-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gudoomiyaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku soo gacan saydhay qaar ka mid ah madaxda ururada siyaasada oo ugu tagay dacwad ay ka qabaan go’aamadii ay soo saaareen madax dhaqameedka Habar-Jeclo . Guddoomiye Saleeban ayaa ururada siyaasada u cadeeyey in heshiis-kaas aan la joojin karin , oo uu danta qaranka yahay . “Waar heshiiskani waa daad ee anigu daad ma joojin karo ….” Ayuu yidhi. Source
-
Madaxweynaha Somaliland oo aqbalay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay , Akhri wareegatada. ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka . Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka Mudaneyaal, Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka. Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka “ Qaran News
-
Libreville (Caasimada Online) – In a seismic shift that could redraw Gabon’s political landscape, a cadre of military officers announced on Wednesday that they had taken control of the government. President Ali Bongo Ondimba, who has been in power since 2009 and is part of a family dynasty that has ruled for more than half a century, is reportedly under house arrest. His son and close adviser, Noureddin Bongo Valentin, and several key officials have been detained on charges ranging from treason to corruption. “Today, the country is going through a serious institutional, political, economic, and social crisis,” an officer declared in a televised address, flanked by members of the elite Republican Guard and other military personnel. The Committee for the Transition and Restoration of Institutions (CTRI), speaking on behalf of the people of Gabon, stated that they aim to “defend peace by putting an end to the current regime.” A contested election The military coup comes in the wake of a highly disputed election. Gabon’s national election authority declared President Bongo the victor of his third term with 64.27% of the votes. However, the main opposition, led by university professor Albert Ondo Ossa, vehemently accused Bongo of “fraud,” calling for a peaceful transition of power. “The elections did not meet the conditions for a transparent, credible, and inclusive ballot so much hoped for by the people of Gabon,” emphasized the CTRI in their statement, broadcast on state TV. According to official results, this echoes the turbulent aftermath of Gabon’s 2016 presidential election, where violent protests erupted following a narrow win for Bongo. The bongo dynasty Gabon, a nation of merely 2.3 million people, gained independence from France in 1960. Since then, it has been predominantly under the rule of the Bongo family. Omar Bongo, the current president’s father, was a close ally of France and amassed significant wealth during his 41-year reign. This long-standing relationship explains the continued French military presence in Gabon, as pointed out by the French defense ministry. In response to the current situation, French Prime Minister Elisabeth Borne stated that her government is observing the events “with the greatest attention.” Meanwhile, China called for immediate dialogue to ensure President Bongo’s safety and restore normalcy. Russia expressed its “deep concern” over the unfolding crisis. Gabon isn’t alone in experiencing coups; the continent has seen similar events in Mali, Guinea, Sudan, Burkina Faso, and Niger in the past three years. French mining group Eramet, a significant employer in Gabon, has suspended its operations due to safety concerns. As the world watches closely, Gabon teeters on the brink of a new political era. With citizens, governments, and corporations affected locally and internationally, the stakes couldn’t be higher for this oil-rich Central African nation. The post Bongo’s reign ends in military-led electoral coup in Gabon appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa wada-hadallo hoose oo dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo uu wehlinayo Ugaaska guud ee beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan. Wadahadalladan oo ku socda qaab hoose ayaa qaatay dhowr maalmood, waxaana looga hadlay gadoodka Cali Jayte ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay, kaas oo xiisad ka dhaliyay Hiiraam, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha ayaa heshiis la gaaray Cali Jayte iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, si meesha looga saaro xiisadda ka taagan Beledweyne, waxayna wada-hadalladu kusoo dhammaadeen is afgarad, ayada oo xa lagu gaaray. Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ah ku sugan Dhuusanareeb uu haatan qorsheynayo inuu usoo guuro degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kasii hagi doono dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Al-Shabaab. Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in madaxweynuhu uu todobaadka soo socda tegi doono degmada Maxaas, si uu sii wado howlaha shaqo ee uu u tegay furimaha hore. Madaxweynaha ayaa lagu soo warramayaa inuu taliskiisa guud ka dhigan doono halkaasi, si uu ula socda howlgallada xoreynta ee haatan ka socda HirShabelle iyo Galmudug. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn ka soo hoyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. Si kastaba, howlgalkan oo galaya wajigiisa labaad ayaa la filayaa inuu gaaro Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana ku biiri doono ciidamo ka socda waddamada dariska ah. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la heshiiyay Cali Jayte, una soo guurayo degmada… appeared first on Caasimada Online.
