Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Introduction and Rationale This report presents the findings of an indepth feasibility study, commissioned by the World Food Programme (WFP) and conducted by New Access Consulting, to assess the enabling environment for institutionalizing Anticipatory Action (AA) and climate services in Somaliland. Faced with an escalating cycle of extreme droughts and floods, Somaliland is at a critical inflection point. The traditional model of reactive humanitarian response, while essential, is proving insufficient to address the scale and frequency of climate-induced crises. A paradigm shift towards a proactive, forecast-based system of risk management is imperative for safeguarding livelihoods, building long-term resilience, and ensuring sustainable development. This research was designed to provide the foundational evidence base for this transition by mapping the existing institutional, technical, financial, and community-level landscape and identifying concrete, actionable pathways for integrating AA into national and sub-national governance systems. Background Context Somaliland’s vulnerability is profoundly shaped by its geography and economy. A semi-arid climate and a heavy reliance on rain-fed agriculture and pastoralism—livelihoods that are intrinsically sensitive to weather patterns— place its population at extreme risk. In recent decades, climate change has intensified this vulnerability. The once-predictable Gu and Deyr rainy seasons have become erratic, characterized by delayed onset, shorter duration, and often culminating in either insufficient rainfall, leading to prolonged drought, or intense, damaging downpours that cause flash floods and soil erosion. The 2020-2023 drought, the most severe in four decades, was a stark illustration of this new reality, devastating livelihoods and leading to catastrophic livestock losses of up to 70% in some pastoral communities. These climate shocks have a direct and devastating impact on food and water security, pushing millions into acute humanitarian need. Malnutrition rates remain alarmingly high, with projections indicating that 1.7 million children under five are at risk of acute malnutrition. This recurring cycle of crisis underscores the unsustainability of a purely reactive aid model and highlights the urgent need for systems that can anticipate and mitigate impacts before they reach catastrophic levels. Source WFP Qaran News
  2. Muqdisho, 4 Nofembar 2025 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya 2025 (SIGF 2025), oo sanadkan lagu qabanayo sannadkeedii saddexaad magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Midnimada Qaranka, isaga oo ku booriyey muhiimadda hab-maamul wadajir ah (Multistakeholder approach) si loo gaaro siyaasad dhijitaal oo mideysa bulshada. Waxa uuna ugu baaqay shirkadaha Internet-ka in ay si caddaalad ah ugu wada faa’iideeyaan bulshada, kana fogaadaan tartan aan faa’iido u lahayn horumarka guud ee dalka. “Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka, waa in ay ka soo baxaan qodobbo wax ku ool ah oo aan la tagi karno shirarka caalamiga ah ee tiknoloojiyadda looga hadlayo. Dalalka dunida Internet-ka waa la nidaamiyey, iskama isticmaali karaan, waxaa loo sameeyey sharciyo qofkii ku xadgudba uu dambiile noqonayo, dadkeennu nasiib darro waxa ay u isticmaaleen si ka duwan sida caalamku u isticmaalo, waana waajib in arrintan wax laga beddelo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Madashan oo socon doonta labo maalmood ayaa diiradda saareysa maamulka Internet-ka, amniga dhijitaalka, garaadka macmalka ah (AI), maamulka xogta, iyo xuquuqda dhijitaalka. Inta lagu guda jiro waxaa lagu soo bandhigi doonaa fadhi-doodyo heer sare ah, bandhigyo, iyo wareysi toos ah oo lagu falanqeynayo mustaqbalka dhijitaalka ee Soomaaliya. Madasha waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo masuuliyiin kale oo bogaadiyay dadaallada lagu xoojinayo kaabayaasha dhijitaalka ah iyo maamulka Internet-ka ee dalka. Madasha waxaa goob-joog ka ah masuuliyiin ka tirsan dawladda, shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, bangiyada, iyo ururrada bulshada rayidka ah. Madasha Hab-maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somalia IGF) waa madal sannadle ah oo ay iska kaashadaan daneeyayaal kala duwan sida dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, bahda waxbarashada, iyo bulshada rayidka, laguna falanqeeyo loogana tashado arrimaha maamulka Internet-ka iyo horumarinta mustaqbal dhijitaal ah oo ay Soomaalidu leedahay, laguna dhiirrigeliyo wada shaqeynta iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan horumarka dhijitaalka ah ee dalka. Source: goobjoog.com
  3. QARANKA UU XASAN SHIIKH GEELLE BILLADDA UGA SIDAY MA XALANAA. Waxa magaalada jabuuti jooga xasan shiikh waxyaalaha cajiibka ah ee shantii somaalidu la yaabtay waxa ka mida kaambaynka doorashooyinkooda oo ay billadaas madaxbuuxiska ah ku bilaabeen iyo xuska carta, waxa is weydiin leh carta maxaa ka soo baxay ee 25 sano ka dib la xusayaa jawaabtu dadkay u taalla. Sidii uu waqtigii ismaaciil cumar geelle ee doorashadu u soo dhawaadayba marbba meel ayaa laysku qaadayaa waxaynu ogayn xaalad abuurkii xeerka ciise ee seylac horta jabuuti doorasho xor iyo xalaal ahi horena ugamay dhicin intuu geelle joogona ka dhicimayso, jabuutina waa guri uu geelle leeyahay,ismaaciil Kursiga jabuuti wuu ku gaboobay madaxdii afrika ee ay isku cimriga ahaayeen isagaa ka nool wuxuu ku sugayaa mawdka, dadka reer jabuuti ma laha awood ay mucaaridad xoog ah ku samaystaan oo aqoonyankoodii waxna waxay ku jiraan jeelka gabbood waxna wuu laayay qaarna debedday wareegayaan. Waxa yaab leh keligii taliyuhu ma xishoodo xasan shiikh wax uu ku sheegay billad qaran ayuu qoorta u geliyay geelle, horta qaranku ma xalanaa waayo xasan wuxuu ka taliyaa xalane oo lagu ilaaliyo halkaas oo uu ka fuliyo waajibaad dawlado shisheeye ay leeyihiin, maanta waxay ahayd inay murugoodaan oo ay fawaaxishka xamar ka socda ka naxaan iyagoo ilaahay la kaashanaya Waayo waxa ka socda xamar (xalane) bahdilaaddii soomaaliya. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. Qaran News
