-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Socdaalkii halka maalin ahaa ee Abiye Ahmed ku tegay Muqdisho ayaa keenay hadal hayn ku aaddan waxa ay Dowladda Federaalka ah lumisay ama heshay. Sidoo kale waxaa ka dhashay isweydiimo dhawr ah oo u baahan in laga jawaabo. Sababta ugu weyn ee keentay in wax la iska waydiiyo hoggaamiye dal oo Soomaaliya booqanaya dhib iyo dheefka ay tahay, in kasta oo Soomaaliya u baahan tahay madax sare soo booqata, haddana shaqsiga yimid iyo xilliga uu soo booqday Muqdisho ayaa dhaliyey hadal haynta. Maxaa keenay walaaca ay qabaan qayb ka mid ah Soomaalida? Muddadii ay soo kabashada ku jirtay Soomaaliya, marna masoo marin dagaal siyaasadeed ku dhisan damaca ah in dhulkooda la qaato, inkastoo duullaankii TPLF ee Meles Zenawi garwadeenka ka ahaa uu ahaa dagaal wakaaladeed oo reer Galbeedku dagaal ka riixayeen. Heshiiskii Abiy ee uu la galay Somaliland ayaa noqday mid dadka Soomaaliyeed ay si feejigan uga gilgishaan, waxayna keentay in Soomaalidu aysan aamin mar dambe Itoobiya. Walaaca ugu badan waxaa keenay laba qodob. Kow, jidkii dagaal ee ay jeexeen madaxda Dowladda Federaalka oo jeediyay hadalladii ugu adkaa ee fagaare iyo faqba lagu gudbiyo, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed loogu sheegayo in cadowgooda Itoobiya ay iska celinayaan, dalkooda ka difaacayaan, taariikhdoodana ilaashaadaan. Haddii waqtigan heshiis la qaatay, shacabka looma sheegin waxa dhabta ah ee lagu heshiiyey, mana jirin hannuunin qaran oo ka timid madaxda dalka. Tan labaad waa sooyaalka taariikheed. Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa ka dhaxeeya loollan taariikheed oo ku dhisan damac iyo dhul-boob, tan waa midda markasta shacabku ay dhegta u taagayaan. Haddaba in khilaafka meesha laga saaro yaa dheeftiisa qaatay? Si kooban dal nugul oo sida Soomaaliya ah oo kale uma fiicna inay galaan khilaaf dheer, maadaama waxa ay nabaddu ku weyn karto ay ka badan tahay waxa kaga lumaya dagaalka iyo khilaafka. In la soo afmeero khilaafka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa xilligan dhibcaha sare qaatay dhanka Soomaaliya, waxaana Muqdisho ay maanta haystaa; in khilaafkii dhammaaday, lagu heshiiyey qodobo la isku raacsan yahay, Itoobiya la macaamilayso Dowladda Federaalka iyo in damaanad qaad buuxa oo heshiiska ah jiro. Tan waa faa’iido aysan Soomaaliya helin muddooyinkii ugu dambeeyey. In kasta oo dad badani qabaan in joogista Ciidanka Itoobiya ay tahay guul weyn oo gaartay Addis Ababa, haddana waxaa la ilaawi karin in markii ugu horraysay ay Soomaaliya imaan karaan ciidan Masaari ah oo ku yimid khilaafka kuwaas oo ahaa waxa ugu weyn oo Itoobiya ka dagaallamaysay. Marka aan isbarbardhigno walaaca ka dhashay dhammaynta khilaafka iyo miraha kasoo baxay oo ah waxa waaraya, laguna heshiiyey, sida muuqata waa dheeftii heshiiska qaatay Soomaaliya. Hase ahaatee, fasiraad-xummada hoggaanka dalka iyo maqnaanshaha xiriirka ka dhaxeeya shacabka iyo fariimaha dowladda ayaa laga yaabaa in xagal daaciyaan guushan diblumaasiyadeed oo ay gaartay dowladdu. Isha: SomaliStream.com
-
Saacado ka hor waxaa warbaahinta dunida si xoog leh u qabsatay tabinta kulan dhex maray Madaxweynaha Mareykanka Donald oo uu wehliyo ku xegeenkiisu, iyo Madaxweynaha dalka Ukraine Vladimir Zelensky, ayagoo is dhaafsaday erayo kulkulul. Kulanka oo warbaahintu ay goobjoog ka ahayd ayaa isku badelay dood adag iyo muran aan waxba layskuma harin, ka dib markii laysku maan-dhaafay dagaalka sanadkii afaraad galay ee ka socda Ukraine, Trump iyo ku xigeenkiisa ayaana si anshaxa dublumaasiyadda ka baxsan u canaantay Zelensky. Ka dib kulankaas oo caro iyo buuq ku soo dhammaday, masuuliyiin ka tirsan maamulka Trump oo uu ugu horreeyo xogyaha arrimaha dibedda Marco Rubio ayaa Madaxweynaha Ukraine ka dalbaday inuu raali-gelin ka bixiyo wixii ka dhacay aqalka cad oo ay eedooda asaga dusha ka saareen, balse Zelensky weli arrintaas wax cudur-daar ah kama bixin. Dhanka kale dalalka Yurub oo ay ugu horreeyaan Faransiiska, Ingiriiska, iyo Jarmalka oo arrintan ka falcelinaya ayaa sheegay inay garab taaganyihiin Ukraine, waxaana dooddii ka dhacday aqalka cad lagu tilmaamay fadeexad ka baxsan hannaanka dublumaasiyadda iyo anshaxa hoggaaminta caalamiga ah, ayadoo warbaahinta Mareykanku warinaysa in gabangebadii kulankaas Trump oo aad u caraysani uu goobta ka eryay Zelensky. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka, ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in la caawiyo dadka danyarta ah “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaagaan, ayna caawiyaan dadka danyarta ah iyo kuwa jilicsan. Waa waajib ina saaran in aynu taageerno dadka baahan, gaar ahaan waayeelka, agoonta, iyo dadka dhibaateysan, waxaan idin xasuusinaya in loo baahanyahay xoojinta nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo la-shaqaynta hey’adaha amniga, kana fogaanno wax kasta oo carqalad ku noqon kara xasilloonida dalka”. Ayuu yiri Raiisul Wasaaruhu. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Alle uga baryay in uu Ramadaanka dadka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta dunidaba ugu dhammeeyo nabad iyo barwaaqo, kana aqbalo soonka, salaada iyo camalka suubban. