Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,092
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa si weyn uga horyimid qorshe culus oo ay damacsan tahay Dowladda Federaalka, kaas oo la xiriira arrimaha bani’aadanimada. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland oo iyadu faafisay bayaanka ayaa walaac xoogan ka muujisay in adeegyada dowladda dhexe, gaar ahaan howlaha gargaarka lagu xiro qaadashada kaarka ay bixiso Hay’adda Qaran ee NIRA. Puntland ayaa sheegtay inay la socoto kulan dhex-maray madaxda NIRA iyo Hay’adda SoDMA, kaas oo lagu soo bandhigay soo jeedin ah in la mideeyo diiwangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs), isla markaana gargaarka bani’aadanimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin oo heer Federaal ah. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in soo jeedintan ay ka hor imaaneyso awoodaha sharci ee Dowlad Goboleedyada Dalka, waxayna Puntland ku dooday inay xaq u leedahay diiwaangelinta iyo maareynta dadka ku nool gudaha deegaannadeeda. “Soo jeedi-mahani waxay si toos ah uga hor imaanayaan awoodaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka aha Federaalka (FMS), kuwaas oo si cad mas’uul uga ah diiwaangelinta iyo maareynta dadka ku sugan dhulkooda” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda Gargaarka Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay dowladda dhexe inay siyaasadeyneyso gargaarka bani’aadanimada, ayna aad uga xun tahay. “Dowladda Puntland waxa ay si cad u diideysaa isku day kasta oo lagu siyaasadeynayo gargaarka bani’aadanimo iyo isku-dabaridka kaalmada” ayaa mar kale lagu yiri warka. Hadalkan kasoo yeeray Puntland ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu faray hay’adaha dowladda in aysan adeeg gaarsiin cid aan qaadan aqoonsiga ay bixiso Hay’adda NIRA oo ay horay u diiday xukuumadda Puntland. Labada dhinac oo siyaasad ahaan si weyn iskuugu hayaya ayaa haddane mar kale isku qabtay arrimaha bani’aadanimada, taas oo uga sii dareysa xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe. Dhowaan dowladda dhexe ayaa Madaxweyne Saciid Deni ku eedeysay in uu ku kacay xadgudub wayn oo ka dhan ah dowladnimada Somaliy, kadib markii uu ku dhowaaqay dhismaha hay’adda aqoonsiga Puntland ee (PID), oo uu ka garab dhisay hay’adda NIRA.
  2. Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa walaac xooggan ka muujisay wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) iyo hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga DFS ee (NIRA), kuwaasi oo ku saabsanaa soo jeedin ah in la mideeyo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs), islamarkaana gargaarka bani’aadantinimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin oo heer federaal ah. “Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay ka muujinaysaa walaac weyn oo ku saabsan wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), kuwaasoo ku saabsanaa soo jeedin ah in la mideeyo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs) isla markaana gargaarka bani’aadantinimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin oo heer federaal ah.” “Soo-jeedimahani waxay si toos ah uga hor imaanayaan awoodaha dastuuriga ah ee Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka (FMS), kuwaasoo si cad masuul uga ah diiwaangelinta iyo maaraynta dadka ku sugan dhulkooda. Isku day kasta oo lagu baabi’inayo awoodahaan waa mid hoos u dhigaya qaab- dhismeedka dawladnimo ee ku saleysan federaalka ee ku xusan Dastuurka KMG ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland. Dowladda Puntland, waxay sidoo kale Warsaxaafadeedkan ku caddaysay Mawqifkeeda ku aaddan go’aanka wadajirka ah ee SoDMA iyo NIRA ku siyaasadaynayaan Gargaarka bini’aadanimo, waxaana ay si cad u diiday isku day kasta oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku siyaasadaynayso Gargaarka bini’aadanimo iyo Kaalmada Caalamiga ah. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Puntland oo walaac xooggan ka muujisay Aqoonsiga NIRA oo dowladda Soomaaliya ku xirtay gargaarkii bini’aadanimo appeared first on Puntland Post.
  3. Mileeshiyaadka Al-shabaab oo saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday degaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa qabsaday saldhig weyn iyo garoon diyaaradeed, oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lee yihiin degaankaasi. Degaanka Wargaadhi, oo ay saaka qabsadeen argagixisada Al-shabaab ayaa waxa ku yaalla Taliskii ugu weynaa ee laga hoggaamin jiray dhammaan ciidamada dowladda ee ku sugan Labada Shabeelle, Hiiraan iyo Galgaduud, kaasi oo leh garoon diyaaradeed oo ay gacanta ku hayeen ciidamo uu tababaro Mareykanka. Weerar xooggan oo ay aroornimadii hore ee saaka ku qaadeen argagixisada ayay ugu danbayn ku qabsadeen, kaddib dagaal culus oo saacado kooban socday, waxaana halkaasi isaga baxay ciidamadii dowladda oo sida wararku sheegayaan dhinaca Muqdisho aaday, balse faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha labada dhinac. Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin weerarka saaka lagu qabsaday Taliskii ugu weynaa ee Wargaadhi ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaasi oo laga hoggaamin jiray dhammaan ciidamada dowladda ee ku sugan labada Shabeelle, Hiiraan iyo Galgaduud. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ka qabsaday talis weyn oo leh garoon diyaaradeed appeared first on Puntland Post.