-
Ururada siyaasada oo habayn hore la kulamay madaxweynah ayaa markii ay quus ka soo isaageen waxa uu madaxweynuhu ku qanciyay in ay talo u raadsadaan golaha guurtida taasi oo ay saak kulan la qaateen gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Gaal. Waxana uu Saleebaan si aan ganasho lahayn ugu sheegay in arinkoodu aanu ahayn mid xiligani taagany iskana nastaan. Waxa cad in golaha guurtidu ay taageersantahay go’aamadii dhawaan ay soo saareen hogaanka dhaqanka ee beelaha bariga Burco taasi oo dhigaysay in doorashooyinka la isi saaro. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo uu tegayo markiisii labaad. Ra’iisul wasaaraha iyo waxaa safarkan ku wehlinayo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano kamid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan. Ammaanka degmada Aadan Yabaal oo horay looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo aad loo sugayo amniga wafdiga ra’iisul wasaaraha. Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira howlagllada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo u tegayo in la xoojiyo abaabulka ka socda HirShabelle. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa booqan doono saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, isaga oo ku dhiiragelin doono halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka. Wuxuu sidoo kale ra’iisul wasaaraha kormeeri doono guud ahaan degmada oo ay ka jiraan xaalado nololeed, maadaama ay kasoo kabaneyso dhibaatadii ay ku hayeen Al-Shabaab Xamza ayaa maalmo ka hor kasoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu uga soo qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka. Si kastaba, booqashada ra’iisul wasaaraha ee Shabeelaha Dhexe ayaa kusoo aadeyso, xilli muddo ku dhow bil madaxweynaha uu joogo caasimada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu u tegay dhaqaajinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. The post Xamza oo tegay degmo laga xoreeyay Shabaab + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la joogo waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka la siiyay ku tagri falay ee khiyaanada sameeyay. ”Kuwa awoodda Ciidanka la siiyey ee ku takri falay, oo Khiyaanada ku kacay, dadkana mardabeeyay waa lala xisaabtamayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in kuwa tashwiishka gelinaya ciidamada Soomaaliya ay lamid yihiin kooxaha argagixisada ah ee qoriga iyo qaraxa wadata. Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka socda ee lagu cirib tirayo Argagixisada uusan u joogsan doonin war xuma tashiil iyo qof tashwiish geliya halganka, meelaha la joogana aan laga soo noqon doonin. “Ama hal goob dagaal ha lagu guul darreysto, ama mid xun oo tashwiish wada wax ha sheego, dagaalku wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joognana kasoo noqon mayno, horay ayaan u soconaynaa” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in lala xisaabtamayo Saraakiisha Ciidan ee Khiyaanada sameeya appeared first on Puntland Post.