  4. Deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud wuxuu bilihii danbe isku bedeshay Goob colaadeed, asagoo la daalaa-dhacaya dagaal beeleedyo oo soo noq noqday oo sababay khasaare naf iyo maalba leh. Colaadahaas waxay inta badan salka ku haya murano ku saabsan dhul daaqsimeed iyo aargoosi dakanooyin hore , saameynta ugu xunna waxay ku yeesheen dadka ay Soomaalidu bir- mageydada u taqaanno, gaar ahaan Hooyooyinka iyo Caruurta. In kasta oo dagaalada qabillku wax soo jireen ah ay ka ahaayeen Galmudug, haddana waxaa soo kordhay ficil aad u foolxun oo ugub ku ahaa xeerarka dagaalka, waana laynta dumarka iyo carruurta. Bishii tagtay ee Oktoober waxaa hal goob lagu dilay Hooyo Soomaaliyeed iyo saddex gabdhood oo ay dhashay , dhacdadaasina waxay ka dhacday deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud. In kasta oo ragii Falkaas ka dambeeyay la soo qabtay, hadana tani waxay dhalisay fajac iyo layaab, waxaana ay banaanka keentay sida colaadaha Galmudug ka jira ay u saameeyeen dadka aan waxaba galabsan ee haataan bartilmaameedka noqday. isla Oktobar Saddex eedeysane oo loo soo qabta kiiskaas ayaa ka soo muuqday Maxkmadda Gobolka Galgaduud, ayadoo ku xukuntay xabsi 5 sanadood ah. Dad badani waxay filayeen in xaajadu halkaas ku ekaan doonto maadaama eedeysanayaasha gacanta lagu hayo, balse 1-dii bishaan November koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday guri ku yaalla deegaanka Guudoole ee gobolka Galgaduud. Weerarkaan oo dhacay habeenimadii Sabtiga waxaa lagu dilay AUN Hooyo Aamino jimcaale oo da’aada 60-dameeya ku jirtay, waxaana lagu dhaawacay wiil ay dhashay. Dilkaan ayaa ahaa mid daba socday dilkii hore ee hooyo Sahro Artan iyo sadaxda gabdhood oo horay loo layay, waxaana uu ahaa aargoosi. Kadib howlgal ay fuliyeen Laamaha amaanka Galmudug waxaa gacanta lagu soo dhigay lix nin oo lagu eedeeyay inay falka geysteen. Sidoo kale Galmudug, agaar ahaan Woqooyiga gobolka Galgaduud waxaa dhow jeer ka dhacay Af-duub loo geystay haween iyo caruur sababo aano qabiil la xariira. Dhamaan dhacdooyinkaas waxay muujinayaan in laga tallaabay xeerarkii aan cidina qorin ee dagaalka qabaa’illada Soomaaliya oo ceeb ka dhigayay in xilliyada Colaada la beegsado Hooyooyinka iyo Caruurta. Si kastaba ha ahaatee gumaadka iyo beegsiga dumarka iyo carruurta yar yar ayaa ah musiibo bini’aadantinimo oo aan horay uga dhici jirin dhulka soomaalida, waana astaan muujinaysa sida dagaal beeleedyadu ay u sii xumaanayaan. Source: goobjoog.com
  5. Mogadishu (HOL) — German authorities have ruled that a Somali man who fatally stabbed three women in a 2021 attack in Würzburg will not be deported, citing the risk that he could return to Germany and commit further violent crimes. Source: Hiiraan Online
  6. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐥𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐢𝐢 𝐤𝐮 𝐆𝐮𝐮𝐥𝐚𝐲𝐬𝐭𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐂𝐓-𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta guddoonsiiyey Abaalmarinta Qaranka ee Hal-abuurka Teknoolajiyadda ICT-ga ardaydii tartamayaasha ahaa ee ku guulaystay sannadka 2025-ka, kuwaasi oo soo bandhigay fikrado iyo hal-abuur cusub oo la xidhiidha aqoonta casriga ah ee ICT-ga. Ugu horrayn, Madaxweynaha ayaa hambalyeeyey ardayda reer Somaliland ee ka socotay Jaamacadda Camuud iyo Macallimiintooda oo ku guulaystay kaalinta koowaad Abaal-marinta Qaran ee Hal-abuurka ICT-ga. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey Ardayda iyo Macallimiintooda ku guulaystay kaalmaha 2-aad iyo 3-aad ee Tartanka Hal-abuurka Teknoolajiyadda oo ka socday Jaamacadaha Golis iyo Hargeysa, isaga oo sheegay in Guushooda ay tahay Guusha Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in arrintani ay daliil cad u tahay in dhallinyaradeennu ay yihiin hantida ugu qaalisan ee uu leeyahay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu sheegay in mustaqbalka horumarka Jamhuuriyadda Somaliland uu si weyn ugu xidhan yahay Hal-abuurka iyo Aqoonta Jiilka cusub, kuwaasi oo door muuqda ka qaadan kara dhisidda Dhaqaalaha Dijitalka ah, hal-abuurka ganacsi iyo adeegyada bulshada. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in aragtida uu MADAXWEYNE AHAAN ka leeyahay Barnaamijkan ay tahay in Jamhuuriyadda Somaliland ay noqoto dal uu hal-abuurkeedu ku dhisan yahay aqoon iyo afkaar Tiknoolajiyadeed oo casri ah oo kor u qaada adeegyada ay Dawladdu bixiso, ganacsiga iyo nolosha bulshada oo ay Tiknoolajiyaddu haatan ku leedahay saamayn weyn. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa sheegay in ay Xukuumaddiisu sii wadi doonto maal-gelinta iyo dhiirrigelinta Hal-abuurka dhallinyarada ee Tiknoolajiyadda Casriga ah, si loo abuuro Jiil Cusub oo awood iyo aqoon durugsan u leh in uu uu dalkeena u horseedo horumar xagga Dhijitalka ah oo la isu hallayn karo. Waxa xusid mudan in Carwada Teknoolajiyadda, Shir-weynaha 7-aad iyo Tartanka Hal-abuurka Teknoolajiyadda Somaliland ay si aad u qiimo badan u soo diyaarisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo kaashanaysa Shirkadaha waaweyn ee Isgaadhsiinta, iyo daneeyeyaasha hayaanka Tiknoolajiyadda Casriga ah. Madaxweynaha waxa kulanka Abaalmarinta ku wehelinayey Wasiirrada Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, Madaxtooyada, Tamarta iyo Macdanta, Wasiir ku-xigeenka Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha. Waxa iyaguna munaasibadda goob joog ahaa hadallana ka jeediyey Professor Saleebaan Axmed Guuleed, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Professor Maxamuud Muuse Jibriil, Dean-ka ICT-ga Jaamacadda Camuud, Xubnaha Guddida Garsoorka Tartanka Hal-Abuurka ICT-ga iyo marti-sharaf kale. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  7. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐐𝐮𝐧𝐬𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 (𝐂𝐨𝐧𝐬𝐮𝐥 𝐆𝐞𝐧𝐞𝐫𝐚𝐥) 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Qunsulka Guud (Consul General) ee Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland, Mudane Ozan PEKIN iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Anil Koray KOCAMAN. Kulanka ayaa lagaga wada hadlay arrimo muhiim ah oo labada dhinac u dhexeeya, gaar ahaan xoojinta iyo kor u qaadista xidhiidhka diblomaasiyadeed, ganacsiga iyo maalgashiga, iyo mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka fuliyo Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu xusay in Somaliland aanay haba yaraatee ka xumayn waxa uu Turkigu siiyo dadka Soomaalida ah, laakiin Somaliland ay mudan tahay in si cadaalad ah Turkigu ula macaamilo maadaama ay tahay dal madax-bannaan, nabad ah, dimuqraadi ah, isla markaana si dhab ah diyaar ugu ah iskaashiga beesha caalamka. Isaguna dhankiisa, Qusulka Guud ee Turkiga u qaabilsan Somaliland Mudane Ozan PEKIN ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad naqay qaabilaadda, isla markaana u gudbiyey salaan diirran oo uu uga sido Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Hakan Fidan. Qusulka Guud ee Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland (oo shaqada bilaabay bishii September 2025-ka), ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku ammaanay nabadaynta Gobollada Bariga, Gogoshii Nabadda ee Ceerigaabo oo guul ku dhammaatay iyo qabsoomidda Shirweynihii Maalgashiga Somaliland, isaga oo arrimahan ku tilmaamay guulo muhiim ah oo muujinaya bisaylka siyaasadeed iyo ka hoggaamineed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale, waxa uu ballan qaaday in uu si firfircoon uga shaqayn doono xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac iyo kordhinta waxtarka iyo kaalmada horumarineed ee ay Dawladda Turkigu u qoondaynayso Somaliland, taasi oo uu Qusulku xusay in ay hadda ka hore ahayd mid aad u hoosaysa, marka loo eego kaalinta muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Gobolka Geeska Afrika. Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qunsulka Guud ee Turkiga u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku soo dhammaaday is-faham, iyo yididiilo cusub oo ku aaddan xoojinta wada-shaqaynta labada dal. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  8. Mogadishu (HOL) — Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre on Tuesday officially inaugurated the Somalia Internet Governance Forum 2025 (SIGF 2025) in Mogadishu, marking the third edition of the country’s national digital policy platform. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) — The Somali Ministry of Youth and Sports on Monday submitted a case to the Office of the Attorney General against several senior members of the Somali Olympic Committee (SOC) over alleged misconduct and governance violations. Source: Hiiraan Online
  10. Mareykanka ayaa dalal ka tirsan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u diray qabyo qoraal ku saabsan ciidanka nabad ilaalinta caalamiga ah ee la geynayo marinka Qasa, marka la gaadho bisha Jannaayo 2026, kuwaasoo la sheegay inay ilaalin doonaan xudduudaha marinka Qasa, mana noqonayaan nabad ilaalin keliya ee sidoo kale waxay fulinayaan howlgallo hub ka dhigis ah oo marinka Qasa laga dhigayo meel ka caagan hubka iyo kaabayaasha milatari, tan oo u muuqata inay ka hortagayaan dib u dhiska awoodda milatari ee Xamaas. Ciidanka la geynayo Qasa oo dalal dhowr ah isugu jira , ayaa la sheegay inay ka howlgeli doonaan Qasa illaa dhammaadka sannadka 2027 , waxaana mas’uuliyadooda ka mid ah inay tababbaraan ciidan Booliis Falastiiniyiin ah oo Qasa ka howlgalla, sida ay sheegtay shabakadda Axiso. Source
  11. Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta oo talaado ah ansixiyay hindise sharciyeed cusub oo loo sameeyay bangiga dowladda iyo hay’adda maaliyadda. Xeerkan ayaa waxaa u codeeyay in la meel mariyo oo haa ku ogolaatay 30 xildhibaan, waxaa sidoo kale xeerkan meel marintiisa diiday 2 xildhibaan halka ay ka aamuseen 6 mudane. Xeerka bangiga dowladda iyo hay’adda maaliyadda ayaa maalmihii la soo dhaafay lagaga doodayay golaha, waxaana jiray xildhibaano badan oo ka horyimid xeerkan, kuna tilmaamay mid gangiyada gaarka loo leeyahay dhib ku ah, awood badana siinaya dowladda. Sidoo kale xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa maanta loo qaybiyay wax ka baddelka xeerka xabsiyada Puntland, si ay ugu sameeyaan akhrin, si waafaqan xeer-hoosaadka golaha. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay xeerka uu maanta ansixiyay Baarlamaanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
  12. Dodoma (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud attended the inauguration ceremony of President Samia Suluhu Hassan in Dodoma, Tanzania, on Monday, joining other African heads of state, regional organizations, and invited guests. Source: Hiiraan Online
  13. Women wrapped in Somaliland’s flags take part in celebrations of the 27th anniversary of self-declared independence of Somaliland in Hargeisa on May 15, 2018. Somaliland’s independence bid has stalled, leaving Somalia with a test — can it turn autonomy into real unity? (Photo credit: https://theeastafrican.co.ke) Somaliland’s long pursuit of independence has reached its ceiling. Recognition is not coming. That is not a judgment about its ambition. It is the settled position of the regional and international order. For years, it has tried to make recognition a question of image. Its leaders and allies have worked Western capitals, placed arguments in policy circles, and sold a simple line: Somaliland governs itself, holds elections, keeps order, and deserves to be treated as different from Mogadishu. The pitch was clear: We are reliable. We are disciplined. We deserve statehood. That effort won attention but not sovereignty. Governments listened. Delegations visited Hargeisa and praised its stability. Sympathetic essays were published in policy outlets. But, when the conversation moved from admiration to recognition, it stopped. Read more here The post Somaliland will not be recognised, so Somalia must govern appeared first on Puntland Post.
