-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxaas (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo maanta Maxaas tegay ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, safarka Madaxweynaha iyo go’aankiisa siyaasadeed. Ugu horeyn wuxuu sheegay Cali Jeyte in Maxaxweyne Xasan Sheekh uu berri tegayo magaalada Maxaas, isagoo u kuurgeli doona abaabulka ciidan ee ka socda aagaas iyo tabashada maamul ee dadka reer Hiiraan ay qabaan. “Mar hadii aan waxaba la isku ogoleyn ma dhici doonto in raali la wada ahaado, Soomaalidu waa dad wax isku darsaday, dowladnimada waxaan ku wada ilaasha karnaa inay dadka ka dhaxeyso,” ayuu yiri Cali Jeyte. Sidoo kale Cali Jeyte wuxuu ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in kooxdaas laga guuleysan doono muddo aan dheereyn. “Waxa naga qaldan waxaan ku sixi karnaa aragti caafimaad qabta, tusaale intii aan joogay gobolkaan Hiiraan lagama hirgelin hal mashruuc, Maxaas waxaa laga dhagaxdhigay garoon diyaaradeed, mashruucii lagu dhisi lahaana halka loo weeciyey waad ogtihiin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte. Mar uu soo hadal qaaday masiirkiisa siyaasadeed wuxuu wacad ku maray inuu ka faa’iideysa doono dareenka taageerayaashiisa, isla markaana uu ku dhaqaaqi doono wax kasta oo raali ay kaga yihiin. “Dadka ku nool degmadaan Maxaas waxaan u balan qaadayaa inaana dayici doonin, waa igu balan ilaahey inta aragtideydu la egtahay masiirkeeda inaan ku dagaalamo,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee hobolka Hiiraan Cali Jeyte oo Maxaas ku sugan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah Dhuusamareeb degan ayaa lagu wadaa inuu berri u safro degmada Maxaas, halkaas oo qaar ka mid ah ciidamadii furinta ka soo baxay ay ku sugan yihiin, sidoo kale madaxweynaha ayaa u kuurgelaya tabasho ay beesha Xawaadle ka qabto maamulka HirShabeelle. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Jeyte oo ka hadlay safarka Xasan Sheekh ee Maxaas, wacadna ku maray… appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) –Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaas oo wajigiisa labaad hadda laga sii bilaabay deegaanada maamulkaas. Madaxweyne Laftagareen ayaa ugu horeyn u mahadceliyey madaxweyne Xasan Sheekh oo muujiyey sida ay uga go’antahay in laga guuleysto Khawaarijta Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ciidamada qaranka ku amaanay sida ay naftooda ugu hurayaan dadkooda iyo dalkooda oo cadow laayaan ah uu ka dhex dilaacay. Dagaal shalay ka dhacay degmada Qoryooley ayuu soo hadal qaaday Laftagareen, wuxuuna ciidanka Daraawiishta ee maamulkiisa ku amaanay sida ay u laayeen kooxdii soo weerartay oo ugu yaraan 30 dagaalame laga dilay. “Nasabnimo iyo Gobanimo ma sheegan karno ilaa aan Khawaarijta iska xorayno, KGS waxay diyaar u tahay dabargoynta argagixisada, hadda waxaan sii bilownay wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta,” ayuu yiri Madaxweynaha K/Galbeed. Laftagareen ayaa hadalkaan ka jeediyey munaasabad uu galabta xarigga kaga jaray xarun cusub oo Bangiga Dhexe uu ka furtay magaalada Baydhaba. “Waxaan garab taaganahay Howlgalka socda ee Dalka looga xoreynayo Khawaarijta Alshabaab ee horseedka uu u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Xasan Shekh Maxamuud,” ayuu yiri Laftagareen. Madaxweynaha K/Galbeed wuxuu galabta bulshada ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalka Al-Shabaab, isagoo balan qaaday in maamulkiisu uu awooda isugu geyn doono dagaalka. “Qeybaha kala duwan bulshada iyo siyaasiyiinta waxaan ugu baaqaya inay kaalintooda ka qaatan ciribtirka cadowga duulanka ku ah Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Laftagareen. Hoos ka daawo The post Daawo: Laftagareen oo balan-qaad cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
We all have mental health, and anyone can become unwell due to mental health problems. Some are more at risk due to genetics, biological, social, and environmental factors, but this does not mean you have a weaker faith. As Somalis, like other Muslim communities, we tend to go to spiritual healers or imams first, but, unfortunately, they do not tend to signpost or attend mental health services due to stigma or even, in some cases, exploitation when some are running a business charging £100 plus, it is not in their business interest to tell people to get treated, unfortunately, especially in the West where medical and psychological treatment is easily accessible, unlike back in the motherland where there are only a few mental health professionals and a lack of access to psychotropic medication which is expensive for ordinary people to upkeep. Source: Hiiraan Online
-
