-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo shir jaraa,id qabtay ayaa warbixin ka soo saaray xaaladda uu dalka ka geystay roobka deyrta ee da’aya. Senatorka ayaa si gaar ah uga warbixiyey xaaladda ka taagan deegaanada uu metelo ee Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo oo khasaare lixaad leh uu sanadkaan roobku ka geystay. Wuxuu sheegay in xaaladda Elnino oo horay looga digay ay ku dhufatay dadkiisa reer Gedo, wuxuuna farriin u diray dowladda federaalka, Jubbaland iyo deeq bixiyaasha caalamka. Wabiyada Jubba iyo Daawo, ayuu sheegay inay fatahaad aan horay loo arag ka geysteen degmooyinka ay maraan ee gobolka Gedo. “Waxaa ugu daran xaaladda heysata dadka ku nool degmada Doolow oo labada webi ay maraan kuna fataheen, guud ahaan Doolow waxaa qaaday biyaha daadka ah oo magaaladu waa buuxsantay, dadkii ku noolaana waa ku ceytoobeen, galigood ayey biyaha dhex taagtaagan yihiin,” ayuu yiri Senator Fartaag. Sidoo kale Fartaag wuxuu mid mid u dul istaagay xaaladda ka taagan degmooyinka kale ee gobolkaas iyo khasaaraha uu roobku ka geystay, sida Luuq, Baardheere iyo Buurdhuubo oo wabiga Jubba uu wada maro. Sidoo kale Senator Fartaag ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka taagan magaalooyin ay ugu waaweyn Jilib iyo Bu’aale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo aysan jirin cid gargaar gaarsii karta, maadaama ay maamusho Khawaarijta Al-Shabaab. Deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose oo wabiga Jubba uu ku dhamaado ayuu Senator Fartaag sheegay in fatahaad lixaad leh oo sanadkaan wabigu ka geystay, sidoo kale deegaano kale oo ka tirsan gobolkaas ayey daadadku ku rogmadeen oo dadkii deganaa ay ka barakaceen. Hoos ka daawo The post Daawo: Senator Fartaag oo war culus ka soo saaray xaaladda Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
-
Komishanka Doorashooyinka oo la Kulmay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Hargeysa(Qaran news)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta kulan u qabtay dhammaan Gudoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka KDQ. Kulankaas oo ujeedkiisu ahaa gogol-xaadhka, dhammaystirka iyo soo-saarista Liistada Kama-dambaysta ah ee Codbixiyeyaasha JSL (Final Voter List). Kulaankaas waxaa kale oo lagaga wadahadlay qorshaha diyaargarowga qabsoomida Doorashooyinka soo socda ee JSL. Gudoomiyeyaasha goballada iyo degmooyinka ee KDQ waxay iyaguna dhankooda la wadeegaan Xubnaha KDQ warbixino la xidhiidha xaaladda guud ee deeganada dalka JSL. Qaran News
-
Dhallinyarada l gaarka ah Qaba oo Shahaadooyin la guddoon siiyay Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdiraxiim Hirsi Jaamac Dhooble ayaa maanta shahaado sharaf gudoonsiiyey dhallinyaro ka mid ah dhallinyaradda baahiyaha gaarka ah qaba. Dhallinyaradan ayaa runtii wasiirka uga mahadnaqay sida quruxda badan ee uu xafiiskiisa ugu soo dhaweeyay, iyaga oo runtii ballan qaaday inay markastaba diyaar uyihiin inay qarankooda ushaqeeyaan. Wasiirka wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha JSL Cabdiraxim Xirsi Jaamac Dhooble ayaa gebagabadii u sheegay ka wasaarad ahaan inay garab taagan yihiin dhallinyaradda gaar ahaan kuwa baahiyaha gaarka ah qaba, waxaana uu sidoo kale u sheegay in markastaba xafiiskiisu u furan yahay, markasta oo ay u baahdaanna uu si dhow ula shaqayn doono. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan 22 qodob ah oo ay kaga warbixineyso xaaladda dalka, warbixintaan oo toddobaadle ah ayaa caawa ka soo baxday wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Hoos ka akhriso bayaanka dowladda: 1- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen. 2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo habsami u socodka hawlaha qaranka ku tegay xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, si uu ugu kuurgalo habsami u socodka howlaha ay qaranka u hayaan. 3- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño ee dalka oo ilaa iyo haatan ay ilaa 10 qof ku dhinteen. 4- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan looga hadlayo sida wax looga qabanayo daadadka ka jira dalka la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed. 5- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir wadatashi oo ku saabsan qaab-dhismeedka amniga Qaranka, gaar ahaan ahaan qeybta Booliska. 