  4. Wararka ka imaanaya deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka xoogga dalka iyo Alshabaab, ka dib markii weerar qaraxyo ku billowday ay kooxdu ku qaadeen saldhigyo ciidanku ay lahaayeen. Ilaa hadda dowladda Soomaaliya arrintan kama hadlin, lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, balse goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay inay saaka jarmaadii hore ay Alshabaab deegaanka soo weerareen, ilaa haddana xabbadu dhacayso. Wargaadhi waxaa ku yaalla mid kamida saldhigyada ugu muhiimsan ee militariga Soomaaliya, sidoo kale waxaa ku yaalla garoon diyaaradeed oo ay adeegsadaan ciidamada qalabka sida, kaas oo bilo ka hor ay dowladdu ku dhawaaqday inay si casri ah u dhisayso. Source: goobjoog.com
  5. Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay inay si weyn uga walaacsantahay heshiis ay dhowaan gaareen Hay’adda maareynta masiibooyinka SoDMA iyo hay’adda diiwaangelinta dadweynaha ee NIRA, kaas oo ay qeyb ka ahayd in bixinta gargaarka bani’aadantinimada lagu xiro haysashada kaarka aqoonsiga qaranka. War Saxaafadeed ay soo saartay Puntland ayaa lagu yiri ” Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay ka muujinaysaa walaac weyn oo ku saabsan wada-hadalladii dhawaan dhexmaray Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), kuwaasoo ku saabsanaa soo jeedin ah in la mideeyo diiwaangelinta dadka barakacayaasha ah (IDPs) isla markaana gargaarka bani aadantinimo lagu xiro nidaamyo diiwaangelin oo heer federaal ah. Soo-jeedimahani waxay si toos ah uga hor imaanayaan awoodaha dastuuriga ah ee Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka (FMS), kuwaasoo si cad masuul uga ah diiwaangelinta iyo maaraynta dadka ku sugan dhulkooda. Isku day kasta oo lagu baabi inayo awoodahaan waa mid hoos u dhigaya qaab-dhismeedka dawladnimo ee ku saleysan federaalka ee ku xusan Dastuurka KMG ee Soomaaliya. Mowqifka Puntland ee Gargaarka Bani’aadantinimo iyo Isku-dubbaridka Gargaarka Dowladda Puntland waxay si cad u diideysaa isku day kasta oo lagu siyaasadaynayo gargaarka bani aadantinimo iyo isku-dubbaridka kaalmada. Waxaan si buuxda uga go’an qodobadan soo socda: Ixtiraamka Mabaadi’da Gargaarka Bani aadantinimo: Waxaa ka go’an in gargaarka lagu saleynayo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, iyadoo aan la dhexgelin arrimo siyaasadeed. Hubinta Qaybin Caddaalad Ah: Kaalmada waa in loo qaybiyo si ku saleysan baahi, halkii ay ka noqon lahayd dan siyaasadeed, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo caddaalada. Xoojinta Wada-shaqeynta La leenahay bahwadaagt Caalamiga ah: Waxaan muujinaynaa muhiimadda ay leedahay xiriir daahfuran, isla xisaabtan leh, oo ku dhisan is-ixtiraam lala yeesho hay adaha caalamiga ah si loo kordhiyo wax-ku-oolnimada dadaallada gargaarka. Dhowrida Maamulka Deegaanka ku Saleysan: Waxaan si buuxda u taageersanahay qaab-dhismeedka maamulka federaalka ee ku cad Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qaab-dhismeedkani wuxuu xaqiijinayaa in go’aannada laga gaaro heerarka dawladeed ee ku habboon, si wax looga qabto baahiyaha gaarka ah ee bulshooyinka maxalliga ah. Puntland waxay u aragtaa mabda’yadan kuwo aasaasi ah si loo xaqiijiyo in gargaarka bani’aadantinimo uu gaaro dadka u baahan, iyadoo la ixtiraamayo xuquuqda iyo madaxbannaanida bulshadeena”. Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa kala hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, siday shaacisay Madaxtooyada Villa Somalia. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah, waxa uuna soo bandhigay qaban-qaabada qabsoomidda wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka xasilinta siyaasadda dalka, siday sheegtay Madaxtooyada Villa Somalia. Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya ayay sidoo kale ku xustay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyay in ay ka go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan, midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya oo Shir ka yeeshay Iskaashiga Amniga iyo Arrimaha istiraatijiyadda appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah, waxa uuna soo bandhigay qaban-qaabada qabsoomidda wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka xasilinta siyaasadda dalka. Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan, midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  8. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dowladood iyo horumarinta wada-shaqeynta baarlamaanada. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Jubaland, Hiirad Ismaaciil Maxamed, Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Xildhibaan Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland. Labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo xiriirka labada baarlamaan, lana kordhiyo wada-tashiyada joogtada ah ee ku saabsan arrimaha sharci-dejinta, horumarinta nidaamka federaalka, iyo sidii loo wadaagi lahaa waayo-aragnimada dhismaha hay’adaha dowliga ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa muujiyay sida ay Puntland uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhaxeeya Jubbaland, isagoo xusay in iskaashiga labada baarlamaan uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka guud ee dalka. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa dhankiisa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Puntland si loo gaaro yoolalka wadajirka ah ee horumarinta iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada labada Baarlamaan ee ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Puntland iyo Jubbaland. PUNTLAND POST The post Guddoonka labada Baarlamaan ee Puntland iyo Jubaland oo shir ka yeeshay Xoojinta Iskaashiga labada dowladood appeared first on Puntland Post.