Afgooye (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab laguna gaarsiiyay khasaare xoogleh. Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah uu ka dhacay deegaanka Towfiiq oo hoostaga degmada Kuntuwaaray, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab. Dowladda ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 20 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi. “In ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Towfiiq ee hoostaga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellada Hoose, kaas oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Warka qoraalka ah ayaa intaasi ku daraya in xubnaha lagu dilay howlgalkan ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ku sugnaa guriga la weeraray. “Howlgalkaan oo bartilmaameed ahaa ayaa lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo ku sugnaa guri ku yaalla deegaankaas” ayaa mar kale lagu yiri. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya. Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhacay dagaallo u dhexeeyo iyaga iyo ciidamada dowladda. The post 20 xubnood oo Al-Shabaab ‘ah oo lagu dhex-dilay’ guri appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta wasaaradda gaashaandhigga, si uu ugu kuurgalo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaraddaaasi. Xamza ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay xubno kamid ah golihiisa wasiirada, isaga oo lu kulmay hoggaanka wasaaradda iyo saraakiila ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024. Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka. Waxaa kale oo uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska argagixisada. Ra’iisul Wasaare Xamza oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, isla markaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan. Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah dalkana ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Shabaab, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn. The post Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta tegay wasaaradda gaashaandhigga + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, isla-markaana haatan ah Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa farriin u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxaamuud. Waare ayaa uga digay madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya inuu la safro wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), isaga oo ka dalbaday in uusan kusoo darin wafdiga u soo raacayo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. “Wax fiican ma dhici doonaan,” ayuu qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle. Maxamed Cabdi Waare ma faah-faahin ujeedka farriintiisa iyo sababta uu farta ugu fiiqay wasiirka gaashaadnhigga oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in lagu sameeyo isla xisaabtan isaga iyo saraakiisha kale ee ciidanka Xoogga dalka, si wax looga weyddiyo weeraradii ay dhawaan Al-Shabaab ku qaadan deegaanka Cowswayne iyo degmada Galcad oo dhaliyay khasaare lixaad leh. Farrintaan ayaasi aad ah ugu baahday baraha bulshada, waxaana ka dhashay shaki iyo su’aallo ay is-weydiinayaan dadka oo la xiriirta digniinta uu Waare u diray madaxweynaha. Arrintan ayaa kusoo aadayso, ayada oo tuhun xoogan uu ka dhashay weerarkii Cowswayne oo jab xoogan lagu gaarsiiyay ciidanka dowladda, kadib markii lagu laayay askar badan. Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda ku wajahay degmada Maxaas, halkaas oo haatan laga dareemayo qaban-qaabada soo dhaweynetiisa. The post Waare oo Xasan Sheekh uga digay inuu safar la galo wasiirka gaashaandhigga appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay weerarkii xooganaa ee ay dhawaan Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay ciidamada Xoogga dalka. Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay su’aallo, iyada oo dowladda Soomaaliya lagu dhalillay inay dayacday askartii lagu laayay halkaasi. Xildhibaan Maxamuud Jeego oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka Soomaaliya uu weerarkaas wax ka weyn diin doono wasiirka gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow, si la’iskula xisaabtamo khasaaraha dhacdadaasi. “Baarlamaankan wuxuu ka shaqeeyaa siyaasad & sharci dajin wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa laga wareysan doonaan wixii ka dhacay Cowswayne” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Jeego oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia. Jeego ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalka sidiisaba uu ka dhasho dhimasho iyo dhaawac, balse waxa uu ka digay in la niyad-jebiyo ciidanka Xooggga dalka “Howlgal marka uu dhaco dhimasho iyo dhaawacbaa waa ka dhashaa laakiin yaan la niyad-jebin cadowgaba waa dhintay, waana dhaawacmay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in dagaallada ka socda furinaha dagaalka ay ku jabeen Al-Shabaab, isla-markaana waqtigooda uu yahay gabaabsi. “Waa jabay codowga goobo badana waa laga saaray inta dhiman oo haraadigaana way ka bixi doonaan” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Maxamuud Jeego. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada madaxweyne Xasan Sheekh oo isna xalay hadlay uu qiray in Cowswayne ay noqotay meesha kaliya ee lagu soo jebiyay ciidamada dowladda. The post Daawo: BF Somalia oo tallaabo culus qaadayo kadib weerarkii Cowswayne appeared first on Caasimada Online.
