Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,813
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena waa la la’yahay ka dib markii ay ku soo duntay meel dhagax laga qodo oo ku taal Indonesia, Samatabbixiyeyaasha ayaana waxay horeba uga soo saareen dad dhaawac ah oo burburka ku hoos jira. Sidoo kale Samatabbixiyeyaasha ayaa raadinaya dhibanayaal waxyeello ka soo gaartay dhacdadan ka dib markii dhagxaan dabiici ah ay ku soo duntay degmada Cirebon ee gobolka Java ee galbeedka Indonesia. Ugu yaraan 10 qof ayaa inta la xaqiijiyay ku dhimatay dhacdadan, iyadoo hay’adda musiibooyinka ee dalkaasi ay sheegtay in ay socdaan dadaallo lagu baadigoobayo dad la la’yahay oo ku hoos aasay burburka. Dalka Indonesia ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca musiibooyin soo noq noqda sida foolkaano, dhul go’ iyo fatahaado saameyn ku yeesha qaar kamida gobollada dalkaas. Source: goobjoog.com
  2. Tahriibku waa arrin sii kordheysa oo saameyn weyn ku leh dhalinyarada Soomaaliyeed. Kumannaan dhalinyaro ah ayaa sanad walba halis gelinaya noloshooda iyagoo doonaya nolol wanaagsan, nolol ka fog colaadda, shaqo la’aanta, iyo fursad la’aanta ka jirta gudaha dalka. Dhacdadii u dambeeysay waxay ka dhacday badda Mediterranean-ka, kadib markii doon ay saarnaayeen dhalinyarro Soomaaliyeed ay degtay, taasoo keentay geerida in ka badan 20 qof. Dhalinyaradaasi waxay u socdeen Jaziiradda Palma ee dalka Spain iyagoo rajaynayay nolol ka wanaagsan tan ay ka tageen. Waxaa la sheegay in doontu la kulantay xaalad adag, iyadoo la rumeysan yahay in rakaabka ay u dhinteen haraad, nafaqo-darro, iyo kaliisha qorxda. Waa dhacdo murugo leh oo muujinaysa halista sii kordhaysa ee tahriibka. Safarka Aljeria iyo Spain ee dhanka Badda aya hadda ah halista ugu wayn ee ay wajahayaan dhalinyarada nolosha u raadsanaya Qaaradda Yurub. Maxaa Dhalinyarada ku Riixa Tahriibka? Dhibaatooyinka dhaqaale, amni darro, iyo rajada ah in la gaaro nolol wanaagsan oo Yurub ama Waqooyiga Ameerika ka jirta ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee dhalinyaradu u tahriibaan. Qaar badan oo ka mid ah dhalinyaradaasi waxay u arkaan safarka badda mid ay ka suurogal tahay in uu horseedo nolol cusub, inkasta oo ay ogyihiin halista ay wajahayaan. Doomo badan oo ay saarnaayeen tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa ku degta badda Mediterranean-ka, halkaas oo boqolaal qof ay ku naf waayaan. Geeridu maaha halista kaliya; qaar ayaa la kulma jirdilka ma gefayaasha Libya, xabsi sharci darro ah, iyo xadgudubyo bini’aadanimo xilliga ay marayaan dalalka qaar. Maxaa Looga Gudbi Karaa? Si loo yareeyo tahriibka, waxaa muhiim ah in: – Fursado shaqo: waa muhiim in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado shaqo oo ah caqabada ugu wayn ee keentay in dhalinyaro badan ay isaga quustaan inay dalka joogaan. – Dhalinyarada laga wacyi-geliyo halista tahriibka. – Dowladdu ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah si loo xakameeyo tahriibka sharci darrada ah. Tahriibku waa dhibaato qaran, mana ahan keliya arrin ku saabsan socdaalka, balse waa astaan muujinaysa baahida loo qabo isbeddel dhab ah. Ilaalinta nolosha dhalinyarada waa masuuliyad wadareed u baahan ka qaybgal bulsho, hay’adaha dowliga ah iyo kuwa caalamiga ah. Source: goobjoog.com
  3. Haweeney u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu xukumay madaxaa ha ku furto, ka dib markii lagu helay in ay iibisey inanteeda oo lix sano jir ah. Waxaa sidoo kale xabsiga loo taxaabay labo qof oo gacan ka siiyey fal dambiyeedka. Xukunka Racquel “Kelly” Smith, nin ay wada socdeen oo lagu magacaabo Jacquen Appollis iyo saaxiibkood Steveno van Rhyn ayaa yimid muddo hal sano ah ka dib markii la waayey Joshlin Smith oo markii dad ugu war dambeysey ku sugneyd gurigooda oo ku yaal meel u dhow magaalada Cape Town. Inkastoo la qaaday hawgal ballaaran oo gabadha maqan lagu baadi-goobayey, haddana illaa hadda lama hayo meel ay jaan iyo cirib dhigtay. Dacwad-oogeyaasha Koonfur Afrika ayaa shegay in inanta laga iibiyey dad wax addoonsada wallow aan caddeyn buuxda la soo bandhigin intii dacwaddu socotey. Waxaa la rumeysan yahay in Racquel Smith oo ah qof balwd dilootay ay u baahneyd lacag, taasina ay ku riixdey in ay gabadheeda iibsato Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Joshlin ayeydeed Xukunka saddexdan qof ayaa daba socdey siddeed todobaad oo ay saarnaayeen maxkamad soo jiidatay