  9. Aniga oo ah Maxamed Cismaan Jaamac waxa aan halkan ka cadaynayaa in aan ahay musharax u taagan golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa oo ah goobtii aan ab iyo isirba ka soo jeedo. Aniga oo haysta shahaado xaga sharciyada ah oo heer jaamacadeed ah sidoo kale haysta sadex shahaaddo oo kale oo arimaha bulshada ah iyo shahadad kale oo ah arimaha saxaafada. Waxa aan leeyahay 25 sanadood oo xirfad shaqo ah kana soo shaqeeyay arimaha bulshada iyo saxaafddaba, waxa aan halkan uga sheegayaa dadka i taageersan iyo ka aan i taageersanynba in aan ahay shaqsiga ku haboon in uu idinku matali karo ka mid noqoshada golaha Wakiillada ee Somaliland. Waxa aan ku kalsoonahay golaha Maxamed Ismaciil ee kala saari doona musharaxiinta. Qaran News
  10. Dowladda Puntland oo baaritaan rasmi ah ku samaysay doonni siday dad laga shakiyay oo habeen ka hor lagu qabtay biyaha degaanka Bacaad ee gobolka Bari ayaa xaqiijisay in doonnida ay siday tahriibayaal ka baxay magaalada Boosaaso. Laamaha ammaanka gobolka Bari oo soo gudbiyay natiijada baaritaankii lagu sameeyay doonnida ayaa xaqiijiyay in ay sidday tahriibayaal ka baxay Boosaaso, kuwaasi oo u badan dumar iyo carruur, islamarkaana waxay meesha ka saareen warka ku saabsan tuhunkii laga muujiyay in doonnidu ay siday qoysaskii kooxda Daacish. Sarkaal ka tirsan waaxda baarista gobolka Bari oo faahfaahin naga siiyay natiijadii ka soo baxday baaristan doontaasi ayaa sheegay in ay sidday tahriibayaal ka kooban Soomaaliya iyo ajaanib, kuwaasi oo ay ka qaaday xeebaha Boosaaso, balse wuxu sheegay in doonnida uu shidaalka kaga go’ay nawaaxiga biyaha degaanka Bacaad ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ka soo qabteen ciidamada Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo baaris kaddib xaqiijisay ciddii saarnayd doon lagu qabtay xeebaha gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  11. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/04/AQPZubYI3xVYWO0mYZ3aQrIewutK_3EtZ-pbysJJVfCeV6Bk0LgzLHPSp-_VlrU7Qkh-Vdp4uS3oYBsvGtp8XdR6.mp4 Qaran News
  12. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulan uu maanta yeeshay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddiga ee xarunta guddoonka iyo guddiyada Villa Hargeysa, waxa ay xubnaha guddiga ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo ay u doorteen Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo bedeli doona guddoomiyihii hore ee guddiga Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo dhowaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Guddoomiyaha cusub ee guddiga maaliyadda kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga, isaga oo xubnaha kale guddiga ku booriyay in ay guddoomiyaha cusub la shaqeeyaan. Source: goobjoog.com
  13. Warqadan ama qoraalkani hoos yaalaa waa mid ay cadawga Somaliland ilaa xalay nuskii danbe wareejinayeen waana mid samys ah oo aan haysan meel uu ka soo baxay. Wax aanu dabagal ku samynay halka uu ka soo baxay ee lagu baahiyay taasi aan haba yaraatee aan la haynin waxana qoraalkani wareejinaaya kuwa fashilmay ee aaminsan Somaliweyn iyo kooxaha argagaxisada ah ee Somaliya ee xaruntoodu tahay Muqdisho iyo qurbo joogooda. Somaliland way soconaysaa ee qolo walayba dantiina ka raacda oo dalkiina aamina oo dhista. Somaliland waligeed lama midoobayso Somalia caalmka iyo Maraykankuba waa ogyihiin arinkaasi dalkiina dhista oo iska xoreeya argagxisda iyo maamul xumida. Qaran News
  14. Ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada Qof iyo Codka ah ayaa si rasmi ah uga socda magaalada Muqdisho tan iyo 15-kii April 2025, waxaana ololahaasi uu haatan si tartiib tartiib ah ugu fidayaa degmooyin kala duwan oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Maanta oo ay tahay 23-ka April, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami leh uga socota lix degmo oo muhiim ah. Degmooyinka Waabari, Xamar-Jajab, iyo Cabdicasiis ayaa ah kuwa ololaha si rasmi ah uga socda, halka degmooyinka Shibis, Xamarweyne, iyo Boondheere ay sidoo kale si wanaagsan uga wadaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Mas’uuliyiinta doorashada ee heer gobol iyo degmo ayaa sheegay in ololahan uu yahay mid muhiim u ah hirgelinta nidaamka dimuqraadiga ah ee Qof iyo Cod ah, iyagoo xusay in dadweynuhu ay si wanaagsan uga qeyb qaadanayaan. Dadka ku nool Muqdisho ayaa muujinaya xiisaha ay u qabaan ka qeybgalka doorasho xor iyo xalaal ah, waxaana la dareemayaa firfircooni ka jirta xarumaha diiwaangelinta, iyadoo lagu arkayo dad safaf ugu jira inay helaan fursadda ay codkooda uga dhiiban karaan mustaqbalka dhow. Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degmooyinka aan weli laga bilaabin diiwaangelinta inay isu diyaar garoobaan, iyagoo ballan qaaday in ololuhu uu gaari doono dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir. Source: goobjoog.com
  15. Sida ku cad nuqulka heshiiskii ay wada galeen dawladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, 90% waxa loo ogolaaday in dawladda Turkigu qaadato faa’iidada ka soo baxda shidaalka uu ka baadhayo xeebaha Soomaaliya halka dawladda Soomaaliya loo ogol yahay in la siiyo 5% kaliya oo ah khidmad ka soo gaadhaysa Khayraadkeeda la soo saarayo. Sidoo kale dawladda Soomaaliya haba yaraatee lama siin xaqul qalin iyo lacagihii hor dhaca ahaa ee heshiiska taas oo ka dhigan in ay Soomaaliya ogolaatay in Turkiga lacag la’aan heshiiskan loogu saxeexo. Turkiga ayaa ah cidda keliya ee xaqa u leh in ay dhoofiso shidaalka laga soo saarayo Soomaaliya, loomana ogola in ay dawladda Soomaaliya arrimahaas wax go’aan ah ku yeelato. Haddii labada dhinac isku khilaafaan heshiiska, waxa gartooda qaadaysa dawladda Turkiga gaar ahaanna maxkamadda Istanbul, loomana ogola Soomaaliya in ay dalkeeda ka furato wax dacwad ah! Sidoo kale Turkiga ayaa yeelan doona ciiddamada ilaalinaya goobaha shidaalka laga qodayo, ama laga dhoofinayo taas oo meesha ka saaraysa ciiddamada Soomaaliya ee hawshan shaqa abuurka ka heli lahaa. Heshiiskan oo dhacay sannadkii hore waxa xusid mudan in ay Baarlaamanka Soomaaliya ansixiyeen iyaga oo aan si dhab ah u arag qodobadii heshiiska kuwaas oo hadda bannaanka u soo baxay! Source
  16. David Green oo ah khabiir faalleeya siyaasadda, ayaa sheegay in xisbiga Republican-ku ay wadaan inay xoojiyaan taageerada Somaliland. Mr Green wuxuu sheegay in xubno haldoor ah oo ka tirsan xisbiga Madaxweyne Donald Trump ay ka dambeeyaan qorshe lagu aqoonsanayo Somaliland. Waxa kaloo uu intaas ku daray in iskaashiga istaraatajiyaddeed ee Somaliland iyo Maraykanku uu korayo. David Green wuxuu Somaliland ku majeertay inay tahay dawlad dimuqraadi ah oo xasiloon isla markaana la isku hallayn karo. Source
  17. Muddo toddobaadyo ah, duqeymaha cirka ee Maraykanku waxa ay ku garaacayeen bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen, iyaga oo garaacaya xarumaha saliidda lagu sifeeyo, garoomada diyaaradaha iyo goobaha gantaallada, iyada oo madaxweyne Trump uu wacad ku maray inuu adeegsan doono “xoog xad-dhaaf ah” illaa Maraykanku uu ka gaadhayo hadafkiisa ah inuu ka joojiyo Xuutiyiinta inay beegsadaan maraakiibta ku sugan badda cas. Xuutiyiinta ayaa ololahan bilaabay markii Israa’iil ay dagaal ku qaadday Gaza bishii Oktoobar 2023. Kooxda ayaa qaaday in ka badan 100 weerar waxayna ku quusisay laba markab. Natiijadu waxay tahay: 70% maraakiibta ganacsiga ee mar u gudbi jiray badda cas hadda waxay maraan jidka dheer ee koonfurta Afrika. Maraykanka ayaa sheegay in ololuhu uu shaqeynayo. La taliyaha amniga qaranka Mike Waltz ayaa sheegay in hogaamiyayaal badan oo xuutiyiin ah la dilay. Laakiin wareeg kasta oo weerar ahi wuxuu sii kiciyaa diidmo iyo gadood badan. Mujaahid Xuuthiyiinti ah waxa uu sheegay in iska caabintoodu ay la mid tahay sida XOORKA ama (Honey badger) ma baqo waana uu adkaysi badan yahay marka uu ugaadhsanayo. Maska suntan leh ayaa qaniina daqiiqado ka dib wuu soo kaca oo wuxuu weeraraa maskii. In kasta oo laga yaabo in ilaa 80 ka mid ah saraakiisha milatariga Xuuthiyiinta la dilay, sida ay sheegeen falanqeeyayaashu, hoggaanka sare ee militariga iyo hoggaanka siyaasadda ayaa u muuqda mid aan waxba iska