-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada ATMIS Jeneraal Sam Okiding oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey guulaha ciidamada ATMIS ay gaareen, taageerada ay siiyaan ciidamada qaranka Soomaaliya iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socda. Sidoo kale Jeneraal Okiding ayaa sheegay 3,000 oo askari oo howlgalka ATMIS ka tirsan ilaa dhamaadka bisha September ee sanadkaan ay dalka ka baxayaan, sida uu dhigayo heshiiska ATMIS iyo Dowladda Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada aya sheegay in ay ATMIS sii wadi doonto la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS iyo saaxiibada kale, si buu yiri ‘loo xaqiijiyo in si habsami leh loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya mas’uuliyadda amniga Qaranka.’ Sidoo kale sarkaalkaan ugu sareeya ciidamada ATMIS wuxuu balan qaaday in howlgalkiisu uu la imaa doono qorshe lagu soo kabayo dib u dacyadii amni oo yimid howlgalka ATMIS. Ugu dambeyntii Jeneraal Sam Okiding wuxuu sheegay inay ka go’antahay dhaqan gelinta heshiiska dhamaan ciidamada ATMIS looga saarayo Soomaaliya dhamaadka bisha Disembar 2024-ka. Ciidamada ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM ayaa ka howlgala gobollada koonfurta Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, inta badana lama dagaalamaan Al-Shabaab. Ciidankaan ayaa badanaa ku jira xeryo u gaar ah, waxayna kor ka ilaaliyaan magaalooyin dhowr ah iyo xarumo muhiim ah, sida garoomada diyaaradaha, saldhigyo iyo goobo kale oo muhiim ah. Ciidamada ATMIS furimaha dagaalka uma raacaan ciidanka qaranka, waxaana inta badan la dejiyaan magaalooyinka markii laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab. Hadda Soomaaliya waxaa ka socda dagaal culus oo ciidamada qaranka ay kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaan inay dhaqan geliso heshiiskaan dhigaya in ciidamada ATMIS laga saaro dalka markii la gaaro dhamaadka sanadka soo socda. The post ATMIS oo war kasoo saartay howlgalkeeda iyo tirada ciidan ee ay la baxayso September appeared first on Caasimada Online.
-
Tababar loo Qabtay Beeraleyda Gabiley Gabiley(Qaran news – Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Beeraha JSL ee gobolka Gabiley Cabdiraxmaan Axmed Cabdillaahi (Jeex), ayaa tababbar u soo xidhay qaar ka mid ah Beeralayda Gobolka Gabiley. Tababbarkan oo lagu qabtay Xarunta Siidhka ee Wasaaradda Beeruhu ku leedahay deegaanka Galooley ee bariga Gabiley, ayaa waxa iska kaashaday xafiiska wasaaradda Beeraha ee gobolka Gabiley iyo hay’adda HAVOYOCO oo xidhiidh wada-shaqayneed ka dhexeeyo wasaaradda Beeraha. Tababbarka oo muddadii uu socday lagu baray Beeralayda hababka ugu habboon ee kobcinta Wax-soo-saarka, ayaa waxa gaba-gabadii soo xidhay Isu-duwaha wasaaradda horumarinta Beeraha ee gobolka Gabiley Cabdiraxmaan Axmed Cabdillaahi (Jeex) iyo xubno ka socday hay’adda HAVOYOCO. Isu-duwaha iyo madaxda HAVOYOCO oo halkaa ka hadlay, ayaa Beeralayda tababbarka la siiyey ku dhiirigeliyey in dedaalkooda Wax-soo-saarka ay ku dabaqaan aqoontii ay ka heleen tababbarka muddada u socday. Sidoo kale, wuxuu Isu-duwuhu u soo jeediyey Beeralayda la tababbaray in aqoontii ay korodhsadeen u gudbiyaan Beeralayda kale ee aan nasiibka u helin tababbarkan. Gaba-gabadii, Isu-duwe Jeex wuxuu u mahad celiyey hay’adda HAVOYOCO ee ay tababbarkan iska kaashadeen, isaga oo sheegay inaan tababbarradu ku koobnaan doonin ka uu soo xidhay, balse ay qaban doonaan kuwo kale oo ay ka faa’idaystaan Beeralayda Gobolka Gabiley. Tababbarkan uu soo gebogabeeyay Isku-duwaha Gabiley, ayaa qayb ka ah siyaasadda guud ee Wasaaradda Beeruhu kor ugu qaadayso aqoonta Beeralayda dalka, si wax-soo-saarku u kordho. Qaran News
-
Libreville (Caasimada Online) – Koox ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada waddanka Gabon ayaa kasoo muuqday telefishinka qaranka saacadihii hore ee Arbacada maanta ah. Waxa ay sheegeen inay la wareegeen talada dalka, daqiiqado ka dib markii guddiga doorashada ee dalkaas uu ku dhawaaqay in madaxweyne Ali Bongo uu ku guuleystay markii saddexaad. Iyaga oo kasoo muuqday TV-ga Gabon 24, ayaa saraakiishan sheegeen inay matalaan dhammaan ciidamada ammaanka iyo kuwa difaaca ee dalka Afrikada dhexe. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in la laalay natiijada doorashada, dhammaan xuduudahana la xiray illaa amar dambe, isla markaana la kala diray hay’adaha dowladda, waxaana hay’adaha dowlada ee la kala diray ka mid ah, Xukuumadda, Guurtida, Golayaasha Qaranka, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo guddiga Doorashooyinka. Dhawaqa rasaas xooggan ayaa laga maqlayay magaalada caasimadda ah ee Libreville, sida uu sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters, kadib markii ay saraakiishan kasoo muuqdeen Telefishinka. Inqilaabkan ayaa haddii lagu guuleysto wuxuu noqonayaa kii siddeedaad ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika tan iyo sannadkii 2020. Afgembiyada Mali, Guinea, Burkina Faso, Chad iyo Niger ayaa wiiqay horumarkii dimoqraadiyadda sanadihii la soo dhaafay. The post Wararkii ugu dambeeyay ee afgembi ka dhacay Gabon appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa dadka Soomaaliyeed ugu laab qaboojiyey in lala xisaabtami doono, laguna ciqaabi doono shaqsiyaadka ku tagri fala awooda ciidanka qaranka ama cadowga u dayaca ciidamada markii loo dhiibay hoggaankooda. Madaxweynaha ayaa sheegay in la gaaray waqtigii la abaal-marin lahaa ciidanka iyo saraakiisha soo hooyey guulaha wax ku oolka ah, isla markaana lala xiisaabtami lahaa kuwa ku tagri falay wadooda ciidanka ee loo dhiibay. “Waxaa la joogaa waqtigii lala xisaabtami lahaa awooda ciidanka ee la siiyey, dowladnimo waa isla xisaabtan, ogaada kuwa ka shaqeynaya qalqal gelinta ciidanka waa Shabaab, noogama sokeeyaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo ka hadlay dagaalkii Cowsweyne ayaa sheegay in khasaaraha la sheegay uusan gaarin ciidanka qaranka, balse Al-Shabaab aad loogu jebiyey dagaalkaas, taas oo sababtay in hal xabaal-wadareed ay ku aasaan meydadka 190 maleeshiyaad ah, sida uu sheegay Xasan Sheekh. “Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaan leeyahay waa dadaasheen, waana ka soo baxdeen doorkiina, wax canaan ah malihidiin, saraal, askari ama nin madax ah oo idinku dhex jira oo qalad sameeyey hadii uu jiro, waa lala xisaabtamayaa, laakiin qaladkiisa yaan laga bixin jawaab kale oo qalad keeneysa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynuhu. Xasan Sheekh ayaa ku goodiyey in wax kasta oo car qalad ah hadii la sameeyo uusan dagaalkaan istaagi doonin, “Wax kasta hadii ay dhacaan meelaha aan joogno ka soo noqa meyno, horay ayaan u socaneynaa ilaa aan gaarno guusha kama dambeysta ah ee aan u socano,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in dalku uu galay dagaal aan laheyn meel looga laabto, guushiisana ay muuqato, wuxuuna codsaday in dowladda uu hoggaamiyo lagu garab istaago dagaalka Khawaarijta. “Shabaab maanta waa liitaa, halka anagu aan intii hore ka tiro iyo tabar badanahay, guulo badan oo cadowgu uusan heysan ayaan heysanaa, geesiyaasha qaranka waxaan leeyahay guushii soo haabasho ayaa ka hartay, waxaana 100% ku kalsoonahay inay guusha dhameystiri doontaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo ku goodiyey isla xisaabtan ka dhan ah saraakiisha ciidanka appeared first on Caasimada Online.
