo xidhiidhayay halka ay marayso hawshu. Waxaan si gaara ugu mahad celinayaa taliyaha ciidamadda booliska oo isna intii aanu halkan joognay, mar walba nala soo xidhiidhayay. Waxa kaloo aan u mahad celinayaa ergadda ka timid gobolka Sanaag, oo uu hogaaminayay guddoomiyaha gobolka Sanaag” ayuu yidhi guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland. Siciid Giirre, ayaa ugu danbayn ugu baaqay madax dhaqameedka labadda beelood ee shaqaaqadu dhexmartay in ay aqbalaan go’aamadan Xabad joojinta ah, si wadahadalka colaadda lagu xalinayo loo mudeeyo. “Ugu danbayn, waxaan ugu baqayaa waxgaradka, waayeelka, culimaw-diinka, cuqaasha, iyo odayaasha labadda beelood ee walaalaha ah, in ay qaataan Xab joojinta, iyo wadahadalka in la mudeeyo, oo miiska wada hadalka la isugu yimaado, oo arrinta laga xaajoodo, oo Dhiiga dadka walaalaha ah la bad-baadiyo” ayuu yidhi Siciid Giirre. Geesta kale badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, ayaa isna faah-faahin ka bixiyay qodobadda Xabd joojinta ah ee ay xukuumadu ka soo saartay colaada beelaha Ceel-Afweyn u dhaxaysa, isagoona tilmaamay in ciidanka qaranku ay amar ku haystaan in cidii lagu arko abaabul dagaal in ay tallaabo ka qaadaan. Badhasaabka Sanaag, oo go’aamadaasi sharaxayayna waxa uu yidhi “Waxaanu halkan ku shaacinaynaa Xabad joojin buuxda oo aanu farayno, labadda dhinac ee shaqaaqadu u dhaxayso, in ay qaataan, fuliyaana, si buuxdana u aqbalaan go’aamadda aanu soo saarnay. Waxaanu ku wargelinaynaa bulshadda degmadan Ceel-Afweyn, in ciidanka amaanku si buuxda ula wareegay amaanka degmadda, isla markaana aan la arki Karin qof shacab ah oo Qorri sita. Cidii arrintaa lagu arkana wuxuu ciidanka qaranku amar ku haystaa inuu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado. Lama arki karro ciidan beeleed urursan, ama u abaabulan si dagaal, oo hubaysan, waxaanay ciidanka qaranku amar ku haystaan in ay cidii lagu arko abaabul dagaal in ay tallaabo ka qaadaan. Waayeelka, iyo waxgaradka labadda beelood, waxaanu faraynaa in ay arrimahan sida ugu dhakhsaha badan uga shaqeeyaan, isla markaana hirgeliyaan”. Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana laga soo doorto gobolka Sanaag, oo isna weftigaasi qayb ka ahaa ayaa tilmaamay in ay daacad ka yihiin sidii beelahaasi nabad-geliyo looga dhex dhalin lahaa. Dhinaca kale waxaa iyagna halkaa ka hadlay xildhibaano kale oo ka tirsan golaha Wakiiladda oo laga soo doorto degmadda Ceel-Afweyn, oo halkaa ka hadlay ayaa Carrabka ku adkeeyeen in aan beelahaasi looga dul qaadan doonin dagaaladan u dhexeeya ee soo noq-noqday. Beelahani ayaa dhawr jeer oo hore ay dagaallo kala duwani dhex mareen, iyadoona la dhex dhigay heshiisyo nabadeed oo buuxa oo ay ka qayb qaateen ergooyin Somaliland oo dhan ka kala socday, inkastoo aanay gebi ahaanba heshiisyadaasi guulaysan. Waxaanay xiisadda colaadeed ee beelaha wada degga degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag mar kale dib u soo cusbaanaatay todobaadkii hore shaqaaqo, iyadoo dagaallo beelahaasi dhexmaray ay dad ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen. Qaran News
-
Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa lagu burburiyay saldhiggii maleeshiyada Alshabaab ee degaanka Dumaaye ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug sida uu xaqiijiyay Maxameddeeq Yuusuf Kulmiye oo ah guddoomiyaha Xarardheere. Saldhiggan oo lagu magacaabo xarunta xerta Sheekh Maxamed ayaa la sheegay in ay yaalleen hub iyo gaadiid dagaal oo badan, isla markaana isku aruursanayeen dagaalyahannaada kooxda Shabaab. Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyay weerarka saldhiggan. Ma jiro war madax-banaan oo xaqiijinaya tirada khasaaraha duqeyntan, iyada oo dhinaca kale dowladaha Soomaaliya ka saacida dhinaca hawada aysan weli xaqiijin duqeynta. PUNTLAND POST The post Duqayn culus oo ka dhacday degaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku balan-qaadeyso inay sii xoojineyao dagaalka dhanka dhaqaalaha ee dowladdu ay kula jirto kooxda Al-Shabaab. “Dowladda Soomaaliya waxa ay si joogta ah ugu hawlantahay ciribtirka khawaarijta Argagixisada ah ee dhibka badan ku haya Bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa intaas ku sii daray “Hawlgalka ciidan ee ciidamadeena geesiyaasha ah hormuudka ka yihiin, waxaa bar bar socda dagaal ka dhaqaale iyo fikir ee ka dhanka ah Khawaarijta.” Wasaaradda ayaa qoraalkaan ku sheegtay inay hormuud ka tahay dagaalka qeybta dhaqaalaha ee dowladda federalka Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab. Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa qoraalkaan ku sheegay in ay ka go’an tahay Dowladda in Argagixisada lagala dagaalo dhinac kasta. “Iyada oo laga duulayo siyaasadda hogaamineed ee Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud, Ma jirto meel looga laabanayo dagaalka lagula jiro Argagixosada oo hada Dowladdu ay waddadiisii guusha cagta saartay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasiirka ayaan intaas ku sii daray, “Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay door muuqda kaga jirtaa la dagaalanka maalgelinta Argagixisada, si loo naafeeyo awoodooda maaliyadeed iyo dhaqaale.” The post DF oo qoraal cusub kasoo saartay dagaalka dhinaca dhaqaalaha ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay dagaal socda, isaga oo nasiib darro iyo damiir xumo ku tilmaamay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Waxa uu sheegay in dagaalka socda uu yahay mid dalka looga xoreynayo argagixisada, loogana dulqaadayo shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku hayeen sanado badan, ayna tahay in lagu barbar istaago dowladda iyo ciidanka. “Waxaa rabaa in marka koowaad hambalyo u diro ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee marwalba dagaalka iyo halganka ugu jira in dalka ka sifeeyaan nimanka argagixisada ah ee Khawaarijta ah” ayuu yiri Cabdikariim Xuseen Guuleed. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada huwanta ay guullo horleh ka gaareen dagaalka socda, hase yeeshe ay dhici karto in khasaare soo gaaro ciidanka maadaama uu dagaal ku jiro, sidaas darteed ay wax laga xumaado tahay in la siyaasadeeyo. “Dagaal sidiisaba waa guul iyo guul-darro ayuu leeyahay in xataa mararka qaar la turaanturoodo, waa shey dabiici ah meel aysan adduunka ka dhicina ma jirto. Haddaa nahay shacabka Soomaaliyeed, dadka waxgaradka ah iyo siyaasiyiinta waxaa nagala rabaa in xaalad kastaba in aan ciidanka hamigooda iyo qalbigooda u dhisi laheyn u howl-galno.” Ergeyga ayaa waxa uu ku baaqay in siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee xilalka soo qabtay ay qeyb ka noqdaan garab istaaga iyo dhiiri-gelinta ciidanka, si aan fursad loo siin kooxaha argagixisada. “Dhamaanteen waxaa waajib nagu ah in aan meel uga soo wada jeesano oo halmar inaga oo wada mideysan aan gacanta wada saarno. Runtii waxaa aad uga xumahay in la-dagaalanka argagixisada iyo halganka ay ku jiraan dowladda iyo ciidamadeeda in dad qaar ay siyaasadeeyaan, qaarna ay dano iyo masaalix siyaasadeed ay ka dhex raadiyaan, arrintaas ayada ah waxaa u arkaa arrin dadnimada iyo damiirka ku fiicneyn.” Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa fiican in la kala saaro wixii siyaasad ah iyo wixii jiritaan ah. Waxaa u haystaa la-dagaalanka nimankaan nabad-diidka ah inay tahay arrin jiritaan ah uma haysto arrin siyaasadeed ama u gaar ah maamulka markaas jooga.” Ugu dambeyntiina wuxuu carabaabay in weerarkii Cowswayne la siyaasadeeyay, maadaama dhacdooyin lamid ah weerarkaasi ay dhaceen intii lagu guda jiray dagaalka Al-Shabaab, ayna tahay sunaha dagaalka in marna la guuleysto marna ay wax kusoo gaari karaan, balse aysan gaarsiisneyn sida loo buun-buuniyay, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: C/kariim Guuleed oo damiir xumo ku tilmaamay in la siyaasadeeyo dagaalka appeared first on Caasimada Online.