6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey u diyaar garowga xukuumadda ee shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada ee COP-28, oo ka dhici doona dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. 7- Wabiga Jubba ayaa ku fatahay qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan gobolka Gedo sida Doolow, Baardheere, Luuq iyo Buurdhuubo. 8- Roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Baydhabo ayaa sababay barakac ballaaran. 9- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqday in gargaarkii ugu horreeyay ay u dirayso gobolka Gedo oo roobabka iyo fatahaadaha ay saameyn xoog leh ku yeesheen. 10- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Simaha Danjiraha Norway u fadhiya Soomaaliya Carsten Carlesen, kaas oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. 11- Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa Nabadsugidda Qaranka oo hawlgal amni ka fuliyay degaano ka tirsan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. 12- Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21-aad oo gacan ka helaya dadka deegaanka iyo daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 km u jira deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug. 13- Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Qaranka ee NISA oo gacanta ku soo dhigtay 28 xubnood oo 25 ka mid ah ay doonayeen in ay ku biiraan Khawaarijta Al Shabab. 14- Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, ayaa ka daahfurtay magaalada Muqdisho aqoon isweydaarsi la xiriira hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee hoggaanka sare ee hay’adaha cadaaladda iyo garsoorka Soomaaliya. 15- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa dalka Rwanda kaga qeyb galay Shirka Madaxeedka Golaha Dalxiiska Adduunka WTTC 16- Wasiiru Dowlaha Amniga ee Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa furay kulan wadatashi oo ku saabsan xeer nidaamiyayaasha hey’adda socdaalka oo Muqdisho ka dhacay. 17- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku daah furtay Kulanka Dhamaystirka Hannaanka Dhab-u-Heshiinta Qaran. 18- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaannada War-wiin War-dhato Ceelahaley iyo Moorigaabey ee Gobolka Bakool. 19- Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 105 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Midowga Jamhuuriyadda Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay. 20- Guddiga tartanka adeegga xajka ayaa soo saarey Shuruudaha tartanka Adeega Xajka ee sannadka soo socda. 21- Ciidamada Qalabka Sida ayaa fashiliyey naftii halige isku soo xiray qarax kaas oo doonayay inuu isku qarxiyo goob makhaayad ah oo dad shacab ah ay ku sugnaayeen Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir. 22- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno kala duwan ku riday Sheegow Ahmed Cali iyo maleeshiyaad uu watey. ==============DHAMMAAD============== The post DF oo warbixin xasaasi ah ka soo saartay xaaladda dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gurmadka deg-degga ah ee Hay’adda SoDMA ayaa mar kale ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan daadadka ku dhuftay Soomaaliya. Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dhibaato badan ay wajahayaan qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ay saameeyeen daadadka iyo fatahaada ka jira dalka, wxuuuna xusay in halis kale ay haatan kusoo wajahan tahay Beledweyne iyo Jowhar oo uu maro wabiga Shabelle. Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in ku dhowaad 100 kun oo qof ay saameeyeen daadadkii ugu dambeeyay ee ku dhuftay gobollada dalka. “Warbixintu waxa ay sheegeysaa in ugu yaraan 864 kun oo qof oo muwaadiiniin Soomaali ah ay saameeyeen daadadka kasoo rogmanaya deegaanada Itoobiya” ayuu yiri Saalax. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay barakaceen boqolaal kun oo kale, kuwaas oo ay haatan soo wajahday xaalad nololeed oo aad u daran, maadaama aysan haysan hoy iyo cunno. “Waxay kale oo warbixintu sheegeysaa inay barakaceen ugu yaraan 319 kun oo qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ay ka barakaceen guryihii iyo deegaanadii ay nabadda ku joogeen, kana shaqeysanayeen” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in weli ay jirto halis ku soo socota magaalooyinka qaar, sida Beledweyne iyo Jowhar oo uu tilmaamay inuu ku fatihi karo wabiga Shabelle. “Waxaa halis ku jira oo ayaamaha soo socda loo yaabaa magaalooyinka ay ka midka yihiin Beledweyne, Jowhar iyo dhamaan inta uu wabiga maro” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenku. Ugu dambeyn wuxuu mar kale ku baaqay in qof walba oo Soomaaliyeed uu doorkiisa ka qaato u gurmadka bulshada wax ku noqday roobabka iyo daadadka El-nino, si gaar ahaaneed wuxuu ugu baaqay ganacsatada leh diyaaradaha oo maanta baahi weyn loo qabo doorkooda, maadaama gaadiidka cirka uu yahay sida kaliya ee gurmad lagu gaarsiin karo dadka tabaaleysan. “Ka hortegga musiibadaan iyo gurmadka dadka loo fidinayo waxaa waajib nagu ah inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno arrintaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: DF oo digniin kasoo saartay halis ku wajahan Jowhar iyo Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay roobab daadad xoogan watay oo maanta ka da’ay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka. Roobabkan oo watay biyo xoogleh ayaa khasaare u badan burbur ka gaystay xaafado ka tirsan caasimada, sida ay muujinayaan muuqaallo ay soo duubtay warbaahinta. Meelaha sida weyn dhibaatada looga dareemayo waxaa kamid ah waddooyinka halbowlaha ah ee Muqdisho, kuwaas oo qaarkood biyuhu hakad geliyeen isku socdka gaadiidka. Sidoo kale waxaa la arkayay meelaha qaar dad ay biyuhu qaateen, balse gurmad loo fidiyay kadibna sidaas lagu soo bad-baadiyay. Qaar kamid ah dadweynaha ku ganacsada hareeraha waddada isku xirta Bakaaraha iyo Dabka ayaa sheegay inay dhibaatooyin kasoo gaareen roobabkii ka da’ay halkaasi. Dadkan ayaa sheegay in ganacsigooda uu burburay, isla-markaana ay biyuhu qaadeen alaabtii ay iibinayeen, balse iyagu lasoo bad-baadiyay. “Hadda annaga waa ka bad-baadnay, laakiin hantidii ayay biyaha naga qaateen annagoo roob caadi ah u maleyneyno ayay nasoo galeen biyo xoogleh oo na qaaday” ayay tiri gabar kamid ah ganacsatada ku sugneyd waddada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha. Waxaa kale oo ay sii raacisay “Roob ma dhihi karno kan musiibo waayay dad ay qaadeen xittaa waa lasoo bad-baadiyay”. Khasaaraha intaas kuma eka, waxaana la arkayay mootooyin nooca Bajaajta ah oo ay biyuhu la tageen, kadib markii darawalladu xakameyn waayeen sidaasna ay kula rogmatay. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado adag oo ka dhalaty fataahadaha iyo daadad xoogan oo ku dhuftay magaalooyinka qaar ee ku yaalla gudah dalka. The post Daawo: Daadad xoogan oo ku rogmaday Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
War-saxaafadeed: Laascaanood, 08 November 2023:- Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhaw ula socdaa go’aammada colaadeed ee ka imaanaya maamulka Somaliland, kuwaas oo ku hawlan in ay colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan beelaha deggan deegaammadaas. Maamulka Muuse Biixi wuxuu saaka weerar kusoo qaaday deeganada Buqdharkayn ilaa Yeyle oo isku jirta masaafo dhan 8 Kilometer. Deegaannadaas oo shalayna ay ciiddammada Soomaalilaan ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku dhaawaceen. Weerarka saaka ayay malayshiyaadku ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku barakiciyeen. Ciiddammada difaaca maamulka SSC-KHAATUMO oo heegan buuxa ku jiray ayaa ka jawaabay weerarkaa fulaynimada ah iyagoona iska caabbiyey malayshiyaadka maamulka Somaliland. Maamulku wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu ka *****nayo ballan qaadkii colaad ka hurin deegaannada oodwadaagta ah, taasoo keenaysa dhimasho, burbur, iyo qaxinta bulshada oodwadaagta ah. Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran shacabkiisa iyo deegaankiisa wuxuu caddaynayaa in uu si dhab ah u qaadanayo colaad hurinta ay Somaliland waddo si dhawna uu ula socdo dhaqdhaqaaq kasta oo ay Somaliland damacsan tahay. Sidoo kale Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo waxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaas oo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisa. DHAMMAAD The post War-saxaafadeed: Maamulka SSC-Khaatumo oo Somaliland ku eedeeyay dagaalkii Maanta ka dhacay Galbeedka Sool appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay Dhuusamareeb ku yeesheen madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Cali Jayte Cismaan oo dhawaan uun loo magacaabay u qaybsanaha madaxweynaha dowlada Soomaaliya ee ciidanka macawiisleyda Soomaaliya. Kulankan ayaa yimid kadib markii safar dhinaca dhulka ah uu Dhuusamareeb ku gaaray hoggaamiye Cali Jayte oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulamo ka waday halkaasi. Qoor Qoor ayaa ninkan ku qaabilay qasriga madaxtooyada maamul goboleedkaGalmudug, waxayna ka wad-hadleen hal arrin oo ah la dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa ku amaanay hoggaamiyahan doorkiisa ku aadan dagaalka kooxda Al-Al-Shababa, gaar ahaan sidii uu kooxda uga saaray bariga gobolka Hiiraan. Sidoo kale waxa ay labada mas’uul isla soo qaadeen arrimo ku aadan sidii loo xoreyn lahaa deegaanada haatan ka maqan gacanta dowladda ee ku yaalla Galgaduud iyo Mudug. Dhankiisa, Cali Jayte Cismaan oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay inuu ka qayb-qaadan doono dagaalka Galmudug. Gobollada Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconaya howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogg dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kauwas oo ay guullo waa weyn kasoo hoyeen ciidanka huwanta ee la dagaalamaya Al-Shabaab. Halkan hoose ka daawo Sawirro:- The post Cali Jayte oo hal arrin kala hadlay madaxweyne Qoor Qoor + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
Gujis badda hoosteeda ku jiray oo kurka lasoo baxay ayaa galabtii doraad meel 2 Km u jirta Bosaaso ka jiitay dooni hub iyo rasaas farbadani u saarnayd madaxwaynaha Puntland Siciid Deni oo qiimo ahaan lagu qiyaasay 3-4 milyan oo doolar. Ilo kala duwan oo xog ogaal ah oo ku sugan Bosaaso iyo Garoowe oo aanu arintan ka waraysanay ayaa waxay noo sheegeen in sirdoonka dawlad shisheeye ah oo loo malaynayo inay tahay Maraykanku ay ka war heleen doonidan ka hor intii aanay soo gaadhi66n goobtii laga kaxaystay ee Boosaaso ku dhawayd. Siday ilahasasi noo sheegeen doontan ayaa waxa saarna qoryo badan oo lidka diyaaradaha ah waxaana laba khan oo ka mid ah ka buuxay rasaasta yar yar iyo ta waawayn ee qoryaha teknikada. Mr Deni ayaan ilaa hadda ka hadal arintan. Haatuf Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay mas’uuliyiin loo haysto musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo ay horay usoo xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir. Mas’uuliyiinta ay bilaabatay dhageysiga dacwaddooda ayaa ka kala tirsan wasaaradda shaqaada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya. Dhammaan eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka ayaa waxaa weli ku dhagan xeer ilaalinta qaranka oo kusoo oogtay xatooyo xoolo dadweyne. Qaarkood eedeysanayaashan ayay sii deysay maxkamadda gobolka Banaadir, laakiin waxaa ka horyimid xukunkaas xeer ilaalinta, ayadoo mar kale isla kiiskan maanta laga furay maxkamadda Racfaanka, si ugu dambeyn looga saaro go’aan rasmi ah. Mas’uuliyiinta la amray in lasii daayay waxaa kamid ah Cabdullaahi Suldaan iyo Maxamed Caddde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashii hore ee wasaarada shaqada, waxayna hadda mar kale wajahayaan eed ay garwadeen ka tahay xeer ilaalinta guud ee qaranka. Qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa sidoo kale fadhiga maxkamadda kusoo bandhigay difaacooda, iyaga oo ka horyimid qaabka ay wax u waddo xeer ilaalintu. “Shaki qof laguma xukumo xeerkaa qabo” ayuu ku dooday abuukaate Cabdullaahi Dudaaye oo u doodaya eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Si kastaba, maxkamadeynta saraakiishaan ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana doodeeda ay dadweynaha Soomaaliyeed kala socdeen warbaahinta, balse waxaa haatan go’aanka u dambeeya laga war sugayaa Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. The post Maxkamadda Rafcaanka Gobolka oo la horgeeyay mas’uuliyiin loo haysto musuq appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland uu ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haatan ka socdo tuulada Buqdharkin oo dhinaca galbeed ka xigta magaaladaasi. Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha soo kala gaaray. War kooban oo kasoo baxay maamulka SSC-Khaatuma ayaa looga hadlay dagaalkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadooda ay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay. SSC ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in tiro maydad ah iyo dhaawacyo ay ka carareen ciidamada Somaliland ee ay maanta kula dagaalameen duleedka Laascaanood. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegatay SSC-Khaatuma. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah Sool oo ay isku horfadhiyaan labada dhnac. Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde. Si kastaba, dhowaan ayay ahayd markii ay dowladda federaalka Soomaaliya aqoonsatay maamulka SSC-Khaatuma, taas oo ay si weyn uga carootay xukuumadda Hargeysa. The post Dagaal u dhexeeyo Somaliland iyo SSC oo ka socda duleedka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii labaad sannad gudihiis culimada Soomaaliyeed shir u qabatay. Culimada ayaa shirkii dhacay bishii Janaayo waxay ku taageereen howl-gallada militari ee dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna cambaareeyeen afkaarta ururukaas. Dowladda federaalka ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii ay culimada Soomaaliyeed ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan dhanka caqiidada iyo fikirka, taasi oo ah furin kale oo muhiim ah. Ra’iisul Wasaaraha Sooomaaliya Xamza Cabdi Barre oo dhawaan khudbad ka jeediyay shir ka dhacay Muqdisho oo culimada qaarkood kasoo qeyb-galeen ayaa waxa uu ka sheegay in loo baahan yahay in culimadu kaalintooda ka qaatan dagaalka Al-Shabaab, oo si dhameystiran usoo galaan dagaalka. Mudane Xamza ayaa sheegay in aan la joogin xilligii laga cabsan lahaa Al-Shabaab, ayna tahay in culimadu xaga afkaarta ka hogaamiyaan dagaalka dowladda iyo shacabka kula jiraan kooxda. “Ma ila haboona mana ila qurux badna in masaajid ay ku soo tukanayaan dhowr boqol qof inaan Khadiib ka noqoto adoo sheekh ah oo aan waxba ka sheegin Al-Shabaab,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Waxa uu intaas sii raaciyay “Aniga waxay ila tahay in aysan haboonayn, cabsi ha u gayso ama dareen la’aan ha u gaysee arintaas muraajico ayey u baahan tahay.” Sidoo kale waxa uu ugu baaqay haddii ay jiraan culimadu qaar ka cabsanayaa in ay qaataan doorkaas, oo masaajidada kala hadlaan shacabka ay ku wareejiyaan kuwa dhiiran ee dagaalka Al-Shabaab si furan ugula jira ee furimahana taagan. Si kastaba, Culimada Soomaaliyeed oo kal hore dowladda u qabatay shirweyne ayaa waxay kooxda Al-Shabaab ku sifeeyeen inay yihiin Khawaarij, ayaga oo sheegay inay tahay xaaraan in xoog, cod iyo dhaqaaleba lagu taageero kooxda. The post Dowladda oo wada qorshihii Al-Shabaab loogu furi lahaa furrin cusub appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-St. Louis Park)-Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneasota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto maayirka magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas. Naadiya ayaa sida oo noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada maayir magaalo oo Mareykanka ah. “Doorashadani, dabcan, waa mid muhiim ah sidii aynu horeba u ogeyn, runtiina aad baan uga mahad naqayaa fursadda aan ku hoggaaminayo magaaladeenna” ayay Naadiya u sheegay boqollaal qof oo iskugu soo baxay debbaal-degga guusheeda. Doorashadan waxaa Naadiya taageeyay Jake Spano oo ah duqa xilligaan ee magaalada St. Loius Park oo sheegay in aanu u mar saddexaad tartameyd kahor inta ayna Naadiya ku dhawaaqin musharaxnimadeeda bishii April ee sannadkan. Naadiya ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa musharraxii la tartamay, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay. Naadiya ayaa hore u aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda maayirka magaaladaas. Nadia oo 27 jir ah ayaa iyada iyo qoyskeedu ay deggenaayeen magaalada St. Louis Park tan iyo markii ay aheyd 10 jir. Sannadkii 2021, Deeqa Dhalac ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo noqota maayir magaalo, kadib markii golaha deegaanka magaalada South Portland ee gobolka Maine ay u xusheen inay noqoto duqa magaaladaas. Source