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa qorsheynaya barnaamij cusub oo fiisa ah oo loogu magac daray “Gold Card”, kaas oo maal-qabeennada u ogolaanaya waddo ay ku heli karaan dhalashada Mareykanka iyagoo bixinaya $5 milyan. Barnaamijkan cusub wuxuu beddeli doonaa nidaamka hadda jira ee fiisaha maal-gashiga, kaas oo u ogolaanaya dadka shisheeye in ay helaan fiiso haddii ay ku maal-gashadaan Mareykanka qiyaastii $1 milyan, ama sameeyaan shirkad shaqaaleysiisa ugu yaraan 10 qof. Barnaamijka Trump wuxuu la mid yahay nidaamyada “golden visa” ee ay adeegsadaan dalal ay ka mid yihiin Kanada, New Zealand, Malta iyo kuwo kale, kuwaas oo maal-gashadeyaasha u fura fursad ay degenaansho rasmi ah ku helaan iyagoo maal-gashi sameynaya. Si kastaba ha ahaatee, barnaamijyada “golden visa” ee waddamada kala duwan waxay leeyihiin shuruudo kala geddisan iyo waddooyin kala duwan oo lagu heli karo degenaansho rasmi ah, iyadoo natiijadooda dhaqaale lagu kala aragti duwan yahay. Yaa heli kara fiisaha ‘Gold Card’? Xoghayaha Ganacsiga Mareykanka, Howard Lutnick, ayaa sheegay in fiisaha ‘Gold Card’ uu beddeli doono barnaamijka hadda jira laba toddobaad gudahood, taas oo ka dhigan in faahfaahinta shuruudaha iyo habraaca codsiga la filayo in la shaaciyo kahor waqtigaas. Ilaa iyo hadda, Trump wuxuu kaliya sheegay in fiisahan lagu heli doono $5 milyan. Markii wax laga weydiiyay cidda u qalmi doonta, Trump wuxuu yiri: “Dadkii helaya waxay noqon doonaan maal-qabeenno guuleystay, lacag badan kharash gareynaya, canshuur badan bixinaya, dad badan shaqaaleysiinaya, waxaana rumeysanahay in barnaamijkani uu noqon doono mid aad u guuleysta.” Wuxuu intaa ku daray in shirkado, marka laga soo tago shakhsiyaadka, ay sidoo kale “iibsan karaan Gold Card.” Muxuu hadda bixiyaa Mareykanka? Kongareeska Mareykanka ayaa sannadkii 1990 abuuray barnaamijka fiisaha EB-5 ee maal-gashiga, kaas oo loogu talagalay abuurista shaqooyin iyo dhiirrigelinta maal-gashiga shisheeye. Barnaamijkan, maal-gashadayaasha ku bixiya qiyaastii $1 milyan shirkad shaqaaleysiisa ugu yaraan 10 qof, waxay heli karaan fiiso iyo waddo ay ku heli karaan deggenaansho rasmi ah. Sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mareykanka ee ku saabsan tirakoobka socdaalka, qiyaastii 8,000 qof ayaa helay fiisaha maal-gashiga intii lagu guda jiray 12-kii bilood ee dhammaaday September 30, 2022. Dalalka kale maxay bixiyaan? Shirkadda Henley & Partners, oo ka talo-bixisa dowladaha iyo shakhsiyaadka ee barnaamijyada degenaanshaha iyo dhalashada maal-gashiga lagu helo, ayaa sheegtay in in ka badan 100 waddan ay bixiyaan ama hore u bixiyeen barnaamijyada “golden visa” ee maal-qabeennada iyo maal-gashadeyaasha. Dalalkaas waxaa ka mid ah Mareykanka, UK, Spain, Greece, Malta, Australia, Canada iyo Talyaaniga, inkastoo qaar ka mid ah dalalku ay xaddideen ama joojiyeen barnaamijyadooda. Barnaamijyada waddamada kala duwan waxay leeyihiin shuruudo kala duwan, oo ay ka mid yihiin iibsashada guryo, maal-gashiga dhaqaale, ama abuurista tiro cayiman oo shaqooyin ah. Basil Mohr-Elzeki, oo ah la-hawlgalaha shirkadda Henley & Partners ee Waqooyiga Ameerika, ayaa sheegay in barnaamijyadani ay mararka qaar dowladaha ka caawiyaan gaarista yoolalka maal-gashiga, balse aysan had iyo jeer sii jirin. Xukuumadda Spain ayaa joojisay barnaamijkeedii, kaas oo ogolaanayey in dadka aan ka tirsaneyn Midowga Yurub ay helaan ruqsadda deggenaanshaha haddii ay maal-gashadaan in ka badan nus milyan yuuro ($520,000) oo guryo ah, sababo la xiriira sare u kaca qiimaha guryaha. Sidoo kale, Boqortooyada Ingiriiska ayaa joojisay barnaamijkeeda 2022 iyada oo loo cuskaday walaacyo dhanka amniga ah. Ma guuleysan doonaa ‘Gold Card’? Mohr-Elzeki oo ka tirsan Henley & Partners ayaa sheegay in inkasta oo fiisaha ‘Gold Card’ uu yahay mid aad qaali u ah, haddana laga yaabo in uu helo dad daneynaya, balse waxay su’aashu tahay waxa ay shuruudaha dhammeystiran noqon doonaan. “Weli ma hayno macluumaad badan marka laga reebo in shuruudda maal-gashiga la dejiyay iyo in qorshuhu jiro,” ayuu yiri. “Laakiin guud ahaan, barnaamijyadan waxay caawin karaan waddamo ay gaaraan yoolalka maal-gashiga, iyadoo ay ku xiran tahay ujeedada.” “Waxaan u maleynaynaa in barnaamijkani uu heli doono dalab xooggan,” ayuu sii raaciyay. “Waxaan sugaynaa faahfaahinta shuruudaha iyo qaab-dhismeedka ay dejin doonaan.” Guusha barnaamijkani waxay aad uga xiri doontaa habraaca iyo fududeyntiisa, halkii ay ku xiran lahayd lacagta $5 milyan ah. “Guud ahaan, barnaamijyada ay shuruudahooda deggenaanshaha hooseeyaan waa kuwa ugu caansan, sababtoo ah dadka maal-qabeenka ah waxay jecel yihiin inay yeeshaan xulashooyin,” ayuu yiri. “Waxay maal-gashan karaan Mareykanka, balse sidoo kale way maal-gashan karaan dalal kale – si ay u helaan fursado kala duwan, sida deggenaanshaha Mareykanka, Yurub, ama Imaaraadka Carabta.” Maxaa xiga? Haddii barnaamijkan cusub uu beddelo barnaamijka EB-5 laba toddobaad gudahood, waxaa soo baxaya su’aalo ku saabsan waxa dhici doona dadka horey uga faa’iideystay barnaamijka hadda jira. Mohr-Elzeki wuxuu sheegay in badanaa dadka ku jiray barnaamijka hore loo sii ogolaado inay dhameystiraan nidaamka, balse waxaa dhici karta in arrintaas aysan dhicin. Sannadkii 2022, Kongareeska Mareykanka ayaa kordhiyay barnaamijka EB-5 ilaa 2027, taasoo ka dhigan in wax ka beddelidda uu u baahan yahay ansixinta Kongareeska. Hase yeeshee, Trump wuxuu sheegay in fiisaha ‘Gold Card’ uusan u baahneyn oggolaanshaha Kongareeska.