  14. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay la jaanqaaddo dalalka kale ee caalamka, kuwaas oo nidaam iyo sharci cad u dejiyey isticmaalka Internet-ka, si looga hortago xadgudubyada iyo falalka ka baxsan anshaxa dijitaalka ah. “Dalalka dunida Internet-ka waa la nidaamiyey, iskama isticmaali karaan, waxaa loo sameeyey sharciyo qofkii ku xadgudba uu dambiile noqonayo, dadkeennu nasiib darro waxa ay u isticmaaleen si ka duwan sida caalamku u isticmaalo, waana waajib in arrintan wax laga beddelo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada qaranka, isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dalka iyaga oo dhowraya danta guud. Waxa uuna ugu baaqay shirkadaha Internet-ka in ay si caddaalad ah ugu wada faa’iideeyaan bulshada, kana fogaadaan tartan aan faa’iido u lahayn horumarka guud ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisu ay xoojin doono dadaallada lagu dhisayo sharciyo iyo hannaan casri ah oo lagu maamulo Internet-ka, si loo hubiyo amniga dijitaalka ah, xuquuqda isticmaalayaasha, iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalka. PUNTLAND POST The post Xamse: Waa in wax laga beddelo qaabka Internet-ka looga isticmaalo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  15. Xukunka kaligii-talisnimada, awood maroorsiga, ku-shubashada doorashooyinka, iyo isla-xisaabtan la’aanta waa dabeecado aan ceeb laga dhigin dalal badan oo Afrika ah. Waxaana aad u yar waddamada dimuquraad ahaan u kala baxa doorasho xor iyo xalaal ah. Muddo nus qarni, rubuc qarni, iyo sannado badan ayaa qaar ka mid ah madaxda Afrika ku sii fadhinayaan kursiga awoodda, iyagoo aan cid kale la wadaagin hoggaanka dalalkooda. Haddaba, waa kuwee madaxda ugu muddada dheer xukunka ku jira qaaradda madow? 1. Teodoro Obiang Nguema Mbasogo – Equatorial Guinea Da’da: 83 jir Dhashay: 5 Juun 1942 Xukunka la wareegay: 3 Agoosto 1979 Muddo uu xukunka hayay: 46 sano Teodoro Obiang waa ninka ugu muddada dheer ee xilka haya Afrika. Wuxuu xukunka ku qabsaday afgambi uu ku riday adeerkiis Francisco Macías Nguema. Tan iyo markaas, dhammaan doorashooyinkii dalkaas ka dhacay (1989, 1996, 2002, 2009, 2016, iyo 2022) wuxuu ahaa musharraxa kaliya ee la oggol yahay. Doorasho xor ah laguma arag, waxaana loo arkaa Aabbaha kaligii-talisnimada Afrika. 2. Paul Biya – Cameroon Da’da: 92 jir Dhashay: 1933 Xukunka la wareegay: 6 Nofeembar 1982 Muddo uu xukunka hayay: 43 sano Paul Biya wuxuu xilka la wareegay markii uu is-casilay madaxweynihii ka horreeyay, isagoo markaas ahaa ra’iisul wasaare. Muddo yar kadib, wuxuu beddelay dastuurka dalka, isagoo meesha ka saaray xadka tirada jeer ee madaxweyne laga noqon karo. Doorashooyinkii 1984 ilaa 2025 dhammaantood wuxuu ku guuleystay isaga oo aan lahayn tartan dhab ah. 3. Yoweri Museveni – Uganda Da’da: 81 jir Dhashay: 1944 Xukunka la wareegay: 29 Janaayo 1986 Muddo uu xukunka hayay: 39 sano Museveni wuxuu siyaasadda ku soo galay dhinaca jabhadeynta iyo ciidanka, isagoo afgambi ku qabsaday xukunka. Tan iyo markaas, doorashooyinka dalkaas waa kuwo aan lahayn tartan dhab ah. Wuxuu hadda mar kale u sharaxan yahay xilka madaxweynaha doorashada Janaayo 2026. 4. Isaias Afwerki – Eritrea Xukunka la wareegay: 1993 Muddo uu xukunka hayay: 32 sano Isaias Afwerki waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Eritrea, wuxuuna hoggaamiyay halgankii xorriyadda ee ka dhanka ahaa Itoobiya. Tan iyo markii dalkaasi xor noqday 1993, isagaa hayay xukunka — doorasho ma dhicin ilaa maanta. 5. Denis Sassou Nguesso – Republic of Congo Xukunka la wareegay: 1997 Muddo uu xukunka hayay: 28 sano Nguesso wuxuu mar hore xukunka hayay 1979 ilaa 1992, kadibna dib ayuu ugu soo laabtay awoodda 1997. Tan iyo markaas, wuxuu si joogto ah u maamulaa dalka isagoo xadiday xorriyadda siyaasadeed iyo doorashooyinka mucaaradka. 6. Ismaaciil Cumar Geelle – Jabuuti Xukunka la wareegay: 1999 Muddo uu xukunka hayay: 26 sano Ismaaciil Cumar Geelle waa madaxweynaha 6-aad ee ugu muddada dheer Afrika. Tan iyo 1999, dhammaan doorashooyinka Jabuuti wuu ku guuleystay, isagoo dhowaan mar kale u taagan xilka doorashada Abriil 2026. Todobaadkii la soo dhaafay, baarlamaanka Jabuuti ayaa meesha ka saaray qodob dastuur ah oo xadidayay da’da madaxweynaha — arrin u muuqata mid loogu gogol xaarayo sii haynta xukunka. Afrika weli waxay wajahaysaa caqabado dimuquraadiyadeed oo xooggan. Inkastoo qaar ka mid ah dalalka ay horumar ku tallaabsadeen dhinaca doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed, haddana kaligii-talisnimadu weli waa cudur ku fiday qaar badan oo ka mid ah waddamada. Dib-u-habeyn dhab ah, isla-xisaabtan, iyo doorashooyin hufan ayaa ah furaha keliya ee Afrika ku gaadhi karto mustaqbal dimuquraadi ah. Source: goobjoog.com