indhaha dadweynaha Koonfur Afrika, tiiyoo marqaatiyaal iyo dacwad oogeyaal badan ay halkaas ku soo bandhigeen eedo lala fajacay. Garsoore Nathan Erasmus ayaa mar uu ku dhawaaqayey xukunka wuxuu sheegay in aysan jirin “wax farqi ah oo u dhexeeya dambiga loo haysto saddexda qof,” sidaas darteedna u uku xukumay xabsi daa’im. “Eedda la xiriirta iibgeynta qof bini’aam ah, waxaa la idin ku xukumay inta aad nooshihiin oo xabsi ah, eedda la xiriirta afduubkana, waxaad ku muteysateen toban sano oo xarig,” ayuu garsooruhu cod dheer ku yiri; go’aankaas oo dadweynahihii maxkamadda dhegeysanayey ay sacab xooggan ku soo dhaweeyeen. Garsoore Erasmus ayey ku qaadatay wax ka badan hal saac in uu ku dhawaaqo xukunka, maadaama uu si miisaaman u guudmarayey dhammaan arrimihii xusidda mudnaa ee kiiska ku gedaamnaa muddadii dawaddu soo jiitameysey. Garsooruhu wuxuu canbaareeyey saddexda qof ee dambiga lagu qaaday, gaar haan waalidka gabadha oo uu sheegay in aysan wax qoomamo ah ka muujin ficilladooda. “Ma hayo wax qiil ama laab duleec ah oo ay ku muteysan karaan wax ka yar muddada aan ku xukamay,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale ka hadlay saameynta fooshaxun ee dhaqankoodu ku yeesheen beesha Middelpos, halkaas oo gabadhu ku nooleyd oo sida uu sheegay falkani uu “dhaawacay”. Racquel “Kelly” Smith oo 35 sano jir iyo dadkii falkan ku gacan siiyey midna ma muujin wax qashuuc iyo jixinjix ah haba yaraatee ma muujin intii xukunkooda oo ka dhacay deegaanka Saldanha lagu dhawaaqayey. Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Kelly Smith oo diidey in uu marqaat ka furo maxkamadda Boolisku waxay sheegeen in baadi-goobka gabadha yar uu sii socon doono, xitaa haddii raadkeedu ka gudbo soohdimaha Koonfur Afrika Garsoore Nathan Erasmus ayaa mar uu ku dhawaaqayey xukunka wuxuu sheegay in aysan jirin “wax farqi ah oo u dhexeeya dambiga loo haysto saddexda qof,” sidaas darteedna u uku xukumay xabsi daa’im. “Eedda la xiriirta iibgeynta qof bini’aam ah, waxaa la idin ku xukumay inta aad nooshihiin oo xabsi ah, eedda la xiriirta afduubkana, waxaad ku muteysateen toban sano oo xarig,” ayuu garsooruhu cod dheer ku yiri; go’aankaas oo dadweynahihii maxkamadda dhegeysanayey ay sacab xooggan ku soo dhaweeyeen. Garsoore Erasmus ayey ku qaadatay wax ka badan hal saac in uu ku dhawaaqo xukunka, maadaama uu si miisaaman u guudmarayey dhammaan arrimihii xusidda mudnaa ee kiiska ku gedaamnaa muddadii dawaddu soo jiitameysey. Garsooruhu wuxuu canbaareeyey saddexda qof ee dambiga lagu qaaday, gaar haan waalidka gabadha oo uu sheegay in aysan wax qoomamo ah ka muujin ficilladooda. “Ma hayo wax qiil ama laab duleec ah oo ay ku muteysan karaan wax ka yar muddada aan ku xukamay,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale ka hadlay saameynta fooshaxun ee dhaqankoodu ku yeesheen beesha Middelpos, halkaas oo gabadhu ku nooleyd oo sida uu sheegay falkani uu “dhaawacay”. Racquel “Kelly” Smith oo 35 sano jir iyo dadkii falkan ku gacan siiyey midna ma muujin wax qashuuc iyo jixinjix ah haba yaraatee ma muujin intii xukunkooda oo ka dhacay deegaanka Saldanha lagu dhawaaqayey. Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Kelly Smith oo diidey in uu marqaat ka furo maxkamadda Boolisku waxay sheegeen in baadi-goobka gabadha yar uu sii socon doono, xitaa haddii raadkeedu ka gudbo soohdimaha Koonfur Afrika. “Ma nasan doonno inta aan ka dabatageyno heleyno Joshlin ama aan ka ogaaneyno waxa ku dhacay. Waan sii wadi doonnaa raadinteeda habeen iyo maalin,” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Western Cape Thembisile Patekile oo saxaafadda la hadlay. Hay’adda Dambi-oogeyaasha Qaranka ee loo yaqaan (NPA) ayaa soo dhaweysey xukunkan, waxayna bogaadiyeen hawsha ay qabteen kooxdii ku jirtey kiiska ee xaqiijiyey Joshlin la iibiyey, dabadeedna loo geeyey ciddiii gadatay, si loo “addoonsado”. Waxaa xusid mudan in magaca dadka la sheegay in ay gabadha yar gateen la mashaacin intii lagu gudajirey dhegeysiga dacwadda. BBC-da waxay NPA weydiisey faahfaahin dheeri ah oo la cxiriirta kiiska, balse wax jawaab ah kama helin. Qiirada dadweynaha ka soo qaybgalay fadhiga maxkamadda ayaa ahaa mid aad u kacsan, waxaana la arkayey bulshada deegaanka falkani ka dhacay oo aad ugu careysan saddexda qof ee xukunku ku dhacay Bbcsomali Qaran News