-
By all accounts, Prime Minister Narendra Modi’s third trip to South Africa was a success. The local Indian community treated him like a rock star. He was riding high, and not just because of the Chandrayaan-3 triumph. India’s economy is booming while China faces demographic collapse and Russia faces recession. For Modi, the visit to South Africa was about more than just BRICS. He has long understood Africa’s growing importance to the world economy. In his decade as prime minister, he has made two previous trips to the continent: In 2016, he visited South Africa, Mozambique, Tanzania, and Kenya, each of the Indian Ocean littoral states. Two years later, he moved inland and visited Rwanda and Uganda, both countries where Indian businesses play important roles, before heading onward to the BRICS summit in Johannesburg. Modi’s call to include the African Union in the G20 suggests he understands Africa’s economic and diplomatic importance. Still, if India’s influence is to be commensurate with its size and economy, it must recalibrate its Africa strategy to go beyond just a few countries with large Indian diasporas or those lying along the southern stretch of Africa’s East coast. While China preaches authoritarianism and even establishes schools to expound the merits of one-party rule, India represents a brand Africans could embrace. Simultaneously, Africa will be critical to India’s efforts to secure its own supply chain and take its industrial and technological sectors to new heights. Too often, the United States tendency to view international relations solely through the lens of bilateral relationships hampers effectiveness. Any policy Washington crafts toward Saudi Arabia or Pakistan, for example, is bound to fail if it does not consider that both Riyadh and Islamabad can, when pressured, simply pivot toward Beijing. Simply put, New Delhi needs not to replicate Washington’s mistakes. India must do more to recognise and counter the reality of China’s Africa strategy and Beijing’s efforts to co-opt the same countries New Delhi now courts. Consider the Democratic Republic of Congo, the continent’s second largest country by area. The epicenter of instability until just two decades ago, it has now emerged from anarchy and, in January 2019, had its first peaceful transfer of power. More importantly, geologists and economists estimate its natural resources at almost two padma rupees (US$ 24 trillion). While Congo has its share of gold, diamonds and uranium, more important in the coming century may be its cobalt and germanium, both important to the lithium batteries necessary for modern computers and electric cars. The current Congolese leadership has been unhappy with China’s investment in the industry and, for a time, suspended operations to renegotiate, and/or seek other investors. It was the perfect opportunity for Indian firms to push China out of a strategic market upon which India’s future wealth will depend. Alas, India (like the United States) was largely absent. No senior Indian officials have visited Kinshasa in years, while President Xi Jinping laid out the red carpet for his Congolese counterpart Felix Tshisekedi this past May. Likewise, India is absent in Somaliland. While no country today recognises Somaliland, 35 countries—including the permanent five members of the UN Security Council—each recognised the country in June 1960 when it gained its independence. After five days, Somaliland entered a union with Italian Somaliland to form what would become Somalia but, in 1991, Somaliland withdrew from that union against the backdrop of its civil war and collapse. In the decades since, Somaliland has remained largely peaceful. While unrecognised, many countries partner with it both because it is democratic and stable in a sea of autocrats and failed states. In 2021, I brought my then-nine-year-old daughter to its capital Hargeisa and port city of Berbera; we walked the streets without fear or security. The country is business friendly, home to Coca Cola’s second-largest bottling plant in Africa, and is a largely cashless society (even beggars seek donations via money transferred through mobile phones). Somaliland not only has confirmed oil reserves—British