-
Wisil (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyn xoog leh ayaa ka dhalatay sida loo maareeyey kiiska horjooge sare oo maanta iska soo dhiibay Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur, una dhashay beesha Sacad ee Habargidir. Dad badan ayaa dhibsaday hanaankii loo soo dhaweeyey sarkaalkaan la sheegay inuu kasoo goostay Al-Shabaab oo wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Axmed M. Fiqi iyo Xildhibaanka beeshiisa Cabdiraxmaan Cagaweyne ay sawirro lasoo galeen. Sidoo kale waxaa arrinta cirka ku sii shareertay markii qoraallo dadka ka yaabiyey lagu soo qoray baraha bulshada ee Xildhibaan Qaali Cali Shire iyo guddoomiyaha degmada Wardhiigley Seynab Xaabsay oo ku heyb ah ninkaan la sheegay inuu ka soo goostay Khawaarijta. Fecabook-ga Xildhibaan Qaali Shire ayaa lagu soo qoray “Nuur-deeq kama xuma kuwo boqolaal laayey ee hadana xilal dowladda ka haya, caadi iska dhiga, isaga iyo Allaah ayaa ku xisaabtamaya, dowladuna cafis ayey u fidin doontaa, halkaan xabaa nooga jiray, isagana waan soo xareynay.” Sidoo kale, Guddoomiye Seynab Xaabsay ayaa barteeda Facebook ku soo qortay “Ma isla soconaa? Waxaa yimid maandheere, soo dhawaaw mudane soo dhawaaw. Inta maangaabka ahna warkooda waa in bartooda loogu tago hadii kale noqda maandheerayaal gacan save ahna soo gala, dalkaan mudo yar kadib waa wada save inshaallah.” In kastoo ay jiraan warar sheegaya in Xildhibaan Qaali ay ku doodayso in laga jabsaday Facebook-geeda qoraalkaana uusan ka turjumeyn aragtideeda, hadana waxay dadku isku fasirteen oo la yaab ku noqday qoraalada gabdhahaan iyo sawirradii ay maanta horjoogaha lasoo galeen wasiir Fiqi iyo Xildhibaan Cagaweyne. Dowladu waa cafisay, waana u furantahay xubnaha Shabaab-ka ah inay ka soo haraan fikirka argagixisada, balse horjooge iyo dagaalame qof kasta oo ka soo baxa kooxdaas wuxuu maraa nidaam adag oo dowladu ay ku dhaqan celiso, si dib loogu soo celiyo bulshada, taasi waxay qaadataa ugu yaraan 3-sano. Maanta, waxaa dadka la yaab la noqotay sida qaar kamid ah masuuliyiinta beesha Sacad ay u soo dhaweeyeen, isugu dhigeen, u karaameeyeen, una amaaneen Horjooge Maalinguur oo ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Al-Shabaab. Ninkaan waa caan, waayo badan ayuu kasoo tirsanaa madaxda ugu sareysa kooxda, wuxuuna ka howl-geli jiray koonfurta gobolka Mudug iyo bariga gobolka Galgaduud, maanta ayuu iska dhiibay degmada Wisil, waxaana ka hor tegay masuuliyiin abaabulan oo beeshiisa ah, kuwaas oo muujiyey inuu soo galay dhabarkooda. Horjoogahaan oo watay Gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil. Wasiirka Arimaha Gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ka soo muuqday goobtii maanta lagu soo bandhigay horjooge Nuur-deeq Maalinguur. Imaashaha ninkaan ayaa ku soo aaday xili xasaasi ah oo dhiigii ciidamada qaranka uu sii qoyan yahay, dagaalku cuslaaday, dadkuna ay aad u dhibsanayaan sii jiritaanka Al-Shabaab, waxayna maanta dad badan ka xumaadeen sida loo maamuusay ninkaan oo la aaminsan yahay inuu lug ku lahaa qorshayaashii ay Al-Shabaab ku dhagreen ciidmada qaranka. The post Fadeexad ka dhalatay siyaasiyiin yabyaaladeeyey sarkaal sare oo ka yimid Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Ergada East Burco Clan oo Shacisay in Madaxweyne Muuse Aqbalay Go’aamadoodii Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay dhammaan go’aankii ergada beelaha bariga Burco ay ku xalinayeen khilaafka ka taagnaa kala hormarta doorashooyinka oo ay u muddeeyeen inay qabsoomaan labada doorashaba 13ka November 2024. Salaadiinta beelaha baruga Burco ayaa kulan ay caawa la yeesheen madaxweynaha wuxuu u sheegay inuu aqbalay, sidasna waxa shaaciyay Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale. Suldaan Siciid wuxuu uga mahadceliyay madaxweynaha sida sharafta leh ee uu uga aqbalay go’aamadii ay soo saareen ee xalka dalku ku jiray. Suldaan Siciid wuxuu u mahadceliyay xisbiyada WADDANI iyo UCID iyo Guddida beelaha West Burco Clan oo dhammaantood aqbalay isla markaana fulinaya qoddobadii ka khuseeyay. Sidoo kale wuxuu ammaanay salaadiinta dalka oo iyaguna go’aamadaas taageeray. Suldaanku waxa kaloo ururrada siyaasada gaar agaan Cabdilaahi Xuseen Iimaan Dirawal uu ku tilmaamay nin ku suntan taariikhda iyo dhismaha Somaliland waxaanu ku booriyay inuu hankiisa siyaasiga ugu tanaasulo nabadgelyada dalka. Waxa kaloo uu ururrada diyaasada ka codsaday inay aqbalaan go’aanka ergo ahaan ay soo saareen. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa fartiin u diray shacabka iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalkii Cowsweyne, isagoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay faafisay warar been abuur ah, isla markaana ay ka been sheegeen lambarka ay ku faaneen inay ka dileen ciidanka qaranka. Madaxweyne Xasan ayaa ku goodiyey inuu la xisaabtamayo saraakiisha iyo masuuliyiinta sameysa dayacaada, isagoo carrabka ku adkeeyey in dowladi tahay ‘isla xisaabtan’. Madaxweynaha ayaa shirkiisaan jaraa’id ku sheegay in AlShabaab ay hal xabaal wadareed ku aaseen 190 dagaalame oo looga dilay dagaalkii Cowsweyne. Wuxuu sheegay in kooxdu ay dhameystirtay dhaawacyadii maleeshiyaadkooda ka soo gaaray dagaalkii Cowsweyne, isla markaana ay ku aaseen hal xabaal wadareed. “Ciidanka Qaranka waxay ka daba tegi doonaan xabaal wadareedyada ay sameeyeen Khawaarijtu waana la baari doonaa, waxaa ku dhacay jab culus, inay dhaawacyadooda dhameystiraan waxaa ku kaliftay daawo uma hayaan, umana naxayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa balan qaaday inaysan jirin doonin magaalo laga saaray Al-Shabaab oo dib looga bixi doono, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in muddo kooban lagu soo afjari doono dagaalka wajigiisa koowaad ee Galmudug ka socda. Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday shacabka inay garab istaagaan ciidanka qaranka iyo dowladda, si looga guuleysto cadowga, isagoo aad u amaanay ciidamada qaranka iyo dadka deegaanada Galmudug iyo HirShabeelle ee isku abaabulay inay la dagaalamaan kooxda. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalkii Cowsweyne, farriin culusna u diray ciidanka appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU — The African Union, Somalia, and the United Nations representatives are actively discussing the next phase of ATMIS troop withdrawal set for September. The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) plans to reduce its forces by 3,000 in the following month, building on their prior successful reassignment of 2,000 soldiers and the handover of six military bases to the Somali government in June. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanadii beesha East Burco Clan ka soo saartay khilaafka Doorashooyinka iyo arrinta Buurta Gacan-libaax. Source