-
On August 30th, 2023, I posted a short piece on Facebook (https://tinyurl.com/4wnwhwfp) that sparked an unprecedented reaction from my followers on social media. While some suggested that I should take it down, I politely declined, opting instead to elaborate further on the subject and initiate a conversation that could potentially alter the prevailing narrative on social media regarding Somalia and its contentious usage of this platform. Source: Hiiraan Online
-
Qoryooley (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Qoraalkaan oo ka aoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu yiri “In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.” Howlgalka ayaa ka danbeeyay kadib markii Al-Shabaab ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan degmada Qoryoolay. “Ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa burburiyay gaadiid qaraxyo ay ku soo xireen Khawaarijta oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka Ciidanka dowladda ayaa wali ku sii raad jooga firxadka Al-Shabaab-kii soo weeraray degmada ee ka baxsaday dagaalka, waxaana meelaha qaar daadsan meydadkooda, sida ay sheegtay dowladdu. “Ciidanka Qaranka Saaxiibada Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta duulaanka ku ah dadkeena, dalkeena iyo diinteena,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Kooxda Al-Shabaab oo ciidamada qaranka ku qaada weerarro afjar ah ayaa la sheegay inay ku jabeen weerarkii ay galabta ku soo qaadeen degmada Qoryooley. Ciidamada dowladda oo ka war helay weerarkii kooxdaas ayaa u diyaarsanaa, waxayna isaga difaaceen si adag, dad ku sugan Qoryooley ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dagaal culus oo galabta ka dhacay gudaha iyo daafaha degmadaas. The post DF oo shaacisay tirada dagaalamayaal badan oo lagu dilay Shabaab soo weeraray Qoryooley appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray farriin ku socota seddax dhinac, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab. Farriinta koowaad wuxuu Cabdiweli Gaas u diray culimada Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday inay ku celceliyaan wacyi-gelintooda, si dhalinyarada ay qaldayaan looga badbaadiyo diin la’aanta Khawaarijta. Wuxuu qiray in culimadu dadaashay oo isugu timid shirweyne ay uga fadwoodeen Khawaarijta, balse hadda wuxuu ku sii adkeeyey inay joogteeyaan radinta, tusaaleynta qaladaadka diimeed ee Khawaarijta iyo wacyigelintooda bulsho, si looga badbaado afkaar kasta oo xagjirnimo u jiheen karta jiilka soo koraya. Farriinta labaad wuxuu Cabdiweli Gaas u diray ganacsatada Soomaaliyeed, “Ganacsatada waxaan ugu baaqayaa inay jeebkooda furaan, waa inaad dhaqaalihiina ku taageertaan dagaalka Khawaarijta, sababtoo ah cida ugu faa’iidada badan hadii amni la helo waa ganacsatada,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland. Farriinta 3-aad ee ugu dambeysa wuxuu Cabdiweli Gaas u diray siyaasiyiinta, “Waxaa laga rabaa siyaasiyiinta inta wax kasta meel la iska dhigo in dagaalka Khawaarijta loo midoobo, anaga oo Soomaali ah oo mideysan ayaan ka