Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhaba Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dadag ee ka jirta magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Ugu horreyn Mursal oo haatan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ku boggaadiyay duulaanka ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu hadda xoogiisa ka socdo deegaanada Galmudug iyo sidoo kale HirShabelle. Maxamed Mursal ayaa intaas kadib si adag uga hadlay go’doonka ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba, isaga oo tilmaamay in aan la gelin karin, lagana soo bixi karin magaaladaas oo caasimad kumeel gaar u ah dowla dgoboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. “Caasimada KMG ah ee Baydhaba hal kiilo mitir lagama soo bixi karo, lamana tegi karo way go’doonsan tahay, waa la socotaan degmooyin ayaa go’doonsan toban iyo dhowr sano oo waxyaabaha daruuriyaadka ah u gudbi karin” ayuu yiri guddoomiyihii hore Baarlamaanka. Sidoo kale waxa uu farriin u diray hoggaanka Koonfur Galbeed, isaga oo ka dalbaday inuu u istaago wax ka qabashada dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi. “Waxaan leenahay nidaamka meesha ka jira adigaa laga rabaa inaad shacabka goobaabisid, inaad dagaal gelisid si ay isaga qaadaan gumeysigaas” ayuu raaciyay. Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata syaasiyiinta iyo dadka deegaanka ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna ku biiraan dagaalka Al-Shabaab. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la filayo in wajiga labaad ee dagaalka uu ka billowdo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab. The post MURSAL: Baydhaba lagama soo bixi karo, lamana tegi karo appeared first on Caasimada Online.
  2. Cadale (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ciidamo dheeraad ah u dirtay jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo tiro ahaan gaarayaa illaa 1,500 oo askari ayaa laga sagootiyay degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay kula hadleen xildhibaano iyo saraakiil ciidan. Askartan ayaa isugu jirta Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda oo halkaas lagu diyaariyay, waxaana u dhameystiran qalabkooda iyo gaadiidkooda. Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo khudbad dardaaran ah u jeediyay ciidamada ayaa u rajeeyay guul iyo inay xoreeyaan bariga gobolka Galgaduud. “Waxaan rabaa horta inaan idin xaqiijiyo halganka, dadaalka iyo howsha aad ku jirtaan inuu yahay halgan iyo dadaal la’idinla ogyahay oo dowaddu ka war qaybto” ayuu yiri. Dhankiisa Sarreeye Gaas Cali Caraaye Cosoble (Gacmaduule) oo kamid ah saraakiisha ciidamad Xoogg dalka ayaa ka hadlay goobta, wuxuuna sheegay in ciidamadan ay qayb ka noqon doonaan dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay ku biirayaan gulufka socda. Gacmaduule ayaa sidoo kale soo hadal qaaday deegaanada laga soo baxay, wuxuuna sheegay in ujeedka u ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, haatana ay dib ugu labaan doonaan dhammaan magaalooyinkii iyo deegaanada ay kasoo baxeen. “Waad ogtihiin hadda dib u habeyn ayaa la sameeyay ciidankii soo baxay dib ayaa loogu celiyay xeryahoodii habeyntii ayaa ku socota, maalmaha soo socda nin walba aaggii uu lahaa iyo goobta loo diro ka howlgeli doonaa” ayuu isna yire Sarreeya Gaas Gacamaduule. Dhaq-dhaqaaqan ayaa qayb ka ah qorshaha iyo abaabulka dagaal ee dowladda federaalka, kaas oo haatan xoogiisa uu ka socda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug. The post Daawo: DF Soomaaliya oo 1,500 oo askari u dirtay jiidda hore ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre held a meeting with senior military commanders and the leadership of the Ministry of Defense after visiting the Ministry of Defense Headquarters in Mogadishu on Saturday. Source: Hiiraan Online
  4. Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo haatan laga dareemayo qaban-qaabo xoogleh oo ku aadan soo dhaweyntiisa. Magaalada ayaa waxaa haatan ku sugan wufuud horudhac u ah safarka madaxweynaha, kuwaas oo labadii maalmood ee la dhaafay gaaray halkaasi. Sidoo kale waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan Xoogga dalka iyo ciidamo dheeraad ah oo lagu daabulay degmada Maxaas, si ay xaqiijiyaan amniga guud ee degmadaasi. Madaxda kale ee joogta Maxaas ayaa waxaa kamid ah guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jayte oo shalay magaaladaasi gaaray, isla-markaana sheegay in uu qayb ka noqon doono qorshaha dagaal ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo la kulmo doono ciidamada iyo dadka deegaanka. Sidoo kale madaxweynaha dowladda federaalka ayaa kormeeri doono saldhigyada ciidamada iyo xarumaha kale ee ku yaalla magaaladaas, si uu u qiimeeyo xaaladda guud. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo bil ah ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana halkaas uu ka hoggaaminayay dagaalka Al-Shabaab. Si kastaba, safarka madaxweynaha ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay ciidamada dib uga soo baxeen magaalooyin iyo deegaano ku yaalla gobollada dhexe. The post Wararkii ugu dambeeyay ee socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Maxaas appeared first on Caasimada Online.