bedelin. Sidaas oo kale waxa sugan qaar ka mid ah goobaheeda gantaallada. Tan iyo badhamihii bishii March, Xuuthiyiintu waxa ay tobonaan gantaal oo ballistic ah ku garaaceen Israa’iil, iyo duqeymo diyaarado iyo gantaallo ah oo lala beegsaday maraakiibta ciidamada badda ee Maraykanka. Inkasta oo midkoodna aanu geysan khasaare weyn, haddana khatartu waa weli. Warbaahinta ayaa sheegtay in wadarta guud ee kharashka ku baxaya hawlgalkii ciidamada Maraykanka ee ka dhanka ahaa Xuutiyiinta Yemen ay ku dhowdahay 1 bilyan oo doolar wax ka yar saddex toddobaad gudahood, sida ay sheegeen saddex qof oo si kooban uga hadlay, haddana weerarradu ilaa hadda saamayn kooban ayey ku yeesheen burburinta awoodda kooxda. Aad bay uga fog in la aamusiiyo, waxayna ku hanjabeen in ay ballaadhin doonaan bartilmaameedyadooda iyaga oo beegsan doona Imaaraadka Carabta, oo ah dowladdaha ka soo horjeeda Xuutiyiinta Yemen dagaalka sokeeye ee Yemena taageera. Sidoo kale, saraakiisha Sucuudiga ayaa sheegay in difaaca cirka ee Boqortooyada Sucuudigu uu heegan sare ku jiro. “Tobaneeyo weerar oo xagga cirka ah oo lagu qaaday Yemen kama celin doonaan ciidamada qalabka sida ee Yemen inay gutaan waajibaadkooda diineed, akhlaaqeed, iyo bani’aadanimo,” ayuu yidhi afhayeenka Xuutiyiinta horaantii todobaadkan. Shaki kuma jiro in ololaha Maraykanku uu hoos u dhigay awoodda Xuutiyiinta. Michael Knights, oo ah xubin sare oo ka tirsan Machadka Washington, ayaa sidaa sheegay, waxa uu intaa ku daray inuu tuhunsan yahay in Xuutiyiintu “ay lumiyeen awood badan oo ah wax soo saarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo sidaa ay u dhex geli jireen shixnadaha badda. Markaa Xuutiyiintu ma aha kuwo raaxo dareemaya.” Laakiin taariikhdu waxay natustay in Xuutiyiintu ay si aan caadi ahayn ugu dulqaadanayaan xannuunka.Go’aanka maamulka Trump ee ah in la cidhibtiro khatarta ay keenayaan ayaa laga yaabaa in ugu dambeyntii ay u baahdaan weerar dhulka ah. “Xuutigu waxa kaliya oo ay ku qanacsan yihiin in ay dagaal kula jiraan militariga adduunka ugu horreeya,” Knights ayaa yidhi. “Waxay yihiin fikrado, laakiin sidoo kale waa dagaalyahanno qabiil oo aad u adag oo ka soo jeeda waqooyiga Yemen.” Awooda ay Xuutiyiinta u leeyihiin in ay noolaadaan waxa caawiyay shabakad wax tahriibisa oo inta badan u keenta qaybo gantaalo ah iyo qalab kale. sida lagu sheegay baadhitaan ay samaysay Cilmi-baadhista Hubka Isku dhaca (CAR) . Qalabkan oo kale waxa uu u sahlayaa Xuutiyiinta UAVs in ay qaadaan culaysyo waaweyn oo ay ku safraan muddo dheer. Taasi waxay “si weyn u kordhinaysaa halista suurtagalka ah ee Xuutiyiinta,” CAR ayaa werisay. Xuuthiyiinta ayaa dhowr weerar ka badbaaday intii uu xilka hayay Cali Cabdallah Saalax ee Yemen,kadibna ay Sacuudiga weerar ku qaadeen toban sano ka hor,waxaa ku xigay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israel,Uk iyo Maraykanka. Ahmed Nagi, oo ah falanqeeye sare oo Yemen ka tirsan oo ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ah, ayaa sheegay in Israel iyo quwadaha reer galbeedka ay ka maqan yihiin faham qoto dheer oo ku saabsan Xuutiyiinta. “Hoggaankooda qarsoon iyo qaab-dhismeedkooda gudaha ayaa abuuray nusqaan joogto ah oo xagga sirdoonka ah.” Khabiir kale oo Yemeni ah, Elisabeth Kendall, ayaa su’aal ka keentay dhamaadka ololaha Maraykanka. “Xuuthiyiinta waxaa la duqeeyay tobanaan kun oo jeer tobankii sano ee la soo dhaafay, welina lama niyad jabin, marka qof ayaa ka tagay isaga oo u maleynaya in duqeyntu ay tahay mid waxtar leh: aan tusno caalamka – waan sameyn doonnaa sababta oo ah waan awoodnaa.” Ku qasbida Xuutiyiinta awood lagu qasbaa, “runtii, runtii way adag tahay.” Knights ayaa sidaa sheegay. “Waa dhaqdhaqaaq aad u dagaal badan, sida ugu wanaagsan ee si joogto ah loogu soo afjari karo waa in la afgambiyo, laga saaro caasimadda, laga saaro xeebaha Badda Cas.” Ilo-wareedyo diblumaasiyadeed oo gobolka ah iyo sidoo kale falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in ugu dambeyntii weerar dhulka ah oo kaliya uu meesha ka saari karo Xuutiyiinta oo hadda gacanta ku haya caasimadda Yemen ee Sanca, dekedda weyn ee Xudeyda iyo inta badan waqooyiga Yemen Source