guuleysa karnaa Al-Shabaab, laakiin hadii aan kala qeybsano waa naga guuleysanayaan,” ayuu yiri Cabdiweli Cali Gaas. Ugu dambeyntii Gaas wuxuu rajo weyn ka muujiyey in goor aan dheereyn laga guuleysa doono Khawaarijta Al-Shabaab, “Sida aan u hubo inaan dhimanayo ayaan u hubaa in waqti dhow aan Shabaab ka guuleysa doono, waxaa ii muuqata in meesha ugu dambeysa ee aan gaari doono ay noqoneyso ‘Shabaab oo laga guuleystay iyo Soomaali oo midowday,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas. Hadalka Gaas ayaa ku soo aadaya iyadoo Soomaaliya uu ka bilowday olole siyaasadeed oo xoog leh oo lagu taageerayo dagaalka Al-Shabaab, inta badan waxaa soo hashay siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo xaqiijiyey inay dowladda iyo shacabka ku garab taagan yihiin dagaalka. Warbaahinta Soomaaliya ayaa maalmahaan aad u tebineysa shirar jaraa’id oo siyaasi kasta uu ku qabtay meesha uu joogo, si uu u cadeeyo mowqifkiisa ku aadan ololaha lagu taageerayo dowladda iyo shacabka oo dagaal adag kula jira Khawaarijta Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: Gaas oo dagaalka Al-Shabaab ka soo saaray baaq ku socda seddax garab appeared first on Caasimada Online.
-
Maxaas (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka degay magaalada Beledweyene ee gobolka Hiiraan. Wasiir Cabdirisaaq oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaaladaas ayaa sheegay inay u sii gudbayaan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale wasiir Cabdirisaaq ayaa shaaciyey in seddax arrin ay u tegayaan magaalada Maxaas, waxay kala yihiin: 1 – In ciidanka xoogga dalka ee Maxaas jooga ay ku dhiirigeliyaan dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo dalka, kuwaas oo ka soo laabtay furinta deegaanka Wabxo, isla markaana isugu tegay Maxaas. 2 – In ay dhiirigeliyaan ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley, kuwaas oo ku guuleystay inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dhamaan deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan. 3 – Inay garab istaag u muujiyaan Madaxweynaha Qaranka Xasan Sheekh Maxamuud oo sida uu sheegay wasiirku aad ugu baahan garab istaaga dadkiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in wixii ka dambeeya berri oo Sabti ah uu safar ku tegayo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo toddobaadkaan ay gaareen ciidamo ka soo gadooday furimaha dagaalka. Maalmihii lasoo dhaafay jaho wareer xoog leh ayaa soo wajahay howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab, kadib markii ciidamada qaranka ay soo baneeyeen furimaha dagaalka ee deegaanadii laga xoreeyey kooxda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb ayaa qorsheynaya inuu Maxaas kula kulmo saraakiisha ciidankii soo baneeyey furimaha, sidoo kale r/wasaaraha ayaa todobaadkaan ciidamadaas qaar uga hortegay degmada Aadan-yabaal, isagoo ka codsaday inay furimaha ku laabtaan. Hoos ka daawo hadalkii wasiirka The post Daawo: Wasiir Cabdirisaaq oo shaaciyey 3 arrin oo xasaasi ah oo ay Maxaas u tageen appeared first on Caasimada Online.