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo-xuubeey, oo gaaraya ku dhawaad 2-KM, ayaa sheegay in dhismaha wadddadani ay abuuri doonto fursado shaqo iyo ganacsi, isla markaana ay kor u qaadayso bilicda iyo horumarka ka jira caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka caasimadda ay door weyn ka qaadanayaan, amniga, isku socodka dadka, gaadiidka iyo guud ahaan adeegyada kala duwan. “Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda, waxaanna ku yaalla xarumo fara-badan oo muhiim u ah isku-socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir dhismaha waddooyinka iyo horumarinta adegyada bulshada, ayaa faray in la dardargeliyo qorshayaasha kor loogu qaadayo bilicda, nadaafadda iyo faya-dhowrka caasimadda. Source: goobjoog.com
  17. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Soomaalida guusha u diidan Cumar Faatax oo ah oo wiil Soomaali ah oo musharrax u ah duqa Minneapolis. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ayaandaro ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay wiilkaas libintiisa ku hor istaagaan haybta reerkiisa, iyadoo qolo kalena guushiisa ku diidan tahay isirkiisa Soomaali iyo diintiisa Islaamka. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Cumar Faatax, hankiisa iyo heerka uu joogo wuxuu ku gaaray fursada taala dalka Maraykanka iyo qiyamka ku dhisan in qofka uu ku soo bixi karo karti, isku-kalsooni iyo soocnimada qofka uu yahay. Sidaa oo ay tahayna wuxuu ka soo tilaabay caqabo badan oo ka hiilinayey, sida isirka, diinta, nolosha qaxootinimo iyo in aanba isku dayga looga horaynin. Hadafkiisu waa gaarista himiladiisa Maayarka Minneapolis, ololehiisuna waa waxqabadka bulshada dooranaysa”. “Libintiisu waxay dhiiragelinaysaa jiil isaga ka danbeeya ee isirka Soomaali ku abtirsada. Waase ayaandaro in dad Soomaaliyeed ay libintiisa ku hor istaagaan haybta reerkiisa, iyadoo qolo kale guushiisa ku diidan tahay isirkiisa Soomaali iyo diintiisa Islaamka” ayuu raaciyay. Doorashada duqa Minneapolis ayaa dhacaysa maanta oo talaado ah, waxaana ku tartamaya afar musharax oo ay ugu cadcad yihiin Cumar Faatax iyo duqa hadda xilka ee Jacob Frey, kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda xibsiga Dimuqraadiga. PUNTLAND POST The post CCW oo ka hadlay Soomaalida guusha u diidan Cumar Faatax appeared first on Puntland Post.
  18. Diyaaradaha rakaabka ee adeegsan jiray ama dul mari jiray hawada Somaliland ayaa si toos ah u qaatay amarkii ka soo baxay dhawaan xukuumadda Somaliland ee ahaa in aan shirkadaha diyaaraaha ee dulmara hawada Somaliland ayn adeegsan karin hawadoodw iyada oo aan la soo ogaysiinin. Xiligani xukuumadda ka arimisa qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayaa ku wayday lacag malaayiin ðoollar ah oo ay ka qaaan jirtay hawda Somaliland taasi oo hada lagu wado in ay xukuumadda ay hawadeeda la wareegtay isla markaasina ay maamulan doonto. Qaran News
  19. Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa ku sii xoogeysanaysa ka qayb-galka siyaasadda gudaha ee dalkaas, iyadoo dhalinyaro Soomaaliyeed ay hadda u tartamayaan xilal muhiim ah, oo ay ka mid tahay duqa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Dhallinyaradaas waxaa ka mid ah Omar Fateh oo 35 jir Soomaali-Mareykan ah, kaas oo tartan adag la geli doona duqa haatan talada haya oo ah nin caddaana oo lagu magacaabo Jacob Frey. Warbixin uu daabacay Axios Twin Cities ayaa lagu sheegay in doorashada magaalada Minneapolis ay sanadkan noqon doonto mid adag, iyadoo musharrixiinta duqa magaalada ay ka mid yihiin Senator Omar Fateh, oo asal ahaan Soomaali ah. Omar Fateh, oo horey u soo noqday senatar ka tirsan baarlamaanka gobolka Minnesota, ayaa hadda u taagan duqa magaalada Minneapolis, isagoo ka mid ah siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee si xooggan uga dhex muuqda siyaasadda Mareykanka. Doorashada guud ee magaalada Minneapolis ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 4ta Nofeembar 2025 oo caawo ku beegan, balse cod-bixinta hore ayaa si rasmi ah u bilaabatay 19-kii Sebteembar, taasoo u sahlaysa shacabka Minnesota in ay xilli hore codkooda dhiibtaan. Magaalada Minneapolis ayaa horey ugu caan baxday ka qayb-galka bulshada Soomaaliyeed ee siyaasadda Mareykanka, waxaana dhowr jeer la arkay Soomaali ku guuleysatay xildhibaanno, xubno gole deegaan iyo xilal dowladeed. U tartamidda Omar Fateh ee duqa magaalada ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku mooli ay dhab ahaan u qaateen dhaqanka dimoqraadiyadda Mareykanka. Sida lagu sheegay warbixinta Axios, musharrixiinta kale ee la tartamaya duqa hadda joogta Jacob Frey waxaa ka mid ah DeWayne Davis iyo Jazz Hampton, kuwaasoo dhamaantood ku jira ol’oleyaal xooggan oo lagu kala jiidayo codbixiyaasha magaalada oo dhan. Dhanka kale, dhammaan 13-ka kursi ee Golaha Magaalada Minneapolis ayaa sanadkan ku jira tartan cusub, taasoo ka dhigaysa doorashada mid si weyn u saamayn karta jihada maamulka magaalada mustaqbalka dhow. Source: goobjoog.com