-
Muslimiinta dunida ayaa maanta sooman, ka dib markii bisha barakaysan ee Ramadaan laga arkay inta badan dalalka caalamka, waxayna dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalku si wadajir ah u shaaciyeen in Ramadaan ay sabtida maanta kow tahay. Soonka oo kamid ah 5 tiir ee diinta Islaamka ayaa sanadkiiba hal bil ku waajiba dadka Muslimiinta ah, waxayna maalintii joojiyaan cuntada, cabitaanka, iyo galmada, ayadoo xoogga saarada cibaadada, islamarkaana ka dhorsada falalka ay kamid yihiin anshax-xumada, xadgudubka, cayda, muranka, iyo khayaanada. Hoggaamiyaasha caalamka intooda badan, gaar ahaan kuwa Islaamka ayaa shacabkooda ugu hambalyeeyay bishada bisha Ramadaan, waxaana kamid ah madaxeeyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dadweynaha Soomaaliyeed u diray tahniyad ku aaddan bishan barakaysan, asagoo ugu baaqay is caawin, is cafin, iyo cibaado suuban. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo wareysi bixiyay ayaa ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in ay tahay shirkad ku shaqaysa caqliyaddii qabiilka ee wakhtigii dagaallada Sokeeye socdeen (1991). Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul wasaare Xamse uusan wax awood ah ku lahayn dowladda Xasan Sheekh, islamarkaana waxa uu ku tilmaamay nin shaqaale ah, oo aan waxba laga weydiin go’aannada iyo talada dowladda, taasina lumisay isu dheellitirkii awoodda dowladnimada dalka. “Dowladdii Soomaaliya maanta, waxay noqotay shirkad ku shaqaysa caqliyaddii taallay 1991-dii, waxaana maqan waa awooddii Ra’iisul wasaaraha dalka, oo aysan waxba gacanta ugu jirin cidna aysan waxba weydiin, waana u cudur-daarayaa runtii waa shaqaale shirkadeed isagu” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka baxday xayndaabkii Sharciga iyo dastuurkii lagu doortay, kaddib markii sida uu sheegay ay burburisay wax kasta oo Soomaali heshiis ku ahayd, waxaana uu ka digay in taasi keeni karto colaad iyo kala tag. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe: Dowladda Xasan Sheekh waa shirkad ku shaqaysa Caqliyaddii Qabiilka ee 1991 appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay Xeerka 2775 (2025), kaas oo dib u cusboonaysiinaya tallaabooyinka lagu xakameynayo badeecooyinka sharci-darrada ah ee la xiriira cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Xeerkan wuxuu ujeedadiisu tahay in la joojiyo tahriibinta sharci-darrada ah ee hubka iyo qalabka ciidan ee loo gudbiyo Al-Shabaab, wuxuuna ka hortagayaa dhoofinta dhuxusha sharci-darrada ah, taasoo ah mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn ee kooxda argagixisada ah. Iyadoo la raacayo Cutubka VII ee Axdiga Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood wuxuu mar kale xaqiijiyay in falalka Al-Shabaab—oo ay ka mid yihiin weerarrada argagixisada iyo dadaallada xasilooni-darrada—ay halis weyn ku yihiin nabadda iyo amniga caalamka. Xeerkan waxa uu dib u cusboonaysiiyay oo xoojiyay qodobadii horey loogu dejiyay Xeerka 2182 (2014), kuwaas oo markii dambe la sii adkeeyay Xeerarka 2607 (2021) iyo 2762 (2024). Tallaabooyinkan cusub waxay sii jiri doonaan ilaa 3-da Maarso 2025. Xoojinta kormeerka badaha Xeerka cusub wuxuu dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay awood u siinayaa inay baaraan maraakiibta ku sugan biyaha Soomaaliya, Badda Carabta, iyo Gacanka Faaris, haddii ay jirto sabab macquul ah oo lagu tuhmi karo in maraakiibtaasi wadaan hub, qalab ciidan, ama agab loo adeegsan karo qaraxyada macmalka ah (IED) oo loo waday Al-Shabaab. Sidoo kale, xeerkan wuxuu awood siinayaa dowladaha inay qabtaan oo ay burburiyaan wax kasta oo sharci-darro ah oo lagu helo baaritaannada, sida hubka, rasaasta, iyo dhuxusha la mamnuucay. Ganacsiga dhuxusha sharci-darrada ah ayaa noqday il dhaqaale oo weyn oo Al-Shabaab ka hesho malaayiin doollar sannad kasta, iyagoo si qarsoodi ah dhuxusha ugu dhoofiya Bariga Dhexe iyo meelo kale oo caalamka ah. Si loo wiiqo dhaqaale-siinta kooxda, xeerka cusub wuxuu oggolaanayaa in dhuxusha la qabto dib loo iibiyo iyadoo ay kormeereyso Qaramada Midoobay, taasoo lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee Al-Shabaab. Go’aanka Golaha Ammaanka wuxuu muujinayaa sida ay beesha caalamku uga go’an tahay xasilloonida Soomaaliya, oo in ka badan toban sano la daalaa-dhaceysay kacdoon argagixiso iyo caqabado amni. Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AU) iyo xulafada caalamiga ah, waxay sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab si dib loogu soo celiyo dhulalka istiraatiijiga ah loona wiiqo awoodda kooxda. Inkasta oo la qaaday tallaabooyin militari iyo kuwo ka hortag argagixiso, Al-Shabaab weli waxay adeegsataa marinnada ganacsiga sharci-darrada ah, taasoo ka dhigaysa fulinta cunaqabateynta hubka iyo howlaha kormeerka badaha mid muhiim ah si loo gooyo silsiladda sahayda kooxda. Go’aanka Qaramada Midoobay wuxuu kusoo beegmayaa xilli Soomaaliya ay dardargelinayso dib-u-habeynta waaxda amniga, iyada oo qorsheyneysa in mas’uuliyadda amniga dalka laga wareejiyo ciidanka nabad ilaalinta ee caalamiga ah loona wareejiyo ciidamada qaranka. Xeerkan wuxuu xoojinayaa madaxbannaanida Soomaaliya iyo dadaallada muddada-dheer ee amniga, isagoo muujinaya taageerada caalamka ee la dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan ee gobolka. Istiraatiijiyad ballaaran oo ka hortag ah argagixisada Dib-u-ansixinta Golaha Ammaanka waxay la jaanqaadaysaa dadaallada caalamiga ah ee la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan iskaashiga gobolka ee dalalka Geeska Afrika, Midowga Afrika, iyo waddamada Khaliijka. Adkaynta amniga badaha iyo burburinta ilo-dhaqaaleedka kooxaha argagixisada, xeerkan wuxuu gacan ka geysanayaa xasilloonida, nabadda, iyo koboca dhaqaale ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Go’aankan wuxuu caddeynayaa in beesha caalamku ay si weyn uga go’an tahay xasilloonida Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu curyaaminayo awoodda Al-Shabaab ee ay u adeegsanayso ganacsiga sharci-darrada ah si ay u sii waddo falalkeeda rabshadaha wata.
-
New York – The UN Security Council has unanimously adopted Resolution 2775 (2025) to reauthorize maritime interdiction measures aimed at enforcing the arms embargo on Somalia. The resolution seeks to curb the illegal flow of weapons and military equipment to Al-Shabaab and prevent the export of illicit charcoal, a major revenue source for the terrorist group. Acting under Chapter VII of the UN Charter, the 15-member Council reaffirmed that Al-Shabaab’s actions—ranging from terrorist attacks to destabilization efforts—pose a grave threat to international peace and security. The resolution extends and reinforces provisions first established in Resolution 2182 (2014) and later strengthened by Resolution 2607 (2021) and Resolution 2762 (2024). The renewed measures will remain in effect until March 3, 2025. Expanded authority for maritime inspections Under the new mandate, UN Member States are authorized to inspect vessels operating within Somali territorial waters, the Arabian Sea, and the Persian Gulf if there are reasonable grounds to suspect they are transporting weapons, military supplies, or improvised explosive device (IED) components for Al-Shabaab. The resolution also grants authority to seize and dispose of contraband identified during inspections, including arms, ammunition, and prohibited charcoal exports. The illicit charcoal trade has been a significant financial pillar for Al-Shabaab, generating millions of dollars annually through illegal exports to the Middle East and beyond. By allowing the resale of seized charcoal under UN monitoring, the resolution aims to disrupt the group’s funding mechanisms while ensuring proper oversight. This latest action by the Security Council underscores the global commitment to stabilizing Somalia, which has been grappling with ongoing insurgency and security challenges for over a decade. The Somali government, alongside African Union (AU) peacekeeping forces and international allies, has been intensifying operations against Al-Shabaab to reclaim strategic territories and dismantle terrorist networks. Despite military and counterterrorism efforts, Al-Shabaab continues to adapt and exploit illicit trade routes, making enforcement of the arms embargo and maritime interdictions a critical tool in cutting off the group’s supply chains. The UN’s decision comes as Somalia pursues greater security sector reforms and prepares for the full transition of security responsibilities from international peacekeepers to national forces. The resolution is expected to strengthen Somalia’s sovereignty and long-term security efforts while reaffirming international support in countering terrorism and organized crime in the region. A broader counterterrorism strategy The Security Council’s reauthorization aligns with broader global counterterrorism initiatives, emphasizing regional cooperation among the Horn of Africa nations, the African Union, and Gulf states. By tightening maritime security and targeting terrorist groups’ financial lifelines, the resolution seeks to create lasting conditions for peace, security, and economic stability in Somalia and the wider region. With this decision, the international community sends a clear message: Somalia’s stability is a priority, and Al-Shabaab’s ability to sustain its violent campaign through illicit means will continue to be aggressively challenged.