-
Ethiopia’s access to the coast has occupied the minds of the country’s rulers since time immemorial. This is because being landlocked undermines Ethiopia’s ability to grow its economy, develop its military (navy force) and exert influence across the Horn of Africa. We see this preoccupation in the history of Ethiopia and Eritrea. In 1952, Eritrea – a coastal country – was controversially federated into Ethiopia. Failure to maintain this annexation led to Eritrean independence in 1993 and Ethiopia became a landlocked country once again. This was a major blow for the new administration that had taken over political power in 1991. For the new government this translated into some limitations on their economic and political goals for the country. As a scholar of African politics, I have researched Ethiopia and its relations with its neighbours, including its civil wars, political reforms, national identity, state building and border tensions. There is no doubt that Ethiopia’s lack of direct access to the sea has constrained its ability to cater for its large population and hindered economic growth and development. Politically, being landlocked limits Ethiopia’s geostrategic options in the Horn of Africa and beyond Ethiopia has several options for peaceful access to the sea. All of them could have a positive economic impact not only in Ethiopia but across the region. The options include further engagement with Eritrea, Djibouti and Somaliland on equitable terms for the use of their ports. Qaran News
-
(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!) Wax badan oo dhallin-yarrada Soomaaliyeed ahaayeen, xaggee bay inanga mareen?! Odeygii guriga lahaa iyo miskiinkii waa ay is af garteen, waxaana laysku gacan qaaday si farxad ku jirto, isla mar ahaantiina odaygii reerka gacanta haysta Miskiinkii ayaa tusay qol yar oo irriddiisu banaanka ahayd oo inta u furay ku yiri “ Qolkaan yarka ah waxaa yaala dhammaan agabka wax lagu nadiifiyo, maalin kasta waad imaanaysaa qolkaas baad xaaqinka, saabuunta iyo wax kasta oo aad ku shaqeyneyso kala baxaysaa…” Lacagtii uu ku shaqayn lahaa baa lagu heshiiyay, isagana maalintii xigtay buu bilaabay inuu gurigii adeege ka noqdo cuntadana ka cuno, waxaana arrad bax ugu filnaaday in mar kasta oo uu dhar dhaqo surwaal ama shaar, wax un ka mid ah dharka odeyga la siiyo iyadoo la leeyahay; kan waa duug, kan odeyga waa ku dhegganyahay, kan…. Cunto iyo Arradbax! Xoogaaga uu reerka ka qaato dhigaal bay noqdeen.. Muddo gaaban markii uu joogay buu odeygii u yimid oo yiri “Waxaan jeclaanlahaa in la ii oggolaado inaan iska dhex seexdo qolka yar ee xaaqimmadu yaalaan.” odaygii baa yrir “ii sug xaaskaygaan la soo tashanee.” Xaaskii baa si niyad sami ah u tiri “War iska dhaaf haddii uu ka helayo meel uu dhinaca dhigo waa miskiinee, waad aragtay waa nin wanaagsan oo muslim ah, aadaab badan, oo waliba xoog furan!” sidii baa loogu oggolaaday inuu qolkii seexdo, muddo gaaban buu wuxuu ku urursaday lacag, wuxuuna qolkii yaraa hor dhigtay jawaan uu ku iibiyo waxyaabo yar-yar oo aan badnayn, dadka ugu badan ee ka iibasadana waxay ahaayeen reerkii uu gurigooda ka adeegayay! Odeygu waa yaabbanyahay, dhowr jeerna dareen baa taabtay! Wuxuu marar iskula hadlay miskiinku inuusan ahayn nin fiican!…haddana tuhunkaas xaqiiq uu salka ku haya ma arkin! Dabeecad jajabsanaan ah oo xad dhaaf ah, ma ka daacad baa mise?! Laakiin islaanta iyo ilmaha markuu ku soo hadal qaado isagoo aan waxba sheeginba waxay kula soo baadayaan oo ku oranayaan “Waa miskiin! Ma cid buu dhib ku hayaa?! Waa nin edeb badan!” Muddo gaaban gudahood, weli isagoo reerkii sidii ugu shaqeeynaya, qolkii yaraana seexda, cuntadana ka cuna, dharkii odeygana ku arrad baxa, wuxuu samaystay miis weyn, alaabtii uu gadayeyna aad bay u badatay, laakiin wali indhaha reerka iyo deriskaba waxay u arkaan miskiin adeege ah!