-
Isku eegasho: Madaxweyne Xasan Sheekh dowladdiisu way ka gaabisay inay Somaliland u sheegto in Laascaanood aysan ka mid ahayn dal kale ahaynna meel ay ku sugan yihiin argagixiso uu Muuse Biixi ku tilmaamay Khawaarij. Colaadda sokeeye ka taagan waqooyiga tan iyo Febrayo 2023 waxay muujisay sida garashada siyaasadeed ee siyaasiyiinta Soomaalidu ay u hooseyso gaar ahaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliyeed oo kaalintoodu noqotay mid isku dirid ah. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi eed wuu leeyahay ah inuu go’aanka siyaaasadeed uu u istcimaalay mid ula ekaaday in isaga ay gacantiisu nabaddu ku jirto. Eedda ugu weyn waxaa leh dowladda federaalka oo si cad ugu sheegi waysay maamulka Muuse Biixi in dooddiisa in Somaliland jamhuuriyad tahay ciidankiisuna soo xirayo soohdinta aysan ahayn sababo lagu laayo dad Soomaaliyeed laguna duqeeyo magaalo. Somaalland ma aha koox uu qabqable hoggaamiyo. Waa maamulka ugu da’da weyn maamullada Soomaaliya, qabtay doorahooyin, sameeyay hay’ado siyaasadeed, kasbaday in si gaar ah deeq loo siiyo. Horumarka intaas le’eg waxaa la filayay inuu bisayl siyaaseed ku abuuro siyaasiyiinta Somaliland oo maanta arkay inay dagaal kula jiraan Jamhuruuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya way gabtay waajibkeeda ah, inkastoo aysan si toos ah wax uga qaban karin colaadda, inay mowqif cad oo dhaafsiisan ku baaqis wadahadal ka istaagto dagaalka ay Somaliland ku duqaynaysay Laascaanood. Muuse Biixi uma dhaaranin dhowrista midnimada qaranka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u dhaartay oo uu saaran yahay waajibka inuu si cad uga hadlo mowqifka Somaliland ku bannaysatay daadinta dhiigga iyo burburinta hanti Soomaaliyeed. Mowqif cad oo dowladda federaalku ka qaadato wuxuu yarayn lahaa saameynyta dagaalka, wuxuu soo dedejin lahaa wadahadal xal lagu gaaro. Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu qaatay go’aammo siyaasadeed oo sababay dhimasho, burbur iyo sumcad xumo siyaasadeed xilli Soomaaliya aysan lahayn qarannimo dhammaystiran. Haddaba maanta madaxda Somaliland waxaa la gudboon inay dhowraan magaca dadka ay metelaan oo aysan kursi jeceyl iyo dad kala fogeyn xoogga saarin xilli Soomaaliya ay tahay dal aan lahayn qarannimo dhammaystiran. Wixii gaboodfal oo dhacay si waafaqsan diinta Islaamka iyo dhowrista xuquuqda qofka Soomaaliyeed ayaa looga wada hadli karaa, mana dhici karto in qof goosasho doonaya midnimo lagu qasbo, qof midnimo doonayana goosasho lagu qasbo. Maadaama Somaliland doonayso inay ka go’do Soomaaliya waxay ahayd inay xusuusato in dadka deggan dhulka aan aftidii 2001 laga qaadin ay leeyihiin doorashada inay Somaliland la qaataan aragtida goosashada ama inay midnimada taageeraan. Mowqifkaas Somaliland wuxuu ka sii dhaqaajin lahaa meeshii ay taagnayd 2005, markii International Crisis Group ku baaqday in Somaliland la siiyo kursi goobjooge ah ee Midowga Afrika. Muuse Biixi wuxuu noqon lahaa hoggaamiye tusaale u noqda dulqaadka iyo dad isku wadista. Maanta eeddu ma wada saarna Muuse Biixi. Waa la sixi karay. Dowladda federaalka ayaa u aamustay si Muuse Biixi u noqdo dagaal ooge dad Soomaaliyeed ku tilmaamay argagixiso xilli Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidammo nabad ilaalin ah laguna dhaqo Cutubka 7 ( Chapter 7) waayo dal leh dowlad aan amniga dalkeeda ku filnayn oo xitaa aan ka badbaadin karin duqeyn uu maamul Soomaaliyeed ka geysanayay magaalo rayid deggan yihiin. The post Dowladda Federaalku Way Isku Sii Dirtay Somaliland iyo SSC appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE CNBC Africa Joins African Energy Week (AEW) 2023 as Official Media Partner The global media outlet has partnered with the African Energy Week conference and exhibition, and will be providing real-time coverage of the event this October Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, September 1, 2023/ — The African Energy Week (AEW) conference and exhibition returns to Cape Town from October 16-20 under the theme, ‘The African Energy Renaissance: Prioritizing Energy Poverty, People, the Planet, Industrialization and Free Markets.’ Building on a series of successful editions that preceded it, the conference unites African governments and policymakers with global financiers and technology providers, and represents the official deal-signing platform for the African energy sector. Covering the entire African energy sector and its value chain, AEW 2023 will see several multi-billion-dollar announcements made in addition to a series of partnership agreements signed and upstream bid round and policy programs launched. Due to the high-level caliber of deals set to be signed, the African Energy Chamber (AEC) is proud to announce that global media outlet CNBC Africa has once again partnered with the event. CNBC Africa becomes the official media partner of AEW 2023, and will provide real-time coverage of the conference this October. CNBC Africa represents one of the world’s biggest business news outlets, boasting a global audience of over 355 million people a month across a variety of platforms. The media house offers a comprehensive portfolio with a suite of digital products, and disseminates news and information to the global economy. CNBC Africa’s partnership with AEW 2023 will serve to only enhance the global reach of the event. AEW 2023 is set to be bigger than previous years. An expanded program ensures every segment of Africa’s energy value chain is covered, including upstream exploration and production; midstream transportation and storage; downstream refining and processing; and more. Experts from across every energy industry will lead discussions and deals, including oil and gas; coal and mining; renewables and green hydrogen; and more, while thought-leaders and innovators from the power; finance; policy; tech; climate; and infrastructure sectors spearhead dialogue. The event additionally features delegations from almost every African country, with country spotlights providing in-depth information into markets, regulations and investment prospects. In conjunction with a strong lineup of African President, governments and ministers traveling to Cape Town, a number of global leaders and investors have joined the conference, all of which will engage in dialogue around advancing bilateral and multilateral cooperation; strengthening Africa-global supply chains; unlocking new opportunities for foreign investment in African energy; and more. AEW 2023 is where movers and shakers from across the global energy community will meet and sign deals. Stepping into this picture, the CNBC Africa-AEW partnership will ensure Africa’s energy message reaches a global audience. CNBC Africa’s live coverage of the event will not only showcase the numerous deals and agreement set to be inked this October but will promote future engagement and investment during Africa’s biggest energy event. “CNBC Africa represents one of the top global business news outlets. Through its portfolio of digital products, the media house plays an instrumental role in providing real-time coverage and information on Africa’s energy sector. At a time when major announcements continue to be made, projects kicked off and deals signed, CNBC Africa ensures that Africa’s energy news reaches a global audience,” states NJ Ayuk, Executive Chairman of the AEC. CNBC Africa will be covering the AEW 2023 event this October, including panel discussions, ministerial forums, presentations, networking events and investors summits. All major deals and announcements will be shared via CNBC Africa’s digital products. Qaran News
-
Laascaanood (Caasimada Online) –Hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in 43 mayd laga soo ururiyey toddobaadkii lasoo dhaafay jiidda hore ee dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Laascanood. Qoraal ka soo baxay ICRC ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo xoogagga SSC-Khatumo ay dagaalka ku kala qabsadeen boqolaal maxaabiis ah, iyadoo ICRC ay soo booqatay 300 oo maxbuus oo xooggaga Khatumo ay qabteen. Sidoo kale waxay hey’adaan xaqiijisay in dadkaas ay ku jirin afar maxbuus oo dhaawacyo qaba kuwaas oo loo gudbiyey isbitaalka, waana markii ugu horeysay oo laga soo waramay tirada iyo aragtida ciidamadii Somaliland ee u gacan galay SSC. Bayaankaan oo soo baxay Jimcihii maanta waxay ICRC ku sheegtay in 110 oo kale ay geeyeen isbitaalka, kuwaas oo dhaawacyo ay kasoo gaareen dagaalkii saldhigga Goojacadde. Somaliland oo maalin ka hor war kasoo saartay sida loola dhaqmo ciidamadii looga qabtay dagaalka ayaa xoogagga SSC xasuusisay xeerka caalamiga ah ee Geneva oo dhigaya xuquuqda maxaabiista dagaalka iyo dhaqanka islaamka. Boqolaal qof ayaa lagu kala qabsaday dagaaladii ugu dambeeyey ee dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo, waxayna ICRC markii ugu horeysay ku guuleysatay inay booqato maxaabiista labada dhinac, si loo ogaaday nolosha lagu hayo. Shaqaalaha hey’adaas ayey Somaliland u ogolaatay inay booqdaan maxaabiis laga qabtay xoogagga SSC, kuwaas oo ku xiran xabsiyada magaalada Hargeysa. Eedeynaha ku xusan warbixintaan ayaa muujinaya inuu jiro beegsi lagu sameeyey xarumihii qaabili lahaa dhaawacyada ee isbitaallada, inkastoo wasaaradda gaashaandhigga Somaliland ay horay u beenisay in ciidamadeedu ay duqeeyeen isbitaalka magaalada guud ee Laascaanood oo dhibaatada ugu badani ay soo gaartay. The post Hey’ad heshay fursad naadir ah oo kasoo warantay maxaabiista dagaalkii Goojacadde appeared first on Caasimada Online.