-
Dawladda Taywan oo Deeq Lacageed Ugu ku wareejisay JSL Hargaysa(Qaran news)- Dawladda Taiwan oo xidhiidh siyaasadeed ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Sonaliland, ayaa deeqday deeq lacageed oo dhan 2 Milyan oo doollar Xukuumadda, taasi oo dawladda Taiwan ay ugu talagashay arrimaha bani’aadantinimada sida caafimaadka iyo waxbarsahada. Tan iyo intii uu bilaabmay xidhiidhka Diblamaasiyadeed ee u dhexeeya Taiwan iyo Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa jiray in labada dal ay is dhaafsadaan, kana wada shaqeeyaan arrimaha ka dhexeeya, maaha markii u horreysay ee dawladda Taiwan ay deeq lacageed soo gaadhsiiso Somaliland, balse waxa ay is-garab taagtay Somaliland wakhtiyo kala duwan, taageerana u muujisay. Munaasibada Dawladda Taiwan ay ku wareejinaysay deeqda lacageed ayaa waxa goob jog ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland iyo Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland, kuwaasi oo kala gudoomay deeqdaasi lacageed ee lagu fulin doono arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka, horumarinta Tiknoolajiyada iyo mashaariic kale oo badan. Xogta deeqdan lacageed ayaa waxa ka warbixiyay Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, waxaanu sheegay in dawaladda Taiwan ay deeqdan ugu talagashay arriamaha Bani’aadanimada sida Biyaha, Cuntada, Waxbarashada, Caafimaadka, isaga oo wasiirku qiray in xidhiidhka dawladda Taiwan oo yahay mid wax ku ool ah. Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somlailand ayaa sheegay in Safaarada dalka Taiwan ku leedahay Somaliland uu furan yahay muddo saddex sannadood ah, isla markaasina ay Somaliland ka heshay caawimooyin badan oo ay Taiwan ku caawisay dalka Somaliland, taasi oo ay ka mid yihiin in ay ka caawisay dhinaca Bani’aadanimada, xagga Farsamada, xagga mashaariicda horumarka iyo xagga geedi socodka Dimuqraadiyadda. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa ku dheeraaday Mashaariicaha waawayn ee ay Taiwan ka fulisay dalka kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in ay wax wayn ka tartay wakhtigii adkaa ee Covid 19, taakulayntii dadkii ku caydhoobay abaarihii iyo sidoo kale in ay gacan ka gaysatay qabsoomida Doorashooyinkii dalka ka dhacay. Gaba-gabadii waxa uu sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee JSL kaalmo sidan oo kale ah soo gaadhsiiyaan dowladda Taiwan, isla markaana aanay noqon doonin markii u danbeysay. Qaran News
-
Madaxweyne Kuxigeenka oo Fagaare Kala Qayb Galay Kumanaan Qof oo Taageeray Ciidanka Qaranka Hargeysa(Qaran) Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kala qayb galay bulshada caasimada, isu soo bax ballaadhan oo lagu taageerayay ciidamada Qaranka, kaas oo lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium, isla markaana lagaga soo horjeeday huwanta dagaalka kula jirta Qaranka JSL. Bulshada ayaa watay boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhagyo muujinaya sida uu shacabku uga soo horjeedo kooxaha huwanta ee Somaliland ku soo duushay iyo taageerada ay markasta la garab taagan yihiin ciidankooda. Madaxweyne ku xigeeenka oo Khudbad u jeediyey qaar ka mida bulshada Caasimada ee isugu soo baxay Hargeysa Stadium si ay taageero ugu muujiyaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in aan ciidanka Qaranka markaliya laga guulaysan. Bannaanbaxan waxa soo abaabulay dowladda hoose ee Hargeysa, waxaaney dadyowga ka soo qayb galay ka kala yimaadeen 9-ka degmo ee caasimada Hargeysa, waxa ay lulayeen calanka JSL, iyaga oo halkaasi kaga dhawaaqayay murti ay ku dhiirigalinayaan Ciidanka Qaranka Somaliland, si ay u garab istaagaan, una dhisaan mooraalkooda. Sidoo kale waxa bannaanbaxan ciidanka lagu taageerayay kala soo qayb galay bulshada xubno ka mida golaha wasiiradda, masuuliyiinta saddexda xisbi iyo ururada siyaasada, xildhibaanno, guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, Duqa caasimada Hargeysa iyo golihiisa degaanka. Masuuliyiintii kala duwan ee bulshada kala qaybgashay bannaanbixi lagu taageerayay, ayaa ciidanka ku boggaadiyay heeganka ay markasta ugu jiraan difaaca Qarankooda, waxaaney sheegeen inay hiil iyo hooba lagarabtaagan yihiin. Madaxwayne ku xigeenka ayaa ugu baaqay bulshadii ka soo qaybgashay bannaanbaxa in ay gacmaha is-qabsadaan, isla markaana ay uga tashadaan sidii ay ciidankooda naf iyo maalba ugu huri lahaayeen, sidoo kalena ay u ilaalin lahaaye wada jirka iyo midnimada bulshada Somaliland. Waxaanu yidhi.“Ciidanka Qaranka mudadii ay difaaca dalka ku jireen lagama guulaysan markaliya, ciidanka Qaranka JSL, mid liicaya ama intaas ku hanjabaya maaha. Bulshooy waxa aanu idinka codsanayna in ciidanka dhagxumada aad ka daysaan iyo kala qaadqaadka, afxumada baraha bulshada la wareejinayo, isku duubni ayaynu kaga bixi karta dhibkasta iyo culayskasta oo ina soowaha. Wixii ina soo maray waynu ogayn ee muruqa iyo maskaxdaba aynu ka midowno, dhinacna aynu uwada jeesano, sharafta iyo quruxda iyo karaamada aynu haysanana aynu ilaashano, Somaliland haguulaysato, quluubta shacabka JSL, ILLAAHEY ha mideeyo.” Geesta kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxa uu bulshada ka waaniyay in bulshada ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka ee ka soojeeda gobolka Sool in aan wax dhib ah loogeysan. Waxaanu yidhi.“Waxaan aad idiinka dardaaraya waxa nasiibdarro ah in bulshada innagu dhex nool in la tuurtuuro, la hagardaameeyo, la caayo ama gacanba loo qaado, waa xaaraan, dad Islaam ah ayaynu nahay, bulsho gobonimo looga bartay oo ku noolayd ayaynu ahayne sharafta haynaga qadina, bulshada inala nool ALLE ayaa bugcadan barakaysan ku nooleeyay, hadday Laascaanood ka yimaadeen iyo haday Muqdisho ka yimaadeenba waa in la dhawraa bulshada, meelkasta oo ay joogaan,” Sidoo kale waxa uu nasiibdaro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweyne ku xigeenka Puntland in uu dul warwareego dhaawaca reer Laascaanood isagii oo maamulkiisi uu kala fadhiyo, waxaanu faray inay si deg dega uga baxaan isaga iyo masuuliyiinta kale ee maamulka Puntlandba gobollka Sool iyo magaalada Laascaanood. Waxaanu yidhi.