and Turkish company Genel Energy will start drilling next year—but it also is rich in rare earths. NASA once used Somaliland’s recently refurbished Berbera airport, whose landing strip is the 10th longest in Africa, as an emergency landing strip for the Space Shuttle. The World Bank ranks Berbera’s deep-water port, meanwhile, above Mombasa’s and not far below Visakhapatnam. More importantly, a new highway runs from Berbera to the Somaliland-Ethiopia border town of Wajaale and then onward into Ethiopia, Africa’s second most populous country. While Ethiopia previously relied too much on Chinese investment, Addis Ababa along with many other regional states, realise their security lies in balance. The opportunities for India are huge as African governments seek to diversify their partnerships. Somaliland is also a strategic asset for other reasons. It has an 850-kilometre coastline on the Indian Ocean and guards the approach to the Bab-el-Mandeb, a chokepoint through which 10 percent of world trade passes. While India has cultivated countries further south, its military outreach is sporadic. Should India even wish for a naval base, it is likely Somaliland could accommodate at Berbera. An Indian Naval presence on the western shores of the Indian Ocean would allow it to project its influence and defend its interests throughout the entire Indian Ocean basin. Not only would this balance China in the region as the People’s Liberation Army has established a base in Djibouti, but it would also allow India to disrupt Pakistani inroads to Islamist militants in Mozambique and Congo. An issue for Pakistan’s Inter-Services Intelligence (ISI) is not only radicalisation but also possession of Congolese gold and diamond mines from which they might profit via African proxies. Geopolitically, Somaliland is primed to embrace India. It is the only country in Africa besides Eswatini (formerly Swaziland) to recognise Taiwan. It has done so in the face of considerable Chinese pressure to revert course. So far, President Musa Bihi has held firm, but the Communist China continues both diplomatic pressure and more underhanded tactics, such as bribing key opposition figures, especially those in the opposition Waddani Party. It would be a strategic tragedy should Beijing flip Somaliland, but China can bring a lot more pressure to bear than Taiwan may be able to resist. India, however, is another story. If Indian businesses enter the region, they create a symbiotic relationship that benefits New Delhi, helps Somaliland grow, and bolsters Taiwan’s presence. As African countries increasingly seek to extricate themselves from China’s parasitic if not imperialist attitudes toward Africans, India may sway fence-sitters to stand up to Beijing’s threats and bluster. India is a rising power, and may soon be a great power. India’s leadership across its political spectrum should have the self-confidence to realise that Indian business and diplomatic influence are a force for good. While China represents autocracy and decline, India’s anti-imperial history combined with its democracy make it a model partner. Africa is more than the BRICS summit or paeans to the African Union. It is time for India to do more, both for itself and to check China’s efforts to monopolise critical commodities. Expanding rapidly into Congo and Somaliland would be a good way to signal Africans that India aspires to be a power not only for the remainder of the 21st century, but also into the 22nd century. First Post Qaran News
-
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Mudug, ayaa tababar usoo xidhay in ka badan 300 oo askari oo ka tirsan laamaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Puntland kuwaasi oo dhameystay tababar 3-Bilood iyo 15Cisho uga socday xerada tababarka Ciidanka ee Godad. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey Ciidanka tababarka dhameystay wuxuuna u rajeeyay in tababarka ay qaateen uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, iyagoo qeyb ka noqon doona qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo. Dowladda Puntland ayaa muhiimad gaar ah siisay dib-u-habeynta , tayeynta iyo dhismaha Ciidanka oo bar-bilow u ah guulaha laga gaaray xagga Amniga, Difaaca Puntland iyo Dowlad wanaageeda. Waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay munaasabadda, Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliska Booliska Puntland, Saraakiisha xerada tababarka ee Godad, Maamulka Gobolka Mudug , Kan Degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Godad ee Degmada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Booliska appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyp bartamaha waddanka Soomaaliya. Mursal oo haatan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ku boggaadiyay duulaanka ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab. Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay jabka kooxda lagu gaarsiiyay Galmudug iyo HirShabelle oo kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada culus. Maxamed Mursal ayaase tilmaamay in abaabulka socda laga gaabiyay dhanka Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo uu xusay inay haatan isugu tageen xubnaha Al-Shabaab, Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay siyaasiyiinta iyo madaxda maamulladaas inay gabeen doorkooda, isla-markaana aysan ku dayan dadka Galmudug iyo HirShabelle, isaga oo usoo jeediyay inay diyaar garoobaan, si ay kooxda Al-Shabaab uga xoreystaan dhulkooda. Waxa kale oo uu ku baaqay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu ka qayb qaato halganka socda, si Al-Shabaab looga xoreeyo dalka oo dhan. “Maanta waxaa la joogaa xiligii qof weliba uu muwaadinku is weydiin lahaa in lasoo gaaray doorkii uu ka qaadan lahaa dagaalka lagu ciribtirayo khawaariijta, Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa difaaca deegaanka dhul baaxad weyn oo ah Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle, Waxaa Koofur galbeed iyo Jubbaland laga rabaa in ay diyaargarow sameeyaan maadaama meelaha ay salka la galayaan ay tahay, waxa ay ila tahay in loo istaago lana baraarugo” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la filayo in wajiga labaad ee dagaalka uu ka billowdo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab. The post MURSAL oo soo saaray farriin ku socota Koonfur Galbeed iyo Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay go’aamadii madax-dhaqameedka ee doorashada isku-sidkan taas oo madaxweyne Biixi, u soo gudbiyay Golaha. Guddi gaar ayay u saari doonaan Goluhu si loo dejiyo xeer saamaxaya in laysa saaro Doorashada madaxtooyada iyo Urrurada. 48 mudane ayaa soo xaadiray 45 mudane ayaa ogolaaday 2 mudane ayaa ka aamusay Cidina ma diidin Gudoomiyuhuna muu codaynin Source
-
Golaha wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay wareegtadii madaxweynahu uu ku soo saaray in doorashooyinka ururada iyo ta madaxtooyada la is raaciyo. Tan iyo intii heshiiska laga gaadhay buuqii ka dhashay arimaha doorashada waxa laga dareemay suuqyada caasimadda isbadal xoogan kaasi oo lagu wado in wax walliba caadigoodii ku soo laabtaan. Qaran News
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanayaa kuwa caalamiga ah ay howlgal culus ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolkaasi. Howlgalkan oo ay barbar socotay duqeyn dhanka cirka ah ayaa waxaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Dumaayo oo hoostaga magaallo xeebeedka Xarardheere ee gobolka Mudug. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha goobta ku sugnaa ay ku jireen horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad kale. “Howlgal Qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye oo Boostada degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug. Howlgalka ayaa lagu beegsaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaankaan oo Xiligaas ay shir ku lahaayeen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in goobta lagu laayay xubnihii dhammaan xubnihii ku shirayay halkaasi, sidoo kalena la burburiyay saldhigga la weeraray. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ka socda deegaanka Dumaayo ee gobolka Mudug. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya. Gobolka Mudug ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee uu xoogoodu ka socdo guud ahaan deegaanada maamulka Galmudug. The post Goob uu shir uga socday xubnaha Al-Shabaab oo weerar culus lagu qaaday appeared first on Caasimada Online.