… Waa miskiinkii!..Waa Adeegihii!…Hadana waqti yar ka dib buu wuxuu u yimid ninkii guriga lahaa, markaas buu ku yiri “Maxaan sameeyaa?! Waad aragtaa wallaahay alaabtii waa badatay! Waxaan jeclaan lahaa qolka yar in layga ijaaro oo aan ka dhigto meel aan alaabta ku iibsado” Ninkii guriga lahaa sidii oo kale xaaskiisii buu u tegay oo arrintii u sheegay “Ninkii miskiinka ahaa maant wuxuu gaaray inuu yiraahdi qolkii yaraa iga kiree!…Ninkani malahayga waa Jin! Oo innagii buu inanga mid noqday!” wali ilaa xilligaas odaygu marna kama hadlin inuu ninku wax tabcaday iyo in kale! Xaaskii oo sida muuqata aad ula dhacsan adeegaha, naxariis faro badanna u heysa, “Adigu ninkaa miskiinka ah ma aqaan waxaad ugu kacsantahay! Ma jeclid, waad aragtay oo intaas gacantuu kaa dhunkanayaa, aniga kor iima soo fiiriyo oo waad ogtahay markuu ila hadlayo waxaan HOOYO ahayn ima yiraahdo! Marka anigu kumaba dhaheen ka kiree, oo muxuu haystaa oo uu heli karaa?! Nololba gurigeenaa ugu horeysayee! Waa ninkaa wali cuntada reereebka ah ee innaga soo harta ku nool! Hadduu wax heysto muu dhulkaa Alle aado…”sidii baa qolkii looga kireeyay, muddo ka dib xoolihii baa batay qolkii baa hadana ku yaraaday markaasuu u yimid ninkii guriga lahaa oo sidii caadadiisa ahayd gacantii ka dhunkaday oo ku yiri “Maanta qorshe weyn baa la socdaa, waxaana ka baqayaa inaad iga yeeli weyso!” odeygii “Idinka Ilaahay kheyr bay noqon” Miskiinkii “Inshaa’a Allaah waxaan kheyr ahayn kuuma wado!” Odeygii oo yaaban “Haye, muxuu ahaa qorshuhu?!” Miskiinkii oo indhaha hoos u rogay, “Aabbow aniga waxaan damcay guriga inaan idinka gato…”intuusan dhameyn baa odeygii sara kacay oo yiri “War maxaad igula hadleysaa? Guriga sow anigu kuma nooli oo ma deggani?! Side baad iila hadleysaana!..”Maskiinkii baa madaxa ka shumiyay oo fadhigiisii ku celiyay “Waqti yar i sii aan kugu sharxo qorshaha, guriga aa iga gadeysaa, adinkana guriga aan dabaq idin saaraa oo aan idin dhisaa!” Hadana odaygii iyo xaaskiisii waxay isku raaceen in laga iibiyo qaybta guriga dusha sarana ay iyaga loo dhiso. Muddo markii la joogay baa ninkii adeegaha ahaa oo xoolihiisii aad u bateen oo taajiray, oo la bartay, oo meel kasta loo sara kacayo, baa odeygii guri lahaa arkay, walbahaar iyo walaac buu bilaabay, khaladaadkiisii buu malaha gartay, hasa ahaatee haddana wuxuu isku qanciyaa inuu guriga isagu leeyahay oo loo yaqaan!…hadana kuma qanco oo wuu shakiyaa markaas buu kor u qeyliyaa isagoo naftiisa is maqashiinaya “Wallaahay gurigaan anigaa iska leh! Anigaa iska leh!” Miskiinkii wuxuu u baahday meel uu alaabta iyo badeecadda ku keydiyo, markaasuu u yimid odaygii guriga lahaan jiray oo ku yiri “Waxaan doonayaa inaad qaybta kore ee guriga ii banaysaan maxaa yeelay alaab aad u badan baa iga dayacan oo meel aan dhigo aan la’ahay.” Odaygii guriga lahaan jiray oo sida hadalkiisa ka muuqatay wali isu haysta inuu guriga isaga leeyahay baa si caro iyo xanaaq ku jiro u yiri “War sidee baad iila hadlaysaana?! Oo xaggee baan aadayaa ma guri kale baan leeyahay?! War gurigayga hadda iiga guur!” adeegihii wuxuu oo markaan miciyihii libaax la soo baxay baa ku dooday “Aniga guriga waad iga gadeen, dhulka iyo qaybta hoose ee guriga anigaa iska leh ,qaybta korana haddaad rabtaan fujista….” Sidaas ayuuna adeegihii ku dhaxlay gurigii reerkii uu u shaqayniyay! Isu ekaa arrimuhu, intaas dhallin-yarada Soomaaliyeed sidaas waa ka fiidhoonaan jireen! In wax weyn khaldanyihiin waxaad ka garaneysaa meelo badan oo dalka ka mid ah waxaad arkeysaa haween iyo gabdho yaryar oo ka cabanaya dhaqan xumo isa soo tareysa oo ay kala kulmeen Orommada faraha badan ee dalkii iska soo galay, waxaad arkeysaa dumar badan oo soo adeegan waayay, haddana aysan jirin cid ka hoos qaadeysaa cabashadooda!