  18. Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay xus ka dhacay galbeedka magaalada Melbourne dalka Australia kadib markii boolisku toogasho ku dileen wiil Soomaali ah, habeenkii Khamiista ee xaafadda Footscray. Ku dhowaad 200 oo qof ayaa isugu yimid waddada Nicholson ee bartamaha Footscray, iyaga oo sita boorar ay ku qoran yihiin “Nolosha madowgu waa muhiim” isla markaana dalbanaya in la helo taageero dheeraad ah oo dhinaca caafimaadka maskaxda ah. Boolisku waxay toogasho ku dileen Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdifaatax Axmed, kadib markii lagu eedeeyay inuu mindi ku weeraray saraakiisha. Berhan Ahmed, oo ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in deegaanka uu u baahan yahay taageero dhinaca caafimaadka maskaxda ah halkii boolis lagu soo diri lahaa. Booliska ayaa sheegay in rabshad dhacday intii lagu guda jiray isu soo baxa, taasoo ay ku lug lahaayeen ilaa 30 qof oo dhalooyin ku tuuray saraakiisha.Cidna lama xidhin, mana jirto cid ku dhaawacantay dhacdadaas, sida ay boolisku sheegeen. Source
  19. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka digay in laga feejignaado dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay in shacabku garab istaago ciidamada si ay uga guulaystaan Argagixisada. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa inay ka feejignaadaan dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamadeenna geesiyaasha ah, kagana been sheegayaan waaqaca dhabta ah ee ka jira Soomaaliya. In ciidanka qaranku ay magaalooyin tab iyo xeel dagaal uga soo baxaan macneheedu maaha in laga adkaaday, sidaas darteed waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ciidanka qaranka la garab istaagaan hiil iyo hoo intaba, taas oo keeni karta in ciidanku ka guulaystaan cadowga.” “Waxaa hubaal ah in ayada oo ciidanka la dhisayo haddana laga guulaysan karo kooxaha nabad-diidka ah, sidii hore u dhacday sannadihii 2018 ilaa 2020-kii oo ayada oo ciidanka dhismihiisa lagu dhex jiro, haddana ay noo suurta gashay inaan argagixisada ka xorayno magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Marka, Jannaalle, Ow-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo oo Warsaxaafadeedkan soo saaray. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxd heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed in ay mudnaanta koowaad siiyaan danta guud, xaqiijinta xasillooni siyaasadeed, adkaynta midnimada, wadajirka iyo madallaynta dastuur iyo doorasho wada-oggol ah, taas oo lagu gaari karo dhammaystirka dowlad-dhiska dalka, waxaana uu u mahadceliyay Saaxiibbada caalamka ee sida hagar la’aanta ah uga qayb qaadanaya soo kabashada dalka, dhismaha Ciidamada Qaranka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne hore Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in la dhamaystiray wejigii hore qiimeynta ee dhismaha Dekedda Lughaya, taas oo u gogol xaadhaysa “deked ganacsi oo laga hirgeliyo degmada qadiimiga ah ee Lughaya”. Madaxweyne Cirro oo axaddii khudbad ka jeediyey barlamaanka ayaa sheegay in hawsha dhismaha dekedda Lughaya wejigeedii hore ee qiimaynta la dhameeyey “Waxa aanu dhammaystirnay wejigii qiimaynta ahaa ee dhismaha dekedda Lughaya, taas oo dhabbaha u xaadhaysa in aynu mustaqbalka ka dhigno xuddun muhiim ah oo ganacsi” ayuu yidhi Madaxweynuhu. Khubaro dhinaca dhismaha ah oo ka socday wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland, ayaa dhawaan tegay Lughaya, iyaga oo halkaas ku soo sameeyey qiimeyn la xidhiidha buqcadda ku haboon ee laga dhisi karo Dekedda Lughaya. Cismaan Daahir Jaamac, oo ka mid ah odayaasha Lughaya oo la socday khubaradan ayaa u sheegay BBC-da in kooxdan Injineerada ah ee ka socotay Somaliland ay qiimeeyeen goobo badda saaran, si ay u eegaan meesha ugu haboon ee laga dhisi karo Dekedda. “Kooxdan qiimeynta waday Magaalada labada dhinac ee bariga iyo Galbeedkaba way eegeen oo ay qiimeeyeen. sidoo kale gudaha badda iyo beriga way cabireen, waxaanay noo sheegeen