  20. Kadib wada-tashi iyo dood dheer oo dhex martay guddi ka socday ganacsatada iyo guddi kale oo ka socday xukuumada, kuwaas oo ay xubno ka ahaayeen golaha wasiirrada qaarkood iyo maareeyaha guud ee Hay’adda Dekedaha Somaliland, ayaa si rasmi ah xal buuxa looga gaadhay cabashadii ka taagnayd maaraynta fursadaha gaadiidka ee dekedda. Wadahadalladaasi oo ku dhacay jawi isfahan iyo dan-wadaag ah, ayaa lagu go’aamiyay in la dardar geliyo horumarinta guud ee qaybta gaadiidka dekedda, isla markaana la mideeyo ururka gaadiidleyda hadda jira iyo gaadiidka kale si ay si wadajir ah uga qayb qaataan qorshaha horumarineed ee mustaqbalka. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in nidaamka maamulka iyo maaraynta fursadaha gaadiidka uu hadda sidiisii hore ahaado, iyadoo aan wax isbeddel degdeg ah lagu samayn. Si loo sii amba-qaado hawsha midaynta iyo habaynta nidaamka mustaqbalka, waxaa la isla qaatay in la magacaabo guddi cusub oo labada dhinac ka kooban, kuwaas oo lagu wado in ay shaqadoodu bilaabaan maalmaha soo socda. Go’aamadan ayaa ujeeddadoodu tahay in la adkeeyo wada-shaqaynta ka dhexaysa ganacsatada, Ururka gaadiidlayda, hay’adda dekedaha Somaliland iyo hayadaha kale ee daneeyaha ka ah hawshan, si loo hubiyo in habsami u socodka dekeddu uu noqdo mid waara, caddaalad iyo hufnaan ku dhisan. Source
  21. RSF ayaa sheegtay iney qorshaynayaan weerar kale oo ay ku qaadayaan Magaalada El-Obeid kadib qabsashadooda Al-fasher, iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay cawaaqibka bini’aadantinimo ee ka dhalanaya barakicinta dadka, maadaama Ciidamada RSF ay weli wadaan Dagaalka iyo weerarrada. Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa hadda gacanta ku haya magaalada El-Obeid. balse labada dhinacba waxay isu diyaarinayaan dagaal culus oo ka dhaca magaaladaas iyadoo Muuqaalo ay iska duubeen Askar ka tirsan RSF, ay ku dhawaaqayaan “Dhammaan ciidamadeennu waxay isugu tageen magaalada Bara” oo u jirta Magaalada El-obeid keliya 40km oo dhanka waqooyi bari ah. Colaada waxa ilaa haatan ku barakacay In ka badan 70,000 oo qof tan iyo markii xoogagga RSF ay toddobaadkii hore la wareegeen magaalada El-Fasher, oo ah caasimadda gobolka Waqooyi Darfur ee dalka Suudaan Source
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey fahamka iyo taageerada ay siiyeen barnaamijka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagoo tilmaamay in aqoonsigani uu muhiim u yahay dhammaan adeegyada dowladeed iyo kuwa bulshada. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Kaarka Aqoonsiga Qaranku uu yahay albaabka laga galo adeegyada casriga ah ee ay dowladdu qorshaynayso in lagu hormariyo nolosha muwaadinka Soomaaliyeed, sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo ganacsiga. Isagoo ka hadlayay cabashooyinka shacabka ee la xiriira safafka dhaadheer iyo waqtiga dheer ee lagu sugo helitaanka kaarka, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si cad ugu amray Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) in ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu fududeynayo bixinta kaarka. “Shacabka Soomaaliyeed waa ku mahadsanyihiin sida ay u fahmeen waxtarka Kaarka Aqoonsiga Qaranka. Hay’adda NIRA waxaan farayaa in ay u fududeeyaan shacabka helidda kaarka aqoonsiga. Ama xarumaha hala kordhiyo, ama waqtiga shaqada 24 saac hala dhigo waa in aysan hooyooyin dambe meesha noo seex seexan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay ka go’an tahay in muwaadin kasta uu si fudud ku helo aqoonsigiisa qaranka, si loo dardar geliyo nidaamka dowladnimo iyo isku xirka adeegyada kala duwan ee bulshada. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowladda ay garab istaagaan dadaallada NIRA, si loo xaqiijiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo casri ah oo degdeg ah, loona dhiso kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda. Source: goobjoog.com
  23. Muhiimada istaraatijiga ah ee Al Fashir iyo waa maxay waxa ay lumiyeen milatariga iyo faa’iidada RSF? Al-Fashir waa magaalo qadiimi ah oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Suudaan, waxayna ahayd caasimadda gobolka waqooyiga Darfur, dhul taariikh dheer leh, hodan ku ah dhaqamo iyo qabiilooyin kala duwan, isla markaana mar ahaa wadnaha ganacsiga iyo xiriirka u dhexeeya galbeedka Afrika iyo Bariga dhexe. Magaalada waxay qiyaastii 800 kiloomitir u jirtaa caasimadda Khartuum, waxayna ku fadhidaa dhul iska darka buuraley, carro midabkeedu casaanka yahay iyo dhul beereed bacrinta ku habboon oo deegaannada ku xeeran ay si weyn ugu tiirsan yihiin. Dadka deegaanka, oo lagu qiyaaso boqollaal kun, waa kuwo nolol fudud ku nool ,xoolo dhaqato, beeralay iyo ganacsato yar-yar, halka magaalada gudaheeda ay ku yaalaan suuqyo waaweyn oo isku xidha dalagyada miraha, galleyda iyo xoolaha nool ee laga keeno tuulooyinka Darfurta kale. Taariikh ahaan Al-Fashir waxay ahayd xarun uu boqoradii Darfur ku lahaa qalcad iyo qasri, halkaas oo ay safarradii ganacsiga ee ka imaan jiray Fezzan, Chad, iyo Masar ay marayeen, ka hor inta aan saldanaddii Darfur lagu darin dawladnimadii Suudaan ee casriga ah qarnigii 20-aad. Waxa maanta ka dhigay Al-Fashir mid muhiim ah ayaa ah isku dhafka taariikh, juqraafi