… Awoowayaasheen xaaladdooda nololeed, aqooneed, siyaasadeed, iyo cududoodaba waan garanaynaa intay la ekeyd, haddana marka la eego dhaxalka ay ka tageen oo ay inoo dhaafeen waxaa muuqanaysa inay waxyaabo badan inoo hureen oo ay ugu horeyso naftooda si ay dhaxal fiican innooga dhaafaan, marka sida muuqata dhallin-yarad maanta joogta waajibka saaran wuxuu ahaa inay ilaaliyaan dhaxalkaas qiimaha badan ee ka kooban madax-bannaanida, qaranimmada iyo dowladnimmada iyo dalka aad leedahay ee aad ku nooshahay. Wax sahal lagu helay ma aha, wax cidina kuu quurto ma aha, mana jirta cid ku siisay oo hadiyad ahaan kuu guddoonsiisay balse haddaaba cadow faro badan isu soo kaashaday inuu gacntaada xoog uga saaro!…. Waa miskiin tuugsada! Saa waa yahay! Taasi ma waxay daliil kugu noqoneysaa adigoo casrigaan nool inuusan sir-doon ahayn?! Ma waxay daliil kugu noqoneysaa inuusan danta cadowga wakiil ka ahayn?!… Indhihii dadka iyo dalka baad tahay! Xooggii dadka iyo dalka baad tahay! Dhallin-yaradii dalka baad tahay!… La Soco Beri The post Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! Qaybtii-9aad appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta war qoraal ah kasoo saaray dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Shariif ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sii socoshada dagaalkaas oo qaatay in ka badan todobo bilood oo xiriir ah. Somaliland iyo SSC-Khaatuma ayuu sidoo kale ugu baaqay inay is xakameeyaan, isla-markaana ay dagaalka joojiyaan, si wadahadal loogu dhammeeyo xiisadda Laascaanood. Madaxweyinhii hore ee dalka oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dalab culus u diray dowladda federaalka, isaga oo ugu baaqay inay door nabadeed ka qaadato dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool. “Dowladda Fedraalka Soomaaliya waa inay qaadato dowrkeeda ku aaddan Nabadaynta iyo Heshiisiinta labada dhinac, waxaana adkaynaynaa in dagaal dambe uusan wiil hadda nool nooga dhiman, Carruur kale aan la agoontayn, Hooyo Soomaaliyeed Asaay aan loo saarin, loona ogolaado dadka shacabka ah inay guryahooda dib ugu soo laabtaan si nabad ah” ayuu yiri Sheekh Shariif. Halkan hoose ka akhriso:- Baaq Nabadeed Marka hore Allah ha u naxariisto dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday dagaalkii mudada 6-da bilood ka badan ka socday magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda, intii dhaawacyada soo gaareen ilaahay ha u booga dhayo. Dagaalkan wuxuu qixiyay shacab badan oo xaalado kala duwan ku sugnaa intii uu socday, waxaa ku dhintay dad aan waxba galabsan waxaas oo dhibaato ahna waxay ahayd wax laga baaqsan karay. Maadaama ay dhibaatadu socotay in muddo ah horeyna baaqyo kala duwan aan uga soo saarnay waxaan markale ku celinaynaa in dagaal dambe uusan dhicin, dadkii guryahooda ka barakacay dib ugu soo noqdaan, colaaddana lagu dhameeyo wada hadal. Labada dhinac ee dagaallamay waxaan ku dhiirra gelinaynaa in Nabadda fursad la siiyo, miiska wada hadal kana shuruud la’aan lagu soo noqdo, annagoo fahamsan heerka xun ee ay colaaddu gaartay haddana waxaan indheer garadka iyo isimada dhaqanka la gudboon inay u istaagaan sidii dagaalka halkiisa loogu joojin lahaa, dadka dariska ah ee walaalaha ah ee waligood deegaan