in ay u socdeen sahminta goobta laga dhisayo Dekedda Lughaya” ayuu yidhi Cismaan Daahir. Sidee ayey Degmadani mar u noqotay xuddunta xiisadii ka dhalatay Isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya? Degmada Lughaya waa magaalo xeebeed qadiimi ah, waxay ka tirsan tahay Gobolka Awdal, waxa ayna dhacdaa xeebaha dhinaca Galbeed ee Somaliland ee gacanka Cadmeed, iyada oo ku taala afaafka laga galo marin-biyoodka istiraatijiga ah ee Bab-el-Mandeb. Lughaya, waxa ay xudun u noqotay xiisaddii ka dhalatay isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya wada gaadheen kowdii Janaayo ee 2024-kii, markaas oo labada dhinacba ay sheegeen in ay isku afgarteen in Itoobiya la siiyo marin-badeed 20 kiilomitir ah oo laga kiraynayo muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somaliland siinaysay aqoonsi. Iyada oo wakhtigaasi su’aal ka taagnayd goobta marinka baddeed laga siiyey Itoobiya, ayaa taliyaha Sirdoonka Itoobiya Ridwaan Xuseen, oo wakhtigaas ahaa la- taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu waraysi uu siiyey warbaahinta dowladda ee Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) ku sheegay in goobta ay Somaliland heshiiska ku gashay ay tahay Lughaya oo ka tirsan Gobolka Awdal, taas oo xilligaas dhalisay dareenno kala duwan oo ka imanayey bulshada gobolka Awdal iyo dad kale. Inkasta oo xiisaddii dawladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay isfahamkii Hargeysa iyo Addis Ababa ay hoos u dhacday ka dib wada hadallo uu Turkigu gadhwadeen ka ahaa oo lagu dhex dhexaadiyey Soomaaliya iyo Itoobiya, haddana weli dawladda Itoobiya si cad uma sheegin in ay ka noqotay is-afgaradkaas. Dhinaca kale, Xukuumadda Madaxweyne Cirro ayaa ilaa iminka ka hadal halka uu ku dambeeyey isfahamkaasi, ay Xukuumaddii hore ee Muuse Biixi la gashay Itoobiya. Xigashada Sawirka,Wikipedia Maxay muhiim u tahay in Lughaya dekedda laga dhiso? Sida uu BBC-da u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim, oo ka faallooda arrimaha ganacsiga baddaha iskaga gudba, waxa dhismaha Dekeddani wakhtigan muhiim u yahay marka laga yimaado baahida dadka Gobolka Awdal, in sidoo kale Itoobiya adeegsan karto, isticmaalka dekeddo kala duwan, ayagoo muhiim u arka. “Kobaca dhaqaalaha ee Itoobiya samaynayo marka la eego, waxa ay u baahan yihiin dekedo dheeri ah oo ay isticmaalaan, marka aan sidaas leeyahay macnuhu maaha hal deked ayey u baahan yihiin ama laba dekeddood ayey u baahan yihiin, marka Maadaama Somaliland ay xuduud dheer la leedahay Itoobiya, Lughaya waxa ay noqon kartaa dekedaha ay adeegsato ee ugu dhow, maadaama ay wax ka yar boqol Mayl u jirto jidka tareenka iyo laamiga ee dalka Itoobiya, gaar ahaan Magaalooyinka Diridhaba iyo Mooja”. Cabdiraxmaan Maxamed, waxa kale oo uu sheegay in waxyaabaha muhiim ka dhigaya dhismaha dekedda Lughaya ay tahay in ay hore u ahaan jirtay deked dabiici ah, taas oo ay doonyuhu ku soo xidhan jireen, isaga oo sidoo kale xusay in ay muhiim u tahay kobaca dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan Gobolka Awdal. Maxay dadka Deegaanku ka yidhaahdeen dhismaha Dekedda Lughaya? Cismaan Daahir Jaamac, oo ka mid ah odayaasha Lughaya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay ku rejo weyn yihiin in qorshahan laga midho dhaliyo, inkasta oo xusay in aanay ahayn markii u horreysay ee hindisaha Dekeddu bilaabmay, oo hore loo dhagax dhigay wakhtigii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siillaanyo “Markii hore dadka deegaanka ayaa waday in la dhiso, laakin imika waa markii u horreysay ee Dawladdu balanqaado, waxaanan rejaynayaa in la dhiso, kalsoonina waan ku qabaa, oo sidii dawladihii hore uma rejo xumi, waayo balanqaadaydii uu Madaxweynuhu sameeyey qaar badan ayuu fuliyey, tanna inuu fulinayo ayaan ka filaynaa”. Sidiiq Muuse, oo isaguna ka mid ah dadka Reer Lughaya ayaa BBC-da u sheegay in hirgelinta Dekeddaas ay qayb weyn ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha ee Gobolka Awdal iyo ka Degmada Lughaya “Haddii la hirgeliyo dhismaha Dekedda Lughaya waxay noqon kartaa mid wax weyn