-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne Muuse oo Booqasho ku Tagaya Fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee Magaalada Oog Hargeysa(Qaran news)-ilo wareedyo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijiyay in saacadaha soo socda Madaxweyne Muuse Biixi u kicitimayo magaalada Oog, si uu ula hadlo ciidamada Qaranka oo xoogoodu iskugu yimi halkaasi, kadib dagaalkii jimcihii ka dhacay Sool. Ilaalada madaxtooyada ayaa xilli hore oo maanta ah tagay magaalada Oog, halka madaxweynahana lagu wado inuu beri subax ku jarmaado socdaalkiisa. Socdaalka madaxweyne Muuse Biixi ee Oog ayaa qayb ka ah dib u habeynta iyo abaabulka Ciidznka Qaranka iyo sidii looga soo kaban lahaa habacsanaantii ka muuqatay ciidanka dagakii u dambeeyay. Warku wuxuu intaas ky daray in madaxweynuhu uu khudbado u jeedin doono ciidamada iyo saraakiishooda. Madaxweynaha Sonaliland Muuse Biixi Cabdi oo Sabtidii toddobaadkan la kulmay madaxda mucaaridka, ayaa sheegay in Somaliland ka aarsan doonto huwanta Laascaanood, wuxuuna balan qaaday in baadhis lagu sameyn doono wixii galdaloolo ah ee soo baxay. Qaran News
-
The Addis-Djibouti corridor, a vital trade route and a lifeline for Ethiopia’s 120 million people, will get a significant upgrade thanks to the newly approved Horn of Africa Initiative’s Regional Economic Corridor Project. The project, endowed with a $730 million grant from the International Development Association* (IDA), aims to improve regional connectivity and logistics efficiency in Ethiopia along this key trade route connecting landlocked Ethiopia to the port of Djibouti. “Improved regional connectivity and trade are essential to unlocking Ethiopia’s economic potential,” said H.E. Ahmed Shide, Minister of Finance of the Federal Democratic Republic of Ethiopia. “This project is important to support our commitment to fostering inclusive growth and regional integration, as we are now fully focused on sustaining the growth and reaping the peace dividends,” he added. Over 95% of Ethiopia’s import-export trade (by volume) uses the Addis-Djibouti corridor. The project aims to upgrade the road to Djibouti, including the Mieso-Dire Dawa section, which is currently in poor condition and unsuitable for growing truck traffic. This section forces road users to take a longer route through Mille, adding 146 kilometers to their journey. Upgrading the Mieso-Dire Dawa section to a four-lane expressway will reduce transport time, enhance road safety, save fuel and maintenance costs, and reduce pollution. This upgrade is crucial for Ethiopia’s economic growth and social development, as it will improve the efficiency and capacity of this crucial trade route. Read more The post Addis-Djibouti Corridor to Get Major Upgrade That is Key to Unlocking Connectivity and Trade for Ethiopia and the Horn of Africa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo la xiriirta miisaaniyadda sanadkii tegay ee 2022-kii, waxayna xisaab xirka sanadkaas oo aan weli la sameyn u gudbisay baarlamaanka. Nuqullo kamid ah xisaab xirka miisaaniyadda ee sanadkii hore ayaa waxaa baarlamaanka ku wareejiyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiqafaar Cilmi Xaange, kaas oo tegay xarunta Villa Hargeysa. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xisaab xirka uu wareejiyay ay soo marsiiyeen dhammaan hab-raacyadii sharciga ahaa. Sidoo kale Hanti-Dhowrka guud ee qaranka ayaa isna baaris maaliyadeed ku sameeyay xisaab-xirkaan oo la soo saaray bishii Abriil, ee sanadkan 2023, waxaana natiijada baaritaanka horay lala wadaagay Baarlamaanka Soomaaliya. Dhanka kale, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ballan qaasay inay sii wadi doonto xoojinta nidaamyada isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta maamulka guud ee maaliyadda iyo dowlad wanaagga. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee 2022-kii, taas oo ay muddo dheer dood ka taagneyd, maadaama ay kusoo aaday, xilli doorasho oo ay jireen khilaafaad xoogan. Si kastaba, dhowaan ayey aheyd markii baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay ku noqoashada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2023-ka kadib markii uu horgeeyay wasiirka cusub ee wasaaraddaas, Biixi Iimaan Cige. The post BF Somalia oo loo gudbiyay xisaab xirka sanadkii 2022 appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay weerar ku saleysan cunsuriuad oo ka dhacay gobolka Florida. Biden ayaa waxa uu sheegay in sarreynta caddaanka aysan meel ku laheyn dalkaasi, kadib weerarkaasi ku saleysan cunsuriyad ee lala beegsaday dad madow ah oo ka dhacay Florida. “Waa in aan