-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyn golaha uga warbixiyay safar hal maalin ah oo uu shalay ku tegay degmada Aadan Yabaal, kaas oo uu sheegay inuu la xiriiray howlgallada ka socda dalka iyo dhiiragelinta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Intaasi kadib golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey Heshiisyo is afgarad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya. Heshiisyadan ay wada gaareen labada dowladood ayaa la xiriira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday xaaladda ammaanka ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka. Shirka ayaa sidoo kale looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danmbeeyey ee xoreynta isla markaana lagu xasillinayey dalka. Xubnaha golaha wasiirada ayaa si weyn u boggaadiyay doorka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku aadan dagaallada ka socda HirShabelle iyo Galmudug. Waxaa kale oo uu goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dagalka adag ee haatan lagula jiro xubnaha Shabaab ee ku aadan sidii looga saari lahaa dalka oo dhan. Soomaaliya ayaa waxaa ka socda howlgallo ay guullo kasoo hooyeen ciidamada huwanta, inkastoo ay deegaanada qaar ay ka soo baxeen, taas oo lagu sheegay xeelad milatari. The post Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay dowladda Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulamo u dhexeeyay madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka dhacay magaalada Ankara ee caasimada wadanka Turkiga. Kulamadan oo labo waqti dhacay ayaa qabsoomay todobaadkan, waxaana mid kamid ah madaxweynayaasha ku wehlinayay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Wararka ayaa sheegaya in wada-hadalladan uu dalbaday Farmaajo, sidoo kalena uu aqbalay madaxweyne Shariif, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Farmaajo ayaa lagu soo warramayaa in ugu horreyntii uu cafis guud weydiistay Shariif, kaas oo ku aadan dhacdooyinkii uu geystay muddo xileedkiisii, gaar ahaan xanibaaddii diyaaradaha iyo sidoo kale weerarkii hoteel Ma’ida ee xilligaas lagu qaaday musharixiinta. Xogaha aan ka helnay wada-hadalladaas ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu aqbalay raalli-gelinta Farmaajo, isla-markaana uu ku ballameen in la sii wado shirarka siyaasadeed. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada madaxweyne ay isla soo hadal qaadeen xaaladda dalka, gaar ahaan sidii ay u dhisi lahaayeen isbaheysi cusub, waxaana fikraddaas ay ka timid Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oona Shariif uu ogolaaday. Isbaheysigan lagu gar-daadinayo Turkiga ayaa la rumeysan yahay in ujeedkiisa uu yahay in looga soo horjeesto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, waxaana dadaalka ugu badan ku bixinaya kooxdii Farmaajo ee loo yaqaano Nabad iyo Nolol. Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay xoreynta dalka, madaxweynahaha uu u joogo Dhuusamareeb. Si kastaba, labada madaxweyne ayaa horay usoo saaray qoraallo kala duwan oo ay taageero ugu muujiyaan gulufka dagaal ee ay haatan wadaan ciidanka Xoogga dalka. The post Xogta kulanka dhex-maray Farmaajo iyo Shariif + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobllada dalka. Caanooy ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta dib u gurashada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhowaan soo faarujiyay magaalooyin iyo deegaano hoostaga Galmudug. Xildhibaanka ayaa arrintaas ku tilmaamay qimaano iyo gaadmo, isaga oo meesha ka saaray inay jirto tabasho, waxaana uu tilmaamay in haddii ay jirto xalinteeda uu ku baxay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare oo haatan booqasho ku joogo taliska degmad Aadan Yabaal. “Ciidamada kasoo baxaya furinta waa qiyaano iyo gaadmo hadii ay jirto tabasho Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u tagay maanta waana la xaliyay,” ayuu yiri Xildhibaanku. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in uusan jirin khilaaf ka dhex jira ciidamada ama madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Haddii ay xittaa wax xumaadeen waxaan aaminsanahay in xallinteeda lagu jiro ciidan is khilaafsan ma jiro, dowlad is khilaafsana ma jirto” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Caanooy. Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy ayaa farriin culus u diray dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay in garab istaagaan madaxweynahooda, “Waxaan farriin u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan aan garab istaagno madaxweynaha JFS, dagaalka lagula jiro Shabaab aan xoojino” ayuu raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo falcelin xoogan ay ka dhalatay dib u gurashada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana arrintaas sidoo kale ka hadlay taliyaha Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo shaaciyay inay tahay xeelad milatari. The post “Ciidamada kasoo baxaya furinta waa qiyaano iyo gaadmo” sidaas waxaa yiri… appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaamaya magaalada Boosaaso ayaa xaqiijinaya in saaka oo ku beegan 31 Agoosto 2023 dil toogasho ah lagu fuliyay laba nin oo gabar ku dilay degaanka Ceeldaahir ee Gobolka Bari. Cabdirashiid Siciid Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Cali ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah kadib markii lagu helay dilka marxuumad Fardowso Warsame Muuse oo bishii October ee sannadkii 2022 ka dhacay degaanka Ceeldaahir. Labada xukmane ayaa maxkamaddu sheegtay in ay toorrey ku dileen marxuumadda xilli ay ka furanayeen taleefon sida laga soo xigtay warbixinta waaxda danbi baarista ee C.I.D-da iyo gal-dacwadeedka ay kiiskan ka diyaarisay xeer ilaalinta. Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso tan rafcaanka ayaa isku raacay in dil toogasho ah lagu fuliyo labada xukmane waxaana ugu danbayn la qiyaasay saaka oo Khamiis ah. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Laba nin oo toorrey ku dilay gabar oo dil toogasho ah lagu fuliyay appeared first on Puntland Post.
-
Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay Al-Shabaab ku leysay duleedka degmada Ceelbuur ee gobolkaasi, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo xoogan. Dhibtaadan ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhacday deegaan 40 KM qiyaastii u jira degmada Ceelbuur oo kamid ah magaalooyinkii u dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay halkaasi ku dileen ku dhawaad 30 qof oo la sheegay inay u badnaayeen dad shacab ah oo doonayay inay kasoo tegaan halkaasi. Dadkan ayaa waxaa sidoo kale ku jiray xubno dagaalamayaal ah oo ka tirsanaa kooxda, sida aanu kasoo xiganay ilo dhanka amniga ah oo lagu kalsoonaan karo. Kooxda ayaa ku eedeysay dad ay dishay inay doonayeen inay soo aadaan dhanka ciidanka dowladda, ayna ku biiraan gulufka dagaal ee haatan ka socda gobollada dhexe. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ku aadan dhacdadaas oo si weyn looga hadlay hayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka. Al-Shabaab ayaa horay shacab badan uga afduubtay degmada Ceelbuur, waxayna la aadeen dhulka howdka ah ee magaaladaasi, halkaas ay ku dhuumaaleysanayaan. Bariga gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda howlgallo culus oo ay guullo kasoo hooyeen ciidamada huwanta, inkastoo ay deegaanada haataan dib uga soo baxeen. The post Al-Shabaab oo dad shacab ah ku leysay duleedka Ceelbuur appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay gebi ahaanba joojisay nidaamkii Furdooyinka Soomaaliya ee SOMSAT. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ayay ku sheegtay in ay joojisay sistemkii Furdooyinka Soomaaliya ee ee ganacsatadu ku soo dalban jirtay cadeynta alaabta. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in Puntland hirgelisay nidaam furdooyin oo u gaar ah kaas oo lagu magacaabo (PUNTCAS). “Waxaa loo guuray habka computerized ah oo u gaar ah dowladda Puntland loona yaqaan (PUNTCAS)” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Wasaaradda Maaliyadda Puntland ma faahfaahin sababta ay uga guurtay nidaamkii guud ee Furdooyinka Soomaaliya oo ay hore u isticmaali jirtay. PUNTLAND POST The post Puntland oo gebi ahaanba ka baxday nidaamkii Furdooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