-
KISMAYO, Somalia—Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, also known as Ahmed Madobe, recently sharply criticized the Somali federal government in a recent interview, accusing it of political maneuvering and military aggression. The regional leader’s remarks come after his withdrawal from the National Consultative Council meeting in Mogadishu, signaling a deepening rift between Jubaland and the central government. Madobe cited concerns over alleged term extensions and the interests of the Darood clan, which he said he alone represented at the meeting, as reasons for his departure. “I left the National Consultative Council meeting because of the term extensions being planned and considering the interests of the Darood clan, whom I was the sole representative of,” Madobe stated. The National Consultative Council is a platform for dialogue between the federal government and regional states, intended to foster cooperation on key national issues. In November 2024, Jubaland announced the suspension of all relations and cooperation with the federal government. This decision followed disputes over local elections in which President Madobe was re-elected without federal involvement, leading to mutual arrest warrants between Jubaland and Mogadishu authorities. The federal government opposed these elections and issued an arrest warrant for Madobe, accusing him of treason and revealing classified information to foreign entities. In response, a regional court in Kismayo issued an arrest warrant for President Mohamud, accusing him of treason and conspiring with al-Shabaab militants. Criticism of prime minister and president Madobe strongly criticized Prime Minister Hamza Abdi Barre, describing him as someone who “joined a company run by Hassan Sheikh, which is playing with the statehood of Somalia.” The relationship between the federal government and regional states has been strained for years, with disputes over resource sharing, security responsibilities, and political representation. Madobe addressed the recent clashes in Ras Kamboni, a strategic area in Jubaland, accusing the federal government of initiating the conflict despite repeated warnings. “The federal government forces started the fighting,” he asserted, adding, “We were prepared for everything, and we ordered our forces to minimize casualties. You saw the outcome of the fighting; the casualties were disproportionate, although there were losses on both sides.” The Ras Kamboni region is strategically important due to its proximity to the Kenyan border and its history as a battleground between various factions. Madobe expressed particular dismay over the surrender of over 1,000 Somali soldiers to Kenyan forces across the border. He contrasted this with his administration’s treatment of captured and wounded federal soldiers, who he said were treated with respect and sent to Mogadishu. Allegations of failure against Al-Shabab Madobe also accused the federal government of failing in its fight against the Al-Shabaab militant group, pointing to recent attacks in the Hiiraan and Middle Shabelle regions. “The federal government has failed in the fight against Al-Shabaab,” he stated, adding, “The Somali forces lack the morale to fight.” Al-Shabaab continues to pose a significant security threat in Somalia, carrying out frequent attacks against government and civilian targets. The group’s persistent presence underscores the challenges facing Somali security forces. Madobe firmly denied any cooperation with Al-Shabaab, asserting that he is engaged in a continuous fight against the group, a fight that he says his accusers have never been involved in. History of conflicts Jubaland, located in southern Somalia, shares a long and porous border with Kenya. This proximity has made the region a key player in regional security dynamics. The area has historically been a site of conflict involving various clans, militias, and external actors. Ahmed Madobe, a former leader of the Ras Kamboni Brigade, has been a dominant political figure in Jubaland for over a decade. His relationship with the federal government has been marked by periods of cooperation and conflict, reflecting Somalia’s complex political landscape. The Darood clan is one of the central Somali clans, with a significant presence in Jubaland and other parts of Somalia. Clan dynamics are crucial in Somali politics, often influencing alliances and conflicts. The ongoing tensions between Jubaland and the federal government threaten to undermine efforts to stabilize Somalia and combat Al-Shabaab. The fragile political situation requires urgent dialogue and cooperation to address the root causes of the conflict and prevent further escalation.
-
Mogadishu, Somalia – In a move to clarify recent discussions, the Somali government has unveiled details of a potential commercial port agreement with neighboring Ethiopia. If finalized, this agreement would allow Ethiopia to utilize a Somali port much like it currently relies on Djibouti for its trade. Importantly, Somalia has firmly dismissed any notion of granting a land lease to Addis Ababa. While the specific port remains to be determined, Somali officials have narrowed down the possibilities to several locations along the country’s extensive Indian Ocean coastline. “The port we’re discussing for Ethiopia’s use will be situated along the Indian Ocean, definitively excluding the Gulf of Aden and any ports within Somaliland, such as Saylac,” explained State Minister for Foreign Affairs, Ambassador Ali Balcad. He pointed to a broad area stretching from Garacad down to Kismayo, a region dotted with around seven ports, all of which require significant investment and upgrades. Who pays for the port? A key point of clarification: Ethiopia won’t be footing the bill for the port’s development. Instead, Somalia plans to partner with international investors to finance the project. “We will build the port ourselves, with the support of external investors. Ethiopia will have no direct financial role in its construction,” Balcad stated. “However, identifying a location that aligns with their market needs and logistical requirements will be a central part of our technical discussions.” He emphasized the potential for this deal to unlock substantial investment opportunities. “By reaching an agreement with Ethiopia, we can attract the funding needed to develop major port facilities. And even more crucial than the port itself are the connecting road networks. In today’s global economy, investment in infrastructure that links countries is a top priority,” he added. Balcad revealed that various companies and nations have already expressed significant interest. “When investors see a market beyond Somalia’s borders requiring a well-connected port and road system, they recognize a valuable opportunity,” he said. Agreement timeline and next steps Somalia and Ethiopia aim to finalize the port agreement by June, following a series of talks in Ankara, Addis Ababa, and Mogadishu. While the broad strokes of the agreement are known—it’s a commercial deal—the finer details are still under wraps. “We anticipate concluding the negotiations after four more rounds of meetings scheduled for June. These discussions will determine the specific port location and the necessary investment framework,” Balcad confirmed. These upcoming meetings will ultimately decide how Ethiopia gains access to a Somali port for its trade. The Somali government will reiterate its unwavering stance against any territorial concessions to Addis Ababa. Securing reliable port access is a strategic imperative for landlocked Ethiopia. Currently, the country relies heavily on Djibouti. This potential agreement with Somalia highlights the shifting geopolitical landscape of the Horn of Africa. The coastal stretch from Garacad to Kismayo holds significant economic potential. With the right investment, the ports in this area, including Hobyo and Barawe, could become vital hubs for regional trade. These locations have seen varying levels of infrastructure development throughout recent history. While the relationship between Ethiopia and Somalia has experienced its ups and downs, this port agreement represents a chance for greater economic cooperation. The deal can potentially boost trade for Ethiopia and spur economic activity in Somalia.