  5. Beeraleyda qaadka ee kenya ayaa suuq cusub oo qaadka ay geeyaan ka helay bariga dhexe ka dib markii ay waayeen mid ka mid ah labadii suuq ee ugu weynaa baayacmushtarkooda. Ganacsatada qaadka ayaa bilaayiin Shilin ka heli jiray UK iyo Soomaaliya oo ahaa labadii suuq ee ugu weynaa. UK ayaa dalkeeda ka joojisay qaadka iyadoo ku dartay 2014-kii in uu ka mid yahay maandooriyayaasha, halka Soomaaliyana ay xayiraad saartay inkastoo hadda la qaaday. Beeraleyda, ganacsatada iyo hoggaamiyayaasha Meru ayaa hadda si weyn u raadinaya suuqyo hor leh ka dib markii ay sheegeen in ay casharo ka barteen markii ay joojisay Soomaaliya oo ay si weyn ugu tiirsanaayeen. Ururka beeraleyda iyo ganacsatada iyo guddoomiyahooda Kimathi Munjuri ayaa la filayaa in ay Tel-Aviv ku soo bandhigaan ganacsigooda bishan September Mr. Munjuri wuxuu sheegay in ay ka qeybgalayaan bandhigga Agro Mashow ee Israel kaas oo ay geynayaan dalagyo kala duwan. Ku simaha agaasimaha guud ee hay’adda beeraha Kenya Willis Audi ayaa sheegay in Israel ay tahay meel muhiim ah oo wax soo saarka beeraha Kenya loo dhoofin karo. Kenya ayaa muddo dheer u dhoofin jirtay Israel qaxwaha, shaaha iyo ubaxa. Markii dib loo furay qaadka tagi jiray Soomaaliya waxaa la filayay in uu kor ku kaco balse beeraleyda qaadka iyo ganacsatada waxay sheegeen in ay sidaan noqon. qaadka ugu badan ee laga cuno Israel waxaa uu uga yimaadaa Ethiopia, waana suuq weli la geyn karo noocyada kale ee qaadka. Qaadka Isreal la geeyo waxaa cuna inta badan Yahuudda ka timid Yemen waxayna ugu dhawaaqaan “Gat”, inta badan waxay cunaan xiliyada ay nasanayaan. Qaadka waa laga ogol yahay Isreal hadii aad caleemahiisa cuneyso balse waa sharci darro hadii aad badasho oo walxaha ku jiro ka soo saarto. Sanadkii 2012-kii ayey Isreal ku dhawaaqday in uu sharci darro yahay cabitaan laga sameeyay qaadka, waxayna ku tilmaameen in uu yahay maandooriyaha ugu khatarsan. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka. Madaale ayaa marka hore boggaadiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka socda deegaanada Galmudug, wuxuuna sheegay in lagu xoreeyay dhul ballaaran. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale soo hadal qaaday deegaanadii ay dhowaan ka soo baxeen ciidamada dowladda, wuxuuna tilmaamay inay tahay arrin farsamo iyo xeelad milatari. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada Xoogga dalka, isaga oo sheegay inay ku laaban doonaan furinta dagaalka. “Ciidamada muddo badan ayay meesha ku jireen dhuudhuujin ayaa loo soo qaaday xeryahooda ayayna joogaan, waana laabanayaan” ayuu yiri Yuusuf Madaale. Guddoomiyaha gobolka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Al-Shabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay howlgallada iyo duqeymaha ka socda inta badan gobollada dalka, waxaana uu tilmaamay in la burburiyay saldhigyo waa weyn iyo xarumo kale oo ay laheyd kooxda. “Dagaal marka la galaayo qaabab badan ayuu leeyahay, xeelado dagaal ayuu leeyahay cadowga beryahaan cirkaa laga duqeynaayay” ayuu sii raaciyay guddoomiyuhu. Yuusuf Madaale ayaa kamid ahaa madaxdii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha ee todobaadkii hore booqashada ku tegay taliska ciidamada ee degmada Aadan Yabaal. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ciidamada huwanta ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan Galmudug oo uu weli ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh. The post Daawo: Muxuu Madaale ka yiri deegaanadii laga soo baxay? appeared first on Caasimada Online.
  7. A quarter of all people in Somalia are now displaced due to drought and conflict, as the country’s displacement crisis hits record levels, according to a UK-based humanitarian organization. Source: Hiiraan Online
  8. Conflict-prone countries like South Sudan, Somalia and the Democratic Republic of Congo (DRC) are feeling a greater economic impact of climate-related calamities, making it harder for them to bounce back from such catastrophes. Source: Hiiraan Online
  9. At least 50 armed men were killed in the attacks of the Somali army on the hideouts of the al-Shabaab terrorist group in the center and south of the country. Source: Hiiraan Online
  10. Somalia is on the path to recovery after decades of turmoil and violence. Its youth are playing a crucial role in this process. Source: Hiiraan Online
  11. Paul Merson on Mohamed Salah: "He's one of the best players in the world. It's a hard one. If you sell him for £150m what can you bring in? They're not going to be better than Salah. I would say £200m would be too much to turn down. I don't see how you can turn that down" Source: Hiiraan Online
  12. The director general-elect of the International Organization for Migration (IOM) called for urgent solutions to address climate change and human mobility challenges because the world has entered “the era of climate migration.” Source: Hiiraan Online
  13. MAHAS, Somalia (HOL) - Ali Jeyte Osman, the former governor of the Hiiraan region and current president of Hiiraan State, addressed a large gathering in the Mahas district today. He criticized both the Hirshabelle administration and the federal government for their lack of significant projects in Hiiraan. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay qoraal lasoo dhigay akoonka barta Facebook oo uu ku qoran yahay magaca Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), kaasoo lagu la’yahay dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dhexe oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda al-Shabaab. Shaah-macabe oo ah Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waayay, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare xoogan. Bartan oo la sheegay inuu taliyaha leeyahay ayaa lasoo dhigay qoraal muujinaya inuu nabad qabo. Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, isla markaana ay ehel dhow yihiin Taliye Shaah Macabbe, oo aan la hadalnay ayaa sheegtay inaysan ilaa iyo haatan wax war ah ka heynin taliyaha. “Waxaan xaqiijinayaa in laga jabsaday barta Facebook, asaga maaha waxa qoraalka soo dhigay, warna kama heyno,” ayay tiri. Jawaahir ayaa sheegtay in laga yaabo in dad doonaya inay ku qaraabtaan magaciisa ay jabsadeen bartiisa oo ay qoraalkanna soo dhigeen. “Dad baa jira ku qaraabanaya oo laga yaabo inay lacag uga uruursanayaan dadka,” ayay intaas raacisay. Maxay hore qoyska Shaah-macabbe uga yiraahdeen arrintan? Jawaahir Baarqab oo markii uu soo baxay warka ah in la la’yahay taliyaha la hadashay BBC ayaa sheegtay in qoys ahaan aysan caddeyn karin inuu nool yahay ama inuu geeriyooday. “Marka horeba askariga Soomaaliyeed isteellaha marka uu xirto geeri iyo nolol ayuu u dhaxeeyaa marka nin taliye ah oo guuto dhan loo dhiibay wiilal badan oo Soomaaliyeed ayuu madax u ahaa, annaga nolol iyo geeri waan naqaanaa, walaalkay wuu imaan doonaa hadduu Alle idmo oo uu nool yahay haddii uu dhintana waa ehelu janno, laakiin isagoo caafimaad qabo inuu yimaado baanu jecel nahay. Meesha caano shub uma uusan tagin Ugaas la soo duubaayo ma uusan ahayn, guul iyo geeriba ninka ragga wuu ka filanayaa goobta dagaalka,” ayay tiri Jawaahir. Laakin Jawaahir Baarqab waxay sheegtay inaysan ogeyn halka ay ka keeneen dadka baraha bulshada ku soo qoraya inuu geeriyooday Shaah macabbe. Waxay sheegtay in geeridiisa ay xaqiijin karaan wasaaradda gaashaan-dhigga, warfaafinta ama taliyaha milatariga Soomaaliyeed iyo qoyskiisa oo ay qasab tahay in loo sheego oo ay aasaan haddii uu geeriyooday. Dhanka kale waxay sheegtay inay jiraan xogo ay heleen oo tibaaxaya in Taliyaha uu nool yahay oo uu badqabo oo shaqo qaran ku jiro. Waxa uu ku soo koray oo waxbarashada dugsiga hoose dhexe ku qaatay tuulada Biya Cadde ee gobolka Shabeellada dhexe. Halka waxbarashada dugsiga sare iyo jaamacaddaba uu ku qaatay magaalada Muqdisho. Waxa uu hoggaaminayay guutada Cumar Binu Khadab oo horay loo oran jiray gutada 25-aad halka ka horna uu ahaa abaanduulaha guutada 4-aad qeybta 27-aad ee ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed, markaas oo uu ka hawlgalayay Hirshabeelle. Waxa uu ahaa nin afgaaban oo ahlu diin ah oo geesi ah yaqaanana sida cadowga loola daggaallamo. Qof kasta oo Soomaaliyeed saaxib ayuu lahaa,” ayay tiri Jawaahir Baarqab. ”Waxa uu ka mid ahaa ciidamadii badbaado qaran oo markaas u arkayay waxa dhacayay xilligaas aanay macquul ahayn,” ayay tiri Jawaahir oo ay ilmo adeer yihiin Shaah-macabbe. Isha: BBC Somali The post Maxaa ka jira inuu Facebook kasoo hadlay Shaah-macabe? appeared first on Caasimada Online.