HRW researcher Nadia Hardman said “Saudi officials are killing hundreds of migrants and asylum seekers in this remote border area out of view of the rest of the world,” according to a statement. “Spending billions buying up professional golf, football clubs, and major entertainment events to improve the Saudi image should not deflect attention from these horrendous crimes,” she said. The United States on Monday voiced alarm over the report and urged a full investigation. “We have raised our concerns about these allegations with the Saudi government,” a State Department spokesperson said.”We urge the Saudi authorities to undertake a thorough and transparent investigation and also to meet their obligations under international law.” The HRW report said there was no response to letters it sent to Saudi officials. But the Houthi rebels who control northern Yemen alleged “deliberate killings of immigrants and Yemenis” by border guards, in response to a letter from HRW. According to the rights group, migrants said Houthi forces worked with people smugglers and would “extort” them or keep them in detention centres where they were “abused” until they could pay an “exit fee”. The Houthis denied working with people smugglers, describing them as “criminals”. In 2015, Saudi officials mobilised a military coalition in an effort to stop the advance of the Iran-backed Houthis, who had seized the Yemeni capital Sanaa from the internationally recognised government the previous year. Yemen’s war has created what the UN describes as one of the world’s worst humanitarian crises, with millions dependent on aid. Oil from “FSO Safer” supertanker decaying off Yemen’s coast finally being pumped onto another ship Many of the abuses described by HRW would have occurred during a truce that took effect in April 2022 and has largely held despite officially expiring last October. The HRW report draws from interviews with 38 Ethiopian migrants who tried to cross into Saudi Arabia from Yemen, as well as from satellite imagery, videos and photos posted to social media “or gathered from other sources”. Interviewees described 28 “explosive weapons incidents” including attacks by mortar projectiles, the report said. Some survivors described attacks at close range, with Saudi border guards asking Ethiopians “in which limb of their body they would prefer to be shot”, the report said. “All interviewees described scenes of horror: women, men, and children strewn across the mountainous landscape severely injured, dismembered, or already dead,” it said. Other accounts described forced rape and beatings with rocks and iron bars. HRW called on Riyadh to end any policy of using lethal force on migrants and asylum seekers, and urged the UN to investigate the alleged killings CBS news Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhisme dabaqyo ah oo xalay ku soo dumay dad isku qoys ah oo ku noolaa agagaarka Carwo Liimooni oo ku taalla gudaha Suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag. Dhacdadaan ayaa timid kadib markii uu soo dumay dabaq ka kooban illaa siddeed biyaano, wuxuuna ku dul dumay dabaq kale oo afar biyaano, isna wuxuu ku dul dhacay guri Fillo ah oo ay daganaayeen dad isku qoys ah oo ay soo gaartay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay mashaqadaan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee goobta gaaray. Saddexda qof ayaa kala ah hooyo, iyo laba gabdhood oo ay dhashay, waxaana weli ma maqan maydka mid kamid ah gabdhaha oo da’deeda lagu sheegay 14 sanno jir. Mid kamid ah shaqaalaha waaxda gurmadka deg-degga ah ee maamulka gobolka Banaadir ayaa Telefishinka Universal uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha guud. “Meeshaan musiibaa ka dhacday gurigaan saddex qof ayaa ku dhintay laba qofood waa soo bixinay gabar yar oo carruur ahna, weli waa la la’yahay” ayuu yiri mid kamida shaqaalaha. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay sabab u tahay khalad ka dhashay, sida loo dhisay dabaqa soo dumay ee sababay dhimashada iyo dhaawaca. “Sida maqalka naloogu sheegay waxaa la yiri guriga si khaldan ayaa loo dhisay Injineerkii dhisay oo shaqadaan lahaa qiyaamadaan ku dhisay oo sabab u ahaa in dadkaan Islaamka ah uu wax gaarsiiyo” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay. Si kastaba, ma’aha dhacdadii ugu horreysay ee ka dhalata dhisme soo dumay, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaarto dad isku qoys ah, waxaana ugu dambeeyay afartii Carrruurta aheyd ee dhowaan ku geeriyootay dabaqii kusoo dumay degmada Shangaani. The post Daawo: Dad isku qoys ah oo ku dhintay dabaqyo kusoo dumay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Talks aimed at admitting Somalia into the East Africa Community are at an advanced stage. Source: Hiiraan Online
-
9 migrant smugglers arrested in western Türkiye's Çanakkale
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Turkish police on Tuesday arrested nine of the 13 people it had detained earlier for suspected migrant smuggling in western Çanakkale province. Source: Hiiraan Online -
A Chinese naval fleet has returned to the southern city of Zhanjiang, Guangdong Province after completing its mission of escorting civilian vessels in the Gulf of Aden and the waters off Somalia, and evacuating Chinese personnel from Sudan. Source: Hiiraan Online
-
Mas’uuliyiin u dhashay SSC-khaatumo oo xilal ka hayay Somaliland ayaa sida wararku sheegayaan ka baxsaday degaannada Somaliland. Mas’uuyiyiinta oo ay ku jiraan kuwa xilal sare haya ayaa u baxsaday dhinaca dowlad degaanka Soomaalida DDS kadib markii ay cabsi ka soo wahday dadkii ay la noolaayeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in magaalooyinka Somaliland laga soo weriyay dhacdooyin beegsi ah oo ka dhan ah dadka u dhashay ama la haybta ah SSC. Dhacdooyinkan ayaa imaana xilli ay shacabka Somaliland ka gadoodsan yihiin jabkii iyo khasaarihii ciidamadooda kaga dhacay Hawlgalkii hubka dhigista ee lagu furtay Taliskii Gooja-cadde. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka soo jeeda SSC-khaatumo oo ka baxsaday degaannada Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Somalia is finally set to become the latest member state of the East African Community (EAC), almost 11 years after Mogadishu first applied for membership. Source: Hiiraan Online
-
“The city of Baidoa earned the nickname the ‘city of death’ because so many people died here during the famine and civil war in the early 1990s. People still die here.” Source: Hiiraan Online
-
Kenya received Ksh6.98 billion ($48.04 million) in reimbursement for its troops fighting Al Shabaab militia in Somalia in the financial year that ended June, which translates to a 93 percent jump ahead of full withdrawal from the peacekeeping mission in under two years. Source: Hiiraan Online
-
(Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!) Doqonimmadu waxay ku fiicnaan lahayd in loo dhinto! Marna ha ka shakiyin Itoobiyaanka xudduudda dalka ka soo talaabay waxay ku socdaan qorshe waligiisba cadowga Soomaaliya uu soo waday ama uu falkinayay laakiin marna u fuli waayay!…. SHeekadu waa ka weyntahay waxa aad maqleysaan; waa tahriib, waa masaakiin, waa nolol doon, waa walaalaheen! Waa hadalo run ahaantii u ek dacaayad ay fidiyeen sir-doonka Itoobiya iyo dalalka kale ee daba taagan… ka feker, dhab ugu fiirso, Orommada yaacaysa dhibaato kama soo baxsan, illaa xilligii Xayle Salaase Oromo dagaag bay ahayd, weligeedna sidaan oo kale oodda uma soo jabsan, weligoodna taariikhda Itoobiya maanta waqti ay ka fiicanyihiin sooma marin, iyagaa dalkii madax ka ah, guud ahaan dalkii waa federaal, gobollada iyagaa is maamula marka laga reeba gobolka Soomaaliyeed, marka ma jirto sabab keeneysa inay soo yaacaan, dabeecad ahaana dhaqankooda ma aha midka reer guuraaga in yar mooyee!