-
Kongareyska Mareykanka ayaa cod u qaaday Qaraar lagu cambaareynayo Xildhibaanada Rashida Tlaib oo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin. Qaraarkan oo noociisa loo yaqaan (censure) ama cambaareyn ayaa ah talaabooyinka uu golaha ku ciqaabi karo xildhibaanada. Xildhibaanada Jamhuuriga oo qaraarkan soo diyaariyey ayaa ku eedeeyey xildhibaanada inay ku baaqday burburinta Israel. Rashida ayaa kamid ah xildhibaanada faro ku tiriska ah ee u ololeeya Falastiin, isla markaana cambaareeyey xasuuqa Israel ka wado Gaza. Kongareeska Mareykanka oo ay hadda guddoonkiisa iyo aqlabiyadiisa hayaan Jamhuuriga ayaa bishii Feberwry sidan u cambaareeyey Xildhibaanada Ilhan Cumar. Rashida iyo Ilhan ayaa kamid ah 20 xildhibaan oo ka tirsan Dimuquraadiga oo si adag uga soo horjeeda Israel. Qaraarka lagu cambaareeyey Rashida ayaa codbixintii loo qaaday u dhacday: Waxaa Qaraarka taageeray 234, Waxaa diiday 188, waxaana xusid muddan in 22 kamid xisbiga Dimuraadiga inay codkooda ku taageereen Qaraarkan lagu taageerayey Israel. Rashida ayaa sheegtay inaan la aamusin karin isla markaana mar walba ka hadli doonto xaquuqda shacabka Falastiin. Baarlamaanka Mareykanka ayey ku xoogan yihiin xildhibaanada labada xisbi oo taageera Israel oo sidoo kale maalgelin ka hela ururada u ololeeya Israel. Source
-
Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqasho taariikhi ah ku tago dalka Sacuudiga. Raisi ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirweyne Axadda soo socota ka dhacaya Sacuudiga oo lagaga hadlayo xaalada Gaza. Wuxuu noqonayaa safarkii ugu horeeyey oo hogaamiyaha Iran ku tago Sacuudiga tan iyo markii labada dal xidhiidhkooda dib usoo noqday. Bishii march, ayey dalalka Iran iyo Sacuudiga heshiis gaadheen kadib dhex dhexaadin ay u sameysay dowlada Shiinaha. Shirweynaha Gaza lagaga hadlayo ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo fadhigiisa yahay magaalada Jeddah. Source
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si deg deg ah ugu baaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo laga sameeyo Gaza, taasoo uu sheegay inay noqotay “xabaasha” boqollaal carruur Falastiiniyiin ah maalin kasta, iyadoo golaha ammaanku uu yahay mid aan waxba ka qaban karin. “Waddada loo marayo xabbed-joojinta waa caddahay,” ayuu ugu sheegay suxufiyiinta Qaramada Midoobay. “Xabbad joojin bini’aadantinimo waa in hadda la sameeyo.” ayuu raaciyay. Waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyadu ay sidoo kale ixtiraamaan waajibaadkooda, sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, cid kasta oo ku lug leh dagaal hubaysanna aysan ahayn inay ka sarreyso sharciga. “Tani waxay la macno tahay in la haystayaasha Gaza hadda lagu sii dayn doono shuruud la’aan,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya 240 rag, dumar iyo carruur ah oo ay Xamaas qafaasheen intii lagu jiray weerarradoodii argagixiso ee Oktoobar 7 ee gudaha Israa’iil. “Weligay kama daali doono in si degdeg ah loo soo daayoo dadka la heysto” ayuu raaciyay. Guterres wuxuu sheegay in ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ay la macno tahay ilaalinta rayidka – oo ay ku jirto inaan rayidka loo isticmaalin sidii gaashaanka – isbitaallada, xarumaha Qaramada Midoobay, hoyga iyo dugsiyada Gaza iyo kor u qaadista gargaarka iyo shidaalka dhulka go’doonsan. “Mid ka mid ah rafcaannadan waa in aanay ku xidhnayn kan kale,” ayuu yidhi. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan jiri doonin xabbad-joojin bini’aadantinimo haddii aan la sii deyn dhammaan la haystayaasha. Source