  15. Xarardheere (Caasimada Online) – Faah-faahino ayaa ka soo baxaya duqayn xoog leh oo shalay ka dhacday deegaanka Dumaaye, oo hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay saakay si ba’an u garaaceen Xerada Sheekh Maxamed Raage, oo ku taala afaafka hore ee deegaankaasi. Xeradan ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay deganaa maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana loo arkaa goob muhiim u ah joogitaanka Koonfurta Gobolka Mudug. Gudoomiyaha Degmada Xarardheere, Maxamed Deeq Yuusuf Kulmiye ayaa sheegay in xilligii ay duqayn dhaceysay uu shir uga socday horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab. Gudoomiyaha ayaa sheegay in khilaaf Shabaabka dhexdiisa ah uu jiray, lana doonayay in shirkaasi lagu xaliyo. Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ku dhawaad laba boqol oo nin lagu dilay weerarka dhinaca cirka ee Sabtidan ka dhacay xeradaasi. “Kuwii ka soo badbaaday dagaalkii Cowsweyne ayaa meesha soo galay, halkaasaana lagu afjaray,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Deeq. Marka laga soo taggo hadalka Gudoomiyaha, dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaare lixaad lihi uu maleeshiyadu ka soo gaaray duqayntaasi, isla-markaana gelinkii dambe ee shalay ay meydadkoodu ku aaseen dhulka hawdka ee Dumaaye iyo Dabagalo. Duqayntan ayaa lagu sheegay tii ugu waxyeelada badneyd ee xubnaha Shabaabka loogu gaysto gobolkaasi, muddadii ay ka hawlgalayeen. Duqayntu waxay imaanaysaa, xilli la abaabulayo hawlgal ballaaran oo qorshuhu yahay in ciidamada iyo xoogaga deegaanka ay ku xoreeyaan deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan koonfurta gobolkaasi. The post Xog laga helayo weerar lagu qaaday Xerada Sheekh Maxamed Rage + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  16. Aan marka hore isku raacno in ay kala duwan yihiin “Caqliga Shaqsiga” iyo “Caqliga Mujtamaca ama Bulshada”. Caqliga shaqsiga ah waa sifo bayooloji ah oo lagu garto nooca bini aadamka, iyadoo aan loo eegin bulshada uu ku nool yahay iyo meesha uu ku nool yahay.. Sababtaas awgeed, la yaab ma leh in qof dhallinyaro ah oo u dhashay Soomaaliya ama Senegal uu ka sare maro imtixaannada (IQ) qof u dhashay Jarmalka ama Japan.. Laakiin marka aad ka hadasho celceliska guud ee bulshooyinka xaaladdu way kala duwanaan doontaa oo waxaad ogaan doontaa in “celceliska” garaadka wadamada horumaray ay si cad uga sarreeyaan “celceliska” garaadka ummadaha aan hormursanayn. Sababtu waxa weeye caqligu waa isku-dhafka deegaanka iyo hab-dhiska neerfaha.. Xagga hab-dhiska neerfaha, ma helaysid farqi u dhexeeya maskaxda qofka ku nool waddan horumaray iyo mid kale oo ku nool wadan dib u dhac ah. Saamaynta ka jirta bulshada (sida dabeecadda dhaqanka, tayada waxbarashada, iyo bisaylka ilbaxnimada) ayaa laga yaabaa inay sare u qaaddo ama hoos u dhigto celceliska garaadka guud ee Soomaalida ama Senegaleseka. Tani waxay ka dhigan tahay in ay jiraan dad doqon ah oo caqli leh (wax soo saarkooda kama dambaysta ah), inkastoo qof kastaa uu wadaago isla arrin maskaxeed. Waxaa jira cilmi-baarisyo badan oo xaqiiqadaas xaqiijiyay, kuwaas oo uu ugu caansan yahay Irish Dr. Richard Lian oo lagu daabacay 2002 kitaabka IQ AND THE WEALTH OF NATIONS. Waxa cajiibka ah ee buuggan ku jira ma aha oo kaliya marka la is barbar dhigo celceliska garaadka 65-ka dawladood ee adduunka, balse sidoo kale waxa uu isku xidhayaa celceliska garaadka iyo dakhliga qaranka ee quruumaha laftooda. In kasta oo