… waa caddahay oo dalka dagaalo ayaa ka jira, laakiin dalka Soomaaliya waxay u soo aadeen ma aha si naftooda nabad gelyo ugu helaan, oo Soomaaliya iyadii baan deggeneyn, ma aha inay tahay dal dhaqaale buuran oo nolol middii ay ka soo carareen uga sed roon ay taal, ma aha dal ay joogaan hay’ado dowli ah oo dadka qaxootiga ah caawiya ama ay xafiis ku leeyihiin, iyo ugu dambeyntii ma aha dal ay Itoobiyaanka ka dhigan karaan meesha koowaad oo ay u qaxaan iyagoo cadow ama dhibaato kale ka cararaya, sida aysan dadkeennaba markii ay dagaallada ka qarxeen 1991kii aysan u aadin Itoobiya oo ay ugu qaxeen Kenya, maxaa yeelay cadaawadda ina dhex taal baaxaddeeda bay ogyihiin, taasi waxay ku tuseysaa inaysan arrintu ahayn nolol raadin, miskiinimo, iyo waxyaabaha caqli yarida ah ee ay dadku isku qancinayaan ama isugu sheekeyniyaan!…ama ay dhegaha dadka ugu shubayaan Sir-Doonka Itoobiya iyo inta uu ku adeegto. Maxaa caruurta iyo bukaanka iyo inta tabar daran looga soo tagay?!…Maxaa dhallin-yarada xoogga ah keliya soo soocay?! Weyddiinta intaas oo dhan ka haboon waxay tahay maxay hay’adaha sheegta inay caawiyaan; qaxootiga dadkooda ka soo baxsaday ee dhibaatada uga soo cararay ay u soo aadi waayeen oo marna wax gacan ah ugu fidin waayeen?! Ma waxaad is leedahay ma ay oga?! Haddii aysan ogeyn maxay dowlad goboleeddada u weydiisan waayeen in dadkaa xeryo loo sameeyo oo la diiwaan geliyo?! Mase kuma dhacaan baad leedahay?! Haddii ay sidaas tahay adigaa xilka ugu weyn ku saaranyahay oo dalkii xooggiisii iyo caqligiisii ah oo dhallin-yarradiisii ah maxaad talo uga yeelan waysay?!… War dalku waa gurigaagii, waa meeshii uu Alle kugu beeray….”Dalkiinii Aada“ wax dhibaal ma aha!…. Wali taladu gacanta kama bixin! Wali arrintu wax ka qabasho ayeey leedahay, laakiin daqiiqada saacadda ninna u joogsan maayaan oo cidina ma sugayaan, dhallin-yarrada Soomaaliyeed waa inay ka baxaan xayndaabka ama edegta yar ee ay ku kala qoqobanyihiin muddada soddomeeyada sano ah!…dhallin-yaradu miyeysan dareemeyn ceeb marka subaxdii intay soo toosaan oo canjeero ka soo dherggaan sideey gidaar u taaganyihiin haddana guryaha qado u aadaan!… Waa Af-Kala-Hays iyo Amakaag! Waxaan mararka qaarkood nafteyda weyddiiyaa, aaway sharaftii dadnimo?! Qof iska nool ma wax dhici karaa?! Qof iska nool oo aan marna talo ku dhalaneyn, miyeey dhici kartaa?!….oo waliba dhallin-yaro ah ma dhici kareysaa?! Dhallin-yarrada, Soomaaliyeed weligeed dhaqanka lagu yaqiinay wuxuu ahaa firfircoonaan, iyo talo curin, hasa yeeshee sida hadda xaalku yahay ma aha sidii looga bartay. Waxa dalkii ka dhacaya, siyaasiyiin wada khaa’inul-wadhan ah, shisheeye dalkii iska soo galay oo qaynuun iyo wax uu dhowrayo aysan jirin, dal la heysto oo cadowgu soo buux dhaafshay, sidee dhallin-yarradiisu u haasawdaa?! Sidee habeenkii hurdo uga timaaddaa?!… Marka aan fiiriyo xaalka dhallin-yarrada Soomaaliyeed sida uu yahay, sida dareenka iyo fikirku badankood uga maqanyahay, waxaa igu soo dhacda tixdii Soomaalidu wada taqaanay ee Alle ha u naxariistee uu Faarax-Sooyaan Jaamac, oo ka mid ahaa ciidammadii daraawiishta uu u tiriyay wiil uu dhalay oo ahayd: Wiil labiyo toban jiray hadduu, lali ahaan waayo, Marti leylka timi hadduu, luun ka bi’in waayo, Looyaanka dirireed hadduu, luuf ka kicin waayo, Raganimo luddii kuma jirtee, liicyee bal ogaada! Dhallin-yarradu guryaha ha ka soo baxdo, deegaan kasta waa inuu suuro geliyo xiriirka deegaanka la deriska ah. Intaan garanayo ama xasuusnahay dhismihii SYL wuxuu ku bilowday fikir iyo dhallin-yarrada Soomaaliyeed inay garteen xuquuqda ka maqan oo ahayd gobanimo iyo dowladnimo ay aayahooda uga tashadaan, iyagoo arkay in talada aayahooda ay ku jirto gacan shisheeye, middas waxay horseeday in meel kasta oo ay joogtay dhallin-yarrada uu ka bilowdo fikir gobanimo doon iyo gumeysi nacayb, waxaana markiiba is-garaacay wadnihii geesinimmadu degtay oo xummaantii ka dhiidhiyay! Wadnihii dhiigiisu ku baxaday oo lagu waraabiyay dhiiggiisa!