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal beeleed ka socda tuulada Buq-dharkayn oo ka tirsan degaanka Yeyle ee galbeedka gobolka Sool. Dhawaqa rasaasta qoryaha daran-doorriga u dhaca ayaa laga maqlayaa nawaaxiga Buq-dharkayn waxaana la sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xooggan. Dagaalkaas ayaa sida lagu soo warramayo u dhexeeya laba maleeshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda SSC-khaatumo iyo Somaliland. Wararka hordhaca ah ayaa tibaaxaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay dagaalka inkastoo aan weli xog sugan laga helin. PUNTLAND POST The post Maleeshiyaad ka soo kala jeeda SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo duleedka Yeyle appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Munaasabad sagootin ah ayaa maanta loogu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo soo gaba-gabeeyay mudadii uu ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Dr. Abraham Korir Sing’Oei, Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Arrimaha Dibadda Kenya, marti sharaf kale, iyo xubno ka socday bulshada diblumaasiyiinta. Danjire Nuur ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika. Dr. Sing’Oei oo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Nuur ku bogaadiyay adeeggiisa wanaagsan iyo wax qabadkiisa la taaban karo ee ku aaddan horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale sheegay in uu aad ugu mahad-celinayo Danjire Nuur “sida shaqsi ahaaneed ee ay uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika”. Dr. Sing’Oei oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in danjire Nuur uu ahaa “saaxiibka qiimaha badan” iyo “saaxiibka dhabta ah ee Kenya”. Waxa kale oo uu ku ammaanay “dadaalka hagar la’aanta ah ee uu ugu jiro horumarinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.” Danjire Nuur ayaa sheegay in uu aad ugu mahad-celinayo dowladda Kenya sida diiran ee ay u soo dhaweysay iyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab istaagtay mudadii uu xilka hayay. Waxa kale oo uu aad ugu mahad-naqay asxaabtiisa iyo hawl-wadeenadiisa shacabka iyo dedaalka ay muujiyeen. Danjire Nuur ayaa lagu sifeeyay inuu ahaa safiir hawlkar ah oo wax ku ool ah oo wax badan ka taray xoojinta xiriirka labada dal, islamarkaana joogitaankiisa si weyn loo tabi doono. The post Sawirro: TARSAN oo soo afmeeray shaqadii diblumaasiyadeed ee KENYA appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shirkiii maalmihii dambe uga socday Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda federaalka. Shirka oo ahaa mid wadatashi ayaa sidoo kale ahaa mid lagu lagu dhisayo Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga, sida lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay shirkaan. Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray dhismaha golaha maamulka iyo horumarinta Kalluumeysiga sida uu qabo sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya 2023, xoojinto wada-shaqeynta u dhaxeysa wasaaradaha heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kor u qaadidda suuqgeynta kalluunka iyo la dagaallanka Kalluumeysiga shrci-darrada. Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray qodobo wax ku ool ah, kuwaasi oo hoga tusaaleynta hanaanka ugu wanaagsan ee lagu maareyn karo islamarkaana lagu horumarin karo howlaha la xiriira Kalluumeysiga ee dhammaan dalka. Hoos ka aqriso 1. Goluhu waxa uu isla qaatay ahmiyadda iyo muhiimadda uu lee yahay dhismaha iyo howlgelinta Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga. 2. Goluhu wuxuu isla qaatay in dowlad goboleed walba uu soo magacaabo xubin kamid noqon doonta kooxda xoghaynta golaha muddo 15 cisho ah, waxaana lagu ballamay in kulanka xiga ee golaha uu dhici doono bisha January ee sannadka 2024, iyadoo shirkaas lagu bandhigi doono xeerarka iyo habraacyada golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga. 3. Goluhu wuuu isla qaatay in la xoojiyo dhaqangainta, Isku xirka, ka wadatashiga waajibaadka lagu sheegay sharciga Kalluumeysiga gaar ahaan arimaha la xiriira wadashaqeyn, Maamul, Macluumaad, Cilmi-baaris iyo ilaalinta deegaanka Kalluumeysiga iyo noola biyoodka iyo deegaankooda. 4. Goluhu wuxuu isla qaatay sida ku cad sharciga Horumarinta kalluumeysiga Soomaaliyeed ee law 008, in la soo saaro hab-raacyo tilmaamaya wadashaqeynta isla markaana xoojinaya xiriirka, si ay u sahlanaato socodsiinta howlaha golaha iyo Go’aan qaadashadiisa. 