  4. Kenya iyo Soomaaliya waxay wadaagaan xuduud dheer, dano dhaqaale, amni iyo xiriir taariikhi ah oo ay gundhig u tahay tixgelinta midnimada iyo madax-bannaanida labada dal, ganacsiga, iyo iskaashiga siyaasadda heer gobol iyo midda caalamiga ahba. Inkastoo curfiga ee xiriirka laban dal ee deris ahi uu mabaadii’ lama dhaafaan ah ku dhisanyahay, haddana mararka qaar Kenya waxay qaataa tillaabooyin xadgudub bareer ah ku ah dowladnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, ayadoo faragelinta toos ah ku samaysa arrimaha gudaha JFS. Tusaalaha muuqda ee arrintani waa sida ay Kenya ula dhaqato dowlad federaalka iyo Soomaaliland , kuwaas oo dowladda Kenya ay xariir toos ah la yeedahay mararka qaarna ay diyaarado gaar ah u soo dirto si ay daneheeda ugala xaajooto. Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Kenya waxay u bareertay inay tillaabooyin toos u wiiqaya deris wanaagga iyo jiritaanka qaranimo ee Soomaaliya, ayadoo isku dayday inay badda Soomaaliya xoog ku qaato, sidoo kalena ciidamadeeda Jubbooyinka iyo Gedo ka howlgala u adeegsatay dano siyaasadeed oo xadgudub ku ah JFS. Soomaaliya waqtigaas waxay ku dadaalaysay in ay siyaasad daris wanaag kula dhaqanto dalalka soohdinta la leh, balse waxay si weyn uga dhidisay damaca Kenya ee bad-doonka iyo dhul ballaarsiga ah, ayadoo kiiskii badda maxkamadda caalamiga ah geysay, sidoo kalena guddi qeymayn ah u saartay darbi ay Xukuumadda Uhuru Kenyatta ka dhisaysay xad-beenaadka. Dowladdii madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddii Uhuru Kenyatta waxay si weyn ugu dagaalamayeeen deegaannada Jubbaland, ayadoo madaxda Kenya ay xilligaas dhawr oggolaansho la’aan ku yimaadeen Kismaayo iyo Dhoobley, islamarkaana ay si bareer ah u jabiyeen go’aamo ay soo saartay XFS. Isla muddo xilleedkaas Kenya waxay xoojisay xariirka Soomaaliland, ayadoo Uhuru Kenyatta oo qasriga madaxtooyada dalkaas si heer sare ah ugu qaabilay muuse Biixi, sidoo kalena oggolaansho siiyay furitaanka Xafiis Dublamaasiyadeed oo Soomaaliland ku yeelato Nairobi. Soomaaliland oo faragelinta Kenya ka jawaabaysa ayaa xilligaas qaaday tillaabooyin ay kamid yihiin joojinta qaadka, iyo xariirka dalkaas oo hoos loo dhigay, islamarkaana ku dhawaaday kala goosasho dublumaasiyadeed oo dhammaystiran. Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ruto Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la doortay sanadkii 2022-kii ayadoo xariirka laba dal go’anyahay, sidoo kalena Soomaaliya ay mamnuucday qaadka Kenya ka yimaada, balse madaxweynuhu wuxuu fasaxay qaadkii, sidoo kalena wuxuu xariir wanaagsan iyo saaxiibtinimo u muujiyay Madaxweyne William Ruto oo isla xilligaas la doortay. Xariirka laba dal ayaa rajo weyn laga qabay inuu noqdo mid deris wanaag iyo ixtiraam ku dhisan, balse Xukuumadda Ruto waxay sanadihii la soo dhaafay qaatay tillaabooyin cad cad oo xadgudub toos ah ku Soomaaliya, waxayna xoojisay faragelinteeda Jubbaland, ayadoo sidoo kale Soomaaliya ka reebtay dalalka ay dadkooda visa la’aanta ku tagi karaan dhulkeeda. Sidoo kale Kenya waxay dhowaan war saxaafadeedyo is diiddan ka soo saartay safarka Madaxweynaha Soomaaliland, ayadoo xilli sheegtay inay aqoonsatahay midnimada Soomaaliya, xilli kale sheegtay inay joojisay xafladdii jarig jarka xaafiiska Soomaaliland, madaxweyne cirrana dhaqmayso sida hoggaamiye maamul goboleed. Inkastoo war-saxaafadeedyo arrintaas ku saabsan ay baahisay Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, haddana dowladda dalkaasi waxay oggolaansho buuxa oo xaafiis siyaasadeed ah siisay Soomaaliland, madaxweyne Ruto si meeqaam sare ah ayuu u qaabilay Cirro,xafladdii xarig jarka xaafiisku si heer sare ah ayay u dhacday, sidoo kalena madaxda Soomaaliland waxaa lagu casuumay xarunta Baarlamaanka Kenya. Si kastaba ha ahaatee Kenya waxay sheegtaa inay taageersan tahay midnimada Soomaaliya iyo inaysan faragelin ku hayn arrimaheeda gudaha, balse marnaba kama waantowdo ku dhiirashada tillaabooyinka dhaawacaya madax-bannaanida JFS. Source: goobjoog.com