….Wadnaha Soomaaliga, ee aan qaadan dulmiga, ee dhimashada teeda sharafta badan ee dadkiisa iyo diintiis uu ku difaacayo oggol inuu dhinto!…Wadnihii halgammayaashii diiday inay ku hoos noolaadaan talo cadow dalkooda xoog ku heysta…Axmed Ibraahim Gureey, Maxamed Cabdulle Xasan, ilaa SYL ilaa iyo Soomaali Galbeed. Sharafta halganka waa mid aan la iibsan karin, waa mid qof kasta aqoonsanyahay mudnaanteed, waxaa xasuusnahay sida aan u xiiseynayay ama ugu farxayay marka aan la kulmo xubnihii SYL ee aan soo gaaray, waxaan tilmaami karaa inay dhammaantood ahaayeen dad is hufa, xarragada jecel, dadka u jajaban, dowladna aan wax ku qabin, haddii ay wax siisayna inta aan ka ogahay ay ahayd lacag gunno ah, ama wax mushaar lagu sheego laakiin aan badneyn!…mid kasta oo aad la sheekeysato wuxuu ku faraxsanaa ama deeqeysay gobanimmada ay dadkiisa haystaan iyo dowladnimmada oo uu garanayay wixii laga soo maray, waxay fikir ahaan isku raacsanaayeen ereyo kala duwanba ha ku cabbiraanee inaan guumeystihii Itoobiya wali quusan isagoo isku haleynaya guumeystihii markii horaba ugu hiiliyay qabsashada gobolka Soomaaliyeed ee wali uu guumeysto!… La Soco Beri The post Dhallin-yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! Qaybtii- 10aad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray baaq taageero ah oo ku wajahan ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab. Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay inay waajib tahay in la garab istaago ciidanka xoogga dalka, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada. Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli taageerayaashiisa ay maalmihii dhowaa u rayaaqayeen guuldarrooyinka ciidanka soo gaaray, si ay ugu xumeeyaan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo ay qabyalaad darteed ku diidan yihiin. Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo. Dagaalka Ciidamadda Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed. Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada. Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada. Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u horey in dalkeenna ay ka xoreeyaan argagixisada, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah. The post Madaxweyne FARMAAJO oo WAR lama filaan ah kasoo saaray dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe ay dalka dib ugu soo celineyso ciidamada muddada dheer tababarka ugu maqan dalka Eritrea. Ciidamadan oo illaa shan kun oo askari gaarayay ayaa la fahamsan yahay in saddex kun oo ka mid ah dalka dib loogu soo celiyay bishii December. Qorshaha socda ayaa ah, sidii dalka dib loogu soo celin lahaa ciidamada dalkaasi ku harsan, oo tiradooda lagu sheego inta u dhaxeyso kun iyo sideed boqol oo askari illaa laba kun oo askari, oo isugu jira noocyada kala duwan ee ciidamada, sida nabadsugid iyo kuwa badda. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay Talaadadii gaareen dalkaasi, isla-markaan ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada ku booqdeen xeryaha ay dalkaasi ka degan yihiin. Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in saraakiishu ay ciidamadaasi u sheegeen in toddobaadyada hore ee bisha September ay dib ugu laaban doonaan dalkooda, muddada ka horreysana la diyaarinayo safarkooda ambabaxa. Ciidamadan ayaa dhammaadkii sanadkii 2019 iyo bilowgii sanadkii xigay ee 2020 tababar loogu qaaday dalkaasi, waana ciidamadii ugu waqtiga dheeraa ee tababar ugu maqnaada dal shisheeye, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, muddo haatan laga joogo saddex iyo laaban sano. Tallaabada xilligan dalka dib loogu soo celinayo ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli qaybo ka mida dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab. The post Xog: Dowladda oo dalka dib ugu soo celineysa ciiidamada ku maqan dalka Eritrea appeared first on Caasimada Online.