5. Goluhu wuxuu isla qaatay in la sameeyo daraasado iyo cilmi baarisyo ku saabsan kheyraadka la ugaarso ee muhiimka ah sida Aargosatada iyo Qubada dhammaan dalka si loo dajiyo qorshe maareyn oo lagu daryeelaayo kheyraadkaas halista ugu jira dabargo’a, waxaana la soo jeediyey in mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Develoment (SSFD) uu fuliyo howshaan. 6. Goluhu wuxuu isla qaatay in wadatashi lagala sameeyo wasaaradaha xubnaha dowladda Federaalka xeerhoosaadyada quseeya sharciga Horumarinta Kalluumeysiga ka hor inta uusan soosaarin Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga ee heer federaal. 7.Golohu wuxuu islaqaatay in safar cilmi korors ah oo la xiriira maamulka iyo horumarinta Kalluumeysiga loo aado Indonesia iyo Tanzania wadamada heysta nadaamka federaalka ee horumarka ka sameeyey Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda iyo Maareyntiisa. 8. Goluhu wuxuu farayaa agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Kallumeysiga ee heer federaal iyo heer dowlaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka (technical working group) in ay si farsama ah uga soo shaqeeyaan howlaha la xiriira mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Development (SSFD) iyaga oo si dhow ula shaqeynaya xafiiska maamulka mashruuca ee ka tirsan Wasaaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee heer Federaal. 9. Golahu wuxuu go’aan ku gaaray in la sameeyo qorshe qaran oo looga hortagaayo Kalluumeysiga Sharci darrada, hadduu yahay mid gudaha ah iyo mid dibbada ahba. 10. Golaha wuxuu u mahadcelinayaa Khubarrada ka soo qeyb gashay shirka isla markaana tallooyink wax ku ool ah bixiyey. 11. Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Bankiga Adduunka oo mashruuca Badmaal – Somali sustainable Fisheries Development (SSFD) iyo sidoo kale kooxda gacanta ku heysa maamulka mashruuca. The post Shirkii DF iyo maamullada uga socday Muqdisho oo laga soo saaray war-murtiyeed (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
-
St. Louis Park (Caasimada Online) – Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneosta ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas. Naadiya ayaa sidoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah. “Doorashadani, dabcan, waa mid muhiim ah sidii aynu horeba u ogeyn, runtiina aad baan uga mahad naqayaa fursadda aan ku hoggaaminayo magaaladeenna” ayay Naadiya u sheegay boqollaal qof oo iskugu soo baxay debbaal-degga guusheeda. Doorashadan waxaa Naadiya taageeyay Jake Spano oo ah duqa xilligaan ee magaalada St. Loius Park oo sheegay in aanu u mar saddexaad tartameyd kahor inta aysan Naadiya ku dhawaaqin musharaxnimadeeda bishii April ee sannadkan. Naadiya ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa musharraxii la tartamay, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay. Naadiya ayaa hore u aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa magaaladaas. Nadia oo 27 jir ah ayaa iyada iyo qoyskeedu ay deggenaayeen magaalada St. Louis Park tan iyo markii ay aheyd 10 sano jir. Sannadkii 2021, Deeqa Dhalac ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo noqota duq magaalo, kadib markii golaha deegaanka magaalada South Portland ee gobolka Maine ay u xusheen inay noqoto duqa magaaladaas. The post Qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo loo doortay duq magaalo oo Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya degaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu dilay laba nin oo ka soo jeeda qoomiyadda Oromada dalka Itoobiya. Wararka ayaa intaaa ku daraya in dilka labada nin uu ka dhashay muran dhexmaray iyaga iyo rag Soomaali ah waxaana sidoo kale falkaas ku dhaawacmay laba ruux oo kale. Labada ruux ee dhaawacmay ayaa mid ka soo jeeda qoomiyadda Oromada halka kan kalena Soomaali yahay sida laga soo xigtay goob-joogayaal ku sugan degaanka Milxo. Faahfaahin intaas ka baxsan ilaa iyo hadda lagama helin falkaasi dilka ah ee ka dhacay degaanka Milxo islamarkaana ma jirto cid weli si shaacsan uga hadashay. PUNTLAND POST The post Laba Oromo ah oo lagu dilay degaanka Milxo ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