iyo istiraatiijiyad militari. Magaalada waxay tahay albaabka waqooyi ee Darfur iyo xarun maamul oo muhiim u ah dawladda dhexe. Waxa ay sidoo kale tahay meel xiriirisa magaalooyinka kale ee muhiimka ah sida Nyala iyo El Geneina. Sidaas darteed, cid kasta oo gacanta ku dhigta Al-Fashir waxay si dhab ah u xakameynaysaa jihada waqooyi ee Darfur. Taasi waa sababta ay ciidamada RSF ugu taamayeen in muddo dheer ay gudaha u galaan magaalada, maadaama ay tahay calaamad awood iyo xasillooni siyaasadeed oo ay SAF, ciidanka qaranka Suudaan, weli ku haysteen gobolka. Muddo bilooyin ah Al-Fashir waxay ahayd goob go’doon ah oo RSF ay hareeraysay, iyadoo la gooyey waddooyinka sahayda, la jaray isgaarsiinta, lana kordhiyay weerarrada cirka iyo madaafiicda dhulka , taas oo ugu dambeyntii sababtay in magaalada ay ku dhacdo gacanta RSF. Qabsashada RSF ee Al-Fashir ma ahayn oo keliya guul milatari, balse waxay ahayd calaamad weyn oo muujinaysa isbeddelka awoodda ee ka socda Suudaan. Ciidamadan ka soo farcamay Janjaweed-kii Darfur ee caan baxay intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, waxay magaalada u arkayeen xarun istiraatiiji ah oo ay ku xoojin karaan gacanta ay ku hayaan Darfur oo dhan. Marka ay Al-Fashir ku guuleystaan, RSF waxay heli karaan laba faa’iido oo waaweyn; mid milatari iyo mid siyaasadeed. Dhinaca milatariga, waxay si buuxda u xakameyn karaan waddooyinka sahayda ee isku xira woqooyiga iyo bartamaha Suudaan, halka dhinaca siyaasadda ay ku kasbanayaan kalsooni beelaha qaar iyo awood ay ku sheegan karaan maamulka gobolka. Waxaa sidoo kale jira arrin kale oo RSF u aragto muhiim; Al-Fashir waa magaalo ay ku yaalaan kumannaan xarumo barakacayaal ah oo kasoo qaxay dagaalladii hore ee Darfur, taas oo macnaheedu yahay in cidda maamusha magaalada ay gacanta ku hayso nolosha boqollaal kun oo rayid ah. Si kastaba ha ahaatee, qabsashada magaalada waxaa dhinac socotay khataro waaweyn oo bani’aadamnimo. Warbixino caalami ah iyo kuwa maxalli ahba waxay sheegayaan in RSF ay fulisay dilal xasuuq ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, iyadoo lagu eedeeyay in ay beegsatay qabiilooyin gaar ah oo aan Carab ahayn, kuwaas oo ku nool waqooyiga Darfur. Xogaha laga helay hay’adaha samafalka iyo warbaahinta caalamka waxay tilmaamayaan in kumannaan qof lagu laayay duleedka Al-Fashir, iyadoo meelo ay rayidku isku dayayeen in ay ku dhuuntaan la weeraray ama la gubay. UNICEF iyo Qaramada Midoobay waxay ku tilmaameen xaaladda magaalada mid argagax leh , maadaama in ka badan 800,000 carruur ah ay halis ugu jiraan gaajo iyo cudurro ka dhashay go’doonka iyo dagaalka. Dhakhaatiirta deegaanka ayaa sheegay in isbitaalladii magaalada ay ka dhammaadeen dawo, halkii dadkii dhaawaca ahaanna ay isbitaallada uga daba yimaadeen dagaalyahannada RSF oo toogasho ka geystay gudaha isbitaallada. Su’aasha muhiimka ah ayaa ah maxay RSF dadka rayidka u beegsanaysaa haddii ay magaalada qabsadeen? Jawaabta waxaa laga raadin karaa dhaqanka dagaalka ee kooxdan oo muddo dheer lagu eedeeyay in ay isticmaasho cabsi gelin iyo nadiifin qowmiyadeed si ay u xoojiso xukunkooda, laakin qabsashada Al Fashir ayaa dunidda oo dhan tustay dagaalyahannada RSF inay yihiin kuwa ka fog bani’aadanimada oo arxan darran, qof walbana wuxuu arkay wajiga wasaqda ah ee kooxdan oo aan anshax barin dagaallamayaashooda. Al-Fashir waxaa ku badan beelaha Zaghawa iyo Fur qowmiyado aan Carab ahayn oo taariikh ahaan xiriir adag la lahaa ciidanka caadiga ah ee Suudaan (SAF). RSF, oo ay hoggaaminayaan madax u badan beelaha Carabta ee reer koonfureedka Darfur, waxay u arkayeen in ka saarista kooxahan ay muhiim u tahay in ay xasiliso xukunka magaalada iyo in ay jabiyaan meel kasta oo taageero ka heli karto SAF. Sidaas darteed, weerarrada lagu qaaday xaafadaha dadka aan Carabta ahayn waxaa loo arkaa qayb ka mid ah xeelad dagaal ah oo lagu burburinayo dhidibka taageerada cadowgooda. Dhanka kale, ciidamada qaranka Suudaan waxay lumiyeen wax ka badan magaalo , waxay lumiyeen calaamaddii ugu dambeysay ee awoodda dawladnimada ee gobolka Darfur. Ilaa hadda Al-Fashir waxay ahayd magaaladii ugu dambeysay ee nidaam dawladeed ka jiro oo ka tirsan Darfur oo ay haysteen. Halkaas waxaa ku yaallay xarumo ciidan, isbitaallo dawladeed, iyo maamul goboleedyo hoos imanayay Khartuum. Marka RSF ay gacanta ku dhigto magaalada, waxay ka dhigan tahay in milatariga Suudaan uu ka baxay gobolka oo dhan, isla markaana ay waayeen meel ay ku keydiyaan sahay, hub iyo ciidamo. Waxaa sidoo kale saameyn ku yeelatay sumcadda ciidamada qaranka, maadaama luminta Al-Fashir ay muujisay daciifnimadooda difaac iyo isku xirnaanta hoggaankooda. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in maalmo ka hor inta aysan RSF gudaha u gelin, ciidamada qaranka ay isaga baxeen qaybo ka mid ah magaalada, iyagoo ka cabsi qaba in ay hareereeyaan RSF oo hub iyo ciidamo badan haysta. Faa’iidada RSF ka hesho gacan ku haynta Al-Fashir waa mid aad u ballaaran. Marka hore, waxay helayaan meel dhexe oo ay kaga dhaqaaqi karaan hawlgallo kale oo Darfur ah, isla markaana ay ku urursan karaan sahay, hub iyo dhaqaalaha lagu xakameeyo suuqyada iyo canshuurta deegaanka. Marka labaad, waxay awood u leeyihiin in ay abuuraan maamul maxalli ah oo ay ku magacaabaan saraakiishooda, taas oo siinaysa muuqaal dawladnimo oo iyaga gaar ah. Marka saddexaad, waxay kasbanayaan sumcad siyaasadeed oo ka dhigaysa in ay isu arkaan awood la mid ah dawlad. Haddii ay sii hayaan Al-Fashir muddo dheer, RSF waxay noqon karaan xoog siyaasadeed oo ka madax bannaan dowladda dhexe ee Khartuum, taas oo keeni karta kala go’ ama nidaam laba dawladood ah oo dalka Suudaan kusoo food leh. Ugu dambeyntii, Al-Fashir waa indhaha Darfur, qalbiga waqooyiga Suudaan, iyo imtixaanka ugu adag ee muujinaya halka uu u socdo mustaqbalka Suudaan. Qof kasta oo doonaya inuu fahmo Suudaan maanta waa inuu fahmaa waxa ka socda Al-Fashir ,sababtoo ah halkaas ayaa laga arki karaa isbeddelka ugu weyn ee awoodda, kala qaybsanaanta, iyo dagaalka cusub ee ku saleysan cidda u qalanta in ay xukunto dhulkaas qadiimiga ah. Dagaalkaas, sida muuqata, wali ma dhammaan, balse Al-Fashir waxay horey u noqotay calaamaddii ugu weynayd ee beddeshay taariikhda dagaalka Suudaan. Source
  24. Garsoorka Iran ayaa dalbaday in lagu ganaaxo 170 milyan oo doolarka Mareykanka ah mulkiilaha markab xamuul ah oo horaantii sanadkii hore lagu qabtay gacanka Persian, laguna eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Israel. Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ayaa markabka la wareegay 20 bilood ka hor bishii April 2024 waxayna xidheen 25 ka mid ah shaqaalihii markabka, kuwaas oo qaarkood markii dambe la sii daayay. Sannadkii hore, isla markii uu baahay warka ku saabsan qabashada markabka “meel u dhow marinka Hormuz”, ayaa la sii daayay muuqaal muujinaya ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran oo markabka ku galay diyaarad helikobter ah. Asghar Jahangir, oo ah afhayeenka garsoorka Iran ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Tehran ku yidhi: “Qaar ka mid ah konteenarada markabkan waxay sideen walxo khatar ah oo waxyeello leh, kuwaas oo marka loo eego sharciga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee xeebaha Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan, lagu helay inay ku xad-gudbeen mabaadi’da marinka ee in ah in si dhib la’aan ah lagu maro, ayna khalkhal geliyeen nabadda, nidaamka, iyo amniga gobolka.” Waxa uu sheegay in dacwad ka dhan ah shirkadda iska leh markabkaasi la gudbiyay taa oo lagu eedeeyay “maalgelinta argagixisada”, arrintaasina ay ku socoto dib u eegis dhanka garsoorka ah, balse aan weli la cayimin xilliga la qaadi doono dacwadda. Asghar Jahangir ayaa sheegay in mulkiilaha markabka uu yahay “qof saameyn ku leh” dawladda iyo “kaaliyaha dhaqaale” ee ciidamada badda Israel. Maraykanka ayaa falkaasi ku tilmaamay mid “budhcad badeed” isagoo dalbaday in lasii daayo shaqaalahooda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa sidoo kale ugu baaqay Midowga Yurub in ay Ilaalada Kacaanka Iran ku darto “ururada argagixiso”. Sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay garsoorka dalka Iran, markabkan marka laga reebo shixnaddiisa ayaa qiimihiisu dhan yahay 170 milyan oo doolar, wuxuuna siday 2,760 konteenar. Markabkan oo lagu magacaabo MSC Aris, isla markaana ku socda calanka dalka Portugal ayaa waxaa iska leh shirkadda Zodiac Shipping oo hore dhowr markab lagaga qabsaday biyaha ku teedsan dalka Iran. Markii la qabtay markabka, Zodiac Shipping wuxuu sheegay in aanay mas’uul ka ahayn markabka, inkastoo uu xidhiidh la leeyahay MSC. Zodiac wuxuu sheegay inay “si buuxda mas’uul uga tahay” xamuulka, shaqaalaha iyo waddada uu qaadayay. Source
  25. Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa shaaciyay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), uu waraaqo rasmi ah u diray Hoggaamiyeyaasha 193ka waddan ee caalamka oo ay ku jirto Israa’iil, kuwaasi oo uu ku booriyay inay si rasmi ah u aqoonsadaan madaxbannaanida JSL. Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA,waxaannu tibaaxay in tallaabadaasi ka turjumayso diblomaasiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee aan leex-leexadka lahayn ee ku wajahan xoojinta masiirka dalka. Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay xaq u leedahay inay iskaashi caalami ah la yeelato dunida, isla markaana ay sii taabogeliso nabada iyo dimuqraaddiyadda dalkeeda. Xuseen Deyr wuxuu xusay in muddo ka badan 30 sannadood ay JSL ka soo dhalaashay adkaynta xasiloonida, nidaamkeeda dawladnimo iyo horusocodkeeda dhaqan dhaqaale, iyadoo is bixisay aqoonsi la’aan oo aan helin taageero shisheeye. Afhayeen Deyr wuxuu bayaamiyay in Qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay tahay mid sharci ah, oo istaraatiji ah oo muujinaya ummad xor ah oo doonaysa inay hantaan mustaqbalkooda isla markaana ay door shariif ah ka qaataan nabadda iyo barwaaqada caalamka. Source