-
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐤𝐚𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐦𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐢𝐛𝐚𝐝 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐟𝐨𝐨𝐥𝐚𝐝𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐚𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧-𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚. Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa arbacada maanta ka qayb galay, munaasibad loogu fooladaynayay dufcadda 20-aad ee ka qalin-qorata Jaamacadda Hargeysa, kuwaasi oo tiradoodu dhammayd 1,360 arday isla markaana ay kamid ahaayeen Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyayaal iyo hawl-wadeeno kale oo uu kamid ahaa Agaasimaha Waaxda Maxkamadaha Guurguura ee Maxkamadda Sare oo ugu sareeyay culuumta heerka labaad ee sharuucda ciqaabta iyo cadaaladda (Criminal Law and Criminal Justice), kuwaasi oo Garsoorku deeq-waxbarasho ugu diray Jaamacadda Hargeysa. Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay ardayda sannadkan ka qalin-qoratay Jaamacadda Hargeysa, waxaanu xusay in ardaydii hore uga baxday Jaamacadda Hargeysa ay hoggaaminayaan qaybaha kala duwan ee Qaranka, haddii ay tahay hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka ahba. Guddoomiyaha ayaa geesta kale bogaadiyay barayaasha iyo hoggaanka kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda oo uu ku tilmaamay in ay hormuud u yihiin horumarka baaxada leh ee Jaamacadda ka tisqaaday, waxaanu xusay in Jaamacadda Hargeysa iyo jaamacadaha kale ee dalku ay door shariif ah kaga jiraan horumarka dhanka cilmiga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa ardayda u hogga-tusaaleeyay in 80% hawl-wadeenada Garsoorku ay yihiin ardaydii jaamacadaha waddaniga ah ka soo baxay, waxaanu xusay in bahda Garsoorka ee ka hawl-gasha gobolada dalkuna ay ka baxeen jaamacadaha ku yaala haddii ay tahay Jaamacadda Camuud iyo kuwa kale ee ku yaala gobolada kaleba, kuwaasi oo heshiis wada-shaqayneed la leh Bahda Garsoorka. Waxaanu ardayda ku dhiirayay in ay maskaxda ku hayaan in dalku u baahan yahay cudud shaqaale oo dhiig cusub u noqota hayaanka horumar ee dalka ka socda. Guddoomiyaha ayaa is-dul-taagay in shaqadu aanay kaliya ahayn wax la isa-siiyo ee ay tahay hal-abuur loo baahanyahay in qofku la yimaado, waxaanu u hogga-tusaaleeyay sida dalkeena ay ugu soo shaqo tagaan ajaanib fursado ka raadsanaya, kuwaasi oo kasbada shaqooyin ay lacag badan ka sameeyaan, waxaanu xusay in muwaadinku ahmiyada koowaad leeyahay, isla markaana ay muhiim tahay in ardaydda iyo xirfadlayaasha kale ee waddaniga ahiba ku dhiiradaan in ay ka shaqaysiiyaan tamartooda hal-abuur, hay’adaha Qarankuna ay markasta garab taaganyihiin fursadsiinta ardayda tamarta cusub xambaarsan. Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa bogaadiyay tiradda haweenka ee ku soo badanaysa bahda waxbarashada, waxaanu ku timaamay in ay door shariif ah kaga jiraan dheeli-tirka bulshada iyo horumarka dalkeena. Gunnaanadkii Guddoomiyaha ayaa xusay in ay qaadan doonaan labada arday ee ugu sareeya kulliyada sharciga, si ay ugu dhiirigaliyaan dedaalkii iyo tacabkii ay soo hureen. Qaran News
-
Hargeysa(Qaran newsl)-Xildhibaan Cabdirisaq Haybe Xuseen oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa baaq nabadeed u direy beelo walaalo ah oo dirir ku dhexmartay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag. Xildhibaanka ayaa labada dhinacba ka dalbaday inay nabada qaataan, oo ay aqbalaan ergada xukuumadda Somaliland u dirtay xalinta shaqaaqadaas, kuwaas oo hadda ku hawlan xal u helida khilaafka degmadaasi. Geesta kale xildhibaan Cabdirisaaq waxa uu sheegay in ay ka gole guurti ahaan guddi u dirayaan xaalada ka taagan degmada Ceel Afweyn, si ay qayb uga noqdaan ergooyinka wada dadaalada lagu soo celiyo nabadgelyadda. Gaba-gabadii xildhibaan Cabdirisaaq, waxa uu ugu baaqay culimadda, salaadiinta, aqoon yahanka iyo waxgaradka JSL in ka qayb qaataan talaabooyinkaas lagu daminaayo colaada degmada Ceel Afweyn, waxaanu mudanuhu kula dardarmay bulshada ku nool degaankaasi in wixii tabasho ah iyo mago ahba hoos u dhameystaan. Qaran News