-
W A A K U MA MUSHARAX CIRO INYAR AKHRI Musharax Ciro. Waa nin isku wadda markab cid waliba saaran tahey ama reero guuraya. Qolo waa fardo fuul. Qaar baa kalumeysato ah. Qaar baa diyaradda saaran. Qaar baa beeraley ah. Kuwa leh Geelu xoolo kuma jiro. Kuwa amiisan inan dabadood la hadlin. Nabi allow ninba afkii kugu amaan qaar aaminsan Kuwa Trainka Qurbaha Saaran. Kuwa Weli Istaanka Taagan oo sugaya. Qaarna Safarkaasey naawilayaan. Kuwona wey ka habsameen. Intaaso geediya isagey sugayaan. Waxase aan intaasba la mid aheyn. Kuwo safarka horcararey, nasiib xumo meel walbey tagaan. Waxa la leeyahey tigidhka qaldan baad soo goosate dib u noqo. Qaarna waxa la leeyahey diyaraddu wey ka buuxda. Qaarna waxa lagula talinaya suga next flight ninkaad la socoteen baa hor cararteene. Isna intaasiba dhinac walba waxey leeyahin waanu kula socona. Wuu kala horaya. Waxuuse leeyahey ( idinma wadda haleelaye) tilmaha aan idin siiyo raaca. Ha iga lumina geedigeenu waa guusha qarankeena. Markaa nin walowba jihadda uu kaga muuqdo sidda #GAARA_BIDHOODHKA iftiinkiisa ilaasho. Si aanad u lumin. Koox aan ku jiraa. Waxaanu qaabilsan nahey. Kuwa yara luma in aan nidhaahdo waar soo leexda. Anaga waddoyinku nagu balamiyey. Sidda (Trafiikadda) Dadku qaar baa dhaafaya, kuwo jibeysan ama jihaddu ka luntey diyaradda ama Trainka ama baabuurkaanu saareyna. Dhamatood waa halgamayaal meel u wadda socda. Waa isku jiho waxey wadda rabaan guusha qarakeena. Sidaas daradeed waxa qudha Musharax Ciro kala horayaa Geel soo ururey oo darka isugu yimi. Sidaas darteed geelo wadda cabuu rabaa. Micnahu waa Somaliland oo Nabadda Dalkoo Nabadda Dakoo is wadda jecel Hadaba Guushu Qarankeenu waa socota nin walowba ku dedaal in aanad anban Inta aan ku jiraa Markaa shaqaddu dhamaato waxanu nahey ( Shaqalaha diyaradda ama markabka ama doonida loo soo dirayo ee ugu danbeeya ee la odhanayo) dadkii isu soo dhamaaye. Soo baxa hadaba. Dadkii iyo dalkii halkii loo rabey ee guusha qaranka aheyd wuu gaadhe. Waa bilaahi Towfiiq Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqidsho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan caasimada. Qaraxa ayaa dhashay gaari siday Qudaar oo ka yimid dhanka degmada Afgooye, wuxuuna ka dhacay halka loo yaqaano Warlaliska oo ka tirsan degmada Dayniile, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in gaariga ay markii hore ka shakiyeen ciidamada ammaanka, isla-markaana uu qarxay xilli lagu howlanaa in baaris lagu sameeyo. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay laba nin oo la socday baabuurka qarxay, kuwaas oo isku dayay inay dhuumasho uga tegaan goobta. Sidoo kale qaraxan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa degmada Dayniile, ayada oo muddo kooban uu hakad galay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka. Ma jiro wax faah-faahin ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay laamaha amniga, marka laga tego in laga hortegay weerarkaasi qaraxa ah. Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo dhanka kale ay howlgallo amni xaqijin ah wadaan ciidamada dowladda. Al-Shabaab oo haatan jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaallada ka socda gobollada dalka, ayaa u muuqato inay iyaduna culeys soo saartay magaalasa Muqdisho oo ay ka fulineyso weeraro kala duwan iyo qaraxyo. The post Faah-faahin ku saabsan qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa soo saaray baaq culus oo ku aadan in laga wada qayb-qaato dagaalka adag ee haatan dowladda ay kula jirto kooxda Al-Shabaab. Geedi ayaa ayaa sheegay in dhammaan dadka Soomaaliyeed looga baaqay inay qaataan doorkooda, ayna ku biiraan halganka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in qof kasta uu dagaalka uga qayb qaadan karo waxa uu awoodo, isaga oo taageero u muujinayo ciidanka Xoogga dalka. “Waxaa nala gudboon kulligeen inaan dagaalka galno haddaan Soomaali nahay mid qoray qaata mid maskaxda ka dhaqa kuwa la khalday, mid xoolo biya” ayuu yiri Cali Geeddi. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in hal arrin loo sameeyo ciidamada haatan la dagaalamaya maleeshiyada Al-Shabaab, taas oo ah in loo fiuro sanduuq lacag loogu uruurinayo. Cali Maxamed Geedi ayaa xusay in lacagtaas looga maarmi doono kaalmo laga sugo dibadda, ayna wax u tari doono ciidamada dagaalka iula jiro kooxda Al-Shabaab. “War sanduuq dhaqaale hala abuuro, haddii qado, quraac iyo casho laga cuno magaalooyinka iyo meelaha ladan hal laga dhigo ayaan dhihi lahaa ee inta halagu deeqo ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiis raaciyay. Mr. Geedi ayaa kamid noqanaya siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee haatan bilaabay inay taageero u muujiyaan dagaalka haatan ka socda furinta hore ee gobolllada dalka. Soomaaliya ayaa in muddo ah dagaal kula jirtay kooxda Shabaab, balse wuxuu marayaaa dagaalku meeshii ugu adkeyd, kadib go’aanka Xasan Sheekh ee ku aadan xoreynta dalka. The post Geedi oo soo jeediyay in hal arrin loo sameeyo ciidanka la dagaalamaya Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay kulan ka dhacay barta Twitter Space ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka adag ee ay dowladdiisa kula jirto kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa qiray in ciidamada Xoogga dalka lagu soo jabiyayay dagaalkii xooganaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan intaba. “Meeshaas Cowswayne meel aan ahayn oo ciidanka dowladda lagusoo jebiyay ma jirto. Hadda xooggaa waa laga daba tagay, xaqiiqadanii waa soo taabteen dhallinyarada,” ayuu yiri madaxweynuhu. Waxaa kale oo uu tilmaamay in taasi ay keentay in ciidamada dib loogu soo celiyo xeryahooda, si u nastaan, niyaddana loogu dhiso. Madaxweynaha ayaa sidoo kale madasha kusoo bandhigay guulaha ay illaa iyo hadda dowladdiisa ka gaartay dagaalka ka socda inta badan gobollada dalka. Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay is garabsanaya ay dhul baaxad leh ka qabsadeen kooxda, tan iyo markii uu billowday gulufka, wuxuuna sheegay in guullo waa weyn oo muhiim ahj ay gaareen ciidamada huwanta. Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in haatan uu gabagabo yahay wajiga koowaad ee howlgalka, isla-markaana ay kasoo dhammaan doono HirShabelle iyo Galmudug, kadibna qorshaha uu yahay maamullada kale, gaar ahaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Somalia. “Dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta ‘Al-Shabaab’ waa mid gabagabo ah oo guul jooga, ciidamadu marka la eego halka ay dhaqaaqeen waxa ay sii socdaan in ka badan 300 oo Kiilo-mitir, Dowladda & Shacabka oo iskaashanaya waa ka go’an in aan soo afjarno nimankaas caadeystay in ay dhiigga daadiyaan ee dalka dhibaatada ku ah, waxyar ayaa dhiman ee aan dhammeystirno” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ugu dambeyn madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay baaqiisii ku aadan in shacab & dowlad loo midoobo dagaalka socda oo hadda maraya meel wanaagsan. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan madaxweynaha Soomaaliya uu joogo jiida hore ee dagaalka, gaar ahaan Dhuusamareeb oo uu tegay inuu ka hogaamiyo dagaalka. The post Madaxweyne XASAN oo qiray in ciidamada DF lagu soo jabiyay COWSWAYNE appeared first on Caasimada Online.
-
The battle for control of Kenya’s main sugar-producing factory has taken a dramatic turn this week. Source: Hiiraan Online
-
Russian Foreign Minister Sergey Lavrov said on Friday that "the practical work" on supply of Russian grain to six African countries has already begun. Source: Hiiraan Online