si cad oo xoog leh u sheegnaa in sarreynta cadaanka aysan meel ku lahayn Ameerika,” ayuu yiri madaxweyne Joe Biden. Hadalka madaxweynaha ee lagu dhaleeceynayo toogashada saddex ruux oo madow ah ayaa yimid xilli loo dabbaal-degayey munaasabadda sannad-guuradii 60-aad ee socodkii hoggaamiyayaashii madawga ahaa ee Maraykanka ay ku baannaanbaxeen magaalada Washington 28kii Ogosto 1963. Martin Luther King oo ka tagay hal-ku-dheg caan noqday oo ahaa “Waxaan leeyahay riyo.” Boqolaal qof ayaa isugu tagay Kaniisadda, si ay baroor-diiq ugu sameeyaan saddex qof oo Madow ah oo uu xaafadda Jacksonville ku dilay 21 caddaan ah oo lagu magacaabo Ryan Palmer . Sadexda ruux ee la dilay ayaa kala ahaa Angela Michelle Carr, oo 52 jir aheyd, AJ Laguerre oo 19 jir ah iyo Jerrald Gallion oo 29 jir ah. The post Madaxweyne BIDEN: Sarraynta cadaanku boos kuma leh Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Somaliland oo la Sheegay inuu Aqbalay Go’aamadii Ergada Beesha Bariga Burco Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sgeegay inuu balan qaaday inuu fulinayo go’aamadii ay xalay soo saareen ergadii beesha bariga Burco ee dhigayey in la usa saaro doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda oo ay ku baaqeen in la qabto 13ka November 2024ka. Telefishanka BulshoTV, ayaa baahiyay caawa in ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow guddidii go’aanka soo saartay uu madaxweynuhu u xaqiijiyay inuu aqbalay go’aamadoodii, isla markaana balan qaaday inuu si rasmi ah u shaacin doono aqbalaadiisa. Haseyeeshee illaa imika ma jiro war ka soo baxay madaxweynaha oo ku saabsan go’aankaas lagu xalinayo khilaafkii ka dhashay doorashooyinka waxana dad badani aaminsanyihiin in madaxweynahu uu yahay shaqsi is bed bedel badan oo meel loogu soo hagaago lahayn waxana la sugayaa in uu warbaahinta hor yimaado oo uu mawqifkiisa cadeeyo sida madaxda xisbiyada mucaaridka. Xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa saaka shaaciyay inay soo dhaweynayaan oo ay aqbaleen go’aamada guddigu soo saartay oo ay ku tilmaameen xal furdaamin kara khilaafkii siyaasadeed ee ay ka dhasheen kala qaybsanaan bulsho oo saameyn ku yeelatay wadajirka iyo isku duubnida ummadda Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
-
Ceelbuur (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online, Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa ku wajahan magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku tegayaan safar dhulka ah. Kolanyo ay la socdaan labadaas masuul ayaa la sheegay in galabta ay ka soo amba-baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ku wajahan magaalada Ceelbuur oo maalmo ka hor laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab. Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac ayaa galabta maqribadii ka gudbay Guriceel, sida ay ogaatay Caasimada Online, waxayna Ceelbuur ka soo gelayaan dhanka Wabxo. Ciidamo xoog leh oo isugu jira kuwa deegaanka iyo xoogga dalka oo Danab ay hoggaamineyso ayaa ku sugan Ceelbuur, ciidankaan ayaa ku guuleystay in si nabad ah ay gacanta ugu dhigaan magaalada. Safarka Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiir Difaaca Qaranka wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. In Madaxweynuhu ka baaqdo safarkaas waxaa sababay tallaabo ay qaadeen ciidamadii ku sugnaa magaalooyinkaas oo sabab aan la shaacin uga baxay maanta. Waxaa jira gadood ciidan iyo amarro is diidan oo ay marti-gelineyso wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, taasi waxay sababtay in ciidan badan lagu laayo Cowsweyn, maantana la baneeyo furimihii Ceeldheer iyo Galcad. Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa isna galabta ka soo baxay degmada Aadan-Yabaal, isagoo qorsheynaya inuu ka hor tago ciidamadii soo baneeyey furimaha Galcad iyo Ceeldheer. Howlgalka ka socda Galmudug ee Khawaarijta looga xoreynayo dalka ayaa maalmahaan wajahaya jaha-wareer xoog leh oo hadda banaanka u soo baxay, waxaana sixitaanka wixii qaldamay ku howlan Madaxweyne Xasan Sheekh oo ajendihiisa koowaad ka dhigtay hoggaaminta dagaalka. The post Xog: Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac oo safar dhulka ah ku aaday Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inay jiraan dowlado shisheeye iyo kooxo Soomaali ah oo ka soo horjeeda inuu guuleysto dagaalka ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab. Xildhibaan CC Shakuur ayaa doqon ku tilmaamay siyaasigiin libin ka raadinaya ragaadinta dagaalka xaqa ah ee lagu soo afjarayo Khawaarijta. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa balan-qaaday inay sii garab taagnaa doonaan oo ugu hiili doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh dagaalka uu kula jiro Khawaarijta. Hoos ka aqriso qoraalka CC Shakuur oo dhameystiran: Waxaa jira dawlado iyo kooxo ku daaban oo si toos ah iyo si dadbanba u taageeraya kooxda argagexisada ee AS. Dawladahaasi waa kuwo ka macaasha in ay dunida dalaal uga yihiin galaangalka argagexisada, halka kooxaha ku daabani ay u arkaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hollinayo libin ay ku dhaceeda yeelan waayeen. Waxayse ogayn in cadawgan uu yahay kii kun Soomaali maydkooda maalin Zoobe waray, kuwii hal doorkeena sheekh, macallin, dhakhtar, sarkaal, injineer, ganacsade, siyaasi, saxafi, hobol, iyo safiir naga ugaarsanayey, kuwii Soomaali gumeeyey ee asaageed u loogay. Waa nacas kii aan garan in argagexisada AS ay halis ku yihiin jiritaankeena ummadeed, waxaase ka sii liita ruuxii isagoo og dhibco siyaasadeed ka dhex raadiya. Waxaan garab taaganahay Madaxweynaha iyo inta hoggaanka dagaalka ku hawlan, waxaan boggaadinayaa ciidanka xooga dalka iyo macawiislayda naftood hurayaalka ah ee furumaha dagaalka ku hortaagan cadawga, waxaan Alle uga baryayaa in uu shahaadada ka aqbalo geesiyaalkii ku naf waayey la dirirka argagexisada. The post Xildhibaan CC Shakuur: Waxaa jira dowlado iyo siyaasiyiin taageera Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Cowsweyne (Caasimada Online) – In a significant counterstrike, al-Shabab militants attacked Somali army troops in the town of Cowsweyne last weekend, dealing a blow to the military’s recent gains. Just days prior, government forces had retaken Cowsweyne from the al Qaeda-linked extremist group as part of their largest offensive in years. Military spokespeople have remained silent about the details, while Somalia’s government has only confirmed that the attack was “foiled.” Dahir, a wounded soldier recuperating in a military hospital, described the situation: “At about 6 a.m., a car bomb went bang, and a hellish battle followed. When we got reinforcements, fighting intensified, and we beat the hell out of the terrorists.” His fellow soldier Isse, also injured, said that at least 17 other soldiers were killed during the engagement. Calls for accountability Hospital officials, speaking on the condition of anonymity because they are not authorized to talk to the press, corroborated the extent of the damage. “At least 50 wounded soldiers were brought here for treatment,” said one source. Former deputy mayor of Mogadishu, Ali Yare Ali, even went further, claiming that around 130 soldiers had lost their lives based on accounts from unnamed military officers at the scene. Former Somali president Sharif Sheikh Ahmed weighed in on the issue, declaring, “Parliament should carry out a serious investigation into the battle, in which we lost many soldiers, and hold the commanders responsible.” Ongoing struggle against Al-Shabab The military campaign targeting al-Shabab intensified last year and reached a significant milestone with the capture of the militants’ stronghold of El Buur on Friday. Yet, Saturday’s events in Cowsweyne serve as a potent reminder of the challenges ahead. These areas have been al-Shabab strongholds for years, and their knowledge of the local terrain and community consistently threatens the military’s operations. Founded in 2006, al-Shabab has been waging a deadly campaign to overthrow Somalia’s Western-backed central government. The extremist group seeks to implement its interpretation of Islamic law and has claimed tens of thousands of lives in the process. Their resilience and capability for counter-attacks underscore the complexity of the ongoing conflict and the need for a well-coordinated, multinational approach to counterterrorism in the Horn of Africa. The events raise vital questions about the government’s strategy and military preparedness, particularly when the enemy is deeply embedded in certain areas. As the Somali army pushes forward, the stakes are high, and the path ahead is fraught with opportunity and peril. The post Somali Forces reel from Al-Shabab counter-attack appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news) isu soo bax Ballaadhan oo lagu taageerayo ciidamada Qaranka ayaa beri oo Dalaasa ah lagu qabanayaa garoonka kubada cagta ee Hargeysa. Waxa sidaasi lagu sheegay fariimo wargelin ah oo kooxo shacab ah oo is abaabulay ay dadweynaha ugu baaqeen in banbaan-baxaas laga soo qaybgalo. Dadweynaha ku dhaqan gobollada dalka, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay taageero u muujinayey ciidamada Qaranka, waxayna sheegeen in taageero naf iyo maal ah lala garab istaago ciidamada Qaranka oo ay sheegeen inay ku filan yihiin difaaca dalka. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa maanta qorsheystay inuu safar ku soo maro magaalooyinka Ceeldheer iyo Galcad oo aagag muhiima u ah howlgalka ka socda gobolka Galgaduud. Markii la diyaariyey safarka Madaxweynaha oo ku bixi lahaa diyaarado Drones ayaa waxaa soo baxday xog sheegeysa in ciidankii joogay Ceeldheer ee amniga madaxweynaha sugi lahaa ay magaalada isaga baxeen. Intaas kadib waxaa la diray Taliyaha NISA Mahad Salaad iyo Korneyl Shuute oo Muqdisho ka yimid oo markaas Dhuusamareeb ka soo degay, labadaas sarkaal ayaa lagu bedalay safarkii madaxweynaha. Markii ay Mahad iyo Shuute ka degi rabaan Galcad waxaa loo sheegay in ciidankii joogay magaalada ay hadana isaga baxeen, taas oo diyaaradihii siday kolonyada labada masuul ku kaliftay inay ku laabtaan Muqdisho. Ilaa hadda ma jirto cid xog rasmi ah ka bixisay sababta ay ciidamadu uga baxeen magaalooyinka Galcad iyo Ceeldheer oo madaxda hoggaamineysa dagaalka ay safar ku tegi rabeen. Xogta ay heyso Caasimada Online waxay intaas ku dareysaa inuu jiro gadood ciidan oo ka dhashay weerarkii ciidanka lagu laayey ee ka dhacay degaanka Cowsweyne, waxayna ciidamada iyo saraakiisha qaar ka xumaadeen in wax jawaab ah aysan dowladu ka bixin wixii Cowsweyne ka dhacay. Markii laga soo tago xogta sheegeysa gadoodka ciidan ee jira, lama yaqaan cida bixineysa amarka ay ciidamadu ku soo baneynayaan furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud. Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ku sugnaa degmada Aadan-Yabaal ayaa galabta safar dhulka ah ugu baxay dhanka Galcad, si uu uga hor tago ciidankii faarujiyey saldhigyadii ay ku lahaayeen Galcad iyo Ceeldheer. Warar soo baxay waxay sheegayaan inuu jiro khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga, kaas oo sabab u ah jahawareerka soo wajahay ciidamada qaranka ee dagaalka adag kula jira Khawaarijta Al-Shabaab. The post Xog: Xasan oo ka baaqday Ceeldheer iyo Galcad oo ciidamada DF ay ka baxeen appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Huwanta oo Shaaciyay inay Maxkamadeynayaan Maxaabiistii Somaliland Laascaanood (Qaran)-Maamulka huwanta Laascaanoid ayaa sheegay inay maxkamadeynayaan maxaabiistii ciidamada Somaliland ee ay ku qabteen dagaalkii Jimcihii la soo dhaafay. Sidaasna waxay ku sheegeen war saxaafadeed ka soo baxay maanta oo u qornaa sidan:- Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), isla-markaana ah Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waayay, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare xoogan. Shaah-macabe ayaa hoggaaminayay ciidamo gaarayay illaa 2,000 oo askari, kuwaas oo ka baxay Muqdisho, kuna biiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la geeyay jiida hore, gaar ahaan bariga gobolla Galgaduud, iyaga oo qabtay deegaanka Cowswayne, kadib waxaa weerar rogaal celis ah oo qaraxyo ku billowday ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab. Xasan Cabdulle Calasow oo kamid ah saaxibada taliyaha weli la la’yahay ayaa faah-faahiyay xogta sarkaalkaas iyo sida lagu waayay. “Booqashada furimaha hore ee difaaca ciidamada ee wasiirka gaashaan-dhigga, taliyaha Nisa Mahad Salaad, Shuute, Qoorqoor iyo xitaa tan madaxweynuhu maxay qiimo ku fadhidaa, haddii aan nolol iyo geeri lagu heyn taliyihii Guutada 25-aad ee CXDS oo 2500 iyo taliskooda hoggaan u ahaa.” ayuu yiri Xasan Cabdulle oo qoraal soo dhigay Facebook. Wuxuu ku daray “Taliye SHAAH MA CABE waxa lagu waayay dagaalkii Cowsweyne ee maalintii sabtida dhacay, ilaa saacaddaanna nolol iyo geeri midna laguma haayo. Waxa uu ahaa taliyaha kaliya ee la hubo inuunan laaluush qaadan-jirin, balwad aan laheyn nuucii ay doontaba ha ahaatee, sidoo kalena ahaa sarkaal wadaad ah oo Eebbe ka cabsi badan”. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo inay jawaab ka bixiso weerarkii Cowswayne, maqnaashaha sarkaalkaas iyo askartii kale ee lagu laayay halkaasi. “Aniga waxa uu ii ahaa saaxiib gaar ah, maalinkii la waayay ilaa maanta aan joogo, ma deggana xaalkeygu run ahaantii. Hal-xiraalaha Xasan iyo tiimkiisa ku horgudban ayeyna ka mid tahay.” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Xasan Cabdulle Calasow. Farriintan ayaa Xasan waxa kale oo uu ku yiri “Dooni meyno booqasho ee waxaan doonaynaa badbaado, nolol iyo geeri mid lagu keeno taliyihii guutada 25-aad iyo askarta kale ee weli la la’yahay, kuwii shahiidayna ay meydkooda mujrimiintu ku kor baraanburayaan waa in laga gaaraa inta aysan karsan”. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in tallaabo la qaado, si loo soo bad-baadiyo askarta iyo saraakiisha weli maqan ee lagu waayay weerarkaasi. “Askarta dhimatay meydkooda in la soo badbaadiyo ayaa askar kale u dhimataa, taas oo ah: “Mid lagu dhisayo moraalka kuwa nool”. Nolol iyo geeri mid lagu qanco keena, intaan ka badan idin kama aamusnaan karno e. Dagaalku waa xaq, debacsaniduse waa agnaan-nimo ee booqashada ha la beddelo” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Xasan Cabdulle. Maalmo kahor ayaa Al-Shabaab weerar lagu hoobtay waxa ay ka fulisay Cowswayne, kaas oo dhaliyay hadal heyn xoogan, maadaama lagu laayay askar badan, hubna lagu qaatay. The post Xog: Taliye Shaah-macabe oo la waayay kadib weerarkii Cowswayne appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaamiyaha dowladda Libya ayaa sheegay in uu shaqo ka-joojin ku sameeyey wasiirkiisa arrimaha dibedda kadib markii dhiggeeda Israel uu ku dhawaaqay in ay wada-hadallo ku yeesheen Rome, toddobaadkii tegay. Najla al-Mangoush “si ku meel-gaar ah” ayaa loo hakiyey, waxaana baaritaan maamul ku sameyn doona guddi uu hoggaaminayo wasiirka cadaaladda, waxaa sidaa sheegay ra’iisul wasaare Abdulhamid Dbeibah, oo qoraal rasmi ah soo dhigay Facebook. Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku qeexday “fursad iyo kulan aan rasmi aheyn,” hase yeeshee warka ku saabsan kulanka ayaa horseeday dibad-baxyo ka dhacay waddooyinka dhowr magaalo oo ka tirsan Libya. Muranka siyaasadeed ayaa qarxay Axaddii kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Israel ay sheegtay in wasiirada arrimaha dibedda labada dal ay kulmeen toddobaadkii tegay. Bayaanka ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen iyo dhiggiisa Libya Mangoush, ay ku wada-hadleen kulan ka dhacay Rome oo uu marti-geliyey wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga Antonio Tajani. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha dibadda Libya oo shaqada laga joojiyay appeared first on Puntland Post.
-
Waxaan ku horayn taariikh yar oo kooban inta aanan bixin talo. Saddex qodob baa laba aan sooyaalka ku fiirin midna aan ugu nasteexayn MW Muuse biixi.Taariikhda aduunka madaxwaynayaashu marka ay ku fashilmaan dagaal dalkoodu ku jiray laba mid uun baa dhacda: 1) Iney is-casilaan. Tusaalayaal; a) Lyndon B. Johnson ayaa is casilay kadib matkii Dagaalkii Fiitnaam uu ku fashilmay sanadkii 1968 b)Amadou Toumani Touré oo ahaa madaxwaynihii Maali ayaa is-casilay sanadkii 2012 kadib markii ay dagaalo qadhaadh kaga adkaadeen jabhadda gooni-u-goosadka Toureg iyo kooxo islaamiyiin ah gobolka Galbeedka Saxaraha(Western Sahara) c) Charles Taylor oo ahaa madaxwaynihii Laybeeriyaa ayaa lagu khasbay inuu is-casilo 2003 kadib markii uu si xun ugu guuldaraystay dagaalkii sokeeye ee labaad ee laybeeriya. d) Robert Mugabe oo Zimbabwe mudo dheer haystay ayaa ku khasbanaaday inuu is casilo sanadkii 2017-kii markuu ku guuldaraystay dagaalkii sokeeye ee Zimbabwe 2) In la Inqilaabo. Tusaalayaal a) Waxaa la inqilaabay sanadkii 1979 Madaxwaynihii UGANDA Id Amiin sanadkii 1979 markiii uu ku guuldaraystay dagaalkii Uganda iyo Tanzania b) Waxay ahayd sanadkii 2011 markii madaxwaynihii IVORY COAST ninka la yidhaa Laurent Gbagbo la inqilaabay kadib guuldaro uu kala kulmay dagaal sokeeye oo uu dalkaasi ku jiray. c) Benito Mussolini oo Talyaaniga madaxwayne ka ahaa ayaa isna la inqilaabay sanadkii 1943 markii uu ku fashilmay dagaalkii labaad ee aduunka. Waa la xidhay Mussolini lana maxkamadeeyay oo dil lagu fuliyay. d) Keligii Taliyihii axmaqa ahaa ee Maxamed Siyaad Barre ayaa ciidamadii xooga dalka Soomaaliya ku jebiyay dagaal 1977 ee Itoobiya. Guuldararadii kadib waxaa lagu sameeyay inqilaab fashilmay markaa balse jabhaddihii ka dhashay ay afka ciida uu dareen Siyaad Barre 1991 isagoo cagaag kaga baxsaday dalka. Ilaa maanta dawlad la’aantii iyo burburkii ku dhacay Soomaaliya way ka soo waaqsan la’ dahay. 3. Tallada aan siinayo madaxwaynaha Waxaan taariikhda lagu hayn madaxwayne ku fashilmay dagaal oo haddana isu diyaariya musharaxnimo iyo doorasho.Sidaas markay tahay guuldaradda baaxada leh ee Madaxwayne Muuse Biixii gaadhsiiyay ciidanka JSL oo cudud iyo tiro ahaanba dhisan waxaa la gudboon inuu aqbalo masuuliyadaas oo uu sameey doorasho madaxwayne iyo ururo isku sidkan oo qabsoonta December 28, 2023 taas oo ka dhigan is-casilaad si looga baaqsado qalalaase hor leh oo keena burburo laxaad leh oo inta imika ka sii balaadhan Waxaa kale oo aan kula talinayaa inuu la saxeexdo xabadd joojin Maamulka SSC iyo Garadaada isla markaana wada-hadal ay ku jirto heshiis maxaabiis is-weydaarsi uu la sameeyo SSC. Taa macnaheedu maaha inaad ogolaato in SOOL aanay Somaliland ahayn balse waa in wada-hadal iyo nabad lagu baadi-doono gobolkaa isaga ah taas oo shalay ku seegtay maantana aad ku khasban tahay mar walbana ahayd waddada saxda ah. Allaa Mahadle Xamse Khayre Qaran News
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Korneel Saciid Cawil Caare oo horay u soo noqday hoggaamiyaha jabhad la dirirtay Somaliland, balse markii dambe la heshiiyay Muuse Bixi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Sool. Korneel Caare ayaa si lama filaan ah uga hadlay guul-darrada ciidamada Somaliland kasoo gaartay dagaalkii ugu dambeeyay ee looga qabsaday taliskii ugu weynaa ee Goojacadde. Waxa uu tilmaamay in guul-darradu ay keento guul, isla-markaana loo baahan yahay in la dhiso muraalka ciidamada, isaga oo tacsi u dirayu askartii ku geeriyootay dagaalkaasi “Dhammaan ciidamada qaranka ee Laascaanood kasoo guuray arrinta ku dhacday aad-baan uga xumahay, laakiin guusha waxay ku jirtaa inaad guul dareysan karto, waxayna u wanaagsan tahay guushaada dambe” ayuu yiri Korneel Saciid Cawil Caare. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ciidamada Somaliland waxaan leeyahay in badan waad guuleysateen, haddii maanta la’idinka guuleystay, berri ayaad guuleysan doontaan”. Caare oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray guud ahaan shacabka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamadooda ku sugan jiidda dagaalka. “Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay is barbar taaga ciidanka” ayuu mar kale yiri Korneel Saciid Cawil Caare. Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday dagaal beeleedkii maalin ka hor ka dhacay duleedka degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Korneelka ayaa ugu baaday beelaha diriraya inay dagaalka joojiyaan, isla-markaana ay la shaqeeyaan ciidamada ay Somaliland u dirtay halkaasi. “Qolada Ceel-Afweyn waxaan leeyahay ma ilbaxdaan, kama il baxdaan qof aad dishaan war dadku nolosha ayuu ku wacan yahay joojiya xabadda, ciidankana la shaqeeya” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkan ay SSC dharbaaxo kulul ku dbhufatay Somaliland, kadib markii ay ka qabsaday xerada Goojacadde iyo maxaabiis fara badan. The post Muxuu Korneel Caare ka yiri guul-darrada Somaliland ee dagaalka Laascaanood? appeared first on Caasimada Online.
-
Having been observing Somali politics for a number of years, the defeat of the Somaliland forced in Goojcade was inevitable. This is the case because the war lacked political legitimacy, was injustice and doomed to fail all the time. The uprising in Lascaanod was born out of the conditions and violence/insecurity the local residents felt for over ten years. Historically, Somaliland was wrong was on many levels. First, they wrongly assume or (wilfully ignored) everyone in the region will embrace Somaliland’s pursuit of independent state and failing to provide a political space for people who clearly have a political of their own to join the Greater Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Guurtida oo shaacisay inay Ergo u Dirayaan Shaqaaqada Ceel Afweyn Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somalialnd Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa shaaca ka qaaday in ay ka shirguddoon ahaan guddi u saareen xalinta dirirta ku dhexmartay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag beelaha walaalaha ah ee halkaasi wada dega iyo dejinta ciimada Qaranka ee degmada Oog oo xukuumadda iyo golayaasha Qaranku hawsha ku jiraan. Guddoomiyaha golaha guurtida ayaa ku adkeeyay bulshada ku nool degaanka Ceel Afweyn inay nabada qaataan colaadana joojiyaan, isla markaana guurtida iyo guddida dhex dhexaadintana aqbalaan. Waxaanu sidan ka sheegay kulan ay goobjoog ka ahaayeen guddidi golaha guurtidu u saaray xal u helista jabhada gashay Buurta Gacan-libaax. Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in dejinta Ciidamada Qaranka ee degaanka Oog ay u dirayaan guddi kala qaybgasha. Waxaanu yidhi.“Ciidamada Qaranka hadda dajintoodii ayaa laga wada Oog, wasiirro iyo golihii kale iyo odayaalba way marayaan, haddii ALLE yidhaahda waanu kala qaybgalaynaa, wefti ayaanu iyagana u diraynaa, waynu u qaybsami karnaa labada howlood, wixii kale ee baaqanayaaba ha baaqdee, waxa aynu ka fuudhyeelaynaa labadaasi arrimood maanta, ILLAAHEYNA haynagu gargaaro.” Guddoomiyuhu ayaa isaga oo ka wakiillada golaha, waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay degmada Ceel Afweyn. Waxaanu yidhi.“Shir-guddoonka golaha guurtidu isaga oo afka golaha ku hadlaya waxa uu baaq nabadeed u diraya beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya degmada Ceel Afweyn. Waxa aanu beelahaasi ka codsanayna inay xabadana joojiyaan nabadana qaataan, beelo maanta iyagu isu muuqda Qarankani uma baahna, intiisa kale ayaa ku filan. Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi.“Dhibaatada guud ee maanta dhacday ee Qaranka soo gaadhay baa ku filan, taasi ayaynu xal iyo is-afgarasho, horumar iyo wanaag ku gaadhno, taasi ayaad nagala qayb galaysaan beelihiinaasi, uma baahnin docfaruur laba reer oo iyagu isu muuqday Qaran ma daweyso, Qaranka u tudha oo Qaran weyne u tudha, oo noo tudha haddii aanu nahay reer Somaliland. Noo tudha nabada qaata, xabada joojiya hadadan hala joojiyo, waa isugu kiin imaneyna nabada waanu ka qayb galaynaa, gardarana loo dulqaadan maayo, ciday doonto haka timaado, balse aan isla gaadhno maxaa gardarro ah ee maanta dhacay, qaata talada, deg degna waa la idiinku imanayaa, waftigii golaha guurtida ee heer Qaran ayaa idiin imanaya, haddii uu ugu bato laba cisho ayuu idinka maqan yahay, soo dhaweeya, nabad nasiiya tolow, nabadbaanu idinka rabbnaa.” Qaran News
-
Xisbiga UCID oo soo Dhaweeyay Go’aamadii Ergada Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go ‘aankii xalka ahaa ee ay soo saareen ergadii beesha East Burco Clan. Faysal wuxuu tilmaamay in go’aankaas ay sidiisa u qaadanayaan, wuxuuna xusay inay xal u tahay khilaafka dalka. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo difaaca dalka oo la isgarab taago ciidanka Qaranka. Waxaanu maanta hadlay isagoo xidhan Tuute Ciidan. Qaran News
-
Tripoli (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha dowladda Libya ayaa Axaddii sheegay inuu shaqo ka-joojin ku sameeyey wasiirkiisa arrimaha dibedda kadib markii dhiggeeda Israel uu ku dhowaaqay inay wada-hadallo ku yeesheen Rome, toddobaadkii tegay. Najla al-Mangoush “si ku meel-gaar ah” ayaa loo hakiyey, waxaana “baaritaan maamul” ku sameyn doona guddi uu hoggaaminayo wasiirka cadaaladda, waxaa sidaa habenekii Axaddi yiri ra’iisul wasaare Abdulhamid Dbeibah, oo qoraal rasmi ah soo dhigay Facebook. Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku qeexday “fursad iyo kulan aan rasmi aheyn,” hase yeeshee warka ku saabsan kulanka ayaa horseeday dibad-baxyo ka dhacay waddooyinka dhowr magaalo oo ka tirsan Libya. Muranka siyaasadeed ayaa qarxay Axaddii kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Israel ay sheegtay in wasiirada arrimaha dibedda labada dal ay kulmeen toddobaadkii tegay. Bayaanka ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Israel Eli Cohen iyo dhiggiisa Libya Mangoush, ay ku wada-hadleen kulan ka dhacay Rome oo uu marti-geliyey wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga Antonio Tajani. War-saxaafadeedka Israel ayaa ku qeexay hindisihii ugu horreeyey ee diblomaasiyadeed ee noociisa ah ee dhex-mara laba dal. “Waxaan wasiirka arrimaha dibedda kala hadlay suurta-galnimada weyn ee labada dal xiriirkooda,” ayuu ku Cohen ku yiri bayaanka ay baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Israel. Hase yeeshee wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa Axaddii sheegtay in Mangoush “ay diiday inay la kulanto dhinac kasta” oo matalaya Israel. “Waxa ka dhacay Rome waxay ahaayeen fursad iyo kulan aan rasmi ah aheyn, intii uu socday kulanka dhiggiisa Talyaaniga, kaasi oo aan ku jirin wax wada-hadal, heshiis ama wada-tashi ah,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda. Wasiirka ayaa ku celisay “si cad oo aan mugdi ku jirin mowqifka Libya ee ku aadan qadiyadda Falastiin”, ayaa lagu yiri bayaanka. Wasaaradda arrimaha dibedda Libya ayaa ku eedeysay Israel inay isku dayeyso “inay dhacdadan u ekeysiiso” sida “kulan ama wada-hadallo.” Bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Israel ayaa kasoo xigtay Cohen inuu yiri in labada dhinac ay ka wada-hadleen “muhiimadda ilaalinta dhaxalka Yahuudda Libya, oo ay qeyb ka tahay dayac-tirka macbadyada iyo xabaalayaasha Yahuudda ee dalka.” “Cabirka Libya iyo goobta muhiimka ah ee ay ku taallo waxay fursad weyn u tahay Qaranka Israel,” ayuu yiri. Ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan kulanka oo laga helay dhanka Rome. VOA + AFP The post Wasiirka arrimaha dibedda Libya oo shaqada looga joojiyey arrin la xiriirta Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maanta lagu qabtay dibadbax weyn oo ay dhigeen shacabka ku dhaqan koonfurta magaaladaasi. Dibadbaxan ayaa waxaa lagu taageerayay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan howlgallada ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Waxaa mudaharaadkan soo qaban qaabiyay maamulka degmada, ayada oo ujeedku ahaa in reer Gaallacyo ay taageero ugu muujiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan guullo ka gaaray howlgallada ka socda deegaanada maamulka Galmudug. Dibadbaxayaasha ayaa isugu so baxay barxadda Five Star ee Gaalkacyo, iyaga oo ku qalinayay erayo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale siteen booray lagu soo xordhay erayo ay taageero ugu muujinayaam ciidamada huwanta ee gulufka ka waday gobollada dhexe ee dalka. Waxgarad iyo abwaano ka hadlay mudaharaadka ayaa sidoo kale shacabka ku booriyay inay qaataan doorkooda, ayna garab istaagaan ciidamada ku sugan furimaha dagaalka. Mid kamid saraakiisha laamaha ammaanka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ka go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab, balse ay u baahan yihiin taageerada shacabka. “Annaga ciidamo amni ahaan Shabaab waxaa naga go’an inaan a dirirno dhiigeena inaan ku bixino gudaha iyo bannaanka, waxaana rabnaa inaad na taageertaan” ayuu yiri. Dhankiisa Duqa Galgakacyo, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo gabagabadii hadalka qaatay ayaa xusay in Gaalkacyo ay diyaar u tahay halgalka xoreynta ee ka socda Galmudug. Isku soo baxan ayaa qayb ka noqonaya abaabulka culus ee hadda ka socda Galmudug, kaas oo qorshihiisu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan Galmuudg. The post Mudaharaad weyn oo ka dhacay Gaalkacyo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – In an era often characterized by sharp divisions, a recent AP-NORC poll surprisingly found Americans largely unified on one issue: the role of age in political leadership. The survey, conducted between August 10 and 14, 2023, revealed that 77% of Americans believe President Joe Biden is too old to serve effectively for another four years. Interestingly, this sentiment transcends party lines: 89% of Republicans and 69% of Democrats shared this view. “Age discrimination may not be legal in the workplace, but it certainly is prevalent among the President’s employers—the American people,” says Eric Dezenhall, a 60-year-old corporate scandal-management consultant who served in Ronald Reagan’s White House. While Biden, who often jests about his age to mitigate concerns, struggles with this public perception, former President Donald Trump seems mainly immune to such worries. Approximately 50% of Americans feel Trump is too old for the office, revealing a stark partisan divide. Democrats are significantly more likely to raise age as a disqualifying factor for Trump than Republicans. Dezenhall explains this divergence: “Biden appears compromised by age-related conditions, even to those who like him. On the flip side, Trump’s negatives aren’t necessarily age-related. He’s been the same ranting character for almost eight decades.” The push for younger leadership Age-related concerns are driving public discourse about America’s political future. Nearly two-thirds of U.S. adults advocate for age limits on candidacy for president and Congress, while 67% support a mandatory retirement age for Supreme Court justices. Despite this trend, it’s unlikely that we’ll see sweeping changes soon. “With elders mostly running the show and the Constitution to contend with, don’t expect an age revolution anytime soon,” Dezenhall adds. But why is there a growing preference for younger leadership? Noah Burden, a 28-year-old communications consultant in Alexandria, Virginia, believes it’s a matter of shifting values and perspectives. “The older generation represents a sense of the country that isn’t accurate. It can be dangerous,” he says. Ageism or realism? Experts weigh in S. Jay Olshansky, a public health professor and aging expert at the University of Illinois at Chicago, finds the focus on age disheartening. “It’s classic ageism. The age of the individual is irrelevant; it’s their policies that matter,” he argues. Olshansky further suggests that Biden and Trump are likely “super agers,” functioning highly despite their age. The debate on age versus experience remains contentious. For Alyssa Baggio, a 32-year-old Democratic-leaning independent, the question of age was always a concern. “I don’t think [Biden] ‘s done a terrible job, but I believe that’s because he surrounds himself with experienced people, unlike Trump,” she says. Ultimately, the American electorate is wrestling with complex attitudes toward age, contrasting it with other qualities like experience, vigor, and suitability for the highest office in the land. What’s evident is the growing appetite for fresher faces and new ideas, something both parties will need to consider as they approach the 2024 Presidential election. The post Biden viewed as too old for a second term, poll finds appeared first on Caasimada Online.