  5. Dowladda Spain ayaa si adag u cambaareysay go’aanka maamulka Israa’iil ku ansixisay dhismaha 22 deegaan oo cusub oo laga hirgelinayo Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo tallaabadan ku tilmaamtay mid si cad ugu xadgudbeysa sharciga caalamiga ah, isla markaana carqaladeynaysa dadaallada nabadeed ee gobolka. Bayaan rasmiga ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Spain ayaa si qeexan u muujiyay mowqifka cad ee Madrid ka taagan tahay arrinta Falastiin, iyagoo sheegay dhismaha deegaannada cusub ee sharci darrada ah ay si toos ah u wiiqayaan suurtagalnimada xal waara oo ku saleysan labo dowladood, ayna khatar weyn ku tahay xasilloonida iyo nabadda gobolka.” Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in siyaasadda deegaamaynta ee Israa’iil ay si buuxda uga hor imanayso qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan Xeerka Afaraad ee Geneva, kaasoo mamnuucaya in dowlad qabsatay dhul ay u rarato dadkeeda si ay ugu degaan dhulkaasi. Spain ayaa ku baaqday in Israa’iil ay si degdeg ah u joojiso qorshayaasheeda ku aaddan balaarinta deegaamada sharci darrada ah, ayna dib ugu laabato wada-xaajood dhab ah oo la taaban karo. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ambasador Daahir Maxamuud Geelle oo ku biiray mucaaradka dowladda ayaa caawa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay sababta uu isaga casilay xilkii la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Carabta iyo ku biiritaantiisa Mucaaradka. “Aniga sideydaba xilka aan dowladda ka hayo hadii aana si madax-banaan u guda karin, aragteydeydana aysan tix-gelin laheyn waan iska wareejiyaa shaqada,” ayuu yiri Daahir Geelle. Wuxuu sheegay in khilaafka isaga iyo madaxda dowladda uu soo bilowday bishii October 2024, xiligaas oo Madaxweynaha uu ugu tegay Dhuusamareeb oo uu deganaa, kadibna uu kala taliyey qodobo markaas miiska u saaraa dowladda. “Waxaa qodobadaas kamid ahaa in la joojiyo qorshaha lagu baabi’inayo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo madaxweyne ku xigeen lagu bedeli rabay, waxaan xiligaas madaxeynaha kala soo hadlay in aysan munaasab ahayn in Soomaaliya ay qaadato nidaamka Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Geelle. Sidoo kale Daahir Geelle ayaa sheegay in markii uu gudaha joogay oo dowladda uu ku dhex jiray uu madaxda la wasaagi jiray taladiisa, halka markii uu banaanka joogana uu lamid yahay muwaadiniinta kale ee markii ay doonaan warbaahinta u mariya talooyinkooda. Sidoo kale, Daahir Geelle ayaa la weydiiyey waxa ay ka ogyihiin wararka sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ‘mucaaradka ku dhex-darsaday dad u soo uruuriya xogta iyo go’aanadooda ka dhanka ah’ xukunkiisa. “Anagu waan isku kalsoonahay, waxaasna ma ogin, jaajuus iyo lugooyo waxaa loo dirsadaa cadowga, marka waxaas uma baahna Madaxweynuhu, anaga aragtideena banaanka ayey taalaa wax noo qarsoona ma jiraan, war-saxaafadeed aan ku cadeyneyno waxa aan diidanahay ayaan soo saari doonaa,” ayuu yiri Daahir Geele. Daahir Geelle ayaa sheegay inay diidan yihiin wax ka bedelka aan la isla ogeyn ee dastuurka iyo doorashooyinka in loo dhigo hanaan lagu wada qanacsan yahay. Ugu dambeyntii wuxuu cadeeyey in Farmaajo aan loo diidin madasha, balse isagu uu iskiis uga haray, “Farmaajo waa madaxweyne hore, hadana raba in dib loo doorto, dadka qaar waa la saxnaa, qaarna waa la qaldanaa, marka ma jirto cid wax u diiday waa muwaadin waa imaanayaa dalkiisa waana tartamayaa,” ayuu yiri.
  7. Waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa geerida naxdinta leh ee ku timid aqoonyahan Cabdilqaadir Kaahin Faras oo ku geeriyooday Magaalada Burco maanta oo ay bishu tahay 30.5.25 dhamaan qoyskii iyo ehelkii iyo ummadda reer s. Lanba inuu Samir iyo iimaan ka siiyo xisaabtana u fududeeyo ilaahay haw naxariisto aamiin yaa allaah. Cabdi Bacaw Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa kulankii ugu horeeyey la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beelaha Mogadishu Clan. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye ayaa hogaaminayey odayaasha caawa la kulmay Muungaab. Nabadoonada, Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka hoygiisa kusoo booqday Duqa Cusub ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay in markale loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Odayaasha ayaa kala hadlay guddoomiyaha shaqooyinka horyaalla oo ay ugu horeyso in Muqdisho loo sameeyo Gole Deegaan oo soo doorta Guddoomiyaha. Ugu dambeyntii, odayaasha ayaa ugu duceeyay in uu eebe kula garab galo masuuliyadda loo igmaday, iyagoo ka balan-qaaday inay la shaqeynayaan. Guddoomiye Muungaab ayaa markii labaad loo soo magacaabay gobolka Banaadir, wuxuuna ku soo aaday xilli aad loogu baahan yahay in wax laga bedelo hab-maamulka gobolka Banaadir. Muungaab ayaa bedelay Guddoomiye Maxamed Amiir oo noqday guddoomiyihii ugu muddo xileedka yaraa oo xafiiska joogay lix bilood kaliya.