-
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo furay Tartanka 9-aad ee Kubada Cagta ee gobolada Puntland oo sanadka lagu qabtay magaalada Gaalkacayo. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubada Cagta sida wanaagsan ee ay usoo agaasimeen koobka, isaga oo kula dar-daarmay inay halkaas ka sii wadaan dedaalka si tartanku ugu soo geba-geboobo jawi lagu wada qanacsan yahay islamarkaana la xoojiyo daah-furnaanta ciyaaraha. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo marti gelinta iyo soo dhoweynta wanaagsan ee ay u muujiyeen gobolada kale ee ka qayb galaya koobka. Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa ku amaanay Ciidanka amaanka sida ay u xaqiijiyeen kaalintooda Amniga ee guud ahaan gobolka, gaar ahaan magaalada Gaalkacayo oo iyadu martigelisay koobka isaga oo faray inay sii xoojiyaan shaqada ay hayaan. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacyo ka furay Koobka Gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Shirka Dhaqaalaha Somaliland oo la Shaaciyay Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda ayaa shaaca ka qaaday inay qaban doonaan shirweyne dhaqaalaha dalka oo caqabadaha jira, iyo xalalkii lagaga bixi lahaa lagaga hadli doono. Kulan Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiirada Jimcihii yeesheen ayey kaga dhawaaqeen qabashada Shirweynaha Dhaqaalaha Dalka oo qabsoomi doona 14 -15 October, 2023 waxa uuna ka qabsoomi doonaa Magaalada Hargeysa. Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee noociisa ah oo lagu qabto Somaliland. Shirkan waxa lagu lafo guri doonaa maalmaha uu socdo caqabadaha hortaagan xallinta mushkiladaha dhaqaale ee Waddanka haysta iyo sidii loogu heli lahaa Xal-waara. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo ah gudoomiyaha Guddida dhaqaalaha Golaha Wasiirada ayaa faah faahin ka bixiyay ayaa ka waramay qodobada ugu muhiimsan ee laga doodi doono, iyo waxii ka qabsoomay go’aamadii ka soo baxay shirweynahii hore ee dhaqaalaha dalka. “Shirka sannadkan ooh al-ku-dhigiisu yahay sal-balaadhinta dhaqaalaha dalka iyo casriyeyntiisa, ayaa ujeedadiisu tahay meel isugu keenida ganacsatada gaarka loo leeyahay, hay’adaha dawladda iyo aqonnyahanka, si loo falanqeeyo, loona qorsheeyo qodobada la xidhiidha dhaqaalaha ee dalka waajahayo. Dr. Sacad ayaa sheegay in shirkan dhaqaalahu noqon doono mid sannad walba la qabto, isla markaana loogu horumariyo kor-u-kaca dhaqaalaha dalka. Qaran News
-
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland oo Cambaaraysay muuqaalo ay Faafisay Huwanta Laascaanood Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ayaa si adag u cambaaraysay wararka iyo muuqaallo tacadiyo anshaxa ka baxsan oo loo geystay askarta Ciidanka Qaranka oo kooxaha Huwantu baraha bulshada ku faafiyeen. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga ayaa u dhignaa sidan; Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay si adag u cambaaraynaysaa wararka iyo muuqaallada lagu faafinayo Internet-ka ee ku saabsan tacadiyada ka baxsan bini’aadantinimada ee lagula kacay Askarta Somaliland ee la qabtay Jimcihii 25-kii August. Maalmihii la soo dhaafay waxa baraha internetka ee kala duwan ku wareegayay Muuqaalo kala duwan oo muujinaya Askarta Somaliland oo si arxan darro ah loo jirdh-dilayo, iyo muuqaalo muujinaya sida loo bahdilay. Waxaan rabnaa in aan xasuusino dhammaan kuwa ku lug leh in ay ula dhaqmaan maxaabiista dagaalka (POWs) si buuxda oo waafaqsan Axdiga 3aad ee Geneva iyo sidoo kale caadooyinka Islaamka sida ku cad Quraanka Kariimka ah ee xilliyada colaadaha. Qoraalkan ayaa uugu baaqay wadamadda caalamka inay ka hadlaan, isla markaana dhaleeceeyaan ficiladda anshaxa suuban ka baxsan. “Beesha Caalamka waxaanu u soo jeedinaynaa inay si deg-deg ah wax uga qabtaan xaaladdan, isla markaana ay u qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo in ciidamada Somaliland iyo sidoo kale meydadka dadka dhintay loola dhaqmo si la mid ah axdiyada caalamiga iyo hanaankii ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ula dhaqantay tan iyo markii uu bilaabay khilaafkan. Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Dr. Aadam Ibraahim Aw-Xirsi ayaa si adag u cambaareeyey bahdil, jirdil iyo tarxiilid la sheegay in Jubbaland ay u geysatay Mahad Sheekh Muxyidiin oo horay ay uga soo wada tirsanaayeen golaha wasiirrada ee maamulkaas. Aadan Aw-Xirsi oo aad u mucaarada maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo oo mar uu wasiir ka soo noqday ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray cambaareyntaan ku socotay maamulka Jubaland. “Bahdilka iyo masaafurinta lagula kacay saaxiibkeygii hore ee aannu ka wada tirsanayn Golaha Wasiiradda Jubaland Mahad Sheekh Muxyidiin oo ay sameeyeen ciidamada maamulka uu muddo-xileedku ka dhamaaday ee magaalada Kismaayo aad baan u cambaaraynayaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Aw-Xirsi. Waqtiga uu ku soo aaday beegsigaan ayuu sidoo kale farta ku goday wasiir Aw-Xirsi, isagoo sheegay in shaki weyn ay ka qabaan in tarxiilkaan uu la xiriiro dagaalka Al-Shabaab. “Ku soo beegidda falkaan xilli ay umadda Soomaaliyeed dagaal aan waxba la isula harin kula jirto argaggixisada Al-Shabaab-na waa mid shaki weyn abuuri karta,” ayuu yiri Aw-Xirsi. Dawladda Soomaaliya oo horay u sheegtay in aan qofna laga celin karin, lagana musaafuri karin dalkiisa, balse hadda ma jiro war raami ah oo ku saabsan tarxiilkaan cusub ee maamulka Jubbaland uu ku kacay oo ka soo baxay dowladda federaalka. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa siyaasad adag ku maamula dhulka uu ka arrimiyo maamulkaas, taasi oo u sahashay inuu in ka badan 10 sano sii heysto xukunka, iyadoo mucaarad kasta uu waxaba ka qaadi waayey. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad u xushmeysa Madaxweyne Axmed Madoobe oo saaxiib dhow la ah Ra’iisul wasaaraha dalka, sidoo kale wuxuu Axmed Madoobe galaangal xoogan ku yeeshay gudaha dowladda dhexe, sida baarlamaanka, wasiirrada iyo xafiiska Madaxweynaha intaba. The post Wasiir Aw Xirsi oo cambaareeyey ‘bahdilka iyo masaafurinta’ Mahad Sheekh Muxyidiin appeared first on Caasimada Online.