-
Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online0 – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa bixiyey wareysi dheer oo uu kaga hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda iyo halkii uu ka soo bilowday markii uu ka baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka socday. Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii golaha wadatashiga qaranka uu uga baxay muddo kororsigii lagu sameysanayey, isagoo fiirinaya danaha beesha Daarood oo sida uu sheegay uu kaligiis ka joogay shirka. Waxaa la weydiiyey metelaada Ra’iisul Wasaare Xamsa, wuxuuna sheegay in Xamsa yahay nin ku biiray shirkad uu maamulo Xasan Sheekh oo ku cayaareysa dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay. Wuxuu ka hadlay dagaalkii Raaskambooni, wuxuuna sheegay in dowladda uu marar badan uga digay sida ay u dhaqmeysay, ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay bilaabeen dagaalka. “Dagaalka waxaa ku gacan sareynay anaga, wax kasta waa noo qorsheysanaayeen sida ay u dhacayaan, waxaan ciidankeena ku amarnay in khasaaraha la yareeyo, taasi oo waad aragteen dagaalka dhacay iyo khasaaruhu isma laheyn, inkastoo labada dhinacba ay dhimasho jirtay,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in wax kasta ay uga xanuun badnaayeen ciidankii Soomaaliyeed ee kunka askari ka badnaa ee ka gudbay xuduudda, iyagoo gacmaha kor u taagayana isku dhiibay Kenya, isagoo sheegay in ciidankii ay dagaalkii Raaskambooni ku qabteen iyo kuwii dhaawacmay ay Muqdisho u direen iyagoo sharfan. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku fashilantay dagaalka Al-Shabaab, wuxuu tusaale u soo qaatay weerarrada Al-Shabaab ay ka wadaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan laheyn niyad ay ku dagaalamaan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa iska diiday inuu la shaqeeyo Al-Shabaab, taas bedelkeeda wuxuu sheegay in kooxdaas uu kula jiro dagaal ahli ah oo ragga ku eedeynaya aysan waligood la gelin. Hoos ka daawo
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa isku dhacay oo isku buuqa, ayaga oo shir jaraa’id oo la wada daawanayo ku qabanayey Aqalka Cad, halkaasi oo Trump uu si xun ugu weeraray Zelensky. “Waa inaad heshiis gaartaa ama waan ka baxeynaa,” ayuu Trump oo carooday u sheegay Zelensky, xilli shirkii loogu talagalay in lagu dejiyo xiisadda ka dhalatay xiriirka lama filaanka ah ee Maraykanka iyo Ruushka uu si lama filaan ah u kiciyay xiisado hor leh. “Waxaad khatar gelinaysaa nolosha malaayiin qof. Waxaad khatar gelinaysaa Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka, waana wax aan xushmad lahayn inaad sidaas u dhaqanto,” ayuu sii raaciyay Trump. Zelensky ayaa Aqalka Cad u tagay saxiixa heshiis ku saabsan wadaagga kheyraadka macdanta ee Ukraine iyo wadahadallo ku saabsan heshiis nabadeed oo lala galo Ruushka, inkasta oo Trump dhawaan ku tilmaamay Zelensky inuu yahay kaligii-taliye. Kulanka ayaa yimid kaddib toddobaad uu Maraykanku ku mashquulsanaa dedaallo diblomaasiyadeed, iyadoo hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Britain ay Aqalka Cad u yimaadeen si ay Trump ugu qanciyaan inuusan ka tanaasulin taageerada Kyiv. Hase yeeshee, xiisadda ayaa cirka isku shareertay markii Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance uu yiri “diblomaasiyad ayaa loo baahan yahay si dagaalka loo soo afjaro.” Zelensky ayaa weydiiyay “noocee diblomaasiyad ah?” taasoo keentay in Vance ku eedeeyo inuu si aan xushmad lahayn ula hadlay madaxweynaha. – Heshiis adag – Trump ayaa difaacay Madaxweyne ku-xigeenkiisa, iyadoo labada hoggaamiye ay isku qabteen dooddii ku saabsanayd in Maraykanku uu ku guuldarreystay inuu hor istaago Putin kaddib duullaankii Crimea ee 2014, taasoo sii hurisay xiisadda. “Uma muuqato inaad wax mahadnaq ah leedahay,” ayuu Trump ku yiri Zelensky. “Waxay noqon doonta wax aad u adag in ganacsi sidan lagu wado,” ayuu sii raaciyay Trump. “Heshiis adag ayaa la gaari doonaa, sababtoo ah waa in la beddelo dabeecadaha.” Zelensky ayaa si deggan uga jawaabay, isaga oo Trump iyo xulafadiisa ku eedeeyay in ay “si cod dheer” ula hadlayaan. Trump ayaa markii shirka jaraa’id lagu kala kacay wuxuu soo saaray bayaan xaaladda ka sii daraya, oo u qornaa sidan: “Waxaan maanta kulan muhiim ah ku yeelanay Aqalka Cad. Wax badan ayaa la bartay—wax aan la fahmi karin haddii aanu jirin wada-hadal toos ugu dhaca xaalad cadaadis iyo xiisad leh.” “Waa layaab waxa soo baxa marka dareenku kaco. Waxaan go’aansaday in Madaxweyne Zelensky uusan diyaar u ahayn nabad haddii Maraykanku lug ku leeyahay, maxaa yeelay wuxuu aaminsan yahay in ka-qaybgalkeenna uu siinayo faa’iido weyn oo gorgortan ah.” “Ma rabo faa’iido—waxaan rabaa NABAD.” “Wuxuu si aan xushmad lahayn ula dhaqmay Maraykanka, iyo xafiiskeeda sharafta leh ee Oval Office. “Wuxuu soo laaban karaa marka uu diyaar u yahay nabad.” Trump ayaa argagax geliyay xulafada Maraykanka laba toddobaad ka hor markii uu la hadlay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo bilaabay wadahadallo nabadeed oo aan Kyiv lagala tashan, taasoo wax weyn ka beddeshay siyaasaddii hore ee Maraykanka ee ku aaddan Ukraine. Trump ayaa Jimcihii u sheegay wariyeyaasha in tan iyo markaas uu “si isdaba joog ah” ula hadlay Putin. Madaxweynaha Maraykanka ayaa dalbaday in heshiis lala galo Ukraine si Washington u hesho mudnaanta wax ka qodista kheyraadka dabiiciga ah ee Ukraine, taasoo uu shuruud uga dhigay sii wadidda taageerada Maraykanka, inkasta oo uusan ballanqaadin dammaanad amni oo Kyiv ay helayso haddii heshiis lala gaaro Ruushka. “Waan qodaynaa, qodaynaa, qodaynaa,” ayuu Trump ku yiri hadal uu jeediyay Khamiistii kahor kulanka, isagoo soo xiganaya hal-ku-dheggiisii