wadaagga ahaana loo heshiisiin lahaa. Ugu dambayn Dowladda Fedraalka Soomaaliya waa inay qaadato dowrkeeda ku aaddan Nabadaynta iyo Heshiisiinta labada dhinac, waxaana adkaynaynaa in dagaal dambe uusan wiil hadda nool nooga dhiman, Carruur kale aan la agoontayn, Hooyo Soomaaliyeed Asaay aan loo saarin, loona ogolaado dadka shacabka ah inay guryahooda dib ugu soo laabtaan si nabad ah. Wabillahi Towfiiq. The post Shariif oo DF Somalia u diray dalab la xiriira dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee gacanta birta ah ku ciribgoynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta Galmudug iyo Hirshabelle. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla markaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo argagixisada. Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siineyso xoreynta iyo sugidda amniga dalka. DHAMMAAD The post Ra’iisul wasaare Xamse oo booqday Ciidamada ku sugan degmada Aadan Yabaal appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa iska lumiyey fursad muhiim u ahayd oo uu kaga baaqsan karayey khilaafkii siyaasaddeed ee laba sanno dalka ka taagnaa. Ujeeddadii u u dagaalamayeyna si fudud ka gaadhi lahaa bilaa muran. Madaxweyne Muuse Biixi waxa xafiiskiisa ku muddo dhaafay, oo haddii uu saxeexi lahaa meel mar noqon lahayd wax ka beddelkii iyo kaabistii Xeerka ururrada ee loo yaqaanay 2021, oo ay ansixiyeen Golihii Wakiillada ee hore, kaas oo haddii uu qalinka ku duugi lahaa noqon lahaa sharci hirgala oo doorashada Ururrada lagu galo. Xeerkan wuxuu sheegayey dhawr qodob oo dannu ahaa sidan uu markii dambe wax u doonayey madaxweynuhu oo ahaa doorasho ururro oo toos ah iyo in lix bilood ka hor ay xisbiyadu ku meel gaadh noqonayaan. Madaxweyne Muuse Biixi, fursad gacantiisa ku jirtay oo uu ilduufay ayaa keentay 2 sanno ka dib inuu ku qabsanaado inuu liqo go’aan aad ugu adag duruufaha taagan awgood. Dhinaca kale, Murrashax Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa afkiisu siiyey fursad dahabi ah oo uu Madaxweynaha iyo Xukuumadda kaga guulaystay khilaafkii taagnaa. Murrashax Cirro ayaa afka ka xidhay oo aan deg deg uga jawaabin jadwalkii ay soo saareen Komishanka doorashooyinku ee lagu muddeeyey laba doorasho. Aamuska Cirro waxa uu sabab u noqday in go’aankii iyo mowqofkii Xisbigu dib u dhacdo, iyada oo la tashiyo uu bilaabay oo uu gobollada ku soo maray ay keentay inuu dib u dhaco muddo loo dheg taago go’aankiisa, oo loo badinayey inuu ku aqbalo doorashada Ururrada, hase yeeshe xilligii go’aankiisa la sugayey ayuu dalku marxalad adag galay oo khilaafkii taagnaa amniga saameyn ku yeeshay, iyada oo Guddida Beesha Bariga Burco ee isxilqaantay ay keentay inuu Cirro sii aamusnaado oo aanu ku dhawaaqin go’aankii Xisbigiisa, kana warsugo wixii ay soo saaraan Ergada isxilqaantay, taas oo aakhirkii keentay in aamuskiisu siiyo fursad ah inuu aqbalo go’aamadii soo baxay ee ergada. WQ- Saleebaan Saxansaxo. Source
-
Saraakiisha ciidamada Gabon ayaa ka soo muuqday telefishinka qaranka dalkaas iyagoo sheegay in ay la wareegeen xukunka. Waxa ay sheegeen in ay baabi’inayaan natiijadii doorashadii Sabtidii ka dhacday dalkaasi oo lagu dhawaaqay in madaxweyne Cali Bongo uu ku guuleystay. Guddiga doorashada ayaa sheegay in Mr Bongo Afgambigiisu uu soo afjari doonaa 53 sano oo qoyskiisu ay xukunka Gabon hayeen. 