ku soo kordhisa bulshada gobolka Awdal iyo degmada Lughaya, waxay noqon karaa il dhaqaale iyo shaqo abuur ay helaan dadka degmada ku nool” ayuu yidhi Sidiiq Muuse. Inkasta oo ay dadka deegaanku rejo ka muujiyeen, haddana waxyaabaha caqabada ee deegaankaas ka jira waxa ka mid ah dhinaca waddooyinka, taas oo caqabad ku noqon kara dhismaha Dekedda iyo shaqadeedaba. Maaha markii u horreysay ee arrinta ku saabsan dhismaha Dekedda Lughaya laga hadlo, balse waxa jirtay wakhtigii Xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siillaanyo, in halkaas laga dhagax dhigay dhismaha Dekeddaas, taas oo aan hirgelin. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay hoggaamiyaha guud ee Ahlu-sunna Waljamaaca oo haatan yimid magaalada Muqdisho, isaga oo kadib kulan gaar ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi. Wasiirka ayaa Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan ku qaabilay xafiiskiisa, isaga oo si maqaam sare leh usoo dhaweeyay, kadibna kala hadlay arrimo xasaasi ah. “Sharaf iyo farxad weyn ayay Ii ahayd maantay in aan xafiiskayga wasaaradda Arimaha dibadda ku qaabilo hogaamiyaha ruuxiga ah ee ASWJ Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi, kadib qoraal uu soo dhiggay bartiisa Facebook-gga. Fiqi oo faah-faahin ka bixyay kulanka dhex-maray isaga iyo hoggaamiyaha Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay inuu kala hadlay qorshaha dagaalka ee dowladda, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab oo haatan dib isku soo abaabushay. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in kulankooda ay diirada ku saareen suulinta fikirka xagjirka ah iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa kooxaha argagixisada ah. “Waxaan ka wada hadalnay in fikirka xagjirka ee argagixisadu uu khatar ku yahay diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed, in meel looga soo wada jeestana ay waajib tahay, dawladdana lagu garab istaago la dagaalanka argagixisada.” ayuu mar kale yiri wasiirku. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Sheekh Maxamuud wuxuu leeyahay taariikh dheer oo ku suntan la dagaallanka argagixisada iyo fikirka xagjirka ah”. Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dib loo soo nooleeyay cududii Ahlu-sunna kadib qorshe maalmo kooban ka socday Guriceel iyo Dhuusamareeb, ayada oo kadib lasoo bandhigay cudud ciidan oo xoog leh. Qorshaha dib loogu aas-aasay Ahlu-sunna waxaa gadaal ka riixeysa dowladda federaalka, waxaana la sheegay inay xoreynayaan degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee Al-Shabaab ay ka joogaan deegaannada kale ee maamulka Galmudug. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo aad u adag, kadib markii ay Al-Shabaab culeys soo saartay labada Shabelle iyo deegaanno aad ugu dhow Muqdisho.
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay madaxtooyadda Qaranka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka aanu walaalaha nahay Jabuuti, ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF iyo xubin ka tirsan Golaha FIFA (FIFA Council), Mudane Suleemaan Xasan Waaberi. Madaxweynaha ayaa muujiyay sida Qarankeenna ugu faraxsan yahay ka mid noqoshada xubinnimada FIFA ee Jabuuti, wuxuuna sidoo kale sheegay inay ka go’an tahay is-dhaafsiga khibradaha xiriirka noocyada kala duwan ee ciyaaraha. Kulanka uu madaxweynaha la yeeshay Mudane Suleemaan Xasan Waaberi waxaa ku weheliyay wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Gudoomiyaha xiririirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale. Source: goobjoog.com
  23. Mogadishu (HOL) – At least one civilian was killed and three others injured on Tuesday after a landmine explosion struck near a small restaurant along the main road in Dayniile district of the Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  24. Mogadishu (HOL) – The Somali Federal Government has confirmed that Puntland President Said Abdullahi Deni will participate in the upcoming National Consultative Council (NCC) meeting scheduled to take place in Mogadishu next month. Source: Hiiraan Online