“Dadka Laascaanood ku duulay waxa ay ka taliyeen baa’ba reer Laascaanood, waxaanu ka xunahay reer Laascaanood dhibaatada ku dhacday. Masuuliyiinta reer Puntland ee dhexmeeraysanaya dhaawaca reer Laascaanood, waxaan leeyahay tiisaba daryeela tukale ku dara, waar Puntland ayaa kala daadsan, ciidamo u kala fadhida, waar waxaaga hagaajiso, Laascaanood anaga kaaga xaq leh, anaga kaa xigna, waa dad reer Somaliland ah, imaatinkiinu burbur ayuu u horseeday ee ka baxa ayaanu idin leenahay, bulshadaasina waxaanu leenahay nabadgelyo ayaynu ku heshiinayna haddii ALLE yidhaahdo, Somaliland markasta calanka nabada ayay sidattaa,” Saylici ayaa bulshada reer Laascaanood ka codsaday in aanay Maxaabiista ay hayaan ku tacadiyin, waxaanu ka codsaday in ay ka daayaan sawiradooda iyo muuuqaaladooda ay baraha bulshada wareejinayaan, waxaa uu xusay in Maxaabiista Somaliland gacanteeda ku jirta si fiican loola dhaqmo. Waxaanu yidhi.“Haddii nabadgelyada lawaayo xumaanta lasiiwadii, dadka aad haysana sida Diinta Islaamka iyo Xeerarka caalamiga ahi ina farayaan ula dhaqma, Maxaabiista aanu hayno xagtini ma gaadho, baraha bulshada kuma soo baahino, bulshada kuma walaacino, in kolba nin Maxbuusa aad soo dhigtaan baraha bulshada waa xaaraan, waa halaga daayo oo ILLAAHEY halaga cabsado,” Dhanka kale waxa uu Jabhada gashay Buurta Gacan-libaax ugu baaqay inay Buurta ka soo dagaan oo ay qoriga dhigaan, waxkasta oo ay tabanayaana keenaan miiska wada hadalka. Waxaanu yidhi.“Innamada la khalday ee Buurta Gacan-libaax fuulayna waxaan leeyahay adeerayaal ALLE haydin soo waxaan ALLE idiinka baryayaa in uu idin soo hadeeyo, waxaan leeyahy hubka iska dhiga, dalkiini iyo dadkiini ayaad joogtaan, waxaad tabaysan waxa aad gaysanaysaan ayaa ka xun, haddii aad leedahay waxba iga maqan waa wax la sixi karo, caqligu ha shaqeeyo, hubka hayska dhigaan, wada hadal wixii inoo dhiman aynu ku dhammeysano” Dadweynaha ku nool gobollada dalka, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay taageero u muujinayey ciidamada Qaranka, waxayna sheegeen in taageero naf iyo maal ah lala garab istaago ciidamada Qaranka oo ay sheegeen inay ku filan yihiin difaaca dalka. Qaybgalay Kumanaan Qof oo u soo Baxay Taageerada Ciidanka Qaranka Hargeysa(Qaran)- Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kala qayb galay bulshada caasimada, isu soo bax ballaadhan oo lagu taageerayay ciidamada Qaranka, kaas oo lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium, isla markaana lagaga soo horjeeday huwanta dagaalka kula jirta Qaranka JSL. Bulshada ayaa watay boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhagyo muujinaya sida uu shacabku uga soo horjeedo kooxaha huwanta ee Somaliland ku soo duushay iyo taageerada ay markasta la garab taagan yihiin ciidankooda. Madaxweyne ku xigeeenka oo Khudbad u jeediyey qaar ka mida bulshada Caasimada ee isugu soo baxay Hargeysa Stadium si ay taageero ugu muujiyaan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in aan ciidanka Qaranka markaliya laga guulaysan. Bannaanbaxan waxa soo abaabulay dowladda hoose ee Hargeysa, waxaaney dadyowga ka soo qayb galay ka kala yimaadeen 9-ka degmo ee caasimada Hargeysa, waxa ay lulayeen calanka JSL, iyaga oo halkaasi kaga dhawaaqayay murti ay ku dhiirigalinayaan Ciidanka Qaranka Somaliland, si ay u garab istaagaan, una dhisaan mooraalkooda. Sidoo kale waxa bannaanbaxan ciidanka lagu taageerayay kala soo qayb galay bulshada xubno ka mida golaha wasiirrada, masuuliyiinta saddexda xisbi iyo ururada siyaasada, xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, Duqa caasimada Hargeysa iyo golihiisa degaanka. Masuuliyiintii kala duwan ee bulshada kala qaybgashay bannaanbixi lagu taageerayay, ayaa ciidanka ku boggaadiyay heeganka ay markasta ugu jiraan difaaca Qarankooda, waxaaney sheegeen inay hiil iyo hooba lagarabtaagan yihiin. Madaxwayne ku xigeenka ayaa ugu baaqay bulshadii ka soo qaybgashay bannaanbaxa in ay gacmaha is-qabsadaan, isla markaana ay uga tashadaan sidii ay ciidankooda naf iyo maalba ugu huri lahaayeen, sidoo kalena ay u ilaalin lahaaye wada jirka iyo midnimada bulshada Somaliland. Waxaanu yidhi.“Ciidanka Qaranka mudadii ay difaaca dalka ku jireen lagama guulaysan markaliya, ciidanka Qaranka JSL, mid liicaya ama intaas ku hanjabaya maaha. Bulshooy waxa aanu idinka codsanayna in ciidanka dhagxumada aad ka daysaan iyo kala qaadqaadka, afxumada baraha bulshada la wareejinayo, isku duubni ayaynu kaga bixi karta dhibkasta iyo culayskasta oo ina soowaha. Wixii ina soo maray waynu ogayn ee muruqa iyo maskaxdaba aynu ka midowno, dhinacna aynu uwada jeesano, sharafta iyo quruxda iyo karaamada aynu haysanana aynu ilaashano, Somaliland haguulaysato, quluubta shacabka JSL, ILLAAHEY ha mideeyo.” Geesta kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici waxa uu bulshada ka waaniyay in bulshada ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka ee ka soojeeda gobolka Sool in aan wax dhib ah loogeysan. Waxaanu yidhi.“Waxaan aad idiinka dardaaraya waxa nasiibdarro ah in bulshada innagu dhex nool in la tuurtuuro, la hagardaameeyo, la caayo ama gacanba loo qaado, waa xaaraan, dad Islaam ah ayaynu nahay, bulsho gobonimo looga bartay oo ku noolayd ayaynu ahayne sharafta haynaga qadina, bulshada inala nool ALLE ayaa bugcadan barakaysan ku nooleeyay, hadday Laascaanood ka yimaadeen iyo haday Muqdisho ka yimaadeenba waa in la dhawraa bulshada, meelkasta oo ay joogaan,” Sidoo kale waxa uu nasiibdaro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweyne ku xigeenka Puntland in uu dul warwareego dhaawaca reer Laascaanood isagii oo maamulkiisi uu kala fadhiyo, waxaanu faray inay si deg dega uga baxaan isaga iyo masuuliyiinta kale ee maamulka Puntlandba gobollka Sool iyo magaalada Laascaanood. Waxaanu yidhi.