Dr. Richard uu qiray in dakhliga qaranka lagu maamulo arrimo badan, haddana waxa uu isbarbardhigga tirooyinka ku caddeeyay in celceliska garaadka dadku sareeyo, heerka qaran ee dalka oo dhan uu sareeyo. Sannadkii 2006-dii waxa uu soo saaray buug kale oo naxdin leh oo ciwaankiisu yahay IQ IYO CAALAMKA ISBARBAR-DHIGID CUSUB, kaas oo uu ku soo bandhigay isbarbar-dhig cusub oo u dhexeeya garaadka oo dhinac ah, iyo dimuqraadiyadda, celceliska nolosha, heerka aqoon-la’aanta iyo heerka hal-abuurka ee dhinaca kale. Sida laga soo xigtay daraasaddan, waxaa soo baxday in Jarmalku yahay dadka ugu caqliga badan Yurub. Celcelis ahaan garaadka bini’aadamku waa 100 dhibcood, laakiin dadka Jarmalku waxay gaadhaan 108 dhibcood (celcelis ahaan IYO guud ahaan), waxaa ku xiga Talyaaniga, Swiss, Holland (107.7), Poles (106) iyo Iswidishka (104). ..!! Si loo fududeeyo fikradda, waxaa soo baxay khariidado (oo ku saleysan daraasadahan) oo muujinaya heerarka garaadka – meelaha ay dadku ku nool yihiin – iyo xiriirka ay la leeyihiin dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo dakhliga qof kasta. Waxaad arki kartaa adoo galinaya jumlada soo socota Google ka: INTERNATIONAL IQ MAP si cad oo fiican kaalimaha koobaad , iyo sida ay iskugu xigxigaan: Canada, Israel, America, Australia, Russia iyo New Zealand, ka dibna Argentina, Malaysia, Thailand, Turkey iyo dalalka Bariga Yurub, ka dibna kaalinta shanaad waxaa soo galay Iran, India iyo dhammaan dalalka Carabta, ka dibna kaalinta ugu dambeeya oo dhan. Dalalka Afrikada Koonfureed ee Saxaraha!! Si looga fogaado isfaham la’aan ama eedayn isir nacayb ah..waxaa la tilmaamay in maqaalkeenu uusan la xiriirin wax-garadka shakhsi ahaaneed, laakiin uu yahay mid la xidhiidha caqli-galnimada guud, kaas oo saameeya tayada waxbarashada. dabeecadda dhaqanka, iyo heerka xiisaha caanka ah ee hal-abuurka iyo sareynta cilmiga. Waxa jira bulshooyin caqli badan oo dhiirigaliya hal-abuurnimada iyo wax-soo-saarka, iyo bulshooyin doqonnimo ah oo hal-abuurka niyad-jebiya, hibadana dila, markaa waxa aad goosanaysaan horumar-la’aan, colaad iyo wax-soo-saar dhaqaale oo daciif ah… ee bal eeg halka aad ku nooshahay. W/Q: XUSEEN XAAJI BARKHAD The post Dib u dhaca Mujtamacaadka iyo qaab fikirkooda appeared first on Caasimada Online.
  17. Waddamada Bariga Afrika ayaa mar kale ka doodaya arrinta mamnuucidda dharka huudheyda ah, taas oo ay sabab u tahay dareenka ah in tallaabadani ay ilaalin karto warshadaha dharka ee da’da yar, sida uu ku warramay wargeyska Bariga Afrika. Laakiin xaqiiqda qiimaha sare ee wax-soo-saarka dharka ayaa laga yaabaa inay weli siiso fursado loogu talagalay dhoofiyeyaasha jaban sida Shiinaha, taas oo kordhinaysa dhoofinta dharka. Waxayna taasi keentay fikrado kala duwan oo ku saabsan soo dajinta iyo iibinta dharkaas oo ay u yaqaanaan dharka huudheyda ah Bariga Afrika. Toddobaadkan, Uganda ayaa noqotay waddankii labaad marka laga reebo Rwanda oo ka tirsan bulshada Bariga Afrika ee mamnuuca badeecooyinka gacan labaadka ah, iyadoo madaxweyne Yoweri Museveni uu sheegay inuu sii wadayo siyaasadda qaran ee “ka Iibso Uganda, iyo Dhiso Uganda”. Isagoo furayay 16 warshadood oo ku yaalla beerta warshadaha ee Sino oo ku taal degmada Mbale – Mbale City, madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in soo dejinta joogtada ah ee dharka la isticmaalay ay caqabad ku tahay horumarinta warshadaha dharka maxalliga ah. Mamnuucidda dharka huudheyda ah waxay u muuqan kartaa siyaasad ahaan mid soo jiidasho leh. Qaran News