ololaha doorashada ee “drill, baby, drill” oo la xiriiray qorshihiisa ku aaddan soo saarista shidaalka Maraykanka. – ‘Kali-taliye aan doorasho lahayn’ – Xiisadda ayaa cirka isku shareertay inkasta oo Trump uu dhowaan dib u dejiyay hadalladii adkaa ee uu Zelensky ka sheegay, isagoo toddobaadkii hore ku tilmaamay “kali-taliye aan doorasho lahayn,” kuna eedeeyay Ukraine inay sabab u tahay duullaanka Ruushka ee billaabmay bishii Febraayo 2022, isaga oo sidoo kale adeegsaday dooddo Kremlin-ku adeegsado oo la xiriira dagaalka. “Waxaan u hayaa xushmad badan,” ayuu Trump Khamiistii ku sheegay shir jaraa’id uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer. “Waxaan rajeynayaa in aan si wanaagsan u wada shaqeyn doono.” Trump, oo ah maalqabeen ganacsade ah, ayaa ku adkaysanaya in heshiiska macdanta uu lagama maarmaan u yahay Maraykanka si uu dib ugu helo balaayiin doollar oo uu Ukraine u siiyay gargaar militari iyo taageero kale. Zelensky ayaa kahor booqashadiisa Washington sheegay in saraakiisha Maraykanka iyo Ukraine ay ka wadahadli doonaan dammaanadaha amni ee Kyiv iyo qaddarka dhaqaalaha ku lug leh heshiiska. Hase yeeshee, Trump — oo toddobaadkan sheegay inuu aamisan yahay in Putin “ballantiisa ka *****n doono” haddii xabbad-joojin la gaaro, isla markaana si isdaba joog ah u muujiyay ixtiraam uu u hayo hoggaamiyaha Ruushka — ayaa ka gaabsaday inuu ballanqaado dammaanado amni. Britain iyo Faransiiska ayaa labaduba soo jeediyay in nabad-ilaaliyeyaal loo diro Ukraine haddii heshiis la gaaro, balse waxay ku adkeysteen in ay tahay in Maraykanku bixiyo dammaanad dhab ah oo ay ka mid yihiin sirdoonka Maraykanka iyo suurtagalnimada in ciidamo cirka ah la geeyo. Putin iyo Trump ayaa shaaciyay in ay isku afgarteen inay si fool ka fool ah u kulmaan kaddib wada-hadalkoodii khadka telefoonka ee dhacay 12-kii Febraayo, balse weli ma aysan cayimin waqti rasmi ah oo ay kulmi doonaan. In kasta oo xiisadda u dhaxaysa Moscow iyo Washington ay hoos u dhacday, haddana weerarrada Ruushka ee Ukraine way sii socdaan. Maalintii Jimcaha, ciidamada dhulka ee Ruushka ayaa weerarro ka bilaabay xadka Ukraine ee gobolka Kursk, meel u dhow deegaanno ay ciidamada Ukraine dib u qabsadeen xagaagii hore, sida ay Kyiv sheegtay Jimcaha.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda ayaa booqday dhawaacyada askar ka tirsan ciidamada qaranka iyo geesiyaasha macawisleyda oo ku jira isbitaallada magaalada Muqdisho. Agaasime Sanbaloolshe ayaa mid mid u booqday bukannada, isagoo Alle uga barayay inuu caafimaad deg deg ah siiyo geesiyaddan ku soo dhaawacmay dagaalka ka dhan ah khawaarijta ee ka socda HirShabeelle. Agaasimaha NISA ayaa ciidamada deegaanka iyo kuwa Qaranka ee dhaawacyadu soo gaareen u balan qaaday in dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan tahay sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhameystiran. Sidoo kale, wuxuu Sanbaloolshe dhaawacyada uu booqday u balan qaaday in qofkii dalka wax looga qaban waayo dalka dibadiisa loogu qaadi doono daryeel caafimaad. Sanbaloolshe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furimaha dagaalka ee HirShabeelle ayaa door muuqda ku lahaa dagaalka tooska ah ee Khawaarijta. Ciidamada uu caawa Sanbaloolshe ku booqday isbitaallada Muqdisho ayaa ku soo dhaawacmay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, halkaas oo dagaaladii ugu cuslaa ay ka dhaceen toddobaadkaan dhamaaday. Kooxda Al-Shabaab oo soo laba kacleysay ayaa toddobaadkaan weerarradii ugu cuslaa ku soo qaaday deegaanada HirShabeelle, taasi oo sababtay in saraakiil badan ay iska xaadiriyaan furimaha oo markale dagaalka dhexda loo xirto. Al-Shabaab ayaa ku guul dareystay in hal deegaan ay dib uga qabsadaan HirShabeelle, kadib weerarro ay ku soo qaadeen in ka badan 10 deegaano iyo degmooyin muhiim ah isugu jiray, waxaana meel kasta lagu gaarsiiyey jab iyo burbur aysan badan, goobaha qaar weli waxaa yaalla meydadkooda.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, isagoo sheegay in hadda uu bilowday wajiga 3-aad ee dagaalka. Howlgalkaan oo loogu magac daray Hillaac ayuu Saciid Deni sheegay in guulo waaweyn laga gaaray, kaddib markii labadii waji ee hore ee dagaalka ay ciidamada Puntland muujiyeen karti iyo adkeysi aan horay u jirin. “Wajiga 3-aad ee howlgalka waxaan saraakiisha farayaa in berri laga bilaabo uu halkiisa ka sii socdo, waa soconayaa bisha Ramadaan iyo bilaha ka dambeeya, ilaa inta kan ugu dambeeya ee Daacish aan dileyno ama qabaneyno,” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Afar dowladood oo howlgalkaan ku gacan siiyey ayuu Saciid Deni u mahadceliyey, kuwaas oo kala ah Mareykanka, Imaaraadka, Kenya iyo Itoobiya, isagoo sheegay in weli ay u baahan yihiin garabsiin xoog leh. Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in muddo 7 cisho ah ay u qabanayaan kooxo uu sheegay inay la shaqeeyaan Daacish. “Waxaan fariin u dirayaa dadka la shaqeeya Daacish, kuwaas oo ku soo dhaweeya magaalooyinka, guryahana u kireeya, waxaa ku jira ganacsato, anagoo ilaalineyna mustaqbalka dadkeena, waxaan fursad siineynaa 7 cisho qof kasta oo la shaqeeya Daacish, si qaladaadkooda ay u saxaan, ilaaheybaa ma qaldame ah, waa qaldameen inay ka towbad keenaan ayaana u siinay fursadaan,” ayuu yiri Deni. Sidoo kale Deni wuxuu xaqiijiyey in Puntland ay qabsatay warshadihii samey jiray hubka ay ku dagaalanto kooxda Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan gantaalo la qorsheynayey in Puntland oo dhan lagu gaarco laguna burburiyo magaalooyinka muhiimka ah, si Daacish ay ula wareegto xukunka. “Cadowga Daacish, kii toddobadaas maalmood isku soo dhiibaya, kii naga tegaya oo dalkiisa ku laabanaya, waxaan siineynaa fursad, waxaan ognahay in carruur iyo xaasas ay ku jiraan, ma dooneyno inaan maras leyno, isku soo dhiiba dowladda Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni. Hoos ka Daawo