“Dadka Laascaanood ku duulay waxa ay ka taliyeen baa’ba reer Laascaanood, waxaanu ka xunahay reer Laascaanood dhibaatada ku dhacday. Masuuliyiinta reer Puntland ee dhexmeeraysanaya dhaawaca reer Laascaanood, waxaan leeyahay tiisaba daryeela tukale ku dara, waar Puntland ayaa kala daadsan, ciidamo u kala fadhida, waar waxaaga hagaajiso, Laascaanood anaga kaaga xaq leh, anaga kaa xigna, waa dad reer Somaliland ah, imaatinkiinu burbur ayuu u horseeday ee ka baxa ayaanu idin leenahay, bulshadaasina waxaanu leenahay nabadgelyo ayaynu ku heshiinayna haddii ALLE yidhaahdo, Somaliland markasta calanka nabada ayay sidattaa.” Saylici ayaa bulshada reer Laascaanood ka codsaday in aanay Maxaabiista ay hayaan ku tacadiyin, waxaanu ka codsaday in ay ka daayaan sawiradooda iyo muuuqaaladooda ay baraha bulshada wareejinayaan, waxaa uu xusay in Maxaabiista Somaliland gacanteeda ku jirta si fiican loola dhaqmo. Waxaanu yidhi.“Haddii nabadgelyada lawaayo xumaanta lasiiwadii, dadka aad haysana sida Diinta Islaamka iyo Xeerarka caalamiga ahi ina farayaan ula dhaqma, Maxaabiista aanu hayno xagtini ma gaadho, baraha bulshada kuma soo baahino, bulshada kuma walaacino, in kolba nin Maxbuusa aad soo dhigtaan baraha bulshada waa xaaraan, waa halaga daayo oo ILLAAHEY halaga cabsado.” Dhinaca kale waxa uu Jabhada gashay Buurta Gacan-libaax ugu baaqay inay Buurta ka soo dagaan oo ay qoriga dhigaan, waxkasta oo ay tabanayaana keenaan miiska wada hadalka. Waxaanu yidhi.“Innamada la khalday ee Buurta Gacan-libaax fuulayna waxaan leeyahay adeerayaal ALLE haydin soo waxaan ALLE idiinka baryayaa in uu idin soo hadeeyo, waxaan leeyahy hubka iska dhiga, dalkiini iyo dadkiini ayaad joogtaan, waxaad tabaysan waxa aad gaysanaysaan ayaa ka xun, haddii aad leedahay waxba iga maqan waa wax la sixi karo, caqligu ha shaqeeyo, hubka hayska dhigaan, wada hadal wixii inoo dhiman aynu ku dhammeysano” Dadweynaha ku nool gobollada dalka, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay taageero u muujinayey ciidamada Qaranka, waxayna sheegeen in taageero naf iyo maal ah lala garab istaago ciidamada Qaranka oo ay sheegeen inay ku filan yihiin difaaca dalka. Qaran News
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyihii guutada 12-aad ee ciidamada Somaliland u qaabilsanaa gobolka Sool, Faysal Cabdi Bootaan ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaasi oo sheegayay in lagala baxay xabsigii uu ku xirnaa. Taliye Faysal Bootaan oo Jimcihii u gacan galay ciidamada SSC-Khaatumo ayaa kamid ahaa maxaabiis badan oo ciidamada Somaliland ah, kadib markii lagu jabiyay dagaalka, kuwaasi oo loo kaxeeyay dhanka magaalada Laascaanood. Waxa uu meesha ka saaray in halis ku sugan tahay naftiisa, islamarkaana uu yahay maxbuus ku sharfan magaalada Laascaanood, isaga oo wararkaasi ku tilmaamay kuwo been abuur ah. “Xaaladeyda waa wanaagsan tahay, waxaana la jooga maxaabiistii laga qabtay Somaliland,” ayuu yiri Faysal Bootaan oo sheegay in aan loo geysan wax xad-gudub ah. Waxa uu intaas kusii daray “Baro-bagaandooyinka la’leeyahay ninkaas waa lala baxayaa iyo ciidan baa lala baxayaa, waxaas waxba kama jiraan. Anigu goob ammaan baan joogaa, dadkii oo dhan baa ii shaqeynaya.” Sidoo kale waxa uu sheegay inuu la kulmay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif iyo odayaal kale oo kamid hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo. Hadalka Bootaan ayaa imanaya ka gadaal markii baraha bulshada lagu baahiyay in ciidan gadoodsan oo ku sugan Laascaanood ay qafaasheen qaar kamid ah askartii Somaliland laga qabtay oo uu ku jiro Faysal Bootaan. SSC-Khaatumo ayaa weli muujinaysa in maxaabiista dagaal ee usoo galay ay ula dhaqmeyso si wanaagsan, iyada oo sheegtay inay ilaalineyso xuquuqda aas-aasiga ah, inkasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday aargoosi, kadib jabkii kasoo gaaray dagaalkii Jimcihii. The post Maxaa ka jira in taliye Faysal Bootaan lagala baxay xabsi ku yaalla Laascaanood? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)- madaxdhaqameedka Gobolka Awdal, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan qaraarkii ergada beesha bariga Burco ee xal u helida khilaafkii doorashooyinka. Madaxdhaqameedka Awdal waxa ay sheegeen in go’aankaasi ahaa mid xal ah oo lagaga gudbayo khilaafkii jiray. Madaxdhaqameedka Awdal waxay u soo jeexiyeen madaxweynaha iyo xukuumadda inay fuliyaan go’aamada ergada. Waxa kaloo Hay’adaha dawladda ee ay khusayso ka dalbadeen inay qaraarkaas fulintiisa ka qayb qaataan oo ay wixii kaabis u baahanna xoojiyaan. Sidoo kale waxgaradka Awdal waxay sheegeen inay ka xun yihiin dagaalkii jimcihii dhacay, waxayna iftiimiyeen inay barbar taagan yihiin ciidamada Qaranka iyo difaaca Jamhuuriyada Somaliland. Qaran News
-
Gabadh 11 jir ah ayaa la sheegay in magaalada Jigjiga lagu dilay, ka dib markii la kufsaday. Wararku waxay sheegayaan in gabadhaas yar la deldelay kufsiga ka dib, kaasoo ka dhacay xaafadda 13aad ee magaalada Jigjiga. Dhakhaatirta isbitaalka Kaaraamardha ee magaalada jigjiga ayaa baaritanno ay sameeyeen ka dib waxa ay xaqiijiyeen in kufsi loo geystay gabadhan yar ka hor inta aan la daldalin. Booliska dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen rag ka soo kala jeeda qoomiyado kala duwan, kuwaasi oo loo heysto dilka iyo kufsiga Faadumo Ugaas Carab. Bayaan lagu baahiyay barta faceboogga ee booliska dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu yiri sidan, “Booliska dawlad deegaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 4 Nin oo kufsi wadareed iyo dil ka gaystay Magaalada Jigjiga”. Aabbaha dhalay gabadha la dilay, Ugaas Carab, ayaa BBC u sheegay inuu ku baraarugay arrinkan ka dib markii uu maqlay qaylo yeeraysa. “Guriga dad waaweyn ma joogin, anigana qolkayga jiifka ayaan ku jiray, markii aan tuu-tuujiyey oo aan is iri ma naqas baa ku dhegey anigoo isku dayaya inay dhaqdhaqaaq samayso ayaan arkay xarig lagu ceejiyey, waan ka gooyey, dhakhtarka ayaan geynay” ayuu yiri Ugaas Carab. Qoraalka sawirka,Gabadha waxaa lagu dilay xaafadda 13aad ee Jigjiga Isla markii isbitaalka la geeyey ayey dhakhaatiirtu xaqiijiyeen inay geeriyootay gabadha yar oo lagu magacaabi jiray Faadumo Ugaas Carab aysan noolayn. Ugaas Carab, gabadha aabaheed wuxuu BBC u sheegay in ragga falkaas gaystay ay ahaayeen shaqaale isaga u shaqaynayey. “Wiilasha aniga ayey ii shaqaynayeen, meel alaabta mobilka lag sameeyo ayey iiga shaqaynayeen, ayaga ayuuna tuhunkii galay, booliska ayaa iminka gacanta ku haya, afarna wa xiran yihiin, midna waa maqan yahay” ayuu yiri. Wuxuu intaa raaciyey inuu cadaalad doonayo. “Anigu dhibbane ayaan ahay, cadaalad baan rabaa. Xukuumadda waxaan ka codsanayaa in cadaalad loo raadiyo kuwii hore iyo anigaba” ayuu sii raaciyey.Saraakiisha Komishinka Booliska DDS, ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay sharcigana la horkeenayo 4ta-nin oo gaystay falka kufsi wadareedka iyo dilka ah u gaystay gabadh yar oo aan wali qaan gaadhin, 4-ta nin ayaa gabadha yar kufsaday kadibna dilay waxaana gacanta ku soo dhigay ciidanka amaanka. Komishineerka Komishinka Booliska DDS Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad ayaa sheegay in sharciga lala tiigsan doono raggii falkani ku kacay oo ay boolisku sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen islamarkaana ay caddaalad heli doonaan qoyska gabadha yar. XIGASHADA SAWIRKA,FAADUMO ADEERKEED Qoraalka sawirka,Dadkii isugu soo baxay xaafadda ay gabadha iyo reerkeedu deganaayeen Saamaynta dilku keenay Wararka magaalada Jigjiga naga soo gaaraya waxay sheegayaan in maanta ay ka jirtay caro xoog leh, taasoo keentay in dawladdu ay uruuriso dadka ka soo jeeda qowmiyadaha kale si aan dhibaato loo gaarsiinin. Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in xaafadda ay deganaanyeen gabadha geeriyootay iyo reerkeeda ay ka dheceen rabshado dhex maray dad caraysan iyo booliska. Booliska ayaa la sheegayaa inay isticmaaleen gaaska dadka ka ilmaysiiya si ay u kala kaxeeyaan dadkaas caraysan. Bartamaha magaalada ayey wararku sheegayaan in dhowr gaari ay waxyeello gaarsiiyeen dad caraysan, waxayna sheegayaan warar aan ilo kala duwan ka helnay in rabshadihii ka dhashay kufsga iyo dilka gabadhaas yar loo qab-qabtay dad kontomeeyo qof gaaraya. Komishineerka booliska waxa uu ugu baaqay bulshada in laga fogaado wax walba oo xasilooni darro horseedi kara. Qaran News
-
Hargeysa(Qaran news)- Guddiyada DAN & DUCO iyo HOODAALE ee beesha Gabiley Clan, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan qaraarkii ergada beesha bariga Burco ee xal u helida khilaafkii doorashooyinka. Guddida beesha Gabiley Clan waxay ammaaneen dhinacyadii ay khusaysay ee soo dhaweeyay go’aankii Ergada oo ay ku doodeen inuu ahaa qaraar dalka lagaga saari karo khilaafka iyo xiisada ka dhalatay kala hormarinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo ta Ururrada siyaasada, oo guddigu ay soo jeediyeen in mar la wada qabto 13ka November 2024. Guddiyada DAN iyo DUCO iyo HOODAALE ee beelaha Gabiley Clan waxa ay Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE u soo jeediyeen inay hadlaan islamarkaana aqbaleen go’aankaas xalka u ah khilaafkii dalka ka jiray. Qaran News
-
Xildhibaan Cartan wuu ogaa 2007 in Somaliland laga dhigtay aalad uu nin Puntland ka soo duday adeegsanayay. 32 sanad kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya in dagaal sokeeye ka dhaco Waqooyiga Soomaaliya xilli koonfurta ay ku sugan yihiin ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda Afrika waxay muujinaysaa in rajada laga qabo in la helo dowlad Soomaaliyeed oo xaqa muwaadinka dhowraysa ay sii yaraanayso. Ficii dagaalka sokeeye goobjoogga u ahaa oo talada siyaasadda wax ku lahaa waxaa maanta ka haray Muuse Biiix, Saleebaan Gaal, Maxamed Kaahin, Dr Gaboose. Maskaxdoodu waxay joogtaa xilligii burburka. Inkastoo ay ka tirsanaayeen ururkii SNM waxay sitaan fekerkii kelitaliska oo khilaafaadka siyaasadeed u fasiran jiray dhibaatooyin amni oo u baahan in wax laga qabto, tusaale in dadka dulmiga ka dhiidhinaya lagu tilmaamo argagixiso ama nabaddiid. Dr Gaboose wuxuu si cad u taageeray duqeynta Laascaanood. Xildhibaan Cabdiraxman Yuusuf Cartan (Lenin) ayaa 2007 Nofeemabar maqaal ku qoray shebekaddii Somaliland.org, aadna ugu dhaliilay maamulka Somaliland in ciidammadiisu qabsadaan Laascaanood. In wax dadku isku raacsanayn aysan sharciyad yeelanayn buu ku dooday. Wuu ogaa in Axmed Cabdi Xaabsade, oo 2002 sigay Madaxwyne Daahir Riyaale mar uu booqanayay Laascaanood, uu ka dambeeyay in ciidammada Somaliland soo galaan Laascaanoood Oktoobar 2007. Xaabsade 2014 ayuu dib ugu soo baxsaday Puntland. Ciidankii Yagoori joogay oo uu Mahad Cabmaashe hoggaaminyay ayay Somaliland ku tiirsanaatay. Yaasiin Faratoon ayaa ciidanka Somalialand keenay Yagoori 2003 isagoo sheeganayay in Yagoori uu ka taliyo. Marki lala hadlay oo loo sheegay inaysan ahayn inuu ciidan keeno Yagoori, jawaabtiisu waxay ahayd: “Laascaanood ha burburto”. Faratoon wuu gaaray hadafkiisii inuu burburiyo magaalada uu ku dhashay sheegan jirayna inuu xildhibaan u ahaa. Dagaalka Laascaanood wuxuu meesha ka saaray eeddii hore in reer Laascaanood dhibbane yihiin. In eedda ay leeyihiin oo kuwo iyaga ku abtirsada ay ciidan keeneen oo la iska qaban waayay way qaateen. Dhibtaada waxaa waday horgale; ku dhowaad 128 horgale ayaa nafta ku waayay u shaqaynta maamulka Somaliland. Boqor Buurmadow si wanaagsan ayuu ula taliyay maamulka Somaliland oo dan u arkay in askartiisu u dagaallamaan caaglayaashii Mahad Cambaashe. Somaliland waxaa difaaci jiray Mahad Cambaashe iyo caaglayaaashiisii oo magaalada kala sii wareegay kooxdii Xaabsade billowgii 2008 waayo Xaabsade 2007 ayuu dib ugu soo noqday Hargeysa oo, sida Faratoon, ma lahayn caaglayaal ay Somaliland u masruufto. Somaliland waxay dooratay in caaglayaasha Cambaashe uun ay talada siyaasadda yeeshaan waayo la’aantood Somaaliland ma sii joogi karin Laascaanood. Mahad Cambaashe ayaa xiri jiray dadka oo Hargeysa u gudbin jiray. Faratoon wuxuu raalli ka noqday in Laascaanood la duqeeyo oo lagu sheego magaalo ay argagixiso joogto. Markii bishii Janaayo 2023 ciidanka Somaliland laga saaray Laascaanood caaglayaashii Mahad Cambaashe waxay ka cabsadadeen in magaalada lagula dagaallamo waaayo ciidankii ay isku tiirsanaayeen ayaa laga saaray Laascaanood. Boqor Cismaan Buurmadow ayaa kula taliyay Mahad Cambaashe inuu tolkiis raaco, sidoo kalena u soo jeediyay ciidanka Somaliland inay ka baxaan Laascaanood. Boqor Buurmadow wuu og yahay in Somaliland maamul ahaan marnaba u joogin Laascaanood oo ay ku tiirsanayd caaglayaasha markii dambe lagu qasbay inay shanta galabnimo ku ururaan Galbeedka Laascaanood ka hor inta caaglayaashii intii ka hartay aan hub-ka-dhigis lagu samaynin weerarkii xeradii Guulwadayaasha kaddib. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil wuxuu ka digay in ciidanka Somaliland soo weeraraan dhulka beeshiisu degto iyagoo soo dhexmaraya beelaha deriska la ah. Baaqa Garaad Jaamac Gaarad Ismaaciil u soo jeediyay beesha East Burco Clan waa mid la mid ah baaqa Boqor Buurbadow iyo taladii Xildhibaan Cabdiraxmaaan Yuusuf Cartan. Intaas waxaa dheer, haddii Muuse Biixi ciidan beeleedkiisa uu ku tilmaamo ciidan qaran waa inuu ogaado inuu soo weerarayo qaran kale oo Soomaaliya la yiraahdo oo uu bannaysanayo dhiigga iyo hantida dad Soomaaliyeed oo aan waxba ka galabsan. Wax weyn oo Soomaalida isu haya oo diinta ay ka mid tahay ayaa meesha ka bixi doona, xilli Somaliland leedahay calan uu Towxiidku ku qoran yahay duniduse noo taqaan inaannu hal dal nahay. Su’aashu waa: haddii Muuse Biixi ciidammadiisu soo weeraraan dhulka beesha Dhulbahanate sow beeshu xaq uma laha inay iska difaacdo xasuuqa ay ciidammada Somaliland geysan karaan haddii gacmaha laga laabto? I. M. Lewis Mohamud wuxuu buuggiisa A ModernHistory of the Somali ku qoray in 1946 markii qeyb ka mid dadka Hargeysa ay soo jeediyeen in ururkii SYL noqdo ururka metela Soomaalida, qeyb kale ayaa ka soo hor jeesatay. Ma keenin aragti kale oo reer Waqooyiga mideysa siyaasad ahaan inkastoo Biritishku diiddanaa in beelaha heshiiska galay ay muujiyaan xornimo doonis. Mohamid Isse Trunji wuxuu ku qoray buuggiisa Somalia: The Untold History 1941-1969, in dadka diiday SYL in uu nqodo xisbiga metela Soomaalida ay sameeyeen urur la oran jiray Isxaaqiya iyagoo isku tilmaamay dad Carab ah laakiin dadka Daarood ku tilmaamay dad Afrikaan ah. Muu ahayn mabda’ dadka Hargeysa isku raaceen. 1954tii ayuu Biritishku dhulkii Hawd ku wareejiyay Xabashida (oo uu Xayle Salaase imbaradoor u ahaa markaas) waayo reer Waqooyigu ma lahayn ururro siyaasadeed oo Biritishka kula xisaabtami karay jebinta heshiisyadii ilaalinta (protectorate agreements). Ra’iisal Wasaale Maxmed Ibaraahim Cigaal uun baa 1968, isagoo khudbad ka jeedinayay Royal African Society, u sheegay dadka in Biritayn ay hoos heshiisyo sir ah kala saxiixatay Itoobiya siisayna dhul ay heshiisk ku gashay inay ilaaliso. Bog ka mid ah buugga Trunji. Muuse Biixi haddii uu dan u arko colaad Isxaaqiya ku salaysan wuxuu burburin doonaa dabar weyn oo Soomaalida weli isu haya. Maanta haddii Muuse Biixi ku baaqo colaad “furaha joojinta dagaalka gacantayda ayay ku jirtaa” isagoo marka kale sheeganaya qaran, taa 1954 soo gaartay Soomaalida wax ka daran ayaa soo gaari kara waayo hadda dareenka qarannimada ee Soomaalidu aad buu u hoseeyaa, wadaadduna way ka gaabiyeen inay wanaagga faraan sida dadku xarigga Eebbe u qabsadaan oo midoobaan. In yar oo taariikhda dib loo eego wax badan baa laga baran karaa si aan gefefkii hore oo meel xun na wada dhigay aan loogu noqonin. The post Xildhibaan Cartan Ayaa 2007dii Ka Digay Dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Horjoogihii kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug ayaa maanta usoo gacan galay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta dowlad-goboleedka Galmudug. Horjoogahan oo lagu magacaabo Nuur-deeq Cabdullaahi Maalinguur ayaa waxa uu ciidanka gacanta ku dhigeen isaga oo maraya duleedka Bacaadweyne, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Horjooge Nuur-deeq ayaa markaas watay gaari nuuca raaxada ah iyo qori AK-47 ah, wuxuuna ku socdaalayay duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Wararka ayaa intaas kusii daraya in qabashadiisa kadib horjooge Nuur-deeq loo sii gudbiyay degmada Wisil ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku sugan yihiin masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug Masuuliyiintaan ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi, Xildhibaano heer federaal iyo heer Galmudug, maamulka gobolka Mudug , saraakiil iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo ku sugnaa goobtii maanta lagu soo bandhigay horjoogaha. Ninkaan ayaa hadda lagu hayaa degmada Wisil ee gobolka Mudug. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ee uu horjoogaha Mudug u ahaa. Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo dhawaan si rasmi ah uu u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, waxaana ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay horay kooxda uga qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo usoo gacan galay, xilli uu dalka ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda, kaasi oo deegaano badan looga qabsaday. The post Horjoogihii Al-Shabaab ee gobolka MUDUG oo isu soo dhiibay dowladda + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Doolow (Caasimada Online) – Taliyihii hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ee degmada Doolow, Ibraahim Hilowle Xuseen ayaa maanta la dilay kadib markii ay toogatay xaaskiisa. Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ee dowlad-goboleedka Jubbaland Barre Maxamed ayaa xaqiijiyay dilka taliyihii hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ee Doolow, Ibraahim Hilowle Xuseen. Maxamed Barre ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dilka taliyaha ay ka dambeysay xaaskiisa, taasi oo uu dhawaan guursaday, islamarkaana uu jiray tuhun la xiriira inay xiriir la leedahay kooxda Al-Shabaab. “Waxay ku dishay bistoolad, way xiran tahay (xaaskii taliyihii NISA ee Doolow),” ayuu yiri guddoomiayaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamed Barre oo la hadlay warbaahinta. Sidoo kale waxa uu sheegay in taliyaha xaaskiisu qiratay inay iyadu dishay, kadib markii loogu yimid iyada oo gacanta ku haysatay bistooladiisauu isaguna markaas mayd yahay, oo ay toogatay, sida uu sheegay. Waxa uu ka dhawaajiyay guddoomiyaha in shaki weyn horay uga qabeen xaaska taliyaha la dilay inay xiriir la’leedahay oo ay ka tirsan tahay kooxda Al-Shabaab, oo si weyn ula dagaalsan dowladda Soomaaliya. “Naagtan (xaaskiisa) ishaan ka arkaynay inay Shabaab tahay. Ninkaan shirqool ayay u dhigaysay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Doolow oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah. Wararka ayaa intaas kusii daraya in haweenaydan la sheegay inuu qabay taliyaha ay shalay uun gaartay degmada Doolow, ayna la degtay hotel ku yaalla degmada, halkaasi oo uu ka dhacay dilka. Waxaa weli socda baaritaan la xiriira dilkaan oo sida la sheegay ay geysatay xaaska taliyihii NISA ee Doolow, oo ayadu hadda xiran laguna hayo baaritaan dheeri ah. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa horay dilal shirqool ah oo lagu dilay masuuliyiin muhiim ah ka geystay gobolka Gedo, oo iyagu weli gacanta ku haya deegaano ka tirsan gobolkaasi. The post Taliyihii NISA ee Doolow oo xaaskiisa ay dishay – Sidee ayuu dhacay shirqoolka? appeared first on Caasimada Online.