  18. Washington (Caasimada Online) – In ka badan toban qof ayaa guud ahaan dalka Maraykanka waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira, inay u hanjabeen qaar ka mida shaqaalaha doorashada. Shaqaalaha dawladda ayaa inta badan xilliyada doorashooyinka waxay la kulmaan hanjabaado kala duwan. Xoghayayaasha gobollada iyo khubarada kale ayaa iyagu arrintan ka digaya. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump iyo qaar ka mida taageerayaashiisa ayaa marar kala duwan ku soo celceliya, sheegashooyin been abuur ah oo tilmaamaya, in la xaday doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, iyaga oo bulshada ku dhex qaybiya aragtiyo been abuura oo ka dhan ah, shaqaalaha doorashooyinka. Khubarada kala duwan ayaa cabsi weyn ka qabta, in doorashada sannadka 2024 ay ka sii xumaan doonto, tii hore, iyaga oo ugu baaqaya dawladda federaalka ah, inay la timaaddo, tallaabooyin dheeri ah oo lagu ilaalinayo shaqaalaha doorashada. Waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa sannadkii 2021 waxay abuurtay xafiis si gaara ula socota hanjabaadaha ka dhanka ah shaqaalaha doorashooyinka, kuwaas oo baadhis ku sameeya dembiyada la xidhiidha arrimaha doorashooyinka. Xafiiskan ayaa baadhis ku sameeyey in ka badan 2,000 oo warbixinood oo la xiriira, hanjabaado iyo cagajuglayn ka dhan ah shaqaalaha doorashada. VOA+ AP The post Shaqaalaha doorashada Maraykanka oo dil loogu hanjabay appeared first on Caasimada Online.
  19. Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu Todobaadkan ansixiyo guddiga rasmiga ah ee doorashooyinka Puntland (PEC). Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in maalinta Talaadada ah ee Todobaadkan uu Baarlamanku ansixinayo xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka. Fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa sidoo kale la filaya in uu gebi ahaanba xirmo kadib marka la ansixiyo xubnaha guddiga doorashooyinka ee PEC. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo safar ugu maqan dalka dibaddiisa ayaa isla maalinta Talaadada ah ee Todobaadkan ku wajahan caasimadda Garoowe. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo Todobaadkan ansixinaya xubnaha guddiga doorashooyinka PEC appeared first on Puntland Post.
  20. In ka badan toban qof ayaa guud ahaan dalka Maraykanka waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira, inay u hanjabeen qaar ka mida shaqaalaha doorashada. Shaqaalaha dawladda ayaa inta badan xilliyada doorashooyinka waxay la kulmaan hanjabaado kala duwan. Xoghayayaasha gobollada iyo khubarada kale ayaa iyagu arrintan ka digaya. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump iyo qaar ka mida taageerayaashiisa ayaa marar kala duwan ku soo celceliya, sheegashooyin been abuur ah oo tilmaamaya, in la xaday doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020. Khubarada kala duwan ayaa cabsi weyn ka qabta, in doorashada sannadka 2024 ay ka sii xumaan doonto, tii hore, iyaga oo ugu baaqaya dawladda federaalka ah, inay la timaaddo, tallaabooyin dheeri ah oo lagu ilaalinayo shaqaalaha doorashada. Waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa sannadkii 2021 waxay abuurtay xafiis si gaara ula socota hanjabaadaha ka dhanka ah shaqaalaha doorashooyinka, kuwaas oo baadhis ku sameeya dembiyada la xiriira arrimaha doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Shaqaalaha doorashada Maraykanka oo la kulmaya hanjabaado dil ah appeared first on Puntland Post.