12 sarkaal ayaa kasoo muuqday telefiishanka iyagoo ku dhawaaqaya inay baabi’inayaan natiijadii doorashada isla markaana ay kala direen dhammaan hay’adaha dowladda. PUNTLAND POST The post Af-genbi Millatari oo ka dhacay dalka Gabon appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda oo shir jaraa’id u qabatay Wariyeyaasha ayaa ka hadashay warar saacadihii ugu dambeeyay lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay inay taageertay kooxda Al-Shabaab. Warkan ayaa soo shaac baxay, kadib markii ay hadal heyn xoogan ka dhalatay kiiska horjooge sare oo shalay iska soo dhiibay Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur, una dhashay beesha Sacad ee Habargidir. Guddoomiye Seynab Xaabsey ayaa waxaa xalay barteeda Facebook-gga lagu soo qoray “Ma isla soconaa? Waxaa yimid maandheere, soo dhawaaw mudane soo dhawaaw. Inta maangaabka ahna warkooda waa in bartooda loogu tago hadii kale noqda maandheerayaal gacan save ahna soo gala, dalkaan mudo yar kadib waa wada save inshaallah.” Haddaba Seynab Xaabsey oo arrintan ka jawaabtay ayaa sheegtay in aysan taageerin Al-Shabaab, waxayna tilmaamay inuu ka dhexeeyo dhiigeeda oo daata. “Waxaa aragteen meelaha qaar oo la leeyahay guddoomiyaha degmada Warta Nabadda oo taageereysa Khawaarijta iyo afkooda, saaxibyaalo waxaa idin leeyahay ani Khawaarij kaaf iyo kala dheeri waxa naga dhexeeyana waa inuu dhiigeyga daato oo kaliya” ayay tiri. Sidoo kale waxa ay tilmaamay in xubin kasta oo ka tirsan Al-Shabaab oo dagaalka lagu soo qabto lasoo xiri doono, halka midka isa soo dhiiba la cafin doono, sida uu horay u ballan qaaday madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh. “Midkaa kusoo qabano furinta dagaalka waxaan keeneynaa isaga oo jeebeysan kii isaga oo masaakiinsan oo duleysan ciriirina dareema waan soo dhaweyneynaa, annaga oo madaxweynaha hadalkiisa qaadaneyno” ayay hadalkeeda sii raacisay Seynab Xaabsey. Ugu dambeyn waxa ay u jawaabtay dad ay sheegtay in ka faafiyeen warar dacaayad ah, isla-markaana ayada lagu sumcad dilayo. “Waxaan leeyahay dadka af Khawaarijta buun buuninaayow idinka iyo annaga waxa noo dhexeeyo waad taqaaniin, annaga Shabaabka iyo inta la shaqeysaba dhiigeenna ayaa isku bannaan” ayay mar kale tiri guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda. “ The post Seynab Xaabsey oo soo jawaabtay: Aniga iyo Khawaarij waxaa naga dhexeeya…+Video appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s pro-government forces vacated five towns in the East African country’s central region after a deadly attack by militants of the al Shabaab extremist group, Somali Guardian reported on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Kenya received Sh6.98 billion in reimbursement for its troops fighting Al-Shabaab militia in Somalia in the financial year that ended June, which translates to a 93 percent jump ahead of full withdrawal from the peacekeeping mission in under two years. Source: Hiiraan Online
-
In a recent and rather intense exchange of words, the former Ambassador from the previous administration under President Uhuru Kenyatta, Macharia Kamau, found himself embroiled in a verbal duel with senior counsel Ahmednassir Abdullahi. The focal point of their clash was the ongoing teachers' strikes in Mandera, where non-local teachers were demanding transfers due to the escalating insecurity orchestrated by the terrorist group Al Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Doolow (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, Barre Maxamed, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee Soomaaliya aa xaqiijiyay dilka taliyihii hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ee degmada Doolow, Ibraahim Hilowle. Dadka deegaanka ayaa sheegay in taliyaha lagu dhax dilay gudaha hoteel lagu magacaabo“Ibrahim Shire” kuyaalla degmada Doolow, iyadda oo ay dilkaasi sida la sheegaayab ay geesatay xaaskiisa oo lagu magacaabo Xamdi Cabdullahi Cali. Dilka taliyaha ayaa loo adeegsaday bistooladiisa sidda ay xaqiijyeen saraakiisha dowladda ee gobalka Gedo. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka uu dilkan u dhacay, iyada oo saraakiisha dowladduna sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen haweeneydii lagu eedeeyay in ay dilkaasi fulisay. Maxamed Caafi oo ka mid ah dadka degmada Doolow ayaa sheegay in dhacdadan ay argagax ku noqotay dadka gobalka Gedo. “Waxaa ay aheyd dhacdo murugo leh, laamaha ammaanka ayaana gacanta ku dhigay haweeneyda loogu shakisan yahay dhacdadan,” ayuu yiri. Maxamed Caafi oo ka hadlaayay sida dhacadan u dhacay ayaa sheegay in ay dadkii Hotelku halmar maqleen dhawaqa bistoolada markii la furay qolkana loogu yimid taliyaha oo ay madaxa xabad kaga taal iyo xaaskiisa oo dul taagan meydka. “Markii dadku ay fureen qolka, waxaa loogu tegey haweeneyda oo gacanta ku haysata bistoolada, laakin iyadu ma qiran in ay dishay taliyaha, oo waxaa ay sheegtay in ay qubees suuliga ugu jirtay isla markaana ay maqashay dhawaqa bistoolada, markii ay soo baxdayna ar aragtay maydka taliyaha” ayuu yidhi Maxamed Caafi oo intaasi ku daray in dhacdadan ay u baahan tahay baadhitaan dheeraad ah. Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Doolow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay xaaska taliyuhu qiratay inay iyadu dishay. Taliyaha ayaa la sheegay in dhawaan haweeneydaan uu ku guursaday magaalada muqdisho ee caasimada dalka, isla markaana ay shaley uun soo gaartay degmada Doolow. Haweeneyda lagu tuhmayo dilka taliyaha ayaa haysata ilaa 9 carruur ah oo ay hore u soo dhashay, waxaana dhawaan ay taliyaha isku barteen magaalada Muqdisho. Wararka kale ayaa sheegaya in haweeneydu ay ka maseertay taliyaha sidaasna ay u dishay, halka eheladuna ay sheegayaan in ay suurtagal tahay xidhiidh haweeneyda kala dhaxeeyay kooxaha ka dagaalama Soomaaliya. Hotelka ayaa sheegay in aanu laheyn camerada muuqaalada duubta ee CCTV, balse saraakiisha amniga ayaa sheegay in ay bilaabeen baadhitaano lagu ogaanaayo dhacdadan. Xamdi Cabdullahi oo ah haweeneyda loo soo qabtay dilka taliyaha ayaa sida dadka degmada Doolow ay xaqiijiyeen haysay xilka gudoomiyaha ururka haweenka degmada Buurdhuubo. Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dhacdo nuucan ah ay ka dhacdo gobolka Gedo sanadkii 2021, ayey aheyd markii sargaal ka tirsan ciidamada amniga ay sidoo kale xaaskiisu ku dishay degmada Baardheere. Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay shaki weyn horey uga qabeen in haweeneydu xidhiidh la leedahay oo ay ka tirsan tahay kooxda Al-Shabaab. Haddaba kumuu ahaa, Ibraahim Hilowle? Taliyaha ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay degmada Doolow iyo guud ahaan gobalka Gedo tan iyo sanadkii 2020-kii markaa oo ay dowladda Federalka Soomaaliya la wareegtay amniga gobolka Gedo. Taliyaha la dilay ayaa hore usoo noqday guddoomiyaha tuulada Suur-Guduud ee degmada doolow , isaga oo markii dambe amniga degmada dolow loo magacaabay. Taliyihii Nabadsugida ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke) oo isna lagu dilay gobalkaasi oo ay xidhiidh dhow lahaayeen ayaa u magacaabay xilka taliyaha nabad sugida degmada Doolow sida ay xaqiijiyeen ilo-xog ogaal ah. Hay’adaha amniga Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaano guud oo ku saabsan qaabka uu u dhacay falkaan iyo sababta keentay in haweeneydan lagu tuhmay dilka taliyaha ay fuliso dilkaasi. Isha: BBC SOMALI The post Maxaan ka ognahay taliyihii NISA ee ay dishay xaaskiisa? appeared first on Caasimada Online.