  9. Yesterday, Kenyan President William Ruto (right) informally received the President of the Somaliland Administration, Abdirahman Mohamed Abdullahi. Nairobi (PP News Desk) — A day after the Kenyan Foreign Ministry issued a clarification regarding the Somaliland Administration’s Liaison Office in Nairobi, reaffirming its commitment to respecting the sovereignty of the Federal Republic of Somalia, the Ministry’s official website has come under scrutiny for listing a non-existent embassy of the self-proclaimed “Republic of Somaliland.” “This contradictory position requires urgent rectification by the Kenyan government,” said a senior Somali diplomat. As a member of both the African Union and the East African Community, Kenya is obliged to respect the sovereignty and territorial integrity of fellow member states. The listing of the secessionist Somali administration’s liaison office as an embassy in Nairobi has raised serious questions about the competence of senior officials at the Foreign Ministry. Update:The Kenyan Foreign Ministry has rectified the error and removed the inaccurate designation of the Somaliland Administration Liaison Office as an “Embassy”. An investigation is reportedly under way into allegations that the website administrators may have been bribed. “No official at the Kenyan Foreign Ministry could have authorised the inclusion of the Somaliland Liaison Office in Nairobi as number 20 on the list, right next to the Embassy of the Federal Republic of Somalia,” commented a Kenyan journalist. Yesterday, Kenyan President William Ruto informally received the President of the Somaliland Administration, Abdirahman Mohamed Abdullahi. Despite this meeting, Kenya officially considers the Somaliland Administration to be a Federal Member State of Somalia. The listing of the liaison office as an embassy on an official government platform remains both inaccurate and diplomatically problematic. © Puntland Post, 2025 The post Somalia Demands Correction After Kenya Lists Somaliland Administration Liaison Office as Embassy appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si maad ah uga fal-celiyay dib u dhaca ku yimid war-murtiyeedkii la fiyay in mucaaradka uu kasoo saaro shirka maalmihii dambe uga socday magaalada Muqdisho. Inkasta oo markii hore warbaahinta ka howl-gasha caasimadda looga yeeray hoteel Jazeera oo ah goobta uu ku shirsanaa mucaaradka, haddana lama sii dayn war-murtiyeedka shirka, iyadoo mucaaradka uu sheegay in loo baahday la tashiyo dheeraad ah, illaa habeen dambena uu soo bixi doono bayaanka. Intaas kadib waxaa warbaahinta saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay muuqaalka Daahir Maxamuud Geelle oo telefishanada qaar u dhigeen war-murtiyeed kasoo baxay shirka, kaasi oo uusan ku jirin wax nuxur ah, marka laga imaado weerarka hoggaanka sare ee dalka iyo inuu baaqday war-murtiyeedkii la filayay. Fiqi oo daba socda arrinta dhacday iyo in uu hoos u degay saameyntii bayaanka mucaaradka ayaa kusoo hal qabsaday sheeko faneed, taas oo u dhigneyd sidan: Waxaa jirtay sheeko ah “in buur weyn ay bilowday inay ruxanto oo ay samayso dhawaaqyo culus iyo dildilaacyo xooggan sida in ay qarxi doonto oo kale. Dadkii aagga ka ag-dhowaa oo dhan ayaa isku soo baxay cabsi iyo welwel awgii iyagoo wadnaha farta ku haya oo sugaya waxa ka soo bixi doona buurtaas weyn. Qof walba wuxuu filayay in buurta dab xooggan ka soo bixi doono, ama balaayo kale oo naxdin leh, ama masiibo wayn ay banaanka iman doonto. Laakiin kadib ruxmid, gariir badan iyo cabsi dheer, wax walba waxa ay ku soo dhammaadeen iyadoo jiir yar oo keliya foolatay.
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo “Jamhuuriyad” ugu yeertay Somaliland, oo caalamku u aqoonsan yahay maamul ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa soo saartay liiska rasmiga ah ee safaaradaha iyo deegaannada diblomaasiyadeed, waxaana liiskaas kasoo muuqatay Somaliland oo sidata magaca “Jamhuuriyadda Somaliland”. Liiskan ayaa waxaa si siman uga soo wada muuqaanaya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Somaliland oo sidata magaca “Jamhuuriyadda”. Dowladda Kenya ayaa sida muuqata u bareertay arrintaan, iyadoo maanta si weyn Madaxtooyadda ugu soo dhaweysay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro. William Ruto oo qaabilay Cirro ayaa waxay ka wada-hadleen iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka diyaaradaha. Sidoo kale waxay diirada saareen xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika . Si kastaba, Tallaabada ay qaaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa imanaysa xilli ay Xukuumaddu Nairobi u ogolaatay Somaliland inay xafiiskeeda Kenya loo dalacsiiyo heer diblomaasiyadeed oo la mid ah “Mishanka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kenya,” taas oo ka sarreysa heerkii hore ee xafiiska, kaasoo ahaa xafiis isgaadhsiineed (liaison office). Dowladda Kenya ayaa markii hore diidday furitaanka xafiiska sabab la xiriirta darajada cusub ee loo beddelay, taasoo abuurtey dareen siyaasadeed, maadaama ay Nairobi sidoo kale xiriir wanaagsan la leedahay Muqdisho, hase yeeshee ugu dambeyntii wey ogolaatay iyadoo uu shalay xarigga ka jaray Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Illaa hadda ma jirto wax fal-celin ah oo arrintaan ay ka sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dowladda Kenya ay kula kacday xad-gudubka. Waxaana isha lagu hayaa sida ay Muqdisho uga jawaabto arrintaan.