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu horeyn, Wasaaradda Awqaafta ayaa iclaamisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, iyadoo madaxda qarankana ay soo saareen hambalyo iyo dardaaran bulsho. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Mukhtaar Roobow Cali oo garbihiisa ay taagan yihiin qaar ka mid ah madaxda wasaaradda iyo culumada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in Berri ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan. Wasiirka iyo Culimada oo caawa tegay xarunta Warbaahinta Qaranka ayaa ku dhawaaqay in Bishii laga arkay Magaalooyin badan oo dalka ah, sidaas darteedna ay berri oo Sabti ah tahay maalinta koowaad ee Ramadaan. Intaas kadib, madaxda Qaranka ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u dirtay Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka. Madaxweyne Xasan Sheekh, guddoonka BFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Booliska, iyo masuuliyiin kale ayaa hambalyo ku aaddan currashada Bisha Barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan. Madaxweynaha ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku soomaya furimaha dagaalka ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Bisha Ramadaan ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojiyo midnimada, walaalnimada iyo isu naxariisashada bulshada. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay garab istaagaan, ayna caawiyaan dadka danyarta ah iyo kuwa jilicsan. Waa waajib ina saaran in aynu taageerno dadka baahan, gaar ahaan waayeelka, agoonta, iyo dadka dhibaateysan, waxaan idin xasuusinaya in loo baahanyahay xoojinta nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo la-shaqaynta hey’adaha amniga, kana fogaanno wax kasta oo carqalad ku noqon kara xasilloonida dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Hoos ka daawo hadalka Xasan Sheekh
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horreysay si faah-faahsan uga hadashay heshiis deked ganacsi oo dhex mari kara Itoobiya, kaasi oo ay Itoobiya u isticmaali doonto si la mid ah sida ay Jabuuti u adeegsato. Inkasta oo weli si rasmi ah loo go’aamin dekedda ay Itoobiya adeegsan doonto, haddana dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay goobaha suurta-galka ah ee ay Itoobiya ka heli karto deked ganacsiyeed. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Cali Balcad, ayaa sheegay in dekedda ay Itoobiya adeegsan doonto ay ku taallo Badweynta Hindiya, taasoo meesha ka saareysa Gacanka Cadmeed, oo ay ku yaallaan Saylac iyo dekeddaha kale ee maamulka Somaliland. Waxa uu tilmaamay inay noqon karto dekedda Itoobiya lagula heshiinayo isticmaalkeeda mid ku taalla laga soo bilaabo Garacad illaa Kismaayo, halkaas oo ay ku yaallaan illaa toddobo dekedood oo u baahan maalgelin iyo dayactir. Yaa maalgelinaya dhismaha dekedda? Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Itoobiya aysan maalgelin doonin dhismaha dekedda ay adeegsaneyso, balse ay Soomaaliya iyo maalgashayaal caalami ah iska kaashan doonaan maalgelinteeda. “Dekedda annaga ayaa dhisan doona anagoo kaashanayna cid na maalgelisa, iyagu (Itoobiya) wax shaqo ah kuma yeelan doonaan. Laakiin meesha ku habboon suuqooda iyo isticmaalka Itoobiya waa mid ka mid ah waxyaabaha farsamo ee laga wada hadli doono,” ayuu yiri Cali Balcad. Waxa uu intaas kusii daray: “Haddii aan Itoobiya heshiis la galno, waxaan heli karnaa maalgelin aan ku dhisno dekeddo waaweyn. Weliba dekedda waxaa ka muhiimsan jidadka waaweyn ee ka baxaya. Adduunyadu maanta waxay usoo jeeddaa in la maalgeliyo isku xirka dalalka.” Wuxuu tilmaamay inay jiraan shirkado iyo dalal daneynaya dhismaha dekeddan. “Haddii qofka ogyahay in suuq Soomaaliya ka weyn uu u baahan yahay deked iyo waddo, shirkado iyo dalal maalgeli kara ayaa heli doona fursaddaas,” ayuu raaciyay. Goorma ayaa la gaarayaa heshiiska dekedda? Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la filayaa inay bisha Juun gaaraan heshiis la xiriira dekedda ay Itoobiya ka adeegsaneyso, kaas oo illaa hadda aan si rasmi ah loo shaacin qodobadiisa marka laga reebo in uu yahay heshiis ganacsiyeed. Wasiiru-dowlaha ayaa xaqiijiyay in ay harsan yihiin illaa afar kulan, kadibna ay labada dal soo gaba-gabeyn doonaan wada-hadallada, kuwaas oo ka bilowday Ankara, una sii gudbay Addis Ababa iyo Muqdisho. Gaba-gabada wada-hadallada labada dal ayaa lagu go’aamin doonaa habka ay Itoobiya ku heli doonto deked ay ganacsigeeda u adeegsato, iyadoo dowladda Soomaaliya meesha ka saartay suurta-galnimada in dhul-badeed la siiyo Addis Ababa. “Wada-hadallada labada dal waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo afar shir kadib, oo dhici doona bisha Juun, taas oo lagu go’aamin doono dekedda iyo nooca maalgelin ee loo baahan yahay,” ayuu yiri Cali Balcad.
-
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee XFS Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa heshiis iskaashi oo ku saabsan ka faa’iideysiga Saliidda iyo Gaaska la saxiixday Wasiirka Tamarta ee dalka Azerbaijan Mudane Parviz Shahbazov. Qoraal uu soo saaray Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire ayaa waxa uu ku yiri, “Waxaan ku faraxsanahay inaan heshiis is-faham la saxiixday H.E. Parviz Shahbazov, Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan, si loo xoojiyo iskaashiga qeybta saliidda & gaaska. Iskaashiga labada dal ayaa astaan u ah tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo shidaalka & Gaaska Soomaaliya, iyadoo laga faa’iideysanayo khibradda Azerbaijan.” Source: goobjoog.com