  21. BORAMA (HOL) - In an inspiring address, the CEO of Dahabshil, one of Africa's leading money transfer companies, recently spoke at the graduation ceremony of Amoud University, recognized as one of the top institutions in the region. Source: Hiiraan Online
  22. PRESS RELEASE MSGBC Oil, Gas & Power Welcomes African Energy Commission (AFREC) Executive Director Rashid Ali Abdallah as Speaker Rashid Ali Abdallah, the Executive Director of the African Energy Commission (AFREC), will discuss the transformation of the energy sector in the MSGBC region Access Multimedia Content Energy Capital & Power (ECP) (https://www.EnergyCapitalPower.com) is proud to announce that Rashid Ali Abdallah, the Executive Director of the African Energy Commission (AFREC), will attend the upcoming MSGBC Oil, gas and power 2023 (https://apo-opa.info/3YUMr6o), Conference & Exhibition taking place in Nouakchott from November 21-22. With decades of experience in the energy sector and a deep understanding of the unique challenges facing Africa’s energy landscape, Abdallah is a highly respected thought leader in the industry. Abdallah is the current Executive Director of the African Energy Commission (AFREC) and has held this position since November 2018. He has spearheaded the development of several programs and initiatives to support the transformation of the African energy sector and promote the energy transition, in line with the AU Agenda 2063, Sustainable Development Goals, and global commitments on climate change. He holds a M.Sc. in Project Management from the University of Birmingham, UK, as well as a Post Graduate Diploma in Energy Engineering and a B.Sc. (Hons) in Mechanical Engineering from Khartoum University, Sudan. Prior to joining AFREC, he served as the Head of Energy Division in the Department of Infrastructure and Energy at the African Union. As Africa’s energy sector continues to undergo rapid transformation, with increasing investments and technological innovations, Abdallah will provide invaluable insights into the future of energy in the continent. By attending the MSGBC Oil, Gas & Power 2023 Conference & Exhibition – the official meeting place for regional and international energy leaders and players – he will offer his unique perspectives on how to foster a sustainable and equitable energy landscape in Africa, one that prioritizes the needs of the people while creating economic opportunities. ”We are thrilled to have Mr. Abdallah as a speaker at our conference, and we are confident that his participation will make our event even more informative and engaging. Don’t miss this opportunity to hear from one of the most influential voices in Africa’s energy landscape,” says Sandra Jecque, International Conference Director for ECP. Register for MSGBC Oil, gas and Power 2023 here (https://apo-opa.info/3YUMr6o). Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
  23. Xarardheere (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa ka warbixiyay howlgal dhanka cirka ah oo maanta laga fuliyay duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Fiqi ayaa sheegay in weerarkan oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga lagu burburiyay saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab ee gobolka Mudug, kaas oo ku yaalla deegaanka Dumaaye oo hoostaga magaallo xeebeedka Xarardheere ee gobolkaasi. Wasiir arrimaha gudaha ayaa sheegay in gebi ahaan uu basbeelay saldhigga la weeraray, kadib duqeyn lagu garaacay halkaasi. “Saldhiggii Khawaarijta ee Dumaaye oo hoos tagta Xarardheere saakay gebi ahaan asaga iyo wixii ku jirey waa isku bas beeleen,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi. Sidoo kale wuxuu intaasi kiu daray in khasaare lixaad leh la gaarsiiyay xubnihii Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Xilliga ay duqeynta dhaceysay ayaa sidoo kale waxaa goobta uu shir uga socday xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya. “Howlgal Qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye oo Boostada degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug. Howlgalka ayaa lagu beegsaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaankaan oo Xiligaas ay shir ku lahaayeen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah” ayaa lagu yiri qoraal looga hadlay howlgalkaas oo ay iska kaashadeen ciidamada iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in goobta lagu laayay xubnihii dhammaan xubnihii ku shirayay halkaasi, sidoo kalena la burburiyay saldhigga la weeraray. Deegaanka uu howlgalka ka dhacay ayaa qiyaastii 50 km dhanka waqooyi ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay saldhigyo muhiim ah ku leedahay kooxda. The post FIQI oo sheegay inuu basbeelay saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab ee MUDUG appeared first on Caasimada Online.