  12. Jowhar (HOL) — Somalia’s electoral commission has announced that by-elections for two vacant parliamentary seats, HOP097 and HOP098, will be held in Jowhar on Saturday, following the deaths of MP Khadija Mohamed Diiriye and MP Mohamud Mohamed Jimcale (Seeseey). Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan muhiim ah la qaatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Dalka Kenya (Speaker of the National Assembly), Mudane Moses Masika Wetangula. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo weli ku sugan dalka Kenya safar shaqo oo rasmi ah, ayaa kulan midho-dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Kenya, Mudane Moses Wetang’ula. Kulankaasi waxa Madaxweynaha ku wehelinayey xubno sare oo ka tirsan wefdigiisa, xildhibaano labada dhinac ka socday, iyo mas’uuliyiinta sare ee Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee Nairobi. Kulankan waxa uu ku dhisnaa is-ixtiraam iyo aragti-wadaag. Qodobada ugu muhiimsan ee lagaga wadahadlay waxa ka mid ahaa: 1. Iskaashiga Baarlamaanada labada dal: In la helo dariiqooyin lagu xoojin karo xidhiidhka sharci-dejinta ee Somaliland iyo Kenya, iyadoo loo marayo wadahadallo, booqashooyin rasmi ah, is-weydaarsi aqooneed, iyo iskaashi hay’adeed. 2. Kor u qaadista hannaanka dimuqraadiga ah: Labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay wadaagista khibradaha ku saabsan dhaqan-galka dimuqraadiyadda, horumarinta hannaanka doorashooyinka, iyo korjoogteynta shaqada baarlamaanada. 3. Xasilloonida Gobolka iyo Horumarka: In la adkeeyo doorka ay Goleyaasha Sharci-dejintu ku leeyihiin nabadda, amniga, iyo horumarka waara ee guud ahaan gobolka Geeska Afrika. 4. Taageerada socdaalka dimuqraadiyadeed ee Somaliland: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu muujiyay farxaddiisa ku aaddan sida Kenya u fahansan tahay una garawsatay horumarka siyaasadeed iyo kan dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay Somaliland. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Kenya, Mudane Moses Wetang’ula, ayaa dhankiisa si diirran u soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdigiisa. Waxa uu si weyn u amaanay xasilloonida, nabadda, iyo dimuqraaddiyadda qaan-gaadhka ah ee ka hanaqaadday Somaliland. Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha u xaqiijiyey in Golaha Shacabka ee Kenya uu diyaar u yahay in uu yeesho wada-shaqayn buuxda oo dhex marta Goleyaasha Sharci-dejinta ee Somaliland. Sidoo kale, Guddoomiye Wetang’ula waxa uu caddeeyay in Golehiisu uu diyaar u yahay in uu hirgeliyo dhammaan tallaabooyinka iyo heshiisyada ay labada xukuumadood (Somaliland iyo Kenya) ku heshiiyaan. Ugu dambeyntii, labada dhinac waxay si wadajir ah u qireen muhiimadda ay leedahay in Baarlamaanadu noqdaan aalad dublomaasiyadeed oo xooggan si loo sii xoojiyo is-fahanka, loona dhiso buundooyin iskaashi oo waara oo u dhexeeya labada dal. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
  14. Siyaasi Guuleed Saalax Barre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa xukuumadda Puntland in ay qaaddo tallaabooyin deg deg ah oo lagu wajahayo aafada Tahriibta oo dhawaanahan xargaga goosatay. “Xukuumadda Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu wajahayo aafada tahriibta, lana yimaadaan qorsheyaal xoojinaya kalsoonida dhallinyarada oo ay ugu horreyso in si caddaalad leh loo maamulo fursadaha shaqada, maalgashiga iyo mashaariicda horumarinta” ayuu yiri siyaasi Guuleed Saalax Barre. Wuxuu sidoo kale tacsi u diray dhalinyaradii tahriibtay ee ku geeriday badda u dhexaysa Spain iyo Algeria”Murugada waxaan la qeybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay tacsidu u taallo ee ubadkoodu ay ku geeriyoodeen badda u dhaxaysa Aljeeriya iyo Spain.” “Tiirayanda tacsidan waxaa si gaar ah looga dareemayaa guri kasta oo Puntland ah, maadaama dhallinyarada badankood ay ka soo jeedeen deegaankan, taas oo muujinaysa dhibaatadu ay tahriibtu ku hayso Puntland” ayuu sii raaciyay Guuleed Saalax. PUNTLAND POST The post Guuleed Saalax oo baaq deg deg ah oo xakamaynta Tahriibta ku saabsan u diray Xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa caddeeyay mowqifka siyaasadeed ee ay mucaaradka ku wajahayaan xaaladda haatan ka taagan dalka. Shariif ayaa sheegay in ay yihiin koox isbeddel doon ah oo aan wax dhibaato ah u geysan doonin jiritaanka dowladnimada. Wuxuu si cad u muujiyay in aanay ahayn mucaarad burbur doon ah, balse ay doonayaan isbeddel xalaal ah oo lagu gaari karo iyadoo la raacayo dastuurka dalka iyo sharciga u degsan. Shariifka ayaa sidoo kale ka hadlay warar soo baxayay oo sheegaya in mucaaradku ay wadaan abaabul jabhado hubeysan oo lagu beegsanayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu sheegay in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana lagu doonayo in lagu marin habaabiyo aragtida dadweynaha. “Annagu xoog wax kuma beddeleyno, fikir ayaan rabnaa inaan wax ku bedelno,” ayuu yiri madaxweynihii hore. Wuxuu intaa ku daray in mucaaradku ay rabaan inay hoggaamiyaan bulsho ilbax ah oo ay horkacaan isbeddel la taaban karo oo nabadeed, iyagoo adeegsanaya dariiqa dimoqraadiyadda iyo xeerarka dalka u yaalla. Dhanka kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliil xooggan u jeediyay habraaca doorashooyinka ee dowladda hadda jirta ay wado. Wuxuu tilmaamay in aan la joogin xilligii ku habboonaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, maadaama ay jiraan duruufo badan oo siyaasadeed, amni iyo dhaqaale oo weli taagan. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la fiiriyo waqtiga saxda ah ee lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah, iyo in laga fogaado tallaabooyin deg-deg ah oo keeni kara xasilooni darro. Shariif ayaa ugu dambeyntiina muujiyay in mucaaradku aysan ahayn caqabad hor taagan dowladnimada, balse ay yihiin dad raba in ay dhisaan nidaam caddaalad ku dhisan, isagoo ugu baaqay dowladda in ay dhegaysato dareenka mucaaradka oo lagu dhiso kalsooni siyaasadeed oo horay u socod keenta. Hadalka Shariifka ayaa kusoo beegmaya xilli habeen dambe la filayo in go’aanno muhiim ah ay kasoo baxaan shirka u socda xubnaha mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan hotel Jazeera. Si kastaba, shirka mucaaradka u socda ayaa la rumeysan yahay in uu saldhig u yahay mideynta mowqifyada mucaaradka iyo ka hadalka xaaladda siyaasadeed ee dalka.