-
Beesha West Burco Clan waxa ay si diiran u soo dhawaysay go’aamadii ay dhawaan soo saartay beesha East Burco Clan ee lagu xalinaayay khillaafka ka taagan Somaliland. Beesha West Burco Clan waxa ay go’amadaasi ka qaadatay intii ka khusaysay, waxana ay cidkasta oo ay khusaysa ay ku booriyeen in ay qaataan oo fuliyaan dhankooda. Waxa ay beesha East Burco Clan ki boiriyeen in ay joogteeyaan go’aamadani fulistooda. Qaran News
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In a turn of events that could have far-reaching implications for the ongoing conflict in Somalia, government troops were forced to retreat from newly captured territory on Monday. This withdrawal comes on the heels of one of the most devastating attacks launched by the al-Shabab militant group in the village of Cowsweyne, a base taken over by the government forces on August 22. According to high-ranking but anonymous officials within the Somali government, the troops retreated from key locations such as El Dheer, Masagaway, Gal’ad, and Budbud. Major Ismail Abdimalik, a Somali government commander, explained the retreat by noting, “There are small strategic retreats.” Abdimalik insisted that the withdrawal should not be seen as a sign of weakness but as a tactical decision. However, other anonymous sources, who were not authorized to speak on the record, said that the brigades suffered heavy losses. One local official described the attack as “painful.” Claims and counterclaims While the Somali government has remained reticent about the specifics of the Cowsweyne assault, al-Shabab wasted no time portraying it as a significant victory. Yusuf Isse Kabakutukade, an al-Shabab official in central Somalia, declared the attack a “historic victory” and admonished Somali government leaders for underestimating the militant group. According to al-Shabab’s statement, they “overran” the base, killing 178 soldiers and taking prisoners—claims yet to be independently verified. Contrarily, the state-run Somali National News Agency contended that government forces repelled the attack, destroying the car bombs used in the initial phase of the assault. However, a video released by al-Shabab seems to contradict this official account, showing multiple casualties on the base. A prolonged struggle Despite this setback, the overall military campaign against al-Shabab shows no signs of abating. “I think there are some lessons to be learned, but the operations will continue. The determination is there,” commented an unnamed foreign diplomat based in Mogadishu. Significantly, the Somali brigades still hold the strategically important town of Elbur, captured on August 25. Major Abdimalik, who led the capture of Elbur, affirmed, “Elbur is calm, the army is clearing it, they are ready to defend themselves.” President Hassan Sheikh Mohamud, who has been actively encouraging troops from the central Galmudug state regional capital of Dhusamareb, laid out an ambitious five-month plan to eliminate al-Shabab during a town hall meeting on August 17. In the president’s view, it would be “unacceptable and disrespectful” to allow al-Shabab to retake any areas from which they had been expelled. However, as al-Shabab militants continue to retreat into the bush to aim for a prolonged guerrilla war, the government’s plan to eradicate them may be easier said than done. Both sides appear ready for a long struggle, signaling that this war, which has seen both advances and setbacks, is far from over. The post Somali troops retreat after Al-Shabab’s deadly raid appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – In a move bound to stoke further political debate on border security, the FBI is actively investigating a group of more than a dozen Uzbek nationals who entered the U.S. after seeking asylum at the Mexican border. According to multiple confidential sources within the U.S. government, alarm bells rang when intelligence unearthed that these asylum seekers had traveled with the aid of a smuggler linked to ISIS. “FBI agents are working diligently to locate these individuals and evaluate their backgrounds,” confirmed National Security Council spokesperson Adrienne Watson. Watson emphasized that the investigation remains active and ongoing while no specific ISIS plot has been unearthed. Earlier this year, a wave of migrants from Uzbekistan made asylum requests at the southern U.S. border. They were processed and screened by the Department of Homeland Security (DHS) without raising any concerns. These individuals joined the growing number of asylum seekers from Central Asia—a trend that has marked a noticeable shift in U.S. immigration patterns. It was only after intelligence officials learned of a human smuggling ring—specially designed to aid Uzbeks in entering the U.S.—that concerns about potential national security threats solidified. To exacerbate the situation, at least one individual within this smuggling operation had known affiliations with ISIS. Prompt action followed; U.S. officials collaborated with Turkish authorities to arrest the smuggler and further dismantle his network. “We have received valuable information from the arrested individuals aiding our ongoing investigations,” said an anonymous U.S. official. Immigration and terrorism: A complex intersection The matter has exacerbated ongoing debates about the inherent challenges and potential loopholes within the U.S. immigration system, specifically in relation to terrorism. FBI Director Christopher Wray recently acknowledged this issue in a congressional hearing, stating that “the southern border is becoming more of a priority for the FBI” as they observe “severe criminal threats coming from across the border.” Law enforcement officials have privately voiced concerns that an uptick in migrants from Central Asia—a region not traditionally a significant source of refugees—did not prompt an immediate, more rigorous investigation. “We must recalibrate our screening and vetting procedures,” Watson asserted, “to protect Americans from a full range of potential threats.” This case arrives at a particularly delicate moment for the Biden administration, caught between managing an increasingly complex landscape at the southern border and addressing rising global threats from terrorist organizations. While this incident has reignited Republican criticisms about the administration’s border policies, some within the Biden camp see it as a system functioning as it should. For instance, since this intelligence became available, DHS has already started to detain and expedite the removal of other migrants at the southern border who fit similar profiles. “Whenever we have indicators that criminal actors have connections to terrorism, we collaborate with our partners to mitigate any risks,” the FBI said. The situation serves as a stark reminder that the challenges of immigration policy and national security are not mutually exclusive but rather intricately linked in a world grappling with complex humanitarian crises and evolving threats. The U.S. finds itself at a policy crossroads, where decisions taken today will set the tone for how effectively the nation can safeguard its borders while upholding its commitment to humanitarian values. The post U.S. officials uncover ISIS link in asylum seeker influx appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, xilli ay taagan tahay hadal haynta weerarkii dhawaan Al-Shabaab ay ku qaaday ciidanka xoogga ee ku sugnaa deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud. Mungaab ayaa ugu horeyntii ku baaqay in aan la siyaasadeyn dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo ay dhici karto in khasaare kasoo gaaro ciidanka xoogga dalka, maadaama dagaal lagu jiro. “In dowladnimada guulaysato cadowga Al-Shabaab-na laga adkaado waa danta cid kasta. Waxaan bogaadinayaa Guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta ayna ugu dambaysay xurayntii degmada Ceelbuur,” ayuu yiri Jeneraal Mungaab. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada “in ay hiil iyo hooba ay la garab-istaagaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada qalabka sida ee ku howlan har iyo habeen ka xoraynta dalka cadowga Al-Shabaab. “Cidii doonaysa in ay siyaasad ka dhex raadiso Xuraynta Dalka Iimaanka Allah hageliyo ,waxaana leeyahay war hooy (Sidaasi geela looma kaxeeyo),” ayuu sidoo kale ku yiri qoraal uu soo saaray Jeneraal Mungaab. “Jayshkayagoow Guulaysta. Guulayso Fakhaamata ra’iis. Guushaadu waa guusha Umadda Soomaaliyeed.” Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada fal-celin xooggan ay ka dhalatay weerarkii ay dorraad kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne, kaasi oo khasaate lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada huwanta, laguna dhaliilay dowladda dhexe. The post Muungaab oo ka hadlay arrin hadal hayn badan dhalisay oo la xiriirta dagaalka appeared first on Caasimada Online.