  16. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Talyaaniga, General Luciano Portolano, iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Pier Daccò Coppi. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, gaar ahaan taageerada ay Talyaanigu siiyaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Waxaana sidoo kale laga wada hadlay kor u qaadidda tayada iyo tababarrada ciidanka, iyo qalabeyntooda si ay ugu diyaar garoobaan la dagaallanka kooxaha argagixisada ah. Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta muuqata ee ay ka qaadato dib-u-dhiska iyo tayeynta CXD, isagoo tilmaamay in taageeradaasi ay tahay mid laf-dhabar u ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xasilinayo dalka. Dhankiisa, General Luciano Portolano ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladdiisu uga go’an tahay sii wadidda xiriirka laba geesoodka ah iyo dardargelinta mashaariicda lagu horumarinayo awoodda difaac ee Soomaaliya, waxa uu sidoo kale bogaadiyey dadaalka dowladda Soomaaliyeed ee la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga guud ee dalka. Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya taageera, ayadoo Xukuumadda Federaalka mashaariicda hormarinta, waxbarashada iyo arrimaha ammaanka. O Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd la filayay in la shaaciyo war-murtiyeedka shirkii mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya uga socday maalmihii dambe magaalada Muqdisho, kadib markii warbaahinta la isugu yeeray hoteel Jazeera oo uu ka socday shirka. Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in war-murtiyeedka rasmiga ah uu soo bixi doono habeen dambe, isla markaana waqti dheeri ah lagu daray shirka u socda siyaasiyiinta mucaaradka. “Waxaa u baahanahay in maalin kale ku darno shirka, sidaas daraadeed habeen dambe ayaa xafladii gaba-gabada aheyd, uuna soo bixi doona war-murtiyeedka,” ayuu yiri Daahir Geelle oo warbaahinta kula hadlay hoteelka uu haatan ka socdo shirka siyaasiyiinta mucaaradka. Mucaaradka ayaa dhisay Madasha Samata-bixinta, taas oo mucaaradka uu sheegay in mugdiga looga saarayo wixii Soomaali u dhameyd oo uu god ku riday hoggaanka haatan tallada haya ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka aamin baxay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, wixii Soomaali ku dhameyd ayaa mugdi galaya, si mugdigaas looga baxo ayaana loo aas-aasay Madasha Samata-bixinta.” Shirka mucaaradka oo ujeedkiisu ahaa in lagu falanqeeyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo arrimaha doorashooyinka ayaa la filayaa inuu kasoo baxo war-murtiyeed xasaasi ah oo muujinaya mowqifka mucaaradka ee xaaladda taagan. Shirkan oo uu guddoominayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Xuseen Rooble, iyo Saacid Shirdoon, iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo miisaan leh. Intii uu shirku socday, madaxda mucaaradka ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kulammadaasi waxaa ka mid ahaa kuwo lala yeeshay bahda warbaahinta iyo culumada Soomaaliyeed. Arrimahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in la helo wada-tashi guud iyo faham mideysan oo ku aaddan marxaladda uu marayo dalka.
  18. President Cirro Inaugurates Somaliland’s Liaison Office in Nairobi It’s official – #Somaliland has strengthened its diplomatic footprint in East Africa although with serious questions about Hargeisa’s diplomatic strategy and those advising it’s leadership. The inauguration comes barely two days after the Kenyan government halted the planned opening of the Somaliland Liaison Office, citing its recognition of the Federal Government of Somalia. The Ministry of Foreign Affairs issued a directive stating that the Liaison Office could not be upgraded to a diplomatic mission, reinforcing its commitment to Somalia’s territorial integrity. Despite this setback Somaliland went ahead with the opening of the liaison office after getting President Ruto’s blessing in a dramatic u-turn by Nairobi. It serves as a silver lining in a dramatic series of diplomatic blows for the Somaliland president in Djibouti and now Kenya. Cirro may have got the concession, but there are questions about those advising the Somaliland leadership. Qaran News
  19. Somaliland President H.E Abdirahman Mohamed Abdilahi Irro who is on a visit to Kenya held a high level meeting with Kenya’s President William Ruto. During the meeting, the two leaders discussed a number of crucial issues. They discussed ways to strengthen trade, investment and air connectivity. They also discussed strengthening stability particularly promoting stability, the prevention of extremists, and supporting the efforts in peace-building in the Horn of Africa. They also discussed educational cooperation, exchange of academics, building the capacity of gov’t agencies and enhancing youth technical skills. During the meeting, the two leaders underlined the longstanding ties between Kenya and Somaliland which dates back to a longstanding history, respect, shared interest and united vision of progress and prosperity in the Horn of Africa. Somaliland standards Qaran News
  20. Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dhacdo murugo leh oo ay ku naf waayeen dhallinyaro Soomaaliyeed xilli ay ku jireen safar tahriib ah oo u dhaxeeyey dalalka Algeria iyo Spain. In ka badan 20 qof ayaa geeriyooday kadib markii dooni siday ay halkaa ku degtay. Dhalinyaradan ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen. Farmaajo ayaa ugu horreyntii tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dhallinyarada, isagoo ugu baaqaya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada in ay si dhab ah u wajahaan sababaha tahriibka sii badinaya. “Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka. Farmaajo ayaa si toos ah farta ugu fiiqay halista tahriibka, dhibaatooyinka ka dhasha, iyo doorka ay tahay in la qaato si looga hortago. Sidoo kale, wuxuu dhalinyarada u dardaarmay in ay u jeestaan wax-soo-saarka dalkooda halkii ay noloshooda halis gelin lahaayeen, isaga oo waalidiintana ku dhiirrigeliyay in ay door firfircoon ka qaataan ka hortagga masiibadan. “Waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan,” ayuu yiri Farmaajo. Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran: Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn. Dhacdadan xanuunka badan waxa ay muujinaysaa halista dhabta ah ee uu leeyahay tahriibka galaaftay nafta iyo mustaqbalka da’yarteennii hantida u ahaa mustaqbalka dalka, lagana sugayey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samatabixin lahayeen dowladnimada, dadka iyo dalka. Hoggaanka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ugu baaqaya in ay xoogga saaraan barnaamijyada dhiirri-gelinta iyo awood-siinta dhallinyarada, lagana taxadaro tallaabooyinka dhaawacaya niyadda dhallinyarada oo ay ugu horreeyaan musuqmaasuqa, eexda, amni darrada iyo hubinti la’aanta siyaasadeed. Dhallinyarada waxaan ku adkaynayaa in aysan naftooda tahluuko ku gelin safarro halis ah oo badankood ku dhammaanaya geeri iyo uur-kutaallo, ayna u jeestaan difaaca dadkooda iyo wax-soosaarka dalkooda. Waalidka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynayaa inay da’yarta oo ah tacabkoodii iyo mustaqbalkii waddaanka ka xakameeyaan tahriibka noloshooda galaafan kara. Ugu dambayn waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan. (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dhacdo murugo leh oo ay ku naf waayeen dhallinyaro Soomaaliyeed xilli ay ku jireen safar tahriib ah oo u dhaxeeyey dalalka Algeria iyo Spain. In ka badan 20 qof ayaa geeriyooday kadib markii dooni siday ay halkaa ku degtay. Dhalinyaradan ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen. Farmaajo ayaa ugu horreyntii tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dhallinyarada, isagoo ugu baaqaya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada in ay si dhab ah u wajahaan sababaha tahriibka sii badinaya. “Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka. Farmaajo ayaa si toos ah farta ugu fiiqay halista tahriibka, dhibaatooyinka ka dhasha, iyo doorka ay tahay in la qaato si looga hortago. Sidoo kale, wuxuu dhalinyarada u dardaarmay in ay u jeestaan wax-soo-saarka dalkooda halkii ay noloshooda halis gelin lahaayeen, isaga oo waalidiintana ku dhiirrigeliyay in ay door firfircoon ka qaataan ka hortagga masiibadan. “Waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan,” ayuu yiri Farmaajo. Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran: Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn. Dhacdadan xanuunka badan waxa ay muujinaysaa halista dhabta ah ee uu leeyahay tahriibka galaaftay nafta iyo mustaqbalka da’yarteennii hantida u ahaa mustaqbalka dalka, lagana sugayey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samatabixin lahayeen dowladnimada, dadka iyo dalka. Hoggaanka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ugu baaqaya in ay xoogga saaraan barnaamijyada dhiirri-gelinta iyo awood-siinta dhallinyarada, lagana taxadaro tallaabooyinka dhaawacaya niyadda dhallinyarada oo ay ugu horreeyaan musuqmaasuqa, eexda, amni darrada iyo hubinti la’aanta siyaasadeed. Dhallinyarada waxaan ku adkaynayaa in aysan naftooda tahluuko ku gelin safarro halis ah oo badankood ku dhammaanaya geeri iyo uur-kutaallo, ayna u jeestaan difaaca dadkooda iyo wax-soosaarka dalkooda. Waalidka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynayaa inay da’yarta oo ah tacabkoodii iyo mustaqbalkii waddaanka ka xakameeyaan tahriibka noloshooda galaafan kara. Ugu dambayn waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan.
  21. Mogadishu (HOL) — Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has extended his heartfelt condolences to the families of 20 Somali migrants who tragically died while attempting to cross the Mediterranean Sea en route to the Spanish island of Palma. Source: Hiiraan Online
  22. By Josef Al Shemary Haribo has urgently recalled sweets after they were allegedly found to contain cannabis, and made several people including children to fall ill. Cannabis was reportedly found in the sweets after several people, both adults and children, felt sick after eating Happy Cola F!ZZ. The people affected contacted the police, who launched an investigation into the case, which is centred around sweets sold in the Netherlands. The Netherlands Food and Consumer Product Safety Authority (NVWA) said it was conducting an investigation, and that “samples were taken and cannabis was found in them.” “We immediately contacted Haribo and they issued a safety warning,” a spokesperson for the NVWA told the Dutch news outlet Hart van Nederland How the cannabis ended up in the sweets is still unknown. The police are investigating this further,” the NVWA added. Haribo has previously said that there were certain products in circulation that were causing health problems, after people reported feeling dizzy. It is yet unclear how widespread the potential contamination is, but Haribo has issued a safety warning while investigations are ongoing. A Haribo spokesperson said: “The incident is contained to the Netherlands, to a specific product and batch. HARIBO products in the UK and other markets are not affected. “The safety of our consumers is our highest priority and HARIBO takes this incident very seriously, which is why a recall has been issued in the Netherlands. “HARIBO is working closely with the authorities to support their investigation and establish the facts around the contamination.” The contamination was first discovered when a number of members of a family reported feeling sick after eating the sweets. The investigation initially concerned three bags, but Haribo has launched a recall as a precaution. The company is specifically telling customers not to eat the kilogram bags of Happy Cola F!ZZ, with the specific product code L341-4002307906. Other production codes, as well as all other Haribo products, are safe to eat according to the company. Customers who bought the affected kilo bags have been asked to send the sweets back to the company for a full refund. Source lbc.co.uk Qaran News
  23. The killing lof civilians is part of a disturbing pattern Two months ago, in the early afternoon of March 31st, gunfire erupted in Birakat, a town in the Amhara region of northern Ethiopia (see map). Panicked residents ran for cover as the Ethiopian army battled local militias. Five hours later the guns fell silent, briefly. But after the army had taken control of the town, according to three eyewitnesses, a massacre began. Read more here (subscription required). The post What a massacre reveals about Abiy Ahmed